27 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

HirShabelle oo shaacisay JADWALKA iyo habraaca doorashada 4 kursi (Aqriso)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa soo gudbiyay Jadwalka iyo habraaca Doorashada 4 kursi oo Deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashada Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Doorashada kuraastaan kala ah: HOP#058, HOP#019, HOP#059 & HOP#039 Baladweyne ay ka dhaceyso 27ka Maarso 2022 Axadda Todobaadka soo socda sida lagu xusay qoraalka Guddiga.

Ergada Dooraneysa kuraastaan ee kusoo baxday liiska Xulista Odoyaasha Dhaqanka iyo Wakiilada Bulshada Rayidka ayaa maanta la geynayaa goobta loogu talagalay si loo hubiyo, loona siiyo tababar lagu tusayo sida uu Ergayga u dooran karo Xildhibaanka.

3 kamid ah Afarta kursi ee la shaaciyey ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Haween, mana sheegin guddiga doorashada haddii ay Seddexdaas kursi ku tartamayaan Haween kaliya.

Halkaan hoose ka akhriso Afarta kursi iyo xildhibaanadii horey ugu fadhiyey

HOP#058: Nuur Iidow Beyle ayaa ku fadhiyay kursigaan Baarlamaanka 10aad ee JFS.
HOP#019: Farxiya Muumin Cali ayaa xubin Baarlamaan ku noqotay Baarlamaanka 10aad.
HOP#059: Samiira Xasan Cabdulle ayaa kursigaan ku fadhisa.
HOP#039: Maryan Axmed Haaruun.

Xildhibaanada kuraasta loo xulay oo tiiraanyo iyo welwel ka muujiyay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi, waxaa soo baxay cabsi iyo shaki ay muujiyeen xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee muxaafidka iyo kuwa mucaaradka intaba.

Dilka qaraxa ee lala beegsaday xildhibaanad Aamina wuxuu ugu dhigay yahay xildhibaanada kuraasta loo xiray ee soo baxay fariin cad oo ujeedada looga gacan siiyay imaashaha baarlamaanka tahay lagama baxaan sababtii loo soo xushay inay tahay mid aan isbadal laga keeni karin.

Arrintaasi darteed ayaa waxay welwel iyo tiiraanyo hor leh ku abuurtay xildhibaanada kuraasta loo soo xulay, taasi oo hor istaageysa aragtidiisa siyaasadeed uu ugu biiri karo xisbi kale ama inuusan u codeyn karin murashax kale oo aan ka aheyn kii soo xushay.

Mid ka mid ah xildhibaanada ay soo saartay Villa Somalia oo Caasimada Online u waramay oo ka gaabsaday magaciisa in la shaaciyo sababo amni awgeed ayaa sheegay in walaac horleh uu soo wajahay dhamaan xildhibaanada kusoo baxay awooda madaxtooyada iyo kuwa maamul goboleedyada qaar.

Wuxuu mudanahaasi intaa raaciyay in sababta walaaca xoojisay ay tahay saraakiil horay ugu tirsanaa hay’adda NISA ee loo soo xulay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad inay tahay caqabad horleh oo lagu kontoroolaayo dhaq dhaqaaqa mudanayaasha iyo shirarkooda.

Ugu danbeyntii, baarlamaanka 11-aad ee Somalia waxaa ku jira saraakiil ka tirsan hay’adda NISA, kuwaasi oo ujeedadii loo soo geliyay tahay inay kontoroolaan dhaqdhaqaaqa iyo shirarka xildhibaanada iyo baarlamaankaba.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dir, Digil iyo Mirifle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Dir, Digil iyo Mirifle ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaan isugu imaan doonaan siyaasiyiinta iyo waxgaradkooda.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirkaas oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in labada beel aan looga maarmin hogaaminta dalka, isaga oo ka dalbaday xildhibaanada labada beelood ee dooran inay qaatan talada kasoo baxda shirweynaha.

“Waxaa aragnay in aan nagala maarmin in aan hogaamin tallada dalka, shalay hada bixin jirnay oo beelaha walaalaha aan nahay siin jirnay, waxaanu leenahay na-siiya codkiina waa idinka rabna oo idinka dalbaneyna,” ayuu yiri.

Sidoo kale qaar kamid ah Odayaasha labada beelood oo ka hadlay madasha ayaa waxay sheegen in haddii ay dantooda garteen labada beelood ay xaq u leeyihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana ay xildhibaanada is aqoonsadaan awoodooda.

Ugu dambeyntiina waxaa kulanka Odayaasha, dhaqanka iyo waxgaradka ee labada beelood laga soo saaray war-saxaafadeed, kaasi oo lagu sheegay in lagama maarman uu yahay shirweyne ay iskugu imaadan Dir, Digil iyo Mirifle.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in guddiga qaban-qaabada shirweynaha ay soo go’aaminayaan waqtiga iyo goobta uu ka dhacayo shirweynahaas.

Waxay ugu baaqeen Beelaha Soomaaliyeed inay qabtaan shirweyne nabadeed oo loo jiheynayo halka ay ku jirto danta umadda Soomaaliyeed, iyo in shirkooda uusan aheyn mid lagu wajahayo qolo gaar ah.

Shirweynaha Dir, Digil iyo Mirifle ayaa lagu martiqaaday beelaha Shanaad iyo beelaha ay dan-wadaagta yihiin, waxaana looga hadli doona danaha labada beelood, sida ugu dambeyntiina lagu sheegay war-saxaafadeedka laga soo saaray kulanka.

Sanator Naciima: Xildhibaan Aamina Maxamed waxaa la dilay maalintii ay rabtay in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Naciima Ibraahim ayaa si adag uga hadashay qaraxyadii habeen hore gil-gilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ku geeriyootay Xildhibaanad Aamina Maxamed.

Naciima ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay geerida Xildhibaanad Aamina, ayada oo Ilaahay uga bariday in calaamad deg deg ah oo aduunyada lagu arko kasoo bixiyo kuwii ka dambeeyay dilka Xildhibaanada.

“Runtii waa geeri xanuun badan oo ka wada naxnay. Dadkii ka xaq-darna ee sababay ha noqoto Siyaasi ama qolooyinkii kale Ilaahay ha kasoo saaro mucjiso deg deg, oo aan aragno, Ilaahay aduunka hanagu tuso,” ayey tiri.

“Ma aheyn maalinta dhibaatadu, maalinkii ay ayada ku dhici laheyd dhacday waa maalintii ay rabtay in dadka iyo dalkeeda wax u qabato, Ilaahay baa u qoray. Waxaa Ilaahay ka baryayna in kuwii sidaas u galay in Ilaahay mucjiso kasoo saaro.”

Dilka Xildhibaanad Aamina ayaa waxaa ka dhashay tuhuno badan, maadama ay si weyn ugu ololeyn jirtay cadaalad u helida Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan NISA, oo lagu tuhmana inay ku baxday gacanta hay’addii ay ka tirsaneyd.

Waxay noqotay geerida Aamina mid si weyn u taabatay quluubta shacabka Soomaaliyada, waxayna kamid noqotay afartameeyo ay galaafteen qaraxyadii gil-gilay magaalada Beledweyne.

Si kastaba, Qaraxyada iyo dilka Aamina waxaa sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayso dalka, xili ay socdaan doorashooyinka.

16-ka kursi ee Garbaahareey aan wada boobno iyo kaligey aan boobo oo is mari la’a

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay sanad ka hor kasoo gudubtay hardan u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo oo rabay inuu doorashada kaligiis boobo iyo madaxda maamul goboleedyada oo rabay doorashada la wada boobo oo nin walba xoogaagiisa qaato.

Heshiiskii doorashada ee 17 September ayaan weli dhameystirmin. 16-ka kursi ee Garbahaarey taalla weli waa culeys taagan, in Garbahaarey laga takhaluso ayaa dagaal xooggan loogu jiraa waqtigaan, laakiin sababta dagaalka ee dhanka Axmed Madoobe ayaa madadaalo ah.

Dhinaca hoggaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam waxay ku doodayaan in kuraasta Garbahaarey la boobi rabo oo uu Farmaajo rabo inuu kuraasta u boobo xildhibaano uu isaga wato.

Haddii xataa taas aan si sax ah u qaadano waxaa nagu waajib ah inaan is waydiino muxuu Axmed Madoobe ka sameeyey Kismaayo, ayey leeyihiin dadweynuhu.

27-kii kursi ee Kismaayo la dhigay iyo 8-dii Senator ma furay Axmed Madoobe, ma lagu tartamay, tartan iska dhaafe xataa qabiilada maloo ogolaaday inay talo ku yeeshaan aayahooda.

Siyaasadda Soomaaliya waa hal weel oo cid walba ay arki karto ama ay ogaan karto waxa saaran, ayey ku doodayaan dadweynaha naqdinaya dooda ku saabsan in Axmed Madoobe wanaag ka damacsan yahay 16-ka kursi ee Garbaaharey.

Axmed Madoobe iyo kooxdiisa hadda uma doodi karaan caddaalad, daah furnaan doorasho kamana digi karaan boob doorasho, kaligood maahane dhammaan madaxda maamulada ayaan ka hadli karin hufnaan doorasho iyo xaqsoor siyaasi ah markii la eego wixii ay ku kaceen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, ayey leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda.

Sida muuqata, kiiskii Gedo wuxuu isku badalay loolan ku saabsan xagga boobka. Muddo dheer Farmaajo ayaa raadinayey inuu noqdo macalinka boobka, waxaase kula dhagay madaxda maamulada oo rabay in dhinacooda loo baneeyo si ay wax u boobaan.

Doorashadii dalka oo dhan ayaa la boobay marka laga reebo wax ka yar 10 kursi. Ceelwaaq waxaa lasoo warinayaa in Jubbaland oo kaashaneysa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay wado diyaar garow ku aadan in kuraasta Garbahaarey taalla loo soo wareejiyo degmada Ceelwaaq.

Waxay rabaan inay buuxiyaan shuruuda laba deegaan doorasho iyo midda gobolka Gedo. Dadka waxa leeyihiin hadda doodu maahan armuu Farmaajo boobaa kuraasta gobolka Gedo taalla ee waa yaa boobi doona Axmed Madoobe iyo Farmaajo, ileyn sida muuqata kuraasta boob huri maayaane.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isaga wuxuu jiraa dhanka Axmed Madoobe, doodiisa uma muuqato mid uu cadaalad u raadinayo ee waxaa muhiim u ah gunaanadka doorashada.

Khilaafka isaga iyo Farmaajo wuxuu keenay inuu helo dareen iyo xog hal dhinac ah oo ku saabsan 16-kaas kursi.

Jubbaland waxay diyaarineysaa inay qaadato go’aan qar iska tuurnimo ah oo ku saabsan 16-kaas kursi. Lama yaqaano sida ay noqon doonto falcelinta go’aanka laga qaadan doono 16-kaas kursi.

Cabsi weyn ayaa ka jirta inay saameyso guud ahaan doorashada, gaar ahaan shaqada guddiga doorashada ee heer federaal.

Maadaama uu markii ugu horeysay toos u buri doono heshiiskii 17-kii September, waxaana sidoo kale la aqoon nooca falcelinta Beesha Caalamka walow ay jiraan warar sheegaya in maalmahaan shaqo badan laga hayey dhanka wakiilada caalamka oo lagu qancinayey in kuraastaas goob kale lagu qabto.

Doorashada Soomaaliya hadda waa gunaanad, waxaase muuqata cabsi ku saabsan bar-dhammaadka mashruucii aan wada boobno doorashada.

Xildhibaan xog ka bixiyey ‘qorshaha’ dilka xildhibaan Aamina

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sakariye Gaashaan oo ka hadlay qaraxii lagu dilay Xildhibaanad Aamino Maxamed, ayaa sheegay in dilkeeda ku tuhmayaan “inuu yahay mid siyaasadeed oo lagu fuliyay gacmaha argagixisada”.

Waxa uu sheegay in Aamino ay astaan u aheyd cadaalada, islamarkaana ay xaq u leedahay inay cadaalad hesho oo kiiskeeda si xaqiiqo ah loo baaro, lana hor keeno cadaalada kuwii soo maleegay.

“Waxaa Ilaahay uga baryaya Xildhibaanada in dambigeeda uu dhaafo oo qabrigeeda u hagaajiyo. Ehelka, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed waxaa leeyahay samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,” ayuu yiri.

“Waxaa tuhmaneyna in dilkeeda uu yahay mid siyaasadeed oo lagu fuliyay gacmaha khawaarijta. Waxay xaq u leedahay inay cadaalada hesho oo umadda Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta waa inay wada raadiyaan cadaaladeeda. Inta ay qaadataba marbay cadaalada hor imaan doonaan dadka soo maleegay (shirqoolkaas).”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dilka Xildhibaan Aamino uu xiriir la leeyahay kiiskii Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaalad ka tirsaneyd NISA, oo lagu tuhunsan yahay inay ku baxday gacantooda.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada cusub ee dooran inay qeyb ka noqdaan isbedelka, islamarkaana ay doortan dadka cadaalada u taagan ee difaacaya, ayna si wanaagsan uga faa’iideystan fursada qaaliga ah ay haystaan.

Ma aha markii u horeysay ee dilka Xildhibaan Aamino lala xiriiriyo xubno lagu tuhunsan yahay maqnaashaha Ikraan, waxayna sidan oo kale siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.

Hase yeeshe, qaraxa lagu dilay Aamino waxaa sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayso dalka, xili ay socdaan doorashooyinka.

Xaaf oo ku dhawaaqay go’aan siyaasadeed soo daahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa shaaciyay inuu yahay murashax madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Somalia, isagoo sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu ku guuleysto xilkaasi.

Xaaf ayaa sheegay in murashaxnimadiisa ay soo daahday, wuxuuna intaa raaciyay in markii uu arkay diintii oo noqotay firqooyin iyo in siyaasaddii ay noqotay mid lagu daneysto oo aan shacabka loogu daneyn, sidaas darteed wuxuu alle ka codsaday inuu u fududeeyo xilka uu doonayo.

Wuxuu Xaaf balan qaaday in dalka, diinta iyo dadka si daacad ah ugu shaqeeyo, isla markaana diinta uu mideyn doono iyo in qabiilka dadka ka saari doono ummadda Soomaaliyeedna uu mideyn doono.

Mudane Xaaf ayaa waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah in amniga dalka uu wax badan ka qabann doono haddii uu ku guuleysto xilka, sidoo kalena uu meesha ka saari doono jiritaanka kooxda Al-Shabaab.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo soo noqday madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa buuq siyaasadeed oo ugu yimid Villa Somalia isu casilay.

Imisa lacag ayaa Laftagareen uga khasaartay kursigii uu la raadshay walaalkiis?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa guul darro culus kala kulmay tartankii kursiga HOP63, oo shalay lagu doortay magaalada Beledweyne, Laftagareen ayaa kursigaas u rabay walaalkii Daahir Xaaji Aadan oo ay ilmo habreed yihiin.

Senator hore Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu doorashada kursigaas ku bixiyey lacag ku dhow hal milyan oo dollar.

Senator Xuseen ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay dadka iyo duunyadu ugu dhimanayaan biyo iyo baad la’aan abaarta heysa darteed, isagoo nasiib darro ku tilmaamay sida uu u dhaqmayo Laftagareen.

“Waa arrin aad iyo aad looga xumaado in lacag ku dhow hal milyan oo doolar lagu bixiyo kursi deegaan kale yaallo iyadoo deegaannada Koonfur Galbeed ay dadka iyo duunyada u dhimanayaan biyo iyo baad la’aan abaarta darteed,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.

Qoraalka uu Senator Xuseen soo saaray wuxuu intaas ku sii daray, “Qiyaas meeqa qoys oo reer Koonfur Galbeed ah ayay afur u noqon lahayd lacagtaas haddii dadka masaakiinta ah la siin lahaa xilli bisha Ramadaan ay foodda nagu soo hayso?”

Daahir Xaaji Aadan oo dhanka Hooyada ay walaalo ka yihiin Laftagareen ayaa u tartamay kursiga HOP63, oo horay Cabdullahi Goodax Barre uu ugu fadhiyey, balse waxaa ku guuleystay Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin, iyadoo la isla gaaray seddax wareeg.

Laftagareen oo xusul duub ugu jira sidii uu Farmaajo xukunka ugu soo celi lahaa ayaa si aan horay loo arag u maamulay dhowr iyo lixdan kursi oo baarlamaanka Soomaaliya ka soo gashay deegaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu meesha ka saaray siyaasiyiintii muhiiimka aheyd ee Koonfur Galbeed, isagoo kuraastii ku tixay dhalinyaro aan qaarkood weligood siyaasadda ka shaqeyn, hadafkiisa ugu weyn waa inuu Farmaajo xukunka ku sii hayo.

Siyaasiyiin badan iyo dadka falanqeeya siyaasadda waxay qabaan, hadii Farmaajo meesha ka baxo in Laftagareen uusan ka dambey doonin, maadaama uu cadaw ka dhigtay dhamaan siyaasiyiinta deegaankiisa.

Xog: Dalalka ay u dhasheen qaar ka mid ah ajaanibtii lagu dilay weerarkii Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegen booliska.

Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lixda qof ay shan ka mid ah yihiin ajaanib, islamarkaana uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM, halka qofka lixaad uu ahaa Soomaali.

Dadka ku dhintay weerarka ayuu sheegay afhayeenka inay ku jireen tababarayaal ka caawiya dowladda dhinaca tababarka qaraxyada, hase yeeshe ma shaacin dalalka ay kasoo jeedaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Labo kamid ah shanta ajaanibta ah ee ku dhintay weerarkaas ayaa kasoo jeeday dalka Kenya, halka mid kalena uu dhalasho ahaan kasoo jeedo wadanka Uganda.

Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareeysay weerarkaas, ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey falkaasi, si loo horgeeyo cadaaladda.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaado xerada Xalane, oo ah halka la sheego inay ugu amni badan tahay Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu weerarkan dhaliyey hadal heyn iyo shaki xoogan oo ku aadan sida loo soo abaabulay, maadaama lagu beegsaday xero si weyn amnigeed loo ilaaliyo.

Si kastaba, weerarada kooxaha argagixisada ayaa muddooyinkii dambe sare u kacay, kadib markii ay hay’addaha amniga ay ku milmeen siyaasada, qeybna ka noqdeen doorashada Golaha Shacabka, waxayna midaan waji gabax ku abuureysa damaca Farmaajo oo mar kale doonaya inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya

GUUDLAAWE oo war kasoo saaray qaraxyadii Beledweyne, kuna dhowaaqay inuu…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii u horeysay goordhoweyd ka hadlay weeraradii xalay gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weeraradaas ayaa waxa ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena ay ku naf waayeen mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Aamino Maxamed iyo dad kale oo uu ku jiro xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

Guudlaawe ayaa si adag u cambaareeyay falalkii argagixiso ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, isaga oo ka tacsiyadeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee xalay.

“Waxaa dhacday masiibo, xalay fiidkii ayaa magaalada Beledweyne waxa nagu qabsatay musiibo ay ku baxeen dad bulshada indhaheeda iyo caqligeeda ah oo isugu jira siyaasiyiin, culimaa’udiin, ganacsato iyo dadka dhaqi jiray dadka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ballan-qaaday in dadka dhaawacyada culus kasoo gaareen qaraxyadaas ay u qaadi doonaan meelkasta oo wax looga qaban doono xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xalay illaa maanta ay ku mashquulsanaayen ururinta xogta saxda ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas, isaga oo xaqiijiyay dhimashada 48 ruux, halka ay dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen 108 qof.

“Labo qarax oo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada midka hore waxa uu ahaa qof nafti halige ahaa ayaa dhex ka galay mas’uuliyiin socota oo kamid aheyd xildhibaano Aamino iyo dad qaali ah oo la socday waxayna noqdeen wax dhintay iyo dhaawacmay. Kadib markii dhaawaca la qaday waxa la kulmay qarax gaari oo asagana dad badan ay ku sugnaayeen,” ayuu yiri Guudlaawe asaga oo ka warbixinaya sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inay feejignaan dheeriya ah muujiyaan xiligaan uu dalka ku jiro doorashada, maadama uu sheegay in kooxaha argagixisada uga faa’iideysanayaan xaalada lagu jiro falalkooda arxan darada ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu amray maamulka gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii argagixiso ee xalay dhacay.

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii Beledweyne ka dhacay oo la shaaciyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa weli ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan xaalad murugsan oo ka dhalatay qaraxyadii xooganaa ee xalay gilgilay magaaladaasi, kuwaas oo ay ka dhalatay saameyn xoogan.

Khasaaraha ka dhashay weeraradaas ayaa saacadihii dambe isa-soo tarayay, sida uu xaqiijiyay maamulka HirShabelle waxaa ku geeriyooday 48 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 108 ruux oo kale.

Goor sii horeysay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan, Isaaq Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay sii kordheen khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta illaa hadda ogyihiin in qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen oo mas’uuliyiin ah ay kala yihiin; Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Dhuxul.

“Dowlad federaalka iyo dowlad goboleedka HirShabelle waxaa ka rajeynayna inay dhaawacyadaas wixii daran ee lagu dabiibi karin halkan u qaadi lahaayen magaalada Muqdisho si gurmad loogu sameeyo.”

Taliye Isaaqa ayaa ugu baaqay shacabka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka inay sugida amniga iyo xasiloonida kala qeyb qaatan ciidamada amniga, si aysan markale u dhicin mashaqo intaan ka badan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo ku soo aaday, xilli ay doorasho ka socoto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Sidoo kale waxay sheegatay in qaraxyada ku dishay dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo kuwa HirShabelle, askar iyo shacab kale. Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah

Sheegashada Al-Shabaab ayaa imaneysa ayada oo siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.

Yey aheyd xildhibaan AUN Aamina Maxamed Cabdi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay qarax ka dhacay magaalada Baledweyne lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo markale u sharraxneyd kursiga tirsigiisu yahay HOP#135 ee Golaha Shacabka Somalia.

Marxuumadda ayaa waxaa lala beegsaday qarax ismiidaamin ah oo ay ku dhimatay. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadii Beledweyne.

Yey aheyd xildhibaan Aamina?

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo waxbarshadeedii dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacdeed ay ku so qaadatay.

Waxaa ay shahaadada culuumta ganacsiga ay sanaddii 2010-kii ka qaadatay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ay sidoo kale isla jaamacadda ka sameysay shahaadada Mastarka. Marxuumadda ayaa waxaa ay siyaasadda ku soo biirtay sanaddii 2012 markaasi oo xildhibaan loo doortay.

Xildhibaan Aamina Maxamed ayaa mar kale sanaddii 2016 loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Intii ay baarlamaanka ku jirtay waxay ka mid ahayd xildhibanada dumarka baarlamaanka ugu firfircoon. Waxaa ay ka mid ahayd intii baarlamaanka ku jirtay xubnaha guddiga baarlamanka ee arrimaha bulshada.

Siyaasadda ka hor.

Xildhibaan Aamina Maxamed ayaa ka hor inta aysan siyaasadda ku soo biirin waxay ahayd maclimad wax ka dhigta iskuulada magaalada Muqdisho.

Sida ay ku sheegtay wareysi uu la yeeshay mid ka mid ah telefishinada maxaliga ah waxaa ay sidoo kale mar ahayd maclimad dhigta dugsi quraan.

“Inta aanan noqon macallinka iskuulka, macalin dugsi ayaan ahaa, ayay tiri mar ay wax laga waydiiyay taariikhdeeda.”

Marxuumad Aamina ayaa sheegtay in xilligii ay macallin dugsiga ahayd sanadihii 1992 ilaa 194 magaalada Muqdisho amaankeedu ahaa mid aad u xun islamarkaana ay caqabado badan la kulmi jirtay.

Allaha u naxriistee xildhibaanad Aamina ayaa sidoo kale sheegtay in intii ay macllimadda ahayd islamarkaana ay Muqdisho amni darrada ka jirtay ay la kulantay dhacdooyin badan oo ka yaabiyay.

Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa waxaa ay dadka inta badan ku xusuustaan sidii ay ugu dooday Ikraan Tahliil Faarax oo ay nabad sugidda sheegtay inay dileen Al-Shabaab.

BBC

Qaramada Midoobe oo soo saartay dalab culus oo la xiriira dilka xildhibaan Aamina

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qaraxyadii xalay gilgilay magaalada  Beledweyne, kuwaas oo  mid ka mid ahaana lagu dilay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

QM ayaa sheegtay inay si kulul u cambaareyneyso weeraradaas oo lagu dilay Aamino iyo dad kale oo isugu jiro askar, shacab iyo xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM.

Qoraalkan ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh loogu diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen halkaasi, kuwaas oo gaaraya illaa 20 qof.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyey dilka Aamino Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee ku dhintay dhacdooyinkaasi.

“Waxa ay ka tacsiyeynaysaa dilkaas, waxa ayna Qaramada Midoobay soo dhowaynaysaa in baaritaan lagu sameeyo falkaas foosha xun, iyadoo ku baaqeysa in hannaanka doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka

Maydka marxuumad Aamino Maxamed Cabdi ayaa loo soo duuliyey magaalada Muqdisho oo loogu sameyn doono Aas Qaran, sida uu sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Qaban qaabada aaska ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha caasimada, waxaana geerida Aamino Maxamed ay si weyn u taabatay Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax oo dartiis loogu magac daray Hooyadii Cadaaladda.

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

Midowga Yurub oo dilka xildhibaan Aamina Maxamed ku qeexay mid siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa war kasoo saaray weeraradii xalay gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaliyey dhimashada Aamino Maxamed iyo dad kale oo uu ku jiro xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

Qoraal kooban oo ay soo saartay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ambassador Tiina Intelmann ayaa si gaar ah tacsi loogu dilay ehellada xildhibaanada Aamino Maxamed Cabdi.

Tiina Intelmann ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Midowga Yurub uu si adag oo xoogan u cambaareynayo dilalka ku saleysan arrimaha siyaasadda, maadaama lagu jiro kala guur.

“Rabshadaha ma ahan wado horay u wadeysa dalka Soomaaliya. Midowga Yurub waxaa uu cambaareynayaa dilalka ku saleysan siyaasadda. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska xildhibaan Aamina”, ayey tiri safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliyaiyada oo u tacsiyadeeysay qoyska xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Weeraradan oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya illaa 20 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 30 kale, sidoo kale waxaa ka dhashay burbur xoogan

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

Inkastoo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaanada, haddane siyaasiyiin iyo shacab ayaa waxa ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya oo toddobaadyadii tegay wadday olole la doonayey in Aamino looga saaro liiska musharixiinta kursigii ay horey ugu fadhisay.

Sanbaloolshe oo shaaciyey ujeed laga lahaa qaraxyadii ka dhacay BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa bixiyey xog iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo mid ka mid ah lagu khaarijiyey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaciyey in qaraxa koowaad oo lala beegsaday Aamino uu ahaa mid siyaasadeysan oo lasoo qorsheeyey, si loogu khaarijiyo.

“Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu khaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka qaraxyadan laga lahaa ay ahaayean in lagu qal-qal geliyo amniga doorashada ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Maxamed Cali.

Siyaasigan oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ayaa ku sugan Beledweyne, isaga oo u tegay ka qayb-galka doorashada, wuxuuna sheegay in weli xaaladdu ay qasan tahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo su’aallo badan iyo shaki uu ka dhashay qaraxyadan oo mas’uuliyiin ay xildhibaano ay ku jiraan ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya.

Caro xoogan oo ka dhalatay qoraal uu Farmaajo kasoo saaray dilka xildhibaan Amina

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal tacsi ah oo xafiiska warfaafinta madaxtooyada soo dhigtay barta Facebook iyo Twitter-ka ee Villa Somalia, oo ku saabsanaa dilka xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, ayaa dhaliyey falcelin caro leh oo ka timid shacabka.

Qoraalka ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee falcelinta ka dhiibtay waxay si isku mid ah u muujiyeen naceybka ay u qabaan Farmaajo ayaga oo ku eedeeyey inuu isaga ka danbeeyay dilka marxuumad Aamina.

Xildhibaan Aamina ayaa doorkeedii koowaad ahaa caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahliil, ayada oo maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxayna hormuud u aheyd shaqsiyaadka fara ku tiriska ee Farmaajo iyo kooxdiisa si aan gambasho laheyn ugu eedeyn jirtay inay ka danbeeyeen dilka Ikraan Tahliil.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ka fikrad dhiibtay iyo kuwii ka falceliyay qoraalka Farmaajo ayaa intaba si isku mid ah comment-yadooda ahaayeen in xildhibaanad Aamina uu dilay, isla isagana uu ka tacsiyadeeynaayo, inkasta oo aan la caddeyn karin cidda dishay.

Waxaan haalkaan hoose idiin kula wadaageynaa qaar ka mid ah falcelinta iyo carada ay u qabaan shacabka madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee xafiiska sii jooga.

Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah dadkii fikirka ka dhiibtay qoraalka Farmaajo

Maryan Muhiyadin Mohamud: Munaafaqnimada iska daa ina Farmaajow, akhira war waa jiraa, waad ka rumeysen warkiini idinkaase ku dhib qaba, adduunyada awalba waa laga tagi lahaa waxaase sharaf ugu tagtay maama Aamina iyo intii kale ee aad gowracateen.

Abdrizak Yusuf Dhagacade: Dhiigyo cab aan arxan laheyn ayaa tahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa lagu xisaabin adduun iyo aakhiraba Insha’Allaah.

Samia Mahmet: Aakhiro ayey su’aal jirtaa waxbadan aad aduunka ku bi’iseen waa la idin ka xisaabin doona.

Ibrahim Ahmed: Farmaajo waxba ha tacsiyeeyn gabdhaas adiga ayey kugu maqan tahay sida ay Ikraan kuugu maqan tahay!

Umulkheyr Moalin Mohamed: Al-Shabaab been ha ka sheegin adaa sabab u ahaa dilkeeda. Farmaajow beenaale inta dishaa tacsiyeyne, Alle waa ku arkaa, dadkuna wey ku fahmeen, Allaha ha naga kaa qabto adiga balaayo Soomaali loo soo diraa tahay wallaahi. Maama Amina Alle weyne ha kuu naxariisto janada hooygaadu noqoy, Insha’Allah.

Cajab Cumar: Dadkaan dil laguma dhameyn karo maafiyadaan kugu hareereysan inteysan adiga ku haligin, Allow yaa ku dhaha maalmahaaga sii dhamaanaya cadeyn la’aan ku dhameyso waa iga talo. Oohinta yaxaaska. 

Ikhlaas Dhaqane Ahmed: Bin’aadamka saa rabtid iskaga dhaadhici, qofka aan wax ka qarsooneyn waa Allah. Alle ha u naxaristo maama Aamina Maxamed Cabdi.

Abdinaasir Diiriye: Waddankaan kuuma baahne iskaga tag, xildhibanad Aamino Allah u naxariiste sharaf ayey ku dhimatay halganekeedina wuu sii socon doona Insha’Allah.

Sulxa Bintu Sulxa: Farmaajow dhagar qabe, inaa umadda dishaan ayaa haddana u tacsiyeyneysaan. Falalkan wuxuushnimada ah ee dalka ka dhaafa iyo umada Soomaliyeed. Abdiaziiz Afrika Allah ha u naxariistee Villa Somalia midaas kama tacsiyeen. Anagoo og xildhibaan Amina ilaah ha u naxariisto qabriga ilaah ha u waasiciyo. 

Abdifatah Mohmud Mohamed: Munaafaqnimo haddaad maqasho waa team-ka Farmaajo iyo Fahad xoog iyo xeelad iyo hanti waxaad ku bixiseen inaad kursiga ka hor istaagtaan markaad ku guul dareysateen ayaad nafta dhaafiseen, tacsi faruuryaha aan dhaafsiisneyna waad soo qoreysaan, Allah umada ha idinka qabto.

Ibrahim Abdullahi: Aad ayaan uga xumahay damiirkaaga dhintay. Ummadan Ilaahay ha ku dhaafiyo, waxaad dhaqan ka dhigatay dilka dadka kaa aragtida duwan. Ilaahay ha u naxriisto xaq u dirir Aamino.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, oo lagu dilay dad ay ku jirtay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Qaraxa koowaad, oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay gaar ahaan afaafka xarunta madaxtooyada HirShabeelle, waxaana ku geeriyooday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo qaar ka mid ah ilaaladeeda.

Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay banaanka xerada, halkaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo saraakiil, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, sida ay faafisay warbaahinta taageerta kooxdan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxyada ku dishay dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo kuwa HirShabelle, askar iyo shacab kale. Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah

Sheegashada Al-Shabaab ayaa imaneysa ayada oo siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil. 

Villa Somalia ayaa toddobaadyadii tegay wadday olole lagu doonayey in xildhibaan Aamina looga saaro liiska musharaxiinta kursigii ay ku fadhisay. 

Daawo: Hadalkii dareenka lahaa ee xildhibaan Aamina iyo hanjabaadii ay la kulantay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khudbad ay horay u jeedisay Allah ha u naxariistee marxuumad xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay xalay ayaa u muuqatay mid ogeyd in nolosheyda loo soo socday.

Xildhibaan Aamina ayaa khudbaddaas uga hadashay dilkii Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalaha NISA, taasi oo la waayey bishii June ee 2021.

Xildhibaan Aamina ayaa hadalladeeda laga dareemi karay inay ahaayeen kuwo si toos ah ugu socday madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey iyo xubnaha kale ee NISA ka tirsan.

“Haddaan maalinkaas cabsan lahaa, hadalladaa kusoo qoray Facebookeyga, waa ley soo wacay waxaa ley dhahay arrintaan faraha kala bax shuqul kuma lihid, ma i cabsi gelineyso wax kasto oo ley sheego, iyo aan ugu tanaasulaayana arrinta Ikraan ma jirto, mansab kasto, maal, magac wax kastoo ley sheego Ikraan uguma tanaasulaayo,” ayey tiri marxuumad Aamina Maxamed.

Marxuumad Aamina oo ka hadleysay madal ay u dhamaayeen qeybaha bulshada kala duwan, ayaa xilligaas sheegtay in caddaalad u raadinta Ikraan ay kursi iyo mansab midna ku raadineyn, matalaadda baarlamaankana mudane kale uu ku matalo, kaasi oo ka mid ah dadkii aamusin waayay sida ay sheegtay, balse tan soo kicisay ay tahay damiirka bini’aadanimo iyo in ay tahay qof dumar ah oo u baahan in cid kasta ay u kacdo sidii ay caddaalad u heli laheyd.

“Haddeey ummadda Soomaaliyeed ka cabsanayaan Fahad Yaasiin, Yaasiin Fareey ama Farmaajo oo xilkiisii dhamaaday kuwa u aamusan inuu xil siiyo darteed, waad gabteen mas’uuliyadiinii, waad gabteen mas’uuliyadiiniii iyo wixii la idiin abuuray oo ah bini’aadanimada, culumada Soomaaliyeed ha ogaadaan wixii Ikraan ku dhacay ayaa qof kasta ku dhacaaya, idinkaana inaad culumo u tihiin dadkaan Soomaaliyeed ama dad gaar ah ayaa meeshaan nooga kala cadaaneyso,” ayey ku hor tiri bulshadii kasoo qeybgashay madashaasi oo looga hadlayay arrinta Ikraan Tahliil.

Marka dib loo eego hadalada marxuumadda iyo xiliga dilkeeda kusoo beegmay iyadoo madaxtooyada ay ka hor istaagtay inay kusoo baxdo xilka ay ku guuleysatay waa arrin u baahan dib u eegis iyo baaritaan caalami ah.

Daawo: Xasan Sheekh oo dalab culus soo saaray kadib dilkii xildhibaan AAMINA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dilkii xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee loogu geystay iridka hoyga ay deganeyd oo aan ka fogeyn madaxtooyada HirShabeelle ee Baladweyne iyo weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho aysan aheyn dhacdooyin caadi ah, isla markaana lagu tilmaami karin dhacdooyin argagixiso.

Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dilka xildhibaanad Aamina iyo weerarkii garoonka diyaaraddaha qeybta Mirana Gate labaduba in lagu sameeyo baaris heer caalami ah oo ay ka qeyb qaataan khuburo madax bannaan, wuxuuna ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka shaqeeyo inay baaris caalami ah uu helo shilka lagu dilay xildhibaan Aamino.

Sidoo kale, wuxuu Xasan Sheekh tilmaamay in ujeeddada dilka marxuumada uu ahaa in la aamusiyo cid kasta oo xaqa u dooda iyo cid kasta oo muujiso caddaalad raadinta.

Wuxuu kaloo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in xiligaan kala guurka ah ee dalku marayo inaan wadada laga leexin, waxyaabaha qaar hadda dhacay iyo kuwo kale oo maalmaha soo socda dhici karaan in la rabo in wadada looga leexiyo, loogana dan leeyahay in carqalad la abuuro iyo in doorashada dib u dhac ku yimaada, Ummada Soomaaliyeedna ay waajib ku tahay inay talada dalka iyo masiirkooda go’aan ka gaaraan.

“Waxaan leeyahay kuwa beenaalayaasha ah, bilaa xeetayaasha ah, dhiiga iyo xumaha inay ku naaxayaan ama ku guuleysanayaan ama sharaf iyo karaamo ku gaaraya aaminsan, waxna ku gaari meysaan, dadka Soomaaliyeed waa ka dheg nugul yihiin waxaad sameyneysaan dad fahmi waayay ma ahan,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo shacabka mar kale ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay go’aan ugu gaari lahaayeen masiirkooda iyo dowladnimadooda.

Cambaareynta iyo eedeymaha loo jeedinaayo madaxda Villa Somalia ee ah inay ku lug leeyihiin weerarkii ka dhacay garoonka diyaaraddaha Muqdisho iyo dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa isa soo taraya, iyadoo arrintaani ay tahay mid gilgishay guud ahaan Soomaalida.

 

Muxuu Jeneraal XUUD ka yiri qaraxyadii Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano (Xuud) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda guud ee amniga magaalada Beledweyne, kadib qaraxyadii xooganaa ee xalay ka dhacay magaaladaasi.

Ugu horreyn Xuud ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxyadaas oo ay ku jirtay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad.

Jeneraalka ayaa sheegay inuu dhib weyn soo gaaray reer Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in dhibaatooyinkan ay soo noq-noqdeen, balse loo baahan yahay in laga wada tashado.

“Dhib weyn ayaa na gaaray haddaan reer Hiiraan nahay, dhacdadii xalay tii koowaad ma’aha dhibaatooyin badan oo horey u dhacay ayaa jira waxay u baahan tahay marka talo haddaan la tashan waxaan waa nagu sii soconayaan,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Dhammaanteen reer Hiiraan haddaan nahay wixii dhacay waan ka xunahay aad ayaan uga xunahay,”.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadaan oo kordhay ayaa gaaray illaa 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale, waxaana mas’uuliyaddooda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, dhacdadan ayaa si weyn u beddashay xaaladda guud ee Beledweyne oo ay horey uga socotay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-