25.6 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Sidee madaxda dalalka waa-weyn u badbaadayaan hadii uu dhaco dagaal Nukliyeer?

0

Washington (Caasimada Online) – Markii uu bilowday dagaaalka uu Ruushka ku qaaday dalka horay uga go’ay ee Ukraine, madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku hanjabay inuu heegan geli doono ciidamada sida gaarka ah u qaabilsan Nukliyeerka, taas oo sare u qaaday cabsida iyo welwelka caalamka oo dhan oo ah in adduunku uu galo dagaal dhanka Nukliyeerka ah.

Su’aasha ugu badan ee la is waydiinayo ayaa ah waa maxay tallaabooyinka ay qaadi doonaan hoggaamiyeyaasha wadamada waaweyn haddii uu qarxo dagaal-ka Nukliyeerka?.

Madaxda wadamada waaweyn ee Adduunka ayaa hadda ka fakaraya habka ay u badbaadi karaan haddii uu bilowdo dagaalka Nukliyeerka, wuxuuna Mareykanku noqday dalkii ugu horreeyey ee tijaabiyey diyaarad lagu badbaadin karo madaxda.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ruushka leeyihiin ayaa waxaa ka mid ah diyaarado si adag loo xoojiyay oo lagu magacaabo (Doomsday Planes), kuwaas oo si gaar ah loogu dhisay madaxda iyo saraakiisha sarsare haddii uu dhaco dagaal Nukliyeer ah.

Tani ma ahan dhamaadka filimkii Leonardo DiCaprio ee ” Don’t Look Up”, markii madaxweynaha Mareykanka iyo shakhsiyaadka saameynta leh ay ku safreen hawada sare, ugana sii talaabeen meeraha kale kadib markii uu dhulka kusoo dhacay Meteor oo ah walax yar ama dhagax yar, kana mid ah nadaam qoraxeedka Adduunka, kuwaas oo hadey dhulka kusoo dhacaan halis weyn galin kara jiritaanka bani’aadamka, balse waa arrin xaqiiqo ah.

Shabakadaha dabagalka ku sameeyo duulimaadyada milatariga ayaa muujiyay in Diyaaradda Boeing-747 oo ah diyaarad loogu tala galay madaxda Mareykanka oo is bedel lagu sameeyay ay ka duushay saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Lincoln 28 Bishii February oo ku beegneyd 4 Maalin kadib markii uu bilowday weerarkii Ruushka ee Ukraine.

Diyaaradda tijaabada lagu sameenayey ayaa u safartay magaalada Chicago ka hor inta aysan mudo kooban kusoo laaban sida laga soo xigtay Shabakadda Daily Mail ee British-ka ah.

Diyaaradaan ayaa waxaa la socday laba diyaaradood oo nooca Cobra Bull ah kuwaas oo awood u leh la socoshada Gantaalada Balaastiigga ah iyo halka ay marayaanba, sidoo kalana dhowr diyaaradood oo kuwa Militariga ah ayaa wehliyey.

Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in diyaaradeeda ay u dirtay duulimaad tababar ah kadib markii ay soo yeertay hanjabaadii Nukliyeerka ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradda ay u qalabeysan tahay Madaxweynaha Mareykanka iyo saraakiishiisa sare oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidamada si ay u adeegsadaan haddii uu qarxo dagaal Nukliyeer ah ama la galo xaalad degdeg ah iyo halis weyn.

Diyaaradaan ayaa la isticmaali doonaa marka ay xaaladda meel xun gaarto isla markaasna laga fursan waayo in la badbaadiyo madaxda Dowladdaha waaweyn sida Mareykanka iyo wadamada.

Diyaaradaan ayaa ah mid loo diyaariyey hab casri ah, waxaana nooceeda lagu sheegay mid naadir ah oo aan laga heli karin adduunyada.

Waxyaabaha ay gaarka ku tahay diyaaradaan ayaa waxaa kamid ah inay Hawada ku duuli karto 7 Maalmood oo xiriir ah, sidoo kalana waxaa shidaalka lagu shubi karaa iyadoo hawada ku jirto lana isticmaalayo diyaarado kale.

Diyaaradaan ayaa u diyaarsan inay duusho daqiiqad kasta, waxayna ka kooban tahay 3 Dabaq, waxaana halkii marba raaci kara 112 Qof.

Waxyaabaha ay gaarka ku tahay waxaa kaloo kamid ah in lagu xiray qalab casri ah oo u suurta gelin kara iney u adkeysto  Electromagnetic-ga.

Awood ahaan waxay ka sareysaa midda Maraakiibta difaaca cirka ee Maraykanka, waxay iska difaaci kartaa weerarada Nukliyeerka, Meteor-ka iyo danabyada.

Diyaaradaan ayaa waxay la socon kartaa lana xiriiri kartaa goob walba oo ka tirsan dhulka, xataa maraakiibta Gujisyada ee Biyaha Badweynta hoos quusta haddii ay is gaarsiinta ka go’do waxay awoodaa inay xiriir la sameyso, wuxuuna qiimahadeeda Suuqa hadda ka marayaa 223 Million Dollar.

Saddex arrin oo caqabad ku ah musharaxnimada Deni

0

Garowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo hadal ka jeedinayey xafladda gunaanadka doorashadii labadii Aqal ee lagu qabtay Garowe, wuxuu Saciid Deni sheegay sababta uu u doonayo xilka Villa Somalia iyo inuu rabo mira dhalka wixii uu ka shaqeenayey 3-dii sano ee lasoo dhaafay.

Maalmo badan ayuu huuris ahaa mashruuca Saciid Deni, laakiin sida uu u maamulay doorashadii labada Aqal ee ka dhacday Puntland ayaa qof walba siineysay natiijo horudhac ah oo ku saabsan inuu Deni Xamar u soo socdo.

Waxa uu kala kulmi doono magaalada Muqdisho waa mid aan laga hordhici karin, laakiin cabaqado badan ayaa daadsan wadadiisa ololaha.

Deni wuxuu si aan leexleexad laheyn u sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in Farmaajo uusan kusoo laaban Villa Somalia.

Wuxuu sheegay inay iska kaashan doonaan cid walba oo aragtidaas qabta. Dariiqa uu Deni soo qaaday in Farmaajo lagu badali karo dood ayaa ka taagan, laakiin farriintii Saciid Deni ee xalay waxaa ku jirtay mid uu kula hadlayey xubnaha u sharaxan xilka madaxweynaha ee raadinaya in sidoo kale Farmaajo la bixiyo.

Haddaba Deni caqabad ma kala kulmi karaa mucaaradka Muqdisho fadhiya?

Saciid Deni iyo mucaaradka Muqdisho islama hayaan waayadaan, mucaaradka waxay filayeen in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay wax ka siin doonaan kuraasta ay maamulayaan, si ay rajo sare u yeeshaan, laakiin Saciid Deni waa diiday inuu kuraasta wax ka siiyo xubnaha mucaaradka ah ee Muqdisho jooga.

Deni maadaama uu damac galay kursi walba naftiisa ayaa jamatay, hadda mucaaradka waxay is waydiinayaan sida ay mar kale Saciid Deni wax iskula dhisan karaan, waana cabaqad xoog leh kala aamin baxaan.

Sheegashada ku saabsan inaan Deni lagu badali karin Farmaajo ayaa iyaduna xooggan. Dadka Soomaalida ah badankood marka la isku barbardhigo cidda Villa Somalia mudan Saciid Deni iyo Farmaajo waqti ma gelinayaan inay ku dhahaan Farmaajo.

Inkastoo aan la aqoon cidda iibisay aragtidaan, haddana dadka waxay isticmaalayaan caqabadaha uu Saciid Deni gacantiisa ku maleegtay maalmihii uu joogay Puntland, sida weerarkii dhimashada sababay ee lagu qaaday baarlamaanka Puntland, xubnihii laga eryey baarlamaanka, sida uu u abuuray khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland, duulaankii khasaaraha badan dhaliyey ee Boosaaso iyo hadda oo uu qabtay mid kamid ah doorashooyinkii ugu fadeexadda badnaa dalka.

3-Saacadood oo kaliya ayuu Deni ku qabtay doorashada 16-kursi oo taalla deegaan doorashada labaad ee Boosaaso, sidoo kale hal ergo oo isku nooc ah ayaa lagu eedeenayaa Deni inuu u adeegsaday doorashadaas.

Cabaqadda kale ee Deni hor-taalla waa aragtidiisa siyaasiga ah. Saciid Deni iyo Farmaajo waxaa la sheegaa inay ka siman yihiin aragtida siyaasadeed ee ah in la kala adkaado.

Farmaajo wuxuu tijaabiyey inuu cid walba xoog u sheegto, inta badan waa u mari weysay arrintaas, xataa wuxuu dagaal geliyey caasimadda Muqdisho.

Saciid Deni intii uu joogay Puntland wuxuu galay mid kamid ah dagaaladii ugu qaraaraa deegaanka, kaas oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaa la sheegaa inuu Deni aaminsan yahay siyaasad ku dhisan is maquunin iyo kala adkaasho, taas oo ay adag tahay in xilligaan lagu dabaqo Soomaaliya.

Dadka degan magaalada Muqdisho oo ah halka lagu dhaqo dowladnimada Soomaaliya waxay is waydiinayaan waxa ka dhallan kara haddii hoggaamiye ciidan aaminsan ay ku bedalaan mid kale oo kaga sii dheereeya aragtidaas.

Fursadda doorashada Soomaaliya ma ahan in xildhibaan loo boobo kursi, iyadoo laga raadinayo cod, waxaana la eegayaa sida uu Saciid Deni isku ogoleysiin karo calaamadihiisa iyo caqabadaha yaalla magaalada Muqdisho.

Go’aan culus oo kasoo baxay shirkii ay Villa Somalia soo agaasintay ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir socday labo maalmood oo looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, waxaana shirkaas soo agaasimay xafiiska amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa u dhexeeyey masuuliyiin ka kala socotay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saaxiibada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

“Shirka ayaa labadii maalmood ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray dardar gelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka,  diiwaan gelinta, calaamadinta iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, iyo qorsheyaasha hortebinta iyo mudnaanta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray gabagabadii shirkaas.

Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin:

1 – Dardar gelinta iyo ballaarinta dadaallada socda ee lagu calaamadeynayo, laguna diiwaan gelinayo kaydka hubka ee ku jira gacmaha hay’adaha amniga dalka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

2 – Qiimaynta awooda kaydinta hubka ee hadda jirta, si loo qeexo baahiyaha dhiman.

3 – Saamaynta istaraatiijiyad qaran iyo shuruuc lagu xakamaynayo hubka sharci darrada ah, kiimikooyinka iyo walxaha Qarxa, si loo dhimo khatarta ka imaanaysa ururrada argagixisada ah.

4 – Dejinta jaangooyooyin cadcad oo lagu xaqiijinayo qaadista cunaqabaynta hubka ee saaran Soomaaliya.

“Dhammaan Masuuliyiinta kalmadaha ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay  sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo  dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ay ugu horreeyaan xasilinta dalka iyo ka guulaysiga ururrada argagixisada ah,” ayaa lagu qoraalka.

Masuuliyiintii iyo wakiilladii metelayey heerarka kala duwan ee dowladda federaalka ayaa soo bandhigay qorsheyaasha mudnaanta iyo hor tebinta u leh Soomaaliya labada sano ee soo socota, iyadoo dhanka kale ay danjireyaasha caalamka ee Soomaaliya ee ka soo qayb galay shirkaas ay soo dhoweeyeen qorsheyaasha iyo soodeejintii siyaasiyiinta Soomaaliya.

Shirkaan oo maanta lasoo gabagabeeyey waxaa ka qayb galay wasiirka caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliya Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyo danjireyaasha dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Ingiriiska.

Xildhibaan lacag 11 kun oo dollar u haysta R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday ayaa sheegay in uu dacwo ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Idiris ayaa sheegay in uu Rooble ka rabo lacag dhan 11 kun oo dollar, taasi oo uu ku shubay xisaab-bankiyeedka Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed, si uu uga mid noqdo musharaxiinta Golaha Shacabka.

Lacagta uu Idiris ku dacwoonayo, kana rabo Rooble ayaa waxa uu shubay 23-kii bishii November ee sanadkii hore 2021-ka.

Idiris ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in uu lacagta 11 kun ee dollar ah uu ka doonayo Rooble, maadama uu masuul ka yahay guddiyada FEIT iyo SEIT ee gacanta ku haya doorashooyinka dalka.

Sababta u weyn ee uu xiligaan lacagta u dalbanayo ayuu ku sheegay kadib markii loo diiday shahaadadii musharaxnimo, taasi oo markale uu iskugu soo taagi lahaa kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya.

“Raysal Wasaare Rooble ayaa ka masuul ah FEIT iyo Seti iyo dhamaan doorashada dalka. Rooble lacagta 11 kun ayaa kaa rabaa, waayo lacagta markaan shubey shahaadadii ayaa la ii diiday. Xafiiskaaga uma shaqeynayo xafiis masuuliyadeed, Farmaajo u shaqeysaa. Lacagteyda isii Account-ga dowlada dhex ku jirta,” ayuu Idiris ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu soo raaciyay cadeymaha lacagta uu ku bixiyay.

Hoos ka eeg document-yada uu soo bandhigay;

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo sheegay arrin ka go’an inay sameeyaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa sheegay inay dawladda Maraykanka ka go’an tahay inay taageeraan dib usoo noolaynta Soomaaliya deggan, nabad ah, islamarkaana dimoqraadi ah.

Safiirka ayaa u sheegay idaacadda VOA in Maraykanku yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya ka gargaara dhinacyada bani’aadminnimada, amniga iyo horumarinta.

Danjire Larry André waxaa kale oo uu idaacadda VOA u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay taageerista xorriyadda saxaafadda guud ahana caalamka. Waxa uu sheegay in suxufiyiinta oo la siiyo tababar, iyo in la difaaco xuquuqda hadalka ee Soomaaliya inay ka mid tahay waxyaabaha safka hore ku jira ee ay mudnaanta siinayaan.

Mareykanka waxay horey u qaadeen tallaabooyin ay ku qasbayaan in doorashada Soomaaliya loo soo geba-gebeeyey si deg deg ah.

Washington waxay ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka.

“Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay isku u qabsatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanka waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa,” waxaa sidaas war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Sidoo horeba, Blinken ma shaacin shaqsiyaadka cusub ee lagu daray liiska xayiraadaha. Waxaa la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay is ogaan doonaan kaliya marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah.

Danjiraha ayaa 7-dii bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay waraaqihiisa dnajirennimo u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward André, Jr. uu noqdo safiirka Maraykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah ruug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay diblomaasiyadda. André ayaa hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay Noofembar 2017 illaa Jannaayo 2021, isaga oo 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.

Midowga Musharaxiinta oo guddiga FEIT la dalbaday dhaqan-gelinta go’aankii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa maanta magaaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddiga doorashooyinka heer federaal, xili ay gaba-gabo mareyso doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga FEIT oo uu horkacayey Muuse Geelle Yuusuf iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta uga qeyb-galay kulankaasi oo kala ahaa; Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xasan Cali Kheyre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka labada dhinac ayaa diirada lagu saaray laba qodob oo kala ah:

1- Dedejinta dhameystirka doorashooyinka, ayada oo Midowga Musharaxiinta ay dalbadeen in la dhaqan-geliyo jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga FEIT, oo dhigaya in xildhibaanada cusub la dhaariyo 14-ka April.

2- Iyo xal u helida caqabadaha weli haysta dhamaystirka doorashooyinka, oo mar kale dib uga dhacay waqtigii loo qabtay oo ahaa 15-ka Maarso.

Midowga Musharaxiinta ayaa guddiga FEIT u sheegay inay ka go’an tahay in la dedeji doorashada, si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa dhawaan si weyn u taageeray jadwalka cusub ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer federaal, kaasi oo dhigaya in 14-ka bisha April la dhaariyo xildhibaanada cusub ee labada aqal.

Golaha ayaa sheegay in dib u dhaca iyo daahitaanka sanad ka badan ee doorashooyinka dalka ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halis ku timaada sharciyada iyo weliba jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah.

Sidoo kale waxa uu hore uga digay Goluhu fara-gelinta maamulada ee dhameystirka doorashooyinka dalka, ayaga oo cadeeyay in kaalinta dowlad goboleedyada ay ku eg-tahay fududeynta doorashootinka ee deeganadooda, kadib markii jadwalka guddiga FEIT ka hor-yimaadeen maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Weeraro mideysan oo lagu qaaday dhowr magaalo oo ka tirsan Sacuudi Carabiya

Riyadh (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ayaa Axadda maanta weeraro isugu jira gantaallo iyo drone oodda kaga qaaday Sacuudiga kuwaas oo beegsaday goobo muhiim ah oo ay ku jiraan xarumo laga soo saaro shidaalka iyo kuwa lagu nadiifiyo, sida ay ku warrameen warbaahinta Sacuudiga.

Weerarada ma aysan sababin wax khasaare ah, balse waxay waxyeeleyeen baabuur shacab iyo guryo, ayey yiraahdeen xulufada militari ee Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen.

Duqeymaha ayaa yimid ayada oo shirkadda Sacuudiga ee Aramco ay maanta ku dhowaaqday in macaashkeeda sanadkii 2021 uu sare u kacay 124%, oo uu gaaray 110 bilyan oo dollar.

Aramco ayaa warbixinteeda dakhli sii daysay toddobaadyo kadib markii uu billowday duulaanka Ruushka ee Ukraine, kaasi oo gilgilay suuqyada shidaalka ee caalamka, sarena u qaaday qiimaha.

Yehia Sarie, oo ah afhayeenka Xuutiyiinta ay Iran taageerto, ayaa sheegay inay “howlgal militari oo baaxad weyn ku qaadeen bartamaha Sacuudi Carabiya,” Axadda maanta ah, ayaga oo gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye laheyn oo bambooyin laga buuxiyey ku buugsaday goobo ay leedahay Aramco iyo “bartilmaameedyo kale oo xasaasi ah” oo ku yaalla dalkaas.

Waxa uu weerarka ku qeexay mid looga aargudanayey “gardarrada iyo xanibaadda” Sacuudiga uu hoggaamiyo ee ka dhanka ah Yemen.

Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa sheegay in in weerarada cirka ee Xuutiyiinta lagu beegsaday goobo kala duwan, oo ka mid yihiin; warshad gaaska lagu sifeeyo oo Aramco ay ku leedahay dekadda ku teedsan Badda Cas ee Yanbu.

Waxaa sidoo kale la beegsaday xarun korontada laga dhaliyo oo ku taalla koonfurta galbeed ee dalkaas, warshad gaaska lagu nadiifiyo oo ku taalla Al-Shaqeeq oo ku teedsan Badda Cas, xarun ay Aramco ku leedahay magaalada Koonfureed ee ku taalla xuduudda ee Jizan, iyo xarun gaaska lagu iibiyo oo ku taalla magaalada Khamis Mushait.

Ma cadda weli heerka waxyeello ee weeraradan ay gaarsiiyeen xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta Sacuudiga.

“Ma jiraan wax dhaawacyo ah ama dhimashooyin ah, mana jiraan saameyn ay weeraradan ku yeesheen in shirkadda ay badeecaddeeda gaarsiiso macaamiisheeda,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Aramco Amin H. Nasser.

Weerarada ayaa yimid maalmo kadib markii Golaha Iskaashiga Khaliijka ay dhinacyada ku dagaalamaya Yemen ku casuumeen wada-hadallo ka dhacaya Riyadh oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka – casuumaddaas oo ay ku gacan sayreen Xuutiyiinta, kuwaas oo dalbadaay in wada-hadallada ay ka dhacaan dal dhex-dhexaad ah.

AP + VOA

Deni ma u tartami karaa xilka madaxweynaha Soomaaliya isaga oo aan is-casilin?

Garoowe ( Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya kadib muddo badan oo uu warkaas suuqa ku jiray.

“Waxaan rabaa inaan dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba u sheego in aan u taaganahay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan halkan baaq uga diraya dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira la bedelo,” ayaa ka mid ahaa erayada khudbaddii uu Deni ku shaaciyay go’aankiisa.

Su’aasha ugu badan oo hadda ay dadka is waydiinayaan ayaa ah Saciid Deni ma u tartami karaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, isaga oo aan iska casilin xilka madaxweynimo ee Puntland marka la fiiriyo sharciga u yaalo maamul Goboleedka Puntland?

Faarax Aw Cismaan oo wax badan ka qoray arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha Puntland ayaan weydiinay haddii uu Saciid Deni u tartami karo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya isagoo weli ah madaxweynaha Puntland.

“Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland kuma qorna in qofka xilka haya haddii uu xil kale oo ka sarreeya u tartamayo inuu is casilo oo uu xilkan wareejiyo, meel ay ku qoran tahay ma jirto” ayuu yiri Faarax.

Wuxuu kaloo hadalkiisa sii raaciyey “Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, markii uu tartamayay isagoo madaxweyne ka ah Puntland ayuu ku tartamay kaddib markii uu guuleystay ayuu iscasilay.”

Lama oga haddii sharuudaha xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay guddiga doorashada kusoo dari doonaan inuusan xilka madaxweynimo u tartami karin cid xil kale heyso.

Deni oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliishan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa hadda ku biiray liiska tobanaanka musharrax ee doonaya inay hantaan Villa Somalia.

Muxuu Rooble ka yiri go’aankii madaxweynaha HirShabelle?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhammeystirka doorashooyinka, isagoo fariin u diray HirShabelle & Jubbaland.

Rooble ayaa sidoo kale soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday madaxweyne Guudlaawe oo xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii SEIT ee maamulkaasi, Mudane Axmed Xasan Diini.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Maxamed Xuseen Maxamed ee la magacaabay, sidoo kalena wuxuu faray guddiyada doorashada inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka ee ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale Rooble oo Taleefanka kula xiriiray madaxweynaha HirShabelle ayaa kala hadlay muranka hareeyey doorashada kuraasta Beledweyne iyo tartanka inuu noqdo mid furan.

“Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin” ayuu sii raaciyey Rooble.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday maamullada Jubbaland iyo HirShabelle inay dhammeystiraan doorashada Golaha Shacabka Somalia.

“Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warsaxaafadeed uu soo saaray Rooble.

Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhacday waqtigii lagu ballamay in lagu soo gabagabeeyo, waxaana ay aheyd 15-kii bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Musharaxnimada DENI oo wiiqday rajadii musharaxiin dhowr ah – Yaa ka mid ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa sheegay in hadafkiisa ugu weyn ee musharaxnimo uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo, isagoo balan qaaday in musharax kasta uu hadafkaas uu garab istaagi doono.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.

Go’aanka Deni uu isku sharxay ayaa ruxay qaar ka mid ah ololaha musharaxiin madaxweyne oo ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo kusoo biiritaanka Deni ee saaxada loolanka madaxweyne, ay uga dhigan tahay rajo beel. 

Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa isugu jira laba koox: 

1- Koox leh saldhig siyaasadeed oo baaxad leh, lana taaban karo, kuwaasi oo xildhibaano badan ay ugu jireen baarlamankii dhacay, midka cusubna ay ugu soo biireen qaar ka mid ah kuwoodii hore iyo kuwa dheeri. Musharaxiinta kooxdaas hore ku jira ayaa kala ah; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud. 

Xoogga xildhibaanada Farmaajo waxay ka imanayaan Digil iyo Mirifle, beelaha Shanaad, qaar ka mid ah Reer Waqooyiga iyo in yar oo ka mid ah beesha Daarood, gaar ahaan beeshiisa.  

Xoogga xildhibaanada Xasan Sheekh waxay ka imanayaan HirShabeelle, Galmudug, qeyb ka mid ah Reer Waqooyiga, iyo tiro aad u kooban oo dhanka Jubaland iyo Puntland ah. 

2- Koox aan laheyn saldhig siyaasadeed iyo taageero xildhibaano oo la taaban karo, iskuna haleynayey inay codad ka helaan xildhibaanada aan raacsaneyn Farmaajo iyo Xasan Sheekh, si gaar ah xildhibaanada ka imanaya Puntland iyo Jubaland. Kooxdan waxaa ugu weyn Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, iyo musharaxiin kale, oo aan sidaas u miisan cusleyn.  

Is-sharxidda Deni ayaa durba isbaaro u dhigatay musharaxiintii isku haleynayey inay codad ka helaan wixii kasoo hara taageerayaasha Farmaajo iyo Xasan Sheekh, si gaar ahna xildhibaanada laga soo doortay Jubaland iyo Puntland. 

Deni isaga ayaa soo saartay dhammaan xildhibaanada Puntland, halka kuwa Jubaland uu usoo saary Axmed Madoobe oo ay xulufo aad u dhow yihiin, taasi oo xaqiijineysaa in wareegga koowaad uu helo 60-70 cod, oo uu si fudud ugu gudbo wareegga xiga.

Ayada oo inta badan xildhibaanada kasoo haray Jubaland iyo Puntland ay kala qaadanayaan Farmaajo iyo Xasan Sheekh, waxaa adkaan doonto in musharaxiinta kale ay helaan wax ku dhow 40 illa 50 cod, taasi oo macanaheedu yahay inaanay u gudbi karin wareegga xiga.

Haddii doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay Deni, Farmaajo iyo Xasan Sheekh noqdaan saddexda musharax ee u gudba wareegga labaad, ma noqon doonto wax yaab leh, marka la eego xisaabta iyo isbaheysiga siyaasadeed.

Musharaxnimada Deni waxay dhaawac weyn ku noqotay musharaxiin badan oo ay ugu weyn yihiin Shariif iyo Kheyre. 

Guddiga SEIT ee HirShabelle oo yeeshay gudoomiye cusub – Sidee u dhacday doorashada?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Hirgalinta Doorashada HirShabelle ayaa maanta Mudane Maxamed Xuseen Maxamed u doortay Gudoomiyaha guddiga doorashada HirShabelle.

Doorashada ayaa aheyd nidaamka gacan taaga ah, maadaama kaliya hal musharax u tartamayay hogaanka guddiga, waxaana Maxamed Xuseen Maxamed ugu codeeysay HAA 8 xubin, halka xubin kamid ah guddiga ay MAYA kaga codeesay guddoomiyaha cusub.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goor sii horeysay xilkii iyo xubinimadii gudiga ka qaaday Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle, Axmed Xasan Diini, isaga oo ku eedeeyay in uu xagal daacinayo hanaanka doorashooyinka.

Guddoomiyihii la tuuray ayaa asaguna dhankiisa sheegay in Madaxweynaha HirShabelle iyo xubno kamid ah xulafadiisa ay hortagan yihiin in la dhameystiro doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabada uu qaaday madaxweyne Guudlaawe oo xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyihii SEIT ee maamulkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub Maxamed Xuseen Maxamed ee la magacaabay, sidoo kalena wuxuu faray guddiyada doorashada inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka ee ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale Rooble oo Taleefanka kula xiriiray madaxweynaha HirShabelle ayaa kala hadlay muranka hareeyey doorashada kuraasta Beledweyne iyo tartanka inuu noqdo mid furan.

Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhacday waqtigii lagu ballamay in lagu soo gaba-gabeeyo, kaasi oo ahaa 15-kii bishaan Maarso ee sanadka 2022-ka.

DIINI oo ka horyimid xil ka-qaadista lagu sameeyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday guddiga SEIT ee HirShabelle, Axmed Xasan Diini oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan caqabadda hareysay doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Diini ayaa marka hore ka horyimid xilka qaadistii uu ku sameeyey madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, isaga oo shirkiisa jaraa’id ku bilaabay inuu weli yahay guddoomiyaha guddiga heer dowlad goboleed HirShabelle ee SEIT.

“Waxaan rabaa shirkeyga jaraa’id maanta inaan uga hadlo aniga oo ah Axmed Xasan Diini guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer State waxyaabo maalmahaan dambe doorashada maamul goboleedka HirShabelle kusoo kordhay,” ayuu yiri Axmed Xasan Diini.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa shaaciyey in doorashada HirShabelle uu faragelin ku hayo maamulka, taasina ay keentay ha kadka ku yimid doorashadaasi.

“Waxaad ogtihiin in maalmahan dambe ay doorashada HirShabelle hakad ku jirtay sababaha ay ugu jirtayne inay tahay faragelin ay ku hayeen maamulka HirShabelle . Waxaan halkan ku caddeyneynaa in guddiga doorashooyinka HirShabelle ee SEIT iyo FEIT la farageliyey,” ayuu yiri Diini.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Madaxweynaha HirShabelle go’aanno kasoo horjeedo doorashada ayuu qaatay iyo inuu madaxtooyada ka sameystay team wasiiro iyo xildhibaano ah oo halkaa la leeyahay halagu diiwaan-geliyo,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo waraaq kasoo baxday xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe xilkii looga qaaday guddoomiye Axmed Xasan Diini, waxaana sidoo kale gebi ahaan laga saaray xubinimadii guddiga, kadib markii lagu eedeeyey xagal daacin iyo inuu guddiga doorashada ee SEIT ka leexiyey habsami u socodkii doorashada Beledweyne.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad ka dhalatay doorashada kuraasta Beledweyne oo ay hareeyeen murano xoogan iyo is qab-qabsiyo la xiriira doorashadaasi.

Mareykanka oo ka carooday tallaabo lama filaan ah oo ay qaadeen IMAARAADKA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay “inay si weyn uga niyad jabtay” booqashada madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ee Imaaraadka Carabta, waxayna xulufadeeda ku boorisay inay ka fogaadaan xiriir ay la yeeshaan talis lagu eedeeyey “tacaddiyo argagax leh.”

Booqashadii yaabka laheyd ee Assad ee Jimcihii ayaa aheyd tiisii ugu horreysay ee uu ku tago dal Carbeed tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalkiisa 2011-kii, kaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow nus milyan qof.

Waxay aheyd astaantii ugu dambeeyey ee xiriir soo xoogeysanaya oo u dhaxeeya Syria, iyo Imaaraadka Carabta oo xulufo muhiim u ah Mareykanka. 

“Si qoto dheer ayaan uga niyad-jabnay oo ay noo dhibtay isku dayga sharciyadda lagu siinayo Bashar al-Assad,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

Price ayaa sheegay in Assad “uu weli mas’uul ka yahay, lagulana xisaabtamayo dilalka iyo silica dad Suuriyaan ah oo aan la xisaabi karin iyo barakaca in ka badan kala bar shacabak Syria, iyo xariga iyo waayitaanka in ka badan 150,000 oo isugu jira rag, haween iyo carruur.”

“Sida uu ku celiyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken, ma taageereyno dadaallada dhaqan-celinta loogu sameynayo Assad, mana taageereyno kuwa kale ee xiriirka la sameysanaya,” ayuu yiri Price.

“Waan u caddeynay arrintan saaxiibadeena, waxaana ugu baaqeynaa dalalka inay ka fiirsadaan la-macaamilka taliska Assad, oo ay si taxaddar leh u eegaan tacaddiyada argagaxa leh ee taliskiisu gaystay.”

Booqashada Assad ee Imaaraadka Carabta ayaa timid, ayada oo Russia – oo sidoo kale taageero weyn u ah Dimishiq, xiriir xoogganna la leh Imaaraadka – ay sii xoojisay duulaankeeda Ukraine.

Dagaalka Syria ayaa qarxay March 2011 kadib markii ay billowdeen dibad-baxyo ka dhanka ah dowladda Assad, waxaana sanad kadib Imaaraada Carabta, si la mid ah inta badan dalalka Carabta, ay xiriirka u jareen Dimishiq.

Hase yeeshee Imaaraada ayaa dib u faray safaaraddoodii caasimadda Syria bishii December 2018, taasi oo tusmeysay isku day taliska Assad dib loogu soo celinayo xeendaabka Carabta.

Jimcihii, Assad iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta, ayaa ka wada hadlay “xiriirka walaalnimo” ee u dhaxeeya labadooda dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu rajeynayo in booqashada ay “dhabbaha u xaari doonto wanaagga, nabadda, iyo xasiloonida Syria iyo guud ahaan gobolka,” ayey tiri WAM.

Cali Guudlaawe oo qaaday tallaabo lama filaan ah, kadibna shaqada ka eryey…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedkaHirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, isaga oo shaqada ka eryey guddoomiyihii guddiga SEIT ee maamulkaas, Mudane Axmed Xasan Diini.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiye Diini, iyada oo sidoo kale laga saaray xubinimada guddigaasi.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga maamulka doorashada HirShabelle u magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi).

Sababaha xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ayaa waxaa lagu sheegay xagal daacin, hufnaan la’aan shaqo iyo inuu guddiga ka leexiyey habsami u socodkii doorashada.

Sidoo kale xilka qaadistan ayaa daba socota, kadib markii xalay guddoomiyaha la eryey uu soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Baladweyne.

Kuraastaas sidoo kale waxaa ku jiray kursiga HOP#135 oo ay horey ugu fadhisay Aamino Maxamed Cabdi, balse goor dambe ayaa bogga guddiga laga saaray waraaqdaasi, iyadoona madaxtooyada HirShabelle ay been abuur ku tilmaamay liiska odayaasha la sii shaaciyey.

Arrintan ayaa loo sababeynayaa inay soo dadajisay xilka qaadista lagu sameeyey guddoomiyihii guddiga SEIT ee HirShabelle, Mudane Axmed Xasan Diini.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad ka dhalatay doorashada kuraasta taalla Beledweyne oo ay hareeyeen murano xoogan iyo is qab qabsiyo la xiriira doorashadaasi.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku adkeystay fulinta go’aankii guddiga doorashooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhegaha ka fureystay go’aankii dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, isagoo guddiga doorashooyinka faray inay guda galaan dhaqan-gelinta jadwalkii dhaarinta baarlamaanka ee maamulladaas ay ka hor yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay galab u yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka, waxuuna kala hadlay seddax qodob oo kala ah:

1 – Hirgalinta jadwalka shahaado siinta xildhibaanada laba Aqalka.
2 – Dhaarinta xildhibaanadii ka soo gudba hubinta guddiga
3 – Dhameystirka doorashada xildhibaannada dhiman ee aan weli la soo dooran.

Qoraal uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf uu kula dardaarmay inay dardargeliyaan doorashada, isla markaana sidiisa loo dhaqan geliyo jadwalka ay soo saareen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hor yimid jadwalkaan oo soo baxay 16-kii bishaan, waxayna ku doodeen in Rooble ama guddiga heer federal uusan midkoodna awood u laheyn inuu soo saaro jadwalka soo xareynta iyo dhaarinta baarlamaanka.

Falanqeeyayaasha isha ku haya siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya waxay qabaan in diidmada Jadwalka ee labadaas madaxweyne goboleed ay salka ku heyso xurguf ka dhalatay natiijada kuraas lagu doortay Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo guddigu uu horay diiday, guddiga ayaa ku dooday in habraacii saxda ahaan aan loo marin doorashadooda.

Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa cuskaday in aysan aqbali doonin wax aysan ku heshiin xubnaha golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, balse waxaa la aaminsan yahay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in guddiga doorashooyinka heer federaal uusan awood u yeelan in xubnaha dooran qaar ay ka reebaan baarlamaanka.

Qodobka 6-aad ee heshiiskii laga gaaray doorashada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada.”

Qodobka 14-aad ee heshiiskaas ayaa qoraya, “Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.”

Sidoo kale qodobka 18-aad ee heshiiskaas oo bishii October ay Muqdisho ku saxiixeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waxuu dhigayaa, “Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal,” balse intaas waxaa hadda diidan Qoor Qoor iyo Laftagareen.

Wararkii ugu dambeeyey ee Ukraine iyo Ruushka oo galay magaallo muhiim ah

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa wadooyinka magaalada Mariupol kula dagaallamaya xooggaga Ukraine, xilli magaaladaas laga soo sheegayo xaalad bani’aadannimo oo adag.

Dedaallo lagu sama bixin lahaa boqolaal qof oo ku hoos jira burburka tiyaatarta Mariupol ayaa hakaday dagaalka u dhexeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine awgii.

Xukuumadda Kyiv ayaa Moscow ku eedaysay inay si bareer ah Arbacadii u duqaysay tiyaatarka oo hooy u ahaa boqolaal qof oo rayid ah, eedeyntaas oo uu beeniyay Ruushka.

Qaar ka mid ah dadka kooban ee ka baxsaday magaalada Mariupol ayaa sheegay in xaalad adag ay halkaa ka jirto, isla markaana ay biyaha iyo koronta ka go’an yihiin magaalada.

Duqa magaaladaas ayaa ciidamada soo duulay ku eedeeyay inay si sharci darro ah kumannaan qof oo magaalada ku sugnaa u geeyeen gudaha Ruushka. Ma jirto cid xaqiiijisay warkaas.

Dhinaca kale faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn gantaallo loo adeegsaday oo uu Ruushka ku qaaday saldhig ciidan oo ay Ukraine ku leedahay magaalada dhacda badda madow ee Mykolayiv.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ataa sheegay in ku dhawaad 200 oo askari ay jiifeen saldhigga xilliga uu Ruushka duqeynta fuliyay.

Askari Ukraine u dhashay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in goobta laga soo saaray meydadka ilaa 50 askari. Ma uusan sheegin tirada askarta ku hoos jirtay burburka. Waxaa socda dedaallo lagu baadi goobaya cid ka badbaaday duqeyntaas.

Daawo: Deni oo shaaciyey hadafkiisa ugu weyn iyo sababta uu isu-soo sharaxay

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey waxa uu yahay hadafkiisa ugu weyn.

Saciid Deni ayaa sheegay in hadafkiisa ugu weyn ee musharaxnimadiisa uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo, isagoo balan qaaday in musharax kasta oo hadafkaas uu garab istaagi doono.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.

Isagoo sii hadlaayey Saciid Deni waxuu yiri, “Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii joogi karin xilka, waa adagtahay in dalkaani uu horay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”

Sidoo kale Deni wuxuu balan qaaday in qof kasta oo hadafkaas leh uu garab istaagi doono, “Aniga iyo xildhibaanada labada Aqalka ee reer Puntland waxaan ka wada qeyb qaada doonaa isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dumoqraadi ah,” ayuu yiri Saciid Deni.

Wuxuu carabka ku adkeeyey inay mabda’ ka tahay dagaalka siyaasadeed ee uu ku qaadi doono nidaamka Farmaajo, “In dalka laga bedelo wadadii Farmaajo ku waday waa waajib, qof kasta oo mabda’aas lehna waxaan saaxiib ku noqon karnaa siyaasadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Puntland waxuu sheegay in musharax kasta oo ku soo baxa tartanka doorashada uu la shaqeyn doono, markii laga reebo Farmaajo oo dagaal siyaasadeed oo aad u adag uu kala dhaxeeyo.

“Tartanbaa la gelayaa waxaan rajeynayaa cid kheyr qabta inay ku soo baxdo tartankaas oo aan rajeynayo inuu noqdo mid xalaal ah, cid kasta oo aan Farmaajo aheyn oo ku soo baxdana in si wadajir ah gacan loo siiyo ayaan rajeynayaa, sababtoo ah in Farmaajo soo laabto, waxay dhaawac ku tahay deganaashaha iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Hoos ka daawo

Xildhibaan aad ugu dhow FAHAD oo maanta waayey kursigi uu ku fadhiyey 12 sano

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Kismaayo ee Jubbaland lagu qabtay doorashada laba kursi, Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa loo doortay kursiga HOP#124 oo uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacan yaraha la-taliyaha amniga Farmaajo ee Fahad Yaasiin.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa caawa si rasmi ah u waayey kursigaan oo uu ku fadhiyey 12-kii sano ee lasoo dhaafay, waxuuna waayahaan waday isku dayo iyo dadaallo xoogan, si dib loogu soo doorto HOP#124, balse Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dagaal culus uu kala dhaxeeyo kooxda Farmaajo ayaa taas ka hor istaagay.

Cabdiraxmaan Dheere, isagoo xildhibaan ah oo beel dhan baarlamaanka ku metela ayuu ku shaqeynayey 5-tii sano ee lasoo dhaafay Kaarka sarkaal ka tirsan NISA, sidoo kale waxuu mar isku dayey inuu kursiga kasoo wareejiyo deegaan doorashada Kismaayo ee u raro Garbahaarey, balse waxaa kasoo horjeestay beeshiisa oo ku gacan seyrtay damaciisa ah in kursigaas loo weeciyo magaalo kale.

Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif oo ah xildhibaanka cusub ee caawa ku guuleystay kursiga Cabdiraxmaan Dheere ee HOP#124 ayaa horay ugu fadhiyey kursigaas, isagoo beeshiisa xildhibaan u soo ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 2004-tii illaa 2012-kii.

Dhanka kale Maxamed Maxamuud Jaamac ayaa caawa ku guuleystay kursiga HOP#029, waxaana caawa Kismaayo lagu qabtay doorashada labadaas kursi oo kaliya.

Prof. Xasan Sheekh oo soo jeediyey arrin xasaasi ah markay dhamaato doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka faallooda siyaasadda, ayaa wareysi uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya xaaladda guud ee dalka, wuxuu kusoo jeediyey tallaabo ay tahay la qaado kadib marka ay dhamaato doorashada dalka.

Dr Xasan Sheekh ayaa soo jeediyey in marka ay dhammaato doorashada socota maxkamad lasoo saaro dadka geystay fal dambiyeedyada ee ka midka ah dowladda Soomaaliya.

“Doorashada socota haddii ay dhammaato waa in dadka galay dambiyada ee hadaaye sheegay Maxkamad la geeyo, garsoor caadil ahna ay helaan,” ayuu Dr Xasan Sheekh Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Macnaha aniga ma dhahaayey dadkaas waa dambiilayaal hala qabto, hala xiro, hala dilo maya, waxaan leeyahay maxkamad hala geeyo”.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah u eedeeyey Farmaajo iyo kooxdiisa, isaga oo tiriyey dabmbiyada loo heesto oo ay tahay in loo maxkamadeedyo.

“Golihii shacbiga Soomaaliya oo la kufsaday, dadkii guryahoodii lagu dilay, Jubbaland oo la dumiyey dhibaatadii ka dhacday Baydhabo, muwaadiniin Soomaaliyeed oo Itoobiya loo dhiibay madaxdii hore iyo dadkii la weeraray, dadka intaas galay waa in maxkamad la saaro,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii aan qaadin tallaabooyinkaas, isla-markaana aan la aadin dhanka sharciga aysan Soomaaliya noqon doonin dowlad rasmi ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmajao ayaa loo heestaa eedeymo culus, waxaana ugu dmabeeyey kiiskii la yaab lahaa ee Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayey nolol iyo geeri.

Xiisad ka dhex-qaraxday Saciid Deni iyo beesha Ciise Maxamuud iyo Isimo isaga baxay magaalada Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaya saacadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya uu ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada Gobolka Nugaal ee beesha Ciise Maxamuud.

Isimada ayaa la sheegay inay ka caraysan yihiin boob ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ku sameeyeen kursiga Golaha Shacabka #029 ee Beesha Ciise Maxamuud oo maanta laga doortay magaalada Kismaayo.

Kursigan ayaa waxaa loo xiray Axmed Macamuud Jaamac oo ah suxufi, islamarkaana iminka ka mid ah howlwadeenada madaxtooyada Jubaland, kaasi oo odayaasha beesha Ciise Maxamuud aysan raali ka aheyn, balse maanta ku guuleystay.

Wararka ayaa sheegaya in Suldaan Siciid Maxamed Garaase uu isaga baxay magaalada Garoowe, halka Islaan Ciise Islaan Maxamed isna la sheegayo in uu ka baxayo magaalada.

Sidoo kale maalin ka hor waxa Garoowe isaga baxay Isimo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud, kadib markii Siciid Deni uu ka boobay kuraasta Golaha Shacabka ee HOP#198 iyo HOP#199.

Isimada Puntland ayaa ka mid ah odayaal dhaqameedyada ugu saameynta iyo awoodda badan Soomaalida marka ay noqoto deegaanadooda, hase yeeshee Saciid Deni ayaa inta badan si awood leh u maamushay xulidda kuraasta laga soo dooranayo Puntland, isaga oo aan eegin rabitaanka isimada.