25 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Beesha Cayr oo fariin culus u dirtay beesha Murusade

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beesha Cayr ee Habargidir ayaa isugu yimid kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo fariin culus loogu diray guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Odayaasha beesha Cayr ayaa sheegay in gabar xaamilo ah oo dhakhtar aheyd ay dileen ciidanka ilaalada u ah guddoomiye Maxamed Abuukar Jacfar, xilli ay marayeen agagaarka isbitaalka xoogga dalka.

Gabadha la dilay ayaa la sheegay in meydkeeda uu weli ku jiro qaboojiye, isla markaana ay beesha Cayr ka dalbaneyso guddoomiye Jacfar iyo dhamaan waxgaradka beesha Murusade inay soo xiraan askarigii dilay.

Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Gabadha la dilay waxay aheyd dhakhtar dadka Soomaaliyeed anfaceysay, meydkeedii weli qaboojiye ayuu ku jiraa walaalayaalow sida ugu fudud inaad u soo qabataan ninkii dilay gabadheena.”

Imaamka ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan doonta hadii laga jawaabi waayo baaqaan ka soo yeeray, “Murusade waa dad aan isku fiicanahay oo nala dhashay curadna noo ah, waxaan ka rabnaa inay meel ku sheegaan gabadhii, masuuliyiinta beesha Murusade oo Ugaasku ugu horeeyo waxaan farayaa inay ka soo jawaabaan baaqeena,” Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble.

Xubnihii ka hadlay goobta ay isugu soo baxeen odayaasha iyo saladiinta beesha Cayr ayaa sidoo kale fariin loogu diray Nabadoon Xaad oo ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, waxayna la codsadeen in baaqooda uu ka soo jawaabo, isagoo kaashanaya Ugaaska Murusade iyo guddoomiye Jacfar oo la sheegay in ilaaladiisa ay dishay gabadhaas.

Ugaaska Beesha Cayr ee koonfurta Soomaaliya Ugaas Cagajabey oo ugu dambeyntii hadalka qaatay ayaa yiri, “Waxaan kula dardaarmayaa Ugaaska beesha Murusade Ugaas Cabdullahi, in gabadhii shanta caruurta ah korsaneysay ee ciidankiina ay dileen aad meel ku soo sheegto.”

Hoos ka daawo

Daawo Fahad: Mar labaad in kursiga lagu soo noqdo waxa aan ka baran doonaa Khadiija

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Maanta loo doortay xildhibaan Afart Sano ee soo socota ku fadhiisan doono Kursiga HOPP#086 ayaa uga mahad celiyey ergadii u dooratay Kursigaan.

Fahad Yaasiin oo khudbad kooban ka jeediyey meesha ay ka dhacday doorashadiisa ayaa sheegay inuu dhibaato badan usoo maray sidii uu u heli lahaa kursigan.

“Waa ku mahadsan tihiin inaad ii doorataan kursigaan, waxaan u mahadcelinayaa guddiga doorashada oo waqtiga badan geliyey arrintaan, waxaan kursigaan ku matali doonaa Beledweyne, HirShabelle iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in la arkay waxa ay tahay doorashada dadban ee dalka ka dhacdo, wuxuuna sheegay inuu Khadiija Maxamed Diiriye oo joogtay halka lagu doortay uu ka baran doono sida mar labaad iyo mar Sedexaad loogu soo noqdo kursiga.

Fahad Yaasiin oo magacyo kala duwan u isticmaalo Dokumiintiyadiisa ayaa lagu diiwaan geliyay magac aan horay loogu aqoon oo ah Fahad Daahir Axmed, oo ahaa midka Baasaboorada ku isticmaalo, taasoo ah bilow cusub, weji cusub iyo magac cusub oo uu ku daah furayo booggiisa cusub ee siyaasadeed.

Doorashada Fahad ayaa soo geba-gebeyneysa mid ka mid ah kuraastii ugu hadal haynta badnaa ee xildhibaan, ayada oo Fahad la sheegay in hadda qorshihiisa xiga uu yahay inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Sawirro: Fahad Yaasiin oo loo doortay Golaha Shacabka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Mgaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay HirShabelle.

Doorashada ayaa waxaa lagu horreysiiyey kursiga HOP#086 oo uu u tartamayey la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo doorashadiisa aad isha loogu hayey.

Kursigan ayaa waxaa sidoo kale isku soo taagay hal musharrax oo la tartamay Fahad, kaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Axmed wuxuuna u ahaa malxiis, maadaama kursigan si gaar ah loogu xiray La-taliyaha amniga qaranka oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa helay 70 cod, halka musharixii tartamayey uu isna helay 24 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 3 cod, sida uu shaaciyey Guddiga SEIT ee HirShabelle.

Guusha Fahad Yaasiin ayaa aheyd mid la sii filayey, maamaama uu dadaal xoogan uu geliyey kursigan oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Ninkan oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay aad isku qarinayey ayaa todobaadkan isa soo shaac bixiyey, isaga oo doonayo inuu ku biiriyo Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sida la fahamsan yahay, Fahad Yaasin ayaa u tartami doono xilka guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Soomaaliya, xilkaas oo uu horey u hayey Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo daaqada laga saaray, kadib markii uu kursigiisa kusoo baxay nin kale.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa ku biiri doono saaxibadiisii Cabdullahi Kulane iyo Yaasiin Farey oo iyaguna horey loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddiga doorashada heer federal oo shaaciyey in lagala wareegay barihii bulshada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa markale shaaciyey in lagala wareegay gacan ku heynta maamulka Barihii Bulshada ee uu isticmaalayey guddiga, sida Website-ka, Facebook-ga iyo Twitter-ka.

Warqad kasoo baxday guddiga, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku wargelinayo inta daneyneysa doorashada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in lagala wareegay Barihii Bulshada ee guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso mas’uuliyad darro aad u weyn iyo tallaabooyin lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada.

“Tallaabada lagula wareegay dhammaan baraha bulshada guddiga waxa ay muujineysaa mas’uuliyad darrada iyo carqaladeynta lagu haayo doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa intaasi kusii daraya ” Haddaba waxaan caddeyneynaa in wixii lasoo geliyo inta dib loo soo celinayo ay yihiin waxba kama jiraan,”.

Ugu dambeyn Guddiga Doorashada Dadban ayaa shaaca ka qaaday in haatn wixii ka dambeeya macluumaadka doorashada uu ku soo gudbin doono shirar jaraa’id & wareysiyo.

“Xogaha doorashada waxaan kusoo gudbin doonaa shirar jaraa’iid, wareysiyo iyo wixii la mid ah,” ayaa markale lagu yiri warqadda kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Dalka.

Qoraalkan waxaa si wadajir u soo saaray guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle, Mowliid Mataan Salaad oo ah guddoomiye  ku xigeenka guddiga & Cabdikariin Cabdicasiis Aadan oo ah xoghayaha Guddiga Doorashooyinka, waxayna taasi muujineysaa in guddiga dhexdiisa ay jirto kala qeybsanaan u dhexeysa xubnaha Guddiga FEIT ee doorashooyinka dalka.

Natiijada kursigii uu Wasiirka Batroolka ku fadhiyey oo la hakiyey + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ayaa soo saaray qoraal uu ku hakinayo shaacinta natiijada rasmiga ah kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP#45, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa ku wargeliyey FIET inuu hakiyo ku dhowaaqista natiijada kursigan oo uu horey ugu fadhiyey wasiirka Batrolka Soomaaliya oo haatan lugaha kula jiro dood xoogan oo kala dhalatay heshiis uu saxiixay oo ku aadan soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay inay dacwadda soo gudbiyeen 1-Suldaan Maxamed Axmed Cumar 2- Musharrax Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo 3-Musharrax Jawaahir Jeylaani Cabdullahi.

“Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 isaga oo gudanayo waajibaadka shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) in la hakiyo ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursi lambar HOP#45, laga bilaabo 19/02/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaasi,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan uu kusoo dhammeystiri doono muddo illaa 7 cisho, si xal looga gaaro bashada hareysay kursiga HOP#45 ee Golaha Shacabka.

Waxa kale oo uu Guddiga Xallinta ka dalbaday Guddiga SEIT Koonfur Galbeed inuu kala shaqeeyo dacwadda, si loo helo xog dhammeystiran.

Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay nin lagu magacaabo Maxamuud Axmed Maxamed, kadib doorasho ka dhacday magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxay tahay shirkadda loo saxiixay shidaalka Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yaxye Caamir oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ka hadlay dooda xoogan ee ka dhalatay heshiiska shidaal baarista ah ee uu saxiixay wasiirka wasaaradda macdanta iyo batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Yaxye Caamir ayaa shaaca ka qaaday in shirkadda loo saxiixay heshiiskan ee Coastline Exploration Ltd oo Mareykanka laga leeyahay aanay aheyn shirkad soo saarta shidaalka, balse ay tahay Dalaal uun, sida uu hadalka u dhigay.

Aqoonyahan Yaxye Caamir oo wareysi siiyey VOA ayaa intaasi ku daray in xirmooyinka ay saxiixato shirkadan ay heshiis kula sii gasho shirkado kale, si ay dhaqaale uga hesho.

“Shirkadahaan ma aha kuwo so osaara shidaalka oo waxa ay leeyihiin ceelal laga qaato shidaalka, waa dalaal oo raba in berri in ay kaa hor istaagaan heshiis weliba oo ku beec xira kuna dhahaya intaas iga sii, Lacagta heshiiska lagu qaatay meel ay ku dhaceyso lama haayo waana nooc kamid ah Burcadnimada,” ayuu yiri  Prof Yaxye oo u warramay VOA-da.

Sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyey heshiiskan muranka badan dhaliyey iyo sababta keentay in xilligan adag lagu soo aadiyo, isaga oo tilmaamay in labo qaab loo galo heshiisyadaan oo kale, balse muddada sharciga oo ka dhammaaday dowladda awgeed loogu saxiixay heshiiskan oo loo yaqaan “Heshiiska qaybsiga batroolka Soomaaliyeed”.

“Waxaa jira SPA oo ah heshiis uu saxiixayo qof ka socda Soomaaliya kaddib ayuu ayidaa sababtoo ah waxa uu ka baqaa in hadhow lagu qabsado haddii la dhaho isaga ayaa saxiixay maadaama Dowladdu ay tahay xilgaarsiin oo waxa aan aaminsanahay in sidaas uu Wasiirka ku saxiixay” ayuu sii raaciyey.

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay heshiiskan saacado uun, kadib markii uu soo bandhigay wasiirka Batroolka Soomaaliya, waxaana ka dhashay su’aalo, madaama lagu soo aadiyey, xilli kala guur ah oo uu waqtiga xil heynta uu  ka dhammaaday dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, xafiiska madaxweynaha iyo ka ra’iisul wasaaraha ayaa si adag dhankooda uga hadlay, wuxuuna Farmaajo iska fogeeyey inuu wax ka ogaa heshiiskan uu galay wasiir Cabdirashiid, halka Rooble uu shaaca ka qaaday inuu qaadi doono tallaabo deg deg ah.

Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey fadeexada ka dhalatay saxiixa heshiiska shidaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa saxiixay heshiis shidaal sahmin ah oo Soomaaliya ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, islamarkaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga horyimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

Haddaba qaar ka mid ah xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka falceliyey heshiiskan, waana kuwan aragtiyadooda.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Waa fadeexo kale oo soo waajahday Villa Somalia (Farmaajo), maadaama wasiirka Batroolku uu sheegey in Farmaajo la ogaa saxiixa heshiiska Xirmooyinka Shidaalka!

Heshiiskii lala dhuumanayey ee kooxaha khyaraadka dalku uu xaraashka u yahay ay sida qarsoodiga ku saxiixeeen waxba kama jiraan ayaa laga soo qaadey. 

Batroolka Soomaaliya wuxuu ka dhexeeyaa umadda Soomaaliya, waxaana muuqata in kooxo gaar ah ay saxiixiisa macaash ka raadinayaan, Raysulwasaaruhu waa ku mahadsan yahay tallaabadan uu ku joojiyay boobka khayraadka dalka.

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa boob iyo khiyaano qaran in xilli kala guur ah, dalka debediisa lagula dhuunto saxiixa heshiis shidaal oo 25 sano soconaya, kuna kacayso balaayiin doolar. Hantidii qaran iyo Dhaxalkii ummada ayaa la dhaafsaday 16 milyan oo doolar. Farmaajo 07 August ayuu soo saaray qoraal uu ku diidayo in heshiis la saxiixi karo xilliga kala guurka ah. 

Waxaase u cadaatay in uusan rajo ka lahayn doorashada, oo uu go’aansaday in uu dalka boobo. Raysalwasaare Rooble waa in uu dalka ka badbaadiya boobka hantida qaran, tillaabana ka qaado wasiirka hantida qaran lunsaday.

Senator Ilyaas Cali Xasan: Intii Doorashada lagu madhquulsanaa, Shidaalkii waa lagu baxay! Dowlad Waqtigeeda Dhamaadey heshiis noocaan oo kaleed ah mageli kartaa?

Soo uma eka in sababta xiligaan kala guurka ah loogu soo aadiyey iibinta shidaalka ujeedo badan? Lacagta Shidaalka lagu iibiyey soo uma eka mid larabo in loo isticmaalo Doorashada?

Heshiiska Batroolka: Burin naguma filna, xataa khiyaamo Qaran ayaa suurta gal ah

0

Afar saacadood ka dib markii Sharikadda Coastline Exploration Ltd ay magaalada Houston ee Mareykanka ku shaacisay in ay heshiis la gashay Soomaaliya, ayuu Wasiirka Batroolku Twitter innagu wargeliyay in uu 7 heshiis la galay sharikadaas. 

Wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha oo uu ku tilmaamay in uu ku “garabsiiyay” kuna “tirtirsiiyay” howsha.

Sharikaddu waxay faafisay oo kale in saxiixa heshiiska ay goobjoog ka ahaayeen Madaxa Hey’adda Batroolka Soomaaliya iyo ku Xigeenkiisu.

In yar ka dib, Madaxweynaha ayaa soo saaray waraaq uu ku qeexay in aan Wasiirku kala tashan heshiiska.

Warqadda ka soo baxday Madaxtooyadu waxay caddeysay in uu heshiisku yahay waxba kama jiraan maaddaama uu baalmarsan yahay amar ka horreeyay oo Dowladda ka joojinaya in ay heshiis gasho xilliga kala guurka ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa isaguna soo saaray amar uu ku burinayo heshiiska oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuuna sheegay in tallaabo sharci ah ay Xukuumaddu qaadi doonto.

Markii ugu horreysay waxaan warka heshiiska ka helay dad ah xog-ogaal feejigan oo London, Muqdisho iyo jooga magaaloiyin kale. 

Maaddaama la iigu sheegay in heshiiska lagu galay London, Diblomaasiyiinta Soomaaliya ka wakiilka ah ee London waan ka waayay wax caddeynaya xataa joogitaanka Wasiirka ee London. 

Heshiis Batrool oo aan Madaxweynuhu ogeyn, Ra’iisal Wasaaruhu ku tilmaamay sharci darro, haddii UK lagu saxiixay aan Safaaradda Soomaaliya ee London aanay ka warqabin, waa waa sax in la buriyo. 

Laakiin burin naguma filna. Xataa khiyaamo Qaran ayaa suurta gal noqon karta.

Inta kale ka sokow, Dhaawac ayay arrintani ku tahay Dowladnimada Soomaaliya, iyo in magaca Dowladda heshiis aan la isla ogeyn lagu galo, maalmo gudahoodna laga baxo.

Aragtideyda, Baaritaan buuxa oo bannaanka keena heshiiska, cidda saxiixday, cidda la ogeyd, haddii laga lahaa ujeeddo siyaasadeed iyo ama dano kale.

Haddii ay caddaato in dembi laga galay Shacabka Soomaaliyeed, markaa tallaabo sharciga waafaqsan oo laga qaado cid kasta oo  ku lug  leh waa lama huraan.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay FAHAD

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay kulan foolka fool ah la yeeshay la-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Dabageed, halka Fahad Yaasiin uu wehlinayey xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo gacan yare u ah.

Qoraal kooban kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Beledweyne, kadib booqasho uu ku tegay Fahad Yaasiin oo ah haatan ah musharax xildhibaan oo u taagan kursiga HOP#086.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Madaxtooyada Magaalada Beledweyne waxaa ku soo booqday Lataliyaha Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ahna Musharax Xilibaan Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka HirShabelle.

Madaxtooyada HirShabelle, ma faah faahin waxyaabaha kale ee ay ka wada-hadleen labada dhinac, marka laga reebo in kulanka uu ahaa mid booqasho ah, sida ay shaacisay.

Shirka kadib ayaa la soo bandhigay sawirrada uu Fahad la galay madaxda HirShabelle, isaga oo shantii sano ee la soo dhaafay aan kasoo muuqan kulamada noocaan oo kale ah.

Doorashada kursiga uu tartamayo ninkan oo ay si weyn isugu hayaan Rooble ayaa waxaa hareeyey dood xoogan, waxaana markale guddiga doorashooyinka ku celiyey in aan hadda la qaban karin doorashada kursigan oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Si kastaba, doorashada ayaa lagu wadaa inay qabsoonto saacadaha soo socda ee maanta, maadaama shalay shahaadada uu qaatay Fahad Yaasiin oo doonayo inuu ku biiro baarlamaanka 11-aad ee dalka, isaga oo u tartami doono guddoomiye ku xigeenka 1-aad.

Saddex qodob oo iiga baxay hadalkii Wasiir Jamaal ee doorashada Boosaaso

0

Wareysiga Danjire Jamaal Maxamed Xasan, siiyey BBC News Somali ee uu qabtay Maxamed Xasan Dhalo, waxaa iiga baxay saddex qodob;

(1)- Siyaasi aan aqoonsanayn Dowladda Puntland, Madaxdeeda iyo Bileyska Ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF. Intiina dhageysatay Danjire Gamal, waxuu carabkiisa ka ilaalinayaa magaca Dowladda Puntland, Madaxweynaheeda iyo Hey’ada Amniga ee doorashada qeybta ka. 

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee PMPF ayuu ku eedeeyey in dowlado kale u shaqeeyaan oo xaaraan ka tahay in doorashada Golaha Shacabka ee Puntland ka dhacaysa qeyb ka noqdaan!

(2)- Nin wax aan dalka oo dhan meelna ka dhicin raba in keligi loo sameeyo, ‘‘doorasho caddaalad ah!’’ Dalka doorasho caddaalad ah iyo mid daahfuran kama dhaceyso ee musuq iyo marin habaabin aan loo meel dayin ayaa socda. Gamal musuqa socda iyo in meeshaas foosha xun la yimaado raggii Madaxweyne Farmaajo, ku kaalmeynayey shan (5) sano ayuu kow ka ahaa!

(3)- Nin qorshe kale meel u yaal oo haddii Xildhibaanka Beesha Dubeys qof kale ku soo baxo raba in qorshahaas ku dhaqaaqo. Qorshaha Danjire Jamal, markaan rog rogay waxaa ii soo baxay in uu ku dhawaaqayo maamul ka madax bannaan Puntland oo asagu Madaxweyne u yahay. Waan soo dhaweyninaa Dowladda Maakhir! Welcome on board Danjire!

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Hoggaan noocee ah ayay u baahan tahay Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo bartanka uga jirta doorasho waqtigeeda dhaaftay oo hadana la boobayo, waxaa hor taalla su’aal ah nooca hoggaanka ay u baahan tahay xilligaan adag, si dalka looga samata bixiyo duruufaha adag ee is biirsaday.

Doorashada xildhibaanada oo la filayo in ay soo dhamaato 3-da todobaad ee na soo aadan, waxaa xigi doonta doorashada guddoonka labada Aqal ee baaramaanka iyo tan madaxweynaha Villa Somalia fariisan doona.

Hase yeeshee calaamad su’aal weyn ayaa dul hoganeysa nooca hoggaamiyaha xilligaan adag mudan in calanka loo dhiibo?

Khilaafyo siyaasadeed oo aan dhammaan, quus shacab, dagaallo sokeeye, hey’adaha dowladda oo mar isku milma, marna wada shaqeyn waaya, waa caqabadihii soo taagnaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse hadda cabsi taas ka weyn ayaa muuqata.

Waxay dad badan oo xog ogaal u ah marxaladihii dalku uu soo maray ay tilmaameen in doorashadan ay ku jirto halis, taasi oo ah in laga wal-walayo hadii madaxweyne loo doorto shakhsi mucaarad ama muxaafad ah, in qolaba midda kale diiddo oo dalku yeesho dowlad lagu kala qeybsan yahay.

“Waa in laga fekeraa xalka ugu macquulsan oo looga fogaanayo dowlad isla Muqdisho qeyb kamid ah laga diidan yahay, waxaana lagu heli karaa madaxweyne in loo doorto shaqsi aan hadda kamid ahayn mucaaradka iyo muxaafadka is heysta,” ayuu yiri Prof. Cali Mareer oo ah aqoonyahan UK ku nool.

Waxaa bilihii la soo dhaafay gudaha Soomaaliya iyo dibadda aad u xoogeysatay aragti ku saabsan in Madaxweyne loo doorto shaqsi ka madax-banaan dhinacyada siyaasadda isku heysta xilligan, balse hana kara kalsoonida shacabka iyo aqbalaadda mucaarad iyo muxaafad, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka Soomaaliyeed ay jecelyihiin hadba wejiga cusub.

“Baarlamaanka waxaa ku soo biiray rag horay u dagaalay oo qaarkooda weli cuqdad isku qaba, kuwaas oo u badan saraakiil, weyna adag tahay in iyagoo qeyb guuleysatay ay qeybta kale aqbalaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo cabiray dareenkiisa xal u helidda xaaladda cakiran ee dalka.

Sidoo kale ururada bulshada rayidka ah qaarkood waxay ku talinayaan in hogaan xilkas ah oo aan qayb ka aheyn iska horimaadyada iyo isqabqabsiga siyaasadeed ee muddo soo jiitamayay ay iftiiminayaan in Soomaaliya loo doorto hoggaan leh biseyl siyaasadeed iyo aragti fog, si dalka uu ugu horseedo deganaasho siyaasadeed, amni, cadaalad iyo horumar.

“Waxaan u baahanahay in la doorto shaqsi dal joog ah, xog-ogaal ah oo fahamsan dhaqanka, degan, qunyar-socod ah oo dad isku wad leh, kuna qanci karaan mucaarad iyo muxaafidba,” ayuu yiri Maxamed Ciise Caseyr oo ka mid ah ururada dhalinyarada ee magaalada Muqdisho.

Deganaashaha siyaasadda, dib u habeynta garsoorka iyo sarreynta sharciga, sugidda amniga, dib u heshiisiinta dadka, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo dib u habeynta hey’adaha dowladda, waa tiirararka ugu waa weyn ee loo baahi qabo marka laga baaqsado colaado kale oo doorashadaan ka dhasha.

Dooda ugu xoogan xiiligaan iyo hadal-heynta fadhiyada lagu falanqeeyo siyaasadda waa in la helo qof leh sumcad siyaasadeed, kana gadmaya dadka Soomaaliyeed ee qaran-jabku ku dhacay iyo saaxiibada caalamka oo mudo dheer nagu garab taagnaa in dalku cagihiisa ku istaago.

In xilligan hogaanka dalka loo dhiibo musharax ka soo jeeda Muqdisho ayaa sidoo kale lagu taliyay, iyadoo loo sababeeyay kalsoonida uu ka heli karo shacabka caasimadda iyo gobollada ku xiran Muqdisho, maadaama ay tahay halka colaadaha naafeeyay Soomaaliya ay ka taagnaayeen 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa intaas dheer, dadka Muqdisho ku nool ayaa dhibaatooyin badan tirsanaya, iyadoo 5-tii sano ee lasoo dhaafay laga xiray wadooyinkii ugu muhiimsanaa isku socodka caasimadda. Xildhibaanada soo baxay ee baarlamaanka iyo inta lasoo dooran doono ayay hortaallaa xal u helidda mushkiladda hoggaanka ee Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka: Heshiiska shidaalka waxaa ila ogaa Farmaajo, waxaana lagu qaatay $7 milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska shidaal barista ah ee wasaaradu ay la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

“Feylkaan waxaa si qaas ah u hayey aniga iyo madaxweynaha, aad ayaan isaga war qabnay mudo dheerna waan ka wada shaqeyneynay, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si khaas ah howshaan iila waday,” ayuu yiri wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey in heshiiskaas uusan waxaba ka ogeyn, isla markaana uusan ansax aheyn, wasiirka oo la weydiiyey sababta uu Farmaajo balantii uga baxay hadii uu heshiiskaas la ogaa ayaa ku jawaabay, “Madaxweynaha waxay ila tahay in markii uu baraha bulshada culeyska ka arkay uu dib u gurtay.”

Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaan uu soo bilaawday sanadkii 2013-kii, xiligaas oo dalka uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay ku jireen dhameystirkii heshiiskaan.

“Waxaan heshiiskaan saxiixay 15-kii bishaan, hadii qalad ku jirana ma aana shaaciyeen, shirkadaan Soomaaliya waxay horay uga heysatay qandaraas ay siisay dowladdii Xasan Sheekh, hadana waan dhameystirnay un, bishii 1-aad ee 2020-kii ayaan Xamar keenay shirkadaha si heshiiskaan aan u kala saxiixano, laakiin dib u dhac farsamo ayuu xiligaan kusoo gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.

Ugu dambeyntii wasiirka oo faahfaahiyey waxa uu dhigayo heshiiskaan ay la saxiixdeen shirkadaas Shidaalka baarta ayaa sheegay inuu yahay wax soo saar wadaag, shirkadda loo saxiixay u ogolaanaya inay maal-geliso xirmooyin shidaalka Soomaaliya ah, iyadoo saamiga ugu badan ay qaadan doonto Soomaaliya.

“Xirmooyinka aan saxiixnay waxay ku kala yaallaan xeebaha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, xirmo kasta oo heshiiskaas ah markii la saxiixo waxuu leeyahay lacag hal milyan oo dollar ah, waxuu heshiiskaasi dhigayaa in mudo bil gudaheed ah lacagtaas ay ku soo dhacdo Bangiga Dhexe, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh, todoba xirmo ayaan saxiixnay, 7 milyan ayaana bishaan gudaheeda ku soo dhaceysa Bangiga Dhexe,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka oo u waramay Idaacadda VOA

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

Rooble oo joojiyey heshiis shidaal oo Soomaaliya ay saxiixday, kuna hanjabay in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray heshiis la sheegay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la gashay shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in heshiiska ay gashay wasaaradda Batroolka uu waxba kama jiraan yahay, isagoo ku goodiyey inuu tallaabo qaadi doono.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah, sidaas darteed waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa intaas ku sii daray, “Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda, si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.”

Shirkada ay heshiiskaas u saxiixday wasaaradda batroolka Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Coastline Exploration Limited (“Coastline”) waxaana laga leeyahay dalka Mareykanka, maanta ayey shaacisay in wasaaradda Batroolka Soomaaliya ay la saxiixatay toddoba heshiis oo wax soo saar wadaag ah.

Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u ogolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.

Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta xeebaha ee shirkadda Coastline Exploration Limited ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen wasaaradda batroolka iyo macdanka ee xukuumadda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa ku yaalla ceelal dihan oo aad u badan, kuwaas oo aan weli la sahmin, kuna yaalla biyaha kulul ee adduunka, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan qayb ka noqonno horumarinteeda mustaqbalka,” ayuu yiri Madaxda shirkadda ay heshiiskaan la gashay wasaaradda batroolka.

Waxuu intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shidaalka ayaa waqti iyo juhdi badan ku bixiyey sidii dalku u heli lahaa kaabayaal sharci iyo maamul oo ku habboon in lagu taageero baarista shidaalka iyo gaaska, iyadoo la meel marinayo sharciga Shidaalka, ansixinta heshiiska Dakhliga qeybsiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah. iyo in la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed si ay taageero joogto ah ugu bixiso kobaca la filayo.”

Wasiirka batroolka DF oo saxiixay heshiis shidaal iyo Farmaajo oo iska fogeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isagoo sheegay inuu ku garab siiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo horay Xukuumadda ku dhawaaqday in aan wax heshiis ah la geli karin inta lagu guda jiro xilli kala guur ah ayaa waxaa muuqata in qorshaha lagu suuq geynayo xirmooyinka shidaalka ee horay loo sahmiyay uu yahay mid dhaqaale lagu raadinayo, gaar ahaan ololaha dib u doorashada Farmaajo.

Dhanka kale madaxweymaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu buriyey heshiiska uu galay wasiirka Batroolka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia

WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka

Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD

Sawirro: Fahad Yaasiin oo la gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimada xildhibaan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon Fahad Yaasiin oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.

Fahad oo hadda ku magacaaban la-taliyaha amniga Qaranka ayaa galabta gaaray magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo berri ay ka dhaceyso doorashada lix kursi.

“Gudiga Maamulka  Doorashada Dowlada HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay dhamaan Murushixiintii  u Tartamaysay kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle.

Musharixiinta shahaadada lala gudoonsiiyey Fahad Yaasiin ayaa u kala tartamaya kuraasta kala ah: HOP#008, HOP#015, HOP#074, HOP#086, HOP#109, HOP#274.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay, kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.

Xog: Farmaajo oo aan lagu casuumin shirkii Midowga Yurub iyo Afrika + Sababta

0

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lagu casuumin shirka Midowga Yurub iyo Afrika ee magaalada Brussels ee dalka Belgium, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Midowga Yurub ayaa magaaladda Brussels kusoo dhaweeyay in ka badan 40 hoggaamiyeyaal Afrikaan ah si uu usoo ceshto saamayntiisa gobolka oo hadda ay ku xoogan yihiin Shiinaha iyo Ruushka oo samaynaya maalgashi xoog leh ku yeeshay qaaradda

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta aan madaxweyne Farmaajo loogu casuumin shirka Midowga Yurub iyo Afrika ayaa lagu sheegay inay tahay inuu dhammaaday waqtigii uu dastuurka u ogolaanayey inuu madaxweyne kasii ahaado Soomaaliya.

Sidoo kale, arrintaan ayaa loo sababeeyey inay tahay siyaasada murugsan ee gudaha Soomaaliya ka taagan, taasi oo uu sababteeda ugu weyn leeyahay madaxweyne Faramaajo oo dalka gaarsiin waayey doorasho.

Mareykanka ayaa dhowaan sheegay inuu xayiraad Visa saaray madaxda Soomaalida qaarkood. Inkasta oo aan la shaacin magacyada, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu ku jiro Farmaajo. 

Farmaajo ayaa ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorasho waqtigii loogu talagalay, wuxuuna mar isku dayey inuu sameysto muddo kordhin 2 sano ah, taasi oo uu kala kulmay dhaleeceynta xulafada reer galbeedka iyo daneeyayaasha gudaha ee Soomaaliya.

Isku daygii uu Farmaajo ku doonayey inuu muddo kordhin ku sameysto ayaa waxay sababtay inay caasimadda Soomaaliya marti geliso dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan midowga musharixiinta oo ka hor yimid muddo kordhinta.

Midowga Yurub ayaa balanqaaday in uu dalalka Afrika siin doono taageero xooggan si loo xoojiyo caafimaadka, waxbarashada iyo xasilloonida Afrika, wuxuuna ballan-qaadayaa kala bar maal-gashi cusub oo dhan 300 bilyan oo Yuuro ($ 340.9bn) oo la bilaabay si loola tartamo Hindisaha Belt iyo Road ee Shiinaha.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin sababta uu Farmaajo uga baaqday shirkaas, waxaana shirkaas Soomaaliya uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali. 

Warbixin: Qarax ka dhacay Boosaaso + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in qarax miino uu goor-dhaweyd ka dhacay magaaladaas. Qaraxa ayaa ka dhashay miino lagu aasay Marfish (Meel lagu qayilo), oo ku taalo agagaarka isgoyska Maqaska ee magaalada Boosaaso.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada ayaa wuxuu sabab khasaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqjiiyey waxaa qaraxa ku dhintay 2 Qof halka uu dhaawaca kor u dhoofayo illaa 5 qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka.

Qaraxyada miino ee lagu beegsanayo goobaha lagu qayilo ayaa kusoo badanaya magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu beegsanayo saraakiisha ciidammada iyo dad rayid ah.

Magaalada Boosaaso ayaa waxay u diyaar garoobeysaa doorashada Kuraas kamid ah  Golaha Shacabka oo la filayo in dhawaan lagu qabto.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo xilli isla Maanta Magaalada Beledweyne uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa Beledweyne waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Xarunta Lama-galaay iyo Buundada Liiq-Liiqato oo martigelisay kulamada looga hadlayo Amniga Beledweyne, Doorashooyinka iyo kuwa xalka loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad lagu magacaano Baar Xasan dhiif oo ku yaala Darbiga dambe Xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka dhinta ayaa gaaraya 16 qof  halka 2 qof oo ka mid ah dadkaas  ay kala ahaayen Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Gobalka Hiiraan Cabdirashiid iyo Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne Cabdiraxmaan.

 

R/W Rooble oo guddi u magacaabay kursi muran xooggan uu ka taagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddik ka kooban 7 xubnood oo xilsaaray xal u helista doorashada Banaadiriga.

“Ka dib markii uu kulan wadatashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa kala ah:

1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye
2- Maxamed Aadan Cismaan
3- Cabdi Hiis Udan

SEIT Banaadiriga

4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay, Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga
5- Saciid Cabdulqaadir Axmed
6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle, la-taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’isulwasaaraha ayaa guddigaan faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan ugu sameeyaan cabashada la xiriirta kuraasta  Banaadiriga ee Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo warbixin usoo gudbiyaan Ra’isulwasaare Rooble, waxaana markaas kadib la arki doonaa go’aanka kasoo baxo Rooble.

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxii B/Weyne iyo Musharax ku dhintay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beladweyne xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha Qarxa, waxa uu sababay dhimasho, Dhaawac iyo burbur hanti sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Xarunta Lama-galaay iyo Buundada Liiq-Liiqato oo martigelisay kulamada looga hadlayo Amniga Beledweyne, Doorashooyinka iyo kuwa xalka loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad lagu magacaano Baar Xasan dhiif oo ku yaala Darbiga dambe Xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka dhinta ayaa gaaraya 16 qof  halka 2 qof oo ka mid ah dadkaas  ay kala ahaayen Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Gobalka Hiiraan Cabdirashiid iyo Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale dadka dhintay ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeyn musharaxiin dooneysa Xildhibaanimo iyo Ergooyinkooda, sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Dadka Qaraxa ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed Cabdullaahi Nuur oo ahaa musharax u taagan doorashada Kursiga HOPP#03 oo la filayey inay doorashadiisa ka dhacdo Magaalada Beleweyne.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka ka dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la qaaday Dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray, Goobta qaraxa uu ka dhaxay ayaa ah meel inta badan xafladaha iyo shirarka lagu qabto.

Dhaawacyada dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa ka dhacay gudaha maqaayada Xasan Dhiif ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Taliska Booliska iyo Maamulka Magaalada Beledweyne warkama soo saarin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa lagu wadaa in lagu qabto maalinta Berri ah doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Hoggaamiyaha TPLF oo ku dhawaaqay arrimo uga sii daraya xaaladda Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gabremikael ayaa sheegay in aan wax tanaasul ah laga samayn doonin shanta qodob ee aasaasiga ah ee shacabka Tigray-ga oo aan lagala xaajoon doonin geedi socodka nabada ee socda.

War-saxaafadeed uu soo saaray sanadguurada 47-aad ee halgankii hubaysnaa ee kooxda TPLF ayuu ku sheegay in wadahadalo ay kula jiraan xukuumada, balse ay jiraan arimo aan gorgortan laga gali karin.

Wuxuu xusay shan arrimood oo uu ku sheegay inay yihiin su’aalo asaasi ah oo ay qabaan dadka Tigrayga.

“Marka hore, wax tanaasul ah ka yeeli mayno ciidankeenna. Wuxuu kaloo sheegay in aan laga hadli doonin arrinta xuduudka Eritrea, ka bixitaanka ciidamada Eritrea ee Tigrayga, xaqa ay dadka Tigrayga u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyo la xisaabtanka shaqsiyaadka u gefay shacabka Tigrayga.

Waxa uu intaa ku daray in shantan qodob ay yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee wada xaajoodka socda, “Arrinta wax-siinta iyo qaadashada halkan kuma shaqeyso.” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay inay wadaan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dagaalkaasi oo siyaabo kala duwan loo adeegsanayo.

Dhanka kale Ururka Midowga Afrika, Madaxweynihii hore ee Nigeria iyo sidoo kale Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in ergada Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kaalintooda ka qaadanayaan wadahadalada socda.