25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Dagaalka Itoobiya oo lugaha la galay Tedros Adhanom

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka Tigreyga u jeedisay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Taliyaha ciidamada Itoobiya, Berhanu Jula oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa madaxa WHO ku eedeyay inuu wado olole ka dhan ah dowladda federaalka, isla markaana uu hubeynayo maamulka Tigreyga, oo dagaal culus kala dhaxeeyo dowladda.

Taliye Berhanu ayaa Tedros dusha u saaray inuu ka dambeeyo walaaca caalamka ee dagaalka Tigreyga, isagoona xusay inuu qeyb ka ahaa xisbigii TPLF ee mudada badan hogaaminayay dalka Itoobiya, midaasi oo ku muujinayo taageerada aan la xaqiijin ee Tedros.

“Maxaad ka fileysaa isaga (Tedros)? Ma fileyno inuu la safan doono dadka Itoobiya oo uu cambaareyn doono maamulka TPLF” ayuu yiri.

Madaxa WHO oo ah Nin Itoobiyaana oo hore xukuumaddii Meles Zenawi ee dalka Itoobiya kasoo noqday wasiirka caafimaadka ee Itoobiya, oo sidoo kalena wasiir kasoo noqday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, ayaa weli ka jawaabin eedeynta culus ee maanta loo jeediyay.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa weli ku adkeysaneysa inuu sii soconayo howl-galka millateri ee ay ka wado deegaanada maamulka TPLF, iyada oo ay dhawaan sheegtay in howl-galkaasi uu marayo wajigoodii u dambeegay.

Si kastaba, eedeyntan ayaa imaneysa xili uu sii xoogeysanayo dagaalka maamulka TPLF iyo dowladda federaalka, taasi oo sheegtay inay ku wajahan tahay caasimada gobolka Mekele, ka dib guulo is daba joog ah oo ay ka sheegatay dagaalkaasi.

FIQI oo ka hor-yimid Qoor Qoor kuna biiraya guddi ay dirayaan mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku biiray mucaraadka uu markii hore ka tirsanaa balse ka haray, markii loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Axmed Macalim Fiqi isku fahmi waayeen sidii laga yeeli lahaa guddiga doorashada Galmudug ee heer federaal.

Wasiir Fiiq ayaa u sheegay Madaxweyne Qoor-Qoor inuu ku biiray dagaalka siyaasadeed oo ay ku jiraan Mucaaradka, islamarkaana uusan wax ku darsan karin Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka diiday inuu badalo guddiga doorashada.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Macalim Fiqi uu qeyb ka yahay guddi maalmaha soo socda tagi doono Dhuusamareeb kuwaas oo ka socda Madasha Xisbiyada Qaran.

Lama oga sida uu ka yeeli doono Madaxweyne Qoor-Qoor go’aanka uu qaatay wasiirkiisa amniga waxaase la sheegayaa in saraakiil ka tirsan Villa Somalia kula taliyeen inuu xilka ka qaado, go’aankaas oo uusan wali qaadan Madaxweyne Qoor-Qoor.

Somaliland oo MUQDISHO u musaafurisay lamaane ‘faafinayay Kirishtanka’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya u musaafurisay lamaane ay ku eedeysay inay faafinayeen Kiristaanka.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa lamaanahaasi kasoo qabtay magaalada Hargeysa, iyaga oo xabsiga u taxaabay 21-kii September, kadib markii gurigooda laga helay qoraalo iyo dukumentiyo badan oo la xiriira Kiristaanka.

Lamaanahan ayaa lasoo warinayaa in dhowr jeer la horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, taasi oo ugu dambeyntii go’aamisay in loo musaafuriyo magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninku kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya, halka Haweenaydu ay iyaduna kasoo jeedo Somaliland, taasi oo keentay in loo musaafuriyo caasimada dalka.

Waxa uu xariga lamaanahan qaatay muddo bilooyin ah, iyada oo wakiilo ka socday dowladaha reer Yurub ay cadaadis ku saaren in xukuumada Somaliland ay sii daayan lamaanahan, taasi oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay go’aanka lagu musaafuriyay.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay gudaha Somaliland kusoo badanayaan faafinta Kiristaanka, iyada oo kal horena xubno lagu soo eedeyay faafinta Kirishtanka ay xukuumada Somaliland u taxaabtay xabsiga.

Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca dooraashada oo ka madax-banaan kan DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta soo saaray qoraal uga sii dari kara khilaafka ka taagan dalka, gaar ahaan guddiga doorashooyinka ee gobollada waqooyi.

Qoraalkan oo saddex bog ka kooban ayaa waxaa lagu shaaciyey habraaca iyo sida loo wajahayo doorashada xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Somaliland.

Sidoo kale warqadan ayaa waxaa lagu sheegay in la soo saaray, iyada oo laga jawaabayo walaaca iyo kalsooni darrada ay ka qabaan musharraxiinta kuraasta baarlamaanka iyo musharraxiinta madaxweynaha ee doorashada 2020/21, lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad goboleedyada.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale shaaciyey shuruudaha laga rabo xubnaha lagu soo xulayo guddiyada doorashada xildhibaannada labada aqal ee gobollada waqooyi ee dalka, isaga oo ku xiray illaa 9 shardi oo laga doonayo qofka ka mid noqonaya guddiga, waxaana ka mid ah:

1 – In uu yahay muwaadin kasoo jeeda gobolada Waqooyi da’diisuna ka yareyn 25 sano kana weyneyn 70 jir.

2 – In uu leeyahay Aqoon Heer Jaamaceed ah.

3 – In uu yahay qof dhex-dhexaad ah oo aan kamid aheyn, Urur, Xisbi Siyaasadeedama lagu aqoon in uu sigaar ah ugu ololeeyo musharax gaar ah.

4 – In aanu kamid aheyn Shaqaalaha dowladda  ee rasmiga ah iyo kuwa kumeel gaarka ah, lataliyeyaasha Xafiisyada dowladda ama Ciidamada Qaranka qeybahooda kala duwan.

5 – In lagu yaqaano dhowr sanaan , hufnaan Sharaf & Cadaalad Bulshada dhexdeedee, horayna aan loogu arag musuq maasuq iyo anshax-xumo.

6 – In caafimaad aahaan uu gudan karo xilka iyo waajibaadka Shaqo.

7 – In uu leeyahay khibrad maamul/ Shaqo oo ana ka yaeryn Saddex Sano.

8 – In uusan aheyn musharax u taagan xilka goleyaasha ama kaid aheyn ergooyinka doorashooyinka

9 – In aaneyn Maxkamad ku xukumin fal-dambiyeed muteysanayo Shantii sano ee ugu dambeeysay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ee gobollada waqooyi loo marayo habraacii doorashadii 2016-kii, halka kuwa aqalka sare ay dooran doonaan illaa 77 ergo ah.

Arrintan ayaa uga sii dari karta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada dalka, gaar ahaan sida loo wajahayo dhismaha guddiyada doorashooyinka ee 2020/21-ka.

Guddiyada doorashada oo la howl-galiyey iyo Jubaland iyo Puntland oo laga tashtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta howlgeliyey xubnaha guddiyada doorashooyinka iyo kuwa guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada 2020/2021-ka, ayada oo ay ka maqan yihiin Jubaland iyo Puntland.

Kulanka oo ka dhacay hotelka Decale oo ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeyey ay si rasmi ah u howl-galeen guddiyadaasi.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay inay ka shaqeeyeen sidii ay dalka uga dhici laheyd doorashada cadaalad oo dhinacyada oo dhan ay u siman yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal lagu soo xulay aqoontooda iyo in dalka ay u horseedi karaan doorasho daah-furan oo cadaalad ku saleysan, kana tarjumeysa horumarka dalka iyo sii amba qaadidda dowladnimadeenna, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30%.

“Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Si kastaba xubnaha guddiyadan oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedo musharraxiinta mucaaradka oo shaaciyey in aysan ku kalsooneyn guddiyadaasi.

Waxaa sidoo kale, xubnaha la howlgeliyey ayaa waxaa ka maqan kuwii ay soo magacaabeen Jubaland iyo Puntland oo aan weli iman magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul goboleed.

Jubaland iyo Puntland ayaa soo magacaabay xubnaha guddiyada doorasho ee heer federal, hase yeeshee weli uma soo dirin Muqdisho, ayaga oo aan ku qanacsaneyn qaar ka mid ah xubnaha ay soo magacowday dowladda, oo lagu sheegay inay ku jiraan sirdoonka.

Labadan maamul ayaan sidoo kale magacaabin xubnaha guddiyada doorasho ee heer gobol.

Diyaarad sidday CIIDAMO oo ka dagtay magaalada Beledweyne + Ujeedka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne maanta ka digtay diyaarad sidday ciidamo gaar ah, oo aad u hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ka mid yihiin ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo isaga sii hormariyey magaalada ka hor inta uusan magaalada gaarin.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dagabeed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacado kadib diyaaraddaas gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayo Dabageed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne, sarakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo goor sii horreysay ciidamo ilaalo u ah Dabageed ay ka dageen halkaasi.

Waxaa sidoo kale wafdigan ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Ujeedka ayaa ah kulamo kala duwan oo ii madaxweyne ku xigeenka cusub ee HirShabelle ka bilaabi doono Beledweyne, si xal looga gaaro tabashada rer Hiiraan.

Wararka aya sidoo kale intaasi ku daraya in sidoo kale maalmaha soo socda Beledweyn uu gaari doono madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Dhowaan ayey aheyd markii doorashada HirShabelle lagu qabtay magaalada Jowhar, taas oo ay si weyn u diidanayeen beelaha qaar ee dega gobolka Hiiraan.

IMAARAADKA oo xayiraad cusub ku soo rogay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya

0

Abu Dubia (Caasimada Online) – Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa markale xayiraad cusub ku soo rogtay dalal ay ku jirto Soomaaliya, sida ay maanta warisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Go’aankan ayaa la xiriira soo laba kacleynta cudurka safmareenka ah ee Coronavirus oo horey saameyn ugu yeeshay dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Wadamada uu saameynayo go’aankan cusub ee Imaaraadka ka soo baxay ayaa ka mid ah Somalia, Kenya, Yemen, Iran, Iraq, Pakistan, Afghanistan, Syria iyo Turkiga.

Xayiraada la saaray wadamadan ayaa la sheegay inay socon doonto illaa amar dambe, inkasto aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee la qaadi doono.

Imaaraadka ayaa Soomaaliya la leh xiriir ganacsi iyo mid diblumaasiyadeed, waxaana la sheegay in go’aankan uu sameyn doono muwaadiniinta Soomaalida ee u safra dalkaas.

Si kastaba Soomaaliya ayaa ka mida ah dalalka uu ku soo laba kacleeyey xanuunka Covid-19, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday dowladda Soomaaliya.

Ismaaciil Daahir oo shaaca ka qaaday ‘xubno NISA ugu jira’ guddiyada doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka.

Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Risaala ayaa soo hadal qaaday dooda ka taagan dhismaha guddiyada doorashooyinka dalka ee 2020/2021-ka, wuxuuna sheegay in guddiyadaas aanay aheyn kuwa maslaxad u ah dalka iyo marxaladda lagu jiro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda nabad sugida.

Tirada xubnahaasi ayuu sheegay inay gaarayaan illaa shan qof oo uu shaaciyey inuu u leeyahay aqoon gaar ah.

“Illaa shan qof oo aan aqaano ayaa ku jira guddiga heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Ismaaciil Daahir Cusmaan.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal la helo, ka hor doorashada, si dalka uusan u gelin qal-qal siyaasadeed.

Ugu dambeyn wuxuu tusaale u soo qaatay hadalkii ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ee ahaa in doorashada lagu kala bixin doono wareega koowaad, wuxuuna Ismaaciil Daahir sheegay in hadalkaasi uu caddeyn u yahay in la boobayo doorashada.

Soomaaliya oo ka laabatay qoraalkii ay kasoo saartay dagaalka Abiy iyo Tigray-ga iyo xog ku saabsan sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay qoraal horey uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ay taageero ugu muujisay dowladda Ethiopia oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee maamula gobolka Tigray ee dalkaas.

Qoraalkaas, oo lasoo dhigay bogga website-ka rasmiga ah ee wasaaradda iyo sidoo kale cinwaanka twitter-ka ee wasaaradda ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dhuleed ee Ethiopia.”

Si kastaba saacado kadib qoraalkaas ayaa laga saaray twitter-ka iyo bogga wasaaradda, waxaana kadib qoraal soo saaray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo lagu beeniyey qoraalka hore.

Qoraalka oo uu Cawad soo dhigay cinwaankiisa shakhsiga ah ee twitter ayuu ku yiri “Waxana caddeynayaa inuusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ku saabsan xaaladda Ethiopia. Qoraalka la wareejinayo ma matalo aragtida dowladda Soomaalioya, sidaas darteed ma ahan mid sax ah.”

Inkasta oo wasiirka uu beeniyey sax ahaanshaha qoraalka, haddana ma uusan sheegin sababta qoraal aan sax ahayn loogu soo dabaacay website-ka iyo twitter-ka rasmiga ah ee wasaaradda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta qoraalka looga laabtay ay tahay dalab ka yimid xukuumadda Ethiopia, oo lasoo hadashay xukuumadda Soomaaliya, taasi oo dalbatay qoraal kasii adag midka la tiray, oo dad badan la yaabeen sida Soomaaliya u taageertay dagaal ka dhex socda dal kale gudihiisa.

Inkasta oo Soomaaliya ay qoraalka si cad ugu sheegtay inay la safan tahay xukuumadda Abiy Ahmed, haddana Abiy ayaa la sheegay inuu kasoo horjeestay qeyb qoraalka ka mid ah oo ku baaqaya in xiisadda wada-hadal lagu dhameeyo, wuxuuna u arkay qoraal dabacsan.

Abiy ayaa la sheegay inuu doonayo taageero buxuda, oo aan la socon wax baaq wada-hadal ama nabad ah, waxaana la filayaa in dowladda Soomaaliya ay soo saarto qoraal kasii adag midka ay tirtay, taasi oo ku tuseysa heerka awoodda uu Abiy uu ku leeyahay dalkeenna.

Hoos ka arag qoraalka Soomaaliya ee la tiray iyo sawir aan ka qaadnay bogga twitter-ka 

Xog: Mucaaradka DF oo ku fashilmay codsi ay u direen Qoor Qoor iyo qorshaha xiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka diiday inuu badalo guddiga doorashada Soomaaliya ee heer dowlad gobaleed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ayuu Qoor Qoor ka diiday inuu badalo guddiga isagoo u sheegay inuu la shaqeyn doono Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaasi goob joog ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in la go’aamiyay in guddiyo ka socda Mucaaradka loo diro Galmudug iyo HirShabeelle, kuwaas oo sii wadi doono wadahadallada, haddii lagu guul dareystana waxaa billaaban doono Mooshin ka dhan ah Guudlaawe iyo Qoor-Qoor.

Qoor Qoor oo markii hore u muuqda mid ka mid ah madaxweynayaasha ay isku haleyn karaan mucaaradka, oo aanu 100% isku dhiibi doonin madaxtooyada, ayaa taas lagu hungoobay wuxuuna noqday mid si buuxda ugu xiran.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heesto muddo ka yar 90 cesho ayaa wajahaya culeysyo badan oo uga imaanaya Mucaaradka, oo doonaya in wax laga beddelo guddiyada doroashada, waxayna u muuqaata in beesha caalamka ay farogelin doonto xaaladda Soomaaliya.

Al-Shabaab oo weerar ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Kenya ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saacadihii u dambeeyay ka socday deegaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaankaasi, kaasi oo uu ka dhashay dagaal saacado socday.

Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkaasi ayaa guul ka sheegatay, iyada oo shaacisay in dagaalkaasi ku dileen sarkaal sarre oo ka tirsan ciidamada Kenya, oo meydkiisa loo qaaday degmada Dhoobley.

Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in jab weyn ay gaarsiiyeen ciidamadii Kenyanka ahaa ee weerarka ku qaadeen, iyada oo lasoo warinayo inuu jiro khasaaro labada dhinac oo ka dhashay dagaalkaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan guulo ka sheegata dagaalada ay la gasho ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, mana jirto inta badan ilo madax-banaan oo si rasmi ah u xaqiijin kara sheegashadooda.

Ilaa haddana majiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab.

DF oo DIGNIIN ujeedisay mucaaradka, xili uu abaabul xoogan ka socdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabtay guuxa ka dhashay guddiga doorashooyinka dalka, kaasi oo sababay in siyaasiyiinta mucaaradku ay bilaaban qorshayaal ka dhan guddiyadaasi.

Siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho ka wada abaabul xoogan, iyaga oo shirar siyaasadeed culus ka bilaabi doona magaalada, midaasi oo ay si dadban uga digtay dowladda federaalku.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad ka dhacday tiyaatarka Qaranka ayaa digniintaasi u jeediyay mucaaradka, isagoona sheegay in xiligan dalka lagu maamuleyn ‘fowdo iyo awood qabiil’.

Mahdi Guuleed oo u muuqda mid iska indho tiraya cabashada mucaaradka ayaa sheegay in siyaasi kasta looga baahan yahay inuu ixtiraamo heshiiska doorashada oo uu sheegay inay ku yimaadeen guddiga uu muranku ka taagan yahay.

Waxa kale oo uu sheegay in ummada Soomaaliyeed ay ka gudubtay ‘qabiil iyo xilligii lagu Owr-kacsan jiray’ oo macaash lagu raadin jiray, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in shaqsi iyo siyaasi kasta oo ku xadgudba sharciga iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka ay tallaabo adag ka qaadi doonaan laamaha amaanka, maadama uu sheegay inay arrintaasi u taalo hay’adaha dowladda.

Digniintan ayaa imaneysa xili ay magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulo looga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka dalka oo xukuumaddu ay ku adkeysaneyso inay yihiin sharci, isla markaana ay ka shaqeynayaan doorashada dhawaan heshiiska laga gaaray.

Si kastaba, Arrintan ayaa uga sii dari karta is-mari-waaga maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosnaa madaxda sarre ee dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo iyagu ku doodayey in la leexiyay hanaankii doorashada.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Xasan Sheekh oo ka wada-hadlay doorashada 2021

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dowladda federaalka, ahna hoggaamiyha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray geedi socodka doorashada soo soconta ee 2020/2021, waxaana kulanka uu ka dhacay hoyga Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan dooda adag ee ka taagan guddiyada loo xil-saaray doorashada.

Qoor Qoor iyo Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka wada-hadlay maareynta marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka iyo sidii looga gudbi lahaa.

Madaxweynaha Galmudug oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa horey ula kulmay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wada-hadlay qaddiyada doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee uu marayo dalkeena.

Si kastaba kulamadaan siyaasadeed ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu weli muran ka taagan yahay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan guddiyadeeda oo tabasho laga keenay.

Xog: Ujeedka dhabta ah ee laga leeyahay isbaheysiga ay sameynayaan mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhowaan magaalada Muqdisho ay soo gaaraan dhamaan Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiin kale oo mucaraad ku ah dowladda Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in musharaxiinta markii ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ay yeelan doonaan kulan, kaas oo dhici doono Sabtida iyo Axad soo aadan kadibna waxay ku dhawaaqi doonaan Isbaheysi ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Warar heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in markale ay soo saari doonaan go’aano looga soo horjeedo guddiyada doorasahda Soomaaliya, haddii laga jawaabi waayana waxay sameen doonaan guddiyo doorasho, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Siyaasiintan ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweyntooda aad looga dareemayaa Muqdisho, waxaana socda abaabulka kulamo la isugu soo baxayo oo lagu soo dhownayo.

Mucaaradka ayaa doonaya in doorashada ay dib u dhacdo, ayaga oo door bidaya door-bidaya dib u dhac intii ay gali lahaayeen doorasho ay si buuxda u maamuleyso madaxtooyada, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, halka madaxtooyada ay dooneyso inay dhacdo ka hor 8-da Febraayo.

Mucaaradka ayaa doonaya in doorashada ay dhowr bil dib u dhacdo, si marka waqtiga ka dhammaado Farmaajo uu ayaga ula mid noqdo, maadaama ay ka dhaceyso sharciyadda, sidaas darteedna ay la gorgortami karaan.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale taageersan qorshaha mucaaradka ayaga oo diidan ama dib u dhigaya magacaabista guddiyada doorashada heer dowlad goboleed, taasi oo xaqiijin karta inuu hirgalo qorshahan, halka saddex maamul goboleed kale ay noqdeen kuwa ay si toos ah u maamusho madaxtooyada.

Xaaladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasii dareysa halkii ay joogtay waxaana cabsi weyn laga qabaa in uu yimaado isku dhacyo ka dhasha sida loo maamulo doorashooyinka dalka.

Mahad Salaad oo shaaciyey arrin uga baxday hadallada Rooble iyo Mahdi Guuleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo aad u dhaliila siyaasadda Nabad iyo Nolol ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dulucda hadallo ka soo yeeray ra’iisul wasaare Rooble iyo ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed ay tilmaamayaan in doorashada soo socota ay noqa doonto mid la boobo.

“Rooble maalin dhawayd wuxuu warbaahinta u sheegay “Murashixiinta waxaan leeyahay ha welwelinina aniga  ayaa meesha idiin jooga cid idin dhacaysa ma jirto”. Mahdi Guuleedna caruurtii dugsida hoose iyo dhaxe wuxuu maanta u sheegay “In ay qabanayaan doorasho wareega koowaad Farmaajo ku soo baxayo sida doorashadii Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle” ayuu yiri Mahad Salaad.

Waxa uu sheegay in hadalka ra’iisul wasaare Rooble uu u muuqday in doorashada soo socota lagu shuban doono, halka Mahdi Guuleedna uu cadeystay, sida uu Mahad hadalkiisa u dhigay.

“Hadalka Rooble waxaa ka muuqda in doorashada soo socota xoog iyo boob lagu qaadan doono. Mahdi Guuleedna wuxuu sheegay in doorashada soo socota uu Farmaajo ku shuban doono. Hadaba, waa loo joogaa hadii Rooble iyo Mahdi ay Farmaajo dadka xoog ku dul saari karaan” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shalay sheegay in doorashada soo socota lagu kala bixi doono wareega koowaad, iyadoo la mid noqon doonta doorashooyinkii ka dhacay deegaanada Koonfur Galbeed Galmudug iyo HirShabelle, sila markaana Madaxweyne Farmaajo uu ku soo bixi doono.

Sioo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa wareysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay inay ka go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana aysan dhici dooni wax ku shubasho ah, isagoo mucaaradka ka dalbaday inay ku kalsoonaadaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo lagu qarxiyey LAFOOLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray wadada xiriirisa  dheer ee Muqdisho & Afgooye ayaa sheegaya in saaka qarax xoogan uu ka dhacay deegaanka Lafoole ee ku yaalla duleedka caasimada, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ku sugnaa maqaaxi ku taalla halka loo yaqaano Shanta Golaha Sare ee deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana meesha ay wax ka dhaceen goor dambe gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah ka fuliso wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose

Daawo: Rooble oo bixiyey wareysigii ugu horreeyey iyo arrimo xasaasi ah oo wax laga weydiiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo wareysigiisii ugu horeeyey bixiyey intii uu hayey xilkan, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso doorashada Soomaaliya ee xukuumadiisa loo xil saaray inay u hir-geliso sidii loogu heshiiyey.

Rooble oo wareysigan siiyey TV-ga Shabelle ayaa sheegay inay ka go’antahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana uu si adag ula dagaalami doono musuq maasuqa.

“Guddiyada doorashada waxaa lagu soo xulay kartida iyo aqoontooda, waxaan maqlay ciidan ayaa ku jira, waxaan idiin hayaa siifiiyadooda dadka aan soo xulanay hal qof oo hey’ad ka tirsan kuma jirto,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay inuu ka diiday dad ku yiri guddiyada intaan iigu dar, isla markaana uu soo xushay xubno dhaxdhaxaad ah.

“Walaalaheyga musharaxiinta ah, waxaan leeyahay ma jirto cid idinka boobi karta doorashada, anigaa idiin jooga, igu kalsoonaada, gudiyadaana waa kuwo farsamo oo kaliya ee wax ma dooranayaan, marka cabsida ha iska daayeen walaalahey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in markiisii hore uu aaminsanaa in dadka mudan inay qabtaan talada dalka ay cirooleyaasha yihiin, balse hadda uu qabo in dhalinyaradu ay muhiim u tahay dib u dhiska dalka iyo dowladnimadiisa.

“Waxaan rabaa dhalinyada Soomaaliyeed inay maanta tashadaan oo dalkan badbaadiyaan, markaan banaanka joogay, waxaan qabay in ciroole talada loo dhiibo, balse maanta waxaan ogaaday fursadan inay tahay tii dhalinyaradu dalka ku badbaadi lahaayeen,” ayuu yiri.

Mar kuu soo hadal qaaday arrimaha Somaliland, waxa uu sheegay in raali gelintii Farmaajo u diray mid kasii badan uu u dirayo, mudada yar ee uu talada hayana ay uga tanaasuli doonaan wax kasta oo ay ku qancayaan.

“Arrinta Somaliland wax badan ayaan ka qaban karaa, oo ay ka mid tahay in wadahadalladii dib loo furo, aniga shakhsi ahaan inaan u tanaasulo, waxkasta oo tabasho ah oo ay ii soo sheegtaan inaan ka xaliyo ayaan diyaar u ahay, wadahadalladii Jabuuti ka bilaawdana waan sii wadayaa,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Hankiisa siyaasadeed mar wax laga weydiiyey, waxa uu sheegay in hanka ku jira uu ka weynyahay xilkan uu hayo, balse hadda uusan isu soo sharixi doonin madaxweyne, maadaama ay maareyn ka rabto doorashada soo socota, dhex dhexaadnimana looga baahanyahay, isagoo balan qaaday inuu ilaali doono dhex-dhexaadnimada.

Hoos Ka Daawo

Akhriso magacyada: Rooble oo magacaabay xubno guddiyo doorasho oo hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay xubnaha maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada baarlamaanka ee beelaha Banaadiriga.

Xubnaha uu caawa magacaabay Rooble ayaa ka kooban 11-qof, waxaana loo xil saaray inay qabtaan doorashada xildhibaanada beelaha Banaadiriga ka imaanaya, taas oo ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Laba qodob ayaa lagu tilmaamay waajibaadka guddigaan iyo shaqadiisa, kuwaas oo kala ah.

1 –Doorashada xildhibaanada Banaadiriga waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, waxaana maamulaya guddiga ku xusan warqadan.

2 –Guddiga ku xusan warqadan waxa uu maamulayaa kaliya doorashada xildhibaanada banaadiriga qeybta lagu dooranayo magaalada Muqdisho.

Horay waxaa ra’iisul wasaare Rooble loogu dhaliilay inuu soo magacaabay xubnaha guddiyadaas uga mid noqonaya Somaliland, isagoo aan cidna kala tashan, sidoo kale waxaa lagu eedeeyey guddiyada haatan magacaaban inay u badanyihiin ciidanka NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Hoos ka akhriso warqadda

Mahdi Guuleed oo maanta hilmaamay halka uu joogo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta khudbad ka jeediyay kulan loogu mahadcelinayay dadkii ka soo shaqeeyay Manhajka Waxbarashada Soomaaliya, waxaana kulankaas ku sugnaa boqolaal ka mid ah carruurta Soomaaliyeed ee dugsiga Hoose iyo fasallada kale ee iskuulada.

Mahdi Guuleed, waxa uu hilmaamay halka uu joogo iyo inuu la hadlayo dad ay ku jiraan caruur u baahan inay maqlaan wax mustaqbalkooda anfacaya iyo muhiimadda waxbarashada.

Mahdi Guuleed ayaa khudbaddan u adeegsaday inuu mar kale weerar ku qaaday siyaasiyiinta siyaasad ahaan kasoo horjeeda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya.

Dad badan ayaa dhaliilay Khudbadaan, sababtoo ah waxaa la sheegay in carruurtaas saqiirada ah aysan siyaasad waxba ka ogeyn balse ay aheyd in looga shakeeyo waxbarashada iyo muhiimada ay leedahay.

“Carruurtaan ma yaqaanaan mucaarad iyo muxaafad iyo Madaxweyne ku-xigeenka Kenya ama Itoobiya farogelinteeda, balse waxay aheyd in lagu baraarujiyo waxbarashada iyo aadaabta wanaagsan,” ayuu yiri mid kamid ah macalimiintii munaasabadaan ku sugneed.

“Halkii la rabay inuu xoogga saaro muhiimadda waxbarashada, oo uu caruurya kala hadlo inay dhistaan mustaqbal wanaagsan, wuxuu mar kale carruur aan waxba kala socon waxa uu sheegayo, hortooda ku weeraray siyaasiyiin,” ayuu yiri

Khudbada Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa aad loogu faaqidayaa baraha Bulshada ee Internet-ka waxayna dad badan ku dhaliilayaan in uusan Khudbadaas ka jeedin meeshii munaasibkeeda aheyd.

Mahdi Guuleed, ayaa sidoo kale khudbadda shaaca uga qaaday wax u muuqday sir la xiriirta qorshaha doorashada madaxweynaha, isaga oo sheegay inay wareegga koowaad ku guuleysan doonaan si la mid ah doorashooyinkii HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Mahdi Guuleed ayaa hilmaamay in saddexda doorasho oo uu sheegay in midda federaalka ay la mid noqon doonto, ay wada ahaayeen saddex doorasho oo la boobay oo aan u dhicin si caddaalad ah, waxaana hadalkiisa uu dhaawac gaarsiin karaa madaxweynaha.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo daqiiqadihii u dambeeyey ka baaqday munaasabad lagu marti qaaday + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daqiiqadihii ugu dambeeyay ka baaqsaday ka qeybgalka Munaasabad loogu mahad-celinayay dadkii ka soo shaqeeyay Manhajka Waxbarashada Soomaaliya, taas oo ka dhacday Tiyaatarka Qaranka.

Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay lagu daadiyay xaafadaha ka agdhow Tiyaartarka Qarnka, waxayna saakay aroortii xireen inta ugu badan wadooyinka magaalada Muqdisho, hase waxaa munaasabadaas ka baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabaddaas ayaa waxaa madaxweynaha beddelkiisa ka qeyb galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, kaasi oo ku weeraray mar kale xubnaha mucaaradka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo sababtii uu ugu baaqday munaasabaddan, waana wax mararka qaar dhaca in madaxweynaha xilli dambe ka baaqdo munsaabadaha qaarkood sababo amni dartood.

Dhinaca kale saakay ayaa baraha Bulshada lagu baahiyay carruur saqiiro ah oo ciidanka madaxtooyada u diideen Iskuulada ku dhow dhow Tiyaatarka iyo muuqaalo laga soo duubay arday si rafaad leh lagu geeyey munaasabadda si madaxweynaha uu ula hadlo.

Inkasta oo aysan caddeyn, haddana dadka qaar ayaa aaminsan inay suurta-gal tahay in Madaxweynaha dhibsaday qoraaladii, sawiradii iyo muuqaaladii saakay laga baahiyay Ardaydii dhibaatada la kulantay intii ay socotay qaban qaabada xafladii uu ka qeyb geli lahaa iyo kuwii wadooyinka laga xirtay ee dib looga celiyay Iskuuladii ay usoo kalaheen.

Villa Somalia ma aysan faah faahin baaqashada Madaxweynaha ee Munaasabadaan.