26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Tirada xildhibaannada BF ee SHAHAADADA qaatay oo gaartay 200 + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dalka heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaannada qaatay shahaadada ay maanta gaareen illlaa 200 oo xildhibaan oo isugu jiro labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay dardar ku socoto shahaado siinta xildhibaanada cusub, isla-markaana ay dhowdahay munaasabadda dhaarinta.

“Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan isku darka labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga FEIT.

Tirada guud ee xildhibaanada ayaa marka la isku geeyey labada Aqalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxay dhaafeen kooramka ay xildhibaanada ku shiri karaan kuna dooran karaan guddoomiyeyaal iyo madaxweynaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay ATMIS ay ku dhowaaqday in la xirayo garoonka Aadan Cadde, iyada oo howlgallo laga bilaabayo xerada Xalane, taas oo ay dad badan u arkaan in lagu carqaladeynayo munaasabadda dhaarinta ee xildhibaanada cusub.

Halkaan hoose ka akhriso liiska xildhibaanada  qaatay shahaadada:-

1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070
8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11
14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
17. Muse Said Jama GSH#263
18. Ahmed Abdi Koshin GSH#205
19. Hirsi Adan Roble GSH#101
20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#15
21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
22. Nadra Salah Abdi GSH#257
23. Duniya Mohamed Ali AS#014
24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
27. Omar Ali Abdi GSH#035
28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
33. Adar Ali Mohamed GSH#081
34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
36. Ali Mohamud Adam GSH#240
37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
38. Zamzam Mohamed Omar GSH#243
39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
41. Ali Mohamed Omar GSH#115
42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
44. Khalif Abdi Omar GSH#032
45. Mariam Aweis Jama GSH#113
46. Jama Mohamed Askar GSH#254
47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
48. Shamso Hassan Elmi GSH#020
49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
54. Saed Abdi Hussein AS#39
55. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
56. Shariif Abdalla GSH#085
57. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
58. Hussein Mohamed Nur GSH#051
59. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
60. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
61. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
62. Hassan Abdi Ismail GSH#217
63. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
64. Roda Arab Abdi GSH#219
65. Sahra Olad Abdi GSH#018
66. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
67. Leila Ahmed Ismail AS#37
68. Ahmed Mohamed Ali AS#21
69. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
70. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
71. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
72. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
73. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
74. Ali Shaban Ibrahim AS#23
75. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
76. Salah Ahmed Jama AS#34
77. Guled Bihi Abdi GSH#255
78. Ahmed Osman Dirie GSH#233
79. Abdinur Ali Aden GSH#028
80. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
81. Abas Ali Ibrahim GSH#111
82. Mohamed Abukar Ali GSH#025
83. Adar Hared Jibril GSH#132
84. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
85. Bihi Iman Egeh GSH#237
86. Abdiqani Ismail Said GSH#241
87. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
88. Adnan Osman Elmi GSH#236
89. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
90. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
91. Nasro Mahdi Arale GSH#023
92. Leylo Nur Maah AS#07
93. Sahra Jama Ali GSH#134
94. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
95. Hassan Dahir Yarow AS#05
96. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
97. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
98. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
99. Ilyas Badal Gabose AS#01
100. Mohamed Hassan Adam GSH#133
101. Abdillahi adan Ahmed GSH#193
102. Hamza Abdi Barre GSH#203
103. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
104. His Hassan Adan GSH#015
105. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
106. Maryan Mohamud Isse GSH#226
107. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
108. Osman Mohamed Abdi GSH#022
109. Fadumo Hassan Ali GSH#210
110. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
111. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
112. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130
113. Osman Abokor Mohamed Dubbe AS#36
114. Abdirahman Ahmed Suge GSH#245
115. Ibrahim Awgab Osman AS#06
116. Hassan Idow Mohamed AS#22
117. Nor Mohamed Gedi AS#18
118. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
119. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
120. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
121. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
122. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
123. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
124. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
125. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
126. Fardowsa Osman Egal HOP#232
127. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS#54
128. Deqo Hassan Hussein AS#43
129.Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008
130. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52
131. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
132. Hirsi Jama Gaani GSH#223
133. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
134. Said Mohamed Ali GSH#093
135. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04
136.Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248
137. Osman Ali Yusuf GSH#198
138. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02
139. Muse Sudi Yalahow AS17
140. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
141. Qali Ali Shire GSH#060
142. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092
143. Maryan Farah Kahiye AS#08
144. Ahmed Mohamed Said AS#41
145. Mahdi Mohamed Gulaid
146. Mohamed Adam Dini GSH#036
147. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50
148. Said Ali Muse GSH#027
149. Ismail Shire Jama GSH#142
150. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075
151. Abdikani Gelle Mohamed AS#44
152. Abdullahi Farah Mire GSH#228
153. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191
154. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53
155. Farhiya Yusuf Omar GSH#121
156. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128
157. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220
158. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174
159. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158
160. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221
161. Ali Mahdi Mohamed GSH#169
162. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222
163. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190
164. Samira Maxamud Haji AS#51
165. Saynab Ismail Mohamed AS#45
166. Mohamed Abdi Osman AS#49
167. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
168. Farhan Ali Hussein AS#47
169. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
170. Mohamed Farah Nur GSH#192
171. Abdikafar Elmi Hange GSH#144
172. Mohamood Ahmed Adan GSH#157
173. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059
174. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019
175. Abdirahman Idan Yonis GSH#259
176. Ali Yusuf Ali Hosh GSH#200
177. Ismail Abdulrahman Basheir GSH#238
178. Abdikarim Omar Hussein GSH#074
179. Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068
180. Dr. Mohamed Hassan Mohamed GSH#207
181. Bashir Abdi Mohamed GSH#273
182. Faisal Ahmed Mohamud GSH#149
183. Abdullahi Hassan Roble GSH#249
184. Said Siyad Shirwac AS#09
185. Hussein Ahmed Ulusow GSH#021
186. Farhan Ali Mohamoud AS#10
187. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03
188. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094
189. Ali Haji Adam Abukar GSH#039
190. Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105
191. Khadra Mohamed Tukale GSH#247
192. Amina Omar Jama GSH#202
193. Dahir Ayanle Said AS#48
194. Abdirahman Abdishakur Warsame GSH#138.

195. Abdisamad Mohamed Hassan GSHHOP#139
196. Yusuf Hayle Jimale GSH#012
197. Mohamed Hussein Hadi GSH#209
198. Khadija Mohamed Almakhzoum GSH#034.

Maxaa ka dhexeeya tallaabada ATMIS iyo eryidda Madeira?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Jubaland Aadam Ibraahim Aw-Xirsi oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka cusub ee u dhexeeya hoggaanka Villa Soomaaliya ee ka dhashay ceyrintii Danjire Francisco Madeira.

Aw-Xirsi oo horey u soo noqday wasiirkii hore ee qorsheynta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax xiriir ah ka dhexeyn tallaabada ay ku dhowaaqeen ciidamada ATMIS o maalmaha soo socda howlgallo ka bilaabaya Xalane iyo eryida Madeira.

Wasiir hore Aadan Ibraahim Aw-Xirsi ayaa dhaq-dhaqaaqyada cusub ee howlgalka ATMIS la xiriiriyey kuwo lagu xaqiijnayo amniga, kadib weerarkii Shabaab ee garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in suuragal ay noqon karto waraaqda kasoo baxday ATMIS inay xiriir la leedahay munaasabadda dhaarinta ee xildhibaanada cusub.

“Uma eeka waraaq xiriir la leh eryidii Madeira, haddii ay wax xiriir ah la leedahay waxay xiriir la leedahay weerarkii Al-Shabaab kusoo qaadeen garoonka iyo dhaarinta soo socota xildhibaanada ee 14-ka la dhaarinaayo,” ayuu wareysiga ku yiri wasiir hore Aadan Aw Xirsi.

Siyaasiga oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Midowga Afrika uusan adeegsan karin ciidan, isla-markaana ay dalka ku joogaan sharciyad, maadaama uu nidaam ka jiro.

“Midowga Afrika yacni muruqooda manoo gilgili karaan dalkan sharcibey ku joogan xukuumadbaa ka dhisan ra’iisul wasaare leedahay, madaxweyne leedahay marka ma noqon karaa ciidan meesha xoog ku heesta,” ayuu hadalkiis sii raaciyey Mr Aadan Aw-Xirsi.

Waxa kale oo uu kusii daray “Ninka uu ra’iisul wasaaraha ku mutay waa tegayaa oo ninkaas waa baxayaa, marka dowladda iyada ayey tahay in si ay u tacaamusho,”.

Si kastaba, howlgalka ATMIS ayaa ku dhowaaqay in la xirayo guud ahaan xerada Xalane 10-ka illaa 16-ka bishan April, tallaabadaas oo loo arko mid lagu carqaladeynayo dhaarinta xildhibaanada cusub oo munaasabaddooda loo qorsheeyey in la qabto 14-ka bishaan April.

XASAN Sheekh oo ka digay arrin uu damacsan yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay walka walka laga qabo in madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan doonayn in uu xilka ku wareejiyo si nabad ah.

Xasan Sheekh oo la hadlayay Bogga Hanoolaato ayaa sheegay in beesha Caalamka, mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed waqti galiyeen sidii dalkaan doorasho ugu dhici leheed loogana gudbi lahaa marxaladaan halista ah.

Waxa uu yiri “Inay yartay cabsida laga qabo in dalkaan uu galo dagaal qabiil iyada laga tusaale qaadanayo dhibaatooyinka ay u soo dulqaateen si loo gaaro dowladnimo buuxda”.

Madaxweynihii 8 aad ee Soomaaliya ayaa sheegay in dalkaan uu halis badan ku jiray tan iyo markii talada dalka lagu wareejiyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday horaantii sanadkii 2017-kii” marka la fiiriyo sida loo baalmaray dastuurka dalka iyo dhacdooyinkii foosha xumaa dalka ka dhacay”.

Xasan oo hada ah Musharax Madaxweyne ayaa cadeeyay “in marnaba uusan Farmaajo doonayn in doorasho si xor iyo xaal ah dimuqoraadi ah lagu kala baxo, laga soo bilaabo weerarkii Jawaari iyo Baarlamaanka lagu qaaday, wixii laga sameeyay dowlad goboleedyada dalka lagu soo gabagabeeyay sidii xilka looga qaaday ra’iisul wasaarihii seddex iyo bar la soo shaqeeyay”.

Farmaajo iyo nidaamkiisa ayuu ku eedeeyay in ay ku guuldaraysteen in ay hal maalin xitaa fiiriyaan waxa ku qoran dastuurka dalka oo dhigaya dhamaan qodobada la isku haayo xalkooda.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in qaladaad badana ay samaysay dowladda Farmaajo xilliga doorashada isaga oo qiray in doorashadu aysan ahaanayn ceeb la’aan.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Doorashada Soomaaliya ay maraysa meel xasaasi ah, iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ay kamid yihiin saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya halka kuwa kalana loo diiday in ay shahaado qaataan sababo la xiriira cabasho laga keenay kurastooda.

Shahaado siinta xildhibaanada ayaa si dar dar leh uga socota magaaladda Muqdisho iyada oo ay jirto cabdi lagu qabo in uu sii jiro khilaafka doorashada waxtigeeda dib uga dhacday.

Hirshabeelle iyo Jubaland ayaa dhankooda gaabis ka muuqdaa, waxaana weli aan xal muuqda laga gaarin khilaafka hareeyay Garbahaareey oo ah degmooyinka labaad ee ay ka dhacayso doorashada maamulladaas.

Xubnihii taageeray FAHAD Yaasiin oo shaki la geliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumud Gaabane oo ka dhashay beesha Fahad Yaasiin ee reer Aw-Xasan ayaa sheegay in dadkii shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ee Fahad taageeray ay kala ahaayeen shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan NISA.

Khaalid Gaboose oo sheegay inuu yahay musharax u taagan kursiga xildhibaan ee loo diidan yahay Fahad Yaasiin ayaa sheegay in ragii shalay shiray aysan metelin beesha reer Aw-Xasan, sidoo kalena ay ku jireen xildhibaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.

“Dadkii ku shiray Muqdisho ma aheyn odayaal reer Aw-Xasan, waxay ahaayeen shaqaale dowladeed, kuwo katirsan NISA iyo Xildhibaano ka tirsan HirShabeelle, waxaa ka mid ah ninkii warqada akhrinayey wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan HirShabeelle,” ayuu yiri Khaalid Gaboose.

Sidoo kale Khaalid ayaa sheegay in ka beel ahaan ay u diyaarsan yihiin qabashada doorashada kursigii uu soo qaatay Fahad Yaasiin ee HOP#086, kaas oo guddiga doorashooyinka ay go’aamiyeen in lagu laabanayo doorashadiisa.

Khaalid oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in kursigaas uu ka xasaasisan yahay kuraasta kale ee natiijadooda uu diiday guddiga doorashooyinka, isagoo fariin u diray madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Siyaasigaan ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu baaqay in kuraas tiro yar oo looga dhegay uusan u xayirin doorashooyinka dalka, “Waxaan u diyaarsanahay tartan doorasho oo kursiga HOP#086 aan u galo,” ayuu yiri Khaalid Muxumud Gaabane oo Fahad Yaasiin ku heyb ah.

Kursigaan oo Fahad Yaasiin uu ka soo qaatay Beledweyne iyo seddax kursi oo kale oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa hadda qalqal ku abuuray doorashooyinka dalka, waxaana arrintaas darteed Baydhaba u gaaray wafdi xildhibaano ah iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kulamo looga arrinsano khilaafka ka taagan kuraastaas ayaa ka socda Baydhaba, waxaana la sheegay in Laftagareen uu ku doodayo in afarta kursi la wada fasaxo, isagoo u hiilinaya Fahad Yaasiin, balse lama oga halka uu ku dambeyn doono is qabqabsigaan hareeyey kurisiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin uu soo qaatay.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Khaalid Gaboose

Prof. Afyare Cilmi: Haddii la soo celiyo Madeira weji uu dalka kusii joogo ma leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadaka Darasaadka Siyaasadda ee Heritage Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka culus ee taagan iyo ceyrintii Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo si weyn u falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka ayaa shaaca ka qaaday in hilaafkan cusub uu saameyn ballaaran ku yeelan karo dowalnimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ceyrinta Francisco Madeira ay tahay dhaawac culus oo dhacay, isla-markaana kala qaybisay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Marba haddiiba meeshaan ay gaarto oo qaybo ka mid ah mujtamacii dowladda ay ka koobneyd ay ay leeyihiin ma imaan karo oo weliba ra’iisul wasaarihii iyo wasiiradii muhiimka ahaa qaarkood ay leeyihiin ma imaan karo oo Viso mala siin karo, qola kalena ay leedahay waa lasiin karaa waxaa muuqata damage culus oo dhacay” ayuu yiri Prof Afyare.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qudhiisa Wakiilka Midowga Afrika ay arrintan ku tahay dhaawac weyn, isaga oo tilmaamay in uusan jirin weji kale oo uu kusii joogo dalka.

“Ninkaas u maleyn maayo xiittaa, haddii hala soo celiyo la yiraah weji uu kusii joogo maleh inuu iska tego ayey noqoneysaa,” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu  ku daray “Laakiin ma ah habkii runtii dowliga ahaa ee laga filanaayey Institutions isla socda oo u dhaqmo ma’aha,” ayuu markale yiri aqoonyahan Afyare.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Wasaaradda Amniga oo tixraaceyso warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku amartay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Madeira, isla-markaana aan dib dambe loo siin waraaqaha dal-ku-galka ah.

ATMIS oo xayiraad kusoo rogtay Xalane iyo dhaarinta xildhibaanada oo shaki ku jirta

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka ATMIS ayaa ku dhowaaqay in la xirayo xerada Xalane 10-ka illaa 16-ka bishan April, tallaabadaas oo loo arko mid lagu carqaladeynayo dhaarinta xildhibaanada cusub.

Xildhibaanada cusub ayaa qorshuhu yahay in lagu dhaariyo Teendhada Afisyoone oo ka tirsan Xalane 14-ka bisha April, balse go’aankan lama filaanka ah ee kasoo baxay ATMIS ayaa shaki weyn gelinaya in dhaartu ay dhici karto.

Qoraalka uu howlgalka ATMIS u diray safaaradaha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in xanibaaddan ay joojin doonto dhammaan shaqooyinkii dhismaha ee ka socday xarunta, la xiri doono dukaamada iyo goobaha ganacsi ee Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, goobaha lagu dhaqo baabuurta iyo maqaayadaha. 

ATMIS waxay sheegtay in sidoo kale xerada la gelin doono bandow 8:00 pm illaa 5:00 ee subaxnimo, islamarkaana roondo amni gudaha laga sameyn doono  muddadaas oo idil.

ATMIS ayaa intaas ku dartay in shaqalaha lagama maarmaanka ah la baari doono loona ogolaan doono inay galaan xarunta. Sidoo kalena howlaha garoonka Aadan Cadde ay sidooda u socon doona.

Xayiraaddan ayey sheegtay ATMIS in la qaadi doona islamarkaana howlaha caadiga ah ee Xalane ay dib u billaaban doonaa 17-ka April.

Inkasta oo aysan ATMIS sheegin, haddana xayiraaddan ayaa u muuqata inay saameyn doonto qorshaha xildhibaanada lagu dhaarin doono 14-ka April, maadaama xanibaad buuxda lagu soo rogay Xalane, oo ay ku taallo Teendhada Afisyoone ee dhaartu ay ka dhaceyso.

Tallaabada ATMIS ayaa imaneysa ayada oo xiisad ay kala dhaxeyso dowladda federaalka kadib markii dalka laga eryey madaxa ATMIS ahna ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira, go’aankaas uu ururka uu ka horyimid. 

Si kastaba, dowladda ayaa kadib soo saartay qoraalka Madeira lagala noqday dal-ku-galka, sidoo kalena lagu xiray terminal-ka Movcon ee ay adeegsadaan shisheeyaha ee garoonka Aadan Cadde. 

Qoraalka Midowga Afrika oo lagu macneeyey ‘mid lagu sagootinayo’ danjire Madeira

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay qoraalkii Midowga Afrika uu ku diiday go’aanka uu ra’iisul wasaare Rooble dalka uga eryey Danjire Franssico Madeira ayaa ku macneeyey mid lagu sagootinayo ergeyga.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, oo ku gacan sayraya amarka ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo.

Hadallo naxariis leh oo lagu sagootinayo Amb. Madeira ayaa meesha ka muuqda, sida dhaqanka diplomaasiyadda lagu yaqaano danjire lumiyey kalsoonidii dalkii uu ka shaqaynayay oo weliba ku hor ceeboobay Lana siiyey PNG sii joogis uma taallo meesha,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Madeira qof aan dalkaan laga jecleyn ayuu sii ahaan doonaa si kastoo Farmaajo u jeclaado,” ayu uku daray. 

Aqoonyahanno kale oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in qoraalka Moussa Faki Mahamat uu yahay mid loogu sharaf dhowrayo Madeira, balse ay xigi doonta is-casilaad ka timaada ergeyga.

Wax kasta oo ay ahaataba, Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya oo tixraaceyso warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku amartay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Francisco Madeira islamarkaasna aan dib dambe loo siin waraaqaha dal-ku-galka ah.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha fartay inay go’aankaan ku wargeliso dhammaan cidda ay qusayso in Danjire Francisco Madeira dalka la keeni karin, waxaana la faray hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Garoonka Aden Cadde in Danjire Madeira aanu soo geli karin dalka maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku wargelisay islamarkaasna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MovCon ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

Maxaa kasoo baxay codkii kalsoonida ee loo qaaday ra’iisul wasaaraha Pakistan?

Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii Pakistan Imran Khan ayaa xilka laga qaaday saacadihii hore ee Axadda maanta ah, kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida baarlamanka, kadib toddobaad qalalaase siyaasadeed ah.

Ra’iisul Wasaare cusub ayaa la dooran doonaa Isniinta, ayada oo hoggaamiyaha xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N) Shehbaz Sharif la hubo inuu hoggaamin doono shacabka 220-ka milyan ah ee dalkan ku hubeysan hubka Nukliyeerka. 

Ma jiro ra’iisul wasaare muddo xileedkiisa dhameystay taariikhda Pakistan, hase yeeshee Khan ayaa ah kii ugu horreeyey ee xilka ku waaya codka kalsoonida. 

Taageerayaasha mucaaradka ayaa saacadihii hore ee Axadda maanta ah isugu soo baxay waddooyinka ayaga oo sita calanka dalka iyo kuwa xisbiyada, islamarkaana dabbaal degaya.

Ciidan badan ayaa lasoo dhoobay waddooyinka caasimadda, hase yeeshee lama soo werin wax dhibaato ah. 

Sii-hayaha xilka afhayeenka baarlamanka Ayaz Sadiq ayaa sheegay in 174 sharci-dejiye ay taageereen mooshinka xil ka-qaadista, “sidaas darteedna codkii kalsooni kala noqoshada uu guuleystay.” 

Khan oo 69 jir ah kana maqnaa xarunta baalamanka ayaa lumiyey aqlabiyaddii baarlamanka ka kooban 342-ka xubnood kadib markii ay ka go’een qaar ka mid ah saaxiibadiisa dowladda wadaagga, iyo xitaa xubno ka mid ah xisbigiisa, sidaas darteedna mucaaradka ayaa u baahnaa kaliya 172 cod si ay xilka uga tuuraan.

Waxa uu isku dayey wax kasta oo uu xukunka kusii joogi karo — oo ay ku jirto inuu kala diray baarlamanka kuna baaqay doorasho deg deg ah — hase yeeshee Maxkamadda Sare ayaa ficilladiisa ku qeexday kuwa sharci darro ah, waxayna amartay in golaha qaranka ay isku yimaadaan oo ay codeeyaan. 

“Waan dhayi doonnaa dhaawacyada qarankan,” ayuu yiri Shehbaz Sharif waxyar kadib markii natiijada lagu dhaawaqay. 

Khan ayaa ku adkeystay inuu yahay dhibanaha dhirqool “isbeddel talis” oo uu ku lug leeyahay Mareykanka.

Waxa uu sheegay in xisbiyada PML-N iyo PPP, oo muddo xifaaltami jiray balse isku geeyey awooddooda si ay xilka uga qaadaan – ay kala shaqeeyeen Washington in la keeno codka kalsoonida, sababo la xiriira inuu ka horyimid siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka ee ku wajahan dalalka Islaamka sida Iraq iyo Afghanistan. 

Washington waa ay iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay siyaasadda gudaha Pakistan. 

GALMUDUG oo burburisay gaari siday qaraxyo culus

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaarayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Galmudug ay xalay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Godyaanyo oo dhaca koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, halkaan oo maalmihii u dambeeyey ay dhaq-dhawaaqyo ka wadeen xoogaga Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay Galmudug ayaa sheegay inay burburiyeen gaari siday waxyaabaha qarxa, isla-markaana ay dileen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab inta uu socday howlgalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qarxyadaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen.

Ciidamada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay xubnahaasi doonayeen inay miinooyin ku aasaan wadooyinka isku xira gobolka Mudug.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin koonfurta Mudug, gaar ahaan deegaano dhowaan lagu arkay Al-Shabaab.

Si kastaba , gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraro culus kasoo abaabula halkaasi.

Ciidanka Xoogga oo WAR kasoo saaray cabsida laga qabo qorshaha 12-ka April

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliya Janaraal Cabaas Amiin Cali, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee u dabaaldegga sanad guurada 62-aad ee Militeriga Soomaaliya.

12-ka bishaan Abril ayuu 62-sano jirsanayaa ciidanka xoogga dalka oo la aas-aasay bishii Abriil ee sanadkii 1960-kii, balse mudooyinkii dambe waxaa jirtay hadal heynta afgembi la sheegay inuu qorsheynayo Farmaajo.

Taliye Cabaas ayaa sheegay in munaasabadaan ay khuseyso sanad guuradaas oo kaliya, isla markaana ka talis ahaan ay balan qaadayaan in qorshe kale aan lagu hoos qarin munaasabadooda.

“Waxaan cadaynaynaa oo aan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dabaaldegi rabo maalintiisa oo ah 12-ka Abriil,” ayuu yiri.

Jeneraal Cabaas ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan nahay dadkii dhiiggooda u huraayay dalka, ujeedo kale oo aan wadan karno ma jirto, in cadow aan la dagaallano, midka gudaha iyo kan dibadaba ayaa naloo aas-aasay oo naloo dhisay.”

Taliyaha ayaa sheegay inay soo gaareen wararka laga faafiyey ee tilmaamaya in militerigu uu maalintaas ku dhaqaaqi doono qorshe xukun militery ah, balse wuxuu fidinta wararkaas ku eedeeyey dad dano siyaasadeed leh.

Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga Cabaas ayaa sidoo kale ka warbixiyey diyaar garoowga xuska 12-ka Abriil, isagoo qof kasta oo ay xafladaas ku casuumeen ka codsaday inuu uga soo qeyb galo si kalsooni leh oo farxadooda uu la qeybsado.

Hoos ka daawo

Midowga Musharaxiinta oo jawaab culus ka bixiyey go’aankii Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayadoo maanta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu ku gacan seyray go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalka kaga ceyriyey Danjirihii Midowga Afrika ee Francisco Madeira, ayaa waxaa caawa arrintaas bayaan kasoo saaray golaha midowga musharaxiinta.

Ugu horeyn midowga musharaxiinta ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin go’aanka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki, kaas oo jawaab u ahaa go’aankii Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana lagu diiday ceyrinta Francisco Madeira.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku dooday in go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa mid aad looga taxadaray oo ka dhashay dib u eegis lagu sameeyey howlihii uu Soomaaliya u joogay Francisco Madeira, 8-dii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxay sheegeen in sii joogitaanka Danjire Madeira ee Soomaaliya uu khatar weyn ku yahay xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya doorashooyinka, maadaama uu si toos ah ula saftay garabka Madaxweyne Farmaajo oo mar kale musharax ah.

“Danjire Madeira marar badan ayaa looga digay ku dhex milanka siyaasadda gudaha. Waana ka dhega adeygay, xadgudubyada uu Madeira ku sameeyay maqaamkiisa diblomaasiyadeed waxaa ka mid ah inuu la saftay musharax gaar ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ay musharaxiintu u direen Midowga Afrika.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Sida uu dhigayo qodobka 97-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya golaha wasiirrada ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ah hay’adda ugu sareysa dhanka fulinta ee dowladda Soomaaliya. Ma jirto awood kale oo xafiiska Madaxweynaha uu ku jabi-karo go’aanka ka soo baxa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.”

Bayaankaan ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika lagu xasuusiyey in Madaxweynihii hore Farmaajo uu yahay musharax u taagan doorashada socota, taas oo sharci darro ka dhigaysa farogelinta siyaasadda arrimaha gudaha ee Francisco Madeira iyo taageeradiisa qaawan ee musharaxnimada Farmaajo oo ay ku macneeyeen mid aan la aqbali karin oo khatar ku ah hufnaanta doorashada.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale sheegay in sida ay aaminsan yihiin uusan hoggaanka Midowga Afrika ogoleyn faro-gelin lagu sameeyey mid ka mid ah dalalka ururka, iyagoo cudsi u diray guddoomiye Moussa Faki.

“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay si xushmad leh uga codsanayaan guddoomiye Moussa Faki inuu ka laabto war-murtiyeedkii uu ka soo saaray arrintan, isla markaana uu garwaaqsado go’aankii sharciga ahaa ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ilaalisay hufnaanta doorashada, kuna ceyrisay Amb. Madeira,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii golaha midowga musharaxiinta ayaa guddoomiyaha Midowga Afrika ugu baaqay in Soomaaliya uu u soo magacaabo wakiil daacad ah oo wanaajin kara xiriirka Soomaaliya iyo ururka, kaas oo dhex-dhexaad ka noqon kara siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Xildhibaanada laga soo doortay Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo ay isku dhibaato heysato

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn bannaanka u yimid dhaqanka madaxda maamullada ee ku wajahan xildhibaanada cusub ee Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Waa dhaqan ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya, waa in xildhibaanada la heysto loona diido dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo madax-banaan.

Dadku markii ay arrintaan maqlaan waxaa durba kusoo dhacaysa Koonfur Galbeed, laakiin waxaa si ku talagal ah looga boodayaa Jubbaland iyo Puntland, halkaas oo ay xildhibaanada heysato dhibaato lamid ah midda heysata kuwa Koonfur Galbeed.

Farqi ma jiro marka laga reebo in kuwana uu ku dhegan yahay hoggaamiye muxaxafad ah, kuwa kalena ay ku dhagan yihiin hoggaamiyaal mucaarad ah.

Hadaba maxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay?

Labada hoggaamiye ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa soo fasaxay xildhibaanadooda, si ay shahaadada guddiga FIET u qaataan.

Intee ayey badankood joogeen oo laga soo fasaxay? Dabacan waa Garoowe iyo Kismaayo, balse markii ay shahaadooyinka qaateen maxaa dhacay?

Axmed Madoobe durba waa ceshtay intii badneyd xubnihiisii, dhowr xubnood oo uu aaminsan yahay in aysan kooxda Farmaajo iyo mucaaradka ka wadan karin ayaa ku hartay magaalada Muqdisho, kuwaas oo iyagana la filayo inay Kismaayo aadaan.

Xildhibaanada Jubbaland markaan la xiriirnay qaar oo aan waydiinay sababta loo waday oo Kismaayo loogu celiyey waxay isku difaaceen inuu jiro kulan wada-tashi ah.

Xildhibaanada kala ah Xasan Firinbi, Senator Fartaag iyo Xamza ayaa heysta xoogaa xorriyad ah oo dhaanta kuwa kale ee laga soo doortay Kismaayo.

Dhanka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni isaga waaba musharax, wuxuuna xildhibaanada ka ilaalinayaa mucaaradka iyo muxaafadka intaba, weliba kuwa cusub ayuu ilaalo gaar ah ka hayaa.

Xildhibaanadiisa inta badan waa uu ka qaaday magaalada Muqdisho markii ay shahaadooyinka qaateen, si lamid ah Jubbaland dhowr qof oo isaga shaqo gaar ah u heysa ayaa la xaqiijyey in la siiyey dhaq-dhaqaaq xadidan.

Dhanka Puntland waxaa jira Laba xilldhibaan oo ka madax banaan xildhibaanada uu Saciid Deni ilaalada ka hayo waana Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Cali Xoosh.

Halkaan waxaa ka cad in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland inay isku dhibaato heysato.

Xildhibaanada Reer woqooyiga, kuwa Galmudug, kuwa Banaadiriga iyo kuwa laga soo doortay Hirshabelle iyagu kuma sugna xaaladaan oo Dadku badi ku micneeyeen xadgudubta matalaada.

Dhaqankaan dhawaangalka ah ayaa Bulsho badan ka yaabiyey, lama oga waxa ay doorashada ka tari karto in xildhibaanada la xareysto.

Dad ku dhow dhow madaxda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in madaxdaasi aaminsan tahay in haddii xildhibaanada helaan fursad ballaaran oo ay gorgorton ku geli karaan inay fududaan karto in aragtidooda la weeciyo oo ay gacantooda ka baxaan, taas oo doorashada u ridi karta jiho aan aheyn midda ay rabaan waa sida la sheegay inay madaxdaasi aaminsan tahay.

Haddaba waxa Dadweynaha badi is waydiinayaan sidee xildhibaan aan isagiiba madax banaaneyn u matali karaa Dad iyo deegaan una jiheyn karaa dowladnimada Soomaaliya?

Xildhibaanadaan qaar markii lala hadlo kuma qanacsana dhaqankaan socda, qaarkood waxay sheegi jireen inay ka baxsan doonaan gacanta hoggaamiyaha maamula Goboleedka markii shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimada la siiyo, laakiin qaar iyagoo shahaadooyinkoodii heysta lagu yiri soo xarooda kadibna aqbalay.

Dhaqankaan ku cusub siyaasadda Soomaaliy ayaa ku biiraya dhaqamo ka fog dowladnimada casriga ah oo la adeegsaday Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaan la caburinayo Maanta oo fahmi la’ waxa uu isaga xaq u leeyahay lama ogo inuu Berrina fahmi karo waxa uu qaranka xaq ugu leeyahay ayey ku doodayaan Dadka ka faaloonayo dhaqankaan cusub.

Guddiga FEIT oo shaaciyey tirada xildhibaanada labada aqal ee shahaadada qaatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka heer Federal ee FEIT ayaa soo saaray Liiska tirada Xildhibaanada guud ee qaatay Shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka 11-aad.

Warbixin Maanta kasoo baxday guddiga ayaa lagu sheegady in illaa 193 xildhibaan ay qaateen shahaadada xildhibaanimo mudadii ay socotay howshaan.

“Hambalyo dhammaan Xildhibaanada la doortay ee qaatay Shahaadada Xildhibaanimo, inta dhimman waxaan ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay yimaaddaan xarunta Guddiga FEIT inta uusan dhammaan waqtiga loogu talogalay qabashada howshaas,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Tirada guud ee xildhibaanada ayaa marka la isku geeyey labada Aqalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxay dhaafeen kooramka ay xildhibaanada ku shiri karaan kuna dooran karaan guddoomiyeyaal iyo madaxweynaha.

Halkaan hoose ka akhriso liiska xildhibaanada  qaatay shahaadada xildhibaanimo

1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070
8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11
14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
17. Muse Said Jama GSH#263
18. Ahmed Abdi Koshin GSH#205
19. Hirsi Adan Roble GSH#101
20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#15
21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
22. Nadra Salah Abdi GSH#257
23. Duniya Mohamed Ali AS#014
24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
27. Omar Ali Abdi GSH#035
28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
33. Adar Ali Mohamed GSH#081
34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
36. Ali Mohamud Adam GSH#240
37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
38. Zamzam Mohamed Omar GSH#243
39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
41. Ali Mohamed Omar GSH#115
42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
44. Khalif Abdi Omar GSH#032
45. Mariam Aweis Jama GSH#113
46. Jama Mohamed Askar GSH#254
47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
48. Shamso Hassan Elmi GSH#020
49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
54. Saed Abdi Hussein AS#39
55. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
56. Shariif Abdalla GSH#085
57. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
58. Hussein Mohamed Nur GSH#051
59. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
60. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
61. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
62. Hassan Abdi Ismail GSH#217
63. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
64. Roda Arab Abdi GSH#219
65. Sahra Olad Abdi GSH#018
66. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
67. Leila Ahmed Ismail AS#37
68. Ahmed Mohamed Ali AS#21
69. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
70. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
71. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
72. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
73. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
74. Ali Shaban Ibrahim AS#23
75. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
76. Salah Ahmed Jama AS#34
77. Guled Bihi Abdi GSH#255
78. Ahmed Osman Dirie GSH#233
79. Abdinur Ali Aden GSH#028
80. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
81. Abas Ali Ibrahim GSH#111
82. Mohamed Abukar Ali GSH#025
83. Adar Hared Jibril GSH#132
84. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
85. Bihi Iman Egeh GSH#237
86. Abdiqani Ismail Said GSH#241
87. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
88. Adnan Osman Elmi GSH#236
89. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
90. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
91. Nasro Mahdi Arale GSH#023
92. Leylo Nur Maah AS#07
93. Sahra Jama Ali GSH#134
94. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
95. Hassan Dahir Yarow AS#05
96. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
97. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
98. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
99. Ilyas Badal Gabose AS#01
100. Mohamed Hassan Adam GSH#133
101. Abdillahi adan Ahmed GSH#193
102. Hamza Abdi Barre GSH#203
103. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
104. His Hassan Adan GSH#015
105. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
106. Maryan Mohamud Isse GSH#226
107. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
108. Osman Mohamed Abdi GSH#022
109. Fadumo Hassan Ali GSH#210
110. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
111. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
112. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130
113. Osman Abokor Mohamed Dubbe AS#36
114. Abdirahman Ahmed Suge GSH#245
115. Ibrahim Awgab Osman AS#06
116. Hassan Idow Mohamed AS#22
117. Nor Mohamed Gedi AS#18
118. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
119. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
120. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
121. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
122. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
123. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
124. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
125. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
126. Fardowsa Osman Egal HOP#232
127. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS#54
128. Deqo Hassan Hussein AS#43
129.Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008
130. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52
131. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
132. Hirsi Jama Gaani GSH#223
133. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
134. Said Mohamed Ali GSH#093
135. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04
136.Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248
137. Osman Ali Yusuf GSH#198
138. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02
139. Muse Sudi Yalahow AS17
140. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
141. Qali Ali Shire GSH#060
142. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092
143. Maryan Farah Kahiye AS#08
144. Ahmed Mohamed Said AS#41
145. Mahdi Mohamed Gulaid
146. Mohamed Adam Dini GSH#036
147. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50
148. Said Ali Muse GSH#027
149. Ismail Shire Jama GSH#142
150. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075
151. Abdikani Gelle Mohamed AS#44
152. Abdullahi Farah Mire GSH#228
153. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191
154. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53
155. Farhiya Yusuf Omar GSH#121
156. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128
157. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220
158. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174
159. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158
160. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221
161. Ali Mahdi Mohamed GSH#169
162. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222
163. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190
164. Samira Maxamud Haji AS#51
165. Saynab Ismail Mohamed AS#45
166. Mohamed Abdi Osman AS#49
167. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
168. Farhan Ali Hussein AS#47
169. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
170. Mohamed Farah Nur GSH#192
171. Abdikafar Elmi Hange GSH#144
172. Mohamood Ahmed Adan GSH#157
173. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059
174. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019
175. Abdirahman Idan Yonis GSH#259
176. Ali Yusuf Ali Hosh GSH#200
177. Ismail Abdulrahman Basheir GSH#238
178. Abdikarim Omar Hussein GSH#074
179. Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068
180. Dr. Mohamed Hassan Mohamed GSH#207
181. Bashir Abdi Mohamed GSH#273
182. Faisal Ahmed Mohamud GSH#149
183. Abdullahi Hassan Roble GSH#249
184. Said Siyad Shirwac AS#09
185. Hussein Ahmed Ulusow GSH#021
186. Farhan Ali Mohamoud AS#10
187. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03
188. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094
189. Ali Haji Adam Abukar GSH#039
190. Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105
191. Khadra Mohamed Tukale GSH#247
192. Amina Omar Jama GSH#202
193. Dahir Ayanle Said AS#48
Hambalyo dhammaan Xildhibaanada la doortay ee qaatay Shahaadada Xildhibaanimo, inta dhimman waxaan ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay yimaaddaan xarunta Guddiga FEIT inta uusan dhammaan waqtiga loogu talogalay qabashada howshaas.

 

Wasaaradda amniga oo soo rogtay amar ka dhan ah Madeira iyo terminal-ka MOVECON oo la xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya oo tixraaceyso warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku amartay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Francisco Madeira islamarkaasna aan dib dambe loo siin waraaqaha dalku gal ka ah.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha fartay inay go’aankaan ku wargeliso dhammaan cidda ay qusayso in Danjire Francisco Madeira dalka lakeeni karin maadaam uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Warqadda kasoo baxday wasaaradda Amniga ayaa waxaa lagu faraya  hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Garoonka Aden Cadde in Danjire Madeira aanu soo geli karin dalka maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa ku wargelisay islamarkaasna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MoveCon ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

Amarka kasoo baxay wasaaradda ayaa yimid kadib markii Ururka Midowga Afrika uu ku gacan sayray go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee ururka u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda Amniga

R/W ROOBLE oo Midowga Musharaxiinta u sheegay ARRIN ka go’an inuu fuliyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.

“Waxa uu Ra’iisu Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaannada loo dhaqan geliyo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaannadu dhici doonto 14-ka April oo ah xilligii loo qorsheeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, Midowga Musharraxiinta ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u ballan qaaday inay garab ku siinayaan dadaallada lagu dhameystirayo doorashooyinka.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inuusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.

Midowga Musharaxinta ayaa sidoo kale ku celiyay taageeradooda go’aankii XFS ay dalka kaga ceyrisay ergaygii Midowga Afrika Francisco Madiera oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.

“Reer Xamarow Deni afka iyo gacmaha ayuu dhiig ku wataa iska ilaaliyaa” – Siyaasi reer Puntland ah oo digay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Maxamed Cali oo horey usoo noqday wasiir xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, haddana kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ka digay in Saciid Deni loo doorto madaxweynaha Soomaaliya.

Aadan Maxamed oo khudbad ka jeediyey shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta iyo odayaasha Puntland kaasoo cinwaankiisa laga dhigay Samata-bixinta Puntland iyo Soomaaliya ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyey inuu burburiyey Puntland, haddana aan lagu aamini karin masiirka Umadda Soomaaliyeed.

“Munaasabadeena waxay tahay Samata-bixinta Puntland ama Samata-bixinta Soomaaliya wax kala hari kara maahan, Puntland nin baa baabi’iyey, nin baa aakhiro u diray, dadkeedii iyo mashaariicdeedii iibsaday, ninkii isaga ahaa baa Soomaaliya usoo socda marka way isku xiran tahay badbaadada Puntland iyo badbaadada Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Aadan Maxamed Cali.

Aadan ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu hor istaagay horumarka Puntland, gaar ahaan wuxuu carabka ku dhuftay inuu diiday in baaritaan lagu sameeyo shidaalkeeda isagoo shuruud uga dhigay in la siiyo lacag sida uu hadalka u dhigay.

“Saciid Deni wuxuu diiday in sahan lagu sameeyo shidaalka, wuxuu yiri anagaa sameysaneyno ee lacagta anaga nagu soo wareejiya, war lacag la isa siinayo ma jirtee Teknoloojiyad iyo cilmi baa la isa siinayaa iyadana lama wareejiyo wuu diiday, markii la yiri xisaabta la idin siinayo xisaab celin keena oo aan ognahay xisaab celintaas dhulka ay ku baxday, wuxuu yiri xisaab celin keeni meyno, markii ay dhacday inaan shaqaale la qorin, markii ay dhacday in Dekaddii laga shaqeenayey inuu bacaad buuxiyey oo Duumihii iyo Maraakiibtii ku xiran waayaan, markii Garoonkii Diyaaradaha uusan heysan qiimeyntii adduunka oo aan wax horumarin ah lagu sameyn, markii uu Deni diiday in Shahaadada laga soo saxiixo wasaaradda Waxbarashada halkee ayey ardeydeena la aadayaan, markii la yiri ciidamadii keena oo 3300 ahaa oo uu yiri soo qori meyno, ujeedkiisa dhan waa in dadka Reer Puntland ay noqdaan baaga muudo isla markaasna inta soo hartay ay xaqaan, marka miyeysan aheyn inuu Deni burburiyey Puntland oo dhan?,” ayuu yiri Aadan Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Saciid Deni uu isku diray qabiilada Puntland, islamarkaana uu dhexdooda ku abuuray is naceyb uuna diiday inuu u caddaalad sameeyo.

“Waa Waajib inaan badbaadino Puntland iyo Soomaaliya, kaalin iyo cod ayaan ku leenahay waa inaan qeybteena ka qaadano, dadka Xamar waxaan u sheegeynaa Deni Afka ayuu dhiig ku wataa, gacmaha ayuu dhiig ku wataa, waxay u baahan tahay inaad ka taxadartaan, Deni anagaa soo aragnay waan idin kaga digeynaa, anaa u dhaawacan anagaa aakhiro u jirna, anaga ayaa guryaheena ku burbureen, anagaa dadkeenii ku kala qaxay, anagii ayaa ku kala dhimanay, Ninkii isaga ahaa ayaa soo socda,” ayuu yiri Aadan.

Digniinta kasoo yeertay siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda ayaa kusoo aadeyso xilli uu Saciid Deni kusoo wajahan Muqdisho si uu ugu tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna tan dhaawac weyn ku tahay rajadiisa.

Midowga Afrika oo ku gacan sayray go’aankii uu ROOBLE ku eryey Danjire Madeira

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa ku gacan sayray go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee ururka u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo.

“Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu walaac ka muujinayaa war-saxaafadeedka uu dhowaan soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomalaiya ee ku aadan maqaamka wakiilka gaarka ah ee ururka ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat. 

“Arrin tan la xiriirta, Guddoomiyuhu wuxuu si mahad-naq leh u xusayaa warqadda rasmiga ah ee ku taariikhaysan 7 April 2022 ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu kaga xumaaday soo saarista war-saxaafadeedka kor ku xusan, isagoo caddeynaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Danjire Madeira, gaar ahaan, iyo guud ahaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS),” ayuu yiri guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Moussa Faki Mahamat ayaa intaas ku daray inuu kalsooni iyo aaminaad buuxda ku qabo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjrie Madeira, uuna sii wadan doono shaqadiisa.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa dhabarjab siyaasadeed oo weyn ku ah ra’iisul wasaare Rooble, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono iyo sida uu danjire Madeira uga saari doono Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan inay jirta xog ay ilo diblomaasi ka heshay Caasimada Online oo sheegeysay in ururka uu aqbalay go’aanka Rooble, taasi oo hadda u muuqata mid aan sax aheyn, waana ka xunahay oo idnka raali gelineynaa inaan idinla wadaagnay.

Hoos ka aqriso qoraalka guddoomiyaha Midowga Afrika

Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday tirada dadka loo ogolaaday Xajka sanadkan

0

Makkah (Caasimada Online) – Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in hal milyan oo qof oo isugu jira shacabka gudaha iyo debadda loo fasaxay inay xajiyaan sanadkaan 2022 oo ku beegan 1443 Hijriyada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka loo ogolyahay inay xajiyaan ay da’doodu tahay 65 Jir iyo wixii ka yar, waxaana shuruudda lagu xirayo kamid ah inuu qofka qaato tallaalka COVID-19 ee laga aqoonsan yahay Sacuudiga.

Dadka kasoo xajinaya bannaanka Sacuudiga waxay sheegtay wasaaradda in laga rabo inay 72 Saac ka hor soo gudbiyaan baaritaanka PCR ee COVID-19 inta aysan usoo safrin boqortooyada.

Dowladda ayaa sheegtay inay tiradaan noqoneyso middii ugu badneyd ee loo ogolaado inay xajiyaan tan iyo markii uu dilaacay cudurka COVID-19.

Xujaajta ayaa loogu baaqay inay raacaan talaabooyinka taxaddarka ah inta ay gudanayaan cibaadadooda si ay u ilaashadaan caafimaadkooda iyo badqabkooda.

Xajkii hore Dowladda Sacuudiga ayaa kaliya ogolaatay inay xajiyaan 60 Kun oo qof oo gudaha Sacuudiga ku sugan, waxaana markaas si weyn adduunka ugu faafsanaa cudurka COVID-19.

Cudurkaan ka hor tirada xujeyda ayaa ahaan jirtay 3 Milyan oo qof, waxaana hadda la ogolaaday kaliya 3 meelood 1 meel tiradii hore.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada JOWHAR iyo guusha COSOBLE oo…

0

Jowhar (Caasimada Online)  – Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabtao doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee kasoo galaya dhanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed, HirShabelle.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo oo saddex ah ayaa kala ah HOP#024, HOP#106, HOP#140, kuwaas oo marxalado kala duwan soo maray, kadib murano hareeyey.

Sidoo kale kuraastan ayaa ka mid noqonaya kuwii ugu dambeeyey ee doorashadooda lagu qabanayo caasimada HirShabelle ee Jowhar, maadaama ay gabagabo mareyso doorashada.

Kursiga HOP#024, waxaa ku fadhiyay Cabdiqaadir Caraboow Ibraahin, halka kursiga HOP#106, ay ku fadhisay Mina Xasan Maxamed, waxaana kursiga HOP#140, isna ku fadhiyay Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kursiga Cosoble oo isha lagu hayo ayey u badan tahay in markale isaga ku guuleysto, maadaama lasoo saaray odayaal isaga taageersan, halka isna uu loolan adag uu waji doono Cabdiqaadir Carabow Ibraahin oo ah nin dhalinyaro ah.

Jowhar ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qabaada doorashada kuraasta baarlamaanka ee ku harsan HirShabelle, iyada oo magaaladana ay ku sugan yihiin ciidamo dheeraa ah.

HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada aad uga daahay dhammeystirka doorashada, walow kuraas kooban ay ku hartay Jowhar deegaanada doorashada 1-aad ee maamulkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dib u dhacyada doorashada oo qaadatay hal sano dheeraad, taas oo uga sii dartay xaalada adag ee kala guurka ah ee haatan lagu jiro.

Cali Xarbi Cali oo shaaciyey sabab yaab leh oo uu u dilay xildhibaan DAVID AMES

London (Caasimada Online) – Ninka Soomaaliga ah ee ku eedeysan dilka xildhibaan David Ames ayaa maxkamad u sheegay inuusan wax “qoomamo ah” ka qabin dilka xildhibaankii ka tirsanaa baarlamanka UK.

Cali Xarbi Cali, oo ah 26 jir ayaa sheegay in sababta uu u dilay Ames ay tahay inuu toddoba sano kahor u codeeyey olole militari oo laga fuliyey dalka Syria.

Cali Xarbi Cali ayaa David Ames mindiyeeyey in ka badan 20 goor, xilli uu ku sugnaa kaniisadda Belfairs Methodist ee magaalada Leigh-on-Sea, Essex, 15-kii October 2021.

Isaga oo maxkamadda u sheegaya inuu isku arko inuu yahay “muslim qunyar socod ah”, ayaa Cali wuxuu sheegay in markii hore uu qorsheynayey inuu dilo xildhibaan Michael Gove.  

Waxa uu beeniyey inuu diyaarinayey ficillo argagixiso iyo dilal.

“Waxaan go’aansaday inaan qaado tallaabadan sababtoo ah waxaan dareemay in haddii aan dilo qof qaatay go’aano lagu dilayo muslimiinta, in taasi ay ka hortageyso waxyeello horleh oo gaarta Muslimiintaas,” ayuu Cali Xarbi u sheegay xeer-beegtida Maxkamadda.

Cali ayaa sheegay in David Ames uu ka mid ahaa xildhibaano u codeeyey duqeymo laga fuliyo dhulka ay maamuli jirtay Daacish ee Syria, codeyntaas oo dhacday 2015, xilligaas oo uu ra’iisul wasaare ahaa David Cameron.

Mar Cali la weydiiyey farqiga ay sameysay dilka David Ames, wuxuu ku jawaabay “mid waa, inuusan mar kale codeyn karin.”

“Haddii uu horey u sameeyey codeyn noocaas ah, ma awoodi doono inuu sameeyo mustaqbalka, sidoo kalena waxay fariin u direysaa saaxiibadiisa.”

Mar wax laga weydiiyey Cali, sida uu arko in maalinkii uu dilay David Ames uu isku dayey inuu isaga caawiyo, wuxuu ku jawaabay “Ma waxaa ula jeedaa qaliinka? Haa, sidaas ayaan qiyaasayaa. Waan dilay sababtoo ah wuxuu dhaawacay Muslimiinta, haddii uu I caawiyo markii uu waxaas sameeyey kadib waxba iiguma fadhsio.”

Mar la weydiiyey “wax halis ah ah adiga kuguma hayn?” wuxuu ku jawaabay “wuxuu halis ku ahaa Muslimiinta.”

Cali ayaa sidoo kale sheegay in arrin kale oo aad u dhibtay ay aheyd in David Ames uu ka tirsanaa koox baarlamaani ah oo lagu magacaabo “Saaxiibada Israel ee Conservative-ka.”

Cali ayaa Maxkamadda u sheegay inuusan wax shalaay ah ka qabin dilka Sir David, wuxuuna ku adkeystay inuu rumeysan yahay inuusan sameyn wax khalad ah.

“Haddii aan rumeysanahay in waxa aan sameynayo ay yihiin khalad, ma sameyn lahayn,” ayuu yiri.

Cali ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday “inuu si qota dheera uga qoomameynayo inuu awoodi waayey inuu ku biiro kooxda Daacish.”

Mar la weydiiyey inuu isku arko inuu yahay xagjir, wuxuu ku jawaabay “waxaan ahay muslim qunyar socod ah.”

Maxkamadda ayaa weli socota.