26.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Xaggee ayey marayaan dadaallada wada-hadalka ee Ukraine iyo Ruushka?

0

Kyiv (Caasimada Online) – Dowladda Belarus, ayaa sheegtay iney diyaarisay goob lagu marti galinayo wada hadal u dhaxeeya wufuud ka kala socota Ukraine iyo Ruushka, iyadoo duullaanka maamulka Moscow uu ku qaadey dalka dariska ee dhaca dhanka galbeed uu galey maalintii shanaad.

Dowladda Ukraine ayaa oggolaatey iney diblomaasiyiin u dirto meel u dhow xuduudda Ukraine iyo Belarus, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in kaligii taliyaha dalkani, Alexander Lukashenko, uu diyaariyey ciidamo ku biira duullaanka lagu qaadey Ukraine.

“Goobta uu ka dhacayo wada hadalada Ukraine iyo Ruushka waala diyaariyey, waxaa la filayaa imaanshaha wufuudda,” ayaa lagu soo qorey bogga ay baraha bulshada ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Belarus, iyadoo ay warbixintu la socotay sawirka miiska dheer, oo ay ku xardhan yihiin calamada Ruushka iyo Ukraine.

Anatoly Glaz, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa yiri: “Wada hadalada waxey bilaaban doonaan, isla marka dhammaan wufuudda ay yimaadaan goobta kulanta.”

Dowladda Ukraine ayaa tilmaantey in kulanka aaney wax natiijo ah ka soo bixi doonin, waxaa madaxweyne Volodymyr Zelensky uu isna sheegay inuusan fileynin in wada hadalada ay kasoo baxayaan natiijo wax ku ool ah.

“Sida had iyo jeer dhacda: Runtii ma rumeysni natiijada shirkani, laakiin ha isku dayaan,” ayuu yiri Zelenzky.

Xaaladda Ukraine ayaa weli aad u qasan, waxaana dagaalka uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah, kaas oo noqday mid ay si weyn isha ugu heyso dunida oo dhan.

BBC

DF oo ka hortimid HESHIISKA Somaliland iyo TAIWAN

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale si adag uga hadashay xiriirka gaarka ah ee ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan, kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyey qaaday tallaabooyin ay ku hormarinayaan xiriirka labada dhinac.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kulane oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac iyo xiriirkooda ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay cambaareyneyo sida ay Taiwan ula dhaqmeyso Somaliland & wada-hadallada u billaabmay.

Cawaale ayaa shaaca ka qaaday inay mar weliba ay u taagan yihiin ilaalinta madax banaanida qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya haday tahay Taiwan ama cid kaleba,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Shiinaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Taiwan ay u aqoonsan yihiin gobol ka mida Shiinaha, isla-markaana  tallaabooyinka qaaday horseedeyo xasilooni darro ka dhacda gobolka.

“Habka Taiwan waa mid aad looga naxo marka laga eego macno ahaan sababtoo ah waxay abuuraysaa xasilooni darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya iyo xasillooni darro ka dhacda gobolka iyada oo la samaynaysa xidhiidh diblomaasiyadeed gobol gooni-goosad ah,” ayuu sii raaciyey Danjire Cawaale.

Dhinaca kale safiirka ayaa ka horyimid heshiiska khayraadka ee ay wada-galeen Somaliland iyo Taniwan, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in aysan ogolaan doonin in Taiwan ama cid kasta oo isku dayda inay ay dhacdo kheyraadka Somalia, iyagoo adeegsanaya heshiisyo been abuur ah.

Somaliland iyo Taiwan ayaa sanadihii u dambeeyey xoojiyey xiriirkooda, waxayna laba dhinac gaareen heshiisyo dhowr ah, walow Soomaaliya iyo Shiinaha ay ka hor yimaadeen tallaabooyinka ay qaadeen labada dhinac, gaar ahaan xiriirka tooska ah ee ay sameysteen.

K/Galbeed oo tallaabo lama filaan ah qaaday, kadibna…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Kooinfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilalkii ka qaaday dhammaan mas’uuliyiintii degmada maamulka Baydhabo isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Tallaabadan oo ah mid lama filaan ah ayaa waxa ay wasaaraddu sheegtay inay ku timid, baahi loo qabo in la helo maamul cusub, kadib talo soo jeedin ka timid guddoomiyaha gobolka Baay.

”Markuu arkay baahida loo qabo in guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen loo magacaabo magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta guddoomiyaha gobolka Baay uu sameeyay magacaabistan,” ayaa lagu yiri digreetada soo baxay.

Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ayaa waxaa isna loo magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali, halka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur.

Wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa fartay maamulka cusub inuu si deg-deg ah ula wareego xafiiska, si loo dadar-geliyo howlaha kala duwan ee horyaallo.

Si kastaba, Baydhabo oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Howlgal culus oo laga fuliyey magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howl-gal culus ka sameeyey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u ujeedkiisu ahaa la dagaalanka waxyaabaha maan dooriya.

Howl-galka ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, iyada oo lagu soo qabtay maan dooriye iyo dadkii ka ganacsanayey.

Dadka la soo qabtay waxaa ka mid ah haweeney 80 sano jir ah oo iibineysay Xashiish, balse waxa ay sheegtay inay u geysay daruuf, haddana ay iska dhaafi doonto.

Taliyaha saldhigga degmada Xamarjajab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay howl-galka qaadeen, iyaga oo fulinayo amar kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

“Innaga oo fulineyna Amar kasoo baxay Madaxda Dalka waxa aan ku dhaqaaqnay howlgal aan kula dagaalameyno Walxaha maanka-Dooriya, howlgalkaan waxa uu qayb ka yahay howlgallo ballaaran oo ka socda 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir,” ayuu yiri taliyuhu.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka Xamarjajab Mucaawiye Muudey oo ka hadlay howl-galka laga sameeyey degmada ayaa soo dhoweeyey, wuxuuna sheegay inuu sii socon doonaan, si loo xaqiijiyo amniga.

Dhowaan duqa Muqdisho ayaa shaaciyey inay laba jibaari doonaan dagaalka ka dhanka ah maan dooriyaha, isagoo uu sheegay in dadka isticmaalah ay ka halis badan yihiin kooxaha kale ee qaraxyada iyo dilalka ka geysta magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga, maadaama lagu jiro doorasho, ayna soo bateen falalka amni darrada.

Soomaalida Ukraine oo ku jirta xaalad quus ah – “Waxa aan ka bixi weynay Kyiv”

0

Kyiv (Caasimada Online) – Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xayiran dalka uu dagaalku ka socdo ee Ukraine oo maalinkii afaraad si xariir ah u wajahaya duulaanka uu Ruushku ku soo qaaday.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaas ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay xaaladu ka sii dareyso, isla markaana uu maanta dagaalku aad u xoogeystay.

Cabdiqaani Mayow Maxamed waxuu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee hadda ku sugan caasimadda Ukraine ee Kyiv, wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxa uu ku sheegay in hadda ay xaaladu ku adagtahay.

Wiilkaan oo tahriib ku galay dalka Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan laba jeer uu ku guul-dareystay inuu ka baxo dalkaas, sidoo kalena in ka badan laba sano uu ku xiraa xabsiyada dalka Ukraine, kadib markii laga soo qabtay xuduuda.

Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay in ayagoo Soomaali badan ah ay hadda ku xayiran yihiin caasimadda Kyiv oo bandow lagu soo rogay, isla markaana ay qorsheynayaan in wixii berri ka dambeeya ay isaga baxaan dalkaas, markii bandowga laga qaado caasimadda oo dagaalka ugu xoogan uu ka socdo hadda.

Sida ay maanta sheegtay wasiirka arrimaha dibedda Britain Liz Truss, dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sii xoogeysanaya, waxayna saadaalisay in dagaalkaan uu sii soca karo ‘sanado badan.’

Cabdiqaani Mayow waxa uu sheegay inay waayeen wiil Soomaaliyeed oo xanuunsanaa, kaas oo ka mid ahaa dadkii laga sii daayey xabsiyada Ukraine, si naftooda ay u badbaadsadaan.

“Amnigeena halis ayuu ku jiraa, dagaalku waa sii xoogeysanayaa, magaalada lagama bixi karo, oo waxaa saran bandow, ciidanka ayaa irdaha noo taagan, dukaamadii magaalada waa la xiray, waxaan ku nool nahay cuntooyinka fudud oo aan soo adeeganay intii aan la xirin goobaha ganacsiga,” ayuu yiri Cabdiqaani Mayow oo ku sugan caasimadda Ukraine.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiqani

Wasiirka Gaashaandhigga oo laba arrin kala hadlay Midowga Afrika + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomalaiya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa, Danjire Bankole Adeoye kaas oo haatan booqasho ku joogo magaalada caasimada ee Muqdisho.

Wasiir Jaamac oo faah faahin ka bixiyey kulanka ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallo miro-dhal ah uu la yeeshay wafdiga uu hoggaaminayo Danjire Bankole Adeoye.

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kulankooda ay diiradda ku saareen laba arrimood, sida ammaanka dalka iyo howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika (ATMIS).

“Waxaan ka wada-hadalnay amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howl-galka cusub ee Midowga Afrika (ATMIS)” ayuu raaciyey Wasiirka, kadib woraal uu soo saaray.

Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa ayaa shalay kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo si kala gooni ah u qaabilay wadigan ka socda Ururka Midowga Afrika oo ay qayb ka tahay Somalia.

Si kastaba, wada-hadallada dowladda federaalka iyo Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya, xilli haatan lagu jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatayt daaha doorashooyinka dalka.

K/G oo shaacisay jadwalka lix kursi – Yaa ku fadhiya?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay gudaha magaalada Baydhabo.

Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa soo saartay jadwal cusub oo ku aadan qabashada doorashada lixdaan kursi oo kala Hop#275, Hop#230, Hop#183,  Hop#178, Hop#050 iyo  Hop#253.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 1-da bisha March la soo gudbin doono ergada, kadibna la siin doonto tababaro ku saabsan doorashada.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in diwaan-gelinta musharixiinta ay bilaabaneyo labada bisha, kadibna saddexda March la qaban doono doorashada lixda kursi ee la shaaciyey.

Yaa ku fadhiya lixda kursi?

1-Hop#275 waxaa ku fadhiya Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan. https://www.oldhouseonline.com/

2-Hop#230 waxaa ku fadhiya Pro. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).

3-Hop#183 waxaa ku fadhiya Sandheere Maxamed Iftin.

4-Hop#178 waxaa ku fadhiya ku fadhiyo Xasan Cali Maxamed Amar-dambe oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya.

5-Hop#050 waxaa ku fadhiya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah wasiirka shaqada & arrimaha bulshada Soomaaliya

6-Hop#253 waxaa ku fadhiso Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta ballantii ugu dambeysay ee Golaha Wadatashiga Qaran oo shaaciyey in doorashada Baarlamaanka lasoo gabagabeyn doon 15-ka March 2022-ka.

Daawo Macallimuu: Guusheyda waxay ahmiyad weyn u leedahay …

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay guushiisa, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah.

Macallimuu ayaa sidoo kale sheegay in guusha uu maanta gaaray ay ahmiyad weyn u leedahay suxufiiyinta Soomaaliyeed, oo mararka qaar ku shaqeeya xaalado adag.

“Marka hore Alle ayaa mahad leh oo igu guuleeyay halgankii waqti dheer u soo galay sidii aan uga mid noqon lahaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa u mahad-celinaya ergada sharafta leh ee sida aqlabiyada leh igu codeeyay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay xiligan jirin Musharax uu si gaar ah u wato, islamarkaana ahmiyad weyn u laheyn musharaxa uu dooranayo ee u codeyn doono qofkii dan u ah dalka.

“Waxaa idin sheegaya in ahmiyad weyn i-laheyn cida aan dooranayo, qof Soomaaliyeed ayaa ahay oo hal cod ayaa leeyahay, Musharaxiinta Soomaaliyeed waa badan yihiin, marka qof ay ila tahay in dalka xaaladiisa uu dan u yahay ayaa u codeyn doona.”

Macallimuu ayaa ballan-qaaday in uu ka dhabeyn doono dhaarta uu u-dhaaran doono xildhibaanimada, uuna daacad u noqon doono dalkiisa iyo ka shaqeynta horumarkiisa.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo doorashadiisa isha aad loogu wada hayey ayaa maanta ku guuleystay kursiga HOP#068, sida uu shaaciyey guddiga SIET ee HirShabelle.

Guusha Macallimuu ayaa aad loo sugayey, maadaama isaga oo dhaawac ah uu tartanka doorashada u aaday Beledweyne, waxaana kursiga uu ahaa mid loo xiray.

Macallimuu inkastoo uu yahay nin saaxiibo badan, hadana siyaasad ahaan waxaa lagu tilmaama nin madax-banaan oo koox gooni ah aysan sheega karin.

Hadii hoos loo sii galo, hadda waxuu siyaasad ahaan aad ugu dhow-yahay hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hoos ka daawo

Sawirro: Maxuu Farmaajo kala hadlay madaxdii ka socotay Midowga Afrika?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay kulan uu galabta Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo la yeeshay Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed Villa Somalia kulankaas ayaa diiradda lagu saaray wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka. 

Hoos ka akhriso qoraal oo Madaxtooyada oo dhameystiran:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka. 

Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa  Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka,  amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada. 

Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,  Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Kuraasta taalla Boosaaso oo la shaaciyay xiliga la qabanayo doorashadooda

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee Puntland ayaa maanta shaaciyey jadwalka 16 kursi oo qayb ka mid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kuraasta uu jadwalkooda doorasho soo saaray guddiga ayaa kala ah; HOP#220, HOP#169, HOP#076, HOP#149, HOP#157, HOP#142, HOP#227, HOP#190, HOP#228, HOP#234, HOP#273, HOP#083, HOP#222, HOP#036, HOP#027 iyo HOP#158.

“Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed (SEIT Puntland) oo fulinaya waajibaadka Qaran iyo heshiisyadii doorashada ee Madasha Qaranka, wuxuu halkaan kusoo gudbinayaa jadwalka qabashada doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha Shacabka dowladda federaalka Somalia 2022 doorashadoodu ka dhaceyso Boosaaso,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Doorashada 16-ka kursi ayaa waxay dhaceysa 5 illaa 6 Maarso, ayada oo Guddiga uu bilaabi doono 2-da Maarso diiwaan-gelinta, hubinta iyo tababrka ergooyinka soo xulaya kuraastaas.

Sidoo kale guddiga ayaa 3-da Maarso qaban doona araajida iyo Diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya kuraastaas, ayada oo shahaadooyinka la siin doono musharaxiinta soo buuxiyay shuruudaha maalin ka hor bilowga doorashada.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo 15-ka bisha soo socoto Maarso, sida ay dhowaan isku raaceen xubnaha Golaha Wadatashiga.

Reer Galbeedka oo qaaday tallaabadii ugu ciqaabta adkeyd ee uu Putin ka baqayey

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub ayaa Sabtidii qaaday tallaabadii ugu adkeyd ee dhaqaale ahaan loo ciqaabayo Ruushka, ayaga oo soo saaray liis cusub oo xayiraado ah.

Hase yeeshee, tallaabooyinka la qaaday ayaa waxaa ugu weyn in Bankiyo badan oo Ruush ah laga saaray nidaamka SWIFT ee isku xira Bankiyada caalamka, taasi oo Ruushka ka go’doomineysa dunida inteeda kale maaliyad ahaan.

Waxay sidoo kale wiiqeen awoodda Bankiga Dhexe ee Ruushka uu u leeyahay inuu xoojiyo lacagta dalkaas ee loo yaqaan ruble, taasi oo sarkaal sare oo Mareykan ah uu sheegay in qiimaheeda uu dhulka ku hooban doono.

Reer Galbeedka ayaa sidoo kale ka digay inay ugaarsan doonaan, doomaha, diyaaradaha, baabuurta, guryaha raaxada iyo hantida kale ee ay ganacsatada shidaalka ka taajiray ee Ruushka ku leeyihin caalamka.

In Ruuska laga saaro nidaamka SWIFT waa tallaabadii ugu adkeyd ee madaxweyne Vladmir Putin uu ka baqayey, isaga oo horey u sheegay inay la macno tahay “dagaal lagu iclaamiyey Ruushka.”

Tallaabadan ayaa waxaa taageeray Mareykanka, Canada, Midowga Yurub, Britain, France, Germany iyo Italy. Waxaa sidoo kale kusoo biiray dalal uu ka mid yahay Japan.

Saameynta ayaa durba laga deeramayaa Ruushka, ayada oo lacagta dalkaas uu qiimaheeda hoos u dhacay, sidoo kale sicir-barar deg deg ah la dareemay, halka qof kasta isku dayayo inuu lacagtiisa u beddesho dollar ama Euro.

Bayaan ay soo saareen ayey Reer Galbeedka ku sheegeen inay ka go’an tahay inay xayiraado cusub soo rogaan, taasi oo burburin doonta dhaqaalaha Ruushka.

“Waxaan garab taaganahay, siina wadi doonnaa inaan taageerno shacabka Ukraine ee wajahaya daqiiqaddoodii ugu madoobeyd,” ayey ku yiraahdeen bayaanka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dagaalka Ukraine sii xoogeysanayo, xilli ciidamada dalkaas ay muujinayaan adkeysi iyo difaac adag, ayada oo xaaladda ay mid sidii la maleynayey ka adag ku noqotay ciidamada Ruushka.

Rooble oo Midowga Yurub siiyey xaqiijin ku saabsan doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann, ayaga oo ka wada hadlay qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, ra’iisul wasaaraha ayaa siiyey safiirka xaqiijin ku saabsan in doorashada lagu soo geba-gebeyn doono waqtiga cusub ee loo qabtay oo ah 15-ka Maarso.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska koowaad ee XFS ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebogebo ah, uuna filayo in ay ku soo  dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15-ka March, taas oo ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.”

Dhanka kale kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiiradda ayaa isku soo hadal qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirku sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha ka jira dalka, ayna taageerayaan dadaallada Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladdaas colaadeed, isagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda taagan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo xog niyad-jab leh ka bixisay dagaalka Ukraine

London (Caasimada Online) – Dagaalka Ruushka iyo Ukraine wuxuu socon karaa “sanado badan” waxayna dunida u baahan tahay inay isku diyaariso in Moscow “ay isku daydo inay adeegsato hub kasii xun kuwa iminka,” waxaa sidaas maanta ka digtay wasiirka arrimaha dibedda Britain Liz Truss.

“Waxaan ka cabsi qabaa in tani ay noqon doonto masaafo dheer, tani waxay noqon kartaa sanado badan,” ayey Truss u sheegtay Sky News.

“Ruushka waxay leeyihiin ciidamo xooggan, waxaana ognahay in Ukrayniyiinta ay yihiin geesiyaal, waxaa ka go’an inay u istaagaan qarannimadooda iyo sharaftooda dhuleed, waxaana ka go’an inay dagaalamaan.”

Wasiirka ayaa sheegtay in warbixino sirdoon ay muujiyeen in ciidamada Ukraine “ay sii wadaan inay iska caabiyaan soo siqitaanka Ruushka” islamarkaana xalay aysan dhicin “isbeddelo waa weyn.”

Hase yeeshee waxay ka digtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu adeegsan karo hub kasii dhimasho badan.

“Tani waxay noqon kartaa billowga dhammaadka Putin, waxaana ka cabsi qabaa inay ka go’an tahay inuu dagaalka u adeegsado hababka ugu xun.”

“Waxaan ka cabsi qabaa in dagaalkan uu noqon karo mid aad iyo aad u dhiig badan. Waxaan u baahannahay inaan diyaar u noqono in Ruushka ay isku dayaan inay adeegsadaan hub kasii xun,” ayey ku dartay.

Si kastaba, Putin “waa inuu ka war hayaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay goor horeba eegeyso waxa ka dhacaya Ukraine, ayna jiri doonaan cawaaqibyo dhab ah oouu si shakhsi ah u wajaho,” ayey u sheegtay Sky News.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa Sabtidii isku raacay cunaqabateeno cusub oo maaliyadeed oo ka dhan ah Ruushka sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, kuwaasi oo ay ku jirto in Bankiyo dhowr ah oo Ruushiyaan ah laga saaro nidaamka SWIFT ee isku xira Bankiyada Caalamka.

Xulufada ayaa sidoo kale isku raacay tallaabo looga hortagayo in Bankiga Dhexe ee Ruuska “uu kala wareejinta maaliyadda ee caalamiga ah u adeegado inuu ku xoojiyo lacagta ruble ee Ruushka,” sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

AFP + VOA

Maxay ka wada-hadleen saraakiisha ITOOBIYA iyo madaxweyne A/Madoobe?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay saraakiil ka socotay dowladda Itoobiya, gaar ahaan taliska ciidamada qaranka ee wadankaasi.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa taliyeyaasha qeybta 3-aad & 6-aad ee ciidanka difaaca Itoobiya, taliyaha guutada 5-aad ee lugta & taliyaha nabad sugida Jubaland.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka ee xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab, isla-markaana la xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac.

“Al-Shabaab waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay u wiiqi lahayd midnimada iyo walaalnimada labada waddan. Sidaa darteed waa in aan iska kaashanaa in aan gacanta ku dhigno ilaa Doolo” ayuu yiri madaxweyne dowlad goboleedka Soomalaiyeed ee Jubbaland.

Dhankiisa taliyaha qeybta 6-aad ee ciidanka difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Ababaw Seid ayaa dhankiisa sheegay in si looga hortago khatarta Al-Shabaab ay lagama maarmaan tahay in si dhow loola shaqeeyo dowladda, ciidamada ammaanka & guud ahaan shacabka.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dalalka ka qayb qaata howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaana ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Muxuu R/W Rooble ka yiri doorashada Macallimuu?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray doorashadii maanta lagu doortay afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Rooble ayaa marka hore hambalyo u diray Macallimuu oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#068, kadib doorasho ka dhacday magaalada Beldweyne.

“Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa walaalkey Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in Macallimuu uu ku soo shaqeeyey xifrado kala duwan, iyada oo lagu jiro xilliyo adag, isla-markaana uu ku soo dhaawacmay 5 jeer.

“Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn.  Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay,” ayuu qoraalkiisa raaciyey ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay,”.

Guusha Macallimuu ayaa aad loo boggaadiyey, maadaama isaga oo dhaawac ah uu doorashada u aaday HirShabelle, gaar ahaan deegaan doorashadiisa Beledweyn.

Si kastaba, doorashadiisa ayaa ku soo aaday maalmo uu kadib, kasoo laabashadiisii dalka Turkiga oo dhaawaciisa loo qaaday, kadib qaraxii lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Wadada Maka Al-Mukarama

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday xalay dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii uu fariin goostay gaari nooca raaxada ah oo marayey qaybo ka mid ah wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Gaariga ayaa ku tegay goob maqaaxi oo ku taalla agagaarka isgoyska shaqaalaha, halkaas oo ay ku sugnaayeen dadweyne kala duwan oo ku caweynayey halkaasi.

Inta xaqiijiyey waxaa shilkan baabuur ku dhintay ugu yaraal hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ka mid ah dadkii ku sugnaa meesha uu shilku ka dhacay.

Goobta ayaa waxaa ku soo xoomay dadweyne fara badan oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada kasoo gaartay shilkaasi geystay khasaaraha leh dhimashada iyo dhaawac.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay dhacdadan ayaa si deg-deg ah loola cararay isbitaalka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale xiray darawalkii waday gaariga, kaas oo loo gudbiyey xarunta CID-da, iyada oo loo heysto waxyeelada ka dhalatay shilka uu galay baabuurkiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilal gaari iyada oo la sheego in ay dhibaatooyinkan soo cel-celiyaan mas’uuliyad darro ay sameeyaan darawallada gaadiidka.

Sawirro: Maxamed Ibraahim Macallimuu iyo xubno kale oo lagu doortay Beledweyne

0

Bedweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadooda ay tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Hop#032, Hop#068, HOP#022 iyo HOP#003, waxaana kursi ka mid ah kusoo baxay Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo doorashadiisa isha aad loogu wada hayey ayaa ku guuleystay kursiga Hop#068, sida uu shaaciyey guddiga SIET ee HirShabelle.

Guusha Macallimuu ayaa aad loo sugayey, maadaama isaga oo dhaawac ah uu tartanka doorashada u aaday Beledweyne, waxaana kursiga uu ahaa mid loo xiray.

Sidoo kale xubnaha kale ee soo baxay waxaa ka mid ah:-

1-Khaliif Cabdi Cumar oo dib loogu doortay kursiga Hop#032.

2-Cismaan Maxamed Cabdi Daallo oo dib loogu doortay kursiga HOP#022.

3-Cabdiraxmaan Beene Beene oo isna dib loogu doortay kursiga HOP#003.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana haray laba kursi oo kale oo qorshuhu in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne.

HirShabelle ayaa dadajineyso doorashada Golaha Shacabka Soomaliya, waxayna shalay soo saartay qaybtii labaad kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay Beledweyne.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 15-ka bisha soo socoto Maarso, sida ay dhowaan isku raaceen xubnaha Golaha Wadatashiga.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo galay maalintii afaraad

0

Kyiv (Caasimada Online) – Maalintii afraad ayuu galay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine, iyada oo shacabka ku nool caasimadda Kyiv ay xalay mar kale intooda badani ku hoydeen guryaha shubka ah iyo godadka tareennada ee mara dhulka hoostiisa, si ay uga gabbadaan madaafiicda culus ee Ruushka.

Sidi habeennadi Jimcihi iyo Sabtidi, xalay ma jirin duqeymo laga soo wariyay magaalada caasimadda ah, marka laga reebo gantaal lagu dhiftay kaalin shidaal oo ku taalla meel 40 km dhanka koofureed kaga beegan Kyiv.

Duqa magaalada Kyiv ayaa Sabtidii ku dhawaaqay bandow xalay magaalada ka dhaqan-galay, kaas oo socon doona ilaa subaxda Isniinta berrito ah. Duqa magaaladu wuxuu sheegay in ciddi lagu arko waddooyinka Kyiv loo tixgelin doono ciidamada Ruushka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in ay xaqiijisay dhimashada 64 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 240 kale, ilaa iyo hadda.

AMISOM oo ‘qad-cagaaran’ ka sameysatay Xalane ilaa garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay amar ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu mamnuucay in wax hub ah lala galo xerada Xalane, halkaas oo inta badan ay masuuliyiinta qaar la geli jireen ilaaladooda.

Tallaabadaan ayaa ka dhigan in aagaas uu noqday ‘qad cagaaran’ taas oo muujineysa in diblomaasiyiinta ku sugan gudaha Xalane iyo Taliska AMISOM ay qatarta amni ee soo korortay ay isaga moosayaan qeybaha kale ee garoonka Aadan Cadde.

Taliyaasha ciidamada ayaa ka mid ah liiska masuuliyiinta dowladda ee laga mamnuucay in ilaaladooda hubeysan ay la galaan gudaha Xalane, waxaan sidoo kale la yareeyey ilaalada iyo gaadiidka ay xaruntaas la galaan wasiirrada qaar ee xukuumadda Soomaaliya.

Laga soo bilaabo albaabka laga soo galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Hotelka Decale iyo qeybaha kale ee howlaha muhiimka ah ay ka socdaan ayaa la sheegay inay suura-gal tahay in Al-Shabaab ay beegsadaan.

Diblomaasiyiinta iyo howlwadeenada kale ee degan xerada Xalane ayaa looga digay inay tagaan goobo ka baxsan xeyndaabka, maadaama ay soo kordheen qataraha muujinaya in la beegsa karo, isla markaana ay heleen digniino culus.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in tallaabadaas ay ka dhigan tahay inay dhamaatay kalsoonidii Taliska AMISOM ee dowladda federaalka iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysa dowladda, gaar ahaan hey’adaha amniga iyo Taliska AMISOM.

“Hey’adda Sirdoonka Qaranka oo ay AMISOM is dhaafsa jireen xogaha dhanka ammaanka ah, maanta waxay mareen in xeyndaabkii Xalane ay AMISOM qad-cagaaran dhigto, taasi waxay ku tusinee baaxadda fashilka amni, 15-sano kadib markii ay AMISOM gudaha u soo gashay Soomaaliya,” ayuu yiri Taliye Ismaaciil Daahir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xeradaas ay degan yihiin safiirada dalalka beesha caalamka oo aad u caawiya Soomaaliya, balse inay ‘qad-cagaaran’ xirtaan xilligaan ay daaha ka rogeyso kalsooni darro weyn oo soo wajahday, weliba xilli doorashooyin adag ay dalka ka socdaan oo aad loogu baahnaa taageeradooda dhan kastaba.

“Waxay aheyd in Ra’iisul wasaare Rooble uu la wareego ammaanka dalka oo gacan ku qabto, gacanta kalena uu doorashooyinka ku wado, laakiin sida muuqata Rooble arrinta amniga waa dayacay, waxuuna hadda amnigu u muuqdaa mid la siyaasadeeyey, waxaana sidey rabto u isticmaasha Villa Somalia,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir.

Talaadadii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro abaabulan oo mar qura lagu qaaday ilaa 7 saldhig oo ciidamada booliska Soomaaliya ay ku leeyihiin degmooyin kala duwan oo ka tirsan caasimadda Muqdisho, waliba xilli duhur ah.

Weerarradaas oo loo adeegsaday banbaanooyinka gacanta laga tuuro, waxaa Muqdisho ugu dambeysay mudo dheer, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawacyo soo gaaray shacab iyo askar intaba.

Todobaad ka hor waxay Al-Shabaab xilli habeen ah weerarro kala duwan oo qaarkood loo adeegsaday qaraxyo is-miidaamin ah ka fuliyeen saldhigga booliska degmada Kaxda oo dhamaantiis la burburiyey iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada oo dad badan ka toosiyey hurdada, maadaama ay weerarradu dheceen saq-dhexe, waxay shacabka caasimadda soo xasuusiyeen dagaaladii 10 sano ka hor Muqdisho looga saaray kooxda Al-Shabaab.

Taliyaashii ciidamada ammaanka ayaa qaarkood siyaasadda ku biiray oo xildhibaano noqday, halka kuwo kalena ay ka shaqeynayaan wax u muuqda olole siyaasadeed oo doorashada la xariira, waxaana loo arkaa in arrimahaan ay Al-Shabaab fursad u siiyeen inay dib u soo weerarto caasimadda Muqdisho.

Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada afar kursi – Yaa ku fadhiya?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxa ay kala yihiin:- HOP#275, HOP#230, HOP#183 iyo HOP#178.

Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu dib ka shaacin doono xilliga ka qabanayo doorashada kuraastan oo ka mida kuwa ugu dambeeyey ee maamulkaasi

Yaa ku fadhiya kuraastaan?

HOP#275:  Sheekh Shaakir Sheekh Maxamed Xasan.
HOP#230: Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi).
HOP#183: Sandheere Maxamed Iftin.
HOP#178: Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya qabsoomida doorashooyinka, waxaana haatan ku harsan 19 kursi oo ay ku jiraan afarta kursi ee maanta la shaaciyey.