26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Cali Xarbi Cali oo shaaciyey sabab yaab leh oo uu u dilay xildhibaan DAVID AMES

London (Caasimada Online) – Ninka Soomaaliga ah ee ku eedeysan dilka xildhibaan David Ames ayaa maxkamad u sheegay inuusan wax “qoomamo ah” ka qabin dilka xildhibaankii ka tirsanaa baarlamanka UK.

Cali Xarbi Cali, oo ah 26 jir ayaa sheegay in sababta uu u dilay Ames ay tahay inuu toddoba sano kahor u codeeyey olole militari oo laga fuliyey dalka Syria.

Cali Xarbi Cali ayaa David Ames mindiyeeyey in ka badan 20 goor, xilli uu ku sugnaa kaniisadda Belfairs Methodist ee magaalada Leigh-on-Sea, Essex, 15-kii October 2021.

Isaga oo maxkamadda u sheegaya inuu isku arko inuu yahay “muslim qunyar socod ah”, ayaa Cali wuxuu sheegay in markii hore uu qorsheynayey inuu dilo xildhibaan Michael Gove.  

Waxa uu beeniyey inuu diyaarinayey ficillo argagixiso iyo dilal.

“Waxaan go’aansaday inaan qaado tallaabadan sababtoo ah waxaan dareemay in haddii aan dilo qof qaatay go’aano lagu dilayo muslimiinta, in taasi ay ka hortageyso waxyeello horleh oo gaarta Muslimiintaas,” ayuu Cali Xarbi u sheegay xeer-beegtida Maxkamadda.

Cali ayaa sheegay in David Ames uu ka mid ahaa xildhibaano u codeeyey duqeymo laga fuliyo dhulka ay maamuli jirtay Daacish ee Syria, codeyntaas oo dhacday 2015, xilligaas oo uu ra’iisul wasaare ahaa David Cameron.

Mar Cali la weydiiyey farqiga ay sameysay dilka David Ames, wuxuu ku jawaabay “mid waa, inuusan mar kale codeyn karin.”

“Haddii uu horey u sameeyey codeyn noocaas ah, ma awoodi doono inuu sameeyo mustaqbalka, sidoo kalena waxay fariin u direysaa saaxiibadiisa.”

Mar wax laga weydiiyey Cali, sida uu arko in maalinkii uu dilay David Ames uu isku dayey inuu isaga caawiyo, wuxuu ku jawaabay “Ma waxaa ula jeedaa qaliinka? Haa, sidaas ayaan qiyaasayaa. Waan dilay sababtoo ah wuxuu dhaawacay Muslimiinta, haddii uu I caawiyo markii uu waxaas sameeyey kadib waxba iiguma fadhsio.”

Mar la weydiiyey “wax halis ah ah adiga kuguma hayn?” wuxuu ku jawaabay “wuxuu halis ku ahaa Muslimiinta.”

Cali ayaa sidoo kale sheegay in arrin kale oo aad u dhibtay ay aheyd in David Ames uu ka tirsanaa koox baarlamaani ah oo lagu magacaabo “Saaxiibada Israel ee Conservative-ka.”

Cali ayaa Maxkamadda u sheegay inuusan wax shalaay ah ka qabin dilka Sir David, wuxuuna ku adkeystay inuu rumeysan yahay inuusan sameyn wax khalad ah.

“Haddii aan rumeysanahay in waxa aan sameynayo ay yihiin khalad, ma sameyn lahayn,” ayuu yiri.

Cali ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday “inuu si qota dheera uga qoomameynayo inuu awoodi waayey inuu ku biiro kooxda Daacish.”

Mar la weydiiyey inuu isku arko inuu yahay xagjir, wuxuu ku jawaabay “waxaan ahay muslim qunyar socod ah.”

Maxkamadda ayaa weli socota. 

Maxay tahay HALISTA ka dhalan karta codka sirta ah ee laga duubay Madeira?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Samiiro Qeyd oo ah falanqeeye amni, ayaa iyada oo ka qayb-geleysay dood lagu qabtay Twitter Space waxa ay ka hadashay waxa ka dhalan kara codkii sirta ahaa ee Francisco Madeira, isla-markaana sababay in laga ceyriyo Soomaaliya.

Samiiro Qeyd oo mar xil sare oo dhanka ammaanka ah ka haysay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in codka sirta ah ee laga duubay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu saamayn balaaran ku yeelan karo shaqaalaha Soomaalida ee xerada Xalane.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in shaqaalahaas ay had iyo jeer la kulmaan dhibaatooyin xagga shaqo siinta, markastana lagu eedeeyo in ay bixiyaan siraha ka jira xerada Xalane oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, ayna dagn AMISOM & Safaarado.

Waxa kale oo ay intaasi raacisay in haatan codka sirta ah ee laga qabtay Francisco Madeira ay dhici karto in si gaar ah farta loogu godo shaqaalahaas, islamarkaana lagu waxyeeleeyo.

“Marka ay arrimahan oo kale dhacaan iyaga ayaa markiiba farta lagu godaa,” ayey tiri inta ay dooda socotay Samiiro Qeyd oo ah falanqeeye amni.

Codkan oo si qarsoodi ah looga duubay Madeira ayaa muujinaya waxa ra’iisul wasaaraha Rooble ku dhaliyey tallaabada uu qaaday, oo hadda u muuqata mid 100% sax ah.

Wakiilka Ururka Midowga Afrika waxa uu si anshaxa ka baxsan ugu gefayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ka sameeyey been abuur ku saabsan xiriirka kala dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Xoogga General Odowaa Yuusuf Raage. 

Madeira wuxuu sidoo kale u gefayaa laba madaxweyne oo hore oo uusan magacaabin, balse la rumeysan yahay inuu ula jeedo Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, codkan marka la dhageysto wuxuu fadeexad weyn ku yahay Madeira iyo guud ahaan Midowga Afrika. Wuxuu sidoo kale dhaawacayaa madaxweyne Farmaajo oo difaacay.

MUUSE BIIXI oo shaaciyey wixii dhex-maray isaga iyo Rooble iyo Farmaajo (Daawo)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdiayaa si aan horay looga baran ugu fal celiyay kaalinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Muqdisho ugu qeyb qaateen dadaalka gurmadka loo fidinayay dadkii dhibaatada kasoo gaartay gubashadii suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa si kal iyo laab leh ugu mahad celiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu sheegay inuu soo wacay una muujiyay dareen walaalnimo, islamarkaana uu Rooble balan qaaday inuu si deg deg ah Hargeysa ugu diri doono dhaqaalaha bankiga adduunka uu ku tabarucay Somaliland, balse sanado ay ku xayirnaa bankiga dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale uu Muuse Biixi intaa raaciyay in xukuumada Soomaaliya ay ku tabarucday hal milyan dollar.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale u mahad celiyay madaxweyne Farmaajo iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee muujiyay dareenka walaalnimo, taasoo uu sheegay in ay ku timid wada dhalashada iyo Soomaalinimada marka ay dhibaato dhacdo, wuxuuna guud ahaan Shanta Soomaaliyeed ugu baaqay inay sidaasi si la mid ah isu gurmadaan maadaama la wada dhashay.

“Madaxweyne Farmaajo wuu isoo wacay wuuna ii tacsiyadeeyay, anigane waan ugu mahad noqoy, ra’iisul wasaare Rooble isagana waa ii tacsiyadeeyay, waana ugu mahad noqoy, ra’iisul wasaaraha wuxuu isaga ku daray, waxaan haynaa lacag leydiin soo diray oo baanka adduunka beri hore soo diray oo sababay arrimihii inaga dhaxeeyay halkaan yaalaan, lacagtaas waxaan ku dadaalayaa inaan soo diro, waxaan ku iri, waxaad kusoo dirtaa deg deg waa tan ugu horeyso aan wax kaga qabaneyno suuqa gubtay, ninka diidan iyo kan murmaayo, gebigeed waxaanu gelineynaa suuqaas gubtay, wuxuu iigu daray annaga dowlad ahaan waxaan ku dareynaa hal milyan waa ku mahadsan yihiin,” ayuu yiri Muuse Biixi.

“Waxaan aad ugu mahad noqoyaa ganacsatada Muqdisho ee deg dega u shiray ee muujiyayna dareenka, aad ayaan ugu mahad celinayaa Soomaali weyn meel walbo oo ay joogaan, Kismaayo ha joogaan, Jigjiga ha joogaan ama Jabuuti ha joogo ama Diradhabe ama Boosaaso aad iyo aad ayaan ugu mahad noqoyaa, waan idinka guddoomay dareenka walaalnimo ee aad muujiseen iyo gurmadkaad gasheen, waana tan la isku lahaa, mar walbaa la isku gurmanayaa” ayuu yiri Muuse Biixi oo qiireysan.

Wxuu kaloo u mahad celiyay afar shirkad milkiilayaashooda kuwaasoo kala ah Dahabshiil, Telsom, Maxamed Ow-saciid, Oomaar iyo labo shirkadood oo kusoo biiray, isagoo ku booriyay ganacsatada kale ee Somaliland inay doorkooda qaataan xili walbo dhibaato dhacdo.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka ayaa xubin ka noqotay guddi heer wasiir oo dowladda Jabuuti ay qaban qaabisay, si gurmad loogu fidiyo suuqa gubtay Weehaan ee Hargeysa, hase ahaatee Somaliland ayaa codsaday in la dhowro madax-bannaanideeda iyo qadiyadeeda gooni u goosadka.

Xog: Wasaradda maaliyadda oo dacwad ka gudbisay Wasiirka Boostada DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaada maaliyada ayaa u gudbisay Madaxweynaha qaranka dacwad ka dhan ah wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Sheekh Axmed, taasi oo la xiriirta inuu soo celiyo lacag dhan $134,500 oo ka dheeri ah sahay safar oo uu ka qaatay wasaarada maaliyada sanadkii la soo dhaafay.

Ilo ku dhow Wasaarada maaliyada ayaa sheegay in xisaabxirka sanadka 2021ka lagu ogaaday in wadarta guud ee uu wasiirka boostada uu qaatay sanadkii 2021 ay dhameyd $269,000, taasoo uu ka kala qaatay miisaaniyada wasaarada boostada ee sahay safar iyo mashruuca scaleup ee bangiga aduunka.

Wasiirka ayaa lacagaha qaatay isagoo isticmaalaya isla docoumentska safarka sida boarding pass iyo tikidhada, taasoo markii dib loo baaray la ogaaday inay isleeyihiin, oo safar walba uu 2 mar lacagtiisa qaatay, waana dhaqan ka baxsan midka dowlada maadaama halkii safarba laga bixin karo hal qasnad oo kaliya. Balse wasiirka ayaa labada qasnad ka kala qaatay si ay u badato lacagaha ku soo dhacaya jeebkiisa.

Wasaarada maaliyada iyo mashruuca scaleup ee Bankiga aduunka oo iska ay maamusho isla wasaarada ayaa cabasho ka muujiyay in dalabka wasiirka ee sahay safar uu aad u badan yahay, maadaama bishiiba uu soo dalbado ugu yaraan 2 safar oo isugu jira kuwa fogfog iyo kuwa Afrika ah. Wasaarada maaliyada ayaa la yaaban safarada uu soo dalbanayo wasiirka in mararka qaarkood aysan u qalminin Metelaad heer wasiir ah, taas oo keentay in ay aad u badato gunnada safar ee Wasiirka.

Safarada Badan ee Wasiirka ayaa waxaay sababtay in ay dayacanto shaqadii wasaaradda oo noqotay goob cidlo ah oo aan loo shaqo tagan, wasiirkana uusan wasaarada imaanin muddo 1 sano ku dhow. Agaasime waaxeedyada wasaarada ayaa waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen Wasiirka in uu isku koobay shaqadii Wasaaradda ay u ekaatay goob laga niyad jabay oo aan qofna imaanin.

Maqnaashaha badan ee Wasiirka ayaa waxa ay ujeedadiisu noqotay dhaqaale aruursi iyo badsasho gunnada safarka oo laga helo Wasaaradda Maaliyadda iyo Mashruuca scale-Up ee uu Maalgeliyo Baanka Adduunka. Xariirka Wasiirka iyo Madaxa Mashruuca Isabelle Haward ayaa waxa ay keentay in loo qoondeeyo kaliya safaradda Wasiirka lacag ka badan hal milyan oo doolar oo ka mid ah mashruuca.

Si aan u xaqiijino in wasaarada aysan shaqo ka soconin waxaan u kuurgalnay baraha bulshada ee wasaarada, waxaana noo soo baxday in waxa kaliya ee ka muuqdo ay yihiin safarada wasiirka oo xitaa aadaya shirarka u gaar ah dalal kale oo aan xiriir la lahayn Somalia.

Wasiirka ayaa miisaayadii wasaarada u adeegsnaya sahay safar oo kaliya xili wasaarada aysan awoodin inay iska bixiso korontada bisha, taasoo sababtay in wasaarada dhowr jeer laga jarto korontada, sida ay noo xaqiijiyeen agaasime waaxeeyadii aan la hadalnay oo naga codsaday inaan magacooda qarino.

Lama hubo in wasiirku soo celin doono lacagaha ku maqan ka hor intaysan dhicin doorashada madaxweynaha iyo in kale.

Daawo: Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay cabsida laga qabo qorshaha 12-ka April

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Universal ayaa markii u horeysay meesha ka saaray wel-welka laga qabo maalinta 12-ka April inay dhici karaan dagaal ama in la bartilmaameedsado Ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble iyo xafiiskiisana ay ka qeyb qaadan doonaan maalintaasi qiimaha leh ee ciidanka Soomaaliyeed, hase yeeshe waxa uu qiray in weli ay jirto qatar amni oo dul hoganeysa ra’iisul wasaaraha.

“Meesha kama saareyno in weli damacyada qalafsan oo markii hore keenay wixii ka dhacay billo ka hor xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxyaabahaas inay suurtagal yihiin oo dadka qaar maskaxdooda ka fikireyso meesha kama saareyno laakiin waxaa kalsooni ku qabna in ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed aysan midna ka suurta-gali doonin,” ayuu yiri.

“Runtii gacantii shalay ku fikirtay inay soo weerarto Ra’iisul wasaaraha oo ciidanka qalabka sida u isticmaasho danaheeda inta gacantaas ay awood uleedahay inay waxaas sameyso meesha lagama saari karo inay khatar jirto.”

Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in amniga ra’iisul wasaaraha uu sidii horay u sugnaa uu hadda u sugan yahay, ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM ay iska kaashadaan, wuxuuna meesha ka saaray cabsi ka dhalatay digniintii NISA ay dhawaan soo saartay.

Dhinaca kale, Wasiirka oo wax laga weydiiyay khilaafka kuraasta Gedo ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha rajadiisa tahay in dadka Gedo iyo kuraastooda ay la mid noqon doonto kuraasta kale, islamarkaana aanay ka harin talada dadka Soomaaliyeed iyo masiirkooda meesha lagu gaarayo.

Waxa uu intaas raaciyay in Rooble uu weli wado wada-hadalo ku saabsan halka lagu qaban doono goobta lagu qabanayo doorashada 16-ka kursi, xalintoodiina uu hoggaaaminaayo ra’iisul wasaaraha iyo cid kasta oo ay quseyso.

Hoos ka daawo wareysiga Al-Cadaala oo dhameystiran

Ahlu Sunna oo dib ugu soo xoogeystay gobollada dhexe

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xoogaga Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo kuwo dib u soo xoogeysanaya. Xoogagan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay isu uruursanayay deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud. Bohol waxay dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Xoogaga Ahlu-Sunna ayaa bilaabay inay deegaankan isu uruursadaan, ka dib dagaalkii qaraaraa ee bishii October ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug kula galeen Magaalada Guriceel.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo saldhigtay deegaankaasi ayaa waxay keentay in xoogaga u daacadda ah ay isaga kala yimaadaan deegaanada Gobolada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in maalinba maalinta ka dambeysa ay soo badanayaan Xerta Ahlu-Sunna ee hubka qaadaneysa, kuna biiraya dagaal-yahanada u daacadda ah Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ee ku sugan Bohol.

Sidoo kale Ciidamadii Ahlu-Sunna ee Gobolada Dhexe ee Dowladda Federaalka qarameysay bishii July ee sanadkii 2019 ayaa qaarkood dib ula midoobay Ahlu-Sunna.

Maamulka Galmudug oo malaha taasi daboolaya ayaa horaan sheegay in xoogaga ku sugan Bohol ay bilaabeen inay isu soo dhiibaan maamulka.

25-kii bishii hore ee March weerar u muuqday mid la soo qorsheeyay ayay Xoogaga Ahlu-Sunna ku qaadeen gaadiid ay la socdeen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Galmudug, oo markaasi damacsanaa inay soo kaxeeyeen xubno ka tirsan Xoogaga Bohol ku sugan, oo Madaxtooyada Galmudug la soo xiriiray, una sheegay inay doonayaan in ay isa soo dhiibaan.

Weerarka oo ka dhacay inta u dhaxeyso Bohol iyo Dhuusamareeb ayaa lagu dilay afar askari oo ka mid ahaa Ilaalada Madaxtooyada, halka sagaal kalena lagu dhaawacay.

Ahlu-Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayay hoggaankeeda isaga huleeleen daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020, waxayse dib ugu soo laabteen bartamihii bishii September ee sanadkii hore (2021), iyadoona xoogagooda ay 1-dii bishii October ee sanadkaasi la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel, inkastoo dagaal uu wada hadal ka dambeeyay ay dib uga soo baxeen magaaladaaasi.

Ma cadda waxa keenay dib u soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna ee Gobolada Dhexe, ha yeeshee hoggaankoodu waxay sheegeen inuu ujeedkoodu yahay in ay deegaanka ka xoreeyaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo xaalad amni ka abuuray Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyey gantaalo lagu garaacay UKRAINE + Khasaaraha

Kyiv (Caasimada Online) – Saraakiisha maamusha khadka tareenada ee dalka Ukraine ayaa sheegay in illaa 50 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan shan carruur ahi, weerar gantaal oo lagu qaaday xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine oo la doonayay in laga daadgureeyo dadka rayidka ah ee ka cararaya colaadaha dalkaas ka jira. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay illaa 87 qof oo kale.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay weerarkaas dhimashada badan geystey ee Jimcihii lagu qaaday xarunta tareenada ee Ukraine iyo werarada kaleba “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin” iyo inay yihiin “xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee gargaarka bini’aadanimo iyo kan xuquuqul aadanaha, kaas oo ay tahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha falkaas ku kacay.”

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ku celiyay baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ahaa “in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkan naxariis darada ah” ee ka socda dalka Ukraine.

Labo gantaal ayaa la sheegay in lagu garaacay xarunta tareenada laga raaco ee Kramatorsk. Guddoomiyaha gobolka Donetsk ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku sugnaayeen xaruntan iyagoo isku dayaya in ay u baxaan meelo nabdoon xilli gobolkani uu u diyaar garoobay duullaan weyn oo Ruushku ku hayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Saraakiisha Ukraine ayaa ku eedeeyay dalka Ruushka inuu ka dambeeyay weerarka hase ahaatee Ruushka ayaa iska fogeeyey masuuliyadda weerarkan.

Sidoo kale Jimcihii, xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin waxa uu kala hadlay wasiirka gaashaandhigga Ukraine Oleksii Reznikov “baahiyaha milatariga Ukraine si ay u difaacaan dalkooda,” sida uu ku soo waramayo weriyaha VOA ee amniga qaranka Jeff Seldin.

Austin ayaa ammaanay ku dhawaaqista Slovakia ee la xidhiidha in ay u diri doonto dalka Ukraine, nidaamka difaaca hawada ee S-300, isaga xoghayaha difaaca ee Maraykanku ku tilmaamay nidaamkan “awood difaac oo muhiim ah.”

War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda Ruushku ayay ku sheegtay in gantaalka loo adeegsaday weerarka ee Tochka-U uu yahay mid ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine oo kaliya, isla markaana aanay ciidammada Ruushku wax weerar ah ku qaadin Kramatorsk.

Si kastaba ha ahaatee, website-ka Defence Blog ayaa sheegay 31-kii March in kolonyo gaadiid ah oo militariga Ruushka ah oo sitay gantaaladii dhawaan shaqada ka fariistay – ee reer galbeedka u yaqaaneen SS-21s – la sawiray iyagoo qayb ka ah ciidamada soo duulay ee Ukraine.

VOA

Hawiye oo go’aan culus ka soo saaray Muqdisho kuna dhowaaqay in loo diyaar garoobo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Hawiye, kaas oo laga soo saaray ku dhawaad 10 qodob oo looga hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Ugu horeyn beelaha Hawiye ayaa bayaankaan ku cadeeyey inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoo soo dhaweeyey go’aankii uu dalka uga ceyriyey Madaxii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxgaradka beelaha Hawiye ayaa madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday ku eedeeyey inuu bilaabay isku dirka beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle, isagoo ‘isku dhacooda ka dhex arkaya danihiisa siyaasadeed.’

“Beelaha Hawiye waxay go’aansadeen inay daafacaan doorashada dalka, hadii laga deyn waayo carqaladeynta joogtada ah,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah war-murtiyeedkii ay maanta saareen waxgaradka beelaha Hawiye.

Waxay cadeeyeen in aysan u sii dul qaada doonin in Farmaajo uu sharci darro Soomaaliya ku sii xukumo ama doorashada dalka ay asaga u afduubnaato.

Sidoo kale beelaha Hawiye ayaa ku goodiyey in wadashaqeynta kala dhaxeysa ay jooji doonaan hadii Midowga Afrika uu u hoggaansami waayo go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble dalka uga ceyriyey danjirahoodii Soomaaliya.

“Beelaha Hawiye waxay ugu baaqayaan ciidamada qalabka sida in aan loo adeegsan dhibaateyta shacabkooda, iyagoo fulinaya dano gaar ah oo ay leeyihiin madax mudo xileedkii ka dhamaaday,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale beelaha Hawiye waxay beesha caalamka ku taageereen go’aanada cunaqabateyna loogu soo rogayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee carqaladeynaya doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyntii go’aanka beesha:

“Beelaha Hawiye waxay go’aan ku gaareen oo ku wargelinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, ciidamada, siyaasiyiinta, culumada, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada, inay u diyaar garoobaan difaaca dalka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankii ay soo saareen waxgaradka beelaha Hawiye oo Muqdisho ku shiray.

Hoos ka daawo

QOOR QOOR oo shaaciyey sababta ay u tageen Baydhaba, raali gelina bixyey + Video

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa warbaahinta u dharaxay qorshaha safarkooda Koonfur Galbeed.

Qoor Qoor ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu yahay inay xaliyaan tabashada ay Koonfur Galbeed ka qabto doorashooyinka, gaar ahaan khilaafka Laftagareen iyo Rooble ee salka ku haya kuraasta la go’aamiyey in dib loogu laabto doorashadooda.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa reer Koonfur Galbeed galabta ka raali geliyey wax kasta oo ay u arkeen in looga gardaran yahay, isagoo u balan qaaday in ka wafdi ahaan ay wax kasta oo tabasho ah diyaar u yihiin inay xal kama dambeys ah ka keenaan.

Axmed Qoor Qoor ayaa Cabdicasiis Laftagareen ku amaanay in ‘kaalin nabadoonimo uu ka cayaaray’ doorashooyinkaan jiitanka dheer soo maray ee Soomaaliya ka socda.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa carabka ku adkeeyey in uusan jirin reer, maamul ama qof Soomaaliyeed oo laga socon karo, isagoo tabasho ka qaba howlaha socda ee doorashooyinka.

“Hadii warar meelaha qaar laga maqlay wax Soomaali u dhahan ama reer Koonfur Galbeed qabta maaha, doorashadu wada ogol iyo tanaasul ayey halkaan ku soo gaartay, saas ayey ku soco doontaa, anaguna xalkeedii ayaan u soo aadnay Baydhaba,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Wafdi xildhibaano ah oo maanta ka baxay Muqdisho ayaa Axmed Qoor Qoor ka waday Dhuusamareeb, waxayna caawa u hoydeen Baydhaba, halkaas oo ay ku xayiran yihiin in ka badan 70 xildhibaan oo laga hor istaagay inay shahaadooyinkooda qaataan oo dhaarin u soo diyaar garoobaan.

Sababta ka dambeysa in xildhibaanadaas lagu xayiro Baydhaba waa in guddiga doorashooyinka heer federaal uu diiday natiijada seddax kamid ah kuraastii lagu doortay magaalada Baydhaba, taas oo Cabdicasiis Laftagareen uu aad uga carooday.

Haatan Qoor Qoor iyo koox Xildhibaano ah oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdullahi Sanbaloolshe, Senator Dhegdheer iyo Mahad Cawad ayaa Baydhaba u jooga inay xal ka keenaan khilaafkaan salka ku haya natiijada seddax ka mid ah kuraasta golaha shacabka ka soo gashay deegaanada maamulkaas.

Hoos ka daawo hadalkii uu jeediyey Qoor Qoor

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku caddeeyey mowqifkooda ku aadan go’aankii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dalka uga eryey wakiilkii gaarka ahaa ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayaa go’aanka ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo looga dalbay in uu dalka muddo 48 saac ah uga baxo Danjire Francisco Madeira oo ahaa ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ciidanka AMISOM.  

Goluhu wuxuu rumaysan yahay in go’aanka Raysalwasaaraha uu ahaa mid loo baahnaa, si ka fiirsi lehna looga baaraan degay, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida dalka iyo in aan la aqbalin xagal daacinta hawlaha nabadaynta ama hurinta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah. 

Goluhu wuxuu marar badan ka dalbaday Danjire Madeira in uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Soomaaliya, iyadoo horay dacwad qoraal oo ka dhan ah u gudbiyey Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Nabadgelyada iyo Amniga ( Peace and Security Council) oo dalka booqasho ku yimid.

Goluhu wuxuu amaan ballaaran u jeedinaayaa ururka Midowga Afrika dadaallada ay ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna ku boorrinayaa in ay soo magacaaban ergay xoojiya xiriirka Soomaaliya, hufnaan iyo sumcad leh, dhexdhexaad ka noqda khilaafaadka siyaasadda, taageerana geedisocodka nabadda Soomaaliya. 

Goluhu wuxuu ku baaqayaa dardar gelinta jadwalka doorashooyinka, iyo dhaarinta xildhibaannada cusub ee loo ballansan yahay bisha April 14, 2022, wuxuuna rajaynayaa in doorashadu ku dhacdo mudadii loogu talo galay si nabdoon. – 

Dhammaad

Wafdi gaaray Baydhaba iyo xogta walaaca Muqdisho ee dhaliyey safarkan + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhaba kusoo dhoweyey wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doorto deegaanada Galmudug.

Sababta ay u tageen magaalada Baydhaba ayaa lagu sheegay inay tahay xal u helida khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan cabashada maamulka Koonfur Galbeed ee kuraasta laga xayiray.

Kuraasta uu xayiray guddiga doorashada oo afar ah ayaa saddex ka mid ah laga soo doortay Koonfur Galbeed, halka midka afaraad oo ah kan Fahad Yaasiin uu ka yimid dhanka HirShabeelle.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shalay jeediyey hadal dad badan kiciyey kadib markii uu weerar qabyaaladeysan ku qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo beeshiisa isaga oo sheegay inuu isbaaro u dhiganayo.

“Anaga marka nama qasbi kartid mana aqbaleyno in wax aysan Soomaali qabin korka nagala saaro, Aniga oo 20 sano jiro Isbaaro qori lagu wado ayaa diiiday maanta aniga oo 50 sano jira oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ah oo 2022-ka la marayo walaahi aan aqbaleyn,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta ay hadalka Laftagareen u arkeen inuu xiisad qabyaaladeed iyo naceyb ka dhex abuuri karo beelaha Koonfur Galbeed iyo kuwa Muqdisho. 

Waxaa arrintan xalay ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Musharaxinta Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay Rooble inuu xaliyo tabashada Reer Koonfur Galbeed. 

Waa taas sababta keentay socdaalkan si Lafta-gareen loo qanciyo, waxaana dhanka kale socda cadaadis lagu saarayo Rooble inuu guddiga doorashada ku amro inay fasaxaan kuraasta Koonfur Galbeed.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood ayaa ka cabsi qaba in haddii aan la qancin Reer Koonfur Galbeed ay keeni karto cuqdad dhalisa in codadkooda ay wada siiyaan madaxweyne Farmaajo oo markii horeba la filayey in inta badan ay u codeeyaan. 

Daawo: BEESHA iska leh kursiga HOP#086 ee FAHAD oo war culus soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay maanta iskugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Odayaal Dhaqameedka Beesha Reer Aw Xasan ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu difaacayo kursigooda tirsigiisu yahay HOP#086.

Beesha Reer Aw Xasan ayaa ugu horeyntii ka digtay siyaasadeynta lagu hayo kursigaas oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, kaasi oo dhawaan garab kamid ah guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyay in dib loogu noqonayo doorashadiisa.

“Kursiga HOP#086 waxa uu soo maray dhamaan habraacyadii lagu heshiiyay 17-kii September waxaana lagu soo doortay magaalada Beledweyne, ayada oo goobjoog ka ahaayeen guddiyada SEIT ee HirShabelle iyo FEIT iyo weliba guddiga xalinta khilaafaadka, waxaana kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha.

Qoraalka ayaa si cad loogu sheegay in kursigaas ay doorteen ergada beesha leh oo garwadeen ka ahaa saxiixaha beesha ku metela dhaqanka oo asagu soo xulay ergadii dooratay.

“Waxaa taageereyna war-saxaafadeedkii kasoo baxay madaxweynaha HirShabelle oo ahaa in kursigaan lagu doortay si cadaalad ah, soona maray habraacyadii lagu heshiiyay. Mana jirin wax cabasho ah oo soo gaaray maamulka HirShabelle oo ka timid beesha leh kursigaan ama musharaxiintii ku tartamay.”

Waxay usoo jeediyeen guddiga FEIT inay ka daayan siyaasadeynta kursigaan iyo metelaada beesha, ayada oo war-saxaafadeedka taageero balaadhan loogu muujiyay xildhibaanka dooran ee Fahad Yaasiin.

“Waxaa Beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed ogeysiineyna in xafiisyada u sareysa dalka ay siyaasadeynayaan kursigaan, taasi oo in badan guul-dareysatay ayada oo si toos ah loogu sheegay madaxdaas inay siyaasada ka dhaafan metelaada beesha,” ayaa lagu yiri ugu dambeyntiina qoraalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Tallaabooyinkii ka horeeyay ceyrinta Francisco Madeira ee uu qaaday R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ka ceyriyey wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, isagoona u qabatay inuu dalka uga baxo muddo 48 saac gudahood.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday guddiga Midowga Afrika inuu dib ugu yeerto danjire Francisco Madeira uuna u hogaansamo codsigan. – “Waxaan soo dhoweeneynaa howlgalka cusub ee ATMIS, waxaana sugeynaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ma bixin faah-faahin ku saabsan arrimaha uu ku lug yeeshay Madeira, balse waxaa mar walba jiray tuhun ku saabsan inuu yahay shakhsi aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Haddaba, Wax ka ogow tallaabooyinkii ka horeeyay ceyrinta Danjire Francisco ee uu qaaday Rooble

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr jeer u gudbiyay Midowga Arifka cabasho ka dhan ah Francisco Madeira iyo digniino si uu ugu waantoobo “ku kaca waxyaabaha ka baxsan anshaxa iyo shaqada uu dalka u joogo”, sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Waxa uu aakhirkii ku dhawaaqay Rooble go’aanka ceyrintiisa, kadib markii ay natiijo kasoo bixi weyday dacwooyinka iyo digniinaha uu gudbiyay.

Al-Cadaala ayaa sheegay in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ku kacay falal ka baxsan mas’uuliyada uu u xil saarnaa, kuwaas oo halis ku ahaa qaranimada Soomaaliyeed, midnimada ummadda, dhaawacaysana kalsoonida lagu qabo howl-galka Midowga Afrika iyo falal anshaxa ka baxsan oo uu ka gaabsaday inuu faah-faahiyo.

“Waxa uu Francisco Madeira kasoo gudbay xeyndaabkii, wuxuuna aad ugu milmay siyaasaddii arrimaha Soomaaliya, isaga oo qaaday tallaabooyin ka careysiiyay dad badan oo Soomaaliyeed, inuu soo fara-geliyay mudadii sanadka iyo barka khilaafka siyaasadeed jiray arrimaha doorashada,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay oo Madeira ku eedeeyay inuu ku kacay arrimo musuq-maasuq ah, cadeymaheedana la haayo markii loo baahdana lasoo bandhigi doono.

Waxa uu intaas kusii daray in Francisco Madeira uu si shaqsi ah u aflagaadeeyay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo madax hore ay ku jiraan iyo in sidoo kale qalalaase uu ka dhex abuuray ciidamadii AMISOM iyo hay’addihii dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, Madeira ayaa la rumeysan yahay inuu si toos ah ugu xirnaa Farmaajo, oo asagu si adag uga horyimid ceyrintiisa, waxayna arrintaan imaaneysa xili uu dagaal siyaasadeed xoogan ka dhaxeeyo labada xafiis ee ugu sareeya dalka.

Xukuumada Rooble oo ka hadashay weerarkii Lafta-gareen & sababta kaliftay in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa si adag uga hadlay weerarkii uu shalay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo uu ku sheegay in si gaar ah loogu beegsanayo arrimaha doorashooyinka.

Al-Cadaala ayaa ugu horeyntii beeniyay in Ra’iisul wasaaraha uu fara-geliyay guddiyada doorashada iyo in si gaar ah uu u bartilmaameedsaday shaqsiyaadka ku fadhiya afarta kursi ee la xayiray.

Waxa uu sheegay in Rooble shaqadiisa tahay socod siinta doorashada, waxa kaliya ee lagu tilmaamo karo “fara-gelin uu qaaday” ra’iisul wasaaraha ay tahay inuu qaado waxa kaliya ee looga hortagayo fara-gelinada runta ah ee in guddiga la kala qeybiyo, carqalado laga dhex abuuro, tallaabooyinkaasina haddii ay yimaadaana waa ku qasban yahay Ra’iisul wasaaraha inuu tallaabooyin qaado.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in madaxweyne Lafta-gareen ay carada ka tan badatay, ayna u cudur daarayaan maadama culeyso badan iyo cadaadis hor leh la saarayo, taasi oo sida la fahamsan yahay uga imaaneysa dhanka Villa Somalia.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shalay Rooble ku eedeeyay inuu isbaaro u dhigtay Koonfur Galbeed, shuruudaha lagu xerayna ay ka mid yihiin in shaqsiyaad uu wado laga dhigo xildhibaano, taasi darteedna loo hortaagan yahay kuwa si sharci ah loo soo doortay, sida uu sheegay.

“Ma jirto cid gaar ah oo xildhibaan ka dhigi karta, Ra’iisul wasaare Rooble ama Lafta Gareen-na cid ay xildhibaan ka dhigi karaan majirto, waxaa dira culeys badan oo la saarayo madaxda maamulada qaarkooda,” ayuu yiri Al-Cadaala

Al-Cadaala ayaa eedeymahaas ka leexiyay Rooble isaga oo sheegay in qaraarka iyo go’aanadana cida gaaraysa ay tahay guddiyada doorashada oo go’aankooda ku saleeya habraacyada doorashada, kuwa la xanibay iyo kuwa la fasaxayna ay isku mid yihiin, maadaama guddiga uu labadaas go’aan gaaray sidaas in loo raacana ay haboon tahay.

Ugu dambeyntiina waxa uu rajo wanaag ka muujiyay in Cabdicasiis Lafta-gareen tabashadiisa la xalin doono, Ra’iisul wasaarahana uu diyaar u yahay, isaga oo sheegay in hadalka kasoo baxay Lafta-gareen ay la yaabeen shacabka Soomaaliyeed, uuna rajeynayo in carada ka degto odaynimadiisana uu ku noqdo.

BIDEN oo soo xigtay aayad QUR’AAN ah iyo xadiiska NABI Muxammad NNKH

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo xigtay Xadiis uu nabi Muxammad NNKH uga hadlay is caawinta dadka Muslimiinta ah, isagoo ka hadlayay in wax loo taro dadka uu nolosha culeyska ka haysto.

Qoraal lagu shaaciyay bogga internet-ka ee Aqalka Cad ayuu Madaxweyne Biden uga hadlay arrintan, isagoo sidoo kale dadka Muslimiinta ah ee caalamka ku nool ugu hambalyeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Muslimiinta Mareykanka iyo kuwa dunida kale ayuu usoo diray farriin ka socotay isaga iyo xaaskiisa, taasoo uu ugu bogaadinayay bisha soonka ee sanadkiiba hal mar nasoo marta.

“Dhammaan dadka ku kala sugan caalamka, oo ay ku jiraan dadkayga Mareykanka ee dunida daafaheeda kala jooga, waxay bishan barakaysan u tahay waqti ay ku xoojinayaan iimaankooda. Bulshooyin ayaa isu imanaya si ay u sameeyaan iscafin iyo samir, iyagoo naxariis u muujinaya caawinaadna siinaya dadka u baahan, farxaddooana waxay la qaybsanayaan dadka ay jecel yihiin,” ayuu yidhi Biden.

Hase yeeshee arrinta hadal-haynta dhalisay ayaa ahayd markii uu madaxweynaha Mareykanka bayaankiisa kusoo daray qoraallo turjumaya Aayad Qur’aan ah oo ku jirta kitaabka iyo xadiis ka sugnaaday nabi Muxammad NNKH, oo ku saabsan dhinaca is caawinta.

Biden waxa uu sheegay in la joogo waqtigii lasii wadi lahaa kasoo kabashada cudurka safmarka ah ee dunida aafeeyay, waxa uuna ku baaqay in qof walba uu dadaal ku bixiyo sidii uu ugu istaagi lahaa garab qabashada dadka tabaalaysan ee ku nool meel walba oo ka mid ah dunida.

“Qur’aanka Kariimka ah waxa uu dhigayaa, ‘Qofkii sameeya wanaag miisaankiisu la eg yahay waxa ugu fudud wuu arki doonaa natiijada,” ayuu yidhi Biden.

Qoraalkaas waxa uu kusoo xigtay aayad Q’ur’aan ah oo ku jirta suuratul Zalzalah, oo ay Soomaalidu qaarkood u garan og yihiin “Idaa sulsilat”.

Sidoo kale madaxweyne Biden ayaa si dadban usoo xigtay xadiis ka sugnaaday Nabi Muxammad NNKH, oo ka hadlaya wax bixinta.

“Maalin walba, waxaan aragnaa dhacdooyin qalbi jab ah oo ku saabsan dad noloshooda waayay iyo sawirrada qoysas iyo carruur dhibaato ka haysato sidii ay u noolaan lahaayeen. Musiibooyinkan waxay na xasuusinayaan bani’aadanimada aan wadaagno – iyo sida isku midka ah ee ay diimaha wanaagsan uga qabaan mowqif hal ah, waxaana ku jira Islaamka – oo sheegaya in mar walba aan dadka kale siinno waxa aan nafteenna la jecel nahay,” ayuu bayaanka ku yidhi Biden.

Hadalkaas waxa uu fasirkiisa noqonayaa xadiiska uu nabigu dadka Muslimiinta ugu boorrinayo in “qof ka uu walaalkiis u huro waxa uu naftiisa la jecel yahay”.

Marar hore uu Biden soo jiitay indhaha dad badan oo baraha bulshada iyo warbaahinta isticmaala, isagoo soo qaatay waxyaabo gaar u ah Islaamka.

Bishii September ee sanadkii 2020-kii ayay hadal hayn baaxad weyn ka dhalatay eray kasoo baxay Biden afkiisa, xilli uu ku jiray ololaha doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee uu markaas u tartamayay.

Waxaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayaa erey kasoo baxay musharraxa madaxtinnimada doorashada ee xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden xilli uu ka qeybgalayay dood kulul oo u dhexeysay isaga iyo ninka uu loolanka adag ka dhex taagan yihiin ee madaxweyne Donald Trump.

Joe Biden ayaa yiri ‘Inshaa Allah’ kaddib markii Trump uu ku yiri , ‘Waxaad arki doontaa qaabka aan canshuurta u celiyay’.

Biden iyo Trump ayaa markaas loo qabtay dood caalamka laga wada daawanayay, waxaana madaxweynihii hore ee Mareykanka lagu haystay arrimo ku saabsan canshuur celinta.

Macquul ma tahay in lagu laabto kursiga Fahad Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer Federaal ayaa sii fogeeyey xaalka afar kursi oo uu guddigaani ka reebay kuraastii sida rasmiga ah loo doortay ee baaramaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray dhawaan ayuu guddiga doorashada ayaa lagu faah-faahiyey sababaha rasmiga ah ee kuraastaan loo reebay.

Afartaan kursi, saddex waxaa laga leeyahay Koonfur Galbeed midna HirShabelle. Kursiga sida weyn isha loogu wada hayo waa HOP#86 kaasoo uu Fahad Yaasiin kasoo qaatay magaalada Beledweyne ayaa sababta loo reebay wuxuu guddiga ku sheegay dacwad ka timid nabadoonada beesha Kursiga iska leh iyo mid kamid ah musharixiintii u taagnaa kursigaas.

Hadalka guddiga wuxuu meesha ka saarayaa warar soo baxay kuwaas oo sheegayey inay socdaan wada-hadallo lagu xalinayo muranka afartaasi kursi.

Guddiga waxay soo jeediyeen in dib loogu laaban doono doorashada afartaasi kursi iyagoo xusay inay dib kasoo sheegi doonaan waqtiga la qabanayo iyo goobta lagu qaban doono intaba.

Hadalka guddiga waxaa ka muuqatay inuu dhammaaday waqtigii Golaha Wada-tashiga Qaran oo isaga la filayey inuu xalka ugu dambeeyo ka gaaro kuraastaan lagu dhagay.

Qoraalka guddiga oo ah in afartaas kursi xilliga la qaban doono iyo goobta lagu qaban doono inuu guddiga soo sheegi doono ayaa sidoo kale ka dhigan in guddiga doorashada isaga gacantiisa ku qaban doono oo aan loo baahneyn guddiyadii heer maamul Goboleed.

Seddexda kursi ee kale waxaa ku jira kursiga HOP#103 oo uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa jira dad badan oo taageersan dooda kusiga Jawaari maadaama aan wax siyaasad ah ku lifaaqneyn kursigiisa sida kursiga Fahad.

Tallaabadaan ma sahlana. In doorashadaan guddiga heer Federaal gacantooda ku qabtaan waxaa diidaya sharcigii lagu dhisay guddigaan. Maamulada HirShabelle iyo Koonfur Galbeedna ma ogola in doorashada kuraastaan dib loogu laabto.

Qoraalka guddiga wuxuu sababi karaa in kuraastaan kor loo hayo ugu yaraan inta ah ka dhammaato doorashada guddoonka baarlamanka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa waxaa u cad in Fahad Yaasiin la dhaafiyo doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, waxaana macquul ah in kadib la iska fasaxo kuraastaan.

Iyadoo 14-ka bishaan la rabo in la dhaariyo xildhibaanada dooran ee baarlamanka 11-aad in kuraastaan loo diro dib u doorasho ma ahan mid farxad gelineysa xubnaha hadda ku fadhiya kuraastaan.

Xubnaha guddiga laftooda waxaa macquul ah inay cadaadis kala kulmaan mowduuca ku laabashada maadaama aad looga soo horjeedo wax walba oo sii daahin kara doorashada.

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo xildhibaanadiisa Baydhaba isugu geeyey si ay wada-tashi uga yeeshaan xaaladaha soo kordhay ee doorashadaan ayaa la aaminsan yahay inay fariintani sii fogeyn karto mowqifkiisa.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay dhawaan soo jeediyeen in xaaladaha qaar loo baahan yahay in laga gaaro go’aan wadajir ah oo aan lagu socon karin rabitaanka Hal qof, laakiin sida muuqata hadda golaha Wada-tashiga Qaran waxba looma hambeyn.

Tallaabooyinka qaar ayaa uga sii dari kara xaalka doorashada Soomaaliya.

XOG: Mowqifka BEESHA caalamka ee ku aadan afarta kursi ee la xayiray + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya James Swan ayaa soo faro-geliyey xiisadda ka taagan afarta kursi ee golaha shacabka ee guddiga doorashada uu sheegay in doorashadooda dib loogu noqonayo.

James Swan ayaa shalay la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Isla guddiga, si ay warbixin uga siiyaan hannaanka doorashada Soomaaliya.  

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, James Swan ayaa ku boorriyey guddiga inay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi ee Guddigu aysan siin shahaadooyinka si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan dib u sii dhicin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan uu ka codsaday guddiga inay fasaxaan kuraastaas, islamarkaana loo ogolaado inay qaataan shahaadada xildhibaan, si loo fududeeyo dhamesytirka hanaanka doorashada.

Afarta kursi ayaa kala ah: HOP#154, HOP#103, HOP#204 iyo HOP#086 oo ah kursiga loo doortay Fahad Yaasiin, ahna midka ugu hadal haynta badan. 

Xayiraadda la saaray kuraastan ayaa dhalisay in maamulka Koonfur Galbeed oo saddex ka mid ah kuraasta lagu soo doortay uu qaadaco shahaado siinta xildhibaanada. Madaxweynaha maamulkaas Lafta-gareen ayaa shalay weerar ku qaaday ra’iisul wasaare Rooble, kuna eedeeyey inuu si gaar ah u beegsaday maamulkiisa.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in James Swan iyo guud ahaan beesha caalamka ay rumeysan yihiin in afarta kursi ee la xayiray aysan waxba ka duwaneyn kuraasta kale oo badankood lagu soo doortay nidaam khaldan, sidaas darteedna aysan jirin sabab si gaar ah loogu beegsado.

Ayada oo sidoo kale ay arrintan ka hadleen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta sida Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa kordhaya cadaadiska la saarayo Rooble iyo guddiga doorashada, waxaana ay u badan tahay in kuraastan la fasaxo.

A/Madoobe oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan ceyrinta danjire Francisco Madeira

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa war-xafaadeed uu soo saaray ku caddeeyey mowqifkiisa ku aadan go’aanka dalka looga eryey wakiilkii gaarka ahaa ee Midowga Afrika Francisco Madeira.

Madeira ayaa waxaa eryey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble kadib markii uu soo baxay cod laga duubay oo uu ku aflagaadeynayo ra’iisul wasaaraha, madaxweyneyaal hore, iyo qaar ka mid beelaha Soomaaliyeed, kuna jees-jeesayo dilkii xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Axmed Madoobe. 

Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday.

Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin.

Sidoo kale waxaa uu in mudo ah ka caga jiidayay howlgalada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM isagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummada inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.

Sheekh Shariif oo war kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya ROOBLE iyo Lafta-gareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in deg deg loo xaliyo tabashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku aadan saddexda kursi ee xildhibaan ee guddiga doorashadu ka xayiray.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Shariif

Ugu horreyntii waxaan bogaadinaayaa shaqada RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka taas oo ku aadan bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed taas oo hadda mareysa meel fiican.

Dhanka kale waxaan aad uga walaacsanahay kala ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii waqtiga dheer la sugayay soo gebagebeynteeda. 

Sida la ogsoon yahay, doorashooyinku waxay soo mareen caqabado fara badan oo keeni karay burbur, hadana mar walba waxaa looga soo gudbayey wada hadal, is fahan iyo isu tanaasul. Khilaafkaan hadda taagan hadii aan xal loo helin wuxuu keeni karaa in lagu fashilmo qabashada doorashada, waxaana ka dhalan kara natiijooyin aan dalka iyo dadkuba u wanaagsanayn oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka jiilasha soo socda.

Sidaas darteed waxaan usoo jeedinaayaa Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Lafta Gareen in ay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is fahan-waaga la xiriira doorashada, tallaabo kasta oo la qaadayana waa in ay ahaataa mid isu dheelli tiran oo aan keeneyn dareen loo fahmi karo in maamul gaar ah la beegsanayo.

Ugu dambeyn waxaan diyaar u nahay in aan kaqayb qaadanno xal u helidda iyo is fahamka RW & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan u mahad celineynaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka dalka sida wanaagsan ee ay inoo garab taagan yihiin, guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaana doorashooyinka.

Guudlaawe oo HOP#106 ka dhigay mid furan oo toddoba murashax ay ku tartamayaan

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa kulan uu la qaatay murashaxiinta u tartamaya kursiga tirsigiisu tahay HOP#106, kuwaasi oo tiradooda dhan yihiin todobo murashax oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid gaar ah oo loo xirayo kuriga HOP#106 ee beesha Galmaax, uuna noqon doono mid furan ciddii uu alle u calfana ay kusoo bixi doonto.

Kursigaan oo doorashadiisa ay dhici doonto 9-ka bisha ayaa waxay murashaxiinta oo wada socda ay la kulmeen Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxayna ku amaaneen sida wanaagsan ee hufnaanta leh uu xil isaga saaray inuu kursigaan noqdo mid furan.

Waxaa ku tartamaya kursigaan murashaxiinta kala ah Shadoor Xaaji Maxamuud, Cabdi Kaafi Makaraan, Cabdifitaax Yaanyo, Cabdullaahi Cadde, Yuusuf Jaalle,Cismaan Xaadoole. Inta badan xubnahan ayaa ah kuwa kasoo horjeeda siyaasadda Villa Somalia, marka laga reebo Yuusuf Jaalle oo saaxiib la ah Farmaajo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in musharaxin kale ay maanta isa soo taagi doonaan.

Wararka aan ka heleyno Jowhar ayaa sheegaya in murashaxiinta ugu cad cad uu kow ka yahay Shadoor Xaaji Maxamuud oo ah nin dhalinyaro ah oo horay ula soo shaqeeyay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, haddana ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waana aqoonyahan heerka aqoontiisa sareyso iyo wariye hore oo siyaasadda u xuub siibtay.

Murashaxiinta kale ee tartamaya ayaa waxaa ku jira Yuusuf Jaalle oo saaxiib dhow la ah Farmaajo, balse rajadiisa ay tahay mid liidato, maadaama loo arko shaqsi Villa Somalia riixeyso, wuxuuna

Dhanka kale, waxaa kursigaan horay ugu fadhiday Drs. Mino Xasan Shibis, balse xiligaan ka quusatay in dib danbe loo doorto maadaama beesha ay ku madasho ee Galmaax wixii ay ka sugayeen ay gabtay inay qabato, danaheeda mooyee.