25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Xog: R/W Rooble iyo Yaasiin Farey oo ay ka dhex tafatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka carooday tallaabo uu qaaday ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey), taasoo keentay in Rooble uu kulan ugu yeero xildhibaan Yaasiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka carooday xil ka qaadis uu Yaasiin Fareey ku sameeyay Taliyaha Hoggaanka Baarista NISA Col. Xamdi Xasan Maxamuud oo jufo ahaan ay is xigaan ra’iisul wasaaraha.

Kulanka oo la sheegay inuu dhacay habeen hore ayaa ra’iisul wasaaraha uu kala hadlay Yaasiin Fareey sababta xil ka qaadista dhalisay, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in kulankaasi la isku fahmi waayay.

Saacado kadib ayaa qoraal ay soo saartay Col. Xamdi waxay ku caddeysay inay shaqada ugu tagtay ku-simaha NISA Yaasiin Fareey oo ay ku eedeysay inuusan ku dhaqmin sharciga dalka u yaal, islamarkaana aysan jirin cid looga dacwoodo, taasi badalkeedana ay sheegtay in xiligaan ay tahay marqaatiga nool.

Col. Xamdi ayaa sababta xil ka qaadisteeda soo dedejisay loo aaneynayaa inay xiriir dhow la leedahay ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Jacfar oo ilaa hadda ah guddoomiyaha degmada Deyniile, islamarkaana ay ka mid tahay mid ka mid ah xaasaska u dhaxa Jacfar.

Yaasiin Farey ayaa xilka taliyaha NISA ku jooga heshiis dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare oo lagu xaliyey khilaafkii ka dhex oogaan, heshiiskaas oo dhigaya inuu Yaasiin xilka sii hayo illaa laga soo magacaabayo taliye ay labada nin ku wada qanacsan yihiin.

Si kastaba, dhowr bil kadib heshiiskaas, weli Farmaajo sooma magacaabin ciddii beddeli laheyd Yaasiin Farey, mana muuqato inuu sidaas damacsan yahay maadaama Yaasiin uu ka mid yahay shaqsiyaadka sida aadka ah daacadda ugu ah.

Lafta-gareen oo tallaabadii ugu horreysay u qaaday dib u doorashada FARMAAJO – Maxaa ka dhacaya Baydhaba?

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kulan isugu yeeray xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaanada maamulkiisa, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online, kulanka ayaa la filayaa inuu 20-ka bishan Maarso ka dhaco magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in ujeedka kulankan uu yahay wadatashi ku saabsan jiheynta doorashada dalka iyo sidii xildhibaanada maamulkaas ay codkooda u mideyn lahaayeen, taasi oo miisana culus ku yeelan karta doorashada madaxweynaha iyo tan golaha shacabka.

Ilo-wareedyada aan la hadalnay ayaa rumeysan in Madaxweyne Lafta-gareen uu xildhibaanada kala hadli doono dib u doorashada madaxweyne Farmaajo, oo xulufo ay yihiin. 

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale doonaya inuu xaqiijiyo in qof isaga ku xiran uu kusoo baxo guddoomiyaha golaha shacabka, oo la filayo inuu ka yimaado beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana la sheegay inuu arrintaas kala hadli doono xildhibaanada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in Farmaajo naftisia uu tago Baydhaba. Balse xubno ka tirsan Villa Somalia oo aan wax ka weydiinayey waa ay xaqiijin waayeen warkan.

Kulanka dhacaya 20-ka bisha ayaa ka madax banaan mid kale oo la qorsheeyey inuu dhaco 25-ka bisha, kaasi oo qorshuhu yahay inay isugu yimaadaan xildhibaanada beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, oo doonaya inay sameystaan isbaheysi siyaasadeed oo wax looga beddelayo hanaanka awood qeybisa xilalka sare ee dalka.

Si kastaba, kulankaas ayaa waxaa hadda hareeyey shaki badan, mana cadda inuu dhici doono iyo in kale, kadib markii laga war helay in laga weeciyey jidkiisa. 

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye, oo ka mid ah xildhibaanada beesha Dir ayaa shaaciyey in kulankii Baydhaba ee 25-ka Maarso loo weeciyey mid olole loogu sameynayo madaxweyne Farmaajo, taasina aysan aqbali doonin.

Senataro Mareykan ah oo soo saaray sharci taariikhi u ah Somaliland – Maxaa la amray?

Washington (Caasimada Online) – Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa soo saaray sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland, kadib booqasho uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay Washington.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland. 

“Mareykana wuxuu sii wadaa inuu saaxiib aan la loodin karin u ahaado shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, hase yeeshee maamulka Bdein wuxuu isku xadiday ‘siyaasadda kaliga ah ee Soomaaliya’ taasi oo waxyeelo ku ah jilayaasha kale ee dimoqraadiyadda ee dalka,” ayuu yiri Senator Risch.

““Waqtigan adag ee arrimaha caalamka iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xiriirada faa’iidadau leh labada dhinacba oo uu la yeesho saaxiibada dimoqraadiga ee xasilloon, sida Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn inuu la jaanqaado caqabadaha maanta jira.”

Senator Van Hollen ayaa isna sheegay in ayada oo geeska Afrika uu wajahayo dhacdooyin sii kordhaya oo xasillooni darro, ay danta Mareykanka ku jirto inuu xoojiyo la shaqeynta kuwa gobolka ku sugan ee qiimeeya nidamka dimoqraadiga ah iyo xoriyadaha aas-aasiga ah.

“Muddo tobannaan sano, Somaliland waxay isu caddaysay inay tahay deegaan xasiloon iyo dimoqraadiyad kobceysa, xilli ay ku ku dhex jirto bad colaadeed. Taasi waa sababta kordhinta fursadaha la-macaamilka Mareykanka ee Somaliland ay macno u leedahay. Sharcigeena wuxuu gacan ka gaysan doonaa in la xaqiijiyo in Mareykanka uu sahmiyo fursado intan ka ballaaran oo faa’iido u leh xiriirka labada dhinac,” ayuu yiri Van Hollen.

Sharcigan ayaa u baahan in la horgeeyo guddi hoosaadka arrimaha dibedda Senate-ka, marka uu ansixiyana sidoo kale la horgeeyo Aqalka Senate-ka oo idil si uu sharci uga noqdo Senate-ka. 

PUNTLAND oo soo afjartay doorashada golaha shacabka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ka socota doorashada lixdii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla degaannada Maamulka Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Kurisigii ugu horreeyay ee maanta Garoowe lagu doortay ayaa ah HOP#073 oo ay ku tartameen labada musharax ee kala ah Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac oo shalay qaatay Shahaada Musharaxnimada kursigaan.

Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse ayaa codeyn gacan-taag ah ku guuleystay #HOP073 kadib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Cabdi Jaamac, waxa uu helay 101 cod oo ah dhammaan Ergadii codeysay. Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ku fadhiyay kursigaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa ku guuleystay #HOP199 Codeyn gacan-taag u dhacday kaddib markii ay tanaasushay Luul Abshir. kursigaan waxaa ku fadhisay Xaawa Yuusuf Axmed.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa dhawaan sheegay in uu yahay musharax u taagan u tartamidda kursiga HOP#199 balse kama mid noqon musharixiinta isu diiwangelisay kursigaan.

Cismaan Cali Yuusuf Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada DG Puntland ayaa ku guuleystay HOP#198 oo helay 97 cod, waxaa la tartamay Cabdiraxman Ciise Maxamed. waxaa ku fadhiyay Saleebaan Maxamuud Xaashi.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dib ugu guuleysatay Kursiga tirsigiisu yahay HOP#129 oo ay ku fadhisay Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya kaddib markii ay heshay 99 cod, waxaa la tartantay Sacdiya Cabdullaahi Salaad.

Eng Cabdixakiin Maxamed Jaamac ayaa ku guuleystay HOP#191 Codeyn gacan-taag ah, kaddib markii uu tanaasulay Maxamed Cabdixamiid Warsame. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Daahir Maxamuud Muuse.

Cabdirisaaq Xasan Axmed oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Badda DG Puntland ee PMPF oo codeyn gacan-taag ah ku helay 99 ayaa ku guuleystay HOP#221. Kursigaan waxaa ku fadhiyay Daa’uud Maxamed Cumar (Bisinle).

Doorashada Xidhibaannada Golaha Shacabka ee DG Puntland ayaa maanta kasoo dhammaatay Dowlad-Goboleedkaas, Garoowe waxaa lagu doortay 21 Mudane halka Boosaaso lagu qabtay Doorashada 16 kursi oo wadarta guud ka dhigeysa 37 Xildhibaan.

Doorashada Xidhibaannada Golaha Shacabka ee DG Puntland ayaa maanta kasoo dhammaatay Dowlad-Goboleedkaas, Garoowe waxaa lagu doortay 21 Mudane halka Boosaaso lagu qabtay Doorashada 16 kursi oo wadarta guud ka dhigeysa 37 Xildhibaan.

Militariga Mareykanka oo warbixin cusub kasoo saaray awooda kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Stephen Townsend oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay awoodda kooxda Al-Shabaab iyo waxa u qorsheysan Dowladda Mareykanka.

Stephen Townsend ayaa sheegay in madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka uu la wadaagay digniin la xariirta halista ka dhalan karta awooda dagaalamayaasha Al-shabaab oo sii xoogeysaneysay waxii ka dambeeyay sanadkii bilawgii 2021.

Taliye Stephen Townsend ayaa sheegay in awooda Al-Shabaab ay si weyn usii korortay wixii ka dambeeyey markii ciidamada Mareykanka laga saaray gudaha Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daray in Dowladda Mareykanka ay hadda wajaheyso cabsi la xiriirta in kooxda Al-Shabaab ay fuliso weeraro ka dhan ah danaha Mareykanka ee meelaha ka baxsan gudaha Dalka Soomaaliya.

“Waxaan tuhunsanahay in Al-Shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan gobolka, xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan Al-Shabaab sidaasi,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM.

Stephen Towsend wuxuu xusay in go’aankii ciidamada Mareykanka looga soo saaray Soomaaliya uu lahaa madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, wuxuuna ku sheegay inuu ahaa go’aan qar iska tuur ah oo hoos u dhigay awooddii ciidamada Mareykanka lagu yaqiinay.

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe ay kordhayeen weerarada dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah wadanka Kenya.

Xaliimo Yarey oo sheegtay qodob ka qaldan jadwalkii kasoo baxay Guddiga FEIT

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa markii u horeysay ka hadashay jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal.

Xaliimo ayaa sheegtay in jadwalka uu soo saaray Guddiga FEIT ay keliya ka qaldan tahay in “Guddiga oo kaashanaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qaban-qaabiyaan xafalada dhaarinta xildhibaanada labada aqal.”

Qoddobka ay sheegtay Xaliimo in uu awood ka badan u adeegsaday Guddiga FEIT ayaa ah tallaabada 7-aad ee guddiga uu sheegay in uu qaadayo 14-ka bisha April.

Jadwalkaan ayaa waxaa si adag uga horyimid dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, taasi oo sida la fahamsan yahay salka ku heyso xurguf ka dhalatay natiijada kuraas lagu doortay Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo guddigu uu horay diiday, kuwaasi oo FEIT ku dooday in habraacii saxda ahaan aan loo marin doorashadooda.

Hoos ka aqriso qoraalka Xaliimo Yarey oo ay soo dhigtay barteeda Facebook.

FEIT iyo SEIT waajibaadkoodu waa kala cad yihiin oo marnaba iskuma qaldami karaan.

Wajibaadka FEIT waxaa ka mid ah in ay shaaciyaan natiijada ugu dambeeyso iyaga oo aan waxba ka bedelin natijada ay SEIT soo gudbiyeen haddii aayan jirin hakin ka timid Guddiga Qilaafaadka.

Dacwada waxaa soo curin kara Musharaxiinta ama kuwa uu matalo musharaxa (Odayaasha) haddii ay aaminaan in la gacan bidixeeyey.

Sidoo kale FEIT waxay isku dubarideysa dukumantiga Xildhibaanka soo guulaystay, waxayna siinaysaa shahaadadii Xildhibanimada kadibna faylka Xildhibaanka oo dhamaystiran waxay u gudbinayaan Xoghayayaasha Guud ee Barlamaanka.

Markii aay arintaas saas u dhacdo waxaa howsha la wareegaya Barlamaanka oo maamulaayo dhaarintii iyo doorashadii Hogaanka Barlamaanka.

Jadwalka ay soo saareen FIET waxaa igala qaldan qodobka ugu danbeeya oo sheegaya in Xafladda Dhaarinta Xildhibaanada aay qabanqaabinayaan FIET oo kaashanaya Xafiiska RW.

Jeneraal INDHA-QARSHE oo farriin xasaasi ah u diray dadka reer GALMUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka oo dhawaan u safray Galmudug ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinkii uu ku soo arkay deegaanadii uu tegay, isagoo fariin u diray siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka deegaanada maamulkaas.

Indhaqarshe waxuu sheegay in Galmudug oo ah deegaanka ay ka yimaadaan siyaasiyiinta iyo dadka ugu cabqarisan Soomaaliya ay hadda ka jirto xaalad adag oo nasiib darro uu ku tilmaamay.

“Maanta Galmudug gobollada Soomaaliya ayadaa ugu liidata, waa halkii ay dowladnimada Soomaaliya ka aas-aasantay, laakiin waa nasiib darro xaaladda aan Galmudug ku soo arkay, dadka deegaankaas waxaan leeyahay war saan si maaha,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Waxuu sheegay in xoolihii ay u dhimanayaan biyo la’aan daran oo ka jirta deegaanka, wadooyin aysan jirin, xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho warkoodaba daa, “Dadku waxay iska sugayaan maalinta ay u dhimanayaan dhibaatada ka jirta deegaankooda, war waxaas laguma sii jiri karo,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Waxuu sheegay in dad ka soo jeeda deegaanada Galmudug ee dhibaatadaas baaxada leh uu ku soo arkay ay iska joogaan Muqdisho iyo dalka dibadiisa, iyagoo dhaqaale heysta.

“War sidaan wax ka bedala oo dadka lamid noqda, la tartama dowlad goboleedyada kale, oo deegaankiina nabad u hela, maxaa isu dagaashaan mar kasta? War reer Galmudugow sida isku dhaama,” ayuu yiri Taliyihii hore ee Militeriga Soomaaliya.

Waxuu intaas ku sii daray in xoolaha iyo dadka biyo la’aanta u dhimanaya ee uu soo arkay dhulka ay ku nool yihiin hadii hoos loo qodo 7-Mitir oo kaliya in biyo macaan laga daba tegayo.

“Waxaa iga dhaadhici weysay xoolihii iyo dadkii biyo 7 mitir u jira ayey u baaba’een, maanta hadii 50-kii KM-ba ceel laga qodo, reer Galmudug dhaqaale badan uga bixi maayo, laakiin dadka deegaankaas waxaan ku eedeynayaa inay is dayaceen, waxaan leeyahay war isku noqda oo tashada, sidaan si maahee,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Isbedel ku yimid mowqifkii Qoor Qoor ee doorashada kadib tallaabo uu qaaday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Gaalkacyo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo doorto guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Qoor Qoor ayaa sheegay inay dooran yihiin xildhibaanadii ugu badnaa, islamarkaana loo baahan yahay in aan la lumin waqti kale oo dalka laga saaro hubanti la’aanta ka dhalatay daahista doorashada.

“Xildhibaanada dooran waa ku filan yihiin in doorashooyinka inta dhiman ay guda galaan, waa in deg deg haddana la doortaa guddoonka labada aqal, kadibna la doorta Madaxweynaha,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Sidoo kale waxa uu xusay in dhameystirka doorashada dalka ay ku xiran yihiin arrimo badan, kuwaasi oo kamid ah; La-dagaalanka Al Shabaab, dowladnimada iyo horumarka dalka.

Qoor-Qoor ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in deg deg lo soo xiro doorashada, xilli ay dhowr jeer ku yimadeen dib u dhacyo.

Hadalka Qoor Qoor ayaa imanaya saacado kadib markii uu si adag uga horyimid jadwalka Guddiga FEIT oo dhigayay in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada Baarlamaanka, waxayna midaan muujinaysa in uu isbedel ku yimid mowqifkiisi hore.

Si kastaba, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Xulafadiisa ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay Garbahaarey ugu qaban lahaayeen doorashada 16-ka kursi, ka hor dhameystirka doorashada.

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Afar qof oo Turkish ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah gobolka Banaadir ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka xarunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

Wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino nooca wadada dhinaceed la dhigo ee qabsata gaadiidka, taasi oo lala bartilmaameedsaday gaari nooca loo yaqaano Noah-da.

Gaariga lala beegsaday qaraxa miino ayaa lagu soo waramaya inay saarnayeen Niman shaqaale ah oo u dhashay dalka Turkiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa qaraxaan ku dhaawacmay Afar qof oo Turkish ah, illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxa lala beegsaday nimanka Turkida ah.

Qaraxaan ayaa durtaba waxaa sheegatay mas’uuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo ayadu inta badan caasimada dalka ee Muqdisho ka fulisa qaraxyada noocaan ah iyo weerarada ka dhanka ah ajaanibta iyo masuuliyiinta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaaday falalka argagixiso, xili ay dalka ka socoto doorashada Golaha Shacabka oo mareysa heer gaba-gabo ah, islamarkaana uu hoos u dhacay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda ee hay’addaha amniga.

‘Ma dhici karto in magaalo kale loo raro doorashada Garbahaarey hal arrin darteed’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee Jubbaland ayaa dhawaan shaaciyey in muddo labo toddobaad gudahood ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi ee u dambeysa kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraastaas ayaa ah kuwa u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, balse warqadda guddiga meelna loogama xusin goobta lagu qaban doono kuraastan, waxaanq hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastaas.

Waxaa jira warar aad la’isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay ahayn, waxaana si gaar ah loo qeexay Ceelwaaq.

Dalal Cilmi oo ka mid siyaasiyiinta beesha degta Gedo oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayaa sheegay in marnaba aysan suurta-gal aheyn in kuraasta 16-ka ah lagu qabto meel ka baxsan Garbahaarey, si waafaqsan heshiiskii doorashada ee 17-kii September.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Reer Gedo ay ka dhaxeyso tabasho hore, sidaas darteedna aan la rari karin kuraasta taalla Garbahaarey, isaga oo ku dooday in magaalooyin ka amni xun lagu qabtay doorashada Golaha Shacabka.

“Kuraasta 16-ka ah waxaa lagu qabanaya Garbahaarey oo deegaan doorasho ah. Sabab ay uga qabsoomi weydo Garbahaarey majirto xataa haddii la dhihi lahaa dhanka amniga, waxaa jiray magaalooyin uu dhiig ku daatay oo rasaasta ay dhaceyso ayey ka dhaceen doorashooyinka,” ayuu yiri.

“Hadda ima muuqato meel kale oo la marin karo (kuraastaas), waxaa ognahay in Guddiga heer SEIT ee Jubbaland uu soo gudbiyay jadwalkii. Markaa ninka aan meesha kusoo qorin Garbahaarey magaalada kale ee uu la doonayo isaga laga raba inay ka yeerto.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Garbahaarey ay tahay deegaan doorasho oo aan marnaba laga wareejin karin kuraastas, ayada oo maalmihii dambe ay soo baxeysay in maamulka Axmed Madoobe uu qorsheynayo in uu kuraastaas u wareejiyo magaalo kale.

Maamulka Jubaland ayaa ku doodaya in Garbahaarey aanay doorasho ka dhici karin, maadama ay gacanta ugu jirto ciidamada federaalka, halka maamulka gobolka Gedo ee taabacsan Villa Somalia uu ku doodayo in Garbahaarey u diyaarsan tahay doorashada inay ka dhacdo.

Si kastaba, Degmooyinka gobolka Gedo marka laga reebo degmada Ceelwaaq inta kale dhamaan waxay hadda hoostagaan dowlada federaalka, waxaana muuqata in arrintani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Tallaabo Ruushku sheegay inuu ka qaadayo Mareykanka oo cabsi xooggan abuurtay

Moscow (Caasimada Online) – Russia ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, ayada oo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb oo lagu kala dhantaalayo Ruushka.

Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruushiyaan naceyb “laga yaqyaqsiyoodo” si ay jilbaha ugu dhigaan Russia.

“Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev.

Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub iyo Asia ayaa cunaqabatayno xooggan kusoo rogay hoggaamiyayaasha Russia, shirkadaha, iyo gacasatada, waxayna Moscow ka gooyeen inta badan dhaqaalaha adduunka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray howlgal militari oo gaar ah oo ka socda Ukraine uu yahay lagama maarmaan, sababtoo ah Mareykanka wuxuu Ukraine u adeegsanayey inuu halis geliyo Russia, waxaana Russia qasab ku noqday inay difaacdo “xasuuqa” ka dhanka ah dadka ku hadla luuqadda Ruushka ee Ukraine.

Ukraine waxay sheegtay inay u dagaalmaeyso badbaadinta jiritaankeeda, islamarkaana sheegashooyinka Putin ee xasuuq ay yihiin wax aan jirin. Reer Galbeedka ayaa iyaguna sheegay in hadalka ah inay doonayaan inay kala dhantaalaan Russia uu yahay qiyaali.

Russia waxa ay sheegtay in inkasta oo la saaray cunaqabatayno, haddana ay xaalad wanaagsan ku sugnaan karto ayada oo aan u baahan Reer Galbeedka iyo Mareykanka “khiyaanada badan.”

Waxa ay intaas ku dartay in isku daygeedii ahaa inay xiriir wanaagsan la yeelato Reer Galbeedka kadib burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii uu hadda dhammaaay, ayna xiriir wanaagsan hadda kadib la hormarin doonto quwadaha kale ee caalamka, sida Shiinaha.

Hanjabaadda cusub ee Ruushka ayaa waxaa ka horreeyey ayada oo shalay madaxweynaha Mareykanka uu “dambiile dagaal” ugu yeeray madaxweyne Putin.

Erayadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku qeexay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ahaa “dambiile dagaal” sababo la xiriira howlgalka militari ee Ukraine waa “mid aan la aqbali karin lana cafin doonin,” waxaa sidaas sheegay Kremlin-ka.

Biden ayaa Putin ku calaameeyey “dambiile dagaal” Arbacadii kadib markii uu daawaday muuqaallo argagax leh oo laga soo duubay duulaanka Ukraine.

Waxa ay aheyd markii ugu horreysay ee Biden uu weedhaas ku calaameyo Putin, waxaana madaxweynaha Mareykanka uu sii kordhiyey weerarkiisa isaga oo twitter-ka soo dhigay in Putin “uu argagax iyo burbur ka wado Ukraine isaga oo duqeynaya dhismooyin shacab iyo isbitaallada ay haweenku ku umulaan.”

Kremlin-ka ayaa jawaab caro leh ka bixiyey ereyada madaxweynaha Mareykanka.

“Waxaan aaminsannahay in oraahda noocaas ah ay tahay mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin oo ka timid madaxweyne dal, oo bambooyinkiisa ay dileen boqolaal kun oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala sugan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Putin Dmitry Peskov.

Caalamka ayaa hadda indho cabsi leh ku eegaya xiisadda kasii dareysa ee labada dal ee ugu quwadda weyn caalamka, ayada oo laga cabsi qabo inuu dagaal toos ah ka dhex qarxi karo.

REUTERS + VOA

Ma guuleysan doonaa isbaheysiga cusub ee uu Farmaajo dhisayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Maxamed Caalim oo kamid ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha laga damacsan yahay shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, halkaasi oo la rabo in lagu dhiso isbaheysi Farmaajo taageera.

Danjire Caalim ayaa sheegay haddii uu shirkaas ku qotomo sida soo baxeysa ee uu ka dambeeyo Farmaajo uusan guuleysan doonin, islamarkaana ay fashil ku noqoneysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

“Waxay sii xoogeysaneysa carqaladaha siyaasadeed ee dalka, maadama markii hore aysan Nabad iyo Nolol aheyn koox siyaasadeed. Hadii siyaasadu dhaafto kooxeysi dhibaatadeeda ayey leedahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshaha laga leeyahay shirka Baydhabo ay sii daahinayaan doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

“Umaleyn maayo siyaasadan qabiilka ku dhisan, maadama aysan jirin Dir ama Digil iyo Mirif wax ku heshiiyay, waxay daahinayaan dadkii doonayey in doorasho dhaqso loo qabto.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay madaxda hogaaminaysa Dir, Digil iyo Mirif inay ka waantooban carqaladeyn kale oo ay sameeyaan, xili ay dalka ka socoto doorashooyin dhowr jeer dib u dhacay.

“Waa in lagu mashquulin xil lagu raadinayo xil lagu boobo xoolo ee waa in la helo xil lagu raadinayo xal. Waxaa u rajeynaya in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystan fadliga bisha Ramadaan ee soo socota iyo fadliga bisha Shacbaan ee lagu jiro oo ay marxalada dalka, dadka loo daneeyo iyo abaaraha.”

Dhawaan unbey aheyd markii uu Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu shaaciyay in Beelaha Dir, Digil & Mirifle ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah.

Sidoo kale uu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Villa Somalia oo taageero badan ka heysata Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay fashilineyso sameynta isbaheysiga Xildhibaanada Dir, Digil iyo Mirifle, loona bedelayo shirka Baydhabo mid Farmaajo loogu ololeeyo.

Sawirro: R/Wasaare ROOBLE oo dalab culus u gudbiyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay wafdi culus oo ka socda dowladda Shiinaha, kaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey Ergayga gaarka ah ee dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Xue Bing, kaas oo wada-hadal la yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Cali.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira Geeska Afrika.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka dalbaday Shiinaha inuu kaalin ka geysto abaaraha saameeyey dalka, gurmad deg deg ahna uu gaarsiiyaan dadka ay saameeyeen abaaraha.

Sidoo kale Xue Bing iyo wafdigiisa ayaa ballan-qaaday inay door weyn ka qaadan doonaan arrimaha bani’aadanimada dalka, isla-markaana ay ka jawaabi doonaan dalabka dowladda.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka haatan xiriirka dhow la leh dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa dalka mashaariicyo dhowr ah.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka ay ka jiraan xaaladdo is biiray, sida muranada hareeyey doorashada iyo abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka.

Aqriso magacyada xubnaha loo xiray 6-da kursi ee ku harsan maamulka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed (SEIT) ee Puntland ayaa maanta shaaciyay musharaxiinta lix kursi oo kamid ah kuwa deegaan doorashadoodu tahay maamulkaasi, laguna qabanayao magaalada Garoowe.

Guddiga ayaa sheegay in 12 musharax ay soo buuxiyeen shuruudaha iyo hab-raacyada looga baahna, kuwaasi oo u tartamaya lixda kursi oo doorashadoodu dhici doonyo maalinta barri ah ee Jimcaha.

Kuraasta uu guddiga shaaciyay musharaxiintooda ayaa kala; HOP#221, HOP#129, HOP#191, HOP#198, HOP#073 iyo HOP#199. Kuraastan ayaa waxaa ka mid ah labada kursi ee Beesha Cumar Maxamuud/Majeerteen oo diidmo xoog leh ka taagan tahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, maamulka Puntland ayaa shaqsiyaad gaar ah u xiray lixdan kursi, ayada oo lixda kale ee musharax ee kusoo baxay liiska Guddiga SEIT ee Puntland ay yihiin malxiisyadooda.

1. HOP#221: waxaa kursigan si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir) oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF.
2. HOP#129: waxaa markale loo xiray kursigaan Xildhibaan Sacdiya Salaad oo horay ugu fadhiday.
3. HOP#191: Sidoo kale waxaa kursigaan si gaar ah loogu xiray Eng. Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato)
4. HOP#198: Cismaan Cali Yuusuf Cali ayaa loo xiray kursigaan, waana Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland
5. HOP#073: Kursigaan waxaa loo xiray Maxamed Cabdullaahi Keyse.
6. HOP#199: Waxaa si gaar ah loogu xiray Cabdiladiif Muuse Nuur oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Hoos ka aqriso waraaqda liiska musharaxiinta

Cabdiraxmaan Odowaa oo shaaciyey guul mucaaradka uga soo hoyatay Galmudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo markale dib loogu doortay Golaha Shacabka ayaa boggaadiyey doorashooyinkii lagu soo gabagabeeyey Dhuusamarabeeb iyo Gaalkacyo.

Odowaa oo ka hadlay munaasabad loo qabtay xildhibaanada la doortay oo uu isugu ku jiro ayaa shaaca ka qaaday in dowlad goboleedka Galmudug ay tahay meesha kaliya ee laga soo saaray xubno la ogyahay in ka tirsan yihiin dhanka mucaaradka Soomaaliya.

“Dowlad goboleedka Galmudug waa meesha kaliya oo mucaaradka calamadoodii la yaqaanay laga soo saaray, aniga ayaana kow ka ah,” ayuu yiri Odowaa

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Waxaa asal ka ah aan isleeyahay reer Mudugnimada ruuxdeeda qayb ka ah is ogolaasho ayey ku saleysan tahay is aqoonsi ayey ku saleysan tahay,”.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dowlad goboleedyada kale, gaar ahaan kuwa muxaafidka ah aysan soo saarin qof mucaarad ah, halka kuwa kale ee mucaaradka ahna aysan soo saarin qof muxaafid ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowlad goboleeedyo badan ayaa jira dalka dowlad goboleedyana muxaafid ayey ahaayeen kuwana mucaarad ayey ahaayeen horta dowlad goboleedyada mucaaradka qof muxaafid ah lagama soo saarin, haddii uu xittaa waxqabad fiicnaa, dowlad goboleedyadii muxaafidka ahaa ee madaxweyne Axmed Kaariye saaxibka la’ahaa iyagana wax mucaarad ah lagama soo saarin qoortaa laga jar,” ayuu markale yiri wasiir hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Galmudug ay soo gabagabeysay doorashadii Golaha Shacabka, waxaana xubnaha soo baxay ka mid ah siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee mucaaradka.

Xildhibaanada dooran ma ku filan yihiin doorashada madaxweynaha cusub?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayey dhammeystirka doorashooyinka ka socda ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar yihiin xildhibaano ku filan doorashada, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la gudagalo inta harsan.

Qoor Qoor ayaa ka digay dib u dhac markale ku yimaada doorashooyinka oo haatan qaatay hal sano iyo dheeraad, kadib is jii- jiid u dhexeeyey hoggaamiyeyaasha siyaasadda.

“Xildhibaanno ku filan doorasho waa diyaar, waxa aan dooneynaa in horay loosii galo oo aan Dalka lagu heyn jiitan dambe,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug ay ujeedka ay usoo dhammeysirtay doorashada uu ahaa in aanu markale lumin waqtiga loo qorsheeyey doorashooyinka.

“Annaga haddaa nahay reer Galmudug waxaan doorashada u billownay waqtigii loogu talagalayna aan u dhammeynay waxay aheyd waqtiga ka lumay dalka in uusan dib uga siii lumin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhammeytirka doorashada ay ku xiran yihiin arrimo badan, sida dagaalka Al-Shabaab iyo gurmadka Abaaraha.

“Waxaa ku xiran la dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab, Abaaraha iyo in Dalka horay ugu socda” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo weli caqabad xoogan ay ka taagan tahay doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Muxuu R/W Rooble ka ballan qaaday odayaashii u tagay ee ka socday gobolka Gedo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caqabadda ugu weyn ee xiligaan ay wajaheyso doorashada Soomaaliya oo meel dhexe mareysa ayaa noqotay doorashada 16-kursi oo taalla deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ee Garbahaarey.

Caqabadaan waxay salka ku heysaa maamulka gacanta ku haya magaaladaas oo aan hoos tegin Jubbaland oo xaq u leh inay maamusho doorashada 16-kaas kursi.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ayaa maalmo ka hor Muqdisho kula kulmay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxay kala hadleen arrimo khuseeya gobolkaas, oo ay ka mid yihiin abaaraha gobolkaasi halakeeyay, duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku eedeeyeen dowladda Kenya iyo arrimaha doorashada.

Odayaasha ka yimid Gedo waxay si gaar ah kulankoodii Rooble diiradda ku saareen arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee uu ka taagan yahay khilaafka xooggan.

Nabadoon Cabdinaasir Maxamed Sheekh Faantooy oo kamid ah cuqaasha la kulantay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen iskuna afgarteen in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey.

“Waxaan isku afgarannay in Garbahaarey lagu qabto doorashada, markaan ra’iisul wasaaraha ugu tagnayna waxa uu yiri waan qabanaynaa, wayna ka dhacaysaa Garbahaarey doorashadu,” ayuu yiri Nabadoon Cabdinaasir.

Nabadoonku waxa uu intaasi ku daray inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada lagu qabto magaalada Garbahaarey, maadaama ra’iisul wasaaraha oo mas’uul ka ah doorashada uu u ballanqaaday in doorashada la qaban doono.

Ilaa hadda waxaa la isku raaci la’yahay hanaanka loo qabanayo doorashada Garbahaarey, Jubbaland saacado ka hor waxay shaacisay in laba todobaad hudahood lagu soo dooranayo kuraastaas, balse sooma bandhigin wax xal ah oo laga gaaray khilaafkii jiray ama goob kale oo loo wareejiyey doorashada kuraastaas.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastaas ay ku qabato meel aan aheyn Garbaaharay, si gaar ah magaalada Ceelwaaq ayaa la sheegay in Jubbaland ay qorsheyneyso inay ka dhacdo doorashada kuraastaas.

Muxuu Axmed Qoor Qoor ka dalbaday inay samaayeen xildhibaannada cusub ee kasoo baxay GALMUDUG?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arimaha doorashooyinka socda.

Qoor Qoor ayaa marka hore farriin gaar ah u diray xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo baxay Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inay la yimaadaan metalaad dhab ah iyo sidoo kale waxqabad muuqda 4 sano ee soo socota.

“Xildhibaannadii labada la doortay hambalyo & bogaadin kaddib waxa aan idin leeyahay deegaannadiina la socda duruufaha & waxyaabaha ku xeeran iyo in Galmudug ayaad ugu timaadaan 4ta sano soo socota waxqabad aad sameyseen” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xubnaha soo baxay ay qaarkood ka aragti duwan yihiin, balse muhiimaddu ay tahay waxgalnimada.

“Sanadkaan waxaa la doortay Xildhibaannada labada Gole oo lagu jilba murxay oo sida la wada qiray ay yihiin Dad aad u sareeya oo Soomaali ka dhex muuqda Soomaali ka dhex muuqda, sida ay kusoo baxeenna anigu isku amaani maayo waxa aan qabaa kalsooni xubno iga aragti duwan oo isku meel aan siyaasad u wadin in ay usoo baxeen Galmudug, waxa aan aaminsanahay kala duwanaashiyuhu waa waqti kooban, waxgalnimaduna waa wax dheer, isku xirnaada oo door muuqda ka qaata Doorashada heer Qaran” ayuu raaciyey.

Dhinaca kale Qoor Qoor ayaa soo hadal qaaday doorashada weli sii socota, maadaama la dhaafay 15-kii March oo lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka, wuxuuna ka digay in markale dib loo sii dheereeyo xilliga doorashooyinka.

“Waxa aan rabnaa in Dalka markale uusan dib ugu noqon is jiid-jiid, Xildhibaanno ku filan doorasho waa diyaar, waxa aan dooneynaa in horay loosii galo oo aan Dalka lagu heyn jiitan dambe, Saaxiibadii Beesha Caalamka ee Soomaaliya gacansiinayay niyad-jab intaas ka badan nagu qabin, waxaa ku xiran la dagaalanka Argagixisada, Abaaraha & in Dalka horay ugu socda” ayuu markale yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay ku guuleysteen in waqtigii loo qorsheeyey ay ku soo gabagabeeyaan doorashooyinka.

Muxuu heshiiskii doorashada 2020 la leeyahay cidda leh dhaarinta xildhibaannada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodo xoog leh iyo heshiisyadii doorashada dib loo akhriyo ayaa ka dhalatay go’aankii ay Axmed Qoor qoor iyo Cabdicasiis Laftagareen uga hor yimaadeen jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas lagu cadeeyey qorshaha soo xareynta xildhibaanada cusub.

Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa jadwalkiisa ku cadeeyey waqtiga  dhammeystirka doorashada, shahaado-siinta xildhibaannada cusub iyo dhaarinta dhamaan xubnaha labada Aqalka ee baarlamaanka oo la qorsheeyey inay dhacdo 14-ka bisha soocota ee April. 

Sidoo kale xafladda dhaarinta xildhibaanada waxaa qabana xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida ku cad jadwalka guddiga heer federaal.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay ka hor yimaadeen jawdalka guddiga, iyagoo ku dooday in jadwaalkaas aan laga talo-gelin, sidoo kale waxay sheegeen in Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga doorashada midkoodna uusan awood u laheyn howsha soo xareynta iyo dhaarinta baarlamaanka.

Qodobka 6-aad ee heshiiskii laga gaaray doorashada waxuu dhigayaa, Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.”

Qodobka 14-aad ee heshiiskaas ayaa qoraya, “Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.”

Sidoo kale qodobka 18-aad ee heshiiskaas oo bishii October ay Muqdisho ku saxiixeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal,” balse intaas waxaa hadda diidan Qoor Qoor iyo Laftagareen.

Falanqeeyayaasha isha ku haya siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya waxay qabaan in diidmada Jadwalka ee labadaas madaxweyne goboleed ay salka ku heyso xurguf ka dhalatay natiijada kuraas lagu doortay Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo guddigu uu horay diiday, guddiga ayaa ku dooday in habraacii saxda ahaan aan loo marin doorashadooda.

Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa cuskaday in aysan aqbali doonin wax aysan ku heshiin xubnaha golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, balse waxaa la aaminsan yahay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in guddiga doorashooyinka heer federaal uusan awood u yeelan in xubnaha dooran qaar ay ka reebaan baarlamaanka.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA LAGU DHISAY GUDDIGA FEIT iyo waajibaadkiisa:

Qaab-dhismeedka Guddiga:

1. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021, waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhex-dooranayaan Guddomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad ah (50%+1) ee xubnaha guud ee guddiga.

2. Shirarka Guddigu waxay ku qabsoomayaan saddex meelood labo meel ee tirade guud ee Guddiga.

3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Xilalka iyo Waajibaadka Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/20211. Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021.2. Guddigu wuxuu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka Doorashada dalku u dhacayso.3. Guddigu wuxuu dajinayaa miisaaniyadda doorashada wuxuuna u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.

4. Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannanka doorashada ee 2020/2021. Sidaa daraaded, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016ka.

5. Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha xubnaha ka ah DF.

6. Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.

7. Guddigu waxay shaqaaleysiinayaan howlwadeenada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga.

8. Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada.

9. Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaa waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada.

10. Guddigu wuxuu kormeerayaa, tababarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannanka doorashada ee la isku raacay.

11. Guddigu wuxuu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct).

12. Guddigu waxa uu dhiiri-gelinayaa haweenka in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka.

13. Guddigu waxa uu ogolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba.

14. Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.

15. Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dhammaan natiijooyinka doorashada ee Labada Aqal oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinimada baarlamaanka Federalka.

16. Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira.

17. Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada.

18. Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal.

Mareykanka oo kordhiyey mas’uuliyiinta Soomaalida ee xayiraada lagu soo rogay

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Sidoo horeba, Blinken ma shaacin shaqsiyaadka cusub ee lagu daray liiska xayiraadaha. Waxaa la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay is ogaan doonaan kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah. 

Blinken waxa uu sheegay in inkasta oo uu dhiiri-gelinayo horumarka la sameeyey dhowrkii toddobaad ee tegay, haddana weli ay jiraan tobaneeyo kuraas oo baarlaman oo aan la buuxin. 

“Waxaa jira warbixino la isku haleyn karo oo ku saabsan khaladaad dhanka hanaanka ah. Suxufiyiin ama xubno xisbiyada mucaaradka ka mid ah oo ka shaqeynaya taageeridda hay’adaha dimoqraadiga iyo hanaan daah-duran oo lala beegsaday cagajugleyn, cabsi gelin, xarig iyo rabshado,” ayuu yiri Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta ku-daris dheeri ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo hababka kale ee ay heli karaan, si ay sare ugu qaadaan la-xisaabtanka iyo taageerida dhameystir deg deg ah oo lagu sameeyo hanaanka doorashada Soomaaliya, ayada oo loo marayo hab la sku haleyn karo oo daah-furan. 

“Dowladda Mareykanka waxay si xooggan u taageereysaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay ka shaqeyso sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada laba dhinac,” ayuu yiri.