25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Wararkii ugu dambeeyey toogasho DAD badan lagu laayey oo ka dhacday Israel

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Nin Carab ah ayaa ugu yaraan shan qof ku dilay magaalada Tel Aviv kahor inta aan toogasho lagu dilin Talaadadii sida ay sheegtay waxaada adeegga gurmadka degdegga ah, waana weerarkii saddexaad ee lagu dilay dad u dhashay Israa’iil muddo toddobaad gudihiis ah.

“Israa’iil waxa ay wajaheysaa mowjado argagaxiso Carbeed oo dilaa ah,” ayuu Ra’iisul Wasaare Naftali Bennett kusoo qoray Twitter-ka kadib toogashada ka dhacday xaafadda Bnei Brak, oo ah magaalo Yuhuuda xagjirka ah oo ku taal duleedka caasimadda ganacsiga Israel.

Toogashada loo geysanayo dadka Israa’iil ayaa kor u dhaaftay 11 qof oo ay rag hubaysan oo Carab ahi ku dileen Israa’iil usbuucii lasoo dhaafay, waana tiradii ugu badnayd ee weerarro lagu qaado waddooyinka magaaladan muddo sano ah.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa cambaareeyay dilka loo geystay dadka rayidka ah ee Israa’iil, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dilka Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay horseedi doonto oo keliya in xaaladdu ay sii xumaato, isagoo ka digay weeraro aargoosi ah oo ay geystaan guud ahaan Yahuudda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

Muuqaal laga sii daayay telefishinada Israa’iil ayaa muujinayay nin ku labisan dhar madaw oo qoriga darandooriga u dhaca ku ridayay dad ku socday waddo ku taal Bnei Brak.

Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa saraakiil amni oo aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa Falastiini kasoo jeeda tuulo u dhow magaalada Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

VOA + Reuters

Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa iyo Ciid oo biilkii laga jartay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kaas oo mudo soo jiray, balse cirka isku shareeray 24-kii saac ee u dambeeyey.

Khilaafkaan wuxuu salka ku hayaa kursiga wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo Axmed Qoor Qoor uu xalay dib ugu magacaabay Cabdi Waayeel.

29-kii bishii May ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne ku xigeenku xilkii ka qaaday wasiir Cabdi Waayeel oo ay isku heyb yihiin, balse ay laba jufo kala yihiin, xilligaasna Qoor Qoor wuxuu ku maqnaa Muqdisho.

Warqadii xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labadii bilood ee lasoo dhaafay Axmed  Qoor Qoor wuxuu miisaaniyadda ama biilka ka jartay xafiiska ku xigeenkiisa Cali Ciid.

Hadda Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka maqan yahay dalka, wuxuuna ku sugan yahay wadanka Tanzania, halkaas oo howlo shaqo uu u joogo.

Hase yeeshee ninkii uu xilka ka qaaday 10 bilood ayaa xalay dib loogu magacaabay isla xilkii, iyadoo uu weli jiro khilaafkii Cali Ciid iyo Wasiir Cabdi Waayeel iyo kan u dhaxeeya Qoor Qoor iyo Cali Ciid.

Dhanka kale warar soo baxay waxay sheegayaan in mooshin ka dhashay la tashi la’aanta Axmed Qoor Qoor ee ku xigeenkiisa uu abaabulkiisu Dhuusamareeb ka socdo, kaas oo ka dhan ah Madaxweyne Qoor Qoor.

Xog: Yaa ka dambeeyey inuu Qoor Qoor dib u magacaabo WASIIR Cabdi Waayeel?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – 27-kii bishaan Maarso Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ugu magacaabay Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) oo horay ay isugu dhaceen Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

29-kii bishii May ee sanadkii hore Wasiir Cabdi Waayeel waxaa xilkaan dib loogu magacaabay ka qaaday Madaxweyne ku xikeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid oo ay isku qabteen awood qeybsigii beeshooda ee golaha deegaanka degmada Balambal.

Sababta xilkiisii dib loogu celiyey Cabdi Waayeel waxaa la sheegay inay tahay taageero uu ka heysto Farmaajo oo ay isxigaan qabiil ahaan, sidoo kalena siyaasadda ay xulufo ku yihiin.

Cadaadis uu Farmaajo saaray Qoor Qoor ayaa ka dambeysay in Cabdi Waayeel uu dib u hantiyo kursigii uu 10 bilood ka hor ka eryey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Qoor Qoor oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay isku dhacsanaayeen ku xigeenkiisa Cali Ciid ayaa la sheegay in dib u soo magacaabidda wasiirkaan uusan kala tashan Madaxweyne ku xigeenka, taas oo keentay in khilaafkooda uu banaanka u soo baxo.

Khilaafka Madaxweyne ku xigeenka iyo Cabdi Waayeel ayaa soo ifbaxay kadib markii uu wasiirku soo magacaabay golaha deegaanka degmada Balambal, tallaabadaas oo beesha Ayaanle Cayr ay aad uga timid, iyagoo ku doodaya in beeshiisa uu wada siiyey kuraastii golaha degmadaas.

Balse Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku qanci waayey sida wasiir Cabdi Waayeel uu xilligaas beesha Mareexaan oo ay ka wada dhasheen uu ugu qeybiyey kuraasta golaha deegaanka degmada Balambal, taas oo keentay inuu xilka ka xayuubiyo, wuxuuna xiligaas Qoor Qoor ku maqnaa Muqdisho.

Warqadii Cali Ciid uu xilka uga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu xusay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Farmaajo iyo Cali Ciid oo isku heyb ah, inkastoo ay kala yihiin laba jufo oo xufaaltanta, habayaatee malahan wax cilaaqaad ah siyaasadeed ah, taasi waxay keentay in Farmaajo uu saaxiibkiis Axmed Qoor Qoor ku cadaadiyo in la jebiyo go’aankii Cali Ciid, dibna loogu celiyo wasaaradiisa Wasiir Cabdi Waayeel oo ka tirsan Nabad iyo Nolol.

Muxuu Mareykanka ka yiri kororka weerarada Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Larry Andre ayaa wareysi uu siiyey VOA wuxuu ka hadlay xaalada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Larry Andre ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka, sida Muqdisho iyo Beledweyne.

Danjiraha ayaa sheegay in ujeedada laga lahaa weeraradan ay ahaayeen inay Soomaaliya kahor istaagaan dib u soo kabashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisu ay taageersan in la dhiso Soomaaliya oo nabad ah, isla-markaana ah barwaaqo.

“Waxa aan taageereynaa kuwa dooranaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA

Dhinaca kale wuxuu wareysiga diiradda ku saaray arrimaha doorashooyinka, isaga oo ku baaqay in la dadejiyo kuraasta ka dhimman Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14-ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu markale yiri Danjire Larry Andre.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan meel wanaagsan ay mareyso doorashada Baarlamaanka, walow dib looga dhacay jadwalkii u dambeeyey oo dhigayey in doorashada lagu soo gabagabeeyo 15 bishan March sida ay ku ballameen Golaha Wadatashiga Qaran.

Maxaad ka ogtahay xeerarka diidaya xubnaha NISA iyo ciidanka kale ee ku biiray BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dalka ka bilaabatay doorashada baarlamaanka federaalka ah ee 11-aad ayaa waxaa kusoo baxay/la-xushay qaar kamid ah Saraakiil ciidan, xoogga dalka, booliiska iyo shaqaale heerar kaal duwan oo NISA ah.

Illaa hadda inta la ogyahay waxaa ugu sareeya Saraakiishaas saddex taliye oo NISA soo maray, taliyeyaasha qeybta 60-aad iyo Asluubta, waxayna qaarkood ku biiristooda baarlamaanka abuurtay xiisado hor leh.

Kaddib xulistooda iyo ka mid noqoshadooda baarlamaanka federaalka ah, si sharciga baalmarsan waxaa weli shaqada caadi u wata taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey iyo ku-xigeenkiisa Kullane Jiis, sidoo kale waxaa shaqadii iska wata taliyeyaasha kale sida midka qeybta 60-aad iyo Asluubta.

Haddaba, maxay yihiin xeerarka iyo sharciyada xubnahaas u diidaya inay kamid noqdaan baarlamaanka, ayaga oo weli sii wata shaqooyinkii ciidan ee hore u hayeen.

1. Habraaca doorashada dadban ee ka dhashay heshiiskii September 17 ee ay saxiixeen madashada watashiga qaran, isla markaana ay meelmariyeen labada Aqal ee baarlamaanka 10-aad, waxaa uu dhigayaa in Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa bannaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan-gelinta musharraxiinta.

2. Sharciga doorashooyinka qaranka qodobkiisa 24-aad, faqradiisa 4-aad iyo 5-aad waxay u qoran tahay: (4). Xubnaha ciidamada qalabka-sida, shaqaalaha Dowladda, diblomaasiyiinta, iyo xubnaha bahda garsoorka looma soo sharrixi karo doorasho liiskana laguma soo dari karo haddii aysan keenin caddayn shaqo ka tegis. (5). Warqadda caddaynta shaqo ka tegista looma diidi karo Murashaxa dibna looguma dhigi karo sabab la’aan.

3. Sharciga Axsaabta siyaasadda: Qodobka 11-aad waxaa isna ku qoran in xubnaha ka reeban kamid noqoshada xisbiyada siyaasadda ay qeyb ka yihiin Ciidamada Qalabka Sida, Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka, Hawl-wadeenada safaaradaha (Diblomaasiyiinta) iyo Dhammaan shaqaalaha dowladda.

Dhamaan xubnahaas ayaa waxaa ka reebban inay kamid noqdaan asaasayaasha ama xubin xisbi siyaasadeed, ka qeyb-qaadashada ololeynta ama dardar-gelinta hawlaha xisbi iyo kulamadiisa iyo inuu muujiyo ujan-jeeridda xisbi siyaasadeed si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta dhex-dhexaadnimadiisa.

4. Shaqaalaha dowladda: Sharcigaan ayaa diidaya in masuulku uu isku mar wada qabto laba jago iyagoo aan si sharci ah loogu oggolaan. In uu Xil ka qabto Xisbi Siyaasadeed inta uu hayo shaqada Dowladda.

Marka laga imaado qoddobadaas, sidoo kale waxa uu dhigaya dastuurka oo ah heshiiska bulsho ee ugu weyn dalka in ciidanka laga rabo dhex-dhexaadnimo xag siyaasadeed (qodobka 127-aad ee Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, faqrada “e”), taasina waa mid ka hor imaaneysa saraakiisha kala duwan ee hadda soo galay baarlamaanka 11-aad.

Haddaba, qoddobaas iyo kuwa kale oo aan xusin ayaa ka dhigaya soo bixista xubnahaas inay qeyb ka tahay fowdo sharci iyo mid ka jirta hey’adaha ammaanka, islamarkaana u baahan in tallaabo deg deg ah laga qaado, taasi oo xiligan ay go’aan qaadashadeeda hortaalo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda mas’uul ka ah amniga qaranka.

Si kastaba, Xubnaha baarlamaanka 11-aad kusoo galay doorashada u eeg xulashada kuma eeka oo kaliya Saraakiisha iyo xubnaha ciidanka, waxaa kale oo kamid ah shaqaale rayid ah oo ka howl-gala dowladda federaalka ah iyo maamulada xubnaha ka ah.

Daawo: Qoyska Bashiir Raage oo kiis xasaasi ku eedeeyey Cabdullaahi Maxamed Nuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyey inuu boobayo dhul u dhow garoonka Aadan Cadde oo uu lahaa Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo bilo ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii marxuum Bashiir Raage Shiiraar ayaa maanta warbaahinta la hadashay ayadoo codsi ka dhan ah wasiirka amniga u dirsatay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Duqa Muqdisho.

Dhulkaan oo ah garaash weyn oo ku dhex yaalla Xalane waxaa dhex yaalla gaadiid nooca xamuulka qaada ah, kunteenaro iyo baaldoosarro, waxaana gaadiidkaas lahaa ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.

Sahro Cabdi Jaamac ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu galay damaca dhulkaas kadib markii uu geeriyooday seygeedii Bashiir, isagoo garaashka ku hor jaray kunteenarro iyo dhagaxda waaweyn ee wadooyinka lagu jaro.

Waxay sheegtay in agoonta Bashiir laga biili jiray garaashkaan uu ku qabsaday wasiirka amniga, iyadoo sheegtay in awooda dowladda iyo xilka uu haayo uu ugu awood sheegtay.

“Cabdullahi Maxamed Nuur hadii uu dhulkaan leeyahay, wuxuu soo aadi lahaa intii uu noolaa Bashiir Raage, balse markii uu dhintay ayuu ciidan iyo dhagax nagu hor jaray, meeshaan waxaan ilmaha uga soo saaraneynay qutulyoomka, waxaan idinka codsanayaa inaad naga qabataan ninkaan nagu handadaya shaatiga dowladda,” ayey tiri Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.

Hoos ka daawo

Deni ma la hari karaa Farmaajo sidii Cumar Cabdirashiid?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu isku sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya si uu ula haro madaxweynaha xafiiska fadhiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Khudbad jeedintiisa musharaxnimada wuxuu Deni ajandihiisa koowaad ku sheegay inuu rabo in Farmaajo laga saaro meesha.

Arrintaan waxay dadka siyaasadda xog-ogaalka u ah dib ugu celisay doorashadii 2016 – 2017-kii, markaas oo Saciid Deni uu u istaagay inuu tartanka ka reebo ama la haro Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo markaas kamid ahaa xubnihii ugu cadcadaa doorashada madaxweynaha.

Sida la xasuusto waqtigaas Saciid Deni waxaa la fariistay siyaasiyiinta iyo dhaqanka ka soo jeeda Puntland, waxaa laga codsaday dhowr jeer inuu Cumar Cabdirashiid u tanaasulo oo uusan kala qeybin codadkii ka imaanayey Puntland.

Laakiin Deni oo ka gadoodsanaa Kursi xildhibaan oo loo diiday ayaa ku gacan seyray dalabkii dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Puntland, wuxuuna ku guuleystay inuu garaafeeyo codadkii Cumar Cabdirashiid, isagoo kala haray 18-cod, kuwaas oo wax weyn u goyn lahaa Cumar.

Mar kale wuxuu sheegay Saciid Deni inuu u tartamayo inuu musharax kale la harayo, waana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkastoo aysan isku jiho ka imaaneyn codadka Farmaajo ku xisaabtamayo iyo codadka uu Saciid Deni heli karo, haddana dadku waxay aad isku weydiinayaan waxa mar walba ajandaha Deni ka dhiga inuu musharax kale la haro.

Soomaaliya waxay sanadkaan taallaa kala beyr cabsi ah oo u baahan samatabixin ballaaran oo xagga siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta ah. Tan waxaa gacan u noqon kara hoggaamiye wata qorshe buuxa oo qaran dhis ah oo aysan uga dhagneyn ceyrsiga qof kale.

Doorashadii 2016-kii Saciid Deni wuxuu ku guuleystay inuu la haro Cumar Cabdirashiid, waxayna hadda dadka is waydiinayaan maku guulleysan karaa inuu Farmaajana la haro sanadkaan? Inta aan laga doodin cidda qaadan karta xukunka Villa Somalia.

Kooxda Farmaajo waxa ay sheegayaan inaysan cabsi weyn ka qabin inay Soomaalida ka raaci doonto Saciid Deni, balse waxay qabaan inuu kaliya kala qeybin doono codadkii ay mucaaradka heli lahaayeen taasoo iyaga faa’ido u ah.

Tallooyinka loo jeedinayo hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni waxaa kamid ah inuu badalo hal ku dhigiisa doorashada ee musharax la haridda oo uu taas badalkeeda miiska keeno waxa uu ku xallin karo mushakiladaha waaweyn ee yaala Soomaaliya.

Dadka doorashada faaqidaya waxay sheegayaan inuu Saciid Deni codad fiican heli karo wareegga hore ee doorashada madaxweynaha, laakiin taasi kama dhigna ayey leeyihiin inuu Saciid Deni helayo codadka Farmaajo caashaqsan ee wuxuu heli doonaa wixii uga soo dhaca Puntland iyo Jubbaland.

In codadka uu ka heli karo labadaasi maamul ay goyn karaan la haridda Farmaajo iyo in kale weli dood ayaa ka taagan, laakiin xaaladaha iyo dabeesha siyaasadeed ee imaan karta xilliga doorashada ayaa cinwaan cusub dhalin karta.

348 qof oo Soomaali ah oo laga sii daayey dalka Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinti shalay aheyd sheegtay in lasii daayay ilaa 348 arday oo Soomaali ah oo ku go’doonsanaa dalka Ukraine.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ardaydan ay barakac ku ahaayeen gudaha Ukraine iyo xuduudahiisa, iyadoo ay ku jireen qaar aanan heysan warqadaha aqoonsiga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay, in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay fududeysay in ilaa 65 arday Soomaali ah oo ka qaxay Ukraine lagu meeleeyay jaamacadaha dalka Hungary, halkaas oo ay kasii wada doonaan waxbarashadooda heerka sare.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dhammaan ardaydi Soomaaliyeed ee ka qaxay Ukraine, balse hadda doonaya in ay meel ka baxsan Ukraine ku dhameystaan tacliintooda, ay lasoo xiriiraan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Jaamacadaha dalka ay colaaduhu ka socdaan ee Ukraine ayaa waxaa wax ku baranayay boqollaal arday Soomaali ah, kuwaas oo hadda u qaxay dalalka deriska la ah Ukraine ee Yurub.

Ardayda Soomaalida ayaa isugu jiray kuwo baranayay heerarka jaamacadda ee 1-aad, heerka labaad ee Master-ka iyo PhD.

Dalka Ukraine ayaa ku jira xaalad dagaal kaddib marki uu dhamaadki bishi Febraayo uu duullaan millatari ku qaaday waddanka deriska la ah ee Raashiya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Ukraine ay ku dhinteen in ka badan 2,500 oo rayid ah. Sidoo kale kumannaan ka mid ah dhinacyada dagaallamaya ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka.

Wafdi ka socday DF oo ku sugan Imaaraadka + Ujeedka

0

Dubai (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya, Duran Axmed Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Dubai ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa halkaas uga qeyb-galay shir muhiim ah.

Shirkaan oo lagu magacaabo “kulanka dawladaha Aduunka” ayaa waxaa ka qeyb-galay in ka badan 190 wadan, oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Shirka ayaa maanta lagu soo bandhigay doodo xoojinaya dawladnimada, sidoo kalena kor loogu qaadayo hal abuurnimada, si dawladaha caalamka ay ula jaan qaadaan isbadalada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaan kusoo bandhigtay fikrado la xiriira iskaashi caalami ah oo ku saleysan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay ugu horeeyaan horumarinta garoomada diyaaradaha.

Wasiir Duraan ayaa ugu dambeyntiina dhankiisa sheegay in qorshaha is-waafajinta duulimaadyadda rayidka ah iyo Amniga Internetka ee maanta lasoo bandhigay uu wax badan ka taridoono badqabka Duulimaadyadda Rayidka ah.

Sheekh Umal oo jawaab culus ka bixiyey hanjabaad uga timid Al-Shabaab (Daawo)

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada Soomaliyeed ayaa markii u horeysay sheegay inay soo gaadhay hanjabaad halis ku ah noloshiisa, ugana timid kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gudaha dalka.

Sheekh Umal ayaa sheegay in uu ka warhayo in dil ugu xukuman yahay Al-Shabaab, ayna diyaariyeen shaqsiyaadkii fulin lahaa weerarkaas oo ay la joogaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxay ku tala-gashan yihiin inay dilaan culimo aan kamid ahay, waxayna naga soo gaartay ilo kala duwan oo xataa xarakada dhexdeeda ayey naga soo gaartay. Waxaa iska fudud in qofkii yiraahda waxaan uu qaldan yahay oo shareecada ma waafaqsana in dhigiisa la baneysto,” ayuu yiri.

“Ilo kala duwan ayay naga soo gaartay waa kuwa kala gedisan oo Soomaaliya joogay, macluumaadka nasoo gaaray xataa way tilmaamayaan in raga loogu tala-galay qorshahaan ay nala joogaan Kenya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedada u weyn ee laga leeyahay hanjaabadaha uga imanaya Al-Shabaab ay tahay baqdin galinta iyo in uusan ka hadlin qaladaadka Diimeed ee ay ku jiraan kooxdaas.

“Naftaan waqti ayey leedahay kasoo hormari meyso oo ka dib dhici mayso. Waxa leenahay sida rajeynayo mashruuca ah in aan baraarujino wixii khalad ah waa sii wadeyna oo joojin meyno.”

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dhalinyarada ka bar-bar dagaalama xarakada Al-Shabaab inay ka towbad keenaan, waxay ku jiraan oo ay ku kadsooman afkaarta qalafsan ee Shabaab kusoo xero galiso dhalinyarada.

Maxay ka dhigan tahay inuu Sanbaloolshe dib ugu soo laabto Golaha Shacabka?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa shalay kusoo baxay kursiga #HOP058. Doorasho Beledweyne ka dhacday oo ay 7 xubnood ku loolameyn ayuu taliyihii hore ee NISA ku adkaaday wareegga hore isagoo helay 54 cod.

Dadka la tartamay Sanbaloolshe waxaa kamid ahaa hoggaamiyihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Cosoble oo sanadkii 2016 madax ka noqday maamulka HirShabelle gacantiisana ku maamulay doorashadii heer federal ayaa maanta heli waayey kursiga beeshiisa.

Musharixii horey ugu fadhiyey kursigaan Nuur Iidow Beyle ayaa ka haray tartanka kadib markii la furay kursiga. Sanbaloolshe ayaa kursigaan waayey kadib markii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay taliyaha NISA horaantii bishii April ee sanadkii 2017.

Waa wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya iyo safiirkii hore ee UK, kamid noqoshadiisa baarlamaanka 11-aad waxay ka dhigan tahay inay golaha wada-joogaan sadddex taliye oo horey usoo hoggaamiyey NISA intii uu Farmaajo xukunka hayey, waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Yaasiin Farey oo hadda ku sime ka ah NISA iyo Sanbaloolshe.

Wuxuu kamid noqonayaa xubno 30 ku dhow oo Nabad-Sugidda soo maray ama weli ka tirsan oo ku biiray baarlamaanka 11-aad. Ninkaan oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh wuxuu Afartii Sano ee ugu dambeysay kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday nidaamka madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu ahaa nin afkaar kulul oo soo bandhiga gunta doodaha yaalla Soomaaliya, doorashadiisa waxay ka dhigan tahay in xubin muhiim ah uu kusoo biiray baarlmaanka iyo inay bateen xildhibaanada jiheyn kara Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe marka la eego sida uu kuraasta qaar u dhigay wuxuu u muuqdaa Nin abaabulay doorasho hufan oo ay dadka ku qanci karaan.

Al-Shabaab oo shaacisay qabiilka ninkii fuliyey qarixii labaad ee BELEDWEYNE

0

Beledweyne  (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qarixii labaad ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Hadal dardaaran ah oo laga duubay ninkaan ka hor inta uusan fulin weerarka oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lala beegsaday dhaawacyada ka dhashay qarixii koowaad ee ka dhacay xarada Lamagalaay ee lagu dilay xildhibaan Aamina ayaa magaciisa ku sheegay Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare), da’diisuna tahay 23.

Khaalid ayaa sidoo kale ku sheegay wareysiga laga duubay inuu kasoo jeedo Beesha Dabarre, gaar ahaan Jufada Gaashmuuge, isla-markaana uu ku dhashay deegaanka Kurtun oo ka tirsan degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu markii hore ka tirsanaa garabka loo yaqaano Jeyshka, ka hor inta aanu ku biirin kooxda ismiidaamiyeyaasha ah.

Waxaa Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare) ka horreeyey Maxamuud Cabdulqaadir oo ahaa wiil 25-sano jir ah, kaas oo isku qarxiyey Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed, sida ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaasi.

Sida uu codka la baahiyey ku sheegayo Maxamuud ayaa ka dhashay beesha Mareexaan, wuxuuna ka sii ahaa Jufada Cali-Dheere.

Qaraxyadaan oo dhacay 23-kii bishaan March ayaa qal-qal xoogan ka abuuray magaalada Beledweyne, waxaana ku dhintay illaa 48 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 108 kale, oo isugu jiray musharixiin xil doon ah, odayaal dhaqameed, askar iyo dad kale oo shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyey fashilka ku yimid jadwalka doorashada Garbahaarey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa markale fashil uu ku yimid jadwalka uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland ee ku aadanaa qabashada doorashada kuraasta Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa 15-kii bishan March ku dhowaaqay in 14 cisho gudahood lagu qabanayo doorashada kuraastaasi, waqtigaas oo maanta ku eg, mana jirto illaa iyo hadda wax ka dhaqan-galay go’aankaas oo lagu wajahayo doorashada ka dhaceyo degmada Garbahaarey.

Sababta ugu weyn ayaa ah in weli halkeedii ay tahay dooda hareysay doorashada kuraastaas, taas oo u dhexeyso Jubbaland iyo maamulka Gedo oo ku xiran Villa Somalia.

Jubaland ayaa haatan ku doodeysa i magaallo xeebeedka Kismaayo ama degmada Ceelwaaq midkood lagu qabto doorashada, halka maamulka gobolka Gedo uu ku adkeysanayo in doorashada loo dhaafo, halka lagu heshiiyay oo ah Garbahaarey.

Illaa iyo hadda ma muuqdo wax isku dhowaansho ah, mana cadda xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada kuraastaas oo murankoodu soo jiitamayey tan iyo 2020-kii.

Sidoo kale caqabada ugu weyn ayaa ah xal u helista kuraasta Garbahaarey, maadaama labada dhinac aysan muujineyn wax tanaasul ah.

Arrimahan ayaa dib usii dheereyn kara dhammeystirka doorashada, walow jadwalkii u dambeeyey uu fashil ku soo dhammaaday, kaas oo dhigayey in doorashada lagu soo gabagabeeyo 15-kii bishan, waxaana kadib dhacay maamulada Jubbaland & HirShabelle.

Si kastaba, lama oga sida wax ay noqon doonaan iyo cidda adkaan doonto Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya oo adeegsaneysa maamulka gobolka Gedo ee taabacsan dowladda.

Daawo: Wasiir Oomaar oo ka hadlay shakhsiyada Farmaajo, weeraray Axmed Madoobe

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay seddax dhinac oo kala ah, arrimaha Jubbaland, taageerada uu u hayo Farmaajo iyo shaqadii wasaaradda ka qabtay intii uu hayey xilka.

Ugu horeyn Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shaqo baaxad leh uu ka soo qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, taas oo ay ugu weyneed soo wareejintii maamulka hawada Soomaaliya oo Nairobi laga maamuli jiray, ilaa waayihii ay burburtay dowladii dhexe.

Sidoo kale wareysigaan oo Wasiir Oomaar uu siiyey TV-ga Universal wuxuu aad ugu dheeraaday ka hadalka arrimaha Jubbaland, isagoo sheegay in maamulkaas oo wajahayo dib u dhac weyn, wuxuuna aad u eedeeyey Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ka sheekeeyey sidii uu uga fashilmay qorshihii uu doonayey inuu madaxweyne kaga noqdo Jubbaland.

Oomaar oo la weydiiyey inuu ka tanaasulay damiciisii hoggaanka Jabbaland, wuxuu cadeeyey in weli damacaasi uu ku jiro, isagoo sheegay in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii maamulkaas looga saari lahaa gacanta Axmed Madoobe.

Mar uu soo hadal qaaday shakhsiyadda Farmaajo wuxuu ku tilmaamay nin aad u wanaagsan oo hadii uu cod leeyahay uu maanta dib u dooran lahaa, isagoo cadeeyey in jaceylka iyo taageerada uu Farmaajo u hayo uu Axmed Madoobe ku kalifay.

Oomaar ayaa qiray intii Farmaajo xukunka joogay inay dalka ka dhaceen gabood fallo waaweyn, balse wuxuu ku andacooday in bini’aadamka ay wax ka qaldami karaan, laakiin inta uu Farmaajo ka bartay uu yahay nin leh shakhsiyad hoggaamiye oo ku haboon in dib loo doorto, sida uu hafdalkiisa u dhigay.

Hoos ka Daawo

Villa Somalia oo fashilisay qorshe uu Rooble Xamar ku keeni lahaa Bankiga Masar

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia ayaa fashilisay qorshe uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku doonayay in Muqdisho looga furo Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr), sida ay ogaatay Caasimada Online.

Furitaanka bankigan cusub ayaa ujeedkiisu ahaa in meesha looga saaro SWIFT-ga Turkiga ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu isticmaalo, laguna beddelo mid Imaaraati ah. 

SWIFT waa nidaamka caalamiga ah ee isku xira Bankiyada caalamka, islamarkaana fududeeya inay lacagaha hab electronic ah isugu gudbiyaan.  

Heshiiska Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr) looga furayo Muqdisho ayaa waxaa daba-yaaqadii Febraayo saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo wakiilada Bankiga Reer Masar. 

Bangkiga Masar Dubai oo Muqdisho laga hirgeliyo waxa uu fududeyn lahaa in lacagaha ka imanaya Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa loogu talo-galay ololaha doorashada lasoo mariyo, maadaama Bankiga Dhexe uu maamulkiisa gacanta ugu jiro madaxweyne Farmaajo. 

Si kastaba, waxaa aakhirkii diiday ku-xigeenka guddoomiyaha bankiga iyo shan qof oo guddi ka ah bankiga, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday guddoomiyaha, waxaana arrintan ay ku timid oloel ay gashay Villa Somalia si looga hortago qorshaha Rooble. 

Villa Somalia ayaa qorshahan u aragtay qatar dhaqaale oo shaki galin karta doorashada iyo rajada uu ka leeyahay Farmaajo in dib loo doorto. 

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo tagay Djibouti, Masar iyo Imaaraadka ayaa aakhirkii diidmo kala kulmay Farmaajo oo u sheegey in ay caqli xumo tahay in xilligan bankigaas laga furo Muqdisho oo lacagaha lagu mucaaradayo ay soo maraan. 

Rooble iyo saaxiibadiis oo sidoo kale cadaadis xoogan kala kulmayay bankiyada gudaha oo arrintan diidan iyo Turkida ayaa aakhirki u muuqdey kuwa looga adkaadey isku daygooda oo malaayiin doolar oo macaash ah bil kasta ay ku faa’iidi lahaayeen.

Daawo: Cabdullaahi Nasri oo Farmaajo iyo saraakiil NISA ka tirsan ka dacweeyey ICC

0

Nairobi (Caasimada Online) – Korney Cabdullahi Maxamed Cali (Cabdullaahi Nasri) oo ahaa sarkaal ka tirsan sirdoonka Jubbaland, horayna loogu xiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga Muqdisho uu maxkamad caalami ah kula tiigsanayo Farmaajo iyo saraakiishii u qaabilsaneed sirdoonka.

Cabdullahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kullane, Yaasiin Farey, Cabdiraxmaan Dheere, Ibraahim Macalin iyo Axmed Carab oo dhamaantood ahaa saraakiishii NISA ee xabsiga ku dhibaateysay ninkaan uu ku dacweeyey maxkamadda dembiyada adduunka ee ICC.

Sarkaalkaan ayaa horay muuqaaladiisa loogu baahiyey barnaamijka Hanoolaato ee Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi, isagoo ka sheekeynaya tacadiyadii ay NISA ugu geysatay godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lugaha uu ka naafoobay.

Sidoo kale Korneyl Cabdullahi wuxuu sheegay in qorshihii koowaad ee maxkamadda ICC uu cadeymaha dhibaatadii loo geystay ugu gudbilahaa uu meel fiican u marayo.

Dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta qaar ayuu uga mahad celiyey inay ku garab istaageen, sidii uu cadaalad u heli lahaa, isagoo Allaah naxariistiisa uga baryey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka balan qaaday inay baarlamaanka cusub hor geyn doonto kiiskiisa.

Cabdullaahi Nasri ayaa sidoo kale sheegay in safaarado badan oo reer Galbeed ah ay la soo xariireen oo uu la kulmay, “Waxaan ka codsaday inay cadaaladda igu garab istaagaan, anigoo sarkaal Soomaaliyeed ah oo la igu dhibaateeyey awoodii dowladnimada ay ayagu taageeraan.” Ayuu yiri Cabdullaahi Nasri.

Hoos ka daawo

Wiil 14 sano jir ah oo lagu dilay JOWHAR + Sababta

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay bartamaha magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle lagu dilay wiil yar oo 14 jir ahaa kaas oo uu dilkiisu dhaliyey xiisad xoogan oo hadda ka jirta halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow, wuxuuna ka mid ahaa ardayda dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo goobta ka baxsaday, kadib dhacdadaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta loo dilay wiilkaasi yar ayaa la xiriirta dhac taleefan oo loo geysanayay marxuumka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo uu horkacayey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Cabdiraxmaan Yare ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Jowhar, iyada oo dilkiisa ay si weyn uga caroodeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee magaalada Jowhar.

3 arrin oo sabab u ah inay kuraasta la furo ka cararaan xubnihii horey ugu fadhiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli lagu jiro gunaanadka doorashada Soomaaliya waxaa abuurmay cadaadis lagu furay qaar kamid ah kuraasta taalla Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda labadaas maamul ayaa ku dhici waayey inay kuraasta qaar xiraan, kuraasta la furay inta badan isbadal ayey foodda dareen, sida kuraasta #HOP60, #HOP38, #HOP58, #HOP66, #HOP63, #HOP58 iyo  #HOP95.

Qaar kuraastaas kamid ah waxaa lagu garaacay xubnihii horey ugu fadhiyey oo tartanka ka qeybgalay sida Ubax Tahliil Warsame iyo Cabdullaahi Goodax Barre, kuwaas oo isku dayey inay kasoo dhex baxaan tartan furan balse laga adkaaday.

Laakiin sheekada xiisaha leh waxay tahay in kuraasta qaar ay ka carareen xubnihii ku fadhiyey markii tartanka la furay.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ku fadhiyey kursiga #HOP58 ee yaalay Magaalada Beledweyne wuxuu noqday qofkii ugu dambeeyey ee ka tanaasulay kursigii uu ku fadhiyey kadib markii la furay loolanka kursiga.

Wuxuu ahaa musharax ka socday dhanka Villa Somalia, kal hore Cabdikariin Dhalac ayaa isaguna isaga haray kursigii uu ku fadhiyey ee HOP95 ee yaalay Magaalada Gaalkacyo kadib markii la furay, xubno kale ayaa sidaas oo kale ka quustay tartanka.

Dhalac isna wuxuu ahaa musharax kale oo ay Villa Somalia wadatay, haddaba Dadka waxay is waydiinayaan waxa sababaya in mar kasta oo kursiga la furo inay haraan xubnihii ku fadhiyey.

Dhowr qodob ayaa lagu soo koobay arrintaan.

1– Matalaad xumo

Xildhibaan badan maalintii ay kursiga qaataan ayaa ugu dambeysa reerka ay matalaan oo ay xisaabtooda ku joogaan siyaasadda, waxay xubnahaas xoog geliyaan danahooda shaqsiga ah.

Waxaa kala lumay iyaga iyo qabiilka, wuxuuna miirkooda soo laabtaa marka la gaaro waqtiga doorashada, waa xilli aan wax laga gaarin.

Ballan qaad cusub iyo farsamadu waa sheegid, laakiin waa iska adagtahay in shekadaasi kaa aqbalaan qabiil aad tuurtay maalintii aad tabarta heysay. Matalaad xumo ayaa loo arkaa mid kamid ah sababaha ay u carareen xubnahaas.

2- Baraaruga Beelaha

Waqti hore qabiilada wax weyn uma arki jirin kursi xildhibaan, adeeg gaar ah lagama filan jirin xidhibaanka, markii uu soo laabtana waa loo miisi jiray, balse hadda waxaa hirgalay baraarug weyn oo beelaha dhexdooda ah.

Ururo dhallinyaro oo kursiga dabagal ku hayo ayaa beel walba ka dhex dillaacay, dadku waa joodaan hadda waxayna si ka duwan sidii hore bilaabeen qiimeynta Dadka ay u dirsanayaan matalaada siyaasadda.

Baraaruga Beelaha wuxuu keenay isla xisaabtan iyo kala xulasho, dad badan ayeyna taasi ku keentay inay ka dhuuntaan fagaaraha.

3- Naceybka loo qabo nidaamka madaxweyne Farmaajo

Shantii Sano ee lasoo dhaafay xaalado culus oo siyaasi ah oo bulshada iyo madaxdii xukunka heysay aad u kala fogeeyey ayaa ka dhacay dalka.

Dadka kasoo jeeda HirShabelle iyo Galmudug badankood waxaa ag taalla diidmo weyn oo nidaamka Farmaajo ah. Dhammaan kuraastii la furay waxay si deg deg ah u maja xaabiyeen dadkii lala xiriirnayey Farmaajo, qaarkoodna waa ka carareen tartanka.

Matalaad xumo hore, baraaruga beelaha iyo diidamada loo qabo nidaamka madaxweyne Farmaajo oo is biirsaday ayey Dadku badi kusoo koobayaan sababta ay xubno badan uga carareen kuraastoodii markii la furay.

Dadka qaar ayaa arrintaan ku xiraya jihada doorashada madaxweynaha, laakiin waa adagtahay in la is waafajiyo xaaladda Kursi hal Beel laga doonayo iyo Kursi madaxweyne oo dhex yaala 329 xildhibaan oo Soomaali oo dhan ka kooban.

ERDOGAN oo WAR kasoo saaray halka uu marayo wada-hadalka Ruushka iyo Ukraine

0

Ankara (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wada-hadal uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ugu baaqay xabbad joojin iyo in gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku dhibaatoobay duullaankii Ruushka ee Ukraine.

“Erdogan waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay xabbad-joojinta u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine, hirgelinta nabadda iyo hagaajinta xaaladaha bini’aadantinimo ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu taageero nooc kasta ah oo ku saabsan geeddi-socodka.”

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Putin iyo Erdogan ay ku heshiiyeen in wareegga xiga ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine lagu qabto Istanbul.

Dhanka kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in hadalada xanafta leh aysan waxbo ka taraynin xaaladda dagaalka Ukraine, in ay uga sii daraan mooyee.

Wuxuu hadlayay kadib markii madaxweynaha Maraykanka Biden uu Putin ku tilmaamay qalaa, ayna tahay in xukunka laga tuuro.

Macron ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in ujeedka uu yahay in dagaalka la joojiyo, kadibna ciidamada Ruushka ay ka baxaan Ukraine, taasina aysan suurtogal ahayn inta ay socdaan hadala noocan ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in hadalka Biden uusan ka dhignayn in Maraykanka doonayo in la badelo hoggaanka Ruushka.

Macron ayaa xiriir joogto ah la lahaa hoggaamiyaha Ruushka Putin tan iyo intii uu dagaalka socday, labo maalmood kadibna ay ku balansanyihiin xiriir dhanka isgaarsiinta ah, isaga oo kala hadli doona sidii shacabka go’doonsan looga saari lahaa magaalada Mariupol.

Sheekh Shariif oo soo saaray baaq deg deg ah oo ku wajahan laba arrin oo halis ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dalku ku jiro xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin.

Sheekh Shariif oo hadda ah musharax ayaa sheegay in habaca jira uu banaanka soo dhigay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha amniga ay ugu guul-daraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday.

“Sidoo kale hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida, IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray caawa.

Wuxuu soo bandhigay labo qatarood oo waaweyn oo jiitanka doorashada uu ku keeni karo dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda dalka.

2- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.

“Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Isagoo baaq u diray Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada wuxuu yiri, “Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaranka iyo guddiyada doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan, lana dhaariyo xildhibaanada, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.”