25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

ROOBLE oo eryey xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray amar ku saabsan doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa xubinnimadii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada heer federal (FEIT) oo lagu eedeeyey fowdo, wuxuuna soo saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka dalka.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda  iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan  u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray

1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir
2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf

Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah:

1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4. Axmed Aadan Dagaal
5. Sacdiyo Xasan Xuseen

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan  Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan  falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga  qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in baaris deg deg ah lagu sameeyo  isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddiga FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddigu wado, waana in taliyuhu mas’uuliyad  gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka. 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta  xildhibaannada Labada Aqal. 

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan  sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo mareysa heer gebogebo ah.

Dhammaad

Aabe Soomaaliyeed iyo gabdhihiisa mataanaha ah oo shil baabuur ku dhintay

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Shil Axadii ka dhacay wadada isku xirta Gaarisa iyo Mombasa ee dalka Kenya ayaa si weyn uga nixiyay dadweynaha, kadib markii ay ku dhinteen nin iyo laba gabdhood uu dhalay oo mataano ah.

Axmed Amiin Cantar ayaa labadiisa gabdhood ee Najmo iyo Naciimo oo mataano ah waxa uu ka soo qaaday dugsiga sare ee Sheekh Khaliifa ee Mombasa, halkaas oo looga qaaday imtixaan ay u galeen fasalka koobaad ee dugsiga sare.

Labada gabdhood ayaa kamid ahaa ardayda natiijada dugsiga dhexe helay todobaadkii hore, waxaana ay ku safrayeen gaari uu aabahood u waday.

Najmo ayaa imtixaanka ka heshay natiijo ah 399, halka Naciimo ay keentay 401. Ardayda ugu horreeyay Kenya ayaa helay 428.

Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Boji ee ka tirsan Hola, kadib markii uu gaarigooda ka hor yimid mid xamuul ah, halkaasna ay ku naf waayeen Axmed iyo labadiisa gabdhood, sida uu sheegay taliyaha booliska ee Tana River, Patrick Kafulo.

Axmed ayaa ahaa agaasimaha gobolka waqooyi bari u qaabilsan hay’adda tayo dhawrka Kenya ee KEBS.

Axmed iyo labadiisa gabdhood ayaa saaka lagu aasay xabaalaha Tawakal ee magaalada Gaarisa. Dadkii yaqaanay waxa ay ku tilmaameen nin danyarta u wanaagsan oo cibaado badan.

Wadooyinka Kenya ayaa lagu tilmaamay “malag socda” kadib markii dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen.

Baaritaan ay dhawaan samaysay qeybta dabagalka BBC ee Africa Eye ayaa lagu odaagay in waaxda qaabilsan badqabka waddooyinka uu ka jiro musuq maasuq baahsan, isla markaana uu qofka heli karo laysanka darawalnimada xitaa isagoo aan gaari kaxeyn aqoon.

Sidoo kale, baaritaanka BBC ayaa lagu ogaaday in wadooyinka Kenya ay adeegsadaan gawaari duug ah oo aan mudnayn in la wado.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay baarayso eedeymaha musuq maasuqa ee loo jeediyay shaqaalaha waaxda gaadiidka ee dalkeeda.

Isha: BBC

Xubno ka mid ah guddiga doorashada oo dalbaday in la fasaxo kuraasta la xayiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa soo saaray qoraal ay ku fasaxayaan afar kursi oo natiijadii doorashadooda horay loo diiday, kuwaas oo uu ku jiro kursiga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Xubnaha warqadaan ku saxiixan oo gaaraya ugu yaraan 12 qof oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa fariintooda ku socodsiiyey labada xoghaye ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, iyagoo ku wargeliyey in feylasha xubnahaas ay u soo gudbi doonaan.

Kuraasta ay xubnahaan fasaxeen ayaa kala ah, HOP103, HOP154 iyo HOP204, oo Koonfur Galbeed laga soo doortay iyo HOP086 oo HirShabeelle laga soo doortay, isla markaana uu ku fadhiyo Fahad Yaasiin.

Xubnaha ka tirsan guddiga ee qoraalkaan soo saaray waxay sheegeen in maanta ay isugu yimaadeen kulan ay isaga wareysteen kuraastaan, isla markaana ay soo xaqiijiyeen in aysan jirin wax dacwo ah oo ka furan guddiga xalinta khilaafaadka ama loo gudbiyey madasha wadatashiga qaran.

Bayaanka ay soo saareen xubnahaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta ay soo baxeen warar sheegaya in isla xubnaha warqadaan ku saxiixan qaarkood ay xarunta guddiga fowdo ka sameeyeen, iyagoo ku doodaya in kuraastaan loo fasaxo ama xitaa uu guddoomiyuhu qaabilo, balse waxaa dalabkoodii ku gacan seyray guddoomiye Muuse Geelle.

Ugu dambeyntii xubnaha caawa soo saaray warqadaan, sababta ay u qaadeen tallaabooyinkaas waxay ku sheegeen inay ku dhalatay, kadib markii ay dib u eegeen xaalada guud ee dalka, isla markaana ay dareemeen in baahi badan loo qabo doorasho ku dhacda jawi nabdoon iyo isla ogol.

Hoos ka eeg liiska xubnaha ku saxiixan warqadaan

Beesha Habar-gidir oo shir deg deg ah isugu yeertay beelaha Hawiye + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweyne wada-tashi ah oo maalmihii dambe ay magaalada Muqdisho ku lahaayeen qeybaha kala duwan ee beesha Habar-gidir iyo hogaankooda ayaa waxaa maanta laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan xaalada dalka.

Golaha Hogaaminta Habar-gidir ayaa ku baaqay in shir deg deg isugu yimaadeen beelaha Hawiye, kaasi oo looga tashanayo xaalada amni iyo midda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale waxaa war-murtiyeedka Golaha lagu taageeray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble sida habsami leh ee arrimaha doorashooyinka ku wadaan, ayada oo meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo carqaladeynaysa shaqada ay wado xukuumadda.

“Golaha Hogaaminta Habar-Gidir wuxuu uga digaya madaxda muddo xileedkeedu dhamaaday ku tumashada sharciga & dastuurka dalka, iyo weliba is hortaaga doorashada. Goluhu wuxuu cadeynaya in arrinkaasa dadku aqbali doonin ayna mas’uuliyadeeda qaadi doonaan kuwa doorasho diidka ah,” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

Golaha ayaa sidoo kale ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan uga digay inay ku milmaan siyaasadda dalka, islamarkaana u adeegan madaxda muddo xileedkeedu dhamaaday oo dano gaar ah leh.

Waxay ka dalbadeen Beesha Caalamka inay cuna-qabateen kusoo rogaan kuwa hortaagan doorashooyinka dalka, iyaga oo ku bogaadiyay saaxiibada Soomaaliya taageerada balaadhan ee la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina wuxuu Golaha sheegay in uu xanuunka iyo dhibaatada la qeybsanayo dadkii hantidooda ku burburtay dabkii qabsaday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxayna umadda Soomaaliyeed usoo jeediyeen ka qeyb qaadashada gurmadka dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay masiibadaas.

Daawo: Muxuu Faysal Cali Waraabe ka yiri lacagtii uu soo fasaxay R/W Rooble?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey lacagtii ay Dowladda Soomaaliya u fasaxday ayaa sheegay inay aheyd lacag ay Somaliland laheyd, oo loo soo celiyey.

Faysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahad-celiyey soo deynta lacagtaas.

“Anigu dhihi mayo dowlada Soomaaliya ee waxaan leeyahay dowlada Muqdisho, dowlad Soomaaliyeed oo jirtaa ma jirto, waa iska indho sircaade, Lacagtan Muqdisho ay soo daysay, lacagtani waxa weeyi lacag aynu inagu lahayn,” ayuu yiri Faysal.

Faysal ayaa sheegay in shirkii Istanbul ay ku yeesheen xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya, sannadkii 2013 lagu heshiiyay in wixii deeq ah Somaliland si gaar ah loo siiyo, iyo in aan la siyaasadayn maalgashiga.

Dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyey inay ka baxday heshiiskaas isla markaasna ay xayiraad saartay lacagihii loogu talagalay horumarinta Somaliland.

“Nasiib daro markay dowladani timid Farmaajo ayaa inaga horjoogsaday, laakinse wuu mahadsanyahay Ra’isul Wasaare Rooble, lacagteeni ayuu inoo soo daayay, waana waxaynii oo waajibku mahadnaq malaha, qaar kalena way inaga xaniban yihiine, Rooblow waxaanu kaa codsanaynaa kuwa kalena in aad soo dayso,” ayuu yidhi Faysal.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabd, ayaa hadal uu madaxtooyada Somaliland ka jeediyay xafladii sannad guurada 26 Juun ku sheegay in lacag ka badan 60 milyan oo dollar ay Somaliland kaga xanibantahay qasnada dowlada Soomaaliya, lacagtan oo caalamku ugu talo galalay horumarinta Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talagalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Tirada xildhibaanada maanta qaatay shahaadada oo la shaaciyey + tirada guud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa korortay tirada xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka ee qaatay shahaadada, ayada oo gashay maalintii saddexaad oo xiriir ah, taasi oo rejo wanaag ka muujinaysa dhaqan-galka jadwalka lagu dhaarinayo 14-ka April, soona dhoweyneysa dhammaadka doorashada daba-dheeraatay.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shaaciyay in maanta ay shahaadada xildhibaanimo qaateen illaa 18 mudane, kuwaasi oo kamid xildhibaanada dhawaan lasoo doortay.

“Waxaan ku u mahadcelinayaa Xildhibaanadii Labada Aqal ee Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay nala ilaaliyey waqtiga, waxaan sidoo kale ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay dhowraan Jadwalka dhammeystirka Doorashada, yimaaddaanna Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga FEIT.

Sidoo kale waxaa shalay qaatay shahaadada 58 xildhibaan, ayada oo daraad ay sidoo kale qaateen 54 mudane, taasi oo ka dhigaysa in saddexdii maalmood ee u horeysay la siiyay shahaadada 130 Xildhibaan oo kamid ah 329 mudane ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Shahaado qaadashada ayaa waxaa sii xoojisay ayada oo xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed ay jebiyeen isbaaradii uu Cabdicasiis Lafta-gareen doonayey inuu u dhigto shahaado siinta xildhibaanada, isaga oo ka careysan saddex kursi oo doorashadooda dib loogu celiyey.

Sidoo kale waxaa iska diiday amarkii maamulka HirShabeelle xildhibaano badan oo deegaankaas laga soo doortay kuwaas oo qaatay shahaadada, waxaana xigay kuwa kale oo isla deegaankaas ka yimid oo iyagana shahaadada la siiyey.

Hoos ka aqriso magacyada xildhibaanada maanta shahaadada qaatay:

1. Ibrahim Awgab Osman AS#06
2. Hassan Idow Mohamed AS#22
3. Nor Mohamed Gedi AS#18
4. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
5. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
6. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
7 Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
8. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
9. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
10. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
11. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
12. Fardowsa Osman Egal HOP#232
13. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS54
14. Deqo Hassan Hussein AS#43
15. Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008
16. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52
17. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
18.Hirsi Jama Ganni GSH#223

Premier Bank oo qaadashada MasterCard u sameysay qiime dhimistii ugu weynayd

Premier Bank ayaa shaaciyay qiime dhimis loo sameeyay macaamiisha cusub ee qaadaneysa Mastercard-ka Premier Bank inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyo maalmaha ciidda. 

Qiime dhimista ayaa gaareysa 70%, taas oo ka dhigan in $3 (Saddex Doollar) oo kaliya ay macaamiishu ku heli karaan Mastercard. Waxa ay noqoneysaa qiime dhisimtii ugu badnayd ee Mastercard looga sameeyo geyiga Soomaalida.

Bangiga ayaa soo kordhinaya goobo dheeraad ah oo ay dadku ka qaadan karaan Mastercard-ka muddada ay qiime dhimistu socoto sida goobaha ay dadku isugu yimaadaan, si loo fududeeyo helista kaararka, iyada oo sidoo kale macaamiishu kaararka ka qaadan karaan xarumaha bangiga ee dhammaan dalka. 

Muddada helista kaarka Mastercard-ka ayaa dhammaan loo rogay nidaam degdeg ah oo loogu magac daray “Dalbo oo horay u qaado”, taas oo macaamiisha u suurtagelineysa in muddo ka yar 30 daqiiqo ay ku helaan Mastercard. 

Madaxa xiriirka bulshada Premier Bank Axmed Nuur Maxamed ayaa sheegay in muhiimmadda ugu weyn ee bangigu qiime dhimista ka leeyahay ay tahay sare u qaadidda heerka dhaqaale iyo nololeed ee bulshada. “Waxaan qorsheynay In aan kor u qaadno heerka nolosha bulshadeena oo ay si lamid ah dunida kale u helaan adeegyada casriga ah ee fududeynaya nolosha” ayuu yiri. 

Adeegsiga Mastercard-ka ayaa lixdii sano ee la soo dhaafay qeyb weyn ka qaatay sare u qaadidda dhaqaalaha iyo fududeyta nolosha bulshada isaga oo fududeeyay in lacagaha kaashka ah lagala bixi karo ATM yada gudaha iyo dibadda, Interent-ka wax looga iibsan karo isla markaana lagu dukaameysa karo, kharashaadka khidmadahaa lagu bixi karo. Waxa uu dalka ku xiray dunida inteeda kale.

DHAMMAAD

Mastercard

Mastercard, waa shirkad teknoolajiyadeed oo kamid ah nidaamka caalamiga ah ee lacag bixinta. Waxay howlgelisaa hab-raaca shabakadda lacag-bixinta ugu degdegta badan dunida ee isku xirta macaamiisha, hay’adaha maaliyadda, ganacsiyada, dowladaha iyo ganacsatada in ka badan 210 dowladood iyo gobol. Xalalka iyo adeegyada Mastercard waxay howlaha ganacsiga maalinlaha ah sida; dukaameysiga, safarka socodsiita ganacsiga iyo maamulidda dhaqaalaha ka dhigtaa mid fudud, aamin ah, kuna haboon qof walba. Faahfaahin dheeraad ah  waxaad ka heleysaa adiga oo booqda: www.mastercard.com ama Twitter-ka kala socda @MastercardMEA.

Premier Bank

Premier Bank waa bangi ganacsi oo gaar loo leeyahay isla markaana shareecada Islaamku asal u tahay dhammaan adeegyada uu bixiyo. Waxa uu shati ka heysta  bangiga dhexe ee dalku oo u sharciyeeyay in uu bixiyo adeegyo maaliyadeed iyo mid Bangi. Bangigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka. Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa kamid ah adeegyada bangi ee Shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, Mobeelka iyo Internet-ka, Mashiinada ATM-ka, Lacag dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, Wakiil bangiyeedka Iyo dirista lacagaha heer caalmi.

Faahfaahin Dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga bangiga www.premierbank.so ama xisaabta Twitterka @premierbankso

Daawo: Imaamka Saleebaan oo u jawaabay Buurmadow, digniin culusna siiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam Cumar Macalin Abshir, oo ah Imaamka beesha Saleebaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow, kaasi oo ku aadana dhaqaalaha uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u fasaxay Somaliland.

Boqor Buurmadow oo wareysi siiyey Telefishinka Horn Cable ayaa dhigasho ku tilmaamay in Rooble uu fasaxo lacag ay hore u xanibtay dowladda federaalka, taasi oo markii hore uga timid deeq bixiyayaasha.

“Maanta dowladda Soomaaliya waxaan ka sugeynay iyo ra’iisul wasaaruhu inay ku dhowaaqaan dhaqaale walaaltinimo oo iyagu ina taraan, laakiin waxaan u aragnaa in digashooyin iyo meel ka dhac ku tahay dhaqaalaha ay xanibeen inay maaanta ka dhigaan wax ay ina siinayaan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Boqor Cusmaan Aw Maxamuud

Haddaba, Imaam Cumar Macalin oo daba socda hadalka Boqor Buurmadow ayaa sheegay in hadalkaas ka qaban Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana ay tahay in uu raali-gelin ka bixiyo gefkaas.

“Kugu tiigan meyno ee waxaa ku leenahay raali-gelin ka bixin, nagama kaa qabato oo Ra’iisul Wasaarahana kama qabato. Bini’aadamku wuu qaldama oo uu gafaa ee waxa ku soo jeedinayna raali-gelin in aad bixiso oo maanta kadib aad lasoo aadin carabkaaga leexan oo qaldan Muqdisho iyo Rooble,” ayuu yiri Imaam Cumar Macalin Abshir.

Wuxuu uga digay in uu siyaasadeeyo gurmadka dhibaatada ka dhacday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, isaga Rooble iyo xukuumadiisana ku amaanay kaalinta ay ka qaadatay gurmadka masiibadaas.

“Waa ka hambalyeeynaya oo ka mahad-celinayna Ra’iisul Wasaare Rooble shirkii deg-dega ahaa ee uu shalay qabtay, ee lacagta loogu yaboohay. Waxaa leenahay gurmadka ha la kordhiyo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka tacsiyadeeyay dhibaatada ka dhacday suuqa Waaheen ee Hargeysa, isaga oo sheegayna inay la qeybsanayaan xanuunkaas dadka reer Hargeysa, oo Ilaahay ugu baryay kabasho deg deg ah iyo badal kheyr leh.

Guddoomiyihii hore ee degmada Yaaqshiid oo looga yeeray maxkamad + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan Geedow ayaa looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir, isaga oo wajahaya kiis dacwadeed xasaasi ah.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu faray Axmed Geedow inuu hor yimaado Maxkamadda 10 Bishaan April oo ku beegan Axadda soo socota.

Maxkamadda ayaa sheegtay in guddoomiyihii hore ee Yaaqshiid wax laga waydiin doono heshiiskii bixinta qandaraaska dhimsha Xarunta Degmada Yaaqshiid oo uu ku saxiixan yahay.

Qandaraaska uu saxiixay Axmed Geedow ayaa waxaa ka taagan dacwad culus, waxaana lasoo sheegaa in la musuq maasuqay lacagihii fulinta mashruucaas, inkasta aan la sheegin cidda arrintaas ku lugta leh.

Waxaa la rumeysan yahay in dacwadda maxkamadda ay u furan tahay shirkadda BIMO oo qaadatay qandaraaska dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid, taasoo Sanadkii 2020 sheegtay inaan la siin lacagtii lagu heshiiyey.

Maamulka Shirkadda oo ay ka maqan tahay lacag dhan 320 kun oo doolar ayaa sanadkii 2020 Ganjaalka banaanka ee degmada ku xiray quful waxayna sheegeen inay doonayaan lacagta ka maqan.

Ma cadda sababta maamulka degmada ay xarunta ugu dhiseen lacag intaas la eg, haddii aysan awoodin inay iska bixiyaan. Maamulka gobolka Banaadir ayaan sidoo kale wax caawimaad ah ka geysaneyn sidi arrintan loo xalin lahaa.

Maxkamadda ayaa sheegtay in haddii uu Axmed Geedow ku imaan waayo maxkamadda mudada loo qabtay in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda maxkamadda

Sanbaloolshe oo farriin culus udirey kutlada xildhibaanada NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe horeyna usoo noqday agaasimihii hey’adda Nabad-Sugidda ayaa diray farriin culus kadib markii uu maanta qaatay shahaadada xildhibaanimo iyo kaarka aqoonsiga.

Xildhibaan Sanbaloolshe wuxuu si gaar ah ula hadlay saraakiisha NISA ee kamid noqday Baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu qaatay shahaadada kuna faraxsan yahay, isaga oo ugu baaqay xildhibaannada kale inay shahaadada qaataan.

“NISA taliyaheeda waa qaatay, hal taliye ma lahan  waa taliyeyaal badan yihiin,” ayuu yiri Sanbabaloolshe, asiga oo hadalkiisa sii raacshay “Xildhibaannada nin aan xor aheyn haddii uu qaato shahaadadiisa, hadhow xor uma ahaan doona codkiisa, si xor ah dadkiisa iyo deegaankiisa kuma matali karo.”

Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbabloolshe ayaa fariin u diray saraakiisha ku soo biirtay Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS “Waxaa la rabaa Xildhibaannada  dadkii ku dhaqmi lahaa oo dowladnimada ku hoggaamin lahaa dalka inaa badbaadisaan la idinku tala galay ee askar amar qaadata inaa noqotaan la idinkuma tala galin.”

Hadalka Sanbaloolshe ayaa ku soo aadaya xilli Xildhibaannada qaar oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay weli is-diiwaan galin, qaar ka mid ah Xildhibaannadaas ayaa lagu amray in aysan qaadan shahaadada Xildhibaannimo.

Isku daygan ayaa qeyb ka ah mid lagu sharciyad tirayo guddiga doorashada oo qaabilsan shahaado bixinta, ayada oo la doonayo in taa beddelkeed toos loo mar xogheynta baarlamanka, sababo la xiriira in guddiga oo shahaado u diiday Fahad Yaasiin.

Kursiga Fahad ayaa ku jira mugdi badan, waxaana fashilmay qeyb ka mid ah qorshe ay maamullada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ku qaadici lahaayeen in xildhibaanada ay shahaado ka qaataan guddiga doorashada, kadib markii xubno laga soo doortay maamulladaas shahaado la siiyey.

Haddii xubnaha harsan badankood ay sidoo kale shahaado qaataan, alabaabka kaliya ee u furan Fahad ayaa noqonaya inuu helo xal uu guddiga doorashad uga helo shahaadada xildhibaannimo.  

Xildhibaano horleh oo qaatay shahaadada + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalinta saddexaad ka socota diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhowaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Guddiga FEIT ayaa maanta shahaadada siiyey dhowr xildhibaan oo tegay xarunta guddiga FEIT ee ku dhex-taal garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanadan ayaa isugu jiro labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana lagu soo doortay dowlad goboleedyada dalka.

Qorshaha ayaa ah in 14-ka bishan April la qabto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub, si kadib loo aado doorashada guddoonka labada Aqal ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa ka taagan muran ka dhashay shahaado siinta xildhibaanada cusub, kaasoo u dhexeeyo Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddiga doorashada ee FEIT.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

  1. Ibrahim Awgab Osman AS#006
  2. Hassan Idow Mohamed A#022
  3. Nor Mohamed Gedi AS#001
  4. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
  5. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
  6. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
  7. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
  8. Malik Ibrahim Abdalla GSH#066

Daawo: Sidee reer Hargeysa uga falceliyeen deeqda DF?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga falceliyey deeqda dowladda Soomaaliya ugu yabooday Somaliland, si loogu gurmado walaalaha ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa Haaween.

Shacabka ayaa muujiyey inay si weyn ugu faraxsan yihiin deeqda uga timid walaalahooda Soomaaliyeed, isla-markaana ay soo dhoweeynayaan.

“War aniga nin yahow dowladdaasi Soomaaliya aynu jaarka nahay oo walaalaheyna anigu deeqdaasi ay bixisay ee igu horreysay ay ugu yaboohday lacagtaas faraha badan ee ay ugu deeqeyso walaalahadooda Somaliland anigu aad iyo aadbaan usoo dhoweynayaam,” ayuu yiri Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo intaasi kusii daray “Waa walaalnino waa Soomaalinimo, waana kuwii ugu horreeyey aynu wax u doonan laheyn, saas oo kale, haddii ay iyagu ku dhacdo waa tii aynu tari laheyn,”.

Sidoo kale wiil kale oo la hadlay Wariyeyaasha oo ka aragti dhiibtay arrintan ayaa sheegay in la’isku hayo arrin maamul oo kaliya, balse la’isku gurman karo, si walaalnimo ah.

“Dowladnimadu iyo walaalnimo waa kala kaan wixii aan isku heynaa waa in laba dowladood iyo laba dad oo walaalo nahay weeye marka saas ayaan isku caawineynaa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn Hooyo ku dhaqan Hargeysa, kana mid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa iyana  si dareen leh uga falcelisay deeqdan, waxayna shaacisay inay aad ugu faraxday.

“Aadbey u mahadsan yihiin gacan walaalnimo ah ayey ina siiyeen marka xalay daawaday warkooda wallaahi aadbaan ugu farxay,” ayey tiri.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo r/wasaaraha ay xiriir toos ah la sameeyeeyn madaxweynaha Somaliland, kaddibna ay ku dhowaaqeen deeq lacageed oo ay ku jirto lacag horey looga xanibay xukuumada Hargeysa.

Halkan hoose ka daawo:-

BOQOR BUURMADOW oo jawaab ka bixiyey hadalkii Ra’iisul Wasaare ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey Telefishinka Horn Cable ayaa ka hadlay dabkii xooganaa ee ka ka kacay suuqa magaalada Hargeysa iyo jawaabta ay ka bixisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Boqor Buurmadow ayaa marka hore si weyn uga yimid lacagta uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble amaray in loo fasaxo Somaliland, taas oo aheyd mid horey uga timid deeq bixiyeyaasha caalamka, balse ay xanibtay dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha uu lama filaan ku noqday, sida uu hadalka u dhigay.

“Wallaahi hadalkaa ra’iisul wasaaraha uu ku hadlay arrinkaa ma aan fileyn maanta inuu ka hadlo runtii waxaana u arkaa inay jidgooyo ku tahay. Dhaqaalaha kani waa dhaqaale Somaliland horey ay uga xanibtay dowladda federaalku oo 12 milyan ahaa oo qasnad isaga jirtay oo loo diiday dadkii abaaruhu sameeyeen oo caalamku nasiiyey oo Soomaaliya nasiin,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo wareysi toos ah siiyey Horn Cable TV.

Waxa kale uu intaasi ku sii daray in arrintan ay meel ka dhac ku tahay Somaliland iyo dadkeeda, uuna u arko digasho.

“Maanta dowladda Soomaaliya waxaan ka sugeynay iyo ra’iisul wasaaruhu inay ku dhowaaqaan dhaqaale walaaltinimo oo iyagu ina taraan, laakiin waxaan u aragnaa in digashooyin iyo meel ka dhac ku tahay dhaqaalaha ay xanibeen inay maaanta ka dhigaan wax ay ina siinayaan,” ayuu sii raaciyey Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay qaataan doorkooda walaalnimo, una gurmadaan dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Hargeysa.

“Waxaan rajeynayaa dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee koonfurta ama meel kasta oo ay joogaan in iyaga toodu ay taa xukuumaddu ku dhowaaqday ka wanaagsanaan doonto, waxtarkooduna mid muuqdo uu noqon doono,” ayuu marb kale yiri Boqor Buurmadow.

Midowga Musharaxiinta qaarkood oo billaabay dadaal lagu fasxayo kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa billaabay cadaadis ay doonayaan in lagu fasaxo kursiga uu xayiray guddiga doorashada ee uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Ilo-wareedyo lagu kalsooon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ay wadaan dadaallo la doonayo in shahaadada xildhibaan lagu siiyo Fahad Yaasiin. 

Xubnahan ayaa ku dooday in khilaafkan uu horseedi karo khilaaf cusub oo natiijadiisu noqoto dib u dhac kale oo ku yimaada dhameystirka doorashada golaha shacabka, taasi oo aanay cidna dan ugu jirin. 

Kursiga Fahad ayaa la rumeysan yahay inuu is-hortaagay ra’iisul wasaare Rooble oo kaashanaya guddiga doorashada, taasi oo qeyb ka ah dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Fahad. 

Musharaxiintan ayaa waxaa horey u jiray warar sheegaya inay yihiin qorshaha labaad ee Fahad iyo Qatar, haddii madaxweyne Farmaajo aanu yeelan rajo badan oo uu dib ugu soo noqdo xilka madaxweynaha, si gaar ahna Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

Kursiga Fahad ayaa ku jira mugdi badan, waxaana fashilmay qeyb ka mid ah qorshe ay maamullada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ku qaadici lahaayeen in xildhibaanada ay shahaado ka qaataan guddiga doorashada, kadib markii xubno laga soo doortay maamulladaas shahaado la siiyey.

Haddii xubnaha harsan badankood ay sidoo kale shahaado qaataan, alabaabka kaliya ee u furan Fahad ayaa noqonaya inuu helo xal uu guddiga doorashad uga helo shahaadada xildhibaannimo.  

Sida lagu xanibay iyo cidda xanibtay deeqdii uu Rooble shalay u fasaxay Somaliland

0

Hey’adaha Qaramada Midoobay (UN Agency or organs) ma ahan deeq bixiyaal (donors) ee waa deeq maamulayaal (fund administers)! Hey’adaha iyo laamaha Qaramada Midoobay, waxay maamulaan oo fududeeyeen lacagta dalalka deeq bixiyayaashu Soomaaliya, siiyaan maadaama hey’ado awood iyo karti u leh in waxii loogu deeqay meel mariyaan jirin.

Doorka Hey’adaha Qaramada Midoobay;

Waxaa jirtay in February 2005 UNDP, dejisay qorshe ay Soomaaliya saddex (3) aag ugu qeybiyo si mashaariicda loo gaarsiiyo deegaan walba ayada oo daruufaha u gaarka ah la eegayo. Saddexda aag ayaa laga dhigay Somaliland, Puntland iyo South Central Somalia.

August 2013 ayaa Xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wax yar ka hor inta aan Bruessel, loo tagin ‘‘Somali New Deal’’ la wadaagtay Hey’adaha Qaramada Midoobay oo idil in saddexda aag dib dambe loo adeegsan karin oo dalka dowlad deegaanada oo dhami metesha ka jirto oo baahiyaha Soomaaliya, dowladdu soo gudbinayso.

Dood weyn ayaa ka dhalatay soo jeedinta R’iisul Wasaare Shirdoon, waana sababta keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guddoomiyo in heshiis gaar ah oo deeq bixiyayaashu Somaliland, kula macaamilayso la isla gaaro inta wadahadallada Somaliland laga miro dhalinayo. 

Halkaas waxaa September 2013 ku dhashay Somaliland Special Arrangement oo saddex (3) sano oo kooban in lagu shaqeeyo loogu talo galay.

Doorashadii Soomaaliya iyo xukun kala wareegiddii 2016/2017 ayaa sanad qaadatay oo daahisay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiskii Somaliland Special Arrangement. 

Ugu dambeyn June 9, 2018 ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Cali Kheyre iyo Jamaal Maxamed Xasan, iska diideen in Somaliland Special Arrangement la cusboonaysiiyo.  

Shan (5) sano oo xiriir ah ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhagar iyo dhib joogto ah ku hayey Dowladda iyo Shacabka Somaliland. 

June 09, 2018 ayuu Mashaariicdii caalamku Somaliland siinayey ka joojiyey. Sidoo kale diiday in la cusboonaysiiyo heshiiskii taageerada gaar ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement) oo September 2013 Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, u ogalaatay in si toos ah loo taageero Somaliland.

Beesha caalamka oo arrinta Jamaal Xasan ku kacay la yaabtay ayaa afar (4) beri kaddib warqad toos ah u dirtey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Dhambaalka ayaa lagu aadiyey (ogeysiiyey) Farmaajo iyo R/W Xasan Cali Kheyre, si haddii go’aanka keligi qaatay Jamaal, wax uga dhahaan.

Nasiib xumo R/W-kuxigeenku kama jawaabin dhambaalkii deeq bixiyaasha, taageeradii Somaliland sidaas ayey ku baaqatay. Cunuqabateyntii Jamaal Maxamed Xasanna waa ay shaqeysay inleen Farmaajo iyo Khayre ayaa la ogaaye.

Hadda dhibka Suuqa Waaheen ee Hargeysa ka dhacay ayaa Farmaajo iyo Abiy Ahmed, ka naxayaan, aniga waa degi la’dahay! In ay ku lug leeyihiin ayaan ba qabaa! Hayeeshee, warku waa soo bixin Alle weyne Idamki.

Mahadsanid R/W Maxamed Xuseen Rooble

Lix qodob oo laga soo saaray is-mari waaga ka taagan doorashada Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban lix qodob, waxayna Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyeen inuu ku eegtay dulmi ay sheegeen inuu ku hayo maamulka Jubaland.

Waxay lixdaas qodob ku soo koobeen walaacooda ka dhashay daahitaanka iyo hubanti la’aanta doorashada 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

“Shacabka gobolka Gedo waxay si durugsan oo taxadar leh isha ugu hayaan tallaabooyinka uu qaadayo R/Wasaare Rooble, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-murtiyeedkaan.

Sidoo kale kulamo ay yeesheen odayaasha dhaqanka Gedo waxay isku raaceen in maamulka Axmed Madoobe uusan dooneyn in doorasho ka dhacdo Garbahaarey, sida lagu sheegay bayaankaan.

Reer Gedo waxay sidoo kale bayaankaan ku cadeeyeen inay aqbaleen heshiisyadii laga gaaray doorashada, iyagoo aan aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Guddiyada doorashada ayey ugu baaqeen inay qaataan masuuliyada doorashada Garbahaarey, iyagoo ku qabanaya si waafaqsan heshiisyada doorashada.

“Dhaqanka gobolka Gedo wuxuu ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadda ku eegtay tacadiyada uu ku haayo Axmed Madoobe inuu qaato kaalintiisa hoggaamineed ee kaga aadan doorashada, anaguna waxaan diyaar u nahay in Rooble aan ku garab siino dadaaladaas,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in doorashada gobolka Gedo ay Rooble ku tahay tijaabo taariikhi ah oo si gaar ah u taabaneysa masuuliyadiisa iyo cadaaladiisa.

“Odayaasha dhaqanka Gedo waxay ka codsanayaan cid kasta oo daneysa arrinta gobolka, siyaasiyiinta iyo maamulka inay isugu yimadaan shir deg deg ah, si looga tashado aayahooda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankaan ka soo baxay waxgaradka gobolka Gedo.

Hoos ka daawo

Hoggaanka Al-Shabaab oo war lama filaan ah kasoo saaray dabkii Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay dabkii xoogana ee uu ku shuf beelay suuqii ugu weyna magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Bayaan goor sii horeysay kasoo baxay hogaanka sare ee xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in bulsho weynta reer Hargeysa la qeybsanayaan xanuunka musiibada ka dhalatay dabkaasi.

“Waxaan fursadaan uga faa’iideysaneynaa in aan la qeybsano walaaleheena ku dhaqan magaalada Hargeysa murugada ku aadan musiibada weyn ee ka soo gaaray dabkii xooganaa ee ka kacay suuqa magaalada, waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu idinka ajar siiyo, musiibadaasna kheyr idin kugu bedelo” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xarakada.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay xarakada ayaa lagu dhiiri-geliyay dadka reer Hargaysa inaysan quusanin, maadama masiibada ku dhacday ay tahay mid qadarta Alle ku timid.

“Ha quusanina oo ha murugoonina. Allaah wuxuu kafaala qaaday arsaaqda adoomada, imtixaanka la isku imtixaamayo dhaqaalahana waa qadar la mid ah qadarta Allaah ee ku dhacaysa nafta, arimaha aduunyaduna ma mudno in laysku murjiyo, sababtoo ah waa wax iska dhamaanaya.”

Qoraalka kasoo baxay hogaanka sare ee ee xarakada Al-Shabaab ayaa imanaya ayada oo suuqa Waaheen oo ahaa suuqa ugu weyn ee magaalada Hargeysa uu ku shuf beelay dab ka holcayay saacado badan.

Khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay masiibadaas ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland ku sheegen warbixin hordhac ah inay dhan tahay ku dhawaad 2-Bilyan oo dollar, ayada oo arrintaan si weyn u gil-gishay quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Macron oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah Ruushka

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogo Ruushka, taas jawaab u ah dagaalka Ukraine.

Emmanuel Macron ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay in la beegsado saliidda iyo warshadaha dhuxusha ee Ruushka taas oo xanuun ku noqon karta Ruushka, ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxweynaha Faransiisa ayaa xusay inuu kaashan doono dalka iyo saaxibadiisa kale ee wadamada reer Yurub.

“Faransiisku wuxuu isku dubaridi doonaa tillaabooyinkan oo kale isaga iyo saaxiibadiisa EU, “gaar ahaan Jarmalka”, maalmaha soo socda,” ayuu yiri madaxweynaha Faransiiska

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Midowga Yurub uu ku soo rogi karo cunaqabatayn dheeraad ah oo ka dhan ah shakhsiyaad u dhashay Ruushka.

Waxaa xusid mudan in Macron uusan soo hadal qaadin beegsiga gaaska Ruushka, kaasoo ka dhigan qiyaastii 40% gaaska dabiiciga ah ee Midowga Yurub.

Ruusha ayaa haatan wajahaya go’doomin xoog leh, taas oo ka dhalatay duulaanka uu ku galay Ukraine kaas oo weli socda, isla-markaana dhaliyey khasaare culus iyo barakac.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada HOP#039

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladaas oo xarun u ah Hiiraan.

Kursigan oo uu tirsigiisu yahay Hop#039 ayaa waxaa ku tartamaya musharixiin ay ka mid tahay Maryan Axmed Haaruun, oo ku fadhisay kursigaasi taas oo wajaheyso loolan adag.

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa la filayaa in gelinka hore ee maanta ay diiwaan-geliyaan xubnaha musharixiinta ah, si doorashada loo qabto gelinta dambe ee isla maanta.

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ayaa dhankooda soo gudbiyey ergada ka qayb-geleysa doorashada kursigaas oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

HirShabelle ayaa waxaa ku harsan illaa 7 kursi oo lix ka mid ah ay taallo Jowhar, halka kursiga kale ee HOP#135 uu yaallo Beledweyne, kaas oo ay ku fadhisay AUN Aamina Maxamed Cabdi oo dhowaan lagu dilay qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay halkaasi.

Inkastoo ay gabagabo mareyso doorashada HirShabelle, haddana maamulkan ayaa ka mid ah maamul goboleedyada ka daahay doorashada, si loogu dhammeystiro waqtigeeda.

Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad kala guur ah, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay dalka, waxaana arrinta uga sii daray is jiid-jiidka ka dhashay hannaanka doorashooyinka.

Somaliland oo war kasoo saartay wada-hadallo uu Muuse Biixi la yeeshay Rooble iyo Farmaajo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somaliland ayaa caawa markii ugu horeysay baahisay wadahadal taleefoon oo madaxweyne Muuse Biixi uu la yeeshay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Muuse Biixi ayaa Farmaajo, Rooble iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey sida ay uga xumaadeen dhibaatadii ka dhalatay dadkii laba habeen ka hor ka kacay suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen.

Qoraalkii koowaad ee ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u mahad-celinayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo khadka telefoonka uga soo tacsiyeeyey Shacabka Somaliland dhibkii soo gaadhay Suuqa Hargeysa.”

Sidoo kale qoraal labaad oo ay madaxtooyada Somaliland soo saartay ayaa lagu yiri, “Madaxaweynaha JSL waxa uu sidoo kale u mahad-celinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka telefoonka ka soo tacsiyeeyay shacabka Somaliland. Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadinayaa Shacabka Soomaaliya oo ka xumaaday khasaarihii gaadhay Suuqa Hargeysa.”

Dhankiisa qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu ku sheegay in khadka telefoonka uu kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa, sidoo kalena u muujiyay “sida uu u garab taaganyahay.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa galabta amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland.

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda hormarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu cadeeyey xafiiska Rooble.

Sidoo kale Rooble wuxuu galabta shir deg deg ah isugu yeeray guddoomiyaha bankiga dhexe iyo ganacsatada Soomaaliyeed eek u nool Muqdisho, waxaana kulankaas gabagabadiisii looga dhawaaqay inay gacan ka geysanayaan gurmadka khasaaraha ka dhashay dabkii suuqa Hargeysa.

Ganacsatada ayaa ku yaboohday laba milyan oo dollar, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in hal milyan oo kale  ay xukuumadu bixineyso, waxayna wadarta guud ee lacagta dowladda federaalka iyo ganacsatada ay u qorsheeyeen Somaliland ay noqoneysaa 14,700,000 (Afar iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Dollar).