25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DF Soomaaliya oo dalab hor-dhigtay guddoonka cusub ee baarlamanka HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarrada Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey doorashadii guddoonka cusub ee baarlamaanka HirShabeelle, kaas oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Wasaarradda ayaa boggaadisay guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle iyo hey’adaha amniga oo ku guuleystay in doorashadaas ay sidii loogu tala galay u dhacdo.

Sidoo kale wasaarradda arrimaha gudaha ayaa ka dalbatay guddoonka cusub ee baarlamaanka Hir-Shabeelle inay soo dhameystiraan howlaha ka dhiman doorashada maamulkaas.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar oo loogu tartamay xilalka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa ku soo baxay seddax musharax oo ka mid ah xubnihii tartamayey.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa loo doortay guddoomiye, ku-xigeenkiisa koowaad Siraaji Sheekh Isxaaq, halka ku xigeenka labaad loo doortay Mahad Xassan Cismaan.

Dowladda federaalka ayaa aad loogu xaglinayaa inay si toos ah u maamulaneyso doorashada dowlad goboleedka HirShabeelle, iyadoo maalin ka hor madaxweynihii hore ee maamulkaas Maxamed Cabdi Waare uu isku casilay arrimo ay ka mid tahay tix-gelin la’aan uu ka tirsanayo dowladda dhexe.

Sawir uu CC SHAKUUR ku dhagsaday meel u dhow Villa Somalia oo laga fujiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Caasimada Online u sheegay in laga fujiyay Sawir uu musharaxnimadiisa ku cadeynayay, kaas oo ku dhaganaa inta u dhaxeyso Masjidka Isbaheysiga iyo hotel SYL oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta aan la hadalnay ayaa sheegay in maanta duhurkii sawirkaan la fujiyay waxayna ku eedeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa koofiya casta ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida ay ku warameen masuuliyiinta Xisbiga Wadajir waxaa la filayaa in dhowaan ay shaaciyaan, in ciidanka Madaxtooyada oo amar ka qaadanaya saraakiil ka tirsan Villa Somalia ay fujiyeen sawirka Musharax Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo ka tirsan masuuliyiinta sanadkaan u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada iyo Villa Somalia oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaan, waxeyna u muuqaataa xaalad kale oo cusub, taas oo saameen karta ololaha doorashada Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada sanadkaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu ahaa musharaxii ugu horeeyay ee boorar ku dhagsada Muqdisho waxaana jirta cabsi kale oo ay ka qabaan in laga fujiyo kuwa kale ee ku dhagan wadooyinka Muqdisho.

Maareeye oo ka hor-yimid bayaankii ay xildhibaanada Dir kula safteen xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si adag uga hor-yimid Bayaan ay shalay soo saareen qaar kamid ah xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwooda ka soo jeeda gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Maareeye iyo garab uu hogaaminayo oo iskugu jira xildhibaano, odayaal iyo siyaasyiin ay isku mowqif yihiin ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaabkii loo soo abaabulay qaar kamid ah xildhibaanada goboladaasi oo shalay sheegay in xukuumadda federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Somaliland ku meteli doona guddiyadaas.

Sidoo kale waxa ay shalay xildhibanadaasi ganafka ku dhufteen dalabkii gudoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa ‘in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal ay iyagu soo magacaabi doonaan’.

Maareeye oo maanta war-saxaafadeedkaasi soo saaray ayaa isaguna sheegay in qodobadii shalay kulankoodii ka soo saareen Xildhibaanadaasi aanay waxba ka jirin oo sharciyad ku fadhiyin.

“Anigoo ku hadlaya Magacayga Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), magaca Xildhibaanada labada gole ee Dir Waqooyi ee aanu isku mowqifka nahay iyo magaca musharaxiinta, madax dhaqameedka iyo bulshada midnimada u taagan ee Dir Waqooyi ee aan codkooda gudbin karin ee ilaa xalay na soo wacayey iyagoo ka xun qaabkii loo soo abaabulay ama ay u hadleen qaar ka mid ah Xildhibaanadii ay doorteen afar (4) sano ka hor, waxaanu halkan ku cadeynaynaa in qodobadii ay shalay kulankoodii ka soo saareenXildhibaanadaasi aanay waxba ka jirin oo sharciyad ku fadhiyiniyo garab uu hogaaminayo oo ka kooban” ayuu ku yiri qoraalkiisi Maareeye.

Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada kulankaasi yimid ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyso dowladda federaalka, oo culeys ku saareysa inay taageeraan rabitaankooda, si markale ugu soo laabtaan kuraastood, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiro heshiis uu ansixiyey baarlamaanku, oo dhigaya in xukuumaddu ay u madax-banaanato maamulada kuraasta Dir-Waqooyi, kaasi oo ay shalay cuskadeen xildhibaanadii garab istaaga u muujiyay dowladda.

“Waxay sheegeen in heshiiskii Barlamaanku ansixiyey ee golaha Wadatashiga uu ku jiray qodob dhahaya Dir Waqooyi waxaa maamulaya Xukuumadda, taas oo aanay waxba ka jirin (waxaa halkan ku lifaaqan heshiiskii Barlamaanku ansixiyey)” ayuu yiri.

Maareeye iyo xubnaha uu sheegay inuu ku hadlayo afkodoa ee kasoo jeeda beelaha waqooyi ayaa taageero xoogan u muujiyey in doorashada xildhibaanadooda loo raaco habraacii doorashooyinka ee 2016-kii, kaasi oo ay dhawaan soo jeedisay Madasha Xisbiyada Qaran.

“Xildhibaanada shalay kulmay waxay ku xadgudbeen sharciyada uu nagu xukumo iyo sharafka adeerkood Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo ay sheegeen in aanu haysan sharciyad uu gudiga doorashooyinka noogu magacaabo!!!, anagoo ka xun waxaanu u sheegaynaa in uu sharciyada ku haysto”.

Ugu dambeyntiian waxa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in Dir-Waqooyi uu hogaankooda u sareeya uu yahay Gudoomiye Cabdi Xaashi, isla markaana ay u daba fadhiisanayaan inuu soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Si kastaba, Kuraasta beelaha Waqooyi ee Somaliland ayey xiisad xoogan ka taagan tahay, maadama ay Siyaasiyiinta beelahaasi ay ku kala qeybsan-yihiin cida magacaabeysa guddiga doorashadooda oo ay isku hayaan xukuumada iyo guddoomiyaha golaha aqalka sarre.

Xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogey gobolka Tigray ee Ethiopia kadib weerarkii uu amray R/W Abiy Ahmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogayo gobolka Tigreyga ee dalkaasi, xili uu ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu amray dagaal ka dhan ah maamulka TPLF oo weerar ku qaaday xero ay ku jireen ciidamada federaalka Itoobiya.

Golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku go’aamiyey in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo gobolka Tigreyga, kaasi oo socon doona muddo lix bilood ah.

Waxa kale oo uu goluhu maanta isla qaatay in howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolkaasi uu hogaamiyo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.

Go’aankan ayaa u muuqda mid go’doon lagu galinayo gobolka Tigreyga oo si adag uga hor-yimid dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana abaabulayey dagaalo ka dhan ah xukuumada Abiy Ahmed.

Waxa kale oo lagu soo waramayaa in gebi ahaanba isgaarsiinta gobolka Tigreyga la jaray, kadib go’aanka kasoo baxay golaha, iyada oo kacdoon lagu diidan yahay dhawaaqan uu ka socda gudaha gobolkaasi, inkasta oo ay xiligan adag tahay in la ogaado faah-faahino ku aadan waxa ka socda gobolkaasi, maadama ay isgaarsiinta iyo internet-ku hawada ka maqan-yihiin.

Go’doonkan la galiyey gobolka Tigreyga ayaa la fahamsan yahay inuu dabo socdo amar uu Abiy Ahmed siiyey ciidamada militariga, si ay jawaab ugu bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

Is mari-waaga u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka TPLF ayaa dhabaha saaray inuu isku rogo dagaal buuxa, xili ay muddooyinkii u dambeeyay ay diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaashu si adag uga digayeen arrintaasi.

Baarlamanka HirShabeelle oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeeno

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle ayaa goordhow shaaciyay in Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Daahir, uu ku guuleestay doorashadii guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, ayaa helay codad gaaraya 77 cod, halka Xildhibaan Goodir oo la tartamayay uu helay 21 cod, waxaana xummaaday hal cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabeelle.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu ballansanaa in ay qabsoonta galabta ayaa saakay laga soo hormariyay waqtiga inkastoo ay soo gaartay xiligaan.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, waxaana uu aad ugu dhowaa madaxda Villa Somalia, oo taageero weyn uu kaga helay guushiisa.

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay Xildhibaankii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Xildhibaan Siraaji, ayaa si gacan taag ah loogu codeeyay waxa uuna sidaas ku noqday guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle.

Guddiga ayaa sheegaya in hadda laguda geli doono doorashada guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay ku tartamayaan Xildhibaan Axmed Cilmi oo hore xilkaan u heysay iyo Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo ka tirsan baarlamaankii hore ee HirShabeelle hadane ku soo laabtay baarlamaanka 2-aad.

Dhanka kale, xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib tartan dhaxmaray isaga iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo xilkaan hore u heysay.

Mahad Xasan Cusmaan ayaa helay codad gaaraya 87 cod, halka Xildhibaan Canab ay heshay codad gaaraya 12  Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo maanta xilkaan loo doortay ayaa hore uga tirsanaa baarlamaanka HirShabeelle, waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Warfaafinta HirShabeelle Xukuumadii Madaxweyne Cosoble.

Doorashada maanta ka dhacday Jowhar ayaa waqti badan qaadan waxaana si dhib la’aan ah ukala adkaaday musharaxiintii guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenka 2-aad, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad uu u tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la doorto Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa waxeyna taas oo afjari doontaa doorashada HirShabeelle oo soo socotay bilooyinkii la soo dhaafay. 

Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay tabashooyinka ka jira doorashada HirShabelle

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa markii labaad maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hir-Shabelle.

Madaxweynahii hore wuxuu ujeedka safarkiisa ku sheegay dib u heshiisin iyo xalinta wax walba oo tabasho ah kana dhex jira beelaha halkaas wada daga, xilli magaalada Jowhar ay ka socdaan doorashooyin lagu dhisayo maamul cusub.

Sheikh Shariif waxaa safarka ku wehliya siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabelle, waxeyna ka mideysan yahiin sidii loo xalin lahaa tabasho walba oo jirta inta aan la guda-galin doorashada maamulka.

“Wax walba waxey ku wanaagsan yahiin in la xaliyo marka ay tagaan yahiin, sidaas darteed hadii aan maanta la xalin waxa ka jira Hir-Shabelle wax kale ayaa imaan kara,” ayuu yiri Shiekh Shariif.

“Waxaan rajeynaa in doorashada Hir-Shabelle ku dhacdo si nabad ah,” ayuu mar kale yiri madaxweynahii hore Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynahii hore waxaa ku jira taliyihii hore nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ah xubin ka mid ah madasha xisbiyada qaran.

Sidoo kale Shiekh Shariif waxaa dhinac taagnaa madaxweyne ku xigeenka Hir-SHabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ah qofka ugu cad-cad ee la filayo inuu ku guuleysto xilka ugu sarreeya dowlad goboleedka Hir-Shabelle.

Waare oo shaaca ka qaday arrin laga damacsan yahay dhismaha HIRSHABELLE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo u warramayey warbaahinta kadib is-casilaadiisii ayaa ka hadlay xaaladda iyo dhismaha dowlad goboleedkaas oo ka socda magaalada Jowhar.

Waare ayaa ugu horreyn shaaciyey inuu ka tanaasulay xilka madaxweynaha, iyada oo ay u harsan tahay hal sano, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey inuu marar badan ku dadaalay sidii loo horumarin lahaa HirShabelle, hayeeshee ay socon weysay.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in doorashada HirShabelle la ‘afduubtay’ islamarkaana ay la wareegeen dad gaar ah.

Waare ayaa sidoo kale shaaciyey ujeedada laga leeyahay dhismaha haatan ee HirShabele, wuxuuna sababta ku sheegay in loo dagaalamayo kaliya kuraasta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee taala deegaanada maamulkaasi.

“Neefka xoolaha markii uu caatoobo oo cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka HirShabelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd,” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Waare.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuu ku taliyey in dib loo dhigo doorashada iyo howlaha dhismaha maamulka, balse dhagaha la fureystay, wuxuuna ka digay in la sii wado howlaha socda, iyada oo aan la sameyn dib u heshiisiin lagu xalinayo xiisada taagan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta ay dhaceyso doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle, kadibna la dooran doono madaxweynaha & ku xigeenkiisa.

Abiy Ahmed oo ciidamada Ethiopia amray dagaal lagu qaado gobolka Tigray-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

“Kooxda TPLF waxay weerareen xero militari oo ku taalla gobolka, waxayna isku dayeen inay bililiqeystaan hanti militari,” ayuu Abiy ku yiri qoraallo uu soo dhigay facebook iyo twitter.

“Ciidamadeena difaaca waxaan amray inay fuliyaan howl-gal lagu bad-baadinayo dalka. Waxaa laga gudbay diilintii ugu dambeysay ee caseyd. Waxaa ciidamada loo adeegsanayaa tallaabada kama dambeysta ah ee lagu bad-baadinayo shacabka iyo dalka,” ayuu yiri.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin lagama hayo weerarka la tuhunsan yahay inuu ka dhacay gobolka Tigray, waxaana gobolka laga jaray isgaarsiinta iyo internet-ka.

Waxaan sidoo kale caddeyn inta ay la ekaan doonto jawaabta ay bixinayaan militariga federaalka, inkasta oo diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaasha ay muddo ka digayeen in is mari-waaga u dhaxeeya dowladda iyo TPLF uu isku rogi doono dagaal buuxa.

TPLF ayaa muddo ku dhow 30 sano xukumayey Ethiopia ka hor inta anau Abiy xukunka la wareegin sanaddii 2018.

Intii uu xukunka hayey Abiy, hogaamiyayaasha Tigray ayaa si joogto ah uga cabanayey in si aan caddaalad aheyn loola beegsaday dacwado la xiriira musuq-maasuq, laga eryey xilal badan oo sare, islamarkaana dusha laga saaray mas’uuliyadda dhibaatooyinka dalka ka jira.

Xiisadda labada dhinac ayaa kasii dartay horranatii sanadkan markii dowladda ay dib u dhigtay doorahsooyinkii dalka, ayada oo qiil ka dhiganeysa cudurka Coronavirus, taasi oo ay ka hor-yimaadeen TPLF.

Gobolka Tigray ayaa kadib sheegay inuusan aqoonsaneyn dowladda Abiy, oo ay sheegeen inuu waqtiga ka dhammaaday bishii August, waxayna qabteen doorasho u gaar ah, taasi oo dowladda iyana ay dhankeeda sheegtay inaysan aqoonsaneyn.

Ma cadda sida xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxay u muuqataa in Ethiopia ay lugaha la gashay dagaal muddo laga cabsi qabay lagana digayey.

Natiijada doorashadii Ilhaan Cumar iyo musharraxa la tartamayey ee Minnesota

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo gabar Soomaali ah, kana tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markale guul taariikhi ah ka soo hoyday doorashada dalkaasi.

Ilhaan oo la tartantay musharraxa ka socday Xisbiga Jamhuuriga ee Lacy Johnson ayaa ka guuleystay, kadib doorasho ka dhacday Gobolka Minnesota, waxaana sidaasi ay markale ku difaacatay kursigeeda degmada 5-aad ee Golaha Congress-ka Mareykanka.

Dhammaan codadkii la dhiibtay ayey Ilhaan ka heshay 65%, halka Musharraxii kale ee la tartamay uu isna helay codad gaaraya 26%.

Guusha ay gaartay Ilhaan Cumar ayaa waxaa sidoo kale si aad u soo dhoweeyey taageerayaasheeda oo u dabaal degay in markale loo doorto Congress-ka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa dadka codeynayey ka mid ah Soomaali badan oo ku sugan gobollo dhowr ah oo ka tirsan wadankaasi.

Trumo oo isna loolan adag kula jira musharrax Joe Biden ayaa si weyn uga soo horjeeda guusha Ilhaan Cumar oo ay isku hayaan siyaasadda Mareykanka, iyaga oo marar badan iska weeraray warbaahinta iyo baraha bulshada, iyaga oo adeegsanaya erayo kul-kulul.

Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sanadihii u dambeeyey si weyn uga soo dhex muuqatay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo doorashada Mareykanka.

Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo ugaaska beesha Xawaadle?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ugaaska guud ee beesha Xawaadle,Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyagoo kulankooda ahaa mid looga hadlayay arrimaha gobolka Hiiraan iyo dhismaha HirShabeelle.

Ugaas Khalif oo mudo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulankii labaad la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, waxayna si gaar ah ugu wada hadleen geedi socodka nabadeed iyo dhismaha maamulka HirShabeelle ee cusub oo loo dhan yahay.

Ugaaska Khalif ayaa lagu warramay inuu la dhacsan yahay qaabka dowladda federaalka wax u maamuleyso ee dhismaha HirShabeelle, isagoona u muuqda inuu ku taageerayo dowladda dhismaha maamulka la filaayo in HirShabeelle yeelato.

Ugaas Xasan oo horay looga bartay mucaaradnimo iyo inuu kasoo horjeesto maamuladii hore ee Hirshabeelle xiligii dowladdii Xasan Sheekh ayaa hadda si aad ah ula dhacsan nidaamka socda.

Warar lagu kasloon yahay ayaa sheegaya in magacaabida wasiirka arrimaha gudaha uu ku yimid dalabka Ugaas Khaliif, taasoo u sabab ah inuu aqbalo nidaamka doorasho ee Hirshabeelle xiligaan ka socda.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda ay ku tixgelineyso Ugaaska soo xulida xubnaha xildhibaanada beesha Xawaadle ee ugu mid noqonaya baarlamaanka Somalia.

Ugaas Khalif ayaa lagu xasuustaa go’aanadiisii mayalka adkaa ee uu kaga horyimid dowladdii Xasan Sheekh iyo eedeymihii uu warbaahinta ugu gudbin jiray.

Somaliland oo xukun adag ku ridday milkiilaha Astaan TV

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa saaka xukun adag ku ridday milkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf Maxamed, kaas oo saddexdii bilood ee la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa.

Milkiilaha Astaan TV ayaa waxaa lagu ridday xarig shan sano ah iyo ganaax lacageed oo dhan labo bilyan oo ah Shillinka Somaliland.

Sidoo kale maxkamadda ayaa ku soo rogtay TV-ga Astaan xayiraad ah in uu uusan ka shaqeyn karin guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland.

Maxkamaddu ma shaacin sababta uu Cabdimanaan Yuusuf Maxamed ku muteystay ciqaab intaas le’eg, waxaana arrintan ay dad badan ku noqotay la yaab.

Dhanka kale qareenada u doodayey milkiilaha Astaan ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay ridday maxkamadda, iyagoo shaaciyey in lagu heysto sifo sharci darro ah.

Si kastaba xunkunka lagu ridday Cabdimanaan Yuusuf ayaa daba socda cadaadisyo ay xukuumadda Hargeysa ku saareyso in shaqsiyaad ay wadato uu saami ka siiyo Astaan.

Maxey tahay hadal heynta uu CC Shakuur abuuray ee la xiriirta ololaha doorasho?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Doorashooyinka guud ee dalka Soomaaliya ayaa bilaaban doona bishan iyadoo taxnaan doonta sida jadwalka yahay ilaa bisha February ee sanadka soo aadan, waxaana jirta hadal heyn badan oo dhan walba ah.

Siyaasiyiinta xildoonka ah ee Soomaaliya waxey wadaan olole uu mid walba ku doonayo inuu kursiga looga arrimiyo dalka ku fariisto afarta sano ee soo socota, waxaana inta badan ay ololayaashu ka socdaan dalka bannaankiisa.

Haddaba maxey tahay hadal heynta uu Muqdisho ka dhex abuuray hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka mid yahay tiro musharaxiin la ogyahay iney mar kale isu soo taagi doonaan doorashada, wuxuuna muddadii ay dowladdaan jirtay caan ku noqday mucaaradnimo fagaare ka hadal u badan, balse markaan wuxuu sameeyay hadal heyn.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir wuxuu noqday musharaxii ugu horreeyay ee boorarkiisa ololaha ku dhajiya wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana aad looga hadal hayaa baraha bulshada maadaama uu xilli hore muujinayo doorkiisa.

Waxaa la xasuustaa in hogaamiyaha uu sanadkii 2017 aad u tartamay, balse ma gaarin wareegyada ugu dambeeya walow uu markaan filanayo inuu kaalintii hore mid ka xoogan soo bandhigo.

Bishaan November waxaa bilaabanaya doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka labada aqal ee (Aqalka sare) iyo Golaha Shacabka, waxaana jira loolan adag oo u dhaxeeya musharaxiinta taasoo salka ku heysa cidda kusoo baxeysa xildhibaanka, balse wax walba waxey kala cadaan doonaan mudooyinka soo socda.

WIIL iyo ADEERKIIS oo lagu dilay Galgaduud + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay labo qof oo rayid ahaa ku dileen inta u dhexeysa deegaanada Xananbuur iyo Miirjicley ee gobolka Galgaduud.

Labada qof ee la dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen wiil iyo adeerkiis, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka loo geystay labadaasi qof uu salka ku hayo dilal la xiriira aano qabiil.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dilal la xiriira aanooyin Qabiil iyo sidoo kale weeraro halkaasi ay ka fuliyaan maleeshiyaad hubeysan.

Muuse Biixi iyo ergeyga QM ee Soomaaliya oo yeeshay wada-hadal lagu kala tegay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa wada-hadal ay yeesheen kasoo bixin wax natiijo ah.

Somaliland ayaa deegaanadeeda todobaadkii hore ka mamnuucday Qaramada Midoobay kadib markii UN–ka uu soo saaray gudaha Somaliland ka fuliso qorshaha horumarinta Somaliya ee 5-ta sano soo socda, taasi oo Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ka hor timid, isla-markaana soo saartay amar ay ku joojinayso shaqooyinkii Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen gudaha Somaliland.

Ilaa hadda wax war ah oo labada dhinac kasoo saareen wada hadalkooda oo khadka isgaarsiinta ku dhex maray ma jirto, laakiin la isku fahmi waayay qaabka shaqo ee Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ee UN-ka ansixiyay.

Somaliland ayaa ku doodeysa in ay ka madax banaan tahay Somalia, isla markaana ay tahay dowlad gooni ah, inkastoo aysan jirin cid aqoonsatay marka laga reebo dalka Taiwan oo isaga naftiisa caalamka aqoonsaneyn.

DF Somalia oo Muqdisho uga dhowaaqday qorshe looga hortagayo dhibaato taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqday qorshe cusub oo wax looga qabanayo Ayax fara badan oo ku habsan deegaano kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Saciid Xuseen Ciid ayaa kulan looga hadlayo qorshahaasi la qaatay Wasiirka Beeraha Daaqa & Dhirta Galmudug, Axmed Nuur Xaaji oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah Ayaxa, oo baabi’iyey dalagyo ku beernaa Beero ku yaalla degaano ka tirsan maamulka Galmudug, sida uu sheegay wasiirka Beeraha maamulkaasi.

Kulankaasi ayaa sidoo kale lagu lafo-guray sidii wasaaradda beeraha dowladda federaalka iyo tan Galmudug ay u kordhin lahaayeen la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato ku haya degaano ka tirsan Maamulka Galmudug iyo deegaano kale.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa sheegay in qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka ayaxu uu yahay kordhinta howl-galada iyo dagaalka ka dhanka Ayaxaasi, oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga soo gudbay dhinaca dalka Yemen.

Waxaa uu xusay in deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ay ka bilaabeen howl-gallo lagu buufinayo Ayaxa, isagoona xusay in maamulada kale ay kala hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha lagula dagaalayo Ayaxa.

Ayaxa ayaa muddooyinkii dambe waxa uu dhibaato badan ku hayay deegaano ka tirsan dalka, gaar ahaan Maamulada Hir-Shabeelle & Galmudug oo uu ka baabi’iyey dalagyadii ku yaalay beeraha deegaanadaasi.

Sawirro: Shariif oo dib ugu laabtay Jowhar + Ujeedka

0

Jowhar (CaasimadaOnline) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka markale dib ugu laabtay magaalada Jowhar oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Shariif iyo wafdigiisa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan oo ah tii labaad oo uu maalmo kooban gudahood Sheekh Shariif ku tago Jowhar ayaa saacadihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada.

Safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa la xiriira dadaallo uu ugu jiro xal ka gaarida dhismaha HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Shariifka ay la socdaan waxgarad ka raacay magaalada Muqdisho, isaga oo sidoo kale kulamo ka bilaabi doono caasimada Jowhar.

Sheekh Shariif ayaa doonaya inuu xaliyo tabashada iyo khilaafaadka ka taagan dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay maanta dhaceyso doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle, iyadoona ay ku xigi doonto tan madaxeynaha & ku xigeenkiisa.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Mareykanka iyo halka la kala marayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta ku tartameysa doorashadi madaxtinimo ee shalay ka dhacday dalkaan Mareykanka ayaanan wali ku kala bixin doorashada, kaddib markii ay soo bixi weysay natiijada gobollo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Pennsylvania, Michigan, Georgia, North Carolina, Wisconsin iyo Arizona, oo weli tirinta codadka ay ka socoto.

Madaxweyne Trump oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden, madaxweyne ku-xigeenki hore oo ka tartamaya Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa labaduba xalay saqdi dhexe kadib la hadlay taageerayaashooda.

Joe Biden xalay saqdi dhexe kaddib ayuu khudbad kooban ka jeediyay magaalada laga soo doorto ee Wilmington ee gobolka Delaware, wuxuuna u sheegay in doorashada ay ku guuleysan doonaan, isaga oo yiri niyadda dagsada, innaga ayaa ku guuleysa doonna.

Wuxuu kale oo sheegay in aysan doorashada dhamaan doonin ilaa cod walba laga tirinayo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna khudbad ka jeediyay Aqalka Cad ku sheegtay inuu guul ka gaaray doorashada, inkasta oo weli tirinta codadka aysan dhammaan, natiijada rasmiga ahna aan la shaacin.

Madaxweynaha ayaa yiri “Xaqiidii doorashadaan waan ku guuleysannay. Laakin sida muuqata, waxaa wali socoto tirinta codadka dhowr gobol oo ah kuwa go’aamin doona natiijada kama danbeysta ah.”

Madaxweyne Trump ayaa isaga oo aanan faah-faahin biixn sheegay in ay dhacday “wax isdaba marin,” sidaasi daraadeedna uu qorsheynayo inuu Maxkamadda Sare la aado natiijada doorashada.

Trump wuxuu sheegay inuu guulo waa weyn kasoo hooyey gobollada Florida, Texas iyo Ohio, sidoo kalana uu codad badan Biden kaga hogaaminayo gobollada hadda aanan wali lagu dhawaaqin natiijadooda.

Sida ay sheegayaan dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, saddexda gobol ee Wisconsin, Michigan iyo Pennsylvania ayaa ah kuwa kala saari doono cidda noqon doonta madaxweynaha afarta sano ee soo socota maamuli doona dalka ugu awoodda badan caalamka ee Mareykanka.

Si kastaba, waxaa suurta-gal in natiijada kama dambeysta ah aan la ogaan maalmo haddii aad la isugu dhow yahay, sababo la xiriira codad lagu soo diray boostada, oo iman doona maalmaha soo socda, kuwaas oo la tirin doono.

Xildhibaanada Waqooyi oo kasoo horjeestay qorshaha Cabdi Xaashi, lana saftay xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kuwooda ka soo jeeda gobollada Woqooyi ee Somaliland ayaa si adag uga hor-yimid dalabkii gudoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal ay iyagu soo magacaaba doonaan.

Xildhibaanadaas oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Somaliland ku meteli doona guddiyadaas.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayey ku eedeeyeen inuu dayacay masuuliyadaas, isla markaana uu xaq u lahaa inuu talo ku yeesho heshiisyadii doorashada ee lagu gaaray Dhusamareeb iyo Muqdisho, isagoo metelaya Somaliland.

War-saxaafadeed ay ka soo saareen shirkaas waxay ku sheegeen in maadaama guddoomiye Cabdi Xaashi uu dayacay mas’uuliyadaas, uu madaxweyne Farmaajo ku metelayey heshiisyadii laga gaaray doorashada dalka.

“Majiro heshiis ay gaareen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi ugu jira dowladda federaalka, mana jirto cid uu guddoomiye Cabdi Xaashi kala tashaday ama ku metelo warqadii uu dhawaan soo saaray,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka xubnahaas ka soo jeeda Somaliland ay soo saareen.

Sidoo kale war-saxaadfadeedkan waxaa eedeyn loogu jeediyey Madaxsha Xisbiyada Qaran oo taageero u muujisay dalabkii guddoomiye Cabdi Xaashi.

Madasha Xisbiyada oo shalay soo saaray qoraal ku saabsan arrinta kuraasta gobollada waqooyi ayaa xukuumadda federaalka kula talisay in doorka doorashada kuraasta gobollada waqooyi looga dambeeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, maadaama uu yahay masuulka ugu weyn ee la doortay.

 Hoos ka Daawo war-murtiyeedka

Shirkadaha diyaaradaha oo diiday inay Dhuusamareeb tagaan kadib weerarkii lagu qaaday diyaarada Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Inta badan Shirkadaha Duulimaayada ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa maanta joojiyey duulimaadyadii caadiga ahaa oo ay ku tagi lahaayeen garoonka magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii xalay Al-Shabaab ay weerareen diyaarad ka kaceysay garoonka.

Diyaaraddaas ayaa waxaa saarnaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, waxaana lagu riday 7 oo xabadaha baasuukaha ah, kuwaasi oo ay seegeen.

Warar aan ka helnay saraakiisha amniga ee Dhuusamareeb iyo madaxda shirkadaha ayaa sheegaya in dhamaan shirkadaha ay diideen in garoonkaas tagaan sababo amni aawgeed, waxaana jirin diyaarad maanta halkaas ka dagtay.

“Ma jirto wax diyaarad ah oo maanta Dhuusamareeb tegay waxaana baaqday rakaab badan oo ay maanta aheyd in la qaado,” ayuu yiri mid ka mid ah madaxda shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya oo maanta tagi laheyd Galmudug.

Shirkadaha ayaa la sheegay inay la xiriireen maamulka Galmudug kana dalbadeen damaanad qaad amni, balse maamulka uu sheeegay inuusan siin karin, taasi oo keentay inay diidaan inay garoonka tagaan.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kaliya aysan ahayn maanta, balse ay u badan tahay in maalmaha ama toddobaadyada soo socda aysan diyaarad ka degin garoonkaas.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in hadda ururinayaan ciidan dagaal qaada oo Al-Shabaab ka sifeeya deegaanada ku dhow garoonka ee ay weerarka kasoo qaadayaan.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha garoonka Dhuusamareeb, hase yeeshee madaafiicdii ay shalay ku rideen diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa xaaladda meel xun gaarsiisay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa u muuqata in bilooyinkii la soo dhaafay uu sii xumaanayo amaankeeda oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana usii dheer duqeymaha magaalada ee joogtada noqday.

Sawirro: 3 dal oo Yurub ah oo howlgal diblomaasiyadeed ka aas-aasay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland, Poland ee Soomaaliya, kuwaasi oo howlgal diblomaasiyaadeed maanta ka aas-aasay Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Denmark Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Ireland Marwo Fionnuala Quinlan oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweynaha ayaa muujisay sida ay ugu hanweyn tahay ka mid noqoshada bahda diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjiraha Jamhuuriyadda Poland Jacek Bazanski ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Andrzej Duda, isaga oo nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyey Madaxweynaha.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhaxeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.