25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Guudlaawe oo HOP#106 ka dhigay mid furan oo toddoba murashax ay ku tartamayaan

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa kulan uu la qaatay murashaxiinta u tartamaya kursiga tirsigiisu tahay HOP#106, kuwaasi oo tiradooda dhan yihiin todobo murashax oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo loo xirayo kuriga HOP#106 ee beesha Galmaax, uuna noqon doono mid furan ciddii uu alle u calfana ay kusoo bixi doonto.

Kursigaan oo doorashadiisa ay dhici doonto 9-ka bisha ayaa waxay murashaxiinta oo wada socda ay la kulmeen Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxayna ku amaaneen sida wanaagsan ee hufnaanta leh uu xil isaga saaray inuu kursigaan noqdo mid furan.

Waxaa ku tartamaya kursigaan murashaxiinta kala ah Shadoor Xaaji Maxamuud, Cabdi Kaafi Makaraan, Cabdifitaax Yaanyo, Cabdullaahi Cadde, Yuusuf Jaalle,Cismaan Xaadoole. Inta badan xubnahan ayaa ah kuwa kasoo horjeeda siyaasadda Villa Somalia, marka laga reebo Yuusuf Jaalle oo saaxiib la ah Farmaajo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in musharaxin kale ay maanta isa soo taagi doonaan.

Wararka aan ka heleyno Jowhar ayaa sheegaya in murashaxiinta ugu cad cad uu kow ka yahay Shadoor Xaaji Maxamuud oo ah nin dhalinyaro ah oo horay ula soo shaqeeyay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, haddana ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waana aqoonyahan heerka aqoontiisa sareyso iyo wariye hore oo siyaasadda u xuub siibtay.

Murashaxiinta kale ee tartamaya ayaa waxaa ku jira Yuusuf Jaalle oo saaxiib dhow la ah Farmaajo, balse rajadiisa ay tahay mid liidato, maadaama loo arko shaqsi Villa Somalia riixeyso, wuxuuna

Dhanka kale, waxaa kursigaan horay ugu fadhiday Drs. Mino Xasan Shibis, balse xiligaan ka quusatay in dib danbe loo doorto maadaama beesha ay ku madasho ee Galmaax wixii ay ka sugayeen ay gabtay inay qabato, danaheeda mooyee.

Madaxweyne hore oo xabsi daa’in loogu xukumay dilka madaxweyne kale (Warbixin)

Ouagadougou (Caasimada Online) – Maxkamad militari oo ku taalla dalka Burkina Faso ayaa Arbacdii xabsi daa’in ugu xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore dilkii 1987-kii ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Thomas Sankara.

Sacab xooggan ayaa is-qabsaday gudaha maxkamadda kadib markii la aqriyey xukunka muddada la sugayey, taasi oo soo geba-gebeysay kiis soo jiitamayey 34 sano.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’in ku xukuntay Hyacinthe Kafando, oo ah sarkaal la tuhunsan yahay inuu hogaamiyey kooxdii dilka fulisay, iyo Jeneraal Gilbert Diendere oo ahaa taliye ciidan xilligii khaarijinta, oo la kowsaday afgambi uu xukunka ku qabsaday Compaore.

Compaore, oo dibad-joog ku ah dalka Ivory Coast kadib markii kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray 2014, iyo Kafando oo baxsad ahaa tan iyo 2016, ayaa la maxkamadeeyey ayaga oo maqaneyaal ah.

Maxkamadda oo socotay lix bilood ayaa waxaa si aad ah isha ugu hayey dad badan oo ku nool dalka aan badda laheyn ee ku yaalla gobolka Sahel, halkaasi oo dilkii Sankara ay ka tahay dhibic madow oo ku taalla taariikhda dalka.

Sankara oo aad u aaminsana falsafadda Marxist-Leninist, islamarkaana aad ugu dhaleeceyn jiray Reer Galbeed gumeysi cusub iyo laba wajiilenimo, ayaa toogasho lagu dilay 15-kii October 1987-kii, wax yar un ka badan afar sano markii uu xukunka yimid isagoo ah kabtan ciidan oo 33 jir ah.

Isaga iyo 12 saaxiibadiis ahaa ayaa waxaa koox hubeysan ayaga oo ku sugan xarunta Golihii Kacaanka Qaranka ee xukunka hayey.

Geerida Sankara oo aaminsanaa siyaasadda bidixda ayaa dhaawac ku aheyd xukunkii Compaore ee 27-ka sano.

Maxkamadda oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou ayaa Compaore, Kafando iyo Diendere dhammaantood ku heshay dambi ah inay dhaawaceen amniga dalka.

Compaore iyo Diendere ayaa sidoo kale lagu helay dambi ah inay wax ka ogaayeen dilka, halka Kafando lagu helay dambi ah inuu fuliyey dilka.
Xukunkada lagu riday ayaa ka badan intii ay codsadeen dacwad-oogayaasha militari.

Waxay doonayeen in Compaore iyo Kafando lagu xukumo mid 30 sano, halka ay 20 sano u raadiyeen Diendere, oo hadda uu u socdo xabsi kale oo 20 sano ah oo uu ku muteystay isku day afgambi oo uu sameeyey 2015-kii.

Sideed eedeysanayaal kale ayaa lagu riday xukunno u dhaxeeya saddex illaa 20 sano, halka saddex eedeysane lagu waayey wax dambi ah.

AFP + VOA

Al-Shabab oo madaafiic ku garaacday saldhig ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay degmada Buurhakaba oo katirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen, madaafiicda qaar ayaa ku dhacay gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya, waxaana jiro kuwa kale oo ku dhacay xaafado ay degan yihiin Shacab.

Inta la xaqiijyey Hal qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday halka 2 kalana ay ku dhaawacmeyn, lamana oga khasaaraha soo gaaray ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya, isla markaana lagu dilay laba kamid ah Askarta Itoobiya Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Itoobiya dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bisha Ramadan weeraro qorsheysan ku qaado saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin Gobolada Dalka.

Qoor Qoor iyo xildhibaano Baydhaba u tegaya hadalkii carada ahaa ee Lafta-gareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wafdi xildhibaano kasoo jeeda Galmudug ayaa iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa u istaagay sidii xal loogu heli lahaa caqabadda doorashada ku hor gudban iyo sidii loo xalin lahaa tabashada maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano miisaan ku dhex leh siyaasadda, waxaana ka mid ah Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe, Dheg-dheer, Mahad Salaad iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Ujeedada safarka xildhibaanadaan iyo Qoor Qoor ayaa la xiriirto cabasho iyo eedeyn dhawaan uu jeediyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu isbaaro u dhigtay maamulka Koonfur Galbeed, si uu usoo saarto xildhibaano jeebka ugu jira sida uu hadalka u dhigaye.

Lafta Gareen oo si caro leh ula hadlay ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa si weyn ugu xumaaday qeybaha bulshada kadib markii uu aflagaadeeyey beesha ra’iisul wasaaraha, una rogay arrinta mid qabiil, hadalkaasi oo aan laheyn miisaanka siyaasadeed,

Hadalkaas ayaa waxaa durbadiiba ka jawaabay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaale oo ku tilmaamay hadalka Lafta Gareen mid ka dhashay culeys siyaasadeed oo la saaray madaxweyne Lafta Gareen oo uu ula jeeday in Villa Somalia ay cadaadis ku hayso Lafta Gareen.

Wafdiga Qoor Qoor iyo xildhibaanada ayaa sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed kala hadli doono caqabadaha iyo dib u dhaca doorashada oo la filayay in xiligaan lasoo gabagabeeyo.

Xildhibaanada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa culeys lagu saaray inaysan isdiiwaan gelin isla markaana aysan qaadan aqoonsiga xildhibaanimo, iyadoo maamulka iyo Cabdcasiis Lafta Gareen ay ka careysan yihiin kuraasta guddiga doorashooyinka ay xayireen, kuwaasi oo lagu sheegay inaysan soo marin habraacii iyo shuruudihii doorashada.

Walaaca laga qabo qorshaha 12-ka April iyo abaabulka ciidan ee ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda abaabul ka dhan ah qorshe la aaminsan yahay inuu wado madaxweyne Farmaajo, kaas oo xogaha la helay ay sheegayaan in lagu soo beegayo 12-ka bishaan April oo ku asteysan sanad guurada ciidanka xoogga dalka.

Muddo Bil ah kooxda madaxweyne Farmaajo waxay wadaa abaabul ciidan oo dhanka Militariga ah, Saraakiil ay ku jiraan Biixi iyo Odawaa ayaa qeyb weyn ka ah qorshahaan.

Muddo seddex sano ah lama xusin maalinta ciidanka xoogga dalka, in hadda oo doorashadu gabagabo tahay lagu soo beego ayaana tuhun badan dhalisay.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa si iska soo horjeeda u bixinaya xogo ku saabsan waxa socda. Munaasabadda 12-ka April waa jirta sanadkaan, balse waxaa la sheegayaa inay ku hoos jiraan qorshooyin la rabo in dalka qalalaase cusub lagu geliyo.

Xubnaha u xil saaran munaasabadaan ayaan la xiriirnay, mid kamid ah Jananada u xilsaaran qaban qaabada munaasabadda 12-ka April wuxuu noo xaqiijiyey in aysan jirin wax ka dheeri ah dhoolatuska ciidanka ee dhacaya maalinta ay bashaani gaarto 12.

“Waa ogtahay dhowr sano lama qaban munaasabadda 12-ka April, waxaan go’aansanay inay sanadkaan si weyn u dabaal dagno oo aan soo bandhigno awoodeena, waxaan xiri doonaa laga soo bilaabo xerada TURKISOM illaa Habar-Khadiijo, dhinacaas markaa u dhaqaaqidna illaa wasaaradda gaashaandhigga, inta badan socodka magaalada waan joojin doonaa, inta uu dabaaldegaasi socdo,” ayuu yiri mid kamid ah madaxda ciidanka ee loo xil saaray diyaarinta munaasabadda maalinta ciidanka xoogga dalka.

Laakiin hoggaamiyaasha mucaaradka iyo saraakiisha taabacsan ee ciidanka xoogga ku jira waxay maalmahaan wadeen aqbaar taas ka duwan oo ah in laba xaaladood midkood uu ka fakarayo madaxweyne Farmaajo.

Mid waa in saraakiisha Militariga soo jeediyaan in doorashadii fashilmatay, dalkuna uu firaaq galay, sidaas darteedna ay Militarigu ammaanka caasimadda la wareegayaan inta la isaga imaanayo oo laga heshiinayo arrimaha doorashada.

Midda labaad ee mucaaradku ay qabaana waa in magaalada la rabo in la xiro 12-ka April illaa 14-ka April, si loo baajiyo dhaarinta xildhibaanada laba Aqal ee Baarlamaanka cusub oo la qorsheeyey inay dhacdo 14-ka bishaan

Inkastoo hadaladaan kala duwan oo ay bixinayaan saraakiisha Militariga ee kala taabacsan Farmaajo iyo mucaaradka, haddana caasimadda waxaa ka jira abaabul ciidan oo ay wadaan xubno siyaasiyiin ah oo taabacsan Ra’isul Wasaare Rooble.

Xubnahaan waxay sheegayaan inay macquul tahay inuu madaxweyne Farmaajo mar kale isku dayo inuu abuuro qalalaase cusub.

Kooxdaan waxay leeyihiin duulaan uma socono, laakiin waxaan rabnaa inaan u diyaar garowno haddii uu mar kale Farmaajo aado dhanka awoodda ciidanka.

Waxyaabaha shakiga 12-ka April xoojinaya waxaa kamid ah kooxda madaxweyne Farmaajo oo joojisay ololihii doorashada, dadka caasimadda Muqdisho ku nool ayaa iyaguna dareemaya cabsi la xiriirta hadal heynta 12-ka April.

Lama hubo inuu Farmaajo diyaarinayo inuu qaado tallaabo kale oo halis amni gelin karta dalka, laakiin marka la akhriyo sida ay kooxda u fakartay iyo ficiladooda shantii fano ee lasoo dhaafay ma jiraan wax aan macquul aheyn ayey leeyihiin falanqeeyaasha.

Waa kuma Maxamed Maahir – Ninka ay ka digtay NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa digniin qeyrul caadi ah oo ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Maahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Markii uu baahay warka la xariira beegsiga mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka, ayay bilaabatay in dadku is weydiiyaan qofka uu yahay Maxamed Maahir, fuliyaha shirqoolka laga baqdinta qabo ee ay NISA sheegtay. 

Haddaba waa kuma Maxamed Maahir? 

“Magacu, magac buga in uu yahay waa suuragal, in qof been laga sheego iyaduna wax dhici kara weeyaan” sidaas waxaa yiri Cabdisalaan Guuleed, agaasime ku-xigeenkii hore ee Nabad-Sugida Soomaaliya ee NISA.

Dhanka kale Cabdisalaan waxa uu sheegay in uu tuhun sanyahay nin iska soo dhiibay Al-Shabaab sanadkii 2019-kii kaas oo qaybta sirdoonka Soomaaliya lagu daray 2020 kii isaga oo aan marin qabta dhaqan celinta dadka ka soo goosta Al-Shabaab. Labada magac ee danbe ee ninkaas ayuu ku sheegay Maxamed Maahir.

Cabdisalaan ayaa aaminsan in uu ra’iisul wasaaruhu ku jiro qatar dhab ah, oo ay suuragal tahay in lagu waxyeeleeyo xafiiskiisa ama munaasabad uu ka qayb gali doono.

Soomaaliya, ugub ma ahan in Al-Shabaab beegsadaan mas’uuliyiinta ugu sareysa ee dawladda, saddexdii madaxweyne ee ka horeeyay madaxweynaha hadda xilka haya ayaa ka badbaaday weeraro uga yimid Al-Shabaab, sidoo kale gudoomiyihii hore gobolka Banaadir Cabdraxmaan Yariisoow ayay ku dhex qarxiyeen xafiiskiisa. 

Maahirna ma ahan nin ay warbaahinta taqaano, ama kasoo dhex muuqday madaxda Al-Shabaab. Sidoo kale NISA kama aysan bixinin wax tilmaam ah, sawir ah iyo waliba xilka uu ka hayo Alshabaab. 

Maxay Al-Shabaab ka tiri Maxamed Maahir? 

Dhinaca kale, Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay shirqoolka lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay hay’adda NISA ee ahaa in kooxdan ay beegsaneyso madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta kooxda, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray NISA, isaga oo sheegay in NISA aysan awood u laheyn inay ogaato howlgal ay Al-Shabaab ku beegsaneyso mas’uuliyiinta dowladda.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-Shabaab, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.

Daawo: Geedi oo si weyn u difaacay Farmaajo, kadibna weeraray Shariif iyo Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Muane Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo diiradda saaray u diyaar garowga xuska maalinta ciidanka Xoogga ee 12-ka April.

Geedi ayaa shaaca ka qaaday in la siyaasadeynayo munaasabadda dabaal-degga malinta aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo u dabaal-dagaya sanad guurada 62-aad.

“Sanad guuradii 62-aad ee dhowr maalmood, kadib fooda nagu soo heysa ee 12-ka April dabaal-dageedii ayaa la siyaasadeynayaa waa la diidayaa qaarbaa waxay leeyihiin hala joojiyo, Yaa siiyey awooddaas?,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id Cali Maxamed Geedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu u arko dadka kasoo horjeedo arrintan inay diidan yihiin qaranimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Xoogga dalka Soomaaliyeed yaan la xusin yaan la xasuusanin anigu waxaan u arkaa qaran diidnimo Xoogga dalka Soomaaliyeed waa kuwa ilaaliya dastuurka, xuduudaha dhulka, cirka iyo badda,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu ammaan huwiyey, isla-markaana uu si weyn u difaacay Cali Geedi madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo shaaciyey inuu dhisay ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynayaashii ka horeeyey Farmaajo ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif, isaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen dib u dhiska ciidanka iyo bixinta mushaaraadkooda, mudada ay joogeen.

“Madaxweyne Farmaajo waan uga mahadcelinayaa inuu heerkaas gaarsiiyey, isagaba waxaa lagu heestaa muxuu heerkaa u gaarsiiyey ciidanka? Madaxdii ka horreysay ee labadi dowlo iyada oo deymankii ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda lagu leeyahay ayey meesha ka tageen,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey xuska maalinta 12-ka April ee Xoogga Dalka, iyada oo la sheegay inuu Farmaajo doonayo inuu ka dhigo 21-ka October, si uu u sameeyo dhoolatus weyn, maadaama lagu jiro xilli doorasho.

Laftagareen oo weerar culus ku qaaday Rooble, una rogay xiisadda mid qabiil + Video

0

Baydhabo (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa si weyn u weeraray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo sheegay in uusan marnaba aqbaleyn isbaaro iyo baad siyaasadeed.

Laftagareen ayaa ku dooday in jidka loo taagan yahay oo si sharci darro ah uu Ra’iisul Wasaare Rooble u haysto kuraas kamid ah maamulkaas, si ugu badasho kuwa kale oo uu ka diiday, sida uu sheegay.

“Waxyaalaha aan diidanahay waxa waaye in shuruudo ay kamid yihiin hebel xildhibaan ma ka dhigeysa, waxaas ma bixineysa waa kusii deynayna. Marka maanta oo 2022-ka la joogo ma aqbaleyno in isbaaro iyo baad siyaasadeed nagula sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in Rooble danihiisa shaqsiga ah iyo kuwa saaxiibadiisa u dhow uga faa’iideysanayo doorashada maamulkeeda loo gacan galiyay, taasi oo uu ku tilmaamay wax aan marnaba laga yeeli kareyn.

“Anaga ma rabno nin gurigiisa (Rooble) ka shaqeeya in aan xildhibaan ka dhigno ee waxaa rabnaa in Nin Koonfur Galbeed u shaqeynaya inuu xildhibaan u noqdo. Haddii taas ay shaqeynayso kuwii guryahaaga ka shaqeynayay ee Boosaaso iyo deegaankii aad kasoo jeeday lagaaga soo diiday ayaa u rakaateyn laheyd.”

Waxa uu kusii daray hadalkiisa “Anaga marka nama qasbi kartid mana aqbaleyno in wax aysan Soomaali qabin korka nagala saaro, Aniga oo 20 sano jiro Isbaaro qori lagu wado ayaa diiiday maanta aniga oo 50 sano jira oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ah oo 2022-ka la marayo walaahi aan aqbaleyn.”

Laftagareen oo la fahamsan yahay in uu gadaal ka wado madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa hore xiriirkii ugu jaray Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah masuulka ugu sareeya ee wada arrimaha doorashooyinka.

Xog: Kulane Jiis oo qorshe xasaasi ah u jooga Doolow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa kashifeysa qorshaha rasmiga ah ee Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo garan og-yahay Kulane Jiis oo shalay gaaray magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Kulane Jiis oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka 11-aad ayaa xililgaan qaadashada shahaadada xildhibaano ee bixinayaan guddiga doorashooyinka FIET kaga mashquulsan arrimo uu u dirsaday madaxweyne Farmaajo, xili maalintii lixaad ay xarunta guddiga ka socoto qaadashada shahaadada iyo aqoonsiga xildhibaanka.

Socdaalka Kulane Jiis ayaa la xiriirta fulinta qorshe hoose oo lagu fashilinayo dadaalka maamulka Axmed Madoobe uu ku doonayo in doorashada kuraasta 16-ka ee gobolka Gedo lagu qabto magaalada Ceelwaaq.

Kulane Jiis ayaa durbadiiba magaalada Doolow kula kulmay sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya oo Farmaajo iyo kooxdiisa ay la kaashanayaan damaca ay ku doonayaan gaarida qorshahooda.

Waxyaabaha laga wada-hadlay ayaa waxaa ka mid ah suurta-galnimada ah in ciidanka Eritrea lagu tababaray qaarkood la geeyo gobolka. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday haddii ciidan dheeraad ah oo Itoobiyaan ah la geyn karo gobolka, balse taasi waxay iska horkeeneysa Itoobiya iyo Kenya.

Farmaajo ayaa rumeysan in doorashada Garbahaarey oo loo wareejiyo Ceelwaaq aysan waxba dhaamin in lagu qabto Kismaayo, ayna xaqiijineyso in Axmed Madoobe uu kusoo saaro cidda uu doono.

Rooble weli ma ansixin in doorashada loo wareejiyo Ceelwaaq. Waxaa sidoo kale qorshahan weli ansixin beesha caalamka. Rooble wuxuu doonayaa in doorashadaas dib loo dhigo ilaa tan madaxweynaha, balse waxaa taas diidan beesha caalamka. Xaaladdan ayaa ah mid cakiran

Dhinaca kale, Kulane Jiis ayaa hadal uu u jeediyay dadka deegaanka soo dhoweyntii loo sameeyay kadib wuxuu sheegay in Doolow uu u yimid wadatashi uu la sameynaayo dadka deegaanka iyo waxgaradka gobolka Gedo, isagoo intaa raaciyay in fowdo lagu wado xaquuqdii iyo metelaadii dadka gobolka lahaayeen.

Wuxuu intaa raaciyay Kulane Jiis in isbaaro loo dhigtay 16-ka kursi ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in dadka deegaanka looga baahan inay difaacdaan sharafkooda iyo metelaadii ay xaqa u lahaayeen lagana wada tashado si guud.

“Waxaa muuqada wixii aan idin kaga digeynay labadii sano e lasoo dhaafay, waxaan idin sheegeynay maanta ayey idin cad yihiin oo haddii sharafkiinii iyo metelaadii aad laheydeen lagu dhegan yahay, waxaa waajib nagu wada ah inaan ka tashano si guud,” ayuu yiri Kulane Jiis.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ayaa salka ku haaya doorashada kuraasta 16-ka ee gobolka Gedo, taasoo ilaa iminka xal loo la’yahay.

Gaari looga shakiyay inuu qarax sido oo gudaha u galay madaxtooyada Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) –War goor dhow naga soo gaaray xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in gaari uu watay wiil la dhashay marwada koowaad Seynab Macallin looga shakiyay inuu qarax sido, laguna celiyey albaabka.

Gaarigaan ayaa markii uu gelayay iridka Villa Somalia, gaar ahaan kontoroolka koowaad waxaa ku qeyliyay oo ka shakiyay eeygii baarayay oo ka cararay, sidoo kale waxaa ka cararay eey labaad, waxaana meesha ka dhashay cabsi iyo tuhun xoogan oo galay ilaalada madaxtooyada oo isugu jiray Soomaali iyo ciidanka ATMIS.

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada miino baarista, kuwaasi oo ku guuleystay inay xaqiiqda ogaadaan.

Ciidamada miino baarista ayaa sheegay in wax qarax ah uusan saarneyn gaariga balse waxa eyga uu ka shakiyay ay tahay lugta baabuurka oo soo maray meel baaruud leh, sidaasina uu u bixiyay digniinta.

Guud ahaan waxaa la fasaxay isu socodka oo horay loo joojiyay in dhaq dhaqaaqa Villada Somalia.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay xili feejignaan sare ay ka jirto gudaha Villa Somalia, markii NISA ay ka digtay weeraro kusoo fool leh Farmaajo iyo Rooble oo la doonayo in lagu dilo, balse mucaaradka iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa dignaantaasi u aragtay in ay tahay mid ku socotay Rooble.

Muxuu CC Shakuur ka yiri eryida Fransisco Madeira?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan loo doortay Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay talaabada uu qaaday ra’iisul wasaaraha oo dalka ka eryey Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyey go’aanka ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sheegay in horey aysan u dhicin in safiir Midowga Afrika uu dalka joogo 3 sano ka badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka mucaarad ah ay horey ashtako uga keeneen hab-dhaqanka Fransisco Madeira, balse uu difaacay Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Horay uma dhicin safiir Midowga Afrika ka socda oo 3 sano ka badan dalka joogay. Dhowr jeer oo hore oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta habdhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan iyo xiriirka mugdiga leh ee kala dhexeeya madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo ayaa daafacay,” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan.

Wuxuu sidoo kale intaasi kusii daray “Waxaan kaloo xog ku haynaa in labo jeer oo la bedeli lahaa uu Farmaajo codsaday in xilka loo cusboonaysiiyo,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in afkiisa uu isku eryey, isla-markaana uu ku dhaqaaqan falalka ka baxsan diblomaasiyadda.

“Madeira si curfiga diblomaasiyadda ka baxsan oo aan sariig lahayn ayuu isku soo qaawiyey. Cidna ma eryin ee isaga ayaa afkiisa isku eryey,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu Farmaajo si weyn u difaacay Fransisco Madeira, isaga oo sidoo kalena ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirka gaashaandhiga oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii gudoomiye Mursal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa u jawaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dooday in marka la gaaro 14-ka bishaan haddii aan xal loo helin khilaafka haatan jira aysan suurta gal aheyn in la dhaariyo baarlamaanka, maadaama aysan joogin xubnaha laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Jaamac oo hadalkaasi ka jawaabayey ayaa sheegay in Mursal uusan xaq u laheyn ka hadalka arrintaasi, isla-markaana ay quseyso beelaha sida gaarka ah u leh kuraastaas oo uu ku jiro kursigii oo uu isagu horey ugu fadhiyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

“Dooda kuraasta FEIT ay dib u celisey waxa ay quseysaa beelaha sida gaarka ah u leh kuraasta ee gudiga qaran u gudbiyay cabashooyinkooda. Waxaa la yaab leh in siyaasi beel kale ka soo jeedo uu afka la galo ka hadalka kuraas beelihi lahaa faraqa heystaan, xilli isagu uusan meel ku sheegin kuraasti la xijinaayay,” ” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Afka Koonfur Galbeed waxaa ku hadli karo oo kaliya qof xur ah oo ugu yaraan kursiga uu ku fadhiyo u madaxbanaan,”.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadallada kasoo yeeraya siyaasiyiinta qaar ay khatar weyn u horseedi karaan dalka oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadallada dadka qaar ka soo yeeraayo waxa ay khatar weyn u horseedi karaan dalka oo dhan, musuuliyadana lama wada qaadi doono e’ waxaa qoorta loo suri doonaa qofki balaayada u wanqalay,” ayuu markale qoraalkiisa jawaabta ah ku yiri C/qaadir Maxamed.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Koonfur Galbeed uu khilaaf xoogan kala dhexeeyo Rooble, kaas oo ka dhashay dhammeystirka doorashada Soomaaliya.

Sawirro: Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya usoo diray afar diyaaradood oo sida…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa markale deeq gargaar ah maanta usoo dirtay Soomaaliya, taas oo ka timid magaalada Abu Dhabi, isla-markana loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha.

Deeqdaan oo lagu keenay illaa 4 diyaaradood ayaa waxaa la wareegay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gargaarka ayaa ah 26 Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashinka, sida ay shaacisay wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo qoraal kooban soo saartay

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaan goor dhow kala wareegnay 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashiinka. Waxaa deeqdan si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka XJFS Mudane Axmed Abuukar Axmed,” ayey tiri wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumada federaalka Soomaaliya.

Waa deeqdii shanaad oo ka timaada dalka Imaaraadka Carabta oo horey gargaar kala duwan usoo gaarsiiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Dowladda Imaaraatka waxa ay inoo soo gaarsiisay deeq raadhiin ah oo lagu keenay afar diyaaradood tani waa deeqdii shannaad oo ay dalka soo gaarsiiyaan,” ayey sii raacisay.

Imaaraadka ayaa u muuqdo inuu ku dadaalayo dib u soo nooleynta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo xumaa 5 tii sano ee lasoo dhaafay.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo isku dhawaasho ay sameeyeen xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii uu Imaaraadka gaaray Ra’iisul wasaare Rooble.

Sidee looga falceliyey eryida danjire Fransisco Madeira?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo hadal heyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dalka ka ceyriuey wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Fransisco Madeira ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ka kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Madeira uu laaluush ka qaadanayey Villa Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale shaaciyey inuu siyaasadeeyey howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo hadda lagu beddalay ATMIS.

“Madeira kuma ekayn laaluushka uu ka qaadanayay Villa Somalia ee wuxuu ka shaqeynayay marin habaabinta beesha caalamka iyo sidii dalkaan u qarbudi lahaa, sida aad ka dheehan kartaan codka laga soo duubay ee ugu gafayo RW Rooble, Madaxweyneyaashii hore, Madaxweyneyaasha maamulada qaarkood, siyaasadeynta doorka nabad ilaalin ee Amisom iyo ku qalqaalinta ciidamada Amisom in ay Farmaajo la saftaan si xukunka xoog loogu sii haayo!,” ayuu yiri.

Dhankiisa Axmed Macalin Fiqi ayaa ka falceliyey eryida wakiilka Midowga Afrika, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay calooshiis u shaqayste.

“Fransisco Madeira wuxuu ahaa calooshiis u shaqayste CBB da Farmaajo ka mid ah, waxaana laga laaluushi jirey canshuurta dadka Muqdisho laga qaado,” ayuu yiri siyaasi Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu ka gudbay xeyndaabkii iyo anshixii uu yaallay diblomaasiyadda

“Wuxuu ka soo gudbay xeyndaabkii iyo anshaxii diplomaasiyadda, wuxuuna u caytamayaa sida CBB-da Farmaajo oo kale, talaabada lagu eryay waxay ahayd mid sax ah, Farmaajaha waqtigu ka dhamaaday ee waraaqaha fadhi ku dirirka ay uga soo hartayna waxba laga weydiin maayo eryidda calooshiis u shaqayste Madiera” ayuu raaciyey.

Sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa isna yiri “Mudane Danjire Medeira, waxaa na haysta dhibaatooyin dhexdeenna ah. Fadlan naga tag oo ku bax wakhtiga laguu cayimay gudaheed,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu Farmaajo si weyn u difaacay Fransisco Madeira, isaga oo sidoo kalena ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Rooble.

Dhageyso: Cod laga duubay danjire Madeira oo muujinaya sababta dalka looga eryey

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacado kadib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu amray inuu dalka 48 saac gudahood uga baxo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madeira ayaa waxaa soo baxay cod sir ah oo laga duubay ergeyga.

Codkan oo si qarsoodi ah looga duubay Madeira ayaa muujinaya waxa ra’iisul wasaaraha Rooble ku dhaliyey tallaabada uu qaaday, ooh adda u muuqata mid 100% sax ah.

Madeira waxa uu si anshaxa ka baxsan ugu gefayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ka sameeyey been abuur cad oo ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Xoogga General Odowaa Yuusuf Raage. 

Madeira wuxuu sidoo kale u gefayaa laba madaxweyne oo hore oo uusan magacaabin, balse la rumeysan yahay inuu ula jeedo Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. 

Waxaa intaas dheer inuu aflagaadeynayo una gefayo beesha ay ka dhasheen Rooble, Shariif iyo Xasan Sheekh. 

Arrinta ugu xanuunka badan ee qalbiyo badan taabatay ee uu Madeira ka hadlay ayaa ah dilkii iyo dulmigii loo gyastay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo uu suurad xumeynayo, hoosna u dhigayo, isaga oo ka dhigaya wax aan macno laheyn, kuna jees jeesaya qaraxii lagu dhammaaday ee Beledweyne.

Wuxuu mucaaradka dowladda ku eedeynayaa inay fursad ka dhigteen qaraxii Beledweyne iyo dilkii xildhibaan Aamina, si ay uga aargoostaan, buu leeyahay, madaxweyne Farmaajo.  

Wuxuu sidoo kale weerar ku qaadayaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo isweydiinaya sababta uu Madaxweyne Axmed Madoobe ugu taageero qaddiyadda Gobolka Gedo iyo arrinta deegaan doorashada Garbhaarey. 

Codkan marka la dhageysto wuxuu fadeexad weyn ku yahay Madeira iyo guud ahaan Midowga Afrika. Wuxuu sidoo kale dhaawacayaa madaxweyne Farmaajo oo difaacay Madeira kana horyimid xil ka-qaadista lagu sameeyey. 

Farmaajo oo ka horyimid go’aankii uu Rooble ku eryey ergeyga Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka horyimid go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Francisco Caetano Madeira.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeed kasoo baxay Farmaajo

DOWLADDA FEDERAALKA WAXAY BOGAADINEYSAA DAWRKA MIDOWGA AFRIKA EE NABADEYNTA SOOMAALIYA

Muqdisho, 07 Abriil, 2022: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dawrka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyo qeybta libaax ee ay ka soo qaateen dowlad dhisidda Soomaaliya iyo dagaalka aan kula jirno kooxaha argagixisada.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo danjireyaasha kale ee caalamka waxaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddooma Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha madaxbannaanida dalka.

Go’aan kasta oo taabanaya xiriirka aan dunida la leenahay iyo joogitaanka Safiirada shisheeye ee dalka waa mid saameynaya iskaashiga aanu la leenahay caalamka, waana tallaabo u baahan in lagu saleeyo danta qaranka, kuna timaadda wadatashi.

Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalkeenna waa mid sal adag oo aan ku dhisnayn caadifad, abaal dhac iyo dano gaar ah, Soomaaliyana waxa ay kamid tahay asaaseyaasha Midowga Afrika oo hawlgalka Soomaaliya ku bixiyay dhiig iyo waqti aysan shacabka Soomaaliyeed ilaawi doonin.

Dalkeennu wuxuu ku jiraa xilli ay doorashadu gabogabo marayso, ayna lagama maarmaan tahay taageerada saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika oo gacan wayn ka gaysanaya amniga doorashooyinka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara, waana xilliga aan ugu baahi badannahay inaan ilaashanno xasilloonida, iskaashiga iyo wadashaqeynta dhexdeenna ah iyo tan aan la leennahay saaxiibada caalamka.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku boorinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.

DHAMMAAD

KHEYRE oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey lacagtii laga xanibay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre inuu ka dambeeyey lacagaha laga xanibay Somaliland.

”Khayre oo musharax madaxweyne ahi waxuu ahaa ninkii joojiyey lacagaha Somaliland,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Bishii September 2013 waxaa la aas-aasay Somaliland Special Arrangement oo loogu talo-galay in saddex (3) sano lagu shaqeeyo, si beesha caalamka ay Somaliland ula macaamisho si gaar ah oo ka madax-banaan dowladda federaalka, waxaana ogolaaday dowladdi madaxweyne Xasan Sheekh.

Doorashadii Soomaaliya iyo xukun kala wareegiddii 2016/2017 ayaa sanad qaadatay oo daahisay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiskii Somaliland Special Arrangement. 

Ugu dambeyn June 9, 2018 ayaa xukuumaddii Xasan Cali Kheyre iska diiday in Somaliland Special Arrangement la cusboonaysiiyo, waxaana isla xilligaas joogsaday mashaariicdii caalamku siinayey Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii fasaxay lacag dhan 11.7 milyan oo dollar oo Somaliland laga xanibay, taasi oo isla shalay loo diray guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Rooble ayaa u muuqda inuu taageero ku helay arrintan, kadib markii uu u soo mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxaa sidoo kale u mahad celiyey Faysal Cali Waraabe.

R/W Rooble oo dalka ka ceyriyey wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ka ceyriyey wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, wuxuuna u qabatay inuu dalka uga baxo muddo 48 saac gudahood. 

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday guddiga Midowga Afrika inuu dib ugu yeerto danjire Francisco Madeira uuna u hoggaansamo codsigan.

“Waxaan soo dhoweeneynaa howlgalka cusub ee ATMIS, waxaana sugyenaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. 

Ra’iisul Wasaaraha ma bixin faah-faahin ku saabsan arrimaha uu ku lug yeeshay Madeira, balse waxaa mar walba jiray tuhun ku saabsan inuu yahay shakhsi aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo. 

Cayrinta danjire Francisco Madeira ayaa timid shan bilood kadib markii sidoo kale dowladda federaalka ay cayrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo oo la eryey 4-tii November 2021.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.” 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood.

 “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’.”

DAAWO: Nin muuqaal ka duubay ASKARI uu dilay oo lagu toogtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo Makhribkii lagu toogtay deegaanka Garasbaaley, kadib markii uu dilay hal askari.

Afhayeenka ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay intii lagu howlanaa afurka, wuxuuna ninka askariga dilay duubaayey muuqaal muujinaya sida uu u dhacaayo dilka askariga.

Goobta uu afhayeenku ku qabtay shirkaan jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay meydka ninka la toogtay ee ka tirsanaa Al-Shabaab, hubkiisii iyo kaamiradii uu ku duubay askariga uu dilay oo ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada.

“Dhagarqabaha wuxuu watay kaamirad uu ku cadeynaayo askariga sooman ee uu dilay, sidoo kale wuxuu ku hadlaayey taleefoon, waana lagu hagaayey dilka askarigaas,” ayuu yiri Korneyl Cabdifitaax Aadan.

Ciidan kale oo ka agdhawaa goobta oo ka tirsan booliska Soomaaliya, ayuu sheegay inay isla goobtii ku toogteen ninkaas oo dilka askariga kadib isku dayey inuu goobta ka baxsado, balse aysan u suurta gelin.

“Waxaan uga digeynaa dhalinta Soomaaliyeed ee loo adeegsanayo inay dadka sooman dilaan xiligaan fadliga badan ee lagu guda jira bishaan barakeysan ee Ramadaan, waa idiin furan tahay gacanteena ee ka waantooba waxaas diin la’aanta ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka booliska Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay Cabdi Xasan Deyr

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Shaam Gare ee gobolkaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Deyr oo caan ka ahaa halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shanaab, si looga hortago weerarada ay ka soo abaabulaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda oo ku aadan howlgalkaasi oo ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab.