25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Jabuuti oo xirtay mas’uuliyiin sare kadib baaritaan lagu ogaaday kiis xasaasi ah

Jabuuti (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.

Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda ayada oo cadad aad u ballaran ku bixineysa adeegyo u muuqdo kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”

Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si soo noqnoqsho leh looga dalbay shirkad, taasi oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computero iyo agab kale, oo qiimahoodu gaarayo balaayiin franc.”

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in la xiray Farah Mohamed Osman, oo ah agaasime ku xigeenka Qalabka ee Wasaaradda Miisaaniyadda iyo Sahal Said Awaleh oo ah agaasime ku-xigeenka Lacagta ee Wasaaradda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.

Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha, baaritaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda, kaasi oo lagu lunsaday balaayin franc oo hantida qaranka ah.

Labada sarkaal ee ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda ee la xiray ayaa xafiiska xeer-ilaalinta wuxuu sheegay inay la xiriiriyeen Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Abdoulkarim Aden Cher inuu yahay qofka ugu weyn ee billaabay nidaamkan wax is daba-marinta.

“Sidaas darteed, Mr. Abdoulkarim Aden Cher, ayaa lasoo xiray lana dhigay xabsi si loo baaro,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-Ilaalinta.

Xeer-ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey islamarkaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.

Baaritaanka ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha islamarkaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.

Dadka la xiray iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si deg deg ah looga helin karin jawaab ku aadan eedda loo jeediyey.

Isha: VOA

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda DF oo weerar culus ku qaaday FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay xaalada dalka ayaa si weyn ugu eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dalka uu galiyay xaalad adag.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in mudada uu Villa Somalia ku sugna Farmaajo ay diiwaanka u galeen siyaasad cunno-goyn ah, dastuurka oo aan la ixtiraamin iyo kalsooni darro iyo niyad-jab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay xulafada Farmaajo inay dalka u horseeden amni darro iyo sicir barar xooggeystay, islamarkaana ay wax u maamuleen wax ugu yeeray “Nidaamka keli-talisnimada”.

“Shantii sano ee lasoo dhaafay waxay dadkeenu la kulmeen Sicir barar sii ballaartay, Amni darro, Abaaro is daba-joog ah iyo haba ugu darnaatee siyaasad is cuna-goyn ah oo aan ixtiraameen Dastuur, Dhaqan Soo jireen, Dib u heshiisiin iyo sharciga dalka midna,” ayuu yiri.

“Xaqiiqadii Dowladdeenu heer weliba ha ahaatee waxa ay ku socotaa si qar iska xoornimo ah oo kusii fogaaneysa sharci darro, falal dastuurka ka baxsan oo la hubo in ay keeni karaan kalsooni daro iyo niyad-jab dadka Soomaaliyeed ay ka qaadaan dowladnimada.”

Sidoo kale waxa uu Maxamed Cabdirisaaq ku eedeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka gaabiyay dhammeystirka Dastuurka dalka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga, islamarkaana uga jeestay meel-marinta rabitaanadiisa shaqsiga ah.

“Doorashada Hadda Socota oo ah mid ku sifowday noocaas waxa ay ahayd mid lagu han weynaa oo ahayd in ay u dhacdo si daah-furan oo dimuqraadi ah, nasiib-darro waxaa dhacday in siyaasiyiintii ay kalsooni ku qabi waayeen Dadka Soomaaliyeed oo ay na tuseen Digtatoornimadooda iyaga oo haddana rejo ka qaba in xilka madaxweynaha ku guuleystaan.”

“Shaki kuma jiro haddii madaxda hadda joogta ay diiradda saari lahaayeen Qabyo-tirka Dastuurka oo ay dhisi lahaayeen Laanta saddexaad ee Dowladda oo ah Garsoorkii, Guddiga adeegga garsoorka iyo hay’addii fulin lahayd oo ah Maxkamaddii Dastuurka kuma aynaan jirneen xaaladdaan oo ah in aan awood u lahayn wax ka qabashada lagdanka Kheyru-mas’uulnimada ah ee siyaasadeed ee Madaxdeena heer weliba,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Si kastaba, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq o xilka laga qaaday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa xiligan si weyn u dhaliila madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo dowladii uu mudada kasoo tirsanaa.

Dagaalka Ukraine iyo maanta: Wararkii ugu dambeeyey

Kyiv (Caasimada Online) – Duulaanka ay ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine ayaa manata galay maalintii 12-aad, ayada oo weli Moscow aanay sameyn horumar la taaban karo. Haddaba waa kuwan wararkii ugu dambeeyey xaaladda iyo qodobada aad u baahan tahay inaad ogaato.

– Duqeymaha oo sii kordhay –

Ciidamada Ruushka ayaa sare u qaaday duqeymaha ay ka fulinayaan magaalooyin badan oo ka tirsan Ukraine. QM ayaa sheegtay in 1.5 milyan oo qof ay ka barakaceen dalkaas, taasi oo ah xasaraddii qaxootinimo ee ugu deg degta badneyd ee ka dhacda Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

– Daadgureynta Mariupol oo mar kale fashilantay –

Isku dayo dadka shacabka ah looga daad-gureyn lahaa magaalada go’doonsan ee Mariupol ee Ukraine ayaa mar kale guuldarreysatay, ayada oo ay jirto xabad-joojino dhowr jeer la jebiyey. Dadka magaalada ayaa ah biyo iyo koronto la’aan.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa mar kale ku dhowaaqday in waddooyin bani’aadaminimo laga furay dhowr magaalo oo ka mid ah Ukraine.

– Dagaallo xooggan –

Militariga Ukraine ayaa sheegay inay “dagaal xooggan” kula jiraan ciidamada Ruushka, jiinka magaalada koonfureed ee Mykolayiv, taasi oo ku taalla waddo gasha dekedda ugu weyn dalkaas ee Odessa.

– Chernihiv oo si xun loo garaacay –

Tobaneeyo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay dagaalka magaalada Chernihiv ee ku taalla waqooyiga Ukraine. Qaar ka mid ah dadka badbaaday ayaa ku nool godad ama burburka daaraha hoostooda.

– Garoon diyaaradeed la burburiyey –

Gantaallada Ruushka ayaa burburiyey garoonka diyaaradaha Vinnytsia ee bartamaha dalka Ukraine, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaas Volodymyr Zelensky.

– Ruushka oo xadiday iibka cuntada aas-aasiga ah –

Dukaanada ku yaalla Ruushka ayaa lagu amray inay xadidaan iibka cuntada quutul daruuriga ah si looga hortago warar ku saabsan suuq madow, xilli cunaqabateenada Reer Galbeedka ay saameyn yeesheen.

– Kremlin-ka xoo iray kumanaan qof –

Kumanaan qof oo dheeri ah ayaa lagu xiray qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Ruushka kadib markii ay ka qeyb-galeen dibad-baxyo looga soo horjeedo dagaalka, taasi oo tirada guud ee dadka la xiray ka dhigeysa 11,000 oo qof, tan iyo markii uu billowday duulaanka.

– Putin: Waxaan ku guuleysan doonnaa wada-hadal ama dagaal –

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu ku guuleysan doono hadafkiisa Ukraine “ayada oo loo marayo wada-xaajood ama dagaal.”

– Diyaaradaha dagaalka Reer Galbeedka –

Dowladda Mareykanka ayaa u fasaxeysa Poland inay Kyiv siiso diyaarado dagaal. Moscow ayaa ka digtay in taasi ay xubno ka mid ah NATO soo gelineyso dagaalka.

– Cunaqabateyn dhanka tamarta ah –

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Reer Galbeedka ay wada-hadallo “aad u firfircoon” ka leeyihiin cunaqabateyn la saaro saliidda Ruushka. Qiimaha saliida cayriin ee suuqyada caalamka ayaa gaaray $140 halkii barmiil, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey abid.

– Xayiraad dhanka Credit Cards-ka ah –

Shirkadaha soo saara kaararka bankiyada ee Creidt Cards-ka ee Visa, Mastercard iyo American Express, oo dhammaantood laga leeyahay Mareykanka, ayaa joojiyey ganacsigoodii Ruushka. Bankiyada Ruushka ayaa sheegay inay adeegsan doonaan kaararka shirkadda UnionPay ee Shiinaha.

– Cabsi Nukliyeer –

Faransiiska ayaa ku dhowaaqay inay kaniiniyada iodine iyo sahay kale oo caafimaad u diri doonaan Ukraine. Waxaa loo adeegsadaa ka hortagga saameynta ka dhalata shucaaca sunta Nukliyeerka.

– Guuto dagaal oo caalami ah –

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ukriane Dmytro Kuleba ayaa sheegay in 20,000 oo ah dagaal-yahano caalami oo mutadawiciin ah ay ku biireen dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka, kuwaas oo badankood ka yimid Yurub.

– Shirkado Teknoolaji oo baxay –

Shirkadda Netflix ayaa hakisay adeegeedii Ruushka, halka shirkadda baraha bulshada ee TikTok ay xanibtay in muuqaal Video ah laga soo geliyo dalka Ruushka, kadib markii xeer faafreeb oo cusub uu dhaqan galay.

Warbaahin caalami ah oo ay ku jiraan CBC, ARD, ZDF, Bloomberg News, CNN, CBS, RAI iyo EFE ayaa hakiyey inay kasoo warramaan Ruushka kadib markii Moscow ay xabsi ugu hanjabtay warbaahinta ka warrameysa dagaalka.

AFP + VOA

Musharax Ridwaan Xirsi oo wadahadal la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Raiisul Wasaare ku xigeenkii hore Soomaaliya ahna murashax u taagan madaxtinimada Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Larry Andre.

Ridwaan Xirsi iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, abaaraha sameyay guud ahaan dalka iyo amniga.

Sidoo kale musharax Ridwaan iyo Safiirka, ayaa si qoto dheer kulankaas ugu lafa guray dhameystirka doorshada golaha shacabka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo kaalinta dadaalada dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale labada masuul ayaa isla soo qaaday mustaqbalka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanu musharax Ridwaan Xirsi kulankaas ku soo bandhigay qaabka uu qorsheynayo inuu u wajaho wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ridwaan Xirsi Maxamed, ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay ku bixiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxaanu safiirka dhankiisa ku amaanay doorka uu ka qaatay howlahaas.

Ra’iisul wasaare ku xigeen hore ee dalka, haatana ah musharax Madaxweyne Ridwaan Xirsi, ayaa mudo dheer kasoo shaqeynayey howlaha socda ee dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaana lagu amaanaa doorkii ay xukuumadiisii ka qaadatay gurmadkii dadka reer Beledweyne.

Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Guudlaawe iyo Dabageed – Maxaa la isku haya?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee caasimadda Hiiraan ayaa sheegaya inuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku haya go’aankii uu madaxweynaha HirShabelle ku gaaray in kuraasta ku harsan Beledweyne oo gaaraya illaa 11 kursi laga dhigo kuwa furan oo aan loo xirin shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed ayaa ka horyimid go’aanka Guudlaawe, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Dabageed ay gadaal kasoo riixeyso Villa Somalia oo dooneysa in 11-ka kursi ee dhiman loo xiro shaqsiyaad ay iyada wadato.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, khilaafka ayaa durba saameeyay guddiga doorashada HirShabelle oo la kala saftay madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweynaha HirShabelle oo dhawaan Beledweyne kula kulmay qaar kamid ah musharixiinta u taagan kuraasta dhiman ayaa u ballan qaaday inaysan jiri doonin kuraas la xirayo.

Go’aanka Guudlaawe ayaa yimid kadib markii kacdoon looga soo horjeedo in kuraasta loo xiro shaqsiyaad uu ka qarxay magaalada Beledweyne kaasoo keenay inay ciidamo badan gudaha usoo galaan magaalada.

Guudlaawe oo muddo ay ku qaadatay inuu tago Beledweyne islamarkaana ay aqbalaan dadka kasoo jeeda Beesha Xawaadle, ayaa iska ilaalinaya in mar kale uu abuuro xiisad keeni karta in deegaanka laga naco.

Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaafkan cusub doorashada kuraasta harsan ee Beledweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Ciidamada Ahlu Sunna oo weerar ku dilay askar ka tirsan GORGOR, qabsadayna gaari

0

Dhuusamareeb (Caasimada Onlie) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa weerarkaan ku dilay laba Askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor oo ay horey halkaas u geysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ragga hubeysan ay ka tirsan yihiin xoogaga Ahlu-Sunna, islamarkaana weerarka kadib ay horay usii qaateen Gaari Cabdi Bille ah oo ay la aadeen dhinaca deegaanka Bohol.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Galmudug, Gaariga Cabdi Billaha ah ayaa markii hore laga soo qaatay xoogaga Ahlu Sunna balse dib ayey ula wareegeen, iyaga oo dilay qaar kamid ah askartii wadatay gaariga.

Afhayeenka maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in dilka askarta qaranka ee ka dhacay Dhuusamareeb uu yahay mid argagixiso oo lagu yaqaanay kooxda Al-Shabaab.

”Ciidanka amniga Dhuusamareeb oo ka jawaabaya falkaan foosha xun ayaa ku howlan soo qabashada kooxdan arxanka daran, cid walba oo qeyb ka ah ama wax ka fududaysayna sharciga ayaa la horkeeni insha’allah. Qiil dambe maharin iyo diintoo lagu qaraabtaaye,” ayuu ku yiri qoraal uu baahiyey afhayeenka.

Laamaha amniga magaalada Dhuusamareeb ayaan weli faah-faahin ka bixin falka dilka askarta maalinta cad loogu geystay magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Galmudug.

Ciidamada Ahlu-Sunna oo dagaal looga soo saaray magaalada Guriceel ayaa saldhig weyn ka sameystay gudaha deegaanka Bohol oo aan sidaas uga fogeyn Dhuusamareeb.

Prof. Ibbi oo ka shalaayey taageeradii Farmaajo – “Saan ugu maalay iiguma hambeyn”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) -Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo wareysi xasaasi ah bixiyey ayaa ka hadlay guul-darradii uu kala kulmay doorashada socota ee Golaha Shacabka, kadib markii uu waayey kursigii uu ku fadhiyey.

Ibbi ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya oo uu taageere iyo difaacaba u ahaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay dhabarka ka toogatay, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Ibbi ayaa sidoo kale qiyaameyn ku tilmaamay falka lagu sameeyey, wuxuuna sheegay in markii uu ka tegay Muqdisho ee uu gaaray Baydhabo, isaga oo wata ergo laga daba diray taleefoon, isla-markaana sidaas looga reebay tartanka.

“Qofkaan taageerayey saan ugu maalay iiguma hambeynin aniga, indho la’aan ayaan u difaacay u wanaajiyey u sameeyey,” ayuu wareysiga ku yiri Prfo. Cabdiraxmaan Ibbi.

Prof. Ibii oo ka shalaayey wixii uu horey u sameeyey ayaa xusay in taageeradu ay la tegtay, balse ay hadda wax weliba is-bedaleen, uuna ku faraxsan yahay.

“Aniga Ilaahey (SWT) ayaa naxariis iiga dhigay in kursigan uusan isiinin, aniga waxaan ahaan nin Nabad iyo Nolol ah waxaan ahaa nin runtii ay kasoo dhowdahay xittaa inaan iraahdo war Farmaajo haa waagii hore Aabe iyo waxbaa dhihi jirnee laakin hadda Allaahuma Salli Calaa Farmaajo inay naga soo dhowaato,” ayuu markale yiri Prof. Ibbi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Haddii marka Ilaahey xilka iigu dari lahaa waxaan u maleynaa inaan Katarabiil noqon lahaa oo Umad badan dardari lahaa oo sii waalan lahaa”.

Dhinaca kale isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi sheegay in $34 Milyan ay Villa Soomaaliya ku bixisay doorashada kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka, si ay u hesho Xildhibaanno codkooda siiya Farmaajo, waxaana uu tilmaamay in dacwad lagu baarayo lacagtaas dhawaan la furi doono, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday qorshaha Villa Soomaaliya ee dib u doorashada Farmaajo, wuxuuna yiri  “Soomaalida nin ay mar dooratay mar labaad ma doorato, sidii hore ma aha oo codadka la isugu shubaayo, dhalinyarada soo gashay baarlamaanka nin weliba wuu arkayaa beerta la fashay, sida loola dhaqmay Muudey, Dalxa, Jawaari, Shariif Xasan iyo dad kale,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan kursigii uu ku fadhiyey Ibbi uu ku soo baxay xildhibaan kale oo dhalinyaro ah, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.

Falcelin iyo dhalleeceyn ka dhalatay magac bedelka uu sameeyey FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo aqoonyahano ayaa ka hadlay magac beddelka uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyey magaca saxda ahaa ee Soomaaliya oo ah “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Farmaajo oo Sabtidii u baxay dalka Qatar ayaa lasoo sawiray isaga oo diyaaradda ku aqrinaya gal lagu qoray magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya,” taasi oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedka laga leeyahay.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo arrintan ka jawaabay ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Ixtiraamka dastuurka wuxuu ku billowdaa in Jamhuuriyadda la siiyo magaceeda dastuuriga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Mudane, la-taliyeyaashaada waa ay ku marin habaabinayaan. Tani ma ahan arrin yar. Haddii ay kaa dhigaan inaad ku xadgudubto dastuurka, maxaad ka fileysaa in kuwa kale ay sameeyaan.”

Rashiid Cabdi oo fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in tani ay tahay arrin ku talo-gal ah oo ay qorshe ka leeyihiin Farmaajo iyo Fahad. 

“Farmaajo wuxuu u socdaa Qatar isaga oo wat gal uu ku qoran yahay magac cusub oo dalka Soomaaliyeed loo yeelay. Waxaa loogu yeeray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Ereyga “Federal” kuma jiro. Tani waa ku talo-gal. Waxay tusmo kaa siineysaa cayaarta fog ee Farmaajo iyo Fahad – burburinta mashruuca federaalka.”

Waxaa sidoo kale tallaabada uu qaaday Farmaajo dhaliilay Cabdisalaan Salwe oo ahaa afhayeenkii xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

 “Farmaajo waa nin si walba ula diririray dastuurka lagu doortay iyo hannaanka federaalka iyo Federaalaynta dalka. Xitaa galalkii Villa Somalia wuu ka ilaalliyay xasaasiyadda uu ka qabo heerka ay le’egtahay,” ayuu yiri.

Magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya” waxaa Soomaaliya loo aqoon jiray markii ay xoqriyadda qaadatay 1960-kii illaa 1969-kii markaasi oo Golihii Sare ee Kacaanka ay u beddeleen “Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya.” Dastuurka qabyada ee Soomaaliya ee la qoray 2021-kii waxaa magaca saxda ah ee dalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Askar ka tirsanaa ilaalada DENI oo geeriyooday, kadib…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shir gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Garoowe, kaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxweynaha maamulka Puntland.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday baabuur ay la socdeen ciidamadaas, xilli ay kusii jeedeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gaariga ayaa shilka ku galay halka loo yaqaano dalcadda Karin-Dhiig oo ka tirsan gobolka Nugaal, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta xaqiijiyey waxaa dhacdadan ku dhintay illaa afar askari oo ka tirsanaa ilaalada madaxweyne Deni, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhaawacyadooda loo gudbiyey magaalada Garoowe, gaar ahaan isbitaalka guud, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Askarta ayaa xilliga uu la rogmanayey gaariga kasoo baxay dhanka magaalada Boosaaso oo uu weli ku sugan madaxweynaha oo la filayo inuu beri diyaar ku tego Garoowe.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen shilkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca intaba.

Waa dhacdadii labaad oo ay waxyeelo kasoo gaareyso ilaalada Deni, waxaana todobaadkii hore miino lagu dilay askar la socotay kolonyada madaxweynaha oo sii galayey Boosaaso.

Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey guusha Qaali Shire iyo guuldarrada Ubax Tahliil

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa ka falceliyey guushii taariikhiiga aheyd ee xalay ay gaartay Qaali Cali Shire oo tartankii kursiga HOP#60 kaga adkaatay xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ku fadhisay 9-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ubax Tahliil Warsame waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ka mid aheyd xildhibaanada sida aadka ah u cabsan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee, taageeradaas ayey xalay ku weysay kursigaas, ayada oo ergadii codeysay ay u muujiyeen in qof waxqabadkiisa kaliya uu ahaa inay u guulwadeyso Farmaajo aanay dib u dooraneyn, ayada oo Farmaajo-na uu waxba u qaban waayey.

Haddaba waa kuwan xubnihii ka hadlay guusha Qaali iyo wixii ay ka yiraahdeen.

Cabdiraxmaan Caynte: Bismillah, Caawa kahor ma dhicin doorasho Golaha Shacabka ah oo mudan in la bogaadiyo. Waana sababta aan si diirran ugu hambalyeynayo walaasheey Qaali Cali Shire.

Qaali waxay baarlamaanka lasoo dhex fariisan doontaa kuwa kuraastoodu dhiig ka da’aayo, kuwa sumcad xumo iyo ihaano la muruxsan oo aysan is-bariidin reeraha ay matalaan iyo kuwa bullaacad kusoo qubeystay oo ay soo karaamo tireen madaxda dowlad goboleedyada. 

Intaas ka sokow, doorashada Xildhibaan Qaali waxay meesha ka saareysaa beenta faaftay ee ah in doorasho dadban aysan xor iyo xalaal noqon karin. 

Maadaama ay guusha Qaali astaan u noqotay doorasho xor iyo xalaal ah, codkeeduna waxaan rajeynaa inuu jiheeye u noqdo natiijada doorashada oo dhan InshaAllah. 

Wabillahi Towfiiq.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Hambalyo xildhibaan Qaali Cali Shire. Guushaada waxay kuwa kale kaga duwan tahay in aad ka soo baxday tartan loolankiisu adkaa iyo in aad isbeddelka astaan u ahayd. Waxaa kuu dheer halgankii adkaa ee aad soo gashay, kalsoonidii aad ku wajahday caqabadihii iyo culaysyada lagu hordhigay iyo awoodihii kaa soo horjeeday intaba. Holiyaa ayaa guusha hela ee Hambalyo mar kale.

Senator Ilyaas Cali Xasan: Hambalyo Qali Ali Shire, doorasho xur iyo xalaal ah oo caafimaad leh waataasaa. Nabad iyo Nolol iyo kuwa kuraasta uboobaayo waa ogyihiin in sidaan iyo kadaran kudhaceyso hadii ay Doorashadu noqoto mid daah furan!

Nin walba hadii zuugiisa lasoo baxo doorashadu sidaanbey xamaasad uyeelan laheyd oona uqurxoonaan laheyd!

Shariif oo Nairobi u tegay la-kulanka wakiilo ka socda dal taageeraya ololihiisa – Xog

0

Nairobi (Caasimada Online) – Murashax madaxweyne, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay in kula shiri doono wakiilo ka socda dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sheekh Shariif, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Imaaraadka, waxaana shirkooda uu la xiriiraa arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya oo bilaha soo socda la filayo in lagu doorto Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in wakiilada ka socda Imaaraadka ay Sheekh Shariif kala hadli doonaan qorshaha ugu wanaagsan ee looga guuleysan karo kooxda madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo oo Axadii magaalada Doha kula kulmay Amiirka Qatar.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dookha koowaad ka dhigatay inay taageerto murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, halka dookha labaad uu ugu jiro madaxweynaha Puntland oo isna xiriir dhow la leh Imaaraadka.

Dowladda Kenya iyo madaxweynaheeda Uhuru Kenyata ayaa sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ku cadaadinaya inay taageero buuxa siiyaan Shariif Sheekh Axmed oo ay u arkaan qofka kaliya ee jabin kara damaca Farmaajo ee ah inuu mar kale soo laabto.

Waxaa la ogsoon yahay in magaalada Nairobi ay tahay xarunta iyo ololaha Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya looga hadlo, kuna sugan yahay safiirkooda Soomaaliya u fadhiyay, sidoo kale waxaa ku sugan Nairobi xildhibaano ka tirsan baarlamaanka 11-aad kuwaasi oo deegaan doorashadoodu aheyd Jubbaland iyo Puntland.

Sheekh Shariif ayaa doorashadii 2016 kala kulmay niyadjab isaga oo taageeradiisa ay aad uga hooseysay intii la filayey, waxaana ugu wacneyd dhaqaale xumo haysay oo uu ku iibsan waayey codadka xildhibaanada, waxaase markan la filayaa inay boosaaska u buuxiyaan Imaaraadka.

Soomaaliya iyo Qatar oo heshiisyo kala saxiixday

0

Dooxa (Caasimada Online) – Danjiraha Qatar u qaabilsan Soomaaliya  Xasan Bin Xamza oo u warramay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaas oo xooganaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Bin Xamza ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday socdaalka Farmaajo ee Dooxa, wuxuuna sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.

Safiirka ayaa wareysigiisa ku boggaadiyey xiriirka adag iyo iskaashiga haatan ka dhaxeeya dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu danjire Xasan Bin Xamza shaaciyey in labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan dhanka waxbarashada, maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuuraha, arrimaha siyaasada iyo qaybta duulista rayidka ah.

Dhanka kale wuxuu sheegay in Qatar ay haatan ku howlan tahay dhameystirka Mashruuca Wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo haatan maraya meel wanaagsan.

Qatar ayaa Soomaaliya ka fuliso mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan lagu jiro marxalad doorasho, taas oo ay galaangal xoogan ku leedahay dowladda Qatar.

HirShabelle oo mar kale dib u dhigtay doorashada kuraas taal Beledweyne + Sababta

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada HirShabelle ee (SEIT) ayaa dib u dhigay doorashada 11 kursi oo taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Jadwalka kuraastan ayaa la shaaciyey labadii bishan, waxaana qorshuhu ahaa in doorashadooda la qabto 8 iyo 9 bishan aynu ku jirno ee March.

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa sababta dib loogu dhigay doorashada kuraastaasi ku sheegay arrimo farsamo dartood, wuxuuna guddiga shaaciyey inay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga rasmiga ah ee la qaban doorashada kuraastaas oo ku harsan Beledweyne.

“Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed. Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga maamulka doorashada HirShabelle.

Kuraastan oo ay qaarkood ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn leh ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#004, Hop#010, Hop#011, Hop#019, Hop#030, Hop#039, Hop#058, Hop#059, Hop#063, Hop#066 iyo Hop#135.

Yaa ku fadhiya?

1- Hop#004 waxaa ku fadhiya Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).
2- Hop#010 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Maxamed Axmed (Jindi).
3- Hop#011 waxaa ku fadhiya C/risaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga.
4- Hop#019 waxaa ku fadhisa Farxiyo Muumin Cali.
5- Hop#030 waxaa ku fadhiya Daahir Amiin Jeesoow.
6- Hop#039 waxaa ku fadhisa Drs Maryan Axmed Haaruun.
7- Hop#058 waxaa ku fadhiya Nuur Iidow Beeyle.
8- Hop#059 waxaa ku fadhiya Samiiro Xasan Cabdulle.
9- Hop#063 waxaa ku fadhiya C/laahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada.
10- Hop#066 waxaa ku fadhiya Cumar Cismaan Waasuge.
11- Hop#135 waxaa ku fadhisa Aamino Maxamed Cabdi.

Si kastaba, dib u dhaca ku yimid doorashadani ayaa kusoo aaday, iyada oo culeys xoogan haatan laga dareemayo Beledweyne oo ay ku sugan yihiin inta badan musharixiinta xil doonka ah, iyada oo habeen horena maleeshiyaad gadoodsan ay soo galeen magaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine iyo Putin oo Erdogan u dhiibay hal shardi

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo taleefon kula hadlay dhiggiisa Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, balse isku day kasta oo lagu muddo dheereynayo wada-hadallada uu fashilmi doono. 

Joojinta waxay Moscow ku qeexday howlgalka gaarka ah “ayaa suurta-gal ah kaliya haddii Kyiv ay joojiso howlgallada militari islamarkaana fuliso dalabyada Ruushka ee la ogyahay,” sida lagu sheegay war kasoo baxay Kremlin-ka oo ku saabsan wada-hadallada labada madaxweyne. 

Ciidamada Ruushka ayaa illaa hadda 600 oo gantaal ku garaacay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday 24-kii Febraayo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka. 

Militariga Ukraine ayaa Axaddii sheegay in Ruushka ay “billaabeen inay awood isku geeyaan ayaga oo isku diyaarinaya inay kusoo xoomaan oo ay qabsadaan” magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Ciidamada Ruushka ee isku dayaya inay qabsadaan Kyiv ayaa sameeyey kaliya horumar kooban, inkasta oo wasaaradda difaaca Ruushka ay Axaddii baahisay muuqaallo muujinaya qaar ka mid ah gawaarideeda dagaalka oo u dhaqaaqaya. 

Ciidamada Ukraine ayaa dhankoodana xoojiyey difaacooda magaalada,  ayaga oo qotay dhufeyso islamarkaana xanibay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. 

Dhinaca kale, maamulka madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka ayaa Axaddii sheegay inay sahminayaan inay mamnuucaan shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka, si loo sii xoojiyo cunaqabateenada la saaray Moscow. 

Warbaahinta Ruushka ayaa dhanka kale sheegtay in Putin uu taleefon kula hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Macron ayaa Putin u sheegay inuu ka walaacsan yahay weerar dhul iyo bad ah oo ay Ruushka ku qaadaan magaalada taariikhiga ah ee Odessa ee Ukraine.

Dowladda Mareykanka ayaan rumeysneyd in weerar noocaas ah uu hadda muuqdo, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Pentagon-ka oo codsaday inaan la magacaabin.

Putin ayaa Axaddii u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya.

“Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin.

“Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona.”

Ayada oo Zelensky uu NATO ku dhalleeceeyey inay meesha ka saareen aag duulimaadyada ka caagan, ayaa Putin wuxuu ka hadlay “cawaaqib musiibo oo baaxad weyn, oo aan ku dhici doonin oo kaliya Yurub balse sidoo kale dunida oo dhan,” haddii tallaabo noocaas ah la qaado.

“Dhaqdhaaq kasta oo loo qaado jihadan waxaan u arki doonnaa ka qeybgal dagaalka hubeysan ah oo uu sameeyey dalkaas,” ayuu yiri Putin.

Isaga oo cambaareynaya xayiraadaha Reer Galbeedka, hoggaamiyaha Ruushka ayaa yiri “In badan oo ka mid ah waxa nalagu sameynayo waa hab dagaal loogu qaadayo Russia.”

“Cunaaqabateenada ka dhanka ah Ruushka waxay la mid yihiin iclaamin dagaal. Balse nasiib wanaag heerkaas ma aynan gaarin,” ayuu yiri Putin.

Daawo: Maxay Wasiir Xaniifa ka tiri ‘bahdilkii’ shalay lagu sameeyey SHARIIF XASAN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifa Xaabsade) ayaa si adag uga hadashay is hortaagii shalay lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo rabay inuu ka duulo garoonka Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa ku wajahna magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, maadama uu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka laga hor istaagay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ka dambeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed sida uu sheegay Shariif, taasi oo sidoo kale ay si adag uga hortimid Xaniifa Xaabsade.

Xaniifa ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in Shariif Xasan laga hor istaago in uu beeshiisa kasoo raadsado cod, islamarkaana aan loo baahneyn in markale dadka reer Koonfur Galbeed indhaha ka saabtan dhaqanada foosha xun ee ku kacay maamulka Lafta-Gareen.

“Waxaa aad uga xumahay in maanta aan marqaati ka nahay hab-dhaqanka aadka u foosha xun ee lagula kacay madaxweynihii maamulka (Shariif) runtii muhiimadu ma aheyn in kursiga uu soo helo ee muhiimadu waa in deegaankiisa uu tago oo cod ka raadsado,” ayey tiri.

“Dhaqamada aan ka aamunsahay reer Koonfur Galbeed waa kuwa soo jireen noqon doona oo taariikhda noo-gali doono. Shalay Guddoomiye Jawaari ayey aheyd maantana madaxweyne Shariif, qof ka mudan oo la ixtiraami lahaa majiro.”

Sidoo kale waxay sheegtay in dad badan oo kale oo Haldoor ahaa laga hor istaagay inay metelaan deegaanadooda, meeshana la saartay dad aan ka shaqeynayn danta deegaanada kuraasta leh.

“Madaxweyne Cabdicasiis waa ka xunahay waxa sameynayso, waxaa ka rajeynaya in aad sixi doonto, haddii aad sixi weysana dhalinyarada ka dambeysa ee wadada u furtay (ka filo). Sideed bilood ayaa ku dhiman ee ka tag meesha ku noolan laheyd oo waji ka tag.”

Xaniifa ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in haddii la isku ixtiraami waayo dowladnimada iyo nidaamka in maamulka Koonfur Galbeed uu taariikhda Soomaaliya ka gali doonaan meel aad u xun.

Kursigii ugu xiisaha badnaa oo caawa Gaalkacyo looga adkaaday xildhibaan si aad ah u cabsaneyd Farmaajo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey doorashada kursiga HOP#060, kaas oo 8-dii sano ee lasoo dhaafay ay ku fadhisay Ubax Tahliil Warsame, waxaana caawa ku guuleysatay Xildhibaan Qaali Cali Shire (Sawirka kore).

Kursigaan oo doorashadiisu ay ka dhacday magaalada Gaalkacyo, tartankiisu waxuu ahaa mid furan, waxaana ku loolamay afar musharax oo dhamaantood haween ah, maadaama loo asteeyey qoondo haween.

Doorashada kursigaan ayaa la isla aaday wareeg labaad oo ay isugu soo hareen Ubax Tahliil Warsame oo wareegii koowaad heshay 44-cod iyo Qaali Cali Shire oo wareegii koowaad heysatay 32-cod.

Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega labaad, waxaa guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61-cod, halka Ubax Tahliil ay heshay 40-cod

Musharaxiinta kala ah:

1 – Ubax Tahliil
2 – Qaali Cali Shire
3 – Hodan Shire
4 – Wacan Xaaji

Ubax Tahliil Warsame waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ka mid aheyd xildhibaanada sida aadka ah u cabsan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hase yeeshee, taageeradaas ayey caawa ku weysay kursigaas, ayada oo ergadii codeysay ay u muujiyeen in qof waxqabadkiisa kaliya uu ahaa inay u guulwadeyso Farmaajo aanay dib u dooraneyn, ayada oo Farmaajo-na uu waxba u qaban waayey.

Doorashada kursigaan ayaa saacado dib u dhacday, kadib markii ay is baheysi ku dhawaaqeen Ubax maahee seddaxda musharax ee kale, taas oo keentay in Ubax Tahliil ay diido ka qeyb galka doorashadaas.

Dib u dhac saacado ah kadib waxaa Ubax Tahliil lagu qanciyey inay hoolka doorashada soo gasho, waxaana sidaas salaadii cishaha kadib ku bilaabatay doorashada kursigaas laga leeyahay koonfurta Gaalkacyo oo loolan adag wajahay.

Codeynta ayaa aheyd mid qarsoon oo ergadu ay sanduuq codkooda ku ridayeen, waxaana ugu dambeyntii kursiga HOP060 ku guuleysatay xildhibaan Qaali Cali Shire.

Sawirro: Guddiga qiimeynta doorashada Garbahaarey oo warbixin u gudbiyey Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga uu u xil-saaray qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarey.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xubnaha guddiga ka dhageystay warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga ayaa maalin ka hor Muqdisho ku soo laabtay, kadib safar maalmo qaatay oo ay ku tageen magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa koowaad, siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Gedo.

Waxay sheegeen xubnaha guddigaas in xog uruurin ay ka soo sameeyeen Kismaayo, iyagoo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Garbahaarey, si rabitaanka bulshada magaaladaas ay ugu kuur-galaan.

Waxaa xusid mudan in war-murtiyeed Sabtidii shalay ka soo maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada magalaada Garbahaarey ay ku cadeeyeen in guddigaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray qiimeynta doorashada magaaladaas uusan tegi karin Garbahaarey.

Sidoo kale reer Garbahaarey waxay sheegeen in wax aan aheyn guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka aysan u ogolaa doonin inay tagaan degmada Garbahaarey, iyagoo Ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqay in doorashada kuraasta Garbahaarey uusan ku eedoobin.

Arrin yaab leh oo maanta ka dhacday doorashadii golaha shacabka ee Gaalkacyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa waxa kamid ahaa kursiga tirsigiisu yahay HOP#017, kaasi oo ay ku soo baxday haweeney lagu magacaabo Qaladla Cali Cawaale.

Doorashada kursigaan ayaa waxay dad badan ku noqotay la-yaab, maadama musharaxii kale ee la tartamayay oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug uu si lama filaan ah uga baxay tartanka.

Wasiirka oo lagu magacaabo Axmed Cismaan Aadan (Qooje) ayaa shalay qaatay shahaadada Musharaxnimo, ayada oo maanta laga waayay goobtii doorashadu ka dhacday.

Qooje ayaa sida la rumeysan yahay ahaa malxiis oo waxaa kursiga loo xiray haweeneyda kusoo baxday, sidaas darteedna Wasiirka u cuntami weyday inuu xaadiro goobta doorashada.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in Axmed Qooje uu warqad uga tanaasulayo kursigaas u gudbiyay Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmuudg, ka hor inta aysan bilaaban doorashada.

Qaladla Cali Cawaale ayaa maanta ku guuleysatay kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#017, kadib markii la waayay musharaxii la tartamayay, waxayna kusoo baxday codad gaaraya 79.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka ayaa muddooyinkii dambe laga diiwaan-geliyay dhacdooyin yaab leh, taasi oo uu qeyb ka noqoneysa diiwaankeeda Wasiir dowlad goboleed oo malxiis noqday, una gooyay goobtii doorashada.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay qiimo kororka shidaalka la keeno dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Shilaadka la keeno dalka iyo guud ahaan kan caalamka uu qiimo koror xoog leh ku yimid, wixii ka dambeeyey markii uu qarxay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, ayaa arrintaan waxaa war-saxaafadeed ka soo saartay wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda batroolka oo baaq u dirtay ganacsatada dalka ayaa qoraalkeeda ku tiri, “Ganacsatada Soomaaliyeed ee keenta Shiidaalka Wasaaraddu fareysaa in dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala Shidaalka, gaar ahaan gaadiidleyda, shirkadaha Korontada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay si naxariis leh oo ay ku jirto dal jaceyl iyo damqasho ay ula macaamilaan.”

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si dhow ula socoto qiimo kororka shidaalka caalamka, isla markaana ay dadaal geli doonto la socodka kororka ka jira qiimaha Shidaalka caalamka.

“Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socota isbadalka ku yimid qiimaha Shidaalka ee Caalamka. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS waxay dadaal galin doontaa la socodka isbadalka iyo qiimo kororka ka jira suuqyadda Caalamiga ah ee uu sababay dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda batroolka ayaa qoraalkaan ku muujisay rajo ay ka qabto in ganacsatada Soomaaliyeed ay baaqeeda u hoggaansami doonaan.

“Wasaaraddu waxay kala shaqeyn-doontaa ganacsatada horumarinta adeegyadda ay bulshada u hayaan, si aan ugu baaqsanno sare u kac iyo koror ku yimaada qiimaha Shidaalka.”

“Ugu dambeyntii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS Waxay ugu baaqeysaa Ganacsatada Soo-dejisa Shidaalka iyo Keydka in kulan deg deg ah oo looga arinsanaayo, arimaha taagan ay isugu yimaadaan. Waxaan rajeynaa in aan wadajir ugu shaqeyn-doonna danta guud iyo u adeegidda shacabka.”

Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Amiirka Qatar?

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa maanta halkaas kulan yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda ku lafa-guray arrimo dhowr ah oo ku saabsan aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada dal iyo danaha wada-jirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga muga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Labada masuul ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale diirada saareen isu-socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen ayaa soo dhaweeyey in dowladdiisu ay door weyn ka qaadato gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna.

Qatar ayaa mudnaan siin doonto gurmadka degdegga ah iyo xalka waara oo ay ka mid yihiin maalgelinta Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka oo fursado shaqo u abuuraya dhallinyarada Soomaaliyeed, xalna u noqonaya abaaraha soo laalaabtay ee dalkeenna.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa uga mahad-celiyey Amiirka iyo Golahiisa soo dhaweynta wanaagsan, doorkooda dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed iyo fulinta mashaariicda dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha oo si dardar leh uga socda dalka.