26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

QM oo war culus soo saartay dagaalka Ethiopia iyo Tigray

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa bayaan uu maanta kasoo saaray xiisada dagaal ee ka aloosan dalka Itoobiya, ayuu ku baaqay in xiisadaasi loo dejiyo qaab nabadeed.

Antonio ayaa walaac xoogan ka muujiyey xiisada cakiran ee ka taagan gobolka Tigreyga, kadib markii golaha wasiirada Itoobiya ay shalay ku dhawaaqeen in gobolkaasi lagu soo rogay bandow deg-deg ah.

Xoghayaha ayaa sheegay in xiligan lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo ka dhan ah xiisadaasi, midaasi oo lagu joojinayo dagaalka dowladda federaalka iyo gobolka Tigreyga.

Waxa kale oo uu sheegay in Qaramada Midoobey ay ka go’an tahay inay dowladda Itoobiya ku taageerto wada noolaanshaha nabadeed iyo hiigsigeeda mustaqbal wanaaga, si looga baaqsado dagaalo sokeeye.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogayo gobolka Tigreyga ee dalkaasi, xili uu isla shalay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu amray dagaal ka dhan ah maamulka TPLF, midaasi oo uga sii dartay xiisada labada dhinac,

Golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa kulankaasi ku go’aamiyey in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo gobolka Tigreyga, taasi oo socon doona muddo lix bilood ah.

Waxa kale oo uu goluhu isla shalay amray in howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolkaasi uu hogaamiyo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.

Gobolka Tigreyga ayaa galay go’doon, maadama la jaray dhamaan isgaarsiinta iyo internet-ka, iyada oo lagu soo waramayo in halkaasi ay ka socdaan iska hor imaado culus oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulkaasi.

Xaggee la kala marayaa doorashada Mareykanka?

0

Washington (Caasimada Online) – Doorashada Mareykanka ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana maalintii saddexaad socota tirinta codadkii la dhiibtay.

Xisbiyada Jamhuuriga & Dimuqraadiga ayaa si weyn u loo lamaya, gaar ahaan labada musharrax ee Donald Trump & Joe Biden oo isku hardinaya doorashada dalkaasi.

Labada musharrax oo si ballaaran olole u sameeyey ayaa mid kii guuleysta wuuxuu Mareykanka uu hoggaamin doonaan afarta sano ee soo socoto.

Sidoo kale waxaa codadkooda doorashadan ka dhiibtay in ka badan 160 milyan oo qof oo ku sugan gobollada wadankaasi.

Tartanka waxaa weli hoggaaminayo Joe Biden oo guullo ka soo hooyey gobollo aan laga fileyn oo loo xaglinayey dhinaca Trump ama Jamhuuriga, waxaana warbaahintu saadaalineysaa inuu guuleysan karo Biden, inkastoo weli ay socoto tirinto codadka.

Qofka guuleysanayo ayaa wwaxaa laga doonayaa in uu helo 270 codadka la dhiibtay, iyada oo haatan Musharrax Joe Bidne uu heysta illaa 243, halka Trump uu heysto 214.

Trump ayaa ku doodaya inuu guul weyn ka gaaray doorashada, isaga oo ku eedeeyey Dimuquraadiga in ay geysteen wax is dabamarin, sida uu ku shaaciyey Twitter-kiisa.

Si kastaba tartanka ayaa ah weli ah mid socda, waxaana Biden looga baahan yahay in uu sii xoojiyo guusha uu hadda ka gaaray gobollada Arizona, Nevada iyo Wisconsin.

Galmudug oo qaaday tallaabo jawaab u ah weerarkii lala beegsaday QOOR QOOR

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ay u dhaqaaqeen deegaano ku yaal duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi ka bilaabeen howl-gallo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah mararka qaar ku yimaada duleedka caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada oo is garabsanaya ay gaareen deegaano dhaca bariga Dhuusamareeb oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ujeedka howl-galladan ayaa waxaa lagu sheegay kuwo lagu sugayo amniga, sidoo kalena looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ka soo qaadaan halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ee ay billowday Galmudug ayaa ku soo aadaya, kadib weerarkii hoobiyeyaasha ee labadii bishan lagu qaaday diyaarad sidday madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor oo ka soo duulayey gudaha garoonka Dhuusamareeb.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa bilihii u dambeeyey kordhiyey weerarada ay ku heyso magaalada Dhuusamareen oo horey uga saareen Ururkii Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Abiy oo guul ka sheeegtay dagaalka gobolka Tigray-ga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolka Tigreega inkasta ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku aadan ilaalinta amniga.

Maamulka Abiy wuxuu ku eedeeyay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigreega in uu wado weerar ka dhan ah militariga dowladda.

Xiisad ayaa ka taagan gobolka Tigreega kaddib markii Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay tallaabo militeri oo ka dhan ah maamulkaas.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Abiy, wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay in howlgal militeri lagu qaado gobolka Tigreega isla markaana uu sii wadi doono howlgalkaas.

Dowladda federaalka ayaa horraan xaalad deg deg ah ugu soo rogtay gobolka Tigreega, waxaana la xiray duulimaadyadii aadi jiray gobolkaas.

Bayaanka uu soo saaray Rai’sul wasaaraha ayaa waxaa uu ku yiri “in khadka cas laga tallaabay” islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado,” TPLF.

TPLF waxay dhankooda sheegeen in ‘aysan is dhiibin doonin oo aysan iska indha tiri doonin halista weyn’

Dowladda federaalka waxay dhankeeda sheegtay in ‘colaadda ay wadaan kooxo yar oo dana gaar ah wata si ay u carqaladeeyaan amniga dalka’

TPLF waxay horraan dowladda dhexe ugu eedeysay inay waddo qorsheyaal ay kusoo weerareyso gobolka.

Xisbiga TPLF ayay awoodda dalka Itoobiya gacanta ugu jirtay ku dhawaad 30 sano markaasi oo uu ka dib Abiy uu xukunka kala wareegay sanadkii 2018-kii.

TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyraska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.

Isha: BBC

Mas’uul ka tirsan PUNTLAND oo toogasho lagu dilay iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay mas’uul ka tirsanaa Puntland.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinuur Maxamed Cabdulle, waxaana la sheegay inuu ka tirsanaa waaxda dhulka dowladda hoose ee waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu ku sugnaa xaafadda Garsoor ee magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey toogashada ay goobta isaga baxsadeen falka, kadib waxaana  meesha gaaray ciidamada ammaanka.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay shaacisay in marxuum Cabdinuur uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland.

Illaa iyo hadda wax faah faahin ah kama soo bixin dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan toogashadaasi.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka waa weyn ee Puntland, sida Gaalkacyo iyo Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo dilal u badan.

Ciidamada Kenya oo weerar cusub ka fuliyey GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in weerar cusub oo duqeyn ah ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolkada Gedo oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarka oo loo adeegsaday madaafiic ayaa ka dhacay deegaanka Dhamase oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegay in duqeynta ay ku gaareen gudaha deegaankaas oo ay sugan yihiin dad u badan reer Mii ah, islamarkaana Xoolo dhaqato ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeymahaasi ciidamada Kenya ay ku baabi’iyeen Xoolo aad u fara badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Shacabka ayaa sidoo kale bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada Ceelwaaq iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan ciidamada Kenya ayaa dhibaatooyin xoogan ka geysta koonfurta Soomaaliya, iyaga oo tacadiyada ugu daran ka wadaan gobolka Gedo ee maamulka Jubaland.

R/W Rooble oo magacaabay guddiyada doorashada iyo xallinta khilafaadka ee heer federaal + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee heer Federaal oo dhameystir u ah heshiisyadii doorashooyinka ee Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Xubnaha Guudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka 2020-2021 ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah:-

  1. Axmed Ciise Geelle
  2. Maxamed Faarax Xirsi
  3. Cali Maxamuud Faarax (Cali Zeko)
  4. Nimco Axmed Cabdi
  5. Maxamed Aweys Maxamed
  6. Cabdulqaadir Xusseen Cabdi
  7. Cabdullaahi Abyan Nuur
  8. Xusseen Laki Maxamed Maxamuud
  9. Saaqo Aadan Maxamed
  10. Cabdirisaaq Cali Kaahin
  11. Amal Musdafe Muuse
  12. Mohamed Ibrahim Barre
  13. Abdi Mohamed Sheikh
  14. Burhaan Cilmi Xirsi
  15. Yasmiin Maxamuud Cabdi Xaamud
  16. Warfaa Maxamed Jaamac
  17. Axmed Yuusuf Maxamuud
  18. Garaad Yusuf Maxamuud
  19. Mustafa Macalin Cali Salaad
  20. Farxiyo Xasan Cusmaan.
  21. Liibaan Cusmaan Nuur

Xubnaha Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ee Doorashooyinka 2020-2021, ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah:-

  1. Cabdiwali Maxamuud Cilmi
  2. Maxamed Xassan Maxmed
  3. Mahad Dheere Xaashi
  4. Mowliid Mataan Salaad
  5. Faadumo Maxamed Cabdullaahi
  6. Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadam
  7. Caasho Abuukar Qaasim
  8. Madiina Adan Malaboow
  9. Cabdinuur Maxamed Axmed
  10. Saciido Maxamed Muscid
  11. Maxamed Aadan Cusmaan
  12. Faaduma Cabdirisaaq Sheekh Ciise
  13. Axmed Maxamed Ducaale
  14. Caydaruus Saalax Yuusuf
  15. Cabdijabaar Cabdullaahi Faarax
  16. Liban Abukar Osman.
  17. Yusuf Mohamed Kheyr
  18. Muse Geelle Yusuf
  19. Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacade)
  20. Cabdicasiis Sheikh Xuseen Dayib
  21. Xaawa Xaaji Maxamed Malindi
  22. Liibaan Axmed Xasan
  23. Cabdiaziz Cabdiraxman Yusuf
  24. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
  25. Maxamed Maxamuud Caddow

LAFTA-GAREEN oo ku dhowaaqay guddi doorasho

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Guddiga uu ku dhowaaqay Lafta Gareen ayaa ka kooban illaa siddeed xubnood, waxaana saddex ka mid ah yihiin dumar.

Sidoo kale guddigan ayaa waxaa lagu soo biirin doonaa saddex xubnood oo ka imaanaya dhanka dowladda federaalka, sida lagu sheegay qoraalka.

Waxaa sidoo kale guddigan uu arrimaha doorashooyinka kala shaqeyn doonaa guddiyada xalay lagu dhowaaqay ee doorashada 2020 illaa 2021-ka.

Dhismaha guddigan ayaa wuxuu qeyb ka ahaa heshiiskii horay looga gaaray doorashada ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa dhowaan isku diyaarineysa doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo horraanta bishan si rasmi ah uga bilaaban doonto dalka.

Xog: Shariif ma wuxuu weji cusub u yeelay doorashada madaxweynaha HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa Jowhar ka wada galaangal siyaasadeed oo wejii cusub u yeeli kara siyaasadda HirShabeelle

Ilo-wareedyo ku dhow Shariif ayaa sheegay inuu Jowhar u joogo sidii uu u dhammeyn lahaa tabashada qaar ka mid ah beelaha HirShabeelle, oo uu ku eedeeyey inay iska horkeentay dowladda federaalka.

Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ee ku dhow Shariif ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu ka hortago qorshaha dowladda ee ah in HirShabeelle uu kasoo baxo madaxweyne taageersan.

Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay wadato madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, hase yeeshee xubnaha Shariif ku dhow ayaa sheegay inuu jiro musharax qarsan oo ay dowladda wadato.

“Qorshaha dowladda wuxuu ahaa in loo muujiyo Guudlaawe inuu yahay ninka ay wadato si loogu aamusiyo mucaaradka Madasha oo badankood ku beel ah, si aysan uga hadlin hanaanka doorashada, kadibna marka doorashada la gaaro ay lasoo baxdo musharax kale,” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Shariif.

Musharaxa kale ayay ku sheegeen inuu yahay Nuur Iidow Beyle oo kasoo jeeda beesha Xawaadle.

Xubnaha ku dhow Shariifka ayaa sheegay inuu hadda doonayo inuuka hortago qorshahaas, islamarkaana xaqiijiyo inuu madaxweyne noqdo Guudlaawe.

Shariifka ayaa waxaa socdaalkiisa Jowhar ku wehliya taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, waxaana la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalka lagu qancinayo beesha Xawaadle inay ogolaato Guudlaawe.

Xubno ku dhow Villa Somalia oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay inaysan wax u jirin sida ay u dhigayaan Madasha Xisbiyada Qaran, islamarkaana ay taageersan yihiin Cali Guudlaawe.

CC SHAKUUR: “Wixii shalay dhacay waxay tijaabo u tahay Ra’iisul Wasaare ROOBLE”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta sanadkan u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray boor uu ku dheganaa sawirkiisa oo laga jeexjeexay, kaas oo uu ku soo bandhigaayey musharaxnimadiisa.

Cabdiraxmaan ayaa arrinkaas ku eedeeyey ciidanka koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, isagoo si weyn ugu dhaleeceeyey madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan canbaareynayaa gabood falka ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharraxnimada xilka Mdaxweynimo ee aan sannadka 2021-ka u taaganahay,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in ciidanka boorarka jeexjeexay laga soo amray Villa Somalia.

“Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka lahayd u sheegay in uu amar kaga yimid Madaxtooyada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Naguma cusba dulqaad la’aanta musharrax Madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u simanyihiin musharraxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay.”

Cabdiraxmaan ayaa su’aal geliyey sida madaxweyne Farmaajo oo sawirradiisa u adkeysan waayey uu doorashada ugu dul qaadan doono.

“Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horu dhac ah u tahay waxa uu maagan yahay musharrax Madaxweyne Maxamad Farmaajo,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa taageerayaashiisa iyo musharaxiinta kale ugu qaabay in arrintaas ay meel uga soo wada jeestaan, isla markaana laga dhiidhiyo.

“Waxaan ugu baaqaynaa taageerayaasheyada, musharraxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay falkan gurracan si isku mid uga dhiidhiyaan” ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyey.

Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo James Swan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa yeeshay wada-hadallo taleefanka ah, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Labada mas’uul oo muddo wada-hadlayey ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan go’aankii ay Somaliland ku hakisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adaha QM.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka si gaar ah diirada loogu saaray sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka iyo macaamiilka ka dhexeeya labada dhinac.

James Swan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dib loo soo celiyo iskaashiga ay lahaayeen hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Somaliland, si hore loogu sii socdo.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uu ku adkeystay dhankiisa shuruudihii uu horey u soo bandhigay ee ahaa in sida dal oo kale loola macaamilo.

Somaliland ayaa dhowan ku dhowaaqday inay deegaanada ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga QM iyada oo ku eedeysay inay ka amar qaataan dowladda Somalia.

WAARE dib ma isugu taagi doonaa xilka uu iska casilay ee madaxweynenimo?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa faah-faahin dheeriya bixiyey maalin un kadib, markii uu iska casilay xilkii madaxweynaha HirShabeelle.

Waare ayaa ugu horeyntii sheegay in dowlad goboleedka HirShabeelle uu ku bixiyey dadaal badan, gaar ahaan sidii loo heli lahaa maamul leh amni iyo nidaam dhisan, balse ay socon weysay, kadib markii dad gaar ah lugaha jiideen, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu markii u horeysay shaaciyey inuusan aheyn musharax u taagan xilka uu iska casilay, isla markaana uu ka tanaasulay, maadama uu ku doodayo inuu xilka iska casilay iyada oo ay u harsan tahay muddo sanad ah.

Sidoo kale waxa uu saluug badan ka muujiyey hanaanka dhismaha maamulka HirShabeelle oo xiligan ay socdaan doorashooyinkiisu, isagoona xusay in dhag jalaq loo siin waayay dalab uu jeediyay oo ku aadana hakinta doorashooyinkaasi, si loo helo maamul heshiis lagu yahay.

“Neefa Xoolaha markii uu caatoobe oo Cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka Hir-Shabeelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa habeen hore ku dhawaaqay is-casilaadiisa, iyada oo warqadda is-casilaadda oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online uu ku sheegay in dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle lagu wado si deg-deg ah, taasi oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed.

Waxa uu xiligaas tusaale usoo qaatay in markii koowaad ee maamulkan la dhisayey oo ahayd 2016-kii la aas-aasay xilli dalka ku guda jiro doorasho federal, taasi oo keentay in xildhibaano aan tayo lahayn iyo maamul fadhiid ah, oo ay beelo badan cabasho ka qabaan lasoo dhiso.

Is casilaada Waare ayaa timid xili hal maalin un ay ka harsaneyd doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle oo maanta lagu wado inay ka qabsoomto magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Cabdi Xaashi oo hal sabab uga soo horjeestay gudiyada doorasho ee la magacaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta ka horyimid guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaaraha Somalia.

Warqad ka soo baxday xafiiska Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku shaaciyey sababta ku diiday dhismaha guddiyadaasi, isaga oo sheegay in laga tegay xubno uu u gudbiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loogu daro xubnaha guddiyada doorashooyinka.

Xubnahaas oo afar ka koobnaa ayuu sheegay inay ahaayeen guddigii Somaliland ku matali lahaa doorashadda, hayeeshee uu ka tegay ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha guddiyada lagu dhowaaqay aysan metali karin Somaliland ama gobollada waqooyi, isaga oo shaaciyey in aan lagala tashan.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalkan ogeysiiyey madaxweynaha, ras’iisul wasaaraha iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Si kastaba arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo haatan khilaaf adag uu ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dhanka gobollada waqooyi ee dowladda federaalka ku metalayo maamulka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Mareykanka oo u dhow in lagu kala baxo

Washington (Caasimada Online) – Tirinta codadka doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa weli socota, ayada oo labada musharax ay aad isugu dhow yihiin, hase yeeshee waxaa horeeya madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Haddii sida ay hadda wax u socdaan ay kusoo dhammaadaan, Biden ayaa kursiga Aqalka Cad ka tuuri doona Trump, waxaana saacadba saacadda ka dambeysa soo xirmaya waddooyinka uu Trump guul ku gaari doono.

Waxaan weli go’aan laga gaarin doorashada gobollada Wisconsin, Michigan, Pennsylvania, Georgia, North Carolina, iyo Nevada, kuwaasi oo tartanka aad la isugu dhow yahay.

Biden ayaa ku horreeya Wisconsin, Michigan, iyo Nevada, halka Trump uu hoggaaminayo Pennsylvania, Georgia, North Carolina. Haddii labada musharax ay ku kala guuleystaan gobolladaas ay kala hogaaminayaan, waxaa madaxweyne noqonaya Biden, sababtoo ah Trump wuxuu u baahan yahay in ka sokow saddexda gobol ee uu hoggaaminayo inuu sidoo kale ku guuleysto mid ka mid ah saddexda uu Biden ku horreeyo.

Codadka illaa iyo hadda harsan ee aan la tirin ayaa ah kuwa lagu soo diray boostada, waxaana lagu warramayaa inay u badan yihiin dadka ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Biden, taasi oo rajada Trump aad u yareyenysa.

Saadaashii ugu dambeysay waxay sheegeysa in Wisconsin iyo Michigan ay u muuqdaan kuwa u xaroon doona Biden, hase yeeshee waxaan weli kala caddeyn Nevada, taasi oo rajo kooban siineysa Trump.

Inkasta oo codadka harsan ee Nevada ay sidoo kale yihiin kuwa lagu soo diray boostada, haddana horreynta Biden ayaa ah mid aad u yar oo ah kaliya 7,000 oo codad, taasi oo rajo ah inuu soo qaban karo siineysa Trmp.

Weli ma cadda halka wax ku dhammaan doonaan, hase yeeshee waxay u muuqata in Biden uu ku dhow yahay in loo doorto madaxweynaha Mareykanka, inkasta oo tirinta codadka harsan ay qaadan karto dhowr maalmood oo kale.

Shariif oo Jowhar u jooga inuu laba arrin midkood u xaqiijiyo beesha Xawaadle

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana wafdigiisa kamid ah taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo siyaasiin kale.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Jowhar u joogo in la qanciyo beesha Xawaadle oo diidan doorashada HirShabeelle, iyagoo ku doodaya in la duudsiiyay xuquuq ay lahaayeen.

Ka hor inta uusan Muqdisho ka bixin Sheekh Shariif, waxa uu la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska guud ee beesha Xawaadle. Sidoo kale Ugaaska ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxa uuna la wadaagay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo Sheekh Shariif.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in Sheekh Shariif uu Jowhar ugu laabtay in Madaxweynaha uu ka yimaado Hiiraan, gaar ahaan Xawaadle ama in caasimada loo wareejiyo Hiiraan, si loo ilaaliyo nidaamka awood qeybsiga HirShabeelle.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in Cali Guudlaawe ogolaaday inuu ka horo tartanka Madaxweynaha islamarkaana uu sii ahaado Madaxweyne ku xigeen halka wararka kale ay sheegayaan in Xawaadle ogolaaday inuu qaato Madaxweyne ku xigeen iyo Caasimada maamulka.

Wali ma jirto faah faahin rasmi ah oo ay dhinacyadu soo saareen hase yeeshee waxaa isa soo taraya wararka safarka Sheekh Shariif ee Jowhar.

DF Soomaaliya oo dalab hor-dhigtay guddoonka cusub ee baarlamanka HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarrada Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey doorashadii guddoonka cusub ee baarlamaanka HirShabeelle, kaas oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar.

Wasaarradda ayaa boggaadisay guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle iyo hey’adaha amniga oo ku guuleystay in doorashadaas ay sidii loogu tala galay u dhacdo.

Sidoo kale wasaarradda arrimaha gudaha ayaa ka dalbatay guddoonka cusub ee baarlamaanka Hir-Shabeelle inay soo dhameystiraan howlaha ka dhiman doorashada maamulkaas.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar oo loogu tartamay xilalka guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa ku soo baxay seddax musharax oo ka mid ah xubnihii tartamayey.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa loo doortay guddoomiye, ku-xigeenkiisa koowaad Siraaji Sheekh Isxaaq, halka ku xigeenka labaad loo doortay Mahad Xassan Cismaan.

Dowladda federaalka ayaa aad loogu xaglinayaa inay si toos ah u maamulaneyso doorashada dowlad goboleedka HirShabeelle, iyadoo maalin ka hor madaxweynihii hore ee maamulkaas Maxamed Cabdi Waare uu isku casilay arrimo ay ka mid tahay tix-gelin la’aan uu ka tirsanayo dowladda dhexe.

Sawir uu CC SHAKUUR ku dhagsaday meel u dhow Villa Somalia oo laga fujiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Caasimada Online u sheegay in laga fujiyay Sawir uu musharaxnimadiisa ku cadeynayay, kaas oo ku dhaganaa inta u dhaxeyso Masjidka Isbaheysiga iyo hotel SYL oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta aan la hadalnay ayaa sheegay in maanta duhurkii sawirkaan la fujiyay waxayna ku eedeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa koofiya casta ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida ay ku warameen masuuliyiinta Xisbiga Wadajir waxaa la filayaa in dhowaan ay shaaciyaan, in ciidanka Madaxtooyada oo amar ka qaadanaya saraakiil ka tirsan Villa Somalia ay fujiyeen sawirka Musharax Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo ka tirsan masuuliyiinta sanadkaan u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada iyo Villa Somalia oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaan, waxeyna u muuqaataa xaalad kale oo cusub, taas oo saameen karta ololaha doorashada Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada sanadkaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu ahaa musharaxii ugu horeeyay ee boorar ku dhagsada Muqdisho waxaana jirta cabsi kale oo ay ka qabaan in laga fujiyo kuwa kale ee ku dhagan wadooyinka Muqdisho.

Maareeye oo ka hor-yimid bayaankii ay xildhibaanada Dir kula safteen xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si adag uga hor-yimid Bayaan ay shalay soo saareen qaar kamid ah xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwooda ka soo jeeda gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Maareeye iyo garab uu hogaaminayo oo iskugu jira xildhibaano, odayaal iyo siyaasyiin ay isku mowqif yihiin ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaabkii loo soo abaabulay qaar kamid ah xildhibaanada goboladaasi oo shalay sheegay in xukuumadda federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Somaliland ku meteli doona guddiyadaas.

Sidoo kale waxa ay shalay xildhibanadaasi ganafka ku dhufteen dalabkii gudoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa ‘in xubnaha Somaliland ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee heer federaal ay iyagu soo magacaabi doonaan’.

Maareeye oo maanta war-saxaafadeedkaasi soo saaray ayaa isaguna sheegay in qodobadii shalay kulankoodii ka soo saareen Xildhibaanadaasi aanay waxba ka jirin oo sharciyad ku fadhiyin.

“Anigoo ku hadlaya Magacayga Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), magaca Xildhibaanada labada gole ee Dir Waqooyi ee aanu isku mowqifka nahay iyo magaca musharaxiinta, madax dhaqameedka iyo bulshada midnimada u taagan ee Dir Waqooyi ee aan codkooda gudbin karin ee ilaa xalay na soo wacayey iyagoo ka xun qaabkii loo soo abaabulay ama ay u hadleen qaar ka mid ah Xildhibaanadii ay doorteen afar (4) sano ka hor, waxaanu halkan ku cadeynaynaa in qodobadii ay shalay kulankoodii ka soo saareenXildhibaanadaasi aanay waxba ka jirin oo sharciyad ku fadhiyiniyo garab uu hogaaminayo oo ka kooban” ayuu ku yiri qoraalkiisi Maareeye.

Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada kulankaasi yimid ay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyso dowladda federaalka, oo culeys ku saareysa inay taageeraan rabitaankooda, si markale ugu soo laabtaan kuraastood, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiro heshiis uu ansixiyey baarlamaanku, oo dhigaya in xukuumaddu ay u madax-banaanato maamulada kuraasta Dir-Waqooyi, kaasi oo ay shalay cuskadeen xildhibaanadii garab istaaga u muujiyay dowladda.

“Waxay sheegeen in heshiiskii Barlamaanku ansixiyey ee golaha Wadatashiga uu ku jiray qodob dhahaya Dir Waqooyi waxaa maamulaya Xukuumadda, taas oo aanay waxba ka jirin (waxaa halkan ku lifaaqan heshiiskii Barlamaanku ansixiyey)” ayuu yiri.

Maareeye iyo xubnaha uu sheegay inuu ku hadlayo afkodoa ee kasoo jeeda beelaha waqooyi ayaa taageero xoogan u muujiyey in doorashada xildhibaanadooda loo raaco habraacii doorashooyinka ee 2016-kii, kaasi oo ay dhawaan soo jeedisay Madasha Xisbiyada Qaran.

“Xildhibaanada shalay kulmay waxay ku xadgudbeen sharciyada uu nagu xukumo iyo sharafka adeerkood Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo ay sheegeen in aanu haysan sharciyad uu gudiga doorashooyinka noogu magacaabo!!!, anagoo ka xun waxaanu u sheegaynaa in uu sharciyada ku haysto”.

Ugu dambeyntiian waxa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in Dir-Waqooyi uu hogaankooda u sareeya uu yahay Gudoomiye Cabdi Xaashi, isla markaana ay u daba fadhiisanayaan inuu soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Si kastaba, Kuraasta beelaha Waqooyi ee Somaliland ayey xiisad xoogan ka taagan tahay, maadama ay Siyaasiyiinta beelahaasi ay ku kala qeybsan-yihiin cida magacaabeysa guddiga doorashadooda oo ay isku hayaan xukuumada iyo guddoomiyaha golaha aqalka sarre.

Xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogey gobolka Tigray ee Ethiopia kadib weerarkii uu amray R/W Abiy Ahmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogayo gobolka Tigreyga ee dalkaasi, xili uu ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu amray dagaal ka dhan ah maamulka TPLF oo weerar ku qaaday xero ay ku jireen ciidamada federaalka Itoobiya.

Golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku go’aamiyey in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo gobolka Tigreyga, kaasi oo socon doona muddo lix bilood ah.

Waxa kale oo uu goluhu maanta isla qaatay in howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolkaasi uu hogaamiyo taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.

Go’aankan ayaa u muuqda mid go’doon lagu galinayo gobolka Tigreyga oo si adag uga hor-yimid dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana abaabulayey dagaalo ka dhan ah xukuumada Abiy Ahmed.

Waxa kale oo lagu soo waramayaa in gebi ahaanba isgaarsiinta gobolka Tigreyga la jaray, kadib go’aanka kasoo baxay golaha, iyada oo kacdoon lagu diidan yahay dhawaaqan uu ka socda gudaha gobolkaasi, inkasta oo ay xiligan adag tahay in la ogaado faah-faahino ku aadan waxa ka socda gobolkaasi, maadama ay isgaarsiinta iyo internet-ku hawada ka maqan-yihiin.

Go’doonkan la galiyey gobolka Tigreyga ayaa la fahamsan yahay inuu dabo socdo amar uu Abiy Ahmed siiyey ciidamada militariga, si ay jawaab ugu bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

Is mari-waaga u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka TPLF ayaa dhabaha saaray inuu isku rogo dagaal buuxa, xili ay muddooyinkii u dambeeyay ay diblomaasiyiinta iyo taxliiliyayaashu si adag uga digayeen arrintaasi.

Baarlamanka HirShabeelle oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeeno

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle ayaa goordhow shaaciyay in Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Daahir, uu ku guuleestay doorashadii guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, ayaa helay codad gaaraya 77 cod, halka Xildhibaan Goodir oo la tartamayay uu helay 21 cod, waxaana xummaaday hal cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabeelle.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo lagu ballansanaa in ay qabsoonta galabta ayaa saakay laga soo hormariyay waqtiga inkastoo ay soo gaartay xiligaan.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee Sudan, waxaana uu aad ugu dhowaa madaxda Villa Somalia, oo taageero weyn uu kaga helay guushiisa.

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq, ayaa isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay Xildhibaankii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Xildhibaan Siraaji, ayaa si gacan taag ah loogu codeeyay waxa uuna sidaas ku noqday guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle.

Guddiga ayaa sheegaya in hadda laguda geli doono doorashada guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay ku tartamayaan Xildhibaan Axmed Cilmi oo hore xilkaan u heysay iyo Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo ka tirsan baarlamaankii hore ee HirShabeelle hadane ku soo laabtay baarlamaanka 2-aad.

Dhanka kale, xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib tartan dhaxmaray isaga iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo xilkaan hore u heysay.

Mahad Xasan Cusmaan ayaa helay codad gaaraya 87 cod, halka Xildhibaan Canab ay heshay codad gaaraya 12  Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo maanta xilkaan loo doortay ayaa hore uga tirsanaa baarlamaanka HirShabeelle, waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirkii ugu horeeyay ee Wasaaradda Warfaafinta HirShabeelle Xukuumadii Madaxweyne Cosoble.

Doorashada maanta ka dhacday Jowhar ayaa waqti badan qaadan waxaana si dhib la’aan ah ukala adkaaday musharaxiintii guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenka 2-aad, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad uu u tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la doorto Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa waxeyna taas oo afjari doontaa doorashada HirShabeelle oo soo socotay bilooyinkii la soo dhaafay.