25.2 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

Sacuudiga oo marki ugu horeeysay xusay aas-aasihi boqortooyada (Warbixin)

0

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa shalay marki ugu horreysay sameysay dabaaldag lagu xusay ninki aas-aasay boqortooyada muddo hadda laga joogo ku dhawaad 300 oo sano.

Doorashada taariikhda lagu soo beegay munaasabadda ayaa ah mid hoos u dhigeysa doorki udub-dhaxaadka ahaa ee ay wadaadadda Wahaabiyada mintidka ah ee Islaamka ku lahaayeen Sacuudiga.

Dowladda ayaa diyaarisay bandhig weyn oo lagu soo bandhigay ciyaaraha muusiga ee taariikhdan casriga ah ee Sacuudiga, bulleerro, bandhig diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn, iyo dhawaqto kala duwan, waxaana ka qeybqaatay bandhigga ilaa 3,500 oo ruux.

Munaasabadda ayaa lagu xusayay maalinti uu aas-aasihi Sacuudiga Maxamed bin Sacuud uu la wareegay talada imaaradda Diriyah, markaas oo ku beegneyd shalay oo kale, sannadki 1727. Diriyah ayaa ah magaalo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Riyadh.

Taariikhyahannada ayaa rumeysan in maalintaasi ay 18 sano ka horreysay, billowgii dalka Sacuudiga, oo ka dhashay heshiiskii Maxamed bin Sacuud oo ahaa kaabo qabiil iyo nin wadaad ah oo sheikh ahaa oo la oran jiray Mohammed ibn Abd al-Wahhab, kaas oo loo tiriyo inuu abuuray fikirka xagjirka ah ee lagu naaneeso wahaabiyada Islaamka.

Heshiiska labadaasi aas-aase ayaa hoosta ka xarriiqayay, in boqortooyada ay lacago iyo awoodba u gacan-geliso wadaadda muxaafidka ah ee Wahaabiga, halka wadaadaddu ay dammaanad qaadeen inaysan faragelin doonin xakunka. Hase yeeshee, awooddii wadaadadda Wahaabiga ayaa meesha laga saaray kaddib marki uu talada la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada.

Dhaxal-suge Maxamed Bin Salman ayaa laalay oo awooddii wadaadda isla markaana meesha ka saaray ciidanki booliska ee masuulka ka ahaa hirgelinta shareecada. Wuxuu waddanka u furay bandhigyada muusigga isla markaana daaha ka rogay shaleemooyin tiro badan.

Wuxuu xayiraadda ka qaaday dumarka oo aanan wadi jirin baabuurta sidoo kalana khafiifiyay muxramka haweenka ee safarka dibadda iyo qodobo kale.

Xuska maalinta aabaha aas-aasay Sacuudiga ayaa waxaa si rasmi ah loogu sharciyeeyay digreeto boqortooyo oo soo baxday bishii hore, taas oo amreysa in sannad walbaa 22-ka Febraayo loo dabaal-dago xuska aas-aasaha boqortooyada of Imam Muhammad bin Saud

“Mohammed ibn Abd al-Wahhab waa laga tir-tiray taariikhda Sacuudiga,” sidaa waxaa tiri Kristin Diwan, oo xubin sare ka ah Machadka Arab Gulf States ee magaaladan Washington.

“Tani waa wadaniyadda cusub ee Sacuudiga. Waxaa loogu dabaaldagayaa reer Aala Sacuud. Waxana ay isku dayayaan in dadka ay si toos ah ugu xiraan boqortooyada, halka hoos loo dhigayo doorka wadaadda diinta ee wax kasoo aas-aasay nidaamka,” ayay tiri Diwan.

Golaha Shuurada ee Sucuudiga, oo ah hay’ad la-taliye u ah dawladda, ayaa sidoo kale bishii hore ansixiyay soo jeedin wax-ka-beddelka sharciga lagu maamulayo calanka iyo heesta qaranka. Ma cadda in arrintan wax looga baddali doono muuqaalka calanka Sacuudiga oo ay dhaxda kaga jirto aas-aaska caqiidada Islaamka: oo ah “Ilaah kale ma jiro aan Ilaah ahayn; Muxammad (SCW) waa nebigii Ilaahay”.

Sacuudiga ayaa horay ugu dabaaldagi jiray Maalinta Qaranka saddexda bisha September sannad walba. Maalintaan ayaa ku beegan marki ay Al Sacuud ka guuleysteen qabaa’ilki ay dagaalka kula jireen ee gobola Xijaaz isla markaana la wareegay gacan-ku-heynta labada magaalo ee barakeysan ee Makka iyo Madina sannadki 1925-ki. Boqortooyada iyo waddankaba ayaa marki danbe la siiyay magaca Sacuudi Carabiya, sannadki 1932.

REUTERS + VOA

Saldhig ay leeyihiin ciidanka Amisom oo gubtay kadib…

0

Balcad (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay saldhig ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Haanshiikh ee duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.

Dabka oo ka dhashay Koronto ay isticmaalayeen ciidamadaas ayaa ku fiday qaybo badan oo ka mid ah saldhigga, gaar ahaan baqaaro ay ku jireen hub iyo rasaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan ay sameeyeen rasaasta iyo hubka uu dabka qabsaday, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadaan ayaa keentay inay cabsi xoogan soo wajahday dadka deegaanka oo markii hore u maleeyey in lasoo weeraray deegaanka iyo saldhigga AMISOM.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goor dambe lagu guuleystay in la damiyo dabkaas oo geystay khasaare xoogan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha AMISOM oo ku aadan dhacdadaas iyo inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo noqday dhaq-dhaqaaqa deegaanka Haanshiikh oo ku yaalla duleedka waqooyi ee magaalada Balcad.

Daawo: Culumo fariin adag u dirtay madaxda Soomaalida, kadib dilkii Sheekh C/Naasir

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee geerida Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo maanta lagu dilay magaalada Kismaayo, kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa aad u taabatay dad badan oo Soomaaliyeed, sidoo kale inta badan madaxda Soomaalida ayaa ka hadashay geerida Sheekh Cabdinaasir.

Sheekh oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa Kismaayo u tegay bixinta duruus diini ah, waxaana lala qarxiyey seddax wiil oo dhalinyaro ah oo la socday, kana tirsanaa xertiisa Kismaayo, labo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa dhaawacmay, waxaana geeriyooday Sheekha iyo wiil kale.

Sheekh Cabdinaasir ayaa marar badan muxaadarooyin uu qabtay uga hadlay qaraxyada ay fuliyaan Al-Shabaab iyo sida qofka is-qarxiya ama qof kale qarxiya uu Allaah uga fogaanayo.

“Dadka is-qarxinaya ee leh Alle ayaan ugu dhawaaneynaa, waxaan u sheegayaa in arrintaas aysan banaaneyn, inaad naftaada disho ama mid kale disho marnaba kuuma banaana, maalinta qiyaamaha qofkii is-dilay, isagoo Naarta ku jira ayuu sidii oo kale isku dilayaa mar walba, waxaa laga yaabaa in mararka qaar uu qofku isku qarxiyo oo laayo dad badan, waxaan u sheegayaa dhalinyarada la qaldaayo in dembiga dadka aad disho oo dhan aad qiyaamaha dusha saara doonto,” ayuu horay u yiri AUN Sheekh Cabdinaasir.

Qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed oo aad ugu dhawaa Sheekha ayaa shir jaraa’id qabtay caawa, iyagoo shaaciyey sida ay uga xunyihiin dilka Sheekh Cabdinaasir.

Waxay Allaah ka baryeen inuu banaanka soo dhigo kuwii dilay Sheekh Cabdinaasir, sidoo kale culumadaan waxay sheegeen in magaalada Kismaayo uu duruus diini ah ka waday Sheekha, isla markaana uu qorshihiisu ahaa inuu magaalada sii joogo mudo bil ah.

Culumadii hadashay ayaa dowladda dhexe iyo maamullada Soomaaliya waxay ku canaanteen inay Alle ka baqaan oo u soo jeestaan masuuliyadooda, cadowgana ay ka qabtaan dadka ay u dhaarteen, inta meesha ka saaraan is qabqabsiga u dhaxeeya ee aan macnaha ku fadhin.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, qaar ka mid ah wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda federaalka, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, culumo iyo dad kale oo aad u badan ayaa ka tacsiyadeeyey geerida AUN Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Hoos ka daawo Sheekh Cabdinaasir oo horay loo su’aalay dunuubta qaraxyada

Hoos ka daawo culumadii ka hadashay dilka Sheekh Cabdinaasir

Axmed Madoobe oo ‘sacabo maran diray’ saaxiibada FARMAAJO iyo ROOBLE

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay in labo kursi oo kamida Golaha Shacabka dhaafiyo labo nin oo saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Labada Nin ayaa kala ah Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha dhinaca doorashooyinka ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cabdixakiin Xasan Ashkir oo asaguna ah Wasiiru-dowlaha xafiiska Ra’iiusl Wasaare Rooble.

Cabdi Cali Raage oo rabay in uu isku soo taago kursiga HOP#072 ayaa laga xirtay, sida uu warbaahinta u sheegay, waxaana maanta kusoo baxay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo hore ugu fadhiyay.

Cabdi ayaa sheegay in loo diiday warqada dambi la’aanta iyo shahaadada musharaxnimada, islamarkaana ku dooday in odayaasha soo xulay ergada kursigaas ee liiskooda la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee beesha.

Sidoo kale kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#079 oo isku soo taagay Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa laga hoos bixiyay, ayada oo maanta uu ku soo baxay Maxamuud Muxumed Cumar (Kuulow).

Labada Nin ayaa waji-gabax kala soo laabanaya Kismaayo oo ay u tageen labadaas kursi, waxayna midaan marag ma doon u noqoneysa awooda ay madaxda maamulada ku leeyihiin doorashada Golaha Shacabka, oo aheyd in loo madax-baneeyo beelaha iska leh kuraasta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa waxaa inta badan kusoo baxay mudaneyaal dooranayaal ah oo hore loo sii oga guushooda, taasi oo meesha ka saareysa daah-furnaanta doorashada, oo dhowr jeer dhinacyada ku cel-celiyeen, wuxuuna hadda xaalku maraya da-dajiya doorashada hanaankii la doono ha loo maamule.

Sawirro: Madaxii Jabhadaha iyo dagaalamayaal badan oo laga laayey Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle ku dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Danab.

Sarkaalkii ugu sareeyey garabka Jabhadaha ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo 60 dagaalame oo kale ayaa maanta lagu dilay howlgal qorsheysan, waxaana lasoo bandhigay sawirro muujinaya in ciidanku la wareegeen xarumo ay la haayeen Al-Shabaab.

Ciidanka Danab ayaa howlgalkaan lagu laayey Al-Shabaab waxay ka fuliyeen deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burcadheer oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan ayaa hoggaaminayey howlgalkaan oo ururka 7-aad ee kumaandooska Danab ay fuliyeen, sida lagu shaaciyey warbixintaan.

Ciidanka ayaa burburiyey xarumo qaraxyada ay ku farsameyn jireen Al-Shabaab, sidoo kalena ay dadka shacabka ah uga uruursa jireen lacago baad ah, sida laga soo xigtay saraakiisha Danab.

Warbixinta howlgalkaan laguma shaacin magaca sarkaalka sare ee lala dilay dagaalamayaasha badan ee ka tirsanaa Al-Shabaab, balse waxaa la soo bandhigay sawirrada xurumihii kooxda oo gubanaya.

Hoos ka eeg sawirrada

Mucaaradka oo dalab culus u gudbiyay xildhibaannada cusub ee lasoo doortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, sidoo kalena ah Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa xildhibaanada dooran ee labada aqal ka dalbaday inaysan ka leexan rabitaanka shacabka.

Daahir Geelle ayaa sheegay in gacanta xildhibaanada dooran ku jirto badbaadada dalka, loogana baahan yahay inay ka shaqeeyaan danta dadka iyo dalka, islamarkaana ay dhag u dhigin kuwa leh “anaga ayaa kusoo saaranay”.

“Xildhibaanow dambi ayaa lagaga abaal dhiganaya dadkaagii iyo deegaankaagi oo la duleeyay, lagana hor istaagay inay ayaga ku doortan ayaa lagaga abaal dhiganaya, dambi ayaa lagaga abaal dhiganaya, maalintii dambigaas ka jawaabi laheyd ayaa joogta,” ayuu yiri.

“Mararka qaar Xildhibaanada waxaa la leeyahay anagaa kusoo saaranay taasina kaliya maahan in wax laga rabee in qiimaha iyo awooda uu leeyahay la rabo in la dhimo.”

Daahir Geelle ayaa carabka ku adkeeyay in xildhibaanada wadada kaliya uu kaga badbaadi karo gacan ku haynta kali-taliska ay tahay in codka halka loo rabo uu ka leexiyo, una codeeyo danta shacabka iyo dalka.

Sidoo kale waxa uu xasuusiyay xildhibaannadii iyo cid kasta oo u dakanoowday taliska Farmaajo banaanka la keenay, iyaga oo loo diiday inay tartamaan, isla markaana xildhibaannada Cusub taasi mid lamid ah ay sugeyso hadii aysan xisaabtamin.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in loo baahan yahay in isbedel xaga horumarka ah uu ka dhaco dalka, taasina ay meel-marin karaan xildhibaanada cusub ee labada aqal, oo badankooda lagu soo saaray hanaan boob ku dhisan.

Axmed Madoobe oo qoraal deg deg ah kasoo saaray qaraxii ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay qaraxii goor sii horeysay ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasi oo gaarigiisa loogu xiray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday qaraxaas, xilli uu dhawaan ka tagay magaalada Laascaanood, asaga oo Kismaayo u tagay arrimo la xiriir kulan diimeed.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyntii ak tacsiyadeeyay geerida allaha u naxariisto Sheekh Cabdinaasi, oo ku tilmaamay in uu ahaa daaci si weyn u anfacay umadda Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray gayiga Soomaalida.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha unaxariisto walaalkeen Sheekh Abdinaasir Xaaji Axmed oo gacan ka xaq daran ay ku dishay qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray. Alle ha u naxariistee sheekhu wuxuu ahaa daaci si weyn u anfacay ummada Soomaaliyeed oo dacwada iyo khayrka ku faafin jiray guud ahaan dhulka Soomaalida isagoo Magaalada Kismaayo u yimid faafinta khayrka iyo baraarujinta bulshada,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

“Si gaar ah Waxaan tacsi ugu dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo saxiibadii uu sheekhu ka baxay anigoo isagana rabi uga baryaya inuu janadii fardowsa ka waraabiyo.”

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay ka hadashay qaraxaas lagu dilay Sheekha dowladda federaalka, waxaana qoraal uu soo dhigey bartiisa Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka uu ku cambaareyay dilka Sheekha.

“Ilaahay ha u naxariisto Sheekheenii weynaa ee Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo goordhoweyd qarax lagu dilay magaalada Kismaayo oo uu tegey wacdi iyo muxaadarooyin. Ilaahay ha u naxariisto Sheekh Cabdinasir.” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa ahaa sheekh ku caan ah faafinta diinta iyo wacyigalinta dadkeenna, isaga waqtigiisa intii u badneyd galiyay fidinta diinta Islaamka.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay ragii fuliyay weeraradii maanta ee MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay kooxo weerar Bambooyin gacanta loo adeegsaday ku qaaday saldhigyada booliska qaar kamid ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa ugu horeyntii sheegay in saldhigyada argagixisadu weerartay kala yihiin kuwa degmada Wadajir, Hodan, Howl-wadaag iyo Boondheere.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in illaa hadda la hayo 7 qof oo ku eedeysan inay qaadeen weerarada lagu qaaday saldhigyadaas.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in warbaahinta loo soo bandhigi doono kooxihii fuliyay weerarkaas ee gacanta lagu dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya kadib saacado un markii maleeshiyaad ka tirsan argagixisada weeraro bambanooyin ah ku qaadeen saldhigayda afarta degmo.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa gobolka kusoo badanayay weerarada argagixisada ay sida tooska ah ula beegsanayso saldhigyada iyo goobaha kale ee ciidamada, kuwaasi oo inta badan ka dhashaan khasaaro kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Qarax laga maqlay jugtiisa inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa goor sii horeysay ka dhacay Isgoyska Somali Star ee xaafada Calanleey ee magaaladaas.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la soo warinaya in uu ahaa qaraxaan mid gaarigiisa loogu xiray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sheekh Cabdinaasir uu qaraxaas ku geeriyooday, xilli uu dhawaan ka tagay magaalada Laascaanood, isaga oo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland u tagay arrimo la xiriiro kulan diineed.

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta qaraxa, iyaga oo xiray wadooyinka ku teedsan Isgoyska uu qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaris hordhac.

Laamaha Amniga magaalada Kismaayo illaa hadda kama aysan hadlin qaraxaas, xilli maanta halkaas ay ka dhacday Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo.

Cirro oo shaaciyey arrin uu wado gudoomiyaha guddiga doorashada federaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorshooyinka inuu abuurayo xasarad cusub oo lagu jahwareerinayo doorashada golaha shacabka.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa shalay sheegay in guddgigooda uu hakiyay natiijada kursiga Fahad Yaasiin iyo kuraasta kale oo horey loogu doortay koonfur galbeed.

“Kursi doorashadiisa horey loo dhameeyay, waa un nuuc xasarad abuur ah. Waqtigii 25-ka bisha wuu dhow yahay, halkii dardar galinteeda iyo dhameystirkeeda xoogga la saari lahaa, in loosoo nooleeyo cabaqado horey looga gudbay waa xasarad abuur,” ayuu yiri Cirro.

Cirro wuxuu tilmaamay inay gacme shisheeye dagaalkooda soo dhex galiyeen guddiga doorashada. Wuxuu sheegay caqabadihii isaga ka hor yimid ee horseeday inuu meesha ka baxo ay haatan haysataan madaxda guddiga doorashooyinka.

Guddiga doorashada ayaa dhexdiisa isku khilaafsan kuraasta uu hakiyay guddoomiyaha guddiga doorashada, waxaana xubnaha kasoo horjeeda arrintaan ay sheegeen inuusan jirin wax fadhi oo gudidigu ka yeeshay arrintan.

KOONFUR GALBEED oo ka hortimid go’aankii guddiga doorashada federaalka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka horyimid go’aankii uu ku dhowaaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka FEIT ee ahaa in dib loogu laabanayo kuraasta HOP#103 iyo HOP#154.

Qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in mid ka mid ah horey loo fasaxay, halka kan kalena aysan ka imaan wax cabasho ah isla-markaana aysan suuragal aheyn in dib loogu laabto doorashada kuraastan.

Mid ka mid ah kuraastan waxaa horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee  Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, halka kan kalena ay ku fadhiso Xildhibaan Sareedo oo dib loo doortay.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay FIET inuu ka shaqeeyo danaha guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isla-markaana doorashada laga daayo caqabadda.

“Kursiga HOP#103 horaa loo fasaxay, HOP#154 cid ka dacwooneysa lama haayo, guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo,” ayaa lagu yiri.

Dhinaca kale guddiga Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay xaanshi uu ku saxiixan yahay guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka, isla-markaana lagu fasaxay kursiga uu ku fadhiyey Prof. Jawaari oo loo doortay xildhibaan cusub oo ay isku dhow yihiin Lafta Gareen.

Shalay ayey aheyd markii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf uu shaaciyey in la hakiyey natiijada kuraasta HOP#103, HOP#154 iyo kursiga kale ee uu kusoo baxay Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#086.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaano ee ka dhacday KISMAAYO?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Somalia ee ay deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:- HOP#072, HOP#130, HOP079, HOP#112 iyo Hop#136, waxaana ku soo baxay:-

1- Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ku guuleystay kursiga HOP#072.
2- Mowliid Cabdi Maxamuud oo kusoo baxay kursiga HOP#130.
3- Maxamuud Muxumed Cumar (Kuulow) ookusoo baxay kursiga HOP#079.
4- Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo ku guuleYstay kursiga HOP#112.
5- Cumar Yuusuf Qaladdiid oo ku guuleystay kursiga Hop#136

Xubnaha soo baxay ee uu ka midka yahay C/rashiid Xidig ayaa guushooda horey loo sii oogaa, maadaama loo xiray kuraastan, waxayna aad ugu dhow yihiin Axmed Madoobe.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa saddexda kursi ee kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

Jubbaland ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, walow ay weli caqabad ka taagan tahay deegaan doorashada labaad ee Garbahaarey, wuxuuna maamulka Axmed Madoobe horey u shaaciyey in doorasho aysan ku qaban karin gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada baarlamaanka ayaa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan Febraayo, balse waxa ay u muuqaataa inay doorashada dib usii dhici doonto.

Sarkaal ka tirsan ciidanka DF oo lagu dilay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay koox hubeysan barqanimadii maanta ka geysatay qaybo ka mida magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dheere, wuxuuna ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, iyada oo raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey marxuumka uu gaari kala soo baxayey Garaash ku yaalla degmada Dharkenley ah oo ah meesha uu dalku ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goor dambetegay goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay kasoo qaadeen maydka sarkaalka la dilay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, amni darrada sii baaheysa ee ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xiisadaha siyaasadeed ee taagan iyo doorashooyinka weli ka socda gudaha dalka.

Dr. Xasan Sheekh: “Farmaajo waa in la maxkamadeeya hal arrin darteed” (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka, oo uu sheegay in Golaha la iskugu soo aruuriyay dambiilayaal.

Dr. Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in maxkamad lasoo taago madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, maadama uu sheegay in uu dalka ka galay khiyaano Qaran.

“Waa in Farmaajo la geeyo maxkamad oo uu tago, waa in la weydiiyo dadka uu ku dilay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dadka uu ku dilay Gedo, Baydhabo iyo Dhuusamareeb ayaa u maqan waa in la weydiiyo,” ayuu yiri.

“Farmaajo waa in la weydiiyo lacagta miisaaniyada meesha la geeyay, isaga ayaa qaabilsan in la weydiiyo, waxkasta oo qas iyo qalalaase uu sameeyay waa in lagu maxkamadeeyo.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba Golaha Shacabka u aqoonsan doonin, maadama ay soo galeen dad ku eedeysan dambiyo waaweyn iyo dilal.

“Cid ku dhuuman karta majirto Golaha Shacabka, umana aqoonsan doono Gole haddii uu noqdo dad ay kusoo dhuuntan dambiilayaasha.”

Dr. Xasan ayaa ugu dambeyntiina sheegay in kooxda Farmaajo aysan laheyn abaal, ixtiraamna u hayn dadkii ay ku meel-marsadeen damacyadii foosha xuma, xili dhawaan rag si weyn ugu dhawa loo diiday inay ka dhoofan garoonka Muqdisho.

Dhaqaalaha Al-Shabaab bil walba uga baxa HUB soo iibsashada oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute ayaa lagu soo bandhigay xogta siyaabaha ay Al-Shabaab ku helaan hubka iyo cadadka kharashka ay ku soo iibsadaan.

Warbixintaan oo ka kooban 25-bog ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay bil kasta ugu yaraan 2 milyan oo dollar kusoo iibsadaan hub kala duwan.

Warbixintaan ayaa cinwaan looga dhigay “Saanadda Al-Shabaab” waxayna daba socotaa warbixin uu sanadkii hore machadkaan daabacay, taas oo lagu soo bandhigay xogta dhaqaalaha bil kasta u soo xarooda kooxda Al-Shabaab.

Agaasimaha machadka Hiraal Samiira Geed oo la hadashay VOA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay warbixinta ay soo saareen, iyadoo sheegtay in hubka ugu badan ay Al-Shabaab ka helaan wadanka Yemen oo xuduud badeed la wadaaga Soomaaliya.

Waxay sheegtay in bishii 10-aad ee sanadkii hore ay bilaabeen cilmi baaris ku saabsan sida ay Al-Shabaab ku helaan hubka iyo lacagta ay ku soo iibsadaan inta ay dhantahay.

“Waxaan helnay miisaaniyadooda sanadeedka, waxaan wareysi la yeelanay xubno horay uga tirsanaa Al-Shabaab, oday dhaqameedyo, ganacsato, saraakiil ka tirsan dowladda iyo xubno kale oo ururka aqoon durugsan u leh,” ayey tiri Samiira Geed.

Ganacsatada, dhulalka iyo guryaha la kala iibsado ayey sheegtay Samriira in kooxdu ay ka hesho kharashka ugu badan, iyagoo afar meelood hal meel ku soo iibsada hubka ay isticmaalaan.

“Dhaqaalaha ugu badan waxay Al-Shabaab ku bixiyaan amniga, sanad kasta waxay kooxdu hub ku soo iibsataa 24 milyan oo dollar, hubka ugu badan waxuu uga yimaadaa wadanka Yemen, sidoo kale suuqyada madow ee dalka gudihiisa ah ayey ka iibsadaan hubka,” ayey tiri Samiira.

Sidoo kale warbixintaan waxay soo bandhigtay in Al-Shabaab ay hub ka furtaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo kula dagaalama koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Gudaha iyo dibada si fudud ayey kooxdu iga iibsataa hubka, waxay leeyihiin awoodo ay ku sameeyaan waxyaabaha qarxa, sidoo kale kooxdu waxay awood u leedahay inay miisaaniyad ku bixiso soo iibinta hubka, halka dowladda iyo maamullada Soomaaliya aysan awoodin taas, cunaqabateynta saran aawgeed,” ayey leedahay warbixintaan.

Daqliga ay ka helaan dadka Soomaaliyeed waxay sheegtay warbixintaan in Al-Shabaab uu siinayo awood ka badan tan dowladda.

“Sanadkii lasoo dhaafay waxaan sameynay cilmi baaris maaliyadeed oo aan ku xaqiijinay in ururka Al-Shabaab ay uruuriyaan ku dhawaad 180 milyan oo dollar sanad kasta, balse waxaan fileynaa in sanadkaan ay intaas ka sii badan tahay, maadaama ay ururku kordhiyaan canshuurta ay qaadaan,” ayey tiri Agaasime Samiira Geed.

Sidoo kale warbixintaan machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute waxay cadeysay in kooxda Al-Shabaab ay ka taliso dhul balaaran oo ka tirsan Soomaaliya, isla markaana ciidanka qaranka iyo AMISOM aysan weli u suurta gelin inay ka guuleystaan kooxda.

Muxuu taliyaha ciidamada asluubta ka yiri amniga dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 52-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ciidamadaas ayaa soo hadlay ammaanka guud ee dalka iyo weerarada Al-Shabaab.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaaca ka qaaday in markii lagu mashquulay siyaasadda iyo doorashada ay Shabaab kordhisay weeraradeeda.

“Xoogaa waxaad moodaa siyaasadda xageeda iyo doorashada markii loo jeestay ayaguna waa naga soo daba jeesteen cadowga dalka waxaad moodaa inay shaqdooda kordhiyeen,” ayuu yiri taliyaha Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Hadda ninkii kusoo aado oo gurigaaga kugu yimaado inaan la wareysato ayuu kaa rabaa. La wareysigaas aan u diyaar garowno,”.

Dhanka kale taliyaha ayaa faray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo inay u diyaar garoobaan ka hortegga weerarada Al-Shabaab iyo sugida amniga guud ee dalka.

“Annagana waxaa nalooga baahan yahay inaan difaacyada kordhino, raadinta cadowga xogtiisa inaan kordhino,” ayuu sii raaciyey taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay kordheen falalka liddiga ku ah amniga, sida weerarada iyo qaraxyada ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey weerarkii xooganaa ee lagu qaaday saldhigga degmada Kaxda.

Faah-faahin: Muxuu yahay howlgalka cusub ee ATMIS ee beddelaya AMISOM?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey inay heshiis ka gaareen qaabka uu u ekaanayo hawlgalka cusub ee bedelaya AMISOM.

Howlgalkaan waxaa lagu heshiisyey in loogu magac-daro ATMIS, waxuuna bedelayaa hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo Soomaaliya ka jiray 14-kii sano ee lasoo dhaafay, sida uu shaaciye Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba dooneysay in hawlgalka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida dhismaha ciidamada iyo amniga Soomaaliya, si ay ugu suurta gasho dowladda inay AMISOM kala wareegto mas’uuliyadda amniga.

Hawlgalka AMISOM waxa uu soo shaqaynayey tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2007-dii.

Sida uu sheegay Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Maxamed Siciid Samatar oo la hadlay Idaacadda VOA waxaa lagu heshiiyey in howlgalka cusub ee ATMIS uu dhaqan galo kadib marka ay ansixiso Qaramada Midoobay.

ATMIS waxa kusii jiraya ciidamada AMISOM ee haatan ka howlgala Soomaaliya, hase yeeshee waxaa u furan inay waddamo kalena ka qayb-qaataan.

“Dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey waxay ku heshiiyeen barnaamij kala guur ah, kaas oo mudo loo sameeyey, waxaa la go’aamiyey in bisha Maarso loo gudbiyo Qaramada Midoobey loo gudbiyo heshiiskaan, si howlgalkaan cusub uu u hir-galo, markey u codeeyaan 1-da Abriil waxaa Soomaaliya ka dhaqan geli doona howlgalka ATMIS,” ayuu yiri

Agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Maxamed Siciid Samatar ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka cusub uu uga duwan yahay kan AMISOM in dowladda Soomaaliya ay awood u yeelaneyso in wax kasta ay ku socdaan ogolaanshaheeda.

“Heshiiska aan saxiixnay waxaa ku qoran in 31-ka December 2023-ka ay dalka ka baxaan ciidanka Midowga Afrika, waxaa hari doona ciidan yar oo dhameystira daabulaada qalabka, waxaa dhici kara dib u dhacyo aan badneyn, laakiin ugu dambeyn ilaa seddax sano ayuu sii qaadan doonaa howlgalkaan,” ayuu yiri Agaasime Xasan Maxamed Siciid Samatar.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiskaan uu dowladda Soomaaliya u saamaxayo in waqtiga ay soo gaabiso ama dheereysato, iyadoo ku dabaqeysa hadba awoodeeda.

Dhanka kale waxa uu sheegay in heshiiskaan uu sahlayo in ciidanka Soomaaliya laga taageero sidii ay u heli la haayeen hub ku filan, isagoo shaaciyey inuu socdo qorshe cunaqabateynta hubka looga qaadayo Soomaaliya.

“Beesha Caalamka waxaa laga codsaday inay qorshahaan taageeraan waana ogolaadeen, sidoo kale waxaa socda dadaal ah in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, sababtoo ah qorshahaan ma guuleysa doono hadii aan dalka laga qaadin cunaqabateyntaas,” ayuu yiri Agaasime Xasan.

Sidoo kale waxaa is bedelaya sanduuqii bixi jira kharashka howlgalka ciidanka shisheeye ee ku sugan Soomaaliya, Midowga Afrika oo horay u bixi jiray kharashka howlgalkaas ayaa hadda gacanta ka taagay kadib duruufo lasoo dersay, balse beesha caalamka ayaa ogolaatay inay bixiso dhaqaalaha ku baxaya howlgalka ciidanka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan oo hadda loogu magac-daray ATMIS.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Agaasimaha wasaarada gaashaandhigga DF Soomaaliya

Putin oo dalal u aqoonsaday gobollo ka tirsan Ukraine, kadib soo saaray amar xasaasi ah

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aqoonsaday laba gobol oo sheegay inay ka go’een bariga dalka Ukraine oo ay yihiin dalal madax-banaan, taasi oo sare usii qaaday xiisadda kuna abuurtay Reer Galbeedka cabsi ah in dagaal weyn uu qarxi karo.

Putin ayaa kadib amray ciidamada Militariga Ruushka inay galaan labadaas gobol si ay uga fuliyaan howlgal uu ugu yeeray “nabad-ilaalin.”

Tallaabada uu qaaday Putin ee uu Jamhuuriyado ugu aqoonsaday labada gobol ayaa aastay heshiiskii nabadda ee jilicsanaa ee 2015, waxayna albaabada u furtay in Ruushka ay faro-gelin militari oo toos ah ku sameeyaan Ukraine.

Laba wareegto oo rasmi ah oo uu soo saaray ayuu Putin ku amray wasaaradda difaaca Ruushka inay “shaqo nabad-ilaalin ah’ ka billowdo gobollada Donetsk iyo Lugansk.

Moscow ma aanay bixin wax faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada loo dirayo labada gobol, waxaana wareegtada lagu qoray “inay dhaqan-galeyso marka la saxiixo.”

Russia ayaa tobanaan kun oo askari u dirtay xuduudaha Ukraine, ayada oo Reer Galbeedkana ay sheegeen in Moscow ay qorsheyneyso inay u adeegsato weerar dhici kara daqiiqad kasta.

Wareegtada uu soo saaray, ayuu sidoo kale Putin ku amray wasaaradda arrimaha dibedda “inay xiriir diblomaasi” la yeelato “labada Jamhuuriyad”.

Qoraal kasoo baxay baarlamanka Ruushka ayaa sidoo kale “lagu aas-aasay sharciyadda labada dal iyo joogitaanka militariga Ruushka oo loo arko inay lagama maarmaan u tahay nabad ilaalinta gobolka iyo sugidda amniga.”

Ruushka iyo labada gobol ee goostay ayaa sidoo kale isku raacay inay wadaagaan saldhigyada militari, islamarkaana ilaaliyaan xuduudaha.

Goor sii horeysay, hoggaamiyaha Ruushka ayaa ka dalbaday Ukraine inay hakiso howlgallada militari ee ka dhanka ah mucaaradka Moscow ay taageerto ee Bariga Ukraine, ama ay wajihi doonto dhiig badan oo daata.

Rooble oo qorshe kale u dagay kursiga uu ku guuleystay Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh ayaa ka taagan baahinta natiijada kursigii uu shalay ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee HOP#086.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu daabacay natiijada iyo inuu Fahad ku guuleystay kursigaas, balse wax yar kadib waa laga saaray, iyadoo xafiiska Ra’isul wasaaruhu uu qaaday tallaabo lagu sugayo ammaanka waxyaabaha ka baxa warbaahinta dowladda.

Wax yar kadib waxaa faafaahinta doorashadii ka dhacday magaalada Beledweyne laga dhigay 5-kursi, iyadoo qoraal ahaan looga tagay kursigii lixaad ee uu ku guuleystay Fahad Yaasiin.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa weli ku kala jaban kursigaan, qeyb guddiga kamid ah ayaa dhawaan soo saartay qoraal sheegayey inaan la qaban karin doorashada kursigaas, balse HirShabelle ayaa diiday qoraalkaas.

Sidoo kale, isla maanta Guddiga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiiyeen natiijada doorashada kurisga HOP86 ee uu ku guulaystay Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa shalay lagu doortay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, xilli ay shalay goobta joogeen siyaasiyiin heer Federaal, xubno ka socday Hirshabelle, saraakiil ciidan iyo xubno ka socday guddiga doorashada heer Federaal. Balse xafiiska Ra’isul wasaare Rooble ayaa la xaqiijiyey in uusan weli ka quusan dagaalka kursigaan.

Ilo muhiim ah oo ka tirsan xafiiska Ra’isul wasaare Rooble ayaa xaqiijiyey in doorashada kursigaan inaan la aqbali doonin si walbaba, waxay sheegeen in la dajiyey shaxda kursigaan kor loogu heyn doono, illaa ay kasoo dhammaato doorashada madaxweynaha, taas oo la rabo in Fahad lagu dhaafiyo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo damac weyn uu kaga jiro.

Shaqada hadda socota waxaa kamid ah in guddiga xalinta khilaafaadka uu joojiyo natiijada kursigaan, maadaama ay HirShabelle diiday hadalkii qeyb kamid ah guddiga doorashada heer Federaal ee ahaa inaan la qaban doorashada kursigaan.

Xafiiska Ra’isul wsaaare Rooble waxay heystaan Nin la yiraahdo Khaalid oo la sheegay inuu u sharaxnaa kursigaan HOP#086 kaas oo dacwad u gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka halkaas ayeyna guddiga ka heli doonaan qiil ay kursigaan ku hakiyaan.

In guddiga xalinta khilaafaadka aqbalaan arrintaan oo ay kursigaan joojiyaan ama baaris kadib soo jeediyaan in lagu noqdo doorashadiisa oo hab sax ah loo maro waxay dhaawac ku tahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo mar ahaa siyaasi awood badan ku dhex leh Dowladda Soomaaliya oo aan lagu dhiiran kaarin.

Xubnaha aan la hadalnay ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxay intaas ku dareen in la bilaabo doono bixinta shahaadada xildhibaanada ee guddiga heer Federaal iyadoo uu qorshuhu yahay in si walbaba uusan Fahad shahaado qaadan.

Marka la eego halka uu gaarsiisan yahay dagaalka uu Rooble kula jiro Fahad waxaa muuqata inay Fahad sugeyso shaqo cusub oo ah inuu kursigiisa xalaaleysto.

Daawo: La-taliyaha Farmaajo oo kacdoon uga dhawaaqay Kismaayo markii loo diiday…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#072, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

La-taliye Cabdi ayaa sheegay in maanta uu gaaray magaalada Kismaayo, si uu ugu tartamo kursigaas, balse waxa uu sheegay caqabad uu dhaafi waayey inuu kala kulmay tallaabadii koowaad ee uu qaaday, si tartanka doorashada uu isugu diyaariyo.

“Markii aan soo gaaray Kismaayo waxaan abaaray halka laga qaato warqadda xaqiijinta amniga, balse waa la ii diiday, mar kale waxaan aaday goobtii shahaadada musharaxnimada laga qaadanayey, balse waxay igu xujeeyeen warqadihii la ii soo diiday ee amniga,” ayuu yiri Cabdi Cali Raage.

La-taliyaha doorashooyinka ee Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha soo xulaya ergada kursigaas ee liiskooda la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee beesha.

“Odayaasha beesha Maqaabul wax talo ah kuma laha kursigaas, go’aankoodu waa in aysan wax shaqo ah ku laheyn wixii ka soo baxa natiijada boobka ku socda kursigaas, waxaan u sheegayaa beesha iska leh kursigaan in boob xoog leh uu socdo, kamana hari doono ilaa meesha u dambeysa aan isla gaarno,” ayuu yiri.

Cabdi Cali Raage ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, isagoo sheegay in beeshiisa Maqaabul uu mudo dheer ku soo tacadinayey, isla markaana uu hadda diyaar u yahay inuu hoggaamiyo kacdoon ka dhan ah.

“Waxaan rabaa inaan u sheego dadka in kursiga beesha Maqaabul hadii qof aysan beeshu dooneyn uu siiyey Axmed Madoobe ay ka dhigan tahay inuu bixiyey kursiga beeshiisa, arrintaan waxaa iyadoo Axmeed Madoobe kursiga beeshiisa uu bixiyey oo kale,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ninkaan ayaa beeshiisa iyo dadka kale ee wax ka tirsanaya nidaamnka ka jira Jubbaland waxuu ugu gacan haatiyey inay ku soo biiraan dhaqdhaqaaq uu hoggaamin doono oo ka soo hor jeeda maamulka Axmed Madoobe, isagoo sheegay in la joogo waqtigii Jubbaland ay ka bixi laheed gacanta Axmed Madoobe, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo