25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Muxuu yahay ujeedka shir uu soo agaasimaha xafiiska Farmaajo ee ka furmay Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda FS, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Xubno ka socday saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga.

Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa waxaa lagu lafo gurayaa daadejinta iyo dardar gelinta hirgelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka, diiwaan gelinta, calaamadinta/suntidda iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha ay Soomaaliya ku xaqiijinayso in looga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran dalka.

Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Marwo Safiya Xasan Maxamed, ayaa ka war bixisay ujeeddada shirka iyo guulihii laga gaaray habraacyada Maamulka Hubta iyo Rasaasta, iyadoo la raacayo wareegtadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu soo saaray sannadkii 2018-kii.

Dhanka kale Wasiirradda, Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Cali Qalloocow, oo hadal ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka.

Markii uu Shirku maalintiisii koowaad soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Gacaliye, isaga oo Faahfaahiyey muhiimadda uu shirkan leeyahay iyo natiijada laga filayo in ay ka soo baxdo, taasoo waxtar weyn u noqon doonta dowlad dhiska iyo dib-u-habaynta hay’adaha Amniga dalka. 

Hoos ka daawo sawirrada shirka

Ruushka oo hub aan wali dunida laga isticmaalin u adeegsaday UKRAINE

Kyiv (Caasimada Online) – Ruushka ayaa Jimcihii adeegsaday gantaalladiisa cusub ee aadka u dheereeya ee hypersonic kaasi oo uu ugu magac-daray Kinzhal, waxaana uu doonayay in uu ku burburiyo keyd dhulka hoostiisa ah oo lagu keydiyo gantaallaha iyo rasaasta kuna yaalla galbeedka Ukraine. 

Goobta la weeraray ayaa u dhow Romania oo ah dal xubin ka ah xulufada NATO, waxaana tani ay falanqeeyayaashu ku sheegeen in ay tahay markii ugu horreysay taariikhda dunida ee la adeegsado hubka ceynkan ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warkan xaqiijisay Sabtida maanta ah, waxaana ay timid maalintii 24-aad ee collaaddan, iyo xilli ay Ukraine ay iska caabin xooggan ku hakisay horumarkii ciidamada Ruushka, sida ay sheegeen saraakiil reer galbeed ah.

Ruushku waligiis ma qiran in uu dagaal u isticmaalay hubkan saxnaanshaha sare ee sugan leh, waxaana wakaaladda wararka dowladda ee RIA Novosti ay warisay in ay ahayd markii ugu horaysay ee la adeegsado Kinzhal (Dagger) intii uu socday duullaanka Ukraine.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka gantaalaha Kinzhal oo wata gantaalada hawada sare uu burburiyay bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ku yaalla oo ay ku keydsanaayeen gantaalada iyo rasaasta hawada, waxaana ay sheegtay in goobta ay beegsatay ay tahay tuulada Deliatyn ee gobolka Ivano-Frankivsk.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gantaalka Kinzhal ku tilmaamay hub tayadiisu sarreyso oo ku duuli karo xowli toban laab ka dheereeya kan codka, kana gudbi kara difaacyada gantaalaha hawada.

Gantaalka Kinzhal ayaa ka mid ahaa hubka cusub ee Putin uu ku soo bandhigay khudbaddiisii qaran ee 2018-kii.

Deliatyn, oo ah tuulo ku taal cirifka buuraha bilicda leh ee Carpathian ayaa ku taalla duleedka magaalada Ivano-Frankivsk.

Gobolka Ivano-Frankivsk ayaa soohdin 50 km ah la wadaaga dalka Romania.

Gantaalada Hypersonic-ga ayaa loo adeegsan karaa in ay xanbaaraan madaxyada hubka dagaalka, waxaana ay ka dhaqsa badan yihiin gantaallaha kale.

Laakin awooddooda ay hubka nukliyeerka ku qaadi karaan ayaa halista sii kordhin karta, iyadoo kor u qaadeysa khatarta ah in uu dhici karo dagaal loo adeegsado hubka wax gumaada.

“Waa markii u horreysay ee dunida ee hubka hypersonic ah loo adeegsado dagaal,” ayuu AFP u sheegay Vasily Kashin oo ah khabiir ka faallooda arrimaha militariga.

Ruushka ayaa hogaanka u haya tartanka hypersonics-ka, waxaana ku xiga Shiinaha iyo Mareykanka, iyadoo dhowr dal oo kale ayaa ka shaqeynayaan in ay sameystaan.

AFP + VOA

Qoraal kasoo baxay Ilhaan Cumar oo ka careysiiyey wafdiga Biixi ee Washington

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Congress-ka Mareykanka, gaar ahaan Guddiga Arrimaha Dibadda, ayaa qoraal kooban ka baahisay kulankii wafdiga madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii la yeeshay xubno ka mida Guddiga ay ka tirsan tahay.

Muuqaalka Wakiilada Congaress-ka Mareykanka ee la kulmay Wafdiga Somaliland ayey soo bandhigtay Ilhaan, iyagoo si yaab iyo taxadar leh u eegaya wafdiga Muuse Biixi oo ay kulan la lahaayeen, waxayna xaaladda kulanka ku sifeysay:

“Wajiga aad samayso marka asxaabtaada ay soo saari kari waayaan lahjadda wafdiga ajnabiga ah, ayna u dhaqmaan sidii iyaga oo maqalkoodu adag yahay, wax kastana aad isku daydo si aysan wax kuu dhaafin,” ayey Ilhaan ku tiri qoraalkeeda

Faallooyin badan oo qaar lagu eedeeyay, qaarka taageeraya oo qoraalkeeda laga bixiyey, kadib ayey Ilhaan farriin kale ku caddeysay in waxa ay fahmi waayeen ay ahayd ujeedkooda, balse ingiriiska ay ku hadlayeen uu fiicnaa. “Ingiriiskooda dhabtii wuxuu ahaa mid wanaagsan,” ayeyna mar kale tiri.

Qoraalka Ilhaan ayaa ka careysiiyay madaxda iyo taageerayaasha Somaliland oo u qaatay inay weerar ku ahayd wafdiga madaxweynaha Somaliland, waxayna arrintan noqotay mid si weyn looga doodo baraha bulshada.

Somaliland ayaa safarka biixi ee Washington ka faa’iiday in Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay soo saareen sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Doorashada 2022 ‘oo u ekaatay’ tii 2004 – Maxay noqon doontaa natiijadeeda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay meelo ay isaga egyihiin doorashada baarlamaanka ee hadda socota iyo doorashadii 2004-tii, ee lagu dhisay baarlamankii soo doortay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in gaboodfalada ka dhacay doorashada hadda geba-gebeada ku dhow ay horseedi karaan arrimo cabsi leh, sida uu hadalka u dhigay.

Cumar Cabdirashiid oo arrinkan ka hadlaya waxaa uu yiri “Doorashada baarlamaanka 2022-ka waxa ay meelo badan uga egtahay doorashadii 2004-tii, xagga qaabka loo maray iyo xataa muddada. Haddii ka falcelinta ay noqotay soo bixitaankii maxaakiimta Islaamiga aheyd, maxay horseedi karaan tacadiyada sharaci darrada ah ee dhacay haddii aan wax laga qaban khadarteeda”.

Maxkamadihii Islaamiga ah si toos ah ugama dhalan doorashadii 2004, waxayna si kooban u jireen kahor, hase yeeshee waxay ay xoogeysteen kadib doorashadaas ayaga oo 2006 qabsaday Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya. 

Doorashada baarlamaanka ee hadda socota ayaa ah muddo socotay 6 bil, waxayna waqtigeeda kadib dhacday sanad iyo bil, oo ay suurta-gal tahay inay kasii badato.

 

Ma cadda waxa ka dhalan doona boobka doorashada, hase yeeshee waxaa jirta cabsi ah; in haddii doorashada madaxweynaha la boobo ama uu kusoo baxo madaxweyne Farmaajo ay horseedi karto dagaal iyo inay beelo badan hubka qaataan. 

Xog: Xafiiska Rooble oo ka hortagay heshiis uu riixayey Farmaajo oo saameyn lahaa doorashada kuraasta Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baaqday ku dhowaaqista heshiis shaacin lahaa in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM la hoos geeyo taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Heshiiskaas ayaa waxaa aad gadaal uga riixayey xafiiska madaxweynaha xilka sii haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse waxaa dagaal u galay inuu baaqdo xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida aan xogta ku helnay. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kadib maalmo ay shirayeen dowladda iyo Midowga Afrika ayaa go’aan lagu gaaray shir la isugu iman lahaa shalay si loo shaaciyo heshiis dhigaya in AMISOM ay ka hoos shaqeyso taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, balse waxaa baaqashadiisa sabab u ahaa wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa baajinta shirka qiil uga dhigay oo uga faa’iideystay Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo safar deg deg ah ugu amba-baxay magaalada Baydhaba.

Sababta labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble ugu dagaalameen in heshiiskaasi ayaa salka ku hayso arrinta doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xafiiska Rooble iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka shaqeeyey in dib loo dhigo shaacinta heshiiska, sababtoo ah haddii taliska AMISOM laga wareejiyo mas’uuliyadda wax dhaq-dhaqaaq ah ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM kama sameyn karaan halka ay ka dhacayso doorashada kuraasta 16-ka ah, oo Axmed Madoobe uu doonayo inay noqoto Ceelwaaq.

Haddii heshiiska lagu dhowaaqi lahaa, waxaa AMISOM oo la filayo inay qaadato magaca ATMIS qasab ku noqonaya inaysan qaadin tallaabo aysan ogolaansho uga haysan taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama ay xiliga kala guurka ka hoos shaqeynayaan SNA, waana taas sababta kooxda Farmaajo u dooneyso in lagu dhowaaqo heshiiska.

Si kastaba, waxaa ka hortagay in heshiiskaasi la shaaciyo wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo dhankooda iyo Axmed Madoobe faa’iido u arka baaqashada shaacinta heshiiska xil wareejinta, waxayna door bideen in uu baaqdo sidaasina ay ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM u sugi karaan amniga doorashada 16-ka kursi ee Garbahaareey, isla markaana aysan amar ugu baahneyn taliska ciidanka xoogga dalka inay Soomaaliyeed.

Jubaland ayaa maalmihii dhowaa wadday diyaar-garowga doorashada 16-ka kursi ee Gedo ayada oo soo saartay liiska kuraasta, waxaana la filayaa inay shaaciso in lagu qabanayo Ceelwaaq.

Hadallo ay dhowrkii maalmood ee uu shirka socday jeediyeen wasiir Cabdulqaadir iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa aad u kala duwanaa, waxaana laga dheehanayay in labadoodaba ay aad u kala fog yihiin siyaasad ahaan iyo inaysanba u muuqan inay hal dowlad ka wada tirsan yihiin.

Dib u dhigista shaacinta heshiiska ayaa waxaa isku aragti ka ah oo gadaal ka riixaya xafiiska Roonle, AMISOM, Axmed Madoobe iyo Kenya.

Col. Xamdi: Waxaan shaqada ugu tegay Yaasiin Farey oo aysan jirin cid la xisaabtanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay baahisay Taliyaha Hoggaanka baarista NISA Col. Xamdi Xasan Maxamuud ayey ku sheegtay inay shaqada ugu tagtay Taliyaha KMG ah ee Hey’adda NISA Yaasiin Fareey oo ay tilmaamtay inuusan ku shaqeyneyn nidaamka dalka u yaal, sidaasi darteedna ay xilka baneysay.

Xamdi Xasan ayaa qoraalka ay soo saartay waxa uu ku taariikheysan yahay March 4, 2022, hase ahaatee baaris ay sameysay Caasimada Online ayey ku ogaatay in Col. Xamdi Xasan ay shaqeyneysay markii ay soo baxaysay warqada xil ka qaadista oo ku beegneyd Talaadadii. 

Sida aan ogaanay, Xamdi ayaa markii Talaadada xilka laga qaaday waxay sameysay warqad ay ku taariikheysay March 4, si ay uga dhigto inay ayada xilka ka degtay.  

“Waxaan halkaan kugu soo gudbinayaa in aan ka tegay shaqada aan qaranka u haayay maanta oo taariikhda tahay 04-03-2022, maadaama taliska ku-simaha hay’adda (Yaasiin Fareey) habka ay ugu shaqeynayaan shacabka aan waafaqsaneyn nidaamka iyo sharciga dalka u yaallo, sidaas darteed waxaan go’aansaday in aan ummada Soomaaliyeed oo 13 sano u shaqeynayay ay ku tagrifalayaan maxkamadda iyo NISA aanan qeyb ka noqonin maadaama cid la xisaabtameysa aysan jirin balse aniga iyo dhowr qof oo ila mid ah nahay marqaatiga nool, sida ugu xadgudbaan dadka rayidka,” ayey ku tiri qoraalkeeda Col. Xamdi Xasan.

Markii ay soo shaac baxday xilka qaadista iyo isku shaan dheyn uu sameeyay Yaasiin Fareey ayaa waxaa soo fara-geliyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo habeen horey u yeeray Yaasiin Fareey, balse kulankaasi ayaa noqday mid aan wax natiijo ah kasoo bixin oo lagu kala kacay.

Kulanka oo la sheegay inuu dhacay habeen hore ayaa ra’iisul wasaaraha uu kala hadlay Yaasiin Fareey sababta xil ka qaadista dhalisay, balse kama helin jawaab macquul ah.

Xilka laga qaaday Col. Xamdi ayaa waxaa loo magacaabay Ibraahim Shiikhaal oo noqday Taliyaha Hoggaanka Baarista NISA, Taliyaha ilaalada shacabka ayaa waxaa loo magacaabay Iidoow halka Axmed Aadan loo magacaabay taliyaha ilaalada gaarka.

Col. Xamdi iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxay yihiin beel wadaag, waxaana Xamdi ay ka mid tahay xaasaska u dhaxdo xildhibaan Jacfar oo ah guddoomiyaha degmada Dayniile.

Somaliland oo daan-daansi ku tilmaamtay markabkii shalay Muqdisho keenay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga hadashay saanad milatari oo uu Shiinaha ugu deeqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo ay shalay la wareegtay wasaaradda Gaashaandhigga Somalia.

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile oo qoraal kooban soo saaray ayaa su’aal ka keenay xilliga lagu soo aadiyey agabka milatari ee Shiinuhu siiyey Soomaaliya, kaas oo kusoo beegmay, iyada oo Muuse Biixi booqasho ku joogo Mareykan.

Bile ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan ay tahay daandaansi cad oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xiriirka Somaliland, Taiwan iyo Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.” ayuu yiri agaasimaha guud ee madaxwtooyada Somaliland.

Dhanka kale wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo lagu wareejiyey qalabkan ayaa iyaduna horey u sheegtay in taageeradan ay timid wakhti munaasib ah, marka loo eego dagaalka culus ee ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya kula jirta kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay agabkan milatari u adeegsan doonto dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

“Waxan halkaan kula wareegayna kaalmo militiri oo aad iyo aad muhiim noogu ah in aan helno si aan u kordhino dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, Waxa aan uga mahad-celinaya dawladda iyo shacabka Shiinaha oo noogu deeqay taageradan, labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir walaalnimo oo soo jireen ah”, ayuu yiri wasiir Cabduqadir Maxamed Nuur.

Si kastaba, Somaliland iyo Soomaaliya ayaa marar badan hawada isku mariyey hadal kul-kulul, waxayna xiisaddu ka sii dartay markii ay xukuumadda Hargeysa si toos ah xiriir ula yeelatay Taiwan, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen Soomaaliya iyo sidoo kale Shiinaha.

Video: Jeesow oo shaaciyey arrin uu sameeyey markii la dhiibay QALBI-DHAGAX

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha cusub ee dib loo doortay ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in kiiska dhiibistii Cabdikariin Qalbi-dhagax uu ka gaabsaday oo miiska hoostiisa uu galay, maalmihii la is dhaafsanaayey doodaha culus ee ku soobsanaa dhiibistii muwaadinkaas.

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa masuuliyiin xildhibaano u badan oo lagu casuumay munaasabad loogu dabaal-degaayey dib u soo doorashada Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa u jawaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo Jeesow ku tilmaamay ninkii ugu cod-karsanaa xildhibaanadii Farmaajo taageersanaa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Cabdiraxamaan Odawaa uu doodo adag la yimid markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikaariin Qalbidhagax oo ururka ONLF ka tirsan, balse uu ka Daahir ahaan doodahaas ka dhuuma jiray.

“Sanadihii lasoo dhaafay baarlamaanku wuxuu ahaa laba group, waxaan Cabdiraxmaan Odawaa ku xasuustaa markii la dhiibay Qalbidhagax inuu baarlamaanka u noqday Sheekh wacdiya, anigana waan ka dhuuntay oo kuraasta hoostooda ayaan ka galay,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale Jeesow ayaa qiray in hormuudkii baarlamaanka ay ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa, isagoo xildhibaanada cusub ka codsaday in kala aragti duwanaantii hore mid lamid ah aysan ku soo noqon baarlamaanka 11-aad.

Dhanka kale xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Jeesow uu ka nasiib badan yahay xubnihii taageersanaa nidaamka Farmaajo oo intooda badan doorashadaan ku haray, kuraastiina loo soo diiday.

“Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuu ahaa muxaafiska ninka ugu codkarsan, laakiin waxaan ku faraxsanahay in ragii muxaafidka la’ahaa uu isaga bis ka soo baxay oo intii kale ay doorashada ku hareen, taasina waxay ku tusee in Jeesow uu nin adag yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Hoos ka daawo

Daawo: Fiqi iyo xildhibaan Qaali Shire oo codsi xasaasi ah u diray Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xubnaha sanadkaan ka haray tartanka doorashada kuraasta baarlamaanka 11-aad iyo Xildhibaan Qaali Cali Shire oo dhawaan lagu doortay Gaalkacyo ayaa hal cosdi u diray madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Fiqi iyo Qaali oo ka qeyb galay xaflad lagu maamuusay dib u soo doorashada Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene oo baarlamaanka ka soo galay HirShabeelle ayaa madaxda HirShabeelle si wadajir ah uga codsaday in Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ay kursigeeda soo siiyaan.

Ugu horeyn Fiqi ayaa Cali Guudlaawe ku amaanay in si gaar ah uu ugu hiiliyey xubnihii ugu muhiimsanaa baarlamaanka ayaa yiri, “Waxaan halkaan fariin uga direynaa Oday Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaan leenahay weli gabar mujaahid ah ayaa xagiina ku maqan.”

Isagoo sii hadlaayey ayuu Fiqi yiri, “Gabashaas Aamino ah Cali Guudlaawe iyo Dabageed faataxada halooga maro in ilaahey kasoo fududeeyo.”

Sidoo kale Qaali Cali Shire oo ku cusub baarlamaanka, kuna soo baxday tartan adag oo Ubax Tahliil iyo musharaxiin kale ay la gashay ayaa Cali Guudlaawe u dirtay codsi lamid ah kan Fiqi u diray ee ah in Xildhibaan Aamina Maxamed uusan ka reebin baarlamaankaan 11-aad.

“Hadaan nahay Soomaali oo dhan hal deyn ayaan ku leenahay madaxweynaha HirShabeelle, waxaan ka codsaneynaa, inuu noo soo daayo walaasheen Aamiina, si gaar ah ayaan ula hadlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo aan ka codsaday inuu Beledweyne ku laabto oo kursiga Xildhibaan Aamina uu wax ka doono,” ayey tiri Xildhibaan Qaali.

Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee aan weli dib loo soo dooran kuraastooda ayaa lagu xasuustaa halgankii adkaa oo ay u gashay sidii cadaalad ay u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu eedeeyey inuu khaarajiyey Taliska NISA.

Kursiga Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa laga soo doortaa magaalada Beledweyne, waxaana ilaa hadda kala cadeyn, sida Cali Guudlaawe uu ka damacsan yahay kursiga Aamino oo kooxda Madaxweyne Farmaajo ay waqti badan ku bixineyso in gabadhaas ay dhaafiso kursiga.

Hoos ka daawo codsiga Faqi iyo Qaali

Afar dan oo Mareykanka ‘uu ka leeyahay’ Somaliland

Maraykanku waxay sheegeen in ay dan qaran oo wayn ka leeyihiin Somaliland. Waxay soo saareen xeer ay ku doonayaan in ay heshiis iskaashi amni iyo wax wada qabsi la yeeshaan Somaliland, iyaga oo aan aqoonsan. Danta ayey ku soo koobeen afar qodob oo kala ah

1- Ilaalinta danta Maraykanka iyo xulafadiisa ee marin badeedka Bab-el-Mandeb, iyo dekeda Berbera. 

2- In ay noqoto albaab badeedka uu ka gelayo Bariga Afrika.

3- In laga hortago joogntaanka Iiraan ee Gacanka Cadan iyo Awoodda Shiinaha ee gobolka ku xoogaysanaysa.

4-  Xaqiijinta ujeedkii ahaa la dagaalanka argagexisada Alshabaab iyo Daacish 

Ka sokow in la bogaadiyey nabadda, iyo xasilloonida ka jirta Somaliland, waxay ka marag kaceen in ay dimoqoraadiyad ka jirto, doorasho nabad ah talada dalka kula kala wareegeen 

Halka ay ku tilmaameen in Soomaaliya inteeda kale ay ka socoto doorasho lagu takrifalayo, nabad-gelyo aan la isku hallayn karin iyo xasillooni darri. 

Loollanka quwadaha shisheeye ee la xariira danaha juqraafi siyaasadeed (Geopolitical Intrest) waa kuwo xasaasi ah oo u baahan ka fiirsasho iyo go’aano dheelitiran oo dhinacyo badan laga eegay.

Waxaana taas lagu gaari karaa yagleelida hay’ado ilaalin kara amniga qaran iyo hoggaan aan gebi dhaclayn oo fiira dheeri iyo fogaan aragba leh. 

Somaliand waxay wax badan kaga xiran yihiin sida ay ugu lib keenaan doorashooyinka soo socda, Soomaaliyana hoggaanka ka yimaada doorashada dhowaan dhici doonta, iyo sida ay labadaasi iskula jaanqaadaan waxay wax badan ka teri doontaa danaha dadka Soomaaliyeed.

MAREYKANKA oo digniin cusub u diray SHIINAHA

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping jimcihii ‘cawaaqib xumo’ haddii Beijing ay taageero agab ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyado labada dhinac ay ka wadahadleen baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Inkasta oo Aqalka Cad aanu faah-faahin waxa ay noqon karaan cawaaqi xumada uu Shiinu la kulmi karo, ama sida Mareykanka uu u qeyxi doono “taageerada agabka”, ayaa xoghayaha warfaafinta Jen Psaki waxa ay tilmaanty in ganacsiga ballaaran ee Shiinaha ay saameyn ku yeelan karo.

Psaki waxay sheegtay in Maraykanku uu Beijing si toos ah ugala xiriiri doono cawaaqib xumo kasta, isag oo kashanaya saaxiibadiisa iyo dhiggooda Yurub.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in cunaqabateyntu tahay kaliya hal qeyb oo ka mid ah waxyaabaha u diyaarsan Mareykanka.

“Wuxuu u qeyxay saameynta iyo cawaaqibka ka dhalan kara haddii Shiinuhu uu taageero qalab siiyo Ruushka maadaama uu fulinayo weerarro naxariis darro ah oo ka dhan ah magaalooyinka Ukraine iyo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad, kaas oo raaciyay in Biden “hoosta ka xarriiqay inuu taageersan yahay in xiisaddan lagu xalliyo xal diblomaasiyadeed.”

Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa kusoo beegmay xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya labada quwadood ee ugu waaweyn adduunka, iyada oo Biden uu tafaasiil ka bixiyey dedaallada Maraykanka iyo xulafadiisa ay kaga jawaabayaan duullaanka Ukraine.

VOA

Askar ka tirsanaa AMISOM oo QARAX lagu dilay

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM xalay lagula eegtay qaybo ka mida gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Balcad.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa wuxuu haleelay gaari Taw ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada Burundi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Kadib qaraxa ciidamada ayaa sameeyey howlgallo kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabateen weerarkaasi qaraxa ah ee lala beegsaday.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 6 askari, kuna dhaawacday saddex kale.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askarta geeriyootay uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxaas ee ay Al-Shabaab shaacisay inay askar badan uga dishay.

Inta badan Xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka.

Deni oo ku dhowaaqay go’aankiisa musharaxnimo ee xilka madaxweynaha DF

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa go’aankan uga dhowaaqay kulan uu caawa la yeeshay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Puntland, kuwaas oo madaxtooyada Garowe uu ku qaabilay.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa qoraal kooban oo uu baahiyey waxuu ku yiri, “Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan.”

Saciid Deni ayaa tan iyo markii ay billowdeen doorashooyinka baarlamaanka Soomaaliya, iyo kasii horba, waxaa aad loo hadal hayey inuu damac uga jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ugu dambeyn uu caawa xaqiijiyey. 

Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ku goodiyay in baarlamaanka uu xilka ka qaadi doono madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni, haddii uu ku dhawaaqo inuu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shaacinta go’aankaan waxay ku soo aaday, iyadoo maanta Xildhibaan Cawil Daad oo ka tirsan baarlamaanka Puntland uu ku goodiyey in haddii Saciid Deni uu ku dhawaaqo inuu murashax u yahay dowladda dhexe ay si toos ah baarlamaanka Puntland xilka ugu xayuubi doonaan.

Xildhibaanka ayaa Deni ku eedeeyay waxqabad la’aan seddax sano ah iyo dib u dhac ay wajaheyso Puntland, wuxuuna sheegay in dastuurka cusub ee Puntland uu cadeynayo in madaxweynaha Puntland uusan isku sharixi karin xil kale, isagoo jagada madaxweynaha Puntland haya oo aan iska casilin ama laga qaadin.

Madaxweyne Deni ayaa xildhibaanada uu caawa Garowe kula kulmay waxuu u soo bandhigay go’aankiisa musharaxnimada, isagoo ka codsaday inay ku taageeraan hanashada kursiga ugu sareeya dalka.

Hoos ka daawo hadal jeedintii Deni

Sawirro: Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday DF iyo AMISOM kadib markii…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta ka qeyb-galay kulan ay lahaayeen wakiilada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si weyn amni xumada dalka ugu weeraray dowlada federaalka iyo howl-galka AMISOM.

Kulankaan oo looga hadlayay waqtiga kala guurka ah ee howl-galka AMISOM ee lagu badalayo ATMIS iyo arrimaha amaanka Soomaaliya, ayaa waxa uu ka sheegay inay wali aysan muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka.

Axmed Madoobe ayaa ka dhawaajiyay in howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo Wanaagsan soo qabtay bilowgii kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka kamid ah, hase yeeshe uu noqday mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu tala-galay.

Fadhiidnimada ku timid howl-galka AMISOM ayaa waxa uu sheegay inay sababteeda leeyahiin Dowlada Federaalka ah, wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

“Dowlada Federaalka ah waxay ka gaabisay hanaanka isku xirka amniga qaranka, ayada oo ciidamada dowlada u isticmaashay arrimaha siyaasada, taas oo qeyb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Soomaaliya. Sidoo kale waxay dayacday fursadahii hogaaminta howlgalka AMISOM iyo diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareega amniga dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada federaalka ah ay ka baxday heshiisyadii amniga ee ay wada gaareen dhamaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018.

“Dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya waxay ayaguna qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM, iyagoo fara-galin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya, dhumiyayna shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka.”

Waxa uu sheegay in qorshaha kala guurka ee amniga dalka uu yahay mid wanaagsan, hase yeeshe uu u baahan yahay ka go’naansho iyo fulin dhab ah inkasto intaasba aan looga baran Dowlada Federaalka ah.

Ugu dambayntii waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul lagaga gaari karo in la helo isku xirnaanta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howl-gal midaysan oo dalka oo dhan ah.

“Waxaa baahi weyn loo qaba isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo iyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo hadaf sax ah.”

Daawo: Xildhibaan Mahad Salad oo soo bandhigay arrin uu Farmaajo go’aansaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo galabta ka qeyb galay munaasab lagu soo dhaweynayey Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene oo dib loo soo doortay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Farmaajo uusan melena uga socon Villa Somalia, isagoo balan qaaday in wax dabaal-deg ah aysan sameysa doonin ilaa inta ay Villada ka saarayaan Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa Villa Somalia noo dhex fadhiya nin leh, hadaan meeshaan soo galay melena ugama socdo, hadii aan ka baxaana soomaba galeene faraha hala iga qaado, taasna ka yeeli meyno,” ayuu yiri Mahad Salaad oo Farmaajo weeraraya.

Waxa uu sheegay in markii ay Farmaajo ka saaraan Madaxtooyada ay dabaal degi doonaan oo hadda aysan dhiga doonin wax xaflado ah.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa sheegay in xildhibaanadii fadhiga baarlamaanka laga mamnuucay ay ku jireen isaga iyo Beenabeene, markii mudo kororsiga fashilmay loo sameynayey nidaamka Farmaajo, balse hadda ay ku soo wada laabteen baarlamaanka oo mar kale dib loo soo doortay.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayuu sidoo kale Mahad Saalad uga mahad celiyey in xildhibaanadii muhiimka ahaa uu mar kale fursad u siiyey in baarlamaanka ay dib ugu soo laabtaan oo la soo doorto.

Hoos ka daawo

 

Xildhibaan si indho la’aan ah u taageersaneyd Farmaajo oo maanta lagu bahdilay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo si weyn u taageeri jirtay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu celiyay garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde xili ay ka dhoofi rabtay.

Luul oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in shalay iyo maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, markii dambena loogu handaday inaysan u dhoofi karin Kismaayo, oo ah deegaan doorashadeeda.

“Shalay iyo Maanta Airport-ka taaganahay waa ka bixi waayay, mar la igu dhaho diyaaradaha waa buuxaan oo laguma qaadayo iyo mar sas la igu rido oo maanta ay dadka reerkayga isoo waceen oo idhaheen shirqool ayaa ku diyaar ah oo magaalada ma imaan kartid la igu yiraahdo,” ayey tiri Luul Cabdi Aadan.

Luul ayaa ku fadhisa kursiga HOP#133 oo ay rabtay inay markale isku taagto, wuxuuna kamid yahay kuraas doorashadooda uu shaaciyay Guddiga SEIT Jubbaland in magaalada Kismaayo lagu qaban doono maalinta Isniinta ee soo socota.

Waxay ku eedeysay in kursigaan uu boobayo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uuna si gaar ah ugu xiray shaqsi uu wato Saciid Deni oo ah madaxweynaha Puntland oo la fahamsan yahay inuu ku jiro damaca kursiga ugu sareeya dalka.

“Kursigaan waxaa loo xiray nin uu wato Deni, oo aan aheyn beesheena. Waxaa nasiib darro ah in xad-gudubkooda u soconayo kursiga waxaa iska leh Dumar oo waa qoondada haweenka, haddana sida lagu heshiiyay beesha iska leh 3 kursi inay keenaan 1 dumar ah.”

Ugu dambeyntiina waxay baaq u dirtay Ra’iisul Wasaaraha, Maxkamadda sare iyo guddiyada FEIT iyo SEIT si ay wax uga qabtaan cabashada ay ka qabto kursigay ku fadhiso, oo ay sheegtay in laga wareejiyay qoondadii haweenka ee uu ahaa.

Luul ayaa si weyn loogu xasuusta inay si aan qarsooneyn u taageereysay Labadii Sano ee muddo kororsiga aheyd ee uu sameystay Farmaajo, sidoo kalana si weyn u weerartay xildhibaanada mucaaradka oo qaarkood ay xatooyo ku eedeysay iyadoo saxaafadda la hadleysay.

Xog: Labada qorshe ee la xiriira doorashada ee Axmed Madoobe u tegay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka wado kulamo caalami ah oo uu la leeyahay beesha caalamka iyo dowladda Kenya. 

Safarka Axmed Madoobe oo kusoo beegmay xili xasaasi ah oo taagan muran ku saabsan halka lagu qabanaayo doorashada 16-ka kursi ee maamulkaasi u harsan, kuwaas oo ah kuraasta loo qorsheeyey in lagu doorto magaalada Garbaaharey.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa laba qorshe u jooga Nairobi, kuwaas oo la xiriira doorashada golaha shacabka, gaar ahaan muranka hareeyey doorashada magaalada Garbahaarey.

Axmed Madoobe ayaa qorshihiisa koowaad yahay inuu beesha caalamka u sheego in Farmaajo oo ciidan adeegsanaya uu caqabad ku noqday doorashada Garbahaarey, wuxuuna Axmed Madoobe isla maanta la kulmay diblomaasiyiin caalami ah isaga oo eedeyn xooggan u jeediyey dowladda federaalka.

Qorshaha labaad ee Axmed Madoobe ayaa ah inuu kala hadlo dowladda Kenya sidii ay u diyaarin lahayd in doorashada kuraasta 16-ka kursi ee Garbahaarey loogu qaban lahaa degmada Ceelwaaq ee dhanka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah AMISOM, waxayna heli karaan taageerada beesha caalamka, haddii loo xil-saaro inay sugaan amniga doorasho ka dhacda Ceelwaaq.

Guddiga doorashada iyo maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay dhici doonto doorashada 16-ka kursi ee salka u ah khilaafka Axmed Madoobe iyo madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo.

Guddiga ma shaacin goobta, balse waxaa aad loo hadal hayaa in Ceelwaaq ay tahay magaalada ugu macquulsan, maadaama ay dadka Gedo aqbali doonin Kismaayo.

Degmada Ceelwaaq ayaa dhacda xuduud beenaadka ee kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya. 

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo afhayeenada labada aqal

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku dalbadeen dhameystirka doorashada baarlamanka iyo qabashada doorasho dhexdhexaad ah oo ah Af-hayeennada labada aqal iyo Madaxweynaha

“Saaxiibada caalamiga ah waxa ay la socdaan in doorashada in ka badan boqolkiiba 80  ee kuraasta Golaha Shacabka lagu dhameystiray waqtigii ay u qabteen Golaha Wadatashiga Qaran ee 15-ka Maarso,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si xoog leh ugu boorrineynaa dhammaan daneeyeyaasha  in caqabadaha hortaagan dhameystirka geeddi-socodka ee goobaha codbixinta weli harsan ay ku xalliyaan wadahadal iyo wadar ogol, si si dhaqse ah oo lagu kalsoonaan karo loogu soo afmeero doorashooyinka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ugu baaqeynaa inay ka foggaadaan hannaanada oo ka mid tahay geeddi-socodyo is garab socda, oo aan ku saleysneyn heshiis ey u dhan yihiin dhinacyada muhiimka ah.”

Xubnaha beesha caalamka ayaa sidoo kale dalbaday in dadaallada la laba-laabo si loo gaaro qoondada boqolkiiba 30 ee metalaadda haweenka ee baarlamaanka. Qoondada haweenka ayaa u muuqata inay sanadkan gaari doonin 30%, ayada oo inta badan xildhibaanada la doortay. 

“Saaxiibada caalamiga ah waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ku boorinayaan inay ku dhawaaqaan u diyaar garowga Hangarka oo ay balanqaadaan ka go’naanshiyahooda si loo tixgeliyo qodobbada dastuurka dastuurka Soomaaliya ee la xiriira geeddi-socod dhexdhexaad ah oo xalaal si loo doorto Af-hayeennada labada Aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Putin oo Erdogan u sheegay qodobada uu ku joojin karo dagaalka Ukraine (Aqriso)

0

Ankra (Caasimada Online) – Galankii dambe ee Shalay, Madaxweyne Putin ayaa telefoonka kasoo wacay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxa uuna u sheegay qodobbada ay Ruushku heshiis nabadeed kula gali karaan dowladda Ukraine.

Faahfaahinta wada-hadalka Madaxweynaha Ruushka iyo kan Ukraine ayaa waxaa bixiyey afhayeenka Erdogan, ahna la-taliyihiisa ugu sarreeya Ibrahim Kalin oo la hadlay BBC, wuxuuna kamid ahaa dad kooban oo dhageysanayey hadalka telefoonka la isku weydaarsaday.

Dalabaadka Ruushka waxay u diyaarsan yihiin labo qaybood. Afarta dalab ee ugu horreysa, sida uu sheegay Mr Kalin, fulintooda aad uguma adka Ukraine.

Kuwa ugu waaweyn waa in ay Ukraine aqbasho inay noqoto waddan dhexdhexaad ah iyo in aysan ku biirin isbahaysiga NATO. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, horayba wuu u muujiyay inuu sidaas rabo.

Waxaa jira dalab kale oo qaybtan ka mid ah oo badankood u muuqda kuwo waji badbaadin u ah dhanka Ruushka.

Ukraine waa in ay marto hab looga dhigayo in la xaqiijiyo in aysan khatar ku ahayn Ruushka. Waa in luuqadda Ruushka lagu ilaaliyo gudaha Ukraine. Waxaa kale oo jira wax loogu yeeray joojinta Nazi-nimada.

Tani waxay weerar culus ku tahay Mr Zelensky, oo isaga qudhiisa Yuhuud ah qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisana ay ku dhinteen xasuuqii Yuhuudda ee “Holocaust”. Laakiin Turkiga dhankiisa waxa uu aaminsan yahay in ay arrimahan aqbalitaankooda u sahlanaan doonaan Mr Zelensky.

Waxaa laga yaabaa in dadka reer Ukraine ay ku filnaato inay cambaareeyaan dhammaan howlaha la xiriira taageerada Nazi-ga ayna ballan qaadaan inay baabi’inayaan.

Qaybta labaad ayaa ah midda ay ku jiraan waxyaabaha adag, wicitaankiisa telefoonkana Mr Putin waxa uu ku sheegay in ay u baahnaan doonaan wadaxaajood fool-ka-fool ah oo uu la yeesho Madaxweyne Zelensky, ka hor inta aanan heshiis laga gaarin qodobbadan.

Mr Zelensky waxa uu horay u sheegay inuu diyaar u yahay in uu wadaxaajood is hor fariisi ah la yeesho Madaxweynaha Ruushka.

Mr Kalin aad uma uusan sharrixin arrimahan, isagoo sheegay in muhiimaddu ay tahay inay khuseeyaan waxa laga yeelayo Donbas iyo bariga Ukraine, kuwaasoo qaybo ka mid ah ay horayba u go’een lagana hadlay sida ay Ruush ku noqon karaan, iyo sidoo kale arrinta Crimea.

Inkastoo Mr Kalin uusan waxba faahfaahinin, malaha wuxuu yahay in Ruushka uu dalbaday in dowladda Ukraine ay oggolaato in laga qaato dhul ku yaalla bariga Ukraine. Taasi waxay noqon doontaa mid aad iyo aad u culus.

Malaha kale ee loo fahmi kari waa in Ruushku uu dalbaday in Ukraine ay si rasmi ah u aqbasho in Crimea, oo Ruushku uu si sharci darro ah ku qabsaday 2014-kii, ay hadda tahay meel uu leeyahay Ruushka. Haddii ay xaaladdu sidaas tahay, qodobkaas Ukraine way ku adkaan doontaa inay laqdo.

Intaas waxaa sii dheer, Ruushku sharci uma laha inuu qaato Cremea waxa uuna saxiixay xeer caalami ah, kaddib markii uu dhacay nidaamkii hanti wadaagga, balse markaas waxay ahayd ka hor inta uusan Vladimir Putin xukunka qabsanin.

Markab hub sida oo laga leeyahay Shiinaha oo kusoo xirtay dekadda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab hub sida oo ka yimid dalka Shiinaha ayaa maanta kusoo xirtay dekadda weyn ee Mudqdisho xilli wafdi ka socda dalka Shiinaha ay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay caddeynayaan dokomentiyo la helay, waxyaabaha saarnaa markabkaan ayaa waxaa kamid ah shixnado hub oo ka kooban noocyada kala duwan, sida hub, gaadiid dagaal, booyado iyo waxyaabo kale.

Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Wasiirro, Taliyaha Ciidamada Xoogga, safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo xubno kale ayaa hubkan iyo agabka militari kala wareegay dowladda Shiinaha.

Khubaro amni oo arrintan wax laga waydiiyey ayaa shaki geliyey isticmaalka hubkan, xilli dalku ku jiro xaalad kala guur ah.

Ilaha qaar ayaa sheegaya in dhowaan Dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso inay soo celiso ciidamada Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Eretria, kuwaas oo shaki badan laga qabo in loo adeegsan doono doorashada 2022-ka.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka dib dhacday waqtigii looga talagalay, waxaana hadda muuqata inay gaari karto illaa Bisha Todobaad ee sanadkaan.

Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan isku dayey inuu sameysto muddo kordhin Hal Sano ah, waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid mucaaradka oo adeegsaday awood ciidan.