25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Safiirka Shiinaha ee Somalia oo qaaday tallaabooyin ka sii daraya xiisadda Taiwan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa dib u billowday xiisad xoogan oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa Taiwan, oo ay ku doodo inay tahay qeyb ka tirsan dhul-weynaheeda, halka ay iyaduna taasi badalkeeda ku andacooneyso.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay baraha bulshada ku baahinayay hadalo u muuqday kuwo uu ku durayo Taiwan, isla markaana meesha ka saareysa madax-banaanida ay sheegato.

Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Taiwan oo sheegata inay hore uga go’day Shiinaha ay weligeedba ka sii mid ahaan doonto, ayna si adag u ilaalin doonaan madax-banaanida dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna meesha ka saaray in Shiinuhu duulaan uu ku yahay dalalka xiriirka la sameystay Taiwan, balse uusan aqbali doonin in dhul-weynihiisa la kala gooyo, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu lumiyo taako dhulkiisa kamid ah.

“Shiinaha ma weerari doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro. Ma dhiiri-geliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo. Madax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina ma lumin doono Taako dhul ah” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu qoraal kale oo uu baahiyey ku yiri “Shiinaha wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000-kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka Shiinaha 5000-kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaa dhulka Shiinaha illaa dunida la rogo”.

“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka go’do dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran”.

Xiisada Taiwan iyo Shiinaha ayaa sarre usii kacday, kadib markii Taiwan ay xiriir diblumaasiyadeed ay la sameysatay Somaliland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku doodo inuu ka go’ay, isla markaana yahay dal madax-banaan.

Ganacsato Somali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika + magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu geystay dalkaasi.

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay deegaanka Cosmos oo ka tirsan Johannesburg.

Burcadda hubeysan oo goobta isaga baxsatay ayaa halkaasi ku dilay labo muwaadin oo Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen ganacsatada kale ee ku sugan halkaasi.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankan dhaawac halis ah ugu geystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dalka Koonfur Afrika ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen weerarkaasi.

Inta badan Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa dil, dhaawac iyo boob hantiyeed kala kulma kooxo burcad oo ah ku sugan gudaha wadankaasi.

Madaxweynaha Somalia oo war ka soo saaray dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xun-tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac & iyo burbur aad u xoog badan.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.

Ugu dambeyn madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa u rajeeyey dowladda Turkiga inay Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.6 ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 26 ruux iyo dhaawaca boqolaal kale

Kenya oo xukuntay rag loo heysto weerarkii Westgate

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Nairobi ayaa ku dhowaaqday go’aanka kama dambeysta ah rag loo heystay inay fududeeyeen weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate Mall, kaas oo ay sanadkii 2013-kii Nairobi ka fulisay kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labo ka mid ah ragga lagu eedeeyey weerarkan lagu helay inay kaalin ku lahaayeen weerarkaasi oo ay ku dhinteen illaa 67 qof

Garsooraha maxkamadda Francis Andayi ayaa shaaciyey in labadaan nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa  lagu kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah, kaas oo ay ku muteysteen  taageerada ay siiyeen Al-Shabaab.

Andayi ayaa sidoo kale shaaciyey in xukunada lagu ridday raggaasi laga jari mudada 7-ada sano ah ee ay ku jireen xabsiga.

Sidoo kale dhowaan ayey maxkamaddu sii deysay Liibaan Cabdullah Cumar oo ay maxkamaddu shaacisay in lagu waayey wax dambi ah, balse waxaa ninkaasi markii xabsiga laga siiyey afduubtay dabley hubeysan oo wadada u galay inta uusan gurigiisa gaarin.

Si kastaba, xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarkii Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

DF oo shaacisay xilliga lagu dhawaaqayo guddiyada doorashooyinka dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaacisay xiliga la filayo in lagu dhawaaqo guddi doorashada oo qeyb ka ahaa go’aanadii shirkii Muqdisho, isla markaana ay soo wada xulayeen dowladda federaalka iyo maamulada dalka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in bisha November oo ay naga xigto hal maalin ay guddo geli doonaan dhameystirka guddiyada doorashada, taasi oo ka dhigan in bilowga bishaasi lagu dhawaaqayo guddigaasi.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inay weli jiraan qaar kamid ah Maamul goboleedyada oo aan soo gudbin xubnaha ku matalaya guddiyada heer dowlad goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dib u dhaca ku yimid dhameystirka guddigaasi ay tahay mid farsamo, maadama heshiiskii doorashada ee la gaaray uu qorshuhu ahaa in 10-ka bisha Octoober la dhameystiro guddigaasi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda dhankeeda ay diyaar ka yihiin xubnaha guddigaasi ku mateli lahaa, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan ay dhameystiri doonaan guddigaasi oo qeyb ka ahaa heshiiskii doorashada ee lagu garay Muqdisho.

Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay dalka TURKIGA

Izmir (Caasimada Online) – Dhul-gariir xooggan ayaa maanta ku dhuftay badda Aegean-ka, waxaana laga dareemay dalalka Turkey iyo Greece, ayada oo dhismooyin badan ay ku burbureen magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada loo dalxiiska tago ee Izmir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal, kadib markii uu ka dhacay dhul-gariir cabirkiisa lagu sheegay 7.0.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa twitter ku sheegay in lix dhisme ay ku burbureen laba degmo oo ka tirsan gobolka Izmir. Hase yeehsee, duqa magaalada Izmir ayaa tirada dhismooyinka burburay ku sheegay inay ku dhow yihiin 20.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare nafeed oo xooggan, balse weli ma cadda heerka uu la eg yahay.

Suleyman Soylu waxa uu sheegay inaan wax khasaare ah laga soo sheegin lix gobol oo kale oo laga dareemay dhul-gariirka, balse ay jireen guryo dhowr ah oo qirir yar uu gaaray.

Ali Yerlikaya, oo ah barasaabka Istanbul, halkaasi oo sidoo kale laga dareemay dhul-gariirka, ayaa isna sheegay in wax khasaare ah aan lasoo werin.

Dhanka kale, dadka degan Jasiiradda Samos ee dalka Greece, halkaasi oo ay ku nool yihiin qiyaastii 45,000 oo qof ayaa lagu booriyey inay ka fogaadaan xeebaha.

Wararka ayaa sheegaya in hirar waa weyn laga dareemay badda, lgana cabsi qabo in dhul-gariirkan uu yahay tsunami.

Axmadey Siidow Cisman oo maanta lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimada lagu dilay Oday ganacsade ahaa oo sidoo kalena Guddoomiye ka ahaa hay’ad maxali ah oo ka howl-gasha dalka.

Dabley ku hubeysneyd baastoolado ayaa toogtay ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Axmaday Siidow Cismaan, oo xiligaasi uu ku sugnaa goob uu ku dhacayay Meher oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Axmaday ayaa guddoomiye ka ahaa Hay’ad lagu magacaabo B.O.D oo maxaliya, isagoo sidoo kalena ahaa ganacsade caan ah, sida ay dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Raggii fuliyey dilkan ayaa iskaga baxsaday goobta, iyada oo halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda oo howl-galo lagu baadi-goobayo dableydaasi ka bilaabay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo duleedka Muqdisho.

Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan iyo sababta ka dambeysay, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay duleedka Muqdisho kusoo badanayeen dilalka noocan ah.

Si kastaba, Dilalka qorsheysan ee noocan ah ayaa inta badan waxa gudaha Soomaaliya ka fuliya dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo inta badan ka hadalkooda ay ka gaabsato dowladdu.

Khadiija iyo Mahad Cawad oo lagu eedeeyey inay guri ka haystaan ilmaha Jeneral Maxamed Abshir Muuse

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo ku xigeenka afhayeenka golaha shacabka ayaa lagu eedeeyay iney xoog ku heystaan guri ilmo agoon ah ay leeyahiin sida laga soo xigtay ehelada qoyska.

Khadiija Maxamed Diiriye waxaa lagu eedeeyay iney gurigaas kiro ku daganeyd kaliyana ay bixisay sanadkii ugu horreeyay ee 2013 ilaa 2014, balse wixii ka dambeeyay wey diiday iney bixiso sida ay sheegeen qoyska leh guriga.

Wasiiradda waxaa la sheegay iney daganeyd gurigaan xilligii ay aheyd Wasiirka Haweenka kadibna waxey ku wareejisay Mahad Cawad, qoyska leh gurigaan oo ku kala nool qurbaha iyo Puntland ayaa cabasho gudbiyay.

Guriga waxaa la sheegay iney leeyahiin qoyska taliyihii ugu horreeyay Bileyska Soomaaliya Maxamed Abshir Muuse, wiilkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan qoyska ayaa warbaahinta maxaliga ah uga warramay sida ay wax u jiraan.

Qoyska waxey soo bandhigeen cadeynta dukumiintiyadii guriga looga kireeyay Khadiija Maxamed Diiriye, waxeyna sidoo kale sheegeen iney xitaa u diiday iney soo booqdaan gurigooda iyadoo adeegsaneysa awoodda dowladda.

Waxyaabaha kale ee eedaha kiiskaan la xiriira waxaa ka mid ah in wasiiradda ay diiday dhawr jeer oo looga wacay maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegeen ehelada qoyska guriga leh.

Dowladda Turkiga oo ballan-qaad culus u sameeysay shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya ee Mehmet Yilmaz, waxeyna labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Dowladda Turkiga waxey ballan qaaday iney sii xoojin doonto taageerada aan shuruudda ku xirneyn oo ay la garab taagan yahiin Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yahiin shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay ineysan marnaba iloobi doonin abaalka ay dowladda Turkiga u gashay shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay qeyb weyn uga qaateen hormarka Dowladda.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka labada masuul wuxuu kusoo aaday xilli shaki la galiyay mustaqbalka xiriirka labada dhinac maadaama sanadahii dambe ay dowladaha carabta galaangal fiican ku yeesheen siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la galayaa wakhtiga doorashada, iyadoo la filayo in faragalin dowladaha carbeed ah ay timaado iyadoo aan wali la ogeyn saameynta ay Turkiga ku leeyahiin walow ay kaalin muhiim ah ku leeyahiin ilaha dhaqaalaha dalka.

Muuse Biixi: Soomaalinimo ma diidanin balse waxaan kasoo horjeednaa jujuubka siyaasadeed

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha siyaasadeed & wada-hadalka Dowladda Federaalka ay la yeesheen.

Waxa uu sheegay in aysan diidaneen Soomaalinimo, isla markaana ay qayb ka yihiin Soomaaliweyn, balse ay kasoo horjeedaan in lagu jujuubo (Af-qabto) marka laga hadlayo dhanka Siyaasadda.

Muuse Biixi ayaa sheegay in wax waliba oo dhaca in aysan meesha ka saareyn Soomaalinimada oo ah mid ka dhaxeysa Shanta qaybood, balse lagu kala duwan yahay dhacdooyinkii dhicay & sada looga falceliyay.

“Marka la yiraahdo dadka Somaliland waxa ay diidan yihiin Soomaalinimo waa Xaashaa kallaah, Soomaalinimo waan ku faanaa, waan ka dhalanay, laf & dhiig ayaan ka nahay, waana jecel nahay in ay wax qabsato oo horumar gaarto, balse waxa xun ayaa ah in la dhaho waxa aad tihiin labo Gobol waana ku qasban tihiin in aad u hoggaansanaataan wax waliba” Sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi Cabdi.

Waa uu sii hadlay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uuna sheegay in aysan qaban hadallada qaar ah ee Siyaasadeysan oo uu ku tilmaamay kuwo wax sii kala fogeynaya halkii laga raadin lahaa xalka wanaagsan.

Doorashada Soomaaliya ma saamayn doontaa xiriirka TURKIGA iyo Soomaaliya?

Ka dib markii uu fashilmay hiigsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku doonayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, dalka waxuu u jihaystay doorasho (xulasho) aan wax badan ka duwanayn tii 2016, taas oo ku suntanayd musuq iyo awood maroorsi!

Walaaca shacabka Soomaaliyeed ay qabaan ayaa ah faraggelinta shisheeye xilliga doorashooyinka. Haddaba waa maxay sababta dowladaha qaar ay u faraggeliyaan doorashooyinka dalal kale?

Barre Dov H. Levin oo wax ka dhiga Jaamacada Hong Kong ayaa ku doodaya in faraggelintu dhacdo marka ay labo xaaladood isku mar kulmaan: (1) Awood shisheeye oo si qoto dheer u cabsi gelisa musharrax ama xisbi ku tartamaya doorasho leh “kala-doorbidyo” aad u kala duwan oo aan ahayn kan ay iyagu leeyihiin; iyo (2) Jiritaanka jilaa kale oo maxalli ah oo ka jiraa waddankaas, oo oggolaaday inuu la heshiiyo faraggeliyaha shisheeye.  Jilayaashan maxalliga waxay oggol yihiin inay faraggeliyaha siiyaan xog siyaasadeed oo uu u baahan yahay si uu fursad ugu helo ku guuleysiga hawshaas (USAToday 7/09/2020).

Dalalka soo koraya, ayna ka jirto furfurnaanta siyaasadda iyo nidaamka xisbiyada badan, isla-markaasna leh khayraad dabiici ah, amase ku yaalla marinnadda muhiimka u ah ganacsiga iyo tamarta caalamka (Istratiiji ah), waxaa aalaaba ku baratama quwadaha xoog milateri iyo awood dhaqaale ugu tunka weyn adduunka.

Sida laga soo xigtay xog ururin uu sameeyey Barre Sare Dov Levin, dalka Maraykanka waxuu isku dayay inuu faraggeliyo 81 dal madaxtooyo doorasho muddadii u dhaxaysay 1946 ilaa 2000. Halka Dalka Ruushka uu isku dayay inuu wareejiyo 36 dal doorasho, laga soo bilaabo dhammaadkii Dagaalkii 2aad ee Adduunka – taasoo ka dhigan, in wadar ahaan ugu yaraan mid ka mid ah labada quwadood ee waaweyn ee qarnigii 20aad uu soo faraggeliyeen ku dhawaad 1 ka mid ah 9-kii tartanba, heerka fulinta waqtigaas.  Tiradaas oo uu soo bandhigay Mr. Dov Levin kuma jirto afgembiyada milateri ay ku lug lahaayeen quwadaha waaweyn (Los Angeles Times Dec 21, 2016).

Dumistii dowladii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaa ka dhashay barakac baahsan, macaluul aad u xun iyo kooxo diimeedyo hubaysan. Saddexdaan xaaladood dartood, Soomaaliya waxay “martiggelisay” faraggelin shisheeye oo wadata sharciyada QM!

Dowladaha faraggelinta ku sameeya Soomaaliya waxay wada xaqiijinayeen danaha ammaankooda iyo dhaqaale. Balse waxay ku kala geddisan yihiin wadiiqooyinka ay u marayaan, kuwaasoo kala qaaday labo dhabbo: (b) Kuwo u arkay inay dantooda ku xaqiijin karaan Soomaaliya oo leh dowlad nugul (maamul, & ciidanba), iyo (t) Qaar aaminsan inay dantooda ku xaqiijin karaan Soomaaliya oo leh dowlad ay xoog badan yihiin hay’adaheeda dastuuriga, lehna cudud ciidan.

Faraggelinta ugu khatarta badan waxay ka kala imanaysaa dowladaha deriska iyo kuwa Khaliijka Carabata! Imaaraadka Carabta waxuu danaynayaa inuu si xaraash ah ku hantiyo dakadaha dalka, halka Kenya ay rabto inay si sharci-darro ah ku milkiso qayb ka mid ah badda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan, in Itoobbiya uu hunguri kaga jiro inay Soomaaliya la saxiixato heshiis aan dheeli-tirnayn si ay uga faa’iidaysato dekedaha Soomaaliya. 

Dalka Qadar oo si weyn ay isu hayaan isbahaysi Carbeed oo ay hoggaaminayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku loollamay siyaasadda Soomaaliya. Balse ilaa iyo hadda ma cadda dano muuqda oo uu dalka Qadar ka leeyahay Soomaaliya, marka laga reebo inuu si xor ah u isticmaalayo “Air space” ka Soomaaliya, si aysan u saamayn cunaqabataynta ay saareen Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Turkiga waxuu Soomaaliya u soo birmaday xilli dadka Soomaaliyeed quus ay joogaan, gacan furnaantiisa iyo taageeradiisa aan shuruuda ku xirnayn waxuu ku kasbaday quluubta milaayiin Soomaali ah. Waana dalka keliya ay dadaalladiisa dib-u-dhiska si cad looga dareemayo dhinacyada, ciidanka, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha – taasoo ka dhigan in Turkiga yahay dal doonayo inuu la yeesho dalka kale xiriir ku dhisan sinnaan iyo iskaashi oo ka fog wiiqid iyo  ka faa’idaysiga tabardarrada dalka kale.

Waxgarad badan ayaa rumaysan, in doorashada nagu soo aaddan si weyn ugu hardami doonaan Qadar iyo Imaaraadka oo kaashanaya Kenya. Waxaa la saadaalinayaa in dhaqaale xoog badan la adeegsan doono si codadka loo gato.

Haddii doorashada madaxtooyada Soomaaliya ay ku guulaystaan Jilayaasha jaalka la ah Imaaraadka Carabta iyo Kenya, waxaan shaki ku jirin inuu dhaawac weyn soo gaarayo xiriirka waxtarka leh ay dadka Soomaaliyeed la leeyihiin dalka Turkiga, maadaama Imaaraadka Carabta iyo Kenya aysan dantooda ku jirin xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxaa xusid mudan, in sanadkii 2016 markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiran ay saamaysay xiriirka Soomaaliya iyo Iiraan. Sida ku cad dokumenti ay aragtay Wakaalada Wararka ee Reuters “Soomaaliya ayaa 50 milyan oo doolar ka heshay Sacuudi Carabiya bishan ay u jareen xiriirka Iiraan” (Reuters 17/01/2016).

Soomaaliya waxaa ragaadiyay faraggelin shisheeye oo adeegsanaysa dabaqadda siyaasiyiinta soomaaliyeed oo u badan danaeystayaal  ka hormarinayo danahoda gaarka ah kuwa qaranka iyo shacbiga, sidaas daraddeedna u bareeraya u adeegidda faraggelinta shisheeye oo masiirka dalka ku leh saameyn aad halis u ah. Dhanka kale, waxay u muuqataa in shacabka Soomaaliyeed uusan ku baraarugsanayn saamaynta ay ku yeelan karto jiritaanka Soomaaliya. Weyna adagg tahay in laga baxo ilaa ay shacabka garwaaqsadaan inay yihiin awooda dhabta ah.

“Awoodda dadka ayaa aad uga xoog badan dadka xukunka haya” waxaa sidaas yiri Faylasuufka Weal Ghonin.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid 

Maxay dowladda Turkey ka tiri weerarkii Faransiiska lagu qaaday kadib gefkii ay u gaysteen Nebiga NNKH?

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga, oo dhowaanahan xiriir aan wanaagsanayn la lahayd dowladda Faransiiska, ayaa cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Weerarkaas oo toorrey loo adeegsaday ayaa lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay.

Labadan qof ayaa kala ahaa haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheegayaan.

Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhoweyd goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay.

Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid “wuxuushnimo ah” oo aan la aqbali karin waxayna sheegtay inay sida ugu xooggan u cambaareyneyso.

Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan ka carootay hadallo ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, kaas oo ka dhan ahaa “diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH”.

Faransiiska iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiisad xooggan kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan u uku baaqay in “maskaxda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka.

Macron ayaa ka carreysiiyey Muslimiinta kadib markii uu cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

Axmed Madobe oo shuruud ku xiray inuu magacaabo xubnaha Jubaland ee guddiyada doorashada

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, uu diiday inuu soo magacaabo xubnaha afarta ah ee Maamulka Jubaland uga mid noqonayo, guddiyada doorashada iyo xilinta khilaafaad ee doorashada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Villa Somalia u sheegay in Jubaland aysan ka qeyb qaadan doonin doorashada Soomaaliya ilaa Gedo laga soo saaro ciidanka dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiskiisa.

Maamulka Jubaland ayaa diidan in ay dhacdo doorashada Soomaaliya ilaa ay dowladda ciidankeeda kala baxdo Gedo oo ay ku sugnaayeen bilooyinkii la soo dhaafay.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Gedo islamarkaana Axmed Madoobe taageersanaa, dagaal siyaasadeed oo weynna la galay Madaxweyne Farmaajo, ay Axmed Madoobe ku dhaliileen inuu soo dhiciyay kuraasta Xildhibaanada beeshiisa ee u halgamay halka kuwii kale Farmaajo qoyskiisa ahaa islamarkaana isaga xigsaday uu dayacay waxeyna arrintaas keentay in Axmed Madoobe adkeeyo fulinta doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in Jubaland ay gudbisay xubnaha guddiga balse lagu soo celiyay kadib markii ay dhamaantood ka dhigtay islamarkaana ay ka gudubtay qoondada dumarka oo hore loogu heshiiyay.

Lama oga sida uu ka dambeen doono xiriirka sii xumanayo ee Jubaland iyo Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan arrimaha gobalka Gedo.

Xog: Qaabka Shabaab ula macaamisho shaqsiyaadka diida bixinta canshuurta

Muqdisho (Caasimada Online) –  Al-Shabaab ayaa inta badan canshuuro xad dhaafa ka qaada bulshada Soomaaliyeed, iyada oo shaqsiyaadka ka madax adeyga ama diida canshuurtaasi marsiisa ciqaab adag, sida dhawaan lagu baahiyey warbixin dheer oo uu soo saaray Machadka HIRAAL ee darasaadka amniga.

Shakhsiyaadka diida bixinta canshuurta Shabaabka ayaa gebi ahaanba waxa lagu qasbaa inay xiraan ganacsiyadooda ama ka baxsadaan dalka, iyaga oo badalaya dhamaan cinwaanadii lagala soo xiriiray, si ay u bad-baadsadaan naftooda.

Sidoo kale waxay kooxdu ku ciqaabta shaqsiyaadka ka hor-yimaada bixinta canshuurahooda inay ku fuliso qorshe dil toogasho ah, kaasi oo ay u fuliyaan dagaalyahanado daacad u ah saraakiisha qaabilsan aruurinta canshuuraha.

Mararka qaar waxa dhacda in Al-Shabaab ku qasabto ganacsiyada inay bixiyaan cashuurihii sanado tegay oo aanu ganacsigu u diiwaan-gashanayn kooxda, iyada oo ganacsiyada hadda la diiwaan-galiyayna lagu qasbo inay bixiyaan cashuuraha sanadkan iyo tii kii tegay, sida lagu sheegay warbixinta Machadka HIRAAL.

Inta badan ciqaabta adag ee ka dhalata diidmada bixinta canshuuraha Shabaabka ayaa horseeda in ganacsatadu ku qasbanaadaan bixinta lacagahaasi baada ah, iyaga oo u arka in dantooda iyo amnigoodu ku jiro bixinta canshuurta ay rabto kooxdaasi.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxay daaha ka rogtay inay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda, kuwaasi oo Shabaabka siiya qayb ka mid ah mushaharkooda si aysan kooxdu u bartilmaameedsan.

Waxaana ugu dambeyntii lagu sheegay warbixintaasi in kooxdu ay lacag diiwaan-gelin ah ka qaado saraakiisha dowladda hoose markasta oo ay diiwaan-geliyaan boosas dhul ah, taasi oo xadigeeda lagu sheegay $1000.

Dowladda UK oo war kasoo saartay lacagta Shabaab ay ka qaadaan ganacsatada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa walaac xoogan ka muujisay canshuuraha xad dhaafka ah ee kooxda Al-Shabaab ay ka qaado ganacsatada Muqdisho iyo guud ahaan kuwa Soomaaliya kaasi oo ay u adeegsato falalka argagixiso ee gudaha dalka.

Ergayga UK ee Qaramada Midoobay, Jonathan Allen ayaa sheegay in halis badan ay ka muuqato warbixinta guddiga amniga ee QM ka diyaariyeen Soomaaliya, gaar ahaan qaabka dakhliga ku hesho Shabaab, kaasi oo farta ku fiiqaya awooda kooxda.

Jonathan ayaa xusay in arrintaasi ay qeyb ka tahay caqabadaha culus ee weli ka jira Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan horumar laga sameeyay dhinacyo badan, wuxuuna yiri “Waxaan u baahanahay in aan taageerno Soomaaliya oo aan si wada-jir ah uga shaqeyno la dirirka Al-Shabaab”

Warbixinta QM ee dhawaan lagu soo bandhigay shir uu yeeshay golaha amaanka, ayaa daaha ka rogeysay in Shabaab ay 21-milyan ka hesho sanadkii canshuuro ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsatada magaalooyinka.

Waa arrin halisteeda leh in Shabaab ay canshuur ka qaado ilaha dhaqaalaha ee dalka, taasi oo la rumeysan yahay inay horseed u tahay amni darada ka jirta caasimada iyo gudaha Soomaaliya.

Ma jirto jawaab rasmi ah oo ay dowladda ka bixisay warbixinta QM ku soo bandhigayso dhaqaalaha ay kooxdaasi ka aruuriso dekeddda iyo ilaha dhaqaale ee dalka, marka laga reebo inay hore u sheegtay inay isha ku hayso arrintaasi, inkasta oo ay muuqato inay ku guul-dareysatay wax ka qabashadeeda.

MAREYKANKA oo ka digay weerar ku wajahan Riyadh

Riyadh (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay weeraro lala beegsan karo magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, xilli boqortooyada ay dhexda ka qabatay gantaallo iyo diyaarado drone ah oo ay soo direen kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Xuutiyiinta xiriirka la leh Iran ayaa bilihii tegay sare u qaaday weerarada ay la beegsadaan Sacuudiga, gaar ahaan gobollada Koonfureed ee ku teedsan xuduudda Yemen.

Safaaradda Mareykanka ee Riyadh ayaa muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan caasimadda uga digtay “inay feejignaadaan oo ay qaataan taxaddarada lagama maarmaanka ah.”

“Safaaradda waxay isha ku haysa warbixino sheegaya gantaallo iyo diyaarado drone ah oo laga yaabo inay kusoo wajahan yihiin Riyadh,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay website-keeda, ayada oo aan bixin wax faahfaahin ah.

Xuutiyiinta ayaa horey u beegsaday Riyadh ayaga oo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado drone ah, halka isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen ay sheegeen inay inta badan dhexda ka qabteen.

Riyadh ayaa 700 oo km waqooyi kaga beegan xuduudda Yemen.

Saacado kadib qoraalka safaaradda, isbaheysiga ayaa sheegay inay dhexda ka qabteen lix diyaarado drone ah oo ay ka buuxaan bamooyin kuwaasi oo ay soo direen Xuutiyiinta.

Lama shaacin bartilmaameedka diyaaradahaas.

Lafta-gareen oo odayaasha dhaqanka siiyey digniin la xiriirta xildhibaanada cusub

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed, oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee degaanada Koonfur Galbeed, ayaa kala hadlay arrimo quseeyo xaaladda doorashada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa dhacay 23-kii bishaan oo ku beegneed Jimcihii hore waxaana hadda la helay hadal kulul oo isugu jira digniin iyo wargelin oo la siiyay Odayaasha Koonfur Galbeed isagoo kulankaas kadibna usoo safray Muqdisho.

Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in aysan aqbali doonin Koonfur Galbeed in uu tartan ka galo Xildhibaan Mucaarad ah.

“Waa muhiim inaa la socotaan xaaladda dhabta ah ee dalka, Koonfur Galbeed mucaarad waxba uma galo mana rabno inaa soo saarno qof muaacarad ah oo aan faa’iido noo laheyn xataa ma rabno inuu tartan soo galo iskaba daa inuu guuleystee,” ayuu Lafta-gareen ku yiri Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, sida aan ka soo xiganay odayaal ka tirsan kuwii kulanka ka qeyb galay.

“Aad ayaa idin xushmeeyaa, iima keeni kartaan qof mucaarad ah xataa haddii uu wiilkiina yahay haddii aad isku daydaan sidii mid kamid ah dhaqankiina ayuu maamulka go’aan idinka qaadan doonaa, liiska dhaqanka qof u qalma oo nala shaqeen kara ayaa keeni doonaa,” ayuu sidoo kale ka hor sheegay Madaxweyne Lafta-gareen.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed,  waxaana sidoo kale la sheegay In looga hanjabay xarig haddii ay warbaahinta ka hadlaan ama ay xogtaan bixiyaan. Hadal heynta ugu weyn ee odayaasha dhaxdooda ayey arrintaan noqotay inkastoo aysan ka hadli karin.

Qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah oo la weeraray

Jeddah (Caasimada Online) – Ayada oo maanta weerar lagu dilay saddex qof, oo mid ka mid ah la gowracay, laga fuliyey magaalada Nice ee dalka Faransiiska, ayaa weerar kale lala beegsaday qunsuliyadda France ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah, wuxuuna halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah waardiyeyaasha.

AFP waxay sheegtay in dhacdadaas oo maanta ahayd ay xaqiijiyeen saraakiisha Sacuudiga.

Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maamulka Faransiiska ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay: “Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters.

Booliska Gobolka Makah oo Jeddah ay ka tirsan tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhalashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyadh waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay “si wayn u feejignaadaan”, AFP ayaa sidaa ku warrantay.

Dalka Faransiiska wuxuu wajahayaa car xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH.

Yuusuf Dabageed oo si kale u dhigay xiisada HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay khilaaf xoogan ka jiray Dhismaha maamulka HirShabeelle, kaasi oo ka dhashay isbedel deg-deg ah oo la rabo in lagu sameeyo hogaanka sarre ee maamulkaasi, taasi oo saameyn weyn ku yeelaneysa xilalkii ay beeluhu ku lahaayeen maamulka.

Guuxa khilaafkaasi oo ka taagna Jowhar ayaa Siyaasiyiinta qaar soo warinayaan in la damiyay, halka kuwa kale ay ku doodayaan midaasi badalkeeda, taasi oo jahwareer cusub u horseedaysa dhismaha HirShabeelle.

Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, ayaa hadda isku dayaya inuu daboolo xiisadda dhismaha maamulkaas ka taagan, isaga oo sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah

Waxa uu yiri inuusan jirin khilaaf hor istaagaya dhismaha maamulka, xili dhawaan lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi.

Daba-geed ayaa warbaahinta u sheegay in xiligan uusan jirin khilaaf, isla markaana dhawaan si toos ah loo gudo geli doono doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynahaba.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada cusub la dhaarinayo, xili uu jiro guux iyo cabasho ay qabaan beelaha qaar, halka ay soo xulistooda ay dibad joog ka aheyd dowladda federaalku.

Si kastaba, Daba-geed iyo siyaasiyiin ku aragti ah ayaa qaba in dhismaha maamulka HirShabeelle uu u socdo si habsami leh, halka siyaasiyiin kale ay qabaan in si aan habooneyn wax loo maamulay, iyada oo ay soo baxeyso cabashada beelaha qaar oo xaalad cakiran galineysa dhismaha maamulkaasi.

Hoos ka dhageyso codka Dabageed

Daawo: Golaha wasiirada oo ansixiyey miisaaniyadii ugu badneyd oo ku dhow bilyan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah, Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.

Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.

1. Caafimaadka
2. Waxbarashada
3. Ka hortagga fatahaadaha
4. Cadaaladda iyo garsoorka
5. Dib u dhiska waddooyinka
6. Dastuurka

Caasimada Online ayaa ogaatay in qeyb badan oo ka mid ah lacagtaas lagu fulin doono doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan ee isugu jira xildhibaanada Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo xilka madaxweynaha.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar, siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen.

Hoos ka daaawo muuqaalka shirka