25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sudan oo war ka soo saartay geerida SHEEKH NUUREYN

0

Khartuum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ayaa war ka soo saartay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Nuureyn Maxamed Sadiiq oo ahaa xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka, islamarkaana si weyn loo jeclaa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Diinta Suudaan ayaa waxaa lagu faah faahiyey shil gaari oo uu ku dhintay wadaadkaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Umdurmaan.

Ugu horreyn wasaaradda ayaa ka tacsiyadeysay geerida marxuumka oo si weyn u qabsatay baraha bulshada ay ku xiriirto ee Internet-ka.

Wasaaradda ayaa shaaciyey in sidoo kale ay shilkaasi gaari ay ku geeriyoodeen saddex ruux kale oo la socotay Sheekh Nuureyn oo kala ah: Cali Yacquub, C/laahi Cawad Al-Kariim & Mahad Al-Kanaani, halka dhaawac uu soo gaaray Maxamed Xamdaan Daqlow.

Sheekha oo ka soo jeeda magaalada Baaraa oo ku taalla waqooyiga gobolka Kurdufaan ee Suudaan ayaa Imaam ka noqday Masaajidka ugu caansan caasimada Khartuum.

Suudaan wuxuu Sheekhu ku metalay AUN tartamo Qur’aan aqris ah oo ka kala dhacay dalalka Malaysia & Imaaraadka Carabta iyo wadamo kale.

Doorashada Mareykanka – Donald Trump oo ay kasoo xirmeen albaabada guusha

Washington (Caasimada Online) – Doorashada Mareykanak ayaan weli si rasmi ah loogu kala bixin, hase yeehee waa ay caddahay inuu ku guuleysanayo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden.

Biden ayaa ku horreeya afar ka mid ah shanta gobol ee aan weli la go’aamin, wuxuuna u baahan yahay inuu ku guuleysto hal ama laba ka mid ah, ayada oo ay ku xiran tahay tirada codadkooda, si uu u noqdo madaxweynaha cusub.

Biden ayaa hoggaaminaya codadka gobollada Pennsylvania, Georgia, Arizona iyo Nevada, halka Trump uu ku horreeyo gobolka North Carolina. Wuxuu madaxweyne ku noqon karaa inuu ku guuleysto gobolka Pennsylvania ama laba ka mid ah afarta kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa haysta 253 codadka ergada doorashada ah (Electoral College), wuxuuna u baahan yahay 17 kale si uu u gaaro 270. Trump ayaan soo dhoweyn, wuxuuna joogaa 214, waana inuu ku guuleystaan afar ka mid ah gobollada haray, si uu madaxweyne u noqdo.

Waxaa aad loo saadaalinayaa in Biden uu ku guuleysan doona dhammaan afarta gobol ee uu ku horreeyo, hase yeeshee maadaama tartanka aad la isugu dhow yahay waxaa la sugayaa inuu ku hormaro tiro uusna Trump ka daba iman karin, si ay u cadaato inuu hantay guusha.

Dhammaan codadka la rumeysan yahay inay harsan yihiin ee aan weli la tirin ayaa u badan kuwa Dimoqraadi ah, taasi oo macnaheedu yahay inuusan jirin albaab fursad ah oo Trump u furan. Hase yeeshee, tirinta codadka ayaa ah mid si tartiib ah ku socota, taasi oo waqtiga dheereysay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa habeen qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka, isaga oo billaabay weerar xun oo uu ku faafiyey eedo aan wax caddeymo ah loo hayn oo ah in laga xadayo guusha doorashada Mareykanka.

“Waxay isku dayayaan inay xadaan doorashada,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Aqalka Cad, laba maalmood kadib markii ay soo dhammaatay codeynta doorashada.

Waxa uu yiri in Dimoqraadiga ay isticmaalayaan “codad sharic-darro ah, si ay doorashada u xadaan.”

“Haddii aad tiriso codadka sharciga ah, si fudud ayaan u guuleysanayaa,” ayuu yiri. “Waxay isku dayayaan inay ku shubtaan doorashada. Mana ogolaan karno inay taas dhacdo.”

Qoys Hindi ah oo dacwo ka ah seyga gabadhooda oo ku dhibaateysan Soomaaliya

0

Hyderabad (Caasimadda Online) – Qoys kasoo jeeda magaalada Hyderabad ayaa dowladda Hindiya ka codsaday in laga saacido dib usoo celinta gabadhooda, oo sida ay sheegeen dhibaato ku dareemeysa gudaha Soomaaliya.

Qoyskaan Muslim-ka ah waxey ka walaacsan yahiin xaaladda gabadhooda oo shan caruur ah u dhashay nin Soomaali ah kaas oo lagu eedeeyay inuusan daryeelin sidoo kalana uu dhibaato u geystay.

Raheem Unnisa waa haweeneyda ay qoyskeeda sheegeen iney dhibaato ku dareemeyso gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxeyna caruur u dhashay Omar Dahir Farah, muddo 10-sano ah oo ay Hyderabad ku wada noolaayeen qoyskaan waxaa u bilaabatay nolol adag markii uu Soomaaliya usoo kaxeeyay.

“Gabadheyda Raheem Unnisa waxaa guursaday Omar Dahir Farah sanadkii 2008, kaas oo wax ka baranayay Chennai, kadib guurkooda, waxey Hyderabad ku noolaayeen ku dhawaad 10-sanadood, waxeyna heysteen 4 caruur ah, bishii April 2017 ayuu gabadha iyo caruurtaba u raray Soomaaliya, hal canug ayaa halkaas ugu dhashay,” ayuu Sheikh Hyder Ali oo ah aabaha haweeneyda u sheegay wakaaladda wararka ANI.

Aabaha wuxuu sheegay markii gabadhiisa loo raray Muqdisho, in seygeeda uu guursaday naag kale isla markaana uu bilaabo inuu garaaco isla markaana uu dhibaateeyo waqti walba.

“Gabadheyda waxey heystaa shan Caruur ah, waxaana looga tagay guri ku yaala Galdogob oo ay leeyahiin qaraabadiisa, wuxuu la nool yahay xaaskiisa labaad iyo caruurtiisa oo jooga Muqdisho, masiiyo wax lacag ah, waxaa loo diiday iney hesho nolol maalmeed, gabadheyda mar walba oo ay isoo wacdo wey oysaa, waxeyna i weydiisaa hadii dib loo soo celin karo ama la badbaadin karo, canugeeda ku dhashay Soomaaliya ma heysto Baasaboor” ayuu mar kale yiri aabaha haweeneyda dhibaateysan.

“Waxaan dowladda Hindiya ka codsanayaa iney ii badbaadiso gabadheyda iyo caruurta ay dhashay sida ugu fudud ee ugu dhaqsiyaha badan”

Raheem Unnisa oo iyadana ay u suuragashay iney wakaaladda wararka ANI kula hadasho qaab maqal iyo muuqaal ah ayaa caawinaad dalbatay, waxeyna sheegtay iney dhibaato kala kulanto hooyada seygeeda.

“Waxaan halkaan ku joognaa qoys ahaan, waxaan dhibaato kala kulmaa maalin walba sodohdeey, waa inaan dawarsano cuntada, fadlan nagu caawiya inaan dib ugu laabano Hindiya”

Si kastaba arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Hindiya ay bilowday olole ay dib ugu celineyso dalkeeda muwaadiniin si xoog ah loogu heystay Soomaaliya oo ay shirkadii keentay u diiday wixii ay xaqa u lahaayeen.

ISRAEL oo dhowaan ‘xiriir la sameysaneysa’ Somaliland

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa lagu warramayaa inay xiriir la yeelaneyso maamulka Somaliland, xilli Yahuudda ay ballaarinayaan xiriirada ay la yeelanayaan dalalka Islaamka ah ee gobolka.

Wasiirka Sirdoonka Israel Eli Cohen ayaa wareysi uu bixiyey dhowaan ku sheegay inay heshiis nabadeed la galayaan laba dal oo mid ka mid ah uu ku yaallo gobolka Geeska Afrika.

“Heshiiska Israel iyo Sudan ayaa dhowaan la saxiixayaa, waxaana xiga doona dal kale oo ku yaalla Geeska Afrika,” ayuu Eli Cohen u sheegay raadiyaha ciidamada Israel.

Warbaahinta Israel qaarkood ayaa ku macneeyey inuu ula jeedo Somaliland, inkasta oo Somaliland aan dal ahaan caalamka looga aqoonsaneyn.

Hadalka Eli Cohen ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay dadaal xooggan ugu jirto inay xiriir la sameysato Yahuudda, ayada oo rumeysan in taasi ay ka saacidi karto inay hesho aqoonsiga ay muddada ku dhow 30-ka sano baadi goobeyso, ee ay ku guuleysan la’dahay.

Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Somaliland ayaa horey u weydiistay xukuumadda inay aqoonsato jiritaanka Israel, ayna xiriir la yeelato Tel Aviv.

Ergeyga Somaliland ee Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa sidoo kale taageeray xiriirada ay Israel, oo uu ugu yeeray dal, la sameysaneyo dalalka gobolka sida Imaaraadka Carabta iyo Sudan.

“Dad nabad jecel ahaan, waxaan taageereynaa heshiisyada taariikhigi ah ee Imaaraadka iyo Israel. Heshiiskan wuxuu tusaale u yahay isbaheysiga dalalka gobolka ee xiiseynaya xasiloonida iyo wada-shaqeynta gobolka,” ayuu yiri.

Diyaaradaha dagaalka Ethiopia oo duqeymo culus ka fuliyey gobolka Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada cirka Ethiopia ayaa Jimcihii duqeeyey baqaaro hub oo ku yaalla gobolka Tigray, waxayna burburiyeen qalab militari, waxaa sidaas sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday goobo ku yaalla bartamaha iyo hareeraha magaalada caasimadda u ah gobolka ee Mekelle, waxayna burburiyeen gantaallada lidka dheer, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Abiy oo ay baahisay warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymaha laga fuliyey magaalada Mekelle, oo Abiy Ahmed uu ugu yeeray “wareegga koowaad ee howlgalka.”

Abiy ayaa ku hanjabay inuu sii socon doono dagaalka. “Howlgalkan waa uu sii socon doonaa illaa taliska lagula xisaabtamo sharciga,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya xisbiga maamulka gobolka Tigrayga ee TPLF.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarada oo laga heli karo hogaamiyayaasha gobolka Tigray-ga.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ee TPLF ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

TPLF waa ay beeniyeen inuu wax weerar ah dhacay, waxayna Abiy ku eedeeyeen inuu sheekadaas abuuray, si uu qiil ugu helo inuu ciidamada militariga ku daabulo gobolkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Jimcihii isku dayey inuu hoos u dhigo cabsida laga qabo dagaal lagu hoobto oo ka dhaca gobolka Tigray ee dalkaas, oo ciidamada militariga ay howlgal ka billaabeen.

Abiy ayaa sheegay in howlgalka militari ee gobolka Tigray uu leeyahay ujeedooyin xaddidan.

“Howlgallada ciidamada difaaca federaalka ee ka socda waqooyiga Ethiopia waxay leeyihiin hadafyo kooban oo lagu guuleysan karo – in lasoo celiyo amarka iyo kala dambeynta dastuuriga ah, lana ilaaliyo xuquuqda dadka Ethiopia ee ah inay ku noolaan nabad meel kasta oo ay dalka ka joogaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal usoo dhigay Twitter.

Cabdi Xaashi oo shaaciyey in madaxda DF ay bedaleen arrin lagu wada joogay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka soo horjeestay guddiga doorashada ee heer federaal ku metalaya gobollada waqooyi ama Somaliland.

Qoraal uu soo saaray Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku sheegay in magacaabista guddigaas aan lagala tashan odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee dalka.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ballantu ay aheyd in guddi hoosaadkan ay soo dhistaan siyaasiyiinta gobollada waqooyi, balse meesha laga saaray arrintaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay in guddigan ay soo magacaabeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka inay bedaleen dhaqankii siyaasadeed ee lagu wada joogay, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadaba waxaan Golaha wadatashiga, daneeyayaasha Siyaasada iyo Beesha Caalamkaba u sheegeeneynaa in Madaxda talada heysa ay bedeleen dhaqankii Siyaasadeed ee lagu wada joogay, waxna lagu qeybsan jiray, isla markaana markii xiligaan oo kale la joogo lagu soo xuli jiray Guddiyada maamulaya doorashooyinka oo la rabay inay noqdaan kuwo dhex u ah daneeyayaasha Siyaasadda oo dhinac gaar ah soo xulan,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa intaasi ku daray in aan lagu kalsoonaan karin xubnaha guddiga lagu dhowaaqay, isaga oo xusay in badi aysan garaneyn meel laga keenay, halka qaarna ay ka tirsan yihiin shaqaalaha madaxtooyada, xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo NISA.

Ugu dambeyn guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo qoraalkan ogeysiiyey dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, musharraxiinta kuraasta baarlamaanka iyo beesha caalamka ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo talada iyo soo xulida xubnaha gobollada waqooyi ama Somaliland ku metalaya doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.

Dowladda Turkiga oo bixisay qeyb ka mid ah deyntii ay IMF ku lahayd Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa bixisay lacag gaareysa 3.4 milyan oo dollar oo ka mid ah deynta ay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ku leedahay Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda Ankara.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka HIPC ee Bankiga Adduunka iyo IMF ee lagu caawiyo dalalka ay deymaha la dageen ee saboolka ah.

Turkiga ayaa noqonaya dalkii 116-aad ee gacan ka gaysta sidii Soomaaliya looga tir-tiri lahaa deynta lagu leeyahay oo markii hore dhameyd 5.2 bilyan oo dollar. Lacagtaas ayaa qeybo ka mid ah la bixiyey horraantii sanadkan, waxaana hadda haray 3.7 bilyan oo dollar.

Deynta laga cafinayo Soomaaliya ayaa gacan ka siineysa inay hesho taageero maaliyadeed oo cusub oo ka imaneysa dalalka deeqda bixiya, si ay ugu guuleysato hadafyada ay ku sameyneyso isbeddelada dhaqaale.

Turkiga ayaa saaxiib iyo xulufo wanaagsan la ah Soomaaliya, waxaana bixinta dyenta ka sokow ay Soomaaliya ka caawiyaan miisaaniyadda sanadlaha ah ee dowladda, tababarka ciidamada, iyo mashruucyo kale.

GALMUDUG oo war ka soo saartay dagaallo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixisay dagaallo u dhexeeyey ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isku dhinac & Al-Shabaab oo shalay ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Dagaallada ayaa xoogoodu waxa ay ka dhaceen tuulooyin hoos yimaada deegaanka Bulacle oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Warka ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalladaasi ay ku digeen illaa 10 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, dhankoodana ay uga geeriyoodeen ugu yaraan 3 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay inay ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay la wareegeen tuulada Ceel Cali-Mire oo koonfur bari ka xigta magaalada Dhusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaalladaasi, waxaana ay shaacisay inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidamadii weerarka ku soo qaaday.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyada oo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaano hoostaga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ayaa ciidamada huwanta waxay howl-gallo ka bilaabeen duleedka Dhuusamareeb oo ay weeraro ka soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

ROOBLE oo magacaabay guddiga doorashooyinka xildhibaanada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay guddiga doorashooyinka ee xildhibaanada kasoo jeeeda gobllada waqooyi ama Somaliland.

Guddiga ayaa waxa ay ka mas’uul yihiin in ay qabtaan doorashooyinka Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ee labada Aqal ee baarlamanka, taasi oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Xubnaha uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah:-

1 – Khadar Xariir Xuseen
2 – Sundus Ibraahim Cali
3 – Axmed Daahir Xassan
4 – Maxamed Cabdullaahi Jirde
5 – Cabdiraxmaan Cusmaan Aadan
6 – Zamzam Maxamed Faarax
7 – Najiib Xuseen Samaale
8 – Khadar Cabdalle Aadan
9 – Saynab Ismaaciil Xasan
10 – Ifraax Cumar Ducaale
11 – Umayma Cabdullaahi Ciise Good

Qoraal kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku sheegay inuu magacaabistan kala tashada siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi.

Magacaabistan ayaa imaneysa ayada oo ay horey uga soo horjeesteen guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Waqooyi oo sheegay inay doonayaan inuu Cabdi Xaashi soo magacaabo.

CC SHAKUUR oo labo arrin uga hor-yimid guddiyada doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir ayaa ka horyimid magacaabista guddiyada doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inta badan labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay HirShabelle iyo Galmudug ay yihiin xubno ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in laga soo magacaabay xafiiska taliyaha Nabad Sugidda, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in xubnaha guddiga heer Federaal ay u badan kood yihiin taageerayaasha baraha bulshada ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in labadaas qodob ee dhismaha guddiyada doorashooyinka ay yihiin kuwa aan la aqbali karin, islamarkaana ay si weyn uga soo horjeedaan ka xisbi ahaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda.

Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha.

Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah.

Codadka uu Joe Biden ku hogaaminayo Georgia iyo Pennsylvania oo sii kordhay

Philadelphia (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku hogaaminaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump codadka la tirinayo ee gobolka Pennsylvania, isagoo haatan ku hoggaaminaya ilaa 29,000 oo cod, waxaana la filayaa in farqigaas uu koro ka dib marka codadka haray la tiriyo.

Qaadashada gobolkan muhiimka ah ayaa Biden u suurtagelin karta gaarista tirada loo baahan yahay ee 270 codadka ergada doorashada si uu ugu guuleysto madaxweynenimada.

Biden ayaa sidoo kale ku horreeya gobolka Georgia wax ka badan 7,000 cod, wuxuuna hogaaminayaa gobollada Arizona iyo Nevada, inkasta oo tartamadaas aan wali lagu dhawaaqin musharraxa ku guuleystay.

Isaga oo habeenkii xalay ee Jimcaha la hadlayay taageerayaashiisa, xilli ay jireen warar la isla dhexmarayo oo ah in loo saadaalinayo in uu ku guuleysan doono Pennsylvania, Biden ayaa ku sigtay sheegashada guusha.

“Wali ma hayno cadeyntii ugu dambeysay ee guusha, laakiin tirooyinka ayaa noo sheegaya sheeko cad, oo qanaaca leh. Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” ayuu yiri Biden.

Haddii Biden uu qaato Pennsylvania, hogaamintiisa ergooyinka doorashada ayaa noqoneysa 273 cod marka loo eego wadarta guud ee ergada doorashada ee Trump oo hadda ah 214.

Nidaamkan doorasho ee Mareykanka, codka shacabka ayaa loo adeegsadaa in lagu go’aamiyo kuwa rasmiga ah ee ergada doorashada ee gobol kasta, kuwaasi oo loo qoondeeyay iyadoo lagu saleynayo tirada dadka gobolka ku nool.

Haddii Biden uu ku guuleysto gobolka Pennsylvania, waxa ay taasi sidoo kale Madaxweyne Trump ka xannibi doontaa waddada guusha.

Trump ayaa hogaaminaya tirinta codadka ee gobollada North Carolina iyo Alaska. Isaga oo aan ku guuleysan Pennsylvania, Trump ma dhaafi karo hogaaminta Biden xitaa hadii uu ku guuleysto dhamaan gobollada kale ee aan wali ku dhawaaqin musharraxa guuleystay.

Biden ayaa Trump ka horreeya 4 milyan oo ah codadka doorashada ee heer qaran. Biden ayaa haysta in ka badan 74 milyan oo cod halka Trump uu helay 69 milyan, iyadoo in ka badan 150 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee abid doorasho ka dhacda Mareykanka.

Murannada Sharciga

Trump oo qoraal Jimcihii soo dhigay Twitter ayaa uga digay Biden in uu guul hordhac ah sheegto.

“Joe Biden ma ahan in uu si qalad ah u sheegto xafiiska Madaxweynaha. Waan sameyn karaa sheegashadaas oo kale. Dacwado dhanka sharciga ayaa hadda bilowday!” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa Tweeter-ka.

Trump ayaa khudbad uu jeediyay habeenkii doorashada waxa uu ku sheegtay guul.

Ololaha Trump ayaa dood ka keenay tirinta codadka ee dhowr gobol, isagoo bayaan uu soo saaray Jimcihii ku yiri, “doorashadani ma dhamaan.”

Guddiga ololaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu ugu danbeyn ku guuleysan doono natiijada ka soo baxda dib-u-tirinta codadka ee gobollada sida weyn la isugu dhowyahay iyo dacwadaha dhanka sharciga ah ee salka ku haya eedeymaha aan caddaynta loo hayn ee musuqmaasuqa codbixinta iyo khaladaad.

Xoghayaha gobolka Georgia Brad Raffensperger ayaa sheegay Jimcihii in dib loo tirin doono codadka gobolkaasi sababtoo ah hogaaminta Biden ayaa ka yar 0.5% ee codadka la dhiibtay.

Ololaha Trump ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo tiriyo codadka gobolka Wisconsin, halkaas oo Biden uu ku guuleysanayo in ka badan 20,000 oo cod.

Qoor Qoor oo magacaabay guddiga doorashada Galmudug (Aqriso Magacyada)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay xubnaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee maamlkiisa, oo ka kooban sideed xubnood.

Xubanaha uu magacaabay Qoor Qoor, ayaa kala ah:

1 – Fahmo Xasan Maxamuud
2 – Maxamed Daahir Guuleed
3 – Cabdiraxmaan Ismaaciil Shire
4 – Maxamed Qaasim Maxamuud
5 – Cabdicasiis Nuur Yuusuf
6 – Maxamed Axmed Nur
7 – Maxamed Cabdiraxmaan Cabdullaahi
8 – Xaawo-kiin Maxamuud Cali

Guddigan ayaa maamuli doona doorashada xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka federaalka ee ka dhacaya deegaanada Galmudug, ayaga oo kaashanaya guddiga doorashada ee heer federal.

Galmudug waa maamul goboleedkii saddexaad oo magacaaba guddiga doorashada heer federal, kadib HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland, maadaama uusan jirin maamul goboleed howshan qabta oo ay kasoo jeedaan xildhibaanada waqooyi.

Magacaabistan ayaa waxaa dood geliyey qaar ka mid ah xildhibaanada waqooyi, iyo guddoomiyaha aqalka sare oo horey uga soo horjeestay in dowladda ay magacowdo, balse sida muuqata lama dhageysan.

Xog: Sheekh Shariif oo heshiis awood qeybsi dhex dhigay Xawaadle iyo Abgaal

Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle iyo dhamaan duubabka dhaqanka HirShabeelle ay go’aan ka gaareen dooddii ka taagneed cidda madaxweyne ka noqoneyso HirShabeelle.

Dad kala duwan oo aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay beesha Xawaadle ku qanceen in caasimada HirShabeelle loo celiyo Hiiraan,  islamarkaana afartii sanaba mar qaataan Madaxweynaha HirShabeelle, waxaana sidoo kale taas ogolaaday Cali Guudlaawe iyo duubabka dhaqanka.

Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka iyo Madaxweyne Sheekh Shariif u sheegay, in markii ay baarlamaanka ka gudbaan doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, sidoo kalane la dhiso xukuumad heysata codka baarlamaanka, ay golaha wasiirada ay baarlamaanka horgeyn doonaan mooshin caasimadda looga dhigayo degmo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Siyaasiin, Ugaaska Beesha Xawaadle, guud ahaan odayaasha dhaqanka ee HirShabeelle iyo Cali Guudlaawe ayaa heshiiskaan wada ogolaaday. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in lala wadaagay islamarkaana uu taageray go’aankaan.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa mugdigii iyo mad-madowgii ka jiray HirShabeelle ee dhinaca hogaanka ah, kadib dood Jowhar iyo Muqdisho ka taagneed bilooyinkii la soo dhaafay.

Si kastaba, ma cadda in baarlamanka ogolaan doonaan in dastuurka wax laga beddelo si caasimadda HirShabeelle looga raro Jowhar, waxaana suurta-gal ah in wax walba isbedelaan marka la doorto Guudlaawe.

Waxaa sidoo kale meesha ku jirta sida Guudlaawe ku aqbali doonin inuu ku shaqeeyo magaalo uu dareemayo in deegaan ahaan looga xooggan yahay.

JOE BIDEN oo ku hormaray gobolka Pennsylvania iyo waxa ay ka dhigan tahay

Philadelphia (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa qabtay hoggaanka tirada codadka gobolka muhiimka ee Pennsylvania, waxaana iska cad inuu noqon doono madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.

Gobolkan ayaa leh 20 cod oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Electroral Collage ee lagu hanto xilka madaxweynaha, wuxuuna ku filan yahay inuu Biden ka dhigo madaxweyne.

Biden ayaa hadda leh 253 cod, wuxuuna gobolka gaarsiin doonaa 273. Musharaxa madaxweynaha noqonaya ayaa u baahan 270. Tani macnaheedu wuxuu yahay in Biden uusan u baahneyn gobollada kale ee aan weli go’aanka laga gaarin.

Gobolka Pennsylvania ayaa waxaa weli ku harsan codad u badan kuwa Dimoqraadiga, waxaana la filayaa in Biden uu badankood ku guuleysto, taasi oo ka dhigeysa inaysan jirin rajo uu Trump ugu guuleysan karo gobolkan.

Qabashada hoggaanka Pennsylvania ayaa macnaheedu yahay in Rajada Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ay dhammaatay, waxaana kasoo xirmaya albaab kasta oo fursad ah, ayada oo ay u badan tahay in maanta doorashada lagu kala baxo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo Trump la loolamaya, ayaa goor sii horreysay si lama filaan ah u qabtay hoggaanka codadka gobolka Georgia, taasi oo aan marnaba la fileyn ka hor doorashada.

Gobolada  aan weli la go’aamin ayaa kala ah; North Carolina oo uu hoggaaminayo Trump, iyo Pennsylvania, Arizona iyo Nevada oo uu ku horreeyo Joe Biden.

Gobolka Pennsylvania waa gobolka uu ku dhashay Joe Biden, gaar ahaan magaalada Scranton.

R/W ABIY AHMED oo war isbeddel ah kasoo saaray dagaalka gobolka Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta isku dayey inuu hoos u dhigo cabsida laga qabo dagaal lagu hoobto oo ka dhaca gobolka Tigray ee dalkaas, oo ciidamada militariga ay howlgal ka billaabeen.

Abiy ayaa sheegay in howlgalka militari ee gobolka Tigray uu leeyahay ujeedooyin xaddidan.

“Howlgallada ciidamada difaaca federaalka ee ka socda waqooyiga Ethiopia waxay leeyihiin hadafyo kooban oo lagu guuleysan karo – in lasoo celiyo amarka iyo kala dambeynta dastuuriga ah, lana ilaaliyo xuquuqda dadka Ethiopia ee ah inay ku noolaan nabad meel kasta oo ay dalka ka joogaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal usoo dhigay Twitter.

Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii militariga ay shalay ku dhowaaqeen inay dagaal kula jiraan xisbiga TPLF ee hoggaamiya gobolka Tigray-ga kadib bilo ay xiisad u dhaxeysay gobolkaas iyo dowladda federaalka.

Abiy ayaa u muuqda inuu hoos u dhigayo xiisadda, xilli ay sii kordhayaan baaqyada beesha caalamka ee ku aadan wada-hadallo dhex-mara labada dhinac.

Waxa uu yiri “dowladda waxay muddo bilo ah si dulqaad leh isugu dayeysay inay si nabdoon u xalliso khilaafka kala dhaxeeya gobolka Tigray, waxaan isku daynay dhex-dhexaadin, dib u heshiisiin iyo wada-xaajood.”

“Dhammaan waa ay guul-darreysteen sababtoo ah isla weynida iyo madax adeegga TPLF. Tii ugu dambeysay waxay dhacday markii TPLF ay weerareen Taliska Waqooyi ee fadhiggiisu yahay Tigray,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ee TPLF ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

TPLF waa ay beeniyeen inuu wax weerar ah dhacay, waxayna Abiy ku eedeeyeen inuu sheekadaas abuuray, si uu qiil ugu helo inuu ciidamada militariga ku daabulo gobolkaas.

Joe Biden oo si lama filaan ah u qabtay hoggaanka gobol sanado badan Jamhuuri ahaa

Atlanta (Caasimada Online) – Rajada Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa sii xumaaneysa, waxaana kasoo xirmaya albaab kasta oo fursad ah, ayada oo ay u badan tahay in maanta doorashada lagu kala baxo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo Trump la loolamaya, ayaa si lama filaan ah u qabtay hoggaanka codadka gobolka Georgia, taasi oo aan marnaba la fileyn ka hor doorashada.

Joe Biden ayaa waxyar un ka badan kun cod ka horreeya Trump, ayada oo tirinta codadka gobolkaas ay gebo-gebo tahay.

Gobolka Georgia ayaan u codeyn musharax madaxwene oo Dimoqraadi ah tan iyo 1992-kii, markaasi oo uu ku guuleystay Bill Clinton, waxaana wixii markaas ka dambeeyey uu ahaa gobol Jamhuuriga ku xooggan yihiin oo la isku halleyn karo.

Haddii Biden ku adkaado gobolka, ma jirto hab uu Trump doorashada ugu guuleysan karo, xitaa haddii uu ku guuleysto dhammaan gobollada kale ee harsan ee aan weli la go’aamin cidda hanatay.

Guusha Georgia ayaa Biden siin doonta 269 cod, waxaana haddii Trump uu ku guuleysto dhammaan gobollada kale uu heli karaa 269, taasi oo go’aanka doorashada u gacan gelineysa Aqalka Wakiilada, oo ay maamulaan Dimoqraadiga. Guusha doorashada ayaa u baahan 270.

Gobolada kale ee aan weli la go’aamin ayaa kala ah; North Carolina oo uu hoggaaminayo Trump, iyo Pennsylvania, Arizona iyo Nevada oo uu ku horreeyo Joe Biden.

Joe Biden, wuxuu hadda leeyahay 253 cod, halka Donald Trump uu ka haysto 214 cod.

Maxaa iska beddali doona go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel haddii laga guuleysto?

Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uul hore uga tirsanaa dowladda Sacuudiga ayaa saadaaliyay ineysan waxba iska badali doonin go’aankii uu Donald Trump ku ogolaaday inuu Qudus ugu aqoonsado caasimadda Yahuuda, haddii looga adkaado doorashada Mareykanka.

Turki Al-Faisal, oo mar soo noqday madaxa mukhaabaraadka Sacuudiga, wuxuu aaminsan yahay in Joe Biden, haddii loo doorto madaxweynaha Mareykanka uusan beddeli doonin  go’aankii Trump ee Qudus, iyo sidoo kale kii buuraha Golan Height ee Syria lagu siiyey Israel.

Amiirka wuxuu hadalkaan kasoo yeeray isagoo ku sugan Imaaraadka Carabta, wuxuuna wali aaminsan yahay in Falastiiniyiinta aysan waxba usoo kordhineyn isbadalka ka dhaca dalka Mareykanka iyo haddii Joe Biden uu kusoo baxo xilka.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dowladaha carabta ay aaminsan yahiin in Joe Biden uu uga roonaan doono Trump dadka reer Falastiin, balse isaga aysan taas u muuqan, wuxuuna qabaa in wadadii Trump uu raaci doono.

Inkastoo ay dunida Muslimka ah aad u cambaareysay arrintaas, hadana Donald Trump wuxuu caasimadda Yahuudda u aqoonsaday Qudus sanadkii 2017, sidoo kale madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wuxuu hirgaliyay heshiis uu ugu yeeray midka qarniga.

Wuxuu isku soo dhaweeyay qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo Yahuudda, maadaama uu ka shaqeeyay heshiisyo diblomaasiyadeed oo ay Yahuudda la yeeshaan Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo dalka Suudaan.

Dadka reer Falastiin aad ayey arrintaan u cambaareeyeen, balse imaatinka Joe Biden wax isbadal ah inuu ka imaanayo uma arko amiir Turki Al-Faisal.

Donald Trump oo qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadweynaha Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka, isaga oo billaabay weerar xun oo uu ku faafiyey eedo aan wax caddeymo ah loo hayn oo ah in laga xadayo guusha doorashada Mareykanka.

“Waxay isku dayayaan inay xadaan doorashada,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Aqalka Cad, laba maalmood kadib markii ay soo dhammaatay codeynta doorashada.

Isaga oo aan wax caddeymo ah soo bandhigin, islamarkaana aan weriyayaasha u ogolaan inay su’aalo weydiiyaan, ayaa Trump wuxuu qaaday tallaabo aan caadi aheyn, oo ay kaga soo yeereen erayo aan taariikhda horey looga maqal madaxweyne Mareykan.

Waxa uu yiri in Dimoqraadiga ay isticmaalayaan “codad sharic-darro ah, si ay doorashada u xadaan.”

“Haddii aad tiriso codadka sharciga ah, si fudud ayaan u guuleysanayaa,” ayuu yiri. “Waxay isku dayayaan inay ku shubtaan doorashada. Mana ogolaan karno inay taas dhacdo.”

Cabashada Trump ayaa la xiriirta codadka doorashada ee lagu soo diray boostada, kuwaasi oo dadka qaar ay ka doorbideen inay codadkooda ka dhiibtaan goobaha doorashada.

Dad badan ayaa doortay inay codadkooda soo diraan sanadkan, ayaga oo ka walaacsan cudurka Coronavirus oo dalka Mareykanka ku dilay in ka badan 230,000 oo qof.

Si kastaba, maadaama Trump uu isku dayey inuu hoos u dhigo halista coronavirus, islamarkaana uu taageerayaashiisa u sheegay inaysan codadka kusoo dirin boostada oo ay toos u dhiibtaan, codadka boostada ayaa badankood ah kuwa Dimoqraadiga.

Sidoo kale, codadka lasoo diray ayaa tirinta lagu billaabay kadib kuwii tooska loo dhiibtay, waxaana dhacday kadib in gobollo badan oo uu ku horreeyey Trump, maadaama codadka maalinka doorashada ay ku badnaayeen taageeryaashiisa, kadib laga daba yimid ama laga hormaray markii la tiriyey kuwa lasoo diray.

Qeylo-dhaanta Trump ayaa timid ayada oo gobollo badan oo weli aan la go’aamin cidda ku guuleysatay ay u muuqdaan kuwa u janjeera dhanka Joe Biden.

Biden, oo 77 jir ah, ayaa hal ama laba gobol un u baahan si uu ugu guuleysto doorashada, ugana saaro Aqalka Cad Trump oo 74 jir ah.

Intee le’eg tahay awoodda militari ee gobolka Tigray oo ay is-hayaan Abiy Ahmed?

Mekelle (Caasimada Online) – Dagaalka dowladda federaalka Ethiopia iyo gobolka Tigray ayaa galay maalintii saddexaad inkasta oo weli si xooggan uusan u socon.

Diyaaradaha dagaalka dowladda waxay xalay duqeeyeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo beegsaday bartilmaameedyo aan illaa iyo hadda la ogeyn.

Diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaasha siyaasadda gobolka Geeska Afrika, ayaa rumeysan in dagaalkan uu noqon doono mid uusan si sahal ugu guuleysan Abiy Ahmed, sababtoo ah gobolka Tigray-ga, inkasta oo uu yahay mid ka mid ah gobolllada ugu dadka yar dalka, haddana waa mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ciidan ahaan.

Isaga oo la hadlayey taleefishinka Tigray, ayaa madaxweynaha gobolka Debretsion Gebremichael waxa uu yiri “Tigrayga waxay haystaan awood ay ku burburiyaan cadowga fog iyo kuwa soke, iyo kuwa ku istaagga nabadda ee dagaalka ku iclaamiya dadka Tigrayga.”

Hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa sheegtay in marka la isku daro militariga, ciidamada sida militari ahaanta u tababaran iyo maleeshiyada, uu gobolka Tigray haysto 250,000 oo askari.

Waxaa intaas dheer in hoggaanka gobolka ee ay is-hayaan Abiy Ahmed ay haystaan taageerada buuxda ee shacabka gobolka oo dhan lix milyan oo qof, oo diyaar u ah inay u dagaalamaan.

Sidoo kale, Taliska Waqooyi ee ciidamada federaalka Ethiopia, oo fadhiggoodu yahay gobolka Tigray, ayaa haysta nus ka mid ah dhammaan ciidanka dowladda, islamarkaana hoggaankooda waa saraakiil Tigray ah.

Tigray ayaa ah gobol ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan aad u hormaray muddaadkii ka badneyda 20-ka sano ee uu dalka hoggaaminayey Meles Zenawi oo Tigray ahaa, ayaga oo ka faa’iideystay kheyraadka dalka ee ay gacanta ku hayeen.

Sidaas darteed, ICG waxay sheegtay in dagaalka uu noqon doono mid lagu hoobto oo ay adkaan doonto in lagu kala adkaado.

Ujeedka Faransiiska uu ka damacsan yahay Kenya iyo saameynta Turkey & Somalia

Arbacadii September 30, 2020 ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron magaalada Paris. Safarka oo ku soo beegmay xilli Covid-19 uu dunida aafeyey ayaa  ahaa mid ujeeddo badan leh oo ay Faransiiska iyo Kenya ku kala saxiixdeen heshiisyo maalgelin gaarayay 1.6 bilyan yuro si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Bishii March 2019kii ayaa Macron socdaal ku kala bixiyay dalalka Jabuuti, Itoobbiya iyo Kenya taas oo warbaahinta ku tilmaamtay mid looga gol lahaa ka hortagga saameynta Shiinaha ee gobolka, balse u muuqdo in loogu gogolxaarayay saameynta Faransiisku ee Bariga Afrika.

Socdaalkaas Macron waxuu Uhuru kula saxiixday heshiisyo gaaraya ilaa 2 bilyan yuro ($2.27 bilyan) oo ay ka mid ahayd 200 malyan yuro oo uu Faransiisku ku ilaalinayo xeebta iyo badda Kenya xilli muran ka taagan yahay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya, shirkadiisa Total-na ay ka mid tahay shirkadaha shidaalka sida sharci darrada ah uga baarayo aaga badda Soomaaliyeed. 

Si lama filaan ah, shirkii Caalamiga ee Dhaqaalaha Buluugga ah (Sustainable Blue Economy) ee lagu qabtay Nairobi, ayaa dowladda Faransiiska kula saxiixtay Kenya Iskaashi Amni oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Comoros, Djibouti, Madagascar, Mauritius iyo Seychelles, balse shaki geliyay Soomaaliya.

Walow ay ka jiraan dhinaca Badweynta Hindiya fursado iskaashi oo aan la inkiri karin, haddana Faransiisku waxuu rabaa inuu muujiyo cududiisa badeed taas oo leh cabsideeda. Iskaashiga amniga ee uu la yeeshay dalalka gobolka  waa dariiq uu ku xukumayo marinnada badda ee u dhexeeya Gacanka Beershiya (Persian Gulf), Badda Dhexe (Mediterranean Sea) ilaa Badweynta Hindiya.

Xiriirka ganacsi ee Faranssiska iyo Kenya waa mid sii kordhaya sannad waliba. Faransa waa waddanka 14aad oo Kenya ay badeeca kasoo iibsato oo u badan makiinado culus, dawo iyo qalabka qurxinta, iyo beeraha, iwm. Maalgashiga Faransiiska wuxuu ahaa laba sano ka hor (2017) kudhawaad 500 malyan Yuro, halka mugga ganacsiga isla sannadkaas 171 milyan Yuro (Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransa, Dossiers Pays, Kenya).

Dhinaca kale, Faransiisku waxuu si cad u doonayaa inuu Shiinaha kula tartamo qayb ka mid ah maalgashiga dhismaha kaabayaasha sida ka muuqata heshiisyada dhawan ay Kenya ku kala saxiixdeen “Elysee Palace” oo ah madaxtooyada rasmiga ah ee Faransiika.

Paris waxay malgashiga kordhaya ee Beijing iyo Ankara u aragtaa inay caqabad weyn ku yihiin saameynteeda qaaradda, gaar ahaan “Franc Zone,” oo aan hore lagula tartami jirin. Shirkadahooda waxay raadinayaan sidii ay u kordhin lahaayeen iskaashiga Ankara kaddib markii ay arkeen in xiriirka Turkiga ee qaaradda Afrika uu sii kordhayo.

Sanadkii 2019ka ganacsiga Turkiga ee Afrika waxuu gaaray 26 bilyan oo doolar, halka ganacsiga Shiinaha ee 2018kii lagu qiyaasay 150 bilyan yuro.

Si kastaba ha ahaate, Faransiisku waxuu wajahayaa tartan sii kordhaya mana u sahlana sidii uu dalalka Afrika ugu qancin lahaa inay kala shaqeyaan maalgashi si uu u ilaalsado doorkiisa xilli Mareykanku, Shiinaha, Turkiga iyo kuwo kale ay u soo bandhigayaan kor u qaadidda xasilloonida iyo maalgashiga barwaaqeynta qaaradda, gaar ahaan Bariga Afrika.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid