26 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Lafta-gareen: Ficilkiisa iyo fahankiisa oo isburinaya!

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagtagareen oo habeenkii axadda kula hadlay magaalada  Baydhabo xildhibaannada lagu xulay maamulkiisa ayaa ku hadlay waxyaabo ka baxsan runta, isaga oo soo qaatay warar is burinaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku faanay in ay noqdeen kuwii ugu horreeyey ee fuliyey in wax lagu doorto labo deegaan doorasho, oo aanu u baahan Haramcad iyo ciidan kale oo ay ku filnaadeen.

Laftagareen oo arrintaas ka hadlay waxaa uu yiri “Koonfur Galbeed iyo guddigeeda waxaa ay sameeyeen ay dadka Soomaaliyeed oo dhan uga horreeyaan, haddii dadka Soomaaliyeed isma sheegaane innaga ayaa is sheegeyna. Marka ugu horreyso waxaan aheyn State-kii ugu horreeyey ee dhaqangeliyey heshiiskii September 17 oo baqdinta badan laga qabay, oo ahaa in labo deegaan doorasho la qabto.”

Laftagareen waxaa uu qariyey in musharraxiinta xildhibaannada, odeyaasha iyo ergadaba ay ku tageen diyaarado iyo doomo, cabsi weyna ay jirtay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ku amaanay iney habraacyada heshiiska September 17 u fuliyeen sida ay tahay isaga oo yiri “Waxay ku mahadsan yihiin guddiga nidaamkii iyo habraacii doorashada oo aan ku heshiinnay 17 September, iyada oo Process-kii rasmiga ahaa la marayo ayey doorashadii qabteen 69-kii”. Si ka duwan hadalkaas Laftagareen ayaa dafiray xuquuqda muwaadinka ee dastuuriga ah, isaga oo albaabada ka xirtay siyaasiyiin uu u arko in ay ka aragti duwan yihiin ama kula baratami karaan goleyaasha siyaasadda.

Dhacdooyinka ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa qaar ka xanibay safaradda sida madaxweynihii isaga ka horeeyey Shariif Xasan, guddoomiye ku xigeenkii golaha shacabka Cabdiweli Muudeey, halka shahaadad loo diiday diideen ama laga xanibay tartanka sida Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiiro federaalka ah sida Cabdirashiid Maxamed,  Jaamac Maxamed Nuur, Maxamuud Macalin Yaxye iyo qaar kale. Waxaa kale oo uu iska indha tiray tacaddiyadii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xasan, Prof Ibbi, Maxamed Cumar Dhalxa, Idiris Dhakhtar  iyo qaar kale.

Madaxweyne Laftagareen waxaa uu sheegay in guddiga doorashada uu ahaa midka keliya ee ka madaxbannaan Corruption, waana guddiga u xiray kuraasta illaa 15 ka tirsan wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku jiraan wasiirrada amniga, gudaha, qorsheynta, hawlaha guud, xannaanada xoolaha, diinta iyo 10 kale oo isugu jira wasiirro, ku xigeenno iwm.

Waxaa kale oo uu maamulka Laftagareen xulay guddoomiyaha baarlamaanka Konfur Galbeed, qaar ka tirsan lataliyeyaashiisa sida midkii amniga iyo arrimaha haweenka iyo saraakiil ciidan oo maamulka ah, kuwa NISA iyo xataa taliyaha asluubka Soomaaliya oo Laftagareen xidid yihiin iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee xoogga dalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Laftagareen waxaa uu iska indhotiray in guddiga doorashada koonfur gabeed ay laaleen go’aanno kasoo baxay guddiga heer federal ee doorashada, si ay u fuliyaan amarada madaxweynaha.

Ugu dambeyntii waxaa uu Laftagareen ku baaqay “Xildhibaannada Koonfur Galbeed lagu doortay waa 77 xildhibaan, 8 Senator iyo 69 xildhibaan, waxa ugu muhiimsan oo Koonfur Galbeed aan rabno waxa ay tahay midnimo inaad muujisaan, 77 xildhibaan maanta state heysto ma leh, labo state la isku daray baa 77 xildhibaan leh, waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la eg in Koonfur Galbeed, oo aan la idiin kala qeybin, waxaan Soomaalinnimo aheyn aadan ka shaqeyn, Koonfur Galbeedna aad u shaqeysaan”. Madaxweynaha waxaa uu iska indhotiray aragti dad badan ay qabaan oo ah inuu geedfadhigii Koonfur galbeed uu ka reebay loolanka isaga oo ka leh dano shakhsi ah.

Ma jirin 77-ka xildhibaan oo labada gole ee Koonfur galbeed ka yimid, hal kursi oo tartan ka dhacay, iyaga oo xulasho iyo rabitaankiisa ku yimid, taasi oo ka hor imaaneysa faankiisa.

Isha: Goobjoog

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada KURAASTA HOP#063 iyo HOP#011

0

BELEDWEYNE (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa haatan si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraasta HOP#063 iyo HOP#011 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo uu shalay ku yimid dib u dhac.

Kuraastan oo isha aad loogu hayo ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadda federaalka iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo isna ah wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in doorashada lagu bilaabay kursiga uu ku fadhiyo Goodax Barre ee HOP#063, waxaana ku tartami doono 9 musharrax oo isku diiwaan-geliyey tartanka.

Tani ayaa muujineyso in Cabdullaahi Goodax Barre oo sanado ku fadhiyey kursigan uu wajahayo loolan adag, iyadoo uu soo bixi doono qofka ay u codeeyaan ergada oo 101 ah.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#011 ayaa isna waxaa ku tarmayaa musharrax Maxamed Cumar Maxamed iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga gudaha.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada Beledweyne, si loo xaqiijinayo amniga inta ay socoto doorashada.

Beledweyne ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa muran la xiriira doorashada, kaas oo dib u dhigay in lasoo gabagabeeyo kuraasta taalla magaaladaasi.

Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qarax lagu dilay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya lagula eegtay duleedka degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday gawaari ay wateen askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in miinadu ay haleeshay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamadaasi, waxaana ka dhashay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale ciidamada ayaa qaraxa kadib furay rasaas, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana kadib ay sii wateen socdaalkooda.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxayna sheegtay inay ku dishay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacday 4 kale.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, mana jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee la qarxiyey.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Baay iyo Bakool.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka lagu qaaday Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena ay dagan yihiin ciidanka AMISOM.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka Marina Gate, iyaga oo qarax la beegsaday Control ku yaalla halkaas oo laga soo galo garoonka.

Iska hor imaad u dhexeeyo kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka ayaa haatan ka soconaya xarunta Eeyaha tababaran ee u shaqeeya sida askarta, kuwaas  lagu baaro  walxaha qarxa, sidoo kale wuxuu weerarku  gaaray xafiiska Toyota ee SKA.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in haatan toogasho ay ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha Soomaaliya oo ku aadan weerarkan oo dhaliyey shaki xoogan oo ku geedaaman sida loo soo abaabulay.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkaasi oo weli ka socda halkaasi.

Faah faahinta kala soco:- Caasimada Online

Sawirro: Safiirka Mareykanka iyo Rooble oo ku dalxiisay xeebta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa baahisay sawirrada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo safiirka cusub ee Mareykanka Larry André oo ku lugeynaya meel ka mid ah xeebta magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta twitterka ee safaaradda waxaa lagu sheegay in Danjire Larry André uu Ra’iisul wasaaraha u cadeeyey intii ay ku guda-jireen socdaalkaas jimicsiga ah, in hoggaamintiisa doorashada ay taageero buuxda u hayaan, gacana ay ka siinayaan soo gabagabeynta doorashadaan dheeraatay.

Dad badan ayey layaab ku noqotay in la arko diblomaasiyiinta Mareykanka ka jooga Soomaaliya, gaar ahaan safiirka oo lugeynaya meel ka mid ah xeebta dheer ee Muqdisho.

Bilihii u dambeeyey waxaa aad loo xakameeyey dhaq-dhaqaaqa banaanka ah ee diblomaasiyiinta Muqdisho ka joogta dowladda Mareykanka, mana soo dhaafi jirin xarunta sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa mudooyinkii dambe gudaha Xalane ugu tegi jirtay diblomaasiyiinta shisheeye, gaar ahaan kuwa Mareykanka, oo qaatay go’aan ah in aysan soo dhaafin xaruntooda, si aan loo beegsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirkaan cusub ee Mareykanka warqadaha aqoonsiga uga soo gudoomay gudaha Xalane, iyadoo loo hoggaansamayo go’aanka Mareykanka ee banaanka loogu diiday diblomaasiyiinta ka joogta dalka, waxayna tallaabadaasi noqotay mid aan horay u dhicin oo hadal-heyn badan dhalisay.

Hoos ka eeg sawirrada

DF oo soo bandhigtay 4 qodob oo ay ku burineyso heshiiskii shidaalka (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin ay ku burburineyso heshiiskii Shidaalka ee wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed uu u saxiixay shirkadda Costline Exploration ltd oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Heshiiskaas ayaa markii uu soo shaac-baxay wuxuu qalqal iyo kala shaki badan ka dhax abuuray xafiisyada ugu sareeya dalka, waxaana sharci darro ku tilmaamay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo hantidhowraha qaranka, sidoo kale wasiir Cabdirashiid ayaa ku adkeystay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa.

21-kii Febraayo dowladda Soomaaliya waxay qaaday tallaabadii ugu horeysay oo ay ku burineyso heshiiskaas, ayadoo qortay warqad ay shirkadda heshiiska lala galay ku wargelineyso in heshiiskaas uu yahay waxba kama jiraan.

Xogtaan waxaa baahiyey barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA.

Warqadda ay dirtay dowladda Soomaaliya ee ku socotay shirkadda Costline Exploration ltd, waxaa qortay wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana lagu xusay in afar sababood dartood uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan.

Qodobada ay soo bandhigtay dowladda Soomaaliya ee heshiiskaas ay ku burineyso ayaa kala ah:

1 – Inay marka hore waajib tahay in heshiiskaas uu ka soo gudbo qeybta sharciga ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, si loo hubiyo inuu waafaqsan yahay shuruucda dalka.

2 – In Garyaqaanka guud ee dowladda uu talo bixin dhinaca sharciga ah ka bixiyo saxiixa heshiiska.

3 – In Ra’iisul wasaaraha dalka uu hab qoraal ah ugu wargeliyo golaha wasiirrada ogaanshaha heshiiska.

4 – Iyo in golaha wasiirrada ay ansixiyaan, ka hor inta aan la saxiixin heshiiskaas.

Warqadda ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u dirtay shirkadda Costline Exploration ltd waxaa lagu cadeeyey in afartaas tallaabo aan la marsiin heshiiska ay u saxiixday wasaaradda batroolka Soomaaliya.

Illaa hadda ma cada in shirkadu aqbashay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ay ku burineyso heshiiskaas, barnaamijkaan wuxuu la xariiray masuuliyiinta shirkadda, balse waxay u cadeeyeen in xilligaan aysan arrintaas ka hadleyn.

Patrick Molliere oo mar ka soo shaqeeyey wasaaradda batroolka Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan dalka Indonesia wuxuu la hadlay barnaamijkaan Galka Baarista, wuxuuna u sheegay inay aad u fududahay burunta heshiiskaas.

Patrick wuxuu hadda madax ka yahay shirkad Saliida soo saarta oo lagu magacaabo Foster Oil and Energy, taas oo ka diiwaan gashan dalka Indonesia, wuxuu mar la taliye sare ka soo noqday wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, wuxuuna qabaa in dowladda Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay burinta heshiiskaas.

“Hadii dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay qandaraaska buriso aad ayey u sahlan tahay, kaliya waa inay cadeysaa inay burisay. Soomaaliya waa wadan, laakiin Costline waa ‘shaqin’ dadbaa dhahaya waa ku dacweynayaan, ha dacwoodaan, laakiin Soomaaliya waa inay muujisaa mowqif dowladeed,” ayuu yiri Patrick Molliere oo mar la taliye ka soo noqday wasaaradda batroolka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran

HirShabeelle oo shaacisay sabab dib loogu dhigay doorashada kuraasta Goodax Barre iyo Cabdirisaaq Cumar

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa dib loo dhigay doorashada labadii kursi ee maanta ilaa caawa lagu waday inay ka dhacdo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay HirShabeelle.

Afhayeenka madaxtooyada HirShabeelle Daa’uud Cirro ayaa sheegay in doorashada kuraastaas dib loo dhigay, maadaama la gaaray xilli habeen ah, tartankuna uu adagyahay.

Berri oo Arbaco ah, weliba gelinka hore ayuu sheegay afhayeenku in doorashada labadaas kursi ay ka dhici doonto Beledweyne, sida ay qorsheeyeen guddiga doorashada iyo laamaha ammaanka.

Labada kursi ee doorashadooda dib loo dhigay ayaa kala ah HOP#63 iyo HOP#11, waxaana la sheegay in tartanka kuraastaas uu yahay mid furan, cabsi badana laga qabo inuu ka dhaco gacan ka hadal.

Loolanka ay wajaheyso doorashada kuraastaan waa mid adag markii la fiiriyo musharaxiinta isu diiwaan gelisay, waxaana horay ugu kala fadhiyey kuraastaan Cabdullahi Goodax Barre iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed, kuwaas oo hadda ka mid ah tartamayaasha.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in musharaxiinta qaar aysan u diyaarsaneyn guul-darro oo maleeshiyaad aad u hubeysan ay diyaarsadeen, taas oo madaxda HirShabeelle ku qasabtay inay taxadar badan muujiyaan.

Xog: Farmaajo oo raba inuu Cabdiraxmaan Dheere u magacaabo taliyaha NISA iyo mowqifka R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qorsheenaya inuu agaasimaha cusub ee Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ka dhigo Cabdiraxmaan Dheere oo ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu maalmaha soo socdo u magacaabo Cabdiraxmaan Dheere agaasimaha Hay’adda NISA oo muddo badan aan laheyn agaasime kadib khilaafkii ka dhex dhacay Farmaajo iyo Rooble.

Hay’adda ayaa waxaa hadda agaasimne ku-meel gaar ah ka ah Yaasiin Farey, balse Farmaajo iyo Rooble ayaa ku heshiiyey in la magacaabo agaasime ay isku raacsan yihiin, maadaama Yaasiin Farey lagu tiriyo dhanka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu diidan yahay in xilkaan loo magacaabo Cabdiraxmaan Dheere, oo si aad ah ugu dhow Fahad iyo Farmaajo, waxayna taas caqabad weyn ku tahay madaxweye Farmaajo.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa billaabay inuu xildhibaano ku dhow Rooble kala hadlay inay xilkamsoo ogoleysiiyaan ra’iisul wasaaraha maadaama madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay horey ugu heshiiyeen in cidda loo magacaabayo xilkaas uu noqdo qof ay isla ogol yihiin labadooda

Rooble iyo Farmaajo ayaa wuxuu khilaafkooda kasoo bilowday xil ka qaadistii uu Rooble ku sameeyey Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kadib markii gacanta hey’adda lagu waayey Ikraan Tahliil Faarax.

Cabdiraxman Dheere oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin ayaa ahaan jirey xildhibaan ka tirsanaa aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Soomaaliya balse xiligaan degaan doorashadiisa Jubaland looga diidey in dib looga soo doorto, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday. 

Madaxweyne DENI oo kala caddeeyey inuu iska casilayo xilka Puntland iyo in kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo dhawaan shaaciyay in uu yahay musharax u taagan xilka u sareeya dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa markale ka warbixiyay halka uu marayo ololahiisa doorashada.

Madaxweyne Saciid Deni oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan lagu doortay maamulkaas, ayaa si cad ugu sheegay in uu iska casili doonin xilka madaxweynaha Puntland.

Waxa uu Xildhibaanada u sheegay in haddii uu ku guulaysto Madaxweynaha Soomaaliya uu markaas iska casili doono Puntland, hase yeeshe haddii uu waayo uu halkiisa kasii wadi doono shaqadii maamulka oo uu kusoo laaban doono.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa hadal hayn badan oo ka dhalatay musharaxnimada Deni, si gaarna ahna ula xiriirtay waxa uu ka yaali doono xilka madaxweynaha Puntland ee uu hadda hayo.

Musharaxnimada Deni ayaa waji kale u yeeshay loolanka adag ee madaxtinimada dalka, ayada oo rejo beel ku abuurtay musharaxiin dhowr ah oo markii hore ku tashanayay kuraas u gacan galay Deni.

Si kastaba, Deni ayey ka go’an tahay in isbedel uu ka dhaco dalka, islamarkaana guusha laga wareejiyo Farmaajo, asagu laftiisa dadaal badan ku bixinaya dib usoo laabashadiisa.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay ku biirista Sheekh Aadan Sunne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay war kasoo saartay ku biirista kooxda ee Sheekh Aadan Sunne, kaasi oo shalay shaaciyay in uu gaaray deegaanada kooxdaasi ay gacanta ku hayso.

Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Sheekh Aadan Sunni kulamo iyo martiqaadyo diirran loogu sameeyey magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sheekh Aadan Sunne ayaa soo kormeer uu ku indho indheynayo kusoo maray deegaanada ay gacanta ku hayso kooxda, sida lagu sheegay qoraalka goor sii horeysay kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

“Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa wuxuu kulamo la qaatay qeybaha bulshada sida culimada, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulada Islaamiga ee wilaayaatka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wuxuu Sheekh Aadan Sunni sheegay in sababta uu ugasoo haajiray Hargeysa ay tahay inuu xor u noqon waayey faafinta dacwada Islaamka, islamarkaana maamulka halkaas ka jira uu dhaqan ka dhigtay cadaadinta ducaadda iyo garab istaagga hay’adaha dadka gaaleysiiya ee dagaalka kula jira ducaadda Muslimiinta.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Sheekh Aadan Sunne uu kala qeyb-qaadan doono waxay ugu yeeren “halganka halkaas laga soo abaabulo”, taasi oo qeyb ka ah sida la ogyahay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Aadan Sunni ayaa dhowr jeer lagu xiray xabsiyada magaalada Hargeysa, ka hor inta uusan tagin deegaanada kooxda, wuxuuna ku eedeyay maamulka Somaliland in uu uga badbaadi waayay faafinta Diinta Islaamka, islamarkaana albaabada u fureen qolooyin diimo kale faafinaya.

Shalay unbey aheyd markii uu Aadan Sunne idaacada BBC-da ka sheegay in uu ku biiray kooxda Al-Shabaab, uuna kala qeyb qaadanayo intii karaankiisa ah faafinta Diinta Islaamka, waxaana ku wehlinaya safarkiisa xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Shacabka ku nool Muqdisho oo halis wajahaya – “Ma jirto dowlad aan isku haleyneyno”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waxaa faraha kasii baxaya ammaanka guud, iyadoo ay sii kordheen dilalka iyo falalka amni darrada ah ee ka dhacaya caasimada.

Allaha u naxariistee waxaa Muqdisho lagu aasay Marxuum Cabdinuur Cabdullaahi Warsame oo habeen hore kooxo burcad ah ay ku dileen degmada Warta Nabadda.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in Cabdinuur loo dilay inuu sheego Lambar sireedka Bangiga Akoonkiisa, iyadoona laga dhacay taleefankii uu watay.

Mid ka mid ah ehellada marxuumka oo Qabuuraha kula hadlay Wariyeyaasha ayaa qaylo dhaan ka muujiyey dilalka arxan darrada ah ee maalin walba ka dhacaya caasimada, wuxuuna ku eedeeyey dowladda federaalka ah inay ka gaabisay sugida amniga shacabka.

“Maalin walba annagoo masaajida ku jirno oo shacab ah ayaa nala dilaa. War dadow nin walba hubkiisa ha qaato dowlad & nabad sugid aan isku haleyneyno ma jirto” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii datay “Cid aad u cabato iyo cid aad wax u sheegto malaha ciidamo dowladda ah oo qoryo wata ayaa dilay Cabdinuur wax wax ka qabtayna malaha,”.

Dilalka ka dhacay Muqdisho kaliya ma’aha midka Cabdinuur, waxaana jira dilal kale  siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho oo ay badi geysatay burcad hubeysan.

Arrintan ayaa keentay inuu kordho walaaca shacabka, waxaana gaabis noqday isku socodka habeenadii degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, amni xumo darteed.

Si kastaba, dowladda ayaa dhankeeda ku cel-celisay inay wax ka qabaneyso amniga, waxaana mararka qaar ciidamada amniga ay howlgallo ka sameeyaan Muqdisho.

Xog: Axmed Madoobe iyo Kenya oo isku raacay qorshe ku saaban doorashada 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarey

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxdaxweyhaha Jubaland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi ka wada shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay ka wada hadleen sidii ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ugu qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee taal Garbahaareey.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dowladda Kenya iyo Axmed Madoobe heshiis ku yihiin in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Ceelwaaq ee xuduuda labada dal, halkaasi oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin.

Haddii uu hirgalo qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay, beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey.

Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mareexaan ee mucaaradsan Villa Somalia ay kusoo bixi doonaan

Doorashada 16-ka kursi ee yaalla Gedo ayaa caqabad ku ah soo gaba-gabeynta doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka iyadoo xiligaan tirada harsan ay gaarayaan 29 xubnood. 

Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maanta uu dib ugu soo laabto magaalada Kismaayo, waxaana kadib guddiga doorashada Jubaland ay ku dhowaaqi doonaan go’aan la xiriira halka lagu qabanayo doorashada kuraasta Garbahaarey.

FARMAAJO iyo ROOBLE oo war kasoo saaray geerida ku timid Dr. SHEEKH SHARIIF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saartay geerida ku timid Allaha u naxariistee Muftigii Diimeed ee caanka ahaa Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray tacsi tiiraanyo leh ugu diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekha.

Madaxweynaha oo tilmaamay in Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ahaa  caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwada Islaamka,  waxbaridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka tacsida ee kasoo baxay Villa Soomaaliya

Dhankiisa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi.

“Waxaan qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi oo Miqdisho ku geeriyooday,”.

AUN Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxiyaddiin Celi oo ahaa Mufti Diimeed la qadariyo ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna u geeriyooday xanuun kelyaha ka haayay maadaama shaqadoodii ay gabeen, si joogto ahna looga dhaqi jiray.

Sanadkii Sagaashameeyadii ayaa lagu xasuustaa inuu soo noqday Guddoomiyihii Hirgelinta Shareecadda Islaamka ee Waqooyiga magaalada Muqdisho, xiligaasi oo dadka ay ku tiirsadeen maxkamaddii waagaasi jirtay ee Sheekh Cali Dheere Guddoomiyaha ka ahaa.

Jeneraal Mareykan ah oo isbarbar dhig yaab leh ku sheegay in Soomaaliya ay ka amni badan tahay Kenya

Washington (Caasimada Online) – Madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) General Stephen Townsend ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay uga halis badan tahay Soomaaliya in ciidamada Mareykanka ee loo xil-saaray Soomaaliya ay ka howlgalaan.

Townsend oo su’aalo uga jawaabayey guddi ka tirsan Senate-ka Mareukanka ayaa sheegay in go’aankii uu madaxweyne Trump ciidamada uga soo saaray Soomaaliya uu adkeeyey inay la dagaalamaan Al-Shabaab. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qacida ay tahay “kooxda ugu koritaanka badan, ugu hodansan, uguna wax dilista badan dhammaan kooxaha argagixisada ee caalamka.”

Waxa uu intaas ku daray in soo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay dadka Mareykanka ah ee ku sugan dalalka deriska la ah ka dhigtay kuwa wajahaya halis ka badan tii hore.

“Aragtideeda waxay tahay in dagaalkeena hadda goos gooska ah, ama aan ugu magac darnay dagaalka usoo safarka, uu horseeday caqabado iyo halis cusub oo soo wajahday ciidamadeena,” ayuu yiri Townsend. 

“Qiimeynteyda waxay tahay in taasi aanay wax ku ool aheyn, oo aanay ku filneyn islamarkaana ay ciidankeena gelineyso halis ka ballaaran sidii hore,” ayuu yiri Jeneral Townsend. 

Hadalka Townsend ee ah in ciidamada Mareykanka ay Kenya uga halis badan tahay inay ka howlgalaan Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo dalka Kenya uu ku asiibay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ay la beegsato.

Al-Shabaab ayaa 5-tii bishii Janaayo 2020 weeraray saldhig ay ciidamada Mareykanka ku lahaayeen gudaha dalka Kenya ee la yiraahdo Mand Bay, halkaasi oo ay ku dileen askari iyo laba qandaraasle oo Mareykan ah.

Uganda oo ku dhawaaqday amar cusub oo ka farxiyay Soomaalida ku nool dalkaas

Kampala (Caasimada Online) – Amar kasoo baxay maxkamadda sare ee dalka Uganda ayaa lagu faray waaxda socdaalka in dadka Soomaaliyaeed la siiyo dhalashada Uganda waa haddii ay buuxiyaan shuruudaha sharciga u yaalla Uganda.

Garsoore Mussa Ssekaana oo xukunkaasi ku dhawaaqay sheegay in go’aankaasi uu danbeeyay markii xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ay dacwo iyo cabasho ka dhan ah waaxda socdaalka u gudbiyeen maxkamadda sare sanadkii 2019-kii.

Xubnahaasi Soomaaliyeed ee dacwada gudbiyay ayaa loo diiday inay qaataan dhalashada Ugandha markii ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay.

Xubnaha dacwadda ka dhanka ah waaxda socdaalka gudbiyay maxkamadda ayaa kala ah, Abdu Abukar Hussein, Abdullah Ahmed Shiekh, Yahya Yusuf, Xirsi Mohamed, Abdinassir Hussein Shire, Mohamed Abduweli Abdulla, Ahmed Noor Osman iyo Multiracial Community Uganda (MCU) Ltd.

Kumanaan Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Uganda, waxaana jira Soomaali tira badan oo ka dhex muuqda ganacsiga ugu weyn dalka Ugandha. Sidoo kale, waxaa jira Soomaali dalkaas ku jooga sharciyo qaxooti.

Mareykanka oo abaal marin siiyay askar fashiliyey weerar ay soo qaaday Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa billado ku abaal mariyey seddex Askari oo la sheegay inay qeyb weyn ka qaateen difaaca xirada ciidamada Mareykanka ee Manda ee gobolka Lamu ee dalka Kenya taasoo ay 5-tii Janaayo 2020 ay weerar kusoo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Askarta la abaal mariyey ayaa waxay ka tirsan yihiin ciidamada difaaca ee dalka Kenya, waxaana la abaal mariyey Kornayl Daniel Rotich, Major Martin Muthaura iyo Corporal Peter Shikuri, iyagoo ku mutaystay jawaab-celintii degdegga ahayd ee ay ka bixiyeen ka-hortagga weerarkii Camp Simba ee Manda.

Agaasimaha Hawlgalka ee AFRICOM Sarreeye Gaas Gregory Anderson ayaa si weyn ugu mahadceliyey Seddexdaan Askari oo uu sheegay inay sabab u noqdeen difaaca xerada oo halis u gashay inay la wareegaan kooxda Al-Shabaab.

“Waxaad naftiina ku ilaaliseen safka hore ee dagaalka si aad u ilaalisaan dadka kale oo aad u badbaadisaan qarankiina. Runtii tani waa mid amaan mudan, waana idinkaga mahadcelinaynaa geesinimadiina,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Anderson.

Weerarkii Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Manda-bay ee dalka Kenya ee dhacay 5-tii Janaayo ee sanadkii 2020 ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Saddex kamid ah askarta Mareykanka, isla markaana uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay weerarkaas ku burburisay diyaarado ay lahaayeen Ciidamada Mareykanka inkastoo ciidamada Mareykanka ay arrintaas inkireen.

Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Deni oo durba laga dareemay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayasha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerar culus ku billaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii uu ku dhawaqay xalay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Baraha bulshada ayey taageerayaasha Farmaajo ku beegsadeen Siciid Deni si shaqi ahaan ah, waxaana boqolaal farriimood, sawirro fool xun iyo qoraalo u badan aflagaado lagu arkay hoggaamiyeyaasha kooxaha baraha bulshada ka taageera Farmaajo, taasoo muujineysa culeyska Musharaxnimada Deni ku keeneyso Farmaajo.

Weerarka baraha bulshada ee ku socda Madaxweynaha Puntland ayaa intiisa badan salka ku haya, markii uu Musharax Siciid Deni uu shaaciyey in hadafkiisa koowaad uu yahay in Soomaalida laga dul qaado Farmaajo.

Taageerayaasha Farmaajo ee weerarka ku bilaabay Musharax Siciid Deni waxaa ka mida xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo Deni ku eedeeyay inay dalal shisheeye wataan oo doonaya in Farmaajo aanyu soo laaban, laakiin waxaa jawaab kulul siiyey oo Axmed Macallin Fiqi oo u gurmaday Siciid Deni, isagoo caddeeyay in Farmaajo uu ku yimid rabitaanka dal yar oo Ajnabi ah.

Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire: “Farmaajo in xilka looga adkaado waxay hadaf koowaad u tahay dowlado shisheeye, laakiin murashaxiinta arragtida qaran leh hadafkoodu waa inay helaan fursad ay dalka ku hoggaamiyaan.”

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: “30-ka musharax ma hawl kale ayay u socdaan sow hadafkoodu maahan in ay Farmaajo bedelaan, haddii aysan taas ahaan lahayn sow iskama joogeen guryahooda? Haddii nin lagu tuhmayo in dawlad shisheeye ay wadato oo la hubo sow ma ahan kaasi Farmaajo oo ay wadato dawlad yar oo Khaliijka ka tirsan? Taasina sow lama macno ahan in musharixiinta kale ay dawlad shisheeye u diidan tahay in ay talada dalka qabtaan?. Durbaankii wadaniyada fake ah waxaan moodayey in uu dalooshamay oo aan dib danbe loo yeerin doonin! Soomaaliya in laga dulqaado Farmaajo oo la isku bahaysto waa dan qaran iyo cibaado!

Afhayeenka Deni Jaamac Dabaraani: “Qofka aan Rabin in qofka hoggaanka ku fashilmay ee dalka halista geliyay uu baxo si isbedel u dhaco, waa kee kaasi? Waa Musharaxee? Halkee u socdaa? Isbedelka ayaaba ka bilowma in qofka wax khalday ee wakhtigu ka dhammaaday la saaro!!

Taagerayaasha musharixiinta kale ayaa dib uga gurtay dhaliisha iyo wax ka sheegista musharax Siciid Deni, markii ay dagaalka baraha bulshada ka bilaabeen Farmaajo, waxayna isu rogeen inay difaacaan Deni si kumeelgaar ah.

Arrimaha la yaabka leh ee taageeraysaaa Farmaajo ku dhaliilayaan Siciid Deni waxaa ka mida inuu musuqmaasuqay xildhibaannada iyo senatoorada Puntland kasoo baxay, iyagoo taageersan kuwa Farmaajo uu hantidii iyo ciidamadii dowladda kusoo saaray.

Xigasho: Goobjooge 

Mufti diimeed caan ka ah Soomaaliya iyo dibadda oo ku geeriyooday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday AUN Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxiyaddiin Celi oo ka mid ahaa mashaa’iqda si weyn looga qadiriyo guud ahaan Soomaaliya.

Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxiyaddiin Celi oo ahaa Mufti Diimeed la qadariyo ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna u geeriyooday xanuun kelyaha ka haayay maadaama shaqadoodii ay gabeen, si joogto ahna looga dhaqi jiray.

 Dr. Sheekh Shariif oo da’ diisa caga cageyneysay ku dhawaad 100 sano ayaa wuxuu ahaa wadaad u go’ay fidinta diinta Islaamka, waxaana Sheekha dhalay SHeekh Muxuddiin Celi oo dal iyo dibad si weyn looga yaqaan.

 Sheekh Shariif ayaa sidoo kale wuxuu ahaa xubin firfircoon oo dariiqada Ahlu Sunna Waljameeca.

 Sanadkii Sagaashameeyadii ayaa lagu xasuustaa inuu soo noqday Guddoomiyihii Hirgelinta Shareecadda Islaamka ee Waqooyiga magaalada Muqdisho, xiligaasi oo dadka ay ku tiirsadeen maxkamaddii waagaasi jirtay ee Sheekh Cali Dheere Guddoomiyaha ka ahaa.

 Bahda Caasimada Online waxay ugu tacsiyadeyneysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Dr. Sheekh Shariif Sh. Muxuddiin Celi.

Somaliland oo dalab ka dhan ah Somalia u gudbisay QM

0

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey booqasho uu wafdiga madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta dhexe ee QM oo ku taall magaalada New York ee Mareykanka.

Wafdiga madaxweynaha Somaliland ayaa halkaasi kula kulmay mid ka mid ah ku xigeenada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, sida uu shaaciyey wasiirku.

Ciise Keyd ayaa shaaca ka qaaday in kulankaasi diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan Somaliland, gaar ahaan sidii loo hormarin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in QM u gudbiyeen sidii kaalmooyinka ay bixiso si toos ah u siin laheyd Somaliland, iyada oo aan cidna loo soo marin, gaar ahaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo sii hadlayey ayaa xusay in wada-hadalladan sidoo kale lagu soo qaaday horumarinta beeraha, Kalluumaysiga iyo abaaraha soo noq-noqday

“Waxaanu kala hadalnay horumarinta beeraha, Kalluumaysiga, dhibaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo sidii biyaha roobka ee da’a aynu u qaban lahayn oo aynu biyo-xireeno badan uga samayn lahayn dalkeena, markaa waanu isla qaadanay fikradahaas, waxaanu shirkaasi noqday mid guul noogu soo dhammaaday, waana guul kale oo Somaliland u soo hooyatay” ayuu yiri wasiirka, kadib qoraal uu kasoo saaray shirkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku joogo Mareykanka ayaa weli kulamo ka wada dalkaasi, kuwaas oo looga hadlayo arrimo la xiriira qadiyadda Somaliland.

Saciid Deni ma noqon karaa madaxweynaha Soomaaliya?

Saciid Cabdulaahi oo hadda ah madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay inuu noqdo madaxweynaha qaranka Somaliyeed ee afarta sanno ee so socota, haddaba aan hogga tusaalayno ama aan istusno sida uu ku noqon karo iyo rajadiisa, dadaalka inuu ku guulaysto.

Waxaa jira musharaxiin badan oo caddeeyey inay kursigaan u tartamayaan, rajo fiicanna leh iyo kuwo qiyaasta in la doortaa ay liidato. Dani wuxuu ka mid yahay kuwa gacanta weyn ku lahaa xulida xildhibaanada aqalka sare iyo kan hoosaba, wuxuuna leeyahay saaxiibo fara badan oo kasoo baxay Dowlad Goboleedyada kale, wuxuu kaloo heli karaa lacag u ku kharash-gareeyo ololihiisa, Waxaa kaloo jira Xasan Shiikh iyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo haysta ama kasban kara Xildhibaano badan, lacagna haysta.

Qiyaasta maalinta doorashada waxay u egtahay ama ay u dhowdahay inay wareegga kowaad soo baxaan Saciid Cabdulaahi Dani, Xasan Shiikh iyo Maxamed Cabdulaahi Farmajo. Sida uu Dani ku khudbeeyey, wuxuu yiri “ waxaan isu soo sharaxay inaan Farmaajo meesha ka saaro, cid walbana waan ku kaalmayndonaa siday Farmaajo uga guulaysan lahayd” taas oo aragti dheer xanbaarsan, oo ah hadba kan horreeya asaga iyo Xasan Shiikh inay isu kaalmaystaan taagerada rididda Farmaajo.

Haddaba, haddii Dani loo tanaasulo oo xildhibaano ka badan kuwa Xasan uu helo, Dani maka adkaan karaa Maxamed Cabdulaahi Farmajo?

· Dani waa ka saaxiibo badan yahay Farmajo marka laga dhugto ama laga fiiriyo xildhibaanada ka imaanayo Galmudug, Jubbaland, Hirshabeele iyo Konfur-Galbeed.

· Farmaajo wuxuu afartii sanno ama shantii sanno oo uu madax-tooyada joogay samaystay dad dhaliilo ka tirsanaya ama saluugaya wax qabadkiisa.

· Waxaa jira dowlado badan oo si weyn ugu millan siyasadda iyo dhaqaalaha Somaliya oo diidan maanta inay la shaqeeyaan Farmaajo, kana shaqaynaya guul-darada Farmaajo.

Haddaba, Alle unbaa og qofka guulaysana, laakiin Saciid Cabdulaahi Dani rajada uu uga adkaadaa  Maxamed Cabdulahi Farmaajo waa badan tahay, laakiin taladu waa tii Ilaahay, ee andhowrno maalinta doroshada haddii ilaah qadaro.

Ilaahay ha ina gaarsiiyo Somali oo si xor ah isu doorata oo dimograatiya, qabiil iyo qurunkiisana tuura.

W/Q: Mahamud J.Farah
[email protected]
Fort Mcmurray, AB

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.