25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Farmaajo oo u baxay safar dibadda ah + ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta u amba-baxay safar dalka dibaddiisa ah, gaar ahaan waddanka Qatar oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in booqashada Farmaajo ay qaadan doonto muddo laba cisho ah, isla-markaana uu la kulmi doono Amiirka dalka Qatar.

Farmaajo iyo Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay ka mid yihiin  xoojinta xiriirka soojireenka ah, horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga, horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa horey usii shaacisay warbaahinta Qatar oo sheegtay in Dooxa ay casuumaad u fidisay Farmaajo iyo wafdigiisa.

Qatar ayaa aad u taageerta xukunka Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegaa in si buuxda ay u dooneyso in Farmaajo dib loogu doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Marar badan ayuu Farmaajo sidaan oo kale safaro ugu tegay dalQatar, isagoo la kulmay Amiirka iyo madaxda kale ee ugu sareysa dalkaas, mucaaradka Soomaaliya ayaa iyaguna aad u dhaliila qorshaha Qatar ee Soomaaliya oo aan u muuqan mid dhexdhaxaad ah, sida ay qabaan.

Si kastaba, booqashada Farmaajo ee Dooxa ayaa ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro marxalad doorasho, iyada oo dowladda Qatar ay markale xooga saareyso sidii dib loogu dooran lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanka kusoo baxay kursiga wasiir Jamaal oo ballan-qaad sameeyey

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashoodu tahay Puntland.

Kuraasta doorashadooda la qabtay waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 ee uu horey ugu fadhiyey wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

Kursigan oo aad isha loogu hayey, isla-markaana ay ka dhalatay dood xoogan ayaa waxaa ku soo baxay Cali Mahdi Maxamed oo aad ugu dhow madaxweynaha Puntland.

Cali Mahdi oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 97 Cod, kadib markii loo xiray kursigan, iyadoo loo diiday tartanka Jamaal oo uu khilaaf kala dhexeeyo maamulka Deni.

Xildhibaanka cusub oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay guushiisa, wuxuuna yiri “Waxaa la mid ah xildhibaanada Soomaaliya laga doortay iyo kuwa maanta la doortay, kuligeena waxaa na saaran oo nalaga rabaa dalka Soomaaliya inaan ugu adeegno afarta sano ee soo socota,”.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hadal heynta ka dhalatay kursiga HOP#169, wuxuuna ballan qaaday inuu u adeegi doono deegaanka laga soo doorto iyo dadka Soomaaliyeed.

“Kursiga ugu hadal heynta badan ee aan kusoo baxay ma noqon doonaa mid shaqadii looga baahnaa qabta? Waxan rajeynayaa aniga oo kalsooni badan ku qaba Ummadda isoo dooratay inaan shaqo la taaban karo u qaban doono,” ayuu yiri xildhibaan Cali Mahdi.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Kursigan dabcan qof ayaa ku guuleysan lahaa anaana ku guuleystay waajibka i saaran waxaa weeye inaan Ummadda isku uruuriyo, isla-markaana aan dadka u shaqeeyo, waana mas’uuliyadda saaran dhamaan xildhibaanada,”.

Si kastaba, guusha Cali Mahdi ayaa meesha ka saareysa booskii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo kursigan horey ugu fadhiyey, isla-markaana ka mid ah saaxibada Villa Somalia.

Ruushka oo go’aan cusub uga dhowaaqay Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa labo magaalo oo ku taalla Ukraine uga dhawaaqday xabad joojin ku meel gaar ah iyo inay fureyso marinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka laga bilaabo 10:00 subaxnimo wakhtiga Moscow.

Mariupol waa deked leh, maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku hareereysnaa ciidamada Ruushka, sidoo kale waxay dagaallo ka dhaceen magaalada Volnovakha.

Mar sii horreysay duqa magaalada Mariupol wuxuu codsaday in shacabka loo ogolaado in halkaa ay isaga baxaan kadib waxa uu ku tilmaamay go’doominta ciidamada Ruushka ee magaalada.

Qaraxyo dhowr ah ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada Kharkiv oo ay weli ka socdaan dagaallo iyo duqeymo xoogan.

Dhinaca kale xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ukraine ay dagaalka kaga adkaan doonto Ruushka.

Ma uusan soo hadal qaadin xilligga lais dhihi karo wuu soo afjarmayaa dagaalka balse wuxuu sheegay in aanay soo dhaweynin jab soo gaara Ukraine.

Blinken wuxuu ammaanay ‘adkeysiga aan caadi aheyn’ ay muujiyeen shacabka Ukraine.

Wuxuu sidoo kale in Ruushku uu isku dayo in uu afgembiyo dowladda Ukraine ay shacabka dalkaas si weyn uga soo horjeesan doonaan.

“Haddii ujeeddadu Ruushka ay tahay inuu isku dayo inuu afgembiyo dowladda si uu hirgeliyo dowladda uu isaga wato, 45 malyan oo shacabka Ukraine ah ayaa kasoo horjeesan doonaa” ayuu yiri Blinken.

BBC

Guddiga uu magacaabay R/W Rooble oo war cusub soo saaray kaddib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga xaqiiqo raadinta ee uu Garbahaarey u magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray kulamo wada-tashiyo ah oo uu ka waday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Guddiga ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyey wada-tashayadii uu waday, kuwaas oo uu la yeeshay madaxda Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka oo ay kala hadleen doorashada Garbahaarey.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ugu soo laabanayo Muqdisho, si uu warbixin ula wadaago ra’iisul wasaaraha, kadibna ay aadi doonaan gobolka Gedo.

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadahadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland ee ay khuseyso doorashada Garbahaarreey.

Guddiga ayaa tan iyo Arbacadii oo ay gaareen magaalada Kismaayo waxa ay kulammo la yeesheen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynen ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan,  xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.

Guddiga Qiimeynta ayaa sidoo kale kulammo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiintaiyo nabadoonada deegaan doorashada Garbahaareey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga oo uu hoggaaminayo la taliyaha dhinaca sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Avv.Cumar Maxamed Cabdulle ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda  guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa la filayaa in ay ku soo noqdaan Muqdisho, si ay warbixinta socdaalkooda ula wadaagaan Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaana qorshuhu yahay in ay sidoo kale tagaan Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada 16 kursi oo Golaha Shacabka ah oo la qoondeeyay in lagu qabto Garbahaarreey.

Sawirro: Yaa kusoo baxay 16-ka kursi ee Boosaaso?

0

Boosaaso (Caasimada online) – Magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-HOP#227, HOP#273, HOP#157, HOP#234, HOP#076, HOP#169, HOP#083, HOP#220, HOP#149, HOP#158, HOP#027,  HOP#036, HOP#222, HOP#228, HOP#142 iyo HOP#190.

Xubnaha soo baxay ayaa waxaa ku jira 1-Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ah taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaas  oo ku guuleystay Kursiga HOP#273.

2-Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi oo ku guuleystay doorashada Kursiga HOP#227. 3-Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) oo ku guulaystay Kursiga HOP#157. 4-Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali oo ku guuleysatay Kursiga HOP#234. 5-Muuse Axmed Ismaciil oo ku guuleystay Kursiga HOP#076. 6-Cali Mahdi Maxamed oo ku guuleystay Kursiga HOP#169. 7-Maxamed Bashiir Cali oo ku guuleystay Kursiga HOP#083. 8-Cali Xaaji Daahir Saleebaan oo ku guuleystay Kursiga HOP#220. 9-Faysal Axmed Maxamud oo ku guuleystay Kursiga HOP#149. 10-Saddaam Maxamuud Cabdi oo ku guuleystay Kursiga HOP#158. 11-Siciid Cali Muuse oo ku guuleystay  Kursiga HOP#027. 12- Maxamed Aadan Diini oo ku guuleystay Kursiga HOP#036. 13-Caynaanshe Yusuf Xuseen oo ku guuleystay kursiga HOP#222. 14-Cabdullaahi Faarax Mire oo ku guuleystay kursiga HOP#228. 15-Ismaaciil Shire Jaamac oo ku guuleystay  Kursiga HOP#142. 16-Maxamed Cabdi Maxamed oo ku guuleystay  Kursiga HOP#190.

Dhammaan xubnaha guuleystay ayaanan gelin tartan adag, waxayna kusoo baxeen cod gacan taag ah, waxayna sidoo kale aad ugu dhow yihiin Deni oo 16-kooda soo saartay.

Kuraastan ayaa waxaa muddo ka taagnaa murano xoogan, waxaana boosaskoodii waayey wasiiro ka tirsan dowladda federaalka oo maalmahan ku sugnaa halkaasi.

Si kastaba, Puntland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horeeyey oo 1 maalin kusoo gabagabeeyey doorashada deegaan doorashada labaad, marka loo eego maamullada kale.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kuraasta taalla GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta Galmudug ayaa waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kuraasta taalla gudaha magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Guddiga SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyey liiska xubnaha guddiga xulista ergada afar kursi oo ka mid ah kuraasta taalla koonfurta Gaalkacyo.

Guddiga la shaaciyey ayaa ka kooban halkii kursi saddex oday dhaqameed iyo laba xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah.

Kuraasta afarta ah ee dhowaan la qabanayo doorashadooda ayaa kala HOP#001, HOP#13, HOP#101 iyo HOP#017.

Galmudug ayaa haatan dadaal xoogan ku bixineysa, sidii loo dardargelin lahaa qabsoomida doorashooyinka Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan maraya meel wanaagsan.

Doorashooyinka baarlamaanka ee socda ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka 15-ka bishan March ee sanadka 2022-ka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay muranada hareeyey doorashada oo dib u dhacday hal sano iyo dheeraad.

Ciidamada ammaanka Beledweyne oo toogtay raggii dilay Axmed Biriq

0

Beledweyne (Caasimada Online) –  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay loogu geystay magaalada Beledweyne sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska HirShabelle oo lagu magacaabi jiray, Axmed Xasan Biriq.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale toogasho lagu dilay laba ka mid ah raggii ka dambeeyey dilka sarkaalkaasi, kuwaas oo ay israsaaseeyeen ciidamada ammaanka.

Saraakiil ka tirsan booliska Beledweyne ayaa sheegay in labada nin ee la dilay ay ku hubeysnaayeen bistoolado iyo bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dad kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka Axmer Biriq.

Ammaanka Beledweyne ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid liita, waxaana ugu dambeeyey dil loo geystay mid ka mid ah nabadoonada ku dhaqa  magaaladaasi.

Beledweyn ayaa waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, iyadoo maagalada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle oo iska kaashanaya sugidda amniga.

 

Qatar oo shaacisay safar dibada ah oo berri Farmaajo u qorsheysan

0

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shaacisay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saacadaha soo socda ku wajahan yahay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Warbaahinta Qatar News Agensy ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo oo maalinta Sabtida ah ee berri uu tegi doono dalkaas.

Sidoo kale Warbixintaan waxay intaas ku dareysaa in maalinta xigta ee Axadda ah ay balansan yihii oo Farmaajo uu la kulmi doono Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sabtida soo gaaraya magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa maalinta Axada ah kula kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Amiri Diwan, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa, iyadoo ay u dheer tahay arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay Qatar News Agensy.

Dowladda Qatar ayaa aad u taageerta xukunka Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegaa in si buuxda ay u dooneyso in Farmaajo dib loogu doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Marar badan ayuu Farmaajo sidaan oo kale safaro ugu tegay dalka Qatar, isagoo la kulmay Amiirka iyo madaxda kale ee ugu sareysa dalkaas, mucaaradka Soomaaliya ayaa iyaguna aad u dhaliila qorshaha Qatar ee Soomaaliya oo aan u muuqan mid dhexdhaxaad ah, sida ay qabaan.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo caawa lagu toogtay Beledweyne kadib dilkii sarkaalka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa caawa lagu dhex toogtay labo nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo xaafadda Howlwadaag ee magaaladaas ku dilay Axmed Xasan Biriq oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska HirShabeelle.

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada meydadka labada nin ee la toogtay, kuwaas oo dusha laga saaray bistooladihii ay sarkaalka ku dileen.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka magaalada Beledweyne oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in nolosha lagu qabtay seddax qof oo kale, kuwaas oo lagu tuhmayo inay dilka sarkaalka ku lug lahaayeen.

Beledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu ammaanka xun dalka, waxaana ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo inta badan ay masuuliyadooda sheegato kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale magaalada waxaa ka socota doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, waxaana ku sugan dhamaan madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Waxaa xusid mudan in ciidan xoog leh oo isugu jira Gor Gor, Haramcad, Militeri iyo booliska ay isku howlayaan inay aad u sugaan ammaanka magaalada Beledweyne.

Kooxaha dadka dila oo inta badan baxsa jiray ayaa caawa la toogtay, kadib markii howlgal deg deg ah ay ciidanku fuliyeen, waxaana meydadka ragga lasoo bandhigay ka miuuqata rasaas aad u badan oo jirkooda lala dhacay.

Puntland oo war kasoo saartay amniga Boosaaso iyo dad loo qab-qabtay…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha Booliiska qaybta gobolka Bari, Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa maanta ka hadlay qorshaha amniga guud ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ka dhaceyso doorashada kuraas kamid ah kuwa Golaha Shacabka.

Waxa uu sheegay in dhawaan isbedel weyn laga dareemi doono dhanka Amniga, islamarkaana ay wadaan howl-galo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, oo maalmihii dambe laga muujinayay walaac.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha in laamaha Amniga ay hayaan dad falal Amni darro ka geystay magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu sheegay in dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Taliyaha Booliiska qaybta gobolka Bari ayaa ka dalbaday bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Ganacsatada inay muujiyaan feejignaan dhanka amniga ah, islamarkaana ay ka fogaadaan waxkasta oo caqabad ku noqon kara.

Ugu dambeyntiina waxa ku taliyuhu ku cel-celiyay in bulshada looga baahan yahay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, oo xiligan ku howlan xaqiijinta Amniga Boosaaso, oo kamid ah deegaan doorashooyinka ay ka dhaceyso doorashada.

Si kastaba, magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa lagu qabanayaa doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, ayada oo qaar kamid ah taageerayaasha musharaxiin la reebay ay kasoo yeerayaan hanjabaado culeys saaray qabsoomida doorashada.

Sarkaal ka tirsanaa booliska HirShabeelle oo caawa Beledweyne lagu dilay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa caawa lagu dilay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida ay noo xaqiijiyeen hey’adaha amniga ee magaalada.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Biriq ayaa goordhaw lagu dhex toogtay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Sida ay noo sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada ninkaan waxaa dishay koox bistoolado ku hubeysan, waxaana magaalada ka socda howlgal lagu baacsanayo.

Beledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu ammaanka xun dalka, waxaana ka dhaca dilal qorsheysan oo kooxda Al-Shabaab ay sheegato inta badan masuuliyadooda.

Sidoo kale magaalada waxaa ka socota doorashada kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, waxaana ku sugan dhamaan madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Waxaa xusid mudan in ciidan xoog leh oo isugu jira Gor Gor, Haramcad, Militeri iyo booliska ay isku howlayaan inay aad u sugaan ammaanka magaalada Beledweyne oo caawa lagu dhex dilay mid ka mid ah saraakiisha booliska ka howlagala magaaladaas.

 

Qoor Qoor ma ka baxsan doonaa mashaqada Gaalkacyo?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Shalay Galab gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaas oo lagu dooran doono 11 kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee ka imaanayo Galmudug.

Sida uu ahaa jadwalkii uu shaaciyey guddiga doorashada ee Galmudug 5 Bisha oo Sabtida Berri ah ku aadan ayuu qorshuhu ahaa in la doorto 6 kamid ah 11-ka Kursi ee taalo Gaalkacyo, laakiin buuq badan ayaa ka dhashay qaar Kuraasta kamid ah oo laga dhigay Kooto Dumar.

Lixda Kursi ee la shaaciyey 3 kamid ah ayaa laga dhigay Kooto Dumar, mid kamid ah horey ayey ugu fadhisay qof Dumar ah waana HOPP#60 oo ay ku fadhisay Ubax Tahliil Warsame.

Reerka Kursigaas leh waxay rajeenayeen in sanadkaan kursigooda laga saaro kootada Dumarka iyadoo sanadkaan guud ahaan beesha Koonfurta degto ay eegeysay in Afarteeda Kursi laga dhigo xisaab rag, laakiin Qoor Qoor wuxuu Kursiga HOPP#60 kusoo celiyey xisaabtii Dumarka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha iyo Liibaan Tahliil Warsame ayaa kamid ahaa xubnaha xusul duubka ugu jiray kursigaan, balse Qoor Qoor ayaa aaday jiho aysan fileyn.

Diidmo arrintaas la xiriirta ayaa taala Magaalada Gaalkacyo, waxaa kaloo culeyska kursigaan sii xoojiyey markii la ogaaday in Kursiga la rabo in loo xiro Ubax Tahliil.

Kursiga Labaad oo isna buuqa ka taagan yahay waa HOPP#20, Kursigaan waxaa u sharaxnaa taliyihii hore ee ciidanka xoogga Dalka General Indha Qarashe, waxaa kursigaan ku fadhiyey Shantii Sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan Cali Yare, balse si uu aadan Aadan Qoryooley kursi u helo ayaa kursigaan laga dhigay Kooto Dumar, halka Kursiga HOPP#13 laga dhigay Kooto Rag iyadoo loo diyaarinayo Aadan Qoryooley oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug, kaas oo uu xiriir fiican kala dhaxeeyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Diidmo xooggan oo la xiriirta qaabka loo maareeyey Labada Kursi ee HOPP#60 iyo HOPP#20 ayaa ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa soo farageliyey xaalka Labada Kursi. Askarta qaar kamid ah waxay ku doodayaan inaan Kursiga HOPP#20 laga dhigi karin Kooto Dumar, halka qaarna ay ku doodayaan inaan la xiri karin kursiga HOPP#60.

Qorshihii ay guddiga doorashada Shalay ku shaacin lahaayeen guddiga xulista ergada Lixfaas Kursi Maanta ay ku bixin lahaayeen shahaadooyinka musharixiinta si ay Maalinta Berri ah u dhacdo doorashada ayaa shaqeyn waayey.

Askarta waxay la hadleyn saxaafadda, waxay digniin siiyeen guddiga doorashada Galmudug iyagoo ka digay inuu gacan ka hadal imaan karo haddii lagu deg dego qabashada doorashada Kuraastaas.

Xaaladda waa ka maarmi weysay inuu yimaado Qoor Qoor, Xalay kulamo ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo lagu xalinayo arrimahaas, waxaana la eegayaa sida uu Qoor Qoor u maareeyo xiisadda Kuraasta taalo Gaalkacyo.

26 Kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 8 Senator oo ay Galmudug ku qabatay Magaalada Dhuusamareeb Laba Kursi oo kaliya ayaa buuq ka dhashay.

Puntland oo soo bandhigtay magacyada musharrixiinta 16 Kursi ee taalo Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray liiska musharrixiinta u tartamaysa16ka kursi ee taalla Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa doorashadooda la kala qabanayaa 5-ta ilaa 6-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee Beri ah iyo Maalinta xigta ee Axadda, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Hopp#273 oo uu ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Yare) balse waxaa ku tartami doona Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud & Sahra Maxamed Maxamuud.

2: Hopp#157 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaase ku tartamaya Maxamed Axmed Aadan & Iidle Cali Axmed.

3: Hopp#228 Maxamuud Axmed Ciise Maas, waxaana kursigaan ku tartami doonaa Cabdulaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdullaahi Maxamed

4: Hopp#234 waxaa ku fadhisa Deeqo Saciid Xasan oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doonaMaraa Cabdiyo Bashiir Xaaji Cali &  Aamino Cabduweli Maxamed.

5: Hopp#076 waxaa ku fadhiya  Muuse Axmed Ismaaciil, waxaana markale ku tartami doona Muuse Axmed Ismaaciil iyo Faadumo Ibraahim Ismaaciil.

6: Hopp#227 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI) oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Muno Cali Mire Cartan.

7: Hopp#158 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane) oo meesha laga saaray, waxaana ku taratamaya Saadaam Maxamuud Cabdi & Muno Maxamuud Dalmar.

8: Hopp#083 ayaa waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Bille Nuur, balse ay ku tartami doonaan Maxamed Bashiir Cali & Aamino Maxamed Ciise.

9: Hopp#169 waxaa ku fadhiya Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartamaya Cali Mahdi Maxamed Cali & Xafsa Cali Axmed.

10: Hopp#036  ayaa waxaa ku fadhiya Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Maxamed Aadan Diini & Faa’iso Jaamac Muuse.

11:  Hopp#149 oo uu ku fadhiyo Axmed Ismaaciil Maxamed ayaa waxaa ku tartami doona Feysal Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Cabdixakiin Maxamed.

12: Hopp#222 oo uu hadda ku fadhiyo Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa waxaa ku tartami doona Ceynaanshe Yuusuf Xuseen oo maalmo ka hor iska casilay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland & Rowdo Yaasiin Yuuusuf.

13: Hopp#027 waxaa ku fadhiya Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartami doona Saciid Cali Muuse iyo Cabduqaadir Jaamac Xasan.

14: Hopp#220 oo uuku fadhiyo Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi, balse ay ku tartami doonaan Cali Xaaji Daahir Saleymaan & Axmed Burhaan Cumar.

15:  Hopp#190 waxaa ku fadhiya Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse, waxaase ku tartami doona Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Fatxi Cali Saalax Maxamuud.

16: Hopp#142 waxaa ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo tartanka laga reebay, waxana ku tartami doona Ismaaciil Shire Jaamac Cali & Saciid Maxamuud Maxamed.

Kuraasta Maanta Puntland ay soo saartay magacyada musharrixiinta ku tartameysa qaarkood ayaa waxaa laga reebay Xildhibaano dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay, kuwaas oo taageerayay Villa Somalia.

Koonfur Galbeed oo shaacisay liiska Kuraas uu ku jiro midka uu u tartamayo Shariif Xasan

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyay lix kursi oo dhawaan doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kuraastaan ayaa kamid ah 13 Kursi ee guud ahaan kuraasta taalla Koonfur Galbeed uga harsan, waxaana lixdaan kursi doorashadooda ay dhaceeysaa todobaadkaan Beri bilaabanaya Gudihiisa.

Kuraasta la shaaciyey ayaa waxaa kamid ah Kursiga uu ku fadhiyey wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu doonayo inuu u tartamo kursigaan, lamana ogo haddii uu cadaadis kala kulmi doono Lafta Gareen sida ku dhacday Jawaari iyo xubno kale.

Kuraastaan waxaa ku fadhiya Xildhibaannada kala ah:

HOP#261: Cabdulqaadir Xasan Sheekh Aadan.

HOP#167: Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

HOP#168: Xasan Macalin Xuseen.

HOP#099: Deeqa Xuseen Xasan.

HOP#077: Isgoowe Deeqow Isaaq.

HOP#186: Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale.

Jubbaland oo ballan qaad u sameysay guddigii uu magacaabay Rooble

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo faah-faahin ka bixiyay kulan ay la qaatay Guddiga Ra’iisul Wasaaraha XFS u magacaabay ka xog-keenista Doorashada iyo xaaladda Gobolka Gedo ayaa soo dhaweeyay shaqada guddigaan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guddigaan oo ah la-taliyaha dhanka Doorashooyinka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu waaya-aragnimo u leeyahay arrimaha Doorashada maadaama uu kamid ahaa Dadkii hirgeliyay Doorashaddii 2016/17.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in ka Dowlad-Goboleed ahaan ay diyaar u yihiin in ay wareejiyaan macluumaadka la xiriira Doorashada Garbahaarey si looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashada 16ka kursi.

Dhinacyada saameynta ku leh Gobolka Gedo ee deegaan ahaan Jubbaland ku metala ayuu Sheegay Maxamuud Sayid Aadan in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka dedaallada uu wado Guddiga wakiilka ka ah Wasiirka 1aad ee XFS sida uu hadalka u dhigay.

“Guddoomiye Cumar waan la soconaa in Ra’iisul Wasaaraha uu u qaabilsanaa la-talinta Doorashooyinka maadaama 2016kii uu maamulay doorashadii guusha ku dhammaatay, qibradna uu u leeyahay arrimahaan waxa aan kusoo dhaweyneynaa dedaalka uu Guddigaan wado si loo qabto Doorashada 16ka kursi” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

“Arrinta Gobolka Gedo waa mid dhib yar haddii la siyaasadeeyo waa dhibaato sii jiitameysa maadaama labo sano ay qaadatay, Caqabadaha jira ee naga hortaagan in aan doorasho ku qabano Gedo waan gudbinay iyo sida aan u aragno xalkooda ee looga gudbi karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray arrinta Gobolka Gedo u tilmaamay caqabadaha iyo culeyska meelaha ay kala kulmi karaan isaga oo rajeeyay in la kala saari doono is qabqabsiga siyaasadeed & Doorashada.

Wararkii ugu dambeeyey ee Ukraine iyo Ruushka oo ku dhaqaaqay tallaabo halis ah

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Jimcaha maanta ah ku eedeeyey Moscow inay u weecatay “argagixisanimo Nukliyeer” ayna dooneyso inay “dib u sameyso” musiibadii Chernobyl kadib markii ciidamada duulaanka ah ee Ruushka ay weerareen warshad Nukliyeer.

Waxa uu ka baryey hoggaamiyayaasha caalamka inay hurdada ka toosaasn ayna ka hortagaan in Yurub “ay ku geeriyooto musiibo Nukliyeer” kadib markii warshadda ugu weyn qaaradda uu dab ka kacay kadib markii la duqeeyey.

“Dal aan ka aheyn Ruushka marna ma weerarin warshad Nukliyeer,” ayuu ku yiri muuqaal Video oo uu baahiyey xafiiskiisa. “Tani waa markii ugu horreysay taariikhdeena. Taariikhda bani’aadamka. Dalka argagixisada ah wuxuu hadda u weecday argagixisanimo Nukliyeer.” 

Xarunta oo ku taalla magaalada warshadaha ee Zaporizhzhia ee koonfurta bari ee Ukraine ayaa qeybisay 40 boqolkiiba quwadda Nukliyeer ee dalkaas, sida uu sheegay madaxweynhe Zelensky, waxayna marti gelisaa lix ka mid ah 15 warshadood ee Nukliyeer ee dalkaas.

Sida ay sheegtay Kyiv, dabka ayaa kacay kadib markii ciidamada Ruushka ay rasaaseeyeen goobta.

“Kuwani waa taankiyo leh qalab laga dhex arko muuqaalka waxa gudaha ku jira, sidaas darteed way ogaayeen halka ay weerarayeen,” ayuu yiri Zelensky. 

Hase yeeshee inta badan “qalabka aas-aasiga ah ee warshadda ayaanay gaarin wax saameyn ah, islamarkaana heerka shucaaca ayaa ahaa caadi,” sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan hay’adda tamarta QM oo ku sugan Ukraine.

Goobaha Nukliyeerka ee Ukraine ayaa ahaa walaaca ugu weyn kadib markii Militariga Ruushka ay ku duuleen dalkaas toddobaadkii tegay, islamarkaana billaabeen inay duqeeyaan magaalooyin badan. 

“Haddii uu dhaco qarax, waa dhammaadka wax walba. Waa dhammaadka Yurub. Kaliya tallaabo deg deg ah oo Yurub ay qaado ayaa joojin kara ciidamada Ruushka,” ayuu yiri madaxweyne Zelensky. 

Saciid Deni oo xil cusub u magacaabay Jeneral Diyaano kadib heshiis xalay la gaaray

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay xil cusub u magacaabay taliyihii ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Jeneraal Maxamuud Diyaano oo mar hore diidmo iyo dagaal kala hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Deni ayaa maalmahaan wadahadal kula jiray Madaxweynaha iyo Isimada dhaqanka Puntland.

Sida muuqata xeerka Madaxweyne ee caawa lagu magacaabay Jeneraal Maxamuud Diyaano, waxaa labo loo kala qeybiyey ciidanka PSF-ta Puntland, waxaana loo magacaabay Agaasimaha qeybta kumaandooska amniga Puntland ee (Puntland Security Commando Forces).

Sidoo kale qeybta gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces) ayuu Deni u magacaabay S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

“Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. 

DHAMMAAD 

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

DAL YURUB ah ‘oo ballan-qaaday’ soo daad gureynta Soomaalida ku xayiran Ukraine

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka Serbia oo uu ballan-qaaday soo daad-gureynta Soomaalida kasoo cararay colaada Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo maanta khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Serbia Nikola Selakovic ayaa ka guddoomay balanqaadkaas, kaasi oo sidoo kale ka qeyb qaadanaya soo daad-gureynta Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo cararay colaada Ukraine.

Ballan-qaadka cusub ee Serbia, ayaa suurta-galinaya in Ardayda Soomaaliyeed ee ay saameysay colaada Ukraine ay horay u sii wadan karaan waxbarashadooda.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa ku heshiiyay inay horumariyaan xiriirka labo geesoodka ah ee soo jireenka ah iyo inay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa tan iyo markii u bilaabatay colaada Ukraine ay dadaal xoog leh gelisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaas u heli lahaayeen soo dhaweyn iyo qaabilaad.

Wasiirka wasaarada ayaa maalmihii dambe xiriir joogto ah la sameynayay Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Bariga iyo bartamaha Yurub ee saameysay xaalada colaadeed ee Ukraine.

1-dii bishaan Maarso ayey aheyd markii ay Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay shaacisay in marino nabad-galyo ah ay u aqoonsatay dalalka xadka la leh Ukraine ee kala ah: Poland, Slovakia, Hungary, Moldova iyo Romania, kuwaasi oo ay mari karaan muwaadiniinta.

PUTIN oo war xasaasi ah ka soo saaray dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta wacad ku maray inaanu joojin doonin duulaankiisa Ukraine, inkasta oo dhinacyada dagaalamaya ay yeesheen wada-hadallo xabad-joojin ah. 

Kadib markii magaaladii ugu horeysay oo weyn oo ka tirsan Ukraine ay ku dhacday gacanta ciidamada Ruushka, Putin wuxuu u muuqdaa inaanu dan ka laheyn inuu maqlo dalabka caalamka ee ah inuu dagaalka soo afjaro. 

“Russia waxay damacsan tahay inay sii waddo dagaalka ka dhanka ah kooxaha mintidiinta hubeysan ee Ukraine,” ayuu yiri Putin, sida lagu sheegay war kasoo baxay Kremlin-ka oo ku saabsan wada-hadal uu taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Dhinaca kale, wada-xaajoodayaasha labada dhinac ayaa mar kale yimid goob aan la cayimin oo ku taalla xuduudda Belarus iyo Poland.

Wareeggii koowaad ee wada-hadallada oo dhacay Isniintii ayaan laga sameyn wax horumar ah, waxaana Kyiv ay sheegtay inaysan aqbali doonin in Ruushka “ay waqti u qabtaan.”

Si kastaba, Putin ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu daahinayo hanaanka wada-hadalalda “uu hoggaamin doono kaliya dalabyo kale oo ka yimaada Kyiv.” 

Dhinaciisana, Macron ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo “in xaaladda dagaalka ay sii xumaato,” wuxuuna cambaareeyey beenta Putin, sida laga soo xigtay kaaliyihiisa.

Duulaanka oo maanta galay maalintii sideedaad ayaa abuuray qulqul qaxooti ah, wuxuuna Ruushka ka dhigay mid laga eryey saaxadda caalamka ee maaliyadda, diblomaasiyadda iyo cayaaraha.

QM ayaa furtay baaritaan ku saabsan dambiyo dagaal, ayada oo militariga Ruushka ay duqeynayaan magaalooyin ka tirsan Ukraine oo ay ku garaacayaan hoobiyeyaal iyo gantaallo, kuna qasbaya shacabka inay guryaha hoostooda galaan. 

Howlgalka AMISOM oo la shaaciyey inuu dhamaanayo 31-ka bishan MAARSO

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay maanta inuu ku egyahay 31-ka Bishan Maarso.

Hawlgalka ayaa beddeli doona magaciisa, waxaana uu noqon doonaa ATMIS oo u taagan Hawlgalka Xilliga Kala-Guurka ah ee Soomaaliya oo sii shaqayn doona 33 bilood.

Hawlgalka cusub ee ATMIS ayaa la sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee lagu magacaabo AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.

ATMIS ayaa waxaa dhowaan ansixiyey Qaramada Midoobay. ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan hawlgala, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.