25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

R/W ROOBLE oo hakiyey doorashada xildhibaanada Banaadiriga + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo saaray qoraal kooban oo uu ku hakinayo qabashada doorashada Beelaha Banaadiriga, taas oo ay hareeyeen murano xoogan.

Rooble ayaa sheegay inay soo gaartay cabasho la xiriirta guddiga odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada ka qayb-galeysa doorashada kuraasta Banaadiriga.

“Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee  Banaadiriga,” ayuu yiri R/W Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmamay inuu magacaabayo guddi ka kooban xubno ka socda guddiga doorashooyinka iyo xafiiskiisa, si arrintan xal rasmi ah looga gaaro.

“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu faray guddiga SEIT ee Banaadiriga inuu hakiyo doorashada 5-ta xubnood ee Banaadiriga ee  lagu murmay, taas oo lagu waday in la qabto Isniinta.

“Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga  in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga,”

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay xubno ka mid ah beelaha Banaadiriga, gaar ahaan beesha reer Fiqi ay dhigtay dibad-bax cabasho ah, yagoo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyey inuu qof gaar ah u boobayo halka kursiga ee ay ku leeyihiin Golaha Shacabka.

QARAX is-miidaamin ah oo ka dhacay BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha magaaladaas.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa Xarunta Lama-galaay iyo Buundada Liiq-Liiqato, halkaas oo maalmihii dambe lagu qabanayey shirar looga hadlayey doorashada iyo kuwa xal loogu raadinayo khilaafaadka HirShabelle.

Sidoo kale xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa goobta ku sugnaa dad fara badan oo isug jiray masuuliyin, Odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo wariyeyaal.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxan, halka ay ku dhawaacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuw amaanka oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli Beledweyne lagu wado in beri lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Muxuu wasiir Jamaal ka yiri doorashada ka dhaceysa magaalada BOOSAASO?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo haatan ku sugan Boosaaso, isaga oo markale u sharraxan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa magaaladaasi.

Jamaal oo wareysi siiyey BBC ayaa walaac ka muujiyey qaabka loo qabanayo doorashada iyo halka lagu qabanayo, wuxuuna tilmaamay inay khilaafsan yihiin habraacyada doorashada.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in kuraasta loo madax banneeyo Qabaa’iilada iska leh, gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah.

“Qabaa’ilka ayaan rabnaa in loo madax banneeyo Qabiilka iyagaa kursigooda leh kuraastooda ninkii ay doonaan ha siiyeen faraha halooga qaado,” ayuu yiri Jamaal.

Wasiirka qorsheynta oo ay haatan si aad ah isku hayaan Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay amniga doorashada, isaga oo sheegay in la keenay ciidamada PMPF oo uu tilmaamay in meelo kale laga taageero, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka waxa teendhooyinka loogu dhisanayo oo faraha loola galaayo ciidamada lagu keenaayo taas ayaan ka hortegeynaa,” ayuu markale yiri wasiirku.

Dhinaca kale waxa uu shaaca ka in Air Port-ka Teendho laga dhisay lagu qabanayo doorashada, iyadoo ay ilaalinayaam ciidan aan aheyn kuwa Soomaalida ee loogu tala galay amniga doorashada, sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “In wax la’iska qorqorto ma’aha danta reerkana ma’aha ee kursiga leh tan qarankana ma’aha tan Soomaalinimadana ma’aha marka arrimahaas ayaan ka digeynaa in lagu sii socdo oo lagu fogaado,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmaha soo socda Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland lagu qabanayo kuraastii ugu horeysay ee Golaha Shacabka.

IMF oo ku dhowaaqday go’aan culus oo saameynaya DF SOOMAALIYA haddii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka hadashay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana ay shaacisay in dib u dhaca doorashooyinka uu saameyn xoogan ku yeelan doono dhaqaalaha lagu kabo mushaaraadka la siiyo ciidamada, qorshaha Deyn cafinta ee muddada soo socday iyo dhaqaale dalka.

Madaxa IMF ee Soomaaliya, Laura Jaramill ayaa ku dhowaaday in taakuleynta dhaqaale ay istaagi doonto, haddii doorashada ay dib uga dhacdo 17-ka bisha May ee sanadka 2022-ka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay haddii ay doorashadu sii daahdo inay halis ku tahay xilliga lagu cusbooneysiinayo heshiiska IMF & Soomaaliya.

“Doorashooyinka dib u dhaca ku yimid waxa ay khatar ku yihiin waqtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska IMF & Soomaaliya, tallaabadaan waxa ay saameyn taban ku reebeysaa Shaqada Dowladda,” ayey tiri Laaura oo u warrantay Wakaaladda Reuters.

Waxa kale oo ay soo hadal qaaday qorshaha deyn cafinta iyada oo xustay in Soomaaliya looga baahan yahay inay bixiso lacag dhan 5 Bilyan ilaa 10 Bilyan oo Dollar.

“Miisaaniyadda Soomaaliya waa $400 oo Milyan oo Doollar, qayb kamid ah heshiiska lagu dhimayo Deynta waxaa ku xusan in la bixiyo in ka badan $5 Bilyan oo dollar ilaa $10 Bilyan oo dollar, wixii ka dambeeya 17ka May haddii aan la dhammeystirin Doorashooyinka waxaa istaagaya Kaalmada kabka ah ee lagu gacansiiyo ciidamada,” ayay tiri Madaxa hay’ada IMF

Walaacan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doorashooyinka Soomaaliya ay dib u dhaceen muddo hal sano ah, waxaana muuqata in weli doorashado socon doonto bilooyin kale.

Si kastaba, dalka beesha caalamka iyo hay’adaha daneeya Soomaaliya ayaa marar kala duwan soo saaray digniino la xiriira dib u dhaca doorashada, si looga gudbo kala guurka.

Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo kulamo ka wada Munich

0

Munich (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Munich ee dalka Jarmalka, halkaasi oo uu uga qeyb-galayo Shirka Amniga Munich.

Wasiirka ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Finland Pekka Haavisto oo ay ka wada-hadleen taageerada Finland ay siiso Soomaaliya iyo hababka lagu xoojin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Finland, howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS iyo arrimaha amniga gobolka.

Wasiir Cabdisaciid ayaa sidoo kale la kulmay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faysal bin Farhan, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo siyaasadda quseysa labada dal.

Labada wasiir ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Sacuudiga ee arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

Wasiirkaa Arrimaha Dibedda Soomaaliya wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, oo ay ka wada hadleen sida sharaf darrada ah ee loola dhaqmo muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ka gudba xuduudaha Yurub, howlgalka ATMIS ee Soomaaliya iyo arrimaha ammaanka iyo siyaasadda.

Wasiir Cabdisaciid ayaa la filayaa inuu sii wado kulmadan oo uu la kulmo wasiiro dhowr ah, inta uu ku sugan yahay Munich.

 

Mareykanka oo soo saaray digniin cusub oo madaxda Soomaalida ku socota

0

Muqdisho (Caaismada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale luuqad adag kula hadashay madaxda Soomaaliyada, ayada oo ku hanjabtay inay si gaar ah tallaabo uga qaadi doonto ciddii caqabada ku noqota dardar-gelinta doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka ee ka socota dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu dalbaday in madaxda Soomaalida ay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan, si lagu kalsoonaan karo oo daah-furan.

“Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqalad ku keenta ama carqaladeysa hanaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka kooban ee kasoo baxay Safaarada ayaa daba socda war-saxaafadeed ay goor sii horeysay si wadajir u soo saareen xubnaha Beesh Caalamka, oo ay ku dalbanayeen in si deg-deg ah loo dhameystiro doorashada.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu qeyb ka ahaa Mareykanka ayaa waxay sheegen inay si dhow ula socdaan doorashada, ayna ka warhayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii kala bar qabsoomtay.

“Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba,” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wada-jir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen dhammaan madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, ayada oo la xaqiijinayo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida dhow isha ugu haya doorashooyinka iyo xaalada kala guurka oo ay Sooamaliya ku daahday, wuxuuna cadaadis xoogan ku saaraya madaxda in si dhaqso ah loo dhameeyo doorashada Golaha Shacabka, si loo guda-galo midda madaxweynaha.

Dagaalka Fahad vs Rooble: Tallaabooyinkii uu qaaday Rooble iyo arrintii ka dhex dhacday guddiga doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u dhaqaaqay inuu joojiyo kursiga tirsigiisu yahay HOP#86 ee uu u sharaxan yahay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji  Daahir, kaasi oo ay deegaan doorashadiisa tahay magaalada Beledweyne.

Dagaal siyaasadeedka Fahad iyo Rooble ma aheyn ku qarsoon. Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa isku dayey inuu isticmaalo guddiga oo mideysan si ay kiiskaan uga shaqeeyaan, laakiin laguma guuleysan.

Dhowr maalmood ka hor ayey howshaan billaabatay, laakiin labadii Maalmood ee lasoo dhaafay waxaa jiray abaabul xooggan oo kursigaan ku saabsan.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah guddiga doorashada heer Federaal, kooxda Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Talaadadii la fadhiisatay guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federal Muuse Geelle, kaai soo ay doorashadiisa gacan weyn ku lahaayeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni.

Waxaa ninkaas la hor dhigay inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP#86 ee uu u sharaxan yahay Fahad Yaasiin, dood kadib waxaa la sheegay inuu Muuse dalbaday inuu arrintaas kusoo qanciyo xubnaha kale ee guddiga, maadaama uu buuq ka dhallan karo haddii uu go’aan iska qaato.

Inta badan xubnaha guddiga doorashada ayaa Arbacadii ka shiray kiiskaan, laakiin Muuse iyo xubnihii ku aragtida ahaa waa laga diiday soo jeedintaas, waxayna xubnaha kale ku doodeen inay jiraan kuraas badan oo la boobay oo xafiiska Rooble oo uu diiday in la hor istaago.

Waxay sheegeen in maadaama aan kuwii horaba tallaabo laga qaadin inay adag tahay in kursigaan si gooni loo beegsado. Waxay kaloo xubnaha ku doodeen in kiiskaan yahay mid siyaasadeysan oo ay wacan tahay in guddiga uu ka dhex baxo arrimahaan oo aysan noqon dad la isticmaalo.

Markii uu guddoomiyaha guddiga arrintaan ku qancin waayey xubnaha kale ee guddiga waxaa soo baxday in xubnaha diidmada qaba ay la fadhiistaan Ra’iisul Wasaare Rooble.

Khamiistii waxaa la xaqiijiyey inuu Rooble la kulmay xubno uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada ninka lagu magacaabo Mowliid, waxaana mar kale la dul istaagay joojinta kursiga HOP#86.

Mid ka mid ah xubnihii guddiga ee Rooble la kulmay waxaa laga soo xigtay inay Rooble waydiiyeen sababta kuraastii kale ee la boobay aan qoraal looga soo saarin, balse uu midkaan u xiiseenayo in la joojiyo.

Waxay xubnahaan sheegeen inuu Rooble ugu jawaabay intaan aniga halkaan joogo ma dhici karto inuu Fahad ku biiro baarlamanka.

Xubnihii uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka diidmadoodii ayey ku adkeysteen, balse hal talo ayey xafiisks Rooble uga tageen sida la sheegay, taasoo aheyd inuu Ra’iisul Wasaaraha shir jaraa’id qabto uuna isaga iclaamiyo inuu guddiyada farayo inay kursigaasi joojiyaan, markaas kadibna ay guddiyada qaadan doonaan go’aanka Ra’iisul Wasaaraha iyadoo dadweynaha wada ogyihiin.

Arrintaas dhanka Ra’iisul Wasaaraha waa ku adkaatay. Intaas kadib xubno ay ka mid yihiin Muuse Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal, Liibaan Shuluq oo ay Ra’iisul Wasaaraha ehel yihiin oo isna guddiga ka tirsan, nin la yiraahdo Xiis oo dhanka Jubbaland ka socda iyo Afahayeenka guddigaan ayaa la sheegay inay dhinac noqdeen oo ay go’aanadeen inay soo saaraan warqad lagu joojinayo kursiga HOP#86, halka xubnihii kale ee guddiga qaadaceen taasoo kala jabisay guddiga doorashada ee heer Federaal.

Guddoomiye ku-xigeenkii iyo aqbalabiyadii guddiga hal dhinac ayey mareen halka guddoomiyihii iyo 3 xubnood oo kale ay isku dhinac noqdeen.

Bogga Facebook ee guddiga doorashada ee Heer Federaal ayaa lasoo geliyey warqadda lagu joojinayo kursiga u uu sharaxan Fahad, laakiin wax yar kadib xubnaha kale ee diidan ayaa ka saaray warqaddii Facebook, halka ay soo galiyeen warqad kale oo lagu beeninayo middii hore.

Labada dhinac ee guddiga qole waxay heysataa bogga Facebook ee guddigaan qolada kalana waxay heystaan bogga Twitter-ka.

Warbaahinta Dowladda Federaalka ah ayaa iyadana xiisadaan ku dhex milmatay, iyadoo la safatay garabka taageersan Ra’iisul Wasaare Rooble.

In xubnihii guddiga doorashada kala jabeen waxay walaac weyn ku tahay geediga doorashada Soomaaliya. 7 Maalmood ayaa ka dhiman waqtigii la qorsheeyey in lagu soo afjaro doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada ee maamulka HirShabelle ayaa iyaguna qaadacay warqadda kasoo baxday garab kamid ah guddiga doorashada ee heer Federaal, iyagoo ku adkeystay in Axadda la qabanayo doorashada kursiga uu Fahad Yaasiin u sharaxan yahay.

Biden oo shaaciyey go’aan uu qaatay Vladamir Putin

0

Washingtong (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine. Wuxuu intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan.

Biden wuxuu sheegay in qiimeynta lagu saleeyay sirdoonka Mareykanka oo soo jeediyay in magaalada caasimadda ah ee Kiev uu Ruushka beegsanayo.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay in uu damacsanyahay in uu weeraro dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Reer Galbeedka ayaa ka cabsi qaba in Ruushka uu isku dayo in uu qalalaaso been abuur ah uu ka huriyo gobollada dhaca bariga Ukraine, si uu marmarsiinyo uga dhigto duullaanka.

Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in 169,000-190,000 oo Ruush ah inay ku sugan yihiin gudaha iyo agagaarka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ka howlgala jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taageeda ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad, madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu haysto “sabab uu ku aamino” in ciidamada Ruushka “ay damacsan yihiin isla markaana ay doonayaan inay weeraraan Ukraine toddobaadka soo socda ama maalmaha nagu soo aadan”.

“Ilaa iyo hadda, waxaan rumeysanahay in Ruushka uu go’aankaas qaatay” ayuu Biden hadalkiisa sii raaciyay.

Joe Biden wuxuu sidoo kale sheegay in Ruushka uu weli heysto waddo diblumaasiyadeed oo lagu qaboojin karo xaaladda si wadahadal loogu xalliyo xiisadda.

Shaley, waxaa soo baxayay astaamo kale markii hoggaamiyeyaasha madaxda kooxaha gooni u goosadka ay shaaciyeen in dadka ay ka daadgureynayaan halkaas xilli ay sheegeen in Ukraine ay bilowday inay duqeysay halkaas ayna qorsheyneyso weerarro, arrinta oo xiisadda sii hurisay.

Ukraine ayaa marar badan sheegtay in aysan qorsheyneynin wax weerar ah, wasiirka arrimaha dibadda Dmytro Kuleba ayaa meesha ka saaray waxa uu ku tilmaamay “warbixinnada been abuurka ah ee Ruushka”.

Boqollaal kun oo qof ayaa ku nool gobolkan, daadgureyntan waxay noqon kartaa mid ballaaran, mana jirto caddeymo muujinayaa in daadgureynta ay bilaabatay balse warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dhowr bas oo soo daadgureeyay dadka deegaanka ay ku sii jeedeen Ruushka.

Isha: BBC.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland uga sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey halka loo yaqaano Waraha Buur Qaylo, halkaas oo ay xarumo ku lahaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalladan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen xarumo iyo saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxayna ciidamada dowladdu shaaciyeen inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegTeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin Xoogaga Al-Shabaab oo weeraro ku qaada saldhigga ciidamada huwanta ee ku yaalla halkaasi.

Sawirro: Fahad Yaasiin oo gaaray Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii hore NISA, ahna la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goor dhaweyd ka dagay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo la filayo inuu kasoo qaato Kursiga HOP086.

Safarka uu Fahad Yaasiin ku tagay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku wehliyo gacan yarihiis xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, iyadoo tagitaanka maanta ee magaalada ay ku soo aadeyso qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne.

Fahad Yaasiin ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo qaato shahaadada musharaxnimo ee kursigii OP086 oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo hadda Dalka uga maqan arriimo dhanka caafimadka ah.

Berri ayaa la filayaa in la qabto doorashada kursiga OP086 oo lasii og yahay inuu kusoo bixi doono Fahad Yaasiin, iyadoo Ergadii dooran laheyd ugu diyaarsan yihiin garoonka diyaaradaha Beledweyne.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.

 

Daawo: Dibad-bax ka dhan ah’ tallaabo uu qaaday’ Rooble oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beesha reer Fiqi oo ka dhalatay beelaha Banaadiriga ayaa maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne, iyagoo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeynaya inuu qof gaar ah u boobayo kursiga xildhibaan ee golaha shacabka ay ku leeyihiin.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo ka mid ahaa xubnihii goobta uu banaan-buxu ka dhacay warbaahinta kula hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey hanaanka loo qorsheeyey boobka ay sheegeen in kursigaas lagu hayo.

Kursigaas oo tirsigiisu uu yahay Hop#034, ayaa waxgaradka beesha Fiqi waxay si gaar ah ugala shireen Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii ay ka war heleen in guddiga doorashada kuraasta reer Banaadiriga lagu amray inay u wareejiyaan beesha Reer Sheekh oo isla beelaha Banaadiriga ka dhalatay.

Guddoomiyihii hore ee Xamarweyne Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in markaas kadib uu Ra’iisul Wasaare Rooble guddiga doorashada ku amray in kurisgaas qoondo dumar laga dhigo, sidoo kalena loo xiro gabar u dhaxda madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay inay yasmo u qaateen erayga Gember oo ra’iisul wasaare Rooble uu aad ugu celceliyey intii ay cabashada kursigaas kala shirayeen odayaasha beesha reer Fiqi.

“Beel iyo qabiil wax la yiraa ayaan leenahay, laakiin erayga Gember waxa uu Rooble ula jeeday waan gara weynay, balse waxaan u fahanay inuu dadkaan aad u yasaayo oo wax-matarayaal uu u yaqaano,” ayuu yiri guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu uu u yeeray guddiga doorashada kuraasta Banaadiriga, kuwaas oo jadwalkii doorashada soo saaray bishii December 2021-kii, “Ilaa maanta doorashada Banaadiriga Rooble ayey u xayiran tahay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in guddiga loogu hanjabay in la kala diri doono, hadii ay isku dayaan inay doorasho qabtaan, “Rooble guddoomiyaha guddiga ayuu u yeeray, waxuuna u sheegay in hadii jadwalka uu soo saaray aysan u fulineyn uu kala diri doono.”

Ugu dambeyntii guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in markii xubnaha guddiga ay ka cagajiideen dalabka Rooble, loo soo diray nin ku heyb ah ra’iisul wasaaraha iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federaal, kaas oo dil ugu hanjabay xubnaha guddiga Banaadiriga, sida uu sheegay guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne.

Odayaashii iyo siyaasiyiintii maanta isugu soo baxay degmada Xamarweyne ayaa ku qeylinayey inay kursiga Hop#034 ka dhacday beesha Sacad Habargidir, iyagoo cod dheer ku dalbaday in la xushmeeyo oo aan lagu xad gudbin xuquuqdooda siyaasiga ah.

Hoos ka  daawo

UK oo si adag uga hortimid tallaabo ay qaaday Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa si adag uga hortimid dilkii ay Arbacadii xukuumadda Somaliland ee hogaamiyo Muuse Biixi ku fulisay afar askari oo loo haystay dilka askar kale.

Marwo Lizzie Walker oo ah wakiilka dowladda Ingiriiska u joogta Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujisay xukunka dilkaas, ayada oo sheegtay in uu meel ka dhac ku yahay qofka bini-aadamka ah.

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagan tahay sifiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta,” ayey tiri Lizzie Walker.

Sidoo kale waxay hadalkeeda intaas kusii dartay “Ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha. Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada.”

Walker ayaa sheegtay in marnaba aysan Somaliland ku taageeri doonin tallaabooyinka noocaas ah, ayada oo soo jeedisay in gebi ahaanba meesha laga saaro.

Ma aha markii u horeysay ee UK ay kasoo horjeesato xukun dil ah oo ay fulisay xukuumadda Somaliland, waxayna qeyb ka tahay wadamo reer galbeed ah oo inta badan aad uga qeylo dhaamiya markii la meel-mariyo xukun qisaas ah.

Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen xubnaha Beesh Caalamka ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan midda Golaha Shacabka, oo ay dalbadeen in si deg-deg ah loo dhameystiro.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xubnaha beesha caalamka ay si dhow ula socdaan doorashada, ayna ka warhayaan in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii kala bar qabsoomtay.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba.

“Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen dhammaan madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, ayada oo la xaqiijinayo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.

“Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan.”

“Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay sida wada-jir ah u soo saareen xubnaha beesha caalamka.

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah: Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

XOG: Yaa ka dambeeya hakinta doorashada kursiga loo xiray FAHAD YAASIIN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey qabashada doorashada kursiga HOP#86, oo loo xiray taliyihii hore ee NISA iyo la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in go’aanka lagu hakiyey doorashada kursigan uu ka dambeeyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan horey u sheegnay inuu waday qorshahan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowaan u yeeray guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, wuxuuna ku amray in dib loo dhigo doorashada kursiga HOP#086 oo la filayey inay Beledweyne ka dhacdo Axadda.

Rooble ayaa guddoomiyaha u sheegay in tartanka kursigaan la qaban doono marka uu dalka dib ugu soo laabto xildhibaankii ku fadhiyey ee Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo mar kale rabo inuu u tartamo kursigan kaasoo hadda dalka uga maqan arrimo caafimaad.

Ma cadda haddii Rooble ay daacad ka tahay inuu doorashada kursigan la sugayo Faarax Cabdulqaadir iyo inuu ka dhigtay qiil uu ku beegsado Fahad, ayada oo ay u badan tahay midda dambe.

Rooble oo ay horey isku qabteen Fahad Yaasiin ayaa xoogiisa isugu geynaya sidii kursigan loo dhaafin lahaa Fahad Yaasiin oo hadda ah la-taliyaha Amniga Qaranka, ama ugu yaraan loo gelin lahaa tartan furan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal Muuse Geelle Yuusuf ayaa kasoo jeeda Puntland, waxaana inuu xilkan helo kaalin weyn ku lahaa Rooble, taasi oo ra’iisul wasaaraha uu hadda guranayo miraheeda.

Si kastaba, guddiga doorashada heer federal ayaa isku khilaafay arrintan, ayada oo ay kasoo horjeesteen xubno ka mid ah guddiga, kuwaas oo beeniyey sax ahaanshaha warqadda lagu joojiyey kursiga.

Sidoo kale, guddiga doorashada maamulka HirShabelle ayaa ku gacan sayray go’aankan, ayaga oo sheegay in warqadda kasoo baxday guddiga heer federal ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan jirin cabasho kasoo gaartay kursiga HOP#086.

Ciidamo horleh oo diyaarad lagu geeyay Beledweyne kahor doorashada Fahad

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaartay diyaarad siday ciidamo badan oo la sheegay inay ilaalo u yihiin Fahad Yaasiin.

Ciidamadan ayaa markii hore ka ambabaxay garoonak diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, waxayna hordhac u yihiin safarka La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo uu ku tago Beledweyne.

Kursiga uu rabo Fahad Yaasin ee HOP#086 uu haddana ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa waxay doorashadiisu qabsoomi doonta 20-ka bishaan oo ku beegan maalinta Axada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goor hore oo maanta ah Beledweyne la geeyay ergadii Fahad Yaasiin, kuwaasi oo la dajiyay goob amnigeeda aad loo adkeeyay, taasi oo ku taalla agagaarka xerada AMISOM ee deegaanka Ceeljaalle.

Sida uu qorshuhu yahay Fahad ayaa u gudbi doonin gudaha magaalada, waxaana la filaya in uu halkaas gaaro maalinta Axada, ayada oo doorasho u eegta uu ku qaadanayo kursigaas lagu qaban doono gudaha xerada AMISOM.

Kursiga Fahad ayaa waxaa ka taagan cabasho xoogan, ayada oo guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal uu hakiyay qabashada doorashada kursigaas, inkasta oo uu ku gacan seyray go’aankaas Guddiga doorashada maamulka HirShabelle.

Qoraal kasoo baxay guddiga heer federal ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Qoraalkaas ayaa sax ahaanshihiisa waxaa xaqiijsay Caasimada Online, hase yeeshee waxaa kadib la isku dayey in jahwareer lagu sameeyo warqaddaas.

Xubno ka mid ah guddiga oo ku xiran Villa Somalia ayaa la wareegay gacan ku haynta bogga facebook ee guddiga, halkaas oo lagu beeniyey warqadda kadibna lasoo dhigay warqad kale oo lagu sheegay inaan la hakin kursiga HOP#086.

Guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal uu ku faafiyey barta twitter-ka iyo warbaahinta qaranka ku xaqiijiyey in la afduubtay bartooda facebook, waxayna ku adkeysteen inay sax tahay warqadda lagu hakiyey doorashada HOP#086.

Guddiga doorashada oo isku khilaafay hakinta kursiga loo xiray Fahad Yaasiin – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer federal ayaa isku khilaafay in la hakiyo doorashada kursiga HOP#086 ee loo xiray la-taliyaha amniga qaranka Farmaajo iyo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah guddiga doorashada heer Federaal, guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle oo ku xiran ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagala hadlay inuu joojiyo doorashada kursigan, taasi oo uu aqbalay. 

Kadib inta badan xubnaha guddiga doorashada ayaa Arbacadii ka shiray kiiskaan, laakiin Muuse iyo xubnihii ku aragtida ahaa waa laga diiday soo jeedintaas, waxayna xubnaha kale ku doodeen inay jiraan kuraas badan oo la boobay oo xafiiska Rooble uu diiday in la hor istaago.

Waxaa xigay ayada xalay dhinac ka mid ah guddiga, oo uu hoggaaminayo guddoomiye Muuse ay soo saareen warqaddii lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086, ayada oo aan loo dhameyn, taasi oo qabsatay baraha bulshada.

Qoraaka kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Si kastaba, saacad kadib waxaa mareegtii facebook ee guddiga la wareegay koox ka mid ah guddiga oo ku xiran Villa Somalia iyo Fahad, kuwaas oo soo saaray warqad lagu beeninayo qoraalkii hore, laguna sheegay inaan la hakin kursigaas.

Warqaddaas ayaa lagu yiri “GHDHF wuxuu cadeynayaa in ay waxba kama jiraan tahay warqadda lagu baahiyay baraha bulshada ee wadatay saxiixa Gudoomiyaha taas oo lagu sheegay Hakinta kursiga sumaddisu tahay HOP#086 kana mid ah kuraasta ay shaaciyeen Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle (BALEDWAYNE).”

“Hadaba GHDHF wuxuu Farayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed Hirshabelle in ay waajibaadkooda gutaan, siina wataan shaqada adag ee hortaalla.”

Ilaa hadda ma cadda sida xaalku noqon doono, balse waxay u egtahay in Fahad iyo kooxdiisa ay ka go’an tahay in doorashada kursigan la qabto, islamarkaana Axadd Fahad uu noqdo xildhibaan.

Halkaan ka akhriso warqada hore iyo tan dambe

 

Guddiga doorashada oo ku hanjabay tallaabo la xiriirta doorashada Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa si dar dar ah mamaul goballeedyada qaar uga socotay doorashada Golaha shacabka ee baarlamanaka cusub ee federaalka Soomaaliya iyadoo horrey loogu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo 25-kaan bishaan Febaraayo, waxaana ilaa iyo hadda la doortay boqolkiiba 55%.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina ayaa sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.

“Runtii caqabadda ka jirta Garbohaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka halkaa ka jira waxaad ogeeydeeen shirarkii Dhuusamareeb kow, laba iyo saddex qaarna ay fashilmeen qaarna ay guuleysteen, khilaafka ugu weyna waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay.”

Guuddiga Doorashada haddii aanu nahay Kooramka haddii uu inoo buuxsamo xildhibaannadaasna aanu xal laga gaarin caqabad dalka ku sii ahaan maayaan khilaafyadaasi oo horay ayaa looga sii soconayaa, doorashada Guddoonka iyo kan madaxweynahana waa la dooranayaa.

Safiina ayaa tibaaxay in haddii madaxda isku haysa xildhibaanadaas oo ay doorashadooda xallin laga gudbayo.

Doorashada Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo kuraas badan ka doortay oo qiyaas ahaan gaaraya boqolkiiba konton iyo shan.

Shalay waxaa la soo dhamays tiray doorashada 26-kii kursi ee deegaan doorashoodii ayhad magaalada Baraawe ee Koofur Glabeed Soomaaliya waxaana uu maamulkani noqnayaa maamulkii ugu horreyay ee soo idleeya doorashada deeegaan doorashadooda labaad inkastoo ay jireen cabashooyin ka soo baxayay musharxiin kuraastoodu tiilay Baraawe oo qaarkood sheegayba in laga hor istaagay in ay halkaas tagaan.

 

HirShabelle oo ka hor-timid go’aanka lagu hakiyey kursiga loo xiray FAHAD YAASIIN

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka HirShabelle ayaa ku gacan sayray go’aan kasoo baxay guddiga doorashada heer federal oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086 ee loo xiray Fahad Yaasiin, taasi oo la filayo inay dhacdo Axadda.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada HirShabelle ayaa lagu sheegay in warqadda kasoo baxday guddiga heer federal ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan jirin cabasho kasoo gaartay kursiga HOP#086.

“Kaddib markii Guddiga maamulka doorashada Hirshabelle GMDHDX iyo dhammaan wakiillada Guddiyada heer Federal iyo Xalinta Khilaafaadka arkeen warqad lagu baahiyay baraha bulshada ee faraysay in la hakiyo Kursiga HOP#086 oo aan wadan wax faahfaahin ah iyo sababo lagu hakin karo kursi qabashadiisa la shaaciyay, Guddiga Doorashada HirShabelle asagoo gudanaya waajibaadkiisa Qaran iyo heshiisyadii Madasha wadatashiga qaran iyo dhammaan habraacyadii doorashada dalka waxa ay idiin xaqiijinayaan in guddigu uusan soo gaarin wax cabasha ah ee ka timid kursiga kor ku xusan,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga HirShabelle.

“Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee HirShabelle waxuu sii dardargelinayaa qabashada kuraasta la jadwaleeyay, oo uu kamid yahay HOP#086 si waafaqsan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka, mana jirto sabab loo hakiyo kursigaas maadaama la xaqiijiyay odayaasha dhaqanka ee soo xulaya oo uu ku jiro odaygii saxiixa u ahaay doorashadii 2016.”

Qoraal kasoo baxay guddiga heer federal ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Qoraalkaas ayaa sax ahaanshihiisa waxaa xaqiijsay Caasimada Online, hase yeeshee waxaa kadib la isku dayey in jahwareer lagu sameeyo warqaddaas.

Xubno ka mid ah guddiga oo ku xiran Villa Somalia ayaa la wareegay gacan ku haynta bogga facebook ee guddiga, halkaas oo lagu beeniyey warqadda kadibna lasoo dhigay warqad kale oo lagu sheegay inaan la hakin kursiga HOP#086.

Guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal uu ku faafiyey barta twitter-ka iyo warbaahinta qaranka ku xaqiijiyey in la afduubtay bartooda facebook, waxayna ku adkeysteen inay sax tahay warqadda lagu hakiyey doorashada HOP#086.

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday guddiga HirShabelle

Go’aankii maxkamada ay soo saartay kadib maxaa kusoo kordhay xaalada masjid Quba ee Soomaalida Amsterdam?

0

Iyada oo 10-kii bisha Febraayo 2022 ay dhageysatay maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland dacwad u dhexeysay maamulka masjid Quba, oo ah masjid Soomaalidu leedahay ayaa waxaa jira guux ku saabsan go’aanka maxkamaddu qaadan doono marka ay soo idlaato 4-ta toddobaad ee loo qabtay xubnaha khilaafku u dhexeeyo inay dhexdooda soo wadahadlaan.

Wararka ku dhowdhow xubnaha khilaafku ka dhexeeyo waxay sheegayaan, in aysan waxba ka qabsoomin talo soo jeedintii maxkamadda ee aheyd; in xubnahaasi dhexdooda  soo wadahadlaan, inkastoo dhinac ka mid ahi uu sheegay in go’aanka maxkamaddu aanu aheyn idinka soo wadahadla, lana kala bixi doono fadhiyada soo socda.

Wararka naga soo gaaraya fadhigii 10-kii Febraayo waxay sheegayaan in Sheekh Suldaan dalbaday in dhinaca kale ay soo bandhigaan hantidii ku soo dhacday qasnada masjidka dhowrkii sanno ee u dambeeyay.  Sidoo kale, haweeneyda garyaqaanada u ah ragga masjidka ku haray ayaa la leeyahay waxay Sheekh Suldaan u soo jeedisay [intii uu socday fadhigii 1-aad] in dacwada uu joojiyo, lana siiyo magdhow.

Dhinaca kale, Sheekh Suldaan iyo saaxiibadii ayaa ku howlan  in ay dib u eegis ku sameeyaan qoddobadii looga hadlay fadhigii 1aad ee maxkamadda. Warar aan la hubin oo na soo gaaray waxay sheegayaan  suurtagalnimada qorshe lagu beddelayo garyaqaanka Sheekha;  Halka ragga weli haya maamulka masjidka la leeyahay markii ay qiimeeyeen fadhigii ugu horreeyey ee dacwada waxay ictiqaadeen in go’aanka maxkamaddu la mid noqon doono go’aankii Guddiga dhexdhexaadinta Tilburg & Eindhoven ee ahaa; in Sheekh Suldaan laga saxan yahay, ragga masjidka ku haray na yihiin kuwa jidka saxda ah ku taagan. 

Si kastaba, walaaca ugu weyni ee ay ka siman yihiin mushtamaca Soomaalida ayaa ah, in ay ula muuqato gef aan garowshiiyo laheyn in khilaaf ka soo billowday 3 xubnood  ku soo dhammaado maxkamad, ay dhici karto in go’aankeeda kama dambeysta ahi noqdo in masjidka loo gacan geliyo dad aan muslim aheyn,  iyada oo la awoodi karay haddii si xilkasnimo leh loo fikiri lahaa in saddexdaasi xubnood shaqada laga rafci karay, mas’uuliyadda masjidka-na loo dhiibi karay kuwii ka hoos shaqeynayay, balse saddexdii xubnood lala kala saftay taas oo aakhirkii keentay in khilaafka masjidka uu meel kasta gaaro. 

Maxay tahay fikirka ay khilaafka ka qabaan Soomaalida ku dhaqan Nederland.?

Shire Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa odayaashii iskood isugu xilsaaray dhexdhexaadinta xubnaha is khilaafsan, ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in khilaafkii masjidku maxkamad gaaro, waxaanna isaga oo arrintaasi ka hadlaya uu yiri:

“Aad iyo aad ayaa ugu xuumahay maanta iyaga oo khamiisyo wata, kana tegay masjidka Quba in ay gaalo iyo kuwii uu ILLAAHEEY qur’aankiisa ku sheegay ee uu yiri ha u hoos fadhiisanina masiirkiina in ay hoos fadhiistaan.”

Shire, waxaa uu intaasi ku daray in ay ula muuqato  nasiib darro in dadkii diinta lagu tuhmayay u tagaan, una qoor-dhiibtaan kufaar aan ALLE aqoon, kuna yiraahdaan, na kala saara, iyaga oo horay na ugu gacan seyray dhexdhexaadintii ay wadeen walaalihii Soomaaliyeed.

“Maxkamadda marka la tago ee qaadigu soo galo waxaa sharci ah in loo istaago, weyneeyn la weyneynayo iyo sharaf loo yeelayo kaafirkaas darteed. Sheekh Suldaan wuxuu na dhihi jiray in qof bini’aadam ah loo istaago ma banaana, waxaa la yaab leh in dadkaasi ay sharci u doonteen” Ayuu yiri Shire Maxamed Siyaad. 

Soomaalida ku dhaqan Nederland ayaa ku kala qeybsan arrinta khilaafka masjidka, waxaanna ay kala qabaan 2 aragti.

Aqlabiyadda ugu badan ayaa qabta.

Sheekh Suldaan, waa shaqsi waxaa ka weyn maslaxada masjidka ay ku qabaan Soomaalida & guud ahaan ummadaha muslimiinta. Sheekhu maadaama uu qeyb weyn ku lahaa aasaaskii masjidka waxaa la gudboon in wixii uu dhisay aanu burburin,  uuna sabro; Haddii wiilashiisii ay garan waayeen maamuuskii & xurmadii uu ku lahaa waxaa la gudboon in aanu ku dayan oo ALLE dartii u sabro. Masjidku wuxuu kaalin weyn u hayaa mushtamaca Soomaalida, waxaa ku intifaaca ubad Soomaaliyeed oo diinta lagu baro, waxaa lagu dhaqaa, laguna asturaa meytida, waxaa ku cibaadeysta ummadda. Sheekh Suldaan ha eego maslaxada guud, haddii laga qaldanaa ALLE waa caadil, ciddii ka qaldaneyd nabsigu waa uu ka soo bixi ama ha dhowaato ama ha-dheeraato’e. 

Aqlabiyadda 2aad waxay leedahay:

Ragga masjidka ku haray [Guuleed Wayrax, Abuu-Khadiija + Xassan Barre] waxeey kala garan la’ yihiin oo isaga qaldan wax ay ummaddi leedahay & wax ay iyagu leeyihiin. Waxay doonayaan in hantidii & mas’uuliyadii ay ummaddu u dhiibatay in ay u maamulaan sida shirkad ay iyagu leeyihiin. Waxaa la yaab ah in aysan waxba kaga talo-gelin mushtamicii Soomaaliyeed ee hantida masjidka lagu dhisay laga soo uruuriyay. Siddeey ku dhici kartaa in 10-10-kii shillin ee masjidka lagu sadaqeystay lagu bixiyo  sidii Sheekh Suldaan lagaga taqalusi lahaa.? Tan ugu weyn ee aan la dhakafaarsanahay waxay tahay; Maxaa raggani u diiday in ay ummadda la hadlaan, oo ay ogolaadaan in ay mushtamaca soo hor-fadhiistaan, wixii su’aalo ah ee ay bulshadu qabto-na ay si waadix ah kaga jawaabaan. Waan dhuumanayaa bulshadiina mas’uuliyad ayaan u hayaa ma aha wax meel wada geli karo. Maahmaah Soomaaliyeed oo khadiimi ah  baa waxay leedahay. [NinHulaabXumiInuuWax-Qarsanaayo-Ayaa-LaMooda]. 

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan
[email protected]

Nin Ciraaqi ah oo maxkamad loo soo taagay gabar Somali ah oo uu u dilay jaceyl dartiis

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Nin u dhashay Dalka Ciraaq kuna eedeysan in uu dilay Dahabo Cumar oo Soomaali ah ayaa loo gudbinayaa Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022 sida ay sheegtay Maxkamad lasoo taagay sida uu xaqiijiyay mid kamid ah ehelka Gabadha la dilay.

Amaal Maxamed Siciid (Hoggaamo) sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia ahna Qunsulka Safaaradda oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in xubin kamid ah ehelka Marxuumadda uu ka qaybgalay fadhiga Maxkamadda ee go’aankaas lagu gaaray.

“Maxkamadda ayaa soo gabagabeysay dhageysiga eedeysanaha xukunkiisa oo loo gudbinayo Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022, Dhageysiga Dacwadda waxaa Soomaaliya ku metalay Mid kamid ah Ehelka Dahabo Cumar” ayay tiri Amaal Maxamed.

Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia oo horay u sheegtay in aan Dahabo la aasi doonin ilaa maxkamad laga soo taago Gacan ku dhiiglaha dilay oo ugu dambeyn maanta lagu aasayaa Qabuuro ku yaalla Kuala Lambur.

Booliiska Malaysia ayaa gacanta ku dhigay Ninka loo heysto dilka Dahabo Cumar oo u dhashay Dalka Ciraaq oo haatan ah Xukun suge kiiskiisa loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Dalkaas oo go’aan ka gaari doonta.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn maqaaxi ay ka shaqeyn jirtay, waxaana dilkeeda lala xiriirinaya Nin Iraqi ah oo dhowr jeer xiriir Jaceyl usoo bandhigtay.

Maxamuud Cabdullaahi Bille oo kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Malaysia oo la hadlay VOA ayaa sheegay in gabadha la dilay ay inbadan ka cago-jiiday inay xiriir la sameyso ninkaas.

Allaha u naxariistee Dahabo ayaa la sheegay inay ku jirtay da’da labatameedyada, waxayna kamid aheyd dadka fara-ku-tiriska ah ee ka shaqeeya maqaaxiyaha, ugu dambeyntiina sababtay gacanta ninka ay xiriirka ka diiday.