25 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Yaa xaraashaya shidaalka SOOMAALIYA, mise dhaqan gali doona HESHIISKA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan waxay magaalada London heshiis kula gaartay shirkadda Shidaal baarista ee Coastline Exploration Ltd oo iyadu aheyd shirkaddii iibsatay shirkaddii kale ee la oran jiray Som Oil and Gas, taas oo ogolaansho ka heysatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa xaq loogu siiyey shirkadda inay qaarna sahmiso, qaarna qodis ku bilowdo, ilaa 7 ceel shidaal oo ku yaalla biyaha Soomaaliya ayaa loo saxiixay shirkadda Coastline Exploration Ltd.

Goobta lagu gaaray heshiiskaan waxaa joogay oo heshiiskaan daadihintiisa kaalin weyn ku lahaa Seddex xubnood oo ka socday hey’adda Shidaalka ee Soomaaliya oo aas-aaskeeda muran ku jiray, seddexdaas xubnood qof kamid ah ayaa dumar aheyd.

Heshiiskaan wax soo saar wadaaga ah waxaa laga fulinayaa xeebaha iyo boloogyada gunta hoose ee xeeebaha ku teedsan Galmudug, Koonfur Galbed iyo Jubbaland.

Maamulka shirkadda Coastline ayaa magaalada Muqdisho u yimid inay heshiiskaan saxiixaan Bishii January sanadkii 2021-kii, waa bil ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkii sharciga ahaa ee Madaxweyne Farmaajo.

Balse hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qaadacday qorshaha, kaas oo ay ku sheegeen inuu liddi ku yahay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Hal sano in heshiiskii lagu saxiixay meel ka baxsan Soomaaliya ayaa fadeexad iyo qeylo dhaan badan abuurtay, su’aasha ugu badan oo ay dadka is waydiinayaan ayaa ah yaa heshiiskaan gooni u wata ama deni ugu jirtaa?

Wasiirka Batroolka Dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa qoraalkii uu heshiiskaan ku shaacinayey wuxuu raaciyey in madaxweyne Farmaajo uu garab ku siiyey inuu saxiixo heshiiskaan, isagoo taas uga mahadceliyey madaxweynaha, balse waxyar kadib madaxweyne Farmaajo ayaa iska fogeeyey inuu heshiiskaan wax ka ogyahay, isagoo soo saaray qoraal lagu burinayey heshiiska.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa isna heshiiskaan iska inkiray oo ku tilmaamay mid sharci darro ah. Saacad kadib Wasiir Cabdirashiid wuxuu la hadlay VOA, isagoo sheegay in Farmaajo la ogaa heshiiskaan, ayna isaga iyo Farmaajo ka wada shaqeeyeen, balse uu Farmaajo dhibsaday falcelinta Baraha Bulshada.

Haddaba maxaa mugdi ah oo ku jira hadalka Wasiirka?

Wasiir Cabdirashiid wuxuu mar ahaa saaxiib si weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble labadaba, waa milkiilihii shirkadda AMECO ee dhismaha oo uu Ra’isul wasaare Rooble ka shaqeyn jiray waqti hore, waxayna ahaayeen laba Nin oo aad saaxiibo u ah.

Sidoo kale wasiirka Cabdirashiid wuxuu saaxiib dhow la ahaa Fahad Yaasiin, balse waxaa naloo xaqiijiyey in wasiir Cabdirashiid iyo Ra’isul wasaare Rooble aysan waayadaan dambe isku fiicneyn, sidaas oo ay tahay Rooble xilka kama qaadin.

Sidoo kale, Wasiir Cabdirashiid iyo kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa kala dhintay, kadib markii sida la sheegay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin diideen inay Laftagareen ku qanciyaan inuu kursiga xildhibaanka u dhaafo wasiirka.

Kursigii golaha shacabka ee uu ku fadhiyey wasiir Shikhaalow ayaa lagu qaatay Koonfur Galbeed Todobaadkii lasoo dhaafay, weliba jufadiisii maahane jufa kale ayaa la sheegay kursiga iyadoo reerkiisu ay Maalmihii lasoo dhaafay si weyn cabasho uga muujiyeen warbaahinta.

Xogahaan waxay caddeynayaan in wasiirka Batroolka uu waayadii dambe lumiyey cilaaqaadka Labada xafiis ee ugu sareysa Dalka, dadka qaar waxay leeyihiin waxaa macquul ah in wasiirka uu tallaabadaan u qaaday aargoosi siyaasadeed.

Ma jirto shirkad caalami ah oo aamini karta inuu jiro wasiir inta kasoo dhuunta madaxdiisa iska saxiixi kara heshiiska sidaan u weyn, balse siyaasiyiinta Soomaalida wax walba ayaa macquul ka ah.

Inkastoo aan 100% lagu dhiiran karin in madaxda sare ee dalka ka fara maran yihiin heshiiskaan, haddana wasiir Cabdirashiid qoraalkiisa Twitterka iyo hadalkiisa VOA Labadaba waxaa ka muuqatay inuu leeyahay bartilmaameed gaar ah.

Shirkadda la yiraahdo Coastline markii ay shidaalka gaarto waxay raadineysaa maalgeliyayaal caalami ah maadaama halkii xirmo la aaminsan yahay inay u baahan tahay lacag dhowr Boqol oo Milyan oo Dollar.

Khidmada lagu saxiixay heshiiskaan ayaa ku dhici doonta Bankiga dhexe ee Soomaaliya, sidoo kala Dowladda Soomaaliya ayaa heli doonta faa’ida ugu badan ee heshiiskaan wax soo saarka ah sida uu sheegay Wasiir Cabdirashiid.

Balse heshiiskaan ma dhaqan geli karo dhowr sababood awgood:

1) Wuxuu kasoo horjeedaa heshiiska IMF iyo Soomaaliya ee deyn cafinta.

2) is mari waa ayaa ka taagan heshiiska kheyraad wadaaga ee Dowladda Federaalka ah  iyo maamul Goboleedyada.

3) Lama meel marin weli sharciga canshuurta Bariga.

4) wuxuu kaloo heshiiskaan khilaafayaa sharci la meel mariyey xilligii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre kaasoo dhigaya in heshiisyada Caalamiga ah lagu saxiixo gudaha Dalka. Inta aan heshiiska la saxixiin waa in lasoo marsiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda waaxdeeda sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah si ay u hubiyaan.

Kadib waa in heshiiska loo diraa Garyaqaanka guud ee Dalka isagana waa inuu xukuumadda talo ka siiyo sharci ahaanshaha heshiiska, talada garyaqaanka  guud kadibna waa in ogolaansho qoraal ah laga helaa Ra’isulwasaaraha Dalka kadibna waa in heshiiska la hor geeyaa Golaha Wasiirada oo uu wasiirka difaacdaa Danta Soomaaliya ugu jirto heshiiska.

Maadaama uusan heshiiskaan marin dariiqaan waa adag tahay inuu dhaqan galo .

5) Midda Shanaad ee burburineyso heshiiskaan waa inaysan Dalka ka jirin xukuumad sharciyad u heysata inay gasho heshiis noocaan ah maadaama uu Hal Sano ka hor waqtigii sharciga ahaa ka dhacay Xukuumadda Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo qaaday tallaabo la xiriirta heshiiskii SHIDAALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray amar baaris loogu sameynayo heshiiska shidaalka ee Sabtidii uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Heshiiska Shidaalka ayaa waxaa ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, oo uu Wasiirka Batroolka uu sheegay in uu kala socday arrinkaas, sidoo kale waxa heshiiskaas waxba kama jiraan ku sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta amar ku bixiyay baarista heshiiskaas, isaga oo xeer ilaaliyaal u magacaabay arrintaas.

“Waxaan amray, in Xeer ilaaliyaal u Magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, iyada oo laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud,” ayuu ku yiri Suleymaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xili uu shalay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka uu dalbadya in baaris lagu sameeyo heshiiska uu saxiixay Wasiirka, sidoo kalena Shaqada laga joojiyo Wasiirka, taas oo keentay in Xelafiiska Xeer ilaalinta Qaranka uu xeer ilaaliyaal u saaro baarista heshiiskaas.

“Waxaa Xafiiska dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee JFS, Sharciga Iibka Qaranka (Sharci Lr. 22 iyo wax-ka-beddelkiisa), Sharciga Batroolka (Sharci Lr. 19) iyo habraacyada dhaqan-galka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah. Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka,” ayuu lagu yiri qoraalka shalay ee Hanti-dhowrka guud ee Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka ayaa hore u sheegay in uu wax kala ogaa heshiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas uu ku kacayay 7 Milyan oo doolar, hase yeeshe uu iska fogeeyay Farmaajo.

Guddiga doorashada oo war cusub kasoo saaray kursiga Fahad iyo laba kale + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso doorashada Golaha Shacabka, xili ay maalmo kooban inaga xigaan mudadii loo qabtay dhameystirkeeda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay guddoomiyaha saddex Kursi oo illaa hadda ay hakiyeen, kuwaasi oo kala ah; HOP#154, HOP#103 iyo HOP#086, kuwaasi oo uu sheegay in dib looga fiirsanayo.

“Kuraastaas oo habraacoodii khaldamay, kuna toosneyn sidii loogu tala-gal dib ayaa looga fiirsanaya, inta ka horeysana waa la joojiyay oo sidooda ayey ahaanayaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal.

Saddexda kursi ee uu shaaciyay Guddoomiyaha in gebi ahaanba la hakiyay, ayaa waxaa ku jira kursiga HOP#086 oo shalay uu kusoo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Guddiga ayaa hore u soo saaray go’aan ay ku diidayaan qabashada kursiga Fahad oo haddii aanay waxba iska beddelin, waxay Fahad Yaasiin oo xildhibaan ku noqday magaca Fahad Daahir Axmed, ka hor istaagi doontaa shahaadada kama dambeysta ah ee xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray,” ayaa lag yiri qoraal ay guddiga soo saareen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay ka dhamaatay gobolada Waqooyiga iyo Baraawe, halka deegaan doorashooyinka kale ay si habsami leh uga socota, kuwaasi oo ay ku soo baxeen 165 kursi, halka ay weli dhiman tahay 110 kursi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in bogagii baraha bulshada ee guddiga ay dib u soo ceshadeen, kaasi oo ay hore u sheegen in uu ka baxay gacantooda, oo uu galay dhinac kale oo aan metelin guddiga.

Daawo: Sheekh USUULI oo talo cajiib ah usoo jeediyey xildhibaannada la doortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa fariin u diray xildhibaanada cusub ee sanadkaan ku guuleystay inay noqdaan baarlamaanka Soomaaliya, isagoo aad uga deyriyey nooca doorasho ee Soomaaliya ka socota.

Shiiqa ayaa u soo jeediyey xildhibaanada inay iska dhaafaan dhaarta beenta ah, isagoo sheegay in caro Alle ay ka dhalaneyso dhaarta beenta ah, taas oo wada saameyn doonta umadda dhan.

“Madaxweynihii, ra’siiul wasaarihii, xildhibaankii ama wasiirkii la dhaariyey ee maslaxada umadda u dhaartay ee hadhow dano gaar ah ka shaqeeyey, ninkaas axdiga Ilaahey ayuu gatay,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Waxa uu sheegay in waxa dalka ka socda aysan doorasho aheyn oo qayaano cad ay wadaan siyaasiyiinta Soomaaliya, isagoo kula taliyey in hadii dhaca iyo beenta aysan joojineyn ay diinta Ilaahey ku gambashada ka daayaan.

“Allaan idinku dhaarshee waxa dalka ka socda doorasho miyaa? Siyaasiyiintaan la hadlayaa war hadaa wax dhaceysaan diinta meel iska dhiga oo haku gambanina, adigoo wax dhacaya in lagu dhaariyo oo Kirtaabka Ilaahey aad gacanta saarato, waa dhaartaas waxa ay Soomaaliya ku halaagsantay,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Shiiqa ayaa xildhibaanadii horay loogu dhaarsaday inay codkooda siinayaan qof gaar ah waxuu kula taliyey inay dhaartaas ka baxaan oo ka towbad keenaan codkoodana ugu hiiliyaan dadka iyo dalka ay u dhaarteen.

“Soomaalidu waxay isaga qanacday dulmiga, nin ka mid ah xildhibaanada hadda soo baxay ayaa isoo wacay, waxuu i yiri waa la I dhaariyey, kadib markii la iga baxshey lacagtii aan isku soo sharaxay ee xildhibaanka aan ku noqday, marka axdigaas iyo dhaartaas maka bixi karaa? Haa waa ka bixi kartaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Usuuli.

Waxuu kula taliyey xildhibaanada cusub in aysan isku darsan inay been ku dhaartaan oo hadana soo doortaan nin umadda dhibay oo gadanaya codkii metelaadooda,.

“Maanta xor ayaad tahay waa soo baxday cid xildhibaanimada ka aqaadi kara malaha. Hadii lagu geliyey Kitaabkii oo aad dhaaratay uga bax balanta ninkii ku dhaariyey, hadii aadan dhaarana, qofna haka yeelin inaad u dhaarato, kii ku yiraa ii dhaaro igu kalsownaaw dheh, hadii uu kaa diidana isaga tag,” ayuu yirin Sheekh Usuuli.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey saldhigga Kaxda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii qaraxa ku billaabay weerarkii Todobaadkii hore lagu qaaday Saldhigga Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Hadal dardaaran ah oo laga duubay Ninkaan ka hor inta uusan is qarxin ayuu ku sheegay in magaciisa yahay Cali Cumar Ibraahim, da’diisa tahay 23 jir, islamarkaana uu kasoo jeedo Beesha Baadi-Cadde, gaar ahaan Jufada Afgaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2012 markaas oo uu ahaa 13 Jir maadaama uu sheegay inuu dhashay sanadkii 1999-kii.

Ninkaan ayaa kasoo qeyb galay dagaalo badan oo ay kooxda Al-Shabaab la gashay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ka hor inta uusan ku biirin qeybta is qarxinta taasoo ugu dambeyn keentay in lagu qanciyo inuu isku qarxiyo Saldhigga Degmada Kaxda.

Weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Saldhigga Degmada Kaxda ayaa waxaa ka dhashay khasaaro Naf iyo Maal ah, waxayna kooxda Al-Shabaab wadatay Laba gaari oo kuwa ciidamada Booliska ah oo yaalo xarunta Saldhigga.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Kaxda uu ku billowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xusay in weerarkaas uu khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhismaha saldhigga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta uu socday dagaalka ay Kaxda gaareen ciidamo gurmad ah oo sameeyey howlgal ay kusoo qab-qabteen dad lgu tuhmayo weerarkaas.

Kolonyo uu la socday Saciid DENI oo qarax xooggan lala beegsaday + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax kolonyo uu la socday madaxweynaha Puntland Saciid Deni barqanimadii maanta lagula eegtay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa kolonyadan lala beegsaday xilli ay marayeen afaafka hore ee magaalada Boosaaso, waxaana qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay magaaladaas.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan laba askari, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo ka mid ah ciidamadii la socday wafdiga Deni.

Sidoo kale ciidamada galbinayey kolonyada madaxweynaha ayaa la sheegay inay rasaas fureen qaraxa kadib, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka ah uga soo ambabaxay degmada Carmo ee gobolka Bari, isaga oo markii horena kasoo baxay magaalada Qordho ee maamulkaasi.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriiro doorashada ka dhaceyso magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Puntland.

Boosaaso ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan qaraxyo dhaliyey khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin culus u diray madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeynayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa farriin u diray madax goboleedyada dalka.

Rooble ayaa dowlad-goboleedyada dalka ku boorriyey inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan, si waqtiga looga faa’iideysto, loona fuliyey heshiiskii Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu hambalyo u diray xildhibaada gobollada waqooyi ee lagu doortay magaalada Muqdisho, isaga oo boggaadiyey guddiga Somaliland ee qabtay doorashadaasi.

“Waxaa ku ammaanayaa guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay oo ah 25-ja bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay guddiga SEIT ee Somaliland ayaa lagu sheegay inay sharaf u tahay inay iyagu doorashada bilaabaan, haddana ay soo hor gabagabeeyaan.

“Waxa Sharaf gaar ah u ah Guddiga Doorashada ee Gobollada Waqooyi in ay noqdeen guddigii ugu hor bilaabay doorashada, maantana noqday guddigii ugu hor dhammeeyay hawlaha doorashada ka hor 25/02/2022 oo ah waqtigii loo asteeyay in lagu soo afmeero doorashada Golaha Shacabka ee BJFS” ayaa lagu yiri qoraalka SEIT ee Somaliland.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Waxa sidoo kale aanu ku guulaqysanay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, marka tirade guud ee xildhibaannada laga saaro labo kursi oo gaar u taagan oo aannay suurtagal ahayn qoondo haween laga gooyo. waxaan ugu baaqayaa Guddiyada SIET iyo FIET in ay dedejiyaan hawlaha doorashada dalka oo muhiim u ah horumarka dawlad-dhiska iyo xasilloonida siyaasaddeed iyo amni ee JFS.”.

Waa guddigii ugu horreeyey ee dhammeystira doorashada Golaha Shacabka, ka hor 25-ka bisha Febraayo oo lagu ballamay in lagu soo dhammeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada heer federaal oo diiday natiijada doorashada kursiga Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ku gacan sayray natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo shalay uu kusoo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal ay guddiga ay soo saareen xalay ayey ku shaaciyeen natiijada horudhaca ah ee doorashada 5 ka mid ah kuraastii shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee deegaan doorashada 2-aad ee HirShabelle, ayaga oo ka reebay kursigii 6-aad ee HOP#086.

“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray,” ayaa lag yiri qoraal ay guddiga soo saareen.

Shanta kursi ee guddiga ay sida horudhac ah u aqoonsadeen ayaa waxaa kusoo baxay:

1- HOP#015: Xiis Xasan Aadan
2- HOP#008: Maxamed Deeq X.Cumar
3- HOP#274: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux)
4- HOP#109: Cabdifataax Qaasim Maxamuud
5- HOP#074: Cabdikariim Cumar Xuseen

Go’aanka guddiga ayaa haddii aanay waxba iska beddelin, waxay Fahad Yaasiin oo xildhibaan ku noqday magaca Fahad Daahir Axmed, ka hor istaagi doontaa shahaadada kama dambeysta ah ee xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Maamulka HirShabelle ayaa horey ugu gacan sayray qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federal, oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086, kadibna shalay qabtay.

HirShabelle oo soo saartay jadwal cusub oo saameynaya heshiiskii doorashooyinka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray jadwal cusub oo saameynaya heshiiskii doorashooyinka dalka ee ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, si doorashada Baarlamaanka dalka loogu soo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo, 2022-ka.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey liiska doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Beledweyne, kuwaas oo uu guddigu shaaciyey in doorashada la qabanayo 26-ka bishan, waana maalin heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee ahaa 25-ka lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, balse tan ayaa caddeyn u tahay in HirShabelle aanay doorashada kusoo gabagabeyn karin waqtigii lagu ballamay.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyey ayaa kala ah:-

HOP#003: Waxaa ku fadhiya Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax BeeneBeene.
HOP#006: Waxaa ku fadhiya Maxamuud Cabdullaahi Axmed.
HOP#022: Waxaa ku fadhiya Cismaan Maxamed Cabdi.
HOP#031: Waxaa ku fadhiya Yuusuf Xuseen Axmed.
HOP#032: Waxaa ku fadhiya Khaliif Cabdi Cumar.
HOP#068: Waxaa ku fadhisa Faaduma Faarax Ibraahim.
HOP#252: Waxaa ku fadhiya Cabdicasiis Saalax Carmaan.

Dhinaca kalae maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaa iyaguna kasii dambeeya HirShabelle, maadaama aysan weli guda-gelin kuraasta taalla deegaan doorashada labaad, taas oo caqabad ku noqon doonto heshiiskii doorashooyinka dalka.

Guddiga Somaliland, kan Koonfur Galbeed ayaa noqday kuwii ugu horreeyey ee ku dadaalla dhaqan-gelinta heshiiska, soona saaray xildhibaanadii ugu badnaa ee lagu sugayey.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa marar badan u dib u dhacay, taas oo ay sababayeen caqabadaha ka jira dalka oo ay ugu horreyso xaaladda taagan ee kala guurka.

Xog: R/W Rooble oo xilka ka qaadaya wasiir Cabdirashiid

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Cabdirashiid ayaa Soomaaliya ka abuuray mowjad siyaasadeed kadib markii uu Sabtidii shaaca ka qaaday inuu saxiixay heshiis shidaal sahmin ah oo dowladda federaalka ay la gashay shirkad laga leeyahay Mareykanka, taasi oo ay si isku mid ah u diideen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Cabdirashiid oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, islamarkaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka  ayaa lagu shaaciyey in heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, uu yahay mid muujinaya in lagu xad-gudbay shuruucda dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble uu qorsheynaya inuu xilka ka qaado wasiirka, si loo mariyo ciqaabta heshiiskan uu galay oo Soomaaliya u horseedi kara caqabad dhinaca sharciga ah.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in wasiirka aan laga qaadi doonin tallaabo kale marka laga reebo xilka ka-qaadista, inkasta oo hanti-dhowraha qaranka uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd heshiiska.

Doorashada Xildhibaanada Gobollada Waqooyi oo lasoo gabagabeeyey + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland), taas oo lagu qabtay xarunta Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Saddexdii kursi ee ugu dambeysay xubnaha gobollada waqooyi ayaa maanta lagu doortay caasimada, waxayna kala yihiin:-

1- Marwo Samsam Muxumed Cumar oo ku guuleysatay kursiga HOP#243.
2- Maxamed Ibraahim Cabdi oo ku guuleystay HOP#206.
3- Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ku guuleysray kursiga Hop#259.

Dhamman xubnahan ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay u tanaasuleen musharixiintii la tartami lahaa.

Tani ayaa ka dhigan in guddiga SIET ee Somaliland uu dhaqan-geliyey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in doorashada lasoo gabagabeeyo, ka hor 25-ka Febraayo.

Dhinaca kale maamul goboleedyada qaar ayaa weli caqabado ay ka taagan yihiin, kuwaas oo la hardamaya kuraasta deegaan doorashada labaad, waxayna u muuqaataa in waqti dheeri ah ay ku darsan doonaan xilligii lagu balamay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Soomaaliya waxaa marar badan dib u dhacay jadwallada lasoo saaray doorashooyinka, taas oo keentay inay dib usii dhacday doorashada muddo ka badan hal sano.

Jeneraal Xuud oo soo saaray war xasaasi ah (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xuud oo dadka reer Beledweyne uga tacsiyeeyey qaraxii is-miidaaminta ahaa iyo dilalkii ka dhacay magaalada maalmihii lasoo dhaafay, ayaa wacad ku maray in halgankii kacdoonka ahaa ay sii wadi doonaan.

Waxa uu sheegay in shacabka reer Beledweyne ay maalmihii lasoo dhaafay wajaheen dilka nabadoonkii ugu weynaa beesha Xawaadle, dilka Taliyihii Saldhigga Beledweyne oo Haramcad dishay iyo qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay bartamaha magaalada, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 20 qof.

“Isla xisaabtan ayaa jiri doona, lagu kala hari maayo wixii ka dhacay Beledweyne, hadii iska dil ay ahaan jirtay oo la iska aamusi jiray, hada lasii aamusnaa maayo, kuwii dhibkaas geystay hadey xal diyaar u yihiin iyo hadey xoog wataanba diyaar ayaan u nahay inaan wajahno,” ayuu yiri Xuud.

Jeneraalka ayaa beeniyey inuu xiran yahay, “Waayahaan waxaa la waday war ah Xuud waa xiran yahay, war ma xirniye ogaada, wadahadal ayaan Xamar u imid, mowqifkeenii kama tanaasuleyno, wadahadalkaas markii uu dhamaado ayaa war la iga heli doonaa,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xuud oo Muqdisho ku sugan.

Sidoo kale odayaal reer Hiiraan ah oo ayaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyey geerida dadkii lagu laayey qaraxii ka dhacay Beledweyne, kaas oo qof naftiisa haligay uu ku beegsaday dad ku sugnaa goob maqaayad ah.

Hoos ka daawo

Saciid Deni oo Shirkadda DP World ka wareejiyey Dekedda BOOSAASO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo wariyeyaasha la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Dekedda Boosaaso uu ka wareejiyey shirkaddii gacanta ku heysay ee P&O, taas oo hoostegta shirkadda DP-World ee laga leeyahay dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta.

Saciid Deni ayaa sheegay in P&O Port ay ka baxday ballamihii ay wada-galeen ee ku aadanaa horumarinta Dekedda Boosaaso, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ashtago ka keeneen odayaasha dhaqanka Boosaaso, ayna ku fashilantay waxqabadkii laga sugayey.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay inay haatan maamulka dekedda ku wareejiyeen shirkad kale oo iyana hoostagta DP-World, taas oo uusan magaceeda shaacin.

“Shirkaddii P&O Port waxa ay ku fashilantay in ay qabatasho qadashadii loo igmaday, DP-WORLD si toos ah uma maamuli jirin waxaana ceeb ku noqotay sida P&O ay wax u maamushay sidaas awgeed ayay la wareegtay oo waxa ay soo dirsatay shirkad cusub oo aan dib kasoo sheegi doono magaceeda,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Dhanka kale waxa uu sheegay in shirkadda cusub ay dib u hagaajin ku sameyn doonto Dekedda Boosaaso iyo dhammeystirka howlihii qabyada u ahaa P&O Port.

Ugu dambeyn Saciid Deni ayaa hoosta ka xariiqay in saamiga Puntland uu noqon doono 25% inta kalena ay qaadan doonto DP-World.

“Shirkadda abuurantay waxaa wada leh DP-World iyo Puntland, waxaana ku leenahay 25% inta kalena waxaa qaadaneysa DP-World, waxaa saaran mas’uuliyad ah in ay wax badan ka qabato horumarinta Dekedda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Deni.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo bilihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso ay ka taagneyd dood la xiriirta dekedda weyn magaaladaasi, taas oo u dhexeysay waxgaradka deegaanka iyo shirkadd P&O Port oo lagu eedeeyey inay aysan waxba ka qaban dekadda.

CC SHAKUUR oo shaaciyey xogta $16 milyan oo lagu qaatay heshiiska shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdiashakuur Warsame oo ka hadlay heshiiskii uu wasiirka batroolka Soomaaliya u saxiixay shirkad shidaalka baarta ayaa soo bandhigay xogo hor leh oo ku saabsan lacagtii lagu kala qaatay heshiiskaas.

Cabdiraxmaan Cabdiashakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shirkadda Coastline Exploration Ltd oo laga leeyahay dalka Mareykanka ay ka heleen xogta heshiiskaas, isla markaana ay ogaadeen in lagu kala qaatay 16 milyan oo dollar.

Waxa uu sheegay in todoba Ceel oo ah kuwii ugu muhiimsanaa ceelasha shidaalka ee Soomaaliya lagu saxiixay min laba milyan oo dollar, taas oo tirada lacagta ceelashaas lagu kala qaatay ka dhigeysa 14 milyan, sidoo kale waxa uu sheegay in dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ka soo shaqeeyey fududeynta heshiiskaan ay qaateen 2 milyan oo dollar.

Tirada guud ee lacagta ku baxday heshiiskaas ayaa ah 16 milyan oo dollar, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isagoo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in heshiiskaas uu door firfircoon ku lahaa.

“Wasiirkii waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu la ogaa heshiiskaas, sida aad ogtihiina wax kasta inta sameeyo ama amro ayuu iska fogeeyaa Farmaajo, balse waa cadahay in isagu uu diray wasiirka saxiixay heshiiskaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu ku taliyey in xogta heshiiskaas iyo ceelashii la saxiixay ay xukuumaddu la soo wareegto oo laga qaado raggii isku deyey inay lunsadaan, “Hantidhowraha guud, Garyaqaanka guud iyo xukuumadda waxaan ka rabnaa inay cadeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin arrintaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in qorshaha dhinacyada Soomaalida ah uu ahaa in heshiiskaas aan la baahin, balse shirkadu ay ku qasbanaatay inay baahiso oo Website-keeda ku daabacdo inay Soomaaliya heshiis shidaal la gashay, afar maalmood kadib markii la kala saxiixday heshiiska.

Sababta ku kaliftay in shirkadu ay baahiso heshiiskaan ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in shirkaddu aysan awood u laheyn inay shidaalka qodo, balse ay dooneyso in shirkadaha waaweyn ee shidaalka baara ay tartan u qabato si shirkadii guuleysata ay uga gadato xirmooyinka ay u saxiixday Soomaaliya.

Hoos ka daawo 

Puntland oo ku dhawaaqday tallaabo ay qaaday kadib qaraxii ka dhacay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka tacsiyeeyay Nabadoonadii ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka, isaga oo Alle uga baryey in uu caafiyo inta ku dhaawacantay.

Waxa uu sheegay in laamaha amniga ay bilaabeen howl-galo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana ay ku daba jiraan dadkii ka dambeeyay qaraxaas, oo ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

“Maalin walba haddii uu qarax dhaco waxba inaga hari maayo, dadkii ugu qiimaha badnaa ayaa ku dhimanaya maalin kasta, bulshada kama bixi karaan dadkaas. Ilaahay waxaa ka baryeyna in dib dambe u dhicin,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku booriyay bulshada kunool gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan xoojinta Amniga iyo la-shaqeynta laamaha Amniga si loo helo nabad-buuxda.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyay ay magaalada Boosaaso ku soo badanayeen qaraxyada, kuwaas oo lagu beegsanayo mas’uuliyiin, saraakiisha ciidammada iyo dad rayid ah.

Musharaxa Madaxweyne ee kaliya ee u hambalyeeyey xildhibaan Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey iyo kan kaliya ee uu u hambaleeyey xildhibaan Fahad Daahir Axmed oo maanta lagu doortay Beledweyne.

Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Xildhibaannada lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne ee ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo waajibaadka ka saaran ummadda Soomaaliyeed.”

Qoraalka ayaa waxaa raacsanaa muuqaal ay ka muuqdaan sawirada xildhibaanada maanta la doortay, oo uu ku jiro sawirka Fahad.

Tallaabada uu qaaday Kheyre oo ka duwan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu ka tirsan yahay, ayaa dhalin karta su’aalo horleh oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Fahad.

Fahad ayaa xubno badan oo musharaxiin madaxweyne ah waxay ka tirsanayaan  cadaadis xooggan iyo dhibaatooyin, waayna u arkaan inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay xadgudubyadii uu Farmaajo dalka ka gaystay shanti sano ee uu madaxweyne ka ahaa.

Kheyre ayaa horey waxaa loogu xantay inuu weli ku xiran yahay Fahad, islamarkaana laga yaabo inuu taageero ka helo haddii uu gadmi waayo Farmaajo. 

Waxaa sidoo kale jirtay eedeymo ku saabsan inuu yahay isha Fahad u dhex fadhisay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu xogtooda uu u gudbiyo, waxaana hambalyadiisa maanta ay xoojineysaa tuhunadaas.

Tallaabo ka duwan Kheyre, waxaa qaaday musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar ku qaaday Fahad kadib markii maanta la doortay.

“Horta Baarlamaankii shalay hor muuqadkiisa la diiday, maanta ka mid noqoshadiisa badbaado ma laga doonay? Dadkii la iska qarinayey, isla sawirkoodu ma loo baahday? Xildhibaanadii taleefanada lagu dhagaysan jiray, garbo buuxis ma laga doonay? horta sow lagama quusan xukun baqdin gelin iyo kalitalis? In halkaa lagu soo dhaco, halgan adag oo naf, hanti, waqti iyo tamar ku kacay ayaa laga soo maray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Video: Dibad-bax ka dhan ah tallaabo uu qaaday Rooble oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Banaadiriga oo ka cabanaya faro-gelin ay sheegeen in lagu hayo kuraasta ay ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho.

Xubnihii warbaahinta kula hadlay halkii ay ka dhaceen isku soo baxyadaas waxay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn guddigii uu shalay ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay xal u helidda khilaafka ka jira doorashada kuraasta Banaadiriga.

Dalabkooda ugu weyn ayaa ah in loo madax-baneeyo doorashada shanta kursi oo ay ku leeyihiin golaha shacabka, iyagoo si gaar ah Ra’iisul wasaaraha uga codsaday inuu ka dhabeeyo balan-qaadkii uu u sameeyey.

Siyaasiga Luqmaan Cali Macow ayaa ka mid ah xubnihii hoggaaminayey banaan-bixii maanta, “Guddigii uu shalay magacaabay Rooble waxaan u aragnaa mid marin habaabin ah,” ayuu yiri Luqmaan.

Waxay ku celceliyeen in Ra’iisul Wasaare Rooble uu xaqooda ugu soo dhiciyo si Alle ka cabsi leh, isla markaana uu qolo kasta xaqeeda u madax-baneeyo, maadaama isaga loo igmaday hoggaaminta doorashada dalka.

“Nabsiga ka dheeraaw mudane R/Wasaare, hadkaani waa dhiban yihiin, hadaad aragteen dadkaan oo aan qori qaadan oo aan dad la dagaalamin, cabsi yaan loo maleyn, laakiin nin kasta markii uu wejiga ilaahey tago ayaa lala xisaabtamaya, waxaa laguu igmaday inaad hoggaamiso doorashooyinka dalka ee qolo kasta xaqeeda sii,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii la hadlay warbaahinta.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shalay guddi ka kooban 7-xubnood u magacabay xalinta cabashada reer Banaadiriga, kuwaas oo ka kooban 3 ka socota guddiga doorashada heer federaal, 3 kale oo ka socota guddiga doorashada kuraasta Banaadiriga iyo xubin ka socday xafiiskiisa.

Dadkii maanta banaan-baxa dhigay ayaa ku qeylinayey inay aad uga soo hor jeedaan guddigaas, isla markaana ay marin habaabin u arkaan tallaabaada uu qaaday Rooble, iyaga oo sheegay in xalka kaliya oo ay doonayaan uu yahay in loo madax-baneeyo kuraastooda.

Hanti-dhowraha Qaranka oo qaaday tallaabo ka dhan ah heshiiska shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka  ayaa lagu shaaciyey in heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka uu yahay mid muujinaya in lagu xad-gudbay shuruucda dalka.

Hantidhowrka ayaa Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan, isagoo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd.

Sidoo kale Hantidhowraha ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiskaas lagu xaraashayo todoba xirmo oo shidaalka xeebaha Soomaaliya ku jira ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu dib-u-eegis ku sameeyay hannaanka iyo habraacyada loo maray heshiiska la shaaciyay inuu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee ku aaddanaa bixinta toddobo xirmood oo shidaalka Soomaaliya ah.

Waxaa Xafiiska dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee JFS, Sharciga Iibka Qaranka (Sharci Lr. 22 iyo wax-ka-beddelkiisa), Sharciga Batroolka (Sharci Lr. 19) iyo habraacyada dhaqan-galka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah.

Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka.

Haddaba, XHGQ isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa waxa uu ku wargeliyay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo hay’adaha ay khuseysaba in uu heshiiskaas gabi ahaanba waxba kama jiraan yahay.

Sidoo kale, Xafiisku waxaa uu warqad u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’addaha ku shaqada leh, si loo hubiyo loogana gun-gaaro haddii ay jiraan falal musuq ah oo saameyn ku leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah ee ay ku lugta lahayd shirkadda Coastline Exploration Ltd, iyadoo la tixraacayo shuruucda dalkeenna, U.S. Foreign Corrupt Practices Act (FCPA) iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.

Intaa waxaa dheer in XHGQ uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka si ay waajibaadkooda sharciga waafaqsan uga gutaan, natiijada baaristana ay ula wadaagaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidaas si la mid ah, XHGQ isaga oo ka jawaabaya codsi ka soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha XFS kaas oo ku qotomay in baaris lagu sameeyo heshiiska sharci darrada ah, ayaa Xafiiska waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha XFS la socodsiiyay in uu gutay waajibaadkii arrinkaan kaga aaddanaa.

XHGQ ayaa ku taliyay in Ra’iisul Wasaarahu uu shaqo ka joojin ku sameeyo dhammaan shakhsiyaadka ku lugta leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah illaa iyo inta laamaha garsoorka ay waajibaadkooda kaga aaddan ka gudanayaan.

Ugu danbayn Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxa uu mar walba u taaganyahay ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo hubanti-galinta in la dhaqan galiyo shuruucda dalka. Iyada oo taa laga duulayo, waxaan markale xusuusinaynaa hay’adaha Dowladda in ay ka dhawrsoonaadaan ku tagri-falka hantida dadweynaha iyo baalmarka shuruucda dalka.

–DHAMMAAD-

 

Xildhibaanadii ugu badnaa oo maanta usoo baxay Farmaajo

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu doortay xildhibaanadii u horeeyay ee deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle, waxaana ku soo baxay xubno ay wataan garabka Farmaajo.

Kuraasta lagu doortay maanta Beledweyne oo ahaa lix kursi ayaa waxaa la rumeysan yahay in u gacan gelinta kooxda Farmaajo ay ka dambeeyaan madaxda HirShabelle oo gacan saar la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday.

Kursiga 1-aad HOP#086: Waxaa ku soo baxay saaxiibka weyn ee Farmaajo ahna La-taliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sidoo kale hore u ahaa Taliyihii NISA, waxaana kursigaan ka taagneyd dood badan, hase yeeshe ugu dambeyntii waxaa qaatay Fahad.

Kursiga 2-aad HOP#015: Waxaa dib ugu soo laabatay kursigaan Marwo Xiis Xasan Aadan oo hore ugu fadhiday, waxayna kamid ah xubnaha loo xiray ee taageerada ka helay xulafada Farmaajo.

Kursiga 3-aad HOP#008: Waxaa kursigaan kusoo baxay Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) oo ah mulkiilaha Radio Danan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ninkaan wata kooxda Farmaajo.

Kursiga 4-aad HOP#274: Kursigaan ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo markii hore uu ku fadhiyay, wuxuuna taageero ka helay kooxda Farmaajo, asaga oo aan taageero ka haysan beesha iska leh kursiga.

Kursiga 5-aad HOP#109: Waxaa kusoo baxay Cabdifatax Qaasim Maxamuud oo hore ugu fadhiyay kursigaan, ahna Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, wuxuuna taageero weyn u yahay Fahad Yaasiin, saaxiibka Farmaajo.

Kursiga 6-aad HOP#074: Kursigan oo ahaa midka u dambeeyay ee maanta la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdikariin Cumar Xuseen, waxaana meesha laga saaray Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble oo ay kooxda Farmaajo ku tuhuntay in uu xiriir la leeyahay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa inta badan u muuqata mid magaca ka sidata doorasho, waxaana ku soo baxa dooranayaal hore loo sii ogaa guushooda.

Arrinta su’aalaha dhalisay ee uu sameeyey Fahad inta aan xildhibaanka loo dooran kahor

0

Beledweyne (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo shalay tagay magaalada Beledweyne ayaa shahaadada musharaxnimo ku qaatay magac cusub, kaasi oo maanta lagu doortay.

Magaca cusub ee Fahad uu xildhibaanka ku noqday ayaa ah; Fahad Daahir Axmed, waxaana ka dhalatay dood badan iyo su’aalo ku saabsan halka uu ka yimid magacan cusub.

Fahad weligiis waxaa loo yaqiin Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo xitaa marka uu weriyaha ahaa uu afkiisa ka sheegi jiray. Sidaas darteed su’aasha ayaa ah; Fahad ma hadda ayuu magaca beddeshay mise magaca Fahad Daahir Axmed ayaa sax ah, oo weligiis wuxuu adegsan jiray magac aan sax aheyn oo ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Hal arrin oo suurta-gal ah ayaa ah; in Fahad uu haysto baasaboor dal kale oo ugu qoran magaca Fahad Daahir Axmed, sidaas darteedna uu waafajiyey midkiisa Soomaaliya, maadaama ay fududahay in wixii uu doono uu ka sameysto Soomaaliya.

Fahad waxaa horey loogu eedeeyey kaalin kulahaa dilka Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan hay’adda NISA uu markaas Taliye ka ahaa, sida ay ehellada marxuumada ay u sheegen warbaahinta, inkasta oo Maxkamadda Ciidamada ay ku weysya wax ku lug lahaansho ah.

La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa dadaal xoogan geliyay sidii uu kursigaas usoo qaadan lahaa, wuxuuna qorshaha kursigaan qeyb ka yahay xasaanad u helista xubno ka tirsan/tirsanaa NISA.

Ninkan oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay aad isku qarinayey ayaa todobaadkan isa-soo shaac bixiyey, isaga oo doonayo inuu ku biiro Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sida la fahamsan yahay, Fahad ayaa u tartami doono xilka guddoomiye ku-xigeenka ee baarlamaanka Soomaaliya, xilkaas oo uu horey u hayey Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo daaqada laga saaray, kadib markii uu kursigiisa kusoo baxay nin ay wateen xulafada Fahad.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa biirinaya saraakiisha ku soo baxday doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin saaxiibadiisi Cabdullahi Kulane iyo Yaasiin Farey oo iyaguna horey loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliya, safka horena kaga jiray eedeynta kiiska Ikraan.