27 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay dalalka ay geli karaan Soomaalida ku xayiran Ukraine

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa qoraal soosaaray ku sheegtay marinnada nabadgalyada ah ay mari karaan Muwaadiniinta ku xayiran Dalka Ukraine oo maalintii lixaad ku socota duqeynta Ruushka.

Qoraalka ayaa lagu muujiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay xaqiijisay in marin nabadgalyo ah ay u aqoonsatay Dalalka Xadka la leh Ukraine ee kala ah: Poland, Slovakia, Hungary, Moldova & Romania.

“Safaaradaheena Beljamka iyo Berlin ayaa xiriir joogta la sameeyay 280 muwaadiniin ah oo qaarkood ka gudbay Xadka Poland, waxaase jira Dad awoodi waayay in ay ka gudbaan Xuduudaha Medyka-Shehyni & Budomiers-Hrushiv” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Waddamada deriska la ah Ukraine waxa aan ku bogaadineynaa in ay u hoggaansamaan sharciga Caalamiga ah ee Bani aadamnimada iyo in ay marin siiyaan Dhammaan Dadka Afrikaanka ah eek u xanniban Ukraine ee raba in ay ka gudbaan Soohdinta” ayaa lasii raaciyay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadd Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay in Safaaradaha Biljamka & Berlin lagu wargeliyay in ay degdeg aqoonsiyo saxan ku siiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kamidka ah Kumanaanka ka baracay Ukraine.

Magaalada Kyiv, cabsidu way sii kordhaysaa, kolonyada Ruushku ayaa ku soo wajahan magaalada waxayna sitaan hub aad u farabadan oo xoogan.

Qof kasta oo dunida ku nool ayaa isha ku haaya waxa ka soo bixi doono kolonyadan Militariga Ruushka ee ku sii socoto Kyiv, shacabka caasimadda UKraine ayay cabsi xoogan soo wajahday,waxayna isu diyaarinayaa sidii ay isaga caabin la haayeen.

Dad badan oo u dhasahay Dalka Ukraine ayaa ka soo talaabay xadka Pooland si dagaalka qeyb uga nooqdaan.

Burbur badan iyo dhimasho badan ayaa laga cabsi qabaa, sawirradda dayax gacameedka ayaa muujinayaa in uu Ruushka aad ugu dhawyahay caasimadda Kyiv.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda

 

 

 

DF oo shaacisay inay Al-Shabaab jab ku gaarsiisay weerar ka dhacay XUDUR

0

Xudur (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saaka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab iska caabin xoogan ay kala kulantay ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaas, kuwaas oo dagaal la galay.

Taliyaha ururka 175-aad, guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamed Sankuus oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen illaa 3 xubnood, kuwa kalena ay ka dhaawaceen.

Sankuus ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka carartay meydadka saddexda nin, isla-markaana ay kusoo bandhigeen degmada Xudur oo ah meesha uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay ku raad-joogaan xubnihii kale ee baxsaday weerarka soo qaaday, wuxuuna tilmaamay inay haatan wadaan howl-gallo ballaaran.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaanada hoos-yimaada magaaladaasi.

Xudur oo weli go’doon ku jirta ayaa waxaa inta badan weeraro xoogan ku soo qaada xubnaha Al-Shabaab oo haatan ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka.

Xoghayaha Xisbiga Himilo Qaran oo dib loogu doortay Golaha Shacabka Somalia

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle.

Kursigan oo uu tirsigiisu yahay Hop#031 ayaa waxaa kusoo baxay Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo horey ugu fadhiyey kursiga.

Sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle xildhibaan Yuusuf ayaa ku soo baxay hab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Aadan Cabdiraxmaan Yuusuf oo la tartami lahaa.

Gama’diid ayaa ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ka mid ah Golaha Midowga Musharixiinta  Mucaaradka.

Ninkan oo sidoo kale ah wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda xukuumada Soomaaliya ayaa markii hore wajahay culeys xoogan, isaga oo ugu dambeyn ka gudbay, dibna u hantiyey kursigii uu ku fadhiyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guusha Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) iyo doorashadiisa ayaa qayb ka ah kuraas ay xubnaha musharixiinta mucaaradka ka heleen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

HirShabelle ayaa dardargelineysa doorashada baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay guda gasho doorashada qaybta labaad kuraasta Beledweyn.

Indha Qarshe oo loo diiday kursiga HOP#020 – “Waa inaan ka tashano Galmudug”

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursi lamar HOP#020 oo laga dhigay qoondo haween.

Indha Qarshe oo ka mid ah musharixiinta u tartameysa ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor uu ka hor istaagay inuu u tartamo kursi ay ku sharaftay beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in maamulka Galmudug uu ii diiday kursigii ay reerkeyga igu maamuuseen ee HOP#020,” ayuu yiri Indha Qarshe.

Musharrax Indha Qarshe ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama uu sanado fara badan u soo shaqeeyey dalka iyo dadka Soomaliyeed.

“Waxay igu noqotay arrin fajac ah, maxaa yeelay nin intaas oo sano u shaqeynaayey qarankiiisa billado badan lagu abaal-mariyey wax muuqda u qabtay in la yiraahdo ma istaahishid, sababta waxaa weeye aniga kuma jecli,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa is weydiin leh yaa waayey qofka lagu abaal-marinaa? ma waxaa la rabaa in la dhiso oo la abaal-mariyo oo shaqadii qaranka la siiyo mid aan weligii waxba u qaban?,”.

Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo hadalkiis sii wata ayaa shaaca ka qaaday in cadaalad darro weyn ay ka jirto Galmudug, isla-markaana ay ka socoto gar-darro iyo bahdilaad.

“Way muuqataa inay cadaalad darro ka jirto meeshaas, way muuqata inay gar-darro meesha ka jirto, way muuqataa inuu bahdil meeshaaas ka jiro,” ayuu markale yiri.

Sarreeye Gaas Indha Qarshe ayaa usoo jeediyey beeshiisa inay ka tashato aayaheeda iyo sidoo kale kasii mid ahaanshaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan reer tolkeyga usoo jeedinayaa war saan nama qabatee maxaa tala ah? Waxaan talo kusoo jeedinayaa inaan ka tashano kasii mid ahaanshaha maamulka Galmudug,”

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday in la hakiyo doorashada kursiga uu u tartamayo oo tirsigiisa uu yahay HOP#020, inta xal rasmi ah laga gaarayo muranka hareeyey kursigaasi.

Guddoomiye ku xigeenkii SEIT ee PUNTLAND oo is casilay kana baxay gudiga

0

Garoowe (Caasimada Online) – Caynaanshe Yuusuf Xuseen oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii guddiga SEIT ee Puntland ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey iyo xubinimadii guddiga oo haatan ku howlan doorashada kuraasta baarlamaanka.

Caynaanshe ayaa sababta uu uga tegay guddiga ku sheegay arrimo shaqsi oo isaga gaar u ah, walow uusan la wadaagin warbaahinta iyo bulshada.

Qoraal kooban oo uu soo saaray ayuu caddeeyey is casilaadiisa, isaga oo sidoo kale ku socodsiiyey Ra’iisul wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federal ee (FEIT).

”Aniga oo ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen, kana tirsanaa Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee Puntland, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan arimo shakhsi ah oo ii gaar ah dartood isaga casilay xilkii xubinnimo ee ka mid ahaanshaha guddiga,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiye ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaan kale oo aan caddaynayaa in aan sidoo kale iska casilay xilkii ku xigeenka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad-goboleed ee SEIT-Puntland,”.

Dhanka kale Caynaanshe Yuusuf  ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha guddiga doorashada Puntland ee ay mudada sanadka iyo dheeraadka ah soo wada shaqeeyeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Caynaanshe Yuusuf Xuseen aya doonaya inuu ku biiro tartanka socda ee doorashooyinka, isaga oo doonaya inuu isku sharraxo kursiga tirsigiisu yahay Hop#220, kaas oo uu haatan ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Is casilaadiisa ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli guddiga doorashada Puntland uu hadda ku howlan yahay qabashada doorashada kuraasta taalla magaalada Boosaaso ee maamulkaas.

Wasiir BAYLE oo ballan-qaad culus u sameeyey ciidanka Booliska, kadib..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ballan qaad u sameeyey ciidanka Booliska, kadib markii uu ka qayb-galay munaasabad loogu mahadcelinayey ciidamada ammaanka.

Bayle ayaa sheegay in dhammaan askarta Booliska Soomaaliya loo sameyn doono mushaar kordhin galeyso mushaarka ciidamada, raashinka iyo gunnada ay qaataan, si loogu abaal-gudo wax-qabadka ay la yimaadeen.

Wasiirka maaliyadda ayaa xusay in Booliska Soomaaliya uu si weyn uga shaqeeyey amniga doorashooyinkii lagu soo gaba-gabeeyey caasimada, loona baahan yahay in la dhiirageliyo.

“Waxaa ballan ah ilaah baa wax weliba og in waxa aad qaadaneysaan wax lagu daro ayaa talada ku jirta, Raashinka in la kordhiyo, Gunnoooyinka oo la kala baddelo lana kordhiyo & mushaarka in wax lagu daro haddii alle wax nasiiyo,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxman Bayle.

Ma shaacin wasiirku xiliga rasmiga ah ee uu dhaqan-geliyo qorshahan mushaar kordhinta ah iyo xaddiga la gaarsiin doono intaba.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidanka Booliska iyo saraakiishooda inay sii kordhiyaan dadaalkooda, ayna xoojiyaan mas’uuliyadda ka saaran amniga guud ee dalka.

Haddii uu qorshahaan hirgalo ayaa waxa ay dhiiragelin xooggan u noqon doontaa dhamaan ciidamada Booliiska ee ka shaqeynaya ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada Booliska ay kordhiyeen howl-galladooda ka socda Muqdisho, si looga hortego falalka liddiga ku ah amniga inta lagu jiro doorashada.

Tallaabo ay qaaday Turkey oo sii go’doomisay Ruushka

Ankara (Caasimada Online) – Moscow ayaa wajaheysa go’doomin sii kordheysa xilli madaxweyne Vladimir Putin uusan muujineyn wax astaan ah oo ku aadan inuu joojinayo duulaanka Ukraine, halkaasi oo dagaal culus iyo duqeymaha Ruushka ay dileen tobanaan qof, abuureenna barakac xooggan. 

Duulaanka Ruushka oo billowday toddobaadkii tegay ayaan laga helin guushii deg degga aheyd ee Putin uu filayey. 

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sidoo kale wajahaya go’doomin diblomaasiyadeed oo ka dhalatay inuu billaabay weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado dal Yurub ah tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida, ayada oo saameynta cunaqabateenada Reer Galbeedka ay horseedeen burbur 30% oo Isniintii ku yimid lacagta ruble ee Ruushka.

Wada-hadallo xabad-joojin oo dhacay Isniintii ayaa ku guul-darreystay in horumar laga sameeyo, waxaana wada-xaajoodayaasha aysan sheegin goorta ay dhici doonaan wareegga cusub ee wada-hadallada. 

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa xayiraado kusoo rogay Bankiga Dhexe ee Ruushka, ganacsiyada ugu waa weyn dalkaas, maalqabeenada ka taajiray ka gacansiga shidaalka, iyo saraakiil uu ku jiro Putin, waxayna qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka mamnuuceen adeegsiga nidaamka SWIFT ee isku xira Bankiyada Caalamka. 

Turkey oo ka mid ah xulufada NATO ayaa dhabarjab kale gaarsiisay Moscow Isniintii, ayada oo uga digeysa dalalka dagaalmaya inaysan maraakiibtooda soo marin marin-biyoodyada Bosphorus iyo Dardanelles ee kala qeybiya Badda Madow iyo Badda Meditareeniyaanka, taasi oo go’doomineysa maraakiibta dagaalka Ruushka.

Canada ayaa sidoo kale sheegtay inay mamnuuceyso in shidaalka ceyriin laga soo dhoofiyo Ruushka, taasi oo Moscow ka xirtay suuqa ganacsiga shidaalka Canada. 

Senator Lindsey Graham oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in maamulka Biden ay tahay inuu beegsado qeybta ganacsiga tamarta Ruushka oo uu xayiraado saaro. Shidaalka iyo gaaska waa labada il-dhaqaale ee ugu sarreeya Moscow.

“Uma adeegsaneyno qeybta tamarta hub dagaal,” ayuu Graham u sheegay weriyayaasha. “Waan ku guuldarreysaneynaa inaan Putin ku dhufano halka ugu dhaawaca darran,” ayuu yiri Graham.

Washington waxay meesha ka saartay inay ciidamo u direyso Ukraine, si ay ula dagaalamaan Ruushka, ayada oo ka cabsi qabta in dagaal uu ka dhex qarxo labada dal ee ugu quwadda weyn caalamka. 

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka iyo xulufadeeda ayaa taa beddelkeeda waxay Kyiv u ballan qaadeen taageero militari, ayada oo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu ka digay in caasimadda ay ku jirto halis joogto ah. 

“Kyiv waa bartilmaameedka koowaad ee cadowga,” ayuu Zelensky ku yiri muuqaal uu soo duubay goor dambe oo Isniintii ah. “Uma ogolaan doonno inay jebiyaan difaaca caasimadda, waxayna noo soo direen jaajuusiin…waan soo qaban doonnaa,” ayuu yiri.

In ka badan 500,000 oo qof ayaa ka qaxay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga QM, taasi oo abuurtay xasarad qaxootinimo xilli kumanaan qof ay isku dayayaan inay galaan xuduudaha dalalka kale ee Yurub. 

Ugu yaraan 102 qof oo shacab ah ayaa la dilay tan iyo markii uu duulaanka billowday Khamiistii, hase yeeshee tirada rasmiga ah ayaa intaas aad uga badan karta, sida uu sheegay madaxda xuquuqda aadanaha QM.

Cumar Filish oo shaaciyey in laga hortegay weeraro ay qorsheeyeen Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeediyey munaasabad loo qabtay ciidmada Booliska ayaa ka hadlay amniga caasimada.

Filish ayaa shaaciyey inay si wanaagsan ku soo dhammaadeen doorashooyinkii Golaha Shacabka ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Booliska iyo saraakiishooda ay fuliyeen qorshihii loo dajiyey amniga doorashada.

Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markasta kooxda Al-Shabaab ay qorsheyneysay weeraro ka dhaca caasimada, balse laga hortegay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyey ciidamada ammaanka ee loo xilsaaray amniga doorashooyinka, isaga oo tilmaamay inay kasoo baxeen waajibaadkii ka saarnaa qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale u mahadceliyey shacabka Muqdisho oo uu sheegay inay dul qaad muujiyeen inta ay socdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, maadaama maalmaha qaar la xirayey waddooyinka.

Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) iyo kuwa Banaadiriga, kuwaas oo maalmo ka hor lasoo gabagabeeyey.

Si kastaba, hadalka Cumar Filish ayaa kusoo aadaya, xilli caasimada ay ka dhacayeen maalmahan dambe dilal qorsheysan & weeraro qaraxyo ah oo dhaliyey khasaare xoogan.

Al-Shabaab oo weerar ku dishay mas’uul ka tirsanaa dowladda dalka KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi ee dalka Kenya, kaas oo lagu dilay mas’uul ka tirsanaa dowladda dalka Kenya.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Mandera, iyada oo lagu dilay Maxamad Cabdi Axmed (Jaak) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii degaanka Cumar Jilacow.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in marxuumka ay weerar gaadma ah ku dileen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan, ayaa  shaacisay in bartimaameedka uu ahaa mas’uulka la khaarijiyey, isla-markaana uu weerarka u dhacay, sidii loo qorsheeyey.

Dhinaca kale ciidamada ka tirsan kuwa Kenya ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxaana illaa iyo hadda ay wadaan baaritaano ku aadan weerarkaasi.

Maxamad Jaak oo ah mas’uulka la dilay ayaa waxaa ayaa xilkan loo magacaabay, kadib markii sidaan oo kale loo khaarijiyey mas’uulkii isaga horreeyey.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo ay ku beegsatay mas’uuliyiinta dowladda iyo ciidamada Booliska ee dalka Kenya.

Daawo: Doorashada kursiga Fahad Yaasiin oo la dalbaday in Muqdisho lagu qabto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumed Gaabane oo ka mid ahaa musharaxiintii laga hor istaagay tartanka kursiga beeshooda ee HOP086, oo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu ka soo qaatay magaalada Beledweyne, ayaa soo jeediyey in doorashada kursigaas lagu qabto magalaada Muqdisho, gaar ahaan Afisyooni.

Ninkaan ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku taageerto raadinta xaqa, maadaama sida uu sheegay kursiga uu raadinayo uu yahay albaabka ay ka bilaabato cadaalad darrada doorashada boobka ah ee ka socota dalka.

“Waxaan hor taaganahay ubucdii ay ka soo baxeysay sharta iyo boobka doorashooyinka, wax kasta oo qalad ah oo doorashadaan ku saabsan xudunteeda waa kursiga HOP86 ee uu boobka iyo dhaca ku sheegtay taliyihii hore NISA, ahna la-taliyaha amniga madaxweynihii hore, Fahad Yaasiin,” ayuu yiri musharaxaan.

Khaalid Gaabane ayaa sheegay in xafiis kasta oo dowladeed ay u tageen dacwada la xariirta boobka kursigaas, balse ay ogaadeen in xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan guddiga doorashada federaalka intaan aheyn ay laaluush ka qaateen Fahad Yaasiin.

“Umadii oo dhan waa la iibsaday, waana la gumeeyey, cidna kaalama hadli karto xaqaagii, qof kasta wuxuu fiirsanayaa shilimaad uu jeebka ugu riday nin aan u soo dhididin lacagtaas, hadaan laga hor tegin laaluush qaatayaasha iyo kuwa laaluushka bixinaaya, khatar ayaa nagu soo wajahan,” ayuu yiri Khaalid.

Waxuu intaas ku sii daray in dad badan ay ku doodayaan in aysan jirin sabab loogu dhego kursiga Fahad Yaasiin oo kaliya, iyadoo ay jiraan kuraas badan oo sidaas oo kale loo soo qaatay, balse waxuu ku dooday in cadaalad daradaas oo dhan uu horjooge u yahay Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan umadda ka codsanayaa inay garab i siiyaan, waxaan doonayaa inaan soo xirno albaabka cadaalad darrada, meesha aan beegsaneyno waa halka laga soo abaabulo cadaalad darrada doorashada iyo in la is-boobo, albaabkaas ayaan iska xireynaa, ugu yaraan waxaan qoreynaa taariikh ah in cadaalad darradii dhaceysay qeyb ka mid ah aan hor istaagnay,” ayuu yiri musharax xildhibaan Khaalid Gaabane.

Hoos ka Daawo

Amisom oo shaaca ka qaaday sababta ay ‘qad-cagaaran’ uga sameysatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta faahfaahiyey sababta ka dambeysa in qad-cagaaran ay ka dhigaan eeriyada ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane illaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, oo maanta shir jaraa’id Xalane ku qabtay ayaa sheegay in qatarta amni ee jirta aysan aheyn mid la sahla karo, taasna ay sababtay in ammaanka xarumaha ilaaliyaan la adkeeyo.

Waxuu sheegay in go’aankaan aysan kaligood qaadan, balse ay kala fariisteen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo sida uu shaaciyey ka balan qaaday in soo jeedintooda uu ka soo fekeri doono, go’aanka ugu haboona uu ka qaada doono.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxuu sheegay in heshiis laga gaaray cidda loo ogolaanayo inay Xalane hub la gasho iyo cidii loo diidayo, “Qof kasta oo hub la imaanaya halkaan, waa inuu sharaxo sharciyadda uu ku heysto hubka,” ayuu yiri.

Danjire Francisco Madeira ayaa intaas ku sii daray, “Tan iyo markii la sameeyey xerada Xalane waxaa jiray hanaan uu maro qofka imaanaya ama ka baxaya, ma ahan kuwa hubka wata oo kaliya, xitaa shacabka ayaa mara hanaankaan, amaanka Xalane waxay masuuliyadi ka saaran tahay AMISOM 100%.”

Francisco Madeira oo sii hadlayey ayaa yiri, “Qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda waxay heystaan hub culus oo noocyo kala duwan leh, tikniko iyo qoryo waaweyn, arrimaha hubkana waa in loo raacaa hanaanka uga degan xerada Xalane.”

“Arrintaan waxaan dhawaan kala xaajoonay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxuu noo sheegay in arrintaas uu fiirinayo, isla markaana uu ka qaadan doono go’aanka ku haboon,” ayuu yiri Francisco Madeira Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxuu sheegay inay jiraan masuuliyiin loo ogolyahay inay hub la galaan Xalane, laakiin looga baahan yahay inay nidaamka loo dejiyey raacaan, isla markaana ammaanka aagaas oo aad loo adkeeyey aysan Qatar gelin.

“Halkaan waxaa ku yaalla kaabayaal badan oo muhiim ah iyo goobo xasaasi ah, kuwaas oo AMISOM oo kaliya aysan laheyn, xataa dowladda Soomaaliya ayaa xarumo muhiim ah ku leh Xalane, sida aad ogtihiin halkaan waxaa ku yaalla garoonka Aadan Cadde,” ayuu yiri.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxuu intaas ku sii daray, “Anagana halkaan waxaa noogu yaalla taliska koowaad ee AMISOM, kaas oo masuul ka ah ammaanka aagaan oo dhan, marka waa muhiim in anaga iyo dowladda Soomaaliya aan ka wada shaqeyno dadka halkaan hubka la imaanaya.”

Kulanka uu hadalkaan ka jeediyey Francisco Madeira oo ka dhacay gudaha xarunta Xalane waxaa ku sugnaa guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo shalay la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online ayaa habeen ka hor baahisay in AMISOM ay qad-cagaaran ka sameysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga xerada Xalane, iyagoo u baqaya ammaanka xarumahooda iyo kuwa ay ilaaliyaan.

Ammaanka Caasimadda Muqdisho ayaa hadda gacanta dowladda ka siibaxaya, waxaana weerarro toos ah todobaadyadii u dambeeyey ka geysatay kooxda Al-Shabaab, halka saraakiishii ciidamada ay ku milmeen siyaasadda cakiran ee dalka, qaarkood waxay noqdeen xildhibaano, halka qaarna ay toos uga shaqeynayaan olole doorasho.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo isku raacay qodobo dhowr ah kadib wada-hadal cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa isku raacay qodobo dhowr ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal kadib wada-hadallo dhex-maray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.

Cabdisaciid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “waxaan maanta taleefonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Wang Yi. Xiriirkeena taarikhiga ah waxaa lagu dhisay ixtiraamka qarannimo, sharafta dhuleed, iyo madax-banaanida siyaasadeed ee labada dhinac.”

Cabdisaciid ayaa sheegay in isaga iyo Mr. Wang Yi ay isku raaceen inay si wadajir ah uga hortagayaan dhinacyada carqaladeynaya xiriirka labada dal.

“Waxaa intaas dheer oo aan dib u xaqiijinay inaan si wadajir ah uga shaqeyn doono xoojinta iskaashigeena dhinacyada badan ee ay taageerayaan mabaadi’dan iyo inaan si wadajir uga hortagno dhinacyada waxyeeleynaya, si aan isugu sii milno xiriirkeena.”

Wasiir Cabdisaciid ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey Shiinaha jawaabta ay ka bixiyeen abaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, labada wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, ayada oo lagu jaangoynayo hindisaha Belt and Road ee Shiinaha.

Sida uu qoraalkiisa ku sheegay wasiir Cabdisaciid, isaga iyo Wang Yi ayaa sidoo kale isku raacay inay xoojiyaan oo ay sii dheereeyaan iskaashiga labada dal ee amniga, horumarka, maamulka iyo arrimaha dhinacayada badan. 

Galmudug oo soo saartay jadwalka doorashada ee kuraas taalla GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyey jadwalka 6 kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo ah kuraastii u horeysay ee doorashadoodu ay ka dhaceyso deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Doorashada lixdaas kursi ayaa magaalada Gaalkacyo lagu qaba doonaa 5-ta bisha soo socota ee Maarso, sida lagu shaaciyey jadwalkaan.

Sidoo kale seddax ka mid ah kuwaastaan lixda ah, waxaa loo xiray Dumar, sida lagu cadeeyey jadwalka ka soo baxay guddiga doorashada Galmudug.

Kuraasta liiskooda la soo saaray ee la dooranayo 5-ta Maarso ayaa kala ah:

1- HOP001, 2- HOP013, 3- HOP017, 4- HOP020, 5- HOP060, 6- HOP101

15-ka bisha Maarso ayaa lagu heshiiyey in la soo gabagabeeyo doorashada dhammaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib shir ay isugu yimaadeen madaxda golaha wadatashiga qaranka.

Doorashadaan oo lagu balansanaa in la soo gabagabeeyo 25-kii bishaan ayaa lagu daray 20 cisho oo dheeraad ah, waxaana la saadaali karin in waqtiga hadda loo qabtay lagu soo gabagabey karo, maadaama xildhibaano badan aan weli lasoo dooran.

Hoos ka akhriso jadwalka

ROOBLE oo magacaabay guddi qiimeeya in doorasho lagu qaban karo Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimayn iyo baaris ku sameeya xaaladda amni ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddigan oo ka kooban toddobo xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Avv. Cumar Maxamed Cabdulle, waxaana ka mid ah xubno ka kala tirsan Guddiga Doorashada Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Doorashada heer Dowlad-goboleed ee SEIT, iyo xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda ammaan ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee magaalada Garbahaarey.

Magacaabista guddigaan ayaa ku soo aadday xilli weli khilaaf uu ka dhex taagan yahay maamulka Jubbaland iyo maamulka gobalka Gedo.

Garbahaarreey ayaa waxaa taalla 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu faray in guddigu ay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warbixintooda u soo gudbiyaan muddo 7 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo oo horey ciidan ahaan ula wareegay Garbahaarey ayaa doonayo inuu gacanta ku dhigo kuraastaas, halka Axmed Madoobe uu arrintaas kasoo horjeedo.

Lama ogo go’aanka ay qaadan karaan guddigaan la magacaabay, balse waxaa muuqato in arrinta Garbaaharey ay tahay mid culus oo waqti badan qaadan doonto, waxayna u badan tahay inuu guddiga soo saaro qoraal sheegaya inaan Garbahaarey doorasho lagu qaban karin.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Rooble

 

CC Shakuur oo qoraal cajiib ah kasoo saaray xod-xodashada xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanada cusub ee la doortay, kuwaasi oo qaarkood soo saaristooda ka dhalatay muran badan.

Cabdiraxmaan ayaa ku dooday inay xad-gudub weyn tahay in xildhibaanada dooran lagu yiraahdo “gud abaalkii”, maadama soo bixistooda ay kooxo gaar ah ka dambeeyen, si ay ugu tashadaan codkooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanka la doortay uu yahay qof madax banaan, isaga oo hoosta ka xariiqayna in shantii sano ee lasoo dhaafay la macno tiray Baarlamaanka, ayna tahay in wax laga badalo sidii hore.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran:

Nidaamka siyaasadeed ee dalkeenna waa Baarlamaani (Parliamentary system). Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa ah hay’adda ugu awoodda sarreysa dalka, matalaysana gobbonimada iyo madax bannaanida qaranka. Qofka ka mid noqonaya golayaashaas waa xil dhibe.

Shantii sano ee la soo dhaafay Baarlamaan waa la macno tiray.

Mana ah in afarta soo socota sidii la yeelo. Waa fikrad khaldan in ujeedka Baarlamaanka lagu soo koobo shaqo hal maalin oo cod bixin oo keli ah, xildhibaankana lagu soo xusho cod siin.

Hawsha xildhibaanku ma codbixin ayey ku egtahay? Mise masuuliyad ka wayn ayaa saaran? Waxay xadgudub ku tahay xildhibaanka in loo adeegsado aalad ama ergo cod bixin oo kale, lana yiraahdo codka sii cidii farta laguugu fiiqo, maadaama lagu soo saaray oo abaal laguugu leeyahay.

Xad gudub ka weyn ma jiro in fekerkaaga, garashadaada, damiirkaada iyo waliba dantaada dhinac iska dhig lagu yiraahdo ee gud abaalkii laguu galay.

Su’aashu waxay tahay gudashada waajibaadka kale ee Baarlamaanka sida; dejinta sharciyada iyo xeerarka, la xisaabtanka iyo kor joogtaynta xukuumadda, ansixinta heshiisyada caalamiga, ka qayb galka doodaha Baarlamaannada, dhowrista dastuurka iyo ilaalinta xuquuqda muwaaddinka, metelaadda dadka iyo deegaanka aad ka soo jeeddo, ma qofkii ku soo xulay ama abaalka kugu sheeganayey ayaad marti uga tahay? Mise qof madaxbannaan ayaad tahay?.

Waa dood u baahan in si dhab ah loo ajandeeyo oo warbaahintu maalmaha soo socda u qabato xildhibaanada, aqoonyahanka, Indhadheergaradka, dadwaynaha intaba, si danta qaranka iyo dalka badbaadintiisa loogu istaago.

Kenya oo walaac xoogan ka muujisay tallaabo muran dhalisay oo ay qaaday DF

0

Nairobi (Caasimaa Online) – Heshiiska shidaalka ay dowladda federaalka ay la gashay shirkad laga leeyahay ayaa walaac xooggan ku abuuray dowladda Kenya, sida uu qoray wargeyska The East African ee Nairobi.

Heshiiskan ayaa waxaa 19-kii Febraayo ku dhowaaqay wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo sheegay inuu la ogaa madaxweyne Farmaajo, laguna qaatay 7 milyan oo dollar.

Si kastaba waxaa si isku mid ah u heshiiska u diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo ra’iisul wasaaraha uu sheegay inuu qaadi doono tallaabo jawaab u ah.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa u sheegay wargeyska The East African inay ka walaacsan yihiin in Soomaaliya ay qandaraas shidaal sahmin ku bixisay goobo ay sheegtay in lahaanshahooda weli uu muran ka taagan yahay, sida ay hadalka u dhigeen. 

Diblomaasi sare oo Kenyan ah ayaa sidoo kale sheegay in inkasta oo Kenya aysan argagaxsaneyn haddana ay il gaar ah ku hayso arrimaha ka socda Muqdisho.

“Weli aad nooma baqdin gelin, balse waan ka walaacsannahay, shirkadahaas waxaan ku eegeynaa il gaar ah,” ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyey oo la hadlay The East African. 

Heshiiska ayaa saraakiisha Kenya ka dhigay kuwa aan tallaabo qaadi karin kadib markii ay diideen madaxda sare ee Soomaaliya, sidaas darteedna Kenya xitaa cabasho diblomaasiyadeed uma gudbin karto Muqdisho. 

Kenya waxay ka walaacsan tahay in goobaha qandaraaska lagu bixiyey ay ku jiraan aaggii ay hadda kahor ku murmeen Soomaaliya, balse ay Maxkamadda ICJ u xukmisay Soomaaliya. Kenya waa ay diiday go’aanka Maxkamadda.

“Ficil kasta oo Soomaaliya ay u qaado dhanka dhul badeedka lagu muransan yahay waxaa loo arkaa mid xaaladda sii xumeynaya, islamarkaana adkeynaya in muranka laga gaaro xal nabadeed,” ayuu yiri sarkaal kale oo Kenya ah.

Diidmada ay Kenya ka qabto in xuduudaha caalamka isbeddelo lagu sameeyo, waxay mar kale toddobaadkan ku muujisay shirka Golaha Ammaanka QM kadib markii ay kasoo horjeesatay duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Hadalka uu halkaas ka jeediyey wakiilka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa loo arkay farriin kale oo Kenya ay direyso, oo ay ku sheegeyso inaan la taaban karin xuduudaheeda, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in ayada ay kusoo xadgudubtay xuduudda Soomaaliya. 

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa bishii October ee sanadkii hore 2021-ka inta badan u xukumisay Soomaaliya dhul badeedkii uu muranka ka taagna, ayada oo xukunkaasi ay ku qancin Kenya oo illaa maanta ku doodaysa in weli muran ka taagan yahay.

Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan waxay magaalada London heshiis kula gaartay shirkadda Shidaal baarista ee Coastline Exploration Ltd oo iyadu aheyd shirkaddii iibsatay shirkaddii kale ee la oran jiray Som Oil and Gas, taas oo ogolaansho ka heysatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa xaq loogu siiyey shirkadda inay qaarna sahmiso, qaarna qodis ku bilowdo, ilaa 7 ceel shidaal oo ku yaalla biyaha Soomaaliya ayaa loo saxiixay shirkadda Coastline Exploration Ltd.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa isna heshiiskaan iska inkiray oo ku tilmaamay mid sharci darro ah. Saacad kadib Wasiir Cabdirashiid wuxuu la hadlay VOA, isagoo sheegay in Farmaajo la ogaa heshiiskaan, ayna isaga iyo Farmaajo ka wada shaqeeyeen, balse uu Farmaajo dhibsaday falcelinta Baraha Bulshada.

Si kastaba, heshiiskaan ma dhaqan geli karo dhowr arrimood dartooda, kuwaasi oo kala ah; In uu kasoo horjeedo heshiiska IMF iyo Soomaaliya ee deyn cafinta, Is-mari-waa ka taagan heshiiska kheyraad wadaaga ee DF iyo maamulada, Meel mari la’aanta sharciga canshuurta bariga iyo in aan lagu saxiixin gudaha dalka.

Deni iyo Maxamuud Diyaano oo saacadaha soo socda ku kulmaya Boosaaso – Xog

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Agaasimaha hay’adda amniga ee PSF Sareeyo Guuto Maxamamuud Cismaan Cabdullahi Diyaano.

Kulanka oo ay garwadeen ka yihiin isimada iyo wax garadka Puntland ayaa qaban qaabadiisa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay ka socotay magaalada Boosaaso oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa horay u diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland taas oo markii dambe sababtay in dagaal maalmo socday uu magaalada Boosaaso uu ku dhexmaro ciidamada PSF iyo kuwa ka amar qaata madaxweynaha Puntland.

Kulanka ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro khilaafka labada dhinac mudada dheer u dhaxeeyay kaas oo hakad geliyay horumarka magaalada.

Boosaaso ayaa lagu wadaa in lagu qabto todobaadka soo socda doorashada 16 kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada 5-6 bisha soo socota.

Deni ayaa doonayo inuu maamusho kuraasta taalo Magaalada Boosaaso, wuxuuna loolan adag kula jiraa kooxda Nabad iyo Nolol oo rabto inay la qeybsato kuraastaas.

Qiimaha lacagta ruble ee Ruushka oo dhulka galay xilli Moscow la beegsaday

Moscow (Caasimada Online) – Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble ayaa Isniinta maanta ah hoobatay marka loo eego dollar-ka iyo Euro ee Suuqa Sarifka Lacagaha ee Msocow, xilli Reer Galbeedka ay Moscow ku ciqaabeen xayiraado dhaqaale oo ka dhashay duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Qiimaha ruble-ka ayaa maanta gaartay 100.96 halkii dollar-ba, halka ay ka aheyd 83.5 Arbacadii, maalin ka hor duulaanka Ukraine. Sidoo kale halkii Euro ayaa waxaa lagu sarifayey 113.52 ruble, halka ay kahor weerarka ka aheyd 93.5.

Qiimo dhacan ayaa ka dhashay kadib markii Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen inay qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka saari doonaan nidaamka SWIFT ee isku xira islamarkaana ay lacagaha isugu diraan Bankiyada Caalamka.

Ruble-ka ayaa markii horeba si weyn hoos ugu dhacay marka loo eego lacagaha waa weyn ee caalamka, kadib markii dadka Ruushka ay safaf dhaadheer u galeen ATM-yada, si ay lacagahooda ugala baxaan islamarkaana ugu bedeshaan lacago shisheeye kahor inta aanu ku dhicin qiimo dhac kale.

Bankiga Dhexe ee Ruushka ayaa Isniintii maanta ah sheegay inuu qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin in heerka dul-saarka sare loo qaaday boqolkiiba 20, halkii markii hore uu ka ahaa 9.5 boqlkiiba, “si loo taageero xasilloonida maaliyadda iyo qiimaha, loogana hortago qiimo dhac ku yimaada keydka lacageed ee shacabka.”

Bankiga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in shirkadaha Ruushka ee dakhliga uu kasoo galo wax dhoofinta ay qasab tahay inay 80 boqlkiiba iibiyaan dakhliga kusoo galay lacaghaha qalaad.

AFP + VOA

Dibad-bax weyn oo maanta ka dhacay GEDO + Ujeedka

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa maanta dhigay dibad-bax cabasho ah, waxayna isugu soo baxeen degmada Beledxaawo, iyaga oo socdaal ku tegay agagaarka xadka dalka Kenya.

Dibad-baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga soo horjeeday in la boobo doorashada kuraasta 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey.

Shacabka dhigayey dibad-baxa oo ahaa kuwa careysan ayaa ku qaylinayey erayo ay ka mid yihiin, Musuq-maaquq doonimeyno, Dollar qaate Dooni meyno iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyey maamulka Axmed Madoobe oo garab ka helaya Kenay inay hortaagan yihiin doorashada gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Garbahaarey ay nabad tahay, isla-markaana ay ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn dibad-baxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, iyaga oo ka dalbaday in aysan u Hogaansamin go’aanka Jubbaland.

Doorashada Garbahaarey ayaa waxaa hareeyey murano xoogan, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay, sida loo wajahayo doorashadaas oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Si kastaba, xaaladda ayaa kasii dartay markii dhowaan Jubbaland ay shaacisay in doorasho aysan ka dhici karin Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

Xaggee ayey marayaan dadaallada wada-hadalka ee Ukraine iyo Ruushka?

0

Kyiv (Caasimada Online) – Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.

Dowladda Ukraine ayaa oggolaatey iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kaligii taliyaha dalkani, Alexander Lukashenko, uu diyaariyey ciidamo ku biira duullaanka lagu qaadey Ukraine.

“Goobta uu ka dhacayo wada hadalada Ukraine iyo Ruushka waala diyaariyey, waxaa la filayaa imaanshaha wufuudda,” ayaa lagu soo qorey bogga ay baraha bulshada ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus, iyadoo ay warbixintu la socotay sawirka miiska dheer, oo ay ku xardhan yihiin calamada Ruushka iyo Ukraine.

Anatoly Glaz, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa yiri: “Wada hadalada waxey bilaaban doonaan, isla marka dhammaan wufuudda ay yimaadaan goobta kulanta.”

Dowladda Ukraine ayaa tilmaantey in kulanka aaney wax natiijo ah ka soo bixi doonin, waxaa madaxweyne Volodymyr Zelensky uu isna sheegay inuusan fileynin in wada hadalada ay kasoo baxayaan natiijo wax ku ool ah.

“Sida had iyo jeer dhacda: Runtii ma rumeysni natiijada shirkani, laakiin ha isku dayaan,” ayuu yiri Zelenzky.

Xaaladda Ukraine ayaa weli aad u qasan, waxaana dagaalka uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah, kaas oo noqday mid ay si weyn isha ugu heyso dunida oo dhan.

BBC