25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Doorashada kursiga Ubax Tahliil oo sabab yaab leh loo hakiyey iyo xiisad ka taagan

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dib loo dhigay doorashada kursiga HOPP#60, kaas oo ay ku fadhisay Ubax Tahliil Warsame oo afartii sano ee lasoo dhaafay daacad u aheyd madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada kursigaan oo maanta lagu ballansanaa ayaa illaa hadda hakad ku jirta kadib markii ay Ubax diiday inay soo gasho hoolka ay ka dhici rabtay doorashada.

Ubax ayaa ku doodeysa in ergadii wax dooran laheyd meel gaar ah lagu xirtay isla markaasna aysan doorashada aheyn mid daahfuran oo lagu tartami karo.

Waxaa fashilmay dadaalo lagu doonayey in Ubax lagu qanciyo inay doorashada kasoo qeybgasho, waxayna ku adkeysatay inaysan kasoo qeybgeli doonin taasoo keentay in dib loo dhigo. Hoolka ayaa hadda waxaa ku sugan ergadii wax dooran laheyd iyo 4 kamid ah musharixiinta u taagan kursigaan.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wada qorshaha la doonayo in Ubax lagu dhaafiyo kursigaan, waxaana uga wakiil ah Liibaan Shuluq oo kamid ah guddiga doorashada heer Federaal.

Liibaan Shuluq oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo sheegayaa inuu meel gaar ah ku xirtay ergadii kursigaan, wuxuuna sidoo kale ciidamo badan soo dhoobay aagga ay ka dhici rabtay doorashada.

Hoolka ay ka dhici laheyd doorashada ayaa waxaa soo xaadiray 4 musharax oo kamid ah musharixiinta u taagan kursigaan, waxayna afartaan musharax oo dhammaantood ah Dumar ku heshiiyeen in kursiga la dhaafiyo Ubax taasoo niyad jab weyn ku noqotay Ubax Tahliil.

Guddiga doorashada Galmudug oo markii hore doonayey in kursigaan loo xiro Ubax Tahliil ayaa hanjabaad kala kulmay qaar ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug oo heyb ahaan kasoo jeedo Beesha kursiga iska leh kuwaas oo ku hanjabay inay weerari doonaan hoolka doorashada haddii la isku dayo in Ubax loo xiro kursigaan.

Hanjabaadaas ayaa keentay in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu tago Magaalada Gaalkacyo kaasoo ugu dambeyn go’aamiyey in Kuraasta Beesha dagto Gaalkacyo aan loo xiri karin shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne Putin oo arrin xasaasi oo lama filaan ah ugu hanjabay dalka UKRAINE

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya.

Dadaalladii ugu dambeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard ee fadhigeedu yahay Mareykanka waxay ku dhowaaqeen inay hakinayaan howlahoodii Ruushka.

“Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin.

“Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona.”

Kyiv ayaa ugu baaqday Reer Galbeedka inay sare u qaadaan kaalmada militari ee ay siiyaan, oo ay ka mid yihiin diyaraadaha dagaalka.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale ka codsaday dalalka dersika la ah ee Yurubta Bari inay siiyaan diyaaradaha ay Ruushka sameeyeen oo duuliyayaasha Ukraine loo tababaray inay duuliyaan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa werisay in Washington ay ka shaqeyneyso heshiis ay la galeyso Warsaw, kaasi oo Poland ay Ukraine ku siineyso diyaaradaha dagaalka ee xilligii Soviet-ka, looguna beddelayo kuwa F-16 ee Mareykanku sameeyo.

Islamarkaana, Putin ayaa xoojiyey digniinta uu ujeedinayo NATO, isaga oo ku hanjabay dagaal baaxad weyn, haddii aag duulimaadyada ka caagan la hirgeliyo.

Ayada oo Zelensky uu NATO ku dhalleeceeyey inay meesha ka saareen aag duulimaadyada ka caagan, ayaa Putin wuxuu ka hadlay “cawaaqib musiibo oo baaxad weyn, oo aan ku dhici doonin oo kaliya Yurub balse sidoo kale dunida oo dhan,” haddii tallaabo noocaas ah la qaado.

“Dhaqdhaaq kasta oo loo qaado jihadan waxaan u arki doonnaa ka qeybgal dagaalka hubeysan ah oo uu sameeyey dalkaas,” ayuu yiri Putin.

Isaga oo cambaareynaya xayiraadaha Reer Galbeedka, hoggaamiyaha Ruushka ayaa yiri “In badan oo ka mid ah waxa nalagu sameynayo waa hab dagaal loogu qaadayo Russia.”

“Cunaaqabateenada ka dhanka ah Ruushka waxay la mid yihiin iclaamin dagaal. Balse nasiib wanaag heerkaas ma aynan gaarin,” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ku gacan sayray warar la isla dhex-marayo oo sheegaya in Kremlin-ka uu qorsheynayo in xeer militari uga dhowaaqo Ruushka.

AFP + VOA

Shariif Xasan oo shaaciyey cidda diiday inuu maanta ka dhoofo garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shaaciyey cidda maanta ka hor-istaagtay in uu ka duulo magaalada Muqdisho xilli uu ku wajahnaa Baydhabo.

Shariif Xasan wuxuu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in duuliyihii diyaaraddii uu raaci lahaa uu u sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kasoo fulay amarka loogu diiday in uu u duulo Baydhaba.

“Aniga waxaan rabay in aan Baydhabo aado maadama kursiga reerkeyga ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay uu yahay HOP#261, tolkeygana wey ii yeereen in aan Baydhabo aado…maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yiri, masoo qaadi kartid baa lagu yiri ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda, laakiin waxaan rabay in aan ka qeybgalo waana la diiday in aan meesha tago,” ayuu yiri shariif Xasan.

Is-hortaagga lagu sameeyey Shariif Xasan ayaa kusoo aaday saacado uun kadib, kadib markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay u fasaxday inuu u ambabaxo Baydhbao, waxaana loo ogolaaday hub fudud, gaar ahaan 7 qoray oo AK47 ah 7 bistoolad, balse waxaa talaabadan ka horyimid maamulka Lafta Gareen oo soo saaray amarka lagu celiyey.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo hadal heyn, waxaana si aad loogu cambaareeyey Lafta-gareen inuu Baydhabo u diido madaxweynihii isaga ka horreeyey.

Inkastoo Shariif Xasan uu ka mid ah yahay mucaaradka, haddana waaa aas aasaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulkaasi.

Si kastaba, xayiraadda lagu sameeyey socdaalka Shariif Xasan ayaa daba socota go’aanno horey loogu hor istaagay siyaasiyiin uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeekii hore ee Golaha Shacabka oo loo diiday Baraawe oo lagu qabtay doorashada kursigii uu ku fadhiyey.

Doorashada kuraas kamid ah G/Shacabka oo Gaalkacyo lagu qabtay – Yaa soo baxay?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabay kuraasta HOP#013 iyo HOP#101 ee Golaha Shacabka.

Kursiga HOP#013 waxaa ku soo baxay Aadan Cismaan Xuseen (Qoryooley) oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Galmuudg.

Qoryooley ayaa sidoo kale aad ugu dhow Villa Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii isku howlay dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’isuul wasaaraha.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#101 waxaa ku guuleystay Xersi Aadan Rooble, kaas oo helay 88 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee Galmudug.

Kursiga saddexaad ee HOPP#001 waxaa kusoo baxday Jawaahir Maxamed Axmed oo loo qaaday cod gacan taag ah, waxayna heshay 101 cod oo ah dhammaan ergada.

Kursiga Afaraad ee Hopp#017 oo ay ku fadhisay dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday Duniyo Maxamed Cali, balse waxaa ku guuleysatay Qaladla Cali Cawaale kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay ay heshay 79 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.

Waxaa weli dhicin doorashada kursiga HOPP#60 oo ay u fadhisay Ubax Tahliil Warsame, waxaana laga yaabaa in doorashada kursigaan dib loo dhigo kadib markii ay Ubax diiday inay soo gasho hoolka doorashada.

Sawirro: Cali GUUDLAAWE oo go’aan culus ka qaatay kuraasta taalla Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah musharixiita u tartameysa kuraasta taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Musharixiinta kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Amniga, Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale..

Dhammaan musharixiintan ayaa la wadaagay hoggaanka HirShabelle cabasho ay ka qabaan doorashada ka socota Beledweyne, iyaga oo sheegay in musharixiin gaar ah loo xiray kuraasta.

Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa ku dhowaaqay in tartanka uu noqon doono mid furan, wuxuuna tilmaamay in kuraasta harsan si siman ay ugu baratami doonaan musharixiinta.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid gaar ah oo ay wadato HirShabelle, sidaas daraadeedna wuxuu ka dalbaday musharixiinta inay ilaaliyaan xasiloonida amniga.

Kulankan ayaa daba socda dhaq dhaqaaq ciidan oo laga dareemay Beledweyn, kadib markii ay soo galeen ciidamo taabacsan qaar ka mid ah musharixiinta cabaneysa.

HirShabaelle ayaa horey Jowhar iyo Beledweyne uga qabatay doorasho natiijadeeda lasii ogyahay, kadib markii xubno gaar ah loo xiray kuraasta taalla maamulkaasi.

Shaki ka dhashay qorshaha Qatar ugu yeertay Farmaajo – Ma loo soo dayrin doonaa?

Doha (Caasimada Online) – Su’aalo xooggan ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Qatar ugu yeertay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo shalay gaaray magaalada Doha.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo amiirka dalkaas Tamim bin Hamad Al Thani , ayada oo la sheegay ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya, sida laga soo xigtay Villa Somalia.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in ujeedka ugu weyn kulankan uu yahay inay labada nin ka wada hadlaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo mar kale Farmaajo u taagan yahay, iyo doorka Qatar ay ka qaadan karto.

Inkasta oo Qatar ay si buuxda u taageertay Farmaajo 2016-kii, sidoo kalena la filayo inay mar kale taageerto, haddana Caasimada Online ayaa fahansan in taageero Qatar ay siiso Farmaajo 2022 aysan aheyn arrin huban, ayna xitaa suurta-gal tahay in Farmaajo loo sheego inaanu is-sharxin.

Fallanqeeyayaa; kala duwan oo la hadlay Caasimada Online ayaa qaarkood rumeysan in sababta Farmaajo loogu yeeray ay tahay in lasoo siiyo taageero buuxda halka qaarna ayna la tahay in laga yaabo in Qatar ay wadato qorsheyaal kale.

Dadka qaba in Farmaajo lasoo siin doono taageero buuxda ayaa ku doodaya in Qatar aysan haysan musharax ka rajo wanaagsan Farmaajo, sidoo kalena daacad ugu noqon kara sidii Farmaajo uu shan sano ugu ahaa adeege edban.

Hase yeeshee, kuwa kale ayaa ku doodaya in Qatar aysan 100% Farmaajo isku haleyn doonin doorashada madaxweynaha sababtoo ah, bay yiraahdeen, Qatar waxay ogtahay in xitaa haddii Farmaajo dib loo soo doorto ay adag tahay inuu mar kale Soomaaliya xukumo, sababtoo ah heerka uu gaarsiiyay is-naceybka umadda shantii sano ee uu xilka hayey. 

Qatar waxay si gaar ah uga walaacsan tahay, bay yiraahdeen, in beelaha Muqdisho ee awoodda badan aysan aqbli doonin afar sano oo kale oo Farmaajo ah, kadib xadgudubyadii uu ku sameeyeyn shantii sano ee lasoo dhaafay.

Arrinta kale ee jirto ayaa ah, bay yiraahdeen, in xitaa haddii Qatar ay taageerto Farmaajo ay adkaan doonto in xildhibaanada ay codkooda siiyaan, waana taas sababta loo rumeysan yahay in Qatar ay sanadkan wadato musrahax labaad oo lagu sheegay “Qorshaha B,” balse ay suurta-gal tahay inuu yahay “Qorshaha A.”

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay cadaadis xooggan ku saareyso Qatar in Farmaajo meesha laga saaro, si horey loogu dhaqaajiyo dimoqraadiyadda Soomaaliya ee uu Farmaajo hakadka geliyey santii sano ee lasoo dhaafay.

Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado Visa saaray mas’uuliyiin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Farmaajo, kuwaas oo lagu eedeeyey inay carqaladeynayaan nidaamka dimoqaadiyadda Soomaaliya.

Farmaajo oo bedelay magacii saxda ee “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu iska tuuray magaca saxda ahaa ee Soomaaliya oo ah “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” isaga oo la yimid mid kale.

Farmaajo oo shalay u baxay dalka Qatar ayaa lasoo sawiray isaga oo diyaaradda ku aqrinaya gal lagu qoray magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya,” taasi oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedka laga leeyahay.

Magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya” waxaa Soomaaliya loo aqoon jiray markii ay xoqriyadda qaadatay 1960-kii illaa 1969-kii markaasi oo Golihii Sare ee Kacaanka ay u beddeleen “Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya.” Dastuurka qabyada ee Soomaaliya ee la qoray 2021-kii waxaa magaca saxda ah ee dalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ma cadda sababta Farmaajo u doortay inuu adeegsado magac aan aheyn midka ku qoran dastuurkii lagu doortay, hase yeeshee dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa duruba ku macneeyey inay qeyb ka tahay dagaalka uu kula jiro nidaamka federaalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa la ogyahay inuu aad u neceb yahay federaalka, isaga oo aaminsan dowladda dhexe oo awood badan oo xukunka dalka oo idil gacanta ku haysa, heer tuulo illaa heer gobol, halka federaalka uu awood badan siinayo maamul goboleedyada.

Shantii sano ee uu Farmaajo xilka hayey, wuxuu dagaal xooggan la galay maamul goboleedyada dalka, isaga oo ku guuleystay inuu saddex ka mid ah oo kala ah; Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle gaysto madaxweyne goboleedyada isaga ka amar qaata, isaga oo sidoo kale ku guuldarreystay inuu tuuro madaxweynaha Jubaland.

Villa Somalia weli kama aysan hadal haddii arrintan ay tahay ku talo-gal ama khalad dhacay, inkasta oo ay u muuqato mid ku talo-gal ah, maadaama lagu qoray saddex luuqad oo kala ah Soomaali, English iyo Carabi.

Shariif Xasan oo loo diiday inuu u safro Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka & ilaaladiisa ayaa saaka laga hor istaagay safar ay ku tegi lahaayeen magaalada Baydhabo oo ah deegaan doorashadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddii uu raaci lahaa Shariif Xasan lagu amray in aanay Baydhabo kasoo dagi karin, kadib amar kasoo baxay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa doonayey inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo uu horey ugu fadhiyey wiilkiisa.

Sababta loo celiyey ayaa waxaa lagu sheegay in la doonayo in laga reebo tartanka doorashada, iyada oo kursiga loo xiray musharrax kale.

Is hortaagga lagu sameeyey Shariif Xasan ayaa kusoo aaday, saacado uun kadib, kadib markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay u fasaxday inuu u ambabaxo Baydhbao, waxaana loo ogolaaday hub fudud, gaar ahaan 7 qoray oo AK47 ah 7 bistoolad, balse waxaa talaabadan ka horyimid maamulka Lafta Gareen oo soo saaray amarka lagu celiyey.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo hadal heyn, waxaana si aad loogu cambaareeyey Lafta Gareen inuu Baydhabo u diido madaxweynihii isaga ka horreeyey.

Inkastoo Shariif Xasan uu ka mid ah yahay mucaaradka, haddana waaa aas aasaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulkaasi.

Si kastaba, xayiraadda lagu sameeyey socdaalka Shariif Xasan ayaa daba socota go’aanno horey loogu hor istaagay siyaasiyiin uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeekii hore ee Golaha Shacabka oo loo diiday Baraawe oo lagu qabtay doorashada kursigii uu ku fadhiyey.

Putin oo shaaciyey in Reer Galbeedka ay DAGAAL ku iclaamiyeen sidaa darteedna…

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabateena ay Reer Galbeedka saareen Ruushka ay ka dhigan tahay inay dagaal ku iclaamiyeen dalkiisa.

Putin ayaa sidoo kale Reer Galbeedka uga digay in aag duulimaadyada ka caagan oo laga hirgeliyo Ukraine ay cawaaqib musiibo ah u horseedi doonto dunida.

Waxa uu mar kale ku celiyey in ujeedadiisa ay tahay inuu difaaco bulshada ku hadasha luuqadda Ruushka ee Ukraine iyo inuu sameeyo “hub ka dhigis iyo baabi’inta Naaziyiinta” Ukraine, si dalkaasi horey uga midka ahaa Midowga Soviet uu u noqdo mid dhex-dhexaad ah oo aan halis ku ahey Ruushka. 

Ukraine iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa arrimah ku gacan seeray inay yihiin kuwa aan sal laheyn oo qiil looga dhigtay duulaankii billowday 24-kii Febraayo, waxayna kusoo rogeen Ruushka cunaqabateeno xanuujiyey. 

“Cunabqateenadan lasoo rogay, waxay la mid yihiin dagaal la iclaamiyey, balse Ilaah ayaa ku mahadsan inaysan sidaas dhicin,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayey xarun lagu tababaro duuliyayaasha diyaaradaha oo ku taalla Moscow.

Waxa uu sheegay in isku day kasta oo dal kale uu kusoo rogo aag ka caagan duulimaadyada oo Ukraine ah ay Russia u arki doono inuu kusoo biiray dagaalka. 

“Tallaabo noocan ah waxay dunida ku yeelan doontaa cawaaqib musiibo ah,” ayuu yiri. 

Xulufada NATO ayaa horey u diiday codsiga Kyiv ee ahaa in aag ka caagan duulimaadyada ay ka hirgeliso Ukraine, ayada oo sheegtay in tani ay kasii dari karto xaaladda, islamarkaana horseedi karto dagaal ka dhex-qarxa Mareykanka iyo Russia.

Mar wax laga weydiiyey in Ruushiyaan lasoo qasbay ay ka qeyb-galayaan dagaalka, Putin waxa uu sheegay in taasi aanay jirin, islamarkaana howlgalka militari uu ku socdo sidii loo qorsheeyey.

“Ma jirto shacab lasoo qasbay, ma lihin qorshahaas, ciidankeena ayaa fulinaya shaqada, taasi shaki iigama jiro. Wax kasta waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey.”

Putin wuxuu sidoo kale meesha ka saaray walaaca laga qabay inuu xeer militari ama xaalad deg deg ah kusoo rogo Ruushka, isaga oo sheegay in tallaabadaas la qaadayo kaliya haddii halis gudaha ama dibedda ah ay wajaheyso Russia. 

Ciidamo kasoo horjeedo JEESOW oo lagu arkay magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo gadoodsan oo u abaabulan hab maleeshiyo beeleed, kana soo horjeedo Daahir Amiin Jeesow ayaa xalay lagu arkay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub culus.

Saraakiisha hoggaamineysay maleeshiyaadkan ayaa sheegay inay diidan yihiin in kursiga tirsigiisu yahay HOP#030 loo xiro xildhibaan Jeesow oo muddo ku fadhiyey kursigaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha gadoodsan oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey HirShabelle inay u xaglineyso dhanka Jeesow, iyaguna ay taasi ka soo horjeedaan.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay u taagan yihiin kursigaas in la fasaxo, tartankuna uu noqdo mid daah-furan.

“Waxa aan goobtaan u taaganahay in la fasaxo kursigeena HOP#030 ee loo xiray Jeesow, walaalkeen cadaw noogama dhigeysaan, in badan wuu nagu soo metalay mana ka helin metalaad dhab ah, kursiga in loo xiro xal ma aha” ayuu yiri mid ka mid ah maleeshiyaadka.

Sidoo kale sarkaal kale oo u hadlay maleeshiyaadka gadoodka sameeyey ayaa shaaciyey in go’aanka kursigan ay leedahay beesha iska leh, ayna dooneyso in tartanka la furo ama uu ka haro xildhibaan Daahir Jeesow oo uu ku eedeeyey inuu ku fashilmay metaalada beesha.

“Daahir Amiin Jeesow ma laha kursigaan oo beesha ayaa iska leh, Beeshaan waxa ay ogoshahay tartan in lagu qaato, waxa uu ku fadhiyay 12 sano, kursigaan wuu ka batay ha iska casilo ama tartan ha u galo balse ma aqbali doonno in uu dhaho Fahad ayaa i wato, Cali Guudlaawe ayaan u tagay & jeebkaa nin ugu jiraa cid ka aqbaleyso malaha,” ayuu yiri sarkaal kale uu hadlay ciidamada gadoodka ka sameeyey magaalada Beledweyne.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo xalay Beledweyne ay shir ku yeesheen hoggaanka HirShabelle iyo musharixiinta xil doonka ah oo ku ballamay in tartanka kuraasta la furo, si meesha looga saaro in xubno gaar ah loo xiro kuraasta Baarlamaanka Federalka Somalia.

Daawo: Hilibka Geela oo laga waayey Muqdisho, kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqyada lagu iibiyo Hilibka Geela ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta haawanaya, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Ganacsatada Hilibka iyo Dalaaleyda xoolaha.

Khilaafkan ayaa salka ku haya lacago ay Dalaaleyda ku kordhiyeen Geela la keeno Muqdisho, taas oo keentay inay kawaanada xirmaan.

Hilib la’aanta ayaa maanta si weyn looga dareemay caasimada, waxaana Hilib Geel yar oo laga keenay gobollada dariska la ah Muqdisho lagu iibinayaa goobo fara ku tiris ah, halka kaawanadii waa weynaa ee lagu qali jiray Geela ay dhammaan maanta haawanayaan.

Maxamed Xuseen oo ka mid ah ganacsatada Hilibka Geella oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Neefkii Geela lagu kordhiyey lacago dheeraad ah, ayna saameyn ku yeelatay.

“Neefka Geela qiimo dheeraad ah ayey ku kordhiyeen 10-kaan sano qaali ayuu iska ahaa maalinba waxbay ku daraayeen hadda lacag u gooni ah ayey keeneen,” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Nimanka Geeleyda iyo Ganacsatada maba is aragno annaga, iyagaa noo dhexeeyo marka dhibaatada iyo sicir bararka ka jira gobolka Banaadir Dalaaleyda ayaa u sabab ah,”.

Ganacsade Maxamed Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ka dalbaday inuu arrintan soo fara-geliyo.

“Waxaan ka codsaneynaa maamulka gobolka Banaadir inuu arrintaan soo fara-geliyo,” ayuu markale yiri ganacsadaha.

Dhinaca kale arrintan ayaa sameyn weyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, maadaama si maalinla ah Hilibka Geela looga isticmaalo caasimadda oo dhan.

“Hilib ma haayo Ilmihiina Yaanyo ima cunayaan,” ayey tiri Hooyo Soomaaliyeed oo la hadashay Wariyeyaasha magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

Guddoomiyaha Gedo oo war cusub kasoo saaray gudiga uu magacaabay R/W Rooble

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Gareed oo wareysi siiyey VOA ayaa faah faahiyey warsaxaafadeed oo uu maamulka kasoo saaray xaaladda Garbahaarey & muranada hareeyey kuraasta taalla gudaha magaaladaasi.

Axmed Buulle ayaa shaaca ka qaaday in guddiga qiimeynta ee uu magacaabay ra’iisul wasaaraha uusan imaan karin gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, wuxuuna tilmaamay in horey qiimeyn loo sameeyey, haddana ay diyaar u yihiin qabashada doorashada uun.

“Guddigaas isaga ah guddi aan aqoonsanahay ma’aha, guddi aan aqbaleynana ma aha, mana soo dhoweyneyno, mana noo imaanaayaan,” ayuu yiri guddoomiye Buulle.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay ku diidan yihiin guddiga ayuu sheegay in uusan qayb ka aheyn heshiishii 17-kii September, isla-markaana laga leeyahay dano gaar ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo jeediyey in shaqooyinkooda loo daayo guddiyada doorashooyinka ee hee federaal, heer dowlad goboleedka iyo xallinta khilaafaadka.

“Heshiiska kuma jiro Abuukaate Cumar Dhagey iyo guddigiisa, Heshiiska waxaa ku jira guddiga doorashada heer federaal, guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddiga heer state inay doorashada qabtaan,” ayuu markale ku yiri wareysiga VOA Axmed Buulle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo guddiga uu magacaabo Rooble oo dhowaan tegay Kismaayo inay aadaan dhinaca Garbahaarey, si ay xaaladda usoo qiimeeyaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase xiisadda sii xoogeysaneysa ee Garbahaarey kusoo beegmeysaa iyadoo gabagabo uu yahay xiliga loo cayimay doorashada.

Maxaa ka dhexeeya sare u kaca ku yimid shidaalka iyo dagaalka UKRAINE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sare u kac xoogan ayaa ku yimid shidaalka caalamka, kadib duulaanka culus ee uu Ruuskha ku qaaday waddanka Ukraine, iyada oo sare u kacaan uu saameyn ballaaraan ku yeeshay dalal badan oo xittaa ay ku jirto Soomaaliya.

Naafic Maxamed Cumar oo ka mid ah ganacsatada shidaalka ee Africa oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey sida uu dagaalka Ukraine u saameeyey shidaalka caalamka.

Ganacsade Naafic ayaa sheegay iyada oo markii hore lala daala dhacayey saameyta Coronavirus uu qarxay dagaalka Ukraine, isaga oo xusay inuu saameeyey shidaalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sare u kacaan uu yimid waqti aan la fileyn, kadib colaadda Ruushka iyo Ukraine.

“Sanadka billowgiisa waxaa billowday in sare u kac uu ku imaado shidaalka caalamka, iyada oo la xiriirto arrimihii Karoonaha, iyada oo saas ay jirto ayaa haddane waxaa billowday colaaddii Ruushka iyo Ukraine u dhexeysay, taas ayaa waxa ay sare usii qaaday shidaalka caalamka, iyada oo waqti dhow aan la fileyn inuu heerkaas gaaraayo,” ayuu yiri.

Mr Naafic Maxamed oo sidoo kale  sharraxaad ka bixiyey isbedalka yimid shidaalka ayaa sheegay in barmiilka la iibin jiray $68 illaa $69, haddana uu gaaray $85 iyo kasii badan.

“Dhammaadka sanadkii tegay barmiilka waxa uu ahaa 68 Dollar illaa 69, laakiin waxaa dhacday in si haleel ah uu hal mar ku gaaray 85 Dollar bartamihii beshii Febraayo arrintaasna waxaa saameynta ay ugu yeelatay aheyd inay soo baxday mushkiladdii ka aloolsaneyd Ukraine iyo Ruushka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ganacsade Naafic Maxamed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Ruushka uu yahay dalka saddexaad ee ugu weyn ee gaaska, una dhoofiyo Yurub, sidaas daraadeed xayiraadda la saaray ay walaac ku abuurtay waddamada shidaalka ka qaadanayey iyo sidoo kale bangiyada caalamiga ah ee la fal-gala.

“Ruuskha waa soo saaraha saddexaad ee saliida, waana waddanka ugu weyn ee u dhoofiya gaaska dabiiciga Yurub, haddaba sidaas oo ay tahay colaadaan iyo cunaqabateynada la saaray ruushka isbuucii lasoo dhaafay waxay walaac ku abuurtay waddamada shidaalka gadanaayey iyo bangiyadii la tacaamulaayey intaba,” ayuu markale yiri Naafic Maxamed.

Soomaaliya iyo waddamo badan oo Afrika ku yaalla ayaa ka mid ah dalalka sida weyn looga dareemay sara u kaca qiimaha la iibiyo shidaalka oo dunida oo dhan sare u kacay.

Maamulka iyo bulshada Garbahaarey oo si adag uga hor yimid qorshaha Rooble

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka degmada Garebahaarey ee gobolka Gedo iyo waxgaradka magaaladaas ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray qiimeynta Garbahaarey aysan imaa Karin magaaladaas.

Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey Xasan Sheekh ayaa si toos ah fariin ugu diray ra’iisul wasaare Rooble, isagoo u soo jeediyey in doorashada Garbahaarey uusan ku ceeboobin.

“Qof kasta oo Soomaali ah waxaan u sheegeynaa, anagu waxaan raacnay habraacyadii iyo heshiisyadii doorashada dalka laga gaaray, laakiin waxaan hadda direynaa baaq ah, in guddi aan aheyn kan doorashooyinka federaalka iyo xalinta khilaafaadka aan loo soo dirin Garbahaarey,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Sheekh.

Sidoo kale war-murtiyeedka ka soo baxay reer Garbahaarey ayaa Ra’iisul wasaaraha looga dalbaday in aan loo soo dirin guddiyo aan aheyn kuwa doorashada ee heer federaal.

“Bulshada gobolka Gedo waxay soo jeedinayaan in aysan aqbaleyn wax aan ka aheyn heshiisyadii laga gaaray doorashada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri bayaankaan wadajirka ah.

Hoos ka daawo war-murtiyeedka iyo hadal jeedinta guddoomiyaha Garbahaarey

 

Daawo: Muuse Biixi oo si adag uga hadlay mowqifka ay DF ka istaagtay xiriirkooda Taiwan

0

Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga jawaabay hadaladii iyo mowqifkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ka istaagtay xiriirka Somaliland iyo Taiwan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si isbarbar-yaac ah uga jawaabtay xiriirkooda Taiwan, iyagoo sida uu sheegay Shiinaha ku raali gelinaya.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta qaar ee dowladda Soomaaliya ay ku hanjabeen in sida Ruushku uu ugu duulay Ukraine oo kale ay koonfurta Soomaaliya ugu duuli doonto Taiwan.

“Qoladaan aan isku dowladda ahaa jirnay ee Xamar ka talisa, markii ay Somaliland wax yar oo hormar ah ku tallaabsato dagaalka ugu adag ayey qaadaan, waad arkeyseen shalay kaliya seddax wareysi ayey bixiyeen, wax kale ma awoodaan, safiirka u jooga Washington waxuu yiri waan la dagaaleynaa sida Ukraine ayaan gacan u qaadeynaa Taiwan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland wax aysan rabin aan loo meeri karin, isagoo dowladda federaalka ugu baaqay inay ixtiraamaan ‘madax-banaanida Somaliland.’

“Madax-banaanideenu maaha go’aan uu gaaray masuul gaar ah ee waxaa qaba qof kasta oo Somaliland  ah, wiilashiina yar ee Yurub wax ku soo bartay ee Xamar joogow soo weydiiya dadka idinka weyn waxa Somaliland loo geystay,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hoos ka daawo

Villa Somalia oo war ka soo saartay safarka Farmaajo – Sidee loogu soo dhaweeyey Doxa?

0

Doha (Caasimada Online) – Villa Somalia ayaa war ka soo saartay safarka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar, halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah, sida lagu shaaciyey qoraalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

“Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee miro dhalka ah ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay safarka Madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha ayaa xusay muhiimadda Booqashada Madaxweynuhu ay u  leedahay mustaqbalka iskaashiga labada dal, iyada oo Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah.

Diyaarad uu Ruushka leeyahay oo lasoo riday iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine

0

Kyiv (Caasimada Online) – Duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 10-aad, magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Ukraine waxaa ka socdaa duqeymo iyo gantaallo lagu garaacayo halkaas.

Wararka waxay sheegayaan in meelaha qaar uu kasoo socdo dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Ruushka iyo Ukraine waxay ku heshiyeen xabad joojin kumeel gaar ah oo looga dhawaaqay magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha.

Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Ukraine ayaa muujinayaa diyaarad uu leeyahay Ruushka uu ku dhacay dagaal gudaha Ukraine.

Dhanka kale  tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine , arrinta si weyn loo falanqeynayay ayaa ah in aan laisku babac dhigi karin ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka maadama Ruushka uu heysto ciidamo aad u tiro badan marka loo barbardhigo kuwa Ukraine.

Wasiirka gaashaandhigga Ukraine Oleskii Reznikov ayaa sheegay in ka badan 66,000 qof oo u dhashay Ukraine oo ku sugnaa dalalka dibadda inay dib ugu soo laabteen dalka si ay u difaacaan Ukraine.

Waxaana dadkaas kamid ah Yuriy Vernydub oo ah macalinka kooxda Sheriff Tiraspol ee ka dhisan dalka Molodova, kooxdaas oo ka badisay kooxda Real Madrid ciyaarihii ugu dambeeyay ee horyaalka Yurub.

Faysal Cali Waraabe oo weerar ku qaaday Soomaaliya iyo xulafada Fahad Yaasiin

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe oo markii u horeysay ka hadlay fal-celinta baraha bulshada ee gabadh sheegtay in loo diiday kaarka dhalashada Somaliland, ayaa is-barbar dhig yaab leh ku sameeyay waxa ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.

Faysal ayaa ugu horeyntii sheegay in Somaliland ay noqotay meel markasta oo wax yari ka dhacaan ay Soomaalida baraha bulshada isticmaashaa aad ugu mashquusho, halka kuwa Soomaaliya ka dhaca ayna muuqan.

Guddoomiye Faysal ayaa tusaale u soo qaatay kiiskii Ikraan Tahliil, oo uu sheegay in aan la aqoon meel ay ku dambeyso, halka kuwii loo haystay oo uu kamid yahay Fahad Yaasiin ay Soomaaliya u dalacsiisay darajada xildhibaanimo.

“Somaliland waxay noqotay mowduuc Soomaalidu ka hadasho, Somaliland uun baa laga hadlaa, waxan maqlayay inan ayaa dhalasho loo diidaday, barigii hore waan ka xanaaqi jiray oo waxan odhan jiray waar maxaa dadka dusha idinka saaray, lakin hada waxan ogaaday, show inagu waxaynu nahay maracad oo xariir ah oo xumaanta ayaynaan qarsan,” ayuu yiri Faysal.

“Dad nadiifa ayaynu nahoo wixii yaraa ee qalad ahba wuu muuqanayaa, bal wakaase Xamar dadka ayaa lagu iibiyaaye maad maqasheen dad lagu iibinayo, inan ayaa dhalasho loo diiday ayaa la yidhee tii la xabaalay maa la hayaa raqdeedi, dadkii loo hayay xildhibaano ayay noqdeen oo way ku dalaceen.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntiina ku baaqay in hadii wax khaldani uu jiro la saxo oo gabadhaas cabashadeeda ku faaftay baraha bulshada la siiyo dhalashadeeda Somaliland.

Si kasta, Tan iyo markii ay soo baxday arrinta gabadha sheegtay in haybteeda darteed loogu diiday dhalashada Somaliland, waxay dowlada hoose ee Hargaysa sheegtay in aanay marin wadadii sharciga ahayd ee ay ku heli lahayd dhalashada, ayna been abuur ka sameysay xogteeda shaqsiga ah, lana siin doono haddii ay soo marto wadada saxda ah.

Xaalka kursiga xildhibaannad Aamino Maxamed Cabdi iyo xujada hortaala Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Kursiga xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee yaala Magaalada Beledweyne ayaa dood xooggan ka dhex abuuray Baraha Bulshada kadib markii ay soo xoogeysteen wararka sheegaya in xildhibaan Aamina ay qarka u saaran tahay inay kursiga lumiso.

Kursigaan waa HOPP#135, Dadka doonaya inay Aamina kusoo laabato Kursiga waxay daliishanayaan dorokeedii xaq u dirirka ahaa ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aan weli dhinac u dhicin.

Inkastoo dadka u doodayo Aamina mucaaradka u badan yihiin haddana waxaan dood badan ka jirin inay Aamina si aan dhuumasho laheyn u wajahday Kiiska Ikraan Tahliil Faarah.

Culeys xoog leh ayaa saaran dib u doorashada xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Laba dhinac ayuu culeyska ka heystaa, mid waa dhanka Villa Somalia midna waa xisaabta qabiilka.

Maamulka madaxweyne Farmaajo gaar ahaan taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaa lagu eedeenayaa inuu culeys badan saarayo hoggaanka maamulka Hirshabelle, culeyskaan waa in aysan Aamina kusoo bixin HOPP#135.

Dadka arrintaan Fahad ku eedeenayo waxay leeyihiin wuxuu Fahad diidan yahay in Aamina kiiska Ikraan Tahliil usoo rarto Golaha Shacabka.

Cilaaqaadka maamulka Hirshabelle iyo Fahad Yaasiin waa mid aad u xooggan. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in kursigaan laga dhigay kooto Rag oo uu maamulka meesha ka saaray dib usoo laabashada Aamina waana sababta uu mudaaharaad qoraal ah uga dhex socdo Facebook.

Culeyska Labaad ee heysta xildhibaan aamina wuxuu la xiriiraa xisaabta qabiilka, Aamina Maxamed Cabdi waxay qaraabo dhow yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan, waxayna qeyb Beesha kamid ah ku doodeysaa in jufadaas aysan wada qaadan karin guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xildhibaan heer Federaal ah.

Xisaabtaan qabiilka dhexdiisa ah culeyskeeda ayey leedahay marka la eego dib usoo noqoshada xildhibaan Aamina.

Haddaba yaa loo wadaa kursigaan?

Waxaa ugu cadcad inuu kursigaan kusoo baxo Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah xoghayahan  ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Cumar oo waayihii dambe aad ugu dhawaa nidaamka Villa Somalia ayaa taageero buuxda ka helayo waqtigaan kooxda madaxweyne Farmaajo.

Xiisadda kursigaan waxay mararka qaar u muuqaneysaa loolan u dhaxeeya mucaaradka iyo muxaafidka. Mid kamid ah madaxda sare ee maamulka Hirsabelle oo aan arrinta kursigaan wax ka waydiinay wuxuu inoo xaqiijiyey in kursigan HOPP#135 uu Cumar Faaruuq kusoo bixi doono haddii aysan xaaladda wax ka badalin culeyska maalmahaan ka socda warbaahinta ee lagu garab istaagayo xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe wuxuu kursigaan ku yahay imtixaan gaar ah, dhinac waxaa ka taagan Shacab, siyaasiyiin iyo Dad waxgal ah oo dalbanaya in kursiga Aamina lagu soo celiyo, dhinaca kale waxaa ka taagan kooxda madaxweyne Farmaajo oo abaal sheegasho badan wata, dhinacna waxaa taagan reerkii kursiga lahaa oo xisaabta isaga maran tahay, halka uu dhanka kale joogo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo kuraastii kale ee deegaanka taalay u dhaafay Guudlaawe iyo Dabageed balse qasab u arka in kursiga jufadiisa laga tala geliyo.

Waxaa si weyn loo eegayaa  sida uu hoggaamiyaha Hirshabelle uga baxsado xujada kursigaan, balse rajada xildhibaan Aamina ee kursigaan aad ayaa looga deyrinayaa.

Waa macquul in baaqa iyo cadaadiska tooska ah ee la saarayo Cali Guudlaawe maalmahaan inuu wax u gooyo Gabadhaan.

Askari loo xiray kufsi uu u gaystay gabar yar oo ay dhashay xaaskiisa

0

Hargeelle (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee  Liyuu Boolis ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inuu kufsi u gaystay gabar yar oo ay dhashay xaaskiisu.

Kufsigaan ayaa ka dhacay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana la sheegay inuu Askari dhowr jeer kufsaday Gabadhaan yar.

Gabadha kufsiga loo geystay ayaa ka cabsatay inay arrintaan la wadaagto hooyadeed, waxayna sheegtay inay ka cabsaneysay inuu dilo maadaama ninka kufsiga u geystay uu yahay Askari .

Kiiskaan ayaa waxaa Booliska soo gaarsiisay Gabar usoo martisay guriga oo aragtay Askariga oo kufsanayo gabadha sida uu sheegay baaraha booliska u qaabilsan gobolka Afdheer Gaashaanle Qorane Cabdulaah

Madaxa Haweenka ee degmada uu falkani ka dhacay ee Hargeelle Nasra Sheekh Cumar oo arrinta gabadhan yari aad u danqatay ayaa sheegtay inay u taagan tahay sidii ay gabadhan yari caddaalad u heli lahayd, eedaysanahana ciqaabtii ku haboonayd loo marsiin lahaa.

Askariga ku eedaysan kiiska gabadhan yar oo kufsi ah ayaa hadda ku jira xabsiga degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida.

Kufsiga ay Askarta u geysanayaan gabdhaha yar yar ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey deegaanada Soomaalida.