25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Muxuu heshiiskii doorashada 2020 la leeyahay cidda leh dhaarinta xildhibaannada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodo xoog leh iyo heshiisyadii doorashada dib loo akhriyo ayaa ka dhalatay go’aankii ay Axmed Qoor qoor iyo Cabdicasiis Laftagareen uga hor yimaadeen jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas lagu cadeeyey qorshaha soo xareynta xildhibaanada cusub.

Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa jadwalkiisa ku cadeeyey waqtiga  dhammeystirka doorashada, shahaado-siinta xildhibaannada cusub iyo dhaarinta dhamaan xubnaha labada Aqalka ee baarlamaanka oo la qorsheeyey inay dhacdo 14-ka bisha soocota ee April. 

Sidoo kale xafladda dhaarinta xildhibaanada waxaa qabana xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida ku cad jadwalka guddiga heer federaal.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay ka hor yimaadeen jawdalka guddiga, iyagoo ku dooday in jadwaalkaas aan laga talo-gelin, sidoo kale waxay sheegeen in Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga doorashada midkoodna uusan awood u laheyn howsha soo xareynta iyo dhaarinta baarlamaanka.

Qodobka 6-aad ee heshiiskii laga gaaray doorashada waxuu dhigayaa, Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.”

Qodobka 14-aad ee heshiiskaas ayaa qoraya, “Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.”

Sidoo kale qodobka 18-aad ee heshiiskaas oo bishii October ay Muqdisho ku saxiixeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal,” balse intaas waxaa hadda diidan Qoor Qoor iyo Laftagareen.

Falanqeeyayaasha isha ku haya siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya waxay qabaan in diidmada Jadwalka ee labadaas madaxweyne goboleed ay salka ku heyso xurguf ka dhalatay natiijada kuraas lagu doortay Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo guddigu uu horay diiday, guddiga ayaa ku dooday in habraacii saxda ahaan aan loo marin doorashadooda.

Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa cuskaday in aysan aqbali doonin wax aysan ku heshiin xubnaha golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, balse waxaa la aaminsan yahay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in guddiga doorashooyinka heer federaal uusan awood u yeelan in xubnaha dooran qaar ay ka reebaan baarlamaanka.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA LAGU DHISAY GUDDIGA FEIT iyo waajibaadkiisa:

Qaab-dhismeedka Guddiga:

1. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021, waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhex-dooranayaan Guddomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad ah (50%+1) ee xubnaha guud ee guddiga.

2. Shirarka Guddigu waxay ku qabsoomayaan saddex meelood labo meel ee tirade guud ee Guddiga.

3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Xilalka iyo Waajibaadka Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/20211. Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021.2. Guddigu wuxuu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka Doorashada dalku u dhacayso.3. Guddigu wuxuu dajinayaa miisaaniyadda doorashada wuxuuna u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4. Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannanka doorashada ee 2020/2021. Sidaa daraaded, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016ka.

5. Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha xubnaha ka ah DF.

6. Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.

7. Guddigu waxay shaqaaleysiinayaan howlwadeenada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga.

8. Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada.

9. Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaa waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada.

10. Guddigu wuxuu kormeerayaa, tababarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannanka doorashada ee la isku raacay.

11. Guddigu wuxuu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct).

12. Guddigu waxa uu dhiiri-gelinayaa haweenka in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka.

13. Guddigu waxa uu ogolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba.

14. Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.

15. Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dhammaan natiijooyinka doorashada ee Labada Aqal oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinimada baarlamaanka Federalka.

16. Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira.

17. Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada.

18. Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal.

Mareykanka oo kordhiyey mas’uuliyiinta Soomaalida ee xayiraada lagu soo rogay

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Sidoo horeba, Blinken ma shaacin shaqsiyaadka cusub ee lagu daray liiska xayiraadaha. Waxaa la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay is ogaan doonaan kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah. 

Blinken waxa uu sheegay in inkasta oo uu dhiiri-gelinayo horumarka la sameeyey dhowrkii toddobaad ee tegay, haddana weli ay jiraan tobaneeyo kuraas oo baarlaman oo aan la buuxin. 

“Waxaa jira warbixino la isku haleyn karo oo ku saabsan khaladaad dhanka hanaanka ah. Suxufiyiin ama xubno xisbiyada mucaaradka ka mid ah oo ka shaqeynaya taageeridda hay’adaha dimoqraadiga iyo hanaan daah-duran oo lala beegsaday cagajugleyn, cabsi gelin, xarig iyo rabshado,” ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta ku-daris dheeri ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo hababka kale ee ay heli karaan, si ay sare ugu qaadaan la-xisaabtanka iyo taageerida dhameystir deg deg ah oo lagu sameeyo hanaanka doorashada Soomaaliya, ayada oo loo marayo hab la sku haleyn karo oo daah-furan. 

“Dowladda Mareykanka waxay si xooggan u taageereysaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay ka shaqeyso sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada laba dhinac,” ayuu yiri. 

Ruushka oo shaaciyey inaan la cafin doonin erayadii uu Biden ku calaameeyey Putin

Moscow (Caasimada Online) – Erayadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku qeexay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ahaa “dambiile dagaal” sababo la xiriira howlgalka militari ee Ukraine waa “mid aan la aqbali karin lana cafin doonin,” waxaa sidaas sheegay Kremlin-ka.

Biden ayaa Putin ku calaameeyey “dambiile dagaal” Arbacadii kadib markii uu daawaday muuqaallo argagax leh oo laga soo duubay duulaanka Ukraine.

Waxa ay aheyd markii ugu horreysay ee Biden uu weedhaas ku calaameyo Putin, waxaana madaxweynaha Mareykanka uu sii kordhiyey weerarkiisa isaga oo twitter-ka soo dhigay in Putin “uu argagax iyo burbur ka wado Ukraine isaga oo duqeynaya dhismooyin shacab iyo isbitaallada ay haweenku ku umulaan.”

Kremlin-ka ayaa jawaab caro leh ka bixiyey ereyada madaxweynaha Mareykanka. 

“Waxaan aaminsannahay in oraahda noocaas ah ay tahay mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin oo ka timid madaxweyne dal, oo bambooyinkiisa ay dileen boqolaal kun oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala sugan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Putin Dmitry Peskov. 

Putin ayaa saddex toddobaad kahor duulaan baaxad weyn ku qaaday Ukraine, isaga oo sheegay in Russia ay dooneyso inay hubka ka dhigto militariga Ukraine, islamarkaana riddo dowladda ay Reer Galbeedka taageeraan.

Ayada oo inta badan ciidamada Ruushka ay hakiyeen kuwa Ukraine, Moscow ayaa u weecatay inay kordhiso duqeymaha goobaha shacabka, taasi oo qasabtay in saddex milyan oo qof oo reer Ukraine ah ay qaxaan.   

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Arbacadii hab fogaan arag ah khudbad ugu jeediyey Congress-ka Mareykanka, wuxuuna ka codsaday inay dalkiisa caawiyaan.

Biden ayaa saacado kadib ku dhowaaqay 800 oo milyan oo dollar oo dheeraad ah oo gargaar ahaan loos iinayo Kyiv, oo ay ku jiraan hub cusub oo noocyo kala duwan ah.

Sawirro: Muuse Biixi oo la kulmay xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo ku guda jira safarkoodi Maraykanka maalintii Afraad ayaa shalay la kulmay xildhibaano ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Muuse Biixi ayaa la kulmay Senator Chris van Hollen oo ah Gudoomiyaha Guddi hoosaadka, Guddida Arrimaha Dibeeda ee Senate-ka u qaabilsan Afrika iyo Adam Smith, ahna gudoomiyaha Guddida Adeega Ciidamada ee Golaha Wakiiladda Maraykanka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Congress-ka ee Capitol Hill, waxaa Muuse Biixi iyo weftigiisa qado sharaf ugu sameeyey Senator Chris van Hollen oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta la-macaamilka Mareykanka ee ku wajahan Somaliland.

Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa Capitol Hill kula kulmay xidhibaan Adam Smith, waxaanu xildhibaanka ku qaabiley weftiga madaxweynaha xafiiskiisa, iyadoo kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Somaliland, gaar ahaan dhinaca amniga mandaqada Geeska Afrika iyo gaar ahaan iskaashiga amniga Somaliland iyo Maraykanka.

Muse Biixi oo ay Mareykanka ku casuuntay hay’adda Heritage Foundation ayaa dadaal ugu jiro in xubnaha Congress-ka Mareykanka ay cadaadis saaraan sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.

Somaliland ayaa kireysatay qaar ka mid ah shirkadaha sameeya ololaha siyaasadeed ee loo yaqaan lobby, si ay ula kulansiiyaan xubnaha Congress-ka ugana dhaadhiciyaan inay taageeraan.

Balse dowladda madaxweyne Biden ayaa ku adkeysatay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, kulana macaamileyso siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya.

“Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Soomaaliya,” waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika Molly Phee.

 

Ciidamada PUNTLAND oo howlgal culus iyo duqeymo ka fuliyey buuraha Galgala

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ballaaran oo ciidamada difaaca Puntland ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday deegaanada Dhagax-dhaabur iyo Habar-hagoogan ee Silsiladda Golis ,gaar ahaan Galgala sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Ciidamada ayaa goobahaasi ku qaaday duqeymo iyo weeraro toos ah oo ay ku beegsadeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Saraakiisha ciidamada ee horkacayey howlgalkaas ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, aynka kala wareegeen saldhiyo ku yaal halkaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla-markaana ujeedka uu yahay sidii looga saari lagaa deegaanka.

Ma jiro dhanka kale illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran Puntland.

Xaaladda deegaanada lagu dagaalamay ayaad haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada ka socda buuraleyda gobolka Bari.

Ciidanka Danab oo qabtay gaari siday qaraxyo culus

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgallada ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey deegaanada Gabdhoole iyo Beerxaani oo qiyaasti 40 KM u jira  caasimada KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari Pro Box ah oo lagu raray waxyaabaha qarxa, isla-markaana ay toogteen wadihii gaariga, inta uu socday howlgalka lagu fashiliyey weerarkaas qaraxa ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay soo saaraan illaa saddex miino oo lagu aasay halkaasi, ayna toogasho ku dileen laba nin oo Al-Shabaab u qaabilsanaa aasida qaraxyda.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku sugan yihiin deegaano duleedka ka ah magaallo xeebeedka Kismaayo.

Gobollada Jubbooyinka oo dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraro culus kasoo abaabula halkaasi.

Beesha Cumar Maxamuud oo soo saartay digniin culus kana hor-timid tallaabo uu qaaday Deni

0

Garowe (Caasimada Online) – Isimada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen ayaa soo saaray qoraal ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, iyagoo sheegay in faro-gelin qaawan uu ku hayo doorashada labo kursi oo beeshaas ay ku leedahay golaha shacabka.

War-saxaafadeedka beesha oo ka kooban 7-qodob waxaa lagu sheegay in Saciid Deni uu soo xareystay xubno aan aheyn ergadii ay beeshu u xulatay doorashada kuraasta kala ah HOP#198 iyo HOP#199.

Shir 9-kii Janaayo 2022 ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay qoraalkaan in beesha Cumar Maxamuud ay ku qeybsatay ergada loogu tala galay inay soo doorato kuraastaas, iyadoo odayaasha iyo isimada beesha ay Garowe kula kulmeen Madaxweyne Deni si ay ula wadaagaan heshiiska ay beeshu ka gaartay doorashada kuraastaas.

Hase yeshee waxay sheegeen in Deni uu baalmaray heshiiskii beesha, isla markaana uu suuqa kazoo qortay ergo aan aheyn tii ay iska soo xuleen jufooyinka hoose ee beesha Cumar Maxamuud, xilli maanta ay guddiga doorashada Puntland shaaciyeen liiska ergada iyo xubnaha bulshada rayidka ee loo soo xulay inay doortaan kuraasta HOP#198 iyo HOP#199.

“Isimada beesha Cumar Maxamuud waxay go’aamiyeen in musharaxiinta beeshu aysan ka qeyb gelin xulashada socota eek u saleysan boobka, lana aqbali doonin cidii ku soo baxda fowdada hadda socota,” ayaa lagu yiri bayaanka caawa ka soo baxay beesha.

Sidoo kale beesha ayaa ka digtay qalalaase amni oo ka dhalan kara boobka ay sheegeen in lagu hayo kuraastaas, iyagoo cadeeyey in masuuliyada dhibkii ka dhasha uu qaadi doono Madaxweyne Deni.

“Beesha Cumar Maxamuud waxay ka digeysaa qalalaase ka dhashay boobka kuraasta HOP#198 iyo HOP#199, kaas oo wax yeeli kara amniga Puntland, beeshu waxay cadeyneysaa in dhibkii ka dhashay boobka kuraastaas uu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni,” ayaa lagu yiri bayaanka beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran

Indha-qarshe: Farmaajo wuxuu keenay 3 arrin oo ciidanku ka dhismi la’yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa soo bandhigay 3-caqabadood oo waaweyn oo ciidanka Soomaaliya uu ka dhismi la’yahay, kuwaas oo nidaamka Farmaajo uu la yimid, sida uu sheegay.

“Nabad iyo Nolol markii ay timid waxaa is bedelay nidaamkii dhismaha ciidanka Soomaaliya, seddax qodob oo sii dumineysa rajada dhismaha ciidanka Soomaaliyey ayey la timid,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe oo tiriyey caqabadahaas.

Qodobka koowaad: Ugu horeyn waxuu sheegay in Farmaajo uu ku shaqeeyo qorshe ah in ciidanka ay soo qoraan wadaado iyo odayaal dhaqan, isla markaana askariga lagu qoro heybtiisa.

“Wadaado ku heyb ah iyo kaabo qabiilo hadii ay soo qoraan askarigaas waxuu aaminayaa odaygii soo qoray ee ciidanka ku soo darsaday, wax wadaniyad iyo dal jaceyl ah soo geli maayaan, maadaama uusan marin wax imtixaana oo adeerkiis uu keensaday meesha, wadadii qaranimo arki maayo, oo wadadii qabiilka ayuu qaadayaa askarigu,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Qodobka labaad: Waxuu sheegay intii Farmaajo uu xukunka joogay in shir ka dhacay London – Ingiriiska lagu go’aamiyey in nidaamkii hore laga leexiyo dhismaha ciidanka qaranka oo awooda wax laga siiyo dowlad goboleedyada.

“Heshiiskaas waxuu dhigayaa in ciidanka jooga deegaanada dowlad goboleedyada aan taliyaashooda la bedeli karin ama la magacaabi karin, iyadoo aan ogolaansho laga heysan madaxweynaha maamulkaas, mar labaad ayuu ciidankii ku laabtay gacanta qabiilka, maadaama Taliyaha ciidanka uusan wax awood ah u laheyn, inuu ciidanka u bedelo deegaan kale oo ciidankii xuduud ayuu yeeshay,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Qodobka seddaxaad: “Waxaa dhici jirtay mararka qaar in 3-nin oo walaalo ah ay jagooyin waaweyn ka hayaan ciidanka, maanta taasi ma jirto, hadii aad sarkaal bedeleyso waxaa lagu leeyahay nin qabiilkiisa ah oo lagu bedalo raadi, laakiin ciidanku reer hebel kuma shaqeeyo, waa inaad hesho nin kartida jagada loo magacaabaayo leh,” ayuu yiri.

Jeneraal Indhaqarshe oo ugu yaraan laba jeer soo noqday Taliyaha ciidanka xoogga dalka waxa uu sheegay dhibaato ugu weyn ee heysata ciidanka Soomaaliya inay tahay in sarkaalkii la bedalo booskiisa loo raadiyo sarkaal ku qabiil ah.

“Aad ayaan ula yaabi jiray arrintaan, marar badan ayaan madaxdii kala dambeysay kala hadlay, Farmaajo dhowr jeer ayaan kala murmay, waxaan u soo jeedi jiray in ciidanka sidaan laga daayo, waxaan xasuustaa habeen aan ku iri Farmaajo, mawaxaa aaminsan tahay in wadaadka iyo kaaba qabiilka ciidanka soo qoraya ay naga wadanisan yihiin?” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Indhaqarshe waxuu ka deyriyey nidaamka loo maray dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo hanaanka loo maamulo, isagoo tusaale u soo qaatay ciidankii Abriil 2021-kii ka hor yimid mudo kororsiga iyo kii difaacay ee Muqdisho ku dhex dagaalamay.

“Taasoo kale waligeed ma dhicin, waxaana u sabab ah qaabkii loo qoray ciidanka, askari adeerkiis soo qortay, isaga ayuu aaminsan yahay ee malahan aaminaad iyo wadaniyad qaran ee qabiil ayuu aaminsan yahay, dhibka ugu weyn ee Soomaaliya heysta waa Al-Shabaab, waxaa la rabay in ciidanku uu la diriro, sidoo kale waxaa la rabay in askariga loo bedali karo meeshii la doono, laakiin awoodaas waa lumiyey Taliyuhu,” ayuu yiri Jeneraal Daahir Indhaqarshe.

Mareykanka oo taageeray go’aanka gudiga doorashada heer federaal iyo ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ayiday jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal.

Sida ku cad jadwalka Guddiga FEIT 16-ka bishaan illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa niyad wanaag ka muujisay fulista jadwalkaan cusub ee soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad iyo dhaarintooda, kaasi oo ay ka hor-yimaadeen dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ayagu soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxa qoraalka Safaarada Mareykanka ee lagu taageeray jadwalkaan cusub ayaa waxaa lagu sheegay in dhaarinta kadib la kulmi doonaan xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan rajaynaynaa in aan la kulano Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya kaddib markii la dhaariyo 14-ka April, weliba xilli ku habboon,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo lasoo dhigay twitter-ka.

Shalay unbey aheyd markii ay Safaarada Mareykanka sheegtay inay garowsan tahay in dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ku dhameystireen doorashada Golaha Shacabka waqtigii loo igmaday, ayada oo nasiib darro ku tilmaamtay in Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ay seegeen waqti kale oo muhiim ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka beesha caalamka ee sida dhow isha ugu haya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo dhameystirka doorashada Golaha Shacabka oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

Si kastaba, sida uu qorshuhu yahay 14-ka Abriil xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa qabanaya xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad.

Musharaxiinta oo taageeray go’aanka gudiga FEIT, digniin culusna u diray maamulada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u taageeray jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal, waxayna maamulada uga digeen fara-gelinta ay ku hayaan arrimaha doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in dib u dhaca iyo daahitaanka sanad ka badan ee doorashooyinka dalka ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaada sharciyada iyo weliba jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhaweynayaa jadwalka dhameystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT),” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa ka digay fara-gelinta maamulada ee dhameystirka doorashooyinka dalka, ayaga oo cadeeyay in kaalinta dowlad goboleedyada ay ku eg-tahay fududeynta doorashootinka ee deeganadooda.

“Golaha wuxuu adkeynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhameystirka hawlaha doorashooyinka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo beesha caalamka inay gacan ku siiyaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carqaladeynta dhameystirka hawlaha doorashada.

Sida ku cad jadwalka Guddiga FEIT 16-ka bishaan illaa 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey in lasoo uruuriyo dukumintiyada xildhibaanada alabada Aqalka ee baarlamaanka, iyadoo 24-ka ilaa 29-ka la qorsheeyey in la hubiyo dukumintiyadaas.

Jadwalkaan cusub ee uu soo saaray Guddiga FEIT ayaa waxaa ka horyimid dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ku tilmaamay sharci daro, islamarkaana uu guddiga doorashooyinka heer federaal uusan awood u laheyn arrintaan.

Halkee ayaa lagu qabanayaa doorashada kuraasta Gedo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyey in muddo labo toddobaad gudahood ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi ee u danbeysa kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaas ayaa ah kuwa u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, balse warqadda guddiga meelna loogama xusin goobta lagu qaban doono kuraastan.

Kuraastaan ayaa muddaba waxaa ka taagnaa muran u dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo, waxaana hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastan.

Waxaa jira warar aad la’isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay ahayn, waxaana si gaar ah loo qeexay Ceelwaaq.

Guddiga doorashooyinka heer federal oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan khilaafkan ku aaddan goobta lagu qabanyo kuraasta Gedo.

Dhinaca kale maamulka gobolka Gedo ayaa shaacintii 16-ka kursi ka dib dhankooda sheegay in ay qabanayaan dhammaan doorashada 43-da Xildhibaan ee matalaya Jubbaland kuna qabanayaan magaalada Garbahaarray iyagoo sheegay in maamulka Juballand ee Axmed Madoobe uu hoggaamiyo uu ku guuladarraystay qabashada doorasho hufan.

Doorashadan ayuu maamulka Gedo sheegay in lagu qabanayo Garbahaarray “si waafaqsan heshiiskii doorashada ee 17-kii September”.

Doorashada Soomaaliya oo dhowr jeer dib u dhacday oo haatan lagu waday in la soo gebogabeeyo 15-kii bishaan Maarso ee aynu jirno ayaa waxyaabaha ragaadiyey waxaa ka mid ah khilaafka ka taagan kuraasta taal magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

Doorasho ma ka dhici kartaa gobolka Gedo?

Illaa hadda waxaa la doortay inta badan kuraasta labada aqal ee baarlamaanka, waxaana dhiman tiro aad u yar.

Si loo dardargeliyo doorashada, waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xildhibaannada Golaha Shacabka, hasayeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Degmada keliya ee ay Jubbaland gacanta ugu hayso ayaa ah magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada AMISOM ee Kenya ka socda.

Odayaasha dhaqanka Gedo iyo waxa ay kala kulmeen R/W Rooble

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ayaa mar sii horeysay oo la kulmay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa ay kala hadleen arrimo khuseeya gobolkaas, oo ay ka mid yihiin abaaraha gobolkaasi halakeeyay, duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku eedeeyeen dowladda Kenya iyo arrimaha doorashada.

Labada dhinac waxa ay si gaar ah diiradda u saareen arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaareey ee uu ka taagan yahay khilaafka xooggan.

Nabadoon Cabdinaasir Maxamed Sheekh Faantooy oo kamid ah cuqaasha la kulantay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen iskuna afgarteen in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey.

“Waxaan isku afgarannay in Garbahaarey lagu qabto doorashada, markaan ra’iisul wasaaraha ugu tagnayna waxa uu yiri waan qabanahayaa wayna ka dhacaysaa,” ayuu yiri Nabadoon Cabdinaasir.

Nabadoonku waxa uu intaasi ku daray inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey, maadaama ra’iisul wasaaraha oo mas’uul ka ah doorashada uu u ballanqaaday in doorashada la qaban doono.

Jubaland oo ku doodaysa in doorasho aanay ka dhici karin Garbahaarey

Maamulka Jubaland ayaa ku doodaya in Garbahaareey aanay doorasho ka dhici karin, maadama ay gacanta ugu jirto ciidamada federaalka.

Hadalkan ayaa waxa uu ka soo baxay kulan la sheegay in magaalada Kismaayo uu ka socday 12-kii iyo 13-kii bishan Febraayo markaas oo isugu yimaadeen mas’uuliyiinta golaha fulinta iyo kan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland.

Shirkaas oo uu gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa waxa ay madaxdu isla garteen in doorashada aanan lagu qaban karin Garbahaarey maadaama sida ay sheegeen ay tahay “deegaan doorashada kaliya ee aan lahayn maamul ku dhisan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka kulankaas ka soo baxay ayaa lagu sheegay in “marka la eego baaxadda iyo mugga caqabadaha ku xusan war-saxaafadeedka [ay soo saareen], ay u muuqato in xallintooda u baahan tahay waqti dheer oo ka badan kan hadda la haysto.”

Maamulka Gedo oo ku adkaysanaya in doorashada ay Garbahaarey ka dhacayso

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed, oo BBCda u warramay ayaa gaashaanka u daruuray hadalka ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland, isagoo sheegay in Garbahaarey ay u diyaarsan tahay doorashada inay ka dhacdo.

Mar uu ka jawaabayay bayaalka Jubaland waxa uu yiri “Hadalkaas waxaan u aragnaa mid waqtigiisa aanan gaarin, oo ay soo saareen niman waxa Jubaland ka jira xog ogaal u ah oo indhaha iskatiraya, sharcigana baal marsan baan aaminsanahay inay yihiin.”

Guddoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.

Axmed Buulle ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.

Sida ay illaa hadda wax u socdaan

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka muddada u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay horay ugu andacoodeen in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmooyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrintani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Wiil Soomaali ah oo walaalkiis ku dilay dalka Mareykanka

Columbus (Caasimada Online) – Booliska magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil Soomaali ah uu walaalkiis ku dilay waqooyiga magaaladaas, Subaxii Isniinta.  

Booliska ayaa sheegay in abaare 11:36am looga wacay guriga ku yaalla waddada Lepage Court, halkaasi oo la sheegay in qof lagu tooreeyey.

Booliiska ayaa sheegay in Sakariya Hirad oo 20 jir ah uu mindiyeeyey walaalkiis Mohamed Hirad oo 22 jir ahaa, kaasi oo loo qaaday isbitalka, balse lagu dhowaaqay inuu dhintay abaare 12:12 pm.

Sakariya ayaa xabsiga la dhigay, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay walaalkiis. Kiiskan iyo sababta dilka ayaa waxaa weli ku socda baaritaan.  

Allah ha u naxaiista dilka Mohamed ayaa argagax geliyey bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus, oo toddobaadyadii tegay ay aad u gilgishay dilka Sheekh caan ka ahaa magaalada oo lagu magacaabay Imaam Maxamed Xasan.

Rabshadaha iyo dilalka dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa aad ugu badan magaalooyinka Columbus iyo Minneapolis ee Mareykanka, Toronto oo Canada ah, iyo London oo UK ah.

Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa cauurtooda kala cararay magaalooyin badan oo ka mid ah Yurub iyo Waqooyiga America, si ay uga badbaadiyaan inay ka leexdaan dariiqa toosan ayaga oo geeya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Turkey iyo Masar.  

Maamul goboleedkii labaad oo ka horyimid tallaabadii guddiga doorashooyinka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa looga hadlay tallaabadii uu qaaday guddiga doorashooyinka ee heer federaalka, kaas oo shaaciyey xilliga la dhaarinayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga uu qaaday tallaabo ka baxsan awooddiisa, isla-markaana kasoo horjeedo heshiisyadii horey looga gaaray doorashada dalka.

“Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka,” ayuu lagu yiri.

Galmudug ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin go’aankaasi iyo wax kasta oo aan kasoo bixin Golaha Wadatashiga Qaran.

“Hadaba, Dowladda Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Galmudug ayaa ka digtay in la carqaladeeyo dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya oo marar badan u dib u dhacay.

“Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hanaanka doorashooyinka” ayaa lagu yiri gabagabadii warsaxaafadeedka.

Waa maamulkii labaad ee ka ku gacan seera jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee ku ku aadanaa xareynta iyo dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka, waxaana Galmudug ka horreeya Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyada oo labada maamul ay ka mid yihiin maamullada sida weyn u taabacsan Villa Soomaaliya.

Khiyaanada ku duugan kacdoon beeleedka cusub ee uu wado FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si toos ah loo guda galay ololaha doorashada Soomaaliya, dib u dhac weyn ayaa hareeyey inuu dalka aado doorasho, wuxuuna dalka doorasho aadayaa iyadoo uusan wax xiriir ah ka dhaxeyn madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Muddo 1-sano iyo bar ah Farmaajo wuxuu si toos ah jihada uga luminayey mucaaradka kasoo horjeeda, maalin walba wuxuu iclaaminayey meel uusan u socon si mucaaradka ugu mashquulaan jidkaas xiran, isna uu danihiisa u qabsado.

Marar badan Farmaajo iyo kooxdiisa waa u shaqeysay aragtidaan been siyaasadeedka ah. Mid kamid ah waxyaabihii ugu yaabka badnaa waa 13-kii Senator ee been abuurka ahaa ee Gobolka Banaadir oo musharixiinta qaar ay ku ambadeen.

In la abuuro xaalad aan dhab aheyn waxay xukunka madaxweyne Farmaajo ka aheyd shantii sano ee lasoo dhaafay mashruuc weyn oo mu’alifiin leh.

Marar badan ayey shaqeysay arrintaan, wuxuu Farmaajo ka faa’iiday waqti dheereysi, in mucaaradka la daaliyo, dhaqaale ahaan loo jabiyo, in maamulada aad u kala fogaadaan iyo in shacabku dooq wareeraan.

Hadda Farmaajo iyo kooxdiisa waxay bilaabeen aragti la rabo in lagu mashquuliyo mucaaradka, gaar ahaan kuwa kasoo jeedo magaalada Muqdisho, laguna abuuro naceyb Beeleed si codadka Koonfur Galbeed ugu qasbanaadaan dhanka Farmaajo.

Arrintaan waa in suuqa la geliyo sheeko ah in guddoomiyaha Golaha Shacabka la siiyo reer Muqdisho.

Inkastoo aysan jirin nooc saami qeybsi ah oo xilalka sare waafaqsan oo ay Soomaalida ku heshiisay ama dastuurka ku qoran, haddana dadka siyaasadda Farmaajo iyo Fahad la socda waxay fahamsan yihiin in ujeedku yahay in mucaaradka kasoo jeeda magaalada Muqdisho inay si xanaf leh u duraan dadka reer Koonfur Galbeed, kadibna la abuuro cadaawad la gelinayo dhallinyarada ku cusub Baarlamaanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, iyadoo loo tusayo in cidda diidan tahay reer Muqdisho.

Dhowr jeer ayey kooxda madaxweyne Farmaajo u martay dabino siyaasadeed oo noocaan ah.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay bilowday doodo shaki gelinaya inuu Farmaajo dib u dhismi karo, doodahaan qaar waxaa wada xildhibaanada ku cusub Baarlamaanka, laakiin si doodaan loo daciifiyo ama suuqa looga saaro waxaa hadda la abuuray dood beeleed oo la rabo in lagu kala dilo Muqdisho iyo Baydhaba.

In siyaasiyiinta kasoo jeedo magaalada Muqdisho dhab u qaataan oo si taban uga falceliyaan ayaa loo arkaa inay Farmaajo u leexin karto xildhibaanada siyaasadda ku cusub oo ay ku adag tahay inay aqriyaan biyo dhaca qorshahaan ayey leeyihiin dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda.

Dadka waaqiciga ah badankood waa fahamsan yihiin inay adag tahay inuu Farmaajo isaga is dhiso oo uu Fahad Yaasiin dhiso oo uu saami qeybsiga dalkana badalo, laakiin ujeedka ugu weyn ee mashruucaan waa in la abuuro caadifad reer Koonfur Galbeed ah oo Farmaajo u soo leexin karta codadka maamulkaas.

Dhinaca kale marka laga istaago, ma jiro qabiil Soomaaliyeed oo 10 Xildhibaan leh oo xataa tobankooda oo mideysan miiska keeni kara, siyaasadda Soomaaliya-na sida hadda sheekada loo dhigayo oo ah beelo heshiinaya uma sameysna.

Dadku waa kala dan, waa kala aragti, waana kala kooxo, balse waxaa la eegayaa sida ay mucaaradka u gartaan dabinkaan cusub.

Illaa 7 qof oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa u sharaxan xilka guddoomiyaha golaha Shacabka, Laftagareen iyo Farmaajo waa la socdaan taas, laakiin ujeedku maahan isbadalka xilalka sare ee waa in la helo dareenka xildhibaanada reer Koonfur Galbeed oo wada Farmaajo ah, lamana yaqaano in taas lagu guuleysan karo waqtigaan.

Ruushka oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne Joe Biden iyo madax kale

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa sheegtay Talaadadii in ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo tobannaan ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ay gelisay liiska ”Stop list” ee ka mamnuucaya inay dalkeeda soo galaan.

Biden ka sokow, saraakiisha Maraykanka ah ee liiskan ku jiray waxaa ka mid ah xoghayaha difaaca Lloyd Austin, madaxa CIA-da William Burns, la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo murashaxa madaxweynenimada Hillary Clinton.

Mamnuuciddan ayaa jawaab u ahayd cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa markii dambe Ra’isul Wasaaraha Canada Trudeau ku dartay liiska shaqsiyaadka la cunaqabateeyey.

Cunaqabateynta Ruuushka ayaa u muuqata mid magacan u yaal ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sheegtay inay sii wadeyso xiriirka rasmiga ah, haddii loo baahdona ay xaqiijineyso in xiriir lala sameeyo dadka liiska ku jira.

Ruushka ayaa haatan wajahaya go’doomin ka dhalatay duulaanka uu ku qaaday waddanka Ukraine, kadib markii ay ciidamadiisa gudaha u galeen dalkaasi.

Dagaalka oo galay todobaadkii afaraad ayaa dhaliyey saameyn xoogan oo laga dareemay caalamka, gaar ahaan qiimaha shidaalka adudunka oo sare u kacay, kadib dagaalkaasi.

Indha-qarshe oo fariin cajiib ah u kala diray Farmaajo iyo xildhibaanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa dardaaran culus u jeediyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale hal fariin ayuu u diray Farmaajo.

Indhaqarshe oo sanadkaan laga reebay liiska baarlamaanka 11-aad ee dalka, kadib markii madaxweynaha Galmudug uu u diiday inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee beeshiisa, ayaa ka codsaday xildhibaanada cusub in Farmaajo iyo kooxdiisa Nabad iyo Nolol aysan dib u soo dooran.

Waxuu sheegay intii Farmaajo uu joogay xukunka, in wixii fiicanaa ee u qabsoomay ay ka badaneyd inta uu ka haleeyey dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Xildhibaanada cusub waxaan lee yahay fadlan hanagu soo celinina Nabad iyo Nolol, shan sano ayey na xukumayeen, wixii xumaa ee dalkaan ay ka sameeyeen, waxay ku qormeysaa Pagekooda, Inta xun oo ay sameeyeen waxay ka badan tahay inta fiican oo ay qabteen,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Sarkaalkaan ayaa tusaale ka sii bixiyey dhaliisha uu u hayo nidaamka Madaxweyne Farmaajo oo sanado ka hor uu ka tirsanaa.

“Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan leeyahay, hadaa maqasho madaxweyne hebel halyey wax-qabad fiican ayuu ahaa, waxaad ogaataa in madaxweynahaas uusan dadka ka caqli badneyn ee waxuu xushay dadka ugu caqliga iyo aqoonta badan bulshada, kadibna go’aanada ayey madaxdu kala tashadaan dadkaas, talada ay keenaan dadkaas wanaagsan, waa guuleysanee, isaga ayaana lagu amaanaa,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Jeneraalku waxuu intaas ku sii daray in dhibaatada maanta Farmaajo heysata, oo isaguba uu marqaati ka yahay ay ka dambeeyaan dadka xun ee bulshada uu ka xushay.

“Shacabka dhan ayey kugu direen, adigaa masuul ah, waxaa mar hore lagaa rabay inaad iska qabato inta aysan dadka kugu dirin, gobolladii aan tegay waa lagaa nacay Farmaajo, aniga waan ku aqaan, waana kula shaqeeyey, sida lagaa aaminayna kaama aaminsani, laakiin dhibaataa kugu dhacday, dad xun ayaa kugu dhareereysan, hadii nasiibku ku saamaxo oo aad soo noqoto, kuwaas iska qabo,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Sidoo kale Xildhibaanada soo baxay sanadkaan ayuu Jeneraal Indhaqarshe kula dardaarmay in aysan fiirin shilimaadka lasii doono, balan qaadyada loo sameeyey iyo dadka kuraasta soo siiyey midna, balse dadka iyo dalka masiirkooda ay bad-baadiyaan oo madax samata bixi karta ay u doortaan hoggaanka.

Koonfur Galbeed oo ku gacan sayrtay Rooble iyo guddiga doorashada, awoodna siisay Mursal

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa looga soo hor jeestay jadwalkii caawa ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas oo lagu cadeeyey waqtiga ugu dambeeya ee la dhaarinayo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay Koonfur Galbeed in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashooyinka federaalka midkoodna uusan wax kaalin ah ku laheyn soo xareynta iyo dhaarinta Xildhibaannada la doortay.

Qoraalkaan uu baahiyey xafiiska Laftagareen waxuu awood siinayaa baarlamaankii 10-aad ee watigu ka dhamaaday, iyadoo laga tusaale qaadanayo baarlamaankii ka horeeyey ee 9-aad.

“Dowladda  Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa in aysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah,” ayaa lagu yiri bayaanka K/Galbeed.

Sidoo kale Koonfur Galbeed waxay sheegtay in kaliya ay aqbalayso jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay,” ayaa lagu yiri qoraalka K/Galbeed.

Sidoo kale maamulkaas waxuu ku doodayaa in waajibaadkaas uu u yaallo baarlamaankii waqtigiisu dhamaaday ee 10-aad.

“Waajibaadkaas waxuu sharcigu siinayaa Barlamaanka 10-aad, sidii dhacday Barlamaankii 9-aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay madaxtooyada maamulka K/Galbeed.

Mareykanka oo shaaciyay arrin ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André ayaa markii u horeeyay sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dalka uu sare u qaaday weerarada ay geystaan Al-Shabaab.

Waxa uu ku eedeeyay madaxda Soomaalida inay ka dambeeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay amni darrada ka jirta dalka, isagoo xusay in midaan ay abuurtay jawi ay kordhiyaan weerarada argagixisada.

“Al-Shabaab way ka xoog badan yihiin sidii hore, waxay leeyihiin dardar waxayna wadaan weerarka. Waxaan aragnay tan sannadkii la soo dhaafay iyadoo qaar badan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay doorteen inay siyaasadda ka hormariyaan sidii Soomaalida looga difaaci lahaa dilalka, baadda iyo dembiyada kale ee kooxdan,” ayuu yiri.

André ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in Al-Shabaab ay ka faa’iideysaneyso loolanka siyaasadeed ee ka taagan dalka, si ay u xoojiso weerarada argagaxisada ah ee ay ka geysaneyso gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda siyaasadeed.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan madaxda Soomaaliya inay dib u cusboonaysiiyaan go’aankooda ku aaddan hoos u dhigista awoodda al-Shabaab ee weerarrada iyo in Soomaaliya laga dhigo meel aad u ammaan badan.”

Hadalka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, ayada oo muddooyinkii dambe ay sii kordheen weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan caasimada dalka, kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen kuwo toos ah oo ay ku qaaday ergada iyo saraakiisha doorashada.

Maxaa laga baran karaa dib u dhaca doorashada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa marar badan dib u dhacday, sabab la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee weli ka jira dalka, waxaana fashil uu ku yimid jadwalkii u dambeeyey oo ahaa in doorashada lagu soo gabagabeeyo 15 March.

Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo ah guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Dal-Dhis ayaa ka hadlay dib u dhacyadan soo laa laabtay ee sababay daaha doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo uu warramay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in doorashada socota ay tahay tii ugu xumeyd, laga soo bilaabo illaa 1969-kii, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanada hadda soo baxay ay yihiin kuwii ugu kalsoonida xumaa.

“Horta doorashadan tii abid u xumeyd weeye ama mid dadban ha noqoto ama mid hal oday wax soo xulay ama tii masuq-maasuqa ee 69-kii ee sababtay dowladdii milatariga inay dalka la wareegto waa tii ugu xumeyd xildhibaanada hadda soo baxay waa kuwii ugu kalsoonida xumaay deegaan doorashada ay ka heystaan,” ayuu yiri Mr. Cadow.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in doorashadan laga baran karo cashar, si looga baaqsado dib u dhaca doorashooyinka imaan doono, isaga oona ku taliyey in dowladda soo socota ay ka shaqeyso in la dhiso maxkamad dastuuri ah, dalkana ay ka saarto doorashada KMG ah.

“Waxyaabaha laga baran karaa waxaa weeye dalkan cidda imaan doonto mar hore waddo sax ah inay qaado afar sano oo maandheetkeeda uu heesto ka hor yacni dalkan maxkamad dastuuri ah in la sameeyo dalkan doorashada KMG ah inuu ka baxo,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaa loo baahan yahay xildhibaanada hadda soo baxay qaabka ay doonaan haku soo baxaan shaqadaas ayaa u taallo, waxaana loo baahan yahay in dalka iyo dadka ay bad-baadiyaan, kuna bad-baadiyaan fursadda ay heystaan,”

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan doorashada Soomaaliya ay qaadatay hal sano iyo dheeraad, taas oo ay sababeen dib u dhacyada jadwalladii horey loo soo saaray.

Shan QOF oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya inay ka sii dareyso xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta gobolkaasi oo ay ku dhufatay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada intaba.

Illaa iyo shan qof ayaa lagu soo warramayaa iney haraad iyo gaajo ugu geeriyoodeen agagaarka degmada Ceelwaaq oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ka jirto abaarta.

Sidoo kale waxaa sare u kac xoogan uu ku yimid qiimaha la kala siisto maciishadda, taas oo keentay in dadka danta yar aysan helin cuno iyo biyo ku filan.

Xoolaha ayaan sidoo kale heysan baad iyo biyo ay cabaan, waxeyna taas sii adkeysay xaaladaha nololeed ee ka jira halkaasi.

Maamulka degmada ayaa sheegay inay xaaladdu faraha ka baxday, isla-markaana ay dalbanayaan in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi.

Guddoomiyaha Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isaga oo uu ugu baaqay inay soo caawiyaan dadkaasi ku dhibaateysan degmada iyo duleedkeeda.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira xaalado is biirsaday, sida murano ka dhashay doorashada iyo xaalado bani’aadanimo oo heysta qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi.