26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Sheekh Shariif oo soo saaray baaq deg deg ah oo ku wajahan laba arrin oo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dalku ku jiro xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin.

Sheekh Shariif oo hadda ah musharax ayaa sheegay in habaca jira uu banaanka soo dhigay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha amniga ay ugu guul-daraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday.

“Sidoo kale hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida, IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray caawa.

Wuxuu soo bandhigay labo qatarood oo waaweyn oo jiitanka doorashada uu ku keeni karo dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda dalka.

2- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.

“Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Isagoo baaq u diray Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada wuxuu yiri, “Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaranka iyo guddiyada doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan, lana dhaariyo xildhibaanada, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.”

Maxay tahay sababta uu Qoor Qoor dib ugu soo magacaabay Wasiir Cabdi Waayeel?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa shaqadiisa dib ugu celiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Madaxweyne ku xikeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid ayaa 29-kii bishii May ee sanadkii hore xilka ka qaaday Wasiir Cabdi Waayeel, xilligaas oo uu socotay qorshe golayaasha deegaanka loogu dhisayo degmooyinka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa faray dhamaan hey’adaha kala duwan ee Galmudug inay la shaqeeyaan wasiir Cabdi Waayeel, si howsha wasaaradda uu u guto.

Cabdi Waayeel ayaa sanadkii hore xilka looga qaaday is-qabqabsi ka dhashay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Balambal, waxaana xusid mudan in degmadaas ay ku loolamaan laba beelood, kuwaas oo dagaallo dhiig badani ku daatay ay dhexmareen.

Warqadii xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Maalin ka hor inta aan xilka laga qaadin wuxuu soo magacaabay golaha deegaanka degmada Balambal, tallaabadaas oo beesha Ayaanle Cayr ay aad uga soo hor jeesatay, ayaa la aaminsan yahay inay sababtay xilka qaadistii wasiirkaan caawa dib loogu celiyey shaqadiisa.

 

Tirada iyo magacyada wasiiro goboleedyada ee ku biiray baarlamaanka cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Baarlamaanka federaalka ee dalka ka socotay ayaa waxaa kusoo baxay illaa hadda ku dhawaad 23 xubnood oo ka tirsan wasiirrada maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.

Xubnahaan wasiirada ayaa waxay ka kala tirsan yihiin xukuumadaha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, waxayna si toos ah uga mid noqdeen baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal.

Doorashada dalka oo u muuqatay mid xulasho ah oo ay inta badan iska maamulanayeen madaxda maamulada ayaa waxaa Wasiirada u badan ku darsaday Koonfur Galbeed oo ay kasoo galeen ilaa 11 wasiir, halka Puntland ilaa 6 wasiir ku darsatay, ayada Jubbaland iyo Galamudug ay ku dhawaad 6 wasiir uga biireen baarlamaanka 11-aad.

Hoos ka aqriso dowlad goboleed kasta iyo Wasiirada ugu biiray baarlamaanka;

Koonfur Galbeed:

1. Axmed Madoobe: Wasiirka qorsheynta
2. Maxamed Abuukar: Wasiirka arrimaha gudaha
3. Isxaaq Subag: Wasiirka amniga
4. Maxamed Yuusuf: Wasiirka waxbarashada
5. Saalax Shariif: Wasiirka awqaafta
6. Mukhtaar Guuleed: Wasiirka xanaanada xoolaha
7. Maxamed Cali Xasan: Howlaha guud
8. Aweys Xasan: Wasiirka dekadaha
9. Axmed Mashruuc: Wasiirka ganacsiga
10.Cabdiqaadir Barako: Wasiir ku-xigeenka gargaarka
11. Maxamed Aadan: Wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Puntland:

1. Cabdigafaar Xaange: Wasiirka qorsheynta
2. Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan): Wasiir ku-xigeenka maaliyadda
3. Fardowsa Cismaan Cigaal: Wasiiru-dowlaha shaqada iyo shaqaalaha
4. Cabdullahi Rooble: Wasiir-dowlaha Wasaaradda waxbarashada Puntland
5. Zeynab Ismaaciil Tiimbiye: Wasiir ku-xigeenka deegaanka iyo Beeraha Puntland ayaa iyadana noqotay Senator
6. Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino): oo ahaa wasiirka Dekadaha Puntland ayaa noqday Senator

Jubbaland:

1. Cabaas Cali Ibraahim oo madax ka ah wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka
2. Cabdirashiid Jire Qalinle ah wasiiru-dowlaha madaxtooyada
3. Xeri Gaani oo ah wasiiru-dowlaha maaliyadda oo xildhibaan kasoo helay Puntland.

Galmudug:

1. Farxaan Cali Maxamuud oo ahaa wasiirka Maaliyadda ayaa noqday Senator
2. Aadan Qoryooley: Wasiirka boostada ayaa kusoo baxay xubin golaha shacabka
3. Siciid Siyaad Shirwac oo ahaa wasiirka deegaanka uu isna noqday Senator

Si kastaba, Doorashada Baarlamaanka ayaa mareysa heer gab-gabo ah, wuxuuna maamulka Koonfur Galbeed uu dhameystiray 77 kursi, Galamudug ayaa isna dhameystiray 45 kursi, halka maamulka Jubbaland uu ilaa iyo hadda soo xulay 35 kursi oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, una harsan 16 kursi oo golaha shacabka ah.

Canada oo masaafurineysa 157 Soomaali ah oo dalkaas ku galay baasaboorka dalka…

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa lasoo warinaya inay qorsheyneyso musaafurinta dhallinyaro Soomaali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan.

Arrinta u weyn ee wajahayaan dhalintaan Soomaalida ah ayaa ah inay dalkaas ku galeen baasaboor Kenyan ah, waxayna Saraakiisha dowladda Canada ku doodayaan in dhalinyartaasi ay yihiin Kenyan.

Maryan Axmed Maxamuud (Maryan Qoorweyne) oo ka shaqeysa arrimaha bulshada, kana mid ah dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa sheegtay in dhalinyartaan siyaabo kala duwan u soo galeen dalka, qaarkoodna ay halis usoo galiyeen naftooda sidii ay usoo gaari lahaayeen Canada.

“Waxay leeyihiin waxaa tihiin Kenyan way qaldan tahay dhalashadiina. Qaar ayaa aad u dadaalay oo baasaboor Soomaali iyo markhaatiyaal keenay, weli dowladda waxay leedahay Id-gii hore ee kusoo gasheen ayaa tixgelineyna oo Soomaali ma tihiin waxaa tihiin Kenyan, waana idin dhoofineyna,” ayey tiri.

“Dhalinyartaan waxaa jira kuwa aan diyaarad arkin oo doon ku imaaday Canada, oo soo arkay marxalado kala duwan oo soo dhibtooday. Inta ayey imaadeen nolol ayey sameysteen oo sharci ayey heleen wixii oo dhan ayaa laga qaaday.”

Sidoo kale waxay sheegtay in cudur maskaxda ah qaadeen qaar kamid ah dhalinyartaan ay musaafurineyso dowladda Canada kadib markii lagu wargeliyay arrintaan, qarkana u saaran yihiin inay is-dilaan, sida ay sheegtay

Maryan ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay dadaal badan ugu jiraan sidii dib looga laaban lahaa qorshaha Canada ay ku musaafurineyso dhalinyaradaan Soomaalida ah ee loo haysto inay ka been abuureen dhalashadooda.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso, hase yeeshe wakaaladda xudduudaha Canada waxay sheegtay inay gaarayaan 157 qof, halka dadka u doodaya dhallinyaradan ay rumeysan yihiin inay gaarayaan boqollaal qof.

Daacish oo weerar dhimasho leh ‘ka fulisay’ ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa maanta sheegatay mas’uuliyadda toogasho ka dhacday waqooyiga Israel oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah, sida uu ka warramay bayaan lagu baahiyey website-ka dacaayadda kooxdaas faafiya ee Amaq.

“Laba xubnood oo ka tirsan booliska dalka Yahuudda ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish oo aan inta badan sheegan weeraro ka dhaca gudaha Israel.

Kooxda ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanadeeda ay fuliyeen toogashada oo Axaddii ka dhacday waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera ee waqooyiga Israel.

Waxay sheegatay in 10 kale lagu dhaawacay iskudhac xigay toogashada.
Sida ay ku warrantay kooxda sirdoonka ee SITE, waa markii ugu horreysay tan iyo 2017 oo Daacish ay si rasmi ah u sheegato weerar ka dhacay gudaha Israel.

Weerarkan dhimashada leh ayaa yimid ayada oo wasiiro arrimo dibadeedyada afar dal oo Carbeed iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ay isugu yimaadeen koonfurta Israel oo ay ku yeesheen kulan goboleed aan caadi aheyn.

Dudu Boani, oo ah taliye ku-xigeeka booliska gobolka, ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday la toogtay.

Maamulkii Daacish – oo xukumeysay malaayin qof oo ku nool qeybo badan oo ka mid ah Syria iyo Iraq – ayaa si rasmi ah loogu dhowaaqay in laga adkaaday 23-kii March 2019.

Hase yeeshee, xubnaha Daacish ayaa weli wada inay weeraro ka fuliyaan caalamka.

Horraantii bishan, Daacish ayaa xaqiijisay geerida hoggaamiyaheeda Abu Ibrahim al-Qurashi waxayna u magacowday Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu beddelo.

AFP + VOA

Yaa ku guuleystay kursigii ay ku tartameen Sanbaloolshe iyo 6 musharax oo kale?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku guuleystay doorashada kursiga #HOP058 kadib tartan adag oo ka dhacay magaalada Beledweyne.

Sanbaloolshe ayaa helay codad gaaraayo 54 Cod, waxaana magaalada Beledweyne is-qabsaday rasaas loogu dabaal dagayey guushiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT HirShabeelle Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in aan loo baahneen wareeg labaad maadaama Sanbaloolshe uu helay codad ka badan 54 cod.

Musharixiinta u tartamay kursigaan ayaa kala helay:

1- Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe: 54
2- Cali Cabdullaahi Cosoble: 28
3- Cabdulqaadir Xuseen Colow: 8
4- Yoonis Maxamed Nuur; 3
5- Cabdullaahi Axmed Xuseen: 5
6- Maxamed Afdhuub Markaraan: 2
7- Ubax Cali Sheegow: 0

Kursigan ayaa waxaa horey ugu fadhiyey xildhibaan Nuur Iidow Beyle, kaasi oo ku dhowaaqay inaanu aheyn musharax kadib markii lagu dhowaaqay guddiga soo xulaya ergada dooraneysa xildhibaanada. 

Sanbaloolshe ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan Villa Somalia iyo madaxweyne Farmaajo, waxaana doorashadiisa loo arkaa miisaan culus oo kusoo biiray baarlamanka, kaasi oo saameyn weyn yeelan kara.

 

Sheekh Aadan Sunne oo shaaca ka qaaday ‘falal arxan darro ah oo lagula kacay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo shalay markii u horeysay kasoo muuqday warbaahinta Al-Shabaab ayaa si faah-faahsan uga hadlay tacadiyadii lagula kacay intii uu ku xidhna xabsiyada Somaliland.

Aadan Sunne ayaa sheegay in markii uu xiray maamulka Somaliland loo gacan galiyay qolada la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay u geysteen jirdil daran oo saameyn weyn ku reebay xaaladiisa caafimaad.

“Hargeysa ayaa ka ku noola, dhibaatadii iga qabsatay (xarigayga) caloosheyda waxa ku jira saab aadame sameeyay. Nimanka ay carbisteen gaalada ee askarta u ah qolada Somaliland ayaa si kasta katiinad igu ceejiyay,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waxay kabta weyn ee qadha ah beerka nooga tunteen oo weliba meel maskax iyo hilib halbowle ah mid looga nixin ayaa na-loogu tuntay, waxaana naloo dhibay waa Diinteena.”

Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soconaya in ka badan 30 daqiiqo ku dhiiri-gelinaya dagaal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqay in qeyb laga noqdo jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan Shabaab.

Waxa uu sheegay in maamulkii uu ka yimid ee Hargeysa ay ku xoogan yihiin fikradaha gaalada, islamarkaana ciddii ka hadasha kana digta fisqiga ay ka wadaan gudaha Somaliland uu wajahayo ciqaab iyo xarig ah, sida uu sheegay.

Si kastaba, Aadan Sunne oo hore u shaaciyay inuu ugu biiray kooxda Al-Shabaab ayaa ka soo baxsaday deegaanada Somaliland, wuxuun xiligaan kooxda ka gacan siinaya waxay ugu yeeraan “jihaadka”.

Al-Shabaab oo shaacisay qabiilka iyo xogta ninkii isku qarxiyey Xildhibaan Aamina

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay macluumaadka ninkii 23-kii bishaan isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, xilli ay ku sugneed afaafka hore ee xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne.

Warbaahinta taageerta kooxda ayaa baahisay cod laga duubay Maxamuud Cabdulqaadir oo ahaa wiil 25-sano jir ah, kaas oo isku qarxiyey Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed.

Sida uu codkaan la baahiyey ku sheegayo Maxamuud ayaa ka dhashay beesha Mareexaan, wuxuuna ka sii ahaa Jufada Cali-Dheere.

Sidoo kale Maxamuud Cabdulqaadir ayaa sheegay in sanadkii 1997-kii uu ku dhashay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ehelkiisu ay deganyihiin.

Ninkaan oo intii uusan is-qarxin laga duubay ku dhawaad 20 daqiiqo oo cod ah, wuxuu ku celcelinayaa in la jahaado oo gaalada lala diriro, laakiin dadkii uu isku qarxiyey dhamaantood waxay ahaayeen Muslimiin, Soomaali, reer Beledweyne ah.!

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd gabar ahlu diin ah ayuu toos u beegsaday ninkaan oo isku qarxiyey, waxayna geerida dadka kale ee Aamina la dhintay ay kor u dhaaftay 50 qof, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sanadkii 2016-kii ayuu Maxamuud oo Beledweyne isku qarxiyey 23-kii bishaan ku biiray kooxda Al-Shabaab, mudo ku dhow todoba sano oo uu ka barbar dagaalamayey, Al-Shabaab waxay sheegeen inay mahdiyeen sida uu Maxamuud daacad ugu ahaa howlgallada kooxda.

Sidoo kale Al-Shabaab warbixinta ay soo saareen waxay ku sheegeen in ninkaan uu intiisa badan ka howlgeli jiray gobolka Mudug, iyadoo bilihii u dambeeyey loo soo wareejiyey gobolka Hiiraan, halkaas oo ugu dambeyntii uu noloshiisa ku soo afjaray, kuna galaaftay nolosha tobanaan qof oo aan waxba galabsan.

Weerarrada oo is xigay ayaa gaarayey ugu yaraan laba qarax, kuwaas oo ka kala dhacay banaanka hore ee xerada Lamagalaay oo Aamina lagu beegsaday iyo kan labaad oo ka dhacay irida isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne.

Al-Shabaab warbixintaan kuma soo darin, hadii uu jiray qof kale oo waday gaarigii ku qarxay banaanka isbitaalka, kaas oo loogu tala galay in lagu dhameystiro dhaawaca Aamina, balse geystay khasaaraha ugu badan ee soo gaaray dadka, sidoo kalena burburiyey dhamaan qeybihii uu ka koobnaa isbitaalkaas.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo Foster?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, dhacdooyinkii argagixiso ee u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne, sida lagu sheegay qoraal uu xafiiska Rooble kasoo saaray kulankaan.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray xaaladaha bani’aadanimo iyo sidii ay dowladda Ingiriiska dhankeeda uga qeyb qaadan laheyd gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Safiir Kate Foster ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelAdu ka soo gaartay weerraradii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne, iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda ku aadan xaqiijinta nabadda dalkooda.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa u xaqiijiyay inay ka go’an tahay in qeybaha ka harsan doorashooyinka dalka oo gebo-gebo maraya ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.

Si kastaba, Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu maalmihii dambe kaga arrinsanayay xaalada amni ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Dowladda Mareykanka oo digniin cusub kasoo saartay doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Larry Andre ayaa markale ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dib u dhaca doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Somalia Kristina Svensson.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka iyo saameynta ka dhalan karta, haddii uu sii socda dib u dhaca jadwalka doorashooyinka ee 2022-ka.

“Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay bogga Twitterka ee Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay ka digeen in haddii aan degdeg loo helin dowlad oo la micno ah haddii aan doorashada lagu soo gabagabeyn in taageerada Maaliyadeed ee Caalamiga ah & qorshaha deyn cafinta Soomaaliya halis galayaan.

“Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan Dowlad loo dhisin, Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee lagu daabacay barta Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa marar badan si adag uga hadlay dib u dhacyada doorashada, wuxuuna markii dambe soo rigay xayiraad dhanka Fiisaha oo jawaab u ah daaha doorashooyinka.

Doorashada Somalia ayaa qaadatay muddo hal sano iyo dheeraad ah, waxaana weli socda xulista Golaha Shacabka, taas oo muujineyso in bilooyin kale ay sii soconeyso doorashada.

Ciidamada ammaanka DF oo tallaabo qaaday, kadib kulamadii Farmaajo & Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo ku aadan fulinta amaradii kasoo baxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo faray hay’adaha amniga inay adkeeyaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda oo ka duulaya kulamadii ay Farmaajo iyo Rooble ay la yeesheen saraakiisha laamaha amniga ayaa howlgallo ka bilaabay magaalada Muqdisho, waxayna xalay ka sameeyeen gudaha degmada Howadaag ee gobolka Banaadir.

Taliye ku xigeenka qaybta Waliyow Cadde oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka uu yahay u diyaar-garowga bisha Ramadaan iyo fulinta amarada madaxda dalka.

“Waxaan u diyaar-garoobeynaa muxuu ahaan inaan ammaanka caasimada sii bilowno, maadaama madaxdii ugu sarreysay ay amar baxsheen sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri taliye xigeenka qaybta Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan saraakiisha ammaanka, si looga hortego falalka amni darrada ah.

Waxa kale oo uu xusay in wax laga xumaado ay tahay in maalin kasto si arxan darro ah loo dilo dadka hal doorka u ah bulshada, sida Culimada, Ganacsatada & Siyaasiyiinta.

“Maalin kasta waxa la dilaayo waa hal doorka dadka, haddii ay Ganacsato yihiin, haddii ay Siyaasiyiin yihiin iyo haddii ay Culimo yihiin. Gacmo wadajir ayey wax ku qabtaan laamaha amniga kaligood waxba ma qaban karaan haddaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad aan gamaha la’is qabsan” ayuu sii raaciyey taliye xigeenku.

Dhinaca kale howl-galladan ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, kuwaas oo qaarkood lasii daayey, halka kuwa kalena weli su’aallo la weydiinayo.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, xilli ammaanka Muqdisho uu faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah, dilalka iyo dhaca loo geysanayo rayidka.

Halkan hoose ka daawo:-

Barkhad Batuun oo wajahaya eedeyn culus oo la xiriirta gabadh sheegtay inuu qabo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Batuun oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalmihii dambe wajahayay eedeyn culus, taasi oo la xiriirta “in sifo sharic darro ah ku haysto gabadh uusan qabin”.

Mustafe Cismaan Cali oo sheegay inuu yahay adeerka gabadha oo lagu magacaabo Mushtaaq Cabdi Naano ayaa ku eedeyay Barkhad in gabadhooda uu haysto oo aysan gacan ku hayn, islamarkaana ay sharciga kula tiigsan doonaan.

“Ninkaas inantii illaa hadda gacantiisa ayey ku jirta meeshii uu geeyana isagaa og. Sifo sharci darro ah ayuu ku haysta inanteena, sharciga iyo qanuunka waa ku dembi, waxaana uga fadhinaa sharciga,” ayuu yiri Mustafe oo maanta la hadlay warbaahinta.

“Waraaqda ay sheegayso inay isku guursadeen waa mid aan ku furdaaminay markii la xidhay, ee loo soo qabtay ilmo ay dhashay oo tuurtay. Furdaaminteedii ayaa waraaqdaas Nootaayo ka qornay, ee majirto meel ay isku mehersadeen (Mushtaaq iyo Barkhad).”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Barkhad Batuun uu faro-xumeeyay gabadhooda, intaas kaliyana uusan ku eekaan ee uu hadda ku qasbayo inay warbaahinta kasoo muuqato oo sheegato inay is-qabaan. – Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadaan.

Hadalkaan ayaa imanaya saacado kadib markii Mushtaaq Cabdi Naano oo kamid ah wariyeyaasha Somaliland ay sheegtay in Barkhad Batuun ay isku guursadeen sifo sharci ah.

Mushtaaq ayaa ka difaacday Barkhad Batuun eedeymaha hore loogu jeediyay, waxayna warbaahinta u soo bandhigtay warqad ay ku sheegtay “cadeynta meherkooda”.

Si kastaba, eedeynta culus ee loo jeediyay Batuun oo markii hore kasoo bilaabatay xubno kamid ah xisbiga Kulmiye, ayaa waxa macquul ah inay salka ku hayso arrimo siyaasadeed, walow aan si rasmi ah loo ogeyn.

Ciidamo hubeysan oo la wareegay qaybo ka mid ah BELEDWEYNE + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa lagu soo warramayaa inay saaka kacsan tahay, kadib markii cidamo hubeysan ay la wareegeen qaybo ka mid ah magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sidoo kale qabsadeen afaafka hore ee hoolka doorashada Golaha Shacabka oo ku yaal gudaha xerada Lamagalaay ee magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadan ayaa ka gadoodsan in dad gaar ah loo xiro kursiga tirsigiisu yahay Hop#059 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaas ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan habka madaxda Hirshabeelle ay u maamulayaan kursiga HOP 059 oo lagu wado in doorashadiisa ay qabsoonto maalmaha soo socda.

Kursigan ayaa waxaa horey ugu fadhisay xildhibaan Samiira, iyada oo la sheegay in madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed uu doonayo in si gaar ah loo xiro kursigaasi, taas oo ay ka biyo diidan yihiin ciidamada soo galay magaalada Beledweyne.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay bilowdeen dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyada oo maanta lagu waday iney halkaasi ka dhacdo doorashada kursiga HOP 058 oo ay isku diiwaan geliyeen ilaa 7 Musharax oo midi dumar tahay, waxaana kursigaan uu ahaa mid doorashadiisa ay baaqaneysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo ciidamo gadoodsan lagu arko Beledweyne oo ay ka socoto doorashada Baarlamaanka taas oo weli ay ka taagan yihiin caqabado xoogan.

Sheekh Shariif oo qaadaya tallaabo lagu ogaanayo awoodiisa doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah xubnaha ugu cadcad xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadaya tallaabo uu ku ogaanayo culeyskiisa doorashada madaxweynaha iyo codadka uu heli karo.

Shariif Sheekh Axmed wuxuu noqday musharixii koowaad ee miiska keena inuu wato musharax uu u rabo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baaramaanka Soomaaliya, xilli xubnaha kale ee midowga musharixiinta ka dhuumanayaan inay qof gooni ah taageeraan, iyadoo aaminsan inay taasi codad ka lumin karto, balse Shariif iyo kooxdiisa cabsi dhinacaas ah ma qabaan.

Qofka uu Shariifka miiska keenay waa Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo hoggaamiyey Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan kooxdiisa, 3 faa’ido ayey uga dhex jeedaan inay bannaanka u soo istaagaan dhismaha Sheekh Aadan Madoobe.

1- Tijaabin awoodeed

Shariif Sheekh Axmed iyo kooxdiisa waxay rabaan inay tijaabiyaan awoodooda doorashada, inay loolanka guddoonka Baarlamaanka ku adkaadaan waa waxa ugu muhiimsan, balse haddii ay noqdaan kooxda laga adkaanayo oo kaalinta labaad yimaadaan waxaa si fudud loo akhri doonaa in doorashada madaxweynaha ay yihiin mid kamid ah labada koox ee tartanka rasmiga ah uu ka dhaxeeyo.

Haddii uu Sheekh Aadan Madoobe meel hoose ka galo doorashada golaha shacabka waa farriin kale oo adag, balse u sahli karta inay fahmaan meelaha ay ka liitaan.

Mar walba tartanka uu xisbigooda u galayo kursiga guddoonka Golaha Shacabka waxay u arkaan tijaabadooda doorashada madaxweynaha.

2- Hubinta ballanta xildhibaanada

Xubno badan oo kusoo baxay doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa durba waxay ballan la dhex mareen musharixiinta, ballanta waa inay codka sii doonaan,

Xildhibaanada qaarkood waxaa laga yaabaa inuu ballankaasi ka ahaa hadal ay ku qaadanayeen sooryo siyaasadeed, laakiin marka uu Shariifka sharaxo Sheekh Aadan Madoobe wuxuu eegayaa inta xildhibaan ee bannaanka u soo istaagta qadiyadaas ee ballanta oofisa.

Xitaa marxaadaan waxaa lagu sii baran karaa xildhibaanada lacagta qaadanaya ee codkana u leexinaya meel kale, si fudud marka loo dhaho tartankaan waa isbarashada Sheekh Shariif iyo xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad.

3- Hadal heynta lacag-yarida

Sheekh Shariif waxaa doorashadii hore ee Soomaaliya la sheegaa inuu dhaqaale ahaan u dhaqaaqi waayey, inuu sanadkaan hayo tabar uu ku dhiso guddoomiye Baarlamaanka waxay ka dhigan tahay inay jirto isku filnaansho dhanka madaxweynaha ah.

Tani waxay hoos u dhigi doontaa mid kamid ah su’aalaha mar kasta ololihiisa la geliyo oo ah dhanka jeebka.

Cabdiraxmaan Daahir: Doorashada Beledweyne waa ganacsi la’isla wada ogyahay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo wareysi gaar ah Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Beledweyne iyo sidoo kale doorashada weli ka socota halkaasi.

Cabdiraxmaan Daahir oo ka mid ahaa musharixiinta xildoonka ah ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Beledweyne ayaa sheegay in magaaladaasi ay ka socoto doorasho uu ku tilmaamay ganacsi oo lacago fara badan lagu qaadanayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Beledweyne doorashada waxa ay aheyd mid laga ganacsanaayey oo lacago badan lagu qaadaayey,” ayuu wareysigaan yiri wasiir hore Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday in lacagahaasi ay ku dhacayeen guddiga doorashada, saraakiisha amniga sugaya iyo xittaa madaxda sare ee HirShabelle.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ammaanka Beledweyne, wuxuuna sheegay inay weli xaalad halis ah ka jirto magaaladaas oo ay ku sugan yihiin ciidan kala duwan oo hubeysan.

“Waxaan dareemayaa mar weliba qatar weyn oo xagga amniga ah uu jiro waxaa meesha yaalla hub aad u fara badan waxaa yaalla ciidamo badan oo meelo gaar ah ku uruursan ciidamadaas oo kala duduwan,” ayuu raaciyey wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo todobaadkii lasoo dhaafay qaraxyo xoogan ay gilgileen Beledweyne, kuwaas oo mid ka mid ahaa lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed.

Ciidanka Haramcad oo Muqdisho ku dilay haweeney dad kalena dhaawacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in ciidamo ka wada tirsan dowladda ay halkaas isku rasasaaseeyeen, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Haweeney isgoyska Sanco ku laheyd maqaayad Shaaha lagu iibiyo ayaa la xaqiijiyey inay geeriyootay dagaalkii u dhaxeeyey ciidanka, halka ugu yaraan laba qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Khasaarahaas waxaa geystay ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin booliska gaarka ah ee Turkigu tababaray ee Haramcad, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aagaas ku sugnaa.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Haramcad halkaas loo geeyey inay sugaan ammaanka shaqaalaha dhisaya wado laami ah oo ka bilaabata isgoyskaas.

Dadka aan la hadalnay waxay sheegeen in khasaaruhu uu intaas ka badan karo, maadaama ay ciidamadu aad isugu rasaaseeyeen goobta, goorta ay shaqaaqadani dhacday waa Maqribkii.

Haweeneyda geeriyootay ayaa aad looga yaqaanay deegaanka, waxayna mudo dheer isgoyska Sanca ku laheed meherad lagu iibiyo Shaaha, dhaawacyadii kale ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka ee u dhow isgoyska.

Ma jirto ilaa hadda cid faahfaahin sax ah ka bixisay sababta ka dambeysay in ciidanku ay israsaaseeyaan, sidoo kale waxaan kala cadeyn in Haramcad dhexdeeda ay isku dhaceen iyo in ciidan kale ay isqabteen.

Al-Shabaab oo baahisay fariintii ugu horeysay ee ka timid Sheekh Aadan Sunne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) ayaa markii u horeysay kasoo muuqday warbaahinta Al-Shabaab, ayada oo uu jeedinayo muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo si faah-faahsan sababihii keenay inuu kasoo baxsado magaalada Hargeysa.

Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soconaya in ka badan 30 daqiiqo ku dhiiri-gelinaya dagaal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqayna in qeyb laga noqdo jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan Shabaab.

Waxa uu sheegay in maamulkii uu ka yimid ee Hargeysa ay ku xoogan yihiin fikradaha gaalada, islamarkaana ciddii ka hadasha kana digta fisqiga ay ka wadaan gudaha Somaliland uu wajahayo ciqaab iyo xarig ah, sida uu sheegay.

“Nolosheyda inta ay jirtay ma arkin Laamiga madowga ee bariga Burco kasoo baxa, marka waxaa isoo kiciyay waa Mabaadida aan aaminsanahay ee baryahan iima qorsheysneyn in aan halkaan yimaado (deegaanada Shabaab),” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu ku nabad-geli waayay xaqa sheegistiisa gudaha Somaliland, una usoo hijrooday dhul uu xor ku yahay oo lagu maamulo Diinta iyo Sharciga Islaamka.

“Dalka lagu magacaabo Somaliland ee shalay ahaa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, wixii ka dambeeyay bur-burkii si fiican ayaa waxa fasax loogu siiyay hay’addaha NGO-ga iyo kuwa gaalada ka dambeeyan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay gudaha Somaliland ay ka jiraan goobo lagu dhigo diimo reer galbeed, ayna ogyihiin madaxda sare ee maamulka oo ayagu daboolo waxa ka socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhulka Wilaat-yaadka Islaamka waa meel aad u horumarsan oo lagu dhaqmayo kitaabka iyo sunada ilaahay. Waxaan halkan u yimid in dadka lagu hogaamiyo manhajka Ilaahay usoo dajiyay adoomada.”

Ugu dambeyntiina wuxuu muuqaalka si cad ugu sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ku garab taagan yahay jihaadka, islamarkaana uu qeyb ka qaadan doono sidii dalka loogu maamuli lahaa Diinta Islaamka.

Sawirro: ROOBLE oo qabtay kulan jawaab u ah kii uu Farmaajo qabtay shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay kulan la mid ah kii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shalay la yeeshay taliyayaasha hay’adaha amniga dalka, sidii ay saaka sii shaacisay Caasimada Online.

Rooble, oo aan saaka werinay inuu qabanayo kulankan oo jawaab u ah Farmaajo, ayaa la shiray madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. 

Rooble ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xiligan muhiimka ah laga feejignaado dhagarta cadowga, si aysan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka iyo habsami u socodka shaqooyinka hay’adaha dowladda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu xalay ku dhashay Rooble kadib markii uu arkay inuu shalay Farmaajo la kulmay taliyayaasha ciidamada dalka.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay. 

Farmaajo oo shalay kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee “falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.”

Kadib kulankaas ayaa waxaa taageerayaasha Rooble ay niyadjab ka muujiyeen in awoodda amniga dalka uusan gacan ugu jirin oo taliyayaasha ay si buuxda ugu xiran yihiin ugana amar qaataan Farmaajo.

Rooble ayaa lagu eedeeyaa inuu siyaasad ahaan yahay nin aan aragti fog laheyn balse mar kasta go’aanadiisa ay ku saleysan yihiin falcelin.

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa rumeysan in Rooble ay aheyd inuu isugu yeero taliyayaasha ciidamada amniga, oo oo uu kala hadlo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyadii Beledweyne iyo in amniga dalka la adkeeyo, balse aysan aheyn inuu taas kusoo baraarugo markii uu Farmaajo qaaday tallaabo noocaas ah.

 

Culeys xoog leh oo Deni ka haysta inuu tartamo isagoo ah madaxweynaha Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu weli quudaraneeyo inuusan iska casilin xilka hoggaaminta maamulka Puntland oo uu sidaasi ku galo tartanka.

Casho uu dhawaan u sameeyey xildhibaanada laga soo doortay Puntland, ayuu Saciid Deni ka sheegay inuu rabo inuu Villa Somalia u tartamo isagoo ah hoggaamiyaha Puntland, haddii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu sheegay inuu rabo inuu kusoo laabto hoggaanka maamulka Puntland.

Inkastoo xildhibaanada uu u boobay kuraasta ee kulanka fadhiyey aysan taas kala doodi karin macquul ahaanshaheeda, haddana waxay dadkii kulanka ka warbixiyey hadalkaasi ka dhex fahmeyn walaaca Saciid Deni ka heysta inuu guul ka keeni karo doorashada Villa Somalia.

Kooxda Saciid Deni taageersan ee difaacaya qadiyadaan waxay soo xiganayaan Allaha u naxariistee madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo sidaas sameeyey kal hore, isagoo Puntland madax ka ahna u tartamay xukunka Soomaaliya, laakiin waxay kooxdaasi is ilowsiinayaan 18-sano kadib halka ay maanta Soomaalya joogto ama xataa halka ay Puntland joogto.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan laga soo xigtay inay Saciid Deni xilka ka qaadi doonaan haddii uu Xamar u baqoolo isaga oo aan is casilin.

Balse midda aan laga boodi karin ee Saciid ama musharax kasta sugeysa waa shuruudaha ay soo saari doonaan guddiga baarlamaaniga ah ee qaban doono doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay dhici karto inay keenaan shuruud ah inaan codsiga musharaxnimada laga qaban dooni qof xil kale haya.

Damaca Saciid Deni ee ah inuu Puntland sii heysto ayaa dhinaca kale xoojineysa wararkii ahaa inuu Deni rabo inuu qiimeyn labaad ku sameeyo musharaxnimadiisa markii uu Xamar tago, qiimeyntaas oo ah in haddii uu Farmaajo ka qaadan karin meesha inuu xoojiyo qofka ugu dhow ee ka qaadan kara Soomaalida kalana ka gadmi kara.

Isimada kasoo jeedo maamulka Puntland ayaa iyagana la sheegay inay wadaan abaabul xooggan oo ka dhan ah Saciid Cabdullaahi Deni, abaabulkaas mid waa inay Puntland deg deg u tashato marka uu baxo Deni oo aan la aqbalin inuu tartamo isagoo xilka heysta, midna waa inay Xamar uga daba tagaan oo ay Soomaalida u sheegaan Saciid Deni-ga rasmiga ah.

Deni iyo hoggaanka dhaqanka Puntland ayaa isla gaaray meeshii ugu xumeyd oo ay isla gaaraan hoggaamiye Puntland ah iyo dhaqankiisa taariikhda.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa buuq xooggan lagu furay sababta uu ugu istaagay xukunka oo uu ku sheegay inuu rabo inuu Farmaajo bixiyo.

Dadka siyaasadda faaqida waxay hadal jeedintii koowaad ee Saciid Deni ku qeexeen nin aan wax qorshe ah u heyn Soomaaliya ama aan aragti saxan ka heysan waxa uu u taagan yahay.

Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabtay hadal qasbsigii uu Saciid Deni ku sameeyey markii uu ku dhawaaqayey musharaxnimadiisa ayaa iygana yiri “ Farmaajo qorshe ma noqdee qaranka aad rabto qorshihiisa keen”.

Shirkii maanta ka dhacay xafiiska Rooble oo lagu magacaabay guddi cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii uu maanta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu magacaabay guddi cusub.

Wasiir ku-xigeenka amniga oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirkaas ayaa sheegay in guddigaas cusub isugu jiraan Wasiiro, Taliyeyaasha ciidamda iyo xubno AMISOM ah.

Guddiga ayaa baaritaan qoto dheer ku sameyn doona waxa laga yeelayo amniga garoonka diyaaradaha, qaasatan dadka galaya iyo dadka ka baxaya iyo weliba kuwa xayndaabkiisa dagan.

“Shirka si fiican ayuu kusoo dhamaaday, waxaana la saaray guddi soo turxaan bixin doona waxa laga yeelayo amniga airport-ka. Waxa uu naga codsaday warbixin dhameystiran waxaana lagu soo diyaarin doona sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka amniga.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la mid ah kii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shalay la yeeshay taliyayaasha hay’adaha amniga dalka, sidii ay saaka sii shaacisay Caasimada Online.

Rooble, oo aan saaka werinay inuu qabanayo kulankaan oo jawaab u ah Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ayada oo hogaanka ciidamada la faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu xalay ku dhashay Rooble kadib markii uu arkay inuu shalay Farmaajo la kulmay taliyayaasha ciidamada dalka.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay.