25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Rooble oo dharbaaxo kulul ku dhuftay Fahad iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer Federaal ee FIET ayaa maanta billaabay shahaado bixinta xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga waxaa Maanta shahaado u doontay xildhibaano ka socday maamulo kala duwan sida Galmudug, Jubaland, HirShabelle, Reer Woqooyiga iyo Banaadiriga.

Xarunta guddiga oo ku dhex taalla Airport Hotel ayaa lagu bixinayaa shahaadooyinka, Seddexda xildhibaan ee mataanaha ah Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer iyo Mustax Sheekh Axmed Dhuxulow ayaa hoggaaminayey liiska xubnaha saaka u kalahay shahaado qaadashada.

Seddexda mudanaba waxaa laga soo doortay Galmudug, xildhibaanka la filayo inuu yahay qofka ugu da’da weyn ee Golaha Shacabka sii hoggaamin doono inta laga dooranayo guddoon Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa la siiyey shahaadada kaasoo isna laga soo doortay Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Cumar Caana-nuug oo u sharaxan xilka guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, kaasoo laga soo doortay Jubaland ayaa ku jira xubnaha Maanta shahaadada la siiyey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy iyo xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo laga soo doortay HirShabelle ayaa sidoo kale ku jiray xubnaha shahaadada qaatay Saakay.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dhanka Reer Woqooyiga laga soo doortay ayaa kamid ah xubnaha saaka la siiyey shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanka.

Xubnaha Banaadirga ayaa sidoo kale doontay shahaadooyinkooda iyadoo Xildhibaan Shariif Mustafa uu kamid ah ahaa xubnihii saaka Shahaadada qaatay.

Mar haddii Gamudug, HirShabelle, Jubaland, Reer Woqooyi iyo Banaadiriga shahaadooyinkoodii doonteen dadku waxay is waydiinayaan maxay arrintani kaga dhigan tahay dhanka Ra’iisul Wasaare Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble oo madax ka ah mashruuca doorashada Soomaaliya wuxuu heli karaa taageero mar walba oo uu qaado tallaabo lagu dadajinayo dhameystirka doorashada, shahaado bixinta saaka bilaabatay waxaa lagu macneeyey tallaabo dhaqangal ah.

Xoghayaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Buux wuxuu xalay sheegay in qofkii shahaadada soo qaata inuu toos u yimaado Villa Hargeysa si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga xildhibaanimada.

Sidaad darteed xubnaha Maanta shahaadada qaatay waxay hadda u dhaqaaqi doonaan dhanka Golaha Shacabka si loo siiyo kaararkii. Uma badna in howshani dib loo celin karo, taasoo dharbaaxo ku ah dhinaca kale ee Farmaajo iyo Fahad.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu ku qaadacay shahaado bixinta iyo tallaabadii uu guddiga FIET ku hakiyey 3 kamid ah kuraasta uu maamulkas soo gudbiyey natiijadooda.

Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay liiska xubnaheeda toos ugu gudbin doonto xogheynta labada Aqal. HirShabelle ayaa iyadana Xalay soo saartay hadal midkaas la mid ah iyadoo ka gadoodsan in la reebay kursigii Fahad Yaasiin, balse waxaa HirShabelle hadalkeeda daciifinaya oo dharbaaxo ku ah in qaar xildhibaanadooda kamid ah inay Saaka doonteen shahaadooyinkii.

14-ka bishan ayaa loo qorsheeyey dhaarinta xildhibaanada, waxaa muuqata in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo kooxdiisu ay 2 tallaabo oo waaweyn hirgeliyeen 48-dii saac ee lasoo dhaafay, waana faafinta liiska iyo Maanta oo ay bilaabeen shahaado bixinta.

Doorashada Soomaaliya ayaa si weyn u daahday, Shacabka iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada waxay doonayaan in si walbaba Dalku xaaladaan adag ka gudbo oo doorshadu idlaato lana helo dowlad sharciyad heysata.

Marka la eego loolanka Labada dhinac Rooble ayaa Maanta heysta dhibco sare, waxaana la eegayaa sida uu u xafidan karo dhibcihiisa iyo waxa ay noqon doonto falcelinta dhinaca kale.

Guddoomiye Muuse Geelle oo shaaciyey sababta uu liiska uga reebay kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee Soomaaliya ayaa habeen hore fiidkii shaaciyay liiska xildhibaannada illaa hadda ku soo baxay doorashada labada aqal ee Soomaaliya, ayada oo maantana guddiga uu billaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo.

Si kastaba, Muuse Geelle Yuusuf ayaa abuuray xiisad siyaasadeed kadib markii uu sheegay in 4 kursi la hakiyay shaacinta natiijadooda, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray. Waxaana ay xubnahaasi kala yihiin:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon 

Muuse Geelle Yuusuf oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in liiskan uusan ahayn liiskii kama dambeysta ahaa, dibna loo shaacin doono marka 30-ka dhiman la soo dhameystiro. 

Maxaa ka jira in guddoomiye Muuse Geelle ay xaafiisyo kale cadaadis ku saareen in kursiga Fahad Yaasiin liiska ka reebo?

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta Kursiga Fahad Yaasiin looga reebay Liiska xildhibaanada la shaaciyay ay tahay in inay wax ka khaldanaayeen habraacyadii loo maray.

”Aniga nin oday baan ahay cidna cadaadis ima saari karto, wixii doorashadaas lagu sixi karana waa lagu saxayaa marka hadaladaasi ku tiri kuteenka ah inaad i weydiiso xaq uma lahayn,” ayuu yiri.

Sababta ay horay ugu sixi waayeen intii ay doorashada socotay maxay tahay?

Guddoomiyaha ayaa sheegay in haddii hadda la soco iyo horay loo sixi lahaaba ay isku mid tahay oo ay guddiga u taallo hawshaas.

Dhanka kale liiska uu gudoomiyaha shaaciyay waxaa gaashaanka u daruuray xubin isla guddigiisa ka tirsan oo ku doodaya in si ulakac ah uu gudoomiyuhu uga reebay xubno lagu soo doortay si waafaqsan habraacyadii doorashada.

Dhinaca kale, guddoomiyaha oo ka hadlay sababta ay xilligaan ugu soo beegeen shaacinta liiska iyadoo weli ay dhiman yihiin doorashayoonkii ka dhici lahaa, Baledweyne iyo Garbohaarrey ayaa waxa uu ku jawaabay: ”In dastuurka qodobka 89 uu ogolaanayo in haddii uu kooramka buuxsamo liisaska la gudbin karo shahaadooyinka la siin karo lana xareyn karo xildhibaanada la doortay, haddii la dhameyn waayana xitaa afhayeenka la dooran karo.”

Daawo: Maxay ganacsatadu ka yiraahdeen dabkii weynaa ee xalay ka kacay Hargeysa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xooganaa ee xalay fiidkii hore ka kacay suuqa Waaheen ee ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabka ayaa baabi’iyey xarumo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, wuxuuna qaatay ku dhowaad 10 saacadood oo xiriir ah.

Asmo Maxamed Xasan oo ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi ayaa sheegay inay gebi ahaan gubtay xaruteeda oo uu dabku ka bilodway, sida ay shaacisay.

“Meeshaan waxaa ku baaba’day hati fara badan mehraduhu waxa ay ahaayeen kuwa badan aniga mehradeydii gebi ahaan way gubatay,: ayey tiri Asmo Maxamed Xasan.

Sidoo kale Asmo ayaa sheegtay in ku weysay dabkaasi hanti lagu qiyaasay illaa 300 oo kun oo Dollerka Mareykanka ah.

“Mehradaa lacagta nagaga jirtay ilaaheyn hainaga cawilo lacag aan 300 oo kun aan ka yareyn weeyaan , marka ilaaheybaan wax weydiisaneynaa,” ayey sii raacisay.

Dhinaca kale hooyo ka mid ah dadka iska leh mehradaha gubtay oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay inay Hageysa gubatay, isla-markaana ay aayo beeshay.

“Hargeysa way gubatay, waana aayo beeshay, naftii ilaahey nafteyda uga saaray Alxamdulilaahi Rabiil Caalamiin. Anigu hantiile ayaan ahaa kii ku ganacsayeyna waxba ka qaadan,” ayey tiri Hooyo ka mid ah dadka uu sameeyey dabka ka kacay suuqa Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa wuxuu yaboohay lacag dhan 1 milyan oo loogu talagalay dadka uu saameeyey dabkaasi.

Xaaladda Hargeysa ayaa weli aad u cakiran, waxaana goobta uu ka kacay dabka gaaray madaxweynaha Somaliland, madaxda xisbiyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

R/W ROOBLE oo ka faceliyey tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada FEIT

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay tallaabada uu maanta qaaday guddiga doorashada ee FEIT, kaas oo billaabay bixinta shahaadada xildhibaanada.

Rooble ayaa hambalyo u diray xubnaha guddiga, isaga oo eebbe uga baryey inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Hambalyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf oo maanta bilaabay bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee dalka,” ayuu lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey xildhibaanada qaatay shahaadada ee tegey xarunta guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

Dhanka kale Rooble ayaa rajo wanaagsan in xilgeeda ay qabsoonto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ee loo qorsheeyey in la qabto 14-ka bishan April.

“Waxaan sidoo kale bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay,” ayuu sii raaciyey Rooble.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli uu muran ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shaacinta xildhibaanada rasmiga ah ee lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.

Xog: Magacyada lix sarkaal oo NISA ka tirsan kuna biiray BF oo xilalka wareejinaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta muuqata ee la ogyahay inay ka tirsan yihiin hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka “NISA” ee ka mid noqday baarlamaanka cusub ee Seomaaliya ayaa ah lix sarkaal oo darajooyinka ugu sareeya ka haaya sirdoonka qaranka..

Inkastoo ay jiraan xubno qarsoon oo aan muuqan oo baarlamanka soo galay, haddana Caasimada Online ayaa og illaa lix sarkaal oo xilal muuqda ka haya hay’adda oo noqday xildhibaano.

Lixda sarkaal ee xilalka sare ka haya NISA, ayaa midka ugu sareeya uu yahay Fahad Yaasiin (Qabiil-reer Aw-Xasan) oo xilkii uu ku magacawnaa ka xayuubiyay Rooble, balse ah shaqsiga haga howsha hay’adda iyo haddeey noqoto maamul iyo wax ka weydiin intaba. Fahad kama mid noqon doono saraakiisha NISA ee xilka wareejin doona.

Yaasiin Fareey oo si KMG ah ugu magacaaban taliyaha NISA kana soo jeeda beesha Waceysle/Abgaal wuxuu baarlamaanka kasoo galay Galmudug, waxaa la qorsheeyay inuu xilka KMG ah ee taliska wareejin doono lix maalin kahor 14-ka April oo ah maalinta la dhaarin doono xildhibaanada baarlamaanka.

Cabdulqaadir Jilbo, taliyaha hoggaanka maaliyadda oo beesha Raxan Weyn u dhashay wuxuu kasoo galay baarlamaanka Koonfur Galbeed, isna waxaa uu xilka wareejinaya isla waqtigaas.

Taliyaha hoggaanka Saadka xildhibaan Caraay oo beesha Wadalaan kasoo jeeda ayaa kasoo galay baarlamaanka Koonfur Galbeed, isagana wuxuu ka mid yahay saraakiisha NISA ee xilka wareejinaayo dhawaan.

Aweys Maxamed Cumar oo kasoo jeeda beesha Silcis, waa taliye ku-xigeenka hoggaanka daba-galka, waxaana uu kasoo galay Koonfur Galbeed, waana ka mid saraakiisha xilka wareejinaya.

Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo beel ahaan is xigaan Farmaajo “Mareexaan” waa taliyihii hore ee agaasinka shaqaalaha, kadibna loo magacaabay la-talite, wuxuu baarlamaanka kasoo galay Galmudug isaga wax xil ah uu wareejinaayo ma jirto, balse waa awoodda labaad ee NISA maamusha isagoon xil ku magacawneyn.

Dhinaca kale, waxaa weli ku adag Farmaajo inuu ku dhawaaqo taliyihii badali lahaa Yaasiin Fareey, kaasoo Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay qorsheeyeen in loo magacaabo Cabdiraxmaan Dheere, balse mashaqo ay ka haysato dhinaca Rooble oo kasoo horjeeda in NISA loo magacaabo shaqsi ku dhow Farmaajo iyo Fahad, heshiiskii horena uu ahaa in lasoo magacaabo shaqsi dhexdhexaad oo la isla ogol yahay.

R/W BORIS JOHNSON oo ka hadlay dabkii weynaa ee xalay baabi’iyay suuqa Hargeysa

0

London (Caasimada Online) – Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa kaasoo dhaliyey khasaaro maaliyadeed oo xoog leh.

Boris Johnson ayaa ballan qaaday inay Somaliland siin doonaan wixii taageero ah oo ay awoodaan si ay uga soo kabato khasaaraha soo gaaray.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan”ayuu yiri Boris.

Dhinaca kale, xoghayaha Arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

Liz Truss ayaa sheegtay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaaray.

Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi’iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayuu kacay dabka, hasayeeshee kooxaha dabdamiska ee la tacaalaya xakamaynta dabka ayaa howshoodii waxaa carqaladeeyay suuqa oo aanan lahayn wadooyin waafi ah oo loo maro.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM ayaa tan iyo waqtigan waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi ka kacay, iyadoo maayirka magaalada Hargeysana uu isagoo qiiraysan tilmaamay in hantidii magaaladiisa ay baaba’day.

Wararkii ugu dambeeyey Ruushka oo ka baxay goob istaraatiiji ah oo ku taal Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa u muuqda inay ka niyad jabeen dagaalkii ay ku qaadeen Dalka Ukraine kaasoo ay kasoo hor jeesteen inta badan dowladaha Adduunka

Ciidamada Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen garoonka diyaaradaha ee Hostomel oo ku dhow caasimadda Ukraine, kaas oo tan iyo markii uu bilowday dagaalka uu ka socday dagaal, sida ay sheegeen sirdoonka militariga UK.

“Ciidamada Ukraine waxay sii wadaan inay iska caabiyaan ciidamada Ruushka lagana saaro agagaarka Kyiv,” Wasaaradda Difaaca UK ayaa sidaas ku sheegtay warbixin ay soo saartay subaxnimadii hore ee Sabtida.

“Dhinaca bari, Ukraine waxay dib u qabsatay dhowr tuulo. Ciidamada Ukraine waxay xaqiijiyeen inay la wareegeen waddo muhiim ah oo ku taal bariga Kharkiv ka dib dagaal culus,” ayay wasaaraddu ku dartay.

Garoonka Hostomel waxa uu dagaal ba’an ku dhexmaray ciidamada labada dal tan iyo 24-kii Febraayo, markaasoo ciidamada cirka ee Ruushka ay ku yimaadeen diyaarad helikobter ah si ay ula wareegaan garoon diyaaradeed oo ah buundo.

Ruushka ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Dowlado badan, waxaana lagu soo rogay cunaqabateyn dhinac walba taasoo daciifisay dowladiisa Militari.

Daawo: Prof. Xasan Sheekh: “Rooblow calaacalka jooji”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Professor Xasan Sheekh oo ka mid ah aqoonyahanada sida weyn u falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa ka falceliyey hadal jeedintii ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaare Rooble isagoo sheegay in calaacal uusan waxaba ka bedaleyn xaaladda cakiran ee Soomaaliya ay maanta ku jirto.

Professor Xasan ayaa Ra’iisul Wasaaraha kula taliyey inuu u dhaqmo sida ay ula dhaqmayaan raga ay siyaasadda isku hayaan, hadii uusan taas sameyn karina uu siyaasadda isaga baxo.

“Waxaa jira xilli uusan calaacalku waxaba tarin, hadii ninka kaasoo hor jeeda uu kula dagaalamaayo waa inaad iska celisaa, isha haduu uu farta kaa geliyo adna ka geli,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable wuxuu hadalkii uu Rooble ka jeediyey kulankii ducada ahaa ee loo sameeyey Xildhibaan Aamina Maxamed ku macneeyey laba qodob oo kala ah, quus iyo war-gelin dadweyne.

“Horta dhinac quus ayuu ka ahaa hadalkii Rooble, wuxuu arkay in Muqdisho ay nala joogaan dad ka gudbay heerka bini’aadanimada oo dilaa ah, dhinacna wuxuu ahaa wargelin, oo wuxuu u ekaa nin ku qeylinaya war ka kaca oo cadowga iska qabta, si dadku aysan berri u dhihin uma maleyneyn in saan ay wax noqa doonaan, marka hadalkaas waxaan ku macneeyey waryaada waa la isisoo galaye is difaaca,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in hadda la iskala baxay ku dhaqankii shuruucda dowladnimada, “Marka Rooble kuma qaldaneyn inuu dadka u sheego xaaladaan qatarta ah oo waxay noqaneysaa ‘nin kuu digay kuma dilin.”

“Hadalka Rooble wuxuu ahaa waryaada talo faro kuma jirtee, waxay joogtaa nin walbow madaxaaga Meyrax ku duubo oo berri yaan la dhihin Rooblaa noo qariyey qatartaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Prof. Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Maamulka HirShabelle oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah guddiga doorashada FEIT

Jowhar (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka HirShabeelle ayaa shaaca ka qaaday inuu go’aan ku gaaray inaanu liiska xildhibaanada u gudbin guddiga doorashada heer federal, sababo la xiriira inay liiska ka reebeen kursiga HOP)86 ee Fahad Yaasiin.

HirShabeelle ayaa sheegay inuu taa beddelkeed liiska xildhibaanada si toos ah ugu gudbinayo xoghayeyaasha labada Aqal ee baarlamanka federaalka Soomaaliya. 

HirShabeelle ayaa uga digtay gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami u socodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha Wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka. 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeed kasoo baxay HirShabeelle

Dowladda HirShabeelle waxa ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah. 

Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee HirShabeelle. 

Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay. 

Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee HirShabeelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.

Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka. 

Koonfur Galbeed oo jawaab ka bixisay go’aankii guddiga FEIT, qaadatay go’aan culus

0

Baydhaba (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin habdhaqanka guddiga doorashooyinka heer federal iyo waxa ay ugu yeereen ‘musuqa baahsan ee ka dhex socda guddiga iyo kala qeybsanaanta ku timid.’

Qoraalkaan oo si gaar ah loogu eedeeyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka Muuse Geelle waxaa lagu sheegay inuu bartilmaameedsanayo xubno laga soo doortay deegaan gaar ah.

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale maamulkaas wuxuu sheegay in guddiga heer federal uu lumiyey kalsoonidii doorashada, isla markaana ay Koonfur Galbeed faylasha xildhibaanada ku wareejineyso xoghayeyaasha labada Aqal ee barlamaanka.

“Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii qoraalkaan caawa ka soo baxay Koonfur Galbeed waxaa lagu yiri, “Koonfur Galbeed waxay xoojinaysaa in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxayna ka digeysaa tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.”

Qoraalkaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xalay guddiga doorashooyinka heer federal ay soo saareen liiska xildhibaanada dooran, kaas oo laga reebay afar xubnood oo seddax kamid ah Koonfur Galbeed laga soo doortay, halka kursiga kale uu yahay kan Fahad Yaasin uu Beledweyne ka soo qaatay.

Khasaare Malaayiin Dollar ah oo ka dhashay dabkii xalay ka kacay HARGEYSA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ka kacay suuqa Waaheen oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabkan ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay Khasaare lixaad leh oo malaayiin Dollar gaaraya, wuxuuna baabi’iyey suuqaas oo ku fadhiya masaafo dhan 5KM.

Sidoo kale waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi iyadoo haatan lagu guuleystay in la damiyo inta badan dabkaasi.

Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ka hadlay dhacdadan ayaa shaaca ka qaaday in hantidii magaaladiisa ay baaba’day.

Dhanka kale lama sheegin illaa hadda dad ku dhintay dabkaasi, marka laga reebo hantida gubatay.

Baasho Bushaaro oo ka mid ah ganacsatada suuqa ayaa u sheegay Wariyeyaasha inay ka gubatay illaa 10 mehradood oo uu ku lahaa suuqa, uuna ku waayey 400 oo kun oo Dollar.

“Waxaan deganahay suuqa Waaheen Bacdlaha Hargeysa, muddo 20 sanadod ayaan degenaa 10 mehradood ayaa iiga gubtay, aniga mehradaheydu waxay ahaayeen qurxinta guryaha wixii oo dhan wey gubteen” ayuu yiri  ganacsade Baasho Bushaaro.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Umaddiina wey ku ceyroowday suuqa, xaaladda umadda caawa waa mucsir , hanti wixii suuqa yaallay waxbo ka aanay bixin laakiin waa wax Ilaahey qaddaray”.

Mas’uuliyiinta Somaliland dhankooda waxa ay sheegeen in sababta si deg deg ah loogu xakameyn waayay dabka ay aheyd in la waayay waddo loo maro goobta taasina ay horseeday in holaca uu qabsado suuqa isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday.

Si kastaba, lama ogo sababta ka dambeysay dabkan, inkasta oo ay wararka sheegayaan in markii uu hore ee dabka ka bilowday guri ku yaalla suuqa kaas oo markii dambe ku fiday gebi ahaanba suuqa Waaheen.

Wararkii ugu dambeeyey ee dab xooggan oo ka kacay suuqa Hargeysa (Daawo)

Hargeysa (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa xalay fiidkii ka kacay suuqa weyn ee ku yaalla bartmaha magaalada Hargeysa. iyada oo ciidamada dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee magaalada ay ku guda jiraan gurmad lagu deminayo dabka.

Dabka ayaa ilaa saaka waaberigii weli socday inkasta oo lagu guuleystay in qeybo badan oo ka mid ah la damiyo, wuxuuna aad u burburiyey inta badan suuqa.

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay illaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan.

Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa goobta booqday. Saraakiisha Dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa sheegaya in illaa haatan lala tacaalayo dabka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dabka oo gaystay khasaare baaxad leh, isagoo dalbaday in loo gurmado ganacsada ku hanti beeshay suuqa, waxaana uu Eebe uga baryey inuu bedel kheyl leh ugu badelo.

“Waxaan aad uga xumahay dabka ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, kaas oo geystay khasaare baaxad leh. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada xoolahoodii ku waayay iyo dadka kale ee waxyeelladu ka soo gaartay. Waxaan Eebbe u weydiinayaa baddel kheyr leh iyo sabir. Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado walaalaheenna dabku aafeeyay, annaguna waxaan kaalin ka qaadan doonnaa gurmadkaas” ayuu yiri. 

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka murugaysan khasaaraha dabka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay,” ayuu yiri. 

Sawirro: Gudiga doorashada FEIT oo billaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo ee xubnaha cusub Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanadii ugu horreeyey ayaa qaatay shahaada, iyaga oo tegay xaruntii loogu yeeray guddiga FEIT ee ku dhex-taalla garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanada qaatay shahaadada waxaa ka mid ah:- Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug), Xildhibaan Mustafa Sheikh Cali Dhuxuloow, Xildhibaan Mohamed Nur Abubakar- Shariif Mustafa, Xildhibaan Mohamed Omar Aimoy, Senator Abdi Ahmed Dhuhulow (Dhagdheer), Xildhibaan Yusuf Gelle Ugaas, Xildhibaan Mohamed Abdi Hayir-Maareeye iyo ildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi.

Xildhibaanada qaatay waxaa ku jira qaar laga soo doortay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo maamulladooda ay sheegeen inaanay guddiga u gudbin doonin liiska xildhibaano ee ay ku wareejin doonaan xoghayayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanad ka maqan Muqdisho in ay si deg deg ah kusoo gaaraan caasimada, si loo siiyo shihaadada xildhibaanimo.

Xildhibaanada ugu badan ee ku sugan Muqdisho ayaa ah kuwa Gobollada Waqooyi, Beelaha Banaadiriga iyo xildhibaanada qaar ee lagu soo doortay Galmudug.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli uu muran ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shaacinta xildhibaanada rasmiga ah ee lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.

Madaxda ugu sareysa DF oo war ka soo saaray maalinka koowaad ee bisha Ramadaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo masuuliyiinta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhow shaaciyey inay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku gurmadaan, sidoo kalena lagu dadaalo amniga, “Ramadaanku wuxuu ku soo aaday iyadoo ay dalka ka jiraan duruufo adag oo ay ugu horeyso abaar baahsan oo saameysan malaayiin qof oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga inay laba jibaaraan sugida amniga, si ay badbaado u helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho.

“Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh waxaan ka codsanayaa in hey’adaha amniga ay kala shaqeyaan sugidda nabad geliyada, waxaan Alle ka baryaan inuu nabad noogu dhameeyo bishaan, abaartana uu noogu bedalo aaran,” ayuu yiri Rooble.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa hadlay caawa isagoo dhamaan dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo duco ku saabsan bilashada bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Farmaajo ayaa soo jeediyey in ducada iyo cafiska ay badiyaan dadka Soomaaliyeed bishaan barakeysan awgeed, sidoo kale wuxuu shacabka ugu baaqay inay isu gurmadaan, halka ganacsatadana uu ka codsaday inay shacabkooda u dhimriyaan.

Markii uu ka hadlaayey dhanka ammaanka wuxuu yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay garab siiyaan ciidamada qaranka ee u taagan ilaalinta sharafta iyo naftiina, qalbigeena allaha ku xoojiyo is jaceyl.”

Masuuliyiinta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo warbaahinta dowladda dadka kala hadlay ayaa xaqiijiyey curashada bisha Ramadaan, iyagoo sheegay in laga arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayadoo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha. Sido lagu xaqiijiyey war rasmi ah oo ka soo baxay Sacuudiga, iyadoo caawa taraawiixda laga bilaabay Xaramka, bacda salaada Cishaa’i.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabtii raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha. Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysay in la baaro bisha Ramadaan, oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Aw Xirsi: Waa riyo-maalmeed in doorashada qaranka ay dhacdo xildhibaanada Gedo oo ka maqan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa ka hadlay doorashada kuraasta 16-ka ah ee taalla magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo oo weli khilaaf culus wajaheysa.

Aw-Xirsi ayaa sheegay in aysan macquul aheyn in laga gudbo doorashada 16-kaas kursi, iyadoo lagu andacoonayo kooramkii baarlamaanka waa soo buuxsamay oo waa laga maarmaa kuraasta Garbahaarey.

“Baarlamaanka markii lasoo dhiso oo gobollada Soomaaliyeed uu ka wada yimaado oo la dhaariyo, guddoon uu yeesho oo go’aano la gaarayo ayaa lagu xisaabtamaa kooram, baarlamaanka inta aan la dhisin kooram ma shaqeynayo,” ayuu yiri Aw-Xirsi.

Wasiir hore Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa riyo ku tilmaamay in doorasho lagu qabto hool aysan fadhin cid ku meteleysa gobolka Gedo.

“Waxaan nahay dal soo kacsanaya, beelo wax isku dardarsaday oo dastuurkooda uusan dhameystireyn, hadii xildhibaanada gobollada kale ay xubno ka maqnaa la haayeen waxbey ahaan laheyd, laakiin hadda gobol dhan ayaa kaligiis maqan, marka taasi suurta gal maaha, iyadoo Gedo ay hoolka ka maqan tahay Soomaaliya doorasho ma aadi karto,” hadalkiisa ku sii daray Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo wareysigaan siiyey BBC.

Wax heshiis ah weli lagama gaarin qabsoomidda doorashada kuraasta gobolka Gedo oo gacanta ay kula jiraan seddax garab oo kala ah, xafiiska madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Farmaajo, kan Rooble iyo Axmed Madoobe oo sharciyan gobolkaas uu hoos tago maamulkiisa.

Daawo: Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland oo Deni ka dalbaday inuu iscasilo, kuna baaqay shir deg deg ah

0

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland oo Ra’iisul waraahihii hore Cumar Cabdirashiid uu ku jiro ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna ka soo saareen baaq ku socda Madaxweyne Deni iyo waxgaradka reer Puntland, iyagoo iclaamiyey shir deg deg ah.

Siyaasiyiintaan ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey in xukunkiisu uu sabab u noqday luminta doorkii ay Puntland ku laheyd dowlad-dhiska Soomaaliya.

Bayaankii laga soo saaray shirka ay maanta Nairobi ku yeesheen siyaasiyiintaan ayaa Madaxweyne Deni ugu baaqaya inuu iska casilo xilka Madaxweynaha Puntland, sibey yiraahdeen loo badbaadiyo jiritaanka maamulkaas.

Wasiirkii hore ee batroolka Soomaaliya Maxamed Ibraahim oo warbaahinta u akhriyey bayaankii ka soo baxay shirkaas ayaa sheegay in Puntland ay mareyso heer laga shikiyo inta ay sii jiri karto.

“Madaxweynihii ayaa ku dhawaaqay inuu dowladda dhexe hoggaankeeda u tartamayo, iyadoo tiisii dayacan tahay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Deni ay ugu baaqayaan inuu xilka wareejiyo, si firaaq uusan u dhicin, isagoo ugu maahmaahay “Tiisa daryeelaa tu kale ku dara.”

“Suurta gal kuuma noqoneyso Puntland waan joogayaa, dowladda federaalkana waan aadayaa inaad dhahdo, waxaan kuu soo jeedineynaa inaad xilka si sharaf leh ku wareejiso oo aad ku wareejiso cidda mudan ee dastuurku u ogolyahay,” ayuu yiri wisiir hore Maxamed Ibraahim oo bayaanka akhriyey.

Waxaa lagu sheegay bayaankaan in Saciid Deni uu Puntland uga tegayo dhaxalka dhibaato madaxweynaha ka dambeeya uusan xali kareynin.

Siyaasiyiintii maanta klu shiray Nairobi ayaa ugu baaqay Isimada iyo waxgaradka Puntland inay isugu yimaadaan shir deg deg ah, oo lagu lafa-gurayo labo qodob oo kala ah:

1-Doorkii Puntland ay ku lahaa jirtay dowlad-dhiska Soomaaliya oo hormuud ay ka aheyd, laakiin ay hadda sii lumineyso.

2-Kalsoonidii beelaha wada dega Puntland oo luntay.

“Sidaas darteed waxgaradka waxaan ugu baaqnay in shir deg deg ah la qabto, si loo soo celiyo kalsoonidii ay beeluhu isku qabeen,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim.

Hoos ka daawo

Guddiga doorashada oo shaaciyey xilliga shahaadada la siinayo xildhibaanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa goordhoweyd shaaciyay in shahaado siinta Xildhibaanada la doortay ay bilaabaneyso maalinta Sabtida ee berri ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay shahaadada Xildhibaanimo siin doonaan maalinta berri ah, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan isu-soo xaadiriyaan.

Munaasibadda shahaado siinta ayaa ka qabsoomi doonta xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotal, saacadu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), sida lagu sheegay qoraalka guddiga kasoo baxay.

“Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga FEIT.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo guddiga uu hore u shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas laga soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili uu Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf uu xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayaha guddiga Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan, kadib markii uu qaaday tallaabo uu khilaaf ugu dhex-abuurayo.

Qoraalka goor sii horeysay uu soo saaray Guddoomiyaha FEIT ayaa lagu sheegay in xoghayahu uu isku dayay in uu “carqaladeeyo doorashada, soo saarita warqado aan sax ahayn, iska hor keenista Guddiga Dhexdiisa iyo hannaanka Geedi socodka”.

Cabdiraxiin Xiirane ayaa xilka xoghayaha guud ee guddiga FEIT loo magacaabay 14 Bishii February ee sanadkaan 2022.

Xiisadan ayaa ka dhalatay kadib markii uu guddiga ka reebay liiska xildhibaanada ay shahaadada aqoonsi siinayaan Fahad Yaasiin oo kurisgiisa HirShabelle yahay iyo 3 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Go’aankan cusub ayaa u muuqda mid looga hortagayo kala fur-fur ay guddiga FEIT ka dhex bilowdo Villa Somalia, si meesha looga saaro liiska xildhibaanada la shaaciyay, taasi oo uu ku baxay Xoghayihii guddiga.

Ciidanka Ahlu-Sunna oo ku dhowaaday Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xoogaga hubeysanee ee Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka billaabeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Xoogaga Ahlu Sunna oo fadhigooda yahay deegaanka Bohol oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta soo gaaray deegaano u dhaxeeyo Bohol iyo Dhuusamareeb.

Deegaanka ay ciidamadaan soo gaareen ayaa waxaa kamid ah degaannada Laasxaadow iyo Bali-bire, waxayna halkaas ka sameysteen dhufeysyo adag, sida aan xog ku helnay.

Deegaanada ay soo gaareen xoogaga Ahlun Sunna ayaa waxaa ku sugnaa maleeshiyo Beeleedyo, waxayna dadka deegaanka sheegayaan inaysan dareemeen cabsi dhanka amniga ah.

Degaannada u dhaxeeya Bohol iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug iyo xoogagga Ahlu-Sunna.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa taagneyd cabsi ku aadan in xoogaga Ahlu Sunna ay doonayaan inay soo weeraraan magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug iyo kuwa ay halkaas geysay Dowladda Soomaaliya.

Ahlu Sunna oo dhawaan dagaal looga saaray Magaalada Guriceel ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku jirtay hub aruursi iyo diyaar garow, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaal ka dhex qarxo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Gudoomiye Muuse Geelle oo xil ka-qaadis ku sameeyey xoghayihii guddiga FEIT

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayaha guddiga Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan kadib markii uu qaaday tallaabo uu khilaaf ugu dhex-abuurayo.

Cabdiraxiin Xiirane ayaa xalay ka horyimid liiska kasoo baxay guddiga doorashada ee xildhibaanada baarlamanka 11-aad, kaasi oo laga reebay xubno uu ugu caansan yahay Fahad Yaasiin, waxaana la rumeysan yahay in Cabdiraxiin uu ku xiran yahay Villa Somalia.

Qoraalka Guddoomiyaha FEIT ayaa lagu sheegay in xoghayahu uu isku dayay in uu “carqaladeeyo doorashada, soo saarita warqado aan sax ahayn, iska hor keenista Guddiga Dhexdiisa iyo hannaanka Geedi socodka”.

Cabdiraxiin Xiirane ayaa xilka xoghayaha guud ee guddiga FEIT loo magacaabay 14 Bishii February ee sanadkaan 2022.

Gudoomiye Muuse Geelle ayaa shalay shaaciyay liiska xildhibaanada ay shahaadada aqoonsi siinayaan, waxaana laga reebay Fahad Yaasiin oo kurisgiisa HirShabelle yahay iyo 3 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Go’aankan ayaa gilgilay Villa Somalia, waxaana xalay durba billowday isku day lagu kala furfurayo guddiga ama ugu yaraan muran loo gelinayo tallaabada uu liiska kusoo saaray guddiga.

Ma cadda hadda tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan Villa Somalia, balse waxaa suurta-gal ah inay markan adeegsadaan maamul goboleedyada ku xiran ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo horey u sheegay in guddiga aanu shaqo ku laheyn dhaarinta xildhibaanada cusub.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda xil ka qaadista

Kiiskii muranka dhaliyey ee Barkhad Batuun iyo xaaskiisa oo hab cajiib lagu soo afjaray

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Barkhad Batuun oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalmihii dambe wajahayay eedeyn culus, oo u dhigneyd “in sifo sharic darro ah ku haysto gabadh uusan qabin”.

Dooda ka dhalatay kiiskaan ayaa waxa lagu soo afjaray magaalada Hargeysa, kadib markii ay kulan isugu yimaadeen labada dhinac ee ka kala socday haweeneyda Mushtaaq Cabdi Naano iyo Barkhad Batuun.

Waxaa goobta kulanka labada dhinac uu ka dhacay lagu dhaariyay Sheekh cadeeyay inuu magaalada Boorama iskugu mehriyay Mushtaaq iyo Barkhad, isaga oo sheegay in meherkooda uu ahaa bishii 11-aad ee sanadkii 2020-ka.

Sidoo kale waxaa isla goobta lagu dhaariyay labo markhaati oo ku qornaa warqada meherka, ayada intaas kadib shaaciyeen qoyska Mushtaaq inay ku qanceen, wixii intaas ka dambeeyana ay sharciga la tiigsan doonaan cidkasta oo ku xad-gudubta sharafta gabadhooda.

Kiiskaan oo ahaa mid aysan ka marneyn arrimo siyaasadeed ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana dhowr jeer oo kala duwan warbaahinta kasoo muuqday Mushtaaq iyo Nin sheegay in uu yahay adeerkeed, kaasi oo Barkhad ku eedeyay in uu gabadhooda iska haysto.

Mushtaaq ayaa hore u xaqiijisay dhankeeda inay sifo sharci ah isku guursadeen Xildhibaan Barkhad Batuun, ayada oo xiligaas warbaahinta u soo bandhigtay warqad ay ku sheegtay “cadeynta meherkooda”.

Si kastaba, eedeynta culus ee ka dhalatay kiiskaan loo jeediyay Batuun ayaa markii hore kasoo bilaabatay xubno kamid ah xisbiga Kulmiye, isaga oo soo maray wajiyo kala duwan, hase yeeshe ugu dambeyntii arrintaan ayaa lagu dhameeyay magaalada Hargeysa.