25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Ciidan fashiliyey qorshe uu watay xafiiska Rooble oo qabsaday garoonka diyaaradaha…

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa ciidan aad u hubeysan geeyey garoonka diyaaradaha magaaladaas, si halkaas ay uga hor istaagaan guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray inay soo qiimeeyaan xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay waxuu qorshuhu ahaa in Talaadadii maanta ay Garbahaarey ka degaan xubnaha guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray soo qiimeynta magaaladaas, balse safarkaas ayaa baaqday kadib markii uu talaabadaan qaaday maamulku.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wax laga xumaado oo dowladnimada baal-marsan ku tilmaamay tallaabada lagu hor istaagay guddigaas.

Wasiiru dowlaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa maamulka Garbahaarey ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorasho lagu qabto degmadaas, isagoo cadeeyey in ciidan lagu hor istaagay guddiga ku howlan qiimeynta ay degeen garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey.

“Ciidamadii dowladda ee sida qaldan loo adeegsaday ayaa saakay aroortii qabsaday garoonka Garbahaarey, gaadiidka dagaalka ayey dhex dhigteen garoonka, iyadoo la leeyahay waxaan magaalada ka hor istaageynaa guddigii Ra’iisul wasaaruhu diray, taasi waa ku ceeb dowladnimada Soomaaliya,” ayu yiri wasiir Maxamed Cabdi Kaliil.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud ayaa beeniyey in ciidan ay geeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Garbahaarey ayaa ah magaalada kaliya ee ka mid ah deegaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee illaa hadda aysan ka dhicin wax doorasho ah.

Xeelada cusub ee qaraxyada Al-Shabaab – Sidee u dhacay qaraxii lagu dilay AFRIKA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada loo adeegsado jaakadda ay xirtaan xubnaha ay ku qanciyaan inay is qarxiyaan, sida ay muujinayaan xog u uruurintii la sameeyey labadii sano ee ugu dambeeyey.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinkii ay sababeen qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee dalka ka dhacay wixii ka dambeeyey sanadkii 2019-kii.

Sidoo kale barnaamijkaan waxaa lagu wareystay qaar ka mid ah dadka dhibanayaasha u ah qaraxyadii dhacay, waxaana ka mid ah Agaasimaha Telefishinka Qaranka Sharma’arke Maxamed Warsame oo dhaawacyo aad u culus ay ka soo gaareen qaraxii lagu dilay Agaasimhii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika.

Agaasime Sharma’arke waxa uu ka sheekeeyey wixii gaaray markii la qarxiyey 20-kii bishii November iyo sida ay hadda xaaladiisu tahay, meelaha qaar ee wareysigaan Sharma’arke waxuu cesha weynayaa Ilinta.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka mid ah dadka lagu wareystay barnaamijkaan, waxuuna soo bandhigay xog uruurin qaraxyadii dhacay, noocyada ay kala ahaayeen iyo khasaarihii ka dhashay uu ka sameeyey booliska Soomaaliya.

Sida lagu sheegay xogtaan sanadkii 2020-kii waxaa la diiwaan geliyey 22 qarax oo is-miidaamin ah, kuwaas oo 11 ka mid ah ay fuliyeen dad soo xirtay jaakadaha qarxa, halka 11-ka kale lagu fuliyey gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ay wadaan dad naftooda haligayaal ahaa.

Sanadkii 2021-kii  waxaa is qarxiyey 13 qof oo jaakado soo xirtay, halka 14 kalena ay fuliyeen xubno watay gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey, sida lagu shaaciyey xogta uu baahiyey barnaamijkaan.

625-qof ayaa qaraxyada ku geeriyootay sanadkaas, halka 611 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, 54 bam-gacmeed iyo 19 weerar oo loo adeegsaday qoriga loo yaqaano Hoobiyaha ayaa dhacay sanadkii tegay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan waxuu sheegay inay ku guuleysteen yareynta qaraxyada gaadiidka loogu dhejiyo masuuliyiinta iyo gaadiidka qaraxyada lagu soo raro ee Muqdisho lasoo geli jiray, taas oo keentay in kooxdu ay qof kaligiis ah qarax ku soo xirto.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran

Wareysi: Qaali Cali Shire oo ka hadashay guushii ay ka gaartay kooxda Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Cali Shire oo dhawaan kamid noqotay Golaha Shacabka, kuna soo baxday tartan adag oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadashay guusheeda iyo sida ay wax u dhaceen doorashadeedii.

Qaali Cali oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#060 ayaa waxay sheegtay inay ku timid rabitaan shacab, islamarkaana ay u shaqeyn doonto bulshadeeda, maadama aysan cidna meesha geysan, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa ku imid rabitaan shacab iyo ergadii isoo dooratay, dowlada qof ayaa ka tirsanaa oo ay wadatay, anigana waxaa ku imid rabitaan shacab,” ayey tiri Qaali Cali Shire.

“Marka aad beer abuurato waxa ka sugayso waa in aad miraheeda hesho, insha allah igu khasari maysan intii karaankeyga dadka waa iga duwanaan doontin.”

Kursiga ay ku guuleysatay Qaali ayaa doorashadiisu 6-dii bishaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo, tartankiisu waxuu ahaa mid furan, waxaana ku loolamay afar musharax oo dhamaantood haween ah, maadaama loo asteeyey qoondo haween.

Doorashada kursigaan ayaa la isla aaday wareeg labaad oo ay isugu soo hareen Ubax Tahliil Warsame oo wareegii koowaad heshay 44-cod iyo Qaali Cali Shire oo wareegii koowaad heysatay 32-cod.

Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega labaad, waxaa guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61-cod, halka Ubax Tahliil ay heshay 40-cod

Guusha Qaali ayaa waxaa xiligaas si weyn uga fal-celiyay siyaasiyiinta Soomaalida iyo xildhibaano, kuwaasi oo doorashada ay kusoo baxday ku sifeeyay mid xor iyo xalaal ah oo aan lagu arkin inta badan kuraastii la doortay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

HirShabelle oo shaacisay doorashada kursi ay xiisad ka taagan tahay, hakisay laba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada HirShabelle (SEIT) oo hore u shaacisay liiska guddiyada xulista ergada 3 kursi oo kamid ah kuraasta ku harsan magaalada Beledweyne, ayaa goor sii horeysay hakisay labo kamid ah kuraastaas.

Saddexda kursi ee markii hore ay shaacisay guddiyada xulista ergada ayaa kala ahaa; HOP#010, HOP#030 iyo HOP#066, waxaana hadda meesha laga saaray guddigii loo diiwaan-geliyay kuraasta HOP#010 iyo HOP#066

Guddiga doorashada HirShabelle ayaa sheegay in labada kursi loo hakiyay si looga jawaaabo cabashadii ka timid guddiyada xulista ergada la shaaciyay, ayada oo uu Guddiga SEIT HirShabelle uu markale soo saari doono magacyada guddiga xulista ergada rasmiga ah marka la xaliyo cabashadaas.

Kuraasta kaliya ee sidiisa loo daayay oo ah HOP#030 ayaa waxaa hadda ku fadhiyo Daahir Amiin Jeesow, waana mid doorashadiisa si gaar ah loo xiiseynayo, maadama uu guux weyni ka jiro.

Kursiga HOP#030 ayaa markii hore si gaar ah loogu xiray Jeesow oo asagu si toos ah ugu xiran kooxda Farmaajo, hase yeeshe waxaa si adag uga horyimid maleeshiyo hubeysan oo ku sugan Beledweyne.

Maleeshiyadaas oo soo galay Beledweyne ayaa wacad ku maray inay dagaal qaadi doonaan haddii kursigan loo xiray Jeesow, oo 5 sano oo uu ku fadhiyey ka dhigay kursi loogu adeego Farmaajo.

Kursigaan ayaa kamid ah kuwa sida aadka ah isha loogu hayo, ayna adag tahay in xiligaan loo sameeyo malxiis, sida hore uga dhacday doorashada Golaha Shacabka.

Maamulka HirShabelle ayaa wajahaysa culeys xoogan oo ku aadan kuraasta ku harsan, ayada oo dib loo dhigay kuraasta ugu adag ee taalla magaalada Beledweyne.

Xiisada u xoogan ayaa ka taagan in kuraasta la furo, halka qaar kamid ah madaxda maamulkaas ay rabaan in si gaar ah loogu xiro shaqsiyaad ay wataan kooxda Farmaajo.

Si kastaba, Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta mar kale kulan la qaatay inta badan musharixiinta u taagan kuraasta ku harsan Beledweyne, ayaa u sheegay musharixiinta in aan la xiri doonin kuraastaas.

Midowga Musharixiinta oo digniin culus soo saaray kadib arrintii shalay dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo soo saaray qoraal ayaa ka hadlay xayiraadii loogu diiday inuu magaalada Baydhaba u safaro madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Midowga musharixiinta ayaa falkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid gurracan oo ka baxsan nidaamka dowlad-wanaagga iyo ku xad-gudubka xuquuqda dastuuriga ee muwaadhinka

“Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu canbaaraynayaa falalka gurracan ee ka baxsan nidaamka dowlad-wanaagga iyo ku xad-gudubka xuquuqda dastuuriga ee muwaadhinka oo dalka ka socda. Falakaas waxaa ka mid ah fal sharci-darro ah oo loogu diiday Mudane Sharif Xasan Sheikh Adan inuu ka safro magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo doorashada kursiga uu u taagnaa oo lagu qabanaayey magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha.

Midowga musharixiinta ayaa sheegay in mas’uuliyadda falkaas uu lahaa Madaxweynaha Dowladd-goboleedda Koonfur-Galbeed oo kaashanaaya Dowladda Federaalka, wuxuuna Golaha ku hanjabay inay arrintaan horseedi karto khilaafyo hor leh iyo in natiijada doorashadu aan raali laga wada noqon.

“Goluhu wuxuu u arkaa falkaan iyo kuwo la mid ah in ay yihiin dhaqamada xun-xun oo doorashada lagu boobayo oo uu Madaxweynaha muddo¬xileedkiisu dhamaaday iyo madaxda dowlad-goboleedyada ku soo biiriyeen siyaasadda doorashada dalka oo runtii haddaan wax laga bedelin horseedi kara khilaafyo hor leh iyo in natiijada doorashadu aan raali laga wada noqon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka-ba ku booriyey in aysan ka indha-qarsan falalka sharci-darrada ah iyo ku xadqudubka xuquuqda muwaadhinka ee ka socdo dalka oo muhiimadisu tahay in la boobo doorashada.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa todobaadkaan loo diiday inuu u safaro Magaalada Baydhaba, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inuu arrintaasi ka dambeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa dagaal xooggan la galay xildhibaanadii waqtiga dheer ku fadhiyey kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Baydhabo, wuxuuna kuraasta intooda badan siiyey xubno ay wadatay Villa Somalia.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay musharixiinta oo dhameystiran

 

 

Guudlaawe oo mar kale go’aankiisa u caddeeyey musharaxiinta kuraasta ku harsan Beledweyne – Xog

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta mar kale kulan la qaatay inta badan musharixiinta u taagan 11-ka Kursi ee ku harsan magaalada Beledweyne ayaa u caddeeyey mowqifkiisa.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada HirShabelle ee Beledweyne ayaa ahaa kulan qaatay waqti badan, wuxuuna madaxweyne Guudlaawe mar kale u caddeeyey musharixiinta inaan la xiri doonin kuraasta taala Beledweyne.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) kaasoo diidan in kuraassta la furo, waxayna warar la helayo sheegayaan inuu weli diidan yahay go’aanka uu ku adkeystay Guudlaawe.

Dabageed ayaa ku xiran Villa Somalia, oo dooneysa in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan gobolka aanay dib ugu soo laaban Golaha Shacabka.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa musharixiinta ka codsaday inay xaaladda dajiyaan, islamarkaana ay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga Beledweyne inta ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiinta ayaa aqbalay codsiga madaxweynaha HirShabelle, waxayna sidoo kale uga mahad celiyeen inuu ku adkeystay go’aankiisa xilli ku xigeenkiisa uu rabo in la boobo kuraasta harsan.

Intii uu kulanka socday ayaa waxay is rasaaseyn dhex martay qaar ka tirsan ilaalada musharixiinta iyo ciidamada HirShabelle, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho oo gaareysa ilaa 2 qof oo mid ahaa askari halka qof kalana uu ahaa shacab.

Xaaladda Beledweyne ayaa labadaan maalin ah mid kacsan, waxaana soo buux dhaafiyey ciidamo tiro badan oo u abaabulan hab beeleed kuwaas oo diidan in kuraasta loo xiro dad gaar ah.

IMF oo digniin culus u gudbisay DF – Maxay wajaheysaa Soomaaliya?

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Isniintii soo cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in maal-gelinta Soomaaliya la jari dooni haddii dowladda Soomaaliya ay sii waddo in dib loo dhigi doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib u dhacay in ka badan, waxaana 26-kii Febraayo ay Golaha Wadatashiga Qaran waqti cusub u qabteen dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtigaas oo ah 15-ka Maarso.

“Xal waqtiyeysan oo loo helo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo in si guul leh loo soo geba-gebeeyo doorashada waxay muhiim u tahay in la weeciyo hakad ku yimaada barnaamijka ay taageerto IMF,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri IMF kadib wada-hadallo ay la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ku dhacay hab fogaan arag ah.

Barnaamijka IMF ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u eegis lagu sameeyo bartamaha bisha May, waxaana jirta cabsi ah in kahor xilligaas aanay Soomaaliya heli doonin maamul cusub oo taageera isbeddelada la qorsheeyey.

Muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhacay bishii Febraayo ee 2021, hase yeeshee doorashooyinkii ayaa dib u dhacay kadib markii uu isku dayey muddo kororsi fashilmay.

Hay’adda fadhigeedu yahay Washington ayaa bishii Maarso 2020 ku dhowaaqday dayn ka qafiifin loo sameynayo Soomaaliya, ayada oo loo marayo barnaamijka dalalka saboolka ah ee dayntu la degtay ee loo yaqaan HIPC, taasi oo deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo ah 5.2 bilyan oo dollar kusoo koobeysa kaliya 557 milyan oo dollar, marka lasoo afjaro isbddelada.

Waxay sidoo kale IMF xilligaas ansixisay xirmo dhaqaale oo saddex sano ah oo ka kooban 395.5 milyan oo dollar oo lagu caawinayo Soomaaliya.

Hase yeeshee, haddii aan la helin maamul cusub oo qeyb ka noqda dib u eegista lagu sameynayo horumarka isbeddelada dhaqaale ee dalka, dhammaan qorshayaashaas ayaa daaqadda ka bixin doono, ayey ka digtay INMF.

“Si barnaamijkan usii socdo, shaqaalaha IMF ayaa xaqiijin doona sida mas’uuliyiinta Soomaalida uga go’an tahay isbeddelada marka la doorto madaxweyne cusub,” ayey tiri IMF.

IMF ayaa sheegtay in dhaqalaha Soomaaliya la filayo inuu sanadka 2022 kobco 3.2 boqlkiiba.

Warar is khilaafsan oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay madaxtooyada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) –  Dagaal culus oo dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo la doonayo in lagu qabto doorashada kuraas kale oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Dagaalka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada (Lama Galaay), halkaasi oo ay dagan yahiin Madaxda ugu sarreeya Maamulka HirShabeellle, sidoo kalana ay hadda ku sugan yihiin inta badan musharixiinta u taagan kuraasta 11-ka ah ee weli taalla Magaaladaas.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta keentay is rasaaseynta ka dhacday Beledweyne, waxayna goobjoogayaal qaar u xaqiijiyeen Caasimada Online inuu dagaalka ka dhashay kala shaki soo kala dhex galay ilaalada musharixiinta ku sugan madaxtooyada iyo ciidamada dowladda.

Warar kale ayaa iyagana sheegaya inuu dagaalka u dhaxeeyey ciidamada Ammaanka ee ku sugan Beledweyne iyo maleeshiyo beeleed ka careeysan in shaqsi loo xiro kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdisiaaq Maxamed (Jindi).

Maleeshiyaadka Ciidamada Ammaanka kula dagaalamay magaalada Beledweyne ayaa xalay soo galay gudaha Magaalada, iyaga oo Warbaahinta la hadlay waxaana ay sheegeen in ay dagaal ka xigaan in kursiga HOP#010 qof loo xiro.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen laba qof oo mid shacab yahay iyo hal askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamay, kuwaas oo la geeyay dhaawacooda Isbitaalka Magaalada Beledweyne.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la kala dhex galay ciidamada dagaalamay, islamarkaana ay hadda xaaladda tahay mid dagan.

Waxaa halka uu dagaalka ka dhacay shir uga socdaa madaxweynaha HirShabelle, ku xigeenkiisa iyo musharixiinta u taagan kuraasta 11-ka ah ee ku harsan magaalada Beledweyne.

Xog aan ka helnay kulankaas ayaa sheegaya in lagu heshiiyey inaan kuraasta la xirin, islamarkaasa ay musharixiinta u tartamaan si siman oo caddaalad ah.

Muxuu Goodax Barre ka yiri khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo haatan ka mid ah musharixiinta ku sugan Beledweyne ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in khilaafkan uu saameyn ku yeelan karo hannaanka doorashada, balse waxa uu tilmaamay in taladiisu ay shaqeyn doonto cidda ay la jiraan reer Hiiraan wuxuuna xusay inay garab taagan yihiin madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Marwalba shacbiyadda iyo dadka Beledweyne cidda ay jiraan ayaa muxuu ahaa taladiisu shaqeyn doontaa, mar haddii uu madaxweynihii joogo annaga madaxweyne ku xigeen ma naqaano madaxweynaa naqaanaa,” ayuu yiri musharrax Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu kasoo horjeestay damaca Dabageed ee ku aadan in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah, isaga oo uu tilmaamay in aysan marnaba aqbali doonin arrintaasi.

“Annaga marnaba ma yeeli doono kursi la xiro ee la leeyahay anigaa xiray qofkaasna siiyey hadda ka hor madaxweyne ku xigeenku fagaare ayuu ka sheegay in uusan marnaba jirin Qabiil kursi looga haraayo oo mataqaanaa iyagu magacaabi doonaan,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray  “Waxaan ka baqayaa haddii la kala xishoon waayo in meeshaas ay kasoo baxdo dhibaato weyn,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka HirShabelle oo isku qabtay maamulka kuraasta ku harsan Beledweyne.

Khilaafkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiri xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka oo  haatanla filayo in la soo gabagabeeyo 15-ka March.

Kooxda Farmaajo oo laba magaalo ka wadda qalalaase dib u dhigi kara doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa oo uu kamid yahay La-taliyihiisa Fahad Yaasiin ayaa maalmihii dambe qalaalase doorasho ka bilaabay magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Labadaan magaalo oo ah deegaan doorashada 2-aad ee maamulada Jubbaland iyo HirShabelle ayaa waxaa xiligaan ka taagan xiisad adag, ayada oo hakad ku jirto doorashadii kuraastii taalay labadaas deegaan, midaasi oo horseed u tahay xulafada Farmaajo-Fahad.

Maamulka Garbahaarey ee taabacsan Villa Somalia ayaa gebi ahaanba diiday in halkaas tagaan guddigii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay qiimeynta Garbahaarey.

Go’aanka loogu diiday guddiga inay ka dagaan Garbahaarey ayaa waxaa ka dambeeya xulafada Farmaajo-Fahada oo rabta inay siday rabto u maamulato kuraasta halkaas taalla.

Sidoo kale, magaalada Beledweyne ayaa waxaa la hakiyay doorashada 11 kursi oo ku harsanaa, kadib markii uu khilaaf hanaanka doorashada uu ka dhex qarxay madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana wehlisa xiisad amni oo ka taagan magaaladaas.

Xogaha laga helayo arrintaan ayaa sheegaya in Yuusuf Dabageed uu si weyn ugu xiran yahay Farmaajo iyo Fahad, islamarkaana uu doonayo in uu inta badan kuraasta loo xiro xubnaha ay wataan, sida hore u dhacday, taasi oo lasoo warinayo in uu ka horyimid Cali Guudlaawe.

Xiisada Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay isku badasho dagaal, haddii la isku dayo in la boobo kuraasta sida adag la isugu hayo, maadama ay halkaas ku sugan yihiin Musharaxiin aad uga soo horjeeda oo qaarkood ay hubeysan yihiin.

Si kastaba, Damaca xulafada Farmaajo-Fahad ayaa u muuqda mid markale doorashada ku keenaya dib-u-dhac kale, maadama qalaalase doorasho ka wadaan labada maamul ee kuraasta u badan weli ku dhiman yihiin.

Warbixin: Sidee ku dhacday xulashada 213 Xildhibaan, kuwa soo noqday iyo qaarka baxay, yeyse taageeraan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xulashada dadban ee Soomaaliya ka socotay ayaa mareysa heer gebogabo ah, iyada oo ilaa hadda la xulay golaha shacabka xildhibaanno gaaraya 213(77%), tiradaasi waxaa mar kale soo noqday ilaa 69 xubnood, waxaana ku cusub 144 xildhibaan.

Somaliland iyo Banaadir ayaa dhameystiray xulashada, halka Galmudug oo ku xigta ay xushay 31(84%) xildhibaan, waxayna maamullada kale u kala xuleen: Koonfur Galbeed 56(81%), HirShabelle 21(56%0 iyo Jubbaland 23 (53%).

Qoondada haweenka ayaa sanadkan aad u liidata, iyada oo ilaa hadda la xulay 43 xildhibaan oo u dhiganta (20%) hal ay raggu qaateen 170 xildhibaan oo ah (80%), rajoweyna lagama qabo inta dhimman.

Xulashada socota ayey shacabka ka muujiyeen niyadjab, waana middii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo marka lacagta baxeysa laga soo tago ay soo baxeen magaca xulasho, kursi xiran, hebel ama heblaayo ayaa la siiyey, maamulka ayaa wato iyo arrimo kale.

Yaa xulashada kusoo baxay, yaase la ceyriyey?

Somaliland ama goboolada waqooyi, waxaa xildhibaannida waayey Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Xuseen Carab Ciise , Maxamed Cumar Carte iyo qaar kale, halka ay kusoo biireen golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Mahdi Maxamed Guuleed oo ra’isul wasaare ku xigeen ahaa iyo xildhibaanno kale oo ku dhowaad 10 ay yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah iyo xubno amniga ka shaqeeya.

Puntland: Maamulka Puntland oo ah maamulka mucaarad ku ah Farmaajo, waxaa uu ceyriyey xildhibaannadii Nabad iyo Nolol sida  Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Saadaq Xirsi Warfaa, Jamaal Maxamed Xasan, Maxamuud Xayir Ibraahim isaga oo taa badalkeeda soo saaray xubno ka tirsan golaha wasiirada ama xildhibaannada Puntland iyo shaqaalaha dowladda sida Cabdullaahi Xasan Rooble, Bashiir Cabdi Ameerika, Fardowsa Cismaan Cigaal, Xirsi Jaamac Gaani, Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan), Daa’uud Cabdikarim Sheekh Cumar, Maxamed  Faarax Nuux iyo qaar kale.

Galmudug: Maamulka Galmudug oo gacansaar la leh regime-ka Farmaajo ayaa waxaa ka dhacday xulasho, musuq iyo kutakrifal awood, iyada oo xubinnimadii golaha shacabka ay waayeen xildhibaanno Mucaarad ahaa iyo qaar muxaafid ahaa oo beelaha ay iska diideen in dib loo doorto.

Xildhibaannada golaha laga saaray waxaa ka mid aha: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, Ubax Tahiil, Xasan Macallin Maxamuud Sh. Cali, Cabdiweli Maxamed Qanyare, Maryan Cariif Qaasim, Cabdi Shire Jaamac iyo Saciid Nuur Qayliye “Siciid Giriish”.

Dhanka kale, xildhibaannada cusub ee kasoo baxay Galamudug waxaa u badan ciidan sida:  Maxamed Abuubakar Cali(Jacfar), Cabdullahi Aadan Kulane(Jiis), Dayax Axmed Cumar, Saadaq Cumar Xasan iyo qaar kale

Hirshabelle: Maamulka Hirshabelle waa maamulka ilaa iyo hadda ugu fiican maamul goboleedyada, waxaa xildhibaannada aan soo noqon ka mid ah Cabdullaahi Colaad Rooble, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, iyada oo inta badan Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha maamulka uu qanciyey beelaha, laakin dadka soo baxay ee cusub waxaa ku jira qaar ciidan ah ama gacansaar la leh Farmaajo sida Fahad Yaasiin Xaaji iyo Maxamed Deeq Barre Cumar.

Koonfur Galbeed: Maamulka Cabdicasis Laftagareen ee Koonfur galbeed ayaa sameeyey isbadaladii ugu badnaa, Baydhabo oo gacansaar la leh Regime-ka Farmaajo ayaa xataa ceyrisay xildhibaano aaminsanaa Farmaajo. Dadka aan soo laaban waxaa ugu caansan: Idiris Cabdi Taqtar, Cabdirashiid Maxamed Axmed, Maxamed Cumar Dhalxa, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Cabdiweli Ibraahim Sh. Muudey, Ibraahim Isaaq Yarow, Xasan Cali Maxamed (Amar dambe), Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr. Go), Shariif Sheekhunaa Maye, Maxamed Nuuraani Bakar, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi), SH. Shaacir Sheekh Maxamed Xasan  iyo qaar kale.

Koonfur galbeed dadka xildhibaannada cusub helay waxaa ay u badan yihiin qaraabada iyo xididka Cabdicasiis Laftagareen, wasiirro xukuumadiisa ah iyo xubno baarlamaanka Koonfur galbeed, guddoomiyihii baarlamaanka maamulka, xubno ka tirsan NISA, farsamayaqaanno iyo qaar aan aqoon laheyn,

Jubbaland: Dhanka Jubnbaland inkasta oo aan wax badan la dooran hadana dadka uu Axmed Madoobe saaray waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, C/qaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi), Maxamed Xasan Idiris iyo qaar kale isaga oo keenay wasiirro Jubbaland ah iyo siyaasiyiin maamulka gacansaar la leh sida Cabdinuur Cali Aadan, Cabdirashiid Jire Qalinle, Saadaq Cabdullahi Cabdi, Dr. Siciid Maxamed Cali, Cabaas Cali Ibraahim, Cumar Ibraahim Xaashi, Xasan Xuseen Maxamed iyo Xamza Cabdi Barre.

Inta ay socotay xulashada, waxaa soo batay cabashada dad Farmaajo horay u taageersanaa oo xilal ka waayey maamuulo gacansaar la lahaa Regime-ka sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyaga oo qaarkood ay la wadaageen shacabka Soomaaliyeed shalayto, taasi oo cabsigelin ku abuureysa haddii ay jiraa qaar weli taabacsan Farmaajo, mugdina gelineysa rajadii uu madaxweynaha hore ka qabay inuu dib usoo noqdo 2022-ka.

W/Q: Cabdicasiis Gurbiye

QM oo war cusub kasoo saartay doorashada dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay maalinta caalamiga ah ee Haweenka (Sideeda March) oo maanta ku beegan, isla-markaana si weyn looga xusayo gudaha dalka Soomaaliya.

QM  ayaa ugu horreyn hambalyo guud u dirtay dhammaan haweenka Soomaaliyeed, iyada oo shaacisay inay muuujiyeen geesinimo iyo adkeysi.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha” ayuu yiri ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

James Swan ayaa soo hadal qaaday doorka haweenka ee doorashada, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la gaaro qoondada loo qorsheeyey ee ah 30%.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay in metelaadda haweenka ay wax weyn ke beddali karto siyaasadda Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waa muhiim in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ey u qalmaan ee siyaasadda, iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada,”.

Doorashada Golaha Shacabka oo haatan mareyso gabagaba ayaa waxaa weli heerkii la rabay laga gaarin qoondada haweenka, walow ay kuraasta qaar kusoo baxeen gabdho, halka kuwa harsana la filayo in lagu soo daro haween kale, si loo ilaaliyo qoondada 30%.

Maxaa dhici kara haddii uu Farmaajo markale soo laabto?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, Cismaan Xasan Cilmi ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso halis jiritaankeeda ku yimaada haddii dib loo soo doorto Farmaajo oo dhaawac weyn u geystay dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu ku abaal dhacay shacabka, xiligana loo baahan yahay in la dadajiyo doorashada Golaha Shacabka, si uu dhaco isbedel cusub oo aad looga fiirsaday.

“6-da sano ee ay joogaan waa wax ugub ah in lix sano uu muddo xileed iska jiro. La iskumana dayin in wax sifo sharci darro ah lagu sii korodhsado dowladdan ka hor,” ayuu yiri Guddoomiye Cismaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Xulafada lixda sano na gaarsiiyay, waxaa aaminsanahay in tallada dalka ay kusoo laabaneyn, haddii ay kusoo laabtana ay horseedayaan halaag iyo bur-bur oo aysan muuqanba horumar.”

Guddoomiye Cismaan ayaa sidoo kale ku dooday in xiligan ay dalka samata-bixin karin dadka Qurbajooga ah ee muddo ka maqna dalka, islamarkaana ay tahay in doorkaan talada loo dhiibo qof aan ka bixin dalka oo ka shaqeynaya horumarka dalka.

“Isbedelka imanaya yuusan noqon qiiro jabaan, waa in uu noqdo mid laga fiirsado oo la hubo oo hore noo wadi kara uu yahay. Waa in la dadajiyo doorashada, baarlamaankii wax dooran wax boqol ka yar ayaa ka dhiman ha la dadajiyo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday Golaha Wada-tashiga Qaranka inay iclaamiyaan waqtiga la iskugu yeerayo xildhibaanada cusub, si loo dardar-geliyo doorashada dalka, oo horseedaysa isbedel cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday marxalada kala-guurka, waxaana xiligan gaba-gabo ku dhow doorashada Golaha Shacabka oo loo qabtay in lagu soo dhameystiro 15-ka bishaan Maarso.

Kooxda Farmaajo oo wadda qorshe ka dhan ah Hawiye oo lagu bedelayo saami qeybsiga beelaha ee xilalka sare – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Cabdi Diini oo ka mid ah xildhibaanada dhalinyarada ah ee sanadkaan ku soo biiray baarlamaanka ayaa sheegay inuu u tartamo xilka  guddoomiyaha golaha shacabka, sida uu kasoo xigtay taleefishinka Somali Cable.

Faarax oo ka soo jeeda beesha Duduble, ayaa ka mid ahaa xildhibanadii lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

Ninkaan oo siyaasadda ka soo galay dhanka NISA, kuna dhow Fahad Yaasiin, ayaa mar soo noqday Taliyaha Nabad sugidda ee dekedda Muqdisho, sidoo kale hada waxuu ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Sida lagu baahiyey xogtaan, Faraax waxay saaxiibo dhow yihiin Fahad Yaasiin iyo Farmaajo oo gadaal ka riixaya qorshaha loogu soo sharaxayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomalaiya.

“Xildhibaan Faarax Cabdi Diini oo olole xoogan ugu jira gursiga guddoomiyaha golaha shacabka, waxaan ka soo xiganay markaan eegay saami qeybsiga siyaasadda Soomaaliya, waxaan go’aansaday in aan isbedel ku sameeyo hanaanka ay Soomaalidu wax ku qeysato, waxaana go’aan ku gaaray, in xilka guddoomiyaha golaha shacabka aan isku soo taago,” ayaa lagu yiri xogta uu baahiyey TV-ga Somali Cable.

Markii la weydiyey sababta uu xilkaan u doonayo Faarax, waxaa lagu sheegay warbixintaan inuu ku dooday in doorka dhalinyarada ee golaha shacabka uu yahay ‘mid ay muhiim tahay in la xoojiyo.’

Horay waxaa u jiray warar sheegayey in Farmaajo iyo kooxdiisa ay qorsheynayaan in saami qeybsiga xafiisyada sare ee dowladda dhexe ay u kala wareejiyaan beelaha afarta ah, gaar ahaan xilalka kala ah, guddoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Inkastoo aan la ogeyn sida ay ugu suura-geli karto arrintaas, hadana waxaa la sheegay in qorshahaas ay danahooda siyaasadeed ka dhex arkayaan.

Maamulka Garbahaarey oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo looga hortagayo qorshe…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta ugu sareeysa maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga horyimid in halkaas uu tago gudigii qiimeynta Garbahaarey u magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Garbahaarey ayaa shirkadaha diyaaradaha uga digay inay soo qaadan guddigaas, oo ay sheegen in uu yahay guddi lagu dhisay sharci darro.

“Shirkadii soo qaada guddiyadaas iyo dad aan isku ogeyn mas’uuliyadeeda wixii ka yimaada iyada ayaa qaadaneysa. Haddii xuquuqdayadii la diiday oo Ra’iisul Wasaaraha iyo dad ku lug leh diideen waxaa ku qasbanahay in aan gobolkayagii u madax-banaano,” ayuu yiri.

“Guddigaas ma imaan karaan Garbahaarey iyo gobolka Gedo. Mana imaan karaan ragaas iyo wixii ku lug leh.”

Waxay ku doodeen in ka maamul ahaan ay ka hortagayaan waxkasta oo ka hor imaanaya heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September iyo is-afgaradkii magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale waxay sheegen in Guddiga uu hoggaaminayo Cumar Dhageey uu yahay mid sharciga baalmarsan, islamarkaana aysan aqbaleyn inay Garbahaareey tagaan, wuxuuna si cad u sheegeen in Garbahaarey horay loo qiimeeyay doorashana lagu qaban karo.

Go’aankaan ayaa imanaya xili la filayay in maalinta berri ah ay degmadaas tagaan guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay qiimeynta Garbahaarey, oo kamid ah deegaanada ay ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka.

Arrintan ayaa dab kusii shideysa xiisada gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya Villa Somalia iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, iyada oo halkaas yaalan 16 kursi oo la filayo in doorashadooda la qabto.

Maxaa ka dhalan kara is hortaagga siyaasiyiinta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xuseen Seekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ee oo muddo xileedkeedu dhammaaday ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, kadib wareysi uu bixiyey.

Xuseen Sheekh ayaa dhaliilay sida ay hadda ku socota doorashada, wuxuuna tilmaamay inay daahday, ayna tahay magacaabis uun ama xulasho, sida uu hadalka u dhigay.

Senatarka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kuraasta la boobay iyo sidoo kale is hortaagga lagu sameeyey qaar ka mid ah musharixiinta xil doonka ah.

Wareysigan ayuu Senator Xuseen Seekh Maxamuud ku sheegay in tallaabooyinka lagu beegsaday musharixiinta ay keentay sad bursi iyo nin jecleysi, si tartanka looga reebo.

“Waxaan dhihi karnaa waxaa keenaaya sad bursi iyo wax jecleysi gaar ah iyo ma taqaanaa in hami siyaasadeed ay dadku leeyihiin, gaar ahaan kuwa markaas maamulka haaya,” ayuu yiri Senator Xuseen Sh.Maxamuud oo wareysi siiyey Universal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay ka dhalan karto cuqubo siyaasadeed iyo dowlad xumo, maadaama ay aar goosi ku fakiri karaan siyaasiyiinta la hor istaagay.

“In siyaasiyan la’isaga aar goosto ayaa ka dhalan karta, cuqubo siyaasadeed ayaa ka dhalan karta, dowlad xumo ayaa ka dhalan karta,” ayuu sii raaciyey.

Maalmihii dambe ayaa waxaa sii kordhayey musharixiinta xil doonka ee laga reebayo tartanka, waxaana ugu dambeeyey madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo loo diiday inuu u duulo Baydhabo, si uu uga qayb-galo doorashada Golaha Shacabka.

Cirro oo war kasoo saaray doorashada Somaliland, kana horyimid qorshaha…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somiland, gaar ahaan doorashada maamulkaas, isaga oo weerar afka ah ku qaaday xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Cirro ayaa si weyn uga horyimid qorshaha xukuumada Somaliland ay ku doonayso in ay kusoo hormariso doorashada ururada, wuxuuna sheegay in aysan suuragal aheyn.

“Labada doorasho ee axsaabta qaranka iyo golaha guurtidu way ka danbaynayaan ta madaxtooyada” ayuu yiri siyaasiga mucaaradka ee Cirro.

Musharraxa ayaa sidoo kale sheegay in haatan uusan muran ka jirin doorashada madaxweynaha, isla-markaana la galayo, maadaama la joogo xilligeeda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ku loolami doonaan doorashadaas saddexda xisbi ee hadda jira Kulimiye, Ucid iyo Wadani.

“Shacbiga Somaliland waxan u sheegaya in doorashadii madaxtooyadu ku mudaydsantahay 13, November, 2022, cid ku muran sani ma jirto cid ku murmi kartaana ma jirto, waxa galaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hada jira,” ayuu markale yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in doorashada madaxtooyada ay u dhan yihiin xeerarkii lagu maamuli lahaa iyo miisaaniyaddii lagu hirgelin lahaa.

“Doorashada madaxtooyada Somaliland, waa doorashada kaliya ee ay u dhanyihiin, xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo miisaaniyadii lagu hirgalin lahaa” ayuu sii raaciyey.

Somaliland ayaa waxaa ka jira jiitan doorasho oo u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada oo si weyn isku hayo, islamarkaana hadallo kulul isku marinayo warbaahinta.

Shabaab oo weerar culus ka fulisay Kenya + Khasaaraha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab xalay saq dhexe ku qaadeen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo raggii weerarka qaaday oo beegsaday xero ku taalla deegaanka Konton oo hoostaga Wajeer.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah askarta Kenya ee ku sugneyd halkaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay dhacdadan ayaa waxay ay sheegeen inay haatan wadaan howl-gallo lagu baadi goobayo dableyda fulisay weerarkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay ayaa sheegtay inay ku dishay weerarkani sarkaal ka tirsanaa Kenya, isla-markaana ka howl-galayey deegaanka Konton.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Wajeer oo ah meesha ay weerareen Al-Shabaab.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro culus ku qaada gudaha dalka Kenya, iyaga oo beegsada saldhigyada ciidamada dalkaas ay ku leeyihiin xadka Soomaaliya.

Daawo: Galmudug oo war ka soo saartay askartii maanta lagu dilay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dilkii ay maanta xubno ka tirsan AhluSunna labo askari oo ka tirsaneyd ciidanka Gor Gor ugu geysteen bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha booliska Dhuusamareeb Maxamed Mire oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa kooxda Ahlusunna ku tilmaamay kuwo lamid ah Al-Shabaab oo caadeystay dhiigga qof kasta oo ka aragti duwan.

“Askartii maanta waxaa dilay kooxo burcad ah oo qowleysato ah, magaca diinta ayey ku qaraabanayaan, sida argagixisada Al-Shabaab oo kale,” ayuu yiri Taliye Maxamed Mire.

Waxuu sheegay in askarta la dilay oo shacabka ku dhex jirtay, kana timid furimaha hore ay beegsadeen rag ka tirsan Ahlu-Sunna oo si dhuumaaleysi ah magaalada ku soo galay.

Waxaa goobta lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Gor Gor, waxayna wateen gaari Cabdibile ah, kaas oo maanta la geeyey deegaanka Bohol oo ah fariisinka ugu weyn ee Ahlu-Sunna.

“Umadda reer Galmudug waa inay ku baraarugaan qatarta kooxdaas sheeganeysa Ahlu-Sunna Waljamaaca, waalidiinta waxaan leenahay ka reebta caruurtiina, waad aragtaan sida ay u baneysteen dhiigga islaamka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye Maxamed Mire.

Taliyaha ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 10-ka bisha ay magaalada Dhuusamareeb ka bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah hubka sharci darrada ah, isagoo qofkii aan ka maarmin hubka ugu baaqay inuu ka soo sharciyeysto wasaaradda amniga Galmudug.

Hoos ka daawo

Jabuuti oo xirtay mas’uuliyiin sare kadib baaritaan lagu ogaaday kiis xasaasi ah

Jabuuti (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.

Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda ayada oo cadad aad u ballaran ku bixineysa adeegyo u muuqdo kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”

Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si soo noqnoqsho leh looga dalbay shirkad, taasi oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computero iyo agab kale, oo qiimahoodu gaarayo balaayiin franc.”

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in la xiray Farah Mohamed Osman, oo ah agaasime ku xigeenka Qalabka ee Wasaaradda Miisaaniyadda iyo Sahal Said Awaleh oo ah agaasime ku-xigeenka Lacagta ee Wasaaradda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.

Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha, baaritaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda, kaasi oo lagu lunsaday balaayin franc oo hantida qaranka ah.

Labada sarkaal ee ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda ee la xiray ayaa xafiiska xeer-ilaalinta wuxuu sheegay inay la xiriiriyeen Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Abdoulkarim Aden Cher inuu yahay qofka ugu weyn ee billaabay nidaamkan wax is daba-marinta.

“Sidaas darteed, Mr. Abdoulkarim Aden Cher, ayaa lasoo xiray lana dhigay xabsi si loo baaro,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-Ilaalinta.

Xeer-ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey islamarkaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.

Baaritaanka ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha islamarkaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.

Dadka la xiray iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si deg deg ah looga helin karin jawaab ku aadan eedda loo jeediyey.

Isha: VOA