25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Yuusuf Garaad oo sheegay arrin looga gudbi karo xiisada cusub ee dalka ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee ka dhalatay dhameystirka doorashada.

Yuusuf Garaad oo warbixin soo dhigay Facebook-giisa ayaa shaaca ka qaaday in doorashada ay tahay wadada kaliya ee looga gudbi karo xiisadda siyaasadeed iyo mida amni ee  ka taagan dalka.

“Doorashadu waa waddada keliya ee inoo furan oo uu dalku uga gudbi karo qulubka siyaasadeed ee qotada dheer iyo khatar amni oo ay ka mid tahay digniinta NISA ee ah in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha la doonayo in la dilo” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa keliya oo ka harsan gunaanadka doorashadu waa in is afgarad laga gaaro kuraasta Gedo iyo muranka Afar kursi, kuwaas oo weliba laba ka mid ah aan maqlayo in ay yihiin arrin farsamo,”.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa sidoo lale soo hadal qaaday xalka arrintan iyo sida looga gudbi karo, wuxuuna shaaciyey  in duuduub loogu xallin karo Baarlamaanka oo fariista, kadibna doorta guddoon cusub.

“Sida keliya ee arrimahaas dudduub loogu xallin karo, waa Baarlamaanka cusub oo fariista, oo dhakhso u doorta Guddoon. Wuxuu noqonayaa billowga awood sharciyad haysata,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay si qab-qabsiga siyaasadeed ee ka jira dalka iyo daaha doorashooyinka weli socda.

MAREYKANKA oo digniin cusub ka soo saaray dagaalka ka socda Ukraine

Washington (Caasimada Online) – Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Maraykanka ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine ay u badantahay inuu socdo muddo sanado ah, taasoo kor u qaadaysa walaaca ah in dunidu ay noqoto mid aan xasilloonayn iyo suurtagalnimada isku dhac caalami ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.

Intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Adeegga Ciidmada Qalabka sida ee Golaha Congresska Talaadadii, ayaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Maraykanka General Mark Milley uu sheegay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay “khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Yurub, iyo addunkaba” ee uu arko muddadii 42 sano aheyd ee uu xirnaa tuutaha ciidanka Maraykanka.

“Waxaan u baahanahay inaan raacno istaraatiijiyad cad, inaga oo ilaalinayna nabadda, lehna awood aan mugdi ku jirin oo xoog ah marka loo bar-bardhigo Shiinaha ama Ruushka” ayuu yiri General Milley, isaga oo ula jeeday labada khatarood ee militari ee ugu sarreeya ee Maraykanku wajihi karo.

Mar ay xunbaha Congress-ku ay waydiiyeen waxa ka joojin karay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in uu weeraro Ukraine, ayuu Milley sheegay in difaaca kaliya ee suurtogalka ah uu noqon kari lahaa in ciidamada Maraykanka la geliyo gudaha Ukraine, taas oo uu sheegay in aanu ku talin laheyn sababo la xiriira halista isku dhac hubaysan oo lala galo Ruushka.

“Si daacad ah, marka laga reebo ballanqaadkii ciidamada Mareykanka ee Ukraine, ma hubo in isaga (Putin) uu ahaa mid laga cabsado. Tani waxa ay ahayd ujeeddo fog oo uu lahaa sannado badan,” ayuu yiri General Milley.

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa isna intaa ku daray in dalabaadka Ruushka, oo ay ku jiraan in Ukraine laga mamnuuco inay gasho NATO iyo in la xaddido in NATO ay geyso ciidamadeeda iyo hubkeeda dhanka bari, ay yihiin kuwa aan la aqbali karin.

Austin yo Milley waxay xaqiijiyeen in ciidamada Maraykanku aysan ku tababarin ciidamada Ukraine gudaha Ukrain ama Poland oo deris la ah, laakiin ay ku tababarayeen meel ka baxsan Ukraine oo uu ku jiro gudaha Mareykanka.

CC Shakuur oo shaaciyey ‘xog uu soo ogaaday’ oo ku saabsan qoraalka NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu bixiyey amarka qoraalkii ay soo saartay NISA oo sheegtay in la helay xogta nin isku qarxi raba madaxa qaranka, gaar ahaan Farmaajo iyo Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wado kasta ay hadda ka soo xirantay kooxda Farmaajo, isla markaana ay 12-ka bishaan Abriil oo ku beegan sanad guurada ciidanka xoogga dalka ay damacsan yihiin qorshe culus.

Siyaasigaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ugu baaqay inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo is bedel lagu sameeyo hoggaanka hey’adaha amniga, isagoo NISA ku tilmaamay talis ay halis weyn ka imaaneyso.

Hoos ka akhriso qoraalka CC Shakuur oo dhameystiran:

Sida aan xog sugan ku helnay farriinta lagu daabacay bogga Twitter-ka ee NISA waxaa amarkeeda bixiyey madaxweynaha xilkiisa dhamaaday. Waa isku day lagu carqaladaynayo doorashada dalka, gacantana dalka loogu gelinayo argagexisada Alshabaab. Markii lagu guul darraystay muddo kororsi, laaluush, kala qaybin, xil ballanqaadis, ayaa la isugu hanjabayaa argagexisada. 

Waxaan u bahaan nahay in aan dalka ka ilaashanno argagexisada magaca siyaasadeed iyo midda kan diineed huwan oo ay dantoodu isku tolantay. 

NISA halkii ay ka ilaalin lahayd amniga dalka, iyadii ayey halistii amniga ka imaanaysaa. Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddu waa in ay isbedel degdeg ku sameeyaan hoggaanka hay’adaha amniga, waana in la joojiyaa dabaaldegga ajandaha gurracan lagu hoos abaabulayo ee 12-ka April, maadaama aan 3 sano ee ugu danbaysay aan la qaban. 

Xukuumad, maamul, shacab, siyaasi iyo waxgaradba waa in meel uga soo wada jeesannaa halista uu dalka wajahayo oo xilligan adag badbaadinta dalka u wada istaagnaa, gacana iska qabanaa kuwo doonaya in ay dumiyaan mirihii Nabada iyo dawlad dhiska dalkeena.

 

AL-SHABAAB oo jawaab ka bixisay QORAALKII NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay shirqoolka lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay hay’adda NISA ee ahaa in kooxdan ay beegsaneyso madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraalka oo lasoo dhigay barta ay NISA ku leedahay twitter-ka ayaa lagu yiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.” 

Si kastaba, sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta kooxda, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray NISA, isaga oo sheegay in NISA aysan awood u laheyn inay ogaato howlgal ay Al-Shabaab ku beegsaneyso mas’uuliyiinta dowladda.

“Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn dowladda,” ayuu yiri sarkaalka lasoo xigtay oo aan la magacaabin.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen,” ayuu ku daray.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-Shabaab, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.

Waxa uu intaas ku daray in hadalka kasoo yeeray NISA uu muujinayo inay dhibaato ka dhex jirto dowladda, islamarkaana, sida uu hadalka u dhigay NISA “diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu saereysa dowladda.

“In kasta oo ay madaxda iyo saraakiisha dowladduu mar walba bartilmaameed noo yihiin hadana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah annaga nala soo doontaan,” ayuu yiri.

Jawaabta Al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tuhunka ka dhashay qoraalka oo siyaasiyiin badan ay ku macneeyeen hanjabaad toos ah oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Rooble.

Beesha caalamka oo qoraal kasoo saartay doorashada iyo dhaarinta xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo saaray qoraal cusub oo ku saabsan dhameystirka doorashada Soomaaliya, waxayna dalbadeen in xildhibaanada la dhaariyo 14-ka April xitaa haddaan lasoo dhameystirin kuraasta doorashada ee ku haray HirShabelle iyo Jubaland.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxaa dhiirigelin u ah in tiro ka badan 91 boqolkiiba kuraasta Golaha Shacabka hadda la doortay. Waxaan aaminsannahay in tani ay ka dhigan tahay dardar aan la joojin karin si loo dhamaystiro kuraasta harsan si dhakhso leh.

Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.

Waxaan ku bogaadinaynaa dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyadoo loo madlanyahay dhaarinta xubnaha cusub ee lasoo doortay, oo ay dhaarin-doonaan hay’adaha awoodda u leh marka la gaaro 14ka Abriil. Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland.

Iyadoo hadda diiradda la saarayo kulanka baarlamaanka in uu ka qabsoomo Muqdisho – lana doorto guddoomiyeyaasha baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka – waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu ku qotomo wadar-oggol ballaaran. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aannada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada. 

Waxaa muhiim ah in qabanqaabada marxaladdan ugu danbeysa ee geeddi-socodka doorashada ay taageero xoogan ka hesho dhinacyada siyaasadda ayna ka dhalato natiijo ay dhamaan aqbalsanyihiin inay tahay sharci. Madaxda Soomaaliyeed waxay markaas kadib wax ka qaban karaan arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, sida ka jawaabidda abaaraha ba’an iyo dhismaha amniga iyo barwaaqo-ku-dabbaalidda Soomaaliya sanadaha soo socda.

Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo heshiiskii 17kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo gabagabeynayo. Doorashada kadib, dadka Soomaaliyeed waa inay laba-laabaan dadaallada lagu xaqiijinayo in haweenku ay si buuxda uga qaybgalaan oo ay door hoggaamineed uga qaataan go’aan-gaarista qaran ee dhammaan qaybaha bulshada.

Saaxiibada caalamku waxay hambalyo diiran u dirayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay u bilatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Waxaan u rajaynaynaa madaxda Soomaaliyeed ku-hagaagidda mabaadi’da Ramadaan ee ee dib-u-milicsiga, samafalka, midnimada iyo wadajirka ee xilligan xasaasiga u ah qaranka.

*Howlgalka Kala Guurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Tirada xildhibaanada qaatay shahaadada oo aad u korortay maanta + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinta afaraad oo xiriir ah magaalada Muqdisho ka socota diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhowaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Guddiga FEIT ayaa maanta shahaadada siiyey 31 Xildhibaan oo tegay xarunta guddiga FEIT ee ku dhex-taal garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo isugu jiro labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana lagu soo doortay dowlad goboleedyada dalka.

Tirada u badan ee maanta qaatay shahaadada guddiga FEIT ayaa waxay ahaayeen Xildhibaannada iyo Senatarada laga soo doortay Puntland, kuwaasi oo gaaraya illaa 18 xubnood.

Xildhibaanada qaatay shahaadada tan iyo maalinkii uu guddiga bilaabay howshaan ayaa waxay gaarayaan 163, taasi oo ka dhigan in si wanaagsan ay illaa hadda ku socoto shahaado bixintu.

Qorshaha ayaa ah in 14-ka bishan April la qabto munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub, si kadib loo aado doorashada guddoonka labada Aqal ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa ka taagan muran ka dhashay shahaado siinta xildhibaanada cusub, kaasoo u dhexeeyo Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddiga doorashada ee FEIT.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-
1. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
2. Said Mohamed Ali GSH#093
3. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04
4. Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248
5. Osman Ali Yusuf GSH#198
6. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02
7. Muse Sudi Yalahow AS17
8. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
9. Qali Ali Shire GSH#060
10. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092
11. Maryan Farah Kahiye AS#08
12. Ahmed Mohamed Said AS#41
13. Mahdi Mohamed Gulaid
14. Mohamed Adam Dini GSH#036
15. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50
16. Said Ali Muse GSH#027
17. Ismail Shire Jama GSH#142
18. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075
19. Abdikani Gelle Mohamed AS#44
20. Abdullahi Farah Mire GSH#228
21. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191
22. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53
23. Farhiya Yusuf Omar GSH#121
24. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128
25. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220
26. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174
27. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158
28. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221
29. Ali Mahdi Mohamed GSH#169
30. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222
31. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190

Taliye ku-xigeenkii NISA oo shaaciyey xog ay xildhibaano isku qarxin rabaan Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay inuu jiro qorshe is-qarxin ah oo qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ay ka fulin rabaan Xalane.

Ismaaciil ayaa sheegay in xogta qorshahaan ay heleen wakiilada beesha caalamka ee degan xarunta Xalane, ayada oo qorshahaan fulintiisa loo xil saaray shaqsiyaad kamid ah golaha shacabka ee cusub

Bartilmaameedka u weyn ee qorshahaan ayuu ku sheegay inay tahay safiirada beesha caalamka ee ku sugan Xalane iyo madax kale oo uusan si shaacsan u carabaabin.

“Qolyaha Xalane degen ayaa helay Xog iyo qorshe ah in qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub lagu tashkiiliyay in ay isku qarxiyaan qaar ka mid ah safiirada ama madax kale,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray qoraalkiisa “Qoraalka NISA waa iska bari yeelid haddii uu fulo qorshaha Villa Somalia.”

Qoraalka Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA ayaa imanaya saacado kadib markii uu Taliska NISA soo saaray digniin qeyrul caadi ah oo ku aadan shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu helay hanjabaado dil, islamarkaana siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Sheekh SHARIIF oo jawaab culus kasoo saaray qoralkii kasoo baxay hay’adda NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa jawaab kulu ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda NISA ee lagu sheegay in dil loo qorsheenayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sheekh Shariif ayaa ayaan darro weyn ku tilmaamay in hey’addii loo igmaday amniga qaranka dalka ay dacaayad u sameeneyso kooxaha argagixisada.

“Waa ayaan-darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran”, ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Shariif ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golihiisa wasiirada inay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in qoraalka NISA lagu soo aadiyey xilli ay si wanaagsan u socoto bixinta shahaadada xildhibaanada.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka” ayuu sii raaciyey.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin.

Warka NISA wuxuu abuurayaa tuhun ku saabsan qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay, iyo haddii digniintan ay horudhac u tahay isku day la doonayo in lagu beegsado ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniintan, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.

Xog: Lafta-gareen oo xayiraad kusoo rogay xildhibaanada ku sugan Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu xayiraad kusoo rogay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanadaas.

Sida aan xogta ku helnay, Laftagareen ayaa amray in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhaba inaysan ku safri karin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay ka socoto shahaado bixinta.

Laftagareen ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa inuu xildhibaano dhowr ah oo ku sugan Muqdisho ku amray inay dib ugu soo laabtaan magaalada Baydhaba.

Xildhibaanada qaar ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa qaatay shahaadada xildhibaanimo waxayna iska dhago tireen go’aanka uu Laftagareen ku diiday shaqada guddig doorashada ee heer Federaal, inkasta oo ay aad u kooban yihiin.

Lama ogo haddii xildhibaanada ku sugan Muqdisho ay aqbalayaan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhabo, waxaana jiro warar sheegaya in xildhibaanada intooda badan ay diideen amarka Lafta-gareen, ayna suurta-gal tahay inay shahaadada qaataan.

Lafta-gareen ayaa dhowaan qaadacay shaqada guddiga doorashada heer federaal ee FEIT, wuxuuna sheegay inuu liiska xildhibaanada toos ugu gudbinayo xoghayayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Wuxuu sidoo kale qoraal xalay uu soo saaray ku sheegay inuu joojiyey wada-shaqeyntii ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashada.

Go’aanka kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa yimid saacad un kadib markii Rooble uu sheegay inuu xubinnimadii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada heer federal (FEIT) oo lagu eedeeyey fowdo.

“Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.”

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.”

Cumar Cabdirashiid oo soo jeediyey tallaabo ay tahay in la qaado kadib digniintii NISA

0

Muqdisho (CaasimadaOnine) – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumada Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka falceliyey qoraalkii kasoo baxay NISA oo shaacisay inuu socdo qorshe lagu maleegayo dilka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa soo jeediyey in lasoo saaro tallaabo lagu xakeymayo NISA, si looga hor istaago dhaq-dhaqaaqa ay billowday.

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in NISA ay halis ku tahay dhammeystirka doorashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in digniinteedu muujineyso argagaxa N&N.

“Haddii aan la soo saarin tallaabooyin lagu xakameynayo Taliska NISA, Hey’addu waxay noqon doontaa Masrax laga soo maleego dhaq dhaqaaqyo halis ku ah Doorashooyinka”.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee Twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada.

Hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay dhaleeceyn xoogan la kulmeysa NISA oo xalay soo saartay digniin amni oo la yaab leh.

Si kastaba rrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareeyay doorashooyinka.

Shir xasaasi ah oo u socda Rooble iyo beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan Teendhada Afisyoone shir deg deg ah kula leh wakiiladda qaar ee Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha soo kordhay ee dalka iyo dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa shirkan dalbaday ra’iisul wasaaraha, kadib farriintii kasoo baxday hay’adda NISA, waxaana diiradda lagu saarayaa caqabadaha ku hor-gudban doorashada iyo fariimaha dhinaca amniga ah ee shaqsi ahaantiisa uu dareemayo.

Sidoo kale Rooble ayaa wakiilada Beesha Caalamka siinayo warbixin guud oo ku aadan xaaladda dalka iyo sida looga gudbi karo marxaladda haatan la taagan yahay.

Wariyeyaasha ayaa dibad joog ah shirka haatan socda, balse waxaa lagu soo warramayaa in gabagabadii ay war kasoo saari doonaan xukuumadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo aaday, xilli xaaladda dalka ay markale gashay jahwareer xoogan, kadib markii ra’iisul wasaaruha uu shaqada ka eryey xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka ee FEIT, kadibna ay jawaabo ka bixiyeen Villa Somalia & maamullada qaar.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xiisadda ayaa u muuqata inay yeelatay weji cusub oo ka duwan xaaladdii hore, maadaama la’isla aaday dhanka ammaanka.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo dhowaan qarax is-miidaamin ahaa lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo si weyn loogu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil.

Sidee ayaa looga falceliyey digniinta hay’adda NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal heyn xoogan iyo shaki ayaa ka dhashay digniin culus oo ka soo baxday hay’adda NISA, kadib markii ay shaacisay inay Al-Shabaab wado shirqool lagu dilayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga falceliyey siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tilmaamay in qorshahan uu ka socdo Villa Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka mid ah dadka ka falceliyey qoraalka NISA ayaa sheegay inuu arrintaan u ujeedo gaar ah ka leeyahay Farmaajo, isla-markaana uu dajinayo qorshe uu rabo inuu kusii joogo Villa Soomaaliya.

“Shantii sano oo lasoo dhaafay iyo wixii gaboodfal dhacay, (wixii sharci iyo nidaam Dawladeed la dumiyey, wixii dad cadow loo dhiibay, la dilay iyo wixii jaah-areer la abuursy) Hal ujeeddo uun ayaa FARMAAJO ka lahaa oo ah in maanta oo kale iyo dhamaadka muddo-xileedkiisa ” uu beerto geed gaar ah oo isugu leeyahay, ama uu dejiyo shax gaar ah oo kelidiis u suurtogelinaysa inuu xafiiska gar iyo gardarroba ku joogo” ayuu yiri wasiir hore Juxa.

Mahad Salaad ayaa isna shaaciyey inuu horey uga digay damaca Villa Soomaaliya, wuxuuna boor isku qaris ku tilmaamay hadalka NISA.

“Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday!” ayuu yiri.

Dhankiisa siyaasiga Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in hadalka NISA uu caddeyn u yahay weeraro la rabo in la fuliyo maalmaha soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa qoraal caddayntiisa wata in ay jiraan weeraro saacadaha & maalmaha soo socda la rabo in la fuliyo, Argagixisadana dhabarka loo saaro! Waana mid  looga gol leeyahay qalqalgelinta doorashada iyo cabsi- gelinta xildhibaanada cusub iyo musharixiinta madaxweynaha.!” ayuu falcelintiisa ku yiri.

Fiqi ayaa sidoo kale farriin u diray ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ugu baaqay inuu xoojiyo amnigiisa, uuna dalbado ciidamo dheeraad ah.

“Ma jiro ciidamo amni oo la isku hallayn karo, sidaas awgeed RW Rooble iyo mas’uuliyiinta kale ee weeraradaan lagu beegsan karo waa in ay adkeeyaan amnigooda, soona badsadaan ciidamada ay heystaan! Nin walowba naftaada, nin walowba amnigaada!” ayuu raaciyey.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa yiriNISA waxay sheegtay inay ka war hayso shirqool ka dhan ah nolosha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. NISA waxay tiri in xitaa ay garaneyso magaca qofka maleegaya shirqoolka. Habka iyo waqtiga lagu soo aadiyey dhowaqan waa wax yaab leh, shaki badan, oo halis ah. Tani wa dhaafsan tahay siyaasad. Tani waa nacasnimo. Waa in la joojiyaa.”

Si kastaba arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashooyinka dalka.

MUUSE SUUDI oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta guddiga doorashada ee FITE, kadib markii lasiiyey shahaadada ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar ku qaaday MW Farmaajo iyo kooxdiisa.

Muuse Suudi ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo iyo Fahad ay dhibaateeyeen dadka Soomaaliyeed, xittaa dadkoodii u dhowaa, isaga oo tusaale u soo qaatay gobolka Gedo.

“Dadka hadda laga sheeganaayo nin walbo dadka ka sheeganaayo wuxuu uga daran yahay reeraha aw ka dhashay ninka la yiraahdo Fahad ciddiisa uma noola aaween nimankii odayaasha ahaa oo siyaasiyiinta oo kiisa ahaay, Maxamed Farmaajo dadkiisa wuxuu ku xayiray Gedo doorasho geli ma kartiin ayuu leeyahay waxaas looma baahna dadka ha xuroobo,” ayuu yiri Senatar Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku xiran Villa Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay inuu magaalada Muqdisho usoo diro xildhibaanada lagu soo doortay Baydhabo iyo Baraawe.

“Nin saaxibkey ahna Baydhaboy yaan leyga tegin anaa idin soo saaray dadka dhahayaa, isagana haka waan toobo dadka hasoo diro,” ayuu yiri Senatar Muuse Suudi Yalaxow.

Ugu dmabeyn wuxuu farriin culus u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada iyo saraakiisha, wuxuuna usoo jeediyey inay ka fakiraan mustaqbalka dalka.

“Dhalinyarada waxaa leenahay mustaqbalka idinkaa iska leh ama ciidan noqda ama saraakiil sare noqda nin tegaayo yuu idinla tegin nin dhacay yuu idin dhuminin” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan meel xun ay gaartay xaaladda dalka, isla-markaana uu sii laba kacleeyey khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Galmudug oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka jira DALKA

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya iyo khilaafka kasii daraya ee doorashada dalka.

Maamulka Galmudug ee uu horkacayo Qoor Qoor inuu ad uga xun yahay xaaladaha soo kordhay, wuxuuna  sheegay inuu dhaawici karo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor ayaa qaatay go’aan aan la fileyn, wuxuuna u muuqdaa inuu gaabsaday, marka loo eego Koonfur Galbeed oo si toos ah ula safatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Galmudug.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran,”.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay ilaalinta hannaankii lagu heshiiyey, iyada sidoo kale soo jeedisay in khilaafka soo kordhay lagu xalliyo Masasha Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka.

“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu kasii darayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana xalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu guddiga FIET ka saaray xubno lagu eedeeyey inay fowdo ka dhex sameeyeen xarunta guddiga doorashooyinka dalka.

Waxaa sidoo kale soo shaac baxday warbixin kasoo baxday NISA oo lagu sheegay in Al-Shabaab ay maleegeyso qorshe lagu beegsanayo Farmaajo iyo Rooble, taas oo keentay shaki weyn, isla-markaana ku soo aaday, xilli horey ra’iisul wasaaruhu u shaaciyey in loo soo diray farriimo hanjabaadyo ah.

Muxuu C/kariin Guuleed ka yiri digniinta hay’adda NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Onlimne) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen oo war kooban soo saaray ayaa ka hadlay qoraalkii xalay kasoo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, taas oo shaacisay in la dili rabo Farmaajo iyo Rooble.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraalkiisa ku sheegay in marka la eego warka ka soo baxay hay’adda NISA ujeedkiisa uu yahay isku day Afganbi oo cusub, isla-markaana la doonayo in dalka la galiyo qas iyo qalalaase hor leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Warka NISA marka lagu eego indho amni iyo mid siyaasadeed waa isku day Afganbi cusub oo dalka lagu galinayo qas iyo qalalaase hor leh. Si loo joojiyo loona hor istaago hanaanka doorashada ee gabogabada ku dhow,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Dalka Soomaaliya uma baahna qas iyo dhibaato hor leh. Umaddu waxay u baahan tahay dowladnimo iyo horumar,”.

Ugu dambeyn wuxuu digniin culus u diray Farmaajo iyo kooxdiisa, isaga oo shaaciyey inay qaadi doonaan cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintaasi.

“Haddaba Farmaajo iyo kooxdii waxaan oga digeyna cawaaqib xumida ay arimahaas dhalin karaan iyo dhibka ay dalka u keeni karaan,” ayuu markale qoraalkan ku yiri Mr. Guuleed.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan lagu dilin qarixii ka dhacay Beledweyne.

Waare oo shaaciyey qorshe xasaasi ah oo madaxweyne Farmaajo ‘uu diyaarinayo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Farmaajo uu wado abaabul ciidan, doorashana uusan diyaar u aheyn.

Madaxweyne Waare ayaa shaaciyey in dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan uu Farmaajo wado, isla markaana uu aaminsan yahay in ku dhaqaaqi doono isku dayga cudud militeri.

“Waxaan ka war heynaa in hadda abaabul ciidan lagu jiro, Farmaajo wuxuu u yeerayaa saraakiisha, wuxuuna wadaa in qorshe uu rag ku heyb ah ama qorshihiisa ku qanacsan hoggaanka ciidamada loogu dhiibayo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Sidoo kale Waare wuxuu sheegay in qorshaha Farmaajo ay ku jirto in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii Eritrea ku maqnaa, ciidamo la socda oo Itoobiyaan ah iyo kuwa ka socda dowlad deegaanka Soomaalida.

“Waxay ciidamadaas dalka ka soo gelayaan Doolow, waxay qabanayaan magaalada Bu’aale, waxay fariisimo ka sameysanayaan Baydhaba, ugu dambeyna waxay soo geli doonaan Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare wuxuu shaki badan ka muujiyey inuu jiro xiriir u dhaxeeya Farmaajo iyo Al-Shabaab, isagoo su’aal geliyey suurta galnimada in xiligaan ay macquul tahay xoreynta Bu’aale oo ah xudunta Al-Shabaab.

“Siyaasadda amniga ee Farmaajo laba tiir ayey ku taagan tahay, kan koowaad waa in maamul goboleedyada lala diriro oo Itoobiya la garabsado, iyadoo wixii ay dalbato la siinayo, tiirka labaadna waa in Shabaab is-faham lala yeesho oo dalka loo qeybiyo meel Shabaab xukumo iyo meel dowladdu xukunto, cid kalena aan xukunka loo ogolaan,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu khatar iyo xaalad adag uu ku sugan yahay, waxyaabo badana uu ogaaday markii uu habeeno ka hor jeediyey hadalo xasaasi ah.

“Rooble tacadi badan ayuu ku sugan yahay, hadalkiisii waxaa iiga baxay doorasho la qabto iyo cadaalad la raadiyo iska dhaafe isagu amnigiisa inuu halis ku jiro, oo wuxuu iila ekaa nin meel banaan ah taagan oo waraabayaal badan ay ku wareegsan yihiin, garabna aan heysan,” ayuu yiri.

Wuxuu rajo xumo ka muujiyey in gacanta Rooble aysan maanta ku jirin awood ciidan iyo mid amni oo sababi karta in dalka ay doorasho ka dhacdo.

“Hadana Ra’iisul wasaaraha iyadoo aan ognahay qatarta iyo tacadiga heysta, rajo aan asaga aheyn malihin, sababtoo ah hadii maanta uu Rooble meesha ka baxo, kooxda Farmaajo sidii ay rabeen ayey wax noqonayaan,” ayuu yiri Waare oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal.

Waare ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u soo jeediyey inuu is adkeeyo oo abuuro xaalad ay ku xoroobi karaan xildhibaanada la heystayaasha ah ee caga-jugleynta lagu hayo, kuwaas oo qaarkood siyaasadda ku cusub.

“Xitaa waa in xildhibaanadaas dhaqaale loo raadiyo iyo mushaarkooda loo bilaabo, si duruufaha heysta aan looga faa’iideysan,” ayuu ku taliyey Waare.

Hoos ka daawo wareysiga

NISA oo ka digtay shirqool ay sheegtay in lagu dili rabo Farmaajo iyo R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa digniin qeyrul caadi ah oo ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir.

Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin.

Warka NISA wuxuu abuurayaa tuhun ku saabsan qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay, iyo haddii digniintan ay horudhac u tahay isku day la doonayo in lagu beegsado ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniintan, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.

K/Galbeed oo shaacisay inay joojisay wada-shaqeyntii ROOBLE ee doorashada

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay inuu joojiyey wada-shaqeyntii ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashada, 

Go’aanka kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa yimid saacad un kadib markii Rooble uu sheegay inuu xubinnimadii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada heer federal (FEIT) oo lagu eedeeyey fowdo.

Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.” 

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay “si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, uuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.” 

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.”

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”

Hoos ka aqriso bayaanka

DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO JOOJISAY WADASHAQEYNTA  RW ROOBLE EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA

Baydhabo, 5ta Abriil, 2022: Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan  u baahan in laga samatabixiyo. 

Dowladda Koonfur Galbeed waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkado musuq-maasuq ku eedeeyay wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Seddex Shirkad oo ka mid ah shirkado u tartamay laba Mashruuc oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ku eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Eng. Cabdi Sheekh Axmed in uu mashaariicdaas ku wareejiyey shirkaddo uu dano gaar ah ka leeyahay maadaama aan loo marinin wadadii saxda ahayd ee qandaraas bixinta.

Labada Mashruuc oo ay ku baxayso in ka badan Nus Milyan Doolar ayaa waxaa laga maalgelinayaa Mashruuca Scale-up ee ay maamusho Wasaaradda Maaliyadda uuna maalgeliyo baanka Adduunka, labadan mashruuc oo ah diyaarinta sharciyo iyo Siyaasaddo loogu talogalay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wasiirku waxa uu ku bedelay shirkadihii ku guulaystay tartanka shirkado aan waayo aragnimo badan lahayn oo tartanka ka galay kaalin hoose, kuwaas oo uu ka leeyahay danno dhaqaale iyo kuwa gaar ah ayna maamulaan xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wasiirka ayaa qorsheynaya in mashaariicdaas ay maamulaan dad aan khibrad shaqo u lahayn howsha islamarkaanna khilaafasan nidaamka daahfurnaanta tartanka ee Baanka Adduunka, isaga oo ka faa’iidaysanaya xiriir gaar ah oo uu la leeyahay Maamulaha Mashruucan Isabella Haward.

Shaqalaha Mashruuca ee ku howlgala Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay si weyn ula yaabeen hab-dhaqanka Wasiir Cabdi Sheekh oo si toos ah usoo faragaliyey hannaanka qandaraas bixinta, unu sheegay in uu danaynayo in shirkad gaar ah lagu wareejiyo mashaariicdan oo uusan marnaba raali ka ahaaneen shirkad kale taas oo keentay in markii labaad lagu celiyo xayeysiinta mashruuca maadaama ay markasta soo bixi waayeen shirkadaha uu wato.

Wasiir Cabdi Sheekh ayaa ka faa’iidaysanayaa mashquulka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka ee xilligan kala guurka ah, waxuuna xooggiisa iskugu geeyey in uu gacanta ku dhigo dhaqaalahan ka hor dhammaadka muddo xilleedka dowladda, Haddaba Madaxweyne Farmaajo maku dhiiran karaa in uu tallaabo ka qaado wasiirkan ku tagri falay awoodda xafiiska, cidkasta ugu sheekeeyo in uu ka gows haysto Madaxweyne Farmaajo.

Ugu Dambayntii shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in ay hakiyaan mashaariicdaas si aysan saameyn xun ugu reebin xiriirka shaqo ee Dowladda Iyo Deeq bixiyayaasha.

ROOBLE oo eryey xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray amar ku saabsan doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa xubinnimadii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada heer federal (FEIT) oo lagu eedeeyey fowdo, wuxuuna soo saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka dalka.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda  iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan  u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray

1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir
2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf

Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah:

1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4. Axmed Aadan Dagaal
5. Sacdiyo Xasan Xuseen

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan  Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan  falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga  qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in baaris deg deg ah lagu sameeyo  isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddiga FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddigu wado, waana in taliyuhu mas’uuliyad  gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka. 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta  xildhibaannada Labada Aqal. 

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan  sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo mareysa heer gebogebo ah.

Dhammaad