24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

DF oo ka jawaabtay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka kasoo baxday Golaha Ammaanka kaasoo ku saabsanaa howlgalka cusub ee ATMIS ee lagu badalay AMISOM.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa in Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalkaa oo dhameystiran

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa in Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Waajibka cusub ee ATMIS waxa uu ka tarjumi doonaa khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab iyo in la abuuro ciidamo badan oo guurguura si ay u taageeraan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya howlgallada.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa xubnaha golaha taageeradooda intii ay socdeen doodaha farsamada, waxayna rajaynaysaa inay si dhow uga wada-shaqeeyaan xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee ATMIS-ka si loo gaarsiiyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada FIET oo isku sharaxay HOP#059

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Federaal Avv Mowliid Mataan Salaad ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu yahay musharax u taagan kursiga #HOP059 ee yaalo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mowliid Mastaan ayaa sheegay  in uu go’aansaday inuu u tartamo kursigaan kadib markii uu wada-tashiyo la yeeshay odoyaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Beesha kursiga leh.

Kursiga HOP059 ayaa noqonaya mid ka mid ah kuraastii ugu dambeysay ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo lagu wado in la dhaariyo xubnihiisa 14 bishan Abriil.

Mataan weli iskama casilin xilkii guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada, wuxuuna wax kasoo maamulayey kuraastii lagu doortay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee maamulka Hirshabelle.

Ma cada waxa uu ka qabo sharciga u yaala Guddiga doorashooyinka inay xubno xilal ka haya ay u tartami karaan kuraas Baarlamaan, mana jirto ilaa iyo hadda inta la ogyahay xubin guddi oo iyagoo xilka haya doorasho Baarlamaan isku soo sharaxay.

Wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga hirgelinta doorashada heer federal ee FIET tan iyo markii lagu dhawaaqay guddigaasi dhammaadkii sanadkii 2020.

Xiriirka Mataan iyo Villa Somalia ayaa ah mid aad u xun tan iyo markii xubnaha guddiga doorashooyinka ay xilka ka qaadeen guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro dhammaadkii bishii Disember 2021.

Abuukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa xilligaas shir guddoomiyay garabkii xil ka qaadista ku sameeyay guddoomiyihii guddiga oo haystay taageerada Villa Soomaaliya – kaas oo markii dambe lagu beddelay guddoomiyaha haatan xilka haya Muuse Geelle Yuusuf.

Muxuu Rooble ka yiri liiskii xalay kasoo baxay guddiga doorashada heer federaal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maaxmed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeyay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo xalay shaaciyay natiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad Soomaaliya.

Rooble ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Rooble ayaa ugu dambeyn Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeeyey in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. 

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa xalay ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas lagu soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir, 

Dhammaan Liisaska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ayaa la soo bandhigay, iyadoo laga reebay xubn uu ugu muhiimsan yahay La-taliyaha Farmajo, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kaloo liiska Koonfur Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

Xubnaha laga reebay liiska la shaaciyey ayaa kala ah:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Garoonka diyaaraddaha iyo xerada Xalane oo maanta xayiraad lagu soo rogay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee AMISOM ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in maanta gebi ahaanba la xiray lana joojiyay dhaq-dhaqaaqa gudaha ee garoonka diyaaraddaha Muqdisho iyo qeybaha kale ee xerada Xalane oo ay degan yihiin ajaaniibta iyo diblumaasiyiinta dalalka saaxiibada.

Warqad kasoo baxday AMISOM, oo ay heshay Caasimada Online, ayey AMISOM ku sheegtay in baaritaan culus iyo xaqiijinta amniga garoonka diyaaraddaha iyo xerada Xalane ka fulinayaan si loo sugo amniga goobahaasi oo todobaadkii hore weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac ay ka geysteen dabley hubeysan.

Shirkaddaha, ganacsatada iyo ajaaniibta degan xerada Xalane ayaa lagu wargeliyay in maanta wax dhaqdhaqaaq ah jirin, waxaana kaliya loo fasaxay gudaha garoonka dadka duulaya iyo kuwa soo degaya.

AMISOM waxay sheegtay in shaqaalaha muhiimka ah ee lagama maarmaanka ah la marsiin doono baaritaan culus kadibna la fasaxi doono, ayada oo intaas ku dartay in shaqada garoonka ay caadi kusoo laaban doonto 2-da April.

Tallaabada ay qaaday AMISOM ayaa imaneysa ayada oo tuhun badan oo weli ku hareereysan yahay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen garoonka toddobaadkii tegay, kaais oo la rumeysan yahay in la fududeeyey.

Ruushka oo ka baxay goobo muhiima oo ku tirsan Ukraine

0

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidammadii Ruushka ee haystay warshaddii hore ee laga dhalin jiray quwadda nukliyeerka ee Chernobyl ee Ukraine ayaa halkaas isaga baxay, sida ay sheegeen shaqaalaha warshaddaasi.

Sida ay tibaaxday shirkadda qaranka ee nukliyeerka Ukraine ee Energoatom, shaqaalaha ku sugan warshadda ayaa sheegay in haatan aanay jirin “cid iyaga ka baxsan” oo goobtaasi ku sugan.

Goor sii horraysay, shirkadda waxa ay sheegtay in ciidammada Ruushka ay u ruqaansadeen xadka Belarus, iyagoo halkaas uga tagay koox yar.

Ku dhawaaqista ayaa u muuqata mid lagu xaqiijinayo warar ay sheegeen saraakiil sarsare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka kuwaas oo Arbacadii sheegay in goobtaas uu Ruushku isaga baxayo.

Ciidammada Ruushka ayaa waxa ay Chernobyl qabsadeen bilowgii duullaanka ay ku galeen Ukraine.

“Saakadan, ayaa kooxaha xoogga ku soo galay dalka waxa ay ku dhawaaqeen inay rabaan inay isaga baxaan warshadda dhalisa quwadda nukliyeerka ee Chernobyl”, ayey Energoatom ku sheegtay bayaan ay soo saartay Khamiistii.

Shirkadda ayaa sidoo kale xaqiijisay wararka sheegaya in ciidammada Ruushka ay dhufaysyo ka qoteen qeybta ugu sunta badan ee aagga xiran ee Chernobyl, iyagoo halkaas ay ku haleeshay “doosas badan” oo shucaac ah.

Waxaa jira warar aanan la xaqiijin oo sheegaya in qaar kamid ah askartii halkaas joogtay lagu dabiibay waddanka Belarus.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa ay shaqaalaha warshadda ku sugan ka soo xigatay inay sheegeen in qaar ka mid ah ciidammada aanay ogayn inay ku sugnaayeen aag uu ku furan yahay shucaac badan.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, milateriga Ruushka ayaa sheegay in kaddib markii ay qabsadeen warshadda heerarka shucaaceeda laga dhigay mid caadi ah oo meeshiisa lagu xakameeyay.

Hay’adda Caalamiga ah ee Atoomikada Adduunka (IAEA) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aanay u suuragelin inay xaqiijiso wararkaasi.

Hasayeeshee, agaasimaha shirkaddaasi ayaa sheegay inay wadaxaajoodyo dhaw la leeyihiin mas’uuliyiinta Ukraine taas oo ay howlgal ugu dirayaan warshadda Chernobyl maalmaha soo aaddan.

Guddiga FEIT oo shaaciyey liiska xildhibaanada BF iyo Fahad Yaasiin oo laga reebay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa caawa ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas lagu soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir, 

Dhammaan Liisaska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ayaa la soo bandhigay, iyadoo laga reebay xubn uu ugu muhiimsan yahay La-taliyaha Farmajo, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kaloo liiska Koonfur Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

Xubnaha laga reebay liiska la shaaciyey ayaa kala ah:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub inay soo doontaan ilaa labada bisha kaararka aqaansiga, waxaana lagu wadaa in la dhaariyo 14 bisha April ee 2022-ka.

 

 

Kheyre oo shaaciye waxa ay sababtay xildhibaan Aamina

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qeybgalay kulan loogu duceynayey Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee lagu dilay qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledwayne, ayaa xusay in ay sababsatay dowlad xumada iyo amni darada ka jirta dalka.

Khayre oo ku amaanay xildhibaan Aamina sida ay go’need u adeegida dadka iyo dowlad-nimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “Xildhibaan Aamino waligeeda dan shaqsi ah iiguma imaan, waxay ahayd qof bulshada u adeegta.

Khayre oo hadda ah Musharax madaxweyne ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed in ay cafiyaan xildhibaan Aamino isla markaana ay u duceeyaan maadaama ay dalkaan ugu soo adeegtay waqti adag.

“Waa in aan kuligeen ka shaqayno in aan mar dambe wiil ama gar Soomaaliyeed aysan nooga dhiman dowlad xumo iyo amni daro, oo aan kuligeen gacmaha is qabsanaa,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa ku booriyay dadkii xafladda ka soo qayb galay in ay is cafiyaan isaga oo dalbaday qofkii wax katabaya in uu iska cafiyo.

“Si aan ugu tusaale qaado walaasheena Aamina, inteena nool ee halkaan isku timid, inteena wax kala gaareen in aan is cafino” ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo hadalkii raaciyay “Anigu waxaan codsanayaa in qof walba oo wax iga tirsanaya uu iska kay cafiyo, anigana waa caafiyay”.

Khayre ayaa ku booriyay dowladda in ay la dhamaystiro doorashooyinka dalka waqtii loogu talagalay.

Senatorada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si loogu dhaariyo, loona guda galo Doorashada Guddoonada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Waqtiga loo qabtey in lagu dhaariyo mudaneyaasha cusub waxaa ka hartey hal asbuuc iyo bar.

Bisha Ramadaan oo caawa la raadinayo iyo rejada laga qabo in la arko

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaabtay raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyadoo dalal uu kamid yahay Sacuudiga ay dalbadeen in la baadi goobo bisha.

Dhamaan Muslimiinta ku nool guud ahaan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayey maxkamadda sare ee dalkaas amartay inay raadiyaan aragtida bisha barakeysan ee Ramadaan oo fiidka caawa.

Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysa in la baaro bisha Ramadaan.

“Qof kasta oo ku arka indhihiisa ama qalabka Endoscopes waa inuu ku wargeliyo maxkamadda ugu dhow, si uu u diiwaan-geliyo markhaatigiisa ama inuu la xiriiro xarunta ugu dhow si uga caawiso inuu gaaro maxkamadda ugu dhow,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga.

Dhanka kale, Culimadda Fiisigista iyo xidigiska ayaa ayaguna sheegay inaysan suurtagal aheyn in maqribka caawa ee 1-da April indhaha lagu arko bisha guud ahaan dalalka Islaamka, marka loo eegana qalabka Telescope-ka ay aad u dhibadan tahay in lagu arko, sida ay sheegen.

“Waxaa u wacan arrintaan ayada oo ay isku xirmayaan ama hal mar oo wax badan u dhaxeyn ay isla dhacayaan qoraxda iyo bisha, taasi oo xaalad aanay dadka caadiga ah ishooda ku arkin karin.”

Marka xaaladahaan oo kale dhacaan waxay u badan tahay oo dhaqanku yahay in dalalka Islaamka ah ay ku dhawaaqan curashada bisha Ramadaan inay tahay maalinta xigta, ayada oo shacbaana noqon doonto 30 maalmood.

Wixii kusoo kordha waxaa kala socon doonta wararkayaga dambe Insha Allah.

Golaha Ammaanka ee QM oo soo saaray go’aan cusub oo ku saabsan Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in howlgalka AMISOM loo magac baddelo ATMIS si loo ballaariyo howlgalkaan ku kooban Qaaradda Afrika loogana dhigo mid ay ka qaybgeli karaan waddamada ka baxsan Qaaraddaan.

Qaraarka lagu meelmariyey hawlgalkan cusub ayaa lagu xusay in si aayar-aayar ah loo dhimo shaqaalaha hawlgalka oo haatan ah illaa 20,000 oo isugu jira militari, boolis iyo shaqaale rayid ah, illaa la gaarsiyo eber sannadka 2024.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay in la sameeyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab si looga hortago weerarada ay kordhiyeen muddooyinkii dambe si loo xaqiijiyo hadafka uu xambaarsan yahay howlgalkaan.

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo bishaan hayey xilka madaxweynaha golaha ammaanka ee wareega ayaa ku dhawaaqday in qaraarkan la meel mariyey, kadib Bilo badan oo la soo yeeshay wadahadalo wax ku ool ah.

Howlgalka AMISOM oo soo billawday 19-kii Janaayo 2007 ayaa soo idlaaday 31-kii Maarso 2022, Dalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Afrikaanka ah ku deeqay waa Uganda, sanadihii dambe waxaa si tartiib-tartiib ah loo dhimayay Ciidamadaan.

Muddada 15-ka sano ah ee howlgalka AMISOM ka socday Soomaaliya waxa ay Ciidanka xiran sumadda Midowga Africa waxa ay sameeyeen howlgallo kala duwan halka ay la kulmeen weeraro kala duwan oo gaarsiiyay dhimasho, dhaawac & mid hanti.

DANAB oo howlgal ku bur-buriyey saldhigyo Al-Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ururka 5-aad Guutada 16aad ee ciidamada Kumaandooka Soomaaliyeed ee DANAB oo garab ka helayo ciidanka nabadsuida maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ka fuliyey howlgalo wadajir ah deegaano dhaca Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaan oo ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyey ayaa waxay ciidamada huwanta ah ka sameeyeen deegaanada buurqaylo, warta bilow, maduulow, Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay saraakiil ka tirsan kuwa howlgalka qaaday u sheegeen Caasimadda Online, howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyey Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab kuwaas oo ay sheegeen in lagu dhibaateyn jiray dadka Shacabka ah.

Saraakiisha la hadashay Caasimadda Online ayaa sidoo kale sheegay inuu howlgalkaan socon doono inta kooxda Al-Shabaab laga sifeynayo guud ahaan deegaanada Gobolka Jubbada Hoose.’

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood ciidan oo xoog leh ku leh Gobolka Jubbada Hoose iyo Gobolada kale ee maamul Goboleedka Jubbaland, waxayna dhowr jeer weeraro kusoo qaadeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo uu Mareykanka taageero ayaa marwalba howlgallo kala duwan ka fuliya degaano kuyaalla Gobolada dalka halka mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

DENI oo magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare Puntland iyo xubno kale

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wareegto uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa waxaa xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi loogu magacaabay Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) oo horey u ahaa  Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Deni ayaa sidoo kale Nuur Ciiise Maxamed uu magacaabay inuu noqdo guddoomiye   ku xigeenka maxkamadda Sare ee Puntland

Halkan hoose ka aqriso wareegtada:-

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 90-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Puntland.
Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid

1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Puntland

2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye   Kuxigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland

3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland

4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland

5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland.

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday maalinta ugu horreysa ee bisha Ramadan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd xaqiijisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay Sacuudiga ayaa waxa caawa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabtii raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha.

Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysay in la baaro bisha Ramadaan, oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Rooble oo qaaday tallaabo uu ku xaqiijinayo jadwalka dhaarinta xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, waxaana looga wada-hadlay qorshaha shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaannada labada aqal, si waafaqsan jadwalkii guddiga FEIT horay u soo saaray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa weli ku adkeysanaya in wax isbedel ah uusan ku imaan jadwalkii uu FEIT soo saaray ee dhaarinta xildhibaanada, kaasi oo ku taariikheysna 14-ka April ee 2022-ka.

Shalay unbey aheyd markii uu Rooble xafiiskiisa kula shiray xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxa uu Rooble warbixin uga dhageystay Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac, taasi oo ku aadaneyd diyaar-garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal, xili ay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ay mareyso heer gebo-gebo ah.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, kadibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Jadwalka Guddiga FEIT ee dhaarinta xildhibaanada ayaa waxaa hore si adag uga horyimid maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taasi oo uu ka dambeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, hase yeeshe waxaa cad in uu fashilmay qorshaha lagu burinayo jadwalkaas.

Soomaaliya: ‘Shiqrool loo maleegay siyaasiyiin iyo isku day afgambi saddexaad’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale shaaciyay qorshe afgambi oo uu damacsan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, oo hore dhowr jeer ugu fashilmay muddo kororsi sharci darro ah.

Mahad Salaad ayaa sheegay in afgambigaas uu Farmaajo u qorsheysan yahay in uu ku dhawaaqo 12-ka April oo ah xuska maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya shirqoolada uu maleegayo iyo amni darada baahsan ee uu gacantiisa uu ku sameeyay.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in kooxda Farmaajo ay ka dambeeyso qalalaasaha amni ee maalmihii dambe ka taagna garoonka iyo xeyndaabka Xalane, si loo baqdin galiyo diplomaasiyiinta shisheeye oo ay iskaga cararaan dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran:

Shirqoolo loo maleegay dad siyaasiin ah iyo AFGANBI 3aad oo u qorsheysan Farmaajo!!

1. 23-kii bishaan Maarso weeraradii iyo qaraxyadii ka dhacay Afisyoone iyo Beledweyne waxaa fududeeyay dad la yaqaano ilaa hadana wax tilaabo ah lagama qaadin, sababtoo ah waxay dowlada ku dhex heystaan xilal, xoog iyo xasaanad. Waana sababta xalay RW Rooble ugu dul ilmeeyay minbarkii uu taagnaa ee loogu tacsiyeynayay Xildhibaan Amina AUN.

2. Shalay waxaa lagu kala cararay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii la sheegay in gudaha garoonka la soo geliyay qaraxyo iyo maleeshiyaad hubeysan oo weeraro ka fulin raba garoonka iyo gudaha Xalane. Danta laga leeyahay xaga hoose ayaan ku xusi doonaa.

3. Waxaa socda qorsheyaal lagu beegsanayo RW Rooble, MW Cali Guudlaawe (oo lagu soo daray liiska dadka cadowga ku ah Villa Soomaaliya doorashadii Beledweyne ka dib), qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee la soo doortay, Musharaxiin iyo Siyaasiin iyadoo la adeegsanayo gacmo kale oo loogu adeegayo agabka iyo shirciyada hawlwadeenada dowlada sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne. Ujeedada laga leeyahay iyadana qaybaha dambe ee qoraalkan ayaan ku sheegi doonaa.

4. Waxa jira nin siyaasi ah oo maamul goboleedyada mid ka mid ah ka soo jeeda oo la dejiyay hotel ku yaala xayndaabka garoonka Aadan Cadde. Waxaana agtiisa lagu diyaarinayaa hub aad u fara badan oo la leeyahay amniga mas’uulkaan ayaa lagu ilaalinayaa lkn ujeedadu sidaas maahan ee hubka howlgal kale ayaa loo isticmaali doonaa, ciidanka hubkaas ku howlgeli doona iyagoo dharcad ah ayaa gudaha la soo gelin rabaa maalmaha soo socda.

5. Asbuucyadii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ciidamada qalabka sida ka dhex waday isbedelo. Wuxuu shaqada ka fariisiyay dhamaan saraakiishii qeybta ka ahaa howlgaladii dalka lagu badbaadiyay ee Badbaado Qaran. Wuxuuna ku badalay saraakiil daacad u ah oo dhalinyaro u badan. Saraakiishii iyo ciidamadii diiday isbedeladaas waxa laga gooyay mashaarkii iyo garaamkii ciidanka.

Ulajeedka Farmaajo iyo qorsheyaasha uu maaganyahay:

1. Weeraradii 23-kii Maarso, hubka lagu aruurinayo xayndaabka garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyada saacad walba la leeyahay garoonka ayaa la soo geliyay ujeedada laga leeyahay waa in lagu baqdin geliyo diplomaasiyiinta shisheeye ee Xalane ku sugan, si dalka ay isaga cararaan.

2. Shirqoolada ka dhanka ah Rooble, Guudlaawe, Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ujeeddada laga leeyahay waa in dalka la geliyo qalqal amni oo suurtogal ka dhigi kara baaqashada dhaarinta Xildhibaanada ee muddeysan 14-ka Apriil iyo in gebi ahaanba la baajiyo doorashada oo dhan.

3. Labadaan qorshe marka ay dhacaan Farmaajo waxaa u qorsheysan iskuday AFGANBI 3aad oo uu ku dhawaaqi doono 12-ka Apriil oo ah Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya shirqoolada uu maleegayo iyo amni darada baahsan ee sida ulakaca ah isagu u abuuray in aysan doorasho ku qabsoomi karin!!

Musharaxii u horreeyey oo xilka guddoomiyaha BF isku soo taagay iyo kooxda uu raacsan yahay (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay inuu u taagan yahay xilka guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad, xili ay gaba-gabo mareyso doorashada Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe oo dhowaan loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka ah ayaa damaciisa siyaasadeed ku sheegay mid uu kusoo celinayo heybadii aqalka, oo luntay sanadihii u dambeeyay.

Waxa uu sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta shaqadaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu dhinacna u xaglin doonin marka uu xilkaas qabto, isaga oo soo xigtay qodobka 65-aad.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina sheegay in uu raacayo sida uu sharciga qabo oo ah in xisbi kasta iska casilo, uuna noqdo qof dhex-dhexaad ah.

Ku dhawaaqistan ayaa imaneysa ayada oo dhawaan ay soo baxday in Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu rabo in xilka Guddoomiyaha uu saarto Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsanaa xisbigiisa Himilo Qaran.

Shariif ayaa awoodiisa siyaasadeed iyo ballanta xildhibaanada ka hor inta aan la gaarin doorashada madaxtinimada ku tijaabinaya doorashada Sheekh Axmed Madoobe, oo haddii uu usoo baxo ay sare u qaadi karto rejadiisa doorashada.

Si kastaba, Shariif iyo kooxdiisa ayaa waxay u arkaan tartanka uu xisbigooda u galayo kursiga guddoonka Golaha Shacabka mid ah tijaabadooda doorashada madaxweynaha, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii 2-aad ee raggii weeraray Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sii deysay wareysi horay looga qaaday ninkii labaad ee ka qayb-qaatay weerarkii tooska ahaa 23-kii bishan March lagu qaaday gudaha Xerada Xalane, kaas oo lagu dilay ugu yiraan 6 qof oo u badan ajaaniib.

Ninkan ayaa magaciisa ku sheegay Cabdi Xasan Cabdulle Malaaq (Asad Garaad), wuxuuna kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn, gaar ahaan Jilible, sida uu ku sheegay wareysiga.

Cabdi Xasan ayaa sheegay inuu sanadkii 2005-tii ku dhashay deegaanka Ceelgaras oo hoostaga degmada Tiyiglow ee gobolka Bakool.

Wareysiga laga qaaday ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka qeybgalay dagaallo kala duwan oo ka dhacay dalka, ugu dambeyna uu ku biiray kooxda ismiidaamiyeyaasha ah.

Sababta ku kuliftay weerarkan wuxuu ku sheegay in difaacayo Diinta Islaamka, kana soo horjeedo dulmiga lagu haayo dadka muslimiinta ah ee Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aan nafta bixino ilaahey haddii Janno noogu beddalaayo marka adduunkaan waa uga tegaa,” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday ninkaas oo ay sii deysay Andaluus.

Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay magaca iyo qabiilka mid ka mid ahaa raggii dhowaan fuliyey weerarkii Xalane, wuxuuna ahaa Maxamed Macalin Axmed oo (Cabdirisaaq-Juleybiib) oo sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Eelaay, gaar ahaan Jufada Geed Fade.

Weerarkaas ayaa dhaliyey khasaare xoogleh iyo burbur, waxaana sidoo kale ka dhashay walaac haatan laga muujinayo amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Gudiga Xalinta oo shaaciyey kuraasta ay dacwadaha ka yaalaan iyo kursiga Fahad oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka ayaa markii u horeysay si guud u soo saaray liiska dacwadihii ay qabteen intii ay socotay doorashada kuraasta labada aqal.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in guddiga ay soo gaareen dacwadaha illa iyo 11-kursi, kuwaas oo dacwadahoodu ay kala duwanaayeen, uuna guddiga u kala saaray dhowr nooc.

Dacwadaha ayaa waxa uu guddiga u kala saaray kuwo ah dacwado culus, dacwada fudud, dacwado aan sax ahayn iyo kuwa markii loo soo gudbiyay kadib ay dib ula noqdeen dadkii soo gudbiyay.

Liiska dacwadaha culus ee guddiga uu ka go’aan gaaray 8-dii bishii November ee sanadkii hore illaa 27-kii bishii 2-aad ee sanadkaan 2022-ka, waxayna kala yihiin; HOP#239, HOP#067, HOP#201, HOP#209, HOP#211 iyo HOP#045.

Sidoo kale dacwadaha fudud ayaa waxaa laga soo gudbiyay kuraasta tirsigoodu yahay; HOP#255 iyo HOP#242, waxaana dacwadahooda uu guddiga ka go’aan gaaray 22-kii bishii 12naad ee sanadkii hore iyo 21-ka bishii 2-aad ee 2022-ka.

Liiska ayaa waxaan ku jirin kursiga HOP86 oo uu ku guuleystay Fahad Yaasiin. Kursigan ayaa waxaa ku dhegay guddiga doorashada heer federaal, balse waxaa markii dambe fasaxay guddiga xalinta, inkasta oo sharci ahaanshaha arrintaas dood laga keenay

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyay in uu gacanta ku hayo shan iyo labaatan dacwo oo aan buuxin shuruudaha habraacyada doorashooyinka dadban ee 2020-2022.

“Dacwadaha 25-ka aha waxaa ku jira cabashooyin aan la dhayalsan karin oo muujinaya in xuquuqo badan lagu tuntay. Xuquuqaha lagu tuntay waxaa kamid ah sharciyada da’da Xildhibaano haysta naatiijada ku meel-gaark ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu guddiga sheegay in dacwadaha 25-ka ah la sugayo inta uu kasoo idlaanayo 26-ka kursi ee ku harsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo HirShabelle, isaga oo xiligaas shaacin doona kursi walba oo dacwad laga keenay, kadibna horgeyn doona Golaha Wadatashiga Qaranka.

Qoor Qoor oo xil ka-qaadis iyo magacaabis sameeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Mudug, Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal), kaas oo muddo dhowr sano ah hayey xilkaasi.

Qoor Qoor ayaa guddoomiyaha cusub inuu noqdo u magacaabay Axmed Xuseen Shire (Bukhaari), sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid markii uu madaxweynuhu arkay ahmiyadda ay leedahay in guddoomiye loo magacaabo Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale faray hay’adaha Galmudugu iyo laamaha ammaanka inay la shaqeeyeen guddoomiyaha la magacaabay, Axmed Bukhaari

“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan guddoomiyaha gobolka Mudug, si uu uguto waajibaadkiisa shaqo,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale la faray inuu si deg deg ah ula wareego xilka, isla-markaana uu shaqada halkeeda kasii wado.

Galmudug ayaa ka kooban Galmgaduud & Mudug, wuxuuna isbedalkan kusoo aadaya, xilli maamulkaasi ay ka jiraan xaalado isbiirsaday, sida abaaro iyo khilaafaad maamulka ah.

Xog: Roobel oo cadaadis laba dhinac ah lagu saarayo inuu isku sharxo madaxweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa socda cadaadis laba dhinac ah oo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu saarayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha Soomaaliya marka ay dhacdo xafladda dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad oo la qorsheeyay 14-ka April.

Dhinaca koowaad ee culeyska ku saaraya Rooble inuu is sharxo ayaa ah beesha Habar Gidir ee uu ka dhashay, waxaana juhdiga badan ku bixinaayo jufada hoose ee Sacad oo uu kasoo jeedo oo rumeysan inuu haysto fursad aad u weyn.,

Beesha Habar Gidir ayaa ku canaanatay Rooble in fursad sanooyin badan ay beesha sugaysay uu maanta haysato, loogana baahan yahay Rooble inuu ugu faa’iideeyo fursadaasi oo ay ku tilmaameen mar la arag xiligaan gacanta ugu jirto.

Mas’uuliyiin sare oo ka mid ah beesha ayaa doonaya inuu Rooble ku dhowaaqo musharaxnimadiisa marka la dhaariyo xildhibaanada golaha shacabka oo howsha doorashada ay ra’iisul wasaaraha markaasi mas’uuliyadii uu qaaday kala wareegayaan baarlamaanka oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka iyo madaxweynaha.

Xubno ka tirsan beesha oo Rooble la hadlay ayaa ka cowday in xilka ugu sareeya dalka ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay is lahey-siiyeen labada beelood ee kala ah Abgaal iyo Daarood oo kala qeybsanayay dowladdihii ka horeeyey .

Culeyska labaad ee Rooble ku ku riixaya inuu is sharxo ayaa ah dowladda Imaaraadka Carabta oo dhowr murashax maal gelineyso, waxayna qorshaha labaad ay u aragtaa inay ka dhigato Rooble, maadaama uu soo hoggaamiyay doorashooyinkii baarlamaanka, halkaasi oo ay ka aragto inuu ka heli karo fursad weyn oo dhabar jabin karta ololaha doorasho ee Farmaajo oo taageero dhaqaale ka helaayo dowladda Qatar.

Wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wasiirka Warfaafinta Cismaan Abokor Dubbe oo aad ugu dhow Rooble ayaa safar ay ugu ambabaxeen Imaaraadka Carabta kasoo laabtay, safarkaasi oo lala xiriiriyay dhabe u xaarida qorshaha Imaaraadka uu ku doonayo in Roobe is sharxo.

Laakiin si rasmi ah looma oga wasiiradaasi ciddii ay Imaaraadka kula kulmeen iyo xog dhameystiran intaba, waxaase soo kordhayay shux shuxda Imaaraadka iyo Rooble.

Rooble ayaa markii uu khilaafka isaga iyo Farmaajo soo ifbaxay wuxuu dib u soo celiyay xiriirkii Imaaraadka ee uu gooyay Farmaajo.

Ololaha xiligaan socda ayaa waxba kaga duwaneyn doorashadii 08 Febraayo 2017-kii, kaasoo beesha Habar Gidir ay hirgeliyeen oraahdii aheyd “No More Abgaal” oo ay ula jeedeen in dib danbe loo dooran madaxweyne kasoo jeeda beelweynta Abgaal.

Waxaa ololahaas hormuud u ahaa Axmed Macallin Fiqi oo xiligaasi u ololeynayay Farmaajo, laakiin doorashadii Farmaajo kadib ku dhacday jah-wareer siyaasadeed iyo in kabiirka siyaasadda uu noqday saqiirka siyaasadda, aakhirkiina isu badalay wasiir ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, ugu danbeyntiina xajisan waayay wasiirnimadiisa ilaa uu mucaaradnimo cusub kala horyimid madaxweynihii xilka u dhiibay ee Qoor Qoor.

Tirada askarta RUUSHKA looga dilay dagaalka Ukraine oo shaaca laga qaaday

Kyiv (Caasimada Online)Wasaaradda difaaca Ukraine ayaa xog ay maanta soo bandhigtay ku sheegatay inay khasaare baxad weyn leh gaarsiisayay ciidamada Ruushka ee ku soo duulay dalkeeda, waxaana ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka inay dileen qiyaastii 17,500 oo ka tirsan askarta Ruushka.

Warbixinta militariga Ukraine ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen ugu yaraan 614 taangi, 311 madaafiicda goobta ah, 1201 gawaarida gaashaaman, 54 lidka diyaaraha ah, 131 helicopter, 7 markab iyo 75 booyadaha shidaalka qaada.

Ruushku ilaa hadda ma qiran, mana dafirin jiritaanka sheegashada warbixinta Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in difaaca dalkiisa ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka uu marayo ‘meel xaasaasi ah’ wuxuuna mar kale ku cadaadiyay Mareykanka caawinaad dheeri ah, saacado kadib markii ciidamada Ruushka ay ka laabteen ballanqaad ahaa inay yareynayaan qeybo ka mid ah howlgalladooda, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Duqeymaha uu Ruushku ku hayo deegaannada ku xeeran magaalooyinka Kyiv iyo waqooyiga magaalada Chernihiv iyo weerarada sii xoogeysanaya ee meelo kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa sii wiiqay rajadii laga qabay in horumar laga gaaro soo afjaridda colaadda dhiiga badani ku daatay ee hadda isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah.

Wadahadallada u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka oo ah kuwa fogaan arag ah ayaa lagu wadaa in ay dib u bilowdaan Jimcaha, sida uu sheegay madaxa wafdiga Ukraine, David Arakhamia.

Wafdi xildhibaanno ah oo ka socda Ukraine ayaa Arbacadii booqday Washington si ay cadaadis ugu saaraan Mareykanka in uu siiyo kaalmo dheeri ah, iyagoo sheegay in dalkoodu u baahan yahay qalab militari, kaalmo dhaqaale oo dheeri ah iyo cunaqabateyn adag oo ka dhan ah Ruushka.

VOA