26 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Saraakiil sare oo Mareykan ah oo Joe Biden u gudbiyey codsi ku saabsan Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa doonaysa in Madaxweyne Joe Biden uu saxiixo ogolaanshaha inuu dhowr boqol oo askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah u diro Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan ​​joojinta faafitaanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, sida uu daabacay The Wall Street Journal.

Taliyeyaasha Pentagon-ka ayaa doonaya in Biden uu ka noqdo amarada uu bixiyay madaxweyne Trump maalmihiisii ​​ugu dambeeyay ee xafiiska, markii uu amray ku dhawaad ​​700 oo askari ee gaarka ah “Army Green Berets, Navy SEALs iyo Marine Raiders” inay ka baxaan saldhigyada Soomaaliya, sida ay saraakiisha maamulka u sheegeen jariirada.

Ciidamada Kumaandooska oo tababaro siin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya si ay isaga difaacaan Al-Shabaab ayaa inta badan loo raray Jabuuti iyo Kenya. Hadda ciidamada Mareykanka ayaa doonaya in Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka uu dib ugu soo raro ciidamadaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka soo baxeen Soomaaliya bishii Janaayo ee la soo dhaafay, waxaan qiimeyneynaa inuu sare u kac ku yimid dhaq-dhaqaaqyada al-Shabaab, maadaama aysan kooxdu la kulmin wax cadaadis ah oo hadda jira oo ay haystaan ​​xornimada dhaqdhaqaaqa,” sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta.

“Haddii aysan sii jiri doonin cadaadis la saarayo [al-Shabaab], welwelku wuxuu noqon inay khatar ku noqdaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.”

Howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ciidamada Mareykanka ayaa ku fiday caalamka 20-kii sano ee ugu dambeeyay tan iyo markii Mareykanka uu duulaanka ku qaaday dalka Afgaanistaan, iyadoo ciidamada ay beegsadeen Al-Qaacida, xulafadeeda iyo markii dambe, oo ururka Daacish meel kasta oo ay joogaan kula diriray sida Ciraaq, Suuriya, Liibiya, Yemen ilaa Soomaaliya ilaa Filibiin.

Laakiin Pentagon-ka waxa ay Al-Shabaab u aragtaa in ay yihiin garabka ugu awoodda badan Al-Qaacida, waxaana lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahan. Si looga hortago faafitaanka kooxda, Wasaaradda Difaaca tan iyo 2007 waxay qabatay hawlgallo gaar ah oo qarsoodi ah oo ka dhan ah.

Dagaalkaas gaarka ah ayaa inta badan loo igmaday awooda cirka kadib amarkii Trump ee daqiiqadihii ugu dambeeyay, iyadoo duqeymaha cirka ay noqdeen qaabkii dhabta ahaa ee looga adkaan lahaa al-Shabaab.

Laakin kadib markii Biden uu xafiiska la wareegay, maamulka ayaa si deg deg ah u dhimay tirada duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dib loo eegayaa go’aanka Trump.

Intii lagu guda jiray qiimeynta, oo qayb ka ahayd indho-indhayn ballaaran oo lagu eegayo halka laga qaybinayo ciidamada Mareykanka ee dibadda, ayaa kumaandooska Mareykanka loo oggolaaday inay booqdaan Soomaaliya si ay u tababaraan cutubyada dagaalyahannada maxalliga ah.

Laakiin saraakiisha sare ee difaaca ayaa ku doodaya in ay aad waxtar u yeelan lahayd in askarta maxalliga ah ay dagaallamaan oo ay ka garab tababaraan ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay fududaan lahayd in la isku duwo weerarrada cirka ee ciidamada dhulka jooga.

Inkasta oo Biden uusan ku dhawaaqin go’aankiisa, waxay u muuqataa in militarigu heli doonaan dhammaan ciidamada uu ka doonayo dalka, ayay yiraahdeen saraakiisha.

“Waxaan aaminsanahay in nala siin doono ogolaansho mustaqbalka dhow si aan awood ugu yeelano joogitaanka joogtada ah ee Soomaaliya” sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ayaa u sheegay Wargeyska The Hill.

Sawirro: Siyaaraddii Abgaal Cismaan iyo siyaarooyin kale oo lagu qabtay Warsheekh

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Sanad walba 10-ka bisha shacbaan waxaa la qabtaa siyaarooyin isku sidkan oo uu jideeyay Sheekhii weynaa ee Sheekh Cabdiraxmaan Celi waxaaana lasoo gabagabeeyay maanto oo jimco ah.

Siyaarooyinkaan oo is dul saaran ayaa waxay ka kooban tahay siyaaro yareydii Sheekh Cabdi Cumar maadaama 10-ka shacbaan uu qadimi jiray qur’aanka Kariimka, siyaaraddii Abgaal Cusmaan oo sanad walbo maanta oo kale la xuso. Sidoo kale waxaa barbar socday siyaaraddii qaaduntii weyneyd Xaajiyo Batuullo Xasan Tooxow oo ka mid aheyd qidmeyntii Sheekh Cabdi iyo Sheekh Muxumad iyo siyaartii axbaabta Aabo Sheekh Cabdi.

Siyaarooyinkaan ayaa waxaa dadweynihii iyo culumadii kasoo qeybgalay ay isaga kala yimaadeen maamulada Hirshabeelle, Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Gabagabadii siyaarta isku sidkaneyd ayaa waxaa ducooyin iyo alle bari kasoo jeediyay Sheekh Qaasim Sh. Cabdi Celi, C/raxmaan Sh. Muxumad, Sheekh Daa’uud Sh. Muxumad, Sheekh Cumar Sh. Muxumad, Sheekh Amiin Sh. Cali Sh. Muxuddiin Aweys Al-qaadiri, Sheekh Maxamed Sheekh Ooyaaye iyo mashaa’iq kale.

Ali Muhiyaddiin
Warsheekh, Sh/Dhexe

DAACISH oo xaqiijisay in la dilay hoggaamiyaheeda mid cusub-na ku dhowaaqday

Baghdad (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa Khamiistii xaqiijisay geerida hoggaamiyaheeda Abu Ibrahim al-Qurashi, bil kadib markii uu dhintay, waxayna u magacowday Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu noqdo beddelkiisa. 

Wax badan lagama yaqaan hoggaamiyaha cusub, oo noqon doona madaxii saddexaad ee kooxdan Jihaadiga ah tan iyo markii la aas-aasay.

Xubnaha Daacish waxay “baayacooda u ballan qaadeen” Abu Hasan al-Hashemi al-Qurashi inuu noqdo amiirka cusub iyo khaliifka Muslimiinta,” waxaa sidaas cod ay kooxda baahisay ku yiri afhayeenkeeda. 

Codka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey geerida madaxii hore ee kooxda iyo afhayeenkii hore. 

“Abu Ibrahim al-Qurashi iyo afhayeenkii rasmiga ee kooxda Abu Hamza al-Qurashi ayaa la dilay dhowaan,” ayuu yiri afhayeenka cusub oo magaciisa lagu sheegay Abu-Omar al-Muhajjir. 

Sida ay sheegeen Aqalka Cad iyo saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka, Abu Ibrahim al-Qurashi ayaa geeriyooday kadib markii uu bam isku qarxiyey si uu oga fogaado in la qabto, intii uu socday howlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen waqooyiga galbeed ee Syria. 

Geeridiisa oo habeenkii Febraayo 2 ka dhacday magaalada Atme ee gobolka Idlib ayaa aheyd guuldarradii ugu cusleyd ee kooxda ku dhacda tan iyo markii hoggaamiyihii ka horreeyey Abu Bakr al-Baghdadi ay dileen ciidamada Mareykanka 2019-kii.

Daacish ayaa ku dhowaaqday khilaafad Islaami ah 2014-kii, waxayna mar xukumeysay dhul ballaaran oo ka mid ah Ciraaq iyo Syria.

Dagaal muddo dheer socday oo ay qaadeen ciidamada Kurdish-ka, Syria iyo Ciraaq, oo taageero ka helaya Mareykanka ayaa kooxda ka adkaaday bishii Maarso 2019. 

Masar iyo Sudan oo dalab cusub kasoo saaray khilaafka kala dhaxeeya ITOOBIYA

Qahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa ugu baaqay dowlada Ethiopia in sida ugu dhaqsaha badan ay wada-hadal dhab ah ka yeeshan xiisada biyo xireenka Webiga Nile-ka, oo mudo badan soo jiitameysay.

Dalabkaan ayaa imanaya kadib kulan Qaahira ku dhex-maray Wasiirada arrimaha dibedda ee Masar iyo Suudaan, kuwaasi oo isla gartay muhiimada ay leedahay in lasii wado wada-xaajood horseeda danaha saddexda wadan.

War-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen Wasiirada arrimaha dibedda ee Masar iyo Suudaan ayaa lagu sheegay in lagama maarman tahay in heshiis sharci ah laga gaaro xiisadaas.

“Muhiimad gaar ah ayey leedahay isku daba-ridka mowqifyada xukuumadaha Qaahira iyo Khartuum ee ku aadan arrimaha mandiqada iyo caalamka, gaar ahaan caqabadaha hortaagan labada waddan,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-murtiyeedkaas.

Dowladda Masar ayaa hore si adag uga hortimid go’aanka ay Ethiopia ee howl-galinta biyo-xireenkeeda, midaasi oo ay ku tilmaamtay mid jabinaya is-afgaradkii hore ay u wada-gaareen dhinacyada.

Saddexdaan dal ayaa dhowr jeer ku fashilmay inay si wada-jir ah xal uga gaaran xiisada Webiga Nile-ka, ayada oo Ethiopia ay ku madax adeygayso go’aankeeda, tan iyo markaasna waxaa xulafeysi gaar ah yeeshay Masar iyo Suudaan.

Arrintan u weyn ee xudunta u ah murankaan sanadaha badan soo jiitamayay ayaa ah in biyo xireenka Ethiopia uu sababo hoos u dhac ku yimaada biyaha ay labada wadan ee kale ka helaan Webiga.

Si kastaba, Dalabkaan cusub ee Masar iyo Suudaan ay u jeediyeen Ethiopia ayaa la ogeyn qaabka ay uga jawaabi doonto Ethiopia, xili uu kal hore Abiy Axmed daah-furay mashruuc cusub oo dalkiisa dabka looga dhalinayo biyo xireenka

Muxiyadiin Darbaweyne: “Maanta waxay joogaan Ilaah baa Guudlaawe noo keenay” + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Muxiyadiin Darba-weyne ayaa sheegay in sida ay wax uga socdaan Beledweyne aysan wanaagsaneyn, isaga oo soo jeediyay in waxkasta lagu dhameeyo wada-tashi iyo is-afgarad ku dhisan cadaalada.

“Shalay nimankii la qabay Jeneraal Xuud in uusan imaan karin Beledweyne ayaa maanta waxay joogaan Ilaah baa Cali Guudlaawe noo keenay. Markaa waa in ay dhag jalaq u siin dadka wada fidnada,” ayuu yiri Muxiyadiin Darba-weyne.

Darba-weyne ayaa sidoo kale taageero u muujiyay in kuraasta ku harsan Beledweyne ay noqdaan kuwo furan, islamarkaana aan loo xirin cid gaar ah, taasi oo ay doonayeen qaar kamid ah madaxda sare ee maamulka HirShabelle.

“Ninka Qoor-Qoor ficilkii uu sameeyay ee ku tartansiiyay Ubax iyo Qaali Cali Shire lagu tartansiiyey kama aqli yaridiin ee ha is-dilin. Qaali iyo Ubax ayaga oo qoslaya ayey kasoo baxeen xerada. Waa la tartansiiyay ceeb iyo dambi ma aha.”

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Ha la tartamo ee hadii la isku dilo lama tartami karo aakhiro iyo aduunba cadaab ayaa ku muteysane.”

Darba-weyne ayaa madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe ku amaanay mowqifka uu ka qaatay doorashada Beledweyne iyo in uu iska diiday in kuraasta loo xiro dad ay wataan koox gaar ah.

“Guudlaawe waxa uu jooga meel lagu amaani karo, wuxuu leeyahay Xawaadlow iyo Gaal-jecelow tartama qof aan kursi u xirayo majiro. Xalaasha barqo cad ayaa la qasha miiska ha lasoo saarto, nin walba oo tabarta iyo taagta.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Yuusuf Dabageed oo lagu eedeynayo in uu doonayo in kuraasta ku harsan Beledweyne dad gaar ah loo xiro, in uu arrimahaas faraha kala baxo, islamarkaana uu nin walba calafkiisa qaado.

AXMED MADOOBE oo war kasoo saraay doorashada golaha shacabka xilli xiisad ay ka jirto Garbahaarey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda ayaa waxaa looga hadlay doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynahu ayaa golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka ka socda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubbaland, isagoo sheegay inay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii loo soo dhameeystiri lahaa kuraasta ku dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Waxaa toddobaadkan cirka isku sii shareertay xiisada kuraasta taalla Garbahaarey, ayada oo maamulka degmadaas ee hoostaga Villa Somalia ay diideen inay halkaas tagaan guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil saaray qiimeynta xaalada Garbahaarey.

Mas’uuliyiinta ugu sareeysa maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo Isniintii shir jaraa’id qabtay ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digay inay soo qaadan guddigaas, oo ay sheegen in uu yahay guddi lagu dhisay sharci darro.

Hase yeeshe, Axmed Madoobe ayaa shirkii maanta ee Golaha Wasiiradda uga muujiyay rejo wanaag lagu soo dhameystiri doono kuraasta ku dhiman maamulkaas, oo qeyb ka tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.

Madaxda sare ee Jubbaland ayaa hore u sheegay in ka Dowlad-Goboleed ahaan ay diyaar u yihiin in ay wareejiyaan macluumaadka la xiriira Doorashada Garbahaarey si looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashada 16ka kursi.

Dhinacyada saameynta ku leh gobolka Gedo ee deegaan ahaan Jubbaland ku metala ayey sheegen inay diyaar u yihiin ka qayb-galka dedaallada uu wado Guddiga wakiilka ka ah Wasiirka 1-aad ee XFS, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Si kastaba, Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa xiligaan tanaasul badan ka muujinaya sidii doorashada uga qabsoomi laheyd Garbahaarey, iyaga oo rajeeyay in la kala saari doono is qab-qabsiga siyaasadeed iyo doorashada, halka Kooxda Farmaajo ay rabto inay si buuxda ula wareegto maamulka kuraastaas.

Bin Salmaan iyo Bin Zayed oo arrin lama filaan ah ku sameeyey JOE BIDEN

0

Riyadh (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddo dhowr toddobaad ah diidan inay taleefonka ka qabtaan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sida uu qoray Wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya mas’uuliyiin ku sugan Bariga Dhexe iyo Mareykanka.

Farriimaha qanacsanaan la’aanta oo ay direen Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka Carabta Shiekh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, ayaa ku soo aadaya iyadoo labada hoggaamiye ay wadaagaan walaaca ku aadan jawaabta Mareykanka ee gantaalada iyo duqeymaha loo adeegsaday Drones-ka ee lagu qaaday Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay sheegteen Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan ee Yemen.

Labada dal ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ka niyad jabsan yihiin xaaladda wada xaajoodka ee heshiiska Nukliyeerka ee Iran ee u dhow in isfaham laga gaaro, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal.

Madaxa International Atomic Energy Agency (IAEA), Rafael Grossi ayaa sheegay in heshiiska Nukliyeerka ee Iran uusan khuseyn danaha ammaanka ee dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka, wuxuuna heshiiskaas ku tilmaamay mid adag.

Mareykanka ayaa dadaal ugu jiray sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka uu la leeyahay labadaan dal, isagoo u muuqda inuu yareenayo xiisadda shidaalka caalamka kadib markii madaxweyne Biden uu Talaadadii ku dhawaaqay mamnuucida soo dejinta saliida Ruushka, iyadoo qiimaha gaasku uu gaaray heerkii ugu sareeyay abid caalamka oo dhan.

“Waxaa jirtay xoogaa rajo ah oo laga qabay inay taleefoonka ku wada-hadlaan Biden iyo Mohamed Bin Salman, si diirada loo saaro dajinta xiisadda saliida, balse ma dhicin,” waxaa sidaas wargeyska WSJ u sheegay illo wareedyo ku sugan Mareykanka.

Mareykanka ayaa doonaya in la abuuro isbaheysi mideysan oo dhanka Saliida ah oo ka dhan ah Ruushka, iyadoo lagu ciqaabayo weerarka uu ku qaaday Ukraine.

Sacuudiga ayaa in muddo ah ka niyad jabsanaa xiriirkooda sii xumaanaya ee kala dhaxeeya Mareykanka tan iyo markii Biden loo dhaariyay xilka, sida lagu sheegay warbixinta.

Sacuudiga ayaa dowladda Mareykanka ka doonaya inay taageero dheeri ah ku siiso dagaalka Yemen iyo inay ka caawiso barnaamijkooda Nukliyeerka ee rayidka ah.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa Mareykanka ka raba in loo caddeeyo mowqifka sharciga ah ee uu Mareykanka ka taagan yahay dacwadda laga soo gudbiyey Maxamed Bin Salman ee la xiriirta dilkii Weriye Jamal Khashoggi.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Atlantic horaantii bishaan, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayuu kaga hadlay xiriirka isaga iyo Biden, isagoo sheegay “in uusan dan ka lahayn haddii Biden uu khalad ka fahansan yahay waxyaabaha isaga ku saabsan iyo haddii kale.’

Sidoo kale, Bin Salman ayaa yiri, “Waxaa waajib ku ah Biden inuu ka shaqeeyo danaha Mareykanka,” isagoo intaas kusii daray in uusan xaq u laheyn inuu hadal u jeediyo dadka Mareykanka, sidaas oo kalena laga rabo Biden.

Amiirka dhaxal-sugaha ah ayaa sidoo kale ku adkeystay inay Riyadh diyaar u tahay inay ilaaliso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dowladda Mareykanka.

Safiirka Mareykanka oo la kulmay Rooble, kadib sheegay arrin uu ka walaacsan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre, xili ay heer gebo-gebo ah mareyso doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda uga wada-hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka iyo muhiimada ay leedahay in la dadajiyo, maadama muddo kordhin loo sameeyo jadwalkii hore.

Rooble iyo Larry ayaa isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada.

Ugu dambeyntiina Rooble ayaa ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada inay doorashada soo gebo-gabeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso, sidii horay loogu heshiiyay.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay kadib kulanka waxay ku tiri “waxaan ku qanacsannahay hoggaanka ra’iisul wasaare Rooble ee hanaanka doorashada. Waxaan ugu baaqeynaa Axmed Madoobe, Deni, Guudlaawe, Lafta-gareen iyo Qoor Qoor inay hanaanka soo afjaraan kahor 15-ka Maarso, si ay shacabka Soomaaliyeed ay u helaan matalaad.”

“Waxaan weli si qota dheer uga walaacsannahay in dib u dhacyo kale sii dhaawici doonaan dib usoo noolaanshaha Soomaaliya.”

Dowlada Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee sida gaarka ah isha ugu haya habsami u socodka doorashada, isaga oo dhowr jeer ku goodiyay tallaabooyin culus, halka uu kal hore ku dhawaaqay xayiraado VISA oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya.

Maamulka gobolka Hiiraan oo war kasoo saaray xiisadda magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta war kasoo saaray amniga magaalada Beledweyne, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka jireen shaqaaqooyin iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka, Axmed Cismaan Cabdulle (Inji) ayaa sheegay in xiligaan aysan jirin wax dhibaato ah, islamarkaana uu wanaagsan yahay amniga Beledweyne.

“Waxaa Beledweyne ka dhaceysa doorasho Nabdoon oo dadka loo doorto si xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Axmed Inji oo la hadlayay qaar kamid ah Ergada dooraneysa kuraasta Golaha Shacabka.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Beledweyne oo ay ka socdaan doorashooyinka, isaga oo carabka ku adkeeyay in xilligaan aysan wax culeys amni ah ka jirin magaalada.

Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagna xiisada xoogan oo ka dhalatay kuraasta ku harsan magaaladaas, taasi oo qaar kamid ah madaxda maamulka HirShabelle ay doonayeen in dad gaar ah loo xiro.

Tan iyo markaas lagu arkayay magaalada maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo la socda musharrixiinta iyo kuwo kasoo horjeeda in kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne loo xiro musharixiin gaar ah.

Si kastaba, xiisada ka dhalatay xirista kuraasta ku harsan Beledweyne ayaa is-faham hordhac ah laga gaaray, ayada oo madaxweyne Guudlaawe uu ballan-qaaday in aan musharaxna si gooni ah loogu xiri doonin kursi gaar ah.

Dowladda UK oo qaaday tallaabo ka dhan ah Roman Abramovich iyo Chelsea

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa xayirtay hantida milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich, sidoo kalena kusoo rogtay xayiraad socdaal, taasi oo jahwareer gelisay qorshaha uu ku iibinayo kooxda difaacaneysa horyaalka Yurub iyo kan kooxaha dunida.

Milkiilaha kooxdan ka tirsan horyaalka Premier League ayaa ka mid ah toddoaba maal-qabeeno Ruushiyaan ah oo xayiraado lagu soo rogay, kuwaasi oo uu ku jiro saaxiibkiisii hore ee ganacsiga Oleg Deripaska.

Dadka kale ee xayiraadda la saaray waxaa ka mid ah madaxa shirkadda Rosneft Igor Sechin, oo dowladda Britain ay ku qeexday “gacanta midig” ee Putin, iyo madaxa shirkadda Gazprom Alexei Miller.

Waxaa sidoo kale liiska ku jira guddoomiyaha Bankiga VTB Andrey Kostin, madaxweynaha Transneft Nikolai Tokarev iyo guddoomiyaha Bank Rossiya Dmitri Lebedev.

London ayaa sheegtay in toddobada ganacsade ay marka la isku geeyo hantidoodu gaareyso 15 bilyan oo pound una dhiganta 19.7 bilyan oo dollar, ayada oo dhammaantood ku qeexday inay qeyb ka yihiin xeendaabka Putin.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa cunabqataynada ugu yeeray “tallaabadii ugu dambeysay ee taageerada hagar la’aanta ah ee UK ay siineyso shacabka Ukraine.”

Tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine, waxaa jiray warar la isla dhex-marayo oo ku saabsan in Abramovich lagu dari doono ficillada lagu beegsanayo bilyaneerada Ruushka ee ku dhow Kremlin-ka.

Waxa uu toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inuu iibinayo Chelsea oo uu iibsaday 2003, islamarkaana lacag badan geliyey si uu ugu dhigo koox guul ka keenta Premier Leugue iyo koobka horyaallada Yurub.

Dowladda UK ayaa qiyaastay in hantida Abramovich ay dhan tahay 9.4 bilyan oo pound, hase yeeshee waxay sheegtay inay qafiifineyso saameynta xayiraadaha Chelsea ayada oo u ogolaaneysa kooxda inay sii waddo inay shaqeyso.

Shati gaar ah ayaa “ogolaanaya dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah oo la xiriira kubadda cagta,” ayey dowladda UK ku tiri war-saxaafadeed.

“Tani waxaa ka mid ah fasax ay kooxda kusii wadeyso inay kulamo cayaarto, iyo dhaq-dhaaqyo kale oo la xiriira kubadda cagta, taasi oo kadibna dhowreysa, kubadda cagta, taageerayaasha daacadda ah iyo kooxaha kale,” ayey ku dartay.

Iibinta kooxda iyo kala wareejinta cayaaryahanada laguma darin liiska dhaq-dhaqaaqyada la fasaxay, taasi oo meesha ka saareysa qorshihii uu Abramovich ku iibin lahaa kooxda.

Xafiiska Dhaqan-gelinta Cunaqabataynada Maaliyadeed ayaa sheegay in xayiraadaha hantida lagu dabaqay “hay’ad kasta oo uu leeyahay ama mamaulo Abramovich.”

“Tani waxay ka dhigan tahay in Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ay hadda wajaheyso xayiraad hanti oo qeyb ka ah xayiraadaaha maaliaydeed ee UK,” ayuu yiri xafiiska.

AFP + VOA

Ukraine oo go’aan culus qaadatay, ciidamadeedana kala baxaysoa howlgallada…

Kyiv (Caasimada Online) – Dowladda Ukraine ayaa dib u soo ceshan doonta ciidamadeeda iyo agabka militari oo ay ku jiraan diyaaradaha helikobterrada, kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika iyo Yurub, si ay u xoojiyaan difaaca gudaha ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay dalka Ukrain ku dhawaad laba toddobaad kahor, iyaga oo duqeymo iyo go’doomin kuwada magaalooyinkeeda, waxaana ay ku qasbeen in inka badan 2 milyan oo qof oo u badan haween iyo carruur ay ka baxaan dalkaas.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Talaadadii saxiixay wareegto dib loogu yeerayo dhammaan ciidamada nabad ilaalinta, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka socda gudaha dalkeeda.

Ukraine ayaa waxay ku biirisaylix howlgal oo Qaramada Midoobay ah ilaa 300 oo askari, saraakiil booliis iyo shaqaale, tiradaas oo aan wax badan ka bedeli doonin howlgallada nabad ilaalinta ee caalamka.

Howlgalka ugu weyn ee ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Ukriane ayaa ah kan ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ee loo yaqaan MONUSCO, kaas oo ay ku leeyihiin unug ka kooban 250 askari oo ciidamada cirka ah iyo siddeed diyaaradood, sida uu sheegay afhayeenka MONUSCO.

Ciidamada Ukraine waxay sidoo kale qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ka ee jooga Mali, South Sudan, Sudan, Qubrus iyo Kosovo, sida lagu xusay bogga Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta.

Mareykanka oo hal arrin ku amaanay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Larry André ayaa maanta kulan gaar ah wuxuu la yeeshay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen xiriirka dhaqaale ee labada dal iyo arrimaha dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya.

Amb. Larry André oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya guusha ay ka gaartay dib u habeynta dhaqaalaha, sida ay aqoonsatay hay’adda IMF.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xilligan ay Soomaaliya u baahan tahay in ay dhawaan dhamaystirto doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Dhankiisa Bayle oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid mira dhal ah, isaga oo si ballaaran ugu mahadceliyey safiirka Mareykanka iyo dowladdiisa.

“Maanta waxa aan kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka H.E. Larry André,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Bayle.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u caawiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ciidamada.

Soomaaliya ayaa xilligan ku jirto xaalada kala guur ah oo ka dhalatay muranada hareeyey doorashooyinka dalka, kaas oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha guud ee dalka.

Guddiga doorashooyinka oo maanta dib u FASAXAY doorashada saddex kursi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in dib loo fasaxay doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Beledweyne, kadib markii shalay la hakiyey qabashada doorashada kuraastaasi.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka, Axmed Safiina ayaa sheegay in la xalliyey cabashadii ka timid saddexdaasi kursi, isla-markaana la dhammeystiray habraacyadooda.

Kuraastan ayaa kala ah HOP030, HOP010 iyo HOP066, waxaana guddiga doorashada ee heer federal uu shaaciyey in saacadaha soo socda la qaban doono doorashadooda.

“Annaga oo ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal waxa aan bulshada Soomaaliyeed, Ergada iyo musharixiinta ku tartamaya HOP#010, HOP#30 & HOP#066 ku wargelineynaa in la saxay habraaca qayb ahaan u dhinneed kaddib markii aan go’aansanay in la shaqeeyo xili habeen ah loona dhammeystiray, Doorashadu waxa ay dhaceysaa Salaadda Duhur kaddib sidaas awgeed musharixiintu waa in ay usoo diyaar garoobaan” ayuu yiri Safiina.

Saddexdaan kursi ayaa ka mid ah kuraas maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd dood xoogan, taas oo keentay in xiisad laga dareemo magaalada Beledweyne.

Yaa ku fadhiya?

1- HOP#010 waxaa a ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi.
2- HOP#030 waxaa ku fadhiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.
3- HOP#066 waxaa ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge.

Doorashada Beledweyne ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama kuraasta ku harsan magaaladaas ay ka dhasheen murano xoogan, walow haatan xal hordhac ah laga gaaray.

Degmo ka tirsan Muqdisho oo noqotay lama galaan dadka iyo gaadiidka ay ka baqaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaan daro baahsan ayaa ka jirta degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana dadka deegaanka ay qaati ka taagan yihiin maleeshiyo hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada dowladda.

Xiliga qoraxda dhacdo ayaa gaadiidka Bajaajta iyo kan Dhaweeyaha ee Hormuud ayaa intooda badan ogolaaneyn inay dadka u socda degmada Kaaraan qaadaan, iyagoo ku sababeynaayo dhibaatada ammaan daro ee degmadaasi ka jirto.

Xaafadaha degmada Kaaraan ayaa kala daran amaan darada ka jirta, waxaana ugu daran xaafadaha laamiga ka koreeyo ee Nageeyle, Jabuuti, Buurka Diikoow, Xaliimo Heyti iyo xaafadda Arjantiin.

Dadka ku fiidsada guryaha irdahooda ayaa laga xuubsadaa taleefanada, gaadiidka Bajaajta ayaa inta la joojiyo dadka saaran la baartaa, halka qaarkood burcada ay kaxeystaan bajaajta.

Dilal kala duwan oo todobaadyadii u danbeeyay ka dhacay degmada Kaaraan, markii dhalinyaro fiidsanayay ay isku dhejiyeen inay dhiibaan taleefanada burcada weydiisatay.

Ma jirto cid mas’uuliyad iska saartay wax ka qabashada amaan darada ka jirta degmada Kaaraan, waxaana habeen walba ka dhaca isku dhacyo dhex mara burcada wax baarata iyo gaadiidka hubeysan isticmaasha wadooyinka degmada Kaaraan.

Todobaadkii hore ayaa kooxo burcad ah oo dooneysay inay dhacaan gaari Bajaaj ah waxaa ka badbaadiyay ciidamo ilaalo u ahaa Muxuddiin Warbac Shadoor oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda federaalka xiligaasi oo isku dhac mudo daqiiqado ah socday uu ku badbaadiyay Bajaajta iyo darawalkii waday, iyadoo ciidamadii ay ceyrsadeen sadax nin oo  hubeysnaa kuna labisnaa dareyska ciidamada.

Jeneraal Indho-Qarshe oo go’aan ka qaatay HOP20 iyo Gaalkacyo kadib markii…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa shalay isaga tagay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii si buuxdo loogu diiday inuu u tartamo kursiga #HOP20.

Guddiga Doorashada Galmudug oo uu gadaal ka riixayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kursigan ka dhigay qoondo dumar.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gaalkacyo u yimid, sidii uu ugu tartami lahaa doorashada kursigaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay inaysan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxba ka qaban cabasho ay u soo gudbiyeen odayaasha beesha kursigaasi iska leh.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa laba habeen ka hor Magaalada Gaalkacyo kula kulmay odayaashaasi, isagoona u sheegay inaanan laga noqon doonin, sidii kursigaasi loogu xiray haweenka.

Odayaasha oo kadib u yeeray General Indha-qarshe ayaa ku samir-siiyay in waxa dalka ka socdaa aysan doorasho ahayn oo kuraasta la boobayo.

Intaasi ka dib jananka ayaa Madaxweynaha ku booqday Xarunta Madaxtooyada, waxaana uu u sheegay inuu isaga ambabaxayo magaalada, isagoo welibana xaq u leh inuu u dagaalamo kursiga uu reerkiisu leeyahay.

Saraakiisha ku dhowdhow Madaxweyne Qoor Qoor waxayse sheegayaan in kulanku ahaa mid ay dhinacyadu isu cafinayeen.

Doorashadan ayaa la fahamsan yahay in doorashooyinkii hore ee dalka laga qabtay kaga duwan tahay, iyadoo beeluhu aysan u madaxbannaanayn kuraastooda.

Seynab Xaabsey kursiga ma ka tuuri doontaa mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamul goboleedka Galmudug ayaa xalay shaaciyey jadwalka doorashada kursiga HOP#095 oo laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo.

Kursigaan ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdikariin Khaliif Dhalac oo kamid ahaa xildhibaanada daacadda u ahaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tartanka kursigaan oo la isku dayey in dad gaar ah loo xiro ayaa waxaa ka hor timid beesha iska leh kusiga oo horay u diiday in la xiro kursiga HOP#060, kaas oo doorashadiisa ay aheyd mid si weyn looga dareemay Soomaaliya.

Kursigaan ayaa waxaa hadda u taagan illaa 7 Musharax oo 6 kamid ah ay yihiin rag, halka kan qofka kale ay tahay dumar, waana guddoomiyaha degmada Wardhiigley ee Muqdisho Seynab Xaabsey.

Beesha iska leh kursigaan ayaa ogolaatay in ay kursigaan u tartami karaan dumar, xilli la ogyahay inuu markii hore ahaa kooto rag.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ka socda ololaha loogu jiro kursigaan, waxayna xogta aan heleyno sheegeysaa in Villa Somalia iyo Fahad Yaasiin ay wataan Cabdikariin Khaliif Dhalac oo horay kursigaan ugu fadhiyey, balse beesha iska leh kursigaan ayaa dadaal ugu jirta sidii ay meesha uga saari laheyd.

Seynab Xaabsey oo ah gabadha kaliya ee u taagan kursigaan ayaa leh rajo fiican, maadaama ay taageero fiican ka heysato beesha, waxayna shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir, waxayna lasoo shaqeysay seddex guddoomiye gobol.

Seynab ayaa si xun ugu dhaawacantay qaraxii lagu dilay guddoomiye Cabdiraxmaan Yariisow iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Inta badan waxgaradka beesha iska leh kursiga HOP#095 ayaa doonaya in kursigaan loogu sharfo Seynab Xaabsey, si lamid ah Maxamed Ibraahim Macalimuu oo beeshiisa ay ku sharaftay kursi xildhibaan, isagoo qaba dhaawacyo daran oo Al-Shabaab ay u geysteen.

Guddoomiye Seynab Xaabsay ayaa kaalin weyn ka soo qaadatay ololihii is-xilqaan ee lagu dhisay xarumo ay ugu muhiimsanaayeen Tiyaatarka Qaranka iyo Stadium Muqdisho, kuwaas oo ku yaalla degmada ay maamusho ee Warta-Nabadda.

Sidoo kale waxaa lagu amaanaa kaalinteedii dib u howlgelinta School 15-May iyo dib u dhiska xaruma badan oo dowli ah, sida xarunta degmada, xarumaha waaxyaha kala duwan ee degmada, xarunta xanaanada carruurta danyarta ah, xarunta dhul bixinta iyo gaadiidka dowladda hoose, dhismaha waddooyin internolck ah, dhismaha wadooyin laami ah oo ay ka mid yihiin jidka isku xira isgoysyada Cali-Kamiin iyo Ifka-Xalane, Baar Ayaan illaa isgoyska Boondheere iyo dhismaha wadada 30-ka, waxeyna ku muteysatay shahaado sharaf dhiirrigelin ah.

Doorashada kursiga ay u sharaxantahay Seynay ee HOP#095 ayaa la filayaa inay Gaalkacyo ka dhacdo 12-ka bishaan March, waxaana haatan magaalada Gaalkacyo ka socda olole looga soo horjeedo xidlhibaanada Afartii sano ee lasoo dhaafay taageerada u ahaa madaxweyne Farmaajo.

Xog ka cusub khilaafka Cali Guudlaawe iyo Dabageed

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in markale dhaceen shirar xasaasi ah oo xal loogu raadinayo qabashada doorashada kuraasta ku harsan Beledweyne.

Shirarkan oo u dhaxeeya madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, Ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Musharaxiinta u taagan kuraastaas ayaa waxaa is-faham hordhac ah looga gaaray khilaafka ka taagna kuraasta beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in dood dheer kadib uu Yuusuf Dabageed ka tanaasulay kuraas uu doonayay inuu u xiro dad gaar ah, ayada oo madaxweynaha Guudlaawe uu ka baaqday safarkii uu ku aadi lahaa Jowhar.

Guudlaawe oo doonayay in uu soo dhameystiro kuraasta ku harsan Jowhar ayaa lagu qanciyay in uu joogo Beledweyne illaa inta laga qabanayo doorashada kuraasta muranka badan ka dhashay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa dhawaan si adag uga horyimid qorshe ay wateen kooxda Farmaajo, kaasi oo ahaa in kuraasta doorashadoodu ku harsan tahay Beledweyne loo xiro dad gaar ah, sida hore u dhacday.

Guudlaawe ayaa sidoo kale Talaadadii kulan uu la qaatay inta badan musharixiinta u taagan 11-ka kursi ee ku harsan magaalada Beledweyne ayaa u cadeeyay in uusan marnaba yeeli doonin in la kala xigsado musharaxiinta. ayaa u caddeeyey mowqifkiisa.

Si kastaba, Kooxda Farmaajo oo isku dayeysay in Beledweyne ay kasoo saarato dad gaar ah oo ay wadato, ayaa waxa uu xilgaan qorshahaas u muuqday mid dhicisoobay, maadama uu Dabageed oo si toos ah ugu xirna Villa Somalia uu tanaasul ka sameeyay kuraasta.

Sidee dagaalka Ukraine u saameeyey Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka Ukraine ka socda uu saameyn ballaaran ku yeeshay ka jawaabidda abaaraha Soomaaliya, iyadoo ka digtay in ay soo food saartay dhaqaale la’aan naafaysa, si wax looga qabto abaarta jirta.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in xasaradaha ka jira Ukraine ay qaateen dhammaan taageerada caalamku ugu talo galay dalalka kale oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, maadaama ay haatan la daala dhaceyso abaaro baahsan.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dhibaatada abaareed ee ka jirta dalka ay saameeysay illaa 4.5 milyan oo qof, oo ah ku dhawaad ​​30% tirada dadka Soomaaliyeed.

Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in loo baahan yahay $1.46 bilyan oo u dhiganta (1.23 bilyan oo Yuuro), si loogu daboolo baahiyaha Soomaalida.

“Xaaladdu aad ayey u xun tahay, ku dhawaad ​​671,000 oo qof ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda si ay biyo, cunto ama daaq u raadiyaan xoolahooda, taasoo ka badan laba jibaar 245,000 oo barakacay bishii December,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Soomaaliya oo haatan ku jirto xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka ayaa waxa dhanka kale wajaheysa abaar saameysay nolosha qoysas fara badan.

Si kastaba, dowladda federaalka ah oo kaashaneysa saaxibadeeda caalamka ayaa ku howlan u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka.

Koonfur Galbeed oo soo saartay liiska doorashada kuraastii ugu dambeysay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay liiska doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ku haray maamulkaasi, kuwaas oo lagu dooranayo gudaha magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada 7 kursi oo ku harsanaa Baydhabo la qabanayo maalmaha soo socda.

Kuraasta la shaaciyey ee doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#181, HOP#204, HOP#197, HOP#179, HOP#172, HOP#164 & HOP#047.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya dadajinta doorashada, marka loo eego maamul goboleedyada kale ee dalka.

Horey waxaa magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyo doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi iyo kuwa beelaha Banaadiriga, waxaana kusoo xiga Koonfur Galbeed.

Doorashada oo qaadatay muddo ka badan 1 sano ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, iyadoo la guda-galayo doorashada guddoonka labada aqal iyo mida madaxweynaha.

Gabdhaha Gaalkacyo waxa ay na bareen sida looga guulaysan karo FARMAAJO

0

Gaalkacyo oo inta badan lagu tilmaamo inay tahay ubucda colaada Soomaalida ayaa waxaa ka dhacday arrin aan la filayn. Soomaaliya waxaa beryahayn ka socday doorasho dadban oo lagu dooranayay xubnaha galaha shacbiga 11-aad ee dalka, waxaana inta badan hareeyay muran iyo musuq maasuq fara badan, ayada oo sidaas ay ku soo baxeen in ka badan 200 xildhibaan.

Hase yeeshee gabdhaha Gaalkacyo waxay muujiyeen dhiiranaan aan caadi ahayn waxayna tartankooda u ogolaadeen saxaafadda in toos looga daawado daafaha kala duwan ee adduunka taaso noqotay wax aan inaba caadi ahayn oo 200 oo xildhibaan oo dooran ku dhiiran waayeen, kuwasoo inta badan ku soo baxay MALXIIS tanaasulay iyo gacan taag.

Ubax Tahliil oo ku fadhiday kursiga #HOP60 waxay ahayd xildhibaan si weyn u taageera Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo, waxayna si cad u sheegtay inay taageero buuxa ka haysato beesha kursigan leh welwelana ka qabin hablaha kale ee la tartamaya.

Hase yeeshee Ubax waxaa mar kaliya dareenka Ubax Tahliil is bedelay markii hablaha 3da ah ee la tartamaya ku dhaweeqaan is bahaysi looga soo horjeedo xildhibaan Ubax oo Villa Somalia garab ka haysato, waxayna ku goodiday in doorashada aanay geli doonin, hase yeeshe wadahadal dhib badan kaddib Ubax waxaa lagu qanciyay inay ka qayb gasho tartanka.

Kaameradaha waxay ishaydu qabteen Ubax oo meel keligeed fadhida, iyo 3-da hablood ee la tartamaya oo dhegaha wax isugu sheegaya, wareegii koowadaba isbahaysiga hablaha waxay heleen in ku dhow 60 cod, Ubaxna 44 cod. Waxaana wareega 2aad u gudbay Ubax iyo Qaali Shire oo metelaysa isbahaysiga hablaha, waxaan si fudud ku soo baxay musharaxii hablaha ee Qaali Shire taaso dhalisay dabaaldegyo ka bilowda goobta doorashada kuna fiday magaalada Gaalkacyo, Galmudug iyo guud ahaan Somalia ??. 

Maxaa laga baran karaa doorashada Gaalkacyo.

  • Dhiiranaanta gabdhaha Soomaliyeed iyo awoodooda siyaadeed.
  • In haddii mushaxiinta isku bahaystaan si kalsooni leh ay ka guulaysan karaan Farmaajo 
  • In Gaalkacyo ay Horseed u noqon karto nabad waarta oo lagu helo nidaam dowladeed oo taariikhda xusi doonto. iyo In cashar hordhac ah u noqoto isbarbar yaaca iyo kala dhuumashada horay looga soo jabay ee sahashay guushii 8 Fabraayo Farmaajo kusoo baxay wixii hadda ka danbeeyana dib u eegaan in midnimadu tahay wadada guusha lagu gaaro.

Waxaa Qoray/ Mohamed Muse Yusuf (Afrika)
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.