27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Sheekh Shariif oo shaaciyey cidda ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa muddo aamusnaan ah kadib ka hadlay weerarkii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo weerarkii kale ee lagu qaaday garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde oo xarun u ah diblumaasiyiinta iyo AMISOM.

Sheekh Shariif ayaa weeraradaasi ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo ay fuliyeen kooxda argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in taasi ay muujineyso in amnigii dalka uu faraha kasii baxaayo xili la galay doorashooyinkii dalka.

Shariifka ayaa ugu baaqay hay’addaha amniga inay baaritaan dhab ah sameeyaan si mas’uuliyada cidii laheyd u qaadato, isagoona tilmaamay in hadii aan la helin nidaam iyo sharci in dowladnimada marna hirgeli karin.

“Dhamaan waxaan leenahay hay’addaha amniga iyo ciddii mas’uuiyadaasi iska laheyd baaritaan dhab ah loo sameeyo si mas’uuliyada ciddii iska laheyd dhab u qaataan ama loo saaro, hadaanu sharci iyo nidaam iyo kala danbeyn aysan jirinna  dowladnimadu ma hirgeli karto, marka ciddii ka gaabisay mas’uuliyadaas ama lug ku laheyd ka qeyb qaadashada ama dhibaateynta in loo helo caddaalad, waa tan kaliya ee looga qanci karo arrintaasi,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in doorashadaani tahay tii ugu dheereyd, sidaasi darteedna haddii ay doorashooyinka sii dheeraadaan inaan la huri doonin qalqal amni, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Sheekh Shariif ayaa ku adkeeyay inay ilaaliyaan waqtigii doorashada si dib danbe ugu dhicin xiliga loo qabtay, isagoona sheegay in taasi lagu heli karo amni is-ogolaansho iyo in ciddii guuleysata lala shaqeeyo.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii ka danbeeyay Sheekh Shariif ayaa isna fikir ka duwan kan Shariif qaba isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in dilka xildhibaan Aamina uu lugaha la galayo dowladda.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xildhibaan Aamina loo dilay sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil iyo caddaalad u raadinta qoyskeeda, isaga oo si dadban farta ugu goday Villa Somalia.

Daawo Sheekh Shariif

MUUSE BIIXI: “Soomaaliya maanta Mareykan xiriirka ha u jarto hadii ay ku dhacaan”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay safarkii uu ku tagay dalka Mareykanka iyo xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dadaalka aqoonsi raadinta Somaliland uu yahay mid meel fiican maraya oo aysan awoodin dowladda Soomaaliya inay horiistaagto, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in safarkiisii uu waddanka Maraykanka ku tegay ahaa mid taariikhi ah oo guulo waaweyn usoo hooyey bulshada Somaliland, cadowgana ka nixiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Safarkayagii wuxuu ahaa mid guul u ahaa Somaliland oo taariikhda geli doona, cadowga Somaliland-na wuxuu ahaa mid dhabarka ka jebiyey oo ka nixiyey.”

Muuse Biixi ayaa xusay in Somaliland ay qarka u saaran tahay in ay noqoto dal dadax banaan oo ay hesho aqoonsi caalami ah, isaga oo intaas ku daray inuu guulo waaweyn ka keenay shirarkii uu la yeeshay mas’uuliyiinta dalka Mareykanka.

“Waxam idiinku bushaaraynayaa, haddii ay shalay dawladaha waaweyni indhaha inaga lalinayeen in dawladdii adduunka ugu waynayd ay manta indhaheedii inoo soo jeedaan, haddii aan shalay hadalkeena aan hadalkeenna aad loo dhegaysanayn oo uu cadowgeennu dhegaha ka haystay dawlaha waaweyn, maanta waxad arkayseen iyada oo dhegaha dawladda maraykanku iyaga oo aad u raaracan ay dhegaysanayeen codka Somaliland iyo dareenkooda,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

“Soomaaliya Maanta Maraykan xiriir ha u jarto haddii ay ku dhacaan, aqoonsigii Somaliland waa mid hadda soo ifaya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xilli uu fashilmay wada-hadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulka Somaliland oo muddo raadinayo aqoonsi.

Somaliland ayaa horey ugu eedeysay madaxweyne Farmaajo inuu sabab u yahay fashilka ku yimid wada-hadalada, waxaana hadda la sugayaa sida uu yeelo madaxweynaha cusub ee loo dooran doono Soomaaliya.

Intii uu Muuse Biixi joogay Washington, Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa soo saaray sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland. 

Xog: Sheekadii yaabka laheyd ee Ahlu Sunna ay dejisay si ay u fuliso weerarkii xalay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu Sunna ayaa xalay qaab yaab leh usoo agaasintay weerar ay ku dishay askar ka tirsan ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, qaar ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan Bohol ayaa xalay soo wacay saraakiil ka tirsan ciidamada Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb, waxayna u sheegeen inay rabaan inay isa soo dhiibaan.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay rabaan in magaalada Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyo, islamarkaana loo soo diro gaadiid iyo ciidan soo galbiyo.

Madaxtooyada Galmudug ayaa rumeysataya warka Ahlu-Sunna waxayna isla xalay dirtay laba gaari oo kuwa dagaalka ah, si ay usoo galbiyaan ciidamada sheegay inay isisoo dhiibayaan, balse waxaa loo dhigay dabin aad loo qorsheeyey.

Waxaa ma qura horey iyo gadaal looga billaabay rasaas xilli ay marayeen meel u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Bohol, waxaana u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan mid kamid ah labadii gaari, sidoo kalana waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday qaar kamid ah askartii saarneyd labada Gaari.

Gaariga kale iyo ciidan yar oo ku haray ayaa si dirqi ah kaga baxsaday weerarka, waxayna dib ugu noqdeen Magaalada Dhuusamareeb.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa ciidamada Dowladda laga dilay illaa 4 Askari halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 10, sidoo kalana waxay ciidamada Ahlu sunna furteen qorigii saarnaa gaariga ay qabsadeen.

Waxaa goobta ay arintaan ka dhacday gaaray ciidamo gurmad ah, waxayna ugu tageen meydka 4 Askari, dhaawacyo iyo gaarigii oo laga furtay qoriga.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee qorshahaan fuliyey ayaa dib ugu laabtay deegaanka Bohol, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale qarxo dagaal u dhaxeeyo ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug.

Sawirro: Adeeg hab lacag-yar-yareyn ah lagu gudan karo Xajka iyo Cumrada oo maanta lagu daah-furay Muqdisho 

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalladda Xajka iyo Cumrada ee HUNSO iyo Premier Bank ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah-furay adeeg ay hirgelintiisa iska kaashadeen oo lagu magacaabo Haleel, kaas oo si sahlan looga faa’ideysan karo gudashada xajka iyo cumrada. Adeegga waxaa la heli karaa muddada ay furan tahay cumrada laga billaabo bisha 1-aad ilaa iyo bisha 9-aad ee bilaha Hijriga ah.

Adeegga Haleel ayaa u fududeynaya macaamiisha daneynaya inay cumreystaan bisha Ramadaan in ay u rukuman karaan si sahlan oo sanadle ah. 

Yuunus Cismaan Axmed oo ah madaxa Howlaha ee Adeegga Haleel ayaa sheegay in adeeggan uu u fududeynayo cid kasta oo awood maaliyadeed leh balse aan halmar heli karin dhaqaalaha xajka iyo cumrada in ay hannaan yar-yareyn ah isaga bixiso.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu bishaareynaynaa in adeegga Haleel uu dhaqangal yahay laga billaabo maanta oo la daah-furay. Adeegga Haleel wuxuu rumeynayaa riyada waalidka iyo qoyska ee booqashada guriga Alle. Sida aan ognahay qof kasta oo Soomaali ah wuxuu ku taamaa inuu xajiyo ama cumreysto inta uu nool yahay ee uu caafimaadka qabo, taas ayaan ka dhignay mid sahlan oo cid kasta ay ka faa’ideysan karto,” ayuu yiri mudane Yuunus.

Wuxuu intaa ku daray in faa’iidooyinka Adeegga Haleel uu leeyahay ay ku jirto helista ammaah maaliyadeed oo aan dulsaar lahayn iyo hannaan lacag-bixin oo sahlan isla markaana qorsheysan.

Sheekh Cabdinaafic Macallin Xaashi oo ah Guddoomiyaha Dalladda Xajka iyo Cumrada ee HUNSO, xubinna ka ah Golaha Sare ee Adeegga Haleel ayaa sheegay sababta xilligaan loogu soo aaddiyay hirgelinta adeegga inay tahay bulshada inay uga faa’ideysato bisha barakeysan ee Ramadaan oo soo dhow.

“Nebiga waxaa laga wariyay inuu yiri {cumrada la cumreysto bisha Ramadaan waxay u dhigantaa xaj la xajiyo lajirkayga oo kale}. Sidaas daraaddeed waa waqtiga ugu wanaagsan ee lagu beego cibaado sidaan u qiimo badan. Sidoo kale, waxaan adeeggan soo kordhinnay iyadoo la eegayo daruufaha dhaqaale ee dalka iyo qaybo badan oo caalamka ka jira, cudurka safmarka ah ee Covid19 oo kala dhantaalay gudashada acmaasha xajka iyo cumarada muddo labo sano ah, iyo bisha barakaysan ee Ramadaan oo foodda nagu soo haysa oo iyana acmaal ajar badan kulansatay darteed,” ayuu yiri Sheekh Cabdinaafic. 

Wuxuu tilmaamay in qof kasta oo shuruudaha soo buuxiya, isla markaana haysta baasaboor Soomaali ah ama baasaboor ay saaran tahay iqaamo Soomaali ah oo aan dhacsaneyn ay u dalbayaan cumrada.

Axmednuur Maxamed Cabdi oo ah madaxa xiriirka bulshada ee Premier Bank ayaa sheegay in qofka uu labo hab uga faa’ideysan karo adeegga Haleel, kuwaas oo kala ah inuu lacagta oo caddaan ah halmar wada bixiyo iyo in uu hormariyo ugu yaraan boqolkiiba soddon qiimaha guud ee xirmada uu macaamiilku doortay, inta hartayna uu yar-yareeyo, kuna bixiyo sanad gudihiis. 

“Premier Bank waxaa farxad u ah inuu macaamiisha [accounts-ka] xisaabaadka ku leh ka caawiyo fursaddaan dahabiga ah. Waxaa deyn bixinta bankiga ka faa’ideysan kara qof kasta oo haysta aqoonsi, kaar shaqo, caddeyn dakhli maaliyadeed iyo damiinul-maal,” ayuu yiri Axmednuur.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Rooble oo hadal ka jeediyay daah-furka adeegga Haleel ayaa sheegay in dhiirrigelinta iyo taageeridda adeeg kasta oo dadka Soomaaliyeed u fududeynaya tegista Xaramka ay qeyb ka tahay siyaasadda wasaaraddiisa. 

Wuxuu xusay in adeeggan uu u arko mid xalka ka qeyb-qaadanaya, meeshana ka saaraya culeysyada ay dadka qaar kala kulmaan tegista beydka Alle ee dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamada. Maaddaama uu wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta si guud xil uga saaran yahay fududeynta gudashada waajibaadka diiniga ah ayuu tilmaamay inay garab istaagi doonaan shirkadaha isku howlay adeegga Haleel.

Adeegga Haleel waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Soomaaliya.

Waxaa adeeggan laga heli karaa xarumaha bankiga Premier ee magaalada Muqdisho iyo wakiillada adeegga Haleel, fadlan kala xariiri kartaa lambarka gaaban ee 9955 ama WhatsApp: +252 61 5545061.

Cali Xaaji oo weerar culus ku qaaday DENI – “Ma dhici karto in isagoo Xamar jooga…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi Mudane Saciid Deni oo haatan u sharraxan xilka u sarreeya madaxweynaha ee afarta sano ee soo socota.

Cali Xaaji ayaa ku eedeeyey Saciid Deni inuu danihiisa shaqsiyeed ka door-biday Puntland, isla-markaana uu sidii uu doonayey kaliya u maamushay, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa soo bandhigay eedaha culus ee ku taagan maamulka Saciid Deni, sida dagaalkii Boosaaso iyo sidii uu musuq-maasuqay doorashooyinkii dhacay.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu xildhibaano ka safay rag muhiim u ahaa dowladnimada Puntland oo isugu jiro wasiiro, guddoomiyeyaal iyo agaasimeyaal.

“Madaxweyne Deni waxa uu Puntland uga tagayaa eedo kala duwan sida dagaalka Boosaaso, dhaawaca Doorashada, Dadka labeynta ah oo uu soo xushay & muranka daba-taagan sida uu u maamulay Doorashooyinka maadaama sida uu doonno uu u maamushay, waxa uu soo xushay Wasiiro, Xildhibaanno, Guddoomiye Gobol & Agaasimayaal Amniga ka shaqeynayay, Taliyeyaal & saraakiil” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in tani ay saameyn doonto hay’adaha kala duwan ee dowladda, ayna keeneyso in xubnaha cusub ay la qabsan waayaan shaqadii socotay.

“Madaxweynaha waxaa la socda miisaan badan oo ah Wasiiradii Puntland oo weliba hay’adaha xasaasiga ah gacanta ku haya oo xitaa Wasiirkii maanta yimaada 3 sano ama 4 sano aan la qabsan Karin ama u fahmi Karin Beesha Caalamka, Guddoomiye Gobol ayaa kamid ah, Agaasimayaal Amniga ka shaqeeya, Taliyeyaal & saraakiil ciidan, waqtiga yar waa in uu ku xaliyaa tabashooyinka ka dhashay Doorashada uu maamulay” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in madaxweynuhu awooda maamulka uu ku wareejiyo ku xigeenkiisa, si aysan Puntland saameyn ugu yeelan tartanka uu galayo Saciid Deni.

“Waa in uu Madaxweynaha sameeyaa wareejin Maamul, maka hadlaayi wuu is casilaa iyo isma casilaayo, waa in uu maamulku sii wadaa ku xigeenkiisa, ma dhici karto in isaga oo Xamar jooga Doorashadiisana maamula Puntlandna maamula” ayuu yiri markale Cali Xaaji.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo 20-kii bishan Maarso 2022-ka uu si rasmi ah musharaxnimadiisa Villa Soomaaliya ugu dhowaaqay madaxweynaha maamulka Puntland.

Nuur Iidow oo go’aan lama filaan ah ka qaatay kursiga HOP58 iyo Sanbaloolshe oo…

0

Beledweyne ( Caasimada Online) – Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa shaaciyey go’aan lama filaan ah, isaga oo ku dhowaaqay inuu isaga haray u tartamida kursiga Hop#058 ee uu horey ugu fadhiyey, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne.

Nuur Iidow oo soo saaray qoraal kooban ayaa ku sheegay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa kursigaasi oo maanta doorashadiisa la qabanayo.

“Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda,” ayuu yiri xildhibaanka oo qoraal kooban soo saaray.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu la shaqeyn doono cida kusoo baxda doorashada kursigaasi oo ka mid ah kuwa sida aadka ah isha loogu haayo doorashadooda.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dadka uu metalo iyo guud ahaan Soomaalida garab istaagtay intii uu ka tirsanaa baarlamaanka.

“Waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda, Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas. Mahadsanidiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Go’aanka uu qaatay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan la shaaciyey guddiyada soo xulaya ergada kursiga Hop#058  iyada oo lasoo saaray odayaashii saxda ah ee beesha, waxaana la sheegay inuu isagu doonayey in loo xiro kursiga, isaga oo garab ka helaya Yuusuf Dabageed & kooxda Villa Soomaaliya walow haatan laga adkaaday.

Arrintan ayaa sidoo kale caddeyneysa inuu guusha uu usii dhowaanayo agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ka mid ah musharixiinta ugu cad cad kursigaasi.

HirShabelle ayaa dadajineysa doorashada Golaha Shacabka, maadaama lasoo dhaafay xilligii lagu ballamay in lasoo gabagabeeyo oo aheyd 15-kii bishan March ee 2022-ka.

AHLU SUNNA oo weerar ku dishay askar ilaalo u aheyd Jeneraal SAADAQ JOON

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo askar ilaalo u ah Saadaq Joon oo dhowaan loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad, kaas oo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday weerar dhabagal ah oo lagu qaaday laba gaari oo ay wateen ciidamadaasi wuxuuna xoogiisu ka dhacay deegaanka Balibiri oo waqooyi uga beegan caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 4 askari, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhammaan ka mid ahaa ilaalada Saadaq Joon.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka Ahlu Sunna ay gubeen mid ka mid ah labada gaari oo ay wateen ciidamadaas ayna qaateen qorigii ku xirnaa iyo laba qoray oo Dabajeex ah.

Ciidamada Galmudug ayaa sidoo kale markii dambe gurmad ku tegay deegaanka lagu dagaalamay, iyadoo sidoo kale ciidamada la weeraray ee ilaalada Saadaq Joon ay dib ugu soo noqdeen Dhuusamarbeeb.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dolwad goboleedka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo todobaadyo gudahood ah, iyada oo Ahlu Sunna ay horey Dhuusamareeb ugu dishay askar ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee Galmudug.

Ciidanka Kenya oo mar kale xasuuq ka geystay Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday hay’adda difaacayaasha xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dilal ay ciidamada Kenya ka geysteen qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan tuulada lagu magacaabo Raaskambooni.

Hay’adda ayaa shaacisay in ciidamadu ay beegsadeen dad shacab ah oo reer guuraa ah, isla-markaana u kala kaceen dilal arxan darro oo loo geystay dadkaasi rayidka ah.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in waxa dhacay ay yihiin xasuuq, waxayna intaasi ku dareysaa in dadka la dilay oo 3 qof ah la’isugu geeyey hal goob, kadibna loo dilay si arxan darro ah.

“Isbaheysiga difaacayaasha xuquuqul insaanka Soomaaliyeed ee CSHRDS waxa ay cambaareyneysaa xasuuqan waxashnimada iyo naxariis darada ah ee ay ciidamada Kenya u gaysteen dadka rayidka ah ee aan dagaalka ku jirin,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda.

CSHRDS ayaa sidoo kale dalbatay in dhacdadan lagu sameeyo baaritaan caalami ah, si loola xisaabtamo ciidamada geystay falkaasi.

“Waxaan ku baaqaynaa in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dembigaas foosha xun iyo isla xisaabtan,” ayey sii raacisay warbixintu.

Ugu dambeyn hay’adda ayaa ugu baaqday AMISOM inay deg deg u qaado tallaabo ka dhan ah ciidamada Kenya oo horey loogu eedeeyey dhibaatooyin ka dhacay gobolka Gedo.

Waxaan ugu baaqaynaa AMISOM inay si degdeg ah u qaaddo tallaabo ay kaga ilaalinayso rayidka weerarrada joogtada ah ee dhimashada leh ee ay geystaan KDF,” ayaa markale lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda difaacayaasha xuquuqda Aadanaha Soomaaliya .

Al-Shabaab oo dad shacab ah ‘ka afduubatay’ MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Baraag Ciise ee gobolkaas, isla-markaana ay ka kaxeysteen ku dhowaad 10 qof oo shacab ah.

Guddoomiyaha deegaanka lagu magacaabo Bajeela, Mudane Maxamed Shuuke Abshir ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ka afduubatay illaa 7 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka, isla-markaana ah xoolo dhaqato.

Shuuke ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxdu ay horey usii kaxeysatay xoolihii ay lahaayeen dadkaasi oo gaaraya ku dhowaad seddex kadin oo Geel ah.

Ehellada dadkaas ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dhacdadan, waxayna sheegeen inay soo wajahday cabsi la xiriirta ammaankooda, kadib halista uga timid dhanka Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dadka la afduubtay ay ka biyo diideen lacago ay Al-Shabaab ugu magac dareen Zakawaad oo ay ka qaadaan xoolo dhaqata.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan afduubka loo geystay dadkaasi shacabka ah.

Inta badan gobolka Mudug ayaa waxaa kusoo noq-nodqay dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo is uruursaday, kana soo horjeeda kooxdaaasi.

Culumada ugu waaweyn Soomaaliya oo ku baaqay kacdoon dadweyne + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Culumo waaweyn oo Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay ka dhiidhiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo kooxda Al-Shabaab ay si joogto ah u daadineyso.

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane, Sheekh Usuuli iyo Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ka hadashay gabood falladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo lagu laayey dad badan oo Xildhibaan Aamina Maxamed ay ku jirtay.

Inkastoo aysan kala joogsi laheyn gaboodfallada ay Al-Shabaab ka geysaneyso Soomaaliya, hadana waxaa qalbiyada dadka Soomaaliyeed dhaqaajiyey wixii laba habeen ka hor ka dhacay magaalada Beledweyne, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 50 qof, halka in ka badan boqol kalena ay isbitaallada yaallaan.

Culumadaan oo kala joogta dalka iyo dibadiisa ayaa shacabka iyo maamullada ka jira Soomaaliya ugu baaqday inay sidaan wax ka bedelaan oo kacdoon dadweyne looga hor tago dhagarta cadowga.

Ugu horeyn Sheekh Usuuli ayaa fariin u diray baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in baarlamaankii 10-aad ee dalka uu qaadi doono masuuliyadda waxa dhacaya, maadaama uu dayacay masuuliyadii loo doortay.

“Horta dhiigga hadda daadanaya baarlamaankii hore ayaa loo heystaa, guddoomiyahoodii, ku xigeenkiisii iyo dhamaantood Allaah ayaa wax ka weydii doona waxa dhacaya, sababtoo ah wadanka heerkaan ayagaa soo gaarsiiyey, taladii dadka ayey diideen, waxay diideen xaqii, in jeebka wax loogu shubo ayey ogolaadeen, waxayna noqdeen baarlamaan sacbinaya, maanta heerkaan ayaan joognaa, baarlamaanka soo socdana saas ayaa lala damacsan yahay,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Waxuu sheegay in qorshuhu yahay in  la dhameeyo hoggaanka iyo indhaha bulshada, “Waxaa la rabaa in umadaan la adoonsado oo cabsi lagu beero, hadaad u maleysaan in Soomaali dhiig lagu cabsii karo, Soomaali ma cabsato, wadamada Carabta ayaa laga soo min guuriyey afar qof hadii la dilo ama afar qarax dhacdo dadku waa aamusaayaan, waxa dalkeena heerkaan gaarsiiyey waa dhiigga daatay, bal ka waran ninka xiligaan u diyaarsan inuu dhiig sii daadiyo?” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sheekh Usuuli ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah xildhibaanadii fashilmay dib loo soo doortay, sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in masuuliyadda ugu weyn ee dadkaan la leynayo uu Alle wax ka weydii doono.

Shiiqa ayaa umada Soomaaliyeed ugu baaqay inay baraarugaan oo sidaan wax ka bedalaan, cadowna iska difaacaan, “War shacabow waad iska aamusan tihiin maalin kasta qof qaali ah ayaa la dilaa waana oysiin, madaxdu waa iska joogaan wax la xisaabtamaya malahan, hadana waxaa lagu leeyahay doorasho ayaa la gelayaa, Ilaahow daalimiinta hanagu soo celin,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku yiri, “Runta hadaan la isku sheegi karin reerkaan Soomaaliyeed waligiis degi maayo, waxaan nahay shacab dhamaantiis dil sugayaal ah, ee aan tashano oo cadowga iska qabano ama aan iska sugno nin kasta meesha maalintiisa lagu qasho.”

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane oo ka mid ah culumada ku nool deegaanada Puntland ayaa isna shalay khudbadii Jimcaha ku soo qaatay gumaadka ay kooxda Al-Shabaab ku heyso dadka Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay dadkii ay ku jirtay Aamina Maxamed ee habeeno ka hor Beledweyne lagu laayey.

Sheekh Suldaan oo dilalka, maamul xumada ka jirta Soomaaliya iyo daciifnimada shacabka khudbadiisii uga hadlay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu gacan haatiyey inay is dabo qabtaan oo cadowgooda ku baraarugaan.

Sidoo kale Sheekh Suldaan waxuu fariin u diray madaxda Soomaalida, isagoo u soo jeediyey inay mas’uuliyadooda gutaan oo dadka inta hartay badbaadiyaan ama ka hor wareegaan.

Hoos ka daawo khudbadii Sheekh Suldaan

Hoos ka daawo Sheekh Usuuli

Golaha Ammaanka oo war culus kasoo saaray Somalia

0

New York (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022, kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Qaraxyadaas waxaa lagu dilay tobanaan qof, waxaana ku dhaawacmay tira intaas ka badan, dadka la dilay ee la beegsanayey waxaa ka mid aheyd Xildhibaan Aamina Maxamed oo u dakanowday kiiskii Ikraan Tahliil.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno cadaaladda,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyey dhammaan dowlad-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran, sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ula shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale oo ay khusayso arrinta ammaanka.

“Xubnaha golaha ammaanka ayaa ku celnaya in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaallo kasta oo ay leedahay ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxay xaqiijinayaan in dhammaan falalka argagixisanimada ah ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysata” ayuu sii raaciyay war-murtiyeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xubnaha Golahaas ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-Shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Waxay ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socota, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ba’an ee ka dhacaya Soomaaliya.

Xildhibaannadda cusub oo badbaado xoriyadeed uga baahan R/Wasaare Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamullada Soomaaliya ayaa daah-furay isku day ay ku muujinayaan inay gaar u leeyihiin xildhibaanada Laba Aqal ee matalaya beelaha Soomaaliyeed.

Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa dhammaan soo bandhigay qorshooyin u muuqda handadaad siyaasadeed oo lagula kacayo xildhibaanada Golaha Shacabka oo illaa hadda soo baxay.

Afar waji ayaa loo isticmaalayaa cabsi gelinta xildhibaanada, gaar ahaan kuwa ku cusub shaqada Baarlamaanka. 247 mudane ayaa waqtigaan dooran, inkastoo ay doorasho ka jirto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe isaga kuma jiro madaxda maamullada ee sharafta ka qaadaya macnihii xildhibaanada wallow aan la ogeyn waxa uu fali lahaa haddii ay doorashada ka dhammaato.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu Garoowe isugu geeyey intooda badan xildhibaanadii uu soo saaray, Laftagareen sidoo kale Baydhabo ayuu isna isugu geeyey inta badan xildhibaanadii uu soo saaray, Axmed Madoobe Nairobi ayuu marna u raraa, marna Kismaayo ayuu ku amraa inay kusoo laabtaan, halka Qoor Qoor uu isna dhawaan shir ugu yeeray 45-ta xubnood ee uu soo saaray.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah xildhibaanada dooran, Whatsup Groups ayaa xildhibaanada la isugu keenay, xildhibaanada qaar waxaa loo badalay shaqadoodii guulweynta madaxda maamulada oo waxay soo Share gareenayaan wararka iyo sheekooyinka been abuurka ah ee madaxdii kuraasta soo siisay si ay u muujiyaan  inay weli daacad u yihiin.

Xildhibaanada qaarkood weli waa aqbali la’yihiin inay xildhibaano yihiin, waxay hor dhooban yihiin xafiisyadii kuraasta u boobay, qaar ma garanayaan halka ay ka aadi lahaayeen xafiiskaas, wixii ay qaban lahaayeen iyo cidda ay tahay inay u adeegaan.

Dhacdooyinka laga soo warinayo xildhibaanadii dhawaan kusoo biiray Baarlamaanka Soomaaliya horey loogama soo tabin Baarlamaanadii Dalkaan soo maray.

Sida naloo xaqiiijiyey xildhibaanada qaar waxaa lagu sameeyey cabsi gelin ah in whatsupkooda lala socdo oo haddii ay qof musharax ah la hadlaan la ogaan doono, waxay xildhibaanada ku sugan yihiin marxaladdii wax walba (HAA).

Waxaa loo sheegay qaar kamid ah xildhibaanada in haddii waqtigaan ay ka hor yimaadaan hoggaamiyaha maamul Goboleedka in lagu laaban karo kurigooda.

Qaarkooda Muqdisho yimaada waxay si dhuumaaleysi ah oo iftiinka la daminayo Habeenada qaar ula kulmaan madaxda musharixiinta. Xildhibaanada dhawaan galka ah ayaa sanadkaan ku badan Baarlamaanka, Nabadsugidda saraakiil ayaa la sheegay inay u sameysatay inay dabagalaan oo xog ka keenaan dhaq-dhaqaaqa xildhibaanada iyo Dadka ay la kulmaan.

Waxaas oo dhibaatso ah badi xildhibaanada waa ogyihiin, haddaba qaarka aan la hadalnay ayaan waydiinay  sida ay aaminsan yihiin inay dhibaatadaan kaga bixi karaan oo ay ku heli karaan xornimo siyaasadeed, inay dooqooda cayaaraan dalkaa u jiheeyaan halka ay u arkaan inuu sax ku yahay.

Xildhibaanada waxay sheegeen in iyagoo aan la dhaarin oo shahaadada xildhibaanada helin inaysan wax tallaabo ah qaadi karin. Inkastoo ay tani tahay dhibaatada Koowaad oo ay leedahay doorashada boobka ah oo boob reerkaaga lagula kacay aad Nin kale u hoos jiiftay Maanta, haddana waxaa halkaan laga fahmayaa sababtii ay madaxda maamulada kuraasta u siinayeen qof walba midka uu kaga sii liito xagga fahamka siyaasadda.

Ra’isulwasaare Rooble waxaa hortaala inuu ka shaqeeyo dedajinta xornimo u raadinta xildhibaanada. Maadaama dhaarinta iyo shahaado bixinta hadda u muhiim u tahay si ay xornimo siyaasadeed u helaan waxaa Rooble looga fadhiyaa inuu difaaco jadwalkii lagu fadhiisin lahaa xildhibaanada dooran ee Labada Aqal, taasoo soo afjareysa Riyada beenta ah ee madaxda maamulada

Kursiga ugu adag ee ku haray Beledweyne oo la shaaciyay doorashadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa shaaciyay jadwalka kursiga ugu adag ee ku haray Beledweyne, kaasi oo doorashadiisa la qabanayo maalinta Axada ee 27-ka Bishaan Maarso.

Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#058 ayaa waxa hadda ku fadhiya Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, waxaana u sharaxan xubno uu ugu cadcad yahay Agaasimihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sida la fahamsan yahay waxaa kursigaan dib loogu dhigay inuu yahay midka ugu adag ee la isku hayo cidda ku guuleysan laheyd, maadama ay adag tahay in cid gaar ah loo xiro.

Hase yeeshe, Madaxweyne kuxigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa doonaya in kursigaas uu siiyo Nuur Iidow oo isagu taageero xoogan ka haysta kooxda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Fahad Yaasiin.

Doonista Dabageed ayaa ka hor imaneysa mowqifka uu Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe ku wajahayo doorashada kuraasta ku dhiman maamulkiisa, kaasi oo ah in gebi ahaanba laga dhigo mid daah-furan.

Kooxda Farmaajo ayaa hore iskugu dayday inay kuraas u boobto xulafadeeda, hase yeeshe kursigaan ayaa ah mid indhaha si weyn loogu hayo, ayna adag tahay in si cad loo boobo.

Si kastaba, maamulka HirShabelle ayaa toddobaadkan soo gaba-gabeynaya kuraasta Golaha Shacabka ee taallay Beledweyne, ayada oo weli laga sugayo dhameystirka kuraasta caasimada.

Daahir Geelle: Musharax haysta tiro rasmi ah oo uu kusoo bixi karo majiro laakiin…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiintaa u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay si cad u sheegay in uusan jirin musharax madaxweyne oo haysta tiro xildhibaano oo uu kusoo bixi karo wareega koowaad.

Daahir Geelle ayaa ku dooday in musharaxa madaxweyne guushu ku raacdo oo keliya marka uu helo codadka xildhibaanada wareegi koowaad u codeeyay musharax aan u gudbin wareega labaad.

“Majirto kursiga madaxweynimada tiro ku filan oo qofka Musharaxa la imaanayo, waxa jirta awood uu musharaxa ku qancin karo dadka (Xildhibaanada) u codeeyay dadka kale (Musharaxiinta) wareega koowaad ama labaad.” ayuu yiri.

“Qofkasta oo madaxweyne soo noqday waxa uu madaxweyne ku noqda dadka u codeeyay dadka kale markay kusoo biiraan, haddii kale wareega koowaad ayuu qofka ku noqon lahaa madaxweyne.”

Sidoo kale waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyay musharax Daahir Geelle in uu gudbi doono wareega labaad, asaga oo sheegay in uu hayso xildhibaano ku filan oo wareega koowaad ka gudbiya, sida uu sheegay.

Sida dhacda inta badan doorashada madaxtanimada Soomaaliya, musharaxiinta ku hara wareega koowaad ama labaad ayaa waxay xildhibaanadii u codeeyay u wareegaan musharax kale, taasi oo musharaxaas uu ku hanan karo xilka u sareeya dalka.

Si kastaba, doorashada madaxtinimada ee sanadkaan ayaa si weyn uga duwan kuwii hore, ayada oo musharaxiinta qaarkood ay soo saarteen xildhibaano badan, taasi oo u suurta-galisay doorashada xulashada ah ee dalka ka socota.

Sawirro: Dowladda federaalka oo ciidamo geysay degmo ay go’doomisay Al-Shabaab

0

Waajid (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ciidamo laga qaaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay geysay degmada Waajid oo ay go’doomisay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada la geeyey Waajid ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka 260-aad ee qeybta 60-aad, waxaana dhawaan tababar loogu soo xiray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Waxaa ciidamada garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Waajid Maxamed Yuusuf Cali, Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad qaybta 60-aad Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed iyio saraakiil kale.

Ujeedada ciidamadaan loo geeyey Degmada Waajid ayaa waxay saraakiisha ku sheegeen inay tahay fulinta howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo laga sameyn doono demooyinka Gobolka Bakool

Saraakiisha Ciidamada Ururka 260-aad iyo Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa waxaa ay sagootiyeen Ciidamo kale oo tabaar ciidan kusoo qaadan doono magaalada Baydabo si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qorsheenaya inay go’doonka ka qaadaan degmada Waajib iyo degmooyinka kale ee Gobolka Bakool.

Degmada Waajid ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Bakool ee u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, iyada oo mararka qaarna ay weerar kusoo qaadaan.

9

Maxaa Abiy ku kalifay inuu xabad joojin ku dhawaaqo?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad joojin bini’aadantinimo ka dib 16 bilood oo ay dagaal ay kula jirtay ciidamada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalka sokeeye ayaa sababay in in ka badan shan milyan oo qof ay u baahdaan cunto gargaar ah, ilaa haatan ma jirto wax cunto ah oo la gaari siiyay Tigrayga tan iyo bartamihii bishii December.

Warkan ayaa daba socda booqasho uu dalka Itoobiya ku tagay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield.

Ciidamada Tigreega ayaan wali wax jawaab ah ka bixin talaabada ay qaadday dowlada.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa ku tilmaamay xaaladda halkaas ka jirta inay tahay mid masiibo ah, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay ka hor istaagtay gargaarkii loo baahnaa.

Itoobiya ayaa ku eedaysay kooxda TPLF inay joojisay sahaydii la gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan.

Wararka ka imaanaya gobolka Tigreega ayaa sheegaya in dadka ay u dhimanayaan gaajo iyo dawo la’aan.

Bishii Janaayo, Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​40% dadka Tigrayga ah ay la ildaran yihiin waxa ay ugu yeertay “cunto la’aan aad u daran”. Waxa kale oo la ogaaday in kala bar dhammaan dumarka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya ay hayso nafaqo darro.

Warbixin ay soo saartay Khamiistii, ayay dowladdu ku sheegtay in xabbad joojintu ay tahay “mid aan la cayimin” oo ” isla markiiba dhaqan galaysa “, balse waxay intaas ku dartay inay hagaajin doonto nolosha dadka ku nool waqooyiga dalka haddii tallaabadaas laga jawaabo.

Waxay ugu baaqday ciidamada Tigreega inay “joojiyaan daan-daansiga ah oo ay ka baxaan meelaha ay qabsadeen gaar ahaanna gobollada deriska la ah”.

Dagaalka ayaa waxa uu qarxay bishii Noofambar ee sannadkii 2020 ka dib bilo ay jirtay xiisad u dhaxaysay maamulka federaalka iyo kooxda TPLF, oo xukuntay gobolka Tigray.

Todobaadyo gudahood ayuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed sheegay in colaadda la soo afjaray markii ciidamada federaalka ay qabsadeen caasimadda gobolka ee Malle. Balse kooxda TPLF ayaa markii dambe la dagaalantay waxayna dib ula wareegtay gacan ku haynta inta badan gobolka Tigray.

AGAASIME ku-xigeenka VILLA SOMALIA oo beeniyey qoraal looga been abuuray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka hadlay qoraal been abuur ah oo laga sameeyey kaasi oo lagu faafiyey Baraha Bulshada iyo warbaahinta qaar.

Qoraalkaas ayaa ahaa screenshot u muuqday in loo ekeysiiyey mid uu Cabdinuur soo dhigay boggiisa facebook-giisa, oo ku leeyahay “caawa aad ayaan u faraxsanahay, waa habeenkii aan dhashay,” habeenkaas oo aheyd xilligii ay qaraxyada ka dhaceen Beledweyne.

Cabdinuur Axmed ayaa sheegay in qoraalkaas uu yahay mid been abuur ah, islamarkaana aan lagu qorin boggiisa Facebook ee saxda ah, balse la been abuuray, si loogu sumcad dilo.

“Qoraalkaas waa mid been abuur ah oo looga dan leeyahay in la igu sumcad xumeeyo, waxaana lagu soo aadiyey waqtigii la dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Aamina Maxamed,” ayaa yiri Cabdinuur oo la hadlay Caasimadda Online.

Cabdinuur ayaa markale ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee ku dhintay weeraradii ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dhageyso: Indha-Cadde oo shaaciyey ‘shirqool lagu’ qaarijin rabo laba musharax madaxweyne oo la diyaariyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa digniin kasoo saaray weeraro hor leh oo uu sheegay in la rabo in lagu qaarijiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo dad badanoo kale.

“Waxaan ogahay in Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dad ay ka mid yihiin inay bartilmaameed yihiin oo la rabo in la qarxiyo iyo dad badan, wax badan ayaa socda oo hay’addaha amniga mid ka mid ah ay wado, hay’addihii amniga iyo Shabaabkana waa isku milmeen, waana wada shaqeeyaan,” ayuu yiri Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in qaraxii Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi inuu ahaa mid laga shaqeeyay oo ay ka danbeeyeen dowladda federaalka iyo laamaha amniga, sida uu hadalka u dhigay

Indha Cadde ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada weerarkaasi uu ahaa in la aamusiyo caddaalada kiiska Ikraan Tahliin isagoo intaas ku daray in Cabdicasis Africa iyo darawalka baabuurka la socday iyo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo xildhibaanad Aamina ay yihiin falal wada xariira, isagoo toos u eedeeyay hay’addaha amniga.

Mar uu ka hadlayay weerarkii garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Arbacadii wuxuu sheegay in kuwa soo weeraray ay ahaayeen rag ku xeran hay’addaha amniga, islamarkaana lasoo siiyay habeenkii ka horeeyay maalintii weerarka dhacayay aqoonsiga mid ka mid ah hay’addaha amniga, isla markaana ay u fududeeyeen inay galaan garoonka si ay u fuliyaan howlgalka.

Ujeedada ayu uku sheegay in lagu carqaladeeyo arrimaha doorashada iyo in dalka lagu qaban karin iyo sidoo kale iyadoo laga jawaabaayo dhoolatuskii socodka ahaa ee ra’iisul wasaaraha iyo safiirka Mareykanka ku sameeyeen aaga garoonka ee weerarka ka dhacay.

Indha Cadde wuxuu kaloo sheegay in xildhibaan Aamina ay in badan ka hadleysay kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena ay sheegtay shaqsiyaad ay ku eedeysay dilkii Ikraan, kuwaasi oo uu ku sheegay inay yihiin Al-Shabaab, xiligaana ay shaqeynayaan in dad badan la gumaado.

Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale caddeeyay in todobaadka soo socda kooxahaasi ay fulin doonaan weeraro iyo qaraxyo dad badan oo siyaasadeysan.

Hadalka Yuusuf Indha Cadde ayaa u muuqda inuu walaac iyo cabsi badan abuuraayo iyo in laga aamin baxo hay’addaha amniga oo uu ula jeeday hay’adda NISA.Hadalkaan ayaa sii xoojinaayo tuhumo badan oo Villa Somalia iyo NISA laga qabay

HirShabelle oo shaacisay JADWALKA iyo habraaca doorashada 4 kursi (Aqriso)

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa soo gudbiyay Jadwalka iyo habraaca Doorashada 4 kursi oo Deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashada Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Doorashada kuraastaan kala ah: HOP#058, HOP#019, HOP#059 & HOP#039 Baladweyne ay ka dhaceyso 27ka Maarso 2022 Axadda Todobaadka soo socda sida lagu xusay qoraalka Guddiga.

Ergada Dooraneysa kuraastaan ee kusoo baxday liiska Xulista Odoyaasha Dhaqanka iyo Wakiilada Bulshada Rayidka ayaa maanta la geynayaa goobta loogu talagalay si loo hubiyo, loona siiyo tababar lagu tusayo sida uu Ergayga u dooran karo Xildhibaanka.

3 kamid ah Afarta kursi ee la shaaciyey ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Haween, mana sheegin guddiga doorashada haddii ay Seddexdaas kursi ku tartamayaan Haween kaliya.

Halkaan hoose ka akhriso Afarta kursi iyo xildhibaanadii horey ugu fadhiyey

HOP#058: Nuur Iidow Beyle ayaa ku fadhiyay kursigaan Baarlamaanka 10aad ee JFS.
HOP#019: Farxiya Muumin Cali ayaa xubin Baarlamaan ku noqotay Baarlamaanka 10aad.
HOP#059: Samiira Xasan Cabdulle ayaa kursigaan ku fadhisa.
HOP#039: Maryan Axmed Haaruun.

Xildhibaanada kuraasta loo xulay oo tiiraanyo iyo welwel ka muujiyay Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi, waxaa soo baxay cabsi iyo shaki ay muujiyeen xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee muxaafidka iyo kuwa mucaaradka intaba.

Dilka qaraxa ee lala beegsaday xildhibaanad Aamina wuxuu ugu dhigay yahay xildhibaanada kuraasta loo xiray ee soo baxay fariin cad oo ujeedada looga gacan siiyay imaashaha baarlamaanka tahay lagama baxaan sababtii loo soo xushay inay tahay mid aan isbadal laga keeni karin.

Arrintaasi darteed ayaa waxay welwel iyo tiiraanyo hor leh ku abuurtay xildhibaanada kuraasta loo soo xulay, taasi oo hor istaageysa aragtidiisa siyaasadeed uu ugu biiri karo xisbi kale ama inuusan u codeyn karin murashax kale oo aan ka aheyn kii soo xushay.

Mid ka mid ah xildhibaanada ay soo saartay Villa Somalia oo Caasimada Online u waramay oo ka gaabsaday magaciisa in la shaaciyo sababo amni awgeed ayaa sheegay in walaac horleh uu soo wajahay dhamaan xildhibaanada kusoo baxay awooda madaxtooyada iyo kuwa maamul goboleedyada qaar.

Wuxuu mudanahaasi intaa raaciyay in sababta walaaca xoojisay ay tahay saraakiil horay ugu tirsanaa hay’adda NISA ee loo soo xulay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad inay tahay caqabad horleh oo lagu kontoroolaayo dhaq dhaqaaqa mudanayaasha iyo shirarkooda.

Ugu danbeyntii, baarlamaanka 11-aad ee Somalia waxaa ku jira saraakiil ka tirsan hay’adda NISA, kuwaasi oo ujeedadii loo soo geliyay tahay inay kontoroolaan dhaqdhaqaaqa iyo shirarka xildhibaanada iyo baarlamaankaba.