26 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Muxuu Jeneraal XUUD ka yiri qaraxyadii Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano (Xuud) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda guud ee amniga magaalada Beledweyne, kadib qaraxyadii xooganaa ee xalay ka dhacay magaaladaasi.

Ugu horreyn Xuud ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxyadaas oo ay ku jirtay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad.

Jeneraalka ayaa sheegay inuu dhib weyn soo gaaray reer Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in dhibaatooyinkan ay soo noq-noqdeen, balse loo baahan yahay in laga wada tashado.

“Dhib weyn ayaa na gaaray haddaan reer Hiiraan nahay, dhacdadii xalay tii koowaad ma’aha dhibaatooyin badan oo horey u dhacay ayaa jira waxay u baahan tahay marka talo haddaan la tashan waxaan waa nagu sii soconayaan,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Dhammaanteen reer Hiiraan haddaan nahay wixii dhacay waan ka xunahay aad ayaan uga xunahay,”.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadaan oo kordhay ayaa gaaray illaa 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale, waxaana mas’uuliyaddooda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, dhacdadan ayaa si weyn u beddashay xaaladda guud ee Beledweyne oo ay horey uga socotay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-

QM oo dalab soo saartay, kadib weerarkii XALANE?

0

Muqdisho (Caasimada Onoine) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si adag uga hadlay weerarkii toos ka ahaa ee ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xerada Xalane oo uu ku yaal garoonka Aadan Cadde ayna degan tahay AMISOM.

Guterres ayaa marka hore si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 6 qof oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dad ajaaniib, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadlkooda lagu dilay dhacdadaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah

“Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah, ayuu yiri Antonio Guterres

Sidoo kale wuxuu xoghayaha ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey falkaasi, si loo horgeeyo cadaaladda.

“Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno,” ayuu sii raaciyey xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Weerarkan ayaa noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaado xerada Xalane, oo ah halka la sheego inay ugu amni badan tahay Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale weerarkan dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda BELEDWEYNE iyo khasaaraha oo kordhay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa weli ka taagan xaalad murugsan oo ka dhalatay qaraxyadii xooganaa ee xalay gilgilay magaaladaasi, kuwaas oo saameyn ku reebay Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha uu sii kordhay, isla-markaana ay badatay tirada dhimashada oo gaareysa illaa 20 qof, halka dhaawacuna uu yahay 30 ruux.

Sidoo kale qaraxyadan ayaa geystay saameyn xoogan, waxaana ku burburay dhismayaal dhowr ah oo uu ku jiro isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Ku simaha taliyaha saldhigga Booliska Beledweyne oo saaka Wariyeyaasha kula hadlay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa shaaca ka qaaday in aysan weli hayn tirakoob sax ah oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi, wuxuuna sheegay inay ku reebeen shacabka Beledweyne xaalad murugo badan oo bedashay jawigooda.

“Qaraxa hadda ka dhacay meesha aan taaganahay isbitaalka hortiisa oo inta ku dhimatay tirakoobkooda aanan heyn illaa iyo hadda oo dad aad u fara badan ay ku dhammaadeen,” ayuu yiri ku simaha taliyaha saldhigga Booliska ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qaybta siliga ee iridda oo iyadana qarax kale uu ka dhacay oo ismiidaamis ah oo qof jaakad xiran ah marka illaa iyo hadda masoo koobi karno dhimashada inta ay tahay,”.

Dadka ku dhintay qaraxyadaan ayaa waxaa ka mid aheyd xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn loogu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil iyo dad kale oo ay ku jiraan askar.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo ku soo aaday, xilli ay doorasho ka socoto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Meydka AUN marxuumad Aamino Maxamed Cabdi oo la keenayo MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saacadaha soo socda la filaya in magaalada Muqdisho la keeno Maydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo xalay ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo lagula beegsaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sida uu xaqiijiyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo lagu soo doortay Beledweyne marxuumadda ayaa waxaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Jeesow oo ka hadlayey geerida ku timid marxuumadda ayaa sheegay inay aheyd xildhibaanad ka dhex muuqatay reer Hiiraan.

“Aamino waxay aheed xildhibaanad ka dhex muuqato, gobolka Hiiraan, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed. Ilaahey ha u naxariisto, sabar iyo iimaan allaha naga wada siiyo,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qaban qaabada aaska ayaa haatan si weyn looga dareemayaa caasimada, waxaana geerida Aamino Maxamed ay si weyn u taabatay Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax oo dartiis loogu magac daray Hooyadii Cadaaladda.

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

Inkastoo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaanada, haddane siyaasiyiin iyo shacab ayaa waxa ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya oo toddobaadyadii tegay wadday olole la doonayey in Aamino looga saaro liiska musharixiinta kursigii ay horey ugu fadhisay.

Rooble oo shaaciyey in xildhibaan Aamina loo dilay kiiska Ikraan Tahliil dartiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi loo dilay inaanu guuleysan cadaaladda loo raadinayo kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble oo soo saaray war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in sidoo kale dilka xildhibaan Aamina iyo weerarkii xerada Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ay wada xiriiraan

Hoos ka aqriso qoraalka Rooble

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu si adag u cambaareynayaa kana xun yahay falalkii argagixiso ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne oo ah kuwo looga gol leeyahay in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u arkaa in weerarkii maanta lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee caawa lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo u doodista caddaaladda iyo xuquuqda muwaadiniinta.

“Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in falalka fulaynimo ee noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in doorashada dalku ku soo gabagebowda sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana lala xisaabtamo oo caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha nooc kasta oo ay yihiin goor ay noqotaba, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan yihiin caddaaladda iyo dowladnimada.

Dilka Xildhibaan Aamina oo lagu eedeeyey Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin waaweyn ayaa ka soo hadlay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay Beledweyne, waxayna ka mideysan yihiin tuhunka ay gelinayaan in dilka Aamino ay soo maleegtay kooxda Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si toos ah Villa Somalia farta ugu fiiqay, sidoo xildhibaanada kala ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Macalimuu iyo bulsho kale oo aad u badan ayaa qoraalo ka soo saaray geerida Marxuum Aamino.

Ugu horeyn Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa caadi ah miyaa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al-Shabaab. Miyaan aqbalnaa oo horey u soconaa? Hadda yaa ah Al-Shabaab. Khaarijintaan waxaa fuliyey Villa Somalia, wax kale ma jiraan. Allah ha u naxariisto xildhibaan Aamina.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Aamino waxay aheyd shakhsi dulmiga diiday, caddaaladda u hiilliyay una taagnaa difaaca xuquuqda muwaadinka, taasina waxay ka dhigtay geesiyad ku nool damiirka shacabka Soomaaliyeed. Maanta ayaan ka digay weerarrada abaabulan ee lagu beegsanayo dadka dulmiga diiday ee difaacayay xuquuqda muwaadiniinta, si loo cabsi geliyo inta aamusan, ama ku fekeraysa in doorashada soo socota ay isbeddel ka u hiiliyaan.”

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Mar kale ayaan ku celinayaa, Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa waa in ay qaadaan tallaabooyin masuuliyadda amniga looga saarayo gacanta kuwa  argagexisada la shaqaynaya ama ku hawlan fulinta ajandayaasha shakhsiga ah. Haddii aydaan qaadi karin, fadlan dadka yaan la hoosaasin oo u caddeeya in aadan awoodin.”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “Ikraan Tahliil way marjiyeen, Aamino way isku miidaamiyeen, shaki maleh inay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa isna yiri, “Aamina ka sokow in ay aheyd haweeney aqoonyahan ah , dhiirran, u taagneyd Difaaca iyo u qareemidda gabdhaha hadane waxa ay aheyd Macalin iyo barbaariso. 10 sano ka hor wareysi aan ka qaaday waxa ay dhiirrigalineysay waxbarashada gabdhaha. Waa in si dhab ah loo baaraa ,loona soo helaa dhagar qabayaashii ka danbeeyay dilka Xildhibaanadda.”

Xildhibaan Aamino oo qof naftiisa haligay uu isku qarxiyey ayaa mar kale lagu beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay gaari lagu siday meydadka iyo dhaawacyada Xildhibaan Aamino iyo askartii ilaalineysay, halkaas waxaa ku dhintay dad uu ku jiro Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo hadda ahaa musharax xildhibaan, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Farmaajo oo ka hadlay dilka xildhibaan Aamina Maxamed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne muddo xileedku ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal tacsi ah kasoo saaray geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo ku shihiidday qarax ay kooxda arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi caawa kula eegteen magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha oo sidoo kale tacsi u diray ehelada masuuliyiinta iyo muwaadiniinta kale ee Ku geeriyoodey qaraxa, ayaa falkaas arxan darrada ah ku tilmaamay mid bahalnimo ah, oo ka tarjumaya dhagarta kooxaha argagixisada ee cadowga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed ee birimageydada ah. 

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda iyo muwaadiniinta kale, Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo caawa lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Qof naftiisa haligay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay. Waxaana gudaha magaalada goordhaw laga maqlay qaraxii 3-aad.

Qaraxa labaad waxaa la xaqiijiyey in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay gaadiid lagu siday dhaawacyada iyo meydadka Xildhibaan Aamino iyo askarteedii.

Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ahaa musharaxiinta kursiga HOP#058 ayaa ka mid ahaa dadka waxaa lagu dilay qaraxa labaad, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Jawiga magaalada ayaa mar qura is bedelay, waxaana wahada laga saaray guud ahaan korontadii magaalada, khasaaraha qaraxyadaan ayaan la ogaa karin, waxaana hakad gashay doorashada kursiga HOP#011 oo xerada Lamagalaay ka socotay.

Xildhibaan Aamino oo caawa la dilay ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Booliska DF iyo safaarada Mareykanka oo war cusub ka soo saaray weerarkii Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey weerarkii ay maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey geerida laba qof iyo dhaawacyada lix kale oo isugu jira askartii weerarka ka hortagtay ee isugu jiray AMISOM iyo booliska Soomaaliya iyo sidoo kale dad shacab ah.

Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter-keeda waxay ku tiri, “Mareykanka wuxuu cambaareynayaa kuwa doonaya inay dilaan oo burburiyaan. Waxaan taageereynaa kuwa doonaya inay dhistaan ​​Soomaaliya ammaan, barwaaqo iyo nabad ah. aan si wadajir ah u hormarino soo noolaynta Soomaaliya.”

Weerarka ayaa ka bilaawday irida hore ee Marina Gate, halkaas oo ay ku yaallaan goobo ganacsi, waxaana fuliyey laba nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab., kuwaas oo mar dambe la toogtay.

“Goobta uu weerarku ka bilaawday ciidan kuma sugneyn, waxaa ku yaalla goobo ganacsi, oo hooyooyin Soomaaliyeed ay u soo shaqo tagaan subax kasta, hadda shaqada garoonka si caadi ah ayey u socotaa, wax hakad ahna kuma imaan oo goobta weerarkaas lagu fashiliyey dhowr KM ayey u jirtay,” ayuu yiri Afhayeenka booliska.

Siyaasiyiin badan ayaa ka falceliyey weerarkaan oo maanta ka dhacay banaanka ee hoolkii Farmaajo lagu doortay shan sano ka hor, taas oo waji gabax badan ku abuureysa damaca Farmaajo oo mar kale doonaya inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta qoraallada ka soo saaray weerarkaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo fariin u diray xukuumadda ayaa yiri, “Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo.”

Dhankiisa Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay, dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!.”

Hoos ka daawo afhayeenka Booliska

https://youtu.be/tDUwCwecJ3g?t=1

Lafta-gareen iyo Villa Somalia oo guul-darro ay ka raacday doorashada kursigii Goodax

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gabagabeeyey doorashada kursiga #HOP063 oo ahaa kursigii ugu adkaa ee doorashadiisa ka dhacdo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasi oo socotay saacado badan

Kursigaan oo ay u tartameen illaa 9 musharax oo uu ku jiray xildhibaankii ku fadhiyey kursigaas afartii sano ee lasoo dhaafay Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ugu dambeyn wareega ugu dambeeyey tartamay Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid iyo Maxamed Daahir. 

Wareegii ugu dambeeyey ayuu Ciid waxa uu helay codad gaarayo illaa 56 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Daahir uu helay 44 cod, wuxuuna guddiga sheegay inuu halaabay 1 cod.

Musharax laga guuleystay ee Maxamed Daahir ayaa waxay walaalo isku hooyo ah yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kaasi oo lacag badan ku bixiyey doorashada walaalkiis.

Maxamed Daahir ayaa wuxuu sidoo kale taageero weyn ka heystay Villa Somalia oo waqti badan gelisay inuu kursigaan kusoo baxo, balse ugu dambeyn waa laga adkaaday.

Dhanka kale, musharax ku guuleystay tartanka kursigaan ayaa wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo u dabaa-ldegay guushiisa.

Kursigaan oo tartankiisa uu qaatay saacado badan ayaa kamid ahaa kuraasta Beesha Xawaadle ee taalay magaalada Beledweyne kuwaas oo muddo badan la isku heystay in shaqsiyaad gaar ah loo xiro iyo in si cadaalad ah loogu tartamo.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa go’aan ku gaaray in kuraastaas Beeshaas ay noqdaan kuwa furan oo si caddaalad ah loogu tartamo, maadaama uu jiray khilaaf muddo badan u dhaxeeyey isaga iyo Beesha Kuraastaas leh.

CC SHAKUUR oo weerarka Xalane la xiriiriyay qorshe siyaasadeed – Muxuu yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay weerarkii barqanimadii maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu la xiriiriyay hirdanka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in weerarka Xalane uu bilow u yahay howl-galo maalmihii u dambeeyay si weyn looga digayay, isaga oo xusay in weerarkaas uu jawaab u ahaa in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.

“Al-Shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka Baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“”Maalmahaan oo idil waxaa ina soo gaarayey digniino isi soo tarayey oo ku aaddan amnigeenna shakhsiga ah iyo in la qorsheynayo weeraro lagu qalqal gelinayo amniga, laguna abuurayo cabsi gelin. Weerarka maanta ka dhacay xerada Xalane waa billowgii hawlgalladaas.”

Waxa uu sheegay in dalka uu ku jira xilli xasaasi ah oo kala guur ah, isaga oo ku eedeyay in hay’adihii amnigana ay gacanta ugu jiraan koox aan sariig lahayn oo waddo kasta u maraya xaqiijinta dantooda shakhsiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu tallaabo qaado, islamarkaana uu intaan ka badan indhaha ka laaban karin masuuliyada ka saaran dalka, gaar ahaan amniga iyo howlaha xil-wareejinta xiliga kala guurka ah.

“Waa in Xukuumaddu qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib u habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin, waxaa ka dhalanaya in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale, Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa asaguna goor sii horeysay qoraal uu soo saaray ayaa sheegay in weerarka maanta lagu eekeeyay qeybo kamid ah xerada Xalane uu saameeyey duulimaayada gudaha iyo dibadda oo istaagay.

“5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale waxa uu Mahad weerar ku qaaday maamulka Farmaajo, isaga oo sheegay inay ayaan darro tahay in hoolkii lagu doortay 5 sano, ka hor ay maanta ka dhaceyso rasaas.

“Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!.”

Shan qof oo ajaaniib ah oo lagu dilay weerarka Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen booliska.

Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in lixda qof ay shan ka mid ah yihiin ajaanib, islamarkaana uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM. Qofka lixaad ayaa ah Soomaali. 

Waxa uu intaas ku daray in dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen tababarayaal ka caawiya dawladda dhinaca tababarka qaraxyada, balse ma uusan shaacin dalalka ay kasoo jeedaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen laba ka mid ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana iminka la dilay. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in ragga weerarka fuliyey ay gaarayaan afar. 

Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu intaas ka bato, waxaana weerarkan, oo ay sheegatay Al-Shabaab uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee y ku qaado xerada Xalane, oo ah halka la sheego inay ugu amni badan tahay Muqdisho.

Weerarkan ayaa dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaan rasaas laga maqlayaa gudaha Xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan safaarado waa weyn.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in weerarkan uu saameeyey duulimaayada gudaha iyo dibadda oo istaagay.

“5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Waxa kale oo uu weerar afka ku qaaday maamulka Farmaajo, isaga oo shaaciyey inay ayaan darro tahay in hoolkii lagu doortay 5 sano, kahor ay maanta ka dhaceyso rasaas.

“Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!,” ayuu sii raaciyey.

Taliska booliska oo war kasoo saaray weerarka Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin hordhac ah ka bixiyey weerarka culus ee barqanimadii maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Booliska oo u hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen labo ka mid ah kooxda Al-Shabaab, ayna galeen xero u dhow garoonka.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarkaasi oo ka yimid dhinaca xerada Mariino Gate.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan uu weli socdo baaritaanka iyo howlgalka, isla-markaana uu faah faahinta dib ka bixin doono.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaan rasaas laga maqlayaa gudaha Xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan safaarado waa weyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna dhankeeda shaacisay in haatan ay toogasho ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Weerarkan ayaa dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in weerarkan uu saameeyey duulimaayada gudaha iyo dibadda oo istaagay.

“5 sano kahor Hangarkii Afisyoone lagu doortay xukunka dalkana lagula wareejiyay ayaa maanta xabadi ka dhex socotaa. Duulimaadyadii gudaha iyo dibeda ayaana mar qur ah istaagay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Waxa kale oo uu weerar afka ku qaaday maamulka Farmaajo, isaga oo shaaciyey inay ayaan darro tahay in hoolkii lagu doortay 5 sano, kahor ay maanta ka dhaceyso rasaas.

“Dhowr iyo toban sano meel Shabaab waligood aysan imaanin ayay maanta ka dhex dagaalamayaan. Farmaajo dal iyo dad midna lagama dhaxli doono ee hanbada hartay halaga badbaadiyo!,” ayuu sii raaciyey.

Goodax Barre oo ku haray wareega 1-aad ee kursiga HOP#063 – Yaa gudbay?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#063 ayaa weli ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay ku tartamayaan illaa sagaal musharrax oo uu ku jiro wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre.

Tartanka oo ah mid culus ayaa waxaa lasoo gabagabeeyey wareegii koowaad, iyada oo wareega labaad ay u gudbeen labada musharrax ee ugu codka badan.

Goodax Barre oo helay 10 cod iyo 6 musharrax oo kale ayaa isaga haray tartanka, kadib markii looga adkaaday wareega koowaad oo lagu kala baxay codka ergada.

Labada musharrax ee gudbay ayaa kala ah Daahir Xaaji Aadan  oo helay 32 cod iyo Cabdirisaaq Macalin Ciid oo isna helay 20 cod, kuwaas oo haatan ku loolmaya wareega labaad, iyada oo musharixii guuleysta uu ku biiri doono baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Daahir ayaa sidoo kale la dhashay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, dhanka hooyada, waana musharaxa bixiyey lacagta ugu badan, sida ay ogaatay Caasimada Online, isaga oo qofkiiba siiyey lacag dhan 1500 oo Dollarka Mareykanka ah.

Doorashadan ayaa ka duwan doorashooyinkii hore ee Golaha Shacabka, waxaana tartanka uu yahay mid furan, maadaama ay musharixiin badan ku loolamayaan kursigaasi.

Dhanka kale ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada Beledweyne, si loo xaqiijinayo amniga inta ay socoto doorashada.

DEG DEG: Qarax ka dhacay Beledweyne oo caawa ay doorasho ka socoto

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo caawa ay ka socoto doorashada kursiga HOP#011, waxaa hadda ka dhacay qarax xoog leh, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Xubno ku sugan hoolka ay doorashadu ka socoto ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxu uu ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne.

Maanta ilaa caawa Beledweyne waxaa ka socota doorasho adag oo ka duwan kuwii hore waxaana gabal-dhicii magaaladaas lagu doortay Cabdirisaaq Cabdullahi oo ku guuleystay kursiga HOP063 oo horay Cabdullahi Goodax Barre uu ugu fadhiyey.

Qaraxaan caawa Beledweyne ka dhacay wuxuu ku soo aaday xilli aad loo adkeeyey ammaanka magaalada oo doorasho adag ay ka socoto.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Rooble oo ku fashilmay inuu is-hortaago magacaabista Cabdiraxmaan Dheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in toddobaadkan dhexdiisa lagu dhowaaqo agaasimaha cusub ee hay’adda NISA ee beddeli doona Yaasiin Fareey, oo xilkan u hayey si ku-meel gaar ah dhowr bil.

Agaasimaha cusub ee NISA ayaa madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin u xusheen in ay u magacaabaan xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo ah garabka midig ee Fahad Yaasiin.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan sayray xubno loo diray si loo ogoleysiiyo inuu aqbalo magacaabida Cabdiraxmaan Dheere, waxaana la sheegay in Rooble uu cuskaday heshiiskii horay ay u gaareen isaga iyo Farmaajo ee dhigay in madaxweynaha uu soo magacaabo qof la isla ogol yahay.

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Villa Somalia ayaa rumeysan inaysan jirin awood uu Rooble kaga hor-iman karo magacaabista Cabdiraxmaan Dheere, marka laga reebo in uu muujiyo kaliya diidmo aan dhaaf siisneyn qoraal cambaareyn ah.

Hase ahaatee, haddii Farmaajo uu magacaabo saacadaha soo socda Cabdraxmaan Dheere waxay ka dhignaan doontaa tijaabo kale oo lagaga guuleysta ra’iisul wasaare Rooble, oo markii hore looga adkaaday in meesha laga saaro agaasimihii uu horey u magacaabay ee Bashiir Goobe.

Xubno isugu jira xildhibaano, siyaasiyiin iyo dalaaliin siyaasadeed ayaa saacadihii u danbeeyay ka mira dhalin waayay ogolaansho laga helo Rooble, taasoo soo dedejisay in Farmaajo iyo Fahad ay ku adkeystaan magacaabista Cabdiraxmaan Dheere.

Arrintan ayaa la filayaa inay khilaaf cusub dhaliso, balse ayada oo la filayo in madaxweyne cusub la doorto laba bil gudahood, waxaa suurta-gal ah in ra’iisul wasaare Rooble iska sabro. 

Xog: Diyaarinta xildhibaanada taageersan Farmaajo oo laga billaabay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada taageersan madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa in habeen walba ay iska xaadiriyaan Villa Somalia, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhinaca Nabad Sugida kasoo galay iyo qaar kaloo tiro badan ayaa laga hadlaa loona diyaariyaa qaabkii ay ugu shaqeyn lahaayeen dib u doorashada Farmaajo iyo in ay ka shaqeeyaan soo xero gelinta xildhibaanada kale ee bannaanka ka taagan siyaasadda Villa Somalia.

Farmaajo ayaa niyad xumo ka muujiyay 16-ka kursi ee Garbahaareey, isagoona kasoo qaaday kuwo aan lagu tashan doonin, maadaama ay u eg tahay in Axmed Madoobe uu kaga guuleystay soo xulista 16-ka kursi oo la filaayo in lagu doorto Ceelwaaq.

Balse Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gacanta ku haysta kuna tashanaya xildhibaanada Koonfur Galbeed 85%, inta badan kuwa beelaha shanaad, iyo qeybo ka mid ah kuwa Reer Waqooyiga, Galmudug iyo HirShabeelle.

Si kastaba waxaa uusan ku tashan doonin xildhibaanada laga soo doortay Puntland iyo Jubbaland oo dhamaantood la hubo inaysan cod siin doonin Farmaajo, loona badinayo dhanka Saciid Deni.

Villa Somalia ayaa toos u guda gashay ololaha dib u doorashada Farmaajo, waxayna muuqata kooxda ugu lacagta iyo dhaqaalaha badan ee ka qeyb-galeysa doorashada 2022.

Si kastaba, waxaa dhici kara marka la tago hoolka doorashada in wax walba ay isbadalaan sidii horay ugu dhacday doorashadii 8-dii Febraayo 2017-kii ee mudanayaasha baarlamaanka la gediyeen Xasan Sheekh cododkii uu ku tashanayay waayay meel ay ka baxeen.

A/Madoobe oo diyaariyay goob lagu qabto doorashada kuraasta Garbahaarey – Xog

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Maamulka Ceelwaaq ayaa maanta shaaciyay inay diyaariyeen Teendho loogu tala-galay in lagu qabto doorashada 16 kursi ee deegaan doorashadoodu ahaayeen magaalada Garbahaarey.

Maamulka ayaa sheegay in agagaarka garoonka diyaaradaha Ceelwaaq laga dhisay teendho, taasi oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi, islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu maamulka Jubbaland horay u shaaciyay liiska 16 kursi ee deegaan doorashadoodu aheyd Garbahaarey, uuna qorsheyay inuu ka wareejiyo Garbahaarey oo kamid aheyd heshiiskii 17-ka September.

Sidoo kale waxay tallaabadan imaneyso ayada oo maxdaxweyhaha Jubaland oo ku sugan magaalada Nairobi uu halkaasi ka wado shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay ka wada-hadleen sidii ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ugu qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee magaalada Ceelwaaq ee xuduuda labada dal.

Haddii uu hirgalo qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan, maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey.

Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mareexaan ee mucaaradsan Villa Somalia ay kusoo bixi doonaan

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi

Putin oo kasoo horjeestay qorshaha wadamada G20

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa doonaya inuu ka qayb-galo shir madaxeedka G20 oo ay martigelinayso Indonesia dabayaaqada sanadkan, sida uu ku dhowaaqay safiirka Ruushka u fadhiya caasimada wadanka Jakarta.

Arrintan ayaa soo shaac-baxday, iyada oo qaar ka mid ah xubnaha ururkaasi ay ku baaqeen in Putin laga mamnuuco ka qeybgalka shirkaasi.

Lyudmila Vorobyova, oo ah safiirka Ruushaka ee Indonesia ayaa sheegay in ururro badan oo ay G20 ka mid tahay isku dayayaan in Ruushka laga saaro ka mid ahaanshaha ururadaas, laakiin reer Galbeedku aysan isku waafaqsaneyn go’aankaas.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka ayaa qiimeyaya in Ruushka uu ku sii jiro kooxda G20 ee ah kooxda ugu dhaqaalaha weyn dunida, kadib duulaankii Ukraine, sida ilo-wareedyo ku lug lahaa doodahan ay u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

Laakiin waxaa dhici karta in dalab kasta oo lagu doonayo in si toos ah looga saaro Ruushka ay diidaan dad kale oo kooxdan ka tirsan, kuwaas – oo ay ku jiraan Shiinaha, India, Saudi Arabia iyo kuwa kale.

G20 oo ay ku jiraan kooxda G7 ee ka kooban – Maraykanka, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Canada, Japan iyo Britain – ayaa ah madal muhiim ah oo caalami ah oo loogu talagalay iskudubaridka wax walba laga bilaabo isbeddelka cimilada ilaa waxyaabaha u kala gudba xuduudaha dalalka caalamka.

VOA + Reuters

Lafta-gareen: Ficilkiisa iyo fahankiisa oo isburinaya!

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagtagareen oo habeenkii axadda kula hadlay magaalada  Baydhabo xildhibaannada lagu xulay maamulkiisa ayaa ku hadlay waxyaabo ka baxsan runta, isaga oo soo qaatay warar is burinaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku faanay in ay noqdeen kuwii ugu horreeyey ee fuliyey in wax lagu doorto labo deegaan doorasho, oo aanu u baahan Haramcad iyo ciidan kale oo ay ku filnaadeen.

Laftagareen oo arrintaas ka hadlay waxaa uu yiri “Koonfur Galbeed iyo guddigeeda waxaa ay sameeyeen ay dadka Soomaaliyeed oo dhan uga horreeyaan, haddii dadka Soomaaliyeed isma sheegaane innaga ayaa is sheegeyna. Marka ugu horreyso waxaan aheyn State-kii ugu horreeyey ee dhaqangeliyey heshiiskii September 17 oo baqdinta badan laga qabay, oo ahaa in labo deegaan doorasho la qabto.”

Laftagareen waxaa uu qariyey in musharraxiinta xildhibaannada, odeyaasha iyo ergadaba ay ku tageen diyaarado iyo doomo, cabsi weyna ay jirtay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ku amaanay iney habraacyada heshiiska September 17 u fuliyeen sida ay tahay isaga oo yiri “Waxay ku mahadsan yihiin guddiga nidaamkii iyo habraacii doorashada oo aan ku heshiinnay 17 September, iyada oo Process-kii rasmiga ahaa la marayo ayey doorashadii qabteen 69-kii”. Si ka duwan hadalkaas Laftagareen ayaa dafiray xuquuqda muwaadinka ee dastuuriga ah, isaga oo albaabada ka xirtay siyaasiyiin uu u arko in ay ka aragti duwan yihiin ama kula baratami karaan goleyaasha siyaasadda.

Dhacdooyinka ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa qaar ka xanibay safaradda sida madaxweynihii isaga ka horeeyey Shariif Xasan, guddoomiye ku xigeenkii golaha shacabka Cabdiweli Muudeey, halka shahaadad loo diiday diideen ama laga xanibay tartanka sida Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiiro federaalka ah sida Cabdirashiid Maxamed,  Jaamac Maxamed Nuur, Maxamuud Macalin Yaxye iyo qaar kale. Waxaa kale oo uu iska indha tiray tacaddiyadii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xasan, Prof Ibbi, Maxamed Cumar Dhalxa, Idiris Dhakhtar  iyo qaar kale.

Madaxweyne Laftagareen waxaa uu sheegay in guddiga doorashada uu ahaa midka keliya ee ka madaxbannaan Corruption, waana guddiga u xiray kuraasta illaa 15 ka tirsan wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku jiraan wasiirrada amniga, gudaha, qorsheynta, hawlaha guud, xannaanada xoolaha, diinta iyo 10 kale oo isugu jira wasiirro, ku xigeenno iwm.

Waxaa kale oo uu maamulka Laftagareen xulay guddoomiyaha baarlamaanka Konfur Galbeed, qaar ka tirsan lataliyeyaashiisa sida midkii amniga iyo arrimaha haweenka iyo saraakiil ciidan oo maamulka ah, kuwa NISA iyo xataa taliyaha asluubka Soomaaliya oo Laftagareen xidid yihiin iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee xoogga dalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Laftagareen waxaa uu iska indhotiray in guddiga doorashada koonfur gabeed ay laaleen go’aanno kasoo baxay guddiga heer federal ee doorashada, si ay u fuliyaan amarada madaxweynaha.

Ugu dambeyntii waxaa uu Laftagareen ku baaqay “Xildhibaannada Koonfur Galbeed lagu doortay waa 77 xildhibaan, 8 Senator iyo 69 xildhibaan, waxa ugu muhiimsan oo Koonfur Galbeed aan rabno waxa ay tahay midnimo inaad muujisaan, 77 xildhibaan maanta state heysto ma leh, labo state la isku daray baa 77 xildhibaan leh, waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la eg in Koonfur Galbeed, oo aan la idiin kala qeybin, waxaan Soomaalinnimo aheyn aadan ka shaqeyn, Koonfur Galbeedna aad u shaqeysaan”. Madaxweynaha waxaa uu iska indhotiray aragti dad badan ay qabaan oo ah inuu geedfadhigii Koonfur galbeed uu ka reebay loolanka isaga oo ka leh dano shakhsi ah.

Ma jirin 77-ka xildhibaan oo labada gole ee Koonfur galbeed ka yimid, hal kursi oo tartan ka dhacay, iyaga oo xulasho iyo rabitaankiisa ku yimid, taasi oo ka hor imaaneysa faankiisa.

Isha: Goobjoog