25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada afar kursi – Yaa ku fadhiya?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxa ay kala yihiin:- HOP#275, HOP#230, HOP#183 iyo HOP#178.

Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu dib ka shaacin doono xilliga ka qabanayo doorashada kuraastan oo ka mida kuwa ugu dambeeyey ee maamulkaasi

Yaa ku fadhiya kuraastaan?

HOP#275:  Sheekh Shaakir Sheekh Maxamed Xasan.
HOP#230: Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi).
HOP#183: Sandheere Maxamed Iftin.
HOP#178: Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya qabsoomida doorashooyinka, waxaana haatan ku harsan 19 kursi oo ay ku jiraan afarta kursi ee maanta la shaaciyey.

 

Sidee kursiga ku helay Macalimuu, siyaasad ahaana yuu ku tiirsan yahay?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa berri ka mid noqonaya xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Macalimuu oo isagoo dhaawac ah tartanka u soo istaagay ayaa heysta taageerada shacabka, tan beeshiisa, mida maamulka HirShabeelle, tan bahda saxaafadda, mida hey’adaha sare ee dowladda iyo tan mucaaradka.

Kursiga Macalimuu waxuu u muuqdaa kan taageerada ugu badan ka heysta Soomaalida oo dhan, markii loo eego kuraasta taalla HirShabeelle, shan jeer ayuu Macalimuu ka bad-baaday weerarro ay caasimadda Muqdisho ka fulisay kooxda Al-Shabaab.

Waxuu mar kale ku adkeysanayaa inuu noqdo adeege qaran oo aan ka naf doorsan dadkiisa, waxuu ku jiraa dadka faro ku tiriska ah ee heli kara inay ku noolaadaan meel ka nabdoon Soomaaliya.

Macalimuu ayaa ku adkeysanaya inuu ka sii shaqeeyo magaalada Muqdisho iyo inuu gacan ka geysan karo abuuridda Soomaaliya sidaan dhaanta.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kasoo shaqeeyey dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, cayaaraha iyo saxaafadda, waxuuna dhawaan doortay inuu si siyaasi ah ugu adeego dalka.

Hadda waa Afhayeenka XFS, doorashada kursigiisa waxay ka dhici doontaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, inta aan la gaarin doorashadiisa berri waxaa jira su’aalo la is weydiinayo.

Su’aalahaas waxaa ka mid ah, sida uu Macalimuu ku helay kursiga, maadaama ay sanadkaan adkaadeen kuraastu? aragtidiisa siyaasiga ah iyo kooxda gadaal ka taagan.

Waxaan ku hor mareynaa su’aasha ah yaa siiyey kursiga?

Qofka ugu weyn ee looga mahadceli karo kursiga la siinayo Macalimuu waa hoggaamiya HirShabeelle Cali Guudlaawe, kaas oo la sheegay inuu tuuray dhamaan musharaxiintii kale ee raadinaayey kurigaan, isagoo banaanka u soo istaagay qadiyadda Macalimuu.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha qaar iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ayaa kursigaan u watay dad kale, qaar waxay rabeen in kursigaas laga dhigo qoondo Dumar, laakiin Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu go’aansaday, in kursigaas uu siiyo Macalimuu.

Waxaa kaloo aad loo bogaadiyey abaabulka iyo aragtida reerka kursigaan iska leh, kuwaas oo sida la sheegay isku raacay in Macalimuu aan tartan la gelin.

Yuu Macalimuu siyaasad ahaan ku daaban yahay ama codkiisa uu sii doonaa?

Maxamed Ibraahim Macalimuu inkastoo uu yahay nin saaxiibo badan, hadana siyaasad ahaan waxaa lagu tilmaamaa nin madax-banaan oo koox gooni ah aysan sheega karin.

Hadii hoos loo sii galo, hadda waxuu siyaasad ahaan aad ugu dhowyahay hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

In Macalimuu lagu dhex arko xildhibaanada golaha shacabka waxay ka dhigan tahay, inaad arkeyso aragti Soomaaliyeysan oo aan shakhsi daba fadhin.

Berri bahda saxaafadda Soomaaliya waxay u tahay maalin weyn, dadka garashada u saaxiibka ah ayaa si weyn u bogaadiyey hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, kaas oo jawaab munaasab ah ka bixiyey dareenka dadkii codsanaayey in Macalimuu la maamuuso oo kursiga la siiyo.

Maxay yihiin 10-ka sharci ee Qoor Qoor ku saxiixay Dhuusamareeb? (Aqriso)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha  Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa maanta ayaa maanta saxiixay hindise sharciyeedyo ay horay u meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaakna Galmudug.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa sharciyadan ku saxiixay munaasabad ay ka soo qeyb galeen golayaasha Galmudug oo maanta ka dhacday madaxtooyada maamulkaas ee Dhuusamareeb.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano iyo wasiiro katirsan dowladda Galmudug, xildhibaano katirsan labada gole ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood goobjoog u ahaa saxiixa sharciyadaan.

Sharciyada uu maanta sixiixay madaxwayne Qoor Qoor ayaa waxaa kamid ahaa degmo u aqoonsida Xeraale, waxaana ay gaarayaan sharciyada la saxiixay illaa iyo toban sharci, kuwaas oo kala ah;

1- Sharciga Kalluumaysiga

2- Sharciga Nidaaminta Magaalooyinka

3- Sharciga Ujrooyinka Kalluumaysiga

4- Sharciga Shirkadaha

5- Sharciga Nootaayada

6- Sharciga Degmaynta Xeraale

7- Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah

8- Sharciga Shaqaalaha Guud

9- Sharciga Biyaha

10- Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Dhanka kale Madaxwayne Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey munaasabadii uu sharciyadaan ku saxiixay ayaa ka hadlay arrimaha doorashada, waxaana uu sheegay in kuraastii taallay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb lasoo gaba-gabeeyay, lana bilaabayo kursaasta taalla magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in laba todobaad lagu daray waqtigii doorashada loo qabtay, kadib kulan oo ay yeesheen guddiga doorashooyinka qaran ee heer Federaal, isagoona xusay in uu rajeenayo in kuraasta taalla Gaalkacyo doorashadooda lagu soo gaba-gabeen donno laba todobaad.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la doortay 65%

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran oo khamiistii kulan ka yeeshay dardargalinta doorashada golaha shacabka ayaa isku raacay in lagu soo dhamaystirayo codaynta 15-ka Maarso 2022.

Madashan uu hogaamiya Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble waxaa qeyb ka ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleeyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Halkaan ka aqri xildhibaanada la doortay iyo inta dhiman?

Xildhibaanada golaha shacabka oo ka kooban 275 ayaa la soo doortay 179 xubnood oo u dhigma 65%, halka ay dhiman yihiin 96 xubnood oo u dhigma 35% tirada guud xildhibaanada golaha shacabka.

Puntland

Dowlad-goboleedka Puntland waxaa taala 37 kursi ilaa iyo hada la doortay 15 mudane waxaa ku harsan 22 kursi oo aan la shaacin goorta ay dhaceyso doorashada.

Galmudug

Galmudug ayaa waxa taala 37 kursi waxaa la doortay 26 mudane waxa u harsan 11 kursi kuwaas oo aan weli la qaban doorashadooda.

HirShabeelle

Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle waxaa loo asteeyay doorashada 38 kursi, waxaa la doortay 14 kursi waxaa u harsan 24 kursi.

Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed waxaa taalla 69 kursi waxaa la doortay 50 mudane waxaana u harsan 19 kursi kuwaas oo lagu wado in dhawaan la qabto codayntooda.

Jubbaland

Dowlad Gobaleed  Jubbaland waxaa loo asteeyay 43 kursi, waxaa la doortay 23 mudane waxaa u ku harsan 20 kursi.

Somaliland

Xildhibaanada Somaliland Goballada Waqooyi waxaa taalla 46 Xubnood, waa la soo dhamaystiray.

Banaadiriga

Beellaha banaadiga ayaa leh 5 kursi waana la soo dhamaystiray doorashada 5 kursi.

Tan ayaa ka dhigan in xildhibaanada la doortay ee golaha shacabka ay yihiin 179 mudane waxaa dumar ka ah 40 oo u dhiganta 22.3% tirada la doortay halka kuraasta Ragga ay yihiin 139 kursi oo dhiganta 77.6%.

Siyaasiyin walaac horleh ka muujiyey doorashada Bosaaso ka dhaceysa

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Siyaasiin ay ka mid yihiin xildhibaanno ku jiray baarlamaanka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhamaaday iyo golaha wasiirrada oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa walaac hor leh ka muujiyay doorashada kuraalta golaha shacabka ee taal magaaladaasi.

Siyaasiintan oo u badan wasiiro heer federaal ah oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in mad-madow badan uu ku jiro qaabka la doonayo in lagu qabto doorashadaasi isla markaana la baalmaray habkii saxda ahaa ee ay ahayd in loo maro.

Siyaasiyiintaan ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey inuu dhinac marayo habraacyada doorashada.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey kusiga Wasiir Xayir u wareejiyey dhanka Aqalka Sare, wuxuuna hadda isku dayayaa in Beelaha la leh kursiga Aqalka Hoose uu ka dhaadhiciyo inay u ogolaadaan kursigaan.

Wasiirada shirka jaraa’id qabtay ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada Kuraasta taalo Magaalada Boosaaso, wuxuuna Deni wadaa olole uu kuraastaas ugu soo saaranayo dad isaga gacan saar la leh.

Hirshabeelle : Liiska Doorashada 11 Kursi oo La Shaaciyay iyo magacyada xildhibaanadii ku fadhiyey

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga  hergalinta dooroshooyinka  SEIT ee Hirshabeele ayaa shaciyay liiska 11-kursi oo kamida kuursta golaha shacabka ee deegan dooroshadooda ay tahay magaalda Beledwayne.

Kuraasta la shaciyay ayaa  kala ah HOP#004, HOP#010, HOP#011, HOP#019, HOP#030, HOP#039, HOP#058, HOP#059, HOP#063, HOP#066 iyo HOP#135.

Waxaa baarlmankii 10-aad  ku fadhiyay xildhibaanada kala ah  :-

HOP#004: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone)

HOP#010: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed (Jindi)

HOP#011: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed

HOP#019: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Farxiya Muumin Cali

HOP#030: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

HOP#039: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Maryan Axmed Haarun

HOP#058: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Nuur Iidow Bayle

HOP#059: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle

HOP#063: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre

HOP#066: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cumar Cismaan Waasuge

HOP#135: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Khilaaf dhanka Dhulka ah oo ka dhex qarxay Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelada Hoose

0

Muqdishxo (Caasimada Online) – Waxaa bilowday khilaaf dhanka Dhulka ah oo u dhaxeeyo maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabelle.

Khilaafka ayaa bilowday kadib markii maamulka gobolka Shabeellaha Hoose uu sheegay in maamulka gobolka Bamaadir uu kusoo ballaartay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makraan ayaa sheegay in dhul ku yaalla degmada Balcad meello hoos yimaada in la raaciyay gobolka Banaadir, taasina ay tahay tallaabo sharci darro ah.

Axmed Mayre Makraan ayaa xusay in dhulkaasi uu sharciyo u sameeyay maamulka gobolka Banaadir markii ay u geeyeen ganacsato.

“Cidna ka aqbali meyno in Dhulkii Gobolka Shabeellaha dhexe u boobo Gobolka Benaadir”ayuu yiri Gudoomiye Axmed.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan ganacsatada dhulalka ee ku howlan in dhulka Shabeellaha Dhexe ay Sharciyo uga sameeyaan Banaadir.

Tan iyo markii ay ay Soomaaliya qaadatay nidaamka Federaalka waxaa soo baxay khilaaf dhanka dhulka ah oo u dhaxeeyo Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose iyo Gobolka Banaadir.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada kursiga uu Macallimuu u tartamayo iyo rajadiisa

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa maanta shahaadada musharaxnimada guddoonsiiyey musharixiinta u tartameysa lix ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu wado in beri doorashadooda lagu qabto gudaha magaalada Beledweyne.

Musharixiinta shahaadooyinka qaatay oo gaaraya 12 ayaa u tartamaya kuraasta HOP006, HOP 022, HOP 003, HOP 032, HOP 252, HOP 068.

Sidoo kale musharixiintan ayaa waxaa ku jira afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo isaga oo dhaawac ah kursi xildhibaanimo u doontay HirShabelle, kadib markii uu maalmo ka hor kusoo laabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Macallimu ayaa loo xiray kursiga tirsigiisu yahay HOP068, waxaana la tartamayey nin lagu lagu magacaabo Maxamed Cabdicasiis oo ah darawalkiisa, isla-markaana qudhiisa ku dhaawacmay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee afhayeenka lagula beegsaday Muqdisho.

Tani ayaa ka dhigeysa in rajada Macallimuu ay tahay 100%, waxaana beesha kursiga iska leh iyo HirShabelle ay isku raaceen in lasoo saaro, maadaama isaga oo musharrax ah ay kooxda Al-Shabaab qarax culus kula beegsatay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Musharixiinta kale ee kuraasta loo xiray waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene iyo Cismaan Daallo oo lagu wado in dib loogu doorto Golaha Shacabka.

Dhinaca kale guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa soo saaray doorashada qaybtii labaad kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Beledweyne.

Kuraastan oo ah 11 kursi ayaa noqon doono kuwii ugu dambeeyey oo maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo halkaasi.

Daawo: Hooyo gabadheeda si arxan darro ah ugu dishay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo Khamiistii ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii Hooyo deggan degmadaas ay si arxan darro ah u dishay gabadheeda oo yar.

Gabadha oo 9 sano jir aheyd ayaa maydkeeda la helay Jimcadii, iyada oo lagu qariyey guriga ay daganaayeen qoyska, waxaana la geliyey sariirta hoosteeda, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehellada.

Ayeeyada gabadhada yar ee geeriyootay oo lagu magacaabo Madiino ayaa sheegtay in ceejo lagu dilay gabadha yar, sidoo kalena loo geystay jirdil xoogan.

“Xalay lix saac ayaan duugnay meydkeeda waa 9 jir. Gabadha kor iyo hoos waa laga duqeeyey wax fiyooba ma aheynba,” ayey tiri Ayeeyo Madiino oo dhashay Aabaha dhalay gabadha geeriyootay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in haatan la xiray Hooyada falkan geysatay, isla-markaana loo gudbiyey laanta dambi baarista Booliska Soomaaliyeed ee CID-da.

Illaa iyo hadda ma cadda sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dhacdadan, balse waxaa la sheegay inuu jiray muran u dhexeeyey qoyska oo ka billowday gabadha yar.

Dhacdadaan argagaxa leh ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxayna ka mid ah tahay falalka arxan darrada ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:

MAREYKANKA oo fuliyey xayiraaddii uu kusoo rogay madax SOOMAALI ah kadib dib u dhacii doorashada

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay “waxyeeleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda Visa-ha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.

Go’aanka Washington ayaa yimid kadib markii lagu guuldarreystay waqtigii ay u qabatay madaxda Soomaalida inay kusoo geba-gebeeyaan doorashada Golaha Shacabka, oo aheyd 25-ka Febraayo. 

“Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado Vasa aha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Blinken ma shaacin magacyada shakhsiyaadkan, balse waxaa la rumeysan yahay in si gaar ah ayaga loogu wargeliyey.

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee GolaHa Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Kooxda Al-Shabaab, oo inta badan weeraro iyo qaraxyo ka geysta caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya ayaa sidoo kale caqabad ku noqday doorashadan, waxaana bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar is-miidaamin ah lala beegsaday bas ay saarnaayeen ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho, inkasta oo ergadia wax dhaawac ah aau soo gaarin.

Dagaal qaraar oo ka socda magaalada Kyiv iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka iyo Ukraine ayaa dagaallo qaraar ay maanta ku dhex-marayaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayada oo mas’uuliyiinta ay ugu baaqeen shacabka inay magaalada ka difaacaan ciidamada Ruushka. 

Hase yeeshee, inkasta oo dagaalka uu sii xoogeysanayo, haddana saraakiisha dowladaha Ukraine iyo Ruushka ayaa tusmeeyey inay diyaar u yihiin wada-hadallo, taasi oo muujisay rajadii ugu horeysay tan iyo markii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhowaaqay duulaanka Khamiistii. 

Gantaallo iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa bartamaha magaalada Kyiv, ayada oo militariga Ukraine ay sheegeen in ciidamada Ruushka ay soo weerareen saldhig ku yaalla waddada weyn, balse ay iska caabiyeen.

Rasaasta ayaa sidoo kale aroortii laga maqlayey meelo u dhow dhismayaasha dowladda ee bartamaha magaalada, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

“Aayaha Ukriane hadda ayaa la go’aansanayaa,” waxaa sidaas khudbad uu xalay soo duubay ku yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. 

Taliska ciidamada cirka Ukraine ayaa dagaal xooggan kasoo weriyey meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Vasylkiv oo ku yaalla koonfurta galbeed ee caasimadda, halkaasi oo ay sheegeen inay soo weerareen ciidamada Ruushka.

Waxay sidoo kale sheegeen in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay soo riday diyaarad sahay u siday ciidamada Ruushka. 

Dadka degan magaalada Kyiv ayaa wasaaradda difaaca waxay u sheegtay in sameystaan bambooyinka laga sameeyo gaaska, si ay isaga difaacaan ciidamada duulaanka ah. 

Kumanaan qof ayaa ka cararay magaalada, sida uu sheegay madaxa gargaarka QM.

Kadib toddobaadyo ay ka digayeen Reer Galbeedka, Putin ayaa dagaal saddex jiho ah waxa uu Ukraine kaga soo qaaday waqooyiga, bariga iyo koonfurta Khamiistii. 

“Waxaan mar kale ugu yeerayaa shaqaalaha militari iyo ciidamada hubeysan ee Ukraine inaysan u ogolaan maamulka xagjiriinta Naaziyiinta ah inay caruurtooda u adeegsan inay ka dhigtaan gabbaad bani’aadam,” ayuu Putin ku yiri khudbad uu duubay oo laga baahiyey Golaha Ammaanka QM.

“Awoodda gacantiina ayey ku jirtaa.”

Putin ayaa hoggaanka Ukraine wuxuu ka dhigtay mid ka mid ah qiilka ugu weyn ee uu u weeraray Ukraine, isaga oo ku eedeeyey xasuuq ka dhan ah shacabka ku hadla afka Ruushka ee degan Bariga Ukraine. 

Kyiv iyo xulafadeeda Reer Galbeedka way ku gacan sayreen eedeymahaas.

Doorashadii Beledweyne oo dib loo dhigay + Sababta

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo lagu waday in maanta lagu qabto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Qoraal kasoo baxay guddiga SIET ee HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in arrimo farsamo aawgeed ay sababeen dib u dhaca doorashada maanta la qaban lahaa.

Guddiga ayaa sidoo kale isbedalkan ku wargeliyey musharixiinta tartameysa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) waxa uu ku wargalinaya dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Murashixiinta in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa in maanta qabto Sababo Farsamo awgeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle.

Kuraasta lixda ah ayaa kala ah HOP 006, HOP 022, HOP 003, HOP 032, HOP 252, HOP 068, waxaa lagu wadaa in beri la qabto doorashadooda, sida uu qorshuhu yahay.

Sidoo kale kuraastan mid ka mid ah oo isha lagu hayo waxaa u tartamaya afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maalmo ka hor ka soo laabtay dalka Turkiga oo loo qaaday dhaawiciisa.

Si kastaba, dib u dhacaan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan waqti cusub lagu kordhiyey jadwalka doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana Golaha Wadatashiga Qaran uu isku raacay in lasoo gabagabeeyo 15-ka bisha soo socota ee Maarso ee 2022-ka.

NATO oo war xasaasi ah ka soo saaray duulaanka Ruushka ee Ukraine kadib shir deg deg ah

0

Brussels (Caasimada Online) – Wadamada ku bahoobay ururka NATO ayaa bayaan ka soo saaray shir deg deg ah oo maanta ay ka yeesheen duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, iyagoo cambaareyn ku bilaabay war-saxaafadeedkooda.

Waxaan ugu baaqaynaa Ruushka in uu si degdeg ah u joojiyo weerarka millatari, oo dhammaan ciidamadiisa uu kala baxo Ukraine, kana soo laabto dariiqii gardarada ahaa ee uu doortay.

“Weerarkan muddada dheer la qorsheeyay ee lagu qaaday Ukraine, oo ah waddan madax-bannaan, nabad ah oo dimuqraadi ah, waa arxan-darro oo gebi ahaanba aan damiir lahayn oo aan sabab lahayn. Nabadda qaaradda Yurub ayaa asal ahaan burburtay. Dunidu waxay la xisaabtami doontaa Ruushka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NATO.

Sidoo kale qoraalka NATO waxaa lagu shaaciyey in Ruushka lagu soo rogay cunaqabatayn ballaaran oo aan horay loo arag, “Waxaan si buuxda u garab taagannahay madaxweynaha sida dimuqraadiga ah loo soo doortay, baarlamaanka, xukuumadda Ukraine iyo shacabka geesiyaasha ah oo hadda difaacaya dalkooda hooyo,” ayey tiri NATO.

“Waxaan howlgelinay qorshayaasha gaashaandhigga ee NATO, si aan isu diyaarino ka jawaabida xaalado kala duwan iyo is baheysi dhul oo sugan, waxaan hadda samaynaynaa difaac dheeraad ah oo la taaban karo oo cudud ciidan ah, kuna wajahan dhinaca bari ee isbahaysiga. Tallaabooyinkeenu waxay ahaa doonaan kuwo ka hortaga, saami-qaybsi ama wax kasta oo aan kor u kac lahayn.”

Ugu dambeyntii bayaanka NATO waxaa lagu cadeeyey in ururku uu u mideysan yahay difaaca dhammaan dalalka xulafada, “Sida uu dhigayo qodobka 5-aad ee heshiiska Washington, waa mid adag xoriyaddu mar walba waxay ka adkaan doontaa dulmiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay shirkii NATO.

Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ciidanka Ruushka uu gudaha u galay caasimadda Ukraine, ilaa hadana ma jiro wadan cudud militeri ku garab istaagay wadanka lagu duulay ee Ukraine, waxaana muuqata in looga baxay balan qaadyo ay ka heysteen wadamo uu ugu horeeyo Mareykanka.

Daawo: Mucaaradka oo ka hor yimid go’aankii xalay fariina u diray golaha wadatashiga qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah midowga musharaxiinta ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka golaha shacabka oo qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo Jimcihii maanta.

Daahir Geelle ayaa sheegay in wax duruuf ah oo sababi karay in doorashada dib loo dhigo aysan jirin, isagoo naqdiyey bayaankii xalay ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo lagu shaaciyey in 20 cisho lagu daray doorashada.

“Xalay waxaan dhageysanay kulankii golaha wadatashiga qaranka oo ay ku go’aamiyeen dib u dhigidda doorashooyinka, haba yaraatee wax duruufa oo keeni karay dib u dhigidaas ma jiraan, waxaan aaminsanahay hadii daacad loo yahay in doorashada baarlamaanka lagu soo dhamey karay bilowgii ama bartamihii bishaan,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Musharax Daahir Geelle oo mar ahaa afhayeenka midowga musharaxiinta ayaa sheegay in cagajiid badan oo sababay in waqtigu dhamaado ay sameeyeen madaxda golaha wadatashiga qaranka, isagoo cadeeyey inay aad uga xunyihiin dib u dhacaan mar kale ku yimid doorashada dalka.

“Doorashooyinka daahaya waxay dalka gaarsiiyeen meesha uu maanta joogo, meel kasta oo dadkeenu joogo nolosha ayaa aad ugu adag, doorashooyinka ayaa rajo abuuri lahaa oo keeni lahaa hoggaan wax ka bedela sidii hore, dib u dhigidaan sanadka dhaaftay ayaa sababtay in dadka Soomaaliyeed ay wajahaan duruufahaan adag,” ayuu Daahir Geelle hadalkiisa ku sii daray.

Waxuu codsaday in doorashooyinka la dedejiyo, “Aadna waa uga xunahay arrinkii xalay soo baxay ee golaha wadatashiga ka soo yeeray, waxaan dalbaneynaa in dib u dhac dambe uusan dhicin,” ayuu yiri.

Golaha wadatashiga qaranka oo ka kooban Ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka ayaa xalay ka shiray arrimaha doorashada, waxayna kordhiyeen waqtigii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada oo ku e kaa 25-ka bishaan oo Jimcihii maanta ku beegneyd.

Golaha ayaa xalay go’aamiyey in 15-ka bisha soo socota lasoo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka, si loo aado doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha dalka, ilaa hadda waxaa doortay kala-bar xubnihii baarlamaanka dalka, waxaana dhiman oo aan weli lasoo dooran, tiro aan ka yareyn inta la doortay.

Hoos ka daawo

DF Soomaaliya oo war ka soo saartay saameynta dagaalka Ukraine, fariina u dirtay …

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in xaaladda ka sii dareysa ee dalka Ukraine darteed ay dowladda ka fikireyso sidii loo badbaadin lahaa nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran gudaha dalkaas colaada cagaha la galay.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine ugu gacan haatiyey inay la xiriiraan Safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay magaalooyinka Brussels iyo Berlin ee dalalka Belgium-ka iyo Jarmalka o u dhow Ukraine.

“Marka la eego xaaladda amni ee ka jirta dalka Ukraine, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, oo ay ku jiraan ardaydu, in ay la xiriiraan Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin, si loogu fidiyo caawimaad degdeg ah, looga na daadgureeyo dalkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay diyaarinta waddooyinka suurtagalka ah ee dadka Soomaaliyeed looga daad-gurayn karo dalka Ukraine iyo bixinta adeegyadooda qunsuliyadeed ee muhiimka ah.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay muujiyaan feejignaan aad u sarraysa, sidoo kalena ilaashadaan dokumentiyada aqoonsigooda. Kala xiriir Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Berlin: Email-ka: [email protected] ama Lambarka: +49 176 704 59 491, halka Safaaradda Soomaaliya ee Brussels aad kala xariiri karto Email-ka: service@somali-embassy ama Lambarka: +32 466 227 727,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay caawa so saartay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa safaarad ah kuma lahan dalka Ukraine, waxayna qaar ka mid ah Soomaalida ku sugan noo xaqiijiyeen inay kor u dhaafayaan 200 oo qof, kuwaas oo u badan arday wax ka barata Jaamacadaha dalkaas.

Warbaahinta dowladda ayaa maanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka soo xigatay in 30 qof oo Soomaali ah oo ku xirnaa wadanka Ukraine xabsiyada laga siidaayay, sida noloshooda ay u badbaadsadaan.

Dadkaan la siidaayay ayaa la filayaa inay ka baxaan dalkaas, waxaana socda dadaallo ay wado wasaaraddu oo lagu  doonayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku tagaan dalalka dariska la ah Ukraine, sida uu baahiyey Radio Muqdisho oo soo xiganaya wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse.

Ciidanka Gor Gor oo ‘soo afjaray’ koox weerartay deegaanka Bariire

0

Bariire (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay maanta deegaanka Bariire ku qaaday weerar culus, balse aan u dhicin sidii loo qorsheeyey.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa soo bandhigay sawirrada meydadka ku dhawaad 30 dagaalame oo dagaalyahanadii weerarka ku qaaday deegaankaas.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiisha militeriga Soomaaliya ee Bariire ayaa baahisay in ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor ay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ku dileen 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegtay inay ka hortageen qorshihii Al-Shabaab oo ahaa inay weeraraan fariisimaha ciidanka xoogga ee Bariire.

Howlgalkaas oo ay fuliyeen ciidamada ururka 7-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor oo ka dhacay duleedka Bariire ayaa lagu laayey dhamaan kooxdii isku dayday inay soo weeraraan deegaanka, sida ay sheegeen saraakiishu.

Waxaa la soo bandhigay sawirrada meydadka Al-Shabaab oo la isugu keenay hal-goob, waxayna saraakiisha Gor Gor sheegeen inay soo afjareen dagaalyahanadii soo weeraray, hase yeeshee Al-Shabaab ayaan wax war ah ka soo saarin weerarkaas la sheegay inuu ka fashilmay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan fulisa weerarrada noocaan ah, iyagoo aad u gaada ciidanka dowladda oo saldhiyadooda ay ku weeraraan mararka qaar, waxayna inta badan ka fuliyaan goobaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka joogaan gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbada Hoose.

 

 

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo dalab cusub kasoo saaray doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT) oo war kasoo saaray doorashooyinka dalka, ayaa dalbaday in la dadajiyo doorashada Golaha Shacabka, oo inta badan la qabtay doorashadooda.

Afhayeenka gudiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in doorashada dalka ay mareyso meel geba-gabo ah, waxa uu dalbaday in la da-dejiyo kuraasta dhiman si loo xaqiijiyo dhammeystirka tirada Golaha Shacabka ee ah 275.

Axmed Safiina sidoo kale sheegay in maanta lasoo gaba-gabeeyay kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb oo ah caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

“Doorashada Dalka waxa ay kusii siqeysaa meel gaba-gabo ah, waxa aan soo gaba-gabeynay kuraasta Banaadirga 5 kursi, Waqooyiga 46 xildhibaan, Dhuusamareeb 26 kursi & Baraawe 26 mudane,” ayuu yiri Afhayeen Safiina.

“Waxaa inoo dhiman kuraasta Garbahaarey oo ah 16 kursi, 11-ka Gaalkacyo yaalla oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug, 16ka Boosaaso yaalla, Baydhabo 19 kursi ku harsan yihiin Koofur Galbeed, waxaa iyanna socota Doorashada Garoowe, Kismaayo, Jowhar iyo Baladweyne.”

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta qorshuhu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo, hase yeeshe Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa u kordhiyay 18 maalmood oo ku siman 15-ka Maarso ee 2022.

Aqriso: Qaab dhismeedka xukuumada Al-Shabaab oo lasoo bandhigay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay soo bandhigay qaab dhismeedka Al-Shabaab, oo madaxdoodu ah kuwa is qariya oo aan la aqoon.

Hab dhismeedka ururka ayaa muddooyinkii dambe u sii dhawaanayay sida dowlad casri ah, wuxuuna isu-bedelay xukuumad leh dhamaan hay’addaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay warbixinta.

Xarakada ayaa waxaa xiligan ugu sareeya Amiirka Axmed Diiriye, waxaana kaaliyeyaal u ah ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan iyo Afhayeenka guud Sheekh Cali Dheere.

Al-Shabaab ayaa leh 13 Amiir oo u dhigma Wasiiro, kuwaasi oo midkasta u xil saaran yahay shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha oo kale, kuwaasi oo kala ah;

  1. Amiirka Milateriga (Ciidamada): Yaasir Jiis
  2. Amiirka Amniyaatka: Gees Cadde
  3. Amiirka Muhaajiriinta: Macalin Salmaan
  4. Amiirka Qaraxyada: Cabdullaahi Cusmaan
  5. Amiirka Maaliyadda: Cabdikariim Horseed
  6. Amiirka Cadaaladda: Sheekh Axmedeey
  7. Amiirka Xisbada (Booliska): Mahdi Axmed Xuseen
  8. Amiirka Dacwadda: Cabdulaahi Yare (Nadiir)
  9. Amiirka Sakada: Macallin Geesoow
  10. Amiirka Warfaafinta: Cabdullaahi Cusmaan
  11. Amiirka Caafimaadka: Cali Ibraahim Geesey
  12. Amiirka Siyaasadda: Xuseen Sheekh Cali Fiidow
  13. Amiirka Wilaayaatka: Maxamed Maxamuud Mire

Xarakada Al-Shabaab ayaa xiligan ka talisa deegaano badan oo kamid ah Koonfurta Soomaaliya, ayada oo canshuuro xad dhaaf ah ka qaada dadka Soomaalida, taasi oo inta badan lagu maareeyo xukuumadda xarakada iyo howl-galadeeda.

Rooble oo war ka soo saaray doorashadii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay dhameystirka kuraastii doorashadoodu taalay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ugu dambeysay Shanta kursi ee Banaadiriga.

Rooble ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

“Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay guddiyadii doorashada maamulay, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay.

Rooble ayaa waxa kale oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhamaato mudadii uu isla qaateen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa kasii socota dalka, ayada oo la kordhiyay mudadii hore loogu asteeyay, kadib markii uu Golaha Wada-tashiga Qaranka isla qiray inay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan, xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.

Yaa kusoo baxay kuraasta doorashadoodii maanta ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, waxaana maanta magaalada Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacday kuraas kamid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo ay kusoo baxeen sagaal mudane.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ku qabtay doorashada afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla magaaladaas, halka guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ay qabteen Shanta kursi ee beelaha Banaadiriga ku leeyihiin Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadoodu lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxay kala yihiin;

1. HOP#012: oo uu ku guuleystay Yuusuf Xeyle Jimcaale oo kursigaan horey ugu fadhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 93 cod.

2. HOP#048: waxaa ku guuleysatay Faa’iso Maxamed Jeyte oo heshay codad gaaraya 96 Cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Janeraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

3. HOP#137: kursigaan waxaa ku guuleystay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo helay codad gaaraya 92 cod, waxaana hore ugu fadhiyay kursigaan Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim.
4. HOP#071: waxaa markale ku guuleystay kursigaan Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug, Cabdi Saabir Shuuriye, oo asagu hore ugu fadhiyay kursigaan, wuxuuna kusoo baxay codad gaaraya 80.

Kuraasta doorashadoodu lagu qabtay Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa kuso obaxxay mudaneyaal cusub, kuwaasi oo kala ah;

1. HOP#034: Waxaa ku soo baxay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, wuxuuna kursigaan kamid ahaa kuwo buuq badan ka dhashay oo markii dambe uu xaliyay guddigii uu magacaabay Rooble.

2. HOP#105: Kursigaan waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde, ayada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar oo meesha laga saaray.

3. HOP#266: Waxaa ku guuleystay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), waxaa hore ugu fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

4. HOP#084: Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego) ayaa kursigaan ku guuleystay.

5. HOP#265: Kursigaan oo ahaa midkii u dambeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, ayada oo Golaha Wada-tashiga Qaranka uu mudeeyay in doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022.