25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Mahdi Guuleed oo weeraray guddoomiyaha Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo wareysi gaar ah siiyey Horufadhi Media TV ayaa weerar afka ku qaaday guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Mahdi Guuleed ayaa wareysigan ku sheegay in guddoomiyaha aqalka sare uu haatan u muuqdo hoggaamiye mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sanadihii u dambeeyey uu soo saarayey qoraallo is-daba joog ah oo uu uga soo horjeedo shaqada socota & doorashada 2020/2021.

“Dhowrkii sano ee u dambeeysay sida aad Warbaahinta kala socoteen guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu soo saarayay qoraalo isdab-joog ah,wuxuu u muuqdaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad ah,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Cabdi Xaashi inuu hoos u dhigay golaha sharci dajinta, isaga oo hoosta ka xariiqay in muddo fog aysan kulmin, islamarkaana ay baaqdeen shirar muhiim ahaa.

“Wuxuu sidoo kale hoos u dhigay golihii Sharci dejinta oo muddo ma aysan kulmin oo qeylo-dhaantooda waad ogeyd, shirarkii loo baahnaa ma dhicin,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha golaha aqalka sare ay isku hayaan dhismaha guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan xubnaha gobollada waqooyi ku metalaya guddiga doorashada ee heer federaal.

Safiirka Qadar iyo Ugaaska beesha Xawaadle oo kulmay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah xaruntoda magaalad Muqdisho kula leh Ugaaska Beesha Xawadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugas Rooble, kaas oo ku saabsan arrimo xasaasi ah oo ku saabsan gobolka Hiiran.

Ilo waredyo aad ugu dhaw Safaaradda Qatar ee Muqdisho ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in kulan muhiim ah uu ka soconayo xarunta Safaaradda ee Muqdisho iyado ujeedka uu yahay in Ugaaska uu kala hadlayo safaaradda waxyabo badan oo khuseya danaha dadka ku nool gobolka Hiraan.

Waxyaabaha kulankaan muhiimka ah uu ugaaska kala hadlayo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan Hamza waxaa ka mid ah mashaariic muhim u ah Bulshad ku dhaqan gobolka Hiran oo ay ka mid yahiin arimaha Fathaadaha oo saameyn balaarn ku yelanayay mudooyinkii dambe dadka deegaanadaas.

Waxyabaha kale ee Ugaaska uu kala hadlayo safiirka Qatar waxaa ka mid ah Mashaariic waxbarsho, mid dhismo oo lagu dhisayo waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka, arrimaha Caafimaadka iyo mashaariic kale oo danta dadka Gobolka Hiiran muhiim u ah.

Ilo wareedyad waxey sidoo kale daaha ka rogeen in kulankan muhiimka ah uu isku xirkiisa leyahay Xildhibaan Cabdicasis Saalax Arman oo ka mid ah xildhibanada Federalka ee laga soo doorto Hir-Shabeelle.

Kulankaan muhimka ah wuxuu kusoo aadaya xili dadka gobolka Hiiraan ay u baahan yahin in waxyaabo badan laga gacan siiyo, waxyaabaha ugu weyn ee kulankaan sare u qaadaya muhimadiisa waxaa ka mid ah in looga hadlayo arrimaha Fatahaadaha oo ay mudooyinkii dambe badn ku guryo beeleen, kuwana kaga qaxen Guryahoda, halka qaarkoodna ay wax soo saarka beerahoda saameeyeen.

Safaaradda Qatar waxey muddooyinkii dambe ku hawlaneed gacan siinta dowladda Soomaliya iyadoo sidoo kale gudaha wadanka ka fulisay Mashaariic horumarineed oo dadka Soomaalida waxtar u leh.

Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray natiijada doorashada Mareykanka xilli Trump uu diidan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden oo shalay ku guuleystay tartankii uu la galay Donald Trump.

Farmaajo, oo qoraal soo dhigay twitter-ka, ayaa sidoo kale u hambalyeeyey madaxweyne ku-xigeenka la doortay ee Mareykanka Kamala Harris.

“Soomaaliya waxay idiin rajeyneysaa inaad ku guuleysataan howlihiina. Waxaan sugeynaa wada-shaqyentiina iyo saaxiibtinimadiina dhow. Mareykanka waxa uu saaxiib iyo xulufo xooggan u yahay kobaca iyo horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, Donald Trump ayaa diiday inuu aqablo natiijada doorashada madaxweynaha Mareykanka.

Trump, oo golf ku cayaarayey Waqooyiga Gobolka Virginia ee deriska la ah Washington markii tratnka lagu kala baxay, ayaa soo saaray bayaan isaga oo isku dayaya inuu waxyeeleeyo sharciyadda doorashada, soona jeedinaya eedeymo aan caddeyn loo hayn oo la xiriira qiyaameyn.

“Doorashadan aad ayey uga fog tahay mid dhammaatay,” ayuu yiri Trump. “Joe Biden weli looma sharciyeyn inuu ku guuleysto xitaa hal gobol, iskaba daaba gobollada aadka la isugu hayo, iyo kuwa ololaheena uu hayo loolan sharci ah oo ugu dambeyn go’aamin doona qofka guuleystay.”

Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu maalinta Isniinta ah qaadi doono tallaabooyin sharci ah, isaga oo maxkamadaha ka furi doona dacwado la xiriira qiyaameynta uu sheegay in lagu sameeyey.

Maleeshiyo hubeysan oo dil iyo dhaawac haween ugu geystay gobolka Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen gobolkaasi.

Weerarka oo ka dhacay duleedka deegaanka Xananbuure ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday haween xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ugu yaraan labo haween ah ay ku dhaawacantay rasaasta ay fureen maleeshiyaadka, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Cadaado.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markale maleeshiyada geysatay weerarkaasi ay wadada u gashay gaariga soo qaaday dhaawacyada, islamarkaana ay rasaaseeyeen, waxaana goobta ku geeriyootay mid ka mid ah haweenka dhaawaca ah iyo sidoo kale nin ka mid ah dadkii soo qaaday dhaawacyada oo la socday gaariga.

Maleeshiyada fulisay weerarkan ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka weerarkan ayaa salka ku hayo colaado u dhexeeyo beelo wada daga halkaasi.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal salka ku haya arrimo la xiriira aano Qabiil.

Caqabadaha haysta labada guddi ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo ka hor shaaciyay liiska guddiga farsamada ee doorashooyinka qaranka iyo guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa maalmaha soo socdo billaabi doono shaqada waxaana laga sugayaa in ugu dambeyn 8-da bisha Febraayo, ay dhacdo doorashada Madaxweynaha maadaama ay maalintaas ku egtahay waqtiga Madaxweynaha Soomaaliya ee hadda talada haya.

Dr. Cusman Shariif oo kamid ah aqoonyahaanada Muqdisho ayaa sheegay in culeysyo badan ay wajihi doonaan guddigaan iyo xubnaha la shaqeeyo.

“Dhib badan ayey mari doonaan sababtoo ah waa dhalinyaro aan waligood maamulin doorasho waliba aan ka heysan faham badan waa dhibka 1-aad waxaase ka sii daran in meesha loo geeyay in ay ka shaqeeyaan dan shaqsi oo iyadana keeni karta dhibaato kale oo aan yareysan,” ayuu yiri Dr. Cusman Shariif oo la hadlay Caasimada Online.

“Caqabadaha kale waxaa kamid ah saameynta siyaasada oo mucaarad iyo muxaafid ah, faro gelin gudaha iyo dibada ah, beelaha iyo rabitaanka xil doonayaasha amaanka iyo dhaqaalaha ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ka hor imaan kara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Cusman Shariif oo ka faalooda arimaha siyaasada Soomaaliya.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Qaranka iyo kuwa xalinta khilaafaadka doorashada ayaa u badan dhalinyaro aan waaya arag aheyn, inkastoo ay ku jiraan qaar badan oo aqoonyahaano ah.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo aad u adag ayaa keeni karta in guddiyadaan wajahaan daruufo adag oo doorasho.

Cabdi Jimcaale oo lagu dilay dalka KOONFUR AFRIKA

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed loogu geystay dalka K/Afrika.

Marxuumka ayaa waxaa magacaabi jiray Cabdi Jimcaale, sida ay sheegeen qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Kooxo madow ah oo hubeysan ayaa la sheegay inay ku dileen xaafada Elsis oo ka tirsan magaalada Cape Town ee wadankaasi Koonfur Afrika.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dalkaasi, balse ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen dilka kadib ama cid loo soo qabtay.

Ganacsatada Soomaalida oo ka hadlay dhacdadaan iyo kuwii ka horreeyey ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarada joogtada ah ee lagu hayo.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa sii kordhayey weerarada, dilalka iyo boobka lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika.

Jeesow oo soo jeediyey in la baabi’iyo mid ka mid ah wasaaradaha DF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa maanta laga hor akhriyey warbixino laga soo diyaariyey saameynta Coronavirus dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya uu ku yeeshay.

Waxaana xogihii lagu soo bandhigay kulanka golaha aragtiyo ka dhiibtay xildhibaano uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow oo soo jeediyey talloyin ay ka mid tahay in la baabi’iyo jiritaanka wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Masiibooyika ee xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya loogu tala galay in aysan dalkeeda wax ka soo saaray ee gargaarka caalamka oo kaliya ay sugto, iyadoo dowladdu u sameysay wasaarad u gaar ah, balse hadda ay tahay in laga gudbo, sida uu hadalkiisa u dhigay xildhibaan Jeesow.

“Ma rabno hey’adahaan Ga’leyda la cararaaya, wasaaradda aan u sameysanana hanagal baabi’iyo, gargaar uma baahnin, dalkeenu horumarin ayuu u baahanyahay” ayuu yiri

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Anigu waxaan soo jeedinayaa aan u yeerno wasiirka qorsheynta, ee aan u sheegno in hey’ad dad quudineysa aanaa rabin ee hey’ad wax soo saarka dalka naga gacansiineysa aan rabno.”

Hoos ka Daawo

Dabageed oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax + Video

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa goobtii ku soo bandhigay musharaxnimadiisa waxa uu ka sheegay in meel aan HirShabeelle aheyn uusan aadi doonin hadii uu guuleysto iyo haduu guul dareystaba.

“Aniga Musharax ayaan ahay, waa i taqaaniin oo nin haduu wax helo diyaarad inka raaci doona maahi, nin haduu wax waayana inka tegi doona maahi, kaliya HirShabeelle waxaan ka tegayaa markii Ilaahey I oofsado,” ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in hadii uu guuleysto uu noqon doono dhakhtar u soo baxay HirShabeelle, isla markaana uu u jaheyn doono wado ka duwan tii afartii sano ee lasoo dhaafay ay ku socotay.

“Hadaan ka mid noqdo odayaasha HirShabeelle oo aan talada wax ka yeesho, waxaan keeni doonaa maamul ka duwan kii afartii sano ee la soo dhaafay aad soo arki jirteen, meelaha ay HirShabeelle la’dahay oo dhan ayaan ognahay, waxaana idiin balan qaadayaa hadaan ku guuleysto xilkaas inaan dhakhtarka HirShabeelle noqon doono, oo daawada ay u baahantahay aan qori doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Yuusuf Dabageed.

Ugu dambeyntii musharax Dabageed ayaa yiri, “Waxaan u sharaxanahay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle umadda maamulkan uu ka dhaxeeyo oo dhan ayaan u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan, waxaan rabaa inay ii soo duceeyaan.”

Yuusuf Dabageed ayaa ka soo jeeda beesha Xawaadle oo afartii sano ee la soo dhaafay heysatay xilka madaxweynaha HirShabelle, balse hadda waxay u muuqataan in beeshiisa lagu qanciyey inay qaadato madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, kadib muran xilkaas mudooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa cidda qabaneysa.

Hoos ka Daawo

Waa kuma Joe Biden?

Joe Biden waa ninka tartanka adag la galay Donald Trump, wuxuu ahaan jiray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowladdii Obama, siddeedii sano ee hoggaanka Mareykanka uu hayay.

Waa musharax ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka, kaas oo Donald Trump uga guuleystay doorashada, wuxuuna noqonayaa madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.

Sida ay sheegayaan taageerayaashiisa, wuxuu muddo tobonaan sano ah ka soo shaqeeyay siyaasadaha arrimaha dibadda, waana nin aftahan oo soo jiidan kara dadka caadiga ah. Waxaa lagu tilmaamay nin geesi ah oo u adkeystay dhibaatooyin soo maray noloshiisa, wuxuuna muddo 50 sano ku dhow u ordayay siduu madaxweyne uga noqon lahaa Mareykanka.

Halka dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa ay ku sheegaan in uu yahay nin u nugul jeedinta hadallada khaladaadka badan uu ka muuqdo.

Haddaba, waa kuma Joe Biden?

Waa nin hadalka boobsiiya

Biden kuma cusba ololaha doorashada – Wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo bilowday magaalada Washington, xilligaas oo uu ku biiray Aqalka sanetka, sanadkii 1973-dii, oo hadda laga joogo 47 sano, halka ololaha doorashada madaxtinimada uu bilaabay sannadkii 1987-dii oo haatan laga joogo illaa 33 sano.

Wuxuu qanciyaa taageerayaasha ku buuqa ama kuwa fowdada sameeya xilliga ololaha doorashada ku jiray, waxaana suuragal ahayd in hal oraah uu ku dejiyo.

Marka uu ka qeyb galayo isu soo baxyada siyaasadeed Biden wuxuu ku anddacoodaa: “Awowyaashey waxay ka shaqeyn jireen goob dhuxusha laga qodo oo ku taalla waqooy bari Pennsylvania,” wuxuuna si caro leh u sheegaa in aysan helin fursadahii ay mudnaayeen in la siiyo.

Balse, xaqiiqada waxay tahay in awowyaashiisa aysan aheyn dad dhuxusha qodi jiray, wuxuuna hadalkaas ka soo xaday siyaasiyiin uu ka mid yahay Neil Kinnock oo ay dad ka mid ah qaraabadiisa ahaayeen dadka dhuxusha ka shaqeysta.

Si uu u xoojiyo danahiisa siyaasadeed, wuxuu sannadkii 2012-kii dad ka qeybgalayay isu soo bax u sheegay: “Waxaan idiin sheegayaa, in aan garanayo ilaa siddeed madaxweyne, saddex ka mid ah waxaan naga dhexeeyay xiriir dhaw.”

Wuxuu nasiib u yeeshay in uu madaxweyne ku-xigeen u noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah, Barack Obama, wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay “qofkii ugu horreeyay oo Afrikaan Amerikaan ah oo reer magaal ah oo aftahan ah oo maskax leh”

Joe Biden wuxuu taageeraa bulshada madowa ah sida ka muuqato haddallo uu ka jeediyay ololahiisa doorashada.

Rugcaddaa dhanka ololaha doorashada

Joe Biden wuxuu si weyn ula macaamilaa taageerayaashiisa, isagoona u muuqda qof ka dhaadhicinaya waxa uu doonayo.

Wuxuu sheegay in uu jecel yahay in waxa ku jira qalbigiisa uu bannaanka keeno, intuu wax ka akhrin lahaa warqadda ama qalabka kale ee wax lagu qorto oo siyaasiyiinta la hor dhigo marka ay khudbadaha jeedinayaan.

Biden waxaa uu awood u lahaaday in uu khudbad u jeediyo shaqaalaha Mareykanka ee loo yaqaano blue-collar, wuxuuna bilaabay in uu gacan qaado oo uu dhabarka ka taabto, sawirra na la galo.

“Wuxuu ku dhawadaa in uu laabta geliyo, isaga oo la hadlaya ama si toos ah ula macaamilayaa,” ayuu yiri xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Joe Biden oo la hadlayay jariiradda New Yorker.

Eedeymaha loo jeediyay

Siddeed haween ah ayaa sannadkii la soo dhaafay Biden ku eedeeyay in uu kula kacay falal anshax xumo, sida in uu laabta geliyay ama uu dhunkaday. Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay Biden oo haweenka salaamaya isagoo aad ugu dhaw – mararka qaarna wuxuu sanka saartaa timahooda.

Biden oo eedeymahaas ka jawaabayay wuxuu ballan qaaday “in uu noqonayo qof feejigan” marka uu dadka la kulmayo.

Bishii March, haweeney lagu magacaabo Tara Reade waxay ku eedeysay Biden in uu ku ciriiriyay gidaarka xafiis, xilli uu doonayay in uu sameeyo weerar galmo, muddo 30 sano ka hor, waxay haweeneydaas aheyd ku-xigeenka xafiiska xilligaas.

Biden wuxuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay oo uu sheegay “in arrintaas aanay dhici karin”.

In uu iska ilaaliyo khaladaad la mid ah kuwii hore

Marka laga soo tego dhibaatooyinkii hore ee uu saameeyay, taageerayaasha Biden waxay ku rajo weyn yihiin in uu kusii dhaganaado dabeecadihiisa ah in uu dadka caadiga ah u roonaado, isla markaana uu iska ilaaliyo dabin-daabyada ay ku dhaceen musharraxiinta isaga ka horreeyay ee Dimuqraadiga.

Wuxuu leeyahay khibrad ka badan 30 sano oo ku soo dhex jiray Aqalka Sanetka ee Mareykanka, halka 8 sano uu madaxweyne ku-xigeen.

Taageerayaasha Biden waxay rajo ka qabaan dabeecaddiisa ah in uu yahay nin aan dadka iska weyneysiin, iyo in mar kale uusan la kulmi doonin dhibaatooyinkaas.

Taariikhda dheer

Biden waxaa looga bartay in uu wax ka sheego ama uu ku lug lahaado dhacdooyinka waaweyn ee ka dhaca Mareykanka, sannadihii la soo dhaafay.

Sannadihii 70-maadkii, wuxuu garab is taagay koox cunsuri ah oo ka soo hor-jeeday in carruurta ka soo jeedo qowmiyadaha kala duwan ay hal meel wax ka wada bartaan, gaar ahaan iskuullada dowladda. Waxaana arrintan loo adeegsaday weerar isaga ka dhan ah xilliggii uu ku jiray ololaha doorashada.

Siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga waxay soo qaataan hadal hore uga soo baxay xoghayihii gaashaandhigga dowladdii Obama oouu yiri: “Biden wuxuu khalad ka sheegi jiray ku dhawaad dhacdo kasto weyn oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda, in ka badan 40 sano”.

Masiibadii qoyska

Arrinta murugada ah ee heysata Biden waxay tahay masiibo taabatay noloshiisa, taas oo ah geeri ku timid qaar ka mid ah qoyskiisa.

Xilli la filayay in la dhaariyo ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee kursiga Sanetka, waxaa shil gaari ku dhintay xaaskiisa, Neilia iyo gabadhiisa Naomi, halka labo ka mid ah carruurtiisa uu dhaawac ka soo gaaray.

Wiilkiisa Beau ayaa markii dambe u dhintay kansarka ku dhaca maskaxda.

Awoodda, musuqa iyo beenta?

Wiilkiisa Hunter wuxuu ahaa qareen iyo nin u doodo xuquuqda aadanaha ka hor inta xaaladdiisa aysan faraha ka bixin.

Xaaskiisa ayaa ku aragtay wiilka oo isticmaalaya daroogo, waxaana wiilkiisa laga saaray shaqada ciidamada badda ee Mareykanka ka dib markii la ogaaday in uu isticmaalayay daroogada nooca Cocaine loo yaqaano.

Wuxuu jariiradda New Yorker u sheegay in maalqabeen Shiinees ah uu ka helay dheeman, ka dibna saraakiisha Shiinaha waxay ku sameeyeen baaritaan dhanka musuq maasuqa ah.

Xil ka qaadis

Arrinta sida weyn loo maalgeliyay waxay aheyd tii Ukraine, taas oo horseeday in eedeymo loo jeediyo Trump isla markaana horseeday in madaxweynaha Ukraine uu baaritaan dhanka musuqmaasuqa ku sameeyo wiilka Biden, ee lagu magacaabo Hunter.

Wicitaan dhanka taleefanka ah, oo 25 July, dhexmaray Mr Trump iyo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, wuxuu horseedday inay cabasho muujiyaan koox ka shaqeysa sirdoonka oo xogta bixiyay taas oo sababtay in laga hadlo xilkaqaadistii Trump, inkasta oo markii lagu guuldareystay in xilka laga qaado Trump.

Siyaasadda arrimaha dibadda

Fadeexadaha ka dhaca dibadda waa kuwa dibaato u keeni kara Biden. Wuxuu horey u ahaa guddoomiyaha guddiga Aqalka Sanetka u qaabisan siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuuna la kulmay madaxweyne kasta oo dunida ka taliya, 45-tii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa siyaasaddiisa lagu tilmaamaa mid dhexdhexaad ah.

Wuxuu ka soo horjeestay dagaalkii lagu qaaday khaliijka sannadkii 1991-dii, wuxuuna taageeray duullaankii lagu qaaday Ciraaq sannadkii 2003-dii, inkasta uu dhaleeceeyay markii dambe ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dagaalladaas.

Biden waa nin taxaddar badan, wuxuu Obama kula taliyay in uusan qaadin weerakii gaarka ahaa ee lagu dilay hogaamiyihii Al Qaacidda Osama Bin Laden.

Arrinta filan waaga noqotay waxay tahay, in Al Qaacidda aysan ka fileyn wax badan, dokumentiyo la helay oo ay baahiyeen CIA-da ayaa lagu sheegay in Osama Bin Laden uu amar ku bixiyay in la dilo Obama balse aanan la dilin madaxweyne ku-xigeenkiisii, Joe Biden.

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hor-timid guddiyada doorashada kadib markii ‘lagu soo daray’ xubno…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal ay goor dhow soo saartay aad ugu cambaareysay hanaanka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaalka.

Qoraalka Madasha oo ka kooban shan qodob ayaa lagu sheegay in guddiyada la soo magacaabay ay ku jiraan xubno ka tirsan hey’adda Nabad sugidda Qaranka iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Madashu waxay qoraalkan ku cadeysay in arrinkaasi uu baalmarsanyahay shuruucda dalka u yaalla, heshiiskii doorahada iyo xeerka baarlamaanka.

“Taasi waxay dhaawaceysaa kalsoonida lagu qabi karo, hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah inay dalka ka dhacdo,” aya lagu yiri war-saxaafadeedkan ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Sidoo kale Madasha ayaa sheegtay inay cadeyneyso in xukuumadda federaalka aysan wax sharciyad ah u laheyn inay soo magacaawdo xubnaha gobollada waqooyi ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaalka.

“Taasi waxay gef ku tahay nidaamka metelaadda dalka, isu-dheeli-tirnaanta iyo madax-banaanida guddiyada doorshada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madasha Xisbiyada ayaa talo ahaan u soo jeedisay in hanaankii doorashadii 2016-kii loo maro soo doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland, isla markaana howshaas loo madax-baneeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ‘maadaama uu ka mid yahay hoggaanka ugu sareeya dalka, kana soo jeeda’ gobollada waqooyi.

“Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay ka waantoobaan, kana fogaadaan, tallaabooyinka dhaawacaya hufnaanta doorashada iyo hanaankii doorasho ee lagu heshiiyey” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Ugu dambeyntii Madashu waxay ku shaacisay qoraalkan inay ka sii afeefaneyso in wax kasta oo keeni kara muran iyo isqabsi shaki geliya madax-banaanida guddiyada iyo natiijada doorashooyinka goleyaasha baarlamaanka federaalka ay qaadi doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

DR. DUFLE oo caawa ka badbaaday isku day dil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax noociisa lagu sheegay miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa caawa lala beegsaday gaariga Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo marayey wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayey dhawacyo ka soo gaareen qaraxaas, waxuuna burbur xoog leh soo gaaray gaariga Digtoorka, illaa hadana ma cadda in goorta la qarxiyey gaariga uu la socday Prof. Dufle, balse waxaa la xaqiijiyey inuu bad-qabo.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn taallada Sayidka oo ay Bar Conrtol ku leeyihiin ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa haatan ah Senator ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale qaraxyo loola beegsaday Dr. Dufle, balse wax kuma noqon.

Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho ka fuliya qaraxyada noocaan oo kale ah, waxayna la beegsadaan gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay la socdaan, waxaase xusid mudan in khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro shacabka.

Habeen ka hor ayaa isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho qarax noocaan oo kale ah lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax, waxaana looga dhaawacay laba askari.

JOE BIDEN oo loo doortay madaxweynaha Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Joseph Robinette Biden Jr. oo loo yaqaan Joe Biden ayaa loo doortay madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka kadib afar maalmood markii shacabka Mareykanka ay u dareereen goobaha cod-bixinta.

Guusha Biden ayaa lagu dhawaaqay kadib markii uu ku guuleystay gobolka muhiimka ee Pennsylvania iyo gobolka Nevada oo ka mid ahaa gobollo ay tirinta codadkooda qaadatay afar maalmood.

Joe Biden ayaa guusha uu ka gaaray Pennsylvania iyo Nevada waxay siisay 279 oo ah codadka Electoral College, isaga oo u baahnaa 270. Waxaan weli harsan gobollo kale oo codadkooda la tirinayo sida Arizona, Georgia iyo North Carolina, taasi oo codadkiisa sii kordhin karta.

Gobolka Pennsylvania waa gobolka uu ku dhashay Biden, inkasta oo uu ka guuray yaraantiisa, oo uu degay gobolka Delaware, hase yeeshee dadka gobolkaas ayaa ka dhigay madaxweyne iyaga oo siiyey codadkii gaarsiiyey 270 cod iyo ka badan.

Joe Biden oo 77 jir ah ayaa siyaasadda Mareykanka ku jiray 45 sano, isaga oo soo noqday Senator, xilkaasi oo uu hayey in ka badan 30 sano, kadibna sanaddii 2008 noqday madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, xilkaasi oo uu hayey 8 sano.

Kamal Harris ayaa noqoneysa madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka. Waa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata, sidoo kalena ah qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee noqda madaxweyne ku-xigeen.

Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee xilka difaacan waaya, tan iyo 1992-kii markaasi oo George H.W Bush laga adkaaday 4 sano kadib, ayada oo uu ka guuleystay Bill Clinton.

QARAX caawa ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in qarax caawa uu ka dhacay agagaarka maqaayad kasoo horjeedda hotelka Dayax oo u dhow Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay miino lasoo geliyey bac madow oo la dhigay dibedda maqaayadda, taasi oo qaraxday waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka laga lahaa qaraxa, iyo haddii ay jirto cid loola dan lahaa intaba. Naga filo faah-faahin ku saabsan qaraxa dhowaan Insha Allah.

Xog: Maamulka G/Banaadir oo arday badan iskuullada ugu eryey sabab yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobalka Baanadir ayaa billaabay in ay Iskuulada ka ceyriyaan tobaneeyo kamid ah Ardayda Class-ka 4-aad ee Dugsiga sare kadib markii la sheegay in ay ku dhaceen Imtixaanka tijaabada ah ee Bilaha ah, kaas oo lagu tijaabiyo heerka aqoonta ardayga cashiradii ugu dambeeyay.

Imtixaanka Bilaha ah oo todobaadyo ka hor soo dhamaaday ayaa la sheegay in dhamaan Ardayda dhacday islamarkaana dhigta Iskuulada dowladda ee dhowaan lagu wareejiyay dowladda Hoose ee Xamar la eryay, halka kuwa natiijada hoose ku baasayna loo sheegay waalidiintooda si bisha dambe is-badal wanaagsan la yimaadaan.

Sidoo kale Imtixaanka Bilaha ah ee dhowaan qabsoomay ayaa tijaabo u ahaa heerka fahamka ardayga ee Manhajka cusub ee dowladda oo sanad dusgiyadeedkan si rasmi ah u bilaawday.

Arrintaan ayaa dowladda kaga golleedahay sida la tilmaamay in ay yareyso ardayda ku dhaceysa imtixaanka shahaadiga ah maadaama sanadkii lasoo dhaafay Arday farabadan ay ku hoobteen imtixaankii la qaaday, kuwaas oo u badnaa arday reer Muqdisho ah, taasi oo ka careysiisay shacabka.

Sidoo kale maamulka gobalka Banaadir ayaa la sheegay in ay diyaarinayaan arday aqoon leh oo ka bixi karta Imtxiaanka Qaranka islamarkaana ardayda ku harta Imtixaanka Bilaha ah laga reebi doono Imtixaanka Guud ee Qaranka, si aysan ceeb kale ugu soo hoyan gobolka.

Arintaan ayaa aad loo hadal haayaa goobaha Waxbarashada, waxaana la sheegay in ay hadda socoto doodo arrintaan ku saabsan oo ay waalidiintu ku codsnayaan in markaan loo fasaxo si ay ugu cadaadiyaan in bisha dambe aysan dhicin.

Xog: Maxay isku hayaan R/W Rooble iyo Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wali waxaa taagan doodda ku saabsan xubnaha guddiga doorashooyina qaranka iyo heer maamul gobaleed ku matali doono gobollada waqooyi ama Somaliland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiyadaan qaarkood magacaabay kadib markii la sheegay in ay soo jeediyeen xubnaha wasiirada ee goballada waqooyi kuna jira Xukuumadda Rooble.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday guddiyadaan, waxa uuna ku tilmaamay sharci darro iyo xagudub ay ku kacday Villa Somalia.

Xukuumada Soomaaliya iyadoo ka duuleysa rabitaankeeda ayey guddigaan u wakiilatay Golaha Wasiirada ee Somaliland ka soo jeeda iyagoo raacay wadadii sanadkii 2016-kii, halka uu diidan yahay Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa qaba in markaas ay sax aheyd maadaama siyaasiinta Somaliland matala ugu weynaa Ra’iisul wasaare ku xigeenkii xiligaas Maxamed Cumar Carte Qaalib, balse hadda la sameeyay Aqal Sare islamarkaana siyaasiinta Somaliland uu ugu sarreeyo Cabdi Xaashi.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi waa sax, qolada kalane waxey ku doodayaan waxaan raacnay tii 2016-kii sababtoo ah heshiiskii doorashada ee baarlamaanka laga ansixiyay laguma cadeynin cidda keeni doonta lkn waxaa xaq u leh Cabdi Xaashi maadaama uu isaga noogu sareeyo,” ayuu yiri Ibraahim Iidle Suleybaan guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee Soomaaliya kana tirsan siyaasiinta waqooyiga.

Lama oga diidmada Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS saameenta ay ku yeelan karto shaqada guddigaan oo la filayo in ay dhowaan shaqada galaan.

Aqris: Jadwalka doorashada madaxweynaha maamulka HirShabelle oo la shaaciyey

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Guddiga Dorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabelle ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabanaayo doorashada hogaanka maamulkaas.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in si taxane ah loo qaban doono doorashad hoganka mamulka, laga bilaabo is diiwaan galinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigenka oo lo qorsheeyay 8-da ilaa 9-ka bishaan.

Waxa xigi doonta musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigenka oo hadal jeedintoda ay dhaceyso 10-ka bisha November.

Guddiga doorashada waxey sidoo kale shaaciyeen in doorashada madaxweynah iyo madaxweyne ku xigeenka la qabn doono 11-ka November.

Hirshabelle waxey isku diyaarineysaa iney doorato hogaan cusub madaama madaxweynahii hore uu dhawaan iska casilay xilka madaxtinimada, waxaana isha lagu heyn doonaa qofka loo doorto inuu sanadaha soo socdo hogaamiyo Hirshabelle.

Sheekh Shariif oo u duulay dalka Jabuuti iyo sababta ka dambeysa safarkiisa

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta u safray dalka Jabuuti, waxaana faah-faahin yar laga bixiyay ujeedka safarkiisa.

Ilo ku dhaw Sheikh Shariif ayaa Caasimada Online u sheegay in safarkiisa uu ku qotomo kulamo uu halkaas kula yeelanayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo masuuliyiin kale oo aan la magacaabin.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Shariif Sheekh Axmed wuxuu laba jeer tagay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle halkaas uu kulamo kula yeeshay masuuliyiin halkaas kasoo jeeda iyo odayaasha dhaqanka, iyadoo wali lagu jiro arrimaha doorashooyinka maamulka.

Safarka Sheikh Sharifi ee Jabuuti wuxuu ku saabsan yahay arrimo la xiriira ololahiisa doorashada, waxaana la xasuustaa in xukuumadii kumeel gaarka aheyd uu madaxda ka ahaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2012 lagu soo doortay dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti wuxuu markaas martigaliyay wada-hadaladii u dhaxeeyay dowladii uu hogaanka u hayay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo isbaheysigii ARS, waxaana halakas ka dhashay in la dhiso dowlad Midnimo Qaran oo ay labada dhinac ku mideysan yahiin Baarlamaanka.

Musharaixinta xilka madaxtinimada Soomaaliya waxey inta badan ololahoosa ka wadaan dalalka dibadda iyo wadamada saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, waxeyna doonayaan iney taageero buuxda u helaan ololaha ay ku doonayaan iney Soomaaliya uga taliyaan afarta sano ee soo socota.

Baarlamanka ITOOBIYA oo go’aan culus ka soo saaray dagaalka gobolka Tigray-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Iyada oo ay weli isa sii tareyso marba marka ka dambeysa xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Tigray-ga ee dalka Itoobiya ayaa waxaa arrintaasi kulan deg-deg ah saaka ka yeeshay golaha aqalka sare ee wadankaasi.

Kulanka oo ahaa mid aan caadi aheyn ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda qasan ee gobolkaasi oo ay ka socdaan dagaallo xoogan.

Golaha ayaa cod aqlibiyad leh ku meel-mariyey in ay dowladda federaalka Itoobiya faro-gelin toos ah ku samayso deegaanka Tigrayga, si looga hortago xiisadaasi.

Sidoo kale baarlamaanka Itoobiya aya ogolaaday in xukuumadda Addis Ababa ay maamul KMG ah u magacowdo gobolkaasi, si meesha looga saaro maamulkii hore.

Go’aanka ka soo baxay baarlamaanka ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan ciidamada federaalka Itoobiya ay bilaabeen inay duqeeyaan gobolka Tigray-ga.

Itoobiya ayaa gashay xaalad adag, iyada oo uu faraha ka baxay ammaanka gobolka Tigray-ga oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Sudan oo war ka soo saartay geerida SHEEKH NUUREYN

0

Khartuum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ayaa war ka soo saartay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheekh Nuureyn Maxamed Sadiiq oo ahaa xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka, islamarkaana si weyn loo jeclaa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Diinta Suudaan ayaa waxaa lagu faah faahiyey shil gaari oo uu ku dhintay wadaadkaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Umdurmaan.

Ugu horreyn wasaaradda ayaa ka tacsiyadeysay geerida marxuumka oo si weyn u qabsatay baraha bulshada ay ku xiriirto ee Internet-ka.

Wasaaradda ayaa shaaciyey in sidoo kale ay shilkaasi gaari ay ku geeriyoodeen saddex ruux kale oo la socotay Sheekh Nuureyn oo kala ah: Cali Yacquub, C/laahi Cawad Al-Kariim & Mahad Al-Kanaani, halka dhaawac uu soo gaaray Maxamed Xamdaan Daqlow.

Sheekha oo ka soo jeeda magaalada Baaraa oo ku taalla waqooyiga gobolka Kurdufaan ee Suudaan ayaa Imaam ka noqday Masaajidka ugu caansan caasimada Khartuum.

Suudaan wuxuu Sheekhu ku metalay AUN tartamo Qur’aan aqris ah oo ka kala dhacay dalalka Malaysia & Imaaraadka Carabta iyo wadamo kale.

Doorashada Mareykanka – Donald Trump oo ay kasoo xirmeen albaabada guusha

Washington (Caasimada Online) – Doorashada Mareykanak ayaan weli si rasmi ah loogu kala bixin, hase yeehee waa ay caddahay inuu ku guuleysanayo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden.

Biden ayaa ku horreeya afar ka mid ah shanta gobol ee aan weli la go’aamin, wuxuuna u baahan yahay inuu ku guuleysto hal ama laba ka mid ah, ayada oo ay ku xiran tahay tirada codadkooda, si uu u noqdo madaxweynaha cusub.

Biden ayaa hoggaaminaya codadka gobollada Pennsylvania, Georgia, Arizona iyo Nevada, halka Trump uu ku horreeyo gobolka North Carolina. Wuxuu madaxweyne ku noqon karaa inuu ku guuleysto gobolka Pennsylvania ama laba ka mid ah afarta kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa haysta 253 codadka ergada doorashada ah (Electoral College), wuxuuna u baahan yahay 17 kale si uu u gaaro 270. Trump ayaan soo dhoweyn, wuxuuna joogaa 214, waana inuu ku guuleystaan afar ka mid ah gobollada haray, si uu madaxweyne u noqdo.

Waxaa aad loo saadaalinayaa in Biden uu ku guuleysan doona dhammaan afarta gobol ee uu ku horreeyo, hase yeeshee maadaama tartanka aad la isugu dhow yahay waxaa la sugayaa inuu ku hormaro tiro uusna Trump ka daba iman karin, si ay u cadaato inuu hantay guusha.

Dhammaan codadka la rumeysan yahay inay harsan yihiin ee aan weli la tirin ayaa u badan kuwa Dimoqraadi ah, taasi oo macnaheedu yahay inuusan jirin albaab fursad ah oo Trump u furan. Hase yeeshee, tirinta codadka ayaa ah mid si tartiib ah ku socota, taasi oo waqtiga dheereysay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa habeen qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadka Mareykanka, isaga oo billaabay weerar xun oo uu ku faafiyey eedo aan wax caddeymo ah loo hayn oo ah in laga xadayo guusha doorashada Mareykanka.

“Waxay isku dayayaan inay xadaan doorashada,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Aqalka Cad, laba maalmood kadib markii ay soo dhammaatay codeynta doorashada.

Waxa uu yiri in Dimoqraadiga ay isticmaalayaan “codad sharic-darro ah, si ay doorashada u xadaan.”

“Haddii aad tiriso codadka sharciga ah, si fudud ayaan u guuleysanayaa,” ayuu yiri. “Waxay isku dayayaan inay ku shubtaan doorashada. Mana ogolaan karno inay taas dhacdo.”