25.3 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Saciid Deni oo xil cusub u magacaabay Jeneral Diyaano kadib heshiis xalay la gaaray

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay xil cusub u magacaabay taliyihii ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Jeneraal Maxamuud Diyaano oo mar hore diidmo iyo dagaal kala hor yimid xil ka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Deni ayaa maalmahaan wadahadal kula jiray Madaxweynaha iyo Isimada dhaqanka Puntland.

Sida muuqata xeerka Madaxweyne ee caawa lagu magacaabay Jeneraal Maxamuud Diyaano, waxaa labo loo kala qeybiyey ciidanka PSF-ta Puntland, waxaana loo magacaabay Agaasimaha qeybta kumaandooska amniga Puntland ee (Puntland Security Commando Forces).

Sidoo kale qeybta gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces) ayuu Deni u magacaabay S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

“Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. 

DHAMMAAD 

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

DAL YURUB ah ‘oo ballan-qaaday’ soo daad gureynta Soomaalida ku xayiran Ukraine

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka Serbia oo uu ballan-qaaday soo daad-gureynta Soomaalida kasoo cararay colaada Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo maanta khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Serbia Nikola Selakovic ayaa ka guddoomay balanqaadkaas, kaasi oo sidoo kale ka qeyb qaadanaya soo daad-gureynta Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo cararay colaada Ukraine.

Ballan-qaadka cusub ee Serbia, ayaa suurta-galinaya in Ardayda Soomaaliyeed ee ay saameysay colaada Ukraine ay horay u sii wadan karaan waxbarashadooda.

Sidoo kale labada Wasiir ayaa ku heshiiyay inay horumariyaan xiriirka labo geesoodka ah ee soo jireenka ah iyo inay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa tan iyo markii u bilaabatay colaada Ukraine ay dadaal xoog leh gelisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaas u heli lahaayeen soo dhaweyn iyo qaabilaad.

Wasiirka wasaarada ayaa maalmihii dambe xiriir joogto ah la sameynayay Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Bariga iyo bartamaha Yurub ee saameysay xaalada colaadeed ee Ukraine.

1-dii bishaan Maarso ayey aheyd markii ay Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay shaacisay in marino nabad-galyo ah ay u aqoonsatay dalalka xadka la leh Ukraine ee kala ah: Poland, Slovakia, Hungary, Moldova iyo Romania, kuwaasi oo ay mari karaan muwaadiniinta.

PUTIN oo war xasaasi ah ka soo saaray dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta wacad ku maray inaanu joojin doonin duulaankiisa Ukraine, inkasta oo dhinacyada dagaalamaya ay yeesheen wada-hadallo xabad-joojin ah. 

Kadib markii magaaladii ugu horeysay oo weyn oo ka tirsan Ukraine ay ku dhacday gacanta ciidamada Ruushka, Putin wuxuu u muuqdaa inaanu dan ka laheyn inuu maqlo dalabka caalamka ee ah inuu dagaalka soo afjaro. 

“Russia waxay damacsan tahay inay sii waddo dagaalka ka dhanka ah kooxaha mintidiinta hubeysan ee Ukraine,” ayuu yiri Putin, sida lagu sheegay war kasoo baxay Kremlin-ka oo ku saabsan wada-hadal uu taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Dhinaca kale, wada-xaajoodayaasha labada dhinac ayaa mar kale yimid goob aan la cayimin oo ku taalla xuduudda Belarus iyo Poland.

Wareeggii koowaad ee wada-hadallada oo dhacay Isniintii ayaan laga sameyn wax horumar ah, waxaana Kyiv ay sheegtay inaysan aqbali doonin in Ruushka “ay waqti u qabtaan.”

Si kastaba, Putin ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu daahinayo hanaanka wada-hadalalda “uu hoggaamin doono kaliya dalabyo kale oo ka yimaada Kyiv.” 

Dhinaciisana, Macron ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo “in xaaladda dagaalka ay sii xumaato,” wuxuuna cambaareeyey beenta Putin, sida laga soo xigtay kaaliyihiisa.

Duulaanka oo maanta galay maalintii sideedaad ayaa abuuray qulqul qaxooti ah, wuxuuna Ruushka ka dhigay mid laga eryey saaxadda caalamka ee maaliyadda, diblomaasiyadda iyo cayaaraha.

QM ayaa furtay baaritaan ku saabsan dambiyo dagaal, ayada oo militariga Ruushka ay duqeynayaan magaalooyin ka tirsan Ukraine oo ay ku garaacayaan hoobiyeyaal iyo gantaallo, kuna qasbaya shacabka inay guryaha hoostooda galaan. 

Howlgalka AMISOM oo la shaaciyey inuu dhamaanayo 31-ka bishan MAARSO

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay maanta inuu ku egyahay 31-ka Bishan Maarso.

Hawlgalka ayaa beddeli doona magaciisa, waxaana uu noqon doonaa ATMIS oo u taagan Hawlgalka Xilliga Kala-Guurka ah ee Soomaaliya oo sii shaqayn doona 33 bilood.

Hawlgalka cusub ee ATMIS ayaa la sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaadheen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee lagu magacaabo ATMIS ee beddeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee lagu magacaabo AMISOM.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2007-da.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba doonaaysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida ciidamada Soomaaliya, si ay ugu suurtogasho inay mas’uuliyadaha amniga kala wareegaan AMISOM.

ATMIS ayaa waxaa dhowaan ansixiyey Qaramada Midoobay. ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan hawlgala, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.

Ciidamo taageersan Wasiir Jamaal oo billaabay dhaq-dhaqaaq halis ku ah doorashada Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo taageersan Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Rooble, Jamaal Maxamed Xasan ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka.

Ciidamada taageersan Jamaal ayaa kamid ahaa daraawiishta Puntland waxayna hadda daacad u yihiin Wasiirka, oo asagu qarka u saaran in uu waayo kursiga uu ku fadhiyay ee xildhibaanada baarlamaanka federaalka.

Jamaal oo doonaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 ayaa waxa lasoo warinaya in uu maamulka Puntland kala dagaalamayo in markale uu ku soo laabto, taasi oo keentay in goor sii horeysay oo maanta ah ciidamada taabacsan Jamaal ay xirtaan jidka ka yimaada Tuulada Ceel-daahir ee taga Boosaaso.

Inkasta oo markii dambe la furay wadada laamiga ah ee deegaanka Ceel-daahir ee ay xirtaan ciidamadaas, kadib markii ay arrinta soo dhex-galeen odayaasha dhaqanka, haddana waxaa weli taagan cabsi laga qabo in xiisad dagaal ka qaraxdo Boosaaso.

Ciidamadaan ayaa waxay ku hanjabeen inay dagaal ku qaadi doonaan magaalada Boosaaso, haddii aan la joojin waxa ay ku sheegen boobka qaawan ee ka dhan ah kursiga beeshooda.

Waxay madaxweynaha Puntland Saciid Deni ka dalbadeen in uu faraha kala baxo kuraasta beeshooda, taasi oo suurtagalin karta doorasho ka dhacda Boosaaso.

Wasiir Jamaal ayaa hore uga digay in sida ay u socota doorashada kuraasta taalla Boosaaso ay keeni karto amni daro waxaana hadda sii yaraatay rajada uu ka qabo inuu kursigaas kusoo baxo, markii loo wareejiyay beel kale.

Si kastaba, Doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa qorshuhu yaahy in 5-ta iyo 6-da bishaan Maarso lagu qabto magaaladaas.

Waxaa magaalada Boosaaso ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraastaas, ayada oo loo diyaariyay in doorashada lagu qabto Teendho ku taalla garoonka diyaaradaha Boosaaso, oo ammaankeeda lagu wareejiyay Ciidan gaar ah oo Booliis ah.

Khubaro: Militari ahaan, Ruushka musiibo ayuu kala kulmay duulaanka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa si lama filaan ah waxaa u hareeyey khaladaad istaraatiiji, kuwa xeeladeed, shidaal iyo cunno yari, gawaari dagaal oo laga cararay, diyaarado lasoo riday iyo dhimashada askar badan, waxaa sidaas shaaciyey khuburo Mareykan ah.

Hase yeeshee guuldarrooyinka Ruushka ee maalmaha hore ee dagaalka, oo ay ku jirto inay yareysteen sida ay Ukraaniyiinta uga go’an tahay inay dagaalamaan, ayaa hoggaamin kara in Moscow ay go’aansato inay oodda ka qaado dhammaan awoodaheeda, ayna si aan kala sooc laheyn u burburiso qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, sida ay sheegeen khubarada.

Khubarada Mareykanka ee darsa militariga Ruushka ayaa sheegaya inay aad ula yaabeen maamul xumada Ruushka ee ololahan, oo ay ku luumiyeen boqolaal gawaarida dagaalka ah iyo in Ukraaniyiinta ay ka hortageen in ciidamada cirka Kremlin-ka ay maamulaan hawada.

“Haddii aad wax ku dheeli laheyd laba ama saddex asbuuc marka uu dagaalka socdo, waan fahmin lahaa,” waxaa sidaas yiri Scott Boston oo ah taxliiliye sare oo difaac oo ka tirsan hay’adda daraasaadka ee Rand Corp.

“Hase yeeshee, haddii aad noqotay qof ku kufay albaabka hore ee guriga laga galo, waxaa ku haysta arrimo kale,” ayuu yiri.

Khuburada Wasaaradda Gaanshaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka iyo kuwa qeybaha gaarka ah ayaa filayey in ciidamada madaxweyne Vladimir Putin ay si deg deg u burburiyaan awoodda Ukraine wax isaga caabin karto, ay waxyeeleyn karaan talisyada 200,000 ee askari ee Ukraine, ayna burburiyaan habka difaaca gantaalada.

Hase yeeshee arrimahaas oo dhan ma dhicin lixdii maalmood ee ugu horreeyey dagaalka. Sidoo kalena, inkasta aan la hayn tirada rasmiga ah, haddana skarti Ruushka ee la dilay, la dhaawacay ama la qabtay, ayaa u muuqata mid aad uga badan intii la filayey.

“Tani waa guuldarro sirdoon oo aad u weyn oo si baaxad leh u yareysatay iska caabinta Ukraine, islamarkaana fulinta militari ayaa aheyd mid aad u xun,” waxaa sidaas yiri Michael Vickers, oo ah kaaliyihii hore ee xoghayaha gaashnaadhigga Mareykanka ee arrimaha sirdoonka, oo ka hadlay Xarunta Istraatiijiyadda yo Daraasaadka Caalamiga ah.

Qiyaas ay sameeyeen khubaro militari oo ka tirsan Xarunta Atlantic Council’s Scowcroft Center ayaa tilmaamaysa in Ruushka ay guuldarro la taaban karo kala kulmeen inay deg deg u qabsadaan garoon diyaaradeed ku yaalla banaanka magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Dagaalkii ka dhashay gacan ku haynta ayaa ka dhigay garoonka mid ay aad u gaartay waxyeelo, taasi oo ka dhigan inaan loo adeegsan karin in lagu qabsado Kyiv.

Waxay sidoo kale sheegeen in khasaaraha Ruushka “ee diyaaradaha iyo helikobtarada laga riday ay aad uga badan tahay sidii la filayey,” sababtuna ay tahay inaysan burburin habka difaaca hawada ee Ukraine.

Boston wuxuu sheegay in Ukraaniyiinta ay weli adeegsanayaan diyaaradaha Drone-ka ee Turkish-ka ay sameeyaaen ee Bayraktar, si ay ugu burburiyaan gawaarida dagaalka Ruushka.

“Haddii drone-ka Turkish-ka ay gawaarida Ruushka haleelaan maalinkii hal ama laba jeer waa caadi, balse haddii la garaaco laba mar ka badan, wax ayaa ka khladan dhanka Ruushka,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in Ruushka ay u muuqdaan inaysan si wanaagsan isugu xirneyn islamarkaana ay la’yihiin awood ay ku maareeyaan duulaanka.

Si kastaba, dhammaan khubarada ayaa isku raacsan in Ruushka ay soo rogaal celin karin. Horumarkii ciidamada Ruushka waa hakaday, balse taasi waxay u ogolaan kartaa inay xaliyaan dhibaatooyinka ka haystan dhanka sahayda, ayuu yiri Kirby.

Waxaa intaas dheer, waxay filayaan in niyadjabka Putin ee maalmaha hore ee dagaalka ay hoggaamin karto inuu oodda kasoo qaado dhammaan awooddiisa buuxda ee hubka gantaallada iyo cirka kuna sii daayo shacabka Ukraine, ayada oo wadata saameyn burbur.

VOA + AFP

Wasiirkii hore ee ganacsiga ee xukuumaddii Kheyre oo isku sharxaya madaxweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdullahi Cali Xasan ayaa hadda la sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi ayaa wasiir ka soo noqday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ninkaan ayaa taageero ka helaya bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiin aaminsan in isagu ugu mudan yahy xilka madaxtinimada dalka, si dalka looga samata bixiyo xaaladaan adag.

Xildhibaano ku cusub baarlamaanka iyo kuwo sanado ku soo jiray dibna markale ugu soo laabtay ayaa ku xog waramay in Cabdullahi Cali Xasan oo nin reer Muqdisho ah uu qaatay talo soo jeedin badan oo kaga timid qeybaha kala duwan ee bulshada. Iyagoo u arka inuu leeyahay sifaha hogaan ee xilligaan dalku u baahan yahay.

Wasiir hore Cabdullahi Cali Xasan ayaa dadka yaqaana waxay sheegaan inuu yahay nin shaqsi ahaan degan, karti iyo amaano leh, waayo arag ah, kana soo shaqeynayey mudo ka badan 30 sano hey’adaha dowliga ah, hay’adaha samafalka iyo arimaha ganacsiga, isla markaana siyaasadda Soomaaliya ku dhex  jiray 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Indheer garadka reer Muqdisho iyo siyaasiyiin kale oo maamul goboleedyada ka kamid ah ayaa rumeysan in Wasiir hore Cabdullahi haddii uu ku guuleysto madaxtinimada dalka uu si sahlan u kasban karo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka ee mucaarad iyo muxaafid intaba, inkasta oo aysan caddeyn heerka taageerada uu haysto.

Doodaha warbaahinta, hadal heynta bulshada iyo falanqeynta siyaasadda bilihii u danbeeyay waxay dhamaan ku saabsanaayeen boobka doorashada ku socda iyo sida xal loogu heli karo ragga xildhibaanada soo noqday ee markii hore ahaa saraakiil iska soo horjeedda.

Waxaa kale oo jirta in aqoonyahano iyo quboro siyaasadeed ay ka digayeen hadii uu soo baxo madaxweyne dhanka mucaraadka ama muxaafidka ah inuu dalku geli karo xaalad hubanti la’aan ah iyo natiijo aan la isla aqbalin.

Xilli waqtigu uu is gurayo, doorashada baarlamaankana ay ku socto qaab aysan bulshadu ku farxin, waxaa isisoo taraya baaqa ku aadan in doorashada madaxweynaha la raadiyo xal ka duwan sida muuqata, isla markaana dalka loo dooro shaqsi isku wadi kara dhinacyada iska soo hor jeeda ee baarlamaanka soo wada galay iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Cabdullaahi Cali Xasan waa aqoonyahan xog-ogaal u ah xaalada dalka iyo marxaladihii uu soo maray uuna leeyahay karti iyo waay-aragnimo uu ku mideyn karo shacabka Soomaaliyeed oo kala qoqoban.

Dadka aqoonta dheer u leh wasiir hore Cabdullahi waxay ku sifeeyeen in Cabdullaai yahay nin dalka u jaheyn kara dowlad wanaag, deganaansho siyaasadeed, mid amni, horumar dhaqaale, mid bulsho, cadaalad iyo sinnaan.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Shariif iyo Andre?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Larry Andre.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga wada-hadlay xaalada dalka, dhameystirka iyo dardar-gelinta doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray caqabadaha hortaagan doorashooyinka iyo arrimaha amniga, xili ay Soomaaliya ku daah-day xaalada kala guurka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay Safiirka taageerada dowladda Mareykanka ku bixiso dhismaha nabada iyo geedi socodka dimuqraadiyada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan muddo kordhin u sameeyen Golaha Wada-tashiga Qaranka waqtiga lagu soo gaba-gabeynayo doorashadaas.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn isha ugu haya doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo dhowr jeer ku goodiyay tallaabooyin ka dhan ah madaxda Soomaalida, dhawaana qaaday go’aano daba socda arrintaas oo ka dhan ah qaar kamid ah madaxda iyo siyaasiyiinta.

Ciidan beeleed gadoodsan oo ku hanjabay in doorasho aanay ka dhaceyn Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidan beeleed ku sugan Gaalkacayo oo ka gadoodsan in doorashada laga reebo taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka, Daahir Indha Qarshe ayaa ku hanjabay in magaalada aysan ka dhici doonin doorasho.

Ciidankaan ayaa sheegay inay la wareegi doonaan goobta doorashada lagu qabanayo, haddii uusan madaxweynaha Galmudug uu ka laaban go’aanka uu kursiga beeshooda kaga dhigay qoondada dumarka.

Ciidankaan oo isku aruursanaya duleedka Gaalkacyo ayaa ku doodaya in la dulmiyay Indha Qarshe, xili ay beeshiisu siisay kursiga, hase yeeshe uu Qoor-Qoor kursigaas ka dhigay qoondo dumar si cadaadiska beesha caalamka isaga yareeyo.

Qoor-Qoor ayaa lagu wadaa in uu tao magaalada Gaalkacyo si xal looga gaaro arrimaha doorashada, ayada oo ay sareeyso cabsida laga qabo in goobta doorashada ay weeraraan ciidamo beeleed ka careysay boobka kuraastooda.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo dhawaan shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursiga tirsigiisu yahay HOP#020 oo laga dhigay qoondo haween.

Indha Qarshe ayaa ku eedeyay maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor in ay is hortaagtay rabitaanka beeshiisa, oo kursigaas ku sharaftay, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihii hore ayaa dalbaday in arrintaan soo fara-galiyaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, islamarkaana la hakiyo doorashada kursiga uu u tartamayo oo tirsigiisa uu yahay HOP#020, inta xal rasmi ah laga gaarayo muranka hareeyey kursigaasi.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka oo aheyd in loo madax-baneeyo Odayaasha dhaqanka iyo beelaha iska leh kuraasta ayaa waxaa xiligan saameyn xoogan ku leh madaxda dowlad goboleedyada, oo ayagu sida ay rabaan ka yeesha.

Rooble ma kala leexin doonaa dagaalka Farmaajo uu kula jiro iyo doodda beeshiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hal Sano iyo Shan bilood kadib Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu furay dood cusub oo ku saabsan deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Garbahaarey, xilli uusan Ra’isul Wasaaruhu wax talo ah ku yeelan deegaan doorashooyinkii kale oo ay xasaraduhu ka taagnaayeen.

Rooble oo la magacaabay maalin kadib markii la saxiixay heshiiskii ay Garbahaarey ku heshay 16-ka kursi, wuxuu marqaati ka ahaa caqabado ku yimid qaar deegaan doorashooyinka labaad ee dowlad goboleedyada, sida Boosaaso iyo Beledweyne.

Isaga iyo xukuumadiisa wax talo ah kuma darsan sidii labadaas xiisad loo xalin lahaa oo ay doorasho kaga dhici laheyd Beledweyne iyo Boosaaso, balse hadda sida muuqata wuxuu u bareeray Garbahaarey.

Marar badan ayaa la isku mari waayey qorshaha Deni iyo Axmed Madoobe ee hal deegaan doorasho.

Rooble wuxuu kamid ahaa xubnihii diidanaa in wax laga badalo heshiiskii 17-ka September, balse sanad iyo shan bilood kadib Ra’isul wasaaruhu wuxuu magacaabay guddi shaki gelinaya ku dhaqanka heshiiskii 17-ka September.

Guddiga uu Rooble magacaabay waxaa madax u ah Abuukaate Cumar Dhagey oo xafiiskiisa ka tirsan. Soo jeedin ka timid hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa 25-ka Bishii lasoo dhaafay tuhun lagu geliyey in Magaalada Garbahaarey lagu qaban karo doorashada 16-kaas Kursi ee loo asteeyey 17 September ee 2020.

Magaalada Baraawe oo Al-Shabaab ay dhinacyada ka fadhiyaan mararka qaarna ay soo duqeeyeen ayaa doorasho lagu qabtay, sidaas darteed guddigaan waa ku adag tahay inay keenaan mowduuc amni darro ku saabsan.

Markii uu Axmed Madoobe saxiixayey heshiiskaan 17-kii September xaalka gobolka Gedo siyaasad ahaan sida uu hadda yahay ayuu ahaa, Jubbaland iyo dowladda federaalka, midna ma qaadin tallaabo lagu badalayo jawiga siyaasiga ah ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, laakiin waxaa la fahamsan yahay inuu Axmed Madoobe hadda fursad uga dhex jeedo xiisadda weli ka dhex taagan Rooble iyo Farmaajo.

Haddaba Ra’isul Wasaare Rooble makala sooci doonaa Farmaajo iyo Beeshiisa?

Farmaajo iyo Rooble meel adag ayey hadda kala taagan yihiin, Rooble wuxuu dhawaan la kulmay Ugaaska iyo waxgaradka reer Gedo, waxayna ka wadahadleen kuraasta taalla Garbahaarey.

Illo kulankaas ka waramay waxay sheegeen in Rooble uu odayaasha u ballan qaaday in 16-kaas kursi laga soo celin doonin Garbahaarey, ballanta odayaasha ka sokow inuu soo celin ku dhawaaqo waxay ka dhigan tahay inuu toos u jabiyey heshiiskii 17-ka September, kaas oo Beesha Caalamka si toos ah u diiday in wax laga badalo.

Marka la eego sida uu Ra’isulWasaare Rooble u wajahay abaartii Gobolka Gedo iyo ballantii uu ka qaaday odayaasha reer Gedo waxay dadka qaarkiis qabaan inuu kala sooci doono dagaalka isaga iyo Farmaajo ka dhaxeeya iyo matalaada uu deegaankaasi leeyahay.

Inta badan dadka reer Gedo ee siyaasadda ku dhex jira ayaa diidmo kala hor yimid guddiga uu Rooble magacaabay, waxayna ku timaameen dariiq uu Rooble ku qancinayo Axmed Madoobe.

Sidoo kale, saaxiibka Ra’isul Wasaaraha ahna wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Carab oo kursigiisu dhankaas jiro ayaa kamid ah dadka lagu eedeenayo inay Ra’isul Wasaare Rooble ku qalqaalinayaan inuu qaato go’aan uu Gobolka Gedo kaga xayuubinayo matalaadisa doorashada, kaas oo aan la ogeyn waxa ka dhallan kara.

Kiiskaan waa imtixaan siyaasi ah oo hor yaala Ra’isul Wasaare Rooble, dadka reer Gedo waxay eegayaan inuu Rooble dagaalka Farmaajo u yeelo waji cusub ama inuu kala sooco Farmaajo iyo dalabka dadka deegaanka.

Haddii dhinac kale laga eego waxaa Gedo isku haya Farmaajo iyo Axmed Madoobe, kal hore waxaa la xasuustaa in heshiis siyaasi ah oo awood qeybsi ah lagu xaliyey loolankii Kuraasta ee u dhaxeeyey Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Dadka qaar waxay soo jeedinayaan in iyadoo aan deegaan doorashada Labaad la  tirtirin in laga fakari karo heshiis siyaasi ah oo Axmed Madoobe Kuraasta uu ku dhagan yahay qaar loogu soo saari karo maadaama waxa sanadkaan Dalka ka jiro aysan aheyn tartan doorasho.

Inkastoo Ra’isulwasaare Rooble weli loo arko in sareegasho leh haddana waxaa la aaminsan yahay inay ku hareereeysan yihiin koox aan waxba xeerineyn oo aan qiimo ugu fadhin taariikhda uu reebi doono hab xukunka Ra’isulwasaare Rooble.

Sawirro: Yaa ku soo baxay doorashada 6 kursi ee maanta ka dhacday BAYDHABA?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#253, Hop#178, Hop#050, Hop#230, Hop#183 iyo Hop#275 ee Baarlamaanka, waxaana ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1- Aadan Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#253.
2- Cabdulaahi Maxamed Cali oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#178.
3- Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc) oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#050.
4- Jaamac Taqal Cabaas oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#230.
5- Muqtaar Maxamed Guuleed oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#183.
6- Ismaciil Iidow Maxamed oo ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop#275

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Kooxda Farmaajo oo isaga hareysa loolanka guddoonka AQALKA SARE + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Sare ee Baarlamaaka 11-aad ee Soomaaliya ayaa u diyaarsan dhaarin iyo is doorasho, kadib markii dhawaan lagu soo daray xubintii ka dhimaneyd.

Farxaan Cali wasiirka Maaliyadda ee maamulka Galmudug ayaa noqday qofkii ugu dambeeyey ee ku biira Aqalka Sare sanadkaan.

Nooc xulasho ah oo aan wax tartan wadan ayey badi xubnaha ku yimaadeen sanadkaan, marka lala barbardhigo sida ay xubnaha Aqalka Sare ku yimaadeen doorashadii 2016-kii, waxaa jira farqi weyn oo dib u dhac ah.

Doorashada ololaha guddoonka Aqalka Sare ayaa ka socda Caasimadda, Aqalkaan inkastsoo axmiyaddii iyo miisaankii laga filayey aan laga arag 5-tii sano ee lasoo dhaafay, haddana xubno badan oo cusub ayaa kusoo biiray sanadkaan, kuwaas oo aan lasii odorosi karin waxa ay Aqalka kusoo kordhi karaan.

Guddoomiye ku xigeenkii koowaad iyo kii labaad ee Aqalka Sare ayaa kamid noqday xubnihii waayey kuraastooda intii ay socotay xulashada Aqalka Sare, halka guddoomiyihii koowaad Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu mar kale u tartamayo kursiga guddoomiyaha Aqalka Sare.

Kooxda Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa inay macquul tahay in aysan waqti badan iyo qarash iska gelin loolanka guddoonka Aqalka Sare.

Laba sababood oo muhiim ah ayaana loo daliishanayaa dib u gurashadooda:

1- Ahmiyadda Aqalka Sare

Farmaajo iyo kooxdiisa oo dalka xukumayey 5-tii sano ee lasoo dhaafay waa laga heystay Aqalka Sare, maadaama ay ku badnaayeen odayaal siyaasadda ku gaamuray, kuwaas oo jeebkooda ka weyn.

Kooxdu waa awoodi weysay inay Aqalka Sare danaheeda ka iibiso, balse waxay dib ka qaateen aragti ah in Aqalka Sare la inkiro oo mid daciif ah laga dhigo, taas badalkeedana xiriir iyo wada-shaqeyn joogta ah lala yeesho Golaha Shacabka.

Dhaq-dhaqaaq ay mucaaradka ka dhex sameeyeen Golaha Shacabka ayaa keentay in kooxda madaxweyne Farmaajo toos u beegsato hoggaankii Golaha Shacabka, iyagoo meesha ka saaray Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamaanka.

Waxay ku guuleysteen inay golihii Shacabka hoggaankiisa qaataan oo ay dhinaca kalena neef bixiyaan Aqalka Sare.

Hadda waxay aaminsan yihiin in Aqalka Sare uusan ahmiyad gooni ah ku fadhin, wixii sharci iyo heshiis rabaana ay golaha Shacabka soo marin karaan, waa haddii ay dhacdo inay xukunka kusoo noqdaan.

Sidaas darteed ahmiyadda hoose oo uu Aqalka Sare ku leeyahay agtooda ayaa daciifineysa inay awood badan geliyaan tartanka guddoonka.

2- Tijaabin awoodeed

Kooxda madaxweyne Farmaajo haddii ay u soo istaagaan loolanka guddoonka Aqalka Sare waxaa dhici karta in laga adkaado, maadaama uu yahay Aqal aad u kooban oo tiradiisa tahay 54 xubnood.

Xubnaha ka yimid Puntland iyo Jubbaland si toos ah ayey dhinaca kale u mari karaan, Galmudug iyo Hirshabelle waxay soo celiyeen inta badan dadkii kuraasta horey ugu fadhiyey ee xog-ogaalka ahaa, waana adag tahay in aragtida kooxda Farmaajo la dhex mariyo.

Dhinaca reer waqooyiga koox isku dhafan oo Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi kala taabacsan ayaa ka yimid, sidaas darteed kooxda Farmaajo oo xubnaha Koonfur Galbeed ku xooggan waa looga itaal roonaan karaa Aqalka Sare, haddii xoogaa lacag ah iyo olole fiican la geliyo.

Haddii ay dhacdo in guddoonka Aqalkaan looga adkaado waxaa la heli doonaa cabirkooda saxda ah, waxaana abuurmayo firqooyin kale waxaana fududaan doonto in lagu dhiirado.

Si aan loo helin cabirka awoodooda waxaa jirta qeyb kooxda kamid ah oo ku doodeysa yaanan waqti iyo qarashba iska gelin guddoonka Aqalka Sare.

Ruushka oo ku dhowaaqay hadal cabsi geliyey dunida oo ku saabsan Nukliyeer

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka digay in haddii uu qarxo dagaalka saddexaad ee adduunka, uu noqon doono mid la isku adeegsado hub Nukliyeer ah oo lagu hoobto. 

Hadalkan oo ay werisay wakaaladda wararka RIA ayaa yimid maalin kadib markii Lavrov uu shirka hub dhigista ee Geneva, oo uu uga qeyb galay hab fogaan arag ah, ka sheegay in dalka Ukraine, oo Russia ay ku duushay toddobaadkii tegay, uu raadinayo hub Nukliyeer ah.

Lavrov ma bixin wax caddeymo ah marka laga reebo inuu yiri “Ukraine waxay weli haysataa taknoolajiyaddii Nukliyeerka ee Soviet-ka, waxaana ka go’an inay soo saarto hub nocoaas ah.”

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sidoo kale sheegay in Russia ay wajihi doonto “halis dhab ah” haddii Ukraine ay hesho hub Nukliyeer ah. 

Ruuska ayaa Ukraine ku qaaday duulaan dhul, cir iyo bad ah Khamiistii tagtay, kaasi oo ahaa duulaankii ugu weynaa ee dal Yurub ah uu ku qaado dal kale oo Yurub ah, tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Tallaabadan ayaa waxaa ka jawaabay dalalka Reer Galbeedka, oo xayiraado dhaqaale oo xooggan saaray Ruushka, sidoo kalena Ukraine siiyey gargaar hub ah iyo mid bani’aadamanimo.

Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay hawadeeda ka mamnuucday dhammaan duulimaadyada Ruushka, kadib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen Midowga Yurub iyo Canada.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Axaddii wuxuu heegan geliyey ciidamadiisa Nukliyeerka, taasi oo cabsi ka abuurtay dunida, sarena u qaaday in xiisadda ay hoggaamin karto dagaal Nukliyeer ah. 

Putin ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid kadib markii quwadaha NATO ay soo saareen “hadallo gardarreysi ah” ayaga oo sidoo kalena Ruushka saaray cunaqabateeno xooggan.

Sida ay sheegayaan daraasado caalami ah, Russia ayaa haysata hubka Nukliyeer ee ugu badan caalamka, waxaana la qiyaasaa inuu yahay 6,255 oo madax, halka Mareykanka uu ka haysto 5,550, waxaana ku xigay China iyo France oo kala haysta 350 iyo 290, sida ay u kala horreeyaan. 

Cumar Cabdirashiid: “Dadka loo doortya baarlamaanka cusub wax eed ah ma lahan”

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda  Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka socda dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in waxa socda aan la dhihi karin doorasho, wuxuuna ku tilmaamay xulusho ay sameynayaan dadka mas’uulka ka ah doorashada.

Sidoo kale wuxuu xusay in aysan eed la aheyn xildhibaanada soo baxay, marka laga reebo tiro kooban oo uu sheegay in loo heesto dambiyo kala duwan, sida uu hadalka u dhigay.

”Horta dadka doorashada kusoo baxay waa dad waqti badan dalka soo joogay oo xaaladda la socda eedna kuma lahan in kursiga loo boobay ee kii u boobay ayaa loo heystaa, waxaa jira dad eedo kala duwan loo heysto oo Baarlamaanka ku jira waase kooban yihiin,” ayuu yiri.

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid ayaa eeda dhabarka u saaray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ku eedeeyey inay boobeen kuraasta Golaha Shacabka.

Dhinaca kale wuxuu Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake xusay in xildhibaannada soo baxay ay hagi doonto hadba tallaabooyinka ay qaadaan oo ay ugu horreeyso doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, waxaana haatan qorshaha uu yahay in lagu soo gaba-gabeeyo 15-ka bishan March ee sanadka 2022-ka.

Itoobiya oo QM u gudbisay MOWQIFKEEDA ku aadan doorashooyinka Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda, Demeke Mekonnen ayaa markii u horeysay arrimaha Soomaaliya wada-hadal kala yeeshay Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Labada dhinac ayaa ugu horeyntii ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya, ayada oo Demeke Mekonnen uu sheegay Ergayga gaarka ah in Itoobiya si dhaw ula socoto doorashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa bogaadiyay hanaanka ay ku socoto doorashada Soomaaliya, asaga oo sheegay in xukuumadiisu ay ku faraxsan tahay sida ay wax u socdaan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dib u habeynta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo baahida loo qabo in laga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab.

Demeke ayaa sheegay in wada-shaqeyntu ay lama huraan u tahay si looga hortago isku dayga kooxda Al-Shabaab ee ku aadan ka faa’iideysiga xaalada taagan, oo ay kamid yihiin arrimaha doorashada Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanka.

Ugu dambeyntiina waxay labada dhinac diirada saareen dib u habeynta ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo doorka dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Lafta Gareen oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyey

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dolwad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo wareegto cusub soo saaray ayaa sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis.

Lafta Gareen ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Maxamed Cabdiraxiin Nuur, isaga oo magacaabay mid kale oo cusub.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa markii 3-aad loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo haatan ahaa wasiirka dhalinyada iyo ciyaaraha K/ Galbeed.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Maxamed Cabdiraxiin ayaa haatan ku maqan dalka dibaddiisa, wuxuuna xilka hayey muddo kooban.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday guddoomiyihii hore, waxaase wareegtada lagu sheegay inay muhiimaddu tahay dardargelinta howlaha maamulka.

Isbeddalka lagu sameeyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa marar badan soo noq-noqday, waxaana muddo sanad ka yar isku illaa beddalay saddex guddoomiye oo kala ah Najax, Siidii iyo Maxamed Cabdiraxiin Nuur oo haatan xilka laga qaaday.

Shabeelaha Hoose oo ah gobol ballaaran, islamarkaana caan ku ah wax soo saarka beeraha ayaa la ciir ciiraya dhibaatooyin isbiirsaday, waxaana ugu daran howlgallada  Al-Shabaab.

Soomaaliya oo taageertay dhinac ka mid ah dagaalka Ruushka iyo Ukraine

New York (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid noqday 141 waddan oo ka tirsan dunida oo u codeeyey qaraar cambaaraynaya duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Cod-bixinta ayaa maanta dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxaa ka mid ah Mareykanka, dalalka ku bahoobay ururka Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.

Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus. Sidoo kale waxaa ka aamusaya 35 waddan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaas, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayaxan ee veto saartay qaraar kan lamid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa socda mudo hal todobaad ah, welina Ruushku ma gaarin hadafkiisa ah inuu afgembiyo dowladda Ukraine, bayaan ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka waxaa lagu soo bandhigay tirada askarta looga dilay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ka socda Ukraine.

498 oo askari, ayey Moscow shaacisay in dagaalka looga dilay, halka 1,597 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale warka soo baxay Ruushka waxaa lagu sheegay in Ukraine dagaalka looga 2,870 qof oo isugu jira ciidanka iyo shacabka reer Ukraine, sidoo kalena la dhaawacay 3,700 oo qof oo kale.

Ruushka oo qirtay khasaare aad u culus – Imisa boqol ayaa looga dilay UKRAINE?

Moscow (Caasimada Online)- Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Ruushka ayaa soo saartay warbixin ay ku shaacisay tirada ciidanka looga dilay dagaalka halka todobaad ka socda wadanka Ukraine.

Bayaanka wasaaradda waxaa lagu sheegay in ciidanka Ruushka dagaalka looga dilay 498 oo askari, halka 1,597 kalena ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ay qiratay dowladda Ruushka waxuu ciidankeeda gaaray tan iyo Khimiistii lasoo dhaafay markii uu gudaha Ukraine ka bilaawday duulaanka Moscow.

Wakaaladda wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganeysa wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa baahisay in ciidamada Ruushka ay dagaalka ku dileen 2,870 qof oo isugu jira ciidanka iyo shacabka reer Ukraine, sidoo kalena la dhaawacay 3,700 oo qof oo kale.

Ma jiro wax war ah oo dowladda la weeraray ee Ukraine ay ka soo saartay khasaaraha rasmiga ah ee shacabka iyo ciidankeeda ka soo gaaray dagaalka todobada maalmood ay kula jireen ciidanka Ruushka.

Arbacadii maanta dadka reer Ukraine ayaa warbaahinta u sheegay inay ku dagaallamayaan dekedda Kherson, oo ku taalla magaaladii ugu horreysay uguna weyn ee Ruushku sheegtay inuu qabsaday, waxaana la soo sheegayaa in Moscow aysan weli si buuxda ugu suurta gelin qabsashada magaaladaas.

Adeega deg-degga ah ee Ukraine, waxuu maanta shaaciyey in ciidamada Ruushka ay dileen in ka badan 2,000 oo rayid ah, isla markaana la burburiyay isbitaallo, xarumo dadweyne iyo guryo, todobaad kadibna weli Moscow kuma guuleysan inay gaarto hadafkeeda ah inay afgembiso dowladda Ukraine.

In ka badan 870,000 oo qof ayaa la sheegay inay ka gudbeen xuduudaha Ukraine, iyagoo u cararaya dalalka deriska ah, Ruushka ayaa wajahaya cunaqabatayn caalami ah oo gilgishay dhaqaalaha dalkiisa, taas oo uu ku muteystay duullaanka Ukraine.

Guddiga loo xil-saaray qiimeynta Garbahaarey oo war soo saaray (Daawo)

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarey ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha guddigaas Cumar Maxamed Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha socdaalkooda Kismaayo, isagoo xusay in Garbahaarey ay u sii gudbi doonaan.

“Wafdigaan hordhac waaye, waxaa imaanaya xubno kale oo aan sugeyno, waxaan la kulmi doonaa madaxweynaha Jubaland iyo dadka kale ee daneeya doorashada Garabahaarey ee ku sugna Kismaayo,” ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle.

Waxa uu sheegay in waajibaadka loo igmaday ee ku aadan qiimeynta in doorasho ka dhici karto Garbahaarey uu ku kooban yahay seddax qodob oo kala ah, qiimeynta xaaladda amni, agabka lagu qabanayo doorashada iyo xog uruurin lagu sameynayo aragtiyaha kala duwan ee dadka deegaan doorashadaas.

“Markii aan howshaas soo dhameyno ayaan dadka Soomaaliyeed u soo gudbi doonaa warbixin dhameystiran, inta ka horeysa ma jireyso in meeshii aan tagnaba waxaan kala kulano aan idinla soo wadaagno, markii aan soo saarno warbixintaas, waxaan kula noqa doonaa madaxdii noo xil-saartay baaritaankaan,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in markii ay ka soo dhamaadaan kulamada ay la yeelanayaan Axmed Madoobe iyo xubnaha kale ee ku sugan Kismaayo ay u gudbi doonaan Garbahaarey.

“Waxaan noo qorsheysan in halkaas aan kula kulano masuuliyiinta joogta, waxaan sameyn doonaa xog u uruurin la xariirta aragtiyaha kala duwan ee dadka deegaanka jooga ay ka qabaan doorashada, sidoo kale qiimeyn amniga iyo agabka doorashada ayaan sameyn doonaa,” ayuu yiri Cumar Maxamed Cabdulle guddoomiyaha guddiga loo xil-saaray soo qiimeynta Garbahaarey.

Hoos ka daawo.

https://youtu.be/HbauXvlkHHQ?t=255

Xog: Villa Somalia oo Cali Guudlaawe u dhigtay shirqool uu ku lumin karo sumcadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan inuusan liiska musharaxiinta xildhibaan kusoo darin xildhibaan Aamin Maxamed Cabdi.

Kursiga HOP#135 oo ay ku fadhiso Aamina, loona yaqaan Kursiga Cadaaladda ayaa ka mid ahaa 11 kursi oo guddiga doorashada HirShabelle ay maanta shaaciyeen, kuwaasi oo lagu dooran doono magaalada Beledweyne.

Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa jirta cabsi xooggan oo ku aadan in xildhibaan Aamina ay kursigaas weyn doonto, ayada oo Villa Somalia ay ka go’an tahay inaysan dib usoo laaban.

Dagaalka madaxtooyada ee ka dhanka ah Aamina ayaa ka dhashay cadowtooyo ay xildhibaanadda ugu qaadeen sida ay dagaalka ugu gashay inay caddaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar ka tirsaneyn hay’adda NISA oo la la’yahay muddo 8 bilood, taasi oo dilkeeda lagu eedeeyey saraakiil ka tirsan hay’adda.

Xildhibaan Aamin, oo Ikraan Tahliil ku matasha baarlamanka, kana soo jeeda beesha Gaaljecel, ayaa muddadii aadka loo hadal hayey kiiskan ay aheyd isha kaliya ee xogta siisa shacabka iyo warbaahinta aadna u garab taagneyd qoyska Ikraan.

Waxay sidoo kale si aad ah u dhaliili jirtay madaxtooyada iyo hay’adda NISA, oo ay ku eedeysay inay Ikraan ku maqan tahay gacantooda.

Sida aan ogaanay, Villa Somalia ayaa kurisgan u rabta Cumar Faaruuq Cusmaan, oo ah xoghayaha ururka NUSOJ ee suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Si kastaba, beesha Gaaljecel ayaa la rumeysan yahay inay 100% garab taagan tahay xildhibaan Aamina, inkasta aan la ogeyn haddii taasi ay Cali Guudlaawe ka hor-istaagi doonto inuu u hoggaansamo rabitaanka Villa Somalia.

Xildhibaano, aqoonyahano iyo siyaasiin badan ayaa ka digay in Cali Guudlaawe uu sumcaddiisa ku dhaawici karo haddii aanu liiska kusoo darin xildhibaan Aamina, oo taageero badan ka haysata shacabka Soomaaliyeed iyo beesheeda.

“Guudlaawe wuxuu wajahayaa tijaabo la marinayo shakhsiyaddiisa iyo hoggaannimadiisa, ceeb weyn ayuu la kulmi doonaa haddii uu Villa Somalia ka aqbalo in la tuuro xildhibaan Aamina,” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.

“Xildhibaan Aamin ma haysato taageerada beesheeda kaliya, balse waxaa raacsan shacabka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu yiri.

“Guudlaawe wuxuu sidoo kale qeyb ka noqon doonaa caddaalad darrada lagu sameeyey qoyska Ikraan, haddii uu isugu daro in gabadhooda la dilay, sidoo kalena la tuuro xildhibaankii garabka u aheyd.”

Su’aashu waxay tahay, Guudlaawe ma ku sarafin doonaa sumcaddiisa raali ahaanshaha Villa Somalia?