25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay gaadiid ay ku qabsatay weerarkii Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa goor sii horeysay oo maanta ah soo bandhigtay gaadiid ay leeyihiin ciidamada Booliska oo ay ka kaxeysteen saldhiga Booliska degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sawiro ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab ayaa muujinaya labo gaari oo kuwa loo yaqaano Cabdi-Billaha oo ay sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay ku galeen saldhiga Kaxda habeenkii Arbacadii.

Sidoo kale waxaa labada baabuur ee Shabaab soo bandhigtay laga dheehan karayey saameynta hubkii la isku adeegsanayey inta dagaalka ka dhex socday degmada Kaxda, gaar ahaan saldhiga booliska, ayada oo gebi ahaanba muraayadaha gaadiidkaas ay daateen.

Inta la ogyahay waa markii u horeysay ee muddo kadib Al-Shabaab u suuragasho inay gaadiid ciidan ku furtaan gudaha Muqdisho, islamarkaana ay la tagaan deegaanadooda.

Kooxda Al Shabaab ayaa habeen hore waxay weerar ku qaadeen degmada Kaxda Ee gobolka Banadir, waxayna saacad ku dhawaad haysteen saldhiga degmadaasi iyo xaafadaha udhaw, taasi oo qeyb ka aheyd weeraro ay isla habeenkaas ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka.

Arrimahan ayaa waji gabax ku ah laamaha amniga iyo sirdoonka dowladda federaalka oo xiligaan ku howlan doorashooyinka, ayada oo calaamad su’aalna saareysa waxa ay qabtaan kumanaanka ciidamada ah ee loo soo tababaray dowladda.

Si kastaba, Muqdisho ayaa shan sano oo uu xukumayey Farmaajo ka dhaxashay Al-Shabaab sidii hore ka xoog badan, oo saacaddii ay doonta soo weerarta magaalada, sidoo kalena canshuurta ganacsi kasta oo ku yaalla magaalada.

Doorashada 3 kursi oo aan lagu tartamin oo maanta ka dhacday Kismaayo + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maanta oo Jimco ah Magaalada Kismaayo ee maamul Jubbaland ayaa waxaa ka dhacday doorashada 3 Kursi oo aan lagu tartamin kadib markii ay is casileen musharixiintii malxiiska ahaa.

Kursiga ugu horreeyo ee lagu doortay Maanta Magaalada Kismaayo ayaa ah Hop#132  oo uu horay ugu fadhiyay Ibraahim Maxamed Xuseen (Buulle), waxaana ku guuleysatay  Cadar Xareed Jibriil kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartami laheyd, cod gacan taag ayaa waxaa Cadar u coddeeyey 98 Ergo oo ku sugneyd Goobta doorashada.

Kursiga labaad ee Hop#092 oo uu ku fadhiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi kadib markii uu u tanaasulay Cabdullaahi Aadan Cabdi oo la tartami lahaa.

Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay dhamaan Ergada goobta ku sugneyd oo aheyd 101 Ergo.

Kursiga Saddexaad ee Hop#023 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Maxamed Muuse ayaa waxaa Maanta ku guuleysatay Nasro Mahdi Caraale kadib markii ay tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi oo la tartami laheyd, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay Nasro Mahdi Caraale 100 Ergo ah, marka cod kale la sheegay inuu ka aamusay qofkii lahaa.

Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku socotaa si xoog leh, waxaana waqtigii lagu heshiiyey in lagu dhameystio ka dhiman wax yar 10 Maalin, waxaana muuqato inaan waqtigaas lagu soo gababey karin doorashada.

Guddiga doorashada ayaa ku adkeystay in waqtiga loo qabtay in lagu soo dhameystiro doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka lagu soo dhameystiri doono.

Guudlaawe oo magacaabay guddi baara dilkii Duurdege

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saqdii dhexe ee xalay magacaabay guddi baaritaan ku soo sameeya dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Beledweyne, Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).

Taliyaha ayaa shalay ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay gudaha saldhigga, oo u dhaxeeyay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo boolis kale.

Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne ku soo magacaabay guddigan oo ka kooban toddobo xubnood, si baaris degdeg ah ugu soo sameeyaan shaqaaqadii Taliyaha lagu dilay.

Guddiga ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Gaashaanle Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, oo ah Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xubnaha kale ee guddiga waxaa ka mid ah:-

Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan, Taliyaha Booliska Hirshabelle, Gudoomiye Kuxigeen

Gaashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, xubin
Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), Taliyaha Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, xubin

Laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dabaley, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Hiiraan, xubin
Laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye, xubin
Laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed, xubin

Guddiga doorashada federaal-ka oo hakiyey doorashada kursiga loo xiray FAHAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhowaaqay in la hakiyey qabashada doorashada kursiga HOP#86, oo lagu waday in maalinta Axadd ay ka dhacdo magaalada Beledweyne.

Kursigan ayaa ah kan ugu hadal haynta iyo saameynta badan sanadkan, sababtoo ah waxaa u sharaxan islamarkaana loo xiray taliyihii hore ee NISA iyo la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah ninka ugu awoodda badan siyaasadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Go’aanka Guddiga ayaa imanaya ayada oo lagu waday in Fahad Yaasiin uu maanta oo Jimce ah u safro magaalada Beledweyne, si uu isugu diyaariyo doorashada kursigan.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo sida Fahad oo kale saameyn xooggan ku lahaa dowladdii Xasan Sheekh, islamarkaana hadda arrimo caafimaad dalka uga maqan.

Caasimada Online ayaa dhowr maalmood kahor shaacisay xog gaar ah oo ku saabsan in ra’iisul wasaare Rooble uu waday qorshe uu ku hakinayo doorashada kursigan, xilli ay xiisad kala dhaxeyso Fahad oo uu hadda kahor ka qaaday xilkii taliyaha NISA. Halka ka aqri xogtaas. 

Ma cadda tallaabada ay qaadi doonaan Fahad iyo maamulka HirShabelle oo ay ka go’an tahay in Fahad sanadkan xildhibana laga dhigo, islamarkaana uu si fudud kusoo qaato kursigan.

Guddiga Doorashada HirShabeelle ayaa shalay shaaciyey odayaasha soo xulaya eregada doornaeysa saddex kursi oo uu ku jiro midka uu doonayo inuu soo qaato agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraasta la shaaciyay Guddiyada soo xulaya ergada oo degaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baladwayne ayaa kal ah: HOP#015, HOP#086, HOP#274.

Odayga ugu sareeya ee kursiga HOP#086 ayaa waxaa hore uga digay inuu xareysay Fahad Yaasiin odayaasha Beesha reer Aw-xasan, waxayna qoraal ay soo saareen ku eedeeyeen inuusan ahayn nabaddoon.

Sidoo kale, Muuqaal sawir ah kii ugu horeeyay oo laga qaaday Fahad Yaasiin ayuu shalay baahiyey sawir-qaadaha Farmaajo, waxaana sawirkaasi uu nooqnayaa shan sano kadib inuu ogolaaday sawir in laga qaado, isagoo hadda doonaya kursi xildhibaan.

Hoos ka aqriso warqadda guddiga 

Kenya oo adkeysay amaanka xaafadda ay Soomaalida ku badan yihiin + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa si aad ah u adkeeyay amaanka xaafadda Islii ee magaalada Naiorbi, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay halkaas ka dhaceen falal amni daro ah.

Guddiga amniga Xaafadda Islii oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada badan ee lagu soo kordhiyay xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii, ay tahay sidii looga hortagi lahaa kooxo cusub oo burcad hubaysan ah oo dhac ka gaysanaya xaafadaas.

“Guddiga amniga iyo laamaha amniga maalmahan oo dhan shirar ayay lahaayeen iyo qaabkii looga hortagi lahaa burcadkaas, oo hadda qaarkood la qabtay, kuwa kalena la dilay. Burcadkaas caadeysatay in dadka dhacaan dowladda waa la socoto, amniga xaafadana waa la sugaya” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga amniga ee xaafada Islii.

“Xaafada Islii kali ah ma aha, guud ahaan waa caasimada oo dhan. Asbuucyadii lasoo dhaafayna waxay aad iyo aad kor ugu kacday xaafadeena Islii, illaa heer ay gaartay inay dilaan mid kamid ah Ganacsatada markii uu damcay in uu iska dhiciyo.”

Ciidamada booliska ayaa lagu daadiyay wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha magaalada Nairobi, ayaga oo baadi goobaya kooxaha dhaca geysanaya ee sida gaarka ah u bartilmaameedsanaya dadka ajaanibta ah, gaar ahaan Soomaalida.

Ganacsatada Soomaalida ah ee Xaafada Islii ayaa maalmihii la soo dhaafay muujinayay walaac la xiriira beegsiga lagu haayo, waxaana 8-dii bishaan xaafada Islii lagu dilay Wiil Dhalinyaro Soomaali ah, ayada oo laga qaatay taleefoon uu watay.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xili dhaqaalaha dalka Kenya uu hoos u dhacay, islamarkaana ay dhawaan dowladda heegan buuxa galisay ciidamada, si looga hortago khataraha uga imaanaya argagixisada.

Al-Shabaab oo shaacisay go’aan ay ka gaartay ergada, xildhibaannada iyo dadka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ninka Al-Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la yiraahdo Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa shaaciyey qorshaha ay ka damacsan yihiin ergada sanadkaan soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ninkaan ayaa sheegay in qorshaha Al-Shabaab uu yahay in aragti lagu dilo qof kasta oo ergo noqday iyo xildhibaanada ay soo doorteen intaba, isagoo tilmaamay in mudo dheer ay dadka uga digayeen arrintaan.

“Xarakada waxaa ka go’an in qofkii ergo noqda uu taargad yahay, naftiisana ay noo banaan tahay, sababtoo ah waxay u codeeyeen in Kitaabka Ilaaahey la tuuro, oo waxay taageereen dastuur iyo dimoqraadiyad shisheeye wato, marka cidii arrintaas faraha la gasha anaga waa noo taargad,” ayuu yiri ninkaan u hadlay maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxuu ku celceliyey inay isku si u beegsan doonaan kan wax doortay iyo kan la doortay, “Marar badan ayaan dadka ugu baaqnay inay ka haraan howshaas, sidoo kale kuwa u ololeeya kuwa la doonayo waa taargadkeenna, meel kastana waan ku beegsa doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

“Ma rabno dimoqraadiyad iyo qabiil, lixdankii ayey nagu soo bilaabatay dimoqraadiyadaan, marxalado badan ayaan soo marnay, marka xalka umadaan waxuu ku jiraa in Kitaabka Ilaahey lagu maamulo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Muuse Cabdi Carraale oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii ninkaan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay fahmaan waxa la isku heysto, oo sida uu sheegay ah Kitaabka halagu maamulo dalka oo iyagu ay qabaan iyo dowladda oo dooneysa inay dastuur ku maamusho dalka, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Maxaad kala socotaa kiiska xildhibaanka bedelay Muudey looga haystay dalka Kenya?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maalintii Arbacada ee ay taariikhdu ku beegneyd 16-ka bisha February, 2022-ka waxaa magaalada Baraawe ka dhacday doorashada kursiga Golaha Shacabka ee HOP145, taasoo uu ku guuleystay Maxamed Cabdalla Axmed.

Xildhibaan Maxamed waxa uu baddalay Cabdiweli Muudeey oo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ka ahaa baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday ee 10-aad, waxaana uu xilkaas xildhibannimada hayay ku dhawaad 20 sano.

Inkastoo Muudeey uu tabasho qabay, uuna sheegay in laga hor istaagay safarkii uu ku tagi lahaa Baraawe, haddana doorashadu waxay ku dhacday jadwalkii loo qorsheeyay.

Wax badan lagama yaqaanno bogga siyaasadeed ee xildhibaanka cusub, oo inta badan loo arko nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya.

Balse dad badan waxa ay magaciisa ku xasuustaan xilli dhowr sano ka hor u si weyn u hadal heysay warbaahinta Kenya iyo qaar ka mid ah kuwa caalamka.

2016-kii, markii ay Soomaaliya isu diyaarineysay doorashada dowladda uu mudda xileedkeeda gabagabada yahay, Maxamed Cabdalla waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaad ay dowladda Kenya doon dooneysay oo wajahayay eedeymo ku saabsan banki lacago ay ku lumeen.

Taliyihii booliska Kenya ee xilligaas, Joseph Boinnet ayaa amar ku bixiyay in xabsiga loo taxaabo siddeed qof oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta bankiyada, kuwaas oo uu ku jiray Maxamed Cabdalla, oo ah xildhibaanka shalay lagu doortay Baraawe.

Mas’uuliyiintaas, oo ka kala socday labada Banki ee National Bank iyo Chase Bank, ayaa loo heystay arrimo la xiriira falal aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxamed Cabdalla Axmed waxa uu xilliga eedeyntaas loo jeedinayay ahaa Agaasimaha Waaxda Farsamada Kumbuyuutarrada ee Bankiga National.

Liiska dadka ay booliska ku raad joogeen dhanka National Bank waxa ay kala ahaayeen:

Muniir Maxamed – Agaasimaha maamulka
Boniface Biko – Agaasimaha fulinta
George Jaba – Madaxa howlaha deymaha
Maxamed Cabdalla – Agaasimaha Farsamada
Wycliff Kivunira – Madaxa maaliyadda
Chris Kisire – Madaxa maaliyadda
Dhanka Chase Bank, waxa ay ahaayeen:
Zuffrullah Khan – Guddoomiye
Duncan Kabui – Agaasimaha maamulka wadajirka

Chase Bank ayaa islamarkiiba albaabbada la isugu dhuftay, warbaahinta maxalliga ahna waxa ay tabinayeen in lacago la lunsaday.

Wali ma cadda in kiiskaas uu ilaa hadda socdo iyo in kale. Balse waxaan dib dambe usoo noqonin bankiga Chase oo kiiskaas bartanka uga jiray.

Isku day aan u sameynay inaan arrimahan wax ka weydiinno xildhibaan Maxamed Cabdalla, nooma suurtagalin, telefoonkiisana kama uusan jawaabin marka ay BBC-da la xiriirtay.

Kadib 2016, Maxamed ayaa la sheegay inuu u safray dalka Australia oo in muddo ahba ku noolaa.

Bishii February ee sanadkii lasoo dhaafay, toddobo qof oo uu ku jiray guddoomiyihii hore ee bankigii burburay ee Chase Bank, Maxamed Khan, ayaa wajahayay dacwado dheeraad ah, sida uu qoray wargeyska Business Daily.

Waaxda dacwad oogidda guud ee Kenya ayaa xilligaas bidhaamisay in la helay xog cusub oo ku saabsaneyd in lacagta la xaday ay gaareysay 100 milyan oo doolar.

Isha: BBC Somali 

Sawirro: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka degay saldhiga Balli-doogle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa maanta booqasho ku tagay saldhiga Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo noqoneysa midii u horeysay ee uu ku tago tan iyo markii uu soo magacaabay madaxweyne Biden.

Safarkaan ayaa waxa Larry ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Gen. Stephen Townsend, ayada oo ay u kuur-galeen xaalada saldhigaas oo xarun u ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska xooga dalka.

Safiirka Mareykanka iyo Taliyaha ciidanka AFRICOM ayaa intii ay ku sugnaayeen halkaas kulan la qaateen ciidamada Mareykanka ee ka howl-gala Balli-doogle, ciidammada kumaandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaas oo ay kala hadleen la-dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale Danjire André iyo Gen. Stephen ayaa waxay wada-jir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Generaal Odawaa Yuusuf Raage, oo ay ka wada-hadleen aarrimaha amniga iyo howl-galada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Saldhiga Balli-doogle ee gobolka SH/Hoose oo fariisin u ah ciidamo iyo tobabarayaal Mareykan ah, ayaa waxaa inta badan laga hagaa howl-galada Ciidammada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ay ka fuliyaan gobalada Koonfurta Soomaaliya iyo weliba duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka.

GALMUDUG oo shaacisay doorashada kuraasta taalla Gaalkacyo – Yaa ku fadhiya?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta shaaciyay liiska 11 kursi oo doorashadooda ka qabsoomeyso magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu soo bandhigay liiska kuraastaas oo kala ah; HOP#001, HOP#018, HOP#038, HOP#101, HOP#060, HOP#095, HOP#069, HOP#017, HOP#020, HOP#013 iyo HOP#021.

“Guddiga doorashada Galmudug waxuu guda-gelayaa shaacinta odayaasha iyo bulshada rayidka, diiwaangelinta iyo tababarrada guddiga xulista iyo Ergada,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu shaaciyey liiskaan.

Hoos ka aqriso xildhibaanada ku fadhiyo kuraasta la shaaciyay;

1- HOP#001 – waxaa kursigaan ku fadhiyo Warsame Maxamed Xasan (Joodax)
2- HOP#018 – Qaasim Maxamed Jaamac.
3- HOP#038 – Axmed Macalin Fiqi, Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug .
4- HOP#101 – Xersi Aadan Rooble, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada .
5- HOP#060 – waxaa hadda ku fadhido Ubax Tahliil Warsame.
6- HOP#095 – Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac).
7- HOP#069 – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.
8- HOP#017 – oo ay hadda ku fadhiso Duniya Maxamed Cali.
9- HOP#020 – Cali Axmed Shariif Cusmaan.
10- HOP#013 – Maryan Maxamed Xuseen.
11- HOP#021 – Maryan Xaaji Cabdi Geedi.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa si dardar leh uga socota dalka, ayada oo muddo kooban ka harsan tahay waqtigii loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo, waxaana maanta deegaan doorashadiisa labaad soo gabeeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulada kale ee Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa ayaguna qorsheynaya bilaabista kuraasta lagu qabanayo deegaan doorashada labaad, kuwaasi oo ay shaaciyeen kuraas kamid ah.

Sawirro: Xubno uu ku jiro wariye Somaliland kasoo cararay oo loo doortay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa maanta qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursi ka mid ah kuraasta doorashadooda la qabtay waxaa ku soo baxay Wariye Nuuradiin Cabdilaahi Col-ujoog, kaas oo ku guuleystay kursiga HOP#246, isaga oo helay codad gaaraya 96 cod, waxaana u tanaasushay Marwo Maryam Maxamed Nuur oo la tartami laheyd.

“Musharax xildhibaan Mudane Nuuradiin Cabdilaahi Col-ujoog ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, wuxuuna helay 96 cod, waxa ka aamusay 2qof. Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#246 Nuuradiin Cabdilaahi Col-ujoog,” ayaa natiijada kasoo baxday guddiga.

Col-ujoog ayaa horey u ahaa wariye kasoo shaqeeyey deegaanada Somaliland, balse kasoo cararay, waxaana xarumaha uu kasoo shaqeeyey ka mid ah Telefishinka Qaranka Somaliland, TV-ga Universal iyo sidoo kale Saab TV oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Sidoo kale xubnaha kale ee maanta ku soo baxay kuraasta gobollada waqooyi ee doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Cabdilaahi Maxamed Cabdi oo ku soo baxay kursiga HOP#264.
2- Nuuriya Aadan Ciise oo kusoo baxday kursiga HOP#212.
3- Dr Maxamed Xasan Maxamed oo kusoo baxay kursiga HOP#207.
4- Faadumo Ismaacil Xuseen oo ku soo baxday kursiga HOP#242.
5- Sahra Yuusuf Cige oo kusoo baxday kursiga HOP#258.
6- Caydaruus Saalax Yuusuf oo kusoo baxay kursiga HOP#224.

Ciidamada HARAMCAD oo DAGAAL ku dilay taliyihii saldhigga BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka Beledweyne uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee la geeyey halkaasi.

Iska hor imaadka ayaa ka qarxay gudaha saldhigga Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ciidamada Haramcad ay ku dileen taliyihii saldhigga booliska Beledweyne  Laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) oo ku sugnaa saldhigga, xilliga ay dhaceysay is-rasaaseynta u dhexeysay labada ciidan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii is faham waa uu soo kala dhex-galay labada ciidan, kaas oo ka dhashay dad lagu xiray saldhigga.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan oo ku aadan xiisad ka dhalatay dilka taliyihii booliska Beledweyne.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, waxaana jirtay in siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay horey uga soo horjeesteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee hadda dilka geystay, kuwaas oo doorashada darteed looo geeyey halkaasi.

Si kastaba, arrimahaan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo heshiis la gaaray reer Beledeyne, kaddib kulamo is-daba joog ah oo ka dhacay xarunta Hiiraan.

Kooxda AL-SHABAAB oo shaacisay qorshaheeda xiga weeraradii MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay wareysiga nin sheegtay guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo Sheekh Muuse Cabdi Carraale, waxuuna ka hadlay weerarradii ay ka fuliyeen degmada Kaxda iyo deegaanka Daarusalaam.

Waxa uu sheegay inay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho, balse weerarkii habeen hore uu ahaa mid ay aad uga soo shaqeeyeen, isla markaana u dhacay sidii ay u qorsheeyeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sidoo kale Muuse Carraale ayaa ku goodiyey inay soo noqon noqon doonaan weerarada ay ka geysanayaan Muqdisho, isagoo sheegay inay beegsa doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeyaha oo uu kala jeedo AMISOM.

“Weeraradii xalay oo kale wey soo noqnoqon doonaa, go’aankeenu waa in Soomaaliya aysan ka hir-gelin qorshayaasha shisheeyaha, taasina ma suurta geli doonto inta aan noolnahay,” ayuu yiri Muuse Cabdi Carraale oo sheegtay inuu yahay guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

Ninkaan ayaa sheegay in gaadiid iyo rasaas ay ku furteen weerarradii ay ka fuliyeen Muqdisho, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen goobihii uu bartilmaameedkoodu ahaa.

Waxuu sheegay in weeraradaas ay u qeybiyeen degmooyinka Kaxda, Deyniile iyo Yaaqshiid, isla markaana ay socdeen saqdii dhexe ee habeenkii Talaadada, ilaa waa berigii.

Weeraraad ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sababay inay dhulka la simaan dhamaan dhismayaashii saldhigga degmada Kaxda, waxayna horay u sii kaxeysteen gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga.

Afhayeen Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarradii ay Al-Shabaab ka geysteen gudaha Muqdisho ayaa shaaciyey geerida laba qof, dhaawacyada 16 kale iyo waxyeelo uusan kaala cadeyn nooceeda oo soo gaartay seddax askari oo ka tiranaa ciidamada dowladda, sidoo kale waxuu qiray in laba gaari ay Al-Shabaab kala baxeen saldhigga degmada Kaxda.

Xog: Villa Somalia oo wada qorshe lagu boobayo 16-ka kursi ee yaalla magaalada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa wada qorshe ay ku boobayaan kuraasta 16-ka ee taalla gobolka Gedo, xilli uu maamulka dowlad goboleedka Jubbaland uu sheegay in halkaas ka dhici karin doorasho lagu kalsoonaan karo.

Villa Somalia ayaa sidoo kale hore ugu guuleystay in maamulka dowlad goboleedka Jubbaland u xil saaran gobolkaaas iyo degmooyinka gacantooda ka baxay uu dulsaar ku ahaado magaalada Kismaayo.

Khilaafka Jubbaland iyo maamulka garabka ka helaya kooxda Farmaajo ee la xiriira hab maamulka gobolkaas ayaa soo jiitamayay tan iyo 2018kii, ayada oo uu marba heer uu soo maray, kaasi oo xiliyada qaar doodiisu saameyn xoogan ku laheyd shirarka doorashooyinka.

Villa Somalia ayaa ciidan badan geysay gobolka Gedo, si ay gacanta ugu dhigto kuraasta halkaas taallo, islamarkaana laga yeelo sidii la doono, laguna soo saarto cidii la rabo.

Ujeedka ugu weyn ee Farmaajo iyo xulafadiisa xoog iyo xeeladba isugu geeyen gobolkaas ayaa ah inay ku boobaan 16 kamid ah 43-da kursi ee Saami ahaanta loo siiyay Jubbaland, si ay ugu soo baxaan Xildhibaanno codadkooda ay ku tashaneyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay arrintan si cad uga hor-imaaneysa heshiisyadii iyo kulamadii looga dooday doorashada, kuwaasi oo la isku afgartay in dowlad gobaleedka Jubbaland loo daayo hab maamulka doorasho ee Garbahareey, lana geeyo halkaas mas’uuliyiinta illaa hadda dulsaarka ku ah Kismaayo.

Xiisada khilaafka ayaa markale soo cusboonaatay kaddib markii Kismaayo ay ku kulmeen Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin xubno ka ah Jubbaland oo kasoo jeeda gobolkaas, kuwaas oo sheegay inaysan suurtagal aheyn in Garbahaarey lagu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Gedo ee garabka ka haysta Villa Soomalia ayaa si cad uga horyimid arrinkaas, ayaga oo sheegay in doorashada 16-ka kursi ka dhaceyso magaaladaas, loona diyaariyay qorshihii lagu qaban lahaa.

Si kastaba, doorashada Garbahaarey ayaa waxaa maamulkeeda si toos ah gacanta ugu dhigay Farmaajo iyo xulafadiisa, xilli ay midaas ka biyo diidan yahay maamulka Jubbaland, waxayna midan dhalin kartaa gaabis kale oo ku yimaada doorashada oo qorshuhu ahaa in lagu soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan.

Sawirro: Mahad Salad oo dib loogu doortay G/Shacabka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa markale dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Mahad Maxamed Salaad ayaa kusoo baxay kursiga HOP#147, kadib markii ay u tanaasushay msuharax Shamso Cabdullaahi Maxamed oo malxiis aheyd. geembi.com

Guddiga SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyey in Mahad Salaad oo loo qaaday gacan taag uu helay dhamaan codadka ergada oo ah 101, sidaasina uu ugu biiray baarlamaanka 11-aad.

“Waxaa ka tanaasulay tartanka doorashada Shamso Cabdullaahi Maxamed waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Mahad Maxamed Salaad waxaana ogol ugu codeeyey 101 ergada ah oo ah dhamaan ergada,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursiga HOP#147 Mahad Maxamed Salaad oo helay 101 cod,”.

Guusha Mahad Salaad ayaa aheyd mid la filayey, maadaama kursigan isaga si gaar ah loogu xiray, kadib musharixiintii la tartami lahaa loo diiday tartanka doorashada.

Xubnaha sida weyn ula loolamayey waxaa ka mid ahaa Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, kaas oo xalay soo saaray qoraal uu hambalyo horudhac ah ugu diray Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo saaka la doortay.

Xildhibaankan dib loo doortay ee Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ee ku jira baarlamaanka, kana soo horjeedo dowladda Farmaajo.

Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) ayaa sidoo kale ku guuleystay kursiga HOP#055, isaga oo helay 100 cod oo gacan taag loogu qaaday.

Kursiga saddexaad ee HOP#035 oo doorashadiisa lagu qabtay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa isna ku guuleystay guddoomiye ku xigeenkii hore ee howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Cumar Cali Cabdi oo helay 97 cod.

 

Amisom oo go’aan culus ku dhowaaqday kadib weeraradii ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray weeraradii iyo qaraxyadii habeen ka hor ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa shaacisay inay si kulul u cambaareyneyso weeraradaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dhaliyey khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac & burbur.

Howlgalka AMISOM ayaa sidoo ku dhowaaqay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab, si looga adkaado.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay halis weyn ku tahay horumarka dalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Midowga Afrika ayaa waxaa ka go’an in uu taageero Soomaaliya si looga adkaado argagixisada oo burbur ku ah dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Fiona Lortan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan qal-qal amni laga dareemayo magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeeyey martigelisay qaraxyo iyo dilal qorsheysan

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho oo aad loogu daahay, kadib is qabqabsiyo ka dhashay doorashada.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashadii BARAAWE?

0

Baraawe (Caasimada Oinline) – Magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah: Hop-062, Hop-251, Hop-195, Hop-187, Hop-057 iyo Hop-194.

Xubnahan kuraastan ku soo baxay waxaa ka mid ah guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi oo ku guuleystay kursiga Hop-187, kadib markii uu helay codad gaaraya 80 cod, halka musharaxii la tartamayey Nuur Cumar Aadan uu isna helay 16 cod.

Wararka ayaa sheegaya in Fiqi loo wado guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna taageero xoogan ka helayaa Villa Soomaaliya iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale waxaa soo baxay xubnaha kala ah:-

1- Aweys Maxamed Cumar oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-062.
2- Nuuracayn Khaliif Sheekh Abuu oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-251.
3- Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195.
4- Muqtaar Axmed Xasan oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-057.
5- Xamza Saciid Xamza oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.

 

Sawirro: Madaxweyne Biixi oo dalab culus u diray UK

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi culus oo ka socday Baarlamaanka UK, kaas oo uu horkacayey MP. Gavin Williamson oo haatan booqasho ku jooga magaalada Hargeysa.

Kulankan oo arrimo dhowr ah looga hadlay ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Ingiriiska.

Ugu horreyn madaxweyne Biixi ayaa xildhibaanada uu la kulmay uga mahadceliyey doodii ku aadaneyd madax-banaanida Somaliland ee ay dhowaan horgeeyeen Golaha Baarlamaanka UK, isaga oo sidoo kale kala hadlay adkaynta xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale  fariin u diray dhammaan Baarlamaanada kale ee caalamka, wuxuuna dalbaday inay ku daydaan baarlamaanka Uk.

“Waa inay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xiriirta madax banaanida Sonaliland, maaddaama wakhtigani yahay kii ay Somaliland iyo Shacbigeedu Sugayeen xaqii ay beesha caalamka ku lahaayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda UK inay ballaariso xafiiska ay ku leedahay caasimada Hargeysa, si loo helo adeegyo bulsho oo dhamaystiran.

Somaliland ayaa sanadihii u dmabeeyey xoogga saartay horumarinta siyaasadda dibadda, walow aysan weli heli xiriir caalami ah oo ku aadan aqoonsiga ay mudada fog raadineyso.

Cali Yare oo qoraal dheer uga hadlay kursiga loo diiday ee loo xiray Mahad Salaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare ayaa qoraal dheer, oo uu xalay soo dhigay facebook, uga hadlay kursiga HOP#147 ee shalay loo xiray xildhibaan Mahad Salaad, oo la filayo in maanta la doorto.

Cali Yare oo u sharaxnaa kursigan ayaa loo diiday inuu ka dhoofo Muqdisho, taasi oo bahdil weyn ku noqotay xilli uu ka mid ahaa ragga sida aadka ah ugu taageerada waalan madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare

Waxaan Hambalyo horudhac ah u dirayaa walaalkeey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo la siiyay kuna matali doona kursiga ka dhexeeya Beelaha Bah-Ina Xasan ee #Hop147. 

Xildhibaanka Waxaan ugu hambalyeey Telefanka maadama aanan Dhuusamareeb tagin oo aan ahaa qofka kali ah ee uu  Madaxweynaha Galmudug ka hor istaagay safarka iyo Tartanka intaba.

Sida aan Xildhibaanka ugu ballanqaaday telefanka waxaan u garab istaagi doonaa si buuxda oo walaalnimo leh, waxaanan ula shaqeyn doonaa sidii aan aniguba jeclaan lahaa inuu iila shaqeeyo haddii aan kursiga ku soo bixi lahaa.

Waxaan u Mahadcelinayaa qeybihii kala duwanaa ee Bulshada ee sida hagar la’aanta ah ii garab joogay muddadii uu damaca kursigu igu jiray. 

Aniga oo fursadaan ka faa’iideysanaya waxaan Beelaha kursiga wada leh ugu baaqayaa Iscafin, midnimo, walaalnimo iyo in la iska iloobo wixii dadka walaalaha kala gaaray muddadii ololaha kursiga lagu guda jiray. 

Markastana waxaan xoojinayaa doodda ah in la kala saaro Xildhibaanka la doortay iyo gefka, ku takri-fal awoodeed iyo ihaanada uu Axmed Qoorqoor u geeystay Beelaha kursiga wada lahaa oo aan Xildhibaanka la saarin eed shaqsi kale.

Waxaan Qorsheynayaa inaan Muqdisho dhigo gogol nabadeed iyo wadahadal dhexmarta dhammaan musharixiintii kursiga ku wada hamiyay si la isku cafiyo loogana wada shaqeeyo midnimada Beesha iyo Dowladnimada – markii wadahadalkaasi noo soo  dhamaado waxaan marti gelin doonaa Xaflad damaashaad ah oo lagu soo dhaweynayo Xildhibaanka la doortay dadka kale ee Soomaaliyeed ee walaalaheen ahnna aan ugu muujin doonno in Midnimadeenna, wadajirkeenna iyo walaaltinnimaddeennu ay ka weyntahay kursi muddo kooban jiraya.

Yuusuf Garaad oo faallo ka qoray doorashooyinka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo saaray qoraal cajiib ah oo uu kaga hadlay doorashada baaralmaanka iyo mida madaxweynaha ee loo diyaar garoobayo.

Yuusuf Garaad oo tusaale usoo qaatay cabashada ka taagan doorashada kursiga HOP147 ee uu maanta ku soo baxay Mahad Maxamed Salaad iyo guud ahaan tabashada ka taagan doorashada ayaa soo jeediyey in la aqbalo natiijada, lana taageero xubnaha soo baxay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la aqbalo, sida ay ku socota doorashada, haddii ay noqon laheyd xildhibaanada guuleystay, kuwa harsan iyo xittaa madaxweynaha cusub ee ay dooran doonaan, si looga gudbo xaaladda adag ee lagu jiro.

Farriinta ayuu sidoo kale Yuusuf Garaad Cumar ku sheegay in loo baahan yahay in guud ahaan laga wada-shaqeeyo inuu soo baxo Madaxweyne oggol, kana dhab tahay, in uu horseed u noqdo sidii loogu gudbi lahaa doorasho qof iyo cod ah afar sano gudahood.

Halkan hoose ka aqriso:

Kursiga Baarlamaanka ee tirsigiisu yahay 147 murashixiinta cabashada ka qaba sida iyaga laga yeelay iyo inta saluugsan saamiga jufooyinka uu ka dhexeeyo kursigu, waxaan u soo jeedinayaa in ay aqbalaan natiijada, gacanna siiyaan Xildhibaanka ku soo baxay oo ah Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa kale oo aan soo jeedinayaa in ay sidoo kale u aqbalaan Xildhibaannada lagu dhawaaqay oo dhan iyo kuwa weli dhimman iyo waliba Madaxweynaha ay dooran doonaan Murashax uu noqdaba.

Allah aan ka barinno, aan ka shaqeyno, gacanna aan ka geysanno in la doorto Madaxweyne u diyaar ah in uu u hoggaansanaado, uu dhowro kuna dhaqmo Axdiga iyo shuruucda dalka oo ah heshiisyo ku saleysan diinta Islaamka.

Sidoo kale Madaxweyne uu muraadkiisu yahay in uu Soomaalida u adeego, la tashado, dhaqankeeda la yimaado kana shaqeeyo in ay Shacabku midoobaan, kalsooni siiyaan Dowladdooda, kalana shaqeeyaan in wadajir dalka aan u nabadeyno, horeyna aan u marinno ayadoo lagu dul dhisayo waxa noo qabsoomay ilaa iyo shirkii Carta ee sannadkii 2000.

Madaxweyne suurta gelin kara in aan dhexdeenna nabad ku wada noolaanno, nabadna kula noolaanno dalalka gobolweynaha aan ka tirsan nahay iyo dalalka caalamka oo dhan, welibana aan la yeelanno iskaashi dheelli tiran.

Ugu dambeyn aan ka shaqeyno in uu soo baxo Madaxweyne oggol, kana dhab tahay, in uu horseed ka noqdo in aan u gudubno doorasho qof iyo cod ah afar sano gudahood, taas oo haddii maskax, aqoon iyo daacadnimo lagu qotomiyo soo afjari karta khilaafaadka hadda jira badankood.

Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada kursiga Fahad uu soo qaadan rabo xilli lasoo bandhigay sawirkiisa

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada HirShabeelle ayaa shaaciyey odayaasha soo xulaya eregada doornaeysa saddex kursi oo uu ku jiro midka uu doonayo inuu soo qaato agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraasta la shaaciyay Guddiyada soo xulaya ergada oo degaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baladwayne ayaa kal ah: HOP#015, HOP#086, HOP#274.

Odayga ugu sareeya ee kursiga HOP#086 ayaa waxaa hore uga digay inuu xareysay Fahad Yaasiin odayaasha Beesha reer Aw-xasan, waxayna qoraal ay soo saareen ku eedeeyeen inuusan ahayn nabaddoon. 

20-ka Bishan Febraayo 2022 ayaa lagu wadaa inay Doorashada saddexda kursi ka dhacdo magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in Fahad yasiin aanu dhaafi doonin Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, halkaasina la geyn doono ergada iyo Guddiga Doorashada si ay gacanta ugu taagaan.

Garoonka Diyaaradaha magalada Beledweyne ayaan ka mid ahayn goobaha Doorashada in lagu qabto loo asteeyay ee sharciga ah, taasoo muran gelineysa kuraasta lagu doorto.

Muuqaalk sawir ah kii ugu horeeyay oo laga qaaday Fahad Yaasiin ayuu baahiyey sawir-qaadaha Farmaajo, waxaana sawirkaasi uu nooqnayaa shan sano kadib inuu ogolaaday sawir in laga qaado, isagoo hadda doonaya kursi xildhibaan.