25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Sidee ku timid raali-gelintii uu Xasan Cali Kheyre xalay siiyey CC Shakuur?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa xalay raali-gelin buuxda ka siiyey siyaasigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in raali-gelinta uu Kheyre bixiyey ay ku timid cadaadis xooggan oo uga yimid Madasha Xisbiyada Qaran, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kheyre ayaa shalay markii uu soo gaaray Muqdisho waxay Madasha ku war-geliyeen inuusan ka qeyb-gali karin shirka maanta u furmaya musharaxiinta madaxweynaha, illaa uu raali-gelin ka bixiyo dhacdooyin ay ka mid yihiin; midda Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo diyaaraddii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ee lagu xanibay garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaano iyo odayaal ku beel ah Kheyre ayaa kadib u tegay Xasan Sheekh kana codsaday inuu meesha ka saaro shuruudahan adag, taasi oo Xasan Sheekh uu ku gacan seeray, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku dhow.

Ka sokow arrinta raali-gelinta, Xasan Sheekh ayaa la rumeysan yahay inuu tabasho kale oo hoose u qabo Kheyre, oo la xiriirta “qiyaameyn uu ku sameeyey” doorashadii 2016, markaasi oo isaga iska dhigaya nin la jira oo la shaqeynaya uu sidoo kalena si hoose ula shaqeynayey ololaha Farmaajo.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, xubnaha ka wakiilka ahaa Kheyre ayaa kadib u tegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo aqbalay codsigooda islamarkaana u sheegay inuu Xasan Sheekh xallin doono, balse ay u baahan yihiin inay soo xaliyaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sheekh Shariif ayaa kadib la hadlay Xasan Sheekh, una sheegay in Kheyre uu kaga dhigay, taasi oo Xasan uu aqbalay.

Intaas kadib xildhibaanada iyo odayaasha Kheyre ka wakiilka ahaa ayaa la hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hase yeeshee wuxuu ku adkeystay inaysan qancin wax aan ka ahayn raali-gelin buuxda, oo weliba shaacsan.

Markii meel loo dhaafo la waayo arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa ugu dambeyn Kheyre ugu tegay gurigiisa kadibna qoray raali-gelinta oo lasoo dhigay facebook.

Kheyre ayaa tallaabadan qaaday sababtoo ah waxaa ka go’neyd inaan laga reebin shirka maanta geesna looga riixin isbaheysiga mucaaradka, taasi oo uu u arkay fashil siyaasadeed, xilli horey loogu dhaliilay in inta uu xukunka hayey uu siyaasiyiin badan oo ku beel ah ku fiirsaday tacaddiyada dowladda madaxweyne Farmaajo.

Xog: Gaadiid uu leeyahay MAHDI GUULEED oo lagu qabtay qaad qarsoodi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Isniintii lasoo dhaafay ay qabteen laba gaari uu leeyahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar”, kuwaas oo waday qaad si qarsoodi ah lagu soo geliyay Muqdisho.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa Caasimada Online u sheegay in labadaan gaari oo kala ahaa QOOQAN BOOLIS iyo CABDI-BILE BOOLIS ah laga qabtay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir, iyagoo qaad ka soo qaaday xeeb ku taala duleedka degmada Kaaraan.

Labadaan gaari ayaa la sheegay in midka Cabdi-bilaha ah ku xirnaa qori waxaana maalin kadib lagu wareejiyay Saldhigga Booliska ee degmada Heliwaa, inkastoo saacado kadib dib loogu celiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in hore loo soo saaray amar ahaa in ay dowladda la wareegto gaarigii qaad si sharci darro ah u keena Muqdisho balse amarkaas loo baal maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u joojisay qaadka ka yimaada Kenya, hase yeeshee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo geliyaa hab suuq madow ah, ayada oo laga soo dejiyo xeebaha ku yaalla duleedka caasimadda.

Qaadka ayaa waxaa kadib inta badan lasoo saaraa gaadiidka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa ay leeyihiin saraakiisha ciidanka, oo ku xiran qaar ka mid ah ganacsatada magaalada.

Faallo: Maxaa la gudboon musharaxiinta madaxweyne?

Inta badan waxaa siyaasadda Soomaaliya aan ku baranay shaqsiyaad tiro badan oo leh han siyaasadeed oo ay rabaan in ay bulshada ugu adeegaan, balse inta badan siyaasiga Soomaaliga ah waxaanan u kala baxsaneyn macnaha ereyga “Siyaasi” iyo “Siyaasad” “Hoggaan” iyo “Hoggaamiye”.

Haddaba waa maxay Siyaasad? “Siyaasadda waa waxqabad laxiriira maamulidda siyaasadda, Ka doodidda fekradaha siyaasadeed ee kala duwan, iyo tartan dhex mara dhinacyo kala duwan oo raja ka qaba in ay ku guuleystaan mowqif siyaasadeed si ay hormuud uga noqdaan dal iyo dad, ama rajeynaya inay awood siyaasadeed gaaraan”

Waa Maxay Siyaasi?  [1] Siyaasi waa shaqsi si xirfad leh ugu dhex jira siyaasada, aqoon durugsan oo maaddi ahna u leh siyaasadda, Waxa kale oo siyaasi noqon kara shaqsi raja ka qaba una sharaxan xafiis siyaasadeed oo raba in uu guul ka gaaro. Siyaasiga maadaama uu yahay shaqsi awood u leh sharci dejinta iyo matalaadda dadka, siyaasiga sidoo kale waa midka fuliya masuuliyad loo igmaday, kaasoo sifaha laga doonay aay tahay in uu hubiyo in maamulka dadweynaha loogu dhaqmo si eex la’aan iyo dhexdhexaadnimo ah.  [2] Sidoo kale Siyaasiga waa midka qaada mas’uuliyadda dejinta, isku dubaridka, iyo go’aaminta siyaasadaha.

Haddaba su’aasha dad badan ka dhex guuxeysa ayaa ah. Soomaaliya ma leedahay siyaasiyiin xirfad ama tababar siyaasadeed leh? Waxaa inta badan la arkaa shaqsiyaad ka soo dhex muuqda saaxada siyaasadda, kuwaaso siyaasadda ku soo gala qaabab kala duwan, intooda bandanna aan lahayn xirfad iyo aqoon siyaasadeed durbadiina loogu yeero “SIYAASI HEBEL”

Ujeedka qormadan ma aha in aan ku dhaliilayo shaqsiyaadka leh hanka siyaasadeed ama raba in ay u tartamaan qabashada masiir ummadeed, balse waxaan rabaa in aan iftiimiyo in Siyaasiga aanu ahayn kaliya in aad hoggaan qabato, balse Siyaasiga dhabta ah uu yahay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh hoggaaminta haykalka dowladnimo, isla markaana u kala baxsan yihiin siyaasadda iyo hoggaanka.

Erayga Hoggaan marka aad maqasho waa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo ama aad sawirato, shaqsi raadinaya dano ummad leedahay oo sahmin kara wado lagu fulin karo horumar iyo istraatijiyo dal iyo dad, kaalin mug lehna ka qaadan kara tartranka loogu jiro horumarka dalka.

Hogaamiyaha saxda ah waa kan caawiya dadkiisa. Hoggaanka saxda waa kan dejiya jihada, dhisana aragti dhiirrigelin leh, waa midka leh hal abuur siyaasadeed. Hoggaamintiisana ay udub dhexaad u tahay khariidaynta meesha uu u baahan tahay si uu ugu guuleysato koox ahaan ama urur ahaan.

Haddaba waa kuma hoggaamiye? Hoggaamiye waa ficil lagu hago koox ama shaqsi si loo gaaro himilo gaar ah iyada oo loo marayo jiho siyaasadeed. Hogaamiyaha waa midka dadka kale ku dhiiri geliya inay qaadaan ficilada ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan. Si aad u noqoto hogaamiye daacad ah oo kasbada quluubta dadka aad hoggaamineysid, waxaa lagama maarmaan ah in aad barato kobcisana xirfadaha hoggaan looga baahan yahay.

Waxaa jira shaqsiyaad badan oo taariikhda ku qoran kuwaasoo soo hoggaamiyay dalal iyo dadyow kala duwan, balse ku sifoobay falal ka baxsan bani’aadamnimada iyo burbur, musuqmaasuq. Taasi wali miyay ka dhigeysaa hogaamiyeyaal? Sida aan aaminsanahay, hoggaamiye waa qof wax qabadkiisa lagu cabiro, dadkiisa ay u qirsan yihiin waxqabadkiisa, gaarsiiya dadkiisa iyo dalkiisa in ay helaan adeeg dowlidnimo, maareeya dhaqaalaha dalka, kana fogaada eexda iyo musuqmaasuqa. Hoggaamiyaha isku kalsoon waa midka xayndaabkiisa ay ku hareereysan yihiin saaxiibo ka celin kara qaladka, saameyn weyna ay ku leehihiin dadka ku hareeraysan.

Qof kastaa wuu ogyahay waxa hoggaanku yahay, laakiin dad yar ayaa dhab ahaan erey bixin kara, hoggaamiyaha waa midka ay lafdhabar u tahay ka fekerka mustaqbalka iyo ilaalinta midnimada si loo helo hoggaan xoogga leh.

Isticmaalka Baraha Bulshada Siyaasiyiinta:

Adeegsiga baraha bulshada ayaa inta badan lagu dhaliilay inuu yahay mid wax u dhimaya himilooyinka Musharaxiinta iyo ujeedooyinkooda siyaasadeed, isla markaana ay ku jahwareersan yihiin shacabka Soomaalkyeed ee dal iyo dibadba. Faallooyinkaan aan ka akhrino baraha bulshada intooda badan ma aha kuwa ka tarjumaayo Siyaasad, badankood waxay ka muuqdeen kuwa lagu dhaliilayo Dowladda hadda talada haysa.

Dowladda Farmaajo uma baahna dhaliil loo soo mariyo baraha bulshada, ee waxay u baahan tahay in lagula xisaabtamo siyaasad xumida, musuqa joogtada ah, nin jecleysiga ka gaabinta sugidda amniga iyo dhiiragelinta kooxda Shabab.

Inta badan Siyaasiyiinta wax ku qorta baraha bulshada, ama lacagta ku bixiya in lagu ammaano baraha bulshada waxay shacabka u arkaan kuwa aan lahayn aragti fog, isla markaana aan fahansaneyn dhibaatada jirta ee u baah in si wadajir ah looga hortago.

Maxaa la gudboon Musharaxiinta xilka Madaxweyne ee 2021?

Dalka waxaa uu marayaa marxalad adag, waxaana afartii sano ee hoggaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga dhaxlay:

1. Hoggaan xumo iyo go’aan qaadasho ku saleysan rabitaan shaqsi ama mid dano dal kale leeyahay.

2. Musuq-maasuq baahay iyo caburin joogta ah oo lagu hayo shacabka iyo maamul goboleedyada.

3. Awooddii kooxda nabad diidka ee Al-Shabab oo sare u kacday iyagoo markii ugu horreeysay taariikhda helay ilo dhaqaale oo la mid ah midda ay Dowladda ka hesho Ganacsatada iyo shacabka Koofurta Soomaaliya.

4. Eex qabyaalad, ku tagri fal awoodda xafiiska Madaxweynaha iyo in uu siyaasadeeyay howlaha ciidanka qalabka sida, isagoo iska horkeenay Ciidanka Qalabka Sida ee maamulka Jubbaland.

5. In maalin cad uu u gacan geliyay muwaadin Soomaaliyeed Taliska Itoobiya.

Lama soo koobi karo falalka gurracan ee Hoggaanka Madaxweyne Farmaajo, balse sida ay hadda wax u socdaan haddaanay Musharaxiinta wax ka badalin waxaa hubaal ah in Afarta sano ee socotana dalka uu Farmaajo ku qabsan doono qoriga caaradiisa.

Musharaxiinta Maxaa la gudboon?

1. In ay isku tanaasulaan si loo helo musharaxiin kooban oo la tartami kara Farmaajo.

2. In ay sameystaan madal ay ku mideysan yihiin si loo helo cudud siyaasadeed oo xoog leh si looga hortago Doorashada loo naqshadeeyay in Farmaajo loo boobo

3. In si nabad ay ku jirto loo dhaliilo loona diido falalka gurracan ee hoggaanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

4. In la abuuro guddi ka shaqeeya in musharaxiinta ay yeeshaan dodo (Debate), si shacabka ay u bartaan Musharax walba waxa laga filan karo marka uu xukunka ku guuleysto. Doodda Musharaxiinta waa qeyb oo ka mid ah horumarinta Dimoqraadiyadda, waana mid shacabka u sahleysa in ay kala bartaan Musharaxiinta leh karti, aqoon iyo haybad hoggaan oo ay ku aamini karaan dalka, dadka iyo diinta.

Waxaan aaminsanahay in sanadkii 2017 bishii Janaayo haddii Dood loo qaban lahaa Musharaxiinta aanu Madaxweyne Farmaajo heli lahayn fursadda uu helay oo ahayd kaliya in uu ka faa’iideystay dagaal siyaasadeedkii ka dhexeeyay Madaxweynayaashii hore Sharif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo wareegga labaad ula soo baxay Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid oo diidanaa in dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud.

Ismail Osman – Waa taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

CC Shakuur oo ka hadlay raali-gelintii uu siiyey Xasan Kheyre, dalab cusub-na diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay kulan uu xalay gurigiisa kula qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaasi oo uu raali-gelin ku siiyey.

Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa raali-gelin buuxda ka siiyey siyaasigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017.”

Waxa uu ugu baaqay in mas’uuliyiinta kale ee dowladda ay ku daydaan Kheyre. “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dawlada ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay.”

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur kuma sheegin inuu aqbalay raali-gelinta Xasan Cali Kheyre iyo in kale, waxaana muuqata inuu si farsameysan u xusay raali-gelinta Kheyre, isaga oo aan shaacin inuu aqbalay iyo in kale.

Weerarkan oo 17-kii December 2017 ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Nabad-Sugidda,  ayaa waxaa lagu dilay 6 ka mid ah ciidamada ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo sidoo kalena isaga lagu xiray.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxda Madasha ay diideen in Musharax Kheyre uu ka soo qeyb galo Shirka berri ee Midowga Musharixiinta uga furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxda Madasha ayaa la sheegay in ay Kheyre ku cadaadiyeen in uu marka hore cudur daar ka bixiyo wixii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intuu ka midka ahaa nidaamka Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka billaabay inuu raali-geliyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maadaama ay ahayd dhacdadii ugu weyneyd, iyo tan kaliya ee dad ay ku dhinteen.

Itoobiya oo magaalooyin hor leh kala wareegtay TPLF

0

Addis Abab (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

War ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada federaalka ay la wareegeen magaalooyin hor leh oo ku yaalla gobolkaasi, kadib duulaan ay qaadeen.

Magaalooyinka ay sheegatay xukuumadda Addis Ababa inay la wareegtay waxaa ka mid ah Aksum iyo Adwa oo horey ugu sugnaayeen ciidamada deegaanka ee TPLF.

Sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in ciidamadii ku sugnaa labadaas magaallo ay isa soo dhiibeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale haatan ku sii dhowaanaya magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Tigray oo ku aadan sheegashada dowladda Itoobiya ee ku aadan la wareegitaanka Aksum iyo Adwa.

Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa guddi gaar ah u xil-saaray xiisada dagaal ee dalka Itoobiya & sidii looga hortagi lahaa.

Shaqsiyaad loo saaray waxaa ka mid ah Joaquim Chissano oo ah madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf oo ah madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Liberia iyo  Kgalema Motlanthe oo ah madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.

Xubnahan ayaa shaqadoodu waxa ay noqon doontaa dhex-dhexaadinta dowladda iyo hoggaanka jabhadda TPLF.

“Shaqadooda ayaa ah  dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Itoobiya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa weli aad u kacsan, iyada oo Is-gaarsiinta iyo Internet-ka gobolka uu dagaalka ka socda uu yahay mid go’an muddo labo todobaad ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirweynaha mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shirweyne siyaasadeed oo ay leeyihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid ballaaran ayaaa waxa uu socon doonaa21-ka illaa 23-ka bishan November, iyada oo looga hadli doono marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si gaar ah diirada u saari doono arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxa shirkan lagu soo qaadi doonaa tabashada ay musharraxiinta mucaaradka ka muujiyeen guddiyada doorashooyinka & sidii xal looga gaaray.

Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah, ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogggaamiyaha xisbiga Dan-Qaran Daahir Maxamuud Geelle, madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota.

Soomaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Puntland oo dad u soo qab-qabatay weerarkii Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Kadib howl-gal ay ciidamada ammaanka Puntland ka sameeyeen waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxa ay ku soo qab-qabteen tiro dad ah.

Howl-galka ayaa yimid, kadib markii xalay fiidkii hore weerar loo adeegsaday bam-gacmeed lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo baaritaano waday.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in weerarkaasi loo soo qabtay illaa saddex nin oo lagu tuhmayo falkaasi, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu sugayo amniga magaaladaasi.

Weerarkii xalay ee Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalooyinka waa weyn ee Puntland ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jira weeraro iyo dilal qorsheysan intaba.

Kheyre oo raali-gelin buuxda siiyey CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa caawa raali-gelin buuxda ka siiyey siyaasigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

Weerarkan oo 17-kii December 2017 ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Nabad-Sugidda,  ayaa waxaa lagu dilay 6 ka mid ah ciidamada ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo sidoo kalena isaga lagu xiray.

Kheyre ayaa waxaa wehliyey Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Senator Dhagdheer.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Kheyre ku yiri “Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.”

Waxa uu intaas ku dara “Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.”

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxda Madasha ay diideen in Musharax Kheyre uu ka soo qeyb galo Shirka berri ee Midowga Musharixiinta uga furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxda Madasha ayaa la sheegay in ay Kheyre ku cadaadiyeen in uu marka hore cudur daar ka bixiyo wixii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intuu ka midka ahaa nidaamka Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka billaabay inuu raali-geliyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, maadaama ay ahayd dhacdadii ugu weyneyd, iyo tan kaliya ee dad ay ku dhinteen.

‘Shaki weyn oo ka dhashay’ hadalkii MAHDI GUULEED

0

Xilli doorashada madaxwaynanimada Soomaaliya ay foodda inagu soo hayso ayaa waxaa sii kululaanaya ololaha doorashada.

Musharaxiinta u tartamaysa xilka madaxwaynanimada dowladda fedraalka ee somaaliya ayaa ku sii qulqulaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Waxaa dhanka kale uu wali muran xooggan ka taagan yahay guddiga doorashada ee uu dhawaan soo magacaabay rai’sul wasaare Rooble.

Muranka arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay sababto dib u dhaca ku yimaadda doorashada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka madaxwaynanimada ayaa dowladda ku dhaliilay in aysan doonayn qabashado doorasho xaq iyo xor ah.

Hadal uu 18 bishan jeediyay rai’sul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa shaki geliyay qaaa ka mid ah siyaasiinta.

Guuleed oo goob xaflad ah ka hadlayay ayaa waxaa uu xusay in doorashada wareegga kuwaad ay ku guuleysan doonaan sidii ka dhacday Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

“Madaxwayne Laftagareen wareegii kowaad ayuu ku soo baxay,Qoorqoor wareegii kowaad buu aqlabiyad ku soo baxay,mar sadaxaad waxaan ogeyn Cali Guudlaawe wareegii kowaad ayuu ku soo baxay marka waa xilligii wareega kowaad 2020 yaan loo deyma daraan,” ayuu yiri Guuleed.

Hadalka raisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa waxaa loo fasiray siyaabo kala duwan.

“Waa qish uu bixiyay”

Qaar ka mid ah musharaxiinta mdaxawyananimada doorashada 2020/21 ayaa waxay shaki ka muujiyeen arrintan, halka kuwa kalana ay sheegeen in wax ay tuhunsanaayeen uu banaanka u soo baxay.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ah hogaamiyaha xisbiga Sahan islamarkana ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa madaxwaynanimada oo ka jawaabayay hadalka rai’sul wasaara ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad ugu mahadsan yahay in uu ku baraarujiyay waxyaabaha ay dowaladda hadda jirta ay damacsan tahay.

” Waxaa aad u mahadsan saaxibkey Mahdi oo aad saaxibo aan u nahay wuxuu shacabka Soomaaliyeed siiyay qish ku saabsan doorashada soo socota iyo sida ay u ekaanayso,”, ayuu Cabdikariim.

Waxaa uu intaa ku daray in mucaaradka ay waligood ogaayeen in doorashada soo socota la qorsheynayo in la “boobo, balse uu raii’sul wasaara ku xigeenka uu shacabka ku baraarujiyay sida ay doorashada u ekaana doonto.

” Shacabka Soomaaliyeed ayuu qishkaasi siiyay waana ku mahadsan yahay rai’sul wasaare ku xigeenka qishka uu bixiyay,” ayuu yiri.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu xusay in dowladda fedaraalka looga baahan yahay qabshada doorasho xaq iyo xor ah.

” Doorashadu waxay u baahan tahay kalsooni in lagu qabto,doorashadu waxay u baahan tahay isla-ogol,doorashada waxay u baahan tahay hufnaan intaas haddii aysan jirin doorasho ma hirgali karto,” ayuu yiri Cabdikariim.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ah hogaamiyaha xisbiga Sahan islamarkana ka mid ah musharaxiina xilka madaxwaynanimada ayaa waxaa uu sheegay guusha ugu way ee siyaasadeed ee Soomaaliya ay gaarta 20 sano ee ugu dambeysay ay tahay in afartii sanaba mar doorasho la qabto.

” Haddii dalka Soomaaliya guul siyaasadeed la gaaray waxay ahayd in 4 sana-ba mar la qabto doorasho heshiis lagu yahay , doorashadaasi heshiiska lagu yahay-na qofkii ku soo baxa-na madaxwayne iyo hoggaan dal inuu yahay loola shaqeeyo, waa midda uu ku yimid maxamed Cabdulahi Farmaajo,” ayuu yiri Cabdikariin.

Waxaa uu farta ku fiiqay in madaxwayne Farmoojo aysan jirin cid diiddan, balse ” Jihu qaldan uu dalka u jeediyay.

“Cid diidan madaxwayne Farmaajo ma laha, cid neceb malaha, madaxweyne waa loo aqoonsan yahay laakiin isaga jihadii la rabay inuu dalka u jeediyo jiho aan ahyn u jeediyay, ayuu yiri Guuleed.

Daahir Maxamuud Geele oo isna ka mid ah musharaxiinta u tartameysa madaxwaynanimada ayaa sheegay in dowladda ay ka doonayaan qabashada doorasho xaq iyo xor ah.

Haddii anaga warkeena la dhageysan waayo waxaan u aragnaa dowladda in doorasho xaq iyo xalaal ah rabin iney doorashadii boobeyso , madaxwaynuhu-na uusan rabin uu doorasho galo, ayuu yiri Geelle.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa iyagu muddooyinkii dambe ay shirar uga socdeen magaalada Nairobi, si ay doorashada uga tashadaan.

Doorashada madaxwaynanimada Soomaaliya ayaa sida ku xusan heshiikii ay wada gaareen madaxwayne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada waxaa lagu wadaa in la qabto bisha February ee sanadka soo socda.

Tedros oo jawaab ka bixiyey weerarkii uga yimid Abiy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa markii u horeysay ka jawaabay eedeyn ay u jeedisay dowlada federaalka ee Itoobiya, taasi oo ay kula xiriirinayso dagaalka Tigreyga.

Tedros Adhanom ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu ku lug leeyahay dagaalka u dhaxeeya Tigreyga iyo dowladda federaalka, xili uu shalay Taliyaha ciidamada Itoobiya, Berhanu Jula uu sheegay in Tedros uu maamulka TPLF ka caawinayo dhanka hubka.

Taliye Berhanu ayaa sheegay in Tedros uu wado olole ka dhan ah dowladda federaalka, isla markaana uu garabka saarayo saaxiibadiisi siyaasada ee xisbigii TPLF, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa WHO oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada ay is hayaan Abiy Axmed ee Tigreyga, ayaa gebi ahaanba iska fogeeyay eedeymahaasi, isagoona sheegay inuu dagaalkaasi dhex-dhexaad ka yahay. 

“Waxaa jiray warar sheegayo in aan dhinac taageerayo, ma ahan arrin sax ah, waaxaana sheegayaa in aniga aan tageersanahay hal dhinac, waana dhinac nabadda,” ayuu yiri Tedros oo qoraal bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si adeegyada caafimaad iyo gargaarka bini-aadantinimo loo gaarsiyo shacabka go’doonsan.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay Tedros dusha u saartay inuu ka dambeeyo walaaca caalamka ee dagaalka Tigreyga iyo inuu hub u ururinayo, maadama lagu tirinayo inuu hore uga mid ahaa shakhsiyaadka ugu sareeyay xisbigii TPLF.

Si kastaba, dagaalka Tigreyga iyo Itoobiya ayaa u muuqda mid kasii daraya, iyada oo xukuumadda Abiy Axmed ku adkeysanayso inuu dagaalku sii soconayo ilaa intay isasoo dhiibayaan madaxda TPLF, kuwaasi oo ka madax adeygaya dalabkaasi.

Xasan Cali Kheyre: “Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho, laguma heshiin doono dowladda ka dhalata”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isuul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib muddo uu ololahiisa doorashada ka waday dalalka dibadda.

Kheyre wuxuu lasoo laabtay saameyn la wada dareemay dhanka soo dhaweynta, wuxuuna jeediyay khudbadiisa ku aadan walaaca uu ka qabo arrimaha doorashooyinka ee aan wali lagu wada qanacsaneyn.

Xasan Cali Kheyre wuxuu khudbadiisa ku sheegay in waqtigii uu xilka hayay uu si cad usoo bandhigay fikirkiisa ku aadan qaabka ay tahay in doorashada loo qabto, isagoo aaminsan in hadii lagu heshiin waayo nidaamka doorashooyinka aan lagu heshiineynin dowladnimada ka dhalata.

Wuxuu tusaale usoo qaatay khalalaasaha ay wajaheyso dowladda Itoobiya oo xaalado dagaal dhexda kaga jirta, wuxuuna tusaaleyn usoo qaatay in dhibaatooyinkaas dalka dariska ah ka jira ay ka bilaabatay arrimo doorasho oo lagu heshiin waayay.

“Hadii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan, lagu heshiin maayo dowladnimada ka dhalata,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyere.

isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Sidaas daraadeed ayey muhiim tahay inaan wax ka barano taariikhdii lasoo dhaafay iyo tan maanta ka taagan dunida meelo badan oo ka mid ah oo ay ugu horreeyaan dowladaha dariska ah, gaar ahaan Itoobiya, oo khalalaasaha hadda ka taagan loo aaneynaayo iney salka ku heyso doorasho dib loo dhigay ama lagu heshiin waayay.”

“Doorasho aan lagu heshiin ama doorasho la’aanina waan ognahay taariikhda ay dalkeena ku leedahay, si aan uga fogaano khalalaase dalkaan ka dhaca, si dowladnimada aysan gadaal ugu dhicin, si umadda Soomaaliyeed aaney niyadda uga jabin, waxaa muhiim ah iney dalkaan ka qabsoonto doorasho la isla ogol yahay.”

“Ma ahan waxaan hadda sheegaayo, waa waxaan sheegay markaan xukuumadda ku jiray, waxaan ka digay inaan la ogoleyn muddo kororsi, waxaan kaloo ka digay in hadii aan dalka doorasho laga hirgalin loo dhan yahay iney keeni karto walwal iyo walaac.”

“Waxaan maanta dalka dib ugu soo laabtay inuu jiro walaacaas iyo walwalkaas”

Ugu dambeyntii maalmaha soo socda waxaa la filayaa in musharaxiinta mucaaradka ay ku shiraan magaalada Muqdisho iyagoo laga yaabo iney Bayaan wadajireed kasoo saaraan guddiyada ay saluugsan yahiin oo ay dowladda u diyaarisay iney qabtaan doorashooyinka dalka iyo xaaladda uu wadanka ku sugan yahay.

Cawad oo shaaca ka qaaday cidda ka dambeysay xil ka qaadista lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xilka laga qaaday kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu badalkiisa magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, waxaana xigtay in wasiirkii xilka laga qaaday loo magacaabay safiir, taasi oo uuiska diiday.

Haddaba muran badan ayaa ku hareereysan sababta xilka wasiirka arrimaha dibadda looga qaaday Axmed Ciise Cawad, waxaana la isla dhexmarayay inuu sababsaday warqad kasoo baxday wasaaradiisa oo la xiriirta dagaalka Itoobiya, taasi oo markii dambe laga saaray cinwaanka wasaaradda ee Twitter..

Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey BBC-da ayaa ka gaabsaday inuu sheego sababta uu maleynayo in xilka looga qaaday, balse wuxuu wareysiga ku caddeeyey cidda ka dambeysay xil ka qaadistiisa inuu yahay madaxweynaha.

“Xilka markii horaba waxaa ii magacaabay madaxda dalka madaxwaynaha iyo rai’sul wasaaraha, markii sidii ay iigu magacaabeen xaq ayay u leeyihiin in marka ay la nqoto hadana ay iga qaadaan,” ayuu yiri Cawad.

Isagoo hadalka sii wata wuxuu yiri: “Sabab gaar ah oo aan hadda kuu sheegi karo ma jirto, madaxwaynaha inaan wada shaqeynay abaal badan ayaan uga hayaa iney fursadaasi i siiyeen oo umadda Soomaaliyeed aan u adeegay, saddex sano ayaan wada shaqeynaynay.”

Axmed Ciise Cawad oo muddo badan lasoo shaqeeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee xilka laga qaado kadib magacaabistii golaha wasiirada ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna sidoo kale si diblomaasiyad leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay hadii uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Kuma jirto dhaqanka dowladnimada haddii xitaa wax la isku qabto in idaacadaha looga sheego, anigu waxaan kuu sheegayaa madaxwaynaha ayaanu kulanay wuu ii sheegay in uu xilka iga qaadayo la yaab ma ahayn anigana waan uga mahad-naqay wada shaqeyntii na dhexmartay marka dhib ma jiro.”

Hadalkan dambe ee Cawad wuxuu caddeyn u yahay in wasiirka uu xilka ka qaaday madaxweynaha ee aanu ka qaadin ra’iisul wasaaraha, taasi oo muujineysa in ra’iisul wasaaraha aanu u madax banaaneyn golihiisa.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Rooble uu ku taliyey inaan xilka laga qadain Cawad, ama xitaa maalmo loo sugo si aysan ugu muuqan in qaladka ka dhashay warqadda darteed looga qaaday xilka.

Xil ka qaadista Cawad ayaa la rumeysan yahay inay kaalin ku leedahay dowladda Itoobiya oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Farmaajo.

Sawirro: Xasan Cali Kheyre oo si weyn maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxeyna aheyd soo dhaweyn heer sare ah.

Ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya ayaa aad looga hadal hayay maalmahii lasoo dhaafay imaatinkiisa, waxaana garoonka diyaaradaha Aden Adde kusoo dhaweeyay xildhibaano, wasiiro, odayaasha dhaqanka iyo bulshada nuucyadeeda kala duwan.

Isu imaatinka dadka waxey aheyd mid si weyn loo dareemay, iyadoo Xasan Cali Kheyre oo loo arko mid ka mid ah musahraxiinta ugu saameynta badan uu lug ku tagay hoyga laga wado olalahiisa doorashada oo aan sidaas uga fogeyn garoonka diyaaradaha.

Musharaxiin kale ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdulqaadir Cosoble iyo Xuseen Cabdi Xalane.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa dib ugu soo noqoshadooda Muqdisho kadib olole ay dalalka dibadda ka wadeen waxaa lagu qeexay iney doonayaan saameyn ay ku yeeshaan guddiga doorashooyinka ay soo magacowday dowladda oo ay diidan yahiin.

Maalmaha soo socda, Muqdisho waxey martigalineysaa kulamo iyo xaalado siyaasadeed oo iska soo horjeeda, maadaama la guda galayo wakhtiga doorashada, sidoo kalana wali aan la isku raacin cidda maamuleysa doorashada.

DAAWO SAWIRADA:

Maxaa ka cusub dagaallada ka socda dalka ITOOBIYA?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xalay dhowr gantaal lagu garaacay caasimada gobolka Amxaarada ee Bahirdar, xili uu sii xoogeysanayo dagaalka Tigreyga iyo dowladda federaalka.

Gantaaladan ayaa waxa tuuray dagaalyahano ka tirsan maamulka  TPLF oo dagaal xoogan kula jira xukuumadda Abiy Axmed, sida ay baahisay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Weerarkan gantaalaha ee lagu qaaday caasimada caasimada gobolka Amxaarada ayaa noqonaya midkii labaad ee lagu qaado, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Itoobiya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gantaaladaasi lagu gaaracay Bahirdar aysan ka  geysan wax khasaaraha magaalada.

Weerarkan gantaallaha ayaa imanaya xili ay dhawaan maamulka TPLF ay gantaalo ku garaaceen dalka Eritrea, inkasta oo aysan si rasmi ah uga hadal midka Bahirdar.

Dagaalka Itoobiya ee u dhaxeeya Tigreyga iyo xukuumada Abiy Axmed ayaa kasii daraya, maadama xukuumaddu ay iska dhago tireyso baaqyada nabadeed ee beesha caalamka.

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis xabad joojin ah oo kumeel gaar ah kaddib dagaalka labada toddobaad halkaas ka socda.

Ha’yadda waxay dooneysa in la gaaro shacabka ku dhex go’doonsan dagaallada si gargaar loogu fidiyo.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada ka socda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay u qaxeen dhinaca Suudaan.

Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadka..

Ma kala cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maadama ay go’antahay isgaarsiinta.

Xasan Sheekh Maxamud oo go’aan ka qaatay doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u hadlay markii ugu horreysay tan iyo markii la soo magacaabay guddiyada doorashada ee heer federaal iyo dowlad gobaleed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in aysan waxba ku darsan doonin guddiggan iyo Madaxweyne Farmaajo ilaa xal loo helo doodaha ka taagan guddiga kadib wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

“Marna wax ku darsan meyno guddigaan oo ah ii camir mana ka yeeleyno Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan cabsi ka qabaa in ay dalka u harsoodaan in talada faraha ka baxdo oo xaaladu adkaato” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay in maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan wali soo magacaabin guddiyada ka dhiman doorashada Soomaaliya.

“Waan ku dhiiri gelinayaa waliba waa talaabo fiican waayo qoladaan wax lagu darsan karo, waa fowdo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya iyadoo wali ay taagan tahay dooda guddiyada doorasahda Soomaaliya oo u badan ciidamo ka tirsan NISA iyo taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Xog: Maxaa shalay baajiyey safarkii Kheyre ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay baaqday safar Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre dib ugu soo laaban lahaa magaalada Muqdisho, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay qaban qaabadiisa ka socotay Muqdisho.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Kheyre u baaqday kadib markii uu ogaaday in dalka ku soo socdeen isla shalay musharaxiin kale, taas oo u arkay in aysan ku habooneyn in isagana uu yimaado, si aanu u weecan dareenka iyo miisaanka safarkiisa.

Xubno ka tirsan guddiga olalaha Kheyre ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre imaan doono maalin aysan safar soo aheyn musharaxiinta kale islamarkaana uu rabo in maalintaas gaar u ahaato, waxaana la filayaa inuu maanta oo Jimce ah uu soo gaaro Muqdisho.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa ku soo laabtay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah Musharax Madaxweyne, waxaana la filayaa in kuwa kale ay soo gaaraan Muqdisho maalmaha soo aadan.

Xasan Cali Kheyre waxa uu kamid yahay Musharaxiinta sanadkaan saameynta weyn ku leh doorashada Soomaaliya, waxaana Muqdisho ka socda qaban qaabada soo dhoweyntiisa.

Kheyre oo musharaxnimadiisa uga dhowaaqay twitter-ka ayaa la filayaa inuu qabto munaasabad uu uga hadlayo musharaxnimadiisa iyo qorshihiisa siyaasadeed.

Dhageyso: Mustaf Dhuxulow oo weerar culus ku qaaday Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sida ay wax u socdaan ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay maamul goboleedyada qaar ku khasabtay inay guddiyada doorashada u soo magacaabaan xubno ka tirsan NISA.

“Runtii dalku heerka uu marayo walaac badan ayaan ka qabaa, mudo dheer ayaan ka soo shaqeynayey dalkan, waxuuna hadda marayaa markii ugu adkeyd abid, waxaana jirata kheyru masuulnimo weyn oo ay sameeyeen Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA oo aan ka fikireyn duruufihii adkaa ee dalku soo maray,” ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Dhuxulow oo wareysigan siiyey VOA ayaa sheegay in fikirka Farmaajo iyo Fahad ee ah in maanta xubno la yaqaano oo ka tirsan NISA ay u qortaan guddiga doorashooyinka, iskuna dayaan inay u soo boobaan doorashada uu keeni karo xaalado adag iyo siyaasadda dalka oo cakiranta.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayuu Mustaf Dhuxulow ku taageeray go’aanka ay ku diideen inay soo magacaabaan xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashooyinka, isagoo maamullada kale iyo gobolka Banaadir ku dhaleeceeyey rabitaankooda ah inay xukunka ku soo laabtaan Fahad iyo Farmaajo.

Mar wax laga weydiiyey sababta uu uga soo hor jeestay dowladda madaxweyne Farmaajo oo seddax sano iyo bar uu soo taageerayey ayuu sheegay in Farmaajo uusan ula dhaqmin sidii ay ka mudnaayeen dadkii ku soo dhaweeyey xukunka dalka.

Hadalkii shalay ee ra’iisul wasaare ku xigeenka ayuu ku macneeyey mid baqdin ay ka keentay, isla markaana uu Mahdi ku qasbanaaday inuu daacad u noqdo xukunka madaxweyne Farmaajo.

“Mar hadii qaar ka mid ah dowlad goboleedyadii lagu qasbaayo inay xubno la wato guddiyo u magacaabaan, waa dareemi kartaa Mahdi Guuleed wax meesha u yaalla in aysan jirin, marka hadiiba dowlad goboleedyadii is dhiibeen, isaguna inuu is dhiibo waa ku qasbanaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa u arkaya hanaanka ay dowladda dhexe u maamuleyso doorashooyinka soo socda iyo guud ahaan siyaasada xiligan, inay tahay mid caqabad ku keeni karta hanaanka doorashada iyo amniga Qaranka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Mustaf Dhuxulow

Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashadii madaxweyne Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal ay ka soo saartay doorashadii dhawaan ka dhacday caasimadda dowlad goboleedka HirShabeelle, waxay ku shaacisay inay si dhaw ula socotay, xilli madaxweyne Cali Guudlaawe uu sheegay in beesha caalamka aysan door ku laheyn doorashadii uu ku soo baxay.

Qoraalka beesha caalamka waxaa lagu sheegay inay la socdeen heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay doorashada maamulkaas, isla markaana ay hadda si dhow ula socdaan u diyaar-garowga doorashooyinka heer federaal ee deeganada HirShabeelle.

“Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan magaalada Jowhar ka sheegay in doorashadii ka dhacday maamulkaas ee isaga madaxweynaha loogu doortay aysan wax door ah ku laheyn beesha caalamka, balse hadda kadib maamulkiisu uga baahanyahay garab istaag.

Qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa maadxweyne Cali Guudlaawe loogu balan qaaday garab istaag iyo xal u raadinta caqabadaha ku hor gudban maamulkas cusub.

“Waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh HirShabelle,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

War-saxaafadeedkan waxaa wadajir u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

DF oo ka faa’iideysaneysa maqnaanshaha xubnaha Jubaland iyo Puntland ee guddiyada doorashada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee heer Federaal ayaa shalay billaabay shaqadooda iyadoo aysan weli Magaalada Muqdisho soo gaarin xubnihii guddiyadaan ku matalayey maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Labada Guddi ayaa qorsheynaya inay maalmaha soo socdo doortaan labada Guddoomiye, waxayna doorashada noqon doontaa 50+1 oo ka dhigan in guddiga doorashada heer Federaal ay guddoonka dooran doonaan 13 xubnood oo kamid ah 25-xubnood.

Sidoo kale guddiga Xallinta khilaafaadka ee heer Federaal ayaa waxaa guddoonka dooran doonto 50+1 kamid ah 21 xubnood ee guddigaas ka kooban yahay taasoo noqoneyso 12 xubnood.

Waxaa muuqato in labada guddi ay ka tashteen xubnaha maqan ee ka kala tirsan maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana arrintaas fursad weyn u arka dowladda Dhexe oo ka faa’ideysaneysa maqnaanshaha xubnaha Jubbaland iyo Puntland ku leeyihiin Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee heer Federaal.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku qanacsaneyn qaabka ay u socoto shaqada doorashada 2020-2021 iyo sida loo soo xulayey guddiyada.

Dhawaan 12 musharax  oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  ayaa qaadacay guudiyaada doorashooyinka ee magacaaban, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, inkastoo Jubbaland iyo Puntland aysan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyadaas, iyagoo saluug badan ka qaba hanaanka ay wax u wado Villa Somalia.

Cawad oo ka jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey go’aanna ka qaatay xilka cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii caawa xilka laga qaaday ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn xilka kale ee loogu magacaabay isla wareegtadii xilka looga qaaday.

Qoraal uu soo saaray ayuu ugu horeyn wasiir Cawad ugu mahadceliyey madaxweyne Farmaajo intii uu hayey xilkaas oo ku siman laba sano.

“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa,” ayuu Axmed Ciise Cawad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Dikreetadii xilka looga qaaday Cawad waxaa lagu sheegay in loo magacaabay safiirka dal aan la shaacin magaciisa, balse waxa uu ku sheegay qoraalkan in uusan diyaar u aheyn xilkaas.

“Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad.

Sida lagu shaaciyey dikreetada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkaas u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xil ka qaadista Cawad ay la xiriirto muran ka dhashay warqad shalay lasoo dhigay cinwaanka twitter-ka ee wasaaradda oo dowladda Ethiopia looga taageeray dagaalka ay kula jirto gobolka Tigray, warqaddaas oo markii dambe laga saaray bogga.

Qoraalka oo uu Cawad soo dhigay cinwaankiisa shakhsiga ah ee twitter ayuu ku yiri “Waxaan caddeynayaa inuusan jirin qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ku saabsan xaaladda Ethiopia. Qoraalka la wareejinayo ma matalo aragtida dowladda Soomaalioya, sidaas darteed ma ahan mid sax ah.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta qoraalka looga laabtay ay tahay dalab ka yimid xukuumadda Ethiopia, oo lasoo hadashay xukuumadda Soomaaliya, taasi oo dalbatay qoraal kasii adag midka la tiray, oo dad badan la yaabeen sida Soomaaliya u taageertay dagaal ka dhex socda dal kale gudihiisa.