25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Yaa kusoo baxay kuraasta doorashadoodii maanta ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, waxaana maanta magaalada Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacday kuraas kamid ah Golaha Shacabka, kuwaasi oo ay kusoo baxeen sagaal mudane.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ku qabtay doorashada afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla magaaladaas, halka guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ay qabteen Shanta kursi ee beelaha Banaadiriga ku leeyihiin Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadoodu lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxay kala yihiin;

1. HOP#012: oo uu ku guuleystay Yuusuf Xeyle Jimcaale oo kursigaan horey ugu fadhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 93 cod.

2. HOP#048: waxaa ku guuleysatay Faa’iso Maxamed Jeyte oo heshay codad gaaraya 96 Cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Janeraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

3. HOP#137: kursigaan waxaa ku guuleystay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo helay codad gaaraya 92 cod, waxaana hore ugu fadhiyay kursigaan Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim.
4. HOP#071: waxaa markale ku guuleystay kursigaan Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug, Cabdi Saabir Shuuriye, oo asagu hore ugu fadhiyay kursigaan, wuxuuna kusoo baxay codad gaaraya 80.

Kuraasta doorashadoodu lagu qabtay Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa kuso obaxxay mudaneyaal cusub, kuwaasi oo kala ah;

1. HOP#034: Waxaa ku soo baxay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, wuxuuna kursigaan kamid ahaa kuwo buuq badan ka dhashay oo markii dambe uu xaliyay guddigii uu magacaabay Rooble.

2. HOP#105: Kursigaan waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde, ayada oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar oo meesha laga saaray.

3. HOP#266: Waxaa ku guuleystay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), waxaa hore ugu fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

4. HOP#084: Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego) ayaa kursigaan ku guuleystay.

5. HOP#265: Kursigaan oo ahaa midkii u dambeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa dalka kasii socota, ayada oo Golaha Wada-tashiga Qaranka uu mudeeyay in doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022.

Kyiv oo lagu arkay taangiyada Ruushka xilli Moscow ay ka dhinteen 450 askari

0

Kyiv (Caasimada Online) – Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Kyiv.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka deegaanka ee Magaaladaasi.

Sawirka ayaana u muuqda mid uu qaaday qof ka mid ah shacabka magaaladaasi deggan. BBC waxay xaqiijisay muuqaalkaasi inuu yahay mid sax ah oo laga soo qaaday gudaha magaaladaasi.

Dhanka kale Xoghayaha Gaashandhigga UK ayaa sheegay dagaalka Ukraine iney Ruushka kaga dhinteen 450 askari.

Bell Wallance oo u warramayey idaacadda Radio 4 wuxuu sheegay ciidamada Ruushka in dagalkaasi looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen.

“Ruushka wuu fashilmay maxaa yeelay Putin wuxuu iisu haystay xoreeye balse rabitaankiisa uma rumoobin.”

Wuxruna intaa ku daray ciidamada Ruushka iney ku hungoobeen qabsashada gigada diyaaradaha ku yaalla Waqooyiga Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137. madaxweynuhu wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar iyo dad rayad ah.

Khadiijo Al-Maqsuumi iyo taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir oo xildhibaano noqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billaabatay Doorashada kuraasta Banaadiriga oo buuq badan uu hareeyay todobaadyadii lasoo dhaafay, kaddib markii musharixiinta iyo beelaha ay isku qabsadeen kuraasta lagu loolamayo.

Kursigii ugu horreeyay Banaadiriga ee lagu doortay Muqdisho waa HOP#084, waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Fahma Axmed Nuur ayaa Banaadiriga ku metashay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya, kursigaan waxa uu ka baxay diiwaanka, 5 kursi ee Banaadiriga labo kamid ah waa Dumar halka saddexda kale ay yihiin Rag si loo dhammeystiro qoondada Haweenka ee 30% kuraasta Baarlamaanka Federaalka.

Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi Danjiraha Sooomaaliya ee Pakistan ayaa ku guuleysatay HOP#034, kurisgaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ku fadhiyay Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir.

Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP#266, waxaa Baarlamaanka 10-aad ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

Culeys ka taagnaa doorashada Kuraasta Banaadiriga ayaa la xaliyey kadib markii la qanciyey odayaashii tabashada qabay taasoo keentay in guddiga doorashada uu fasaxo kuraastaan.

Booliska Mareykanka oo xiray nin loo haysto dilka Imaam Maxamed Xasan Aadan

0

Columbus (Caasimada Online) – Waxaa magaaladda Columbus gobolka Ohio elague dalka Mareykanka lagu qabtay, xabsina loo taxaabay nin la sheegay in uu yahay qofkii dilka toogashadda u geystay Imaam Sheekh Dr. Mohamed Hassan Aadam oo Soomaali ah.

Sida ku cad dukumentiyo loo gudbiyay maxkamadda kiiskaan gacanta ku haysa, John W. Wooden Jr. ayaa loo haystaa inuu habeenkii ciidda Kirismaska dilay Imaam Maxamed Xasan Adam.

Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, waaran baaritaan ayaa la geeyay guriga Wooden Jr.l, Kadib markii booliisku gurigiisa ay ka heleen hubka loo maleynayo inuu yahay midkii lagu togtay marxuumka.

Ninkaan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad federaali ah oo ku saabsan in uu yahay dambiile haysta qori. Maxkamada ayaa sheegtay in lagu helay sharciga Hobbs 2010 laguna xukumay 204 bilood oo xabsi ah. Waxa xabsiga laga sii daayay March 2021.

Booliska Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen inay baaritaan dheeraad ah ku sameeynayaan Ninka loo heysto dilka Imaam Sheekh Maxamed kadibna wixii kasoo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Imaam Dr. Mohamed Hassan Aadam oo la waayey bisha December 23, 2021 markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imaamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey markii ay taariikhda aheyd December 24, 2021.

Xog: Cabsi laga qabo in Al-Shabaab ay la wareegaan degmooyin ka tirsan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo sirdoon iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa xaqiijinaya cabsi laga qabo in Al-Shabaab ay isku dayaan inay qabsadaan mid ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Weerarkan oo la sheegay inuu dhici karo Shanta bisha Maarso, ayaa waxaa lagu warramay in Al-Shabaab ay doonayaan inay ku beegsadaan saddexda degmo ee kala ah Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dayniile. 

Qeybo ka mid ah degmooyinkan ayaa horey u ahaa meelo amnigooda xun yahay, ayada oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin xilliyada habeenkii oo lagu arko qaar ka mid ah dagaalyahanadooda.

Inkasta oo Al-Shabaab aysan inta qabsadaan ku nagaan karin degmo ka mid ah Muqdisho, haddana qorshahooda ayaa ah inay haystaan muddo saacado ah, si ay ugu noqoto guul maskaxeed, uguna ceebeystaan dowladda fadhiidka ah ee Soomaaliya. 

Todobaadkii lasoo dhaafay iyo bilowgii todobaadkaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu beegsaday xarumaha degmooyinka Kaxda, Hodan, Boondheere, iyo xarumo ciidan oo ku kala yaalla degmooyinka Deyniile iyo Yaaqshiid, waxaase ugu khasaare badnaa weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday xarunta degmada Kaxda oo ay Al-Shabaab la wareegeen, kana kaxeysteen labo gaari oo ciidamada booliska ay lahaayeen.

Dhinaca kale, waxaa maalmahaan soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay Muqdisho ka geysanayaan kooxda Al-Shabaab, laguna bartilmaameedsanayo xubnaha dowladda federaalka iyo cid kasta oo la shaqeysa.

Tan iyo markii ay ay si rasmi ah guud ahaan maamul goboleedyada iyo iyo goboka Banaadir ugu bilowdeen doorashooyinka xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa kordhay weerarada tooska ah ee kooxda Al-Shabaab ka fulinayaan magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Weerarada ay Al-Shabaab ku beegsanayaan xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saldhigyada ciidan ayaa muujinaya habacsanaan dhinaca amniga ah iyo in hay’addihii amniga ay ku dhex milmeen arrimaha doorashooyinka, taasoo kooxaha Shabaab u sahleysa inay beegsadaan xarumaha ay bartilmaameedkoodu yahay.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka dalka Ukraine iyo Ruushka oo ku siqay Kyiv

Kyiv (Caasimada Online) – Laba qarax oo waa weyn ayaa Jimcaha maanta ah laga maqlay bartamaha Kyiv, ayada oo ciidamada Ruushka ay riixayaan inay qabsadaan caasimadda dalka Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay duqeeyeen goobo ay degan yihiin dad shacab ah, hase yeeshee habka difaaca hawada ay iska caabiyeen laba weerar oo culus, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen boggooda facebook.

Duqa magaalada Kyiv, Vitaly Klitschko ayaa sheegay in saddex qof ay dhaawacmeen ayada oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay halis tahay kadib markii firirka gantaallo ay ku dhaceen dhisme ay shacab degan yihiin. 

Waxa uu twitter-ka soo dhigay sawir muujinaya qeybo ka mid ah dhismaha oo fuqay iyo kooxaha dab damiska oo goobta jooga. 

Gantaallada iyo hoobiyeyaasha Ruushka ayaa Khamiistii ku da’ay magaalooyin badan oo ka tirsan Ukraine kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku dhowaaqay dagaal uu ku qabsanayo dalkaas, oo ku qasbay shacab badan inay qaxaan.

Ciidamada Ruushka ayaa kusii siqaya gudaha Ukraine ayada oo dagaalka uu gaaray banaanka Kyiv, xilli ay dalalka Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen cunaqabateyno lagu ciqaabayo Moscow. 

Khamiistii, ciidamada Ruushka ayaa la wareegay garoon diyaaradeedka ciidamada ee Gostomel ee duleedka waqooyiga galbeed ee Kyiv, kadb markii ay diyaarado kaga soo weerareen dhinaca xuduudda Belarus. 

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Jimcaha maanta ah ka digay in kooxo luggooyo damacsan oo ku xiran Ruushka ay soo galeen Kyiv, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay feejignaadaan.

Zelensky ayaa sheegay in 137 “geesiyaal” oo ay ku jiraan 10 sarkaal oo militari la dilay, halka 316 kale la dhaawacay. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira ilaalada Jasiiradda Zmiinyi ee gobolka Odesa oo ay qabsadeen Ruushka.

Waxa uu khudbad qiiro leh ku yiri “aayaha dalkeena wuxuu ku xiran yahay ciidankeena iyo dhammaan difaacayaasheena.” 

Golaha Wadatashiga oo soo saaray 6 qodob iyo waqtiga cusub ee la dhameystirayo doorashada golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka, oo xalay ZOOM ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka, ayaa soo saaray 6 qodob oo ay ka mid tahay waqtiga cusub ee lasoo geba-gebeynayo doorashada oo ah 15-ka Maarso.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa 24-ka Febraayo, 2022 habka fogaan aragga (ZOOM) ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Golaha Shacabka BFS, maadaama waqtigii horay loogu heshiiyey in lagu dhameystiro doorashooyinka ku eg yahay 25ka Feberaayo 2022.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Kulanka ayay Golaha Wadatashiga Qaranku uga hadleen ajandeyaal ay ka mid yihiin: Xaaladda doorashada, Muddeynta soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka, xal u helista arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarrey iyo xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan.

Golaha ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka doorashada, iyadoo ilaa hadda la soo doortay dhammaan 54-ta xubnood ee Golaha Aqalka Sare iyo 175 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee xildhibaannada labada aqal.

Golaha Wadatashiga Qaranku dood iyo falanqeyn ka dib waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku aysan ku soo dhammaan xilligii loo qorsheeyay ee 25ka Febraayo 2022. Golaha ayaa isla qiray in ay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada saameyn weyn ku yeelatay, Xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.

Haddaba iyadoo la tixgeliyay arrimaha kor ku xusan, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu isku raacay qodobbada soo socda:

1- In doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022

2- Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra’iisul Wasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.

3- Goluhu waxa uu xoojiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

4- Goluhu waxa uu waalaac iyo qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka ka taagan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

5- Goluhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa dulqaadka iyo sida uu u garab istaagay qabsoomidda doorashada.

6- Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu bogaadinayaa doorka iyo tageerada Beesha Caalamka oo lagama maarmaan u ah dhameystirka doorashada dalka.

“Haramcad waa buro foolka uga taalla booliska Soomaaliya ee ha laga jaro” – (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Warbaahinta Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale oo maanta ka hadlay isku soobax ay madaxda warbaahinta Muqdisho ku cambaareeyeen jir-dilkii todobaadkii hore degmada Kaxda loogu geystay weriyaal war doonayaal ah ayaa aad u eedeeyey ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad.

Guutaale ayaa Haramcad ku tilmaamay Buro-foolka uga taalla booliska Soomaaliya, taas wax daawo ah aan laheyn, in laga jaro maahane.

Sidoo kale waxuu aad u eedeeyey taliyaha Haramcad ninka lagu magacaabo Fanax, isagoo ku tilmaamay “Caado-qaate loo adeegsado caburinta saxaafadda iyo guud ahaan dadka reer Muqdisho.”

”Haramacad waa burro foolka kaga taalla Booliiska Soomaaliya, Fanaxow hubka iyo hantida dowladda ee aad heyso waa imtixaane ogaaw, maalin maalmaha kamid ah waa lagaa qaadi doonaa, waliba adigoo eedaysane ah,” ayuu yiri Axmed Guutaale.

Madaxdii warbaahinta madaxa-banaan ee maanta isugu timid Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dhegaha ka fureysatay dalabka cadaalad u raadinta weriyaashii ay dhibaateeyeen ciidanka Haramcad.

Ilaa afar weriye oo ka kala socday warbaahinta madaxa-banaan ee magaalada Muqdisho ayaa jir-dil loogu geystay degmada Kaxda, halkaas oo ay u tageen soo tebinta dhibaatooyinkii ka dhashay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku burburisay saldhigii degmadaas.

Ciidanka Haramcad oo taliyahooda Haramcad uu hoggaaminayo ayaa jir-dilay weriyaashaas, sidoo kale waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey sawirrada weriyaasha oo xabadka loo dhiga meel qorrax ah, kadibna la xirxiray.

10 maalmood ayaa ka soo wareegtay markii tacadigaas loo geystay weriyaasha illaa hadana ma jiraan wax tallaabo ah oo Taliska booliska Soomaaliya uu qaaday, waxaana warbahinta madaxa-banaan looga baxay balan-qaadkii ahaa in ragii weriyaasha jir-dilay cadaaladda la hor keeni doono.

Hoos ka daawo

Ukraine oo war kasoo saartay duulaanka Ruushka iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo cirka ah u geysteen xarumaha milatariga iyo saldhigyada ciidamada ilaaliyo xadka.

“Ruushka si khiyaano ah ayuu saakay u soo weeraray qarankeenna, si la mid ah sidi ay Naziyiintii Jarmalka sameeyeen sannadihi Dagaalki Labaad ee Dunida” ayuu ku yiri qoraal uu madaxweyne Zelensky soo dhigay bartiisa Twitter.

Wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu ay dalka gelisay xaalad militari, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan oo ay guryahooda joogaan.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay in Ukraine ay jartay xiriirkii dibolamaasi ee ay la lahayd Russia. Isaga oo ku booriyay dhammaan muwaadiniinta dooneysa in ay dalka difaacaan ay soo baxaan si loo siiyo hubki ay ku dagaallami lahaayeen.

Millatarga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku ay saakay aroortii billaabeen duqeymo ay ku beegsanayaan ciidamada Ukraine ee ku sugan dhinaca bari, sidoo kalana ay gantaallo ku weerareen garoomada diyaaradeed ee dhowr magaalo oo ku yaalla Ukraine.

Kaaliyaha madaxweyne Zelensky ayaa wariyaasha u sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen duullaanka uu saakay Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xaaladda magaalada caasimadda ah ee Kiev oo ay ku noolyihiin ilaa saddex milyan oo ruux ayaa kacsan. Faras-magaalka Kyiv oo aheyd halka ugu mashquulka badan ayaa maanta maran, iyada oo dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan bankiyada iyo dukaanada cuntada laga gato iyo kaalinnada shidaalka.

Waxaa cariiri darani ka jiraa waddooyinka waaweyn ee ka baxo Kyiv, kaddib marki jidadku ka tan bateen baabuurta kusii jeeda dhinaca galbeed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dadka Ukraine ay ku dhibaato mudanayaan weerar aanan sabab iyo cudur daar laheyn oo ay kala kulmeen ciidamada millatariga Ruushka.

Biden wuxuu sheegay in madaxweyne Putin uu doortay dagaal lasii qorsheeyay oo kaliyah horseedi doona masiibo iyo khasaaro naf iyo maalba leh. Isaga oo ballan-qaaday in Mareykanka, xulufadiisa iyo bah-wadaagtisa ay jawaab xoogan ka bixi doonaan duullaanka Ruushka, isla markaana ay dunidu la xisaabtami doonto Ruushka.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Biden uu shacabka Mareykanka u jeediyo khudbadb uu kaga hadli doono dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga NATO Jens Stoltenberg oo goor dhaweyd hadlay ayaa sheegay in duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu kala dhantaalay nabadda Qaaradda Yurub.

Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay madaxda Isbaheysiga NATO in Jimcaha berrito ay isugu yimaadaan shir madaxeed deg deg ah.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa duulaanka Ruushka ee Ukraine ku sifeeyay masiibo ku habsatay Yurub. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in isaga iyo Madaxweynaha Faransiiska Macron ay shacabkooda la hadlaan.

Turkiga ayaa ugu baaqay Ruushka inuu joojiyo wax uu ku tilmaamay falalka aanan sharciga iyo caddaaladda ku saleysneyn uu ka billaabay Ukraine.Wasiirka Arrimaha dibadda Mowlud Jawusowlu ayaa sheegay in Turkiga uusan aqbali karin kana soo horjeedo dagaalka Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay kulan deg deg ah oo ay xalay Golaha Amaanka ka yeesheen colaadda Ruushka uu ka wado Yurub, ayuu ka codsaday madaxweyne Putin inuu ka hortago dagaal uu dhiib badani ku daato.

“Caawa, kaliyah waxaan hayaa hal sheey oo aan dhaho kaas oo kasoo go’ay gunta qalbigeyga: Madaxweyne Putin, ka jooji ciidankaada weerarka Ukraine. Nabadda sii fursad, dad aad u badan ayaa mar hore geeriyooday,” ayuu yiri Guterres.

Madaxweynaha Ukrain Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo cirka ah u geysteen xarumaha milatariga iyo saldhigyada ciidamada ilaaliyo xadka.

“Ruushka si khiyaano ah ayuu saakay u soo weeraray qarankeenna, si la mid ah sidi ay Naziyiintii Jarmalka sameeyeen sannadihi Dagaalki Labaad ee Dunida” ayuu ku yiri qoraal uu madaxweyne Zelenskky soo dhigay bartiisa Twitter.

Wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu ay dalka gelisay marshal low, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan oo ay guryahooda joogaan.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay in Ukriane ay jartay xiriirkii dibolamaasi ee ay la lahayd Russia. Isaga oo ku boorriyay dhammaan muwaadiniinta dooneysa in ay dalka difaacaan ay soo baxaan si loo siiyo hubki ay ku dagaallami lahaayeen.

Millatarga Ukraine ayaa sheegay in Ruushku ay saakay aroortii billaabeen duqeymo ay ku beegsanayaan ciidamada Ukraine ee ku sugan dhinaca bari, sidoo kalana ay gantaallo ku weerareen eraboorada dhowr magaalo oo ku yaalla Ukraine.

Kaaliyaha madaxweyne Zelenskyy ayaa wariyaasha u sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen duullaanka uu saakay Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xaaladda magaalada caasimadda ah ee Kiev oo ay ku noolyihiin ilaa saddex milyan oo ruux ayaa kacsan. Faras-magaalka Kiif oo aheyd halka ugu mashquulka badan ayaa maanta maran, iyada oo dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan bankiyada iyo dukaanada cuntada laga gato iyo kaalinnada shidaalka.

Waxaa cariiri darani ka jiraa waddooyinka waaweyn ee ka baxo Kiiv, kaddib marki jidadku ka tan bateen baabuurta kusii jeeda dhinaca galbeed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dadka Ukraine ay ku dhibaato mudanayaan weerar aanan sabab iyo cudur daar laheyn oo ay kala kulmeen ciidamada millatariga Ruushka.

Biden wuxuu sheegay in madaxweyne Putin uu doortay dagaal lasii qorsheeyay oo kaliyah horseedi doona masiibo iyo khasaaro naf iyo maalba leh. Isaga oo ballan-qaaday in Mareykanka, xulufadiisa iyo bah-wadaagtisa ay jawaab xoogan ka bixi doonaan duullaanka Ruushka, isla markaana ay dunidu la xisaabtami doonto Ruushka.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Biden uu shacabka Mareykanka u jeediyo khudbadb uu kaga hadli doono dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga NATO Jens Stoltenberg oo goor dhaweyd hadlay ayaa sheegay in duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu kala dhantaalay nabadda Qaaradda Yurub.

Jens Stoltenberg ayaa ugu baaqay madaxda Isbaheysiga NATO in Jimcaha berrito ay isugu yimaadaan shir madaxeed deg deg ah.

Ra’isulwasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa duulaanka Ruushka ee Ukraine ku sifeeyay masiibo ku habsatay Yurub. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in isaga iyo Madaxweynaha Faransiiska Macron ay shacabkooda la hadlaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay kulan deg deg ah oo ay xalay Golaha Amaanka ka yeesheen colaadda Ruushka uu ka wado Yurub, ayuu ka codsaday madaxweyne Putin inuu ka hortago dagaal uu dhiib badani ku daato.

“Caawa, kaliyah waxaan hayaa hal sheey oo aan dhaho kaas oo kasoo go’ay gunta qalbigeyga: Madaxweyne Putin, ka jooji ciidankaada weerarka Ukraine. Nabadda sii fursad, dad aad u badan ayaa mar hore geeriyooday,” ayuu yiri Guterres.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa hadafka duullaankiisa ee Ukraine ku sheegay inuu yahay inuu hub ka dhigis ku sameeyo milatariga iyo in Ukraine laga nadiifiyo wax u ku sheegay haraaga Naaziga.

Dadka ka faallooda arrimaha millatariga ayaa ka digaya in duullaanka Ruushka ee Ukraine uu sababi karo masiibo bani’aadan tii ugu xumeyd oo ka dhacda Yurub, tan iyo dagaalki labaad ee dunida.

VOA

QOOR QOOR oo go’aan ka gaaray kursiga SAABIR

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa galabta qaaday tallaabadii u dambeysay ee laga soo gabagabeynayo doorashada kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay galabta shahaadooyinka musharaxnimada guddoonsiiyeen musharaxiinta kursigii u dambeeyey.

Guddoomiyaha guddigaas Maxamed Daahir Guuleed iyo Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina ayaa si wadajir ah shahaadada musharaxnimada u guddoonsiiyey Cabdisaabir Nuur Shire oo ah wasiir ka tirsan Galmudug iyo Saciid Khaliif Xirsi oo ku wada tartami doona kursiga HOP#071.

Waa kursigii u dambeeyey ee yaalla Dhuusamareeb oo la diiwaan geliyo musharaxiintiisa, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyey Cabdisaabir Nuur Shire oo ka tirsan xukuumadda Axmed Qoor Qoor ee Galmudug.

Cabdisaabir ayaa kol hore dib loo dhigay doorashada kursigiisa, waxaana muddooyinkii u dambeeyey socday olole xoog leh oo ay wadeen asaga iyo saaxiibadiis, si Qoor Qoor loogu qanciyo kursigaas uu mar kale siiyo Cabdisaabir Shuuriye.

Saabir iyo Fiqi ayaa markii la doortay Qoor Qoor waxay ku biireen golihii uu soo dhisay ee wasiirrada, waxaana loo magacaabay wasiirka dekedaha, halka Axmed Macalin Fiqi oo loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug uu iska casilay xilkaas, markii uu Qoor Qoor u cadeeyey in kursigiisa uusan sii doonin, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah.

Musharaxiin u tartameysa kuraasta kala ah, HOP#012, HOP#048, HOP#137 iyo HOP#071, ayaa galabta la diiwaan geliyey oo shahaadooyinka musharaxnimada la guddoonsiiye, kuwaas oo beri la dooranayo.

Doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyey Jimcaha berri oo ku beegan 25-ka bishaan oo ah maaalintii loo asteeyey in lasoo gabagabeeyo doorashooyinka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Hadii waqigaas lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta taalla Dhuusamareeb, Galmudug waxaa u dhimanaa doonta doorashada 11 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xarakada AL-SHABAAB oo amar cusub dul dhigtay ganacsatada magaalada…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada magaalada Jowhar ee maamulka HirShabelle ku amartay inay xiraan goobahooda ganacsi ayna tagaan magaalada Aadan Yabaal oo ah xarunta maamulka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kadib amarka kasoo baxay kooxda oo qaar kamid ah ganacstada u hogaansatay ee tagay deegaankaas, maamulka HirShabelle ayaa qufulo saaray xarumaha ganacsiga ay lahaayeen ganacsatadaas.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan tallaabada ay uga jawaabtay ganacsatada u hogaansatay amarka Al-Shabaab.

Inta badan ganacsatada ayaa dhibaato ka sheegta ka dhex shaqeynta labada dhinac, maadama uu midba dhinaciisa uga hanjabayo, soona saarayaan amaro is-khilaafsan.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xili ay dhawaan warbixin ay soo saartay machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute lagu soo bandhigay in canshuurta Al-Shabaab ka qaado ganacsatada ay door weyn ka ciyaarto hubka iyo xooganaanta kooxda.

Agaasimaha Hiraal, Samiira Geed oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in lacagta ay Al-Shabaab kasoo aruuriso dadka Soomaaliyeed ay sanadka sii kordhaan, maadama kooxdu kordhinayso waxa ay ku sheegto canshuurta.

“Sanadkii lasoo dhaafay waxaan sameynay cilmi baaris maaliyadeed oo aan ku xaqiijinay in ururka Al-Shabaab ay uruuriyaan ku dhawaad 180 Milyan oo dollar sanad kasta, balse waxaan fileynaa in sanadkaan ay intaas kasii badan tahay, ayada oo ururku kordhiyay canshuurta uu qaado,” ayey tiri Samiira Geed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadihii dambe sii xoogeysaneysay, waxayna si lamid ah dowladda canshuur ka qaadata ganacstada, xataa kuwa aan ku sugneyn goobaha ay ka taliso, taasi oo aan illaa hadda wax maaro ah loo helin.

Guddiga doorashooyinka oo fasaxay doorashooyinka kuraasta Banaadiriga iyo jadwalka oo lasoo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xil-saaray xalinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadiriga ayaa ku guuleystay xalinta khilaafkaas, sida uu shaaciyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in la fasaxay qabashada doorashada kuraastaas, ayna bilaabaneyso diiwaan-gelinta.

Saacado kadib Guddiga maamulka doorashada xildhibaanada Banaadiriga ayaa shaaciyay xubnaha guddiga xulista ergada ee shanta kursi, oo horay loo shaaciyey ee Golaha Shacabka.

Saddexda kursi ayaa kala ah; HOP#034, HOP#084 iyo HOP#266, waxaana xubnaha Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ay dhan yihiin 15.

Sida lagu sheegay jadwalka uu soo saaray guddiga doorashada Banaadiriga waxaa maanta bilaabaneysa xulista iyo diiwaan-gelinta ergada soo xuleysa kuraastaas, iyo tababaridooda.

Sidoo kale isla maanta ayaa waxa uu guddiga qabanaya araajida, diiwaan-gelinta, lacag shubista iyo shahaado siinta musharaxiinta raba inay u tartamaan shanta kursi.

Doorashada shanta kursi ayaa qorshuhu yahay in la qabto maalinta Jimcaha ee 25-ka bishaan, oo ah maalintii loo asteeyay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii SACIID DENI iyo Isimadda Gobolka BARI?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa maanta la kulmay Isimada gobolka Bari.

Isimada uu la kulmay Deni ayaa kala ah; Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalad guud ee gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay kulamada uu Madaxweynuhu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Waxgaradka iyo Bulshada gobolka Bari.

Sidoo kale kulankaan ayaa diirada lagu saaray arrinta PSF ee dhalisay dagaalladii ka dhacay Boosaaso ee u dhexeeyey ciidamada labada dhinac.

Kulanka ayaa imanaya kadib markii Isimada dhaqanka ay aqbaleen codsi uga yimid madaxweynaha maamulkaasi, kaasi oo ku aadana inuu la kulmo isimada si loo soo afjaro xiisada ka jirta Boosaaso.

Wada-hadalladaan cusub ayaa ku soo aadayo, iyada oo Deni uu dhaqangeliyay mid kamid ah soo jeedinta isimada oo ahayd in gacanta maamulka Dekedda Boosaaso laga saaro shirkadda P&O ee hoostegta isutagga Imaaraatka Carabta oo ugu dambeyn aqbalay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo haatan Boosaaso ku sugan ayaa ujeedka uu u yimid waxaa sidoo kale qayb ka ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee taalla gudaha magaaladaas, oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.

R/Wasaare Rooble oo markii ugu horreysay ka hadlay maqaam ay hesho Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada Gobalada Waqooyi ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan doorashadooda Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa ugu baaqay inay la yimaadaan isku duubni iyo midnimo, ayna dalka u horseedaan hoggaan samata bixin kara.

Rooble oo kulankiisa daadrnaa dardaaran ayaa diiradda ku saaray sida ay dalka ugu badbaadin lahaayen xaaladda uu ku sugan yahay asiga oo ugu baaqay inay doortaan qofka ay isdhihi karaan wuu mudan yahay,

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga Mahadceliyay ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed sida wanaagsan uu uga qeyb qaatay dardargalinta doorashada asiga oo sheegay inuu si wanaagsan uu kala shaqeeyay Doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa masuul ka ahaa doorashada Goballada Waqooyi kuwaas oo doorashadoodu lagu qabanayay Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku matalada Goballada Waqooyi inay u sameeyaan Magaalada Muqdisho Maqaam; “Qofkasta Gobalka uu ka yimid ayuu kursi u doontay soo maahan, Soomaaliland halkee ka doonatay kursiga? Muqdisho. Waxa aan rabaa Maqaamka Muqdisho in aad xoogga saartaan,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa sii yiri “lama ogala cid kasta oo timaada, Raali kama noqoneyso inay Muqdisho Maqaam hesho, sababaha waa naqaanaa, waa ishii, waa Hooyadii dalka laakiin xaq bey idinku leedahay inay hesho Maqaam.”

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho lagu soo idleeyay doorashada Xildhibaanada Goballada Waqooyi, lana filayo in lagu qabto doorashada Shir Guddoonka labada gole iyo midda Madaxweynaha.

Isha: Mustaqbal Media

M/Yurub oo ciqaab aan horey loo arag’ ugu hanjabay Russia kadib weerarkii Ukraine

0

Russia waxay wajaheysaa “go’doomin aan horey loo arag” sababo la xiriira weerarka ay ku qaaday Ukraine, waxaana la saari doonaa “cunaqabateynadii ugu xoogganaa” ee Midowga Yurub uu soo rogo abid, waxaa sidaas yiri madax siyaasadda arrimaha dibedda ururkan, Josep Borrel.

“Tani ma ahan su’aal ururo. Tani ma ahan su’aal cayaar awood diblomaasiyadeed. Tani waa arrin nolol iyo geeri ah. Tani waa mustaqbalka bulshadeena,” ayuu yiri.

Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, oo ka dhinac hadleysay, ayaa iyana sheegay in xayiraadaha cusub ee ka dhanka ah Ruushka lagu go’aamin doono shir deg deg ah oo maanta dhacaya.

“Waxaan wiiqi doonnaa aas-aaska dhaqaalaha Ruushka iyo awoodda ay u leedahay inay horumarto,” ayey tiri.

Ursula ayaa sheegtay in cunaqabateynadan weyn ay beegsan doonaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Ruushka, lagana xanibi doono suuqyada Yurub, ayada oo sidoo kalena la hakin doono hantida Ruushka ee Midowga Yurub.

“Xayiraadahan waxaa loo naqshadeeyey inay dhaawac xooggan gaarsiiyaan danaha Kremlin-ka iyo awoodda ay uleedahay inay maal-geliso dagaal.”

Waxay sheegtay in ciidamada Ruushka “ay qabsadeen Ukraine,” ayaga oo soo dhaafay xadkii ay Reer Galbeedka kusoo rogi lahaayeen xayiraadaha.
Russia ma beegsaneyso oo kaliya Ukraine, ayey tiri.

“Bartilmaameedka waa xasilloonida Yurub iyo nabadda caalamka oo idil. Waana kula xisaabtami doonnaa Putin taas.”

Borrel ayaa yiri “Kuwani waxay ka mid yihiin saacadihii ugu madoobaa Yurub tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.”

Waxa uu sheegay in weerarka Russia ay ku qaaday deriskeeda “aysan xadgudub ku aheyn kaliya xeerarka caalamiga ah, balse ay sidoo kale xadgudub ku tahay mabaadi’da wada noolaasho ee bani’aadaamka.”

Waxa uu intaas ku daray in Midowga Yurub ay diyaarinayaan kaalmo deg deg ah oo la siiyo Ukraine iyo howlgal daad-gureyn ah oo ay qeyb ka tahay in shaqaalaha ururka laga soo qaado goobaha ay saameeyeen weerarada.

Borrel iyo von der Leyen ayaa labaduba xoojiyey in Midowga Yurub ay dhinac taagan yihiin shacabka Ukraine.

AFP + VOA

QARAX kale oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay wadada Warshadaha waxaana la sheegtay in lala eegtay gaari ay la scoeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Kadib qaraxa ciidamada ayaa furay rasaas, waxayna xireen dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse xaaladda goobta qaraxa lagula beegsaday ciidamada ayaa haatan ah mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Soomalaiya ka bixiyeen qaraxaas, waxaana socda baaritaano dheeraad ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha caasimada, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Weeraradan ayaa kusoo aadaya, xilli dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, waxaana weli socota doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo haatan gabagabo ku dhow.

Cumar Filish oo shaaciyey in Muqdisho ay ka jirto arrin ka halis badan qaraxyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay degmada Dharkenley ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in maalin weliba loo soo gudbiyo xogta qaraxyada iyo dilalka ka dhaca gudaha caasimada, balse wuxuu tilmaamay inay haatan ka halis badan yihiin dhibaatooyinka ay geystaan dadka isticmaala maandooriyaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Degmooyinka gobolka Banaadir dhacdooyinka ka dhaca maalin walba wixii dhaca 24 saac waa la’ii soo gudbiyaa qaraxyaa dhaca kuwa madax jebiska bistooladley ayaa wax disha yacni dhibaatooyin kale ayey abuuraan waxaas wax ka khasaare badan oo aan la ogeyn ayaa jira waa dadka daroogeysan dhibaatooyinka ay geystaan ,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhibaatooyinka maan dooriyaha ku hayo bulshada ay shan jeer ka badan yihiin falalka ay geystaan kuwa is qarxinaya ama wax dilaya.

“Inta qof daroogeysan uu dilay ama dhaawacay ayaa shan jeer waxa ay ka badan tahay kooxahaan kale oo is qarxiyeyaasha ahi dhibaatada ay geystaan,” ayuu sii raaciyey.

Duqa Muqdisho ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay meel uga soo jeestaan la dagaalanka maan dooriyaha iyo kuwa cadowga ku ah noloshooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii u dambeeyey ay kordheen dhibaatooyinka amni darri ee ka jira caasimada oo ay haatan ka socoto doorasho guud.

Si kastaba, maamulka gobolka Banaadir ayaa bilihii u dambeeyey waday wacyigelin ballaaran oo ku aadan sidii loola dagaalami lahaa maan dooriyaha iyo kuwa ganacsada.

Nuur Daalacay: Cadowga Somaliland waa Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaanka Nuur Jaamac Aadan oo loo yaqaano (Nuur Daalacay) ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan qaddiyada Somaliland iyo sidoo kale wada-hadalladeeda la xiriira Soomaaliya.

Nuur Daalacay ayaa wareysigan oo dhaliyey dood xoogan ku sheegay in Somaliland aysan laheyn cadow aan aheyn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland cadow aan Soomaaliya aheyn ma laha runta in lag weecdo ma aha. Cadowga Somaliland waa Soomaaliya,” ayuu yiri Nuur Daalacay.

Fannaanka ayaa intaasi raaciyey “Cidda horumarkeeda hor taagan Somaliland ee ka naxeysa waa Soomaaliya, haddii awood leeyihiina way kusoo duuli lahaayeen,”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadallada socda ee u dhexeeya labada dhinac ay caqabad xoogan ku noqdeen horumarka Somaliland.

“Somaliland maanta waxaa aad iyo aad caqabad ugu ah wada-hadalka Soomaaliya,” ayuu markale yiri Fannaanka Nuur Daalacay.

Sidee looga falceliyey wareysiga Fannaanka Nuur Daalacay?

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u falan-qeeyey hadallada kasoo yeeray Fannaankan oo horey heeso ugu qaaday Somaliland.

“BK oo ka caansan oo ah Fanaan loo istaago baa Soomaaliya markii uu u gefay raali-gelin bixiyey, Kadib markuu isagu isla yabay heesahiisana “iga dami cunsuriga” la lahaa marka odayga aroos yada kaliya ka heesa waxba uma arkaan heestiisa anigu ma arag oo Nuuree,” ayey tiri gabar ku soo gashay Facebook-ga magaca Hoodo Xayinimo.

Sidoo kale wiil lagu magacaabo Axmed Cabdirashiid ayaa yiri “War waxaasi waa sheeko ma jiro qof Soomaali ah oo qof kale oo Soomaali ah horumarkiisa ka xun,”.

Dadka kale ee ka falceliyey wareysigan waxaa ka mid ah nin kale oo Facebook-ga isna ku soo gala Waabari wuxuuna yiri “Fanaan maxa siyaasaad galiyay yaab waxaas oo miiran ayaa waxaa la leeyahay wa Fannaan, haddana mana kala garnayo cadow iyo sokeeye,”.

Xog: Kursiga HOP#106 ee beesha Galmaax Yoonis oo loo xiray Farmaajo saaxiibkiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kursiga beesha Galmaax ee horay ugu fadhiday Drs. Mina Xasan Shibis uu hadda madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u xiray Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo ay saaxiibo yihiin.

Yuusuf Jaalle ayaa horay usoo noqday maareeyaha guud ee hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya, balse xilkaasi laga qaaday markii lagu eedeeyay dib u dhac iyo in safaradiisa dibada ay bateen.

Farmaajo ayaa ku qancinaayo Yuusuf Jaalle kursiga beesha Galmaax, maadaama Yuusuf Jaalle uu tirsanaayo xumaan ugu timid saaxiibkiis Farmaajo oo uu ka mid ahaa xubnihii ugu dhow dhowaa markii uu xilka qabtay iyo kahorba ololihii doorashadiisa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in tartanka kursigaan HOP#106 ee beesha Galmaax ay tartankiisa ku jireen xubno uu ka mid yahay xildhibaanka beesha Celi Cumar ku matala HirShabeelle Cabdullaahi Cadde, Muxiyaddiin Darboweyne, oo kasoo jeeda beesha Mataan Cabdullaahi, iyo xubno kale, balse markii ay arkeen damaca Villa Somalia ay ka quusteen islamarkaana aysan wax dhaqaale ah ku bixin ololahooda.

Qorshaha ayaa ahaa in sanadkaan kursiga beesha Galmaax la siiyo beesha Maxamed Muuse ama Mataan Cabdulle, ama Cabdulle Galmaax, maadaama ay sanadkii hore qaadatay beesha Celi Cumar,

Warar kale ayaa sheegaya in kursigaan sanadkaan la siin doono beesha Maxamed Muuse hase ahaatee loo xiro doono qof dumar ah, walow warkaasi uusan aheyn mid la hubo.

Waxaa horay kursigaan ugu fadhiday Mina Xasan Shibis, oo xiligaan hami ay ku tartanto laheyn maadaama ay ku eedoowday beesha ay ku madali jirtay oo ay ka tirsanayaan cabashooyin badan.

Xog: Kursiga FAHAD Yaasiin oo kala qaybiyay xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ku kala qaybsamay fasaxa ay qaybtood fasaxeen kursiga #HOP086, oo Axaddii uu ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoona uu kursigan ka mid ahaa illaa 6 kursi oo maalintaasi lagu doortay Magaalada Beledweyne.

Warqad lagu daabacay barta Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Facebook ayaa shalay lagu shaaciyay in la fasaxay kursigaasi, waxyar kadibna warqaddii ayaa laga saaray bartii guddiga, kadib markii uu xoogeystay khilaafka Xubnaha Guddiga iyo cadaadis la sheegay inuu soo wajahay.

Warqadan ayaa looga jawaabayay tallaabadii ay laba maalin ka hor Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ku hakiyeen natiijada doorashada ee kursigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay markii horeba isku khilaafeen inaanan warqadaasi lagu baahin barraha bulshada, taasi bedelkeedana in si toos ahi loogu diro Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Doorashada HirShabelle.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in warqaddaas uu ka dambeeyey guddoomiyaha guddiga oo ku xiran Villa Somalia, balse ay kasoo horjeesteen xubnaha kale ee guddiga.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu Guddiga Xalinta Khilaafaadka ku cadaadiyay in ay warqadaasi ka saaraan boggooda.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka aanay ahayn kuwo madaxbannaan, marka aad eegto saamaynta ay ku leeyihiin labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, waana mid ka tarjumaysa sida ay u macno beelayaan waajibaadkii loo igmaday guddiyadaasi.

Khilaafkan ugu dambeeyay ee ka soo kordhay Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ku soo aadaya, xilli ay maalinta Jimcaha ku egtahay muddada lagu heshiiyay in la soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, tiiyoo ay muuqato inaanan waddadeedii lahayn.

Illaa iyo hadda kuraasta Golaha Shacabka ee la doortay ayaa ah 175 kursi oo 38 ka mida ay haween ku soo baxeen, waxaana weli harsan 100 kursi.