25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

DENI ‘oo Ethiopia ka diiday’ qorshe la xiriira FARMAAJO kadib cadaadiska Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo warinayaa inuu dhawaan diiday qorshe uu soo bandhigay ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, xili uu dhawaan socdaal ku tagay caasimada dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Puntland ka dalbaday inuu taageero, isla markaana qeyb weyn ka noqdo ololaha dib loogu dooranayo madaxweyne Farmaajo, oo si weyn isku hayaan siyaasiyiin ay hore xulafo dhow u ahaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo toddobaadkii hore safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulankaasi la qaatay Abiy Ahmed, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii u dambeeyay ee laga gaaray, iyo weliba taageerada uu ku gacan seyray.

Rashiid Cabdi oo degan dalka Kenya, isla markaana ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa diidmada Deni ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka, kaasi oo uu ku xusay in ‘Madaxweyne Deni uu ka diiday Abiye Axmed soo jeedinta taageerada Farmaajo’.

Rashiid ayaa waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Imaaraadka oo ka yaaban culeyska Abiy ay diyaarad gaar ah u soo dirtay, maadama ay si weyn isku hayaan madaxweyne Farmaajo.

“Imaaraadka Carabtu waxay si aad ah ula yaabeen culeyska Puntland lagu saaray inay taageerto dib u doorashada Farmaajo. Raysalwasaare Abiye Axmed wuxuu toddobaadkii hore Addis Ababa ugu yeedhay Deni, isagoo si cad ugu sheegay ‘Waxaanu kaa doonaynaa inaad taageerto Farmaajo.’ Deni wuu diiday, diyaarad khaas ah oo uga timid UAE ayaa u qaaday Abu Dhabi” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Abiy Ahmed ayaa xiriir dhow oo saaxiibtinimo la leh Farmaajo, waana sababta u weyn ee la fahamsan-yahay inuu u rabo dib usoo laabashadiisa, xili uu wajahayo loolan adag oo uga imaanaya siyaasiyiin caanka ah iyo kuwo ay hore xulafo u ahaayeen oo is khilaafeen.

China oo bilowday qorshe Mareykanka dhabar jab ku ah oo ku wajahan Somalia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa la filayaa inay soo gaaraan saraakiil iyo qandaraaslayaan amni oo madaxbannaan, kuwaasi oo dhanka amniga ka caawinaaya labadaasi dal si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa ka danbeysay markii China ay xoogga saartay dalalkaan, iyadoo China ay saldhig milateri aka hirgelisay dalka Jabuuti, waxaa si loo dhaawaco ama khasaare loo gaarsiiyo ka saldhigaasi ka faa’iideysan kara xulufada Mareykanka sida Sacuudiga, si danahiisana u burburin wuxuu bilaabay inuu qandaraaslayaal amni geeyo Jabuuti iyo Itoobiya.

Sida uu daabacay Foreign Policy, waxay tallaabadaan uu qaaday China dhabar jab ay ku tahay danaha Mareykanka siina xoojin doonta loolanka Mareykanka iyo China ee Africa.

Foreign Policy ayaa daabacday in Al-Shabaab laga walaacsan yahay inay burburiso ganacsiga badda cas, taasina ay sabab u tahay qorshahaan cusub ee China.

Shiinaha weligiis kama qeyb aheyn la dagaalanka argagixisada, hase ahaatee xiligaan wuxuu difaacanaya danahiisa iyo istiraajiiyada uu Africa ka leeyahay.

Haddii xiisada iyo dagaalada Itoobiya sii daba dheeraadaan waxaa suuragal u noqoneyso AL-Shabaab inay si fudud fariisamo ugu sameystaan gudaha Itoobiya, wixii ay doonaana ka fuliya.

Xog: Maxaad kala socotaa xaaladda siyaasadeed ee dalka uu ku sugan yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii adkaaneysa xaaladda siyaasadeed, mida amni iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay billawgii sanadkaan iyo ka sii hor. Soomaaliya oo waligeed qabtay daruufo dhanka amaanka ah iyo daganaansho la’aan siyaasadeed ayaa hadda gashay xaalado kale oo aad u adag.

Waxaa aad usii xoogeestay doodaha ku taagan waqtiga kala-guurka ah, gaar ahaan arrimaha gudiyada doorashada ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Xisbiyada, siyaasiinta, iyo qeybaha bulshada ayaa muujiyay walaac xoog leh waxayna carrabka ku adkeeyeen in xaalad adag lugta la saaray.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ayaa shalay baaq ay soo saareen ku sheegay in dalka loo wado jiho aan wanaagsaneen oo sababi karta dib u dhac iyo kubasho doorasho.

“Waxaa laga baxay heshiisyadii doorashada laga gaaray bilooyinkii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale la jebiyay xeerarkii dalka, waxaana magacaabista guddiyada ka muuqato boob iyo kushubasho mana ahan wax la yeeli karo,” ayuu yiri Cusmaan Muxiydiin Shaatax, oo ah guddomiyaha ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle, ayaa si wadajir ah u sheegay in qaabka loo maray guddiyada doorashada ay tahay waddo aan fiicneen oo keeni karta bur bur iyo kalsooni la’aan weyn.

“Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan NISA, shaqaalihii madaxtooyada iyo taageerayaashii Farmaajo ee baraha bulshada ayaa loo magacaabay guddiyada heerarka kala duwan ee doorashada mana ahan wax loo dulqaadan karo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal soo saaray.

“Waa calaamad muujineyso isku kalsoonaan la’aan laguna rabo boob iyo kushubasho waxaana ka dhalan kara in la wiiqo wixii la soo dhoo-dhoobay 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yari Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo sidoo kale ah musharax Madaxweyne ee doorashada Soomaaliya.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kamid ah dhinacyada ka hadlay doorashada Soomaaliya waxayna aad u cabaareeyeen guddiyada la soo magaacaabay ee doorashada Soomaaliya. Madasha ayaa ku talisay in dib loogu laabto gudiyadaan haddii ay dhici weysana aysan jirin cid ku kalsoonaan karta oo doorashada ka qeyb galeysa.

Qeyla dhaanta ugu weyn ayaa waxay ka imaaneysaa guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi. “Shaqaalihii Madaxtooyada, kuwa Ra’iisul Wasaaraha iyo saraakiil ka tirsan NISA, ayaa loo soo magacaabay gudiga dooarshada gobalada Waqooyi mana matalaan dadka aan wakiilka ka ahay,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Dhinaca kale, waxaa aad usii xumaanaya ammaanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dadka dagan ka joogi la’yihiin dhul boob, barakicin, dhac joogto ah, cabsi gelin iyo dhibaatooyin kale.

Qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir ayaa wajahaya amni darro weyn waxaana ka jira kufsi iyo dhibaatooyin badan sida shalay laga sheegay fadhiga Golaha Shacabka.

“Covid-19 waxa uu sababay kufsi badan, dhac joogto iyo dhibaatooyin dhaqaalo xumo oo aad dalka u sameeyay ilaa haddana taagan ,“ayey shalay fadhiga baarlamaanka ka dhaheen xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Si walbaba waxaa aad u adag xaaladda dalka oo gaartay waqti cabsi badan muujinayaan siyaasiinta, weriyaasha, guud ahaan shacabka. Dadka Soomaaliyeed ayaa inbadan oo kamid ah la dhacsaneen xaaladda wadanka iyo sida ay wax uwado dowladda Soomaaliya.

Hoggaamiyihii Jabhadaha Al-Shabaab iyo ilaaladiisii ‘oo lagu laayey’ Jubada Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa ka soo baxaya howlgal ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan meel 50 KM u jirta xarunta gobolkaas ee Bu’aale.

Saraakiil u hadashay Danab waxay sheegeen in howlgalkaas bartimaameedkiisu uu ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamadu dileen isaga iyo ilaaladiisii.

Howlgalkaas waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Carabow oo 50-KM u jira magaalada Bu’aale, waxana lagu dilay Xasan Sufiyaan Qoorey oo ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab iyo lix dagaalame oo ilaalo u ahaa.

Saraakiisha u hadashay Danab waxay sheegeen in Xasan Qoorey uu ahaa hoggaamiyihii guud ee qeybta Jabhadaha loo qayaan ee ka dhex aas-aasan Al-Shabaab, kuwaas oo badanaa fuliya weerarrada tooska ah.

Saraakiishu ma shaacin wax khasaare ah oo ciidankii fuliyey howlgalkaas ee Danab soo gaaray, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada noocaan oo kale ah.

Maamulka Warsheekh oo war ka soo saaray dil argagax leh oo xalay ka dhacay

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Xoghayaha degmada Warsheekh Cabdullaahi Raage Colow oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dil argagax leh oo xalay dad isku qoys ahaa loogu geystay duleedka degmadaasi oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Colow ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale xoghayaha ayaa intaasi ku daray in ay tuhun weyn ka qabaan falkaas inuu salku kayo aano qabiil, sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhacdadaasi ay aheyd mid arxan darro ah oo lagu beegsaday dad birimi-geydo ah oo haween iyo carruur isugu jiro.

Weerarkaas waxaa lagu dilay Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo 40-cesho aan gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa, halka la dhaawacay haweeney qoyska ka mid aheyd iyo wiil 5 sano jir ah.

Si kastaba weerarrada noocaan ah ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanayey gobolka Shabeellada Dhexe, laba bilood ka hor, 17-kii Sebtember ee sanadkan ayaa sidaan oo kale koox weerar u soo qaaday waxay hal meel ku dishay lix culumo ah oo Qur’aan akhris ku jirtay, iyagoo dhaawacay mid kale, waxuuna falkaasi ka dhacay duleedka Raaga-Ceelle.

Sagaalka arrin ee xasaasiga ah ee ay isku hayaan Abiy Ahmed iyo Tigray-ga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhex qarxay dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga ayaa sii xoogeysanaya, iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay duqeymo culus ka dhaceen waqooyiga Itoobiya.

Xiisada labada dhinac oo muddo soo jiitameysay ayaa dhawaan dagaal isku bedeshay kadib markii uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu dusha u saaray maamulka Tigreyga mas’uuliyada weerar uu sheegay inuu ka dhacay xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

“Kooxda TPLF waxay weerareen xero militari oo ku taalla gobolka, waxayna isku dayeen inay bililiqeystaan hanti militari” ayuu Abiy ku yiri qoraallo uu xiligaasi soo dhigay facebook iyo twitter.

Dagaalka Tigreyga iyo dowladda federaalka ayaa cabsi xoogan ku abuuray dalalka gobolka oo iyagu ku baaqay xabad joojin ka dhan ah dagaalkaasi, xili uu sii xoogeysanayo dagaalkaasi oo labada dhinacba guul ka sheeganayaan.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay iney duqeeyen goobo ay Tigreygu madaafiic ku keydsanaayeen, midaasi oo xusay inay jawaab u aheyd tallaabo ay ciidamada maamulkaasi arbacadii kula wareegeen xarun militari oo ay laheyd dowladda federaalka ah, hubna kala baxeen.

Dhanka kale, Saraakiisha Tigreyga ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay ciidamo ka tirsan federaalka ay u usoo goosteen dhankooda, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka loogu hiilinayo shacabkooda, sida hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxay saraakiisha Tigreygu ay gebi ahaanba xireen hawada sarre, iyaga oo hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee deegaanadooda.

Haddaba, maxay tahay arrimaha uu Tigreygu uga soo horjeedo xukuumadda Abiy Ahmed ee isku hayaan, dhaliyeyna xiisada isku bedeshay dagaalka socda?

  • Maamulka Tigreyga ayaa Abiy u arka ra’iisal wasaare uu waqtigiisu dhacay, oo aan doorasho rabin, maadama uu waqtigiisu ku ekaa bishii October 2020, balse uu dhowr jeer dib u dhigay doorashooyinkii dalkaasi ka dhici lahaa, arrimo la xiriira cudurka Covid-19, midaasi uu maamulka TPLF u arko marmarsiyo iyo xil jecleysi.
  • Tigreyga ayaa qabsaday doorasho iskood ah bishii September, midaasi oo dowladda federaalka Itoobiya ku tilmaamtay sharco darro, halka iyaguna badalkeeda ay ku doodayeen.
  • TPLF waxay ka gows adeygtay qorshaha Abiy Axmed uu awooda dheeriga ah ugu yeelayo dowladda dhexe, midaasi oo u aragta in Abiy Axmed uu yahay federaal diid ku tumanaya nidaamka federaalka ah.
  • Marnaba ma ogola Tigreygu maamul u sameynta uu maalintii shalay aheyd uu meelmariyey baarlamaanka Itoobiya, kadib khilaafka soo kala dhex-galay maamulka hadda talada haya iyo dowladda federaalka.
  • Doorashada Tigrayga ee September kadib, dowladda federaalka ah waxaa ay qarashkii ka jartay maamulkaasi iyada oo ciqaab uga dhigeysa tallaabada uu gobolku qaaday, midaasi oo sii adkeysay xiisada.
  • Tigraygu marnaba ma ogola isku soo dhawaanshaha Abiy iyo Afwerki, waxayna si adag u diideen heshiiskii uu Abiy Axmed la galay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki iyo dhulka uu ku wareejiyey kadib heshiiskaasi.
  • Tigeryga ayaa sidoo kale diidey ka mid noqoshada xisbiga cusub Prosperity Party kaas oo uu Abiy Axmed dhisay kadib markii uu baa’biyey EPRDF oo ahaa isbaheysi taariikhi ah oo soo jiray ilaa  1988, madaxda uu ka ahaa wiilkooda Meles Zenawi 1991-2012.
  • TPLF ayaa ka soo horjeesatay lacagta cusub ee Birta, taasi oo ay ku sheegtay mid uu Abiy Ahmed kula dagaalayo maal-qabeenadeeda, xili uu Abiy lacagtaas sameynteeda ku kharash gareeyay $101.2 Milyan.
  • Goonni Isu-taagga Tigreyga ayaa sidoo kale kasii daray xiisada labadan dhinac, maadama ay dowladda federaalka u aragto caasinimo iyo kala tafaraaruq in TPLF ay madax-banaani hesho, xili ay saraakiisha maamulkaasi sheegen inay ka gor-gortameyn gooni goosadkooda.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Ahmed ayaa u muuqata mid rabitaankeeda xoog ku hirgelinaysa, iyada oo arrintaasi ay ka digeen beesha caalamka, hase yeeshe uu weli ka madax adeygayo Abiy Axmed olole ka dhan ah Tigreyga oo ku dhawaaqay Arbacadii.

Daawo: Sheekh Cali Wajiis ‘oo towbad keen’ ugu baaqay Xaliimo Yarey – “Aayad qur’aan ayey beenisay”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) isagoo ugu baaqay inay ka towbad keento hadalkaas oo uu ku tilmaamay mid jahli u geeyey.

Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa shalay madal la isugu yimid ka sheegtay in bini’aadamku uu isku mid yahay, ragga iyo dumarkuna aysan waxaba is dheereyn oo Xaawo iyo Aadan isku si loo abuuray.

“Culumada waxaan aad uga baryeynaa inay Kitaabka ka run sheegaan, oo aysan na dhihin haweenku waa guri, hadey Kitaabka ku qorantahayna waa noo macneyn doonaan, laakiin bini’aadanku waa isku hal, Ilaahey nus iyo qof buuxa ma abuurin, Xaawo iyo Aadan isku hal ayey ahaayeen. Xaawo Feeraa laga abuuray ‘waa been’ meel ay ku taallo ma jirto, dad uu ilaahey abuurtay oo wada siman ayaan nahay… Diinta waan idinla bareyneynaa markaas ayaan idinla doodeynaa,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Sheekh Cali Wajiis ayaa Xaliimo uga jawabay hadalkaas, waxuuna ugu yeeray inay ka towbad keento, maadaama ay beenisay Aayad Qur’aan ah, “Arrintaas waxay inkirmaad cad ku tahay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis saxiix ah” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

“Ilaahey SWC markuu nooga waramaayey abuuritaankii Aadan iyo Xaawo, waxuu noo sheegay in Xaawo uu ka abuuray feerta Aadan, basharka/dadka oo dhana uu ka farcansiiyey Aadan iyo Xaawo” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in Aayad Qur’aan ah ay ku soo aroortay in haweenku guryahooda joogaan, isagoo ku macneeyey laba arrin oo kala ah, 1-gabadhu inay nasato, maadaama ay tahay wershad soo saarta dad nool 2-Inay ilaaliso xaqa ay koriinada u leeyihiin caruurteeda.

Hoos ka Daawo labada muuqaal

Hooyo umul aheyd iyo laba caruurteeda kamid ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyey seddax qof ayaa lagu dilay laba kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray weerar caawa ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarkaas waxaa fuliyey koox hubeysan waxaana lagu dilay Hooyo umul aheyd, canugii ay dhashay oo 40-cesho aan gaarin iyo wiil kale oo ay dhashay oo 3-sano jir ahaa.

Sidoo kale kooxdaas ayaa dhaawacday Hooyo kale iyo wiil ay dhashay oo ku sugnaa guriga uu weerarkaasi ka dhacay oo ku yaalla meel duleedka ha degmada Warsheekh.

In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay weerarkaas, hadana waxaa lala xariirinayaa aanooyin qabiil oo waayihii dambe ka taagnaa deegaanada ku xeeran degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Weerarrada noocaan ah ayaa mudooyinkii dambe ku soo badanayey gobolka Shabeellada Dhexe, laba bilood ka hor, 17-kii Sebtember ayaa sidaan oo kale koox weerar u soo qaaday waxay hal meel ku dishay lix culumo ah oo Qur’aan akhris ku jirtay, iyagoo dhaawacay mid kale, waxuuna falkaasi ka dhacay duleedka Raaga-Ceelle.

Ciidamada Abiy Ahmed oo khasaare la gaarsiiyey iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka gobolka Tigrayga

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 askari oo Ethiopian ah ayaa dhaawacyo looga daweeyey gobolka Amhara ee waqooyiga dalkaas, sida ay maanta sheegeen saraakiil caafimaad, taasi oo muujineysa in dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Khasaarahan ayaa imanaya ayada oo Abiy iyo hogaamiyayaasha militariga ay ku faaneen guulo ka dhan ah ciidamada daacadda u ah TPLF.

Isgaarsiinta oo laga jaray gobolka Tigrayga ayaa adkeyneysa in la xaqiijiyo hadallada kasoo baxaya mas’uuliyiinta, hase yeeshee waddooyinka gobolka Amxarada ayaa inta badan lagu arkayaa baabuurta gurmadka deg degga ah oo isbitaallada ula ordaya askar dhaawac ah.

Dhaqtar ku sugan magaalada Sanja ayaa AFP u xaqiijiyey in 98 askari laga daweeyey dhaawacyo xabadeed.

“Waxaan haynaa 98 kiis, dhammaantoodna waa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,” ayuu dhaqtarka oo qariyey magaciisa u sheegay AFP.

Waxa uu sheegay in dhaawcayada lasoo gaarsiiyey ay yihiin kuwa fudud, hase yeeshee dhaawacyada halista ah la geeyey isbitaallada waa weyn ee magaalada Gondar iyo magaalooyinka kale.

Sidoo kale, lix dagaallame ayaa lagu dilay in ka badan 60 kalena waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay meel u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Tigray iyo Amhara, iyadoo uu labada dhinacba khasaare ka soo gaaray dagaalka, sida ilo bani’aadamnimo ay Axadda maanta ah u sheegeen Reuters.

Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga Tigreega ayaa ka dhacay 8 goobood oo ka tirsan gobolka, sida lagu sheegay qoraal Sabtidii ka soo baxay xafiiska isku-dubaridka howlaha bani’aadanimada QM ee OCHA.

Filish oo si yaab leh dadka Muqdisho ugu sheegay in uusan waxba u qabin karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Filish) ayaa ka hadlay cabasho balaaran oo ka dhalatay saameynta roobabkii dhawaan ka da’ay caasimada dalka ee Muqdisho.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan waxba ka qaban karin saameynta roobabkaasi ka dhasha ee uu ku reebo bulshada iyo wadooyinka muhiimka ah ee caasimada, oo xiligaasi isku badala biyo dageeno.

Filish ayaa ku doodaya in arrintaasi wax ka qabashadeeda aysan ku koobneyn dowladda iyo maamulka gobolka, isla markaana lagu haleyn, xili canshuurta ugu badan ee dalka laga qaado bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay in roob dhowr bilood ka hor ka da’ay Muqdisho uu caqabado dhowr ah dhaliyay, balse dadaal fara-badan oo ay ku kaliyeysteen ku guuleysteen inay maareeyaan waxyaabihii ka dhashay roobabkaasi.

“Gobalka Banaadir ma awoodo inuu wax ka qabto dhamaan dhibaatooyinka ka dhasha roobka wax badan waan la tacaalnay balse ma ahan awooda dowladda hoose waxaa loo baahan yahay qorshe iyo dhaqaalo lagu fuliyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

“Markii ay dhacaan dhibaatooyinka noocaan oo kale ah ee ka dhasha roobka oo musiibooyinka ah, in aan maamulka Gobolka iyo dowladaba lagu haleyn ee loo soo wada gurmado waayo maamulka Gobolka kaliya waxba kama qaban karaan, waxaayna u baahan yihiin maareyn dhameystiran oo bulshada oo dhan wax ka qabtaan.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in loo soo wada gurmado waayo maamulka Gobolka kaliya waxba kama qaban karaan, waxaayna u baahan yihiin maareyn dhameystiran oo bulshada oo dhan wax ka qabtaan”.

Hadalkaan maanta ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa kusoo aadayaa xilli roobkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho uu burburiyay wadooyin muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana dadka reer muqdisho laga qaadaa lacagta ugu badan ee Canshuurta ah oo ay hesho dowladda Soomaaliya.

Azerbaijan oo guul weyn ka gaartay dagaalka Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey

Baku (Caasimada Online) – Dadka reer Azerbaijan ayaa ku dabaaldegay jidadka magaalada caasimadda ah ee Baku kadib markii Madaxweyne Ilham Aliyev uu Axadda maanta ah sheegay in ciidamada dalkiisu ay qabsadeen Shusha, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Nagorno-Karabakh.

Shusha, oo ay Armeniyiinta ugu yeeraan Shushi, waxa ay labada dhinacba u leedahay muhiimad dhaqameed iyo mid istiraatiiji ah waxayna ku taal meel 15 km (9 mayl) koonfur ka xigta magaalada ugu weyn ee gobolka ee Stepanakert.

Saraakiisha Armenia waa ay beeniyeen in magaalada la qabsaday.

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintey ku dhowaad lix toddobaad oo dagaal uu ka socdo gobolka Nagorno-Karabakh iyo hareerahiisa, oo ah dhul buuraley ah oo caalamku u aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan laakiin ay ku nool yihiin ayna xukumaan qowmiyadda Armenia.

Iyadoo taageero ka heleysa Turkey, Azerbaijan ayaa ku gacan sareysay dagaalkii ugu dhiig daadashada badnaa in ka badan 25 sano ee ka dhaca gobolkan Koonfurta Caucasus.

Muddo bil gudaheed ah, waxa ay dib ula wareegtay inta badan dhul ku yaalla Nagorno-Karabakh iyo nawaaxigiisa ee ay ku wayday dagaalladii hore ee ka dhacay aagaas 1990-yadii.

Abiy Ahmed oo eryey taliyihii ciidanka, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii A/Dibedda xilli dagaalka uu kasii darayo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wsaaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibedda, ayada oo militariga ay maalinkii shanaad wadaan dagaal ka socda gobolka Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa shaqo ka eryiddan ku dhawaaqay maanta, ayada oo dagaalka uu kasii darayo, kuna sii riixayo Ethiopia dagaal sokeeye.

Gedu Andargachew, oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda, ayaa waxaa lagu beddelay ra’isal wasaare xigeenka Demeke Mekonen oo noqonaya wasiirka arrimaha dibadda ee dalka isagoo xilkiisii ra’isal wasaare ku xigeenimona sidiisii u haynaya.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Berhanu Jula oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada “hadda loo dalacsiiyey taliyaha ciidmada,”, isaga oo beddelay Gen. Adem Mohammed, oo ahaa taliyihii ciidamada.

Madaxweynihii dawlad deegaanka Amxaarada, Temesgen Tiruneh ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo taliyaha sirdoonka dalka, halka Demelasha Gebremichael loo magacaabay in uu nodo taliyaha booslika Federaalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa weli wada ololaha uu Arbacadii ku dhowaaqay ee ka dhanka ah gobolka Tigrayga, inkasta oo ay jiraan codsiyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan inuu wada-hadal la galo xisbiga maamula gobolkaas ee TPLF.

QM ayaa sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia, iyadoo ka digtay in ku dhawaaqista dowladda ee xaaladda degdegga ah ay hor istaageyso cuntada iyo gargaarka kale.

Warbixinta OCHA ayaa lagu sheegay in ilaa 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka cunno ee la siiyo, halka 1 milyan oo kale ay helaan qaabab kale oo taageero ah, kuwaasi oo dhamaantood la carqaladeeyay.

Waa maxay ujeedka wafdiga DF ee gaaray JOWHAR?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maanta magaalada Jowhar gaaray wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu wado inuu qeyb ka noqdo kor-joogteynta doorashooyinka maamulka HirShabeelle oo muddooyinkii dambe lagu muransanaa.

Wafdiga ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Khadiija Maxamed Diiriye, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Khadiija Diiriye ayaa lagu wadaa inay kulamo la qaadato saacadaha soo socda madaxda sarre ee maamulka HirShabeelle iyo qaar kamid ah xildhibaanada uu dhawaan yeeshay maamulkaasi.

Wafdiga Khadiija ayaa hordhac u noqonaya wafdiga dhanka dowladda uga qeyb-galeysa kor-joogteynta doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo lagu wado inay magaalada Jowhar ka dhacdo maalinta Arbacada ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Khaiija Diiriye oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Jowhar ay halkaasi ka bilaabi doonto olole ku aadan doorashadeeda baarlamaanka.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ay tagaan wufuud badan oo ka kala socda dowladda federaalka, maamulada dalka, madaxda mucaaridka iyo siyaasiyiin hore, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona doorashada madaxweynaha maamulka HirShabeelle.

Madasha Xisbiyada Qaran oo iska fogeysay warqad la sheegay in lagu qaadacy doorashada Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu sheegay in musharaxiin badan ay ku qaadaceen guddiyada doroashada iyo guud ahaan doorashada Soomaaliya.

Warqadda la faafiyay waxaa lagu sheegay in liis ka kooban 12 musharax ay diideen gabi ahaan liiska guddiga doorashada iyagoo cuskanaya in Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugidda, shaqaalaha madaxtooyada iyo xoogagga wadaniyiinta ay buux dhaafiyeen guddiga, taasoo aysan macquul aheyn iney qabtaan doorasho loo siman yahay.

Haddaba warqadaas baraha bulshada lagu faafiyay waxaa ku jira magacyo badan oo ay ka mid yahiin hogaanka madasha xisbiyada Qaran, balse waxey soo saareen bayaan ay ku beeninayaan iney qeyb ka yahiin warqadaas.

Qoraal lagu soo qoray barta Facebook-ga madasha xisbiyada qaran ayaa u qornaa sidaan: “Madasha Xisbiyada Qaran waxay caddeeneysaa inay waxba kama jiraan tahay warqaddan oo looga been abuurtay hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran”

Waxaana lasoo raaciyay sawirka warqadii baraha bulshada lasoo dhigay oo ay ku taxan yahiin 12 musharaxiin oo mucaaradka ah, waxaana ku jira hoggaanka madasha xisbiyada qaran.

Dhanka kale musharaxiinta kale ee liiskaan kusoo baxay wali kama hadlin mowqifkooda ku aadan warqadda la faafiyay ee lagu sheegay iney qeyb ka yahiin, waxaana musharaxiinta kasoo muuqday magacyadooda ka mid ah:

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Xassan Cali Kheyre
Daahir Maxamuud Gelle
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
Cabdikarim Xuseen Guuleed
Maxamed Abdirahman (Siiriin)
Cabdinasir Cabdille Maxamed
Xuseen Cabdi Xalane

F.G: Caasimadda Online waxey akhristayaasheeda ka raali galineysaa iney warqaddaan looga been abuurtay qaar ka mid ah musharaxiinta horey u daabacday.

ITOOBIYA oo sheegtay inay ciidamo SOOMAALI ah ku qabatay dagaalka Tigray-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaallada ka socda gobolka Tigray-ga oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Taliye ku xigeenka ciidamada federaalka Itoobiya Janeraal Birhanu Jula oo sidoo kale ah madaxa howl-gallada ciidamada gaashaandhiga wadankaasi ayaa warbaahinta u sheegay inay ciidamada TPLF kala wareegeen deegaano ku yaalla Tigray-ga.

Janeraal Birhanu Jula ayaa carab baabay deegaanada ay qabsadeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhanshan, Barkan iyo Shiraaro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Itoobiya dagaallada ka socda gobolka Tigray-ga ay ku qabteen ciidamada Soomaali ah oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo maleeshiyaad kale, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa howl-gallada ciidamada gaashaandhiga Itoobiya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay burburiyeen hub culus oo keyd u ahaa ciidamada TPLF.

Xaaladda gobolka Tigray-ga ayaa weli aad u qasan, waxaana ciidamada Itoobiya ay bilaabeen duqeymo dhanka cirka ah, kadib amar ka soo baxay ra’iisul wasaare Abiy.

Itoobiya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, iyada oo shalay baarlamaanka dalkaasi uu meel-mariyey in dowladda ay fara-geliso xiisada ka taagan gobolka Tigray-ga

Sawiro: Muxuu yahay ujeedka wafdiga Kenya ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dowladda dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau, iyada oo booqashadoodu qaadaneyso hal cisho.

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ka socda Kenya ay kulan la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji.

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen arrimo ku aadan iskaashiga labo geesoodka iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa qaadka ay Kenya keeni jirtay gudaha Soomaaliya, kaas oo la hakiyey wixii ka dambeeyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka faafa ee Coronavirus.

Socdaalkan wuxuu sidoo kale ku soo aadaya, xilli dhowaan ganacsatada qaadka Kenya ay dowladdooda ka dalbadeen in dib loogu furo xuduudka iyo qaadka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sanadihii u dambeeyey wuxuu xiriirkoodu ahaa mid hooseeya, kaas oo ka dhashay kiiska Badda ee hor yaalla maxkamadda ICJ.

DF oo Axmed Madoobe ku celisay guddiga doorashada, kana hor-timid laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in dib loogu celiyay maamulka Jubaland 8-da xubnood ee guddiga doorashooyinka heer dowlad gobaleed, kadib markii la sheegay in Villa Somalia dacwad uga gudbisay beesha caalamka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalbatay in guddiga oo ay ku jirto hal gabar, lagu soo daro laba gabdhood oo kale si loofuliyo heshiiskii lagu gaaray Muqdisho ee doorashooyinka.

Dhanka kale, Villa Somalia ayaa dalbatay in la badalo guddoomiyihii guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee Jubaland Xamza Cabdi Barre oo qeyb ka ah guddiga cusub ee Jubaland u soo dirsadeen doorashooyinka heer maamul gobaleed.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay xubintaan ka qabto walaac badan islamarkaana uu hadda ka hor maamulay doorashadii Jubaland iyadoo ay daba taagneyd Villa Somalia.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa Villa Somalia ku taageeray in la ilaaliyo qoondada dumarka balse waxaa laga diiday dooda ku saabsan halka qof ee guddiga jira oo lagu magacaabo Xamza Cabdi Barre.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer dowlad goboleed uu ka kooban yahay 11 xubnood, kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto dowlad goboleedka, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayso min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer goboleed.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Axmed Madoobe uu dib ugu laabto magacaabista guddigaan islamarkaana uu soo dhameystiro qoondada dumarka, dibna usoo magacaabo maalmaha soo socda.

Guddiyada Jubalanad iyo Puntland ayaa ah kuwa kaliya ee haray, ayada oo Puntland aysanba weli soo gudbin xubnaheeda, lagana filayo maalmaha soo socda.

Donald Trump oo diiday inuu ogolaado in laga adkaaday, tallaabo-na qaadaya Isniinta

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa diiday inuu aqablo natiijada doorashada madaxweynaha Mareykanka, kadib markii lagu dhowaaqay inuu ku guuleystay Joe Biden.

Trump, oo golf ku cayaarayey Waqooyiga Gobolka Virginia ee deriska la ah Washington markii tratnka lagu kala baxay, ayaa soo saaray bayaan isaga oo isku dayaya inuu waxyeeleeyo sharciyadda doorashada, soona jeedinaya eedeymo aan caddeyn loo hayn oo la xiriira qiyaameyn.

“Doorashadan aad ayey uga fog tahay mid dhammaatay,” ayuu yiri Trump. “Joe Biden weli looma sharciyeyn inuu ku guuleysto xitaa hal gobol, iskaba daaba gobollada aadka la isugu hayo, iyo kuwa ololaheena uu hayo loolan sharci ah oo ugu dambeyn go’aamin doona qofka guuleystay.”

Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu maalinta Isniinta ah qaadi doono tallaabooyin sharci ah, isaga oo maxkamadaha ka furi doona dacwado la xiriira qiyaameynta uu sheegay in lagu sameeyey.

Si kastaba, dadka ku dhow Trump ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in madaxweynaha uu mar ay ahaataba ogolaan doono in laga adkaaday. Balse waxaa jira kuwa kale oo rumeysan inuu geli doono dagaal sharci ah oo adag.

Dhanka kale, hogaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ee Congress-ka Mareykankas, sida hoggaamiyaha aqlabiyadda ee Senate-ka Mitch McConnel ayaa weli ka aamusan doorashada.

Waxaa kaliya ka hadlay Senator Mitt Romney, oo ay aad isu neceb yihiin Trump, sidoo kalena isaga naftiisa looga adkaaday doorashadii 2012. Romney ayaa Biden iyo Harris ugu hambalyeeyey qoraal uu soo dhigay twitter-ka, isaga oo yiri “waxaan labadoodaba ognahay inay yihiin dad wanaagsan oo leh dabeecad lala dhaco.”

Si kastaba ma cadda sida arrintan ku dhammaan doonto, hase yeeshee waxaa la isku raacsan yahay in Trump uusan haysan wax caddeymo ah oo uu la tago maxkamadaha oo la xiriira qiyaamada uu ku sheegay doorashada.

Mahdi Guuleed oo weeraray guddoomiyaha Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo wareysi gaar ah siiyey Horufadhi Media TV ayaa weerar afka ku qaaday guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Mahdi Guuleed ayaa wareysigan ku sheegay in guddoomiyaha aqalka sare uu haatan u muuqdo hoggaamiye mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sanadihii u dambeeyey uu soo saarayey qoraallo is-daba joog ah oo uu uga soo horjeedo shaqada socota & doorashada 2020/2021.

“Dhowrkii sano ee u dambeeysay sida aad Warbaahinta kala socoteen guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu soo saarayay qoraalo isdab-joog ah,wuxuu u muuqdaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad ah,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Cabdi Xaashi inuu hoos u dhigay golaha sharci dajinta, isaga oo hoosta ka xariiqay in muddo fog aysan kulmin, islamarkaana ay baaqdeen shirar muhiim ahaa.

“Wuxuu sidoo kale hoos u dhigay golihii Sharci dejinta oo muddo ma aysan kulmin oo qeylo-dhaantooda waad ogeyd, shirarkii loo baahnaa ma dhicin,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha golaha aqalka sare ay isku hayaan dhismaha guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan xubnaha gobollada waqooyi ku metalaya guddiga doorashada ee heer federaal.

Safiirka Qadar iyo Ugaaska beesha Xawaadle oo kulmay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah xaruntoda magaalad Muqdisho kula leh Ugaaska Beesha Xawadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugas Rooble, kaas oo ku saabsan arrimo xasaasi ah oo ku saabsan gobolka Hiiran.

Ilo waredyo aad ugu dhaw Safaaradda Qatar ee Muqdisho ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in kulan muhiim ah uu ka soconayo xarunta Safaaradda ee Muqdisho iyado ujeedka uu yahay in Ugaaska uu kala hadlayo safaaradda waxyabo badan oo khuseya danaha dadka ku nool gobolka Hiraan.

Waxyaabaha kulankaan muhiimka ah uu ugaaska kala hadlayo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan Hamza waxaa ka mid ah mashaariic muhim u ah Bulshad ku dhaqan gobolka Hiran oo ay ka mid yahiin arimaha Fathaadaha oo saameyn balaarn ku yelanayay mudooyinkii dambe dadka deegaanadaas.

Waxyabaha kale ee Ugaaska uu kala hadlayo safiirka Qatar waxaa ka mid ah Mashaariic waxbarsho, mid dhismo oo lagu dhisayo waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka, arrimaha Caafimaadka iyo mashaariic kale oo danta dadka Gobolka Hiiran muhiim u ah.

Ilo wareedyad waxey sidoo kale daaha ka rogeen in kulankan muhiimka ah uu isku xirkiisa leyahay Xildhibaan Cabdicasis Saalax Arman oo ka mid ah xildhibanada Federalka ee laga soo doorto Hir-Shabeelle.

Kulankaan muhimka ah wuxuu kusoo aadaya xili dadka gobolka Hiiraan ay u baahan yahin in waxyaabo badan laga gacan siiyo, waxyaabaha ugu weyn ee kulankaan sare u qaadaya muhimadiisa waxaa ka mid ah in looga hadlayo arrimaha Fatahaadaha oo ay mudooyinkii dambe badn ku guryo beeleen, kuwana kaga qaxen Guryahoda, halka qaarkoodna ay wax soo saarka beerahoda saameeyeen.

Safaaradda Qatar waxey muddooyinkii dambe ku hawlaneed gacan siinta dowladda Soomaliya iyadoo sidoo kale gudaha wadanka ka fulisay Mashaariic horumarineed oo dadka Soomaalida waxtar u leh.