24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Xog: Garoonka Muqdisho oo galay xaalad amni oo hakad gelin gaartay duulimaadyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin 27-kii bishan ay baahisay Caasimada Online oo sheegeysay in weerar ismiidaamin ah iyo qaraxba lala damacsan yahay shirkad ka howlgasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa saddax maalin kadib oo ku beegneyd shalay laga dareemay gudaha garoonka iyo bannaankaba.

Warbixin lasoo gaarsiiyay laamaha ammaanka ee gudaha garoonka ayaa argagax iyo cabsi ku beeray dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo banaankaba, kadib markii lagu soo wargeliyay in kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen dhinaca Afisyooni ee garoonka iyo cabsi kale oo laga muujiyay weeraro ka dhaca iridka laga galo garoonka.

Warbixintaasi kadib oo isku dhex yaac dhalisay ayaa garoonka qarka u saarmay in la joojiyo duulimaadyada imaanayay iyo kuwii baxayayba.

Ciidamada kala duwan ee ammaanka ayaa kusoo aruuray gudaha garoonka, waxayna sameeyeen howlgal iyo in dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo bannaankiisaba loo digo, lana mariyay baaritaan aad u adag.

Falkaasi qalqalka abuuray ayaa waxay ka danbeysay warbixintii Caasimada Online ay daabacday 27-March taasoo kasoo baxday hay’adda NISA oo ka digeysay in qof ismiidaamiye ah uu beegsanayo mid ka mid ah gaadiidka shirkadda SAHAL ee daabula shaqaalaha garoonka Muqdisho.

Dhinaca kale, sirdoonka shisheeye ee ku sugan gudaha Xalane ayaa ka digay weeraro la mid ah kii ka dhacay gudaha garoonka Muqdisho todobaadkii hore oo lagu beegsaday qeybta Marina Gate ee ajaaniibta degan yihiin iyo weerarkii Baladweyne mid la mid ah.

XOG: BEESHA CAALAMKA oo si toos ah faraha ula soo gashay doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Reer Galbeedka ayaa bilaabay qorshe ay qaar kamid ah midowga murashaxiinta sanadkaan kaga dhaadhicinayaan inay ka tanaasulaan tartanka doorashada, si looga adkaado musharaxiin soo saartay xildhibaano badan.

Wakiillada ayaa fariimo isku mid ah gaarsiinaya murashaxiinta qaar, si aan fursan loo siin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Saciid Deni oo loo arko inay Soomaaliya uga sii dari karaan.

Murashaxiinta ay gaartay fariintaas waxaa kamid ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Amb Daahir Maxamuud Geelle, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, Cabdinaasir Cabdulle iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi oo kulamadaas horboodayay ayaa qaar ka mid ah murashaxiinta wuxuu ka niyad jabiyay waxa laga aaminsan yahay saaxiibada taageera Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in doorashada guddoonka Barlamaanka ee soo horeysa looga fadhiyo Soomaalida inay soo xulaan guddoon aqoon u leh dhismaha hay’adda sharci dejinta oo ay ka fogaadaan un kursi daneyn iyo in saaxiibnimo lagu soo xulo.

Waxaa kale oo jiri doona liis dad qaswadayaal ah oo soo bixi doona dhaarinta xildhibaanada kadib, taasi oo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay walaac xoogan ka qabaan.

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa si dhow ula socda arrimaha doorashooyinka dalka, ayada oo ay ka go’an tahay qaarkood in markale uusan soo laaban Farmaajo, oo dhowr jeer qaaday tallaabooyin xaalad hubanti la’aan ah galiyay dalka.

Madaxweyne Saciid Deni oo isbeddal lama filaan ah ku sameeyey golihiisa wasiirada

0

Garoowe ( Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu magacaabis iyo isbedel ku sameeyay xubnaha golaha wasiirada maamulkaasi.

Tallaabada uu qaaday Deni ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:- 

  1. Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha.
  2. Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelay Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Magacaabid:

  1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
  2. Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.
  3. Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
  4. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  5. Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
  6. T) Wasiir Kuxigeeno :

Bedel

  1. Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Magacaabid :
  2. Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  3. Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka
  4. Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda
  5. Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
  6. Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha
  7. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta
  8. J) Wasiiru Dowlayaal :
  9. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta
  10. Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha
  11. Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha
  12. Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  13. Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
  14. Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  15. Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga
  16. Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha
  17. Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

Shariif oo sheegay arrin looga gudbi karo xaaladda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey kulan loogu duceynayey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee dalka & walaaca soo kordhay ee la xiriira xaalka dalka.

Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday hal arrin oo looga gudbi karo walwalka ka dhashay amniga dalka, wuxuuna tilmaamay in wadajir looga gudbi karo xaaladda adag ee lagu jiro.

Musharrax madaxweyne Sheekh Shariif ayaa hoosta ka xariiqay haddii amniga meel looga soo jeesto oo la’is xilsaaro in laga adkaan karo kooxaha ku howlan amni darrada.

“Waxaa la yiri amnigaa walwal ka jiraa marka haddii loo jeesto oo la’is xilsaaro waxaana aaminsanahay in laga gudbi karo, laakiin inta qof weliba uu madaxda gadaal marinaayo oo isleeyahay halagaaga hormaro waxaani sidaan ayey u soconayaan,” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xaaladdani lagu sii jiri doono, haddii aan lala imaan isbeddal, laguna dhiiran in la sugo nabad-gelyo guud ee dalka.

“Ummad aan talo laheyn oo ku dhiiraneyn inay nabadda sugato nabad ma istaahisho, mana arkeyso,” ayuu sii raaciyey madaxweynihii hore dowladdii KMG aheyd.

Hadalkan ayaa kus oo aadaya, xilli ay kooxda Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka, iyada oo lagu jiro marxalad kala guur ah iyo sidoo kale xilli doorasho.

Putin oo ay soo-baxday inay dagaalka Ukraine ku marin-habaabiyeen guulwadeyaal

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waxaa marin-habaabiyey la-taliyeyaal guulwadeyaal ah oo aad uga cabsaday inay u sheegeen sida xun ee dagaalka Ukraine u socdo iyo waxyeelada ay gaysatay cunaqabataynta Reer Galbeedka, waxaa sidaas Arbacadii sheegay saraakiil Mareykan iyo Yurub ah. 

Duulaanka ay Russia ku qaaday deriskeeda 24-kii Febraayo ayaa waxaa furimo badan ka hakiyey iska caabinta xooggan ee ciidamada Ukraine kuwaas oo dib u qabsaday dhul badan. 

“Waxaan haynaa akhbaaraad sheegaya in Putin uu dareemay inay marin-habaabiyeen militariga Ruushka, taasi oo dhalisay xiisad joogto ah oo ka dhex-taagan Putin iyo hoggaankiisa militari,” waxaa sidaas tiri Kate Bedingfield oo ah agaasimaha warfaafinta Aqalka Cad. 

“Waxaan rumeysannahay in Putin ay la-taliyeyaashiisa uga been sheegeen sida militariga Ruushka ay ugu jabeen dagaalka Ukraine iyo sida dhaqaalaha Ruushka ay ula degeen cunaqabataynada, sababtoo ah la-taliyayaasha sare aad ayey uga cabsanayaan inay runta u sheegaan,” ayey tiri. 

Mareykanka wuxuu hadda banaanka soo dhigayaa akhbaartan si uu muujiyo “in tani ay aheyd khalad istaraatiji oo Ruushka uu sameeyey,” ayey tiri. 

Kremlin-ka ayaan jawaab deg deg ah ka bixin sheegashooyinka Mareykanka. 

Go’aanka ay Washington ku baahineyso xogahan sirdoon ayaa loo arkaa xeelad sii adkeyn karta hab fikirka Putin, sida uu sheegay sarkaal kale oo Mareykan ah, oo sheegay inay horseedi karto in Putin uu dib u eego cidda uu aamini karo. 

Diblomaasi sare oo Reer Yurub ah ayaa isna sheegay in qiimeynta Mareykanka ay waafaqsan tahay sida ay rumeysan yihiin Yurubta. 

“Putin wuxuu u maleeyey in xaaladdu ka wanaagsan tahay sida ay dhab ahaan tahay. Taasi waa dhibaatada marka aad isku hareereyso guul-wadeyaal,” ayuu yiri diblomaasiga.

Askarta Ruushka ayaa waxaa loo sheegay inay ka qeyb-galayaan dhoola-tus militari, balse waxaa lagu qasbay inay saxiixaan warqad dhigeysa in lasii dheereyn karo shaqadooda, waxaa sidaas yiri laba diblomaasi oo kale oo Reer Yurub ah. 

“Si xun ayaa loo marin-habaabiyey, si xun ayaa loo tababaray waxayna u yimaadeen haween da’ ah oo le’eg ayeeyooyonkooda oo ku qeylinaya inay guryahooda ku laabtaan,” ayey yiraahdeen diblomaasiyiinta. 

Weli ma jiraan caddeymo muujinaya in xaaladdan ay horseedi karto kacdoon ka dhex dhaca militariga Ruushka, balse Reer Galbeedka ayaa rajeynaya “in kuwa aan ku qanacsaneyn xaaladda ay hadli doonaan.”

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Russia ay hadda dib u qaabersay hadafyadeeda dagaalka Ukraine, si loo helo hanaan Putin uu ku sheegan karo guul magac bad-baadsasho ah, inkasta oo ololahoodu noqday mid guul-darrooyin bahdil ah ay asiibeen. 

Ciidamada KENYA oo lagu eedeeyey dilka 167 qof

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday hay’adda Amnesty International ayaa waxaa eedeyn culus loogu jeediyey ciidamada dowladda Kenya, waxayna hay’addu soo bandhigtay tacaddiyo iyo dilal ay geysteen sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in Booliska ay si sharci darro ah u dileen illaa 167 qof sanadkii tegey, kuwaas  oo ay ku jiraan dad lagu soo qabtay iyaga oo jabinaya xayiraadaha Covid-19.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in ciidamadu ay mas’uul ka ahaayeen 33 qof oo raq iyo ruuxba lagu waayay sanadkii 2021.

Warbixinteeda waxyaabihii dhacay sanadkii 2021 ayay Amnesty ku eedeysay Booliska in ay isticmaaleen awood aan loo baahnayn oo mararka qaar sababaysay dhimasho, si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha,.

Amnesty International ayaa sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in dadka la soo eedeeyay aysan wajihin cadaaladda, isla-markaana lagula kacay falal ka baxsan bani’aadanimada.

Dhanka kale weli Booliska Kenya kama aysan hadlin warbixinta ay soo saartay Ha’yadda mnesty International ee lagu eedeeyey ciidamadaasi.

Kenya ayaa horey loogu jeediyey eedeymo culus oo loo heesto ciidamadeeda oo geystay dhibaatooyin kala duwan oo gaaray dadka shacabka.

UK oo soo saartay digniin horleh oo la xiriirta weeraro argagixiso oo ka dhici kara…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin la xiriirta weeraro argagixiso oo bisha April ee soo socota ka dhici kara dalka Kenya, ayada oo cabsida weyn ay dul hoganeysa deegaanada gobolka Waqooyiga bari iyo gobolka Lamu.

Qoraal kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa waxay ku cadeysay inay jiraan haliso amni, ayada oo digniintan u dirtay muwaadiniinteeda ku nool dalka Kenya iyo kuwa rabo inay u safraan dalkaas.

Waxay si gaar ah uga digtay in loo safro gobol xeebeedka Lamu iyo deegaan walba oo xuduuda Soomaaliya u jirta 60KM, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhaceen falal amni daro ah oo ay gaysanayso kooxda Al-Shabaab.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo dhawaan Laamaha amaanka ee Kenya ay sheegen inay sare u qaadayaan amaanka gobolo ay hore uga dhaceen weeraro argagixiso.

Dhacdadii u weyneyd ee dhawaanahan dhacday ayaa qabsatay Dad shacab ah oo ku safrayay gaari nooca dadweynaha oo miino dhulka lagu aasay ay ku qabsatay deegaan ku dhow Mandheera oo saaran xadka labada dal.

Si kastaba, Digniinaha isdaba jooga ah ee soo saaran safaaradaha reer galbeedka ee degan Kenya ayaa inta badan muwaadiniintooda uga digaan inay ka fogaadan goobo ay xiligaas ku tuhmayaan inay ka dhici karaan weeraro argagixiso.

Daawo Rooble: “Xildhibaan Aamina waxaa dishay gacantii Ikraan Tahliil dishay”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ka qeyb galay kulan loogu duceynayo Xildhibaan Aamina Maxamed oo Beledweyne lagu dilay, isagoo sheegay in gacantii Ikraan Taliil dishay ay ka dambeysay dilka Xildhibaan Aamina Maxamed.

Rooble oo aad u careysan, isla markaana ilmeynaya ayaa sheegay inuu hayo fariimo loo soo diray markii ay isaga iyo Cali Guudlaawe go’aansadeen in kursigii ay Aamina Maxamed ku fadhisay aan qof gaar ah loo xirin oo la furo.

Waxuu sheegay in dagaal adag uu u galay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, balse rag badan oo uu ku tashanaayey ay garabkiisa ka baxeen.

“Iyagoo halgankoodii ku soo gabagabeeyey war Farmaajo iyo Rooble kala celiya, uma aanaa socon Farmaajo, laakiin waxaan rabnay in Ikraan ay cadaalad hesho, balse waa la siyaasadeeyey mana ka hari doono Insha allah,” ayuu yiri Rooble.

“Waxaan kaloo aaminsanahay, sidaan u aaminsanahay ina cawadaba aan dhiman karo in Aamina gacanta ka gardaran ee dishay ay aheyd gacantii Ikraan ka danbeysay, sababtaan saas u leeyahay wax kale maahan, walaalkeey Cali Guudlaawe markuu ogolaaday in la furo kuraastii Baarlamaan, waxaa ogaanay in dhibaato soo gaari doonto, waxaa ley soo diray massage oo leygu leeyahay kursigaas aamina furitaankaa furteen waxaad ka heshaa leedahay, ujeedo klaa leedihiin, iyo boob, waxaad ka heshaa leedahay, Cali Guudlaawe waa iska celineynaa, illaah baa iga sareeyo waa hayaa massage-ka, waan u dhimanayaa, waana u dhiman doonaa” ayuu yiri Rooble isagoo ilmeynaya.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sababeynaya ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo la soo xariiray intii uusan dhicin dilka Aamino, isagoo u sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashada uu caqabad ku noqday kursigaas, isagoo doonaya inuu Aamino dhaafiyo, balse ay ku heshiiyeen in asagaba la bedalo.

“Aniga iyo Cali Guudlaawe waxaan xusnay in gabadhaas ay khatar ugu jirto in la dhibaateeyo, markaan go’aankaas qaadanay aniga iyo Cali Guudlaawe waxaa igu soo bilaawday fariimo la igu leeyahay kursigii ay ku fadhisay Aamino sababta aad tartankiisa u furtay waxaa dooneysaa inaad boobto, laakiin waxaad ka hesho ayaad leedahay Cali Guudlaawe iyo adigaba waan iska kaa celi doonaa,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay inay dadka ku dhex jiraan kuwii abaabulay dilka Aamina, lacagta ku bixiyey oo ninka is qarxiyey Beled-Xaawo ka keenay, balse aysan ka hari doonin.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in 14-ka Abriil ay baarlamaanka dhaari doonaan, kadibna dedeji doonaan doorashada, wixii markaas ka dambeeyana ay u soo jeesa doonaan la xisaabtanka dambiilayaasha.

Hoos ka daawo

Sawirro: Kulan aan loo kala harin oo loogu duceeyey xildhibaan Aamina oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka socda kulan duco ah oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo 23-kii bishaan lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka Jawaari, Cabdi Xaashi iyo Abshir Bukhaari, xildhibaano, wasiirro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Muqdisho ayaa caawa ka qeyb galay kulankaas.

Kulanka oo dhamaan masuuliyiinta ka qeyb gashay ay hadallo ka jeedinayaan ayaa waxaa marxuum Aamiina Maxamed loogu sameeyey qur’aan akhris, iyadoo Alle looga baryey inuu u naxariisto.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaan ka soo muuqan kulankaan oo ahaa mid tacsi ah, qaban qaabadiisuna ay socotay todobaadkaan oo dhan, lamana oga sababta ka dambeysa in Farmaajo uu ka baaqdo madashaan loogu duceynayo AUN Xildhibaan Aamina Maxamed.

Hoos ka eeg Sawirrada kulankaas 

DF oo keentay hanaan casri ah oo lagu diiwaan gelinayo ganacsiyada dalka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya maanta ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah loogu daah furay in hab online ah lagu diiwaan geliyo ganacsiyada Soomaaliya, loo qaato shatiyada, loo qabsado magacayada ganacsi iyo in lagu cusbooneysiin karo shatiyada habka online-ka ah.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka ganacsiga, wasiiru dowlaha ganacsiga, wasiirrada Dekadda, Xanaanada xoolaha, wasiir ku xigeenka maaliyadda, agaasimaha wasaaradda ganacsiga, wasiirro ka socday maamul goboleedyada, xubno ka socday Baanka Adduunka (World Bank)  iyo mas’uuliyiin kale, waxaana dhammaan ay guul iyo tilaabo loo baahnaa ku sifeeyeen hanaanka la soo kordhiyay ee ganacsiyada Soomaaliya loo diiwaan gelinayo.

Habkaan online-ka ah ee lagu diiwaan gelin doono ganacsiyada ayaa agaasimaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha XFS Cabdicasiis Ibraahim Aadan waxaa uu sheegay in durba lagu diiwaan geliyay ugu yaraan hal kun ganacsiyo kala duwan ah.

Wasiirradii ka socday Dekadda, xanaanada xoolaha iyo maaliyadda waxay dhankooda sheegeen in adeeggaan cusub uu bulshada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee doonaya in ay ganacsi ku yeeshaan Soomaaliya uu siinayo fursado qaali ah.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga Cabdiraxmaan Karaani oo ku hadlayay magaca ganacsatada ayaa waxaa uu sheegay in barnaamijkan diiwaan gelinta casriga ah uu yahay mid ay ganacsatadu baahi badan u qabeen, isagoo ku amaanay wasiir Khaliif iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo khudbad qoto dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horeyn sheegay in muddo ay ka soo shaqeynayeen hanaankan cusub ee diiwaan gelinta ganacsiyada, waxaana uu intaasi ku daray in ganacasatada loo fududeeyay diiwaan gelinta ganacsiga iyo ruqsad u qaadashada.

Wasiir Khaliif wuxuu kaloo sheegay in dowladda ay marwalba u taagan tahay sidii ganacsiga Soomaaliya loo hormarin lahaa.

Habkaan cusub casrigana ah ee diiwaan gelinta ganacsiyada Soomaaliya ayaa ka dhigan in xilligaan wixii ka danbeeya ay dad badan oo gudaha dalka iyo dibadda jooga u sahlanaan doonto in iyaga oo aan tagin xarunta wasaaradda ay diiwaan gasha karaan ganacsiyadooda, una dalba karaan ruqsad iyo howlaha lamidka ah ee ganacsiyada muhiimka u ah.

Xildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyey ‘laba qorshe oo halis ah uu wado’ Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay qorshe uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhex wado ciidamada, kaasi oo uu isbedel ugu sameynayo taliyeyaasha hoose ee ciidamada qalabka sida.

Qorshahaan ayuu Farmaajo waday maalmihii lasood dhaafay, kaasi oo ujeedkiisu yahay in meesha laga saaro dhamaan taliyeyaashii ka aragtida duwanaa Farmaajo xiligii Badbaado Qaran.

“Farmaajo habeen kasta wuxuu arkaa saraakiil ciidan. Walina lama soo sheegin Xildhibaano uu arkay iyo wax ififaalo doorasho ah oo Villa Soomaaliya ka socda, xili Muqdisho ay ku suganyihiin in ka badan 200 Xildhibaan oo dhawaan la soo doortay,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay socdaan qorsheyaal kale oo lagu beegsanayo siyaasiinta qaar, iyadoo la adeegsanayo gacmo kale sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta ka aragtida duwan Farmaajo inay xoojiyaan amaankooda, si aysan ugu bixin qorsheyaasha guracan ee wado madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

“Doorasho sooma muuqato ee naftiina ha dayacinina‼️,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Xildhibaan Mahad Salaad oo asagu dhawaan markale kamid noqday Golaha Shacabka.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo tirsanaya sanadkii 6-aad ee xukunka Villa Somalia, ayaa waxaa ilaa hadda cadeyn waqtiga laga bedali doono xukunka ama inay doorashadaan ku dhamaan doonto si nabad ah, maadama uu Farmaajo dagaal badan u galay inuu xukunka dheereysto.

Mararka qaar wuxuu la imaanaayey farsamo xaalad abuur ah, si xukunka uu u sii joogo, balse hadda waxaa mar kale so ifbaxaya cabsi ku saabsan in Farmaajo uusan doorasho u socon.

Sida ay tibaaxayaan xogo sirdoon oo ay wadaageen dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta kama shaqeynayo Farmaajo waayahaan wax shaqo ku leh doorashada, wuxuuna xooga saaraya dhanka ciidamada.

Inkasta oo Farmaajo aysan hadda gacanta ugu jirin awooda doorashada, haddana markii dhinac kale laga eego hab-dhaqanka kooxda Farmaajo wax kasta ayaa ka suurtaaba, waxaana weli u heysta awoodii ciidanka, taasi oo suurta-gal ka dhigi karta in uu qaadi karo tallaabo kasta.

Macallimad iyo arday qoorta ka gooyey macallimad kale ‘oo lagu riyooday ayadoo Nebiga NNKH aflgaadeyneysa’

Islamabad (Caasimada Online) – Gabar macallin ka aheyd iskuul diimeed u gaar ah gabdhaha ayaa waxaa dilay ardaydeeda iyo macallimad kale oo ku eedeeyey inay aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH, waxaa sidaas maanta sheegay booliska dalka Pakistan. 

Aflagaadada ka dhanka ah diinta ama Nebiga NNKH waa arrin xasaasi ah ka ah dalka Pakistan, islamarkaana xitaa hal erey oo loo arko sidaas ayaa horseedi kara rabshado waa weyn iyo dilal.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa Talaadadii shalay ka dhacday magaalada Dera Ismail Khan ee gobolka diinta aadka ugu adag ee Khyber Pakhtunkhwa, oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaas, kuna teedsan xuduudda Afghanistan. 

Booliska ayaa sheegay in laba gabar oo arday ah iyo macallimad kale ay weerareen Safoora Bibi oo ku sugneyd albaabka laga galo iskuulka, ayaga oo sita mindiyo iyo walxo kale. 

“Waxay geeriyootay markii qoorta laga gooyey,” waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay sarkaal boolis oo lagu magacaabo Saghir Ahmed. 

Booliska ayaa sheegay in tuhmanaha ugu weyn dambigan ay tahay macallimad dhigta iskuulka falkan uu ku dhacay ee Jamia Islamia Falahul Binaat, ayada oo kaa sheekaneysa laba ka mid ah ardayda oo ay qaraabo yihiin.

Labada gabdhood ayaa booliska u sheegay in macallimada ay ku riyootay haweeneyda la dilay “oo gaysaneysa aflagaado ka dhan ah” Nebi Muxamed NNKH.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay hadda baarayaan haddii haweeneyda eedeysan oo lagu magacaabo Umra Aman ay ciil shaqsi oo gaar ah u qabtay Safoora Bibi

Azeem Khan, oo ah sarkaal kale oo boolis, ayaa xaqiijiya faah-faahintan. 

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in sharciga Pakistan ee ka dhanka ah aflagaadada diinta inta badan loo adeegsado in looga faa’iideysto muranada shaqsi.

Sanadkii tegay, nin u dhashay dalka Sri Lanka oo maamule ka ahaa warshad ku taalla Pakistan ayaa la garaacay illaa uu ka dhinto kadibna la gubay, kadib markii lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey diinta.

Xarunta Cadaaladda Bulshada — oo ah koox madax banaan oo u ololeysa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Pakistan — ayaa sheegtay in sanadkii tegay ugu yaraan 84 qof lagu eedeeyey inay aflagaadeeyeen diinta, kuwaas oo saddex ka mid ah la dilay.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhaarinta xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray xog-hayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxay Maxamed Xuseen Rooble, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac uga wada-hadleen diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Sidoo kale dhinacyada ayaa kulanka ku kala qaatay warbixiin ku saabsan diyaar-garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal, xili ay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ay mareyso heer gebo-gebo ah.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, kadibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebo-gebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

Jadwalka Guddiga FEIT ee dhaarinta xildhibaanada ayaa waxaa hore si adag uga horyimid maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taasi oo uu ka dambeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, hase yeeshe waxaa cad in uu fashilmay qorshaha lagu burinayo jadwalkaas.

Trump oo Putin u diray codsi yaab leh oo ka dhan ah Biden

0

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa ugu baaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo bishii hore duulaan ku qaaday Ukraine, inuu sii daayo xog kasta oo uu hayo oo wax u dhimeysa wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa mar kale dib ugu laabtay eedeymaha soo noqnoqda ee uu marar badan u jeediyey Biden, intii lagu guda jiray ololihii doorasho ee looga adkaaday 2020.

Qeyb ka mid ah wareysi uu Talaadadii siiyey barnaamijka “Just the News” ee warbaahinta Real America’s Voice, ayuu Trump ku sheegay in xaaska duqii magaalada Moscow ay Hunter Biden siisay $3.2 milyan.

“Taasi waa lacag badan,” ayuu yiri. “Waxay siisay $3.5 milyan, marka hadda waxaan u maleynaa in Putin uu ogyahay jawaabta arrintaas. Waxaan u maleynaa inuu sii daayo.”

“Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan ogaano jawaabtaas,” ayuu ku diray.

Trump ayaa muddo sheegayey, isaga oo aan yaboohin wax caddeymo ah, in Hunter Biden uu lacag ka helay Elena Baturina, oo ah xaaska duqii hore ee geeriyooday ee Moscow Yuri Luzhkov, si uu taas beddelkeed xigsasho uga helo Joe Biden.

Trump ayaa waxaa 2019 dacwad xil ka-qaadis kusoo oogay Aqalka Wakiilada Mareykanka sababo ka xiriira inuu isku dayey inuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ku cadaadiyo inuu baaro wax uu tuhunsanaa inay yihiin akhbaaraad dhaawici kara wiilka Biden, oo mar la shaqeeyey shirkad tamarata qaabilsan oo ku taalla Ukraine.

Ololihii doorasho ee uu ku guuelystay 2016, Trump wuxuu fagaare uga codsaday Moscow inay baahiso emailo la la’aa oo ka yimid musharaxii dimoqraadiga ee la tartantay Hillary Clinton.

“Russia, haddii aad i dhageysaneysaan, waxaan rajeynaa inaad awoodi doontaan inaad heshaan 30,000 ee email ee la la’yahay, waxaan u maleynaa inay si wanaagsan idiin abaal-marin doonaan warbaahinteena,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay July 2016.

Putin ayaa duulaan dhimasho leh ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo, ayada oo shacabka Ukraine ay bixiyeen qiimaha ugu badan ee weeraro la baarayo inay yihiin dambiyo dagaal.

Madaxweyne Joe Biden ayaa hoggaamiyey jawaab cunaqabatayn oo aan horey loo arag oo ay Reer Galbeedka bixiyeen iyo kaalmo iyo hub la gaarsiiyey Kyiv, oo iska-caabin xooggan oo lama filaan ah muujisay.

Biden ayaa Putin ku qeexay dambiile dagaal, wuxuuna dhowaan sheegay “inaanu xukunka sii hayn karin” kadib ficilladiisa Ukraine.

AFP + VOA

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka mid ka mid ah raggii weeraray Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markale warbixin cusub kasoo saartay weerarkii tooska ahaa ee dhowaan lagu qaaday gudaha xerada Xalane oo uu ku dhex-yaallo garoonka diyaaradaha Aadan Cade, sidoo kalena ay dagan yihiin ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab ayaa marka hore shaacisay xogta mid ka mid ah raggii fuliyey weerarkaasi oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal ay gudaha ku galeen raggaasi.

Magaca ninkan ayey kooxdu ku sheegtay Maxamed Macalin Axmed oo (Cabdirisaaq-Juleybiib), wuxuuna kasoo jeeday Beesha Eelaay, gaar ahaan Jufada Geed Fade.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa da’da ninkan ku sheegtay 24 jir ku dhashay deegaan hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, isaga oo ka qayb qaatay dagaallo kala duwan.

Wareysi laga qaaday ninkaan intii uu socday weerarka, sida ay baahisay Idaacadda Andaluus wuxuu ku sheegay inay dileen dad ajaaniib ah oo isugu jiray Cadaan iyo Afrikaan, ayna sidoo kale gubeen xero ku dhex-taalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Dhinaca kale warbixinta kasoo baxday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dhimashadu gaartay illaa 17 qof oo u badan ajaaniib reer galbeed ah iyo 13 dhaawac ah oo u badan Afrikaan, siiba ciidanka AMISOM ee ilaalinayey goobta uu weerarku ka dhacay.

Weerarka ayaa dhacay xilli barqo ah, taariikhduna ay aheyd 23-kii bishan March, kaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan raggii fuliyey qaraxyadii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaalada Beledweyne.

Dubbe oo weerar ku qaaday – Odowaa “mucaaradnimada dabci xumo ayuu ka qaaday”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo haatan loo doortay Aqalka Sare ayaa markale weerar afka ku qaaday siyaasiga caanka ah xildhibaan Cabdiraxmaan Maxmed (Odowaa) oo ay isku hayaan siyaasad ahaan.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday inuu Odowaa dabeecad xumo ka qaaday mucaaradnimada shantii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa xusay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu dagaal ku jiray sanadihii u dambeeyey, isla-markaana ay ka lumisay dabeecaddii, sida uu hadalka u dhigay.

“Shan sanadood ayuu mucaarad ahaa baahasha mucaaradada la yiraah waa inkaar, marka waxaa iri Cabdiraxmaan 5 sanadood nin dagaal ku jiray hortada beecad fiicnaanaan maayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay aheyd inuu joojiyo dagaalka, haddii uu ku guuleystay kursiga xildhibaan ee ay horey isugu hayaan Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

“Sababtoo ah ninka marka uu guuleysto ma’aha inuu hadalka dib u eego waa inuu horey u socdo,” ayuu sii raaciyey.

Wasiir Dubbe ayaa marar badan weerar afka ku qaaday Cabdiraxmaan Odowaa, gaar ahaan intii uu ku jiray ololaha doorashada ee Golaha Shacabka, walow uu markale dib ugu guuleystay kursiga HOP#069, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xog sirdoon iyo walaac ku saabsan in Farmaajo uusan doorasho rabin oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tirsanaya sanadkii 6-aad ee xukunka Villa Somalia, wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu waqtiga dheeraa burburikii kadib.

Ilaa hadda ma cadda waqtiga laga bedali doono xukunka ama inay doorashadaan ku dhamaa doonto si nabad ah, Farmaajo dagaal badan ayuu u galay inuu xukunka dheereysto.

Mararka qaar wuxuu la imaanaayey farsamo xaalad abuur ah, si xukunka uu u sii joogo, balse hadda waxaa mar kale so ifbaxaya cabsi ku saabsan in Farmaajo uusan doorasho u socon.

Xog-Sirdoon oo ay wadaageen dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta ayaa muujineysa in Farmaajo uusan waayahaan doorasho ka shaqeyn.

Inkastoo aysan cadeyn waxa kale ee Farmaajo uu maagan yahay, hadana siyaasiyiinta dalka intooda badan ayaa xoojinaya walaac ah in Farmaajo uusan doorasho u socon.

Sirdoonka dalalka dariska la ah Soomaaliya waxay ahaayeen ishii koowaad ee bishii Janaayo 2021-kii soo dusida in Farmaajo uu mudo kororsi laba sano ah aadi doono, wax kasta oo ay ku qaadato, taas waxay ugu dambeyn cadaatay bishii Abriil ee sanadkaas oo baarlamaanku laba sano uu ugu daray Farmaajo, inkastoo tallaabadaas uu si cad ugu fashilmay.

Sirdoonka dalalka deriska waxay hadda dusinayaan xog kale oo walaac leh, taas oo sheegeysa in Farmaajo uusan u socon olole doorasho iyo ka fekerka dib ugu soo noqoshadiisa doorasho dhacda kadib.

Siyaasiyiinta gudaha oo xogahani ay soo gaareen waxay ayaguna xoojinayaan dareenkaan, iyagoo adeegsanaya sababahaan soo socda:

1– Xildhibaanada soo baxay

Farmaajo waa ninka xildhibaanada ugu badan ay u soo baxeen haddana waa uu ka gaabsaday inuu waqti siiyo oo qaabilo xildhibaanadii u soo baxay ama uu xiriiriyo.

Xildhibaano badan oo Muqdisho jooga oo la aaminsan yahay inay Farmaajo taageero u yihiin, ayuusan wax olole ah ka dhex wadin.

2– Qoor Qoor iyo Laftagareen

Labadaan hoggaamiye ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo la aaminsan yahay inay gaareen lacago doorasho oo ay dowladda Qatar bixisay ayaa dhawaan u yeeray xildhibaanadii ay soo saareen.

Waxaa la filaayey inay u tilmaami doonaan jihada doorashada madaxweynaha, laakiin labada hoggaamiye midkoodna uma sheegin xildhibaanada qofka la dhisayo.

Laftagareen 77 xildhibaan ayuu u yeeray, laakiin xildhibaanada kuma dhihin “Waxaan dhiseynaa Farmaajo” sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaanadii kulanka tegay.

Dadka falanqeeya siyaasadda arrintaan waxay ku macneeyeen in labada ninba aysan ogeyn halka loo socdo.

3– Arrimaha ciidanka

Farmaajo wuxuu weli wadaa dalacsiinta saraakiisha ciidanka, inta uu saraakiisha ciidamada qaabilo ayaa la sheegay inay ka badan tahay inta uu xildhibaanada qaabilo.

Dhawaan waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble lagula taliyey inuu is bedal ku sameeyo hoggaanka hey’adaha amniga, balse waxaa kaga hor maray Farmaajo oo si dhoolatus ah u qaabilay saraakiisha ciidanka.

4– Qorshaha guluf dagaal

Waxaa jira qorshe dagaal oo ay NISA diyaarisay oo lagu wareejiyey Taliska ciidanka xoogga dalka, qorshahaas wuxuu ku wajahan yahay Al-Shabaab.

Kooxda Farmaajo waxaa laga soo weriyey inay macquul tahay in mar dhow la bilaabo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, xilli siyaasiyiin badan ay ka shaqeynayaan olole doorasho, Farmaajo wuxuu u socdaa dagaal saf-balaaran ah oo lagu qaado Al-Shabaab.

5- Ciidankii ka imaanayey Eritrea

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la qorsheeyey in ciidanka jira Eritrea la keeno oo dhulka lasoo marsiiyo, iyadoo lasoo dhex-marsiinayo Itoobiya, dalkana laga soo gelinayo xuduudaha gobollada.

Hadal heynta jirta waxaa ka mid ah in howgal dagaal oo laga fuliyo gobolka Jubbada Dhexe uu mudnaan u leeyahay Farmaajo, weliba doorashada ka hor.

6– Ka gaabsiga loolanka guddoonka BFS

Farmaajo iyo kooxdiisa waxay hoos u dhigeen qorshahooda musharaxiinta u taagan guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka, waxay muujinayaan in wax kale ay ku mashquulsan yihiin, inkastoo aan taas weli la fahmin.

Arrimahaan iyo kuwo kaleba waxay dib u abuurayaan walaaca ku aadan inuu Farmaajo ka shaqeynayo waxaan doorasho aheyn, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka oo xogtaan gorfeynaya waxay ku doodayaan in mar kasta uusan Farmaajo qaadi karin tallaabo kale oo qar iska tuurnimo ah, isagoo ka cabsanaaya ciqaabta reer Galbeedka.

Hase yeeshee markii dhinac kale laga eego habdhaqanka kooxda Farmaajo wax kasta ayaa ka suurtaaba, in kastoo awooda doorashada aysan hadda gacanta Farmaajo ku jirin, hadana wuxuu weli heystaa awoodii ciidanka, taasi waxay suurta gal ka dhigeysaa in tallaabo kasta uu qaadi karo.

Faah-faahinta QARAX lala eegtay mas’uuliyiin sare oo xalay ka dhacay degmada…

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay caweyskii ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu aasay afaafka hore ee hoyga Gudoomiye ku-xigeenka Dhinaca Amniga ee Degmada Wanlaweyn, Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Gaduudow).

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay wiil uu dhalay Gudoomiye ku-xigeenka, halka Gudoomiye ku-xigeenka iyo askari ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Gudoomiye Degmada Wanlaweyn, Ismaaciil Abuukar Maxamed ayaa sheegay in xaaladda Gudoomiye ku-xigeenka ay tahay mid degan, dhaawaciisana lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee degmadaasi.

“Gaduudow aad ayuu u fiican yahay, wax dhib ah ma qabo, xaaladiisana way degan tahay. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ururka 64aad ayaa u gurmaday, haddana Isbitaalka Degmada Wanlaweyn ayuu ku sugan yahay,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Xaaladda Degmada Wanlaweyn aad ayay u degan tahay, waa la is dhex marayaa, wax dhib ahna kama jiraan.”

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in uu socdo baaritaan la xiriira qaraxaasi, wixii faah faahin ahna ay dib kala soo wadaagi doonaan Warbaahinta.

“Hadda baaritaan ayaa socdo oo ku aaddan waxa uu qaraxa ahaa iyo ciddii ka dambeysay, marka uu baaritaanka dhammaado ayaan dib ka soo sheegi doonnaa wixii faah faahin ah,” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xiriirinayaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey toogasho DAD badan lagu laayey oo ka dhacday Israel

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Nin Carab ah ayaa ugu yaraan shan qof ku dilay magaalada Tel Aviv kahor inta aan toogasho lagu dilin Talaadadii sida ay sheegtay waxaada adeegga gurmadka degdegga ah, waana weerarkii saddexaad ee lagu dilay dad u dhashay Israa’iil muddo toddobaad gudihiis ah.

“Israa’iil waxa ay wajaheysaa mowjado argagaxiso Carbeed oo dilaa ah,” ayuu Ra’iisul Wasaare Naftali Bennett kusoo qoray Twitter-ka kadib toogashada ka dhacday xaafadda Bnei Brak, oo ah magaalo Yuhuuda xagjirka ah oo ku taal duleedka caasimadda ganacsiga Israel.

Toogashada loo geysanayo dadka Israa’iil ayaa kor u dhaaftay 11 qof oo ay rag hubaysan oo Carab ahi ku dileen Israa’iil usbuucii lasoo dhaafay, waana tiradii ugu badnayd ee weerarro lagu qaado waddooyinka magaaladan muddo sano ah.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa cambaareeyay dilka loo geystay dadka rayidka ah ee Israa’iil, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dilka Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay horseedi doonto oo keliya in xaaladdu ay sii xumaato, isagoo ka digay weeraro aargoosi ah oo ay geystaan guud ahaan Yahuudda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

Muuqaal laga sii daayay telefishinada Israa’iil ayaa muujinayay nin ku labisan dhar madaw oo qoriga darandooriga u dhaca ku ridayay dad ku socday waddo ku taal Bnei Brak.

Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa saraakiil amni oo aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa Falastiini kasoo jeeda tuulo u dhow magaalada Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

VOA + Reuters

Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa iyo Ciid oo biilkii laga jartay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kaas oo mudo soo jiray, balse cirka isku shareeray 24-kii saac ee u dambeeyey.

Khilaafkaan wuxuu salka ku hayaa kursiga wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo Axmed Qoor Qoor uu xalay dib ugu magacaabay Cabdi Waayeel.

29-kii bishii May ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne ku xigeenku xilkii ka qaaday wasiir Cabdi Waayeel oo ay isku heyb yihiin, balse ay laba jufo kala yihiin, xilligaasna Qoor Qoor wuxuu ku maqnaa Muqdisho.

Warqadii xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labadii bilood ee lasoo dhaafay Axmed  Qoor Qoor wuxuu miisaaniyadda ama biilka ka jartay xafiiska ku xigeenkiisa Cali Ciid.

Hadda Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka maqan yahay dalka, wuxuuna ku sugan yahay wadanka Tanzania, halkaas oo howlo shaqo uu u joogo.

Hase yeeshee ninkii uu xilka ka qaaday 10 bilood ayaa xalay dib loogu magacaabay isla xilkii, iyadoo uu weli jiro khilaafkii Cali Ciid iyo Wasiir Cabdi Waayeel iyo kan u dhaxeeya Qoor Qoor iyo Cali Ciid.

Dhanka kale warar soo baxay waxay sheegayaan in mooshin ka dhashay la tashi la’aanta Axmed Qoor Qoor ee ku xigeenkiisa uu abaabulkiisu Dhuusamareeb ka socdo, kaas oo ka dhan ah Madaxweyne Qoor Qoor.