26.7 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Nuur Daalacay oo fasiraad ka bixiyay hadal si weyn uga careysiiyay Soomaalida

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Fanaanka Nuur Jaamac Aadan oo loo yaqaano (Nuur Daalacay) ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey si faah-faahsan ugu fasiray hadal dood xoogan ka dhalatay, kana careysiiyay Soomaali badan oo dhawaan uu mariyay warbaahinta.

Nuur Daalacay ayaa wareysi uu horey u bixiyay ku sheegay in Somaliland aysan laheyn cadow aan aheyn Soomaaliya.

“Somaliland cadow aan Soomaaliya aheyn ma laha runta in lag weecdo ma aha. Cadowga Somaliland waa Soomaaliya. Cidda horumarkeeda hor taagan Somaliland ee ka naxeysa waa Soomaaliya, haddii awood leeyihiina way kusoo duuli lahaayeen,” ayuu ku yiri wareysigaas.

Haddaba, Nuur Daalacay oo hadalkii hore daba socda ayaa sheegay in uusan uga jeedin shacabka Soomaaliya, kaliya hadalkiisi hore uu ku aadana dowladda federaalka iyo madaxdeeda.

“Waxaa saxaya inyar oo ku saabsan halka aan ka hadlayay “Soomaaliya waa cadowga Somaliland” anigu waxa u jeeday dowladda Soomaaliya dad ayaa qalad fahmay marnaba uma jeedi Shacabka Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku jira dad badan oo xariir ah oo Somaliland jecel, waxaa ku jirta xaaskayga, sodohday, sodogey iyo asxaab badan oo aad u fara badan oo halkaas ku leeyahay, markaa arrinta sidaa ha loo fahmo dowladda u jeeday.”

Hadalkii hore ee Nuur Daalacay ayaa waxaa si weyn u falan-qeeyey dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood ay Fanaanka ka dalbadeen in uu raali-gelin ka bixiyo arrinkaas.

“BK oo ka caansan oo ah Fanaan loo istaago baa Soomaaliya markii uu u gefay raali-gelin bixiyey, Kadib markuu isagu isla yabay heesahiisana “iga dami cunsuriga” la lahaa marka odayga aroos yada kaliya ka heesa waxba uma arkaan heestiisa anigu ma arag oo Nuuree,” ayey tiri gabar ku soo gashay Facebook-ga magaca Hoodo Xayinimo.

Wiil kale oo lagu magacaabo Axmed Cabdirashiid ayaa yiri “War waxaasi waa sheeko ma jiro qof Soomaali ah oo qof kale oo Soomaali ah horumarkiisa ka xun,”.

Sidoo kale qof kamid ah dadkii xiligaas ka fal-celiyay ayaa wuxuu yiri “Fanaan maxa siyaasaad galiyay yaab waxaas oo miiran ayaa waxaa la leeyahay wa Fannaan, haddana mana kala garnayo cadow iyo sokeeye”.

Ruushka oo horumar weyn ka sameeyey dagaalka Ukraine – Maxaa dhacay maanta?

Kharkiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka oo laga soo daadiyey diyaarado ayaa maanta oo Arbaco ah cago dhigtay magaalada ku taalla bariga Ukraine ee Kharkiv, waxaa sidaas sheegay ciidamada Ukraine, oo intaas ku daray inuu jiray isku dhac deg deg ah.

“Ciidamada diyaaradaha lagu sido ee Ruushka ayaa soo cago dhigtay Kharkiv… waxayna weerareen isbitaal ku yaalla magaalada,” ayey ciidamada Ukraine ku yiraahdeen bayaan ay soo dhigeen Telegram.

“Waxaa socda dagaal u dhaxeeya ciidamada duulaanka ah iyo kuwa Ukraine.”

Kharkin, oo dadka degan ay inta badan ku hadlaan luuqadda Ruushka kuna dhow xuduudda Ruushka, ayaa waxaa ku nool 1.4 milyan oo qof.

Waxay bartilamameed u aheyd ciidamada Ruushka tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin uu billaabay duulaanka Ukraine Khamiistii tagtay, kaasi oo xoogeystay Talaadadii.

Sida uu sheegay Anton Gerashchenko, oo la-taliye u ah wasiirka arrimaha gudaha Ukraine, dab ayaa maanta ka kacaya iskuul lagu barto duulimaadka oo magaalada ku yaalla kadib markii la duqeeyey.

“Ma jirto meel ka mid ah Kharkiv oo aaney duqeymaha haleelin,” ayuu ku yiri bayaan lagu daabacay Telegram.

Dhinaca kale, magaalada Kherson oo ku teedan badda Madow, ciiamada Ruushka ayaa xalay qabsaday saldhigga laga raaco tareenada iyo deked, sida uu sheegay duqa magaalada Igor Kolykhayev oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha.

Sidoo kale Mariupol, oo ah magaalo deked leh oo ku teedsan Badda Azov, in ka badan 100 qof ayaa Talaadadii lagu dhaawacay duqeymaha Ruushka, sida uu sheegay duqa magaalada Vadym Boychenko oo ay soo xigatay warbaahinta Ukraine.

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca Ukraine ayaa xalay sheegtay inay ka cabsi qabto weerar uga yimaada dalka Belarus.

“Ciidamada Belarus waxaa la geliyey heegan culus, waxayna xoogga soo saareen goobo ku dhow xuduuda Ukraine,” ayey wasaaradda ku tiri bayaan ay soo dhigtay facebook.

Dagaalka ayaa maanta galay maalintii toddobaad, mana muuqdaan wax astaamo ah oo muujinaya inuu joogsanayo inkasta oo wareeg labaad oo wada-hadallo ah ay u ballansan yihiin saraakiisha Ukraine iyo Ruushka.

AFP + VOA

Wararkii ugu dambeeyay doorashada golaha shacabka ee lagu qabanayo Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa qorshuhu yaahy in 5-ta iyo 6-da bishaan Maarso lagu qabto magaaladaas.

Guddiga SEIT ee Puntland ayaa goor sii horeysay shaaciyay duubabka dhaqaka iyo wakiilada bulshada rayidka ee soo xulaya Ergada dooraneysa 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Boosaaso.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in Odayaashaan iyo xubnaha metalaya Bulshada Rayidka ay iska kaashanayaan soo gudbinta Ergada beelaha leh kuraasta doorashadooda lagu qabanayo Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa kala ah; HOP#220, HOP#169, HOP#076, HOP#149, HOP#157, HOP#142, HOP#227, HOP#190, HOP#228, HOP#234, HOP#273, HOP#083, HOP#222, HOP#036, HOP#027 iyo HOP#158.

Waxaa magaalada Boosaaso ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada kuraastaas, ayada oo maanta ay halkaas kormeer ku tageen xubno ka tirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer Federaal ee FEIT.

Xubnaha ka socday guddiga FEIT oo uu horkacayay Afhayeen Axmed Safiina ayaa warbixin la xiriirta goobta doorashada loo qorsheeyay ka dhageystay Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Puntland.

Goobta lagu qabanayo doorashada ayaa ah Teendho ku taalla garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana ammaankeeda lagu wareejiyay Ciidan gaar ah oo Booliis ah, kuwaas oo loo tababaray ilaalinta nabad-galyada maalmaha doorashada iyo howlaha hoostaga.

Si kastaba, Guddiga SEIT ee Puntland ayaa maanta qaban doona araajida iyo Diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, ayada oo shahaadooyinka la siin doono musharaxiinta soo buuxiyay shuruudaha maalin ka hor bilowga doorashada.

Gudoomiyaha gobolka Gedo oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday R/W ROOBLE

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda Gedo iyo tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha dalka oo guddi u xil-saaray doorashada gobolkaasi.

Axmed Buulle ayaa ka horyimid guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble ee loo saaray inay ka soo tala bixiyaan in doorasho ay ka dhici karto magaalada Garbahaarey. Guddoomiyaha ayaana ku dooday in doorashadu leedahay sadex guddi oo wada shaqeeya.

“Doorashada saddex guddi ayey leedahay sida sharciga ah waa Duddiga Doorashada ee Heer Federaal, waa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Heer State sidexdaas waayey guddiyada doorashooyinka,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id guddoomiyaha Gedo.

Gareed ayaa sidoo kale su’aal ka keenay doorka guddoomiyaha gudiga oo loo magacaabay Abuukaate Cumar Dhagey, maadaama uusan qayb ka aheyn guddiyada doorashooyinka.

“Waxaad noo soo dirtay ra’iisul wasaare saddexdaas qof aan aheyn ninka la yiraahdo Abuukaate Cumar Dhagey illaa iyo hadda meel uu ka socdo iyo howl uu qabanayo iyo door uu ku leeyahay doorashada ma garaneyno mana na naqaano,” ayuu raaciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Reer loo diray Cumar Dhagey meeshaas meel ay wax kasoo baxayaan ma aha. Cumar Dhagey dadka reer Gedo waa nin aad u neceb,”.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad darro kasta oo timaada doorashada Garbahaarey inuu qaadayo ra’iisul wasaaraha dalka.

Gedo ayaa waxaa ka taagan murano xoogan oo hareeyey kuraasta taalla Garbahaarey, kadib markii ay Jubbaland ku dhowaadqay in aysan doorasho ka dhici karin halkaasi.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-

Xog: Shirkadda Coastal oo shaacisay arrin ay Rooble iyo Farmaajo qariyeen oo ku saabsan heshiiska shidaalka

Houston (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ay labaduba ogaayeen, isla markaana taageero weyn oo joogta ah siinayeen heshiiska qeybiga Batroolka ee  ay wada saxiideen mas’uuliyiinta shirkadda Coastal Exploration iyo wasiirka Batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Axmed, waa sidaasi sheegay ilo ka tirsan shirkadda fadhigeedu yahay Mareykanka.

Ishan oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa intaa ku dartay in la yaabeen isbadalka dhacay iyo hadallada Rooble iyo Farmaajo. Si ka duwan warkii ra’isul wasaare Rooble ee ahaa in heshiiska aanu buuxin shuruuradaha, waxaa ay ishani oo ka gaabsatay in magaceeda la xuso ayaa sheegtay in heshiiska uu  u dhameystirnaa dhammaan habraacyadii sharciga, ayna soo bandhigi doonaan waqtigeeda.

Coastal Exploration waxaa ay sheegayaan in lama filaan ku noqotay, jahowareer u arkaan hadallada ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, oo labadaba ku qanacsanaa heshiiska iyo habraacyadiisa.

Inkasta oo qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble lagu sheegay inuu sharci-darro yahay heshiiska uu saxiixay wasiirka Batroolka halka Farmaajana uu sheegayba inuu heshiiska ka hor imaanayo Dekreeto uu heshiisyada ku joojiyey xilliga doorashada, soona saaray  7/8/2021, hadana waxaa muuqato in ay ku lug lahaayeen heshiiskan, Cabdirashiid waxaa uu xusayba  inuu taageero ka heystay Farmaajo.

Coastline Exploration, dhankeeda waxaa ay sheegeysaa in warqadahooda ay sharci yihiin, madaxda labaduna ogaayeen, iyaga oo intaa raaciyey in ka war sugayaan baarista xeer ilaaliyaha guud Suleymaan Maxamuud.

Wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in sababta ay Rooble iyo Farmaajo isaga fogeeyeen heshiiska ay tahay inuu kahor imaanayo nidaamkii deyn cafinta, laakin waxaa uu Mukhtaar ku dooday in tallaaban ay dalkeena ka dhigeyso dalaal aan lagu kalsoonaan karin, keeni kartana in shirkadihii maalgeshan lahaa ay ka aamin baxaan.

Waxa uu intaa raaciyey in shirkadda Coastline Exploration ay hadda u furan tahay iney (1) Sugaan xukuukamadda soo socota ama (2). In ay warqadaha iyo saxiixa ula dacwo tagaan maxkamado caalami ah.

Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ka kooban mas’uuliyiin Soomaali ah, iyo IMF, Bankiga Adduunka iyo deeq-bixiyeyaasha kale ayaa warbixintooda 2021 uga digay in la galo heshiis shidaal ka hor inta aan la dhameystirin qaab-dhismeedka sharci ee loo baahan yahay.

Gaar ahaan, dowladda federaalka ah waxay sheegtay in abaal-marinta PSA-yadu ay timaaddo ka dib marka la ansixiyo Hindise-sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga Warshadaha kaas oo xukuma shuruudaha maaliyadeed ee PSA iyo nidaamka canshuuraha ee lagu dabaqi karo, sharciga ayaa horyaalla golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah.

Muxuu Goodax Bare ka yiri doorashada Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo haatana ah musharrax markale u tartamaya Golaha Shacabka ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa Beeldweyne, isaga oo ku sugan magaaladaasi.

Goodax Barre oo u sharraxan kursiga tirsigiisu yahay hop#063 ayaa si guud u dhaliilay hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka.

Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa shaaca ka qaaday in doorasho wax la yiraahdo aysan ka socon dalka, balse ay tahay waxa socda xulasho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in markii hore uu ku talagalka ahaa in la qabto doorasho xalaal ah oo ay si sax ah uga qayb-galayaan ergooyinka, balse aysan dhicin.

“Doorashadan waddanka ka dhaceysa dhammaantiin waad la socotaan wax doorasho la yiraahdo oo qurux doorasho leh kama muuqato. Ku talagalku wuxuu ahaa doorasho xalaal ah oo ergooyinka soo doortaan,” ayuu yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyey “Anigu waxaan iraahdaa doorasho maahinee waa xulitaan ee xulitaan kaliyane maahinee waxaa la socdo xaraash,”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday doorashada ka dhaceysa degmada Beledweyne ee uu isaga u tartamayo, wuxuuna tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin inay tusaale u noqdaan waddanka intiisa kale, ayna beeshu gacanteeda ku soo xulato xildhibaanada metalaya.

“Annaga waxaan rajeyneynaa inaan tusaalo u noqono waddanka intiisa kale oo dadka aan rabno mas’uulka inay naga noqdaan ee nagu metalaan 275 ee baarlamaanka inaan gacanteena ku xulano,” ayuu markale yiri siyaasiga caanka ah Cabdullaahi Goodax Barre.

Si kastaba, Cabdullaahi Goodax Barre oo marar kala duwan si adag uga hadlay arrinta Beledweyne, kana horyimid ciidamadii la geeyey magaaladaas ayaa hadda wajahaya loolan xoogan oo ku aadan kursiga uu u tartamayo, kaas oo maanta la shaaciyey jadwalkiisa.

Maxaa kasoo baxay wada-hadalladii Deni iyo Diyaano?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya inay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wada-hadalladii u dhexeeyey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, kuwaas oo kulan foolka fool ah la’isugu keenay.

Wadahadalladan oo shalay soo billowday, soona socday llaa xalay ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Isimada Puntland oo ku guuleystay inay kulansiiyaan labada dhinac oo horey ugu dagaalamay magaalada Boosaaso.

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow kulankaas Deni ayaa dalbaday in marka hore uu Diyaano aqbalo go’aankii maamulka iyo xilka qaadistii lagu sameeyey, kadibna laga wada-hadalo khilaafka taagan iyo tabashada jirta.

Dhankiisa agaasimaha xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa ku gacan-seeray dalabka Saciid Deni, wuxuuna soo jeediyey in marka hore la dhaqan-geliyo qodobadii ay soo saareen Isimada Puntland.

Horay Isimada ayaa ku taliyey in Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Agaasimaha PSF, kadibna la heshiisiiyo isaga iyo Madaxweynaha, taas oo uu ka biyo diiday Deni.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan lagu ballamay in wada-hadalladu ay sii socdaan, isla-markaana la’isku soo noqdo markale, si loo sii wado dadaallada soconaya.

Si kastaba, labada dhinac ayaan wax wadahadal iyo tanaasul ah sameyn tan iyo markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni xilka ka qaaday taliyihii ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.

BIDEN oo mar kale farriin culus u diray Vladimir Putin

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu dusha u ridan doono mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanka iyo gaashaanbuurta Nato ay muujiyeen taageerada ay u hayaan reer Ukraine.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in lala xisaabtamo wax uu ugu yeeray kuwa kalitaliska ah oo uu tilmaamay inay horseedayaan dhibaato weyn.

 “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn ayay horseedeyaan” ayuu yiri madaxweynaha waddanka Mareykanka.

Biden oo hadallo kul kulul ku canaantay Putin ayaa sidoo kale xusay in weerarka uu Ruushka ku qaaday Ukraine uu yahay mid aan laga fiirsan.

“Putin wuu nagu khaldamay, diyaar baan nahay,” ayuu khudbad sanadleh ah oo uu jeeiyey madaxweyne Joe Biden.

Xaaladda Ukraine ayaa weli qasan, wuxuuna dagaalku galay maalintiisii todobaad, iyada oo duqeymihii u dambeeyey ay ku dhinteen 21 qof, kuna dhaawacmeen 112 qof oo kale.

HirShabelle oo shaacisay jadwalka doorashada 11 kursi

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa shaaciyey jadwalka doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taalla magaalada Beledweyne oo ah degaan doorashada labaad maamulka HirShabelle.

Kuraastan oo ay qaarkood ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn leh ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#004, Hop#010, Hop#011, Hop#019, Hop#030, Hop#039, Hop#058, Hop#059, Hop#063, Hop#066 iyo Hop#135.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada 11-kan kursi la qaban doono 8 iyo 9 ka bishan aynu ku jirno March ee sanadka 2022-ka.

Yaa ku fadhiya?

1- Hop#004 waxaa ku fadhiya Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).
2- Hop#010 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Maxamed Axmed (Jindi).
3- Hop#011 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirkii hore ee amniga.
4- Hop#019 waxaa ku fadhisa Farxiyo Muumin Cali.
5- Hop#030 waxaa ku fadhiya Daahir Amiin Jeesoow.
6- Hop#039 waxaa ku fadhisa Drs Maryan Axmed Haaruun.
7- Hop#058 waxaa ku fadhiya Nuur Iidow Beeyle.
8- Hop#059 waxaa ku fadhiya Samiiro Xasan Cabdulle.
9- Hop#063 waxaa ku fadhiya C/laahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada.
10- Hop#066 waxaa ku fadhiya Cumar Cismaan Waasuge.
11- Hop#135 waxaa ku fadhisa Aamino Maxamed Cabdi.

Mowqif noocee ah ayey DF ka qaadan kartaaa kiiska Ruushka iyo Ukraine?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 24 February 2022, Ruushka ayaa duulaan dhan walba ah waxaa uu ku qaaday Ukraine, weerarkan uu doonayo inuu guud ahaan kula wareego dalkaasi ayaa lagu sheegay midkii ugu cuslaa tan iyo dagaalkii 2-aad ee adduunka.

Dalalka Mareykanka iyo Yurub ayaa kasoo horjeestay gardarrada Ruushka uu ku burburinayo dal kale oo madaxbannaan iyaga oo cunaqabeyn saaray Moskow, waxaana la rabaa in arrinta la geeyo jimciyadda qaramada midoobey si dunida oo dhan ay meel uga soo wada jeesato.

Haddaba, Su’aasha ay Soomaalida is waydiinayaan ayaa ah: Maxuu noqon karaa mowqifka Soomaaliya, haddii arrintan Ruushka iyo Ukraine la keeno jimciyadda qaramada midoobey,  waxaa ay hordhigtay aqoonyahanno ku takhasusay sharciga, xiriirka caalamiga iyo diblomaasiyadda.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo PhD ka heysta xiriirka caalamiga ah, oo aan wax ka weydiinay mowqifka ay tahay iney Soomaaliya ka qaadato haddii arrinta Ruushka iyo Ukraine  la keeno jimciyadda UN-ka waxaa uu leeyahay Soomaaliya waa iney cambaareyso Moskow isaga oo intaasi raaciyey

“Soomaaliya waa in ay si adag u diido duulaanka qaawan ee Ruushku ku soo qaaday Dalka Ukraine, sababta oo ah Dalka Ruushku wuxuu si cad u jebiyay dastuurka qaramada midoobey Qodobkiisa: Chapter 1, Article 4 oo u qoran “Dalalka xubnaha ah waa iney ka reebtoomaan xiriirkooda caalamiga ah iney isku adeegsadaan cagajugleyn adeegsi awood, taas oo khatar galneysa badqabka dunida, khatarna ku ah madaxbannaani dal oo ah waddo kale oo ka hor imaaneysa hadafka loo aasaasay qaramada Qaramada Midoobey” ayuu yiri.

Abuukaate Cabdiwaaxid oo isna ah falanqeeya xagga siyaasadda oo arrinta mowqifka Soomaaliya ay qaadan karto aan wax ka weydiinay waxaa uu ku jawaabay “ Xaaladda aan ku sugannahay noo saamixi mayso in sida reer galbeedku raba si ka duwan aynu u codeyno. Caloosheena ayey ku jiraan. Codkeenuna dhana wax tar uma ah”.

Avv. Yuusuf Cabdi Faarax oo arrintan aan isna ka wareysanay ayaa waxaa uu ku jawaabay “Arrinta ay isku heystaan Ruushka iyo Ukraine waa mid amni, markii uu Ruushka la heshiiyey Cuba oo gantaallada ridada dheer la dhigay xadka Cuba, Mareykanka waa uu qeyliyey, caalamka oo dhan ayaa u hiiliyey, gantaaladii meesha waa laga qaaday, kiiskan waa midkaas oo kale, oo Ruushka waxaa uu diidanyahay in Ukraine ay ku biirto NATO, oo uu ku arko xadkiisa oo gantaalo yaalaan, marka amnigiisa ayuu fiiriyey”.

Marka uu ka hadlay Avv. Yuusuf Cabdi Faarax  mowqifka laga filan karo Soomaaliya waxaa uu yiri “Arrinta labadaas dal waxaa la geeyey golaha ammaanka ee UN-ka, Ruushka waxaa uu saaray codka qayaxan halka India iyo Imaaraadka ka aamuseen, marka hadii kiiska la keeno jimciyadda Qaramada Midoobey waa iney Soomaaliya isaga aamusto ugu yaraan, oo ay qaadato mowqif dhexdhexaad ah, waayo dhibaatadaas waa mid u taala dalalka waaweyn, taageerada wax maslaxad oo noogu jira ma leh, haddii aan Ruushka taageerno caalamka reer galbeedka oo dhan ayaa naga xumaanayo, waa falcelin xun, waxaa nahay dal ciidamo ajnabi joogaan, oo taageero ka hela reer galbeedka, sabab aan Ukraine u taageernana leh”.

Dagaalka Ukraine oo galay maalintii toddobaad iyo wararkii ugu dambeeyey

Kyiv (Caasimada Online) – Ruushka ayaa sii wada duulaankiisa ka dhanka ah Dowladda Ukraine, iyadoona maalintii toddobaad uu guluf ballaaran ka wado dalkaasi.

Ruushka ayaa sidoo kale sii wada weerarkiisa uu ku doonayo in uu kula wareego Magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv, oo saacadihii ugu dambeysay uu duqaymo xoog lihi ka fuliyay, xilli ciidamadiisa dhulka ay ku sii siqayan Caasimadda Kyiv.

Saraakiisha Ciidamada Ukraine waxay sheegeen in Ruushka uu dib u soo cusbooneysiiyay weerarka uu ku hayo magaalo madaxda dalkaasi ee Kyiv. Kyiv ayaa xudun u ah duulaanka Moscow ee dalkaasi.

Sidoo kale jug waaweyn ayaa xalay laga maqlay magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv, waana xilli shalay ay diyaaradaha dagaalka Ruushku ka gaysteen duqayn ay dad rayid ahi ku dhinteen.

Militariga Ruushka ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta Magaalada Koonfurta Ukraine ku taala ee Kherson, ka dib dagaal adag oo ay la galeen xoogaga wax iska caabinta.

Ukraine ayaa Ruushka ku eedeysay inay ciidamadiisu hareereeyeen goobaha rayidka, iyagoo markaasi u diidaya inay helaan adeegyada aasaasiga, si Ruushku uu dadku ugu ciqaabo, dagaalkuna uusan ugu sii daba dheeraan.

Xaaladda dalka Ukraine ayaa u muuqato mid faraha ka sii baxeysa, duulaanka Ruushkuna ay dadku arkayaan inuu sii socon doono.

Tan iyo intii uu dagaalku ka bilowday dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay dhowr boqol oo qof, oo dad rayid ahi ay ku jiraan, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Sarkaal hub, gaadiid iyo ciidan kala goostay Ahlu-Sunna oo gaaray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sarkaal firfircoon oo ka tirsanaa ciidanka Ahlu-Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ayaa maanta iska dhiibay magaalada Dhuusamareeb. Isagoo ka goostay kooxda Ahlu-Sunna.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Sayed-Cali Cabdi Xaashi ayaa hub, ciidan iyo hal gaari oo nooca raaxada ah kala soo goostay Ahlu-Sunna.

Waxuu isku dhiibay ciidanka booliska Soomaaliya ee Dhuusamareeb ka howlgala, sidoo kale waxaa naloo xaqiijiyey in horay uu uga tirsanaa booliska Soomaaliya.

Sayed-Cali ayaa ka mid ahaa saraakiishii wax ka aas-aastay ciidanka Ahlu-Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, kuwaas oo Galmudug iyo ciidamo ka socday dowladda dhexe dagaal qaraar kula galay degmada Guriceel.

Ninkaan oo ku jira saraakiisha darajada hoose ayaa la sheegay in saacadaha soo socda lala kulansiinayo madaxda sare ee Galmudug, si loogu dhiira-geliyo go’aanka uu qaatay.

Horay kooxda Ahlu-Sunna waxaa uga goostay saraakiil iyo ciidan dhiira-gelin ka helay madaxda Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne Qoor Qoor oo dhab uu ka yahay dagaalka uu kula jiro Ahlu-Sunna.

Kooxda Ahlu-Sunna ayaa abaabul ciidan oo aan kala joogsi laheyn ka wada deegaanada dhaca waqooyi-galbeed magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah Galmudug, ilaa hadana ma jirto cid si dhab ah u og qorshaha ama hadafka rasmiga ah ee kooxdaas.

Sawirro: Guddiga loo xil-saaray qiimeynta Garbahaarey oo qaaday tallaabadii u horeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan xaalada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa guda-galay shaqadiisa, sida lagu shaaciyey qoraal uu baahiyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha Guddigaas loo xil-saaray soo qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Cumar Maxamed Cabdulle ayaa galabta la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Madasha Wadahadalka Soomaaliyeed (Somali Dailogue Plattform).

Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan guddigaas ayaa madashaas u gudbiyey qorshe howleedka guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble. Guddoomiyaha oo Madasha faahfaahin dheer ka siiyay qorshe howleedka guddigiisa ayaa ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta howshaan qiimeynta ah.

Magaalada Garbahaarey ayaa shaki xoog leh la geliyey in lagu qaban karo doorashada kuraasta taalla, waxaana guddiga uu u xilsaaray Rooble laga doonayaa in ugu dambeyn 5-ta bishaan ay Garbahaarey ka keenaan warbixin dhameystiran.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu balamay in la soo gaba-gabeeyo 15-ka bishaan, waxuuna culeyska ugu weyn ka taagan yahay Garbahaarey oo 16 kursi ay taallo.

Jubbaland waxay si cad u sheegtay in Garbahaarey aan doorasho lagu qaba Karin, maadaama aysan ku jirin gacanta maamulkaas oo ay joogaan ciidamo toos u hoos taga madaxweynihii hore Farmaajo.

Wadahadalkii ugu horeeyey oo Boosaaso uga socda Deni iyo Maxamuud Diyaano

0

Boosaaso (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa markii ugu horeysay caawa ku kulansan magaalada Boosaaso, tan iyo markii uu qarxay khilaafkooda.

Wadahadalkii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen labada masuul ayaa goordhaw ka furmay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, waxaana kulankaas goobjoog ah Isimada Puntland oo horay ugu howlanaa dadaalladii nabadeed ee lagu xalinayay dagaalladii ka dhacay Boosaaso.

Labada dhinac ayaan wax wadahadal iyo tanaasul ah sameyn tan iyo markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni xilka ka qaaday taliyihii ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.

Jeneraal Diyaano ayaa diiday inuu aqbalo xilka ka qaadistii Saciid Deni, taasi oo keentay dagaal culus oo lagu kala adkaa waayey uu ka dhaco magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyay ciidamada PSF-ta oo diidanaa xilka qaadista Taliyahooda iyo kuwo Puntland ee ka amar qaata Madaxweynaha.

Isimadda gobolka Bari oo horay go’aamo uga soo saaray khilaafka sababay gacan ka hadalka ee labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay wadahadal la furay Madaxweyne Deni.

Hadda Isimadu waxay ku guuleysteen inay si ka fool ka fool ah isu soo hor-fariisiyaan Madaxweyne Deni iyo Jeneraal Maxamuud Diyaano, si loo wadahadashiiyo.

Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa hadda ka socda kulankii ugu horreeyey ee madaxweynaha iyo taliyiha uu xilka ka qaaday, waxaana la ogeyn waxa rasmiga ah ee labada dhinac ay ka wadahadlayaan.

Odayaasha dadaalladan garwadeenka ka ah ayaa dadaal xoog leh ku bixinaya in khilaafkaan lasoo afjaro, kulanka ayaa ah mid albaabadu u xiran yihiin oo saxaafadu ay dibad-joog ka tahay.

KARAASH oo shir muhiim u ah amniga Puntland ka furay Garoowe iyo heshiis….

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Ggoboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay shirka nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex-martay deegaanka Saax-meygaag.

Shirkaan oo ahaa wejiga labaad ee beelaha u furmay ayaa waxaa lagu gaara is-afgarad, ayada oo lagu saxiixay ogolaanshaha guddiga dhexdhexaadinta oo isla maanta madashaas lagu dhaariyay.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay shirka wajigiisa labaad galay ee lagu soo afjarayo colaada beelahaas, oo qeyb muhiim ka ciyaaraysa dagaanashaha maamulka.

Sidoo kale waxa uu garab istaag u muujiyay Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan ee arintan ku hawlan, islamarkaana ay ka maamul ahaan juhdi gelinayaan sidii nabad waarta loo heli lahaa.

“Waxaanu diyaar u nahay inaan Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan kala shaqayno wadiiqo kasta oo lagu gaarayo nabada iyo xasiloonida deegaanka. Guddiyada beelaha ka socda waxaan kula dar-daarmayaa inay masuuliyad weyn iska saaraan hawsha loo ig maday, waxkastana ay ka eegaan dhinaca nabada iyo horumarka,” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddiyada labada dhinac kula dar-daarmay inay masuuliyad iska saaran nabadaynta beelaha walaalaha ah, isaga oo uga mahad-celiyay Isimada dhaqanka iyo guddiga horumarka hordhaca ah ee ka sameeyen xiisadaas.

“Dowladdu way awooday inay talaabo ka qaado dhacdooyinkii ka dhacay deegaankan Saax-meygaag balse waxay door biday inay ka marto dhanka isimada dhaqanka loona wajaho xaaladda si nabad gelya ah, kuma ceebaysnin inaan nabad iyo waan waan ku raadino sidii loo dejin lahaa xaaladda loogana fogaan lahaa wax walba oo keeni kara isku dhac beelaha ah.”

Maamulka Puntland ayaa inta badan la daala-dhaca colaadaha soo laab-laabtay ee beelaha walaalaha ah, wuxuuna dadaal badan ku bixinayaan sidii loo soo afjari lahaa xiisadahaas, oo wax u dhimay amniga guud ee maamulkaas.

Sawirro: Rooble oo kulan xasaasi ah la yeeshay taliyeyaasha DF iyo kuwa Amisom

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xasaasi ah la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaasi oo looga hadlay amaanka guud ee dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaana midka caasimada Muqdisho oo toddobaadyadii dambe faraha kasii baxayay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amniga inay xoogga saaran dardar-gelin howl-gallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ku adkeeyay hay’addaha amaanka dalka iyo ciidamada AMISOM iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda, oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidan oo kale 16-kii Febraayo isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falal argagixiso oo xiligaas argagixisadu ka geysteen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Kulamadan ayaa kusoo aadaya xili ay dalka kasii socoto doorashada Golaha Shacabka oo dhawaan muddo kordhin u sameeyen guddiga wadatashiga qaranka ah, taasi oo ku eeg 15 Maarso 2022.

Beesha Caalamka iyo AU oo ka shiray howl-galka cusub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye, oo maalintii saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan dalka.

Amb. Bankole ayaa xubnaha Beesha Caalamka ugu mahad-celiyay taageerada ay siiyeen AMISOM, taasi oo socotay ku dhawaan 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxay la wadaageen horumarka iyo meelaha mudnaanta leh ee lagu wajahayo howlgalka cusub ee ATMIS, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Adeoye ayaa ku baaqay in markale taageero maaliyadeed iyo mid agab ah oo joogto ah oo aan leex-leexad lahayn la siiyo howl-galka soo socda ee Soomaaliya, si loo daboolo jaangoynta iyo waqtiga loo dajiyay.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada, isaga oo ugu dambeyn Maanta soo geba-gabeeyay booqashadiisii Soomaaliya.

Si kastaba, arrimahan oo dhan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan lagu jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka, oo dhowr jeer dib u dhacyo ku yimaadeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay dalalka ay geli karaan Soomaalida ku xayiran Ukraine

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa qoraal soosaaray ku sheegtay marinnada nabadgalyada ah ay mari karaan Muwaadiniinta ku xayiran Dalka Ukraine oo maalintii lixaad ku socota duqeynta Ruushka.

Qoraalka ayaa lagu muujiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay xaqiijisay in marin nabadgalyo ah ay u aqoonsatay Dalalka Xadka la leh Ukraine ee kala ah: Poland, Slovakia, Hungary, Moldova & Romania.

“Safaaradaheena Beljamka iyo Berlin ayaa xiriir joogta la sameeyay 280 muwaadiniin ah oo qaarkood ka gudbay Xadka Poland, waxaase jira Dad awoodi waayay in ay ka gudbaan Xuduudaha Medyka-Shehyni & Budomiers-Hrushiv” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Waddamada deriska la ah Ukraine waxa aan ku bogaadineynaa in ay u hoggaansamaan sharciga Caalamiga ah ee Bani aadamnimada iyo in ay marin siiyaan Dhammaan Dadka Afrikaanka ah eek u xanniban Ukraine ee raba in ay ka gudbaan Soohdinta” ayaa lasii raaciyay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadd Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay in Safaaradaha Biljamka & Berlin lagu wargeliyay in ay degdeg aqoonsiyo saxan ku siiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamidka ah Kumanaanka ka baracay Ukraine.

Magaalada Kyiv, cabsidu way sii kordhaysaa, kolonyada Ruushku ayaa ku soo wajahan magaalada waxayna sitaan hub aad u farabadan oo xoogan.

Qof kasta oo dunida ku nool ayaa isha ku haaya waxa ka soo bixi doono kolonyadan Militariga Ruushka ee ku sii socoto Kyiv, shacabka caasimadda UKraine ayay cabsi xoogan soo wajahday,waxayna isu diyaarinayaa sidii ay isaga caabin la haayeen.

Dad badan oo u dhasahay Dalka Ukraine ayaa ka soo talaabay xadka Pooland si dagaalka qeyb uga nooqdaan.

Burbur badan iyo dhimasho badan ayaa laga cabsi qabaa, sawirradda dayax gacameedka ayaa muujinayaa in uu Ruushka aad ugu dhawyahay caasimadda Kyiv.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda

 

 

 

DF oo shaacisay inay Al-Shabaab jab ku gaarsiisay weerar ka dhacay XUDUR

0

Xudur (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab iska caabin xoogan ay kala kulantay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas, kuwaas oo dagaal la galay.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamed Sankuus oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen illaa 3 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Sankuus ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka carartay meydadka saddexda nin, isla-markaana ay kusoo bandhigeen degmada Xudur oo ah meesha uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay ku raad-joogaan xubnihii kale ee baxsaday weerarka soo qaaday, wuxuuna tilmaamay inay haatan wadaan howl-gallo ballaaran.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaanada hoos-yimaada magaaladaasi.

Xudur oo weli go’doon ku jirta ayaa waxaa inta badan weeraro xoogan ku soo qaada xubnaha Al-Shabaab oo haatan ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka.

Xoghayaha Xisbiga Himilo Qaran oo dib loogu doortay Golaha Shacabka Somalia

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle.

Kursigan oo uu tirsigiisu yahay Hop#031 ayaa waxaa kusoo baxay Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo horey ugu fadhiyey kursiga.

Sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle xildhibaan Yuusuf ayaa ku soo baxay hab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Aadan Cabdiraxmaan Yuusuf oo la tartami lahaa.

Gama’diid ayaa ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ka mid ah Golaha Midowga Musharixiinta  Mucaaradka.

Ninkan oo sidoo kale ah wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda xukuumada Soomaaliya ayaa markii hore wajahay culeys xoogan, isaga oo ugu dambeyn ka gudbay, dibna u hantiyey kursigii uu ku fadhiyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guusha Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) iyo doorashadiisa ayaa qayb ka ah kuraas ay xubnaha musharixiinta mucaaradka ka heleen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

HirShabelle ayaa dardargelineysa doorashada baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay guda gasho doorashada qaybta labaad kuraasta Beledweyn.