25.2 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Xog: Kursiga FAHAD Yaasiin oo kala qaybiyay xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ku kala qaybsamay fasaxa ay qaybtood fasaxeen kursiga #HOP086, oo Axaddii uu ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoona uu kursigan ka mid ahaa illaa 6 kursi oo maalintaasi lagu doortay Magaalada Beledweyne.

Warqad lagu daabacay barta Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Facebook ayaa shalay lagu shaaciyay in la fasaxay kursigaasi, waxyar kadibna warqaddii ayaa laga saaray bartii guddiga, kadib markii uu xoogeystay khilaafka Xubnaha Guddiga iyo cadaadis la sheegay inuu soo wajahay.

Warqadan ayaa looga jawaabayay tallaabadii ay laba maalin ka hor Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ku hakiyeen natiijada doorashada ee kursigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay markii horeba isku khilaafeen inaanan warqadaasi lagu baahin barraha bulshada, taasi bedelkeedana in si toos ahi loogu diro Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Doorashada HirShabelle.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in warqaddaas uu ka dambeeyey guddoomiyaha guddiga oo ku xiran Villa Somalia, balse ay kasoo horjeesteen xubnaha kale ee guddiga.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu Guddiga Xalinta Khilaafaadka ku cadaadiyay in ay warqadaasi ka saaraan boggooda.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka aanay ahayn kuwo madaxbannaan, marka aad eegto saamaynta ay ku leeyihiin labada xafiis ee dalka ugu sarreeya, waana mid ka tarjumaysa sida ay u macno beelayaan waajibaadkii loo igmaday guddiyadaasi.

Khilaafkan ugu dambeeyay ee ka soo kordhay Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa ku soo aadaya, xilli ay maalinta Jimcaha ku egtahay muddada lagu heshiiyay in la soo geba-gabeeyo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, tiiyoo ay muuqato inaanan waddadeedii lahayn.

Illaa iyo hadda kuraasta Golaha Shacabka ee la doortay ayaa ah 175 kursi oo 38 ka mida ay haween ku soo baxeen, waxaana weli harsan 100 kursi.

Doorashada G/Shacabka ma lagu soo gaba-gabeyn karaa halka maalin ee harsan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinta berri ah ee ku taarikheysan 25-ka Febraayo waxaa ku eeg mudadii ay Madaxda Wada-tashiga Qaran u qabteen soo gaba-gabeynta doorashada Golaha Shacabka, xilli ay maamulada qaarkood bilaabin deegaan doorashadooda labaad.

Doorashada gobolada Waqooyi ayaa noqotay tii ugu horreysay ee la soo gaba-gabeeyo, ayada oo la soo doortay 46 mudane ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo Baarlaamaanka 11-aad ku matala gobolada Waqooyi.

Waxaa illaa hadda dhiman doorashada 105 kursi, waxaana doorashadooda la qabtay 170 mudane, oo ay dumar ka yihiin 38 oo u dhiganta 22.3% tirada la doortay, halka kuraasta ragga ay yihiin 132 kursi oo u dhiganta 77.6%.

Waxa aad u yar suurta-galnimada hal maalin gudaheed lagu dooran karo 105 mudane, taasi oo ka dhigan in markale uu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorasho ee Golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maalmo ka hor ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeynayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa dalbaday in si dhaqso ah loo qabto kuraasta dhiman.

Rooble ayaa dowlad-goboleedyada dalka ku boorriyey inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan, si waqtiga looga faa’iideysto, loona fuliyo heshiiskii Muqdisho.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee dib u dhac ku yimaado jadwal doorasheedka dalka, hase yeeshe midda Golaha Shacabka ayaa aheyd doorasho si weyn indhaha loogu hayay, ayada oo beesha caalamka ay si adag uga digtay dib u dhacyo kale.

Sawirro: Madaxweyne Putin oo amray howlgal militari iyo dagaal ka billowday Ukraine

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta amray howlgal militari oo laga billaabo bariga Ukraine, xilli ay u muuqato in dagaal weyn uu ka qarxay Yurub.

Waxyar kadib markii uu Putin jeediyey khudbad laga daawaday taleefishinka, waxaa qaraxyo xooggan taroorii laga maqlay magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine. Waxaa sidoo kale rasaas xooggan ay ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha Kyiv.

Qaraxyada ayaa sidoo kale ruxay magaalada gooni u goosadka ah ee Donetsk ee Bariga Ukraine, ayada oo diyaardaaha rayidka looga digay inay u dhowaadaan hawada dalkaas, ayada oo Mareykanka ay sheegeen in weerar weyn uu billowday.

Putin ayaa sheegay inuu amray howlgal gaar ah oo laga fuliyo bariga Ukraine, halkaasi oo ay ku xoogan yihiin gooni u goosato ay taageerto Moscow. 

Madaxweynaha Ruushka waxa uu sheegay inuu amray ciidamadiisa inay ilaaliyaan shacabka, wuxuuna amray ciidamada Ukraine inay hubka dhigaan. 

“Dhammaan mas’uuliyadda dagaalka waxaa qaadi doona taliska xukuma Ukraine,” ayuu yiri Putin.

Waxa uu mar kale ku celiyey mowqifkiisa ah in is-ballaarinta NATO oo ay ku jirto Ukraine ay tahay arrin aan la abqali karin, islamarkaana Russia aan la siin ikhtiyaar aan ka aheyn inay is-daafacdo.

Illaa iyo hadda ma cadda heerka uu le’eg yahay howlgalka militari ee Ruushka. Moscow waxay marar badan beenisay inay qorsheyneyso inay qabsato Ukraine, inkasta oo boqolaal kun oo askari ay gaysay xuduudda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Arbacadii sheegay in Moscow ay ansixisay weerar, islamarkaana aysan ka jawaabin casuumad wada-hadal oo uu u fidiyey. 

“Maanta waxaa wada-hadal taleefon la billaabay madaxweynaha Ruushka. Natiijada waxay noqotay aamusnaan,” ayuu yiri. 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay u duceynayaan shacabka Ukraine “oo la kulmaya weerar aysan daan-daansan islamarkaana aan loo qiil dayin oo ugama imanaya ciidamada Ruushka.”

Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo wafdiga QM?

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo uu horkacayey ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada Adam Cabdulmowlaa.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimaha abaaraha ka jira dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka abaartu saameysay.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii la isugu duwi lahaa dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Ku xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ballan qaaday inay dhakooda ka qayb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameysay abaarta baahsan ee ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Adam Cabdulmowlaa iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya iyo kaalintooda ku aadan gurmadka abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka jirta abaar saameysay nololsha qoysas badan oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, xukuumadda Rooble ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo loogu gurmanayo dadka ay saameysay abaarta, si loo bad-baadiyo noloshooda.

MAREYKANKA oo duqeyn culus ka fuliyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey howl-gal dhanka cirka ah oo iyaga oo kaashanayaa ciidamada dowladda ay 22-kii bishan ka fuliyeen deegaanka Dudubley ee gudaha dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan socoto qiimeyn ballaaran oo ku aadan khasaaraha weerarkaasi kasoo gaaray kooxda.

AFRICOM waxay sidoo kale xaqiijisay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntaasi.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee la howlgala kuwa Mareykanka sida uu dhigayo oggolaashihii Isticmaalka Ciidanka Milatariga Mareykanka ee sanadkii 2001-dii.

Mareykanka aya sidoo kale shaaca ka qaaday inuu qaadayo tallaabooyin looga hortegayo weerarada halista ah ee ay fuliso kooxda Al-Shabaab oo kordhay maalmihii dambey.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay Al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka AFRICOM.

Duqeyntan ayaa noqoneyso tii ugu dambeysay ee uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, kadib markii uu bilooyinkii lasoo dhaafay hakiyey weeraradii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo QARAX lala beegsaday + Khasaaraha

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare kala duwan geystay oo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula beegsaday qaybo ka mid ah degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa Arbacadii ka dhacay meel u dhow Ceel ku yaalla degmadaasi, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM.

Ugu yaraan hal askari oo ka trsanaa ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida uu wakaaladda Anadolu u sheegay Aadan Isaaq oo ka mid ah saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aadan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in askarta dhaawacantay si deg deg loogula cararay isbitaal, si loo daaweeyo xaaladdooda caafimaad.

“Qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo goobta ku sugnaa. Labada kale ee dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay  Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya oo ku aadan qaraxaas loo dhigay askartooda.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Sawirro: Rooble oo caawa isugu yeeray xildhibaanada la doortay ee reer waqooyiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xubnahaan oo dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa isugu jiray labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee BJFS ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.”

Laba maalmood ka hor ayaa Muqdisho lagu doortay 3-dii xildhibaan uu dambeysay doorashada kuraasta labada Aqal ee gobollada waqooyi, waxayna dhamaan xubnihii la doortay caawa ka soo muuqdeen casho sharafta uu u sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

11-xubnood oo golaha Aqalka Sare ah iyo 46 oo golaha shacabka ah, markii la isku darana ah 57-mudane ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka soo gasha gobollada waqooyi ee Somaliland, kuwaas oo hadda dhamaantood lasoo doortay.

Guddigii loo xil-saaray doorashada kurasta laba aqal ee Somaliland ayaa aad loogu amaanay inay doorashada deg deg u soo gabagabeeyeen, ayadoo aan la gaarin waqtigii loo asteeyey.

Laba maalmood ayaa ka dhiman waqtigii lagu heshiiyey in lagu soo afjaro doorashada golaha shacabka, waxuuna ku egyahay maalinta Jimcaha ah ee soo socota oo ku beegan 25-ka Febraayo.

Hase yeeshee waxaa jira cagajiid ay sameynayaan dowlad goboleedyada qaar iyo goobo weli shaki la gelinayo in doorasho lagu qaban karo, sida magaalada Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

 

DF Soomaaliya oo shirkii ugu weynaa la furtay IMF kadib hanjabaadii ay soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir balaaran oo ku saabsan arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa u furmay dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta adduunka ee IMF, kaas oo bilaawday Talaadadii shalay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyey shirkaas, isagoo sheegay in shirkaan uu yahay mid aad u balaaran oo soca doona ilaa 8-da bisha dambe.

Shirkaan ayaa ku soo aaday xilli saacadihii u dambeeyey ay IMF soo saartay digniin ah inay joojin doonaan lacagaha ku baxa barnaamijyada ay taageeraan ee Soomaaliya, markii la gaaro bisha May, haddii uu sii socdo dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

“Shirkaan waxa uu soconayaa 22-kii bishaan ee shalay laga soo bilaabo ilaa 8-da bisha soo socota, waxaad halkaas ka garan kartaan ahmiyada shirkaan oo ka balaaran kuwii horay u dhex-mari jiray dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta aduunka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in wajiga koowaad ee shirkaan diiradda lagu saarayo wixii dhanka maaliyadda Soomaaliya uga qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo qeybaha dambe ee shirkana lagu odorosi doono koboca maaliyadeed ee Soomaaliya ay sameyn karto sanadka soo socda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaan ay qeyb ka yihiin dhowr wasaaradood oo dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo Bangiga Adduunka, iyadoo doorka ugu weyn ay leeyihiin wasaaradda maaliyadda iyo hey’adda IMF-ta.

“Bangiyada caalamka markii ay dalalka kala xaajoonayaan deyn cafin iyo wixii lamid ah, hadii doorasho la galo shaqada socota waa joojiyaan, laakiin anaga nagama joojin, waxa aan kabka miisaaniyadda aheyn lama jarin, mashaariicdu sidiibey u socotaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Beyle.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hey’adda IMF ay kula heshiiyeen in aysan dib u dhigin imtixaanada ku saabsan shaqada socota ee deyn cafinta Soomaaliya.

“Sida caadiga ah waxay ahaan laheyd in IMF ay dib u dhigato howshaan oo shaqadaan dib loo bilaabo markii madaxweyne cusub la doorto, waxaan ogeyn in taasi ay dib u dhac badan nagu keeni karto, marka waxaan ku qancinay in shaqadu sideeda ay u sii socoto,” ayuu yiri.

Arrimaha ay kula heshiiyeen IMF waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya Maarso ay la shiri doonaan madaxweynaha Soomaaliya, maalinka la doorto maalinta ka dambeysa, sida uu sheegay wasiir Beyle.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/M4QWx1h78dc?t=277

Su’aalo ka dhashay warqada shahaadada xildhibaan loogu raadinayo Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal la sheegay inuu soo saaray Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka dooraashooyinka, Maxamed Cawil Warsame oo lagu fasaxay kuraas hore loo hakiyay oo uu ku jiray kursiga Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ka muuqda qaladaad waaweyn oo horey looga baran guddiga.

Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay in guddoomiyaha ay xubnaha kale ee guddiga la wadaageen warbixin uu ku qancay oo ku saabsan lixda kursi ee lagu doortay Beledweyne uuna fasaxay, islamarkaana aysan jirin wax cabasho ah oo laga soo gudbiyey kuraastaas.

Warqadaas ayaa waxaa si weyn ugu faafinaya baraha bulshada taageerayaasha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Fahad Yaasiin, balse waxaa ka dhashay su’aalo badan oo yaab leh, oo ay ka mid yihiin:

1- Guddiga Xalinta Khilaafaadka go’aan kama gaari karo kuraas aanay cidna uga soo caban. Shaqada guddiga ayaa ah inuu xaliyo kuraasta ay isku haystaan ama ay cabashada kasoo gudbiyaan beelaha qaar, taasi oo aanay ku dabaqeyn kursiga Fahad. sidaas darteed, maxaa keenay warqaddan?

2- Go’aanka guddiga uu gaaray waxaa muuqata inuu yahay go’aan keligiis uu gaaray guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka, sababtoo ah warqadda meelna ugama qorna guddiga, waxaana jumlad kasta lagu billaabay “anigoo ah guddoomiyaha guddiga….,” taasi oo caddeyneysa in go’aankan uu ku gaar yahay guddoomiyaha. 

3- Warqadda waxaa ka muuqda in Fahad walaac ka qabo inuu heli waayo shahaadada xildhibaannimo, sababtoo ah waxaa qoraalka lagu amray in shahaado rasmi ah la siiyo xubnaha lixda ah ee lagu xusay, oo uu ku jiro Fahad Yaasiin, oo kursigiisa uu ku dhagan yahay guddiga doorashada heer federaal, taasi oo u muuqata meel-marin deg deg ah oo la-yaab leh.

4- Guddoomiyaha guddiga wuxuu si gaar ah usoo qaatay 6 kursi oo ku jiro kan Fahad, kuwaas oo ah kuraastii Beledweyne lagu doortay maalintii Fahad la doortay. Su’aasha ayaa ah; maxaa go’aan looga soo saaray shanta kursi ee kale, maadaama guddiga doorashada aanu ku dheganeyn, sidoo kalena aanay jirin cid ka cabatay. Tani waxay muujineysaa ujeedka warqadda loo soo saraay inay tahay kaliya Fahad dartiis, balse lagu dhiiran waayey in si gaar ah kursigiisa go’aan looga soo saaro.

Balse arrinta yaabka leh ayaa ah; in guddoomiyaha guddiga uu doonayo inuu shahaado u helo kursiga Fahad, haddana uu qiran kari waayey inuu muujiyo in kursigan uu muran wajahayo.

Kuraastaan 5-ta ah ayaa 21-kii Bishan doorashadooda lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse Kursiga HOP#086 ayaa guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle uu sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursigaas.

Waxaa soo baxaysa in dadaalka kooxda Farmaajo-Fahad ugu jirto meel-marinta kursigaas uu gadaal ka riixayo rabitaanka shaqsiga ah ee Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, Maxamed Cawil.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ku gacan sayray natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xasan Sheekh oo laga fara-maroojiyay kuraasta beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebi ahaanba la dhaafiyay kuraastii beeshiisa, ayada oo aan laga tix-gelin doorashadooda iyo go’aamada laga gaarayo.

Afarta kursi ee beelaha uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ayaa wax la tashi ah laga siin dhamaan kuraasta beelaha Waceysle ee Galmudug, halka Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda deegaankaas laga tix-geliyay kuraastooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kursiga u dambeeyay ee beelaha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh oo doorashadiisu qabsoomeyso 25-ka bishaan ayaa si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xusul oo uu wato Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Arrimahan ayaa banaanka u soo saaraya dagaalka tooska ah ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor uu la galay madaxweynihii hore, oo ay si weyn isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa xubno diiday inay la kulmaan Qoor-Qoor daba-yaaqadii sanadkii dhamaaday, xili ay taagneyd xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysay Farmaajo iyo Rooble oo la dhinac ahaayeen mucaaridka.

Sidoo kale waxay arrintaan sii xoojinaysa dooda ah in madaxda dowlad goboleedyada ay saameyn xoogan ku leeyihiin doorashada Golaha Shacabka oo aheyd in loo madax-baneeyo Odayaasha dhaqanka.

Si kastaba, Qoor-Qoor ayaa kuraas dhowr ah si qaawan ugu boobay xulafada Farmaajo-Fahad, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhalatay xiisado xoogan, hase yeeshe ugu dambeyntii loo meel-mariyay.

GALMUDUG oo shaacisay jadwalka doorashada 3 kursi – Yaa ku fadhiya?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada 3 kursi oo kamid ahaa kuraastii hore loo shaaciyay ee Golaha Shacabka, kuwaasi oo deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

Saddexda kursi ee la shaaciyay ayaa waxay kala yihiin; HOP#012, HOP#048 iyo HOP#137, waxayna doorashadoodu qabsoomeysa maalinta Jimcaha ee ku taariikheysan 25-ka Febraayo 2022.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa sidoo kale shaaciyay liiska 16 xubnood oo Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah oo soo xuleysa Ergada dooraneysa saddexda kursi.

Guddiga ayaa maanta bilaabaya tababarista iyo diiwaan-gelinta guddiga xulista, diiwaan-gelinta ergada iyo tababaridooda, ayada oo maalinta berri ah ay bilaabaneyso qabashada araajida iyo diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Hoos ka aqriso magacyada xildhibaanda ku fadhiya kuraasta la shaaciyay;

HOP#012: Waxaa hadda ku fadhiya Yuusuf Xeyla Jimcaale
HOP#048: Waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Gaafow Maxamuud
HOP#137: kursigaana waxaa hadda ku fadhiyay Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahim

Doorashada Golaha Shacabka ayaa kasii socota dalka, xili uu qorshuhu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo maalinta Jimcaha ee 25-ka bishaan, hase yeeshe waxay u muuqata in markale dib u dhac ku imaanayo jadwalkaas.

 

Guddiga Xalinta khilaafaadka oo go’aan rasmi ah kasoo saaray kursiga Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa fasaxay shan kursi oo uu kamid yahay kursiga HOP#086, kaas oo ku guuleystay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraastaan 5-ta ah ayaa 21-kii Bishaan doorashadooda lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, balse Kursiga HOP#086 ayaa guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle uu sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursigaas.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay in guddoomiyaha ay xubnaha kale ee guddiga la wadaageen warbixin uu ku qancay oo ku saabsan lixda kursi ee lagu doortay Beledweyne uuna fasaxay.

Guddiga ayaa la sheegay inaysan jirin wax cabasho ah oo laga soo gudbiyey kuraastaas inta lagu guda jiray waqtiga ku xusan sharciga uu ku shaqeeyo guddiga, taasoo ka dhigan inaysan jirin qof xataa hadda dacwad soo gudbin kara.

Kursiga Fahad Yaasiin ayaa waxaa ku dhagan xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isticmaalaya qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada heer Federaal oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha.

Waxaa muuqata in dagaalka kursigaan looga guuleysta xafiiska Ra’isulwasaaraha maadaama guddiga xalinta khilaafaadka uu ka hor yimid qorshihii ay wateen oo ahaa in guddiga loo guddiga dacwad ka dhan ah kursiga Hop#086.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday guddiga xallinta khilaafaadka

 

Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay hay’adaha amniga iyo taliska ciidanka AMISOM?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka Argagaxisada, dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin argagixisadu.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli kooxda Al-Shabaab ay dib usoo celisay weeraradii tooska ahaa oo ay ka fulin jirtay Caasimadda Muqdisho.

DAAWO: Macallimuu oo dib ugu soo laabtay Muqdisho – Waa sidee xaaladdiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga, kadib qaraxii lagula eegtay Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Macallimuu oo lasoo daaweeyey, kadib dhaawicii soo gaaray ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bahda saxaafadda.

Afhayeenka xukuumadda oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa la ilmeeyey garab istaagga ay u muujisay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ra’iisul wasaare Rooble oo amray in deg-deg loogu qaado caafimaad dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Turkiga.

Muuqaalka Macallimuu oo xambaarsanaa dareen farxadeed ayaa ceshan waayey ilimada, markii lagu soo dhoweeyey Muqdisho, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyey dhammaan dadka Soomaaliyeed ee u duceeyey, kadib dhaawicii kasoo gaaray qarixii lala beegsaday.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa qaabilay Macallimuu wuxuuna u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii soo gaaray, isaga oo u rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.

Imaashaha Macallimuu ayaa ku soo aadaya, xilli ay socota doorashada Golaha Shacabka, Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay musharixiinta u tartamaya baarlamaanka 11-aad, isaga oo deegaan doorashadiisa ay tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Weerarkan lagu dhaawacay Macallimuu oo dhacay 16-kii bishii Janaayo ee sanadkan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana isku qarxiyey nin isku soo xiray walxaha qarxa.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo horey Wariye u ahaa ayaa ka bad-baaday weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ay kasoo gaareen dhaawacyo daran.

Maamulka gobolka GEDO oo war cusub kasoo saaray doorashada Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane  Axmed Buulle Gareed oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka, kuwaas oo ay hareeyey murano xoogan.

Buulle ayaa shaaciyey in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.

“Ra’iisul wasaaraha isaga ayaa ah guddoomiyaha doorashada isagaa laga rabaa in Garbahaarey ay doorashada ka dhacdo isagaa laga rabaa in 16-ka kursi Garbahaarey uu geeyo,” ayuu Axmed Buulle Gareed ku yiri wareysigan oo uu siiyey Shabelle TV .

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wada ayaa sidoo kale xusay in ka maamul ahaan ay  diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doono si xor iyo xalaal ah.

“Aniga haddii aad i weydiiso kalsooni 100% ayaan ka qabaa doorashada inay ka dhaceyso Garbahaarey waxaan ogahay inay si xor iyo xalaal ah kusoo bixi doonaan” ayuu raaciyey.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in haatan aysan wax wada shaqeyn ah kala dhexeyn maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, isla-markaana cidda la doonayo inay wax isku raadiyo ay tahay dowladda federaalka ah, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha.

“Annaga iyo Axmed shaqo iskuma lihin horey ayaa kuugu sheegay ra’iisul wasaaraha ayaa laga rabaa inuu wax isku raadiyo,” ayuu markale yiri guddoomiye Gareed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maamulka Jubbaland ee xaruntiisa KMG ah ay tahay degmada Kismaayo uu ku dhowaaqay in aysan doorasho ka dhici karin magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, taas oo uga sii dartay caqabadaha ka taagan doorashada.

Isreal oo markii u horaysay taariikhdeeda xil sare u magacowday nin Muslim ah

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Khaled Kabub ayaa loo magacaabay xaakimkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo kursi joogto ah ka yeesha Maxkamadda Sare ee Israel, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxkamadda.

In ka badan 20% muwaadiniinta Israel waa Carab, waxaana jiray sharci-yaqaano Carbeed oo ka tirsan maxkamadda sare tan iyo 2003-dii, laakiin dhammaan dadkii hore ee la magacaabay waxay ahaayeen Masiixiyiin.

Kabub, oo 63 jir ah, ayaa noqdat Muslimkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu magacaabo maxkamadda qaranka Israel halkaas oo Carabta, Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, ay intooda badan ka cawdaan in ay faquuq la kulmaan.

Kabub oo markiisii hore garsoore ka ahaa maxkamadda degmada Tel Aviv, ayaa wuxuu ka mid noqday afar garsoore oo cusub oo ay magacaabeen guddi ka kooban garsoorayaal ka tirsan maxkamadda sare, wasiirro, sharci-yaqaanno iyo qareenno,

Maxkamadda Sare ee Israel waxay si joogto ah u dhegaysataa kiisas taabanaya meelaha ay isku hayaan Israel iyo Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan xadgudubyada lagu eedeeyay ciidammada Israel ee joogaa Daanta Galbeed ee la haysto.

Ninkaan ayaa wuxuu ku dhashay Magaalada Jaffa wuxuuna kasoo baxay Jamaacadda Tel Aviv University halkaas oo uu ka bartay Taariikhda iyo Islaamka.

Qofka kale ee kaliya ee Muslim ah oo Maxkamadda Sare ee Israel kamid noqdo wuxuu ahaa Abdel Rahman Zoabi kaasoo shaqo kumeel gaar ah oo Hal Sano ah la siiyey sanadkii 1999.

Isimada Puntland oo aqbalay dalabkii madaxweyne Deni

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa aqblay codsi uga yimid madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo ku aadanaa inuu la kulmo isimada si loo soo afjaro xiisada ka jirta Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in isimadu ay soo dhoweeyeen dalabka madaxweynaha, isla-markaana ay maanta la kulmi doonaan, si ay uga wada-hadlaan xaaladda taagan.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrinta PSF ee dhalisay dagaalladii ka dhacay Boosaaso ee u dhexeeyey ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale wada-hadalladan cusub ayaa ku soo aadayo, iyada oo Deni uu dhaqangeliyay mid kamid ah soo jeedinta isimada oo ahayd in gacanta maamulka Dekedda Boosaaso laga saaro shirkadda P&O ee hoostegta isutagga Imaaraatka Carabta oo ugu dambeyn aqbalay.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay dood ka yeelan doonaan wax ka beddalka go’aanadii ay horey u soo saareen odayaasha ee ku aadanaa xal u helista khilaafka Deni iyo PSF.

Dhanka kale madaxweyne Saciid Deni ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta gobolka Bari oo uu kala hadlay amniga guud ee Boosaaso.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland oo haatan Boosaaso ku sugan ayaa ujeedka uu u yimid waxaa sidoo kale qayb ka ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee taalla gudaha magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland.

CIIDAMO cusub oo maanta soo gaaray MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ciidamo horleh oo dheeraad ah usoo dirtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna ciidamadan qayb ka yihiin kuwa booliska ee magacooda loo soo gaabiyo FPU.

Qoraal kasoo baxay Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadan ay ka qayb ka qaadan doonaan howlgalka Midowga Afirca, isla-markaana ay ka shaqeyn doonaan horumarinta shaqada booliska AMISOM, sare u qaadista sharciga iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya.

Daniel Okello oo ah taliye ku xigeenka guutadan ayaa u sheegay wariyeyaasha inay si gaar ah ula shaqeyn saaxibada kale ee ka socda dalalka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

“Waxaan la shaqeyn doonnaa saaxiibada ka socda dalalka kale ee booliiska ee gacanta ka geysanaya soo celinta nabadgalyada iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka ah,” ayuu yiri Daniel Okello oo ah taliye ku xigeenka guutadan cusub.

Sidoo kale bayaankan ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadan ka socda dalka Uganda ay marka hore qaadan doonaan karantiil laba toddobaad ah oo khasab ah si waafaqsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 ee ay dejisay wasaaradda caafiimaadka Soomaaliya

Uganda ayaa ugu horreysay dalalka ciidmada booliska ah ugu deeqay howlgalka AMISOM, kuwaas oo sidoo kale ay ka mid yihiin Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Ghana iyo Zambia.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda ku jirta xaalada kala guur ah iyo doorasho, waxayna imaatinka ciidamadan kusoo aadeen, xilli uu bilaabanayo howlgal loogu magac-daray ATMIS, kaas oo bedelaya howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

XASAN Sheekh Maxamuud waa siyaasi aragti buuxda ka haysta shantan qodob

0

Soomaalida haddii waayeel siyaasadda dalkeenna ee wareersan weeleyn karaa ku haray waa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waayeelnimada Xasan, waxaa u dheer aragti iyo ogaal is barkan. Xasan waa siyaasi aragti buuxda ka haysta qodobadaan;

(1) Xasan waa siyaasi aragti ka haysta dowladnimadeenna taagtaagan (vertical) oo tigtigan (authoritarian) ee hab dhaqankeedu siyaasadeed iyo maamul ka soo maaxanayo kelitaliskii ina soo maray. Aragtida keligi taliyaha looga hortagayo waa awood baahin, maamul daadejin iyo ka heshiinta Qodobka 54 ee Dastuurka Federaalka.

(2) Xasan, waa siyaasi meel marin kara Dowlad qaab–dhismeedkeedu ballacsanyahay (horizontal governance) oo ka kooban ugu yaraan saddex (3) heer oo xiriiriye, xeeriye iyo xakameeyo u tahay dowlad federal ah oo damaaanad qaadeysa xorriyadda iyo madax bannaanida muwaadinka ee hadalka, aragtida iyo isu soo baxa salmiga ah

(3) Midnimada, wadajirka iyo wadahadallada Somaliland waxuu ka aaminsan yahay in la doodo, la isu garaabo, la garnaqsado, laguna heshiisyo dowlad iyo dastuur damaanad qaadaya in aan dalkaan xukunkiisa dib dambe xoog iyo qori lagu qabsan.

(4) Aragtidiisa idleynta Al Shabaab waa in xoog iyo xeelad ba lagu dayo. Dagaal shan (5) irdood ah in marka hore lagu wiiqo cududdooda. Marka xiga in wadahadal, heshiis iyo nabad lagu dayo.

(5) Aragtidiisa dhaqaalaha waa suuq xor ah oo tartan furan mabda u yahay. Xasan waa waayeel dhidibada u taagi kara dowlad aan ayadu sicirka badeecadda iyo suuqa jaan goyn ee dejisa shuruucda lagu hagayo iyo isu socodka beecmushtariga.

Ugu dambeyn, Xasan waa ruux degan oo dulqaad iyo xurmo badan. Xirfad ahaan waa macalin xifaaltanka ka jecel xalka, kala tagga ka jecel kalsooni–dhis iyo wadajir.

Sacuudiga oo marki ugu horeeysay xusay aas-aasihi boqortooyada (Warbixin)

0

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa shalay marki ugu horreysay sameysay dabaaldag lagu xusay ninki aas-aasay boqortooyada muddo hadda laga joogo ku dhawaad 300 oo sano.

Doorashada taariikhda lagu soo beegay munaasabadda ayaa ah mid hoos u dhigeysa doorki udub-dhaxaadka ahaa ee ay wadaadadda Wahaabiyada mintidka ah ee Islaamka ku lahaayeen Sacuudiga.

Dowladda ayaa diyaarisay bandhig weyn oo lagu soo bandhigay ciyaaraha muusiga ee taariikhdan casriga ah ee Sacuudiga, bulleerro, bandhig diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo dhawaqto kala duwan, waxaana ka qeybqaatay bandhigga ilaa 3,500 oo ruux.

Munaasabadda ayaa lagu xusayay maalinti uu aas-aasihi Sacuudiga Maxamed bin Sacuud uu la wareegay talada imaaradda Diriyah, markaas oo ku beegneyd shalay oo kale, sannadki 1727. Diriyah ayaa ah magaalo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Riyadh.

Taariikhyahannada ayaa rumeysan in maalintaasi ay 18 sano ka horreysay, billowgii dalka Sacuudiga, oo ka dhashay heshiiskii Maxamed bin Sacuud oo ahaa kaabo qabiil iyo nin wadaad ah oo sheikh ahaa oo la oran jiray Mohammed ibn Abd al-Wahhab, kaas oo loo tiriyo inuu abuuray fikirka xagjirka ah ee lagu naaneeso wahaabiyada Islaamka.

Heshiiska labadaasi aas-aase ayaa hoosta ka xarriiqayay, in boqortooyada ay lacago iyo awoodba u gacan-geliso wadaadda muxaafidka ah ee Wahaabiga, halka wadaadaddu ay dammaanad qaadeen inaysan faragelin doonin xakunka. Hase yeeshee, awooddii wadaadadda Wahaabiga ayaa meesha laga saaray kaddib marki uu talada la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada.

Dhaxal-suge Maxamed Bin Salman ayaa laalay oo awooddii wadaadda isla markaana meesha ka saaray ciidanki booliska ee masuulka ka ahaa hirgelinta shareecada. Wuxuu waddanka u furay bandhigyada muusigga isla markaana daaha ka rogay shaleemooyin tiro badan.

Wuxuu xayiraadda ka qaaday dumarka oo aanan wadi jirin baabuurta sidoo kalana khafiifiyay muxramka haweenka ee safarka dibadda iyo qodobo kale.

Xuska maalinta aabaha aas-aasay Sacuudiga ayaa waxaa si rasmi ah loogu sharciyeeyay digreeto boqortooyo oo soo baxday bishii hore, taas oo amreysa in sannad walbaa 22-ka Febraayo loo dabaal-dago xuska aas-aasaha boqortooyada of Imam Muhammad bin Saud

“Mohammed ibn Abd al-Wahhab waa laga tir-tiray taariikhda Sacuudiga,” sidaa waxaa tiri Kristin Diwan, oo xubin sare ka ah Machadka Arab Gulf States ee magaaladan Washington.

“Tani waa wadaniyadda cusub ee Sacuudiga. Waxaa loogu dabaaldagayaa reer Aala Sacuud. Waxana ay isku dayayaan in dadka ay si toos ah ugu xiraan boqortooyada, halka hoos loo dhigayo doorka wadaadda diinta ee wax kasoo aas-aasay nidaamka,” ayay tiri Diwan.

Golaha Shuurada ee Sucuudiga, oo ah hay’ad la-taliye u ah dawladda, ayaa sidoo kale bishii hore ansixiyay soo jeedin wax-ka-beddelka sharciga lagu maamulayo calanka iyo heesta qaranka. Ma cadda in arrintan wax looga baddali doono muuqaalka calanka Sacuudiga oo ay dhaxda kaga jirto aas-aaska caqiidada Islaamka: oo ah “Ilaah kale ma jiro aan Ilaah ahayn; Muxammad (SCW) waa nebigii Ilaahay”.

Sacuudiga ayaa horay ugu dabaaldagi jiray Maalinta Qaranka saddexda bisha September sannad walba. Maalintaan ayaa ku beegan marki ay Al Sacuud ka guuleysteen qabaa’ilki ay dagaalka kula jireen ee gobola Xijaaz isla markaana la wareegay gacan-ku-heynta labada magaalo ee barakeysan ee Makka iyo Madina sannadki 1925-ki. Boqortooyada iyo waddankaba ayaa marki danbe la siiyay magaca Sacuudi Carabiya, sannadki 1932.

REUTERS + VOA