25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Aadan Madobe oo shaaciyay sababta uu u fashiliyey qorshihii Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maalintii labaad wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhawaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashada dalka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kamid ahaa Xildhibaanada maanta qaatay shahaadada ee laga soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo jebiyey isbaaradii uu Lafta-gareen u dhigtay shahaado siinta xildhibaanada.

Qaadashada shahaadada ee Aadan Madoobe ayaa fashilisay qorshe uu Lafta-gareen buuq iyo muran cusub ku gelin lahaa doorashada, taasi oo dib u dhac horleh u horseedi laheyd dhameystirka doorashada.

Aadan Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shahaadada Xildhibaanimo uu u qaatay si uusan dib u dhac kale ugu imaan doorashada dalka, uuna qeyb uga noqon arrintaas.

“Aniga ka Aadan Madoobe ahaan marnaba weligay ma sameyna haddana lagama yaabo in dhibaato Soomaaliya wax u dhimeyso nidaamka iyo dowladnimadeeda marnaba horseed u noqon maayo,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed inay qaatan shahaadooyinkooda, islamarkaana ay raacan nidaamka iyo hanaanka doorasahda lagu heshiiyay.

“Xildhibaanimada waajib culus ayaa la saaray waa inay gutaan. Waxaa ku boorinaya inay ka fiirsadaan arrintaas oo shahaadooyinka xaqa u leeyihiin qaatan.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa wax aan la ogolaan karin ku tilmaamay in shaqsi gaar ah dantiisa loo hor istaago waajibaadkii dastuuriga ahaa.

“Walaalkiin idinka weyn ayaa ahey waxaa rabaa in dhamaantiin aad qaadatiin oo aan wada fadhiisano oo umadeena bad-baadeeda usoo wada jeesano ayaa idinka filaya.”

Si kastaba, Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore u shaaciyay inuu u taagan xilka guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna hadda si adag uga horyimid qorshaha uu maamulka Koonfur Galbeed ku doonayo in uu ku wiiqo tallaabooyinka guddiga FEIT ee dhameystirka doorashada.

Sheekh Maxamed Shaakir oo soo saaray baaq xasaasi ah

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay inay bishan ka feejignaadaan weerarada maleeshiyada Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xalay soo duubay muuqaal uu ugu talagalay bilashada bisha barakeysan ee Ramadan ayuu kula dardaarmay bulshada reer Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa marka hore yiri “Dhammaanteenba waan inaan ka faa’iideysano bishan barakeysan, oo aan uga faa’iideysano Ilaahay daacadiis. Macaasida aan iska ilaalino, nafta aan xakamayno, wax kastoo soonka naga burinaayana aan ka dheeraano, wixii naga nusqaaminaya fadaa’ishiisana aan ka dheeraano.”

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa reer Galmudug ugu yeeray inay bishan feejignaan dheeri ah u yeeshaan Shabaabka, nooc kasta oo ay yihiin, sida uu yiri.

“Meel kasta oo ay jooggaan shacabka Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgelyada, oo amniga ay ilaashadaan, iskana ilaaliyaan nimanka Khawaariijta ah ama ha wateen shaatigii ay wadan jireen ama ha wateen shaati dowladeed, nooc kasta ay yihiin ha iska ilaaliyeen,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaa uu sheegay inay Shabaabku adeegsadaan xeelad walba oo lagama maarmaan ay u arkaan, si ay fuliyaan weerarada ay maleygayaan.

“Way shaarar badan yihiin, hadba shaati bay gashanayaan, sidii howlahoodu ugu socon karaan ayay isku tax-luujinayaan inay ku socod siiyaan,” ayuu yiri Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Marka qof walba, haddii ay yihiin Culimada, ciidanka, masuuliyiinta sarsare, gabdhaha iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala gedisan, kuligood qolo walba inay xadaaradooda qaataan oo digtoonaadaan, maxaa yeelay digtoonida noocaasi waxay dhashaa hilmaam la’aan, inaadan is hilmaamin, inaadan is kala dhigan, inaanu cadowgu kaaga soo bixin adigoo hilmaamsan meel duleesho. Marka baaqaasi ayaan u dirayaa, waana ku sii adkaynayaa inay isku duubnidooda iyo midnimadooda ugu midoobaan Khawaariijta nooc walbaa ay yihiin.”

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa looga bartay in bisha Ramadan ay kordhiyaan weeraradooda.

Rooble oo amray in DF ay fasaxdo $11.7 milyan oo loogu talo-galay SOMALILAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska Rooble. 

Waxaa lacagtaas lagu xoojin doonaa howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Xafiiska Rooble ma bixin faah-faahin ku saabsan sida lacagtaas ku timid iyo sababta markii hore loo hayey, hase yeeshee waa lacag wax weyn ka tari doonta gurmadka deg degga ah ee ay u baahan yihiin reer Somaliland.

Dhinaca kale, Shir deg deg ah oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble kana soo qeyb galeen golaha xukuumadda, guddoomiyaha bankiga dhexe, ganacsatada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay inay gacan ka geysanayaan taageerada ganacsatadii khasaaraha kasoo gaaray dabkii suuqa Hargeysa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulankaasi ugu dhawaaqay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu xun yihiin musiibadiisa, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka tahay masiibooyinka rabi ee u baahan in lagu sabro, wuxuuna ku dhawaaqay in xukuumad ahaan ay hal milyan dollar ugu deeqeen dadkii ku xoola beelay dabkaasi.

Sidoo kale, kulanka oo ay kasoo qeybgaleen ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho oo u hadlayay Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa sheegay in walaalahood reer Somaliland ay ugu deeqeen labo milyan dollar oo ay ugu tabaruceen ganacsatadii masiibadaasi soo gaartay, isagoo sheegay in hal mar wada bixin doonaan tabarucaadaasi oo wadarteeda noqoneyso seddax milyan dollar.

Xukuumadda Somalia iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa noqonaya noqonaya kuwii garabkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa taageero dhaqaale oo dhan 3 milyan dollar inay sida ugu dhaqsaha badan u geyn doonaan magaalada Hargeysa.

Tirada xildhibaanada qaatay shahaadada oo aad u kordhay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad u kordhay tirada xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka ee qaatay shahaadada, taasi oo ka dhigan in jadwalka lagu dhaarinayo 14-ka April uu u muuqdo mid hirgeli doona, soona dhoweyneysa dhammaadka doorashada daba-dheeraatay. 

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay shahaadada xildhibaannimo qaateen 58 xildhibaan, oo ka kala socda dhammaan maamullada dalka ee doorashooyinku ay ku dhaceen. 

Waxaa sidoo kale shalay shahaadada qaatay 54 xildhibaan, taasi oo ka dhigan in labadii maalmood ee ugu horreysay shahaado la siiyey 112 xildhibaan oo ka mid ah 329-ka xildhibaan ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. 

Shahaado qaadashada maanta ayaa waxaa sidoo kale sii xoojisay ayada oo xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed ay jebiyeen isbaaradii uu Cabdicasiis Lafta-gareen doonayey inuu u dhigto shahaado siinta xildhibaanada, isaga oo ka careysan saddex kursi oo doorashadooda dib loogu celiyey.

Xildhibaannada ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka Federaalka ee qaatay Shahaadooyinka waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe, iyo Shariif Maxamed Cabdalla iyo Cabdulllaahi Aadan Axmed.

Xubnahan ayaa aheyn kaliya xildhibaano, balse siyaasiyiin miisaan culus, ayada oo Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed ay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha golaha shacabka. 

Sidoo kale, waxaa shalay iyagana iska diiday amarkii maamulka HirShabeelle xildhibaano badan oo deegaankaas laga soo doortay kuwaas oo qaatay shahaadada, waxaana xigay kuwa kale oo isla deegaankaas ka yimid oo maanta iyagana shahaadada la siiyey.

Haddaba waxaan halkan idinkula wadaageynaa dhammaan magacyada xubnaha illaa hadda qaatay shahaadada xildhibaannimo. 

Xildhibaanada shahaadada qaatay maanta

1. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
2. Shariif Abdalla GSH#085
3. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
4. Hussein Mohamed Nur GSH#051
5. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
6. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
7. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
8. Hassan Abdi Ismail GSH#217
9. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
10. Roda Arab Abdi GSH#219
11. Khadra Mohamed Tukale GSH#274
12. Sahra Olad Abdi GSH#018
13. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
14. Leila Ahmed Ismail AS#37
15. Ahmed Mohamed Ali AS#21
16. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
17. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
18. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
19. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
20. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
21. Ali Shaban Ibrahim AS#23
22. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
23. Salah Ahmed Jama AS#34
24. Guled Bihi Abdi GSH#255
25. Ahmed Osman Dirie GSH#233
26. Abdinur Ali Aden GSH#028
27. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
28. Abas Ali Ibrahim GSH#111
29. Mohamed Abukar Ali GSH#025
30. Adar Hared Jibril GSH#132
31. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
32. Bihi Iman Egeh GSH#237
33. Abdiqani Ismail Said GSH#241
34. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
35. Adnan Osman Elmi GSH#236
36. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
37. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
38. Nasro Mahdi Arale GSH#023
39. Leylo Nur Maah AS#07
40. Sahra Jama Ali GSH#134
41. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
42. Hassan Dahir Yarow AS#05
43. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
44. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
45. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
46. Ilyas Badal Gabose AS#01
47. Mohamed Hassan Adam GSH#133
48. Hamza Abdi Barre GSH#203
49. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
50. His Hassan Adan GSH#015
51. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
52. Maryan Mohamud Isse GSH#226
53. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
54. Osman Mohamed Abdi GSH#022
55. Fadumo Hassan Ali GSH#210
56. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
57. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
58. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130


Xildhibaanada shahaadada qaatay shalay 

1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#010
8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#011
14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
17. Muse Said Jama GSH#263
18. Ahmed Abdi Kooshin GSH#205
19. Hirsi Adan Roble GSH#101
20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#015
21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
22. Nadra Salah Abdi GSH#257
23. Duniya Mohamed Ali AS#014
24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
27. Omar Ali Abdi GSH#035
28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
33. Adar Ali Mohamed GSH#081
34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
36. Ali Mohamud Adam GSH#240
37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
38. Zamzam Mohamed Omar GSH#253
39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
41. Ali Mohamed Omar GSH#115
42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
44. Khalif Abdi Omar GSH#032
45. Mariam Aweis Jama GSH#113
46. Jama Mohamed Askar GSH#254
47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
48. Shamso Elmi Hassan GSH#020
49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
54. Saed Abdi Hussein AS#039

Dastuurka iyo aqlabiyadda baarlamanka – Sidan ma lagu dooran karaa madaxweyne?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socota diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada dooran oo guddiga doorashooyinku uu ogolaaday, waxaana is diiwaan gelisay ku dhawaad 100 xildhibaan oo ay ku jiraan ugu yaraan labo xubnood oo Aqalka Sare ah.

Hadaba waxaan dib u eegeynaa tirada xildhibaanada loo baahanyahay in ay doortaan guddoonka baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka, anagoo xiganeyna dastuurka KMG ah ee dalka.

Sida ku cad qodobka 65-aad dastuurka dalka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku dooran karta aqlabiyadda ama kooramka tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka oo ah 139 Xildhibaan.

Sidoo kale qodobka 73-aad ee dastuurka dalka wuxuu dhigayaa in gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa ay codayn qarsoodi ah ku dooran karaan aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Aqalka Sare oo ah 28 Senator.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare mid waliba fadhigiisa koowaad waxaa shir guddoominaya qofka ugu da’da weyn, iyadoo kadibna deg deg loo guda gelayo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa, sida uu qabo dastuurku.

Qodobka 89-aad ee dastuurka ayaa isna dhigaya in doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya la qaban karo hadii ay joogaan ugu yaraan 3 meelood 2 tirada guud ee labada Aqal ee baarlamaanka.

Tusaale waa in hoolka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ay joogaan ugu yaraan 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah.

Sidaas darteed, ayada oo xildhibaanada harsan ee aan weli la dooran ay yihiin kaliya 20, waxaa doorashada madaxweynaha iyo guddoonka labada Aqal u baahan tahay kaliya inay shahaadada qaataan inta badan xildhibaanada doorashada  ama 184 xildhibaan, taasi oo ah tiro si fudud loogu guuleysan karo.

QM oo DF ka dalbatay inay si DEG DEG ah u joojiso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay si deg deg ah u joojiso dhammaan xukunada dilka ah.

Isha ayaa baaqan jeedisay kadib markii ay booqash ku bixisay Soomaaliya 28-kii Maarsho ilaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuurgashay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Khabiirka ayaa dhaliishay sida loola dhaqmo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay “inay aad uga hooseeyaan heerka caalamiga ah.”

“Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah,” ayey tiri Isha Dyfan

“In kasta oo caqabadahaasi ay aad u baaxad wayn yihiin, haddana dowladdu waxay xoojisay qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda,” ayey tiri.

Isha Dyfan ayaa sidoo kale ugu baaqday Xukuumadda Soomaaliya inay horumariso dedaallada lagu ciribtirayo guurka carruurta, kan degdega ah iyo guurka khasabka ah iyo ilaalinta xuquuqda gabdhaha meelaha jilicsan.

Waxay sidoo kale dhaliishay heerka ilaalinta xoriyadda hadalka ee Soomaaliya iyo xarigga ka dhanka ah ah suxufiyiinta.

“Xuquuqda xoriyatul qawlka iyo ra’yigu waxay lama huraan u tahay dimoqraadiyad kasta oo shaqaynaysa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac laga qabo xarigga aan loo meel dayin iyo xarigga saxafiyiinta ay ku hayaan ciidamada ammaanka ee dalka oo dhan,” ayey tiri.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku celiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo xaqa xorriyadda hadalka iyo ra’yiga. Waxaan ku talinayaa in shuruucda iyo siyaasadaha, madmadowgooda loo adeegsaday in dembi looga dhigo shaqadooda sharciga ah, in dib loo eego iyadoo la eegayo in la keeno nuxurka iyo fulinta si waafaqsan mabda’a sharciga iyo halbeegyada kale ee xuquuqul insaanka caalamiga ah.”

Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha beesha caalamka inaysan ka daalin taageeradooda, ilaa marxaladda ugu dambeysa ee ay xasilloonidu noqonayso mid dhab ahaan uga jirta Soomaaliya.

Isha: VOA

Aadan Madoobe iyo Shariif Cabdalla oo dhabar jabin ku sameeyey Lafta Gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online)Xildhibaannada Koonfur galbeed ayaa saaka bilaabay iney qaataan shahaadada guddiga doorashada ee FEIT, iyaga oo ka biyo-diiday amar uu horay usoo saaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta-gareen kaas oo loogu sheegay iney toos shahaadada xildhibaannimo uga doontaan xogheyeyaasha guud ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xubnaha shahaadooyinkooda maanta la guddoonsiiyey waxaa ka mid ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku guuleystay kursiga HOP#189, wuxuuna noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee lagu soo doortay Koonfur Galbeed ee guddiga FEIT ka qaata shahaadada xildhibaanimo.

Aadan Madoobe ayaa u sharraxan xilka afhayeenka baarlamaanka federaalka Somaaliya oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa yiri “Xildhibaanada walaalaheyga ah ee KGS waxaan leeyahay dib u dhac kale oo doorasho sabab ha u noqonina ee qaata shahaadadiina”.

Sidoo kale xildhibaanka labaad ee Koonfur Galbeed ka socda ee iska diiwaan-geliya guddiga FEIT ayaa waxa uu noqday Shariif Maxamed Cabdalla oo ku soo baxay kursiga HOP#085.

Is-diiwaan-gelinta xildhibaanadan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Koonfur Galbeed ay horey uga hortimid tallaabada uu qaaday guddiga doorashooyinka FEIT, sidoo kalena sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay guddoomiye Yuusuf Geelle Ugaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Qoraal Jimcihii lagu daabacay madaxtooyada Koonfur Galbeed,  ayaa lagu sheegay in galka xildhibaannada ay toos ugu wareejinayaan xogheyeyaasha labada aqal, iyaga oo sheegay “ Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka. Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS”.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen labadaa xildhibaan ayaa dhabar jebin ku ah Lafta Gareen iyo maamulkiisa oo ku dhow kooxda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.

Muxuu Gaas ku tilmaamay hanjabaadaha BEESHA CAALAMKA ee Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, marna soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay doorka beesha caalamka ee khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo jeediyey in taageeradooda aan wax weyn laga soo qaadin.

Gaas ayaa ku dooday in beesha caalamka ay la soo taagan tahay hanjabaad aysan ka dhabeyneyn, taas oo madaxda Soomaaliya ay ugu caga jugleyso.

Cabdiweli Gaas oo la hadlay BBC ayaa la weydiiyey suurta galnimada in beesha caalamku ay tallaabo qaado hadii doorashada la carqaladeeyo ama lagu soo dhameystiri waayo waqtigii loo qorsheeyey, sida inay dhaqaalaha iyo taageeradooda kaleba ka jartaan Soomaaliya.

Wuxuuna ku jawaabay, “Horta beesha caalamka ee aan afka ku heyno mar kasta aan iska deyno sababtoo ah, howshaan Soomaali ayey u taalla cid kale oo wax ka qaban karta ma jirto, maalin kastana hanjabaado aan laga dhabeyn wax macnaa ma sameynayaan.”

Sidoo kale Gaas ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka u jooga Soomaaliya ay yihiin diblomaasiyiin doonaya in markasta ay dalalkooda u diraan war wanaagsan, isla markaana aysan jecleyn inay gudbiyaan war dhiilo leh.

“Waxay ila tahay beesha caalamka cadaadiskooda tallaabo la’aanta ah ayey iska wedi doonaan oo wax sidii hore ka duwan lama imaa doonaan, marka howshaan waxay u taallaa Soomaalida, marka nimanka dalka madaxda ka ah waxaan kula talinayaa inay doorashada dedejiyaan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Daawo: Prof. Xasan Sheekh oo sharxay cida maamusha Gedo, kuna taliyey hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Professor Xasan Sheekh oo ka mid ah aqoonyahanada sida weyn uga faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa tusaaleyn ka bixiyey cidda heysata oo maamusha gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Garbahaarey oo ay taallo doorashada 16-ka kursi ee gobolkaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Gedo ay haysato koox hubeysan oo sharciga ka baxsan, cid magacowdayna aysan jirin, kuwaas oo sida uu sheegay dadka ugu hanjabaya in ay dilayaan.

Wuxuu sheegay in Garbahaarey aysan jirin cid Soomaali ah oo tegi karta, kuna dhiira karta inay ku qabato doorasho xalaal ah, isagoo ku taliyey in magaaladaas laga wareejiyo doorashada 16-ka kursi ee reer Gedo ay ku leeyihiin golaha shacabka.

“Si walaalaha Soomaaliyeed ee reer Gedo aysan uga harin tartanka doorashada, waa inay helaan madax-banaani ay ku doortaan xubnahooda, waa inay doorashada maamulaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka, waa in doorashada lagu qabto meel aan aheyn Garbahaarey,” ayuu yiri.

Prof. Xasan Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sababeeyey soo jeedintiisa ku aadan in doorashada laga wareejiyo magaalada Garbahaarey, isagoo sheegay in magaaladaas ay heystaan niman qanuunka ka baxsan.

“Nimanka hubeysan ee Garbahaarey jooga ee dadka Soomaaliyeed ee dowlad-dhisida u taagan ugu janjabaya in cidii Gedo ka soo degta ay masuuliyadda wixii ku dhaca ayadu qaadeyso, ma waxaa doortay dadka reer Gedo? waa maya, ma Jubbaland ayaa gobolkaas ka tirsan maamul u magacaabatay? Waa maya, ma wasaaradda arrimaha gudaha federaalkaa u ogolaatay inay Jubbaland ka baxaan reer Gedo? Waa maya, ma ninkii Xamar ka diraybaa warqad sharci ah u qoray oo ay Gedo ku maamuli karaan? Waa maya,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

 

Ciidanka Danab oo qabtay gaari siday qaraxyo culus

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaarayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Cadalle ee koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ka hadlay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari siday waxyaabaha qarxa, islamarkaana ay qabteen raggii watay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen.

Ciidamada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay xubnahaasi doonayeen inay miinooyin ku aasaan wadada xiriirisa Hobyo iyo Gaalkacyo.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin koonfurta Mudug, gaar ahaan deegaano dhowaan lagu arkay Al-Shabaab.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraro culus kasoo abaabula halkaasi.

Ciidamada Ukraine oo dib u qabsaday Kyiv iyo dagaalkii oo marxalad cusub galay

Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine ayaa sheegtay inay dib gacanta ugu dhigtay gobolka Kyiv, ayada oo ciidamada Ruushka ay dib uga gurteen hareeraha magaalada caasimadda ah iyo magaalada Chernigiv. 

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inay dib ula wareegeen in ka badan 30 magaalo iyo xaafado oo ku dhow Kyiv, tan iyo markii Ruushka ay billaabeen inay dib u gurtaan horaantii toddobaadkan. 

“Gobolka Kyiv oo idil waa laga xoreeyey duulaanka,” waxaa sidaas tiri wasiir ku-xigeenka difaaca Ukraine Hanna Malyar, oo qoraal ku daabacday facebook.

Ayaga oo ka baxaya aagga waqooyi, ciidamada Ruushka ayaa u muuqda inay diiradda saarayaan bariga iyo koonfurta Ukraine, halkaas oo ay haystaan dhul badan oo ka mid ah. 

“Waa maxay ujeedka ciidamada Ruushka? Waxay doonayaan inay qabsadaan Donbas iyo koonfurta Ukraine,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. “Waa maxay hadafkeena? Waa inaan difaacnaa xoriyaddeena, dhulkeena iyo shacabkeena.”

Hase yeeshee, waxaa waddooyinka ku dhow caasimadda daadsan meydad badan ayada oo ay soo baxeyso in ciidamada duulaanka ah laga yaabo inay si ula kac ah u dileen dad shacab ah oo aagaas ku sugnaa. 

Weriyayaal ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa arkay ugu yaraan 20 meydad oo yaalla hal waddo oo ku taalla magaalada Bucha ee ku dhow caasimadda, meydadkaas oo mid ka mid ah garbo duub loo xiray. 

“Dhammaan dadkan waa la toogtay,” waxaa sidaas AFP u sheegay duqa magaalada Bucha Anatoly Fedoruk, oo intaas ku daray in meydadka 280 qof lagu aasay xabaal wadareedyo ku yaalla magaalada. 

Tan iyo markii ciidamada Ruushka ay billaabeen duulaanka 24-kii Febraayo, kaasi oo Putin uu ugu yeeray “howl-gal gaar ah,” waxay ku guul-darreysteen inay qabsadaan xitaa hal magaalo oo weyn oo ka mid ah Ukraine.

Wasaaradda difaaca Ruushka waa ay diiday inay wax jawaab ah ka bixiso dib u garashada ciidankeeda. 

Moscow ayaa horey u sheegtay in ka bixitaankeeda aagga Ukraine ay tahay mid ay ku dhiiri-gelineyso wada-hadallada. Hase yeeshee Ukraine iyo xulufadeeda ayaa sheegay in Ruushka lagu qasbay inay diiradda saaraan Bariga Ukraine kadib markii ay guuldarrooyin culus kula kulmeen aagga Kyiv.

Khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii magaalada Hargeysa oo la shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay inta uu le’egyahay khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay dabka habeenkii Jimcaha ka kacay Suuqa weyn ee Hargeysa.

Duqa Magaalada Hargeysa ayaa Warbaahinta u akhriyay warbixin horudhac ah oo lagu ogaaday baaxadda burbur dhaqaale ee dabkaasi uu sababay.

“Sida ay sheegtay xog uruurin horudhac ah dhibtii iyo khasaarihii ay sababtay masiibadii halkani ka dhacday waxaa lagu qiimeeyay inay u dhaxeyso hal bilyan iyo bar illaa laba bilyan oo dollar, waana qiimeyn horudhac ah weeye,” ayuu yiri Duqa Hargeysa.

Waxa kaloo uu yiri “Guddiga Heer Qaran ee taakuleynta Suuqa Waaheen waxay iguna isla maantaba magacaabeen Guddi Hoosaad, ka kooban ganacsatada iyo Culimada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay magacyadooda soo sheegi doonaan Rugta Ganacsiga ee Somaliland.”

Duqa Hargeysa ayaa tilmaamay inay 5-ta bishan bilaabi doonaan olole lagu nadiifinayo Suuqa Hargeysa, si looga qaado wax kasta oo dabku uu ka tegay, wadooyinkana loo furo.

“Waxaa la go’aamiyay in maalinta Talaadada oo ku beegan 5-ta bisha April 2022 suuqan dhibta badani ay ka dhacday in la nadiifiyo, wax kasta oo dabku uu ka tegayna laga qaado, wadooyinkana la furo. Waxaa labadaa cisho loo bixiyay si dadkii dhibta u gaartay, haddiiba wax hambo ahi ay meesha ku hareen inay labadaa cisho ka uruursadaan, sidoo kalena caagaga iyo marada gubatay ee weli looga sii shakisan yahay inuu dabkii jiro, markaasi loo hubiyo,” ayuu yiri Mooge.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka badbaaday mooshin xil ka qaadis ah (Warbixin)

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa Axadda maanta ah ka badbaaday tallabo lagu doonayey in xilka looga tuuro, kadib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka uu hor istaagay mooshin kalsooni kala noqosho ah oo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

Inkasta oo uu badbaaday, hadana jihada Khan weli cadda, iyadoo mooshinkan uu horseeday xasillooni darro siyaasadeed oo cusub oo ka dhacda waddanka heysta hubka nukliyeerka ah ee 220-ka milyan oo qof ah.

Mucaaradka ayaa isla markiiba wacad ku maray inay kahortagayaan horistaagga codbixinta, oo uu sameeyay xubin ka tirsan xisbiga Ra’iisul Wasaaraha, halka Khan uu kula taliyay madaxweynaha dalka inuu kala diro Baarlamaanka, isagoo dadka Pakistan u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan doorashooyin cusub.

“Waxaan talo ugu soo jeediyay madaxweynaha in uu kala diro goleyaasha,” ayuu yiri Khan oo khudbad ka jeedinayay telefishinka, laakiin Bilawal Bhutto Zardari oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Pakistan People’s Party (PPP) ayaa ballan qaaday in ay fadhi ku yeelan doonaan xarunta baarlamaanka, isagoo saxaafada u sheegay inay dacwad u gudbin doonaan maxkamadda sare.

Mucaaradka ayaa Ra’isul Wasaare Khan ku eedeynaya inuu ku guul dareystay soo nooleynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Waxa uu sheegay Khan, isaga oo aan soo qaadan wax caddeymo ah in tillaabada xilka looga tuurayo ay ka dambeeyeen Mareykanka, hadalkaas oo ay Washington hore u beenisay.

Ma jiro Ra’iisul Wasaare dhammeystay muddo xileedkiisa shanta sano ah tan iyo markii Pakistan ay xornimada ka qaadatay Britain sannadkii 1947-kii, waxaana dhowr jeer oo hore soo maamulay Pakistan Jeneraallo, kuwaas oo sannad walba khilaaf xooggan kala dhexeeyay waddanka ay deriska yihiin ee Hindiya oo ku hubeysan hubka Nukliyeerka.

VOA + Reuters.

Magacyada xildhibaanada maanta shahaadada qaatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maalintii labaad wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhowaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashada dalka.

Guddiga ayaa maanta shahaadada siiyey dhowr xildhibaan oo tegay xarunta guddiga FEIT ee ku dhex-taal garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan kuwii lagu soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo horey u qaadacday tallaabada guddiga doorashooyinka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli muran uu ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shahaado siinta xildhibaanada dhowaan lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Halkan hoose ka aqriso liiska:-

1. Salah Ahmed Jama AS#34
2. Guled Bihi Abdi GSH#255
3. Ahmed Osman Dirie GSH#233
4. Abdinur Ali Aden GSH#028
5. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
6. Abas Ali Ibrahim GSH#111
7. Mohamed Abukar Ali GSH#025
8. Adar Hared Jibril GSH#132
9. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
10. Bihi Iman Egeh GSH#237
11. Abdiqani Ismail Said GSH#241
12. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
13. Adnan Osman Elmi GSH#236
14. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
15. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
16. Nasro Mahdi Arale GSH#023
17. Leylo Nur Maah AS#07
18. Sahra Jama Ali GSH#134
19. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
20. Hassan Dahir Yarow AS#05
21. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
22. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
23. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
24. Ilyas Badal Gabose AS#01
25. Mohamed Hassan Adam GSH#133
26. Hamza Abdi Barre GSH#203

27. Abdi Hashi Abdullahi AS#33

Cabdiweli Gaas oo si aan caadi aheyn u difaacay kursiga Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay khilaafka cusub ee cagaha ay la gashay doorashada Soomaaliya, ayaa eedeynta dhan dusha ka saaray R’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashooyinka federaalka.

Gaas ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka uusan ku shaqeyn rabitaankiisa oo mar kasta laga dhex hadlo, sidoo kale wuxuu ku dooday in wax macno ah aysan sameyneyn in Fahad Yaasiin iyo xubnaha kale ee laga soo doortay Koonfur Galbeed loo diido kuraastooda.

“Labada dhinac ee siyaasadda isku haya waxay ka dhex hadlayaan guddiga doorashada, markii horena guddi fiican oo shaqadiisa gudanaya ma aheyn, howshii laga rebay guddigaas ma qaban, waxa hadda isku jawaabayana ayaga maahane, cid kale ayaa ka dhex hadleysa,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Gaas oo la hadlay BBC ayaa wax laga weydiiyey go’aanadii ka soo baxay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay inay ka aamin baxeen guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal, kadib markii liiska xubnaha dooran ee baarlamaanka laga reebay Fahad Yaasiin oo HirShabeelle laga soo doortay iyo 3 xubnood oo ka yimid K/Galbeed.

Wuxuu ku jawaabay in dooda labadaas maamul ay saxan tahay, “Afarta kursi sababta ay liiska uga reebeen guddigu ma aysan sheegin, dalka dhan doorasho kama socon ee xulasho aan xalaal aheyn ayaa ka socotay, marka maxaa afar kursi loo qabsanayaa? Waa in guddoomiyuhu uu dadka u sheegaa sababta,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Aniga iima muuqato wax afartaas kursi ku gaar ah, waxaana arrintaas ku gar leh labada dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, inkastoo laftigoodu aysan doorasho sax ah qaban, hadana dooda ah, maxaa lagu heystaa afartaan kursi? Waa ku saxan yihiin.”

Mar wax laga weydiiyey doorka Ra’iisul Wasaaraha ee doorashada ayaa waxa uu sheegay in fashil badan uu ka muuqdo waajibaadkiisa, “Shaqo tan ka fiican ayuu qaban karay oo awoodeeda uu lahaa dastuuriyan, laakiin hadda waxaaba noo cad in isqabqabsigaan cusub uu qeyb ka yahay,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, sidoo kalena soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ku taliyey in afartaas kursi ee Fahad Yaasiin uu ku jiro sidooda loo sii daayo oo baarlamaanka aan laga reebin.

“Aniga iima muuqato sabab hebel ayaa ku jira loogu dib dhigo doorashada, war anaga hebel waxaba nagama gelin, soomana aanaa dooran, marka shakhsi gaar ah ama dhowr qof si loo baacsado aniga waxay iila muuqataa wax an sharci aheyn, siyaasadna aheyn,” ayuu yiri Gaas.

Xog: ROOBLE oo dib usoo nooleeyey isku day lagu fasaxayo lacagta Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku cadaadinaya xeer-ilaalinta qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir inay qoraan warqad lagu fasaxayo lacagtii laga qabtay Imaaraadka Carabta, bishii April 2018, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble ayaa 7-dii Janaayo wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde oo ku dhow $10 milyan, wuxuuna ballan-qaaday in lacagtaas dib loogu celin doono.

Hase yeeshee, madaxweyne Farmaajo ayaa isla maalinkaas wuxuu guddoomiyaha Bangiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Isku dayga Rooble uu ku fasaxayo lacagtaas ayaa waxaa sii adkeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir oo 30-kii Janaayo soo saartay amar culus oo lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka, ayada oo la faray guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Rooble ayaa hadda dib usoo nooleeyey isku dayga lagu fasaxayo lacagta, ayada oo ay soo dhowaatay doorashada madaxweynaha, oo la rumeysan yahay inuu isku soo taagi doono.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay suurta-gal tahay in Imaaraadka ay lacagtaas dib ugu wareejiyaan Rooble haddii uu soo fasaxo, si uu ugu xoojiyo ololihiisa doorashada madaxweynaha ee la filayo inuu ku dhowaaqo.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa, sida aan xogta ku helnay, diyaar u ah inuu lacagtaas fasaxo haddii ay warqad maxkamad ama mid xeer-ilaalin soo baxdo. 

R/W Rooble iyo Fahad yaa macaash ku qaba khilaafka cusub ee gudiga doorashada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf cusub ayaa soo kala dhex galay xubnaha guddiga heer Federaal ee FIET kadib markii ay qeyb kamid ah guddiga ay sii daayeen liiska xildhibaanada dooran iyagoo ka reebay 4 Kursi oo uu ku jiro kursiga HOP#86 ee uu soo qaatay Fahad Yaasiin.

Lama taabtaankii Villa Somalia ee shantii sano ee lasoo dhaafay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waqtigaan la tacaalaya inuu xildhibaan rasmi ah noqdo.

Laba tallaabo oo waaweyn ayey Jimcihii qaadeen xubnaha is diidan ee guddiga doorashada ee heer Federaal. Guddoomiyaha gudiga doorashada Muuse Geelle ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii guddiga Cabdiraxiin Xiirane halka laba saac dhowr xubnood oo guddiga ka mid ah ay sheegeen in shaqadii laga joojiyey guddoomiyihii guddiga doorashada heer Federaal Muuse Geelle.

Ra’iisul Wasaare Rooble isaga waxay uga dhagan tahay in Fahad Yaasiin banaanka lagu reebo, wuxuuna sameenayaa si walba oo ay taasi macquul ku noqon karto.

Inuu Muuse Geelle haysto waxaa la fahamsan yahay inuu gacan weyn ku siinayo Saciid Cabdullaahi Deni oo isaga Muuse Geelle kusoo daray guddigan.

Waa markii afaraad oo uu guddigu is-khilaafo, mar walba oo ay sidaan oo kale isku khilaafaana waxay saameysaa doorashada.

Maalmahaan waxaa aad looga walaacsanaa waxa ka imaan kara kuraasta taala gobolka Gedo iyo sida ay u saameyn karaan dhameystirka doorashada, laakiin hadda waxaa dilaacay khilaaf cusub.

Bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada waxaa heysta garabka Muuse Geelle halka garabka kale ay adeegsanayaan saxaafadda madaxa banaan.

Gudiga is-khilaafsan ee doorashooyinka ee heer Federaal ayaa Maanta bilaabay bixinta shahaadooyinka xildhibaanada iyagoo xildhibaanada Muqdisho joogay ku balamiyey Airport Hotel oo ku yaalla xeendaabka Xalane.

Dadka badi waxay is waydiinaaan yaa faa’ido ku qabo xiisadaan?

Khilaafkaan cusub qofna kuma macaashi karo, Fahad in kursigiisa lagu sii dhaganaado oo uu waayo guddiga mideysan oo ogol waxay ku tahay culeys weyn.

Rooblana uma wacna inuu mar kale marqaati ka noqdo dib u dhac doorasho, guddi is khilaafsan iyo jahwareer cusub.

Wakiilada Beesha Caalamka waxay dhowr jeer ka digeyn khilaaf cusub oo sii daahin kara doorashada, waxayna hadda ku qasban yihiin inay xiisadaan cusub soo fara geliyaan.

Xog: Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo billowday inay jaam gareyso taleefonada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa billowday inay jaam gareyso taleefonada dadka ka ag dhow agagaarka dhismaha safaaradda, taasi oo keentay in dad badan ay isticmaali kari waayaan taleefanada gacanta ee mobile-ka iyo khadka internet-ka.

Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib weeraradii toddobaadkii lasoo dhaafay lagu qaaday garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, gaar ahaan Marina Gate oo ay degan yihiin diblomaasiyiinta iyo hay’addaha samafalka.

Safaaradda Turkiga oo adeegsaneyso teknolijiyada casriga ah ayaa billowday inay xanibto anteenada taleefonada dadka ku sugan dhismooyinka ku hareereysan iyo kuwa ag maraya safaaradda.

Ilo-wareedyo amni ayaa Caasimada Online u sheegay in safaaradda Turkiga ay qaaday tallaabadan, si ay uga hortagto qaraxyada loo adeegsado in lagu fliyo taleefonada lasoo waco ee miinada ku xiran.

Dadka ku ganacsada dhismooyinka hoteelada ka dhow iyo macaamiishaba ayaa dhibaato ku qaba tallaabada safaaradda Turkiga, iyadoo ay adag tahay in la isticmaalo taleefanada gacanta.

Guud ahaan safaaraddaha, xafiisyada hay’addaha samafalka, kuwa UN-ka ee xarunta Xalane ku yaal ayaa si weyn loo adkeeyay amaankooda, iyadoo ay muuqato kalsooni daro amni, waxayna farta ku godan tahay madaxda Villa Somalia inay qeyb ka qaateen weeraradii garoonka Muqdisho iyo kii Baladweyne.

Magacyada xildhibaanada maanta la siiyey shahaadada

Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo ee xubnaha cusub Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanadii ugu horreeyey oo ku dhow ilaa 60 xildhibaan ayaa maanta qaatay shahaada, iyaga oo tegay xaruntii loogu yeeray guddiga FEIT ee ku dhex-taalla garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan hotelka Airport Hotel. 

Xildhibaanada qaatay waxaa ku jira qaar laga soo doortay maamuladii qaadacay guddiga ee sheegay inaanay guddiga u gudbin doonin liiska xildhibaano ee ay ku wareejin doonaan xoghayayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanad ka maqan Muqdisho in ay si deg deg ah kusoo gaaraan caasimada, si loo siiyo shihaadada xildhibaanimo.

Xoghayaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Buux wuxuu xalay sheegay in qofkii shahaadada soo qaata inuu toos u yimaado Villa Hargeysa si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga xildhibaanimada.

Sidaad darteed xubnaha Maanta shahaadada qaatay waxay hadda u dhaqaaqi doonaan dhanka Golaha Shacabka si loo siiyo kaararkii. Uma badna in howshani dib loo celin karo, taasoo dharbaaxo ku ah dhinaca kale ee Farmaajo iyo Fahad.

Haddaba waa kuwan liiska xildhibaanada iyo Senatorada maalinta koowaad qaatay shahaadada

  1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
  2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
  3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
  4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
  5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
  6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
  7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#010
  8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
  9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
  10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
  11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
  12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
  13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#011
  14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
  15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
  16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
  17. Muse Said Jama GSH#263
  18. Ahmed Abdi Kooshin GSH#205
  19. Hirsi Adan Roble GSH#101
  20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#015
  21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
  22. Nadra Salah Abdi GSH#257
  23. Duniya Mohamed Ali AS#014
  24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
  25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
  26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
  27. Omar Ali Abdi GSH#035
  28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
  29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
  30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
  31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
  32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
  33. Adar Ali Mohamed GSH#081
  34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
  35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
  36. Ali Mohamud Adam GSH#240
  37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
  38. Zamzam Mohamed Omar GSH#253
  39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
  40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
  41. Ali Mohamed Omar GSH#115
  42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
  43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
  44. Khalif Abdi Omar GSH#032
  45. Mariam Aweis Jama GSH#113
  46. Jama Mohamed Askar GSH#254
  47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
  48. Shamso Elmi Hassan GSH#020
  49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
  50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
  51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
  52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
  53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
  54. Saed Abdi Hussein AS#039

Farmaajo iyo Muuse Biixi oo taleefon ku wada-hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefonka kula xiriiray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay dabkii xalay ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Suuqa ayaa si xoogan ugu gubtay dabka oo baabi’iyey intiisa badan halkaasi oo hanti boqolaal milyan oo dollar ay ku luntay, inkasta oo weli aan la shaacin heerka uu la egyahay khasaraha rasmiga ah. 

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia 

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkiis Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan. 

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”  

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa. 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay inuu hanti ka khayr badan ugu baddalo ganacsatadii uu khasaaraha ka soo gaaray musiibadan.