25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Gabdhaha Gaalkacyo waxa ay na bareen sida looga guulaysan karo FARMAAJO

0

Gaalkacyo oo inta badan lagu tilmaamo inay tahay ubucda colaada Soomaalida ayaa waxaa ka dhacday arrin aan la filayn. Soomaaliya waxaa beryahayn ka socday doorasho dadban oo lagu dooranayay xubnaha galaha shacbiga 11-aad ee dalka, waxaana inta badan hareeyay muran iyo musuq maasuq fara badan, ayada oo sidaas ay ku soo baxeen in ka badan 200 xildhibaan.

Hase yeeshee gabdhaha Gaalkacyo waxay muujiyeen dhiiranaan aan caadi ahayn waxayna tartankooda u ogolaadeen saxaafadda in toos looga daawado daafaha kala duwan ee adduunka taaso noqotay wax aan inaba caadi ahayn oo 200 oo xildhibaan oo dooran ku dhiiran waayeen, kuwasoo inta badan ku soo baxay MALXIIS tanaasulay iyo gacan taag.

Ubax Tahliil oo ku fadhiday kursiga #HOP60 waxay ahayd xildhibaan si weyn u taageera Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo, waxayna si cad u sheegtay inay taageero buuxa ka haysato beesha kursigan leh welwelana ka qabin hablaha kale ee la tartamaya.

Hase yeeshee Ubax waxaa mar kaliya dareenka Ubax Tahliil is bedelay markii hablaha 3da ah ee la tartamaya ku dhaweeqaan is bahaysi looga soo horjeedo xildhibaan Ubax oo Villa Somalia garab ka haysato, waxayna ku goodiday in doorashada aanay geli doonin, hase yeeshe wadahadal dhib badan kaddib Ubax waxaa lagu qanciyay inay ka qayb gasho tartanka.

Kaameradaha waxay ishaydu qabteen Ubax oo meel keligeed fadhida, iyo 3-da hablood ee la tartamaya oo dhegaha wax isugu sheegaya, wareegii koowadaba isbahaysiga hablaha waxay heleen in ku dhow 60 cod, Ubaxna 44 cod. Waxaana wareega 2aad u gudbay Ubax iyo Qaali Shire oo metelaysa isbahaysiga hablaha, waxaan si fudud ku soo baxay musharaxii hablaha ee Qaali Shire taaso dhalisay dabaaldegyo ka bilowda goobta doorashada kuna fiday magaalada Gaalkacyo, Galmudug iyo guud ahaan Somalia ??. 

Maxaa laga baran karaa doorashada Gaalkacyo.

  • Dhiiranaanta gabdhaha Soomaliyeed iyo awoodooda siyaadeed.
  • In haddii mushaxiinta isku bahaystaan si kalsooni leh ay ka guulaysan karaan Farmaajo 
  • In Gaalkacyo ay Horseed u noqon karto nabad waarta oo lagu helo nidaam dowladeed oo taariikhda xusi doonto. iyo In cashar hordhac ah u noqoto isbarbar yaaca iyo kala dhuumashada horay looga soo jabay ee sahashay guushii 8 Fabraayo Farmaajo kusoo baxay wixii hadda ka danbeeyana dib u eegaan in midnimadu tahay wadada guusha lagu gaaro.

Waxaa Qoray/ Mohamed Muse Yusuf (Afrika)
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Maxay Batuulo Gaballe ka tiri boobka kuraasta haweenka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Marwo Batuulo Axmed Gaballe ayaa ka hadashay dhammeystirka doorashada Golaha Shacabka iyo boobka loo geystay kuraasta gabdhaha.

Batuulo Axmed Gaballe oo sidoo kale ah guddoomiyaha ururka haweenka ayaa tilmaamtay in la ogyahay kuraasta gabdhaha ee loo boobay ragga, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay aadi doonaan dhanka, si wax looga qabto boobka loo geystay kuraasta loo qoondeeyey haweenka Soomaaliyeed.

Marwo Batuulo oo hadalkeeda sii wada ayaa shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso in laga gaabiyey heshiiskii horey looga gaaray doorashooyinka dalka.

“Waxaa muuqata in laga gaabiyay heshiiskii iyo sharcigii lagu heshiiyay ee doorashadda, sababta aanan u raja beeleynin waa in aan heysano sifo sharci ah oo aan ku heleyno xuquuqdeenna, sababtoo ah kuraasta gabdhaha laga boobay waa kuraas la yaqaanno, ragga loo boobayna waa la yaqaanaa”, ayey tiri guddoomiyaha guddiga xaqiijinta ee qoondada haweenka.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in 56-da kursi ee dhimman loo baahan yahay in 37 ka mid ah laga dhigo qoondo haween, si loo xaqiijiyo 30%.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan mareyso gabagabo, waxaana illaa iyo hadda soo baxay 44 gabdhood, iyada oo tirada guud ee haweenka laga rabo 82.

Wareysi: Dabageed oo ka hadlay ‘khilaafka’ Guudlaaawe, shaaciyey arrin cusub

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa beeniyey in doorashada ka socota Beledweyne ay isku khilaafeen asaga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Waxa uu sheegay in go’aanka u dambeeya uu leeyahay Madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo balan qaaday in qof gaar ah aysan kursi u xiri doonin, “Aniga iyo madaxweynaha kursi kasta isku aragti ayaan ka nahay,” ayuu yiri.

Yuusuf Dabageed oo u waramay VOA ayaa la weydiiyey inuu fuliyo amaro laga siiyo Villa Somalia, waxuuna ku jawaabay, “Madaxtooyada waa la isaga kacsan yahay oo dadkaas siyaasad ayey isku hayaan, aniga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe madaxtooyada saaxiib ayaan la nahay, laakiin anagu aragtideena ayaan wax ku wadnaa, qof kale aragtidiisa kuma shaqeyno.”

Sidoo kale Dabageed waxuu meesha ka saaray in Farmaajo iyo Rooble ay ka codsadeen in dad gaar ah kuraas loogu xiro, “Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare ama cid kale, ma nagala hadlin in kursi qof loo xiro, hadey nagala hadleena waa hebel dhihi meyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa sheegay inay isugu yeereen musharaxiinta kuraasta aan weli la dooran ee Beledweyne taalla, “Aniga iyo madaxweynuhu waxaan u sheegnay musharaxiinta inay furan yihiin kuraastu ‘ee ku tartamaan dhahnay.”

Ugu dambeyntii Yuusuf Dabaheed ayaa ku eedeeyey siyaasiyiin uu sheegay in mudo dheer ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ka hor taagnaayeen Beledweyne inay hadda magaalada u joogaan qalqal gelinta doorashada.

“Dad inay ayagu wax boobaan raba, shalayna xumaan ka shaqeynaayey oo garoonka soo xabadeeyey maalinkii uu ka soo degay Madaxweynaha oo hal sano iyo bar ay ka hor taagnaayeen ayaa hadda magaalada u yimid inay xumaan kale ka shaqeeyaan, taas kama yeeleyno, anagaa halkaan ka talina xumaan cid ka shaqey karta ma jirto,” ayuu yiri Dabageed.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Doorashada 3 ka mid ah kuraasta Beledweyne oo dib loo dhigay iyo Jeesow oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hakiyey doorashada seddax ka mid ah kuraasta taalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayadoo sababta lagu sheegay in cabasho ka timid habraaca loo marayo doorashada kuraastaas.

Seddaxda kursi ayaa kala ah HOP030, HOP010 iyo HOP066, waxuuna guddiga doorashada ee heer federal warqadaan ku faray guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle in doorashada kuraastaas la hakiyo.

Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor sidaan oo kale loo hakiyey doorashada 3-daan kursi, balse waxaa mar kale xubnihii u tartamayey loo sheegay inay lamid yihiin kuraasta kale oo doorashadooda aan dib loo dhigi doonin.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle ayaa lagu yiri, “Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) ayaa shahaadada Murashaxnimo gudoonsiiyay Murashaxiinta ku tartamaya kursiga HOP#030.

Murashaxiinta shahaada la gudoonsiiyay ayaa kala ah :1. Daahir Amiin Jeesow 2. Cali Cabdullahi Xeefow. Doorashada kursiga ayaa la filayaa in ay qabsoonto Maalinta Bari oo ah 10/03/2022.”

Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabeelle waxaa ka taagan is qab-qabsi siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo salka ku haya doorashada kuraasta qaar.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo ka mid ah xubnaha u sharaxan mid ka mid ah kuraastaan doorashadooda la hakiyey ayaa xalay sheegay in madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ay u cadeeyeen nin doorashada kuraastaas aan dib loo dhigi doonin.

 

FIQI oo ku dhowaaqay in uusan markale isku sharxeyn kursiga HOP#38 + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada ugu caansan baarlamanka muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ku dhowaaqay inaanu mar kale u tartamni doonin kursiga HOP#38 ee uu ku fadhiyo.

Fiqi ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Farmaajo, waxayna dhowaan isku dhaceen madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Kursiga HOP#38 ayaa yaalla Gaalkacyo.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo saaray Fiqi

Waxaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan xiriiro kala duwan ila soo sameeyey asxaab badan iyo qaar ka mid ah taageerayaashayda, gaar ahaan arrinta la xiriirta u tartamidda kursiga HOP#038 ee aan ku fadhiyey.

Marka koowaad waxaaan u mahadcelinayaa asxaabtayda iyo qaraabadaba, waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursigaas saandkaan arrimo ii gaar ah awgood iyo anigoo naftayda u Quuri waayey in aan hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii iyo dhanka kale siyaasaddu in aysan ahayn oo kaliya barlamaanka oo xubin laga noqdo.

Waxaan kursigaas ku matalayey barlamaankii 10-aad dad iyo deegaankii ii soo igmaday iyo qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna kursigaasi ahaa mid tilmaaman, lagu matalayey aqoon, aragti siyaasadeed oo xor ah iyo dulqaad, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee kaligitaliska tooshka ku ifiyay inta uusan ficilooyinkiisii gurracnaa la soo bixin. Wuxuu ahaa kursi lagu ilaaliyo Soomaalinimada, qaddiyadaha umadda Soomaaliyeed u taagan yihiin iyo mid lagu saxo taliska Villa Somalia.

Waxaan deegaankii iyo dadkii aan ku malatlayey ee Cabdalle Sacad uga mahadcelinayaa wadashaqaynta, walaaltinimada iyo dulqaadka ay ii muujiyeen mudadii aan ku matalayey kursigaas, Anigoo soo dhowaynaya in afarta sano ee soo socotana ay u doortaan (ee aan loo doorin) qof si sharaf leh ku matala, ilaalinaya magacooda, isla markaana qeyb ka noqda dabaysha isbedelka ee dalka ka socota.

Wabillaahi Tawfiiq.

Ruushka oo ku dhowaaqay in Mareykanka uu dagaal ku iclaamiyey – Maxaa xiga?

Moscow (Caasimada Online) – Kremlin-ka ayaa Arbacada sheegay in Mareykanka uu qaaday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Moscow, taasi oo uu ku sifeeyey cunaqabateenada dalkaas loo saaray duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Dhaqaalaha Ruushka ayaa wajahaya xasaraddii ugu darneyd tan iyo burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii kadib markii Reer Galbeedka ay cunaqabteyn curyaamisay saareen dhammaan hannaanka maaliyadda Ruushka, sababo la xiriira duulaanka Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa cunaqabateenada Reer Galbeedka ku macneeyey “cadowtooyo waali ah” oo qastay suuqyada caalamka, wuxuuna ka digay in tani Ruushka ay ku qasbeyso inay u fakaraan si dhab ah.

Mar wax laga weydiiyey mamnuucidda uu madaxweyne Joe Biden kusoo rogay soo-dhoofinta shidaalka iyo gaaska Ruushka, Peskov wuxuu sheegay in Ruushka “uu weligiis ahaa siina ahaa doona qeybiye tamar oo la isku haleyn karo.”

“Moscow si dhab ah ayey uga fakari doontaa jawaabta ay bixineyso,” ayuu yiri Peskov.

“Xaaladdan waxay u baahan tahay taxliilin qoto dheer – go’aanadaas uu ku dhowaaqay madaxweyne Biden,” ayuu yiri Peskov.

“Haddii aad i weydiineyso waxa Ruushka ay sameyn doonaan, Ruushka waxay sameyn doonaan wax kasta oo lagama maarmaan ah oo aan ku difaaceyno danaheena,” ayuu yiri

“Mareykanka wuxuu dagaal dhaqaale ku iclaamiyey Ruushka, wuxuuna si dhab ahaan hadda u wadaa dagaalkaas,” ayuu yiri Peskov.

REUTERS + VOA 

Meydka gabar yar oo hab aan horey loo arag loo dilay oo lasoo dhigay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Meydka Gabar yar oo saqiir aheyd oo la sheegay inay dhawaan dhalatay ayaa waxaa lasoo dhigay xaafadda Raadeerka ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Meydka Gabadhaan oo si xun loo jir dilay ayaa waxaa lasoo dhigay Luuq u dhaxeeya laba Guri, waxaana madaxa loo geliyey digsi.

Dadka deegaanka ayaa saaka kusoo waabariistay meydka Gabadhaan, waxayna dadka xaafadda Raadeerka sheegeen inay meesha soo dhigtay hooyadii dhashay.

“Meydka Gabadha si xun ayaa loo jir dilay, wajiga iyo madaxa ayaa la burburiyey, indhaha waa laga bixiyey xataa lama aqoonsan karo wajigeeda, aad ayaan uga naxay markaan arkay,” ayey tiri gabar ka mid ah dariska oo aheyd qofkii ugu horeeyey ee arkay meydka gabadhaan.

Sidoo kale qof kale oo dadka deegaanka oo ayaa yiri “Meydka Gabadhaan saaka ayaan aragnay, waxaa ku taalay Ibidii lagu dhalay iyo xuduntii, waa Gabar mar dhow la dhalay, waxaa laga yaabaa in markii hore si sharci darro ah lagu dhalay, balse waxaa taas kasii dambi badan dilka loo geystay.”

Goobta lasoo dhigay meydka Gabadhaan ayaa waxaa soo gaaray ciidamada Booliska ee Degmada Dayniile, waxayna sheegeen inay baaritaan ku sameenayaan ciddii ka dambeysay falkaan.

Arrintaan ayaa argagax iyo naxdin ku abuurtay dadka deegaanka, illaa haddana lama aqoonsan hooyada dhashay cunugaan ee sidaan ula dhaqantay.

Rooble iyo Guuleed ma ku guuleysan doonaan inay Odawaa ka tuuraan HOP69?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa xalay shaaciyey qabashada doorashada saddex kursi oo ka mid ah 6 kursi ee ku hartay magaalada Gaalkacyo. Seddexda kursi ee la shaaciyey waxaa ku jira kursiga sida weyn isha loogu wada hayo ee HOP#69.

Kursigaan waxaa ku fadhiya wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, waxaana sanadkaan tartan kula jira wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Labada nin marka qabiilka dhexdiisa la joogo waxaa la fahamsan yahay inuu Odawaa heysto garaado dheeri ah, laakiin Odawaa oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wajahayaa sanadkaan cadaadis xooggan oo kaga imaanaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo musharax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Labadaas nin waxay 100% xoog iyo dhaqaale gelinayaan in Al-Cadaala la siiyo kursiga. Rooble waxaa la sheegay inuu Qoor Qoor ku cadaadinayo in kursiga loo xiro Al-Cadaala, laakiin taas waxaa la sheegay in dhanka Qoor Qoor aysan weli ka gadmin.

Cabdikariin Guuleed isaga waxaa u sawiran in Al-Cadaala uu wax badan ka tari karo ololihiisa doorashada haddii uu kursi soo helo, iyadoo ay jirto in waayahaan dambe duruuf siyaasadeed oo u dhaxeysay Guuleed iyo Odawaa.

Labadaan hoggaamiye ee Guuleed iyo Rooble waxaa laga yaabaa inay kiiskaan cadaawad badan ku abuurtaan oo dhanka jamaahiirta mucaaradka ah, maadaama Odawaa uu ku jiro xildhibaanada ugu shacbiyadda badan dhanka mucaaradka.

Al-Cadaala isaga mucaaradka waxaa kaga dhow Odawaa, muxaafidkiina waxay ku kala tageen habkii uu u maareeyey warbaahinta dowladda.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay toddobaadkan Rooble iyo Guuleed uga adkaadeen kursigii HOP#60 lama oga sidii uu mar labaad ku aqbali doono inay kursi labaad ka fara maroojiyaan.

Kursigaan HOP#69 kuma jiro kuraasta laga leeyahay magaalada Gaalkacyo mana jira culeys saaran Qoor Qoor, oo wuxuu awoodaa inuu xilli hore go’aan ka gaaro dhinaca uu aadayo kursiga.

Kooxda Ra’iisul Wasaare Rooble aad baxsad uguma ahan in tartan furan laga dhigo kursigaan, maadaama ay ka dharagsan yihiin halka uu jiro miisaanka iyo dareenka qabiilka kursiga iska leh, laakiin haddii uu Qoor Qoor diido inuu kursiga u xiro Al-Cadaala waxaa macquul ah inay tartan caadi ah aqbalaan, ayey leeyihiin dadka la socda xaalka kursigaan.

Cabdiraxmaan Odawaa isaga waxaa laga soo xigtay inuu wax ka sugayo diiwaankiisa wanaagsan. Qoor Qoor oo ay mar hore ka heshiiyeen kala aragti duwanaantii siyaasadda iyo odayaasha iska leh kursigaan.

Xubno ka tirsan midowga musharixiinta mucaaradka, ganacsato iyo dad badan oo Galmudug macno ku leh ayaa lasoo wariyey inay Qoor Qoor ka codsadeyn inuu Odawaa siiyo kursiga.

Axmed Qoor Qoor weli go’aan kama gaarin kursigan. Labada nin ee Odawaa iyo Al-Cadaala mid walba rajo ayaa u muuqata, waxaa jihada Qoor Qoor iyo qofka uu rabo inuu siiyo kursiga la fahmi doonaa marka lasoo magacaabo guddiga soo xulaya ergada kursigaan.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa kursigaan wax aragti ah ka laheyn, maadaama labada ninba aysan cod ka heli doonin oo lasii ogyahay qaanadaha ay ku kala jiraan.

Sidoo kale kooxda Waaya Arag oo inta badan talo ku leh go’aamada Qoor Qoor ayaa laga soo xigtay inay loolanka kursigaan dhex-dhexaad ka yihiin oo aanay qofna la safneyn.

Hadda waxaa la eegayaa haddii ay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo musharax Guuleed ku guuleysan doonaan inay Odawaa dhaafiyaan kursigaan ama haddii uu Axmed Qoor Qoor iska diidi doono inuu jiahadaas aado.

Maxaa ka jira in madaxweyne Cali Guudlaawe uu xabsi guri ku yahay Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay soo baxayay warar sheegay in madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe laga hor istaagay inuu u safro magaalada Johwar, una xabsi guri ku yahay Beledweyne.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada HirShabelle ayaa waxa uu Caasimada Online u xaqiijiyay in wararkaas yihiin been abuur, ayna faafinayaan dad ujeedo gaar ah leh, taasi oo looga sii darayo xiisada magaaladaas ka taagan.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Guudlaawe uu si caadi ah u wato howlihiisa shaqo, islamarkaana uusan jirin safar laga hor istaagay oo uu ku tagi lahaa Jowhar.

“Madaxweyne Guudlaawe waxa uu Beledweyne u yimid howlo, ayada oo aysan u dhamaan howlahaas kama tagayo. Waxa uu ku howlan yahay doorashada inta dhiman in la dhameystiro,” ayuu yiri.

Guudlaawe ayaa dhawaan si adag uga horyimid qorshe ay wateen kooxda Farmaajo, kaasi oo ahaa in kuraasta doorashadoodu ku harsan tahay Beledweyne loo xiro dad gaar ah, sida hore u dhacday.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa shalay kulan uu la qaatay inta badan musharixiinta u taagan 11-ka kursi ee ku harsan magaalada Beledweyne ayaa u cadeeyay in uusan marnaba yeeli doonin in la kala xigsado musharaxiinta. ayaa u caddeeyey mowqifkiisa.

Kulankaas ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaasi oo diidan in kuraassta la furo, waxayna warar la helayo sheegayaan inuu weli diidan yahay go’aanka uu ku adkeystay Guudlaawe.

Dabageed ayaa ku xiran Villa Somalia, oo dooneysa in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan gobolka aanay dib ugu soo laaban Golaha Shacabka.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa musharixiinta ka codsaday inay xaaladda dajiyaan, islamarkaana ay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga Beledweyne inta ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiinta ayaa isla shalay aqbalay codsiga madaxweynaha HirShabelle, waxayna sidoo kale uga mahad celiyeen inuu ku adkeystay go’aankiisa xilli ku xigeenkiisa uu rabo in la boobo kuraasta harsan.

Si kastaba, Kooxda Farmaajo ayaa isku dayeysa xiligaan sidii ay Beledweyne uga soo saaran laheyd dad gaar ah oo ay wadato, taasi oo ka hor-imaneysa ballan-qaadkii uu madaxweyne Guudlaawe ka sameeyay safarkiisi u horeeyay ee uu ku tagay Beledweyne.

Sarkaal ka tirsanaa wasaarada maaliyadda Soomaaliya oo lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley hubeysan ayaa barqanimadii maanta dil qorsheysan ka fulisay degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo degaanka ah.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Laaybeeriya, waxaana Marxuumka la toogtay  magaciisa lagu sheegay Cali Xaaji, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday goob lagu shaaxo oo ku taalla Suuqa Laaybeeriyada, waxaana ragga weerarkan fuliyey ay ku hubeysnaayeen Bistoolado.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Marxuum Cali Xaaji uu ka tirsanaa qaybta Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo maydka ay goobta kasoo qaadeen ciidamada amniga.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Waabari oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho oo laga dareemayo mashquul ku aadan doorashooyinka dalka.

Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in kooxda Al-Shabaab ay kordhisay howl-galgeeda Muqdisho, iyada oo todobaadyadii lasoo dhaafay weeraro ka fulisay caasimada dalka.

Video: Xashiish iyo Tramadol ayuu isticmaalay kaddib waa waashay, wuuna is dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka soconaya dagaal xoogan oo lagula jiro maan-dooriyaha noocyadiisa kala duwan oo dhibaato weyn ku haya bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sheekadan oo aad u xanuun badan, isla-markaana murugo xambaarsan ayaa waxaa ku eegi doonaa nolosha wiil sideed jir ah oo ku jira xarunta Maamo Ugaaso oo ku taalla gudaha magaalada Muqdisho.

Sideed jirkan oo wareysi la yaab-leh bixiyey ayaa sheegay inuu isticmaali jiray balwad nooc kasta oo ay tahay, ka hor inta aan laga soo dhex qaban magaalada.

“Waxaan isticmaali jiray Xashiish, Qamri, Sigaar, Koolo iyo Tramadol,” ayuu wareysiga ku yiri wiilka yar ee sideed jirka ah.

Intii uu bixinayey wareysiga wuxuu ku sheegay inay jiraan labo wiil oo isaga la dhalatay, isla-markaana isticmaalayey maan-dooriyaha, balse mid ka mida uu geeriyooday.

Waxa uu sheegay in wiilka geeriyooday uu ka weynaa, balse uu isku dhex dal-dalay guriga, kadib markii uu ku waashay isticmaalka maan-dooriyaha.

“Xashiiska mirihiisa, Tramadol iyo Bulji ayuu cabaayey waa is marjiyey waa waashtay guriga dhexdiisa xarig ayuu kor ku xirtay,” ayuu yiri.

Hadda sideed jirkan oo dhowr jeer ka baxsaday xarunta lagu xanaaneeyo ayaa waxaa isbedashay noloshiisa, wuxuuna sheegay inuu sii wadan doono waxbarashada loo bilaabay.

“Waa iska dhaafaa wixii hore, waana joogaa,” ayuu gabagabadii ku yiri wareysiga laga qaaday wiilka yar.

Halkan hoose ka daawo:-

Jubaland oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii uu qaaday maamulka gobolka Gedo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha amniga dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyey tallaabadii uu qaaday maamulka gobolka Gedo oo ka horyimid safarka guddiga qiimeynta ee uu ra’iisul wasaaraha u xil-saaray doorashada ka dhaceyso Garbahaarey.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa shaaca in gaadiid dagaal iyo ciidamo la geeyay garoonka diyaaradaha ee Garbahaareey,  si looga hortagga socdaalka guddiga, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga maamulka Jubbaland ayaa xusay in la doonayo in Jubbaland la geliyo colaad iyo qalalaase, si loo boobo kuraasta taalla halkaasi.

“Garoonkii waxaa la galshay gaadiidka tegniko ah. Xitaa waxaa la diiday in diyaaradaha rayidka ah ay kasoo dagaan garoonka,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dibad-baxii shalay ka dhacay Garbahaarey, kaas oo looga horjeeday imaashaha guddiga qiimeynta ee uu horkayaco Abuukaate Cumar Dhagey.

“Shacabkii oo afduuban baa la bannaan bixiyay. Sharciyadii dalka gacantaa lagu qaatay. Midaasna ma ahan wax shaqeynaya,” ayuu sii raaciyey Mr Kaliil.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey dhibaatooyinkaasi ay ka dambeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayna kasoo horjeedo fulinta heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meel sare ay gaartay xiisadda gobolka Gedo oo salka ku heyso maamulka doorashada 16-ka kursi ee yaalla degmada Garbahaarey oo ay haatan si weyn isugu hayaan Jubbaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qorshe ka kooban 4 weji oo ku saabsan Somalia oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Golaha Ammaanka usoo jeediyey in tirada shaqaalaha nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu hayo heerka ay hadda yihiin illaa dhammaadka sanadkan, sida ku cad warqad ay heshay wakaaladda wararka AFP.

Shaqaalaha AMISOM ayaa ka kooban 20,000 oo askari, boolis iyo rayid, kuwaas oo taagera dowladda aan tabarta laheyn ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta argagixisada. 

Muddo xileedka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, hase yeeshee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu 30-ka Maarso u codeeyo howlgal cusub oo lagu magacaabo ATMIS.

Warqaddiisa oo Golaha Ammaanka loo gudbiyey Isniintii, ayaa Guterres wuxuu ku sheegay inuu doorbidayo qorshe ka kooban afar weji oo si tartiib tartiib ah loogu yareeyo shaqaalaha ATMIS, “si loogu ogolaado looguna taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya inay qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Soomaaliya dhammaadka 2023,” ayada oo dhammaan militariga ajaaniibta ah ay ka baxayaan Soomaaliya 2024.

Madaxa QM ayaa intaas ku daray in qorshihiisa uu dhigayo in yareynta ugu horeysa ee lagu sameynayo ciidamada ATMIS oo ah dhimisti 2,000 askari aysan dhici doonin illaa dhammaadka December 2022, ayada kadibna tirooyin kale laga dhimayo wejiyada kale.

“Waa muhiim in tirada heerka ciidamada la joogteeyo illaa dhamaadka wejiga koowaad si loo xaqiijiyo in guulihii la gaaray la joogteeyo, loono ogolaado isbeddelka howlgalka ayada oo aan la waxyeeleyn xaaladda ammaan ee iminka,” ayuu yiri Guterres.

Inkasta oo AMISOM ay qeyb ahaan maal-geliyaan QM iyo Midowga Yurub, haddana warqadda Guterres ma shaacin cidda maal-gelin doonta howgalka ATMIS.

“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda ayaga oo kheyraad ku filan siinaya ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri xogyahaha guud ee QM.  

CC Sharma’arke: Dalkaan doorasho kama dhaceyso haddii aan ra’iisul wasaare…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa war kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan dhibaatooyinka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka iyo dhaqaalaha guud.

Cumar Cabdirashiid oo weerar ku qaaday madaxda qaranka ayaa shaaciyey in dalka uu gacan u galay dad aan dan ka laheyn, isla-markaana xaaladda gaarsiiyey meesha ay hadda taagan tahay.

“Dad aan lahayn dhabar mas’uuliyad lagu qaado ayuu waddanka u gacan galay oo meesha aynu taaganahay ayay na gaarsiiyeen, waa in shaqsiga uu yaqaanaa Cidda berri aad hiilada uga baahan tahay, Khibraddu wax sahlan ma aha” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dalku u baahan yahay bad-badaado iyo dad u istaaga, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah ee lagu daahay.

Sharmaa’arke ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in mar kasta lala fal-galo dabaylaha dunida ka socda iyo isbeddalaya dhacaya.

“Qofka waa in lagu qiimiyaa kartidiisa, sida uu dadka isugu heyn karo, lana falgeli karo dabaylaha dunida ka socda ee xaaladaha qasan, Dalka haddii aan maanta la isugu tagin inta miirka qabta waxa uu u gacan galayaa Dad aan dan ka lahayn oo wixii loosoo maray waxa ay noqonayaan macno darro”  ayuu markale yiri ra’iisul wasaare Sharmaa’arke.

Sidoo kale wuu soo jeediyey sida looga gudbi karo arintan, wuxuuna yiri “Dalkaan haddii aan Ra’iisul Wasaare karti leh loo xulin, doorasho kama dhaceyso, dastuur dhammaanayo ma jiro, Ciidan & qorshe ma leh, Deyn la cafinayo ma jirto, waxyaabahaas oo dhan waa u muhiim in uu Ra’iisul Wasaaraha yahay mid ka bixi kara, Madaxweynaha ayaa ka caawin kara,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli is mariwaa ka taagan hannaanka doorashada oo marar badan dib u dhacday, kadib murano xoogan oo hareeyey kuraasta baarlamaanka.

Sawirro: Doorashada lix kursi oo Baydhabo ka dhacday maanta – Yaa kusoo baxay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#099, Hop#168, Hop#167, Hop#077, Hop#186 iyo Hop#261 ee Golaha Shacabka.

Doorashada kuraastan ayaa waxaa ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Axmed Madoobe Nuunow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#099. 2-Luul Ibraahim Cumar oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#168. 3-Cabdisalaan Cali Cabdi oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#167. 4-Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop#077 . 5-Cabduqaadir Cumar Macalin oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#186. 6-Saalax Shariif Siid Cali oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#261.

Guusha xubnahan ayaa horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kuraasta ay ku soo baxeen, iyaga oo aan gelin tartan adag.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Jindi oo shaaciyey ballan-qaad loo sameeyey, iskana fogeeyey dagaalkii B/Weyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mid ah musharaxiinta ku sugan magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey wixii shalay ka dhacay magaaladaas iyo halka ay ku sugnaayeen markii uu dagaalku qarxay.

Jindi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in kulan gaar ah ay shalay madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne kula yeesheen Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Yuusuf Dabageed oo isagu casuumay.

Intii uu socday kulankaas ayuu sheegay in banaanka madaxtooyada ay ka bilaabatay rasaas xoog leh, taas oo argagax badan ku abuurtay asaga, musharaxiintii kale iyo Yuusuf Dabageed oo ay shir kula jireen.

“Shirka oo gabagabo ku sii dhow ayey albaabka madaxtooyada ka bilaabatay rasaas aad la isugu riday, argagax badan ayaa jiray, ma jirin cid war ka heysay waxa socda iyo halka laga soo abaabulay,” ayuu yiri Jindi.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay been abuur ku tilmaamay warar sheegayey in waxa qalalaasaha Beledweyne ka kiciyey uu qeyb ka yahay kursiga beeshiisa ee HOP010 oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey.

“Haba yaraatee ma jiraan wax aniga ama dadka aan metelo ku kalifaya inay hub qaataan oo wax laayaan oo arbushaad intaas la eg ay u soo baxaan, marka wixii dhacay ma naqaano cida geysatay iyo sababtii ka dambeysay,” ayuu yiri Cabdirisaaq Jindi.

Wararka laga baahiyey dagaalkii shalay Beledweyne ka dhacay waxaa qeyb ka ahaa in xiisadu ay salka ku heyso kuraas uu madaxweyne ku xigeenka maamulkaas la doonayo in loo xiro xubno ay wadato Villa Somalia.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in taasi ay been tahay oo laba kulan ay madaxda HirShabeelle ugu cadeeyeen in kuraastaas lagu tartami doono oo qolo gaar ah aan loo xiri doonin.

“Madaxweyne ku xigeenku wuxuu noo sheegay in dhaqdhaqaaq badan uu magaalada ka jiro, loona baahan yahay in la dejiyo xaaladda, si doorasho nabdoon loo qabto, intaas ayuu nagala hadlay, waxuuna balan qaaday sidii habeen hore ay noola hadleen isaga iyo Cali Guudlaawe in qof gaar ah aan kursi loo xiri doonin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jindi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Yuusuf Dabageed uu u cadeeyey in kuraastii labada ahaa ee kiisu ku jiray ee shalkay la hakiyey doorashadooda ay hadda lamid yihiin kuraasta kale, “Sabab igu kalifi karta ma jirin in dagaalkii aan anigu ka dambeeyo,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga

MAREYKANKA oo qaaday tallaabadii ugu adkeyd ee lagu ciqaabayo RUUSHKA

Washington (Caasimada Online) – Isaga oo si xooggan u weeraraya dhaqaalaha Ruushka, ayaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu Talaadadii amray in la mamnuucay soo-dhoofinta shidaalka Ruushka, si looga aarguto duulaanka uu Putin ku qaaday Ukraine.

Dadka Mareykanka waxay sidoo kale xanuun ka dareemi doonaan ajabka shidaalka – ayuu yiri Biden oo qiraya sare ukac ku iman doona shidaalka, balse wuxuu yiri “Difaaca xoriyadda waxay ku fadhin doontaa qiime.”

Xayiraadda so-dhootinta shidaalka ayaa aheyd qeyb muhiim ah oo ka maqneyd cunaqabateenada la saaray Ruushka. Dhoofinta tamarta ayaa Moscow u ah il-dhaqaale oo kaash badan oo kusoo galo.  

“Qeyb kama noqon doonno kabidda dagaalka Putin,” ayuu yiri Biden, oo ugu yeeray tallaabada cusub “jug xoog badan” oo ka dhan ah awoodda ay Ruushka ku maal-gelinayaan sii wadidda weerarka.

Biden wuxuu sheegay in Mareykanka ay tallaabadan qaadeen ayaga oo wada-tashi dhow la leh xulufadooda Yurub, kuwaas oo si ka badan Mareykanka ugu tiirsan tamarta Ruushka, islamarkaana qirtay inaysan awoodi doonin inay si deg deg ah ugu biiraan. 

Go’aanka Biden ayaa ah isku daygii ugu dambeeyey ee Ruushka looga go’doominayo dhaqaalaha adduunka, laguna xaqiijinayo in duulaanka Ukraine uu noqdo guuldarro asiibta Putin, xitaa haddii uu dhul qabsado. 

“Ukraine marnaba guul uma noqon doonto Putin,” ayuu yiri Biden. 

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa tweet ku amaanay tallaabada Biden. “Waa ku mahadsan yihiin Mareykanka iyo madaxweyne Biden inay wadnaha ku dhufteen mashiinka dagaalka Putin ayna suuqyada Mareykanka ka mamnuuceen shidaalka, gaaska iyo dhuxusha Ruushka. Waxaan dalalka iyo hoggaamiyayaasha kale ku boorinayaa inay raacaan.”

Midowga Yurub ayaa toddobaadkan ballan-qaadi doona inuu si tartiib ah u jaro ku tiirsanaanta tamarta Ruushka sida ugu dhaqsaha badan, hase yeeshee in booskaas la buuxiyo ayada oo aanu dhaawac gaarin dhaqaalaha Midowga Yurub ayaa qaadan doonta muddo.

UK oo aan hadda qeyb ka aheyn Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay dhammaadka sanadkan meesha ka saari doonto soo-dhoofinta saliidda iyo shidaalka Ruushka.

Si ka duwan Mareykanka oo ah dal weyn oo soo saara shidaalka iyo gaaksa, Yurub ayaa 90% gaaskeeda iyo 97% shidaalkeeda soo dhoofisa. Ruushka ayaa bixiya 40% gaaska Yurub iyo 25% shidaalkeeda. Mareykanka Ruushka kama soo dhoofiyo gaas dabiici ah.

Puntland iyo DP World oo dekedda BOOSAASO ku wareejinaya shirkad cusub

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland iyo shirkadda laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ee DP-world ayaa ku heshiiyey in maamulka Dekadda Boosaaso laga wareejiyo Shirkadda P&O oo muddo ka badan 5 Sano gacanta ku heysay.

Wasiirka Dekadaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay inuu dhacay heshiis shirkad kale loogu wareejinayo maamulka Dekadda, wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego magaca shirkadda cusub ee lagu wareejiyey Dekadda Boosaaso.

Sababta Shirkadda P&O looga wareejiyey maamulka Dekadda Boosaaso ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay ku fashilmatay heshiiskii lala galay ee ahaa in dhismaha Dekadda la ballaariyo.

Shirkadda P&O ayaa ku doodeysa in sababta ay dib ugu dhacday dhismaha Dekadda Boosaaso ay tahay dilkii madaxii shirkadooda Paul Farmosa oo Boosaaso lagu dilay Bishii February ee sanadkii 2019.

Wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shirkadda cusub ay dhowaan si rasmi ah shaqadeeda u bilaabi doonto.

Maamulka Puntland ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay ganacsatada Puntland oo ku baaqay in la joojiyo heshiiska DP world, waxayna ballaan qaadeyn inay maalgashi ku sameysan doonaan Dekadda.

Puntland ayaa ku adkeysatay in aysan joojineyn heshiiska ay kula jirto DP World, waxayna taas badalkeeda sameysay in heshiiska laga joojiyo Shirkadda B&O oo ah gacanta Sedexaad ee shaqada waday.

Xubno ka tirsan Shabaab oo howlgal lagu dilay iyo kuwa kale oo nolol lagu qabtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay si wadajir ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Howl-gallada ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in inta ay socdeen howl-galladu ay dagaallo dhex-mareen labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in howl-galladan ay ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna sidoo kale nolosha ku qabteen 6 kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada jabka xoogan lagu gaarsiinayo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda deegaanada howl-gallada laga sameeyey ee hoostaga Jamaame ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhacay iska hor imaadyo geystay khasaare kala duwan.

Ciidan fashiliyey qorshe uu watay xafiiska Rooble oo qabsaday garoonka diyaaradaha…

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa ciidan aad u hubeysan geeyey garoonka diyaaradaha magaaladaas, si halkaas ay uga hor istaagaan guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray inay soo qiimeeyaan xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay waxuu qorshuhu ahaa in Talaadadii maanta ay Garbahaarey ka degaan xubnaha guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray soo qiimeynta magaaladaas, balse safarkaas ayaa baaqday kadib markii uu talaabadaan qaaday maamulku.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wax laga xumaado oo dowladnimada baal-marsan ku tilmaamay tallaabada lagu hor istaagay guddigaas.

Wasiiru dowlaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa maamulka Garbahaarey ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorasho lagu qabto degmadaas, isagoo cadeeyey in ciidan lagu hor istaagay guddiga ku howlan qiimeynta ay degeen garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey.

“Ciidamadii dowladda ee sida qaldan loo adeegsaday ayaa saakay aroortii qabsaday garoonka Garbahaarey, gaadiidka dagaalka ayey dhex dhigteen garoonka, iyadoo la leeyahay waxaan magaalada ka hor istaageynaa guddigii Ra’iisul wasaaruhu diray, taasi waa ku ceeb dowladnimada Soomaaliya,” ayu yiri wasiir Maxamed Cabdi Kaliil.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud ayaa beeniyey in ciidan ay geeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Garbahaarey ayaa ah magaalada kaliya ee ka mid ah deegaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee illaa hadda aysan ka dhicin wax doorasho ah.