25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay Cabdi Xasan Deyr

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Shaam Gare ee gobolkaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Deyr oo caan ka ahaa halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shanaab, si looga hortago weerarada ay ka soo abaabulaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda oo ku aadan howlgalkaasi oo ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: QM oo khubaro u dirtay suuqa Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online ) – Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa codsiga kasoo yeeray Somaliland ayaa wafdi culus u dirtay magaalada Hargeysa oo todobaadkan uu ka kacay dab xoogan oo baabi’iyey dhismaha suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla bartamaha magaaladaas.

Xubno ka socda QM ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Hargeysa, si ay u soo qiimeeyaan baaxadda waxyeelada ka dhalatay dabkaasi oo ay ku hanti beeleen ganacsato fara badan.

Ujeedka wafdigan ayaa sidoo kale ah sidii Qaramada Midoobay ay qayb uga noqon laheyd dib u dhiska suuqaas oo gabi ahaan burburay.

“Koox ka socota hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gaaray magaalada Hargeysa si ay qiimeyn ugu sameeyaan waxa loo baahan yahay si looga qayb qaato dib u dhiska suuqa weyn ee magaalada ka dib dab khasaare gaystay oo todobaadkii hore ka kaca,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wafdiga ka socda QM waxaa sidoo kale qayb ka ah khubaro dhanka farsamada ah oo gacan ka geysan doono dhismaha suuqa oo ay Somaliland ku howlan tahay dib u dhiskiisa.

“Kooxdan, oo ay ku jiraan khubaro dhanka farsamada ah ayey ujeedkoodu yahay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska suuqa,” ayuu sii raaciyey qoraalka kasoo baxay QM.

Somaliland ayaa horey baaq culus ugu dirtay Beesha Caalamka oo ka dalbatay inay ka qayb qaadato gurmadka loo fidinayo dadka ku hanti beelay suuqa magaalada Hargeysa.

Wararkii ugu dambeeyey shir dhex-maraya Lafta Gareen iyo xildhibaanada u xareysan

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee maanta ka furmo shir wada-tashi ah oo u dhexeeyo madaxweyne Cabdicasiis iyo xildhibaanada  dhowaan lagu soo doortay maamulkaasi gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dambeeyey, kadib markii uu Lafta Gareen Baydhabo isugu yeeray xildhibaada labada aqal ee maamulkaasi, kuwaas oo dib ugu laabtay halkaasi.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyey shirka, isaga oo shaaciyey inuu maanta furmayo.

‘Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadaynaa in maanta Magaalada Baydhabo uu ka furmaayo shirka wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Xildhibaanada Dooran labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Maxamed Cali Ibraahim ayaa sidoo kale xusay in shirkani go’aan rasmi ah looga gaari doono khilaafka ka dhashay dhammeystirka doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmnaamay in laga tashan doono kuraasta uu hakiyey guddiga doorashada ee FEIT ee dib loogu celiyey dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Shirkaasi oo laga Hadli doono sidii go’aan looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada kusoo cusboonaatay ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ku hor istaagay qaar kamid ah kuraasta lagu doortay Magaalada Baydhabo,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri agaasimaha warfaafinta.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mid ah maamullada sida weyn u taabacsan Farmaajo, waxayna dhowaan ku dhowaaqday inay joojisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena ay kalsoonidii kala noqotay guddiga doorashada dadban ee FEIT.

Daawo: Mursal oo war culus kasoo saaray dhaarinta xildhibaanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay ra’iisul wasaare Rooble iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya doorashada baarlamaanka 11-aad.

Maxamed Mursal ayaa ku dooday in markii la gaaro 14-ka bishaan hadii aan xal loo helin khilaafkaas aysan suurta gal aheyn in la dhaariyo baarlamaanka, maadaama aysan joogin xubnihii laga soo doortay deegaanada maamulkaas.

Sidoo kale Mursal ayaa Rooble ku dhaliilay sababta uu Koonfur Galbeed uga qanci waayey tabashadeeda, “Ra’iisul wasaraha waxaa waajib ku aheed inuu u dhaqaaqo sidii uu u qanci lahaa Koonfur Galbeed,” ayuu yiri.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in hadii baarlamaanka ay ka maqan tahay metelaada hal dowlad goboleed uusan aheyn baarlamaan, maadaama uu dalku yahay federaal, “sidaas darteed waa ku waajib Rooble inuu qanciyo maamulkaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Maxamed Mursal wuxuu u soo jeediyey dowlad goboleedyada kale inay xalliyaan khilaafka soo kala dhex-galay Ra’iisul wasaare Rooble iyo Koonfur Galbeed.

“Madasha wadatashiga qaran waa inay masuuliyad iska saarto arintaan khilaafka dhalisay ee Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul wasaaraha oo ku saabsan doorashada, waa in tabashada maamulkaas la xaliyo, sidii ay u xali jirtay khilaafaadyadii hore, Cabdicasiis Laftagareen waa saaxiibkii aad taqaaneen,” ayuu yiri Mursal.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday xubnihii uu R/Wasaare Rooble ka saaray guddiyada doorashada, “Maadaama guddiyadaan lagu magacaabay wada ogol oo qof kaliya uusan soo magacaabin, in qof kaliya oo xilalkii ka qaado waa mid ka hor imaaneysa madax-banaanida guddiga, marka meeshaan wax saxan ma jiraan, laakiin hadda waxaa loo baahan yahay in la wada fariisto oo la dhameystiro inta hartay,” ayuu yiri guddoomiyihii baarlamaankii 10-aad.

Hoos ka daawo

Beesha leh mid ka mid ah afarta kursi ee dib loo celiyey oo go’aan soo saartay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha Jaroon ee iska leh kursiga HOP#204, oo ka mid ah afarta kursi ee guddiga doorashooyinka federaalka uu go’aamiyey in doorashadooda dib loogu noqdo ayaa digniin loogu diray hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Bayaankaan oo ay ku saxiixan yihiin Samadoonada beesha Jaroon oo Malaaq beesha Aadan Cabdi Cabdiraxmaan uu ugu horeeyo ayaa loogu mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiga doorashooyinka heer federal, iyagoo ku amaanay doorkii ay ku lahaayeen kursigooda uu ka badbaado ‘boob.’

“Waxaan uga digeynaa hoggaanka Koonfur Galbeed falalka gurican ee lagu doonayo in lagu xalaaleysto boobka kursigaan, taas oo laga dhaxli karo isku dhacyo iyo dib u dhacyo ku yimaada maamulka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha Jaroon.

Kursigaan ayaa laga hor istaagay inuu u tartamo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxaana bayaankaan lagu cadeeyey in wax habraac ah aan loo marin doorashadii murankaan dhalisay, isla markaana uu ku saxiixan yahay qof aan aheyn Malaaqa beesha.

“Waxaan cadeyneynaa in samadoonada iyo waxgaradka beesha Jaroon ay doonayaan in kursigaas uu galo tartan doorasho oo waafaqsan heshiisyadii iyo habraacyada doorashada, isla markaana beesha loo madax-baneeyo soo xulashada guddiyada, si ergada doorashada ay u soo qoraan,” ayaa lagu yiri bayaanka caawa ka soo baxay beesha iska leh kursiga HOP#204.

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa maanta go’aamiyey in dib loogu noqonayo doorashadii afar kursi oo 3 ka mid ah laga leeyahay Koonfur Galbeed iyo kursiga uu Fahad Yaasiin Beledweyne ka soo qaatay, guddiga ayaa sheegay inuu dib ka soo shaaci doono goobta iyo goorta la qabanayo doorashada fartaas kursi.

Hoos ka eeg bayaanka waxgaradka beesha Jaroon

Xog: Rooble oo isbeddel ku sameeyey madaxda ilaaladiisa

0

uqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Rooble ayaa lasoo warinayaa inuu dhowr isbadal ku sameeyey madaxda ilaaladiisa iyo howlwadeenada ku dhow dhow qaar.

Tan iyo markii NISA ay sii deysay farriin culus oo muujineysa in Al-Shabaab ay kusoo maqan tahay Farmaajo iyo Rooble oo uu amnigooda halis ku jiro, Ra’iisul Wasaaraha waxaa la sheegay inuu dalbaday ciidan dheeri ah iyo inuu qaaday tallaabooyin isbadal ah oo uu ku xaqiijinayo nabad-galyadiisa.

Al-Shabaab ayaa gebi ahaan iska fogaysay in ay wadaan qorshe ay ku dilayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, waxaana ay si cad u sheegeen in aanu jirin shaqsi lagu magacaabo Maxamed Maahir oo ka tirsan Al-shabaab, sida ay ku sheegeen qoraal lagu daabacay warbaahintooda

Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegay in hadalka kasoo baxay hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA uu yahay qorshe ay iyadu wadato, sida ay hadalka u dhigeen, ayna arrintan tahay mushkilad ka dhex jirta dowladda.

Hadalaka kasoo baxay Al-Shaabaab ee lagu beeniyey hadalkii NISA, ayaa kusoo aadayaa iyadoo ay hey’addu ay baahisay qorshe la damacsan yahay in lagu khaarijin rabo madaxda dalka ugu saraysa, waxaana la ogaa in Al-Shabaab horay u beeniyeen dilkii Marxuumad Ikraan Tahliil Farax oo lagu eedeeyey in ay dileen xubno NISA ah.

Madaxdii Sare ee Dalka ayaa si weyn u kala shakisay iyadoo khilaafkii siyaasiga uu u muuqdo inuu u wareegay dhanka ammaanka.

Muqdisho hadda ma qaadi karto khilaaf cusub iyo qorshooyin amni oo iska soo horjeeda, ayada oo dalku wajahayo abaar xooggan, sicir barar iyo dhibaatooyin kale.

Adduunka wuxuu u muuqdaa inuu kasii niyad jabayo Soomaaliya, xalka waxaa loo arkaa in doorashada deg deg ku dhammaato si loo helo hannaan dowladeed oo samatabixin kara dalka.

DF Soomaaliya oo Somaliland gaarsiisay $12.7 milyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay maanta guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa u dirtay lacag dhan 12 milyan iyo 700 kun oo dollar, sida uu bartiisa twitter-ka ku sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Lacagtan ayaa iskugu jirta 11 milyan iyo 700 kun oo ah lacag loogu talo-galay barnaamijyada horumairnta Somaliland oo ay horey u haysay dawladda Soomaaliya, iyo 1 milyan oo dollar oo ay bixisay dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 3-dii April amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska Rooble. 

Waxaa lacagtaas lagu xoojin doonaa howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Isla maalinkaas xukuumadda Soomaaliya iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa noqonaya noqonaya kuwii garabkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa taageero dhaqaale oo dhan 3 milyan dollar inay sida ugu dhaqsaha badan u geyn doonaan magaalada Hargeysa.

Madaxwenaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna maanta jeediyey baaq caalami ah oo ku codsanayo lacag dhan 2 bilyan oo dollar oo lagu gargaaro 5 kun oo ah goobo ganacsi oo yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn oo uu saameeyey dadbkii baabi’iyey suuqa Waaheen.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dabkaasi uu si toos ah iyo si dadban u saameeyey qoys kasta oo ku nool magaalada Hargaysa.

Dabkan ayaa kacay Bishan April 1-deedii, waxaaa uu baabi’iyey suuqa.

Garab ka mid ah guddiga FEIT oo ka horyimid in lagu noqdo doorashada afar kursi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garab kamid ah guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa si adag uga horyimid warqadii goor sii horeysay uu soo saaray guddoonka guddiga, taasi oo lagu sheegay in dib loogu celinayo doorashada Afar kursi.

Kuraasta ayaa kala ah HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086, waxaana dib u celinta doorashadooda lagu sheegay si loo saxo habraacii qaldamay, kadib markii ay cabashooyin ka yimaadeen oo la xaqiijiyay in habraac qaldan lagu doortay shaqsiyaadka kusoo baxay.

Xubnaha kamid ah Guddiga ee ka horyimid tallaabadaan, ayaga oo warqada lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Guddiga FEIT ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.

Sidoo kale waxay ku doodayaan xubnahaan in hore guddiga uu go’aan aqlabiyad ah ku fasaxay afarta kursi, markay taariikhdu ahayd 4-ta bishaan.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu aad uga walaacsan yahay hab-dhaqanka beegsiga ah deegaan doorashooyin gaar ah, taas oo keeni karta xasilooni daro
iyo dib u dhac ku yimaada dhameystirka hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnaha difaacaya kuraastaas.

Ugu dambeyntiina waxay si adag uga digeen in magaca Guddiga loo adeegsado dano shakhsi ah, laguna marin habaabiyo bulshada, si loo carqaladeeyo habsami u socodka dhameysirka doorashada dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa horey ugu digay xubno ka tirsan guddiga oo uu sheegay inuu xilka ka qaadi doono haddii aanay joojin wax uu ugu yeeray fowdada, kuwaas oo kala ah; Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur, Cabdinaasir Maxamed Guuleed, Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax, Axmed Aadan Dagaal iyo Sacdiyo Xasan Xuseen. 

Kuraasta uu goor sii horeysay shaaciyay guddoonka guddiga in doorashadooda dib loogu celinayo ayaa waxaa kamid ah kursiga uu hore ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Jawaari iyo midka Fahad Yaasiin oo hadda ah La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa banaanka usoo saareysa khilaafka xoogeystay ee guddiga FEIT oo u kala jabay labo garab, waxayna kusoo aadeysa xili uu dhawaana Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble digniin kama dambeys ah siiyay 5 xubnood oo ka tirsan guddiga.

Kooramka labada aqal ee baarlamanka oo la gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu bilaabay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) shahaado siinta Xildhibaanada cusub ee la doortay ayaa waxa uu maanta gaaray kooramkii labada aqal.

Xildhibaanada qaatay shahaadada uu bixinayo guddiga FEIT ayaa gaaraya illaa 177 Xildhibaan oo ka kooban 139 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 38 Senator oo Aqalka Sare ah.

Guddiga FEIT ayaa maalintii shanaad magaalada Muqdisho ka wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa uu weli ku adkeysanaya guddiga fulinta jadwalkii dhaarinta Xildhibaanada, isaga oo farriin culus u diray xildhibaanada dhimman oo uu ka dalbaday inay soo gaaraan xarunta FEIT, si looga faa’iideysto muddada kooban ee ka hartay shahaado bixinta.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ayaa aad usii kordhaya, tan iyo markii uu guddigu bilaabay inay diiwaan-geliyaan xildhibaanada soo baxay, walow Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka caga jiidayaan shaqada socota.

Si kastaba, Arrintan ayaa dhalisay khilaaf xoog leh oo haatan ka taagan dhammeystirka doorashada Soomaaliya oo qaadatay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad ah, kadib dib u dhacyo ku yimid.

 

GUDDIGA FEIT oo amray in lagu noqdo doorashada kuraas uu ku jiro kan Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa goordhoweyd shaaciyay in lagu noqonayo doorashadood afar kursi oo uu hore u hakiyay guddiga, si loo saxo habraacii qaldamay.

Kuraastan ayaa kala ah HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086, kuwaasi oo guddiga uu hakiyay 29 November ee sanadkii hore illaa 13 March ee 2022-ka.

Guddiga ayaa sheegay in xiliga la qabanayo doorashadooda iyo goobta lagu qabanayo uu dib ka shaacin doono, ayada oo ay xusid mudan tahay in kuraastan lagu soo doortay qaar kamid ah deegaan doorashooyinka maamulada dalka.

“Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal waxaa uu go’aamiyay in dib loogu nqodo doorashada dhamaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay. Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii ayuu guddiga dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qabanayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kuraasta uu guddiga shaaciyay in doorashadooda dib loogu celinayo ayaa waxaa kamid ah kursiga uu hore ugu fadhiyay Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Prof Jawaari iyo midka Fahad Yaasiin oo hadda ah La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo.

Kursiga Fahad ayaa waxaa uu guddiga sheegay inay cabashooyin kasoo gaareen oday dhaqameedyada jufada kursiga iska leh iyo mid kamid ah musharaxiinta, kadib markii dambena la xaqiijiyay in doorashadiisa la baalmaray habraaca doorashada.

Hoos ka aqriso warqada guddiga kasoo baxday 

Yaa ilaaliya sideese loo sugaa amniga ra’iisul wasaaraha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa digniin qeyrul caadi ah oo ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Kadib qoraalkan ayaa waxaa aad u kordhay hadal-hayn ku saabsan inuu halis wajahayo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo mucaaradka ay sheegeen in halistaas ay ka imaneyso dowladda dhexdeeda.

Khamiistii ayaan sheegay in Farmaajo maleegayo shirqool lagu dili rabo Rooble. Boor isku qariska NISA waxay cadeyn u tahay in fulintii qorshahaas soo dhawaaday,” waxaa sidaas yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Haddaba yaa suga sideese loo sugaa amniga ra’iisul wasaaraha? 

Xafiiska uu ku shaqeeyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseyn Rooble, guriga uu degan yahay iyo naftiisaba waxa ay leeyihiin saddex lakab oo ilaalo ah, kuwaas oo kala ah: Ciidamo Dharcad ah, Milatari iyo AMISOM oo hadda magacooda iyo waajibaadkooda shaqaba wax laga badeley, loona bixiyay ATMIS.

Dharcadka

Ugu yaraan shan iyo labaatan ka mid ah ciidankaan ayaa marwalba heegan ugu jira amniga ra’iisul wasaaraha. Waxaa lagu magacaabaa(Ilaalada Dhaw), taas oo ka dhigan in ay markasta ku suganyihiin meel ay ka arki karaan Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo u raaca hoygiisa, xafiiska iyo goobaha kale ee uu aadayo.

Waxay caan ku yihiin xirashada shaar cad iyo suud madaw, iyaga oo garaarsan bastoolado, islamarkaasna gaarmo-daymoonaya. Waxay dadku xasuusteen xilligii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo baraha bulshada lagu baahiyay sawirada iyaga oo dhinac rucleynaya gaariga ra’iisul wasaaraha.

Milatariga 

Guutada 77 aad ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa qayb ka ah ilaalada ra’iisul wasaaraha, waxay si joogta ah u joogaan guriga iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha, sidoo kale waxay u raaceen goobaha uu booqanayo. Waxay xirtaan tuutaha milatariga, iyo koofi midabkeedu yahay guduud iyaga oo ku hubaysan qoryo boobayaal ah iyo qasanado dheeraad ah.

Guutadaan ayaa shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan amniga madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo aagga madaxtooyada. 

AMISOM (ATMIS)

Askar gaaraysa 130 oo ka tirsan qaybta koobaad ee ciidamada Amisom, gaar ahaan ciidamada UPDF ee ka socda waddanka Uganda ayaa iyana shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga ra’iisul wasaaraha. 

Markii hore tirada ciidamadaas ee ilaaliya mudane Rooble waxay ahaayeen 30 askari, laakiin wixii ka dambeeyay 27 kii December 2021, markii ciidamo ka tirsan Guutada 77 aad oo waardiyeeye madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay la wareegeen kantaroolada laga galo xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu kordhiyay boqol askari ciidamadaan. 

Baqdinta cusub ee laga qabo ammaanka ra’iisul wasaaraha, ayaa markale maanta boqol askari oo cusub lagu kordhiyay ciidamada Amisom ee waardiyeeya ra’iisul wasaaraha, sida aan ka soo xiganay ilo amni oo u dhaw xafiiskiisa.

Sidoo kale marka uu aadayo goobo ka fog xafiiskiisa, waxaa ka qayb qaata amnigiisa ciidamada booliska oo uga sii hormara goobta uu tagayo.

Marka la isku daro intaas oo ilaalo ah oo gacanta ku haya amniga ra’iisul wasaare Rooble ayaa dad badan waxay is weydiinayaan sida ay suura gal ku noqon karto in Al shabaab beegsadaan ra’iisul wasaaraha dalka.

Sida ay sheegtay Samiira Qaacid oo ahayd madaxii hore ee qaybta amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa jira weeraro lala beegsan karo ra’iisul wasaaraha laakiin aan marnaba bartilmaameedka u dhawaan karin.

Samiira ayaa tiri: “Waxay ila tahay in ay adkaaneyso in isaga la gaaro, laakiin isaga oo waddo maraya, kolonyadiisa ama ciidamada oo wadada maraya in markaas oo kale la beegsado waa suuragal”.

Dhanka kale Samiiro waxa ay bidhaamisay in qatarta amni ee laga digay ay noqon karto mid ku wajahan musharaxiinta madaxweynaha oo amni ahaan u nugul weeraro uga yimaada Al-Shabaab. 

Waxaa fikradaas sii xoojinaya in falanqeeyeyaal amni oo isku raacay in marka Al-Shabaab ay haleeli waayaan bartilmaameedkooda koowaad, in ay ku dhuftaan hadba cidda muhiimka ah ee aagga ka dhow ee la gaari karo.

Wararkii ugu dambeeyey ee shahaado siinta xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee (FEIT) ayaa maalintii shanaad wada diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga oo qoraal kooban soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay mareyso shaqadooda, waxaana FEIT ay shaacisay magacyada xildhibaanada maanta qaatay shahaadada, kuwaas oo kala ah:-

1. Samira Maxamud Haji AS#51
2. Saynab Ismail Mohamed AS#45
3. Mohamed Abdi Osman AS#49
4. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
5. Farhan Ali Hussein AS#47
6. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
7. Mohamed Farah Nur GSH#192.

Sidoo kale guddiga ayaa farriin culus u diray xildhibaanada dhimman, wuxuuna ka dalbaday inay soo gaaraan xarunta FEIT, si looga faa’iideysto muddada kooban ay ka hartay waqtiga lagu heshiiyey in lagu qabto dhaarinta.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ayaa aad usii kordhaya, tan iyo markii uu guddigu bilaabay inay diiwaan geliyaan xildhibaanada soo baxay, walow Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka caga jiidayaan shaqada socota.

Arrintan ayaa dhalisay khilaaf xoogleh oo haatan ka taagan dhammeystirka doorashada Soomaaliya oo qaadatay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad ah, kadib dib u dhacyo ku yimid.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan balse xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, iyadoona walaac laga muujinayo xiisadda soo korortay iyo is mari-waaga ka taagan dhammeystirka doorashada Soomaaliya.

Al-Cadaala oo shaaca ka qaaday ujeed laga leeyahay xiisaddda Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa ka hadlay xaaladda siyaasasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Al-Cadaala oo weerar ku qaaday Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan xubno doonaya inay si xoog ah kusoo fariistaan Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la dhowro waxa heshiiska lagu yahay, isla-markaana loo hoggaansamo go’aanka guddiga FEIT.

“Waxaan oo dhib ah maxaa loo marayaa oo dalka loo gelinayaa, waxaa loo gelinayaa qof raba in uu noqdo fowqal-qaanuun, qof dhahaya FEIT go’aan iima gaari karo waa in aan dhinac maro oo sida aan rabo qori ku gaari karo, meesha aan rabana qori ku fadhiisto, haddii sidaas lagu tagi karo maxaa dad badan bannaanka u joogaan, waxa na reebay waa waxa lagu heshiiyay” ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya la doonayo in lagu fashiliyo dhammeystirka doorashada, gaar ahaan dhaarinta xildhibaanada labada aqal.

“Waa miino la rabo Baarlamaanka Soomaaliyeed, Dhaarinta & Doorashada lagu fashiliyo, in dadka qaanuunka inta lasoo dhinac marsiiyo oo lasoo dhex fadhiisiyo oo markaas meesha la isku qabsado oo la isku xabadeeyo oo qori & xoog isku baddesho,” ayuu markale yiri wasiir Cabdiraxaam Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyey “Haddii qori iyo xoog tahay walaalayaalow Niman boqol-boqol baabuur oo tikniko ah heysta ayaa bannaanka jooga Magaaladaan iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya”.

Hadalka Al-Cadaala oo ka mid ah saaxibada siyaasadeed ee aadka ugu dhow ra’iisul wasaare Rooble ayaa kusoo beegmaya, xilli haatan uu sii laba kacleeyey khilaafka haatan u dhexeeya hoggaanka dalka, kaas oo salka ku hayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Beesha Habargidir oo R/W Rooble ugu baaqday inuu ku dhaqaaqo arrin la hadal hayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaaan Mowliid Sheekh Jaamac oo ah Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir ayaa digniin u diray dad uu sheegay inay beesha ka dhasheen, ee hadana ay iib geynaya, sida uu hadalka u dhigay.

Suldaanka oo hadalkaan ka jeediyey kulan ay Muqdisho ku yeesheen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo saraakiisha saree e beesha Habargidir, kaas oo looga dhawaaqay shirweyne looga tashanayo aayaha Soomaaliya oo beelaha Hawiye ay isugu imaanayaan.

“Ka Suldaan ahaan waxaan u digayaa dad ka dhashay beesha Habargidir oo hadana aan ku dhaqmeyn kala dambeynta beesha, waxaan u sheegayaa Habargidir iib ma ahan, beeshu gole ayey leedahay, laakiin dadkaas qowleysatada ah qorsha ay wataan ka aqbali meyno,” ayuu yiri Suldaan Mowliid.

Dhanka kale Suldaanka ayaa fariin u diray Ra’siiul Wasaare Rooble, isagoo yiri, “Ra’siiul Wasaare khudbadaadii waa dhageysanay, in ilinu kaa timidna waan kuu jeednay, cabsi badana waa muujineysay, koley anigu waxaan ku jiray dadkii ku garaadsaday iyadoo Soomaalida kale ay leedahay Habargidir yaa naga dhiciya, marka Ra’siiul Wasaare madaxaaga kor u qaad,” ayuu yiri.

Sidoo kale Suldaan Mowliid ayaa Ra’siiul Wasaare Rooble u soo jeediyey inuu musharax madaxweyne noqdo, si dadka ay is hayaan uu isaga dhiciyo.

“Ra’siiul Wasaare hadaa rabto Soomaali inaad badbadiso xilka madaxweynaha ayaa iska cidlaahe isaga qabso, taladaas ayaan ku siineynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir.

Caasimada Online ayaa dhowaan shaacisay in Rooble ay cadaadis ku hayaan beeshiisa iyo Imaaraadka Carabta, si uu madaxweyne isugu sharxo. Halkan ka aqriso.

Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa golaha hoggaaminta Habargidir u soo jeediyey inay cadeeyaan musharaxa ay wataan, “Habargidir waxaa la rabaa in musharaxeeda uu cadyahay, hadii golaha hoggaaminta uu yiraahdo musharaxa ay sanadkaan Habargidir wadato waa ‘hebel’ naf iyo maal ayaan isugu geyneynaa dhismihiisa,” ayuu yiri Suldaan Mowliid.

Hoos ka daawo

Muxuu yahay UJEEDKA jawaabta ay Al-Shabaab ka bixiyeen qoraalkii NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay hadalka kasoo yeeray Al-Shabaab oo jawaab ka bixisay qoraalkii NISA, islamarkaaana beenisay inay damacsan tahay weeraro ka dhan ah madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Ismaaciil Daahir ayaa shaaca ka qaaday inuu ujeedka kooxda kaliya ahaa inay caddeyso in uusan run aheyn warka ay qortay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

“Ujeedkooda waxa uu aheyd inay bayaamiyaan warka ay qortay NISA uusan aheyn war run ah,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Iyadoo labada xafiis ay ciidamo ku kala dhex jiraan haddana waxaa moodaa in amnigii dalka uu dayac yahay,”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xaaladda doorashada, isaga oo hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaruhu uusan dhameystiri karin doorashada socota, taasina ay kaga faa’iideysaneyso Villa Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha ma qaban karo doorasho nabdoon, haddii usan amniga gacanta ugu jirin, waana mida aan isleeyahay inay kaga faa’iideysaneyso Villa Soomaaliya inay ku qal-qal geliso arrimaha doorashooyinka, si muddo kororsigii halka sano iyo xoogaaga socday'” ayuu markale yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Al-Shabaab ay beenisay inay qorsheynayso weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sidoo kalena iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsi ay horay hey’addaasi magaciisa u shaacisay in uu weerarkaasi qorsheynayo.

Ciidamada ammaanka oo qabtay BAABUUR siday QARAXYO, kuna socday…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashaanaya kuwa Galmudug ayaa howlgallo ay ku sameeyeen gobolka Galgaduud waxa ay ku soo qabteen gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo raggii la socday.

Gaariga la qabtay oo uu noociisu yahay  Probox ayaa sidoo kale siday jaakadaha qaraxyada iyo miinooyin, wuxuuna ku sii jeeday dhanka magaalada Guriceel, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada ee hoggaaminayey howlgalkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in la qabtay in laba nin oo la socotay gaarigaasi, kuwaas oo loo gudbiyey saldhigga Booliska ee Guriceel.

Waxay saraakiishu intaasi ku dareen in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen, sida ay hadalka u dhigeen.

“Qaraxyada waxay isugu jiraan kuwa baabuurta lagu dhejiyo iyo jaakadaha ka sameysan qaraxyada, ee naftood halligeyaasha ay adeegsadaan, Ciidamada oo ka feejigan dhagaraha iyo shirqoolada ay maleygayaan nimankan cadowga ah baa waxay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo raggii watayba.” ayuu lagu yiri warkan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ee ku sugan deegaanada Galmudug ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda maamulkaasi.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Danab oo howlgal ka sameeyey koonfurta gobolka Mudug ay gacanta kusoo dhigeen gaari kan la mid ah oo qaraxyo siday.

Mareykanka oo farriin culus u diray Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe Xuseen

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo HirShabelle ugu baaqday inay si degdeg ah ku soo dhameystiraan kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

HirShabelle iyo Jubbaland waa labada maamul ee keliya, ee aan weli soo dhameytiran kuraasta Golaha Shacabka, iyadoo Jubbaland ay ku harsan yihiin 16 kursi, halka HirShabelle-na ay ku dhiman yihiin 7 kursi.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen inay si deg deg ah u soo dhameystiraan kuraasta ka harsan Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaan rajeynaynaa in 14-ka April la dhaariyo Xildhibaanada cusub, waxaana boorinaynaa wada-hadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in doorashada la soo geba-gabeeyo si nabad ah iyo iyadoo la wada ogolyahay.”

Baaqa Mareykanka ayaa daba socday qoraal kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya oo ay ku dalbadeen in xildhibaanada la dhaariyo 14-ka April xitaa haddaan lasoo dhameystirin kuraasta doorashada ee ku haray HirShabelle iyo Jubaland.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale maamullada HirShabelle iyo Jubaland ugu baaqay inay dhameystiraan geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka, “iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda.”

Waxay ku bogaadiyeen dhammaan Guddiyada Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedyo (SEITs) sida ay dukumeentiyada ugusoo gudbiyeen Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT).

“Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Cali Cabdullahi Cosoble oo habaaray FARMAAJO kadib arrin uu shaaca ka qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa soo saaray qoraal uu Allaah uga baryaayo inuu Farmaajo ka hor wareejiyo umadda Soomaaliyeed oo mar dambe uusan ku soo laaban xukunka.

Cosoble ayaa soo bandhigay xogta balan iyo is dhaarsi sanadkii 2017-kii dhex-maray asaga iyo Farmaajo, balse markii dambe uu Farmaajo uga baxay, iyadoo kadibna xukunkii laga tuuray oo Jowhar mooshin laga abaabulay, isagoo Muqdisho ku sugan.

Hoos ka aqriso qormada Cali Cosoble oo dhameystiran:

Adiga waad i khayaantay, kitaab ayaad gacanta ii gelisay, waxaad ka baxday ballantii aad ila gashay. Kuma aanan cafin, kumana cafin doono.

Waxey aheyd bishii Ramadan ee 2017 markaanu xafiiskaaga ku yeelannay shir socday qiyaastii 2 saacadood, wada hadal dheer kaddibna waxaan wada hadalkeenii ku soo gunaanadnay “in la is aamino”, intaa kuma aadan ekaan ee waxaad jalleecday “kitaab quraan” oo miiska kuu dul saarnaa. Waad istaagtay waxaadna tiri “kitaabka Alle ayaan isku aamineynaa”. Waxaad weliba soo jeedisay inaan annagoo isi salaameyna aan kitaabkana gacanta kale saarno.

Waxaan labadeenaba ku dhaaranay inaan is kaalmeysanno, siyaasadda mid ka ahaanno, Inaan kugu garab istaago arrimaha guud ee dalka adigana aad iga saaciddo horumarinta degaanka. Dhaarta kaddib waxaad English ku tiri “I watch your back, you watch my back” anigana waxaan kuugu jawaabay “waa ballan”.

Afka markii la furay waxaan u safray B/weyne, waxaan ku sugnaa labaatameeyo maalmood, markaan ku soo laabtay Muqdisho waxaan kuu sheegay iney Jowhar ka jirto shaqaaqo laga abaabulay Muqdisho, rag kugu dhowna ay hormuud ka yihiin.

Maalintaan qorsheeyay inaan Jowhar tagno aniga iyo tiro isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayey Jowhar ka soo yeertay inuu baarlamaankii Hirshabeelle kalsoonidii igala laabtay taasoo ay ummadda oo idil marqaati ka tahay ineysan jirin.

Waxaan gaaray Jowhar waxaana ka sii daray fowdadii ay muhandasiinteeda ku sugnaayeen Villa Somalia. 48 saac kadib ayaad toos ii soo wacday waxaadna iga dalabtay inaan kuu imaado, warkaagana wuxuu ahaa “ii kaalay arrintaan waan dhameyneynaa”.

Mar labaad ayaan aaminay warkaaga waana kuu imid hase ahaatee waxaan kaala kulmay fajacii adduunka.

Waxaad qirtay waxa Jowhar ka dhacay ineysan sharciga waafaqsaneyn, waxaadna ii raacisay “Waxaan ogaaday koox ila shaqeysa iney arrinkaan abaabuleen, kedisna ay kugu noqotay”.

Waxaan kuu soo jeediyay maadaama aad tahay madaxweynaha dalka waajibna kaa saaran yahay ilaalinta dastuurka, inaad caddeyso waxa Jowhar laga sameeyay ineysan waafaqsaneyn dastuurka.

Waad diiday inaad tallaabtaa qaado, waana halka aan ku xaqiiqsaday inaad dulmiga wax ka ogeyd raalina ka aheyd.

Kooxdii i dulmisay adaa ka haray, mid mid ayeyna daaqadda uga bexeen.

Adiga waad i khayaantay, kitaab ayaad gacanta ii gelisay, waxaad ka baxday ballantii aad ila gashay. Kuma aanan cafin, kumana cafin doono.

Waa bil Ramadaan, waan soomanahay, waan weyso qabaa, kitaabka Allah ee aad ku dhaaratay ayaa horteyda yaalla, addoon Ilahey baan ahay, xaq ayaadna iga gashay. Waxaan Ilahey ka baryaa inuu ummaddaan ku hor dhaafiyo.

Ilahow Farmaajo waa i dulmiyay sida uu dad badan oo kaleba u dulmiyay. Kitaabkaaga ayuu igu khayaamay sida uu dad badan ugu khayaamay.

Ilaahow Farmaajo ummadda hor dhaafi.

Ilahow Islaamnimadeyda haddey wax ka jiraan iga aqbal baryadeyda oo Farmaajo ha ku soo celin talada iyo xukunka dalka.

Ilahow adaa mujiibu dacawaad ah ee iga aqbal dacwadeyda. Yaa Rabbi.

Daawo: Indha-Cadde oo ka digay ‘qorshe xasaasi ah oo la diyaarinayo’ 12-ka April

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cade) ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay afgambi uu sheegay in madaxweyne Farmaaho uu damacsan yahay 12-ka April, oo ah maalinta xuska Ciidanka Xooga dalka.

Indha-Cade ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay qorshaha Farmaajo, isaga oo ciidamada qeybahooda kala duwan ugu baaqay inaysan ku kadsoomin damaciisa, oo aan loo adeegsan dadkooda.

“Dadkaan lagu dhaaranayo oo qoryaha sita oo ciidanka iyo saraakiisha ah ee la siiyay garaadada ee la rabo inay dadkooda ku laayan waa dad damiir leh, Farmaajow garaadaha ha iska bixin wiilashaan dadkooda layn maayaan,” ayuu yiri.

“Wiilasha waxaa leeyahay jaaniska ka faa’iideysta oo lacagta iyo garaadaha qaata, warkaaga yeelanya dhaha oo shaqadiina qabsada, yuusan jaaniska idin dhaafin. Xoogaga yar iyo garaadada waa ka qaadanayaan waana iska kaa dhicinayaan.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ku tilmaamay Nin qabiileysta ah oo aan aheyn madaxweyne Soomaaliyeed oo maafiya ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo hadii uu madaxweyne Qaran yahay 16-ka kursi ee Gedo kuma dhageen, ma aha madaxweyne Soomaaliyeed waa qabyaaladiste. Kama baqeyno oo runta ka xishoon meyno, saddex sano ayaa la taliye u ahaa waxa uu yahay oo uu ka shaqeeyo ayaa ognahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay fashilayaan qorshaha qalafsan ee Farmaajo, isaga oo ugu baaqayna in uu dib uga laabto arrintaan haddii kale uu laftiisa ku guban doono.

Yuusuf Garaad oo sheegay arrin looga gudbi karo xiisada cusub ee dalka ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee ka dhalatay dhameystirka doorashada.

Yuusuf Garaad oo warbixin soo dhigay Facebook-giisa ayaa shaaca ka qaaday in doorashada ay tahay wadada kaliya ee looga gudbi karo xiisadda siyaasadeed iyo mida amni ee  ka taagan dalka.

“Doorashadu waa waddada keliya ee inoo furan oo uu dalku uga gudbi karo qulubka siyaasadeed ee qotada dheer iyo khatar amni oo ay ka mid tahay digniinta NISA ee ah in Madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha la doonayo in la dilo” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa keliya oo ka harsan gunaanadka doorashadu waa in is afgarad laga gaaro kuraasta Gedo iyo muranka Afar kursi, kuwaas oo weliba laba ka mid ah aan maqlayo in ay yihiin arrin farsamo,”.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa sidoo lale soo hadal qaaday xalka arrintan iyo sida looga gudbi karo, wuxuuna shaaciyey  in duuduub loogu xallin karo Baarlamaanka oo fariista, kadibna doorta guddoon cusub.

“Sida keliya ee arrimahaas dudduub loogu xallin karo, waa Baarlamaanka cusub oo fariista, oo dhakhso u doorta Guddoon. Wuxuu noqonayaa billowga awood sharciyad haysata,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ka dhalatay si qab-qabsiga siyaasadeed ee ka jira dalka iyo daaha doorashooyinka weli socda.