27.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Midowga Musharaxiinta madaxweyne oo digniin culus kasoo saaray 12-ka April

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta oo goordhoweyd soo saaray war-saxaafadeed ayaa waxa uu ka digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu kal hore sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Golaha ayaa cadeeyay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in umadda u dabaal-degto, isaga oo ciidamada xooga dalka ugu hambalyeeyay munaasibada aasaaskooda oo ku beegan maalinta berri ah.

Waxa uu soo jeediyay in hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabaal-degga badankeeda loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daala dhacaya afur la’aanta bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Si looga baaqsado magaalada oo la xiro, isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo la joojiyo iyo in la xanibo xoogsata la diriraysa nolosha maalinlaha ah, in sidii ay horey u ahaan jirtay dabaal-dega lagu ekeeyo taliska ciidanka iyo xaruntiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Golaha ayaa wuxuu ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan ama fuliyaan ajandaha guracan ee la damacsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhibaanada oo loo mudeeyay 14-ka April ee 2022-ka.

Ugu dambeyntiina wuxuu Goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamkaba in si isku mid ah looga horyimaado cid kasta oo isku deyda carqaladaynta dhameystirka hawlaha doorashooyinka dalka.

Dhageyso: Guddoomiyaha Gedo oo jawaab ka bixiyey hadalkii Axmed Madoobe

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka Gedo ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Axmed Madoobe kasoo yeeray ee la xiriiray doorashada kuraasta 16-ka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey. 

Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka madaxweynaha Jubaland ee ahaa inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay carabka ku adkeeyay in 16-ka kursi ee ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey aanay ka hari doonin doorashada dalka ka socota.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay inay diideen qorshe ka yimid beesha caalamka oo ahaa in isaga iyo Farmaajo ay min 8 kursi u kala qaataan kuraastaas, oo qofkiiba uu 8 musharax soo saarto

Waxa uu intaa ku daray in mar-naba aan la qeybin doonin kuraasta gobolka Gedo islamarkana uusan ka tanaasuli doonin hal kursi oo kuraastaasi ka mid ah.

Hase yeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray maamulka gobolka Gedo oo sheegay in arrintaas ay u baahan tahay dib u heshiin maamulkaas laga dhex sameeyo, doorashaduse ay sideedii u dhacdo.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo ra’iisul wasaare Rooble ay qorsheynayaan in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Muqdisho, oo ay beesha caalamka korjoogto ka noqoto. 

Axmed Buulle ayaa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin doorashadii loo ballansanaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, ayada oo aanay wax dhibaao ah ka dhicin. 

UK: Maxkmad go’aan ka gaartay kiiska Ali Harbi ee dilkii xildhibaan Amess

London (Caasimada Online) – Ali Harbi Ali oo ah 26 jir Soomaali ah ayaa maanta lagu helay dambi ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo uu ku weeraray kaniisad uu kula kulmayey cod-bixiyeyaal.

Ali ayaa dhowr jeer mindo ku dhuftay xildhibaan David Amess markii uu kaniisadda ku weeraray bishii October 2021, werarkaas oo uu ku qeexay mid uu uga aargudanayey taageero uu xildhibaanka siiyey duqeymo laga fuliyey Syria.

Waxa uu sidoo kale xusay in sababaha uu dilka u gaystay ay ka mid tahay in xildhibaan Amess uu ka tirsanaa koox baarlamaani ah oo lagu magacaabo “Saaxiibada Conservative-ka ee Israel.”

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Ali uu ahaa “argagixiso xagjir Islaami ah, dhiifoon oo xamaasadeysan.”

“Kani waxa uu ahaa ficil argagixisanimo oo aad u xun oo ay dhiiri-geliyeen aaminsanaanta fikrado iyo caqiidooyin diimeed,” ayuu yiri Nick Price, oo ah madaxa qeybta ka-horatgga argagixisanimada ee Adeega Dacwad-oogista Boqortooyada.

“Ali wuxuu doortay inuu gaysto dambi naceyb ah sababo naceyb iyo nafsaani ah dartood.”

Ali ayaa Maxkamadda Old Bailey ee London ay ku heshay dambi ah dil iyo diyaarinta argagixisanimo, kadib markii xeer-beegtida ay ku qaadatay kaliya wax ka yar nus saac inay go’aan gaaraan.

Dilka Amess oo ahaa xaasle 69 jir ah oo dhalay shan caruur ah, kana tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa mowjado argagax leh u diray baarlamanka, wuxuuna horseeday baaqyo ku saabsan in amni wanaagsan la siiyo xildhibaanada.

Xildhibaanada British-ka ayaa inta badan kulmada dadweyne qabta ayaga oo haysto ilaalo aad u yar amaba aan haysan mararka qaar.

Ali ayaa dambi baarayaasha u sheegay inuu sanado qorsheynayey inuu dilo xildhibaan, islamarkaana uu indho indheyn ku sameeyey xarunta Baarlamanka iyo laba xildhibaan oo kale, oo uu ku jro Michael Gove, oo sidoo kale wasiir ah.

Wuxuu sheegay inuu “ku fashilmay” weeraradii hore kadibna uu ishaareystay Amess, sababtoo ah buu yiri ,“wuxuu ahaa kan ugu fudud.”

Ali ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish, islamarkaana uu rumeysan yahay in ficilladiisa ay caawin doonaan Muslimiinta, isaga oo isku qeexay Muslim “qunyar socod ah.”

“Haddii ay ila tahay in waxa aan sameynayo ay khalad yihiin, ma sameyn laheyn,” ayuu maxkamadda u sheegay.

Ali ayaa la xukumi doonaa taariikh kale oo aan la shaacin.

REUTERS

Maxay Maxkamadda Sare ka tiri qaadista dacwadaha doorashada xilli FAHAD uu dacwad ka gudbiyey FEIT?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Fahad Yaasiin u gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aamada guddiga FEIT maxkamadda sare ayaa waxaa soo baxaysay hadal hayn badan oo ka dhalatay in maxkamadda ay qaadi karto dacwado la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Doodda ugu weyn ayaa aheyd in Maxkamadda aysan qaadi karin dacwadaha doorashada, maadaama doorashadan ay tahay mid dadban oo ku dhisan heshiis ay wada gaareen maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa bishii July 2021 sheegay in Maxkamadda ay awood u leedahay ka garnaqa dacwad kasta oo ka dhalata doorashooyinka, kadib marka lagu qanci waayo go’aamada kasoo baxa guddiyada ku shaqada leh.

“Marka ay billowdaan doorashooyinka go’aan kasta oo soo saaran guddiyada waa kuwa maamul oo waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka waxay diyaar u tahay ka garnaqa cabasho kasta oo ka dhalata go’aanada maamul ee gaareen guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan,” ayuu yiri guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa su’aasha ka dhalatay dacwada uu gudbiyay Fahad, kadib markii uu ka biyo diiday go’aamada guddiga FEIT oo ayagu go’aamiyay dib ku noqoshada kursiga uu ku guuleystay ee HOP#086.

Tallaabada Fahad ayaa sida la fahamsan yahay timid kadib markii ay kasoo xirmeen albaabadii kale, si loogu fasaxo kursigiisa oo la sheegay in uusan marin habraaci saxda ahaa ee doorashada.

Si dhab ah looma oga sida ay u wajahi doonto maxkamadda dacwadaan uu gudbiyay Fahad, hase yeeshe waxa marnaba shaki ku jirin in uusan kasoo bixi doonin go’aan lidi ku ah saaxiibka Farmaajo.

Daawo: Xaafado ka tirsan magaalada MUQDISHO oo laga barakacay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qaybo ka mid ah ka taagan xaalad adag oo la xiriirta dhanka ammaanka, taas oo soo wajahday dadka deegaanka, isla-markaana sababtay barakacka socda qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa ka mid ah degmooyinka laga barakacay, kadib markii ay kusoo bateen weerarada ay geysanayaan kooxo ciyaal weero ah oo baangado iyo mindiyo ku hubeysan, kuwaas oo dadka shacabka ah dhibaatooyin u geysta.

Dadka deegaanka ayaa waxaa habeenadii lasoo dhaafay ay la kulmayeen dhacdooyin argagax leh oo ay geysanayaan kooxahaasi oo raxan raxan u socda, iskana soo horjeeda, , iyaga oo si gaar ah u beegsanaya dadka socotada ah iyo xittaa kuwa ku sugan guryahooda.

Aabe ka mid ah dadka ku dhaqan Dharkenley oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sabab la xiriirta ciyaal weero dartood looga barakacay xaafadda, isla-markaana caruurtiisa uu geeyey degmada Waabari ee isla gobolka Banaadir, si aysan dhibaato usoo gaarin.

“Xaafadaan Dharkenley ayey ka mid tahay, waaxda labaad laanta saddexaad ayaa la yiraahdaa Aniga reerkeyga waa qaxeen Waabari ayey jiraan anne xaafaddii iyo alaabtii inaan waardiyeesto ayaan ugu tala-galay,” ayuu yiri Aabe ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxahaasi ay ku jiraan rag waa weyn oo Xaasleyaal ah, isla-markaana ay qayb ka yihiin dhalinyarada dhibaatada ka wada halkaasi.

“Waa rag waa weyn ciyaal yar yar ma’ahan rag naaga leh ayaa ku jira rag waa weyn waayey,” ayuu sii raaciyey.

Arrintan kuma koobna degmada Dharkenley waxaana ka mid ah degmooyinka Wadajir, Kaaraan iyo kuwa kale oo caasimada ku yaalla oo ay ku sugan yihiin kooxo kale oo ciyaar weero ah, isla-markaana halis ku ah shacabka iyo nabad-geliyada guud ee deegaanka.

Si kastaba, laamaha ammaanka ayaa u muuqday inay kuu guul darreysteen wax ka qabashada dhacdooyinkan oo soo laa laabtay bilooyinkii lasoo dhaafay.

Xaggee ayey marayaan dadaallada uu Qoor Qoor ka wado Koonfur GALBEED?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalintii saddexaad ku sugan Baydhabo ayaa halkaasi ka wada wadahadallo la’isugu soo dhoweynayo Koonfur Galbeed iyo Xukuumadda Soomaaliya oo isku qabtay dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Qoor Qoor oo ay la socdaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay inuu dhiggiisa Koonfur Galbeed kala hadlayo tabashada ay ka qabaan munaasabadda dhaarinta ee xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug iyo xubnaha kale ee la socda ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Lafta Gareen iyo xildhibaanada dooran, iyaga oo ka wadahadlay xiisadda taagan iyo sidii loo dhammeyn lahaa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay wadahadallada socda, iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in aanan weli wax xal u muuqan kara aanan laga gaarin arrinta laga wada hadlayo ee ku aadan khilaafka Rooble iyo Lafta Gareen.

Waxaa weli socda dadaallada xal raadinta a, iyada oo sidoo kale lagu ballamay inay sii socdaan kulamada wadatashiga ah, inta laga gaaro is afgarad ku aadan xiisadaas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeynta xukuumadda iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa, iyada oo haatan lagu sii dhowaanayo taariikhda loo qabtay dhaarinta xildhibaanada oo ah 14-ka bisha, taas oo shalay ay markale ku celiyeen Ra’isulwasaaraha iyo guddiga doorashooyinka.

Si kastaba, Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada taabacsan Farmaajo ayaa horey ugu dhowaaday inay gebi ahaan joojisay wada shaqeyntii kala dhexeysay ra’iisul wasaaraha, taas oo dab kusii shiday xiisadda labada dhinac.

Daawo: Axmed Madoobe oo kashifay qorshe ay beesha caalamka usoo jeediyey oo la xiriira kuraasta Garbahaarey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay kulan afur iyo casho sharaf ah xarunta Madaxtooyada Kismaayo ugu sameeyay xildhibaanada dooran ee baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay arrintan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo marka hore la dardaarmay xildhibaanadaan laga soo doortay Kismaayo ayaa ka hadlay amni darrada Muqdisho, khilaafka doorashada, cabsi gelintii NISA ee madaxda federaalka, kuraasta aan weli doorashadooda lagu heshiin ee Garbahaarey iyo afarta kuraasi ee natiijadooda la diiday.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 16-ka kurasi dhiman ee gobolka Gedo dhawaan lasoo dooran doono, isla markana matalaad la’aan aysan noqon karin dadka ree Jubaland ee gobolkaas ku nool.

Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in aysan macquul ahayn doonista qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka oo raba in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo ay kala qeybsadaan xildhibaanada kasoo baxaya gobolka Gedo.

“Wadankaan doorashaa xal u ah, intaan ka badan jiitan laguma sii jiri karo, waxaa hadda calaacal badan ka jiraa kuraas natiijada doorashadooda la diiday, 16 kursi oo Jubaland ah ayaa weli maqan, waxaa halkaan jooga Maxamuud Sayid Aadan oo kuraasta gobolka Gedo gacantiisa ku soo qoray doorashadii Inbagaati, maanta hadii uusan isagu qeybin yaa qeybinaya?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii kuraasta la kala qeybsanayo ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubaland ay joogaan, isla markana iyagu ay geed fadhi u yihiin xal ka gaarista arintaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka ah ee kasoo baxay Jubaland ay saaran tahay masuuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo, iyadoo la kaashanayo xildhibaanada kale ee kasoo baxay qeybaha kale ee dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in Jubaland ay dhibaato adag kala kulantay maamulka Farmaajo, loona baahan yahay in si wadajir ah xaaladan qalafsan dalka looga saaro, gaar ahaan amaan xumada iyo burburka uu dalku qarka u saaran yahay.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay hadda tahay meel aan la kala saari karin hey’adaha amniga dowlada iyo kooxda Al-Shabaab, isla markana ay si weyn iskugu milmeen, loona baahan yahay in xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Sidoo kale dardaaranka Madaxweynaha waxaa ku jirtay in baarlamaanku yahay hey’adda hooyada u ah dhamaan hey’adaha kale ee dowladda, balse ay nasiib daro tahay in baarlamaanku uu shaqooyinkiisa u daba fadhiisto NISA, isla markana ay garan waayaan waajibaadka saaran, isagoo farta ku goday baarlamaankii waqtigu ka dhamaday ee 10-aad.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyey in si guud dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada cusuba ay saaran tahay masuuliyad weyn oo la xiriirta samata bixinta dalka.

Labada Madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaas ayaa kulankaan ku sugnaa, sidoo kale waxaa soo xaadiray inta badan xildhibaanadii lagu doortay magaalada Kismaayo oo maalmahaan ku sugnaa magaaladaas.

Hoos ka daawo khudbadii Axmed Madoobe

BEESHA iska leh kursiga HOP#086 ee Fahad oo soo saartay go’aan kale oo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay iskugu yimaadeen Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Odayaal Dhaqameedka qaar kamid ah Beesha Reer Aw Xasan ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu taageerayo tallaabada uu guddiga FEIT ku hakiyay kursigooda tirsigiisu yahay HOP#086.

Xubnahaan ayaa ku dooday in kursigaas si sharci darro ah lagu boobay, ayaga oo uga mahad-celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddiga FEIT inay hakiyaan kursigaas iyo in dib loogu noqdo doorashadiisa.

“Kursigaas in uu boob ku maqan yahay waa iska cadeyd oo wax qarsoodi ah maaha. Shan Xildhibaan ayaa u tartameysay waa in dib loo soo celiyo oo si xor iyo xalaal ah u tartamaan. Waxaa la yaab leh intan waa odayaashii iyo salaadiintii u waaweyna oo reer Aw Xasan in maalinkasta wax uun lasoo saaro waa dhibaato inteeda le’eg,” ayuu yiri Oday dhaqameed kamid ah beesha oo ka hadlay munaasibadaas.

Sidoo kale waxay sheegen in guddiga dhaqanka ay u gudbiyeen cabashada kursigaas guddiga doorashooyinka ee heer federaal, kaasi oo uu guddiga ku qaatay go’aankii ku noqoshada kursigaas.

“Dowladnimada kuma dhismeyso in qofka awooda badan uu isaga sameysto habraac u gaar ah oo uu xirto kursiga oo uu yiraahdo la ilama tartami karo, soona aruursado dad uu ku sheego ergo. Suurta-gal ma aha in awoodii dowlada ee dadka ka dhaxeysay loo isticmaalo dano gaar ah,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay guddiga dhaqanka beesha reer Aw Xasan.

Kulankaan ayaa imanaya labo maalin kadib markii xubno kamid ah beesha ay difaaceen Fahad Yaasiin, ayna sheegen in kursigaas ay doorteen ergada beesha leh oo garwadeen ka ahaa saxiixaha beesha ku metela dhaqanka oo asagu soo xulay ergadii dooratay.

Waxaa muuqata in beesha reer Aw Xasan ay ku kala jabeen doorashada kursiga Fahad, kaasi oo laga reebay liiska xildhibaanada la doortay, kadib markii uu guddiga FEIT sheegay in loo maray habraac aan sax aheyn.

Si kastaba, Fahad ayaa hadda ciirsi biday in uu dacwad u gudbiyo maxkamadda sare, maadama ay guul-dareysteen isku dayadii kale ee uu ku raby in loogu fasaxo kursigaas, isaga oo isku dayaya in maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaarto kursiga loo doortay ee HOP#086.

Daawo Waare: “Hadii kursiga Fahad la fasaxo walaalnimo iyo islaamnimo midna ma jirto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay khilaafka hareeyey natiijadii la diiday ee doorashada afar kursi oo seddax laga soo doortay Koonfur Galbeed iyo kursigii uu Beledweyne ka soo qaatay Fahad Yaasiin.

Waare ayaa ku taliyey in wax kasta hadii ay dhacaan aan la fasixin kursiga Fahad Yaasiin uu soo qaatay ee HOP#086, kaas oo sida uu sheegay horseed u noqon kara in dowladnimada dadka lagu sii dulmiyo.

“Kursigaasi eed badan ayuu qabaa, dhaawac, dil, qarax, dad la ilhaaneystay iyo ciidan la isku adeegsaday ayuu qabaa kursiga HOP#086, wuxuuna calaamad u yahay siyaasadda ah waan kaa xoog badanahay, saan rabo ayaana kaa yeelayaa,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray, “Iyadoo qarax ka dhacay Beledweyne oo dhaawaca iyo meydku banaanka yaallaan ayaa kursigaas la boobay, waxaa la yaqaan dadkii codeeyey cidda ay yihiin, hadii la fasaxo kursigaas waxay ka dhigan tahay inaan aqbalnay wax dadka Soomaaliyeed ku kala tegi karaan oo walaalnimada iyo islaanimada aan ku jirin.”

Waare ayaa sheegay in beesha kursigaas iska leh ee reer Aw-Xasan ay tahay culumo reer Hiiraan ay aad u jecelyihiin, “Waxaan is qabadsii la’ahay dadka kursigaas iska leh dhaqankooda suuban ee soo jireenka ah, hadana waxaan arkay odayaal dhahaya kursigaas nagaa leh anagaana bixinay, walaalayaal dhaqanka ninka kursigaas soo qaatay dhaqankiinii maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Waare.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa soo jeediyey in seddaxda kursi ee Koonfur Galbeed 3 sababood dartood in la fasaxo, kuwaas oo kala ah:

1 – Doorashadaan waxay lamid tahay tii Imbagaati, xilligaas oo ujeedadu ay aheyd war baarlamaan la’aan ayaa ka darane, waxay doonaan hanoqdaane wax un hala soo saaro, dhibkii ka dhacay wadanka oo dhana waa laga war qabaa.

2 – Isku tanaasul ayaa wax lagu soo waday, laakiin hadda lama dhihi karo kooramkii waa buuxsamay, waana laga maarmaa inta maqan, runtii waqtigaas lama gaarin, hadii cid laga tegaa faa’iido lagu gaaray reer waqooyi ayaa naga maqan.

3 – Habraaca lagu eedeeyey natiijada doorashada, sidee 3 kursi uga duwan yihiin doorashooyinkii ka dhacay gobollada kale? Waxaan qabaa in sababta loo beegsaday kuraastaas ay tahay inay ugu horeeyeen doorashada oo markaas rajo laga qabay in doorasho xalaal ah la qabto, laakiin hada wax ka daran ayaaba dhacay.

“Sidaas darteed, anigoo daliishanaya seddaxdaas sababood, waxaan qabaa in kuraasta Koonfur Galbeed la fasaxo, Rooble waxaan leeyahay ha isku qaban arrimahaan isma lahane oo iska fasaxa kuraasta 3-da ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Hoos ka daawo

Muxuu Yuusuf Garaad ka yiri muranka hareeyey April 12?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay muranka hareeyey xuska maalinta ciidanka Xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay inay muhiim tahay in aan la siyaasadeyn arrinta ciidamada, ayna tahay muxaafad iyo mucaarad in la dhiira-geliyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Xoogga Dalku waa Ciidan ay tahay in muxaafad iyo mucaarad la taageero lana dhiirri geliyo. Ma aha in la siyaasadeeyo kaalintiisa Difaaca Dalka Hooyo iyo sannadguuradiisa,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray siyaasiga caanka ah ee Yuusuf Garaad Cumar.

Sidoo kale wuxuu kula dardaamay Xoogga dalka inuu istaago difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay laaliyaan mas’uuliyadda ka saaran amniga madaxda.

“Xoogga Dalku waa in uu dhankiisa ku sifoobaa in uu ahaado siyaasad – moog daafaca dalka iyo dadka, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta talada haya iyo kuwa raba in ay wadiiqo sharci ah u maraan in ay iyagu dalka ka taliyaan,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dood xoogan ay ka dhalatay u diyaar garowga xuska sanadkan ee 12-ka April, kadib markii lagu eedeeyey Villa Soomaaliya in ay wado qorshe kale oo ka leedahay dano siyaasadeed, sida ay shaaciyeen xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa ka jawaabay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo dalbaday in aan la siyaasadeedn xuska maalinta 12-ka April oo ah aas aaska Xoogga.

ATMIS oo sharaxaad cusub ka bixisay xayiraadda lagu soo rogay xerada XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – ATMIS ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay sharaxaad cusub uga bixisay xayiraadda lagu soo rogay xerada Xalane, sida ku cad qoraal hore oo kasoo baxay 8-dii April.

Xayiraaddaas oo si rasmi ah u dhaqan gashay shalay oo aheyd 10-kii April ayaa socon doonta illaa 16-ka April, waxayna kusoo aaday xilli la filayo in Xalane ay ka dhacdo dhaarta xildhibaanada cusub 14-ka April, 2022.

War-saxaafadeedka cusub ee kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid taxaddar ah oo howlgalka uu qaadayey tan iyo markii la aas-aasay 2007, si looga hortago, ayey tiri, in argagixisada ay jebiyaan amniga xerada xilliyada ay jiraan halisaha amni iyo dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Xayiraaddii ugu dambeysay ee guud ee xerada la geliyey ayaa dhacday 17-kii December 2021 illaa 8-dii Janaayo 2022, sida lagu sheegay qoraalka ATMIS.

ATMIS ayaa xaqiijisay in xayiraaddan aan marnaba looga dan laheyn in lagu carqaladeeyo dhaarinta xildhibaanada cusub.

“Xayiraadda billaabatay oo dhammaan doonta 16-ka April 2022, sinna loogama dan lahan in lagu carqaladeeyo, ama lagu qasbo in lagu hakiyo, ama lagu faro-geliyo xafladda dhaarinta xubnaha cusub ee loo doortay baarlamanka ama dhaq-dhaqaaq kasta oo doorasho ama shaqooyinka dowladda ee xerada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Ujeedka kaliya waa in la fududeeyo howlaha hadafkoodu yahay in lagu xaqiijiyo in xeradu noqoto mid ammaan ah, oo nabad ah xilliga muhiimka ah ee doorasho, oo ay ku jirto xafladda dhaarinta iyo sanad guurada 62-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan bisha Ramadan.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in ATMIS ay la shaqeyneyso Ciidankka Xoogga Dalka si loo xaqiijiyo in dhameystirka hanaanka doorashada loogu guuleysto jawi nabadeed oo aan rabshado laheyn.

Al-Shababa ayaa weerar dhimasho leh ku qaaday Xalane laba toddobaad kahor, halkaasi oo ay ku dishay lix qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, halka qofka kalena uu ahaa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay doorashada Golaha Shacabka oo heer gebo-gebo ah mareysa iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan April.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in sidiisa loo dhaqan-geliyo jadwalka dhaarinta xildhibaanada oo uu hore u soo saaray guddiga FEIT, kaasi oo fulistiisu inaga xigto afar maalmood. 

Sidee ayaa looga falceliyey dacwadda uu Fahad Yaasiin geeyey Maxkamadda Sare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno dhowr ah ayaa ka falceliyey dacwadda ka dhanka ah guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, taasi oo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir uu u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka.

Sida ku cad warqadda dacwadda, Fahad Yaasiin ayaa FEIT ku eedeyay inay si aan sharciga waafaqsanayn ay u celiyeen kursigiisa HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Taliyihii hore ee NISA iyo xildhibaan hore Axmed Macallinf Fiqi ayaa sheegay in maadaama doorashadan ay tahay mid dadban aan wax dacwad ah la geyn karin Maxkamadda Sare, sida uu hadalka u dhigay. 

“Doorasho dadban iyo maxkamad meelna iskama soo galaan!? Fahad kursi sidaan kuma heline, maxkamad & sharciba in aysan dalkaan ka jirin ayuu caddeeyey,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi. 

Dhinaca kale, Rashiid Cabdi oo ah fallanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan hay’adda darasaadka ee Sahan Research, ayaa dacwadda Fahad ku qeexay mid astaan u ah sida nidaamka hubinta iyo dheeltirnaanta dowladda ee Soomaaliya uu mar kasta uga guuleysanayo kan kali-taliska ah. 

“Fahad Yaasiin wuxuu dacwad geeyey Maxkamadda Sare si guddiga doorashada loogu qasbo inay ka laabtaan go’aanka looga reebay liiska xildhibaanada la sharciyeynayo. Miyaanay taasi aheyn la-yaab, iyo caddeyn iyo nidaamka hubinta iyo dheelitirnaanta ee Soomaaliya uu mar kasta ka hortagayo isku day kasta oo lagu soo rogayo nidaam kali talis ah,” ayuu yiri Rashiid Abdi. 

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadsa “lasii ogyahay” isaga oo ula jeeda inay xukmin doonto sida Fahad uu rabo.

Kursi shan horin oo ciidan ah dartii diyaarado loogu daabulay, magaaladii oo dhan loo xiray, la diiday in daqiiqad loo hakiyo, iyadoo maydka iyo dhaawaca isdhexyaal. Kursigii loogu cudud muujiyey in diyaarad lagu qaato xildhibaanno, senataro iyo siyaasiyiin aan u dhalan beesha kursiga iska leh, Madaxweynihii iyo ku xigeenkii maamulkana labada dhinac sawir la iska dhigay, kursiga aan dheg jalaq loogu siinin go’aankii Golaha Wasiirrada ee ahaa ciidanka Beledweyne la geeyey in dib loo soo celiyo, kursiga awoodii, hantidii iyo haybaddii qaranka loo adeegsaday,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray “Ma jirin cid kursigaas tartankiisa hawaysan kartay. Dacwada Maxkamada la geeyeyna macnaheeda maaha in ahmiyada sharciga iyo caddaalada leedahay la gartay, ee waa in natiijada xukunka la sii ogyahay, sida tii kursigaba loo ogaa.”

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa horey u fasaxy kursiga Fahad, hase yeeshee ma jirin kiis dacwad oo dhanka Fahad uga yimid, taasi oo sax ahaanshaha iyo sharciyadda go’aankooda mugdi gelisay.

Kursiga HOP#086 ayaa waxaa ku dhagan guddiga doorashada heer Federal iyadoo lagu heysto in doorashadiisa la qabtay iyadoo uu hakiyey guddiga, lana baal maray hanaanka doorashada.

Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in kiiska kursigan uu yahay mid siyaasadeysan, islamarkaana xayiraadda la saaray uu ka dambeeyo ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal kula jira Farmaajo iyo Fahad.

Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo ku dagalaamay magaalada DIINSOOR

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ay ku dagaalameen qaybo ka mid degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday hoobiyeyaal, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta, isla-markaana dagaalka uu socday muddo saacad ah, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo kale oo gurmad ahaa lala beegsaday weerar dhaba-gal ah, ka hor inta aysan soo gaarin saldhigga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay isku ballaariyeen hareeraha saldhigga ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool.

Xog: Sababta rasmiga ah ee ATMIS ay u xirtay XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa go’aanka uu Howlgalka ATMIS xayiraadda ugu soo rogay xerada Xalane 10-ka illaa 16-ka bishan April.

Qoraal uu howlgalka ATMIS u diray safaaradaha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in xanibaaddan ay joojin doonto dhammaan shaqooyinkii dhismaha ee ka socday xarunta, la xiri doono dukaamada iyo goobaha ganacsi ee Soomaalida iyo kuwa ajaaniibta goobaha lagu dhaqo baabuurta iyo maqaayadaha. 

Qoraalka ATMIS ayaa shaki badan abuuray, ayada oo loo qaatay qorshe lagu fashilinayo dhaarinta xildhibaanada cusub oo qorshuhu yahay in lagu dhaariyo Teendhada Afisyoone oo ka tirsan Xalane 14-ka bisha April.

Si kastaba, xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xayiraadda lagu soo rogay Xalane aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaarinta xildhibaanada, islamarkaana sida loo qorsheeyey ay u dhici doonto 14-ka bishan oo ku beegan Khamiista.

Ujeedka ATMIS ay xayiraadda usoo rogtay ayaa, sida aan xog ku heshay Caasimada Online, qeyb ka ah in si weyn loo sugo amniga xarunta, ayada oo laga cabsi qabo in kooxda Al-Shabaab ay weerar la beegsan karo munaasabadda dhaarinta.

Al-Shababa ayaa weerar dhimasho leh ku qaaday Xalane laba toddobaad kahor, halkaasi oo ay ku dishay lix qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, halka qofka kalena uu ahaa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay doorashada Golaha Shacabka oo heer gebo-gebo ah mareysa iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan April.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in sidiisa loo dhaqan-geliyo jadwalka dhaarinta xildhibaanada oo uu hore u soo saaray guddiga FEIT, kaasi oo fulistiisu inaga xigto afar maalmood. 

Guddiga Doorashada oo war cusub kasoo saaray dhaarinta xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiayaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka hadlay maalinta loo asteeyay dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka oo ku aadan 14-ka bisha April 2022-ka, waxaana uu xusay in la diyaariyey goobta dhaartu ka dhacayso.

Guddoomiye Geelle ayaa ugu baaqay in xildhibaannada qaatay shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga ah ka hor waqtiga ay yimaadaan, waxaan uu xusay in dalka ay ku gadaaman tahay duruufo badan loona baahan yahay in la samatabixiyo, isagoo sidoo kale baaq u diray xildhibaannada aan qaaday Shaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga.

“Xildhibaannada labada aqal cid waliba aan qaadan Shahaadada, waxaan ka rajaynaynaa in ay yimaadaan oo ay qaataan Shahaadada si ay uga qayb galaan dhaarta, xildhibaannada qaatay shahaadada, iyaga waxaan leenahay  in ay ka soo hormaraan maalinta 14-ka oo dhaartu ay qabsoomi doonto, kuwaas oo muddo  dhow ku wareegi doona xarumahoodii aqalka sare iyo golaha shacabka, umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa inuu kheyr jiro, inuu wadanku yeelan doono dowlad, inuu wadanku yeelan doono xeer dajiyeyaal,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Muuse oo sii hadlaayo ayaa yiri” Wax allaala wixii turxaan bixin ah ama cabashooyin ah waa la dhamaynayaa, waxaan soo dhowaynaynaa inuu dalka horay u dhaqaaqo, haddii aan maanta dhaar la qaban oo dadkii kusoo baxay aan la dhaarin, xaaladda dalka maalinba maalinta ka dambayso waa sii socdaa, dhaqaalo xumi ayaa jirta, deeqihii la siin jiray ayaa go’aya, deyn cafiskiibaa go’aysa, bisha May haddii la gaaro, duruufo badan ayaa dalka ku gadaaman, dhibaatooyin badan baa jirta, sidaas darteed  wadanku waa inuu horay u socdaa.”

Hadalka guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo in kabadan 200 oo xildhibaan ay qaateen shahaadada iyo kaararka aqoomsiga, waxaana la filayaa in guddigu maalinta 14-ka bisha April 2022-ka uu dhaariyo xildhibaannada labada aqal ee la doortay ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah.

Cabdullahi Maxamed Nuur oo shaaciyey qorshe socda, kuna maray wacad in Madeira…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu ka shaqeenayo qorshe uu rabo inuu muddo kordhin kusii sameysato si uu usii fadhiyo Villa Somalia.

Wasiir Cabdullaahi ayaa ujeedka uu madaxweyne Farmaajo u difaacayo danjire Francisco Madeira ku sheegay sidii uu isaga hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu wado qorshooyin halis ku ah dalka, balse faahfaahin kama bixin qorshooyinkaas oo uu ku sheegay kuwa khatar ah.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday sidiisaba waa nin aaminsan in uu dhex fadhiyo Villa Somalia, waa nin jeclaan lahaa haddii uusan sii joogi karin inuu dalka u gacangeliyo Al-Shabaab, waxa uu ka shaqeynayaan sidii uu isaga hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Nabad ilaalinta dalka u jooga,” ayuu yiri Wasiirka Amniga

Wasiirka Amniga ayaa si cad u sheegay in aysan dhici doonin in Dajire Madeira uu dalka kasii shaqeeyo iyada oo la iska indha-tirayo go’aankii kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Madeira oo ah qofka la garanayo ayaa dalka dib ugu soo laabanayo kana sii ahaanayo danjire wax dhacaayo ma aha, iyaguna way garan karaan, waana arki doontaan haddii aysan noqon saacadaha soo socda in maalmaha soo socda sheekadaas way iska dhammaaneysaa,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Cabdullaahi ayaa arrinta khatartaan looga fakan karo ku sheegay inay tahay in la dhaariyo xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad.

“Dalka Soomaaliya haddii ay suurtogasho oo xildhibaannada la doortay ay dhaartaan waxa aan aaminsanahay in 90% lagu guuleystay kala guurka, haddii ay dhici wayso maalinta loo asteeyay oo ah 14-ka bishan waxa aan aaminsanahay in aan ku jirno khatar weyn balse waxa aan ku rajo weynahay in aysan dhicin si dabinada looga hortago, dadkaan aan waxba ka duwaneen ismiidaamiyaasha suunka isku soo xira waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa in wadajir aan uga hortagnaa,” Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ugu dambeyntii wasiirka oo wax laga waydiiyey bandowga ay ATMIS saartay Xalane iyo qeybo ka mid ah garoonka 12-ka illaa 16-ka April, ayaa ku sheegay inay tahay wax caadi ah oo la xiriirta dhanka amniga, wuxuuna carabka ku dhuftay inuusa jirin khilaaf ka dhaxeeyo ATMIS iyo xukuumadda.

Doodda ka dhalatay ka eryidda Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa meel xasaasi ah gaartay, Villa Somalia ayaa si cad u difaacday danjiraha dalka laga eryay halka xukuumadda federaalka amar ku bixisay in loo diido dal ku galka maadaaama uu maqan yahay.

Midowga Afrika oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inay raacayaan warka kasoo baxay madaxweyne Farmaajo, wuxuuna midowga ku adkeystay in Madeira uu shaqadiisa sii wadan doono.

Wararkii ugu dambeeyay dhaarinta xildhibaanada iyo Rooble oo laba tallaabo qaaday maanta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay doorashada Golaha Shacabka oo heer gebo-gebo ah mareysa iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishaan April.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore ugu adkeystay in sidiisa loo dhaqan-geliyo jadwalka dhaarinta xildhibaanada oo uu hore u soo saaray guddiga FEIT, kaasi oo fulistiisu inaga xigto afar maalmood.

Sidoo kale waxa uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble la kulmay guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS, kuwaasi oo kula hadlay qaban-qaabada iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada.

Kulamadaan ayaa kusoo aadaya xili uu maanta Guddiga doorashooyinka dalka heer federaal uu shaaca ka qaaday in xildhibaannada qaatay shahaadada ay gaareen illlaa 200 oo xildhibaan oo isugu jiro labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay dardar ku socoto shahaado siinta xildhibaanada cusub, isla-markaana ay dhowdahay munaasabadda dhaarinta.

“Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan isku darka labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga FEIT.

Tirada guud ee xildhibaanada ayaa marka la isku geeyey labada Aqalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxay dhaafeen kooramka ay xildhibaanada ku shiri karaan kuna dooran karaan guddoomiyeyaal iyo madaxweynaha.

Fahad oo dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka, sida ay caddeynayaan Documentiyo la helay.

Sida ku cad warqadda dacwadda, Fahad Yaasiin ayaa FEIT ku eedeyay inay si aan sharciga waafaqsanayn ay u celiyeen kursigiisa HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Taliyihii hore ee NISA ayaa qabsaday qareen, waxa uuna isku dayayaa in maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaarto kursiga loo doortay ee HOP#086 kadib markii isku dayadii kale ay guuldareysteen, sida muquata.

Dacwadda Fahad ayaa ka dhigan mid gebi ahaanba baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka, kaas oo dhigaya in dacwadda iyo cabashooyinka dhanka doorashada ah loo gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa horey u fasaxy kursiga Fahad, hase yeeshee ma jirin kiis dacwad oo dhanka Fahad uga yimid, taasi oo sax ahaanshaha iyo sharciyadda go’aankooda mugdi gelisay.

Kursiga HOP#086 ayaa waxaa ku dhagan guddiga doorashada heer Federal iyadoo lagu heysto in doorashadiisa la qabtay iyadoo uu hakiyey guddiga, lana baal maray hanaanka doorashada.

Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in kiiska kursigan uu yahay mid siyaasadeysan, islamarkaana xayiraadda la saaray uu ka dambeeyo ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal kula jira Farmaajo iyo Fahad.

Horay ayay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida looga gudbiyay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasin oo lagu eedeyay in uu qayb ka yahay dil loo gaystay sarkaalad Ikraan Tahliil Afrax, mana la ogo sida ay ku socon karto dacwadaan maadaama ay dacwad kale ka taallo.

Halkaan hoose ka akhriso dacwadda uu gudbiyey Fahad

 

 

Iska hor-imaad qabiil ku saleysan oo dhexmaray askar ka tirsan NISA + Khasaaraha

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta gudaha magaalada uu iska hor-imaad ku dhex-maray Askar ka wada tisan ciidanka NISA.

Iska hor-imaadkan ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah ciidanka NISA ay is dhaafsadeen hadalo xanaf leh oo qabiil ku saabsan, taasi oo markii dambe sababtay in ciidanku uu noqdo laba dhinac.

Waxaa dagaalkan labada ka dhex qarxay ciidanka NISA ku geeriyooday inta la ogyahay illaa hadda Saddex ruux, oo ay ku jiraan labo askari oo NISA ka tirsan iyo qof shacab ah.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in uu jiro dhaawac kale oo ka dhashay iska hor-imaadka ciidanka NISA oo aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saraakiisha 14 October ee ku sugan magaalada Marka iyo Taliyaha Nabad-sugida magaaladaas ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay ciidanka kala dhex-galaan, islamarkaana ay xaalada dejiyaan.

Majiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo laamaha amaanka degmada oo ku aadan dhacdadaan maanta ay ku geeriyoodeen Saddexda ruux.

Tirada xildhibaannada BF ee SHAHAADADA qaatay oo gaartay 200 + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dalka heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaannada qaatay shahaadada ay maanta gaareen illlaa 200 oo xildhibaan oo isugu jiro labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay ayaa lagu sheegay inay dardar ku socoto shahaado siinta xildhibaanada cusub, isla-markaana ay dhowdahay munaasabadda dhaarinta.

“Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan isku darka labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga FEIT.

Tirada guud ee xildhibaanada ayaa marka la isku geeyey labada Aqalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxay dhaafeen kooramka ay xildhibaanada ku shiri karaan kuna dooran karaan guddoomiyeyaal iyo madaxweynaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay ATMIS ay ku dhowaaqday in la xirayo garoonka Aadan Cadde, iyada oo howlgallo laga bilaabayo xerada Xalane, taas oo ay dad badan u arkaan in lagu carqaladeynayo munaasabadda dhaarinta ee xildhibaanada cusub.

Halkaan hoose ka akhriso liiska xildhibaanada  qaatay shahaadada:-

1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070
8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11
14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
17. Muse Said Jama GSH#263
18. Ahmed Abdi Koshin GSH#205
19. Hirsi Adan Roble GSH#101
20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#15
21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
22. Nadra Salah Abdi GSH#257
23. Duniya Mohamed Ali AS#014
24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
27. Omar Ali Abdi GSH#035
28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
33. Adar Ali Mohamed GSH#081
34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
36. Ali Mohamud Adam GSH#240
37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
38. Zamzam Mohamed Omar GSH#243
39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
41. Ali Mohamed Omar GSH#115
42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
44. Khalif Abdi Omar GSH#032
45. Mariam Aweis Jama GSH#113
46. Jama Mohamed Askar GSH#254
47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
48. Shamso Hassan Elmi GSH#020
49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
54. Saed Abdi Hussein AS#39
55. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
56. Shariif Abdalla GSH#085
57. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
58. Hussein Mohamed Nur GSH#051
59. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
60. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
61. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
62. Hassan Abdi Ismail GSH#217
63. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
64. Roda Arab Abdi GSH#219
65. Sahra Olad Abdi GSH#018
66. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
67. Leila Ahmed Ismail AS#37
68. Ahmed Mohamed Ali AS#21
69. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
70. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
71. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
72. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
73. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
74. Ali Shaban Ibrahim AS#23
75. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
76. Salah Ahmed Jama AS#34
77. Guled Bihi Abdi GSH#255
78. Ahmed Osman Dirie GSH#233
79. Abdinur Ali Aden GSH#028
80. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
81. Abas Ali Ibrahim GSH#111
82. Mohamed Abukar Ali GSH#025
83. Adar Hared Jibril GSH#132
84. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
85. Bihi Iman Egeh GSH#237
86. Abdiqani Ismail Said GSH#241
87. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
88. Adnan Osman Elmi GSH#236
89. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
90. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
91. Nasro Mahdi Arale GSH#023
92. Leylo Nur Maah AS#07
93. Sahra Jama Ali GSH#134
94. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
95. Hassan Dahir Yarow AS#05
96. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
97. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
98. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
99. Ilyas Badal Gabose AS#01
100. Mohamed Hassan Adam GSH#133
101. Abdillahi adan Ahmed GSH#193
102. Hamza Abdi Barre GSH#203
103. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
104. His Hassan Adan GSH#015
105. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
106. Maryan Mohamud Isse GSH#226
107. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
108. Osman Mohamed Abdi GSH#022
109. Fadumo Hassan Ali GSH#210
110. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
111. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
112. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130
113. Osman Abokor Mohamed Dubbe AS#36
114. Abdirahman Ahmed Suge GSH#245
115. Ibrahim Awgab Osman AS#06
116. Hassan Idow Mohamed AS#22
117. Nor Mohamed Gedi AS#18
118. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
119. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
120. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
121. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
122. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
123. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
124. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
125. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
126. Fardowsa Osman Egal HOP#232
127. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS#54
128. Deqo Hassan Hussein AS#43
129.Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008
130. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52
131. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
132. Hirsi Jama Gaani GSH#223
133. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
134. Said Mohamed Ali GSH#093
135. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04
136.Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248
137. Osman Ali Yusuf GSH#198
138. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02
139. Muse Sudi Yalahow AS17
140. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
141. Qali Ali Shire GSH#060
142. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092
143. Maryan Farah Kahiye AS#08
144. Ahmed Mohamed Said AS#41
145. Mahdi Mohamed Gulaid
146. Mohamed Adam Dini GSH#036
147. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50
148. Said Ali Muse GSH#027
149. Ismail Shire Jama GSH#142
150. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075
151. Abdikani Gelle Mohamed AS#44
152. Abdullahi Farah Mire GSH#228
153. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191
154. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53
155. Farhiya Yusuf Omar GSH#121
156. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128
157. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220
158. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174
159. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158
160. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221
161. Ali Mahdi Mohamed GSH#169
162. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222
163. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190
164. Samira Maxamud Haji AS#51
165. Saynab Ismail Mohamed AS#45
166. Mohamed Abdi Osman AS#49
167. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
168. Farhan Ali Hussein AS#47
169. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
170. Mohamed Farah Nur GSH#192
171. Abdikafar Elmi Hange GSH#144
172. Mohamood Ahmed Adan GSH#157
173. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059
174. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019
175. Abdirahman Idan Yonis GSH#259
176. Ali Yusuf Ali Hosh GSH#200
177. Ismail Abdulrahman Basheir GSH#238
178. Abdikarim Omar Hussein GSH#074
179. Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068
180. Dr. Mohamed Hassan Mohamed GSH#207
181. Bashir Abdi Mohamed GSH#273
182. Faisal Ahmed Mohamud GSH#149
183. Abdullahi Hassan Roble GSH#249
184. Said Siyad Shirwac AS#09
185. Hussein Ahmed Ulusow GSH#021
186. Farhan Ali Mohamoud AS#10
187. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03
188. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094
189. Ali Haji Adam Abukar GSH#039
190. Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105
191. Khadra Mohamed Tukale GSH#247
192. Amina Omar Jama GSH#202
193. Dahir Ayanle Said AS#48
194. Abdirahman Abdishakur Warsame GSH#138.

195. Abdisamad Mohamed Hassan GSHHOP#139
196. Yusuf Hayle Jimale GSH#012
197. Mohamed Hussein Hadi GSH#209
198. Khadija Mohamed Almakhzoum GSH#034.