26.8 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Maamul goboleedkii ugu horeeyey oo dhaqangeliyey jadwalka doorashooyinka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada todobadii kursi ee u dambeysay guud ahaan xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Baydhabo iyo Baraawe.

Guddiga ayaa sheegay in isla maanta la shaacinayo guddiyada soo xulaya ergada todobada kursi oo kala ah HOP#204, HOP#197, HOP#179, HOP#172, HOP#164, HOP#181 & HOP#047.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in diwaangelinta la bilaabayo 14-ka bishan, kadibna maalinta ee 15-ka March la qaban doonto doorashada xubnahaasi.

Tani ayaa ka dhigan in Koonfur Galbeed ay noqotay maamul goboleedka ugu horreeyey oo dhaqangeliya jadwalkii u dambeeyey ee doorashooyinka dalka oo ahaa in gabi doorashada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishaan Maarso.

Illaa iyo hadda waxaa socda caga jiid ku aadan doorashooyinka, waxaana ugu daran muranka weli ka taagan doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey.

Horey waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyo doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi iyo kuwa beelaha Banaadiriga, waxaana kusoo xiga Koonfur Galbeed.

Doorashada oo qaadatay muddo ka badan 1 sano ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, iyadoo la guda-galayo doorashada guddoonka labada aqal iyo mida madaxweynaha.

Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan degmada Dharkenley oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay degmooyinka dhaca gabeedka caasimada, wuxuuna si gaar ah uga dhacay afaafka hore saldhig galbeed, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo geystay khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray askar iyo dad shacab ah.

Sidoo kale xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay dhacdadaan ka bixiyeen saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Arrimahan oo dil ayaa dhacaya, xilli haatan lagu jiro marxalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka weli ka socda Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaala oo gacan ka taagay loolankii kursiga HOP#069 ee ODOWAA

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa gacan ka taagay loolankii uu ugu jiray kursiga xildhibaan ee HOP#69, isaga oo qirtay in looga adkaaday, una hambalyeeyey Cabdiraxmaan Odowaa oo hadda kursiga ku fadhiya mar kalena u sharxan.

Inkasta oo kursiga doorashadiisa aysan weli dhicin, haddana Al-Cadaalaa aya garwaaqsaday in rajada uu ku hanan karo ay tahay 0, taasi oo keentay inuu ka haro tartanka.

Al-Cadaalada ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta sano ee soo socota insha allaah.”

“Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga. Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin. Halganku wuu soconayaa insha allaah. Dhamaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah.”

Sidoo kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa uga mahd-celiyey Al-Cadaala inuu tartanka uga haray.

“Waxaan u mahad celinayaa Wasiir ku xigeenka warfaafinta wiilkayga Abdirahman Yusuf Omar sida sharafta iyo xurmadda leh ee uu iigu tanaasulay. Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan anoo ballan qaadaya inaan gacmaha is qabsanno si aan ugu adeegno bulshadeenna. Caawo waan wada guulaysanay adeer. Allaa mahad leh,” ayuu yiri Odowaa.

Intaas kadib ayaa Al-Cadaala wuxuu hoygiisa Gaalkacyo ku booqday Odowaa, halkaasi oo ay isku niyad fureen.

Go’aanka Al-Cadaala ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga doorashaa Galmudug ay soo saareen liiska odayaasha soo xulaya ergooyinka saddex kursi oo doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Gaalkacyo, oo uu ka mid yahay kursiga HOP#069.

Liiska odayaasha lasoo saaray ayaa u muuqda inuu dhan u riday loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala, ayada oo Caasimada Online ay fahansan tahay in odayaasha loo xil-saaray ergo xulista ay taageersan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Qoor Qoor ayaa cadaadis xooggan kala kulmay ganacsatada iyo odayaasha beesha kursiga leh, oo la sheegay inay si aad ah u doonayaan in dib loo doorto Odowaa, taasi oo keentay in odayaal taageersan Odowaa loo xil-saaro soo xulista ergada.

Waxaa hadda la filayaa in odayaashan ay magacaabaan ergo taageersan Odowaa, taasi oo meesha ka saartay rajadii Al-Cadaala.

Inkasta oo odayaashan ay yihiin kuwii saxda ahaa, haddana waxaa horey u jiray dadaal ay xafiiska ra’iisul wasaaraha ku doonayeen in oodayaal raacsan Al-Cadaala lasoo magacaabo, si ay taasi uga caawiso dhanka ergada, balse lagu guuldarreystay. 

Daacishta Soomaaliya oo war kasoo saartay isbedalka hoggaanka kooxdaas

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa ka hadashay isbedalka ballaaran ee ku yimid hoggaanka guud ee kooxdaasi.

Bayaan kasoo baxay Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay daacad u noqon doonaan hoggaamiyaha cusub oo lagu magacaabo Sheekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi.

Sidoo kale waxa ay kooxdu wacad ku martay in ay laba jibaari doonto howl-galladeeda, xilli la’isku diyaarinayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Farriintan oo aheyd mid gaaban ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday dagaalamayaal ka tirsan Daacish iyo horjoogahooda oo lagu soo badhigay bogga kooxda ee Twitter-ka.

Kooxda Daacish ayaa dhowaan Seekh Abuu Al-Xasan Al-Hashimi u magacowday inuu noqdo hogaamiyahooda cusub, waxayna xaqiijisay geerida hoggaamiyahoodii hore ee Abu Ibrahim Al-Qurashi, kaas oo lagu dilay weerar ay ciidanka Mareykanka ka fuliyeen gudaha Suuriya.

Dagaalamayaasha ISIS ee ka howl-gala Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari oo ah halka ay kasoo duubtay farriintan loo diray hoggaamiyaha cusub.

Inta badan dagaalamayaasha kooxdan ayaa weeraro ka fuliyo qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya.

Xog: R/W Rooble iyo Axmed Madoobe oo go’aan ka gaaray kuraasta Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay kuraasta taala magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay isku hayaan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo Kooxda Villa Somalia.

Xog aan helayno ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isku raacay in kuraasta taalla Garbahaarey loo wareejiyo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaas.

Wada-hadalka Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne Deni, waxayna dhamaantood isla qaateen in haddii go’aankaas shaqeyn waayo dib loo dhigo doorashada kuraasta talla Garbahaarey illaa inta la dooranayo guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Go’aanada ay dhinacyadaan ka qaateen kuraasta taalla Garbahaarey ayaa waxaa la rumeysan yahay inay soo dadajisay tallaabadii uu qaaday maamulka Garbahaarey ee hoos taga Villa Somalia, kaasi oo dhawaan diiday in halkaas uu tago wafdigii uu magacaabay Rooble.

Sidoo kale waxaa go’aamadan cusub horseed un noqday kadib markii kooxda Villa Somalia iyo maamulka ay wataan ay ciidamo ku qabsadeen magaalada, taasi oo meesha ka saaraysa qabsoomida doorasho lagu kalsoonaan karo.

Shalay unbey aheyd markii Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda uga muujiyay rejo wanaag lagu soo dhameystiri doono kuraasta ku dhiman maamulkaas, oo qeyb ka tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.

Madaxda sare ee Jubbaland ayaa hore u sheegay in ka Dowlad-Goboleed ahaan ay diyaar u yihiin in ay wareejiyaan macluumaadka la xiriira Doorashada Garbahaarey si looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashada 16ka kursi.

Si kastaba, Go’aankan cusub ayaa la ogeyn sida uu u dhaqan-gali doono, maadama kooxda Farmaajo ay xeelad iyo dhaqaale badan ku bixisay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd kuraasta taalla Garbahaarey.

Ciidamada Ruushka oo ku dhowaaday Kyiv iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa ku dhowaaday magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine, waxayna duqeymo xooggan la beegsadeen goobo shacab ay degan yihiin, ayada oo ay xoogeysteen digniinaha ku saabsan “musiibo aan la qiyaasi karin” oo ka dhacda dalkaas.

Kadib 17 maalmood markii Moscow ay ka nixisay dunida ayada oo ku duushay Ukraine, QM iyo hay’ado kale ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in dambiyo dagaal ay ka dhaceen magaalooyin ay ka mid tahay Mariupol, oo maalmo ku jirto go’doon ay geliyaan ciidamada Putin

Saraakiisha magaalada ayaa Jimcihii sheegay in 1,500 oo qof lagu dilay 12 maalmood oo magaalada ay ku jirto go’doonka Ruushka. 

Dadka magaalada ayaa isku dayaya inay ka baxsadaan, ayada oo qabow darran uu ka jiro, sidoo kale ay go’een biyihii iyo kuleyliyihii guryaha, cuntana aysan jirin. “Xaaladda waa mid quus ah,” ayey yiraahdeen saraakiisha ururka Dhaqaatiirta aan Xuduudda Laheyn. 

Dhinaca kale, ciidamada Kremlin-ka ayaa si tartiib ah u hareereynaya magaalada Kyiv, ayada oo la-taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak uu ugu yeeray “magaalo go’doonsan.” 

Waxa uu twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay inay diyaar u yihiin inay dagaalamaan, islamarkaana ay diyaariyeen marinada sahayda iyo dhufeyso, wuxuuna intaas ku daray “Kyiv waa ay taagnaan doontaa illaa dhammaadka.”

Militariga Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayayaan inay burburiyaan difaacyada Kyiv ee waqooyiga iyo galbeedka, halkaasi oo maalmo ay ku wadaan duqeymo. 

Taankiyada Ruushka ayaa sidoo kale magaalada uga soo siqaya dhanka waqooyi bari.

Dhinaca kale, dagaal-yahano shisheeye ayaa ku biiray dagaalka ayaga la kala safan laba dhinac, waxaana Jimcihii Kremlin-ka uu xoojiyey dadaallo uu dagaalka ku keenayo dagaal-yahano ka imanaya Syria. 

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inay dagaalka kusoo biireen in ka badan 20,000 oo dagaal-yahan oo badankood ka yimid Yurub, halka Moscow ay sheegtay inay dagaal-yahano Suuriyaan ah kusoo biireen, kuwa kalena diyaar u tahay.

HirShabelle oo shaacisay jadwalka doorashada afar kursi – Yaa hadda ku fadhiya?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada 4 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay gudaha magaalada Beledweyne.

Guddiga ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan qabashada doorashada afartan kursi oo kala ah HOP#004, HOP#011, HOP#063 iyo HOP#135.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada HirShabelle ayaa waxaa lagu shaaciyey in doorashada kuraastan la qaban doono 14-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota.

Yaa ku fadhiya?

1-HOP#004 waxaa ku fadhiya  Maxamed Xasan Ibraahim Qoone.

2-HOP#011 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirii hore ee amniga.

3-HOP#063 waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirii hore ee waxbarashada.

4-HOP#135 waxaa ku fadhisa Aamina Maxamed Cabdi.

Doorashada kuraastan oo isha aad loogu wada hayo ayaa waxaa loogu jiraa loolan xoogan, iyadoo haatan olole ballaaran uu ka socdo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

HirShabelle ayaa weli la hardameysa dhammeystirka doorashada kuraasta taalla Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

Loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala oo dhinac u dhacay kadib markii la shaaciyey odayaasha xulaya ergada

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga doorashaa Galmudug ayaa soo saaray liiska odayaasha soo xulaya ergooyinka saddex kursi oo doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Gaalkacyo, oo uu ka mid yahay kursiga HOP#069.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, hase yeeshee waa kursiga ugu loolanka adag kuraasta taalla Gaalkacyo, ayada oo sidoo kale uu u sharxan yahay Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo ah wasiir ku-xigeenka warfaafinta, sidoo kalena ah gacanta midig ee ra’iisul wasaare Rooble.

Liiska odayaasha lasoo saaray ayaa u muuqda inuu dhan u riday loolankii Odowaa iyo Al-Cadaala, ayada oo Caasimada Online ay fahansan tahay in odayaasha loo xil-saaray ergo xulista ay taageersan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Qoor Qoor ayaa cadaadis xooggan kala kulmay ganacsatada iyo odayaasha beesha kursiga leh, oo la sheegay inay si aad ah u doonayaan in dib loo doorto Odowaa, taasi oo keentay in odayaal taageersan Odowaa loo xil-saaro soo xulista ergada.

Waxaa hadda la filayaa in odayaashan ay magacaabaan ergo taageersan Odowaa, taasi oo u sahleysa inuu ka adkaado Al-Cadaala.

Inkasta oo odayaashan ay yihiin kuwii saxda ahaa, haddana waxaa horey u jiray dadaal ay xafiiska ra’iisul wasaaraha ku doonayeen in oodayaal raacsan Al-Cadaala lasoo magacaabo, si ay taasi uga caawiso dhanka ergada.

Guusha horudhaca ah ee usoo hoyatay Odowaa, ayaa waxaa sidoo kale qiray xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa facebook soo dhigay liiska odayaasha isaga oo hambalyo u raaciyey Odowaa.

“Mabruuk ayaan leeyahay Xildhibaan Abdurahman Odowaa HOP069 xirsigiisu waa xiranyahay,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Hambalyada Mahad Salaad ayaa waxaa laga fahmi karaa in loolankii kursiga HOP#069 uu dhan u dhacay.

Isbitaalka kaliya ee Warshiikh looga imaan jiray ilaa gobolada dhexe oo xirmay

0

Warsheekh (Caasimada Online)– Isbitaalka degmada Warsheekh ayaa mar soo noqday mid daboola baahida dadweyne ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo gobolada ku gadaaman, kaasoo xiligaan albaabada la isugu dhuftay kadib markii isbitaalka lagu wareejiyay hay’ad gaar ah.

Isbitaalkaani oo hirgelintiisa iska kaashadaan jaaliyadaha dibadda ee ku hahoobay dallada War-Mo-Cad international, oo mudadii uu gacanta ku haayay uu daboolay baahidii hooyada iyo dhalaanka iyo in dadka deegaanka caafimaad u raadsan magaalada Muqdisho oo masaafo ahaan ka fog.

 Maanta mar aan la kulanay dadka deegaanka iyo qaar kamid ah maamulka isbitaalka xermay ee degmada warsheekh ayaa inoo cadeeyay in cisbitaalku shaqeynin mudo, taasina ay u sabab tahay hay’addii lagu wareejiyay oo guurtay.

Maalin walba waxaa isbitaalka la keenaa hooyooyin foolanaya, kuwaasi oo xiligaan isbitaalka qaabilin, loona gudbiyo magaalada Muqdisho, waxaana dhacda mararka qaar in haweenkaasi u dhintaan dhiig bax.Isbitaalka degmada Warsheekh ayaa waxaa horay dhaqaalahiisa iyo socod siinta gacanta ugu haaayay jaaliyaddaha dibada ee Mar-Mo-Cad, taasoo xiligaan si weyn looga hadal haayo degmada xirnaanshaha isbitaalka kaliya ee degmada oo maalin walba qaabili jiray dad kala duwan oo ka yimaada gobolka Sh/Dhexe iyo gobolada dhexe ee dalka.

Ciidan uu dalbaday QOOR QOOR oo gaaray Gaalkacyo iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dalbaday ciidan difaaca, kadib markii maanta ay Gaalkacyo ku hareeyeen ciidamo gadoodsan, kuwaas oo gadiid dagaal dul dhigay gurigiisa.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in ciidan xoog leh oo ka tirsan Gor Gor ay maanta ka bexeen magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo caawa gaaray Gaalkacyo, si ay u difaacaan Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta qiil-qiil la geliyey amnigiisa.

Sarkaal lagu magacaabo G/le Cabdi-Saluug ayaa hoggaaminaya ciidanka Gor Gor ee caawa gaaray Gaalkacyo, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo ka gadoodsan hanaanka loo maamulayo doorashada kuraas taalla Gaalkacyo ayaa maanta xirtay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Gaalkacyo.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya ciidanka oo gaadiid dagaal geesaha ka dhigay guriga uu Madaxweyne Qoor Qoor ka degan yahay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale waxaa caawa socda kulamo u dhaxeeya madaxweyne Qoor Qoor iyo odayaasha dhaqanka magaalada, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xalinta xiisadaan, waxayna odayaashu dalbanayaan in qof gaar ah aan kursi loo xirin.

Seddax ka mid ah kuraasta golaha shacabka oo berri lagu waday in doorashadooda lagu qabto Gaalkacyo ayaa dib loo dhigay, waxaana la qorsheeyey in doorashada kuraastaas la qabto maalinta Axadda ah ee 13-ka bishaan.

Lix kursi oo kaliya ayaa ka hartay doorashada kuraasta golaha shacabka ee taalla Galmudug, waxuuna Axmed Qoor Qoor oo maanta qadka taleefanka kula hadlay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu ka balan qaaday in ka hor waqtigii lagu balamay ee 15-ka bishaan uu maamulkiisu ku soo gabagabeyn doono doorashada.

Mid ka mid xildhibaanada cusub ee BF oo geeriyooday iyo shaki hareeyey sida ay…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahin kala duwan ayaa kasoo baxaysa geerida Allaha u naxariistee Maxamuud Muxumed Kuulow oo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee golaha shacabka oo galabta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Geerida marxuumka ayaa warar hordhac ah oo Caasimada Online heshay ay sheegayaan in xalay uu si nabad ah ku caweeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegeen saaxiibadiisii ugu danbeeyay dad uu arko xildhibaanka, waxaana saakay waaberigii isagoo nabad qaba la geeyay halka uu ka degan yahay Nairobi.

Geerada marxuumka ayaa waxay naxdin iyo ama-gaag la noqotay saaxiibadii uu xalay la caweeyay, in meydkiisa guriga loogu tegay isagoo aan qabin wax xanuun ah ama uu ka sheeganayay iyadoo darawalkii saakay gurigiisa geeyayna uu kula balamay in 5-galabnimo uu soo doono.

Siyaasabo kala duwan ayaa looga hadlay geerida marxuumka iyo shaki badan oo oo laga muujiyay geeridiisa maadaama uu caafimaad ku seexday wax xanuun ahna aysan jirin. Inkasta oo aanay caddeyn in la dilay iyo in kale, haddana shakiga arrintaas ku aadan ayaa ah mid xoogan

Xildhibaan Kuulow ayaa bishii hore ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoo ku guuleystay kursiga HOP#079, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin  badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in marxuum Maxamuud Kuulow dhawaan loo doortay xubin kamid ah baarlamaanka JFS, waxuuna Madaxweynahu si gaar ah tacsi ugu diray ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Kuulow, isagoo Alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Waa xildhibaankii u horeeyey ee ka geeriyooday xubnaha ay weli xulashadoodu socoto ee golaha shacabka, waxuuna maalmihii u dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safiirka Mareykanka oo la xariiray madax goboleedyada iyo Guudlaawe oo codsaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa khadka taleefanka kula xariira madaxda dowlad goboleedyada dalka, isagoo ku adkeeyey in doorashada xildhibaanada golaha shacabka lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishan Maarso oo ah waqtigii loo asteeyey.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa safiirka Mareykanka u cadeeyey in waqtiga haray aan lagu soo gabagabey karin doorashada kuraasta taalla Beledweyne.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in caqabado badan ay ku hor gudban yihiin doorashada kuraasta Beledweyne, isagoo codsaday in la siiyo waqti dheeraad ah, waxayna xubno xog-ogaal u ahaa wadahadalkaas ay noo xaqiijiyey in waqti dheeraad ah la siiyey Cali Guudlaawe.

Intii uu socday wadahadalkaan ayaa madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Puntland waxay safiirka u xaqiijiyay inay xubnaha ka haray doorashada deegaanadooda ku soo gabagabeynayaan ka hor 15-ka bisha.

Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale Axmed Madoobe kala hadlay xaalada Garbahaarey oo ay taallo 16 kursi, waxuuna u sheegay in aysan suura-gal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Garbahaarey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa safiirka u sheegay in caqabado badan ay ka jiraan deegaan doorashada labaad ee maamulkiisa, isagoo u cadeeyey in Jubbaland ay dooneyso in doorashada kuraastaas lagu qabto meel aan aheyn Garbahaarey.

Sidoo kale intii wadahadalkaasi uu socday Madaxweynaha Jubbaland waxuu soo jeediyey in doorashada 16-ka kursi ee Garbahaarey taalla loo wareejiyo degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo.

Ilo ku dhow Safiirka Mareykanka ayaa sheegaya inuu arrinta Garbahaarey uu kala hadlay Madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada oo ku aadan aragtidooda, waxayna madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed u sheegeen inay muhiim tahay in heshiiskii 17-kii September la fuliyo oo iyagaba sidii loogu tala galay ay u dhaqan geliyeen.

Illaa hadda la iskuma raacin sida laga yeelayo arrinta Garbahaarey iyo in deegaan kale loo wareejiyo doorashada, waxaana jira wadatashiyo kala duwan oo xubnaha Beesha Caalamka ay ka yeelanayaan arrinta Garbahaarey.

Doodaha qaar eek u saleysan arrinta Garbahaarey ayaa tilmaamaya in laga gudbo kuraastaas oo la fariisiyo baarlamaanka, si aan loogu xayiraan hal deegaan doorasho, maadaama waqti badan horay loo lumiyey, iyadoo dib laga raadinayo xal ay ku dhici karto doorasho nabdoon oo ka qabsoonta gobolka Gedo.

 

Xiisad xoogan oo u dhaxeysa Qoor-Qoor iyo beesha Rooble oo ka taagan Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisad xoogan ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug, taasi oo salka ku haysa hab maamulka kuraas kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee taalla magaaladaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa qeybo kamid ah magaalada fariisimo ka sameystay ciidamo kasoo jeeda beesha Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuwaasi oo ka gadoodsan qaabka uu Qoor-Qoor u maamulayo kuraasta harsan ee beeshooda.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo hadda ku sugan Gaalkacyo ayaa waxay beesha Sacad si adag uga diiday in uu fara-gelin ku sameeyo kuraastooda, oo uu rabay inay kusoo baxaan xubno uu watay.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay xiisada ka taagan Gaalkacyo ayaa sheegay in khilaafka ugu dambeeyay uu ka dhashay qaabka loo soo xulayo ergada.

“Waa nin aqoondarradiisu ay gaarsiisay in Odoyaashii iyo reeraha kuraasta la dooranayo lahaa hortooda uu uga hadaaqo in soo xushaan ergada 65% ka mid ah, inta kalena asagu uu soo qorayo! Waxa la isweydiiyey asagu ma oday dhaqameed beesha ka tirsan baa?,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu Beelaha Mudug ugu baaqay inay u midoobaan ilaalinta xuquuqdooda siyaasadeed iyo doorashada cida baarlamaanka ku matalaysa, ayna si wada-jir ah uga hor-imaadan rabitaanka Qoor-Qoor.

“Raali ha ka noqonina kala qeybinta iyo wax isdaba-marinta ay Qoor-Qoor iyo adeegayaashiisu ka dhex wadaan beelaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntiina waxa uu qoraalkiisa ku yiri”Reer Mudug waxaan ku leeyaha “Qoorqoorkii la tag u bartay, ka dhiciya waa ku adag tahay, laakin Mudug waa in ay noqotaa meeshii dhurwaaga lagu edbin lahaa ayadoo la ilaaliya nabadda iyo xasiloonida!.”

Xog: Farmaajo iyo Fahad oo kulan gaar ah ugu wacay Lafta-gareen + Qorshaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen) ayaa sii daayey toddobadii kursi ee ugu dambeysay Kuraastii Golaha Shacabka ee lagu dooranayey deegaanada Koonfur Galbeed.

Todobada Kursi ee lasii daayey oo 3 kamid ah laga leeyahay Magaalada Baydhaba ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo kahor inta aan la gaarin mudadii u dambeysay ee loo qabtay gunaanadka doorashada Kuraasta Golaha Shacabka, taasoo ku eg 15-ka Bishaan.

7-da kursi ee lasoo daayey waxaa ku jira kursigii uu ku fadhiyey Cabdicasiis Laftagareen inta aan loo dooran hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Sheekooyinka kale ayaa ku hareereysan, midka ugu xiisaha badan waa damaca Laftagareen. Dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah waxay sheegayaan in Cabdicasiis Laftagareen uu rabo inuu kursigiisa soo qaato, islamarkaana uu u tartamo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar kale oo isla siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa iyaguna qaba inuu Cabsicasiis kasoo tageyn halkiisa, kursigana uu soo siinayo sodogiis General Mahad Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kaasoo dadka qaarkiis u yaqaanaan (Taliye Shub).

Arrintaan waxaa xiisad u yeelaya in Laftagareen ay kulan deg deg ugu yeereen madaxweyne Farmaajo iyo la taliyihiisa awoodda badan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka sida weyn uga war haya xaaladaha siyaasadeed ee Laftagareen waxay sheegayaan in ujeedka loogu wacay ay la xiriirto xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ninkaan oo ah ninka uu Farmaajo ugu kalsoonida badan yahay madaxda maamullada dalka ayaa si weyn loo dareynsan yahay inuu jeclaan lahaa inuu noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka, laakiin Beeshiisa waxay qabtaa inuu Koonfur Galbeed sii joogo uuna xildhibaankana siiyo taliye Mahad.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay qabaan kalsoon ah inuu Laftagareen isa soo sharaxo si loogu guuleysto mashruucooda koowaad oo ah Villa Somalia.

Laftagareen wuxu fahamsan yahay inuusan Koonfur Galbeed sii heysan karin haddii Farmaajo laga adkaado, sidaas darteed ahmiyadda Koowaad waa xukunka Villa Somalia, kaasoo sal u ah inuu Laftagareen sii heysan karo awooddiisa siyaasiga ah iyo in kale.

Kulankaan gaarka ah ee deg degta ah waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamid ah in laga heshiiyo Qofka loo dhiibayo Koonfur Galbeed haddii uu Laftagareen noqonayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ama haddii uusan xildhibaanimo iyo guddoomiye Baarlamaan rabin in laga heshiiyo qofka kale ee loo dhisi karo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayey leeyihiin dadka xogtaan la socda.

Musharixiin badan oo u taagan kursiga guddoonka Golaha Shacabka ayaa hari kara haddii uu Laftagareen u tartamayo kursiga, kuwaas oo ku xushmeenayo inuu dhib la’aan soo siiyey kursi xildhibaanimo, waana sababta Villa Somalia u aaminsan tahay inuu si fudud ku dhismi karo Laftagareen.

RUUSHKA oo tallaabo culus ugu jawaabay dalal dhowr ah

0

Moscow (Caasimada Online) –  Ruushka oo cunaqabateyn ka dhalatay duullaanka uu ku qaaday Ukraine ay kusoo rogeen dalal dhowr ah ayaa qaaday tallaabo uu markooda ku beegsanayo waddamada xariyaadda saaray hantida Moscow.

Tallaabadaan ayaa hoos u dhigeysa cadaadiska saaran maadaama waddamada reer Galbeedka ay kula dagaalamayaan dhaqaale, Siyaasad ahaan iyo mid afka ah si uu u joojiyo dagaalka 16-ka cisho uu kawado waddanka deriska ay yihiin ee Ukraine.

Xukuumadda Moscow ayaa 48 waddan ku tilmaamtay kuwo galay falal ka dhan ah Saaxiibtinimada fog ee kala dhaxeysay Ruushka wixii ka dambeeyay markii ay xoogeysatay xiisadda Ukraine oo 24-Maarso-2022 ficil isu rogtay.

Dowladda Ruushka ayaa Dalalka kasoo horjeeda ka mamnuucday Qalabka isgaarsiinta, caafimaadka, gaadiidka, beeraha iyo korontada ee laga dhoofiyo Dalkeeda si markooda ay u dhadhamiyaan culeyska la saaray mid lamid ah.

Xayiraadda ayaa socon doonta ilaa dhammaadka 2022 oo waa lasii kordhin karaa haddii maslaxadeeda ay ka dhex aragto Xukuumadda Ruushka sida ay sheegeen mas’uuliyiin kala duwan oo ku dhaw tallaabadaan.

9kii Maarso 2022, Xukuumadda Moscow waxa ay meel-marisay xeer lagu fasiray tallaabada 1aad ee lagu qaramaynayo hantida Shirkadaha shisheeye ee yaalla Dalka Ruushka, haddii arrintaan ay dhaqangasho waxa ay sii cakiri doontaa xiriirka Ruushka iyo Dalalka is xulufeysanaya.

Mareykanka, Ingiriiska iyo dalalka kale ee ku daba-safan ayaa joojiyay salidda, shidaalka iyo agab kale oo lagu sameeyo Ruushka oo loo iib geyn jiray sabab ka dhalatay carada ay ka qaadeen duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Galmudug oo dib u dhigtay doorashada KURAAS uu ku jiro HOP#069 + Sababta

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashayooyinka Galmudug ayaa hal maalin dib u dhigay doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, doorashadaas oo qorshuhu ahaa in Maalinta Berri ah ay ka dhacdo Magaalada Gaalkacyo.

Kuraastaan oo deegaan-doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Koofureed,  waxa uu qorshuhu ahaa in maanta oo ah 11-ka Maarso 2022 la diiwaangeliyo Musharixiinta si Berri oo Sabti ah 12-ka-Maarso-2022 doorashadu ay u dhacdo.

Qoraàl kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa waxaa lagu yiri” Guddigu wuxuu hal maalin dib u dhigay shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038 HOP#069, waxaana la shaacinayaa Maanta oo Jimcaha oo Taariikhdu tahay 11/03/2022.

Kuraastaan waxaa ku fadhiya:

HOP#038: Axmed Macalin Fiqi oo si cad u sheegay in uusan musharax u ahayn dib ugu tartamidda kursigaan.

HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo markale isusoo taagay qabashada kursigaan.

HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac oo musharax u ah dib u hanashada kursigaan si uu dib ugu laabto Aqalka Shacabka BFS.

Xog: Kooxda Rooble oo looga adkaaday dagaalkii HOP#30

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku fashilmay dadaal ay doonayeen inay ku hor istaagaan doorashada kursiga loo xiray Daahir Amiin Jeesow oo ka mid taageerayaasha Farmaajo.

Guddiga FEIT ayaa horey usoo saaray qoraal uu ku hakiyey doorashada saddexda kursi ee shalay ka dhacday magaalada Beledweyne oo kala ah: HOP010, HOP030 iyo HOP066, balse waxay xilli dambe wax yar ka hor aadaankii salaadda subax ee shalay haddana shaaciyeen inay fasaxeen kuraastaasi.

Qorshaha ugu weyn ee FEIT oo ku xiran Xafiiska Rooble ayaa ahayd inay joojiyaan kursiga HOP030 oo maamulka HirShabeelle ay u xireen inuu dib ugu soo laabto Daahir Amiin Jeesow oo hore ugu fadhiyey, kaasoo taageero ka helaya Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Maamulka HirShabelle ayaa laba kursi oo ka mida kuraasta shalay lagu doortay magaalada Beledweyne ka dhigay kuwo xiran oo dad gaar ah loo boobay.

HOP030 ayaa waxaa si dhib la’aan ah ugu soo baxay Daahir Amiin Jeesow oo hore ugu fadhiyey, isagoo taageero ka helaya kooxda Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxaana uu la yimid musharax malxiis u ah oo lagu magacaabay Cali Cabdullaahi Xeefow.

HOP010: Kursigan isna waa kursi loo xiray musharax taageero ka heysta Madaxweynaha HirShabeelle oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gureey, kaasi oo uu kusoo baxay.

HOP066: Waa kursiga kaliya ee laga dhigay mid furan, waxaana ku guuleystay Maalik Ibraahim Cabdalla kadib markii uu tartan adag la galay musharaxiinta kala ah Cumar Cismaan Waasuge iyo Cabdiraxmaan Daahir Guure.

Madaxda HirShabeelle ayaa kooxda Farmaajo usoo saaray in ka badan 10 xildhibaan oo uu ku jiro agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana weli socda xildhibaannada loo soo saarayo kooxdaasi oo saameyn weyn ku leh madaxda HirShabeelle.

Isha: Goobjooge

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisada S/LAND oo ka dartay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa markale sii xoojiyay go’aanka uu xisbigiisu ku doonayo in la furo ururada siyaasadda, ka hor doorashada madaxtooyada Somaliland, taasi oo xiisad xoogan dhalisay.

Afhayeen Buuni ayaa sheegay in saddexda xisbi ee hadda jira uu waqtigoodii sii dhamaanayo, sidaas darteedna loo baahan yahay in xiligaan la furo ururadii siyaasada si loo helo saddex xisbi qaran oo cusub.

“Waxan rabaa in aan shacabka u sheego in dalkan J. Somaliland doorashooyinkiisu ku qabsoomaan waajib sharci, markasta oo ay yimaadaana hay’addaha awooda u leh mid kastaaba uu guto waajibkisa,” ayuu yiri.

“Imika waxa taagan, muddo xileedkii saddexda xisbi qaran oo ahayd 10 sanno, waxaana uu qaanuunku waajibinayaa in ururradii la furo, si saddex xisbi qaran oo shahaado xisbi haystaa ay 10 ka sanno ee soo socda ay usoo baxaan.”

Hadalka Buuni ayaa uga sii daraya xiisada ka taagan furista ururada ay si aad ah isugu hayaan xisbul xaakimka oo xukuumadda ah iyo labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid.

Salaasadii unbey aheyd markii uu Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Cirro uu si weyn uga horyimid qorshaha xukuumada Somaliland ay ku doonayso in ay kusoo hormariso doorashada ururada, taasi oo uu sheegay inaysan suurtagal aheyn.

“Labada doorasho ee axsaabta qaranka iyo golaha guurtidu way ka danbaynayaan ta madaxtooyada. Shacbiga Somaliland waxan u sheegaya in doorashadii madaxtooyadu ku mudaydsantahay 13, November, 2022, cid ku muran sani ma jirto cid ku murmi kartaana ma jirto, waxa galaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hada jira,” ayuu yiri Cirro.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa ka jira jiitan doorasho oo u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada oo ay si weyn uga dhex tafan-tahay, islamarkaana hadallo kulul isku marinayo warbaahinta.

Saraakiil sare oo Mareykan ah oo Joe Biden u gudbiyey codsi ku saabsan Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa doonaysa in Madaxweyne Joe Biden uu saxiixo ogolaanshaha inuu dhowr boqol oo askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah u diro Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan ​​joojinta faafitaanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, sida uu daabacay The Wall Street Journal.

Taliyeyaasha Pentagon-ka ayaa doonaya in Biden uu ka noqdo amarada uu bixiyay madaxweyne Trump maalmihiisii ​​ugu dambeeyay ee xafiiska, markii uu amray ku dhawaad ​​700 oo askari ee gaarka ah “Army Green Berets, Navy SEALs iyo Marine Raiders” inay ka baxaan saldhigyada Soomaaliya, sida ay saraakiisha maamulka u sheegeen jariirada.

Ciidamada Kumaandooska oo tababaro siin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya si ay isaga difaacaan Al-Shabaab ayaa inta badan loo raray Jabuuti iyo Kenya. Hadda ciidamada Mareykanka ayaa doonaya in Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka uu dib ugu soo raro ciidamadaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka soo baxeen Soomaaliya bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxaan qiimeyneynaa inuu sare u kac ku yimid dhaq-dhaqaaqyada al-Shabaab, maadaama aysan kooxdu la kulmin wax cadaadis ah oo hadda jira oo ay haystaan ​​xornimada dhaqdhaqaaqa,” sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta.

“Haddii aysan sii jiri doonin cadaadis la saarayo [al-Shabaab], welwelku wuxuu noqon inay khatar ku noqdaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.”

Howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ciidamada Mareykanka ayaa ku fiday caalamka 20-kii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii Mareykanka uu duulaanka ku qaaday dalka Afgaanistaan, iyadoo ciidamada ay beegsadeen Al-Qaacida, xulafadeeda iyo markii dambe, oo ururka Daacish meel kasta oo ay joogaan kula diriray sida Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yemen ilaa Soomaaliya ilaa Filibiin.

Laakiin Pentagon-ka waxa ay Al-Shabaab u aragtaa in ay yihiin garabka ugu awoodda badan Al-Qaacida, waxaana lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahan. Si looga hortago faafitaanka kooxda, Wasaaradda Difaaca tan iyo 2007 waxay qabatay hawlgallo gaar ah oo qarsoodi ah oo ka dhan ah.

Dagaalkaas gaarka ah ayaa inta badan loo igmaday awooda cirka kadib amarkii Trump ee daqiiqadihii ugu dambeeyay, iyadoo duqeymaha cirka ay noqdeen qaabkii dhabta ahaa ee looga adkaan lahaa al-Shabaab.

Laakin kadib markii Biden uu xafiiska la wareegay, maamulka ayaa si deg deg ah u dhimay tirada duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dib loo eegayaa go’aanka Trump.

Intii lagu guda jiray qiimeynta, oo qayb ka ahayd indho-indhayn ballaaran oo lagu eegayo halka laga qaybinayo ciidamada Mareykanka ee dibadda, ayaa kumaandooska Mareykanka loo oggolaaday inay booqdaan Soomaaliya si ay u tababaraan cutubyada dagaalyahannada maxalliga ah.

Laakiin saraakiisha sare ee difaaca ayaa ku doodaya in ay aad waxtar u yeelan lahayd in askarta maxalliga ah ay dagaallamaan oo ay ka garab tababaraan ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay fududaan lahayd in la isku duwo weerarrada cirka ee ciidamada dhulka jooga.

Inkasta oo Biden uusan ku dhawaaqin go’aankiisa, waxay u muuqataa in militarigu heli doonaan dhammaan ciidamada uu ka doonayo dalka, ayay yiraahdeen saraakiisha.

“Waxaan aaminsanahay in nala siin doono ogolaansho mustaqbalka dhow si aan awood ugu yeelano joogitaanka joogtada ah ee Soomaaliya” sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay Wargeyska The Hill.

Sawirro: Siyaaraddii Abgaal Cismaan iyo siyaarooyin kale oo lagu qabtay Warsheekh

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Sanad walba 10-ka bisha shacbaan waxaa la qabtaa siyaarooyin isku sidkan oo uu jideeyay Sheekhii weynaa ee Sheekh Cabdiraxmaan Celi waxaaana lasoo gabagabeeyay maanto oo jimco ah.

Siyaarooyinkaan oo is dul saaran ayaa waxay ka kooban tahay siyaaro yareydii Sheekh Cabdi Cumar maadaama 10-ka shacbaan uu qadimi jiray qur’aanka Kariimka, siyaaraddii Abgaal Cusmaan oo sanad walbo maanta oo kale la xuso. Sidoo kale waxaa barbar socday siyaaraddii qaaduntii weyneyd Xaajiyo Batuullo Xasan Tooxow oo ka mid aheyd qidmeyntii Sheekh Cabdi iyo Sheekh Muxumad iyo siyaartii axbaabta Aabo Sheekh Cabdi.

Siyaarooyinkaan ayaa waxaa dadweynihii iyo culumadii kasoo qeybgalay ay isaga kala yimaadeen maamulada Hirshabeelle, Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Gabagabadii siyaarta isku sidkaneyd ayaa waxaa ducooyin iyo alle bari kasoo jeediyay Sheekh Qaasim Sh. Cabdi Celi, C/raxmaan Sh. Muxumad, Sheekh Daa’uud Sh. Muxumad, Sheekh Cumar Sh. Muxumad, Sheekh Amiin Sh. Cali Sh. Muxuddiin Aweys Al-qaadiri, Sheekh Maxamed Sheekh Ooyaaye iyo mashaa’iq kale.

Ali Muhiyaddiin
Warsheekh, Sh/Dhexe