25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Somaliland oo dalab ka dhan ah Somalia u gudbisay QM

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey booqasho uu wafdiga madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta dhexe ee QM oo ku taall magaalada New York ee Mareykanka.

Wafdiga madaxweynaha Somaliland ayaa halkaasi kula kulmay mid ka mid ah ku xigeenada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, sida uu shaaciyey wasiirku.

Ciise Keyd ayaa shaaca ka qaaday in kulankaasi diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan Somaliland, gaar ahaan sidii loo hormarin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in QM u gudbiyeen sidii kaalmooyinka ay bixiso si toos ah u siin laheyd Somaliland, iyada oo aan cidna loo soo marin, gaar ahaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo sii hadlayey ayaa xusay in wada-hadalladan sidoo kale lagu soo qaaday horumarinta beeraha, Kalluumaysiga iyo abaaraha soo noq-noqday

“Waxaanu kala hadalnay horumarinta beeraha, Kalluumaysiga, dhibaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo sidii biyaha roobka ee da’a aynu u qaban lahayn oo aynu biyo-xireeno badan uga samayn lahayn dalkeena, markaa waanu isla qaadanay fikradahaas, waxaanu shirkaasi noqday mid guul noogu soo dhammaaday, waana guul kale oo Somaliland u soo hooyatay” ayuu yiri wasiirka, kadib qoraal uu kasoo saaray shirkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku joogo Mareykanka ayaa weli kulamo ka wada dalkaasi, kuwaas oo looga hadlayo arrimo la xiriira qadiyadda Somaliland.

Saciid Deni ma noqon karaa madaxweynaha Soomaaliya?

Saciid Cabdulaahi oo hadda ah madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay inuu noqdo madaxweynaha qaranka Somaliyeed ee afarta sanno ee so socota, haddaba aan hogga tusaalayno ama aan istusno sida uu ku noqon karo iyo rajadiisa, dadaalka inuu ku guulaysto.

Waxaa jira musharaxiin badan oo caddeeyey inay kursigaan u tartamayaan, rajo fiicanna leh iyo kuwo qiyaasta in la doortaa ay liidato. Dani wuxuu ka mid yahay kuwa gacanta weyn ku lahaa xulida xildhibaanada aqalka sare iyo kan hoosaba, wuxuuna leeyahay saaxiibo fara badan oo kasoo baxay Dowlad Goboleedyada kale, wuxuu kaloo heli karaa lacag u ku kharash-gareeyo ololihiisa, Waxaa kaloo jira Xasan Shiikh iyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo haysta ama kasban kara Xildhibaano badan, lacagna haysta.

Qiyaasta maalinta doorashada waxay u egtahay ama ay u dhowdahay inay wareegga kowaad soo baxaan Saciid Cabdulaahi Dani, Xasan Shiikh iyo Maxamed Cabdulaahi Farmajo. Sida uu Dani ku khudbeeyey, wuxuu yiri “ waxaan isu soo sharaxay inaan Farmaajo meesha ka saaro, cid walbana waan ku kaalmayndonaa siday Farmaajo uga guulaysan lahayd” taas oo aragti dheer xanbaarsan, oo ah hadba kan horreeya asaga iyo Xasan Shiikh inay isu kaalmaystaan taagerada rididda Farmaajo.

Haddaba, haddii Dani loo tanaasulo oo xildhibaano ka badan kuwa Xasan uu helo, Dani maka adkaan karaa Maxamed Cabdulaahi Farmajo?

· Dani waa ka saaxiibo badan yahay Farmajo marka laga dhugto ama laga fiiriyo xildhibaanada ka imaanayo Galmudug, Jubbaland, Hirshabeele iyo Konfur-Galbeed.

· Farmaajo wuxuu afartii sanno ama shantii sanno oo uu madax-tooyada joogay samaystay dad dhaliilo ka tirsanaya ama saluugaya wax qabadkiisa.

· Waxaa jira dowlado badan oo si weyn ugu millan siyasadda iyo dhaqaalaha Somaliya oo diidan maanta inay la shaqeeyaan Farmaajo, kana shaqaynaya guul-darada Farmaajo.

Haddaba, Alle unbaa og qofka guulaysana, laakiin Saciid Cabdulaahi Dani rajada uu uga adkaadaa  Maxamed Cabdulahi Farmaajo waa badan tahay, laakiin taladu waa tii Ilaahay, ee andhowrno maalinta doroshada haddii ilaah qadaro.

Ilaahay ha ina gaarsiiyo Somali oo si xor ah isu doorata oo dimograatiya, qabiil iyo qurunkiisana tuura.

W/Q: Mahamud J.Farah
[email protected]
Fort Mcmurray, AB

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

CIIDAMADA Booliska iyo kuwa NISA oo howlgallo culus ka fuliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugida ayaa xalay si wadajira howlgallo ballaaran uga sameeyey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga caasimada Soomaaliya.

Howlgallada oo lagu baarayey gaadiidka iyo xaafadaha qaar ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey Isgoysyada, Shaqaalaha, Howlwadaag, Jid Mareexaan, Carwo Idko, Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha.

Sidoo kale waxaa howlgalladan horkacayey taliyaha Saldhiga Booliska Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib, Taliye ku xigeenka Qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise, taliyaha Saldhigga Waaberi Ismaaciil, taliyaha Check-Point yada guur guura Gaashaanle Cabdi Cali iyo taliyaha ciidanka dharcadda ee ilaalada Shacabka Gaashaanle Shakiib.

Taliyaha saldhigga Booliiska degmada Howlwadaag Gaashaanle Najiib Cabdi Abiib oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka howlgallada ay ahaayeen kuwa ka dhan ah kooxaha dhaca ka geysta Muqdisho iyo u diyaar garowga Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

“Howlgalkeenna waa mid ka dhan ah Kooxaha hubeysan ee dhaca geysta, Walxaha Maanka-Dooriya & u diyaar-garowba Bisha Ramadaan, Degmada aan aniga xukumo dagaal adag ayaan la galnay Walxaha maanka-dooriya, waxyaabaha ku haray kama joojineyso sidii aan ula dagaalami lahayn” ayuu yiri Taliye Najiib Cabdi Abiib.

Waxa kale oo uu sii raaciyey “Waxa aan u diyaar-garoobeynaa sugidda Amniga Howlgallo baaritaan Guri-guri iyo Gaadiid ku sameynayo, waxa aan xoogga saari doonnaa Masaajidda, Suuqyada & goobaha ay ku badan yihiin Dadka, Shacabka waxa aan ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka”.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac loo geysanayo shacabka.

Xog ka cusub damaca la sheegay in Itoobiya kaga jiro dekeda magaalada Saylac

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi dheer siiyay idaacada VOA-da ayaa shaaciyay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed u xaqiijiyay in uusan jirin damac uga jira dekedda Saylac, oo muddooyinkii dambe si weyn loo hadal hayay.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in uusan jirin xidhiidh ay madaxda sare ee Itoobiya kala sameeyen arrinta dekedda Saylac, sidaas darteedna xogaha sheegaya arrintaas ay yihiin waxba kama jiraan

“Waxba kama jiraan damaca la sheegayo in Itoobiya kaga jiro (Saylac), marka maaha wax macquul ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in arrintaas waxba kama jiraan tahay, ayna tahay war boran-bogaado ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka wada-hadleen oo keliya heshiiskii dekedda Berbera oo ay ku lahaayeen saami dhan 19%, xili ay xukuumadda Abiy Axmed dib uga dhacday bixinta lacagtii dhankooda laga rabay.

“Waxaa arrinta (heshiiska Berbera) loo eegaya sifo sharci ah, haddii uu meesha ka baxayo ama wax ku kordhayaan. Waayo wey ka habsaameen mudadii ay bixinayeen lacagta. Intiina dekedii ayaa dhismatay oo waxba isbadalay. Markaa arrintaas waxaa gacanta ku haya dad shaqo ku leh.”

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay beeniso damaca dekedda Saylac ee Itoobiya, hase yeeshe hadalka Muuse Biixi ayaa meesha ka saaraya in waqti xaadirkan ay Itoobiya daneynayso Saylac, kadib markii si weyn looga war-helay.

Xukuumadda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe sii xoojinaysay xiriirka ay la leedahay Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax-banaan, ayada oo afartii sano ee la soo dhaafay ay saaxiibo isu dhow ahaayeen Abiy Axmed iyo Farmaajo.

Maxay tahay sababta Israel uga gaabsatay dagaalka RUUSHKA iyo UKRAINE?

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ukraine waa wadan dhaqaale oo aad u muhiim ah kaasoo Israel la wadaago dhinacyada Beeraha iyo Teknoolajiyada, waxaana ku nool tobanaan kun oo Yuhuud ah, labada waddanba waxay xubno ka yihiin dhinacyada bulshada iyo siyaasadda reer galbeedka, Ukraine waxay muujisay inay diyaar u tahay inay Qudus u aqoonsato caasimadda Israel , inkastoo xaqiiqda tahay in magaalada (Qudus) ay tahay mid xoog lagu heysto sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qof kastaa wuu ogyahay in Ruushku uu ahaa saaxiibka muhiim u ah Israel marka loo eego dhanka Syria, gaar ahaan duqeymaha cirka ee Israel ee ka dhanka ah xulafada Iran ee ku sugan Syria. Mudo sanado ahna Israel waxay saaxiib dhow la aheyd Putin si ay u ilaashato istaraatiijiyadeeda iyadoo aan waxba u dhimeyn xiriirka ay la leedahay Mareykanka.

Balse haatan maadaama uu Ruushka dagaal ku qaaday Ukraine waxay Israa’iil bartanka ka gashay xaaladda taagan ayadoo u dhaxeysa danaheeda gaarka ah iyo mowqifyada Dowladaha Caalamka ee iska soo horjeeda, waxayna diiday inay dhinac la safato.

Israa’iil oo cadaadis xoog leh kala kulmeysay saaxiibadeeda caalamka la iskuna dayey in lagu qanciyo inay mowqif cad ka qaadato dagaalka socda ayaa waxay ku andacootay iney tahay dhexdhexaadiye u dhaxeeya Kiev iyo Moscow, iyo in labada dowladoodba la leedahay xiriir iyo dano aysan ka maarmin.

Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett wuxuu khadka taleefanka kala xiriiray dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Ruushka Vladimir Putin, kadibna wuxuu kulan la qaatay Putin, balse kulankaas wuxuu ahaa mid iska kaftan ah waayo Bennet wuxuu ogaa in dhex-dhexaadnimadiisa cidna u baahneen, sababtoo ah Putin marnaba diyaar uma ahan dhexdhexaadin, sida kaliya ee uu ku qanci karana waa in Ukraine uu awood ku qabsado.

Dowladda Iraa’iil ayaa ka cabsaneysa haddii ay ku biirto dalalka ka hor yimid dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ee cunaqabateynta saaray  shirkadaha Ruushka iyo bangiyadooda inuu xanaaqo Putin isla markaasna ay taas keento inay culeys kala kulanto dagaalka Syria, sidoo kalana lagu jabiyo dagaalada ay kula jirto Iiraan.

Tan iyo markii Ruushku soo farageliyay Syria sanadkii 2015-kii si loo badbaadiyo dowladdii Bashar al-Asad, xukuumada Moscow waxay ciyaartay laba kaarto oo isku dhex jira.

Tan koowaad waa in ciidamada Putin ay la kaashadeen ilaalada kacaanka Iran iyo maleeshiyaadka shiicada ah ee xulafada la ah dagaalkooda si ay uga adkaadaan jabhadaha iyo ururkii Daacish, tan labaadna waa in Ruushka ay indhaha ka laabteen in ka badan 1,000 duqeyn oo ay Israa’iil ka geysatay gudaha Syria, ayadoona ku bartilmaameedsatay Iran iyo Xizbullah qeybta Syria, waxaana xusid mudan in duqeymahaas qaarkood ay ku nafwaayeen askartii Bishaar Al-Asad ee uu Ruushka ka barbar dagaalamayay, sidoo kalana ay ku burbureen qalabkoodii Milatari.

Ayadoo xaalka sidaas yahay hadana Putin wuxuu kahor istaagay ciidamada Syria inay adeegsadaan Gantaalada difaaca cirka ee S-300 si ay uga hortagaan diyaaradaha Israel, waana hub ay Ruushka qudhooda horay uga iibiyeen Syria, balse ay diideen in loo adeegsado diyaaradaha Israel.

Intaas waxaa sii dheer ciidamada Ruushka ee fadhigoodu yahay Syria in lagu ilaaliyo nidaamka S-400 ee aadka u horumarsan, kuwaas oo aanan la adeegsan marnaba markii diyaaradaha Israa’iil ay duqeeynayeen saaxiibada Ruushka ee dhulka oo ciidanka Suuriyaanka ee Bishaar.

Waxaana la rumeysan yahay in Gantaalada difaaca hawada ee S-400 iyo S-300, haddii la hawlgeliyo inay si weyn u xaddidi lahaayeen xorriyadda ficil ee diyaaradaha Israa’iil iyo howlagaladooda duqeymaha ee ay halkaas ka wadaan.

Ruushka inuu Israel u adeegsado Gantaaladiisa difaaca iskaba daayee wuxuuba gaaray heer uu dhawr jeer uu ku dhiirigeliyo Israa’iil inay dharbaaxo adag ku dhufato Iraniyiinta markii Moscow ay dareentay in joogitaanka Tehran ee Syria iyo saamayntooda ay halkaas ku leeyihiin ay ka qoto dheertahay sidii ay horay u maleynayeen.

Qofka xiriirka dhow la leh Putin wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu. Netanyahu wuxuu si joogta ah ula kulmi jiray hogaamiyaha Ruushka tobankii sano ee la soo dhaafay, halka Putin-na uu booqan jiray Jerusalem (Qudus) marmar.

Netanyahu wuxuu horay uga jawaabay codsigii Putin ee ahaa in Ruushka la siiyo hanti ay leedahay Kaniisadda Ortodokska ee Ruushka,  kuwaas oo lahaanshahooda la isku heystay sabab la xiriirta Kacaankii Ruushka iyo kala qaybsanaan diimeedka.

Hogaamiyaha xisbiga Likud Netanyahu waxa kale oo uu xiriir dhow la samaystay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kan Brazill Jair Bolsonaro, kan Hangari Viktor Orban, iyo midka Poland Mateusz Morawiecki.

Intii lagu jiray afartii olole doorashada ee uu u tartamayey Netanyahu mudadii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2021-dii, wuxuu si sharaf leh u soo bandhigay boorar waaweyn oo ay ka muuqdaan asiga iyo Putin , waxaana ku qorneyd oraahda “Horyaalo kala duwan.”

Shaki la’aan Putin wuu ka xanaaqi lahaa haddii Israa’iil ay cunaqabatayn ku soo rogi laheyd Ruushka, waxaana laga yaabaa inuu xitaa kaga jawaabo tallaabo lagu xaddidayo howlgalada milateri ee Israa’iil ka fuliso Syria.

Arimaha lagu doodi karo ayaa waxaa kamid ah in sida Israa’iil ay ugu baahan tahay Putin oo aysan uga maarmin howlgalladooda joogtada ah ee ka dhanka ah xulafada Iiran ee Syria, in si lamid ahna uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sidoo kale dhankiisa u baahan yahay Israa’iil, sidaas owgeedna xiriirka Israa’iil iyo Ruushka kaddib dagaalka Ukraine marnaba ma noqon doono ciyaar natiijadeeda tahay 0-0.

Waxaa xusid mudan in safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas Greenfield, ay muujisay sida ay uga xun tahay markii Israa’iil ay diiday in ay ka mid noqoto qaraar qabyo ah oo lagu cambaareynayay Ruushka kaasoo golaha loo dhan yahay soo saari rabay.

Ayadoo dhamaan arimahaas jiraan, hadana Israel marnaba kama laaban karto go’aanka dhex-dhexaadnimo ee ay ka qadatay dagaalka, dhanka aqlabiyada Israa’iiliyiintase hadii lakala dooransiiyo Carada Putin iyo dhawaaqa Biden dhinaca ay raaci doonaan waa mid iska cad.

Kursiga GOODAX BARRE oo halis ku jira iyo tartanka 8 musharax oo uu wajahayo

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Beledweyne ka dhacaya doorashada laba kursi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si furan loogu tartamayo.

Kuraastan oo kal ah HOP011 oo udifaacanayo Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed iyo HOP063 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa xiiso gaara leh, kadib markii musharixiin far badna ay isu sharxeen.

Guddiga Doorashada Hirshabelele ayaa shaaciye in ilaa 9 murashax ay ku tartami doonaan kursiga tirsigiisu yahay HOP#063, kuwaasoo qaatay shahaadadii murashaxnimo. 

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaya Murashixiintii ugu badnaaa taariikhda doorashada Golaha Shacabka Ee Hirshabelle iyo guud ahaan dalka, waana mid xiiso gara leh oo Berri la sugayo natiijadiisa. 

HOP#063 oo uu hore ugu fadhiyey C/llaahi Goodax Barre oo ka mid siyaasiyiinta waaweyn ee Beeshiisa ayaa laga cabsi qabaa in laga qaado kursiga, isagoo wajahaya tartanka culus.

“Waxaan caawa qaatay shahaadada musharaxnimo Kursiga HOP #063 oo doorashadiisu loo qorsheeyay in ay dhacdo maalinta birri oo ay igula tartami doonaan 8 musharax oo kursigu ka dhexeeyo. Waxaan dhammaanteen marti u nahay reerka iska leh kursiga oo go’aamin doona shaqsiga ku matalaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS,” ayuu yiri Goodax.

“Kursiga uu ku fadhiyey C/risaaq Cumar Maxamed waxa kula tartamaya Mushrax Murashax Maxamed Cumar Barrow, waxayna labadaba qaateen shahaadda musharaxnimo,” ayu uku daray Goodax Barre. 

Sawirro: Shir kale oo ay soo qaban-qaabisay Villa Somalia oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP) oo dib-u-habayn lagu sameeyey, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

Dib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qorshahan ayaa dhabbaha u jeexaya soo afjaridda magaca Hawlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyada oo la isku raacay in magaca Hawl-galku noqdo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si buuxdana loo soo gabagabeeyo Sannadka 2024-ka. 

Dhanka kale, waxaa la isla meel dhigay halbeegyada iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee hagaya Waajibaadka shaqo ee hawlgalka ATMIS, qorshaha gabagabaynta hawl-galka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada, iyada oo la raacayo hagitaannada iyo jihaynta dowladda Soomaaliya.

Dhammaan masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qayb galay shirka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka ayaa si weyn u soo dhoweeyey Hirgelinta Dib-u-habaynta Qorshaha Amniga Soomaaliya (STP), iyaga oo hoosta ka xarriiqay in si buuxda loogu wada diyaar garoobo in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo Masuuliyadda Amniga Dalka ugu dambayn Sannadka 2024-ka.

 

Dowladda Mareykanka oo raadinaysa nin Mareykan ah oo lagu tuhmayo Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ayaa shaacisay in lacag dhan $5 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay siin doonto ciddii keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Jihaad Serwaan Mustafa, oo ah muwaadin Mareykan ah.

Mustafa oo loo yaqaan Axmed Gurey ayaa la rumeysan yahay inuu xubin sare ka yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuna sugan yahay Soomaaliya.

“Mustafa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay muwaadinka ugu darajada sareeya ee u dhashay Mareykanka ee dibada uga soo dagaalama urur argagixiso,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Robert Brewer. “Maamulka argagixisada Al-Shabaab waxay khatar ku tahay amniga qaranka Mareykanka, xulafadayada caalamiga ah iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.”

Waxaa uu Mustafa ka mid yahay dadka loogu baadi-goobis badan yahay islamarkana ku jira liiska FBI.

Waa kumaa Serwan Mostafa

Mustafa wuxuu ku dhashay Wisconsin wuxuuna ku koray San Diego, sida ay shegeen sarakiisha Mareykanka.

Waxa uu ku soo barbaaray xaafadda Serra Mesa, waxa uuna ka qalin jabiyay dugsiga sare ee magaaladaas. Markii uu dugsiga sare dhameeyay waxaa uu ku biiray Jaamacadda California, San Diego,halkaasi oo uu ka qalin-jabiyay sanaddii 2004.

Sanaddii 2005 isaga oo ay da’diisu tahay 23 jir ayuu Mustafa sida la sheegay ku biiray kooxda Al-shabab. Waxa uu culuumta diinta islamka ka bartay xarunta Islaamiga ah ee San Diego ee Kearny Mesa,.

Aabihii, oo lagu magacaabo Xaliim Mustafa Gabori islamarkaana asal ahaan ka soo jeeda Kurdiyiin reer Suuriya kuna noolaa San Diego ayaa geeriyooday 2018 sida mid ka mid saaxibadiisa u sheegay warbaahinta Fox News .

Hooyadii, Sumeeya, waa macalimad iskuul oo ka soo shaqeysay gobolo iyo dalal kala duwan, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka.

Mustafa ayaa wajahaya dacwado kala duwan oo ay ka mid tahay shirqool lagu taageerayo argagixisada, ajnabiga ah iyo in taageero agab ah uu siiyo urur argagixiso shisheeye.

Haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay, wuxuu wajihi doonaa ilaa 55 sano oo xarig ah iyo $750,000 oo ganaax ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Eedaha loo haysto

Mid ka mid ah eedaha loo haysto waxaa ka mid ah weerar alshabaab ay bishii September 2019-kii ku qaadeen garoonka Balidoogle ee Soomaaliya, halkaas oo uu Maraykanka ku tabobaro ciidamada Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in uu Alshabaab ku biiray sanadkii 2006-dii.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Mustafa waxa uu Alshabaab u qaabilsanyahay dhanka tabobarista ciidamadooda, isaga oo sidoo kale ah ninka u dhaxeeya Alshabaab iyo ururada kale ee argagixisada ah. Waxaase ugu weyn ee ay wasaaradda sheegay in uu hormuud ka yahay barnaamijka qaraxyada ee Alshabaab.

Liiska dalalka ugu farxadda badan iyo kuwa ugu yar caalamka oo lasoo saaray

Helsinki (Caasimada Online) – Finland ayaa sanadkii shanaad oo xiriir ah loo magacaabay dalka ugu farxadda badan adduunka, ayada oo Afghanistan uu noqday kan ugu farxadda yar.

Liiska ugu dambeeyey ee World Happiness Report, oo ay abaabushay QM, ayaa qiimeyntiisa la sameeyey kahor inta aanay Ruusku duulaan ku qaadin Ukraine.

Dalalka Bulgaria, Romania iyo Serbia ayaa sanadkan sameeyey horumarkii ugu wanaagsan, halka dalalkii hoos u dhac ugu weyn uu ku yimid ee Liiska Farxadda Adduunka ay kala yihiin Lebanon, Venezuela iyo Afghanistan.

Warbixinta Farxadda Adduunka, oo sanadkan uu yahay keedii 10-aad ee inta la sameynayo, ayaa waxaa saldhig looga dhigaaa qiimeyn ay shacabka iskooda uga warramaan farxaddooda, iyo sidoo kale xogta dhaqaale iyo tan bulsho.

Dalalka Waqooyiga Yurub ayaa mar kale buuxiyey kaalimaha ugu sarreeyaa, ayada oo Denmark ay ku xigsatay Finland, ayna kusii xigaan Iceland, Switzerland iyo Netherland.

Mareykanka ayaa sanadkan sare usoo kacay saddex kaalin, wuxuuna soo galay 16-aad, halka Britain ay gashay kaalinta 17-aad. France ayaa gashay kaalinta 20-aad, taasi oo ah teedii ugu sareysay ee ay gasho abid.

Ka sokow farxadda guud ee qofka, haddana waxyaabaha la qiimeeyo waxaa ka mid ah xaaladda dhaqaale, taageerada bulsho iyo xoriyadda qofka, iyo sidoo kale heerka musuq-maasuqa.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo aan qiimeyn laga sameyn, waxaana dalalka la qiimeeyay ay gaaraan 146 dal.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran  

Dhageyso: Biixi oo shaaciyay waxa lagu saleeyay go’aankii raafka reer Koonfureedka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ayaa ka hadlay dadkii kasoo jeeday Koonfuurta Soomaaliya ee laga raafay qaar kamid ah magaalooyinka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dadka reer Koonfureed ee laga raafay Laascaanood iyo magaalooyin kale oo kamid ah Somaliland ay qaarkood ku lug lahaayeen falal amni darro ah.

“Magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay dhowr iyo sideetan qof oo u badna dadkii wax-galka ahaa. Dadka badankooda dambiilayaal ma aheyn ee waa lagu jiray oo waxay noqotay meel dambiilaha oo dhan uu ku dhuunto,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallabada ay qaadeen la buun-buuniyay, islamarkaana loo dhigay si xaqiiqda ka fog, ayada oo carabka uu ku adkeeyay in Somaliland ay markasta qaadeyso waxkasta oo ku ilaalineyso amaankeeda.

“Sababo amni ayaa dadkaas loo raray maanu xumeyn dadkaas, ee waxa akhrinayay kuwa kasoo horjeeda Somaliland oo buun-buuniyaya, kuwaasna warkooda nama dhibo oo waan ognahay.”

Muuse Biixi ayaa ku dooday in dadkaas si wanaagsan loola dhaqmay, loogana saaray deegaanada Somaliland, ayada oo xiligaas soo baxday in qoysaska la musaafuriyay qaarkood lagala hadhay hantidooda.

Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay go’aanka ay deegaanadeeda uga saartay kumanaan dad oo kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo sanado badan ku noola Somaliland, qaarkoodna ay ku dhasheenba.

Dhageyso: Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyay inuu ku biiray Al-Shabaab + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Sunne oo goordhoweyd la hadlay idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray xarkaada Al-Shabaab, kadib markii uu ka baxsaday deegaanada Somaliland.

Waxa uu sheegay Sheekh Aadan in uu ku sugan yahay dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, uuna u kala gudbi doono dhamaan wilaat-yaadka ay gacanta ku hayaan, si uu uga qeyb-qaato arrimaha faafinta dacwada.

“Wadankii aan ku dashay ee aan ka ahaa Nin ku howlan dacwada Islaamka ayaa waxa ku timid carqalad xoogan oo kaga timid nidaamka ka jira goobtaas. Waxaa si cad loogu faafinaya (Somaliland) dhaqan badal iyo diimaha gaalada, oo hadda ka hadasho aad adiga u cadiban tahay oo cida wadana lagu ilaalinayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Garsoorka iyo dhamaan laamaha amniga ee Somaliland ay gacanta ugu jiraan madaxda sare, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland u dhiban yihiin.

“Waxaa hadda ku suganahay qeybaha wilaat-yadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaa dhex mushaaxaya oo u kala gudbaya wilaat-yaadka 11-ka ah ee gacanta ku hayaan xarakatu Shabaab al-mujaahidiin.”

Sheekh Aadan Sunne ayaa ku dooday in deegaanada Al-Shabaab ay ka jirto masuuliyad Diimeed oo xaq ah, islamarkaana uu kala qeyb qaadanayo waxkasta oo awoodiisa iyo aqoontiisa ah, kalana qeyb qaadanayo, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in uu deegaanada Al-Shabaab u tagay si uga qabto xil sare, wuxuuna ku cel-celiyay in halkaas u tagay faafinta dacwada iyo masuuliyad diimeed oo la xiriirta faafinta dacwada.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa ay ka baxeen Somaliland, islamarkaana aysan jirin cid wax u dhintay isaga iyo qoyskiisaba, kadib markii uu maamulka xiray dhowr jeer.

Faysal Rooble: Farmaajo iyo Saciid Deni way ka tallaabeen qadkii casaa ee siyaasadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Feysal Rooble oo si aad ah u falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo loolanka adag ee loogu jiro doorashada madaxweynaha ee soo socota.

Faysal Rooble oo si aad ah ula socda xaaladda doorashada ayaa badhaamiyey tartanka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni oo isna si rasmi ah u shaaciyey musharaxnimadiisa.

Wuxuu sheegay in labadaan nin ay si weyn isku hayaan, isla-markaana ay iskala talaabeen qadkii casaa ee siyaasadda la xeerinayey, ayna shaqsi ka dhigeen dagaalkooda.

“Labadoodu hadda waxa ay ka talaabeen qadkii casaa ee siyaasadda la xeerinayey oo shaqsi bay ka dhigeen waad ogtahay madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay inuu ceebo badan soo bandhigi doono, door horena waa kii ku qarxiyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marka labada shaqsi waxaa moodaa in wax isku diirnax ah uusan ka dhexeyn,” ayuu yiri aqoonyahanka caanka ah ee Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labadooda, haddii uu mid kasto xittaa heli waayo xilka uu ku dagaal geli doono dhisidda musharax kale, si aan looga adkaan koox ahaan.

“Haddii uu soo bixi waayo mid kasta waa cadahay cidda uu raacayo Saciid Deni cidda uu soo saarayo waa dad uu xulafo la yahay ama Xasan Sheekh Maxamuud ha noqoto madaxweynihii hore ama dad kale ha noqotee waa jiraan, Farmaajo qudhiisu dadbuu sharraxan doonaa, haddii uu isagu heli waayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhinaca kale Faysal Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in doorashada soo socota ay ka kulushahay doorashooyinkii hore, isla-markaana loo geli doono loolan culus.

“Runtii waxaan u maleynayaa inay noqon doonto doorashadii ugu kululeyd intii aynu soo fiirineynay doorashooyinka Soomaaliya ee baarlamaanka doorto,” ayuu markale yiri.

Doorashada Soomaaliya ayaa qaadatay mudo ka badan hal sano & dheeraad sababo la xiriira is jiid-jiidka u dhexeeya hogaamiyeyaasha siyaasadda oo isku haya doorashada.

Muxuu LAFTA-GAREEN ka dalbaday xildhibaannada kasoo baxay K/GALBEED?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada aqal ee dhowaan lagu soo doortay deegaanada maamulkaasi.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ku faanay in Koonfur Galbeed ay noqotay maamulkii u horeeyey ee billaaba doorashada, soona dhameeya, isagoo u mahadceliyey SEIT.

Lafta Gareen oo khudbad u jeediyey xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xildhibaanada Koonfur Galbeed marka la barbar dhigo maamullada kale ay ka badan yihiin, loona baahan yahay inay muujiyaan waxtarkooda.

“77 xildhibaan maanta State heesta ma leh laba State oo la’isku daray ayaa heesta 77 xildhibaan waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la’eg waxtarkeeda in Koonfur Galbeed laga arko oo ay ka muuqato,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Waxaan rabnaa inaadan la’idin kala qeybinin sumcaddiina iyo magaciina inuu ahaado Koonfur Galbeed iyo wax aanan aheyn Soomaalinimo aanan ka shaqeyn,”.

Dhinaca kale madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo hadal qaaday eeda loo jeediyey maamulkiisa ee ah inuu soo saaray xildhibaano kooxdiisa ah, una badan wasiiro ka tirsan dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay yihiin dad lasoo tijaabiyey, balse uu isagu keli ku noqday K/ Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninka maanta wixii uu rabay oo dhan gacantiisa ka baxeen sidii uu maalinba nin u siibanaayey aniga waayey oo Koonfur Galbeed kusoo haray, maanta ugu dambeysay waxaa iga tagey wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga iyo guddoomiyaha gobolka” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo la filayo in Muqdisho la’isugu keeno xildhibaanada, si ay doortaan guddoon cusub, kadibna u sii guda galaan doorashada madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyey dilal ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dilka koowaad oo ka dhacay degmada Warta Nabadda ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Cabdinuur Cabdullaahi Warsame.

Marxuumka ayaa waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa, waxaana la sheegay in raggaasi ay ahaayeen burcad taleefoon ka dhaceysay wiilka geeriyooday.

Sidoo kale dilka labaad oo loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolah ee degmada Heliwaa.

Askariga la dilay waxaa isna lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Keydsane, iyadoo dilkiisa ay ka dambeeyeen askar kale oo ka tirsan ciidamada Duufaan ee hay’adda NISA.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo uu la socday askari kale oo Haramcad ah ay ku soo dhaceen goob ay howlgallo ka wadeen ciidamada NISA, kadibna uu soo kala dhex-galay kala shaki, taas oo keentay inay is rasaaseyn kooban dhex-marto labada dhinac.

Illaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka, balse waxaa lagu soo warramayaa in la xiray askarta ka dambeysay falkaasi dilka ah.

Dilalkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro marxalad doorasho.

Dad badan oo lagu dilay weerar lagu qaaday xaflada caleemo-saarka ugaas cusub

0

Bambaas (Caasimada Online) – Toddoba qof ayaa ku geeriyooday, tiro kalena waa ay ku dhaawaceen dagaal dhex maray ciidamada dowlad Deegaanka Soomaaliya Itoobiya ee Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka Bambaas ee degmada Gursum, gobolka Faafan.

Falkaani geerida sababay ayaa ka dhashay marrkii ay ciidamada Liyuu Boolis soo gaareen magaalada Bambaas, halkaasi oo ka socotay xaflad lagu caleema saarayay Ugaas cusub oo beelaha deegaanka yeelanayaan, waxaana halkaasi ka dhashay iska hor-imaad dhex maray dadka deegaanka iyo Liyuu Boolis.

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa isku dayay inay joojiyaan xafladda caleema saarka Ugaaska cusub, waxaana ka horyimid dadka deegaanka oo iska difaacay, waxaana sidaas ku qarxay dagaalka laba dhinac.

Weli ma cadda sababta ay ciidamada Liyuu Boolis u doonayeen inay joojiyaan xaafladda caleemo-saarka.

Falkaani ay ku kaceen ciidamada Liyuu Boolis ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaan weli wax war ah kasoo saarin Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa lagu eedeeyaa inay geystaan falal ka baxsan bini’aadanimada, iyadoo dowladda ay horay ugu dhawaaqday inay baabi’ineyso ciidanka Liyuu Boolis oo loo arko kuwo sumcad xumo ku ah maamulka iyo Itoobiya.

Maraykanka oo Turkey ka dalbaday arrin xasaasi ah oo ku saabsan RUUSHKA

Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa si aan rasmi ahayn ula soo qaaday dowladda Turkiga suurtogalnimada haddii ay Ukraine u dirto gantaalaha difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sameeyay, si ay uga caawiyaan la-dagaallanka ciidamada Ruushka ee kusoo duulay, sida laga soo xigtay saddex ilo wareed oo arrintan la socday.

Saraakiisha Mareykanka ayaa soo jeedintan bishii lasoo dhaafay u gudbiyay dhiggooda Turkiga, balse ma jirto codsi gaar ah ama mid rasmi ah oo loo gudbiyay Turkida, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Waxay sidoo kale sheegeen inay arrintan si kooban u soo baxday booqashadii ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Wendy Shermanay ku tagtay Turkiga horraantii bishan.

Maamulka Biden ayaa waydiistay xulafadiisa isticmaasha qalab iyo hubka uu Ruushku sameeyay oo ay ku jiraan qalabka difaaca hawada ee S-300 iyo S-400 inay ka fiirsadaan u wareejintooda Ukraine, xilli Ukriane isku dayayso inay iska difaacdo duullaanka Ruushka ee bilowda 24-kii Febraayo.

Fikirkan oo ay khubaradu sheegeen in la hubo in uu Turkigu si weyn u diidi doono, ayaa qayb ka ahayd dood ballaaran oo dhex martay Sherman iyo madaxda Turkiga oo ku saabsaneyd sidii Maraykanka iyo xulafadiisa ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen taageerada Ukraine iyo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal.

Dowladda Turkiga ayaan ka hadlin soo jeedinta Mareykanka ama soo jeedin la xiriirta u wareejinta Ukraine ee agabka difaaca ee S-400 ee Ankara, kaas oo ahaa qodob ay muddo dheer ku muransanaayeen labada dal ee ku jira xulufada NATO.

Ilo-wareedyo iyo falanqeeyayaasha Turkiga ayaa sheegay in talo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto mid aanu Turkigu ka qeyb qaadan doonini, iyaga oo soo xiganaya arrimo ay ka mid yihiin caqabadaha farsamo ee la xiriira ku rakibidda iyo ka shaqaynta S-400 ee Ukraine, iyo walaacyo siyaasadeed sida; dhabar-jabk Ankara ay u badan tahay inay kala kulmi doonto Moscow.

Washington waxay si isdaba joog ah uga codsatay Ankara inay ka takhalusto gantaalaha difaaca hawada ee uu Ruushku sameeyay tan iyo markii ugu horeysay ee ay keensatay bishii July 2019, waxaana Maraykanku cunaqabatayn kusoo rogay warshadaha difaaca ee Turkiga, taas oo keentay in xubin ka tirsan NATO oo ah Turkiga laga saaro barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Turkiga ayaa xudduud dhanka badda Black Sea ah la wadaagta Ukraine iyo Ruushka, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay labada dal.

VOA + Reuters

Sawirro: Jubaland oo soo gaba-gabeysay doorashada kuraasta taalla Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga SIET ee maamulka Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeyey doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ah deegaan doorashada koowaad ee maamulkaasi.

Labadii kursi ee u dambeysay kuraasta Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay magaaladaasi, kuwaas oo kala ah:- HOP#133 iyo HOP#219.

Kursiga HOP#133 oo doorashada lagu bilaabay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Aadan, kadib markii uu tanaasulay Maxamuud Axamed Xasan oo la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga kale ee HOP#219 oo ay ku tartameen laba gabdhood ayaa waxaa ku soo baxday Roodo Carab Cabdi oo heshay 78 cod, halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartamaysay ay heshay 20 cod, sidoo kale waxaa xumaaday 3 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT.

Doorashada kuraastan ayaa ku soo aaday, xilli lasoo dhaafay 15-kii bishan March oo aheyd in lagu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Jubbaland ayaa waxaa weli ku harsan 16 kursi oo yaalla Garbahaarey, waxaana haatan ka taagan is mari-waa ku aadan sida loo wajahayo, kaas oo muddo fog soo taagnaa.

Si kastaba, doorashada baarlamaanka ayaa haatan gabagabo ku dhow, waxaana la guda geli doonaa doorashada guddoonka labada aqal, kadibna tan u dambeysa madaxweynaha.

Ciidamadii ugu horeeyey ee ka tirsan howlgalka ATMIS oo loo soo diray Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya loo soo diray ciidamadii ugu horreeyey ee qeyb ka noqon lahaa howlgalka ATMIS oo ah howlgalka la doonayo in lagu badalo midka AMISOM.

Ciidamada loo soo wado Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dirtay Dowladda Uganda oo ah dowladda soo dirtay ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISOM.

Munaasabad lagu soo sagootinayay Ciidamadaas oo ka dhacday dalka Uganda ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF) Gen. Wilson Mbasu Mbadi iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga.

Gen. Wilson ayaa ciidamadaan cusub ee soo diray Soomaaliya kula dardaarmay inay si heer sare ah u gutaan waajibaadkooda isla markaasna ay ilaaliyaan dhaqanka Soomaalida.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ka hor tagaan weerarada kooxda Al-Shabaab ay ka fulisio gudaha Soomaaliya isla markaasna ay naftooda ka ilaaliyaan khataraha soo wajihi karo.

“ Markaad aadeysaan Soomaaliya, iska hubiya inaad soo laabataan idinkoo bad qaba. Al-Shabaab waxay idinku tahay halis weyn. Waa inaad aad uga taxadirtaan inay helaan xoriyad ay ku geystaan ​​falal argagixiso. “ayuu yiri Gen. Mbadi.

Ciidamada Cusub oo dowladda Uganda usoo dirtay Soomaaliya ayaa doorweyn ku yeelan doona howlgalka ATMIS, si loo wajaho dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ugu yaraan 6,000 askari, waxaana keenitaanka Ciidamadaan cusub ay kusoo beegmeysaa iyadoo 10 maalmood ka dib magaca AMISOM loo beddelayo ATMIS oo ku beegan 31-ka March 2022.

Muuse Biixi oo shaaciyey in Mareykanku usoo dabcay Somaliland (Wareysi cusub)

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku sugan dalka Maraykanka ayaa sharaxay waxyaabaha u qabsoomay illaa hadda iyo qorshaha socdaalkooda ay ku joogaan magaalada Washington DC.

Muuse Biixi oo wareysi siiyey laanta Af-Soomaliga ee VOA ayaa sheegay in madaxda Maraykanka ay kala hadleen arrimaha aqoonsiga iyo wax wada-qabsiga, sidoo kale Muuse Biixi ayaa carabka ku dhuftay in Mareykanku uu dalbanayo saldhig militeri oo Somaliland laga siiyo, inkastoo uu balan qaaday in arrintaas uu dib ka faahfaahi doono.

Sidoo kale Muuse Biixi wuxuu cadeeyey in qorshahoodii aqoonsi raadiska ahaa ay ka gadi waayeen Mareykanka oo lagu qasbanaaday in meel la iska dhigo oo labada dhinac ay ka wadahadlaan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen.

“Mareykanka laba meelood ayaan kala taaganahay anaga waxa noogu weyn waa aqoonsiga, ayaguna waxay taagan yihiin arrintaan waa mid u taalla Afrika,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in hadda uu Mareykanku aad ugu soo dabcay dhankooda oo wafdigiisa uu ka dalbaday in arrinta aqoonsiga dib loo dhigo ee hadda laga wadahadlo iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yiri, “Masuuliyiintii Mareykanka ee aan la kulanay waxaan ka dareemeynay inay aad uga dhowyihiin sidii hore oo ay ahaa jireen, laakiin waxay yiraahdeen aqoonsiga xagga noo dhiga ee aan ka hadalno inaan wax wada qabsano, 3-qodob ayaan ka wadahadlnay Mareykanka.”

1 – Dhaqaalaha, waxaa ila socday ganacsatadii Somaliland, waxaana ka dalbanay in ganacsatadeena aan Muqdisho loo afduubin oo Bangiyadeena xayiraada gardarada ah laga qaado.

2 – Siyaasadda, Mareykanka hadda waxaa ku furan arrinta Ukraine iyo siyaasado kale oo waaweyn, waxaana laga yaabaa in tan Somaliland inta badan xoogga ma saarayo, laakiin qorshahooda labaad ayaa ah in Somaliland ay wax la qabsadaan.

3 – Tan sedaxaad waa in wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka la faray inuu la howlgalo Somaliland.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa wareysigaan uga hadlay xiriirka ay la leeyihiin Taiwan, waxuuna sheegay inay isku baahi yihiin oo labada maamulba ay aqoonsi raadinta ka wadasiman yihiin, dhawaana ay  Taiwan gudaha Somaliland ka bilaabi doonto Shidaal qodis.

Mar wax laga weydiiyey in Shiinuhu uu ka carooday wiriirka ay la sameysteen Taiwan  waxa uu ku jawaabay in Somaliland ay dooneyso in Shiinaha laftiisa ay xiriir la sameysato, hadii ay u suurta galeyso.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Abshir Kaaraan: “Guryaha ayaan ugu geleynaa ciddii aan ku helno amni darro”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud “Abshir Kaaraan” ayaa digniin u jeediyay cid kasta oo amni darro ka wada degmada, isaga oo sheegay inay guryaha ugu geli doonaan qofkii lagu helo fal amni daro. 

Abshir Kaaraan ayaa sheegay in ciidamada amniga ee degmada Kaaraan ay billaabeen roondo lagu sugaayo amniga degmada, kadib markii ay soo bateen cabashooyinka kooxo dhalinyaro ah oo xaafadaha degmada ka geysta weeraro loo adeegsado dhagxaan, ulo iyo mindi, hase ahaatee maalmihii danbe hoos u dhacay kadib markii ciidamada ammaanka ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah kooxihii falalkaasi ka geysan jiray degmada.

Dhanka kale, guddoomiye Abshir Kaaraan wuxuu ka warbixiyay qarax shalay ka dhacay dhanka bari ee degmada oo lala eegtay gaari uu la socday sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha, qaraxaasi oo dhaliyay dhaawac iyo burbur soo gaaray gaariga.

Lix qof oo loo soo qabtay qaraxaasi, ayuu sheegay in wax danbi ah lagu waayay kadib markii ay baaris ku sameeyeen ciidamada booliska ee degmada Kaaraan, lana sii daayay.

Wuxuu kaloo Abshir Kaaraan sheegay in ciidamada amniga ay la dagaalameen kooxo iska dhigaya Al-Shabaab oo dadka baad ka qaadi jiray bilihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo ciidanka ay ugaarsadeen.

Guddoomiye Abshir Kaaraan ayaa sidoo kale u digay burcadda xilliyada habeenkii dadka isbaareysta, isagoo sheegay in cid kasta oo dhac ka geysata degmada la garanayo, qofkii lagu helana dhac dadweyne inay guryaha ugu geli doonaan si loola xisaabtamo.

Ugu danbeyntii wuxuu guddoomiyaha degmada uu ka codsaday shacabka ku dhaqan degmada in ay la shaqeeyaan laamaha amniga soona wargeliyaan wixii dhibaato ama amni daro ka geysanaya xaafadahooda si loo soo qabto.