26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Culeys xoog leh oo Deni ka haysta inuu tartamo isagoo ah madaxweynaha Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu weli quudaraneeyo inuusan iska casilin xilka hoggaaminta maamulka Puntland oo uu sidaasi ku galo tartanka.

Casho uu dhawaan u sameeyey xildhibaanada laga soo doortay Puntland, ayuu Saciid Deni ka sheegay inuu rabo inuu Villa Somalia u tartamo isagoo ah hoggaamiyaha Puntland, haddii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu sheegay inuu rabo inuu kusoo laabto hoggaanka maamulka Puntland.

Inkastoo xildhibaanada uu u boobay kuraasta ee kulanka fadhiyey aysan taas kala doodi karin macquul ahaanshaheeda, haddana waxay dadkii kulanka ka warbixiyey hadalkaasi ka dhex fahmeyn walaaca Saciid Deni ka heysta inuu guul ka keeni karo doorashada Villa Somalia.

Kooxda Saciid Deni taageersan ee difaacaya qadiyadaan waxay soo xiganayaan Allaha u naxariistee madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo sidaas sameeyey kal hore, isagoo Puntland madax ka ahna u tartamay xukunka Soomaaliya, laakiin waxay kooxdaasi is ilowsiinayaan 18-sano kadib halka ay maanta Soomaalya joogto ama xataa halka ay Puntland joogto.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan laga soo xigtay inay Saciid Deni xilka ka qaadi doonaan haddii uu Xamar u baqoolo isaga oo aan is casilin.

Balse midda aan laga boodi karin ee Saciid ama musharax kasta sugeysa waa shuruudaha ay soo saari doonaan guddiga baarlamaaniga ah ee qaban doono doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay dhici karto inay keenaan shuruud ah inaan codsiga musharaxnimada laga qaban dooni qof xil kale haya.

Damaca Saciid Deni ee ah inuu Puntland sii heysto ayaa dhinaca kale xoojineysa wararkii ahaa inuu Deni rabo inuu qiimeyn labaad ku sameeyo musharaxnimadiisa markii uu Xamar tago, qiimeyntaas oo ah in haddii uu Farmaajo ka qaadan karin meesha inuu xoojiyo qofka ugu dhow ee ka qaadan kara Soomaalida kalana ka gadmi kara.

Isimada kasoo jeedo maamulka Puntland ayaa iyagana la sheegay inay wadaan abaabul xooggan oo ka dhan ah Saciid Cabdullaahi Deni, abaabulkaas mid waa inay Puntland deg deg u tashato marka uu baxo Deni oo aan la aqbalin inuu tartamo isagoo xilka heysta, midna waa inay Xamar uga daba tagaan oo ay Soomaalida u sheegaan Saciid Deni-ga rasmiga ah.

Deni iyo hoggaanka dhaqanka Puntland ayaa isla gaaray meeshii ugu xumeyd oo ay isla gaaraan hoggaamiye Puntland ah iyo dhaqankiisa taariikhda.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa buuq xooggan lagu furay sababta uu ugu istaagay xukunka oo uu ku sheegay inuu rabo inuu Farmaajo bixiyo.

Dadka siyaasadda faaqida waxay hadal jeedintii koowaad ee Saciid Deni ku qeexeen nin aan wax qorshe ah u heyn Soomaaliya ama aan aragti saxan ka heysan waxa uu u taagan yahay.

Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabtay hadal qasbsigii uu Saciid Deni ku sameeyey markii uu ku dhawaaqayey musharaxnimadiisa ayaa iygana yiri “ Farmaajo qorshe ma noqdee qaranka aad rabto qorshihiisa keen”.

Shirkii maanta ka dhacay xafiiska Rooble oo lagu magacaabay guddi cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii uu maanta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu magacaabay guddi cusub.

Wasiir ku-xigeenka amniga oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirkaas ayaa sheegay in guddigaas cusub isugu jiraan Wasiiro, Taliyeyaasha ciidamda iyo xubno AMISOM ah.

Guddiga ayaa baaritaan qoto dheer ku sameyn doona waxa laga yeelayo amniga garoonka diyaaradaha, qaasatan dadka galaya iyo dadka ka baxaya iyo weliba kuwa xayndaabkiisa dagan.

“Shirka si fiican ayuu kusoo dhamaaday, waxaana la saaray guddi soo turxaan bixin doona waxa laga yeelayo amniga airport-ka. Waxa uu naga codsaday warbixin dhameystiran waxaana lagu soo diyaarin doona sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka amniga.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la mid ah kii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shalay la yeeshay taliyayaasha hay’adaha amniga dalka, sidii ay saaka sii shaacisay Caasimada Online.

Rooble, oo aan saaka werinay inuu qabanayo kulankaan oo jawaab u ah Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ayada oo hogaanka ciidamada la faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu xalay ku dhashay Rooble kadib markii uu arkay inuu shalay Farmaajo la kulmay taliyayaasha ciidamada dalka.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo qeylo-dhaan ka timid Zelensky

0

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka Reer Galbeedka in ay dalkiisa ku caawiyaan diyaarado, taangiyo iyo hubka difaaca gantaalada.

Mr Zelensky ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka aan lagu soo ridi karin qoryaha darandooriga u dhaca.

Ra’iisul Wasaaraha Slovakia Eduard Heger ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu u diro hubkiisa difaaca gantaallada hawada ee S-300 ee Soofiyeeti uu sameeyay, haddii beddelkiisa la heli karo.

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in ay kordhineyso caawinaadda militeri ee ay siineyso Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Dmytro Kuleba, kadib markii uu Poland kula kulmay madaxweyne Joe Biden.

“Ma jiro waddan kale oo aan ka helnay caawinaad ka badan tan uu na siiyay Mareykanka, waana mid aad muhiimu ah,” ayuu yiri.

Ma uusan bixinin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nooca uu yahay garabka militeri ee ay ka heli doonaan Mareykanka, balse waxa uu yidhi: “Maanta waxaan ballamo dheeraad ah ka helnay Mareykanka, kuwaasoo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynteenna ku aaddan dhinaca difaaca.”

Dhanka kale, Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine JeneraaL Yakov Rezantsev oo la sheegay inuu dhintay Sabtidii ayaa noqday sarkaalka ugu sarreeyey oo Ruush ah ee lagu dilo dagaalka Ukraine.

Khubarada ayaa sheegay in niyad jabka ka dhex jira ciidamada Ruushka ay ku qasabtay saraakiisha sarsare inay ku dhawaadaan jiida hore ee dagaalka, taasina ay sababtay in la dilo saraakiil sarsare oo aad u tira badan oo gaaraya in ka badan 7 Jeneraalo oo Ruush ah.

Muxuu yahay HESHIISKA cusub ee ay kala saxiixdeen DF iyo QATAR? + Sawirro

0

Doha (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) la galay dowladda Qatar.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed kuwaas oo aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayada oo sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

“Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada,” ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarasha dalka,  iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah ayaa loo fidiyey kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.

Wararkii ugu dambeeyey weerar lagu qaaday ciidanka AMISOM ee xero MASLAX

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar gaadma ah ku qaaday ciidamada Uganda ee AMISOM ee deggan xerada Maslax oo ku taal xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, waxaan weerarka xigay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday qoriga garabka laga rido ee Zabanka oo lagu dhuftay iridka laga galo xerada waxaana kadib xigay iska hor imaad saacad socday.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday inta uu dagaalka socday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo si weyn looga dareemay qaybo badan oo ka mid ah degmada Heliwaa.

Sidoo kale waxaa mar dambe dagaalka ku biiray ciidamada Booliska Haramcad ee fariisinka ku leh xaafadda Suuqa Xoolaha, taas oo keentay in dagaalka uu sii xoogeysto.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare kala duwan, balse aysan caddeyn ka rin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaalyahanadii weerarka qaaday oo dhabarjabin kala kulmay ciidamada Haramcad ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga carareen, waxaana kadib howlgallo sameeyey ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ee lagu weeraray xerada Maslax.

Xaaladda ayaa deggan, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo todobaadyo gudahooda lagu qaado AMISOM, waxaana ka horreeyey kii lagu beesaday Xalane.

Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

Xog: Dood hareysay kulan uu qabtay Qoor Qoor oo dib u dhigtay musharaxnimadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka cusub ee laga soo doortay Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qoor Qoor uu kulanka ka lahaa laba ujeedo oo kala ahaa in wadatashi uu la qaato xildhibaanada cusub ee baarlamaanka iyo in uu ku dhawaaqo inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa si weyn looga hadlay xaalada amni xumo ee dalka ku sugan yahay xiligaan iyo sidii dalka looga saari lahaa xaaladadan adag ee kala guurka.

Xildhibaanada kulanka kasoo qeybgalay ayaa ku kala qeybsamay ajandaha xaaladda amniga iyo sidii looga saari lahaa dalka amni xumida jirta xilliga kala guurka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markii xildhibaanada dhexdooda ay ku kala qeybsameen shirka, ay doodaas sababtay in Qoor Qoor uu dib u dhigo inuu ku dhawaaqo in uu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dooda xildhibaanada iyo fikir kala duwanaanshahooda ayaa loo badinayaa in ay tahay inuu ka gaabsado Qoor Qoor qorshahii uu isugu yeeray xildhibaanada cusub, taas badalkeedna madaxweyne Qoor Qoor ayaa xildhibaannada cusub kula dardaarmay inay ka gudbaan tafaraaruqa dhexdooda taas badalkeedna inay muujiyaan isku duubni iyo go’aan mideysansi. 

Xog: ROOBLE oo ku baaqay kulan JAWAAB u ah kii uu FARMAAJO qabtay shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan isugu yeeray taliyayaasha ciidamada amniga dalka, maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble uu xalay farriin u diray dhammaan taliyayaasha uguna baaqay inay isugu yimaadaan kulan maanta ka dhacaya xafiiska.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay. 

Farmaajo oo shalay kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee “falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.”

Kadib kulankaas ayaa waxaa taageerayaasha Rooble ay niyadjab ka muujiyeen in awoodda amniga dalka uusan gacan ugu jirin oo taliyayaasha ay si buuxda ugu xiran yihiin ugana amar qaataan Farmaajo.

Rooble ayaa lagu eedeeyaa inuu siyaasad ahaan yahay nin aan aragti fog laheyn balse mar kasta go’aanadiisa ay ku saleysan yihiin falcelin.

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa rumeysan in Rooble ay aheyd inuu isugu yeero taliyayaasha ciidamada amniga, oo oo uu kala hadlo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyadii Beledweyne iyo in amniga dalka la adkeeyo, balse aysan aheyn inuu taas kusoo baraarugo markii uu Farmaajo qaaday tallaabo noocaas ah.

NISA oo ka digtay qarax lala damacsan yahay shirkad ka howlgasha garoonka – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kooxda Al-Shabaab ay qorsheysay in maalmaha soo socda ama 72 saac gudahood ah beegsato mid ka mid ah gaadiidka shirkadda gaarka loo leeyahay ee SAHAL ee garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo geysa kana soo qaada dadka safarka ah iyo kuwa imanaya. 

Xogta oo la helay shalay oo Sabti aheyd ayaa sheegaysa in Al-Shabaab ay diyaarisay qarax ismiidaamin ah balse xogta ma sheegeyso jinsiyada qofka fulinaya qaraxa inuu yahay rag ama dumar.

Qaraxa ayaa bartilmaameedkiisu yahay in lagu beegsado gaari ay leedahay Shirkadda SAHAL, kasoo daad gureeya shaqaalaha garoonka Aadan Cadde. Bartilmaameedka qaraxa ayaa lagu sheegay gaari Noaha ah, midib caddaan ah leh.

Sidoo kale, xogtaan oo hay’addaha amniga ogyihiin ayaa waxay shirkadda SAHAL gaarsiisay fariin digniin ah, waxaana lagu wargeliyay dhowr tallooyin ay hay’adda NISA soo gudbisay si feejignaan iyo ka hortagba looga sameeyo qaraxa ismiidaaminta.

Talooyinka la siiyay shirkadda SAHAL waxaa ka mid ah in dadaal xoogan galo sidii nolol ama geeri loogu qaban lahaa ismiidaamiyaha, in baaris lagu sameeyo agagaarka albaabka hore ee garoonka diyaaradaha, in ganacsiga laga joojiyo agagaarka garoonka, in shaqada laga joojiyo gaadiidka daabusha shacabka iy shaqaalaha dowladda iyo in howsha gaariga bartilmaameedka ah la joojiyo

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa dhacay weeraro iyo qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo qaraxii ismiidaaminta Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo dad tiro badan.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale ayaa ka digay in magaalada Muqdisho ay ka dhici doonaan qaraxyo dad shacab ah iyo mas’uuliyiinba lagu laynayo maalmaha soo socda.

Maxaa ka jira in musharax Daahir Geelle uu tirsan yahay urur diimeedka lagu sheegay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaaciyey urur diidmeedka uu ka tirsan yahay.

Musharax Daahir oo wareysi siiyey telefishinka Goobjoog ayaa la waydiiyey waxa ka jiro inuu ka tirsan yahay ururka Ictisaam oo kamid ah urur diimeedyada ka jira Soomaaliya, haddii uu ka tirsan yahayna waxaa la waydiiyey sida uu dalka u maamuli karo, maadama urur diimeedyo kale ay dalka ka jiraan?

Wuxuu ku jawaabay  “Su’aashaan meelo badana waa la iga waydiiyey, waxay bulshada i waydiiyaana waan ka jawaabayaa, aniga hadda urur kama tirsani, kama tirsaneyn kuma dhahayo, hadda kama tirsani”.

Daahir Geelle ayaa qirtay inuu horay uga tirsanaa Ururka Ictisaam, balse hadda wuxuu sheegay in uusan urur ka tirsaneyn, wuxuuna sababta ka dhigay in qofka madaxweynaha ka noqonaya dalka laga rabo in uusan qofka ama urur gaar ah u xirneyn.

Wuxuu sheegay in dalka ay ka jiraan ururro iyo kooxo kala duwan, isagoo ballan qaaday inuu noqon doono dhex-dhexaad isku wadi kara kooxaha iyo ururrada dalka ka jira.

Doorashada Soomaaliya ayaa a filayaa inay dhacdo inta uusan dhammaan sanadkaan, waxaana ka qeybgeli doona musharixiinta kala duwan ee isku soo taagay xilkaan.

Cabdicasiis Lafta Gareen: Ma rabno in nala hogaamiyo oo anagaa wax hogaamineyna

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo khudbad sagootin ah u jeediyey xildhibaanada laga soo doortay maamulka ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Lafta Gareen ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday doorashada Golaha Shacabka ee haatan mareysa gabagabada, wuxuuna sheegay inay geliyeen qabsoomideeda dadaal xoog leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in markii arkeen inay maamullada kale Baarlamaanka ku soo dareen saraakiil ay iyaguna soo dirsadeen Janano.

“Baarlamaanka waxaa ku jiro oo maamulada kale markii ay keeneen aan annagana keennay waxa la yiraahdo Janano, intaas oo dedaal ah markii ay marayeen reer Koonfur Galbeed ujeedadeeda waxa ay ahayd in aan dib inta nagu soo noqotaan oo aan na dhihin waxaas ma qabno oo kuwaas ayaa qaba, wax weliba oo Soomaali heysato waad heysataan, haddii Aqoon ay tahay, Haddii waayo-aragno tahay, Haddii Jananimo tahay, Haddii dhalinyaronimo tahay, Haddii Diin ay tahay iyo haddii ay Maadi tahayba intaba waad heysataan ” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wal-wal xoogan ay ku heyso doorashada iyo dhameystirkeeda, isla-markaana uu habeenkii ku riyoodo iyadoo qof la dooranayo, inkastoo uusan shaacin qofka uu yahay, walow isagu ka mid yahay kooxda madaxweyne Farmaajo.

Isaga oo ka hadlayey doorka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee doorashada ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay heestaan xildhibaanada ugu badan, ayna dooneyn in la hoggaamiyo, balse iyagu ay wax hoggaamin doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Habeenkii markaan seexdo waxaan ku riyoodaa iyadoo qof la doranayo, maadaama aan nahay maamulka heysta xildhibaanada ugu tirada badan ma rabno in nala hoggaamiyo oo annagaa wax hoggaamineyna,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu Lafta Gareen kula dardaamray xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed inay muujiyaan midnimo, ayna la yimaadaan metelaad dhab ah.

“Waxa ugu horreeyo ee aan idinka dalbanayo waa in aad midnimo sameysaan si aad u muujisaan sumadda DG Koonfur Galbeed oo aad ka dhex muuqataan Baarlamaanka, waxa aan nahay Dadka ugu badan, ma rabno in nala hoggaamiyo sanadkaan oo aan innaga hogaamino, masiirka ummadda Soomaaliya waa in aan goynaa oo aan naloo yeerin ee aan annaga yeerino” ayuu markale yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Baarlamaanka, kuna soo gabagabeeyey waqtii lagu ballamay ee 15-kii March.

Maxay Hindiya ka tiri kororka weerarada Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda Hindiya ayaa waxaa si xoogan loogu cambaareeyey weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaan weerarkii ugu dambeeyey ee 23-kii bishan lagu qaday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo ahaa mid ah toos ah, isla-markaana lagu dilay ilaa ugu yaraan 6 qof oo 5 ka mid ah ay ahaayeen Ajaaniib.

Qoraalkan ayaa waxa sidoo kale ay Hindiya ku sheegtay in kororka weerarada Al-Shabaab aysan kaliya khatar ku aheyn Soomaaliya, balse ay halis ku yihiin addduunka oo dhan.

Hindiya ayaa intaasi ku dartay inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, isla-markaana ay garab taagan tahay ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Dhanka kale dowladda Hindiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay la jibaar doonto dadaalladeeda ku aadan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo xasiloonida dalka.

“Waxaan mar kale ku celinaynaa in aan si buuxda u taageersanahay howlgallada ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo in beesha caalamku ay sii waddo garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro argagixisada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Soomaaliya haatan ay wajaheyso xaalad amni darro, xilli lagu jiro doorasho, kadib markii ay Al-Shabaab kordhisay weeradeeda gudaha dalka.

Danjire Diinaari iyo Yuusuf Xasan oo ka hadlay qodobo muhiim u ah saxaafadda

Macalin Yuusuf Xassan oo ka mid ah suxufiyiinta ugu magaca weyn ee la soo shaqeeyay BBC laamaha Carabiga & Soomaaliga & Danjire C/raxmaan Nuur Maxamed [Diinaari] oo ka mid ahaa hormuudkii aasaasayaasha n warbaahinta xorta ah burburkii kaddib ayaa ugu baaqay suxufiyiinta Soomaalida in ay ka shaqeeyaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen aqoonta xirfadooda, ulana jaan-qaadaan habka ay u shaqeyso warbaahinta caalamka. 

“Suxufigu sida qof kasta oo kale oo muwaadin ahi ay mas’uul uga saaran tahay waddankiisa, ayeey isagana mas’uuliyadi ugu saaran tahay. Arki meysid suxufi ka soo horjeesanaya danta & maslaxada dalkiisa, annaga suxufigeena waxaa dhici karta inuu ka shaqeeyo wax liddi ku  ah danaha & masaaliixda dalkiisa, oo uu warar ka raadiyo wax meel ka dhac ku ah qiyamka & sharafta dalkiisa” Ayuu yiri Danjire C/raxmaan Diinaari, mar uu ka hadlayay sida la isku qabad-siin karo suxufigu isaga oo dhinac-na ka gudanaya waajibaadkiisa shaqo in dhinaca kale-na uu mudnaanta 1aad siiyo ilaalinta  Qaranimada bad, dhul & cir ee dalkiisa. 

Danjire Diinaari, wuxuu tusaale u soo qaatay murankii dowladda Kenya ay gelisay badda Soomaaliya, in suxufiyiinta Soomaalidu ay buunbuuninayeen hadaladii ka soo baxayay Kenya, taas oo uu ku tilmaamay mid aan dhinaca kale [suxufiyiinta Kenya] ka suurtageli laheyn. 

“Waxaan arkayay  markii Kenya ay Soomaaliya ku eedeyneysay arrinta badda suxufiyiin war ka raadinaya, suxufigu isaga oo xeerkiisa & shuruucdiisa ku taagan ayuu dalkiisa difaaci kara” Ayuu yiri Danjire Diinaari. 

Yuusuf Xassan oo ah khabiir & macalin saxaafadeed, ayaa dhinaciisa sheegay suxufiga waajib ku tahay barashada xeerarka & shuruucda saxaafadda. 

“Suxufigu, waa inuu dhaqanka, diinta & dadka dhageysanaya ixtiraamo, oo wixii uu doono aanu isaga hadlin, suxufigu haddii uusan dhowrin dhaqanka & anshaxa waddaniyad na ilaalin maayo” Ayuu yiri Yuusuf Xassan, wuxuuna intaasi ku daray in dhexdhexaadnimadu ay rugni adag tahay mihnada saxaafadda. 

“Duuliyuhu haddii uusan khibrad fiican laheyn dadka dayuurada saaran ayuu la gedin karaa, waxaa la mid ah dhaqatarka haddii uusan khibrad laheyn daawooyinkiisa ayaa loo dhiman karaa, suxufigu intaas oo dhan wuu ka qatar badan yahay, malaayiin ama kumanaan ayuu sumeynayaa” Ayuu yiri Yuusuf Xassan, wuxuuna intaasi raaciyay in war been abuur ah marka suxufigu soo gudbiyo inuu sababi karo in ay dad isku laayaan ama ku barakacaan. 

Macalin Yuusuf Xassan, mar la weydiiyay xilligii Muqdisho ay ka talinayeen hogaamiye kooxeedyada & waqtigan oo dalku ku jiro marxalad soo kabasho dhanka dowladnimada ah waqtiga saxaafadda u wanaagsan, wuxuu ku jawaabay: 

“Horta nolosha iyo horumarkeeda & in rajo fiican oo dowladnimo ahi jirto xilligan ayaa fiican, laakiin xagga shaqada suxufinimada & howlihiisa xilligaas ayaa fiican, ma arkin xilligan waqti ka xun oo ay saxaafaddu soo martay”. 

HOOS KA DAAWO MACLUUMAADKA OO DHAMEYSTIRAN.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan
E-mail: [email protected] 

Al-Shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday Af-urur

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo ku yaal gobolka Bari.

Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka qaaday, kaas oo saacado qaatay.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga iyo hareerihiisa, waxaana ay shaaciyeen inay soo wajahday cabsi xoogan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Ugu yaraan 5 askari ayaa ku dhintay weerarka halka ay ku dhaawacmeen 9 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dhanka kale saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday, kuwa kalena ay dhaawaceen.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada Puntland oo gurmad ka helay kuwa PSF ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso.

Weerarkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo deegaanada Puntland maalmihii u dmabeeyey ay ka dhacayeen falal ammaan dari, iyada oo loo sababeynayo mashquulka doorashada.

PUNTLAND oo toogasho ku fulisay Cabduqaadir Muuse

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Muuse oo ku magac dheeraa (Af-dheere), kaas oo loo heestay dilka Allaha u naxariistee marxuum Bootaan Maxamed Bootaan (Cawl).

Goobta lagu qisaasay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, iyada oo toogashada ay fuliyeen qoyska marxuum Bootaan Cawl.

Maxkamadeynta ninka la toogtay ayaa soo martay heerar kala duwan, iyadoo maxkamaddu ugu dambeyn dil ku xukuntay saddexdii bishii Febaraayo ee sanadkan 2022, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayaa 30-kii bishii September ee sanadkii 2021-kii duleedka magaalada Garoowe ku dilay Bootaan Cawl oo ka tirsanaa ciidanka PSF-ta.

Saraakiisha maxkamadda ayaa sidoo kale ku goodiyay in la ciqaabi doono cid kasta oo dil si bareer ah u geysata, waxayna si gaar ah askarta u fareen inay muujiyaan feejignaan.

Dhinaca kale ehellada marxuumkii horey loo dilay oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay fulisay maxkamadda ciidamada, iyagoo u mahadceliyey Puntland.

Puntland ayaa horey xukuno adag uga soo saartay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka maamulkaasi, ayada oo ujeedka ku sheegtay yareynta dambiyada dilalka.

Sawiro: Sanbaloolshe oo loolan adag wajahaya – Cosbole iyo xubno miisaan culus oo kursiga ku haysta

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Loolan adag ayuu wajahayaa kursiga HOP#058 ee beesha Cali-Madaxweyne – Xawaadle, kaas oo doorashadiisa berri lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Todoba musharax oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa ka mid ah xubnaha galabta ilaa caawa la siiyey shahaadada musharaxnimada kursigaas.

Nuur Iidow Beyle oo horay ugu fadhiyey kursigaan ayaa xalay shaaciyey inuu ka haray tartanka, kadib markii la soo saaray liiska guddiga soo xulaya ergada dooraneysa kursigaas.

Tartanka kursigaan oo ah mid furan ayaa xiiso gaar ah u yeelaya doorashadiisa, iyadoo musharaxiinta u taagan intooda badana ay yihiin rag miisaan ku leh siyaasadda.

Todobada xubnood ee shahaadooyinka musharaxnimada kursigaas la gudoonsiiyey ayaa kala ah:

1– Cali Cabdullahi Cusoble, Madaxweynihii hore ee HirShabeelle
2– Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe, Taliyihii hore ee NISA
3– Eng. Yoonis Maxamed Nuur
4– Cabdulqaadir Xuseen Colow
5– Cabdullahi Axmed Xuseen
6– Ubax Cali Sheegow
7– Maxamuud Afdhuub Makaraan

Kursigaan waxaa sanadkii 2016-kii ku soo baxay Cabdullahi Sanbaloolshe oo iska casilay bilo kadib, markii Farmaajo u magacaabay Taliyaha NISA, xilligaasna waxaa qaatay Nuur Iidow Beyle oo hadda tartanka ka haray.

HOP#058 wuxuu ka mid yahay kuraasta ugu loolanka adag ee Beledweyne taalla, waxaana soo xirantay xodxodashadii xubnaha qaar ay ku hayeen hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo ku adkeystay in kursigaas aan qof gaar ah loo xiri doonin oo tartankiisa uu yahay mid furan.

Puntland oo qaaday tallaabo dhabar-jab ku ah qorshaha Qoor Qoor iyo Laftagareen

0

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland, ayaa guddiga doorashooyinka heer federaal ku wareejiyey xogta iyo galalka doorashadii baarlamaanka ee ka dhacday deegaanada Puntland.

“Waxaan oga mahadcelinaynaa Guddiga SEIT Puntland, sida hufnaanta leh oo ay ula shaqeeyeen GHDHF, sidoo kalena waxaan ku boorrinaynaa guddiyada kale inay soo wareejiyaan dhammaan xogta doorashada iyo xildhibaannada lasoo doortay, si guddiga FEIT uu fuliyo jadwalka dhammeystirka doorashada ee uu dhawaan shaaciyey,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray guuddiga doorashooyinka heer federaalka.

Taallaabada ay qaaday Puntland waxaa horay u diiday maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo ku andacooday in howshaan aysan aheyn mid u taalla guddiga doorashooyinka federaalka iyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha toona.

Waxay ku doodeen in hadda kadib shir ay yeeshaan madaxda golaha wadatashiga qaranka go’aan looga gaari doono cidka hoggaanka u qabaneysa qorshaha soo xareynta xildhibaanada iyo dhaarintooda.

Hase yeeshee Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay iska indha tireen heshiisyadii ugu dambeeyey ee doorashada oo lagu cadeeyey in guddiga doorashooyinka heer federaal uu howshaas u xil-saaran yahay, halka xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu soo qaban qaabinayo xafladda dhaarinta xildhibaanada labada Aqal.

Koonfur Galbeed ayaa maanta qaaday taallaabo ka duwan tan caawa ay ku dhaqaaqday Puntland, wuxuuna madaxweyne Laftagareen shahaadooyin ku meel gaar ah guddoonsiiyey xildhibaanadii lagu doortay deegaanada maamulkaas.

14-ka bisha soo socota ee Abriil ayaa jadwalka ugu qoran guddiga doorashooyinka federaalka in la dhaariyo xubnaha baarlamaanka, balse ma jirto wax is-fahan ah oo laga gaaray dooda ay miiska soo saareen Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo iska diiday fulinta jadwalkaas.

Koonfur Galbeed oo ka fal-celisay codsigii fanaan hore Axmed Biif oo hooyadiis…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xabsiga la dhigay labo qof oo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen falal uu cabasho kasoo gubiyay fannaan hore Axmed Biif oo hadda ka baxay fanka, lana baxay Axmed Kheyr.

Xarigga ayaa yimid, kadib markii uu muuqaal cabasho ah soo duubay Axmed Cabdikariin Maxamed (Axmed Kheyr) oo sheegay in Hooyadiis oo ku sugan magaalada Baydhaba uu dhibaato ku hayo nin ay xaas u tahay.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur, ayaa sheegay in ninkii hooyada Axmed Kheyr seygeeda ahaa iyo wiil kale oo dhallinyaro ah xabsiga loo taxaabay.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo dhammaan mas’uuliyiinta maamulkaas aysan marna aqbali doonin in qof sharaftiisa wax loo dhimo.

“Walaalkeen Axmed wuxuu ka codsaday Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiinta reer Koonfur Galbeed, in dadkii dhibka u geystay gacanta lagu soo dhigo, waxaan cadeynayaa raali kama noqon karno in sharafta qof Soomaaliyeed dhib loo geysto, waxaan idiin cadeynayaa in dadkii dhibka geystay ay xalay ku baryeen xabsiga,” ayuu yiri Wasiir Ilyaas.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Adeerkii garaacaayey hooyada dhashay Axmed Kheyr iyo wiil Cabdiqani Maxamed la yiraahdo oo Video-ga ku jiray, waa lasoo qabtay, labadaas nin waa xiran yihiin taallaabo sharci ah ayaana laga qaaday.”

Wiilka lala xiray ninka odayga ah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qofkii muuqaalka ka duubay, xilliga loo gacan qaadayay hooyada dhashay Axmed Kheyr oo ku nool magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Muuqaalka uu soo duubay fannaanka hore Axmed Kheyr oo hadda wadaad ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada, isagoo sheegaya inuu ciil iyo uur ku taallo la hoya waayey.

Sidoo kale muuqaalka laga soo duubay hooyada dhashay Axmed Kheyr ayaa muujinayey, iyadoo wiilkeeda ka codsaneysa inuu guri u dhiso, waxaana fariintaas ku qasbaayey inay soo gudbisay seygeeda oo codkiisa muuqaalka laga dhex maqlaayey isagoo leh “Ku dheh wiilkaaga halkaan – Baydhaba iiga dhis dheh guri.”

Hoos ka daawo wasiir Ilyaas

Farmaajo oo isugu yeeray taliyayaasha ciidanka iyo xog laga bixiyey weeraradii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee “falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.”

Si kastaba, lama shaacin xogta baarinaadaas horudhac ah kasoo baxay.

Farmaajo ayaa sida qoraalka lagu sheegay soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu ay kordhiyaan howl-galladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho ayna nagu soo wajahantahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo sanadihii la soo dhaafay ay ku guuleysatay Dowladdu ka hortagga iyo yareynta dhagartii argagixisadu ay soo maleegi jireen Bishan.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al-Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay ciidammadu samaynayaan hawlgallada lagu sugayo amniga, sidoo kalena, la xoojiyo wadashaqeynta iyo is-dhexgalka Hay’adaha Ammaanka iyo Bulshada, si kor loogu qaado wadashaqaynta iyo kalsoonida shacabku ay ku qabo ciidammadooda geesiyaasha ah. 

 

Qarax gaari oo ka dhacay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow qarax gaari ah uu ka dhacay  degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay dhaawaca laba askari oo ka tirsan ilaalada shacabka ee ciidamada Nabad Sugidda (NISA) ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari qof shacab ah uu lahaa balse ujeedadiisa ay aheyd in lagu waxyeeleeyo askar ka tirsan hay’adda NISA, gaar ahaan ciidamada loo yaqaan ilaalada shacabka oo fadhiisan u ah halka gaari mar walbo la dhigi jiray.

Ciidamo ka socda hay’adda NISA iyo kuwa booliska ayaa goobta tegay, mana jirto cid loo qabtay qaraxaasi.

Qaraxyada iyo weerarada Muqdisho ayaa kordhay toddobaadyadii dhowaa, ayada oo weerar culus Khamiistii lagu qaaday garoonak Aadan Cadde ee Muqdisho, kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 6 qof, oo shan ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaa kasoo faah faahin doonaa Insha Allaah

Isbedel lama filaan ah oo ku yimid dagaalka Ukraine kadib go’aan ay qaateen Ruushka

Kyiv (Caasimada Online) – Dagaalka Ukraine ayaa isbeddel lama filaan ah uu ku yimid kadib markii ciidamada Ruushka ay billaabeen inay diiraddooda ka wareejiyaan isku daygii ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Kyiv, ayaga oo sheegay inay hadda u weecanayaan gobolka Donbas

Moscow ayaa tallaabadan ku qeexday mid lagu xoreynayo gobolka Donbas ee warshadaha badan, taasi oo weji cusub u yeeshay dagaalka. 

Weli ma cadda waxa ay tani hoggaamin doonto iyo haddii madaxweyne Vladimir Putin uu dib uga laabtay damacyadiisa, isaga oo raadinaya waddo uu kaga baxo dagaalka.

Ciidamada Ruushka oo markii hore weerar ahaa ayaa dhowaan billaabay inay dhufeyso difaac ah ka qotaan aagga Kyiv, halka kuwii Ukraine ee difaaca ku jiray ay billaabeen siqitaan, taasi oo tusmeysay heerka iska caabinta ciidanka Ukraine. 

Ciidamada Ruushka ayaa laga yaabaa in ujeedkoodu yahay inay dagaalka sii wadayaan ayaga oo yareynaya diiraddooda, ama damacsan inay dib isu urursadaan kadib guuldarrooyinkii ku asiibay bishii ugu horeysay dagaalka, sidaas darteena ay Donbas ka dhiganayaan bar cusub oo billow ah, sida uu sheegay taxliiliye Mareykan ah

Ciidamada Putin ayaa waxaa culeys badan uu ka saaran yahay qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, waxaana Mareykanka iyo dalalka kale ay xoojinayaan hubka iyo sahayda ay u daabulaan Ukraine.

Maalmihii tegay, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay arkaan caddeynmo muujinaya in ciidamadii Ukraine ee difaaca ahaa oo meelaha qaar ka billaabay inay weerar qaadaan.

Horraantii toddobaadkan, waxay awoodeen inay weeraraan Markab weyn oo Ruushiyaan ah oo ku sugnaa deked ku teedsan xeebta Badda Madow.

Hase yeeshee, Ruushka ayaa weli guulo ka sheeganaya dagaalka, ayada oo Jeneraal sare uu sheegay in ciidamadooda ay ku guuleysteen “hadafyadii ugu waa weynaa” ee wejigii hore ee dagaalka, oo Moscow ay ugu yeertay “Howlgal gara ah.”

Jeneraal Sergei Rudskoi ayaa sheegay in ciidamada Ruushka “ay si la taaban karo u yareeyeen” awooodda dagaal ee militraiga Ukraine, sidaas darteedna ay ciidamada Ruushka “ay hadda dadaalkooda isugu gayn doonaan hadafka ugu weyn oo ah xoreynta Donbas.”